Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Gabay Hiil Hooyo

$
0
0

HIIL HOOYO IYO HABLAHA CIIDAGALE

Gabaygan waxaa Tiriyay Abwaan Ahmed yuusu Xasan oo ku Magac dheer ( Habaryaro) ujeeda uu tiriyayna waxay ka dhalatay kadib markii uu nin wasiir ah ooh ore buugaagta u qori jiray uu mid ka mid ka mid ahaa buugaagtii uu qoray , uu kusoo qaatay Gabay Aflogaadaynaya Hablaha Beesha Ciide gale , Taasi oo aan u arkay inay gef iyo meel ka dhac ku tahay sharafta hablaha ciida gale iyo Hablaha Somaliland ba .
Dhaqan ka somalida waa ka xaaraan in Hablaha la aflagaadeeyo waayo waa Bir ma gaydo oo ceeb malaha . Markaa waxaan Idhi

Hooyaalaydu gabayga way uguhoraysaaye
waa hadal rag wadaleeyahoo lagu hadaaqaaye
hayeeshee anigoo yarbaan haybad kulahaaye
inkastoon kahadho igama lumo hilimadiisiiye
hadba aniga oo daayeybay wax ihujuumaane
balaan hidiyo caaway murtidu hooy ileedahaye
layskama hadlee arartu waa hogotusaalayne
halyeeygii salaan baa murtida heersare ahaaye
haadaaqsi gabay waa ninkii heelka soodhigay
hooyaalay gabay timacadaa haybad kulahaaye
hadraawi iyo gaariyana waalama hilmaamaane
ganaybaa halku kaga dhufto holac kaduulaaye
jadayrbaan halkuu dhigay cidina haybsan karahayne
habka gole kafuul faaraxbaa hoodo ulahaaye
hadalkii afoobaa nafluhu kuba hadaaqaaye
haabiil warkii sii ayaan siihayaa waliye
halkoodii magaadhsiinkaree waan higsanayaaye
afartaa intaan hada kadayey hilin maqaad siiyey
mahabeey baydgaabku wuu kala haleeyaaye
waa hibo ilaah laga heloo aan cid kale hayne
caawana hiyiba waa hiyiye aan faraska heenseeyo
cadhuubaan hafanayaa oo waxbaysoo haraaciyaye
halka ii danqanaysaana waa halisti waynayde
hadal qadafa hadii aan maqlaa wadnuhu haw ileeyahaye
hiilbaan u.ahayoo walaan agtayda haad ku cunahayne
hablaha ciida gale saw hibiyo heego wadamaaha
saw kuwaa hayiin iyo dayiin lahigsadaa maaha
saw kuwaa ninkii hoy lagalay kuba hodmaa maaha
saw kuwaan halyeeyaday dhaleen haakah nidhimaaha
sawkuwaa ninkii helaa uu yahay heerkasare maaha
huuraale hadalkii adtidhi hibasho wayn reebye
habilaawe saw ninkaa habaryati haad uwadhay
maaha hidabi.iyo saw ninkaa hoobkadhay maaha
afartaa in taan hada ka dayey hilin maqaad siiyey
mahabeeyey baydgaabku wuu kala haleeyaaye
waa hibo ilaah lagaheloo aan cidkale hayne
caawana hiyiba waa hiyiye aan faraska heenseeyo
hablahaaga iyo hooyadaa laga mataaleye
inaad hooritay lama ogayn haatan kahoroowe
maxaa ceebta hoostaada taal hadhiye kuu geeyey
waatii inoo hiilisoo hooyo waa dahabe
habdhabo oo hawl hasheegan buu ahaa hadal adeediiye
hubay inoo yihiin oo ninkaan hayn haybad lagaroone
mahankaagtay waar maxaa hibada kaaqaaday
waxba yaanu hawd iilakicin haadka aanmaraye
hadaliyo dhamaantii waxaan haatan ku afmeeray
ways huran yiin doqonta iyo meesha halistii
ways huranyihiin doqonta iyo hilinka ceebeede
Ceebaysay Sharaftay Lahaan Jireen Odoyadaadiiye

Wabilaahi Tawfiiq
063 4103598
Axmed Yuusuf Xasan ( Habaryaro)


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>