Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Dibada Oo Sabab u Noqday Khilaaf Isaga iyo Wasiirka Ka Dhex Qarxay.
Qormadii 1aad
Hadii lagu odhan laha isbarbar dhig ku samee gaadhi wayn oo waarad ah iyo taxi nuuca loo yaqaano dukhaan ee baryahan tanbe ku badan magalooyinka Somaliland siba magaladda Hargeisa,faraqa uu dhexeeya intuu leegyahay ayaad odhan lahaydeen.
Dhacdadani waxay ka jirta baryahanba wasaradda arrimaha dibadda Somaliland,
Waa khalaf ka jira wasaraddasi oo dhexeeya agaasimaha guud iyo wasaradda oo dhan sidaay kale bacooween ,wasiirka,wasiir ku xigeenka,iyo shaqaalah wasaradda isku dhinac ah, hadaba wattar iyo waaxiido kee waalan, idinka ayaa uu gar qaadi doona ka waalan ee aynu galno ujeededeena
Khibraad la’aanta agaasimaha guud ee wasaradda oo keentay maamul xuma isku qasan,musuqmaasuq,eex,nin jeclaysi,isfahmi waa,hanjabaad cidna aan loo abo yeelayn,cay,isqabqabsi,isjacburis,xiishood la’aan badan oo xaga agaasimaha ah.
Kadib markii dhawaan loo magacaabay wasaaradda arimaha dibadda maamul cusub dhamaanti oo ay ugu horeeyaan wasiirka arrimaha dibadda mr.Maxamed Biixi Yoonis iyo mr.Maxamed Xassan
Oo horaanti dhawr bil ka hor kadib markii joogoyinkii laga badalay labadii nin ee xilka ka hayay wasaradda oo kala ahaa labadii nin ee inta badan miidhyaha (media) aynu ka maqali jirnay sida Dr.Maxamed C/laahi Cumar iyo Faysal Cali Sheekh oo loo badalay wasaraddaha kala ah taa ganacsiga iyo maal galiinta caalamiga ah iyo taa kale ee Boostada iyo is gaadhsiinta marka hore wasaaradu waxay ahayd mid isku dheeli tiran imika waxaa jira isfahmi waa wayn oo dhexeeya wasiirka cusub Dr.Maxamed Biixi Yoonis iyo agaasimaha guud ee wasaradda Mr.Maxamed Xassan sababtuna waxaa weeyi waa gaaf iyo kala dheeri, bal horta wax yar aynu ka taabano siday kale yihiin labadan shakhsi.
Ugu horayn wasiirka arrimaha dibada mr. Maxamed Biixi waa nin wayn wayo aragnimo badan leh oo in mudo ahayd lasoo sheeqeeyay hay’adaha jimciyadda quurumaha ka dhaxaysa oo jagooyin sare kasoo qabtay sanado badan oo in 40 sano ah dalkan ka maqna aqoonyahan balse aan siyaasi ahayn dal soomaliyeed aan ka soo shaqayn, sida uu shuqul somaaliga uu fahmi karana ay adagtahay .
Kadibna ah maanta wasiirka arrimaha dibada Somaliland, hadaba waa sidee shaqadiisu uu ka hayo xafiiska hawshii loo igmaday,iswadiintu muxu wasiirku shaqada meesha ka socoda uu fahmi layahay ma wiilka agaasimaha iyo ku xigeenka ayu farah uga qaaday miya,muxuu gaasimaha talaabo uga qaadi wayay.
Hadaba siday uu socoda hawshu , waa su’aal dad badani ay is waydiin karan,mayahayi shaqsi la qabsan kara dadkan uu maamulo oo inta badan ah dad aan khibrad layahayn iyo ku musuqmaasuq hadheeyay qaar ka midi durba ay isku dayeen inay ka gaadhsiiyan inay wax musuqa’aan qaarna ay yidhahdan waxba nama fahmayo ee maskaxda ka qabsada si ay waxay doonayan ugu hir galo,beena ugu harqiyaan oo ay yidhahdan anaga wax ku tilmanayna wayo anaga dalkii joogna oo wax fahmayna ee sida ayaa wax la yidhahda .
Taasi waa ta keentay in uu wasiirku oo aad uga xanaqay sida uu dhaqmayo agaasimaha guud oo garan laa job descriptions kiisa markii uu wasiirku isku dayay dhawr koor in wax uu sheego waxay tahay shaqadiisu ama waajibaadkiisa shaqo, agaasimihuna uu ku kacan saydhay arinta ayadda ah,wuxuu igu jawaabay aniga waxba imaa sheegi kartid ee anigu waan aqaana shaqadayda,wasiirka laftiisu wuxu ku doodaya in aan loo diri Karin waftiga dalka imanaya iyo ajanabiga kale ee soo buuqanaya wasaradda arrimaha dibadda wayo wax aanu fahmayn luuqada ay ku hadlayan oo English language wayo isaka way ku adagtahay sida u u fahmi karo language diplomacy oo ah ka ay inta badan ay ku hadlaan wayo nin yar oo aan dhaqan dabadeed aan waxba ka arag oo sida somalida ayuu doonaya inay afsomali uu kala hadlo ama English jajab ah,sido kale wasiirka waxa uu yimadda kolba qof shaqaalah ah oo ka cabanaya agaasimaha guud ee wasaradda arrimaha dibadda s/land,mr.Maxamed Xassan,shaqaalaha laftoodu waxay leeyihiin sidan wasaaraddu kuma shaqayn karto hadii aan si dagdag ah wax looga qaban wayo mid kastoo shaqaalaha ka tirsani uu niyad jabsan yahay ,wararka qaar waxay leeyhiin wasiirku dacwad ka dhan ah ayuu doonaya in uu gudbiyo madaxdooyada s/land .taasi waa intii yarad ee wasiirka ku sabsanayd hadaba aynu eegno agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda s/land.
Agaasimaha guud waa kuma balse muxu amminsan yahay
Magaciisu waa Mr.Maxamed Xassan waa inan dhalinyaradda cusladay ah oo reer Hargeisa ah waa nin reer xero Awr iyo xafadda bebsiga ku noola dhigan jiray dugsiyadda sida dugsiga dhexe ee Axmed Dhax,dugsiga sare ee Faarax Oomaar,iyo jamacadda Hargeisa,wuxuu ku jiray ururada dhalinyaradda ee loo yaqaano NGO iyada siba urur yar oo la odhan jiray HYDA oo imika baba’ay kadibna Dallaadda ururada la baxaday ee SONYO ee laa assasay 2003 taasi oo uu ka bilabay qirada in kastoo rag ay saxiibo ay ahayeen ka dhigeen gudoomiye si ay ugu garacaan raga kale ay lolanka ay ku jireen wayo daha dabadeeda ayay soo fadheeyen halkana adu fashil badan ayaa ka yimid kadib xilkii ayaa laga qaaday wayo nin qarsan gara maha sirta, wayo nin hadal badan,waa nin hadalka ka adag lagiin hawshu ka dayacanto marku kula hadalayo waxaad moodaysa nin firfircoon( active) balse waxaasi waxaa ogaanaya uun raga lasoo sheeqeyay isaga intii ururka sonyo la odhan jiray qofkii kula jiray bariga uu ka xanaqaba agasimahan hada aynu warkiisi wadno.
Hadaba markii xukumadan kulmiye ay qabsaday dalka waxa ay horantii xilalka cusub ay ku gashay khaladado waawayn kaasi ayu ka mid ahaa khaladkii ugu wayna silanyo uu samayay wayo waxa kala gici gaadhay saxiibtinimadii dalka aynu jaarka nahay ee Eithiopia iyo Somaliland wayo qof kaste oo Somaliland wuxu ogyahay sida lagama marmaanka uu tahay in mandaqadani ay mihiim ugu tahay in uu saaxiib dalkani yari yeesho,taasina wax ay ahayd in mar uu safiiro uu magacabay madaxweynuhu in uu ka dhigay safiirka Somaliland ee Eithiopia balse mudo kadib ayaa la ogaaday cidu inu yahay Maxamed Xassan,halkana wax aka dhalatay fateexad wayn oo soo daristay wasaradda arrimaha dibadda s/land wayo safiirkan English lanuagekiisu lama fahmi karo wuxu ku hadlayaba way fahmi weyeen kadib waa kuwii Ethiopian ku waraaq digniin ah soo direen dawladda Somaliland in hadii ay qof hagagsan keeni wayaan in ay xafiskaba xidhi doonaan ama soo badalaan safiirkan aan waxba garanayn kadib waadi Somaliland ay shaqadii ka joojisay safiirkii ee la amaray in uu dalka dib ugu soo noqodo maxamed xassan markii danbe waadii la geeyaya Adan Nuux Dhuule ah suxufi wayn oo khibrad leh sidaana ku noqoday safiirka Somaliland ee Ethiopia.
Hadaba sheegatiisii kusoo noqo bal wuxu ka amminsanyahay xilka loo dhiibay sidu hadaba wiilkani wuxu amiinsanyahay inu gaadhay halkii ugu saraysay Anaya jirin qof ay isku ayni yihin oo soo gaadhi gara halka uu maanta joogo,inta badan marka uu la sheegaysanayo saaxiibadii wuxu yidhahda halkan waan ka dalici laha hadii reerkayaga wax loo ogalyahay.
Qaskan wuxu ogaa wadda meesha wuxu doonaya musmaasuqa uga faiidaysto wayo isle imika waxa lagu haya musuqmaasuq inta badan odhadka Somaliland masoo gaadho halkan wayo wuxu ka adagyahay wasaradd maliyadda iyo qaar yar yar un taasina waa ta samaxaysa in lagu tartamo kharashadka meesha yaala.
Dadka ku dhaw wuxu ku yidhahda meesha in aan xurdaysto ayaan doonaya oo wasiirku nin wax fahmaya maha oo waa carab yacno (cadnaan) ayu ujeeda waxaan ku idhahdo ayaan doona in aan mustaqbalka aan marsado oo imika waan ku tijaabiya oo malinba waxbaan isku daya,wuxu ku mahamaha rooma maalin laguma dhisin ee maalinba talaabo ayaan hore uu qaaday maxa yeelay wasiirku dalka uu ku cusub yahay waxna kama fahnsano dalka iyo dadkaba kolba waxbaan ula taga sida awgeed waa jaanis wayn ayuu ku yidhahda saxiibadii aan ka mid ahay .
Hadaba dawladdan kulmiye inay walaantahay waxa ku cadaynay bal nin safiir yar hayn gari wayay ayay hadana DG kadhigaysa waxaasi waa fadeexad kusoo socoda wasaradda arrimaha Dibadda S/land malin dhawna waad argi doontan fashilka halka kasoo socoda,mahmah somaliyeed ayaa tidhahda nin maqasha lagala quustay ayay geele uu diran.
Lasoco qormooyinka xiga
Diyaari Yousuf cali khayreh