Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Markhaatigiisa Janno Allah Ha Furo wasiir Xirsi!.

$
0
0

Markhaatigiisa Janno Allah Ha Furo wasiir Xirsi!.

Gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga ucid ayaa si balaadhan u faaleeyay,u naaqishey,una lafaguray khudab dheer oo ka balaadhnayd khudbad wasiir Madaxtooyo oo wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X.Xasan shalayto ka hor akhiruyey golaha wakiilada Somaliland.

cali-Gurey

Waxayna u dhignayd faallada Cali Guray soo dhigay bartiisa Face-book-ga sidatan:-

Hargeisa-(Qaran-news)- Intii dhegeysatay sua’aalihii wasiirka madaxtooyada laga waydiiyay ee jawaabihii uu ka bixiyay waxan filayaa inay garteen ninka Golaha Wakiilada maanta hor tegay in aanu wasiir caadi ah ahay. Xantii jirtay na wuxu u noqday markhaati been ma sheege ah.
Suaalaha la waydiiyay ee jawaabaha uu ka bixiyay waxay nu u qaadan naynaa ku kuwo xaq loogu lahaa in la waydiiyo oo khuseeya xilka uu qaranka u hayo ka wasiir madaxtooyo ahaan. Hada na markii la waydiiyay waxa ay shaqadiisu tahay wuxu ku koobay in shaqadiisu ay tahay socodsiinta hawl maalmeedka madaxwaynaha, xataa madaxtooyada muu odhan si uu isaga reebo M/W ku xigeenka. Isaga oo isku deyaya in uu sii iftiimiyo ayuu sii qeexay in hawshiisu tahay keliya maarayn(management) isaga oo markan na iska reebaya in aanu ku lug lahayn wax hogaamin siyaasadeed ah ee taasi ay gaar u tahay madaxwaynaha. Ama rumayso ama ha rumaysan, taasi waa wax kale.

Waxay ila tahay wasiirka wixiisu mar waa is burin mar kale na waa qiraal cad inu adeegsado awoodo ka badan inta uu leeyahay oo weli ba uu wax walba ku shaqo leeyahay isaga oo awoodaha uu ku takri falo isku deyaya inu ku jidaysto in xilku aanu shaqada samaynin ee qofku sameeyo. Taas oo macnaheedu yahay wax wal oon qabto anigaa samaysta ee xilku xad iima samayn karo, taasi na waa fadeexad maamul ahaan iyo siyaasad ahaan ba waana arin qalad ah iyo weedhaha uu adeeg sanayo oo aanu haba yaraato eh fahmsanayn.Bal ka waran hadii shakhsi kasta oo xil cayiman lagu og yahay uu yidhaa xilku ma xadidayo waxa aan qabanayo ee hadii caafimaadka la ii diro beeraha, macdanta. Dhismaha, tacliinta, maamulka dawladaha hoose iyo cadaaladda inta ba anigaa ka shaqayn naya cid iga lihi na ma jirto anigaa cid walba ka leh.

Miisaaniyadda sedex laaban tay ee madaxtooyada oo ahayd tan isaga tooska u khusay naysay wuu ka muquuratay jawaabtiisu na wax ka badan af gobaadsi may ahayn. Waxa nasiib daro ah haya’daha la wada hoos geeyay madaxtooyada oo intii madaxwaynihii hore uu madaxwaynaha maanta xilka hayaa uu habeen iyo dharaar ku haystay inay qalad tahay na aaminsanaa, hadana kuwii hore qaar kale ayaabu ku sii daray. Taas oo xaqiiqadu tahay in musuqmaasuqii hore iska daa wax laga qabto eh la sii laban laabay jawaabaha wasiirku na aanay ahayn wax kale ee qiraal tahay. Wasiirku wuxu cadeeyay keliya in uu awoodo dheerad ah oo u jidayn naya in wax walba uu ku shaqo leeyahay uu leeyahay. Intaasi na waa intii aynu ogayn ee intaa laga hadlayay.

Calaa kuli xaal wasiirku wuu mahadsan yahay wax kale oo ka furan hadalkiisu na ma jiro oon ahayn MARKHAATIGAA JANNO ALLAH HA FURO.

Qarannews

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>