Burco,(Qaran news)-Hay’adda Qaramadda Midoobayn u qaabilsan socdaalka ee (IOM) ayaa kulan mudo toban cisho ah socday usoo gabogabeysey arday ka mid ah ardayda ka qalinjabisay Jaamacadda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Tababarkan oo ay Hay’adu ugu talogashay ujeedadiisa in ay ardayda Jaamacadaha dalka ka qalinjabiyay ku baraan duruuso ku saabsan qaababka shaqooyinka loo raadsado ,si loo yareeyo tahriibka dhalinyaradda aafeeyay ayaa lagu soo gabogabeeyay Hoteelka Barwaaqo ee magaalada Burco ,waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta Laamaha Dawladda ee gobolka Togdheer ,maamulka Jaamacadda Burco iyo Marti sharaf kale .
Liibaan Maxamuud Ciise oo ka mid ah masuuliyiinta Hay’adda (IOM) oo faah-faahin ka bixinaayay musharuucan ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa . “ Mashruucan (IOM) waxaananu bilawnay mudo imika laga joogo laba Bilood ka dib markii aanu aragnay in uu tahriibkii ku kordhay Somaliland iyo shaqo la’aantiiba ,markaa anagoo taa ka duulayna si looga hortago waxaanu garanay in aanu bilawno mashruuc tijaabo ah (Pilot Project) oo aanu ku bilaabayno 20 Qof oo Boorame ah iyo 20 Qof oo Burco ah , Labaatankaa Qof ee Burco waxaanu ka dooranay Jaamacadda Burco ,markaa waxaanu doonaynaa Hay’ad ahaan in aanu mashruucan tijaabada ah ,ku tijaabino ardaydan Jaamacaha Burco iyo Camuud maadaama ay yihiin dad waxbartay ,dalkana ay ka tahriibayaan “ Sidaasi ayuu Liibaan hadalkiisa kaga baxay .
Sidoo kale Badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Tababarkan lagaga hortagaayo Tahriibka iyo shaqo la’aanta Dhalinyaradda ee ay Hay’adda ( IOM) u qabatay ardaydan Jaamacadda Burco ,waxaanu ku wargaliyay ardaydan casharadii ay qaateen mudadii uu Tababarkani socday in ay ka faa’idaystaan isla markaana bulshada qaybaheeda kale u gudbiyaan .
Geesta kale waxa iyana ka mid ah dadkii halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Professor Saliibaan Dirir Isuduwaha Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Burco Dr. Cabdi Hindi iyo masuuliyiin kale waxaaney dhamaantood ugu baaqeen dhalinyaradda in ay ka fogaadaan aafadda Tahriibka isla markaana aaminaan dhulkooda Hooyo ,waxaana la gudoonsiiyay ardaydii tababarkaasi usoo xidhmay shahaado sharafeedyo .
Waa markii u horeysay ee Hay’adda (IOM) tababar noocan oo kale ah u qabato ardayda Jaamacadda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ,inkastoo ay Hay’adu mashaariico kale dalka ka fuliso.