Maxbuus muddo 15 sano ah ku xidhnaa Jeelka Hargeisa oo isagoo meyd ah lagu wareejiyey qoyskiisa.
Hargeisa-(Qaran-news)-Maxbuus muddo 15 sanadood ah ku xidhnaa xabsiga hargeysa oo loo haystay kiis dil ah ayaa ku geeriyoodey xabsiga Hargeysa gudahiisa doraad balse shalay meydkiisa markuu habeen baryey lagu wareejiyey tolkii iyo qoyskiisa si ay u aasaan.
Maxbuuskan geeriyoodey oo magaciisa lagu sheegay Mubaarik Yuusuf maxamuud ayaa muddo dheer u xidhnaa kiis ku taxaluuqa dil oo loo haystay isaga iyo nin kale oo laga sii daayey xabsiga markii tolkii bixiyeen saamigii kaga soo hagaagay magtii ninka la dilay oo la qeybsaday,Hase yeeshee marxuum Mubaarik ayaaney qoyskooda u suurogelin inay bixiyaan maagtii saami ahaan ku soo aadey .
Guntii iyo gebgebadii sida dad xogogaal ah oo ka tirsan Qaraabada maxbuuska geeriyoodey u sheegeen Qarannews waa laga heshiishey arinta Magta,weyna dhamaatey ,marxuumka Jeelka ku dhintay tolkii ayaa lagu wareejiyey shalay si ay u aasaan.
Qarannews