Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Xukuumadeena Hadh-dacaaran waa kala Maan, iyo kala Mabda’ taas oo aan lahayn dadaal badan iyo digtooni badan oo lagu sii dugsado.

$
0
0

Qormadii 29-aad

Waxaa dastuurka Somaliland uu muwaadinkasta oo Somalilander ah uu u-damaanad qaadayaa oo uu xaq-u-siinayaa in uu aragtida fikirkiisa, dhiibashada rayigiisa, cabirista maskaxdiisa, hilaadinta indheer-garad-nimadiisa, abaabulka dhigiisa, sheegista iyo meel-marinta taladiisa, edeeynta, toosinta, tusmeynta iyo tusaaleynta xukuumadiisa uu intaba uu xor u-yahay ,xaqna u-leeyahay isaga oo dhawraaya oo aan ku-talax tegeyn milgaha, karaamada iyo xuquuqda muwaadin-kasta uu siiyey dastuurka qaranku, Waa hadii aynu run-sheeg nahay oo ay inaga dhab-tahay in aynu yag-leelano oo dhab-dha-bano oo dhirin-dhirino oo miiqno oo tol-tolano oo toos-toosino dimuquraadigeena dada’yar ee curdinka ah ee madhaxa iyo may-dhanaanka noqdey ee silan ee sirxan ee sirgacan ee sidkan ee solmay ee saqiirey ee socodkii-baran-waayey ee sii rifmaaya, ee sii ribanaaya ee sii ruxmaaya ee sii raarmaaya ee sii roormaaya ee sii ragaa-daaya ee ra-ranka maanta ay saartey gacantii xukuumada ee loo doortey ee loo dirtey ee lagu aaminey ee loo dhaariyey in ay Kab-kabto, kool-kooliso,ababiso,bishilto,Falkiso, naaxiso ka dibna dhameys-tirto.

Xukuumadeena Hadh-dacaaran ee ina hageysa ee hogaanka in oo haysa ee aynu diraney ee aynu dooraney, nasiib-daro iyadii ayaaba jiq-isku ah oo isla qabsan la’ oo isla faqeysa oo dhagaha is-haysata oo wey is-hagi weydey,oo is hanuunin weydey oo is hagaajin-weydey oo is-hogaamin weydey oo isla-jaan-qaadi weydey oo waxay u-qeyb-santey sadex kooxood oo kala maan ah , kala mabda’a ah oo kala socda, laakiin uu isu keenay oo uu isku tolay oo isku-qalaxay xukunka iyo xayn-daabka madaxtooyadu.

1- kooxda koowaad ee xukuumadeenu waa kooxda loo-yaqaan Tol-wadaag waa koox yar oo baayac-mushtari hoose ah oo dhiilahooda carta leh u-soo-cushey si ay wadanka uga dhaansadaan,waana koox yar oo talo-wadareed xan, xiqdi, xasad iyo xan-shaa-shaq ah ku-dhisan maadaama ay isku-milmeen oo isku liin-baxeen qaar ka mid ah xeer-dejintii iyo xisbiyadii qaarkood oo ay talo hoosaad aan xukuumada inteeda kale ogeyn oo sir ahi ay ka dhaxayso oo iyaga uun ay isla ogyihiin. kooxdani waxa ay aaminsan yihiin in mar-hadii ay wax-ku-leeyihiin Shirkadaha ku caan-baxey Jinni-boqornimada ee hada sida fiican u-lisa ee kaga xooriyey dhaqaalihii iyo hantidii S/land, hada waa cashuurtii yareyd iyo hantidii maguuraanka aheyd ee ummaddan baahan loogu shaqeyn-lahaa, kuwaas oo ilaa iyo gunta,sag-xada hoose soo xaquuqey oo nacasnimo xaadhey dhaqaalihii S/land si dad-ban iyo si toos ahba 3-dii sanadood ee xukuumadeena hadh-dacaarka ahi ay hogaanka wadanka inoo-haysey. Waxaa kale oo ay aaminsan yihiin kooxdan qawleysatada ah ee shebekedaha dabinka ah daad-sadey ee ku caan-baxey, in mar hadii illahay aduun u-dhiibey oo ay baahi-badanina ay wadanka taalo in aaney cidna u-hab-raneyn oo aaney jirin cid kale oo ay u-baahan yihiin ama u-jooji-nayaan ee ay lacag-toodaasi shaqeyn doonto oo ay wixii ay doonaanba ay lacag ku goyn doonaan mustaqbalka kuna iib-san-doonaan,noqona doonaan mulkiilayaasha hantida guud ee wadanka gacanta ku-haya ee mustaqbalka. kooxdani waxay ku caan-baxeen in aaney shacabka dhageysan oo aaney cabashooyinka shacabkii ay u-dhaarteen ee ay u-shaqeynayeen aaney dheg-jalaq-u-siin maa-daama ay badankii xukunka iyo madaxiiba ay tunka iyo dhegahaba ka buuxsadeen oo ay haystaan oo ay kolba dhinaca ay doonaan u-duwayaan.Waxaa kale oo ay had iyo jeer sitaan xajiin.xuub-caaro iyo canbaar ay mar-mariyaan cid-alleh iyo cidii ay doonayaan in ay ku soo biiraan kooxdoodan qawleysatada ah ee wadanka u-tashadey, ama ha ahaadaan shirkado kale oo yar-yar oo gacmo-ku-rimis ah oo ay ku ageegsadaan ama ganacsato loo balan-qaadey in liisamo iyo kontaratyo la siin-doono oo awr-ku-kacsi ah ama MP dilaalnimo u-xuubsiibtey oo danahooda u-fuliya halkii ay shacbkii dirtey ee doortey uu-ugu shaqeyn-lahaayeen, si ay kooxdaasi ay ummadda u-tusaan in gacan-wadaagleyda kooxdoodu badan tahay oo ay tahay muraayad laga wada-muuqdo.

kooxdani waa kooxda sartu ka qudhuntey,waa kooxda xukuumada ee wadanka hagaasiyey ee marin habaabiyey geedi-socodkii qadiyadii ummadda,waa kooxda lumisey haykalkii, hanaankii, quruxdii iyo karaamadii dawladnimo, waana kooxda kala-wada goysey shakaaladii iyo sunayaashii qaranimo ee isu-hayey hayadihii qaranka iyo kuwii isku hayey wadaninimadii,wadarnimadii,walaaltinimadii,wax-wada-lahaan-shihii iyo wanaagii iyo wadaagii ka dhexeeyey dantii guud ee shacabka reer Somaliland, Kooxdani waa koox aan laheyn waayo aragnimo siyaasadeed iyo asluub diblomaasiyadeed,waa koox aan laheyn sahan durugsan iyo bidhaan fog oo indho-la’aan ah kuwaas la arkey iyaga oo si him-biriirsi ah ku raadinaaya himiladii kowaad ee qaranka oo aheyd ictiraaf buuxa in uu wadanku helo maa-daama ay kooxdani tahay koox aad ugu-qabowsatey hantidii ummaddu wada-laheyd intii ay doogsin carareysey waxaana ay aaminsan yihiin in dhaqaale ahaan shacabku kala dheereeyaan oo kala tagaan oo la noqdo laba dabaqadood oo midina xukunka hayso mida kalena u-shaqeyso oo shaqaale u-noqoto.waxaana kuu markhaati ah sida xaq-darada ah ee ay hadda wax-u-wadaan kooxdaasi ee ay u-qaybiyeen mansabkii,manfacii iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka. waxa ay kooxdani ay horumarka u-taqaanaa in kooxdooda, qaraabadooda, xigaalkooda iyo xasabadoodu ay kheyraadka wadanka ku-koob-naadaan iyo in wax kasta oo anfac iyo iidaan leh in si qarsoodi iyo qusum iyo qoon ah loogu qeyb-sado qol-madow.Waxaa kooxdani ku caan-baxdey maa-daama ay shacabku dhaliilo taban la dul-fadhiistaan in aaney hadii soonahooda la soo galo aaney u-aabo yeelin hadalka iyo hawraarta midna ee ay wax-walba ka yi-dhaah-daan war-baahinta la iska maqlo iyo ta la iska arko labadaba.

2- kooxda labaad waa kooxda la magac baxdey Talo-wadaag, kooxdani itaalkii waa koox kooban oo aaminsan mabaadiidii xisbigooda kulmiye, waana koox yar oo badanaa kal- furan oo u-diyaar ah in ay dhegeystaan cabashooyinka shacabkii ay u-shaqeynayaan. kooxdani waxay aanimsanyihiin aragti yar oo hada sii noqoneysa madhaleys maadaama kooxda kowaad ee Tol-wadaag ay isteerinka wadanka ku taba-barato oo uu ku dhex-jiro wade bar-barad ah oo maroorsadey shaqooyin badan oo aanu xaq iyo xeer aanu midna u-laheyn taas oo uu shaqooyinkan uu ku taba-barto uu qaarna ka qaadey Kooxda labaad qaarna uu ka qaadey kooxda sadexaad ee Talo moog, waxaana meesha taala xaq-daro badan oo xukuumada dhexdeeda ka jirta oo wasiiro badan oo shaqadoodii la qaatey aaney ka hadli karin oo ay iska waayeen dhex-dooda gole fulin ahaan ama koox-ahaanba , cid tidhaahda waar yaa shookaanta horta u-haya gaadhigan aynu saaranahay ? bal-adba! wadahan in uu wadanka ku bar-barto loo ogalaadey ee xukunkii ummadda si cadaan ah u-boobey wuxuu sababey in uu gunta ka sii rido dhamaan mabaadiidii iyo xeerarkii siyaasadeed ee Somaliland iyo kuwii xisbi-xaakinkooda ee hore la-isugu ogaa, Maa-daama ay kooxda koowaad ee Tol-wadaag ee uu hor-boodaayo ay iyagu meel-sii-dhigteen qorshe-huursan oo qarsoon,kooxdan labaad waxay ku asqowbeen oo ku-jaah-wareereen oo la qabsan waayeen sida ay wadanka u-wadaan kooxda koowaad ee Tol-wadaag. kooxdan labaad waa kooxda keliya ee aaminsan nidaamkii dawladnimo ee aynu ku soo gaadhney heerkan aynu maanta mareyno iyo hab-nabadeedkii ay S/land ku soo caano maashey ee ahaa xalinta khilaafaadka.kooxdan Talo-wadaag waxaa hada soo gaadhey canbaartii iyo xajiintii ay la meerey-sanayeen kooxda koowaad ee Tol-wadaag,taa soo keentey in uu hadda soo galo duufaano iyo daad-qab-yaaladeed iyo khilaaf hor leh oo aan la garaneyn habkii ay uga dabaalan lahaayeen sanadkan maanta ah.

3-Kooxda sadexaad waa kooxda la magac baxdey Talo-Moog, waa koox- yar oo badankooda dhawaan laqortey iyaga oo aan la falkinin,la baan-dheynin,la-carbin, loo xaq-soorin oo aan xad iyo xeyn-daab loo sameynin oo aan weli la ansixin badan-kooda.Waana koox yar oo awrk-ku kacsi, ku-raad-gasho iyo ku-fool-dhaqasho ah kuwaas oo af-gaabni iyo qoor-daaqeen ku-caan baxey oo aan weli doob-dilaacsan laakiin mar-mar ka-yara-kuru-rushleeya gobolada iyo degmooyinka ay ka soo jeedaan,waana kooxda ugu awooda hooseysa xaga awoodaha xukunka xukuumada,kooxdani waxay ku-dhega bar-joobeen oo ku-asqoobeen oo mar-marna ku-sibiriirixoodaan is-hirdiga, hitaaqada iyo is-hujuunka ka dhaxeeya labada kooxood ee kale oo ay labadoodaba ay gacan yare u-yihiin oo ay u-adeegaan,waxaana ay shaqadoodii kooxdan yar ee daciifka ah ay isugu soo ururtey in ay ilaashadaan kursigooda yar ee waraabe-u-taaga ah ee ay beelahooda u-metelaan. kooxdani inkasta oo markii kuraasta ay heleen ay diiftii ka bad’ey oo ay sida cad-ceeda u-ifeen hadana waa koox-beelahooda metela oo difaaca had-iyo jeer,kuwaas oo mar-marna kooxda koowaad u-duda’ oo afka u-taaga oo yidhaahda inta ay walaha ku-raftaan anagaa la noo jeedaa!.mar-marna yidhaaha degaankayaga waa la dayacey oo wuu ka danbeeyaa degaanada kale.

Kala qeyb-sanaantaa baahsan iyo xaqdaradan xadh-kaha goosatey ee xukuumada dhex-deeda ka jirta ee hadheysey xukuumadeena booshaaqan ee hadh-dacaarka ah ayaa waxa ay xukuumadii ka sii dhigtey in ay noqoto xukuumad inta uu shacabkii doortey ay ku soo qamaameen ay ku hungoobeen oo noqotey Humgo Qaawan, waxa ay noqotey Xukuumad fadhato ah oo fadhiid ah oo eex, aafo-qaraabo kiil iyo musuq-maasuq uu hadheeyey oo uu kar-kaarada wey-daariyey, waxa ay noqotey xukuumad aan higsi iyo hilaad fog laheyn oo madhaleys ah taas oo hada la turun-turootey oo la taraartey qawmiyadii, qadiyadii iyo qaranimadii ummadda S/land. Xukuumdeena Alleh ha soo hadeeyo oo haku toosiyo tobiyaha toosan ee idinkuna Amiin ii dhaha! Amiin= Amiin.

(Qormadani waa qormo ka turjumeysa hadal-haynta iyo hadaaqa bulshada taas oo aan saarey cabir shaqsiyeed, mana aha in aad duuduub ku liq-did, waana la iigu garaabi karaa, lay-guna diidi karaa, lagana doodi karaa!.)

Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>