Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Wasiirka Duulistu ha Is casilo

$
0
0

Wasiirka Duulistu ha Is casilo

 

Sanad iyo badh ayuu xidhnaa madaarka diyaaraduhu ka haadaan ee Caasimada Hargeysa. Dawlada Kuwait ayaana ku deeqday kharashka la sheegay in lagu dayac-tiray garoonkaasi. Mudadaasi uu xidhnaa garoonku ilaa maanta oo si rasmi ah loo furay, waxa uu Wasiirka Duulistu umada la hor-taagnaa been cad iyo indha adayg, isaga oo isku huba madaxtooyada.

 

Bilawgiiba sidii qandaraaska loo bixiyey ayaa dad badan dareen sas leh ku abuurtay. Qandaraaska waxa la siiyey nin ay isku beel yihiin Wasiirka iyo Madaxweynaha. Ayaan darada kale ee meesha ka dhacday iyo talo xumada maanta halkaasi ina dhigtay waxa weeyi in iyada oo Dawlada Kuwait ay lacag fiican inagu caawisay aan hadana dhabadii diyaarada aan hal mitir lagu darin. Waana ta maanta keentay in diyaaradii Itoobiya ay diiday inay ka soo degto garoonka Hargeysa.

 

Wasiirku wuxuu caado ka dhigtay in umada uu been ku sabo, isaga oo malaha u haysta in dadka garaadkoodu liito. Waxa uu dhawr jeer ku celceliyey in dhamaan noocyada diyaaraduhu ay soo fadhiisan karto garoonka, beentaasi qaawan oon maanta loo wada jeedo. Maanta waxaynu ognahay in rakaabkii tigidhada ka iibsaday diyaarada Itoobiya ay xafiiskooda ku hor cadilan yihiin mudo shan cisho ahba. Dadkaasi waxa ku jira ubad iskuulkii ka habsaamay, waalid shaqadiisii k a dib dhacay iyo bukaanisbitaalo loo waday. Karaahidaasina waxa qaadaysa xukuumada Siilaanyo, gaar ahaan Wasiirka Duulista oo isagu dhibtan iyo ceebtani dhacday tunka u ridanaya.

 

Sida lagu faafiyey websiteka http://www.ethiopianreview.com, waxa si cad loogu sheegay in madaarka Hargeysa lagu sameeyey dayactir kooban, diyaarada Itoobiyana aanay isku aamini karin. Waxa kale oo lagu cadeeyey in Wasiirka Duulistu ku qasbayo diyaarada Itoobiya inay garoonka Hargeysa timaado, ka Berberana aanay ka dagi karin, si fadeexada uu ku kacay uu ugu qariyo.

 

Dunida sharcigu sareeyo, marka wasiir xukuumad ka tirsani fadeexad sidan oo kale ah dhex muquurto, waxa dhaqan iyo curfi ah inuu wasiirkaasi is casilo. Maxamuud Xaashi waxa maanta la gudboon inuu istiqaalada keeno, waa hadii garaad iyo garawshiiyo uu leeyahay, u malayn maayo in garashadiisu halkaa gaadhsiisan tahaye. Hadii uu garan waayo miyaa, waa in Madaxweynuhu albaabka tusaa. Hadii odaygu tusi waayo miyaa, kacdoon shacbi ayay arintani dhalinaysaa!

 

Aan ku soo kobo tixdan oo aan cid tirisay aanan hubin, hase ahaatee tibaaxda ay bixinayso iyo falka Wasiirku is leeyihiin:

 

Tuug waa is qariyaa

 

Halka uu ka xado tulud

 

Tahan buu ka guuraa

 

Todobaadkan Xaajow

 

Mid tiriig sitaa yimid

 

 

 

Sahal Ismaaciil Yonis.

sahal.yonis@gmail.com

Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>