Maxay xaq u leeyihiin Rakaabka Ethiopian Airlines ee ku xaniban/xanibmay Hargeisa????
Sida la wada ogsoon yahay, waxa ku xaniban Somaliland gaar ahaana Caasimada Hargeisa Rakaab badan oo isugu jira Dumar, Caruur, Waayeel iyo dhalinyaroba, kuwaas oo soo raaci lahaa shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airlines. Dadkani oo badankoodu ka dhoofay dalkan ingiriiska, waxay lahaayeen hawlo, danno iyo qorshayaal muhiim ah oo ay ahayd in aanay ka habsaamin. Tusaale ahaan, waa xilligii caruurtu Schoolada ku noqonayeen iyada oo waalidka la habsaama Caruurtana la ganaaxo. Waa wakhtigii shaqaaluhu ka soo laabanayeen fasaxyada ee shaqooyinka lagu noqonayey iyada oo ay dhici karto qofka soo habsaama inaan loo joojin lana sugin, halkiisiina cid kale la geliyo maadaama shaqo yaraani ka jirto dalkan ingiriiska, shaqo-doonkuna meel walba taagan yahay. Intaa waxa dheer, Dadka qaarkood ayaa lahaa ballamo caafimaad oo ay muddo dheer sugayeen haddii ay ka baaqdaana wakhti badan ku qaadan doonta inay helaan ballan Caafimaad oo kale, amaba ay ku dhici karto in liiska sugitaankaba laga saaro. Intaa kuma koobna, balse dadka qaarkood ayaa lahaa Ganacsiyo ay cid kale kaga sii tageen oo ay khasab tahay inay dhakso ugu noqdaan. Sidaa daraadeed, gar iyo gardoraba rakaabkaasi waxay ahayd inay soo dhoofaan oo qof waliba maalintii uu ku qornaa soo raaco diyaarada.
Hase yeeshee, waxa dhacay in diyaaradii Ethiopian Airlines ee dadku u diyaar garoobeen inay Hargeisa ka raacaan mar keliya la waayey ogeysiis la`aan. Maalin iyo Labba ayaa sidaa ku tagay, dadkii ku qornaa maalintii hore ee ay ka baaqatayna waxa ku soo biiray kuwii ku qornaa maalmihii xigay, sidaana waxa isku dul tuulmay rakaabkii oo isa soo wada gaadhay. Arintani waxay culays saartay Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Maamulka Madaarka Hargeisa iyo xafiiska jara/gooya tigidhada Ethiopian Airlines ee Hargeisa.
Anigu, kama hadlayo sababta ay u baaqatay Ethiopian Airlines wax kasta oo ay tahayba, sidoo kalena kama hadlayo talaabada la gudboon inay qaado Wasaarada Duulista Hawadu, waxaanse ka hadlayaa xuquuqda ay leeyihiin dadkaa rakaabka ah ee dhibaatadu ka soo gaadhay shirkadii geysey Somaliland ee ay tigidhadeeda siteen waa Ethiopian Airline.
Diyaaraduhu waxay ku hawlgalaan wax loo yaqaano Schedule, waa maalmo iyo wakhtiyo go`an oo ay magaalo hebla ka duulaan (departure time) magaalo heblana gaadhaan (arrival time). Diyaaradu ha buuxdo ama hal qof ha saarnaadee waxa khasab ah inay ilaaliso wakhtiyadaa ay shaacisay ee duulimaadka waana in aanay baaqan. Halkani waa meesha ay diyaaraduhu kaga duwan yihiin gaadiidka dhulka ee u kala baxa magaalooyinka ee aad maqasho maanta gaadhigii ayaa soo negaaday/oolay oo dadkii ama rarkii ayaa u buuxsami waayey.
Tigitka diyaaraduhu waa heshiis (contract) u dhexeeya diyaarada iyo qofka dhoofaya, labada dhinacna waxa la gudboon inay ilaaliyaan heshiiskaa, kii jebiyaana waxa uu mutaysanayaa qodobadii heshiiska ku yaalay ee arintaa la xidhiidhey. Tusaale ahaan, diyaaraduhu dadka wakhti ayey u sheegaan ay tahay inay airportka tagaan isla markaana waxay cadeeyan wakhtiga counterka/check-inka ama miisaanka diyaarada la xidhayo iyo wakhtiga diyaaradu duulayso. Qofkii wakhtigaa loo sheegay ka habsaamaa waa qof heshiiskii jebiyey sidaa daraadeedna waxa uu mutaystay in tigitkiisu tuuris/waxaan jirin noqdo taas oo macnaheedu yahay inuu iibsado tigit cusub haddii uu rabo inuu dhoofo, amaba uu bixiyo lacag si loogu bedelo bookinka. Dhinaca kale, haddii diyaaradii ka habsaanto wakhtigii ay ahayd inay duusho sabab kastaa ha kaliftee ama gabi ahaanba ay baaqato/duuli-weydo/iman-weydo iyana waxay jebisay heshiiskii tigitka, sidaa daraadedna waa in sharciga la mariyaa!
Arintan Ethiopian Airlines markaan ku sii dhowaado, maynu maqlin diyaaradii cillad (technical problem) ayaa ku timid oo sidaa ayey u baaqatay. Haddiiba ay dhici lahayd ciladaasina may noqoteen cudurdaar macquul ah, sababta oo ah Ethiopian Airlines waa shirkad weyn oo heli karta diyaarad ay ku bedesho taa ciladowdey (replacement Aircraft).
Baaqashadan ay diyaaradu baaqatay maaha waxa loo yaqaan “extraordinary circumstances” xaalad aan caadi ahayn, ma aha “force majeure” ama waxa gaaladu u taqaan “active god” oo looga jeedo arrin ka baxsan awooda shirkada, waase arrin shirkadu u badheedhay awoodna u leedahay inay wax ka qabato. Sidaa daraadeed, masuuliyado waaweyn iyo xuquuq badan oo rakaabku ku leeyahay diyaaradaha ayaa halkan ku jira marka tan oo kale dhacdo.
Tusaale ahaan, qofka raacaya diyaarad laga leeyahay mid ka mid ah dalalka ku bahoobay midowga yurub oo u kala safraya gudaha midowga yurub, haddii diyaaradu habsaanto (delay) wax ka yar saddex saacadood, rakaabku waxay xaq u yeeshaan in loo diro laba telephone (2 goor) oo ay kula hadlaan ehelkooda iyo cabitaan la siiyo. Haddii habsanku gaadho saddex saacadood intaa waxa ku kordha cunto. Haddii habsanku gaadho 5 saacadood ama duulimaadka la baajiyo (cancelation) rakaabku waxay xaq u yeeshaan dhamaan telephone, cabitaan, cunto iyo hoy ay seexdaan (habeenkii) oo uu la socdo gaadiid geeya kana soo qaada goobta la seexiyey. Qofku haddii uu go`aansado in aanuu raacin diyaaradaa habsanka dabadii, waxa uu dalban karaa in loo celiyo lacagtii uu bixiyey. Sidoo kale, qofka waxa u banaan inuu dalbado lacag magdhow ah oo u dhaxaysa 250-600 euro iyada oo loo eegayo masaafada u dhaxaysa labada meelood ee uu u kala safrayey.
Dhinaca kale, qof kasta oo raacaya diyaarad laga leeyahay dalalka ku bahoobay midowga yurub oo ka soo duulaysa meel ka baxsan midowga yurub una soo duulaysa dal ka mid ah dalalka midowga yurub, isaguna xuquuq la mid ah ka gudaha midowga yurub isaga safraya ayuu leeyahay. Dhamaan arimahaasina waxay ku cad yihiin wareegtada reer Yurub ee sumadeedu tahay COM (2000) 365 kana soo baxday midowga yurub ee magaceedu yahay ilaalinta xuquuqda Rakaabka.
Hase yeeshee, diyaarada laga leeyahay dal ka baxsan midowga yurub sida Ethiopian Airlines oo kale, kana soo duulaysa meel ka baxsan midowga yurub sida Hargeisa oo kale, ma qabanayaan shuruucda midowga yurub balse waxa qabanaya shuruucdii lagu saxeexay dalka Canada (Montreal Convention 1999) kaas oo qodobkiisa 19aad dhigayo in rakaabka habsanku ku yimid helaan magdhaw (compensation).
Sida ku cad website-ka Ethiopian Airlines, haddii habsan ku yimaado diyaarada amaba gebi ahaanba ay baaqato, rakaabku waxay xaq u leeyihiin in la ogeysiiyo arintaas ka hor inta aanay ka soo kicitimin hoygooda. Intaa waxa dheer, Rakaabku waa inay helaan warka hadba wixii jira 15kii daqiiqoba mar. Haddii habsanku ka bato 2 saacadoodna waa in la siiyaa cabitaan, haddii wakhtigii cuntada la joogana waa in cunto la siiyaa. Dhamaan arimahaasi waa kuwo ay xaq u leeyihiin rakaabka Ethiopian Airlines meel kasta oo ay joogaan. Hase yeeshee, xaqiiqadu waxay tahay, Ethiopian Airlines rakaabkeeda ku sugan Hargeisa xataa kumay wargelin in duulimaadkii baaqday wax kale oo ay siiso iskaba daaye.
Sidaa daraadeed, rakaabka dhibaatadu gaadhay halka ugu horeysa ee ay dacwadooda ka bilaabayaan marka ay Yurub soo gaadhaan – si kastaba ha ku soo gaadhaane- ha noqdo xafiiska Ethiopian Airlines ee ku yaalla halka ay joogaan. Haddii af la garto ay diyaaradu ku hadasho isla markaana garawshiiyo iyo magdhaw inay bixiyaan ogolaadaan waa si fiican. Haddiise garowshiiyo laga waayo, talaabada xigtaa waa in dacwad loo gudbiyo civil aviationka dalka aad joogto, adiga oo sita dhamaanba cadeymaha loo baahan doono sida ticketkii, boarding-cardkii, bag tag numberkii, wixii kharash ah ee kaa baxay mudadaa aad sugaysey diyaarada receiptkoodii iwm.
Xuquuqda rakaabku waa waxaan la siyaasadeyn karin!
Cabdikariim Cali Baarjeex
Bristol, United Kingdom