Sida caadada ah xukuumad kasta marka uu fashiliyo wasiir xil qaran oo muhiim ah loo magacaabay oo khiyaamo iyo been kula dhaqmay shacabkisii waxaa jirta in madaxweynahaasi markaa xilka si deg deg ah uga qaado, isagoo raali gelinaya shacabkii soo doortay, hadaba waxaa la yaab leh sida madaxweyne siilaanyo markii hore oo uu isku shayndheynta balaadhan ku sameeyey wasiiradiisa uu uga tegay labadaasi wasiir ee ay umadu u haysato inay khimaayo ku sameeyeen xilkii ay qaranka u hayeen.
Bulshada reer Somaliland ayaa ka dhul sugaya talaabo adag oo uu siilaanyo ka qaado wasiiradiisa duulista iyo macdanta iyo biyaha oo weliba maxkamad lagu soo toogo khiyaamadii iyo beentii ay bulshada somaliland u sheegeen, waxana madaxweyne siilaanyo looga baahan yahay in uusan eex u samayn wasiiradaasi ay isku haybta yihiin oo uu ka badheedho talaabo adag oo uu ka qaado labadaasi wasiir oo fashiliyay qarankii somaliland.
Shacabka ayaa waxayn rumaysan yihiin inay wasiiradaasi ka mid yihiin ragga maanta somaliland ka taliya, balse war jiraaba cakaaruu iman ayaa la yidhiye waxaa la sugayaa in madaxweyne siilaanyo xilka ka qaado iyo in uu iska daawado si ay riwaayada ay metelayaa umada ugu sii dhigaan oo ay waxay doonaanba iska sameeyaan, waxayna dadka ka faalooda arimaha maamulku tilmaamayaan in hadii Somaliland madaxweynii ay dooratay talinayo ay dhici karto in uu xilka ka qaado labadaasi wasiir ee duulista Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaalle, labadaasi oo ku sifoobay inay wasaaradahooda ku hogaamiyaan qabyaalad,musuq maasuq,been iyo talo xumo xadkeedii dhaaftay.
Cabdirisaaq Suudi Nuur
suudi88@gmail.com