Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Gole lagu jabay oo ceeb iyo magic xumo u soo jiiday Soomaaliland.‏

$
0
0

 

 

Gole lagu jabay oo ceeb iyo magic xumo u soo jiiday Soomaaliland.‏

 

Dadka intii dhagaysatay dooda imika socota eek u saabsan cashuur kordhinta wadooyinka, khaasatan doodii ugu dambaysay ee ay isku gacan saareen labada xildhibaan waa Ahmed Cabdi Nuur Kijaandhe iyo  Ibraahim Mahdi Buubaa laba caanomaal horteed.  Horta doodani waa markii ugu horaysay ee dood sidan u xamaasaysani ka dhacdo golaha wakiilada intii xukuumada Siilaanyo wadanka qabsatay, waana wax ilaahay loogu mahadnaqo hadii ilaahay garansiiye xubnihii ka doodayey ee diidanaa cashuurta xaq darada ah ee madaxtooyadu doonayso in ay meel marsato oo ku darsato hay’yadihii hore ee ay madaxtooyaada hoos gaysay ee ay ka mid ahaayeen dekedda Berbera, Haamaha shidaalka ee Berbera, iyo hay’yada qandaraasyada.

 

 

 

Aad ayaan u hambalyeynayaa xubnihii ka gilgishay xaqdarada la horkeenay ee gartay waa jibkoodii, inkasta oo aanay walin ishortaagin ama joojin xeerkaa isag aha, waana hawl wali taala.

 

 

 

Hadaba, waxa maanta qalinka igu kalifay in aan maqaalkan u qaato waxa weeyey fool xumadii ka dhacday madasha doodu ka socotay ee xubnaha muxaafidku ka gaysteen.   Had iyo jeer aduunyadaba, marka qof hadlaayo golayaasha baarlamaanku marka dood xasaasiyad lihi ka socoto buuq iyo qayloba waa la maqlaa, haseeyeeshee, waxaynaan lahayn hadaynu nahay umad muslim ah oo dhaqan leh in lays aflagaadeeyo oo magacyo layskugu yeedho. Hadaan idin xasuusiyo wixii maalintaa meesha ka dhacday,  isagoo Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa duudiisa wato in xubno badani oo muxaafid ahi qaylo iyo shimbiro waaqlayn ku fureen xildhibaankii, taa waxa ka sii darnaa iyagoo ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid ahaayeen “Beenaale, ma Soomaaliwayntaa kugu tidhi,  ma adeerkaa ayaa kugu yidhi, waxba sheegi maysid”  iyo ereyo kale oo badan. Adeerkii waxay ula jeedaan Ismaaciil Bubaa oo xildhibaanka adeer u ah.

 

Bal akhristoo ereyadan u fiirso laga dhex leeyahay golaha wakiilada Soomaaliland ee ay waliba sadexda hogaamiye ay is dhinac fadhiyeen ee aan wax alaaliyo wax laga qabtay aanay jirin, ilaa labadaa xildhibaan ay markii dambe gacanta iskula tageen, oo ayaan daro ahayd.  Su’aasha meesah taala waxa weeye yaa ka masuul ah ama masuuliyadu ka saarantahay marka arimaha qalifsan iyo ereyada deelqaafka ahi ka dhacaan golayaasha qaranka.  Kolay waxaan qabaa in uu baarlamaanku leeyahay xeer ka mamnuucaya oo lagu qaado hadii ay galaan wax nabadgelyada, iyo hawl socodka baarlamaanku dhibaato u keenaya.  Hadii cajaladaa aa dib u daawataan intii doodaasi  socotay sawaxanku muu istaagin. Waxaanse hambalyeynayaa xildhibaan Ibraahim oo waxaasoo qaylo iyo cay ihi aan iska hortaagin ama ka joogin doodii muhiimka ahay ee uu golaha ka jeedinaayey, ow guuryo ayaan leeyahay.

 

 

 

Su’aasha akhristayaasha aan waydiin lahaa, waxa weeye, hogaamiyaha baarlamaanku ma ka masuulyahay wixii meeshaa ka dhacay, waajibna ma ahayd, in uu digniin siiyo xubnaha ku shimbiro waaqlaynayey golaha, debedana uu u tuuro haday aamusi waayaan?

 

Allah Mahad leh;

 

Ahmed Maxamed Saleebaan

asuleima@hotmail.com)


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>