Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Mulkiilayaasha iyo Dareewaliinta Gaadiidka dadweynaha Hargeysa oo Fariin digniina u diray Barlamaanka iyo xukumada Siilanyo!

$
0
0

Mulkiilayaasha iyo Dareewaliinta Gaadiidka dadweynaha Hargeysa oo Fariin digniina u diray Barlamaanka iyo xukumada Siilanyo!

Hargeisa-(Qaran-news)-Mulkiilayaasha iyo dareewalada Gaadiidka dadweynaha (Public Transport) ee isaga goosha gudaha iyo duleedka caasimada Hargeysa ayaa shalay cabasho xoogan la hortegay Golaha wakiilada Somaliland oo ku guda jiray dooda xeerka wadooyinka oo canshuur dheeraad ah ku kordhinaaya ama ku soo rogay Ishinka (xoolaha) la dhoofiyo iyo gaadiidka.

fariin

Mulkiilayaasha iyo gaadiidleyda ayaa u qadimey kooxo xildhibaano ah oo ay la kulmeen inaanay aqbalayn in la kordhiyo canshuurta Gaadiidka oo ay culus weyn ku tahay,ku darsoo busaarad weynina beryahan danbe soo foodsaartey,waxayna ka dalbadeen xildhibaanada inay xeerkaas madaxtooyada Somaliland dabada ka riixayso laalaan.

Mulkiilayaasha iyo Dareewliintu waxay ugu goodiyeen golaha wakiilada in haddiba ay dhacdo inay ansixiyaan xeerkaa in mudaharaad dhulgariira ka dhigi doonaan dhamaanba gobolada Somaliland.

Qarannews

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>