Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Awr xamilkiisa ayuu Qaataaye’ ee xadhig qaloocan ma qaato ( shacabkii waxay taagan yihiin quus )

$
0
0

Qormadii 32′aad

Shacabka Somaliland waxay wada dareemeen in ay xukuumadii Siilaanyo xagal-daacdey oo burjigii iyo buruudkiiba ka dhamaadey, waxay arkeen in xukuumadii ka talin-weydey dantii guud ee shacabkii doortey ee dirtey, waxaana xukuumada ku habsadey bishan oo qudha nusqaan balaadhan iyo ceebo is-dul-baxey oo bar-madow ku noqotey xukuumada Siilaanyo. Waxay noqotey xukuumad habacsan oo ku socota siyaasad guracan oo midabyo badan leh oo indho-sarcaad ah, taas oo ay ka faa-ideysteen gacan yare-yaal qorsheysan oo aaminsan in cashuurta iyo hantida maguuraanka ah ee ummadda la boobo oo qabiilna la dhiso oo la naas-nuujiyo, qabiilna laac loo lulo, qabiilna loo balan qaado, qabiilna saacada siyaasada laga saaro si uu meesha uga baxo wada-jirkii, walaal-tinimadii ,midnimadii iyo dantii guud ee qaranimada Somaliland. waa xukuumad kuwii kursiga ku fadhiisiyey ay ku hun-goobeen oo ay ka waayeen xurmo, xishmad, xaq-dhawr iyo xaq-soor. Waa xukuumad xeerarkii qabanaayey wada goysey oo xadh-kihii goosatey oo noqotey hadh-dacaar lagu haraaryoodey.

Waa xukuumadii ugu musuqa badneyd Somaliland ee xataa Madaxtooyadeedu ay isu bedeshay hayad dakhliga wadanka afka u-dhigata oo kobocii u-diidey hayadihii kale ee dawlada oo ay wada saqiirisey.taas soo hadana kala wada-goysey sunihii iyo shakaaladii dawladnimo ee isu wada hayey wasaaradaha, wakaaladaha iyo hayadaha dawlada oo dhan.Waxaa madaxtooyada toos ugu soo dhaca lacagta Dekeda ber-bera, lacagta Haamaha Shidaalka berbera, Lacagta Mashraxyada xoolaha dhoofiya, lacagatii 2% aheyd ee horumarinta gobolada bariga ,lacagta hayada wadooyinka, lacagaha faraha badan ee xaqal-qalinka ah ee laga qaado shirkadaha shidaalka ee ay xukuumadu suuqa madow heshiisyada kula gashey sida shirkada sahaminta shidaalka ee Genel energy, shirkada sahaminta shidaalka DNO ee Norwigainka ah, shirkada sahaminta shidaalka ee Oveal, shirkada sahaminata shidaalka Ras Gas,iyo shirkada sahaminta shidaalka ee Asdan.

-Su’aasha wax-garadku is weydiinayaa waxay tahay , hadii inataas oo shirkadood heshiis qarsoon ay xukuumadu la gashey oo ay qiratey maxay ummadda ugu soo bandhigi weydey anfacii iyo aduunkii uu wadanku ka heley shirkadahaa? Maxaasey baarlamaanka loo soo hor-dhigi waayey?
maadaama aanu xeer shidaal/patrol aanu wadankaba ka jirin yaa ka masuul-noqonaaya cawaaqib-xumada ka dhalan karta xeer la’aantaa??
- Su’aasha labaad waxay tahay £11-kii doolar ee calaa foostada la saarey ee shirkadii Tolal ee hore shidaalka S/land u-keeni jirtey ay qaadan jirtey?
Yaa hadda qaata? waxaa lagu tuhunsan yahay in ay shaqsi xukuumada ka mid ah jeebkiisa ku dhacdo.
Arimahani waxay shacabkii Somaliland u-cadeeyeen in xukuumada Siilaanyo tahay xukuumad cadeysatey musuq-maasuq, qaraabokiil, is-kooxeysi, cadaalad la’aan iyo sinaan la’aan aan anfaca iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka aan loo sineyn taas oo shacabkii wadanka iyo xukuumada dhexdeedaba
kala dhex-dhigtey xiqdi, xanaf,xasad,iyo xadaafiir badan oo xuub-caaro u-dhexeeyo.

Waxaa wax-garadkii wadanka oo wadnaha farta ku-haya u-cadaatey in ay xukuumadu u-badheedhey in aaney xeerka shidaalka u-soo gudbinin golaha wakiilada si ay shaqadooda uga gutaan.taas oo ka dhigeysa heshiisyadaa badan ee xukuumadu ay shirkadaha shidaalka la gashey heshiisyo aan bireysneyn oo xaaraan wada ah oo aanu baar-lamaankii xaqa u-lahaa aan lala socodsiin faa’idada iyo khasaaraha ay heshiis-yadaasi ay wadanka u- yeelanayaan

Waxaayaabaha ka aradan hab-dhaqan-maamul iyo haykalkii dawladnimo ee dul-hoganaaya xukuumada Siilaanyo waxaa ka mid-ah:
- Wasiir wasiiradii kale shaqadoodii hadh cad boobey oo bilaa karaamo ah oo (master key noqdey)
- Awoodii dhaqaale ee xukuumada oo ku ururtey shaqsiyaad kooban oo dhinac ka raran oo aan masuuliyadaana loo igman
- Xukuumad aan xeerinineyn hanaankii dimuqraadiga ahaa ee curdinka ahaa ee wadanka ka hana qaadey
- Kheyraadkii dabiiciga ahaa ee wadanka oo aaney ku dabakheyn xukuumadii wixii shuruuc inoo yaaley oo suuq-madow lagu dhameysto
- Dhamaan anfacii, asadkii, mansabkii, iyo wax-alaale iyo wixii ummadda u-dhaxeeyey oo aan loo sineyn oo aan hadana loo tar-tameyn oo la xalaashadey,
Waxaanse la yaabey markii la yidhi isla shaqsiyaad ka mid ahaa hayada qandaraasyada ayaa qandaraaskii ay ummadda u-soo bandhigi la haayeen weel -u-sameystey oo iyagu inta ay hor-deg sameeyeen qaatey qan-daraaskii.Waxaa wax-garadku isku raacey in aan qandaraasyada soo baxa si cadaalad ah loogu tar-tamin ee suuq madow laga dhigey oo shaqsiyaad gacan-wadaaga yaqaan lagu koobo.waxaana kaaga mar-khaati ah qandaraaskii shaqsiga kelidii laaf-yoonaayey ee aan laheyn aqoontii iyo waayo-aragnimadii dhismaha ee la siiyey dhismihii Madaarka Caasimada Hargeysa oo lacag badan lagu lunsadey. Qandaraaskii shirkadaha yar-yar ee dilaaliinta ah ee gacan ku rimiska ah ee bilaa emailka,iyo bilaa- addresska ahaa ee aan aduunka liiska ugu jirin la wada siiyey maa-daama ay gacan-wadaag-dhaw la leeyihiin xubno xukuumada fulinteeda ka mid ah.

Guntii iyo geba-gebadii waxaa xukuumada Siilaanyo looga fadhiyaa in shirkadihii sahaminta shidaalka ee ay heshiisyada qarsoodiga ah la gashey in ay dhamaan ay baarlamaanka soo hor-dhigto si ay muraadkooda dastuuri uga gutaan , waaana in ay ummada u-cadeyso xukuumadu anfacii iyo maalkii laga helay shirkadahaa oo aan hada ummadda u-cadeyn oo aan la garaneyn jeebkii ay ku dhaceen lacagtii buurneyd ee xaqul-qalinka aheyd ee shirkadahaas laga qaadey.

Alleh ayaa mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii Abdirahman Mohamoud
fidhinle@aol.co.uk
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>