Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Somaliland diyaar ma u tahay inay la mid noqoto Wadamada Four Asian Tigers?

$
0
0

Wadamada Four Asian tigers (Dragon) waa wadamo yaryar oo ku yaala Qaarada weyn ee Asia isla markaana Dhaqaale ahaa aad uga horeeya wadamada ay isku Mandaqada ku yaalaan iyo weliba Dunida qaybo badan oo ka mid ah. wadamada qaarkood ayaan si rasmi ah Aqoonsi uga haysan Bulshada caalamka hadana Maalgashiyada ka dhaca sanad walba iyo Dhaqaalaha Suuqyada isku weydaarta waa kuwo aad u badan oo in ku dhow 37% ka badan kan ka dhaca Suuqyada Carabta iyo Afrika. Magaca (Four Asian Tiger) ayey ula baxeen Kobaca qayrul caadiga ah ee Dhaqaale ee ay sanad walba sameeyaan

Wadamadan ayaa waxa ay kala yihiin Taiwan, South Korea, Singapore iyo Hong Kong, Haddii aynu dhinac ka eegno Singapore iyo South Korea waxay si toos ah uga mid yihiin Qaramada Midoobay halka Taiwan ay ka tahay Qaran Dimuqraadi ah oo Madax banaan balse aan xubin ka ahayn Qaramada Midoobay, Hong Kong waa is Maamul hoose oo hoos taga Wadan weynaha China. Markay sidaa ka yihiin Dhanka Siyaasadda iyo Xubinimada Beesha caalamka hadana Dhaqaale ahaan aynu is dul taagno halka ay Dunida ka marayaan, waana halka aan sida tooska ah uga duulayo ee aan ugu talo galay inaan ka eego Somaliland siday ula mid noqoto wadamadan. Geedigan Horumar ee Dhanka Dhaqaalaha ah ayey bilaabeen wixii ka dambeeyey sanadkii 1960kii, wallow Hong Kong ay ka yara horaysay oo ay 1950s kii bilowday Qorshaha Horumarinta Dhaqaale ee Dalkeeda. Waxana ay mar kali ah ka soo dhex baxeen Sayladaha Dhaqaalaha Dunida sanadihii 1970s.

Sanad walba kobac ugu yaraan 7% ah ayey sameeyaan dhanka Dhaqaalaha, waan kobac aanay samayn Dalalka waaweyn ee Dunidu, waxana Kobocaasi uu mucjiso ku noqday Dunida Dhaqaale ahaan (World Economic miracle). Waa wadamo yaryar oo horumar aad u balaadhan ka sameeyey Dhinaca wax soo saarka iyo Warshadaynta (Industralization) oo ay horumar baaxad leh ka sameeyeen. Singapore iyo Hong Kong waxay hada qayb ka yihiin Magaalooyinka ugu horeeya dhanka xarumaha caalamiga ah ee Maaliyadda Dunida (International financial centers) halka Taiwan iyo South Korea ay qayb weyn ka yihiin Suuqa wax soo saarka Technologyada Aduunka (world leaders in manufacturing information technology). Guulaha Dhaqaale ee ay wadamadani gaadheen waxay ku noqdeen Hogaamiyeyaal ku dayasho mudan oo ay ku hirtaan wadamada soo koroya Dhaqaale ahaan gaar ahaana wadamada loo yaqaano Tiger Club Economies ee Qaarada Asia oo kala ah Indonesia, Malaysia, Thailand iyo Philippines. Siyaasadda Dhaqaale ee ay qaateen ayaa ah Nooca loo yaqaano neoliberal economic policies oo ah Falsafad Dhaqaale oo xooga saarta Xoriyada Suuqa (Free Market), Ganacsiga xorta ah (free trade), lahaanshaha gaarka ah (Privatization), hoos u dhigida Cashuuraha iwm. inkastoo haddii aynu falsafadan rabno inaynu sharaxno wanaageeda iyo xumaanteeda ay qaadanayso maqaalooyin aad u dheer oo badan hadana aan intaa kaga gudubno.

Dhibaatooyinkii Dhaqaalaha Asia ee sanadkii 1997kii (1997 Asian Financial crisis) ayaa si culus u saamaysay Qorshayaashii isbedel ee Dhaqaale ee wadamadani ay wadeen mudada dheer, iyadoo Khasaaraha ugu culus uu ku dhacay South Korea oo qiimaha Lacagteedu uu hoos u dhacay in ku dhow 50%, halka suuqyada Lacagta (stock market) ee wadamada kalena uu hoos u dhacay in ka badan 55%, hase yeeshee wakhti kooban ka dib ayey dib uga soo kabteen oo ay dib ugu soo laabteen suuqyada Dunida, halkii ay wax ka wadeena kor uga sii qaadeen.

Warbixin Hay’adda IMF soo saartay sanadkii 2013 waxay ku sheegtay in Four Asian tigers isku dar ahaan ay ka yihiin GDP ka Dunida in ku dhow 4%, marka la isku geeyo GDP ga wadamadani ayaa ku dhaw kan wadanka Ingiriiska oo ka sareeya wax ka yar 0.2%. Tiradda dadka wadamadan marka la isku geeyo ayaa ku dhaw 90 Million oo Qof, waxayna Dunida ka yihiin ku dhawaad 4% Dhaqaalaha Dunida. Waana wadamo dimuqraadi ah oo Democracy index kooda gaarka ahi uu aad uga fiican yahay Kan Mandaqada ay ku nool yihiin.

Dhinaca Khayraadka Dabiiciga ah (Natural resources) aynu kala qaadno oo aynu wadan walba si gaar ah isu dul taagno. Wadanka Taiwan waa wadan leh Khayraad Dabiici ah oo ay ka mid tahay Macdanta oo aan aad ugu badnayn, Beeraha iyo Kaluumaysiga. Wadanka South Korea waxa ay leedahay Khayraad badan oo dhanka Biyaha ah oo u fududeeyey inay hesho Adeeg Tamarta ah oo aad u jaban oo ay Biyaha ka samayso (Hydro electric power) iyo qaybo kala duwan oo Macdanta ah. sidoo kale Hong Kong ayaa leh Khayraad aad u yar oo Macdan ah halka Singapore aysan wax Khayraad ah oo la sheego aanay lahayn marka laga reebo Tamarta Nooca aan la cusboonaysiin karin (Non renewable energy) sida Gaasta Dabiiciga ah (Natural gases), Saliida Qaydhiin iyo Dhuxul dhagaxda, Biyaha lagu Cabo Singapore maaha kuwo laga soo saaray wadanka maadaama ay biyo yaraani ka jirto ee waa kuwo laga keenay Dalalka Dibada ee la Jaarka ah oo ay la wadaagaan Ganacsi Dhanka Biyaha ah. Hadana waxay Singapore la jaan qaaday oo ay xubin ka noqotay Four Asian Tigers.

Maxay ku noqdeen wadamo si Qayrul xad ah Kobac Dhaqaale u sameeya sanad walba?

6 Qodob oo muhiim ah oo ay hore u qaadeen ayaa u saamaxay inay Dalalkan sameeyaan Kobaca xad dhaafka ah ee Dhaqaale.

1. Dhismaha Dawlad Wanaaga (Good governance).

2. Dib u habaynta Nidaamka Maaliyadda Dalka, dejinta Siyaasado cashuur dhimis (tax reduction) si ay u soo jiitaan Maalgelin caalami ah.

3. Horumarinta Waaxda Wershadaynta (Industrialization).

4. Dhismaha Dadka iyo Dalka (Horumarinta Adeegyada Aasaasiga u ah Nolosha ee Caafimaadka iyo Waxbarashada).

5. Dejinta Siyaasad soo jiidata Maalgashiga caalamiga ah.

6. Shaqada oo Dadka la baray waxay tahay.

Somaliland Maxay ka baran kartaa?

Somaliland waa dal dhul ahaan aan yarayn marka lagu miisaamayo dadka ku nool, Bulshadiisu ay gaadhaan ilaa 5 Million oo Qof. Inkastoo aan sahan rasmi ah lagu samayn Khayraadka Dabiiciga ah (Natural resources) ee dalka yaala hadana xogaha laga helayo Khayraadka Somaliland yaala ee ay sameeyeen Shirkado waaweyn oo caalami ah iyo Dad muwaadiniin ah oo Aqoon u leh Culuumta Khayraadku waxay muujinayaan inay Khayraad mug leh oo dihin ku jiraan Deegaanada Somaliland oo dhinacyo kala duwan leh sida Shidaalka, Macdanta, Dhuxul Dhagaxda, Sibidhka, Kaluumaysiga, Beeraha iyo Xoolaha, iyo meelo kaleba. Markaa Haddii si wanaagsan looga faaidaysto, qorshe mug leh na laga sameeyo waxa la filayaa inay ku guulaysato Somaliland inay ka soo dhex baxdo Dalalka Mandaqada iyo Afrika ba, iyadoo aan xitaa Ictiraaf haysan. Waa wadan suuq laga adeegto u noqon kara meelo badan oo Dunida ah si gaar ahna Bariga Afrika iyadoo laga faaidaysanayo meesha ay kaga taalo Mandaqada. Somaliland waxay si wanaagsan u soo dheegan kartaa Talaabada Horumarineed ee wadamadani qaadeen, isla markaana waxay ku hirgelin kartaa muddo kooban oo aan 10 sanno ka badnayn. Masaalix Dhaqaale oo dal laga yeesho waxay abuuraan Masaalix Siyaasadeed oo laba Geesood ah oo Somaliland wax badan ka faaidi karto, Haddii ay qorshe siyaasadeed oo Qurux badan ka leedahay.

Inta ka horaysa se waa in la abuuro Siyaasado cusub oo lagu habaynayo Hayadaha Dawliga ah iyo kuwa Maaliyadda, sidoo kale Siyaasado iyo xeerar lagu soo jiidanayo Maalgashiga shisheeye waa lagama maarmaan marka marxaladan oo kale la marayo. Xeerarka Maalgelineed waxay qayb weyn ka qaataan soo jiidashada Maalgashadayaasha caalamiga ah, Wadanba wadanka uu ka xeerar iyo Siyaasado cad yahay buu ka soo jiidasho badan yahay Maalgashiga caalamiga ah, 30 kii sanno ee u dambeeyey na waxa la isku raacsan yahay in Dalalka Dunidu ku kala tageen hadba Maalgashiga caalamiga ah ee ay ka helayeen Dunida, wadan ka maarma maalgelin caalami ah iyo inuu la Ganacsado Dunida kale ma jiro, wadan keligii is bixinayaana ma jiro. Gabagabadii waxay hawshu isugu soo ururaysaa Somaliland ha u diyaar garowdo inay raacdo Qorshaha ay mareen kuna badhaadheen wadamada Four Asian Tigers ku.

Yacqub Said Ismail.

International political observer.

Yacqubismial@gmail.com

Bristol, UK.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>