Hargeysa,(Qaran-news)- Warar ku dhow dhow madaxtooyada ayaa noo xaqiijiyay in wasiirkii hore ee arimaha gudaha ee Somaliland mudane Cali Maxamed Warancadde uu ka cudur daartay in uu noqdo wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya, arintani ayaa ka danbaysay markii Cali Warancadde uu habayn hore kulan booqasho ah ugu tagay madaxweynaha isla markaasina uu is casilaadiisii halkaasi ugu gudbiyay, wararku waxa ay sheegayaan wada sheekaysi dheer ka bacdi in uu madaxweyne Siilaanyo ka aqbalay is casilaadaasi.
Ali Waranacdde oo hore u diiday wasaarada duulista iyo hawada markii xilkii wasaarada arimaha gudaha laga qaaday ayaa isagu doorbiday oo dooratay in uu noqdo wakiilka Somaliland ee Itoobiya, waxana uu saxaafada hore ugu sheegay in isaga ay ka timid in uu xilkaasi qabto wararkuna waxa ay hada sheegayaan in uu isagu ka noqday xilkaasi in uu qabto.
Lama garanaayo sababta uu Cali Waranacdde uu xilkaasi uga laabtay in uu qabto, waxna laga yabaa in ayaamaha soo socda uu Warancadde saxaafada la hadlo oo uu faah faahiyo sababta keentay in uu iska casilo xilkii loo magcaabay ee ahaa wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya