Hadaba waxaynu isku dayaynaa inaanu si kooban sharaxaad uga bixino saddex-daas mushkiladood ee haysta Hay’adda Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Somaliland.
1) Maamul Xumo: Madaxweyne Muuse Biixi intii uu magacaabay Axmed Yuusuf Dirir inuu noqdo Gudoomiyaha Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Somaliland ayaa waxaa xafiiska hantidhawrka soo foodsaaray maamul xumo taas oo sababa u ah in Gudoomiye Axmed yuusuf aanuu wax waayo aragnimo ah u lahayn shaqada xafiiska , isagoo hadana isku xeeray shakhsiyaal uu si gaara u dhagaysto maadaama aanuu shaqada loo igmaday waxba kala socon.
2) Qaraabo-kiil: Intii uu xilka hayey gudoomiye Axmed Yuusuf Dirir wuxuu ku kacay fool-xumooyin liddi ku ah qaranimada somaliland isagoo shaqaalada xafiiska u kala qaybiyey si beeelaysan islamarkaasna shaqaalihii iska wada horkeenay intii uu xilka hayeyna magacaabay 8 xil oo lix ka mid ah u magacaabay masuuliyiin ay isku beel yihiin hoostana ka akhri masuuliyiintaas iyo beesha ay kasoo jeedaan:-
1- Lataliyaha gudoomiyaha ( beesha habar Awal — sacad Muuse)
2- Ko-ordinatorka guud ( beesha habar Awal — sacad Muuse)
3- Agaasimaha Qorshaynta ( beesha habar Awal — sacad Muuse)
4- Agaasimaha Diiwaangelinta (beesha habar Awal — sacad Muuse)
5- Agaasimaha Admin iyo Finance ( beesha habar Awal — sacad Muuse)
6- Agaasimaha hayada Madaxa-banaan ( beesha habar Awal — Ciise Muuse)
Halka labada soo hadhay ay ka kooban yihiin somaliland oo dhan.
Hadaba Miyaa la aamini karaa hadii ay xafiiska hantidhawrka guud u shaqaynayso qaab qabiilaysan iyadoo ah hayadii garsoorka dalka lagu xaqsooraysay .
3) Musuqmaasuq: Hantidhawrka guud wuxuu xukumaa dhamaan kharashaadka ka baxa xafiiska miisaaniyadda sanadka 2019 oo dhan 11,421,868,030 sln shilling, waxaanay ku baxdaa hal awood oo ah ta gudoomiyaha hantidhawrka Axmed Yuusuf Dirir , kharashka u baxa sida saxda ah mooyee waxa soo hadha siduu doono u isticmaala tusaale ahaan:-
Sub-head-ka (2110303) hawleedka hantida dawlada oo ah 1, 816,800,000 sln sh iyo sub-head-ka (2211341) barnaamijyada hawlaha shaqo oo ah 6,000,000,000 sln sh, wixii soo hadha waxaa jeebka ku shubta gudoomiyaha hantidhawrka Axmed Yuusuf , shaqaalaha lacagtooda la boobayo maba qaban karaan hawlahooda maalmood.
Hadaba gudoomiye Axmed Yuusuf iyo guud ahaan hanti dhawrka guud wuxuu ka dhigan yahay ninkii boogta lahaa ee yidhi waxbaan dhayayaa ,muxuu dhayi horta tiisa hasoo daweeyo .
Gudoomiye Axmed yuusuf isagoo hantida umadda lunsaday sidee loogu aamini karaa inuu ilaaliyo ama masuul ka noqdo hantida umadda , yaase looga cabanayaa hadii xafiiska hantidhawrka laysku dhex dulmo.

Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka
Axmed Yuusuf Dirir