Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo:Cuqaal & Odayaal u qabtay Shirkada shidaalka ka baadhaysa Saraar 24 saacadood inay qalabkooda & Xamaantooda ku Urursadaan,kana baxaan degaankooda

$
0
0

Daawo:Cuqaal & Odayaal u qabtay Shirkada shidaalka ka baadhaysa Saraar 24 saacadood inay qalabkooda & Xamaantooda ku Urursadaan,kana baxaan degaankooda


Madaxweyne, Komishanka doorashooyinku musdambeed uuma baahna distoorkana kuma taalo

$
0
0
  1. Khudbadii shalay Madaxweyne Silaanyo Burco ka akhriyey waxa ku jirtay war aan hore loo maqal oo qofkii caqli lihi garan karo in ay tahay khiyaamo soo korodhay oo distoorka Somaliland ka baxsan. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu wiigan samayanayo musdambeed la shaqeeya komishanka doorashooyinka oo ka kooban sadexda xisbi iyo beesha caalamka. Komishanka doorashooyinku wuu madax banaanyay cid kale oo shaqada ku fara gelisana looma baahna ee muxuu Silaanyo uuga dan leeyey in uu isaga laftiisu durba hawlihii komishanka uu fara gelin ku sameeyo. Arin kaasi maaha mid madaxtooyadu daacad ka tahay sabab tuma waxa weeye xisbiyada qaranka iyo Beesha caalamka iyo Komishanka jeeb la isuguma geyn karo mana wada shaqayn karaan shuqulna iskuma laha. Waxay u eegtay in Silaanyo khiyaamo ka wato oo doonayo in uu mar kale mudada loo kordhiyo. Uuma eega in Silaanyo sagan la’an kursiga kaga degayo. Adiguba caqlaad leedahay ee muxuu madaxweynuhu ku keenay arinka musdabeedka sow maaha wuxuu isku cayn iyo bayd goynayaa doorashu si aanay u qabsoonteen. Saldhiga, Dekeda, sahaminta patroolka iyo musdambeedku waa hawlo wada socda oo aan weli sal kooda la gaadhin. Somaliland ha ka dig too-naato in la sameeyo musdambeed hawsha komishanka faraha la gala. Madaxtooyadii waqtigii baa ku soo koobmay oo xataa iyagii baa isku jiqa … Shirkaa Burcao ka dhacay wasiirka madaxtooyada waxa u diiday in uu ka khud-badeeyo agaasimaha guud ee biyaha waa ninkii wasiirada badan loo eryey isagaana protocolka hayay. Odayaal 25 ah oo doonayay inay odeyga ku arkaan tuulada ina Dhakool iyagana waa laga ilaaliyey hase yeeshee fariintii ay wadeen Burcoa ayay ku soo gaadh siiyiin madaxweynaha oo ahayad in shirkada shiinaha ay 24 saacadood kaga baxdo deegaan kooda. Wararku intaa wey ka fara badanyiin ee yaa ila badhi taara. isku soo xoori oo ASQO ayay Somaliland gashay.
Abdi Mustafe

Abmustafe123@gmail.com

Halkani ka daawo shirkii madaxd xisbiga Waddani ay kula kulmeen dadweynaha reer Sheffield iyo nawaaxigeeda

Wax Ka Baro Siddaa Aad Uga Hortagi Karto Isha Binu Aadamka

War-weyn:Wasiiro ka tirsan Xukumada Siilanyo oo Buuq & Fawdo ka dhex istaadhay Bulshada Oodweyne & Xaalada oo sii murugtay

$
0
0

Wasiiro ka tirsan Xukumada Siilanyo oo Buuq & Fawdo ka dhex istaadhay Bulshada Oodweyne & Xaalada oo sii murugtay

Burco-(Qaran-news)-Sida ilo wareedyo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Warfidiyeenka Qarannews waxaa saaka soo gaadhay Magaalada oodweyne Raxan wasiiro ah  Cadaani,Shukri boondare ,Faratoon & Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale.

Wasiiradu waxay u socdeen laba arimood sida ay Bulshada badhkood u sheegeen;Arinta koowaad waxay ku sheegeen Muranka qadiyada Sahaminta shidaalka ee Wakiilada Genel Energy  & Reer Ooodweyne ka dhex taagan ,Arinta labaadna waxay ku sheegeen xil wareejin Badhasaab ku xigeen.

Yeelkeede marka Hoolkii Degmada la galay ayaa wasiiradu saddex Ruux (Laba Caaqil Iyo Afku-xoogle) oo keliya ayay dalbadeen ama xusheen inay madasha ka hadlaan,kuwaas oo wasiiradu soo jeediyeen inay Muranka qadiyada Shidaalka ka haldaan,ha yeeshee waxaa la xaqiijiyey inay sadexdaa Ruux oo xilal dhaqan Huwani mushahar joogto ah Ninkiiba $150 Dollar ka qaato Wakiilada shirkada macdanta baadhaysa ( Genel Energy) iyo Wasiirka Xuseen Cabdi Ducaale oo isna qaatay Qandaraaska Wacyigelinta & Nabadeglyada meelaha Sahahnka shidaalka laga wado.

Markii arintu halkaas maraysay ayaa buuq & Guux istaadhmay,waxaa madasha lagu kala kacay iyadaan waxba laysla meel dhigin ama meel lagu tiirin qadiyadii sahanka shidaalka muranku ka tagnaa ahaydna in laga wadahadlo.waxaana dhab noqotay in wasiirada ka soo jeeda beesha galbeedka Burco  Cadaani & Shukri boondare & Wasiirka Macdanta iyo wakiilada shirkada Genel Energy ee Shidaalka Iyo macdanta sahaminaysaa qeyb ka yihiin xaalada cakiran ee ka aloosan Oodweyne,maadaba sadexda Ruux ee ay wataan,Bulshadana sanka ka marmarinayaan yihiin dad iyaga shaqaale u ah,Afkooda iyo waxay ku soo shubteen ku hadlayaan,maalintii horena fawdadu ka bilaabmatay ,maantana ay mar kale dadka ku soo dhextuureen si ay qorshaha Reer Oodweyne wataan u kala kiciyaan.

Isku soo wada duuboo wasiiradii waxay weli hoganayaan Oodweyne,Buuq iyo fara-taagtaagna wuu istaadhmay,shax kale oo al dhigo ayaa la raadinayaa

Wixii warar ee ka soo kordha dhacdadan isha ku hayo Qarannews.

Daawo:Cukuse oo Beelaha Bariga (Togdheer & Sanaag) ku sheegay Xaasidnimo,Hunguri & in badwnimadu biyo dhigtay,Galbeedkana..

$
0
0

Daawo:Cukuse oo Beelaha Bariga (Togdheer & Sanaag) ku sheegay Xaasidnimo,Hunguri & in badwnimadu biyo dhigtay,Galbeedkana..

Cuqaal iyo Waxgarad Miisaan Burco Ku Leh Oo Digniin Kamo Danbays Ah Ka Soo Saaray Hawlaha Sahaminta Shidaalka Ee Siilaanyo Gobolka Togdheer U Yimi.

Gorfeynta Silsilada Maan’seedda Miimley

$
0
0

MAHADNAQ
Mahad iyo ammaan Eebbaa mudan, nabad-gelyo iyo naxariis ALLE ha dallaalimayso Nebi Muxumed iyo ehelkiisa, asaxaabtiisa iyo guud ahaan dadkii raacay.

AFEEF
“Aniga oo ka warqaba in guud ahaan Soomaalidu aanay u bislaan ama ogolayn gorfeynta iyo falanqaynta. Gaar ahaanna, maansoleydu aanay uba baran in ay arkaan qof aragtida ay qabaan mid ka geddisan qaba. Aniga oo shantii sanno ee ugu dambaysay ku hawlanaa soo bandhigga dhaca hantida qaranka. Ummaddana u soo bandhigay hanti 80 guri iyo jago iskugu jirta. Si badheedh ahna farta ugu fiiqay ciddii hantidaa lunsatay. Hawshaana aan halkaa kaga hadhi doonin. Isla markaa, aan ogolayn in hantida ummadda cid gaar ahi ku takrifasho. Shaqadaa intii aan ku jiray dhibaatooyin badan oo kala jaad jaad ah kala kulmay, una soo dhabar-adaygay. Dadkuna marag ka ahaa.
Runta sheegisteedana aan cidna uga habran. Ayaan silsilid maanseeddan”MIIMLEY” fikirkayga xorta ah ka dhiibanayaa. Wali ba anigoo dareemi kara in ay dhibsan doonaan maansoleyda silsilad maanseeddan ka qayb qaatay.

Sababtuna waxa weeyaan in dadka Rabbi hibada u siiyay in ay tix mariyaan badankoodu, ciddii fikir ahaan ka hor timaadda ay maanso sida hubka wax gumaada ugu adeegsadaan. Taasina waxa ay keentay in gar iyo gardarra ba la la doodin. Hasa yeeshee, innagoo goortan Qarnigii labaatan iyo koowaad ku jirna, in xorriyaddayda hadalka iyo cabbirka fikirkayga aanu xuub cabsiyeed ku dahaadhnaan doonin ayaan halkan ku xaqiijinayaa. Kalsooni buuxda ayaanan qofnimadayda ka qabaa, waxa aanan leeyahay awood aan ku dhagaysto wax aan dhibsanayo.

Maadaama, silsiladda ummaddu leedahay, oo danta guud lagu lafo-gurayo, qof kasta wuxu xaq u leeyahay in uu aragtidiisa sidii uu ku cabbiro kara ba ku cabbiro tix iyo tiraab.” Cabdinaasir Axmed Abraham.

HORDHAC
Silsiladdan waxa abyay Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame” Ammin ku aaddan February. 12. 2017. Xaraf-raaceedu waa “M” Inta ogaalkayga ah waxa hadda soo galay 23 qof, iyada oo wakhti aad u kooban socatay.
Waxa aanan filayn in ay jiraan dad raba in ay qorraxda gacantooda ku qariyaan. Kuwaas, oo ah maansoleyda qabta fikirka ah in aan musuqmaasuq jirin.

Waxa aan sidoo kale aad u kala caddayn ula jeedka rasmiga ah ee maansoleyda garabka dawladda dhalliilay, sababtuna waxa weeyaan in ay gawl-gawlayaan hadalka oo mid ba wax u jeedo. In musuqmaamuq jiro dad badan baa og, joornaallada, mareegaha wararka iyo muuq-baahiyeyaasha ba waa lagu sheegaa. Haddaad is weydiiso intaa maxaa ka duwan ee ay sheegayaan. Waxa kuu soo bixi in aanay macno sidaa u sii buuran meesha oolin. Qoraalkan waxa aan ku idinkula wadaagi doonaa, taariikh kooban oo ku saabsan silsilidihii geyiga ka curtay bal si maansoleyda aan macnaha silsilad dhaaddanayn wax uga faa’iidaan.
Sidoo kale waxa qoraalkan aan ku soo bandhigi doonaa, meelo door ah oo aan ku saluugay silsiladda, aniga oo labada garab ee silsiladda ku hirdamaya mid ba gaarkiisa wax uga odhan doona.

Markii aan maansooyinka oo dhan wada dhagaystay, waxa iiga soo baxay in arriman hoose;
1. In maansoleyda silsiladda ku jirtaa da’yar u badan tahay. Kuwaas oo silsilad baa socota uun u soo galay. Isla markaa, aan xog ka hayn silsiladii geyiga ka curtay.
2. In maansooyinka silsiladda ku jiraa ay u badan yihiin qaar dhisme ahaan iyo macne ahaan ba jaban oo aan hal-aroor lahayn. Markii aan qaar ka mid ah qoray ee aan ku eegay aragtidii miisanka maansada ee “Gaarriye” waxa iiga soo baxay deel-qaaf badan.
3. In aflagaaddo iyo cay qaawan oo tiro beeshay la isku adeegsaday.
4. In yoolkii silsiladda maansooleyda ka qayb gashay badankoodu dacal-mareen.
5. In garabka dawladda dhalliilay uu kuwa ka soo horjeeda laaluush-cuneyaal ugu yeedhayaan.
6. In garabka dawladda raacsan ee midigta fogi, kuwa ka soo horjeeda u haystaan “Qaran-dumus.”
Qodobba kale oo door ah iyo kuwaa maraggooda ba hoos ayaan ku xusi doonaa. Mar aan is-weydiiyay sababta keentay in silsiladdan goortan furanto, waxa ay weydiintaasi dhashay su’aalo kale oo door ah oo ay ka mid yihiin;

– Intan oo maanso-yahan ma dalka ayay ka maqnaayeen?
– Haddii ay joogeenna ma hadda ayay ku soo hambabareen in dalka la boobay?
– Ma imika ayuu musuqmaasuqu bilaabmay?
– Ma markii hore ayay dadkooda dhinac ka raacsanaayeen oo hadda goortan xukuumaddu cadceedda casar noqotay ayay ka daba-geynayaan wixii ay hore u odhan kari waayeen?
– Gabyaagii kale ee aan ku barannay in ay had iyo goor danta ummadda ka hadlaan oo aan ka magacaabi karo, Cabdiraxmaan Cashuur iyo dhiggiisu maxay uga muquurteen in ay ka qayb qaateen silsiladda?
– Haddii silsiladda oo aan wakhti yar socotay sidan qaawan la isku caayay, sii socodkeedu khayr intee leeg ayuu dhali karaa?
LA SOCO…


Tirada Guud ee Muwaadiniinta isu diiwangeliyey Doorashooyinka Somaliland oo la shaaciyey+Gobol walba inta iska diiwangelisay

$
0
0

Tirada Guud ee Muwaadiniinta isu diiwangeliyey Doorashooyinka Somaliland oo la shaaciyey+Gobol walba inta iska diiwangelisay

 

Hargeisa-(Qaran-news)-Doorashada madaxtooyada ayaa dhici doonta sida lagu wado  13ka Novenbar 2017ka ,waxaa intaad dheer

 

 

Tirada Guud ee Muwaadiniinta Doorashooyinka isu diwaangelisay   873,331 oo sidan kala ah:-

 

Maroddijeex    312,364

Togdheer         178,506

Awdal               147,031

Sanaag             85,222

Saaxil                78,842

Sool                   71,096

 

Kaadh bixintu waxay ka bilaabmaysaa saaxil & Awdal  29/04/2017ka. Halkan hoos ka akhri tirad Degmooyinka oo faahfaahsan

 

 

Daawo:Saylaci oo Markii Saxeexii Lacagta lagala tegay ee Albaabkiisa Cidiba soo geli wayday Camal la’aan darteed Maqaaxiyaha & Suuqyada dhexmushaxaya

$
0
0

Saylaci oo Markii Saxeexii Lacagta lagala tegay ee Albaabkiisa Cidiba soo geli wayday Camal la’aan darteed Maqaaxiyaha & Suuqyada dhexmushaxaya

Daawo:Siyaasi kashifay fadeexad dulhoganaysa Wasiirka Madaxtooyada+ Qalabka lagu xado Macdanta Somaliland+Qaylodhaan uu diray Goobaha shidaal baadhistu ka socoto.

$
0
0

Daawo:Siyaasi kashifay fadeexad dulhoganaysa Wasiirka Madaxtooyada+ Qalabka lagu xado Macdanta Somaliland+Qaylodhaan uu diray Goobaha shidaal baadhistu ka socoto.

Dr. Sacad oo cadeeyey in Saldhiga lala saxeexday madaxa sanduuqa horuumarinta emaaraatka

$
0
0

Wax badan baa bulshadu is weydisay sideebaa saldhiga bilaash loogu bixiyey oo loo kireyn waayay. Subxaan……..
ileyn dilaal baa wax lala saxeexday isagu ka sii faaiidaya oo ka kireynaya dowlada emaaraadka. Qofkii doonaya in uu fajaco warbaahinta ha ka dhegeysto wareysiga cusub ee Sacad Cali Shire oo la weydiiyey cida lala saxeexday saldhiga Berbera. Dr. Sacad isaga oo isku kalsoon wuxuu cadeeyey in lala saxeexday madaxa sanduuqa horuumarinta emaaraadka. Yaa salaaaaam…..Reer Somaliland maanta ayuun bay ogaadeen in Saldhiga Berbera shakhsi ama dilaal carbeed lala saxeexday. Carab kaas ayaa ka sii kireyn doona dowlada imaaraadka oo saldhigii dilaali doono. Waa nasiib daro in Morgan iyo qoyska Silaanyo fara guud kood wax laga siiyo oo ay Saldhiga dilaal carbeed ku wareejiyaan. Halkaa ayuu ku galbaday Saldhiga Berbera hase yeeshee kol hadaan dowlad lala saxeexan waa la soo celin karaa.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

Wasiiradii Oo U Soo Jeestay Dhaca Hantida Gaarka Ah Iyo Ku- Xigeenka Amniga Max’d Muuse Diiriye Iyo Ina Dhulcun Oo Doonaya Inay Shaadh Dawladeed Kula Wareegaan Qalab Uu Leeyahay Ganacsade Xamaada

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-News)-Wasiir-ku-xigeenka arimaha Amniga ee wasaaradda Daahkiliga Maxamad Muuse Diiriye iyo xildhibaanka Wakiilada Cabdulcasiis Dhulcun oo la kaashanaya wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi ayaa shaadh dawladeed usoo gashaday inay kula wareegaan qalab iyo gaadiid ay leedahay shirkadda dhismaha ee Prime Somaliland Sultan limited taasoo kaga diiwaangashan Xeerilaanta Somaliland inuu 50% leeyahay Maxamed Xasan Alsoomaali(Xamaada) oo ah muwaadin Sucuudi ah oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland halka saamiga intiisa kale uu leeyahay nin Sucuudi ah oo dibadda degani.Hadaba ku-xigeenka Amniga Maxa’d Muuse Diiriye iyo Xildibaan Dhulcun ayaa waxay horaanti todobaadkii hore xeer ilaalinta ka dhaadhiciyeen in Xamaade aanu laheyn shirkaddan oo niman ka wakiil ah mulkiilahii shirkaddu ay Hargeysa joogaan una yimaadeen in lagu wareejiyo hantidii shirkadu laheyd sidaas darteedna ay daruuri tahay la soo badho hantida shirkaddan taasoo ay xeerilaslintu u gubisay CID-da.Hadaba yadoo aan baadhistii laga gun gaadhin ayaa Maxamed Muuse Diiriye iyo Mr Dhulcun waxay iyagoo adeegsanaya ciidanka dawladda ay weerar ku qaadeen xeradii shirkadda Prime Somaliland Sultan oo ku taala meel ku dhaw kontaroolka Hargeysa looga baxo dhinaca Gabilay iyadoo ay ku andacoonayaan in la isku haysto oo rabshadi ka taagantahay taasoo aheyd been aan waxba ka jirin,waxaanay waliba halkaas ku jajabiyeen qufuladii ku xidhnaa koonteenaro farabadan oo uu qalab ku jiray isla markaana waxay xeradii dajiyeen ciidan bilays oo iyaga ka amar qaata.
Xeerilaanta ayaa waxa mar dambe u cadaatay in labada nin ee ay Max’d Muuse iyo Dhulcun uga dhigayeen inay shirkadda ka wakiilyihiin ay sitaan wakaalad khusaysa dalal Yurub ah oo aanay habayaraate Somaliland wax shuqul ah ku laheyn.Waxa kale oo la ogaaday in labada nin aanay aheynba Sucuudiyiin balse ay yihiin Falastiiniyiin.Inkastoo ay Xeerilaantu qoraal ugu sheegtay CID-da inay joojiyaan baadhitaankaasi oo askartiina laga kaxeeyay xeradii hadana saaka subaxdii ayuu Maxamad Muuse Diiriye waashmaanadii xerada ilaalin jiray intu xoog ciidan kaga saaray ku yidhi mushaharkiniina anigaa bixinaya ee xafiiska iigu kaalaya ayuu ku badalay 7 ay ina Dhulcun isku haybyihiin,waxaana laga baqayaa inuu isku-dhac foolxumi ka bilaabmo halkaasi. Madaxtooyada,wasiirada, ‘badhisaabyada iyo xildhibaanada xisbiga Kulmiye ayaa markii ay soo gabogabeeyeen boobkii iyo kutagrifalkii ay ku hayeen hantidii guud ee ummadda ka dhaxaysay waxay haatan u jeesteen dhinicii hantida gaarka loo leeyahay iyadoo baryahan uu dambeeye todobaad kasta la maqlo dhacdo cusub oo ay nimankaasi mamay ku boobayaan maalka xaqunaaska ah.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha WADDANI oo Ka Hadlay Sida ay u Shaqeeyaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Caalamku

$
0
0

SIDEE U SHAQEEYSAA XOG-HAYNTA ARRIMAHA GUDAHA EE MARAYKANKU
Xoghaynta Arrimaha Gudaha Ee Maraykanka
Xoghaynta arimaha gudaha ee maraykanku tusaale ahaan waxay u xilsaran tahay maamulida, illaalinta dulka federalka & khayraadka dabiiciga ah; waxay dusha ka eegtaa hay’adaha & xafiisyada maaraynta dhulka, sahaminta joolayiyada & adeegyada seerayaasha qaranka (national park service) xoghayntu waxay kaloo ka shaqaysaa oo magacawdaa seerayaasha muwaadiniintu gaarka u leeyihiin gudidooda; xoghayntu waxay qayb ka tahay golaha madaxwaynuhu gudoomiyo (golaha wasiirada) Waaxda arimaha gudaha ee maraykanka laguma khaldo wasaaradaha arimaha gudaha sida ay u isticmaalaan dawlado badani wassaaradaha arrimaha gudaha ee wadamadu waxay maamulaan amniga gudaha oo maraykanka gooni u taagan.Maxaa wacay siyaasada qaybta arimaha guduha & waaxaheedu waxay leeyihiin muhiimado wax raadeeya qaybaha hoos yimaada xoghaynta arrimaha gudaha waxaa ka mid ah:
1) Ku xigeenka xoghayaha arimaha gudaha
2) Caawiyaha xoghaya ee siyaasada, maamulka & miisaaniyada
3) Caawiyaha xoghayaha ee dhulka & maamulka macdanaha
4) Caawiyaha xoghayaha ee biyaha & sayniska
5) Caawiyaha xoghaya ee kalluunka, ugaadha & seerayaasha
6) Caawiyaha xoghayaha qabaa’ilka hindida
7) Maamulaha, amniga, badbaadada, meel marinta sharciga, & xafiiska dib u hagaajinta
8) Maamulha gobollada dhexe, ee sahaminta juquraafiga
9) Maamulaha gobolada buuralayda & seerayaasha qaranka
10) Dawlad goboleedka Colorado, xafiiska maamulka dhulka
11) Illaalinta gobollada, dhagaxleyda ah.
Wasaaradda arrimaha gudaha Ee Aduunku maxay qabtaan
Wassarada arimaha guduhu; waa wassaarad dawladeed; ka masuul ah siyaasda gudaha, maamulidda xaaladaha degdega ah, amniga qaranka ee gudaha, diiwaangelinta, kormeerida dawladaha hoose, dhaqan gelinta doorashooyinka, maaraynta guud & arimaha sadcaalka.Wadamada qaarkood, amuuraha la xidhiidha hagaajinta sharciga iyo kala danbaynta, maamulida cadaalada ayaa ka mid ah hawlaheeda oo ay gooni kala yihiin wasaarada cadaalada, wadamada qaarkood, siyaasada & amniga guud waxaa maamula wasaarado kale oo la magac baxa, wasaarada amniga iwm, waxaana wasaarada arimaha gudaha u hadha maamulida dawladaha hoose, maamulka dadwaynaha, doorashooyinka iwm.
Waa side hadaba teenu….

Daawo Maxaa ka dhab ah Siilaanyo?


Baraha bulshada iyo halista diintaada!!!!

$
0
0

Waxaan halkan ku soo uruurinayaa 4 halisood oo aan u arkay in ay waajib tahay in laga digo oo ku so batay baraha bulshada gaar ahaan facebook, iyaga oo ah mawaadiic bal balaadhan hadana waxaan uga hadli insha allah si tilmaan ahaan uun ah iyo baraarujin.
1. Dhibka dadka diinta islamka ka baxay ee gaaloobay ee somalida ah.
Waxa aan in badan aragnaa dad somaliya oo diinta ka baxay oo ku badan facebook oo afkaagii ku hadlaya isla markaasna si aanad dhaadayn kuu luminaya oo qofkii aan cilmi lahayn ku tashuushadaynaya waxyaabo been ah.
Allah wuxuu leeyey subxaanahu wa tacaalaa (ومن يرتدد منكم عن دينه فيمت وهو كافر فأولئك حبطت أعمالهم في الدنيا والآخرة وأولئك أصحاب النار هم فيها خالدون )
Kii ka noqda illahay diintiisa ee dhinta isaga oo gaal ah kuwaas camaladoodii waa bureen aduun iyo aakhiraba, kuwaasi waa asxaabta naarta iyadana ayaanay ku waarayaan oo laga saari mayo marnaba.
Aayadaas quraanka ah waxay inoo cadaysay qofku mar haduu diinta ka baxo isaga oo soo islaama mooyee inuu yahay ahlu naar aan waligii laga soo saarayn naarta sidaas awgeed waa inaad ka digtoonaataa wuxuu kugu furayo ee been iyo shakisiin ah.
Nabiguna salalahu calayhi wasalam wuxuu yidhi (لا يحل دم امرئ مسلم إلا بإحدى ثلاث: الثيب الزاني، والنفس بالنفس، والتارك لدينه المفارق للجماعة. رواه البخاري ومسلم)
Ma banaana qof muslim ah dhiigiisu waxaan sadexdan ahayn, qof guur soo maray oo sinaystay, qof qof dilay oo loo qisaasayo, iyo kii ka tagay diintiisa kana baxay jamaacadii musliinta.
2. Dhibka dad Somali ah oo islamka sheeganaya laakiin markaad ogaato safka gaalada ku jira, waana qoladan imika ku badan baraha bulshada ee la yidhaahdo quraaniyiin, ee leh anagu xadiis uma baahnin bes quraanka ayaan raacaynaa, subxaanalaha rasuulkii ilahaay usoo dhiibay quraanka ee umada u keenay ayay leeyahiin uma baahnin tallow quraanku xaguu usoo maray!!
Allah wuxuu leeyey isaga oo ka hadlaya rasuulku wuxuu farayo inay yihiin waxyi ee aanu ahayn wax isaga naftiisa ka yimi ({وَمَا يَنطِقُ عَنِ الْهَوَى} (3) {إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْيٌ يُوحَى} (4) سورة النجم)
Kuma hadlayo rasuulku hawadiisa, wuxuu ku hadlayaa uun waxyi loo waxyooday.
Waxa kale oo allah leeyey (من يشاقق الرسول من بعد ما تبين له الهدى ويتبع غير سبيل المؤمنين نوله ما تولى ونصله جهنم وساءت مصيرا )
Qofkii la colaadiya rasuulka scw kadib markii uu u cadaaday hanuunku ee raaca wado aan ahayn wadadii mu’miniinta wado aan ahayn waxaanu uga wali dhigaynaa wixii uu ka dhigtay waxaanan galinaynaa jahanama iyada ayaana u xun meel loo noqdo.
Ayadan quraanka ah mumiinta ay sheegtay ee la raacayaa waa laga bilaabo rasuulka iyo saxaabadiisa, taabiciintii, iyada taabicu taabiciin iyo wixii wadadaas mara ilaa qiyaamuhu dhacayaan, tusaalana quruuntii sadexda ahayn ee nabigu sheegay scw ayaa ah, hadaba ma is waydiisay kaagan xadiiska diidayow waxay kala kulmeen saxaabadii, taabiciintii iyo taabicu taabiciin iyo culimadii sunada ee aduunkan soo martay hortaa. Ma ku haysaa iyaga oo leh quraanka ayaa nagu filan oo xadiis uma baahnin!!!!
Sidoo kale wuxuu allah ku yidhi aayad kale (وأنزلنا إليك الذكر لتبين للناس ما نزل إليهم ولعلهم يتفكرون )
Waxaanu usoo dejinay xagaaga digri (quraan) si aad ugu cadayso dadka wixii loo soo dejiyey waxay mudan yahiin inay ka fikiraane.
Nabiguna salalahu calayhi wasalama wuxuu ku yidhi xadiis saxeexa (ألا إني أوتيت القرآن ومثله معه)
Baraaruge waxa la isiiyey quraanka iyo mid la mida oo la socda.
Culimadu waxay ku macneeyeen midkaasi inuu yahay xadiiska rasuulka scw
Qoladaasna waa in laga digtoonaado isaga kaa dhigaya muslimiinta isla markaasna lunsan.
3. Qolada sadexaad ee aan ka digayno waa SHIICADA qoladani iyaguna sharkoodii wuu soo batay waxaadna arkaysaa meelo badan oo ay ku leeyahiin baraha facebook, waxaanad markii aad gashabad dareemaysaa waxa ku qoran qololkaasi ay leeyahiin iyaga oo aad arkayso inay caayayaan saxaabiyadii, hooyadii muuminiinta caasha bintu abibakar as-sadiq radiyalahi canhaa, iyo saxaabadii kale.
Iyaga abaadiishooda (baadilkooda) waxa kuugu filan waxay aaminsan yahiin marka u horaysa cid ilaahay subxaanuhu watacaalaa ku bari yeelay quraankii uu ka soo dejiyey todobada samo korkooda aanay waxba ka jirin wixii quraanku ka bari yeelay, iyaga oo ku sheegay hooyadii mumiinta ee caaisha inay sino la timi, allahna wuxuu ka yidhi arintaasi (إِنَّ الَّذِينَ جَاءُوا بِالإفْكِ عُصْبَةٌ مِنْكُمْ)
Allah wuxuu leeyey kuwii la yimi been abuurku waa kuwo idinka mid ah, waxay aaminsanyahin in aanay been abuur ahayn arin allah been abuur ku sheegay inaad tidhaahdo way dhacday dambigeeda adiga ayaa korka saartay.
Waxa ka daran oo ay aaminsan yahiin in quraanku aanu dhamaystirayn, in ay jiraan 12 imaam oo midi hadhsan yahay, islama markaasna ay ka sareeyaan ambiyada imaamadu!!!
Shiicadu iyada oo wada lunsan hadana kuwa la yidhaahdo ithnaa cashariya (اثنى عشرية) waxay culimadu ku xukumeen inay gaalo yahiin kadib markii loo dhabo galay waxay aaminsan yahiin iyo inay xataa sheegtaan inay hayaan quraan aan kan ahayn.
Isku soo wada duuboo waa in laga feejignaado shiicada iyo fitnadeeda ay hada somalida usoo waarideen.
4. Qolada afraad ee aynu ku khatimaynaa waa kuwa khurufaadlayaasha ah, iyaga markii hore kumay badnayn baraha bulshada laakiin haddeer ayay bilaabeen inay belaayo ka shubaan oo waxa calaamad u ah markiiba waxaad arki iyaga oo caayaya oo lunsanaan ku xukumaya culimadii sunida ee ilaahay qabuulka siiyey, sida ibnu taymiyah, maxamed abdiwahab iyo culimada la midka ah ee ahlu sunaha.
Qoladani waxay ka xanaaqaan in lagala hadlo tawxiidka saxiixa ah, caqiido ahaana waxay aaminsanyahiin oo ay ku faanayaan mad-abu xasan ashcari illah ha u naxariistee uu markii hore aaminay kadibna sida kutubka ku cad uu ka toobad keenay aakhirkii noloshiisa. Waana mad-hab aan ahayn mad-habka saxda ah ee ahlu sunaha, sidoo kale waxay aamin san yahiin in la baryo oo wax lagu qalo oo la dul fadhiisto xabaalaha, tusaalena uma baahna oo door kasta waad aragtaan inay ku dawaafayaan qubuuraha.
Culimadii shirkaga iyo belaayada qubuuraha lagu dulsameeyo ka digtayna waxay u yaqaanaan kuwo lunsan.
Qoladaasina hada waa ku bateen baraha lagu kulmo sidaas awgeed ha laga digtoonaado.
Dhamaad
Wixii aan saxay illaahay ayay ka ahaatay xagiisa, wixii aan khaldayna aniga iyo naftayda ayay ku kooban tahay ilaahayna waan ka danbi dhaaf waydiisanayaa.

waad sii faafin kartaa si khayrku u gaadho dad badan.

Walaalkiin Siyaad Maxamed Haybe
siyaadhaybe@gmail.com

Hargeisa.

Liiska Qandaraasyada aan loo tartamin ee qaleylka lagu qaybsaday dhawaan iyo dagaalka Dhaqaale ee ka curtay magaalada Berbera.

$
0
0

Xukuumada Siilaanyo intii ay hogaanka dalka haleeshay waxay isku khaladay Qaranimadii iyo Qoysnimadii waxaana meesha ka baxday cadaalad u qaybintii midhihii dawladnimo, waxaa baaba’ay xaq-dhawridii wada-lahaanshihii qaranimo, Waxaana dhinac u-ciirey oo weecsin iyo beegsin noqdey Qandaraasyadii, Hantidii guud iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka . Kadib markii ay Xukuumadu Xeyndaabkii Baanankii dalka ku xaraysey Xawaaladihii ilma Jini boqor si loo caseysto oo loo lunsado Lacag dakhli dawladeed ah ama loo futeeyo lacagaha deeqaha ah ee deeq-bixiya-yaashu inoogu deeqaan.1Taasina waxay keentay in maanta Somaliland yeelato shaqsiyaad deris ku nool ah oo ku taajirey naasnuujinta xukuumadan dulmiso mudo kooban oo 6 sanadood ah. Waxaa ishu qabatey Shaqsiyaad biyo dhiijiyey dheeftii iyo dha-dhankii yaraa ee shacabku wada lahaa. Shaqsiyaad mansabka ku ganacsada oo laba lisay amaanadii lagu aaminey ee loo dhaariyey. Waxay arintani keentey in ay meesha ka baxdo yuhuuntii iyo wax-wada lahaanshihii dawladnimo ee loo sinaan lahaa anfaca,agabka,maganta,moorada, muquunada iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, Boowe ! Bal ufiirsada oo isweydiiya Qandaraasyadan hoose ee dhinaca ka rarmay sifihii lagu bixiyey,cidii muquuno loo siiyey iyo muskii iyo miscirirtii lagu gufeeyey: Qandaraasyadan tirada badan ee Cadaalad darada lagu bixinayaa waxay nusqaan iyo naaneys xumo ku tahay haykalka iyo hogaaminta dawladnimo.

1- Qandaraaska Hoteelada Dalxiiska ee dhulka dadka iyo danta guud loo boobay
2- Qandaraaska dhismaha Deyrka dheer ee Suuqa xorta ah ( Free zone ).
3– Qandaraaska dayactirka iyo qalabeynta Agabkii hore ee Dekeda Berbera
4- Qandaraaska isgaadhsiinta Dekeda, Free Zone ka iyo Shaqaalaha DPW
5- Qandaraaska qaybinta Shidaalka iyo Kaalimaha Shidaalka ee Dekeda iyo Free Zone ka
6- Qandaraaska Daabulaada shaqaalaha DPW iyo Dayactirka Gaadiidka DPW iyo Free Zone ka.
7- Qandaraaska Caymiska shaqaalaha iyo asadka Dekeda iyo Free Zone ka
8- Qandaraaska Nadaafada Guud ( Cleaning ) ee Bekeda iyo Free zone ka
9- Qandaraaska Keydka Qaboojiyeyaasha Dekeda iyo Free Zone ka
10-Qandaraaska Xawilaada lacagaha iyo sarifka lacagaha qalaad
11- Qamdaraaska Parking ka Dekeda iyo Free Zone ka

12- Qandaraaska Securitiga suuqa Xorta ama Free Zone ka

13- Qandaraaska Saadka shirkada DPW iyo shaqaalaheeda gaarka ah.

14- Qandaraaska qalabka xafiisyada iyo daabacaada rasiidhada iyo steekarada DPWorld.

15- Qandaraaska Amniga (security ) ee Dekeda Berbera iyo Free zone ka

16- Qandaraaska sifeynta iyo tayeynta shidaalka Haamaha Berbera

17- Qandaraaska Dhismaha Wershada Hilibka ee Berbera

18- Qandaraaska Fayo- dhawrka Raashinka (quality control ) ee ka soo dega Dekeda Berbera .

19 – Qandaraaska Carbinta iyo Tabo-barida Shaqaalaha Dekeda DPW iyo Free Zone ka.
20- Qandaraaska Quudinta Shaqaalaha Dekeda Berbera, DPW iyo kuwa Free Zone ka.
Waxaa mushtamaca reer Somaliland indhahooda ku daalacdeen oo dhegahooda ku maqleen in 20-kan qandaraas ee sare dhawaan la siiyey laguna naasnuujiyey sife baalmarsan sharciyada qandaraasyada ee dalka u yaala shaqsiyaad ka mid ah ehelada madaxtooyada iyo shirkado sameys ah oo ay wax ku leeyihiin Wasiiradda ugu tunka weyn xukuumada Siilaanyo. Waxaa laga dhawaajiyey in Qandaraasyadan badan ee dhinaca ka raran aan Ganacsatada iyo shacabka Somaliland midna loo soo bandhigin si loogu tar tamo sife xalaal ah oo xor ah ( Fair competition ) laakiin waxaa lagu bixiyey sife qaraabo kiil ah oo gacan wadaag ah oo qusum iyo qoon ah . Taas oo shacabka reer Somaliland ucadaysey in aan maanta loo sineyn Yuhuuntii iyo wada lahaanshihii midhihii dawladnimo, maadaama si cadaan ah loogu badheedhay in aan cadaalad lagu qaybsan mansabka,manfaca, maganta moorada iyo muquunadii uu qaranku wada lahaa. Danta guud ee JSL waxay ku jirtaa badbaado qaran iyo in qandaraasyadaa dib tendher loo mariyo oo tar tan xalaal ah loo maro cidii ku guuleysatana la siiyo.

Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan. “Anigu Daaha Kama Rogin ee dadkuba wuu arkaayaa.! ee Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu gey-geyso” !

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

War-weyn:Daawo Kelyo,Beer,Isbeer & Hilib Dad oo la tahriibinaayey oo lagu qabtay Hargeisa

$
0
0

Daawo:Kelyo,Beer,Isbeer & Hilib Dad oo la tahriibinaayey oo lagu qabtay Hargeisa

60,000 new South Sudanese arrivals in Sudan in first three months of 2017

$
0
0

GENEVA, Switzerland, March 29, 2017/APO/ — Over 60,000 South Sudanese refugees have newly arrived in Sudan’s border states in the first three months of 2017.
The number of new arrivals has surpassed expectations, signalling a likely worsening situation in South Sudan. UNHCR’s Representative in Sudan, Noriko Yoshida, appealed to the international community to continue its support to Sudan for the South Sudanese refugee emergency.

However, she also said: “Ultimately there needs to be a solution in South Sudan, so that people do not have to flee to neighbouring countries.”

Yoshida expressed her gratitude for Sudan’s continued generosity in receiving refugees and keeping its border open. Over 365,000 South Sudanese refugees have arrived since December 2013. The majority of the new arrivals are women and children.

Yoshida was encouraged by the Government of Sudan’s approach of granting South Sudanese refugees the opportunity to live within host communities, where old friendships and ties exist.

“Sudanese people along the border are sharing much of what they have with people arriving from South Sudan. Old friends are helping each other. Refugees are also working on the land supporting local farmers, and making a small living to sustain themselves and their families.”

She appealed for support for host communities. “In many places local hospitals are being shared by host communities and refugees alike; it’s the same with local schools. UNHCR wants to support refugees in host communities. Living outside camps reduces the isolation of refugees, and enhances their resilience and dignity. But, we need to ensure local communities also benefit from support for refugees.”

UNHCR and its partners have appealed for USD 166 million from international donors to help refugees and host communities in Sudan. As of March 2017 only 3% of the funds have been received. The appeal amount is also being revised upwards in the coming weeks in line with rising needs.

Distributed by APO on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR).

Africa’s future depends on its ability to meet the expectations of its young people, Mo Ibrahim Foundation report underlines

$
0
0

PRESS RELEASE

Africa’s future depends on its ability to meet the expectations of its young people, Mo Ibrahim Foundation report underlines
A compilation of data and insights will inform discussions during the 2017 Ibrahim Forum ‘Africa at a Tipping Point’ on 8 April in Marrakech, Morocco.

LONDON, 28 March 2017 – The Mo Ibrahim Foundation’s 2017 Forum Report Africa at a Tipping Point finds the continent still making progress, but faced with a real risk of falling back. The future will depend, more than anything else, on Africa’s ability to harness the energy and meet the expectations of its young people.
Among the key opportunities and threats:
Today, 60% of the continent population is already under 25 years of age. By 2050, Africa will be home to 452 million people under the age of 25. Their drive, ambition and potential provide African countries with an extraordinary asset. But this demographic dividend is at risk of being squandered.
Too many young Africans feel devoid of economic prospects and robbed of any say on the future of their own continent.
The commodity cycle may have fuelled GDP growth for many African countries but it has created almost no jobs. Over the last ten years, while Africa’s real GDP has grown at an annual average of 4.5%, youth unemployment levels have remained high. Despite being the second-largest African economy, South Africa is not able to provide jobs for more than half of its youth population.
Young people have spent more years in school but few have been effectively equipped with the skills the economy needs. Despite having some of the most educated populations, with gross enrolment ratios in tertiary education over 30%, Egypt and Tunisia also have some of the highest youth unemployment rates on the continent, greater than 30%.
“Free and fair” elections have indeed multiplied over the last decade, but voter turnout is declining and scepticism about elected representatives is growing, especially among the young people.
Disenchantment with democracy and lack of economic opportunity form a “toxic brew”, bound to strengthen the appeal of migration and violent extremism.
Terrorism has become a well-organised multi-billion dollar criminal enterprise with growing control over the drugs trade, people trafficking and other parts of the black market. The jobs, status, income and feeling of “belonging” it seemingly offers to young people cut off from the mainstream economy may be more attractive that the ideology itself.
Mo Ibrahim, Chair of the Mo Ibrahim Foundation, said: “The energy and ambition of Africa’s young people is our greatest resource and best hope for strengthening our continent’s progress. But their expectations could turn into frustration and anger unless they find a job and get a chance to influence their own future. Africa stands at a tipping point. The decisions taken now will decide whether our continent continues to rise or falls back. More than ever, wise leadership and sound governance are key.”
Ahead of the 2017 Ibrahim Forum, which is part of the Foundation’s Annual Governance Weekend, the report sets the stage for high-level discussions between leaders from the public and private arenas, as well as influential partners based outside the continent. Based on this analysis, the Forum will address three priority areas that require leadership and sound governance:
The appeal of violent extremism and migration
The risk of a democratic recession
The need for an inclusive economic growth
Among the speakers are:
Akinwumi Adesina, President, African Development Bank
Kofi Annan, former Secretary-General of the United Nations
Youssef Amrani, Minister-Delegate for Foreign Affairs and Cooperation
Abdoulie Bathily, Special Representative of the United Nations Secretary-General for Central Africa
Aliko Dangote, President and CEO, Dangote Group
Moulay Hafid El Alamy, Minister of Industry, Trade, & New Technologies, Morocco
Jean-Marie Guehenno, President and CEO, International Crisis Group
Sello Hatang, CEO, Nelson Mandela Foundation
Mo Ibrahim, Founder and Chair, Mo Ibrahim Foundation
Martin Kobler, Head of United Nations Support Mission in Libya
Ngozi Okonjo-Iweala, Senior Advisor, Lazard
Amina J. Mohammed, Deputy Secretary-General of the United Nations
Mark Malloch-Brown, Chair, Commission on Business and Sustainable Development
Paul Polman, CEO, Unilever
Lamido Sanusi, Emir of Kano Emirate
Moderators:
Abdelamalek Alaoui, Founder and CEO, Guepard Group
Zeinab Badawi, Presenter, BBC HardTalk
Jendayi Fraser, President and CEO of 50 Ventures, LLC
Read the full report: mo.ibrahim.foundation/forum/downloads/

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>