Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Hadaladii fogaa ee uu madaxweyne Siilaanyo ka yidhi sahaminta Shiidaalka Shalay Iyo Kuwa Rajada ah ee uu maanta ka leeyahay

$
0
0

Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo halkaas ka jeediyay khudbad uu ku furayo sahamintan oo uu soo dhaweeyay, waxaanu shacabka reer Somaliland ee gobaladaa sahanku marayo ku nool ka codsaday in soo dhaweeyeen hawlgalkaas, isagoo ammaan kula dul dhacay wasiirka macdanta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale iyo wasaaradda macdantaba.

Khudbadii Madaxweynaha

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu jeediyay khudbad ay dadkii madasha ku sugnaa oo u badnaa shaqaalaha dawladda iyo weftigii la socday u sacabo tumeen, waxaanu yidhi “Milgo iyo maamuus weyn ayay Madaxweyne ahaan ii tahay, in aan idinkala soo qayb galo, xafladdan lagu daah furayo, bilawga sahaminta shidaalka dalka. Mashruucan sahaminta shidaalku, wuxuu si rasmi ah uga bilaabmay Gobolka Saraar iyo Togdheer, wuxuuna u gudbi doonaa Gobollada Daad-madheedh, Maroodi-jeex, Hawd iyo Sanaag.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Anigoo munaasibadan ka faa’iidaysanaya, waxaan jecelahay in aan halkan uga mahad-celiyo, dhammaan bulshada ku dhaqan gobollada hawlgalladu ka socdaan, sida diiran ee ay u soo dhoweeyeen, si gaar ah, waxaan u bogaadinayaa waayeelka iyo waxgaradka, sida hagar la’aanta ah isu barbar taagay barnaamijkan sahaminta shidaalka, ee ka socda deegaannada qaar. Mar labaad, waxaan ku hambalyaynayaa dhammaan hawl-wadeennada Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, ee uu hormoodka u yahay Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, doorkii iyo dedaakii ay ka geysteen hirgelinta mashruucan qiimaha badan oo ka mid ahaa himilooyinkii Xisbiga Kulmiye.”

Shalay

Dad badan oo reer Somaliland ah waxa ay hawlgalada shidaal baadhista iyo khudbadda Madaxweyne Siilaanyo ee Axadii, soo xasuusisay khudbad uu Madaxweynuhu jeediyay waagii uu mucaaradka ahaa oo uu xilka hayay Madaxweyne Rayaale. Madaxweyne Rayaale ayay xukuumadiisii waxay dalka ka bilowgay hawlgalo shidaal iyo macdan baadhis ah, waxaana wakhtigaas saxaafadda la hadlay Alle haw naxariiste wasiirkii macdanta iyo biyaha ee xukumadaas Marxuum Qaasim Sheekh Yuusuf. Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyihii mucaaradka KULMIYE, ayaa sahankaas ku tilmaamay mid dalka lagu aasayo sunta Nukliyeerka. Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo sheegay inay dunidu ku kala socoto shuruucda caalamiga ah oo aan Somaliland u ogolaanayn inay sahamin shidaal iyo macdan samayso maadaama oo aan la aqoonsanayn. Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo wakhtigaas yidhi “Waar ma caqli baynaan lahayn, waynu ognahay oo dal aan la ictiraafsanayn cidina macaadiintiisa soo saari mayso, waa been, macdan la soo saarayaa ma jirto, kuwa saliida kuwii berigii hore la siiyay oo dhan baa meel ugu xidhan, waxan la wada siinayaa waa in qashinka Nukliyeerka ah lagu qubo meelahaa, baloog hebel ayaanu qaadanaynaa, baloog hebel ayaanu qaadanaynaa, waar wax ay soo saareen miyaad aragteen maalin walba qaar baa la baxshaa ayaad maqasheenee. Sun ayaa lagu daadinayaa oo la keenayaa, wax kale oo looga jeedaa ma jirto.”

Kaaf iyo Kala Dheeri

Khudbada Madaxweyne Siilaanyo ee toddobaadkan iyo khudbadiisii waagaas, ayaa ah kaaf iyo kala dheeri. Inkastoo aan Madaxweyne Siilaanyo marna laga sugayn inuu umadda u sharaxo isbedelka ku dhacay aragtidiisii wakhtigaas, haddana waxay shacab badani u arkaan in kursigu bedelay Madaxweyne Siilaanyo. Waxaanay hadaladiisa kala fogi cashar u noqon karaan siyaasiyiinta kursiga doonaya oo Madaxweyne Siilaanyo ka baran kara inaanay qorshe siyaasadeed oo kasta oo xukuumadi wadato kaga horiman indho isku qabad.

Geeska


Daawo:Taliyaha Ciidanka Booliiska S/land oo ka hadlay Xoggo sheegaya Kelyo & Beer Dad oo lagu qabtay Hargeisa

$
0
0

Daawo:Taliyaha Ciidanka Booliiska S/land oo ka hadlay Xoggo sheegaya Kelyo & Beer Dad oo lagu qabtay Hargeisa

Daawo:Hogaanka Waddani oo digniino Culculus ku ganay M.Siilanyo & Xukumadiisa,kashifeyna Mus-danbeed Carqalad ku ah waqtiga Doorashada.

$
0
0

Daawo:Hogaanka Waddani oo digniino ad-adag ku ganay M.Siilanyo & Xukumadiisa,kashifeyna Mus-danbeed Carqalad ku ah waqtiga Doorashada.

Daawo:Ganacasade soo bandhigay sida lagu soo afjari karo Muranka qadiyada sahanka shidaalka Oodweyne

$
0
0

Daawo:Ganacasade soo bandhigay sida lagu soo afjari karo Muranka qadiyada sahanka  shidaalka Oodweyne

Daawo:Wasiiro ka tirsan Xukumada & Cuqaasha Oodweyne oo isla meeldhigay is-marinwaa ka oognaa qadiyada sahaminta shidaalka

$
0
0

Daawo:Wasiiro ka tirsan Xukumada & Cuqaasha Oodweyne oo isla meeldhigay is-marinwaa ka oognaa qadiyada sahaminta shidaalka

Wefdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL Dr. Sacad Ali Sire oo ka qeyb galay Shirkii 4aad ee dalalka Islaamka- afrika oo ka qabsoomey Dalka Tanzani

$
0
0


Wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka qeyb galay shirkii 4 Afraad ee loo qabto dalalka Islaamka ee Qaradda Afrika oo Somaliland markii ugu horeysa lagu casuumo, shirkan waxaa lagaga hadlayay siddii dalalka Qarada afrika ee islaamka ahi ay u dhiiri gelin lahaayeen maalgelin ku dhisan nidaamka islaamiga ah ee loo yaqaan(Islamic Finance) iyo sidii loo fududeyn lahaa shuruucda bananka islaamka ee dalalkaasi.
Shirkaasi waxaa ka soo qeyb galay badi dalalka islaamka ah ee qaraada afrika oo ay Somalilandna ka mid tahay. madaxd Sharafeedkii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa
-Wasiirka Arrimaha dibedda&Isk. Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire
-Kaaliyaha xafiiska Madaxweynaha Tanzanaia H.E Faustin Kamuzora
-Safiirka dalka sudan u fadhi Tanzania H.E Mahgoub Ahmed
-Safiirka dalka Pakistan u fadhi Tanzania H.E Amir Khan
-Gudoomiye –ku Xigeenka Hayada Cameysika Tanzania H.E Saqware
Dhamaan madaxdaasi waxay hoosta ka xariiqeen ahmiyada ay leedahay in la dardar geliyo nidaamka maalgelinta bangiyada islaamiga ah.
Waxa xusdi mudan dadkii meesha joogay oo ay soo jiidatay markii Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland uu la wadaag in barlamaanka Jamhuuradda Somaliland ay ansixiyeen Xeerka Bananka Islaamka XEER LR.55/2012 oo Maxaweynahay Jamhuuryada Somaliland uu saxeexay dhaqan gelinta xeerkaasi 2012 bishii 10/03/2012.
Wefdiga wasiirka waxaa ku weheliyay Gudoomiyaha Hayada Qurbjooga JSL Mudane Abdi Cabdilahi Xirsi iyo Agaasimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Khaarij-ga Somaliland Mudane Cabdiqani Axmed Xassan “Goole”
Gaba gabadii shirkaasi waxaa shahaado sharaf la gudoonsiiyay Wasiirka Arr.ddibedd JSL iyo xubnihii la socday ee wefdigaasi.
Wefdiga uu Hogaaminaya wasiirka Sacad Cali Shire ayaa waxaa la filayaa in ay kulamo kala duwan la yeeshayan dawlada Tanzania gaar ahaan Wasiirka Arrimaha dibeda Tanzania Ambassador Augustine Mahiga. Waxa kaloo la filaya in wefdigu kulan balaadhan la yeeshaan jaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Tanzania.

Source: Wasaaradda Arrimaha dibedda &isk. Caalamiga ah ee
Jamhuuridda Somaliland

Murashaxa Madaxweynaha Waddani oo Kulan La Qaatay Madaxda Hay’adda Ganacsiga u Qaabilsan Dalka Jarmalka iyo Weli ba ……..

$
0
0

Berlin,(Qaran-news):-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI iyo weftigii uu hoggaaminaayey ee socdaalka ku maraayey qaaradda Yurub oo wakhti xaadirkan ku sugan dalka Jarmalka, ayaa kulan la qaatay madaxda hay’adda ganacsiga ee dawladda Jarmalka iyo weli ba sida oo kale madaxweynaha jaamacadda caanka ah ee SHR University.
Kulankan oo ay guddoomiye Cirro ku wehelinaayeen hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, la taliyaha arrimaha dibadda ee Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo weli ba sida oo kale uqaabilsanaha xisbiga WADDANI ee qaaradda Yurub.
Kulankan oo socday muddo saacado isla mar ahaantaana ay warfidiyeenku dibadda ka joogeen, ayaa waxa ay ka wada-hadleen siddii ay hay’adda ganacsiga ee dalka Jarmalka iyo ganacsatada Somaliland ay iskugu xidhmi lahaayeen iyada oo sida oo kale na lagu falan-qeeyey siddii jaamacadda SHR University ay iyadu na qeyb uga noqon lahayd siddii ay wixii karaankeeda ah uga geysan lahayd in ay wax tarto jaamacadaha dalka isla mar ahaantaana ay iyagu na isku xidhmaan.
Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo halkaas hadal dheer ka jeediyey, ayaa waxa uu ka xog-waramay xaaladda Somaliland isaga oo iftiimiyey in ay Somaliland tahay dal nabdoon oo suurto-gal ay tahay in laga hir-geliyo ganacsiyo waaweyn kuwaasi oo wax badan ka tari kara shaqo la’aanta ka jirta Somaliland, waxa kale oo uu iftiimiyey wadamada caalamku na ay ku soo dhiiradaan siddii ay Somaliland u maal-gashan lahaayeen.

Warqad Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka S/land u qoray Madaxweyne Siilanyo & Nuxurka Xoggo Xasaasiya oo ay xanbaarsan tahay!

$
0
0

XILDHIBAAN SICIID M. CILMI SIRAADLE OO MADAXWEYNE SIILAANYO U QORAY WARQAD FURAN OO KAGA HADLAY DHOWR QODOB OO BEESHA DHULBAHANTE KHUSEEYA, KAGANA CODSADAY IN LOO CADAALAD SAMEEYO

 

  Mudane Madaxweyne,

 

DSCF5216

 

Marka hore Salaan kal iyo laab ah adiga, xubnaha Xukuumadda iyo dhammaan inta uu qoraalkaygani cod ahaan, qoraal ahaan ama muuqaal ahaanba u soo gaadho.

Mudane, anigoo Wakiil ka ah kuna hadlaya codka inta ay midayso aragtida saldhigeedu yahay is xurmaynta, cadaaladda, xisaabtanka iyo abaal celintu waxaan qoraalkaygan kuugu soo qoray si aan u guto waajibaad wadaninimo, dadnimo iyo islaamnimo oo aan yaqiinsaday in laga leexleexday ama, kaba sii darane, la leexiyey.

Mudane waxaan saxaafadda dhowaan ku arkay koox sheegatay magaca beesha aan ka soo jeedo ee Maxamuud Garaad oo lagu dafirayo tallaabooyinkii waxqabadka ahaa ee aad sida hagar la’aanta ah ugu qabatay dadka iyo degaanada beeshaasi. Mudane Madaxweyne, waxaan garawsan waayey qayladan iyo qawadkan Hargeysa laga dhoofiyey ee canka loo geliyey odayaal Laascaanood lagu ururiyey.  Waxaa murugo leh in iyadoo aynu xogogaal u nahay sida aan kala hadhka lahayn ee Madaxtooyada Somaliland isaga xil saartay la xaajoodka, dib u dhiska iyo xil-ku-taxidda ardaagayga in haddana raggii loo igmaday inay xukuumadda iyo beesha xidhiidhiyaan Laascaanood ka abaabulaan shirar dadweynaha lagu kala qaybinayo, xukuumaddana colaad loogu gelinayo.

Mudane Madaxweyne, waxaan hoos ku soo taxay intii aan ka haleeli karayey waxqabadka iyo Xilalka ay xukuumadaadu u hibeysey beeshayda oo aan u kala qaaday laba waaxood oo kala ah:

  • Muddadii ka dambeysey Shirkii Awrboogays oo ka kooban magacaabista laba [2] degmo, 19 Xil dawladeed, derejo-siinta 35 sarkaal oo cusub oo uu ku jiro hal Janaraal, iyo fulinta 15 Mashruuc Horumarineed, iyo
  • Muddadii ka horeysey shirkaasi balse aad adigu xilka qaranka haysey oo aad bixisay magacaabista Hal [1] Gobol, shan [5] degmo oo cusub, 40 xil dawladeed, iyo derejo-siinta 28 Sarkaal oo ay ku jiraan laba Janaraal.

Waxaa ujeedada rasmiga ah ee qoraalkaygani daarran yahay inaan beeshayda ka xijaabo laba naanaysood oo xunxun oo na qabsan kara haddii aan hadalkaas xanafta lahaa ee kooxdaas laga jawaabin. Ta koowaad waa naanaysta loogu yeedho cidda ama qofka ka arradan aabaal gudista, ta labaadna waa naanaysta loogu yeedho dadka ama qofka aanay jirin wax deeqaaba [ama uu ku qancaaba].

Mudane, adigoo liisaska hoose akhrisan doona, waxaan ku xusuusinayaa inaanay jirin degaanada kale ee beesha Dhulbahante wax kale oo sidaa u muuqda, haba yaraatee, oo laga qabtay.  Anigoo xeerinaya cadaaladda, wax wada lahaanshaha iyo wada noolaanshaha, waxaan kuu soo jeedinayaa inaad iga oggolaato in xukuumaddu u soo jeesato horumarinta iyo saami-siinta degaanada kale ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

  1. Xilalka iyo derejooyinka xukuumaddu siisay beesha Maxamuud Garaad wixii ka dambeeyey Shirkii Awrboogays:
  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  2. Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada
  3. Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda
  4. Abaanduulaha Ciidanka Qaranka
  5. Derejosiinta 35 Sarkaal oo ahaa hore u ahaa Ciidan Beeleed
  6. Guddiga Qiimaynta Derejosiinta Ciidamada, Xubin
  7. Guddoomiye Ku Xigeenka Hay’adda Maamul Wanaagga
  8. Ku Xigeenka Ambaasadoorka Kenya
  9. Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirada
  10. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dalxiiska
  11. Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
  12. Agaasimaha Guud Hayádda qandaraasyada Qaranka
  13. Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool
  14. Isuduwaha Wasaaradda Dalxiiska
  15. Isuduwaha Wasaaradda Warfaafinta
  16. Xoghayaha Maamulka ee Degmada Laascaanood
  17. Agaasimaha Waaxda Shidaalka ee Wasaaradda Macdanta
  18. Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye
  19. Magacaabista Degmada Shaxda
  20. Gudoomiyaha Degmada Shaxda
  21. Gud Ku Xigeenka degmada Shaxda
  22. Xoghayaha Degmada Shaxada
  23. Magacaabista Degmada Adhicadeeye
  24. Hawlgelinta iyo shaqo siinta Ciidamo Boolis ah oo loo qoray degmooyinka Gobolka Xaysimo, Awrboogays iyo Xuddun.
  25. Qalabaynta [oo ay ka mid yihiin gaadiid cusub] Ciidamada aagga Nugaal.
  26. Ka hawlgelidda gurmadka abaaraha

 

Barnaamijyada Horumarineed ee degaanada Maxamuud Graad laga yagleelay muddadii ka dambaysey Shirkii Awrboogays waxaa ka mid ah:

  1. Guriga Gobolka Xaysimo
  2. Qaybta Booliska Gobolka Xaysimo
  3. Saldhigga Booliska Taleex
  4. Qalabaynta Dugsiga Sare ee Carrooley
  5. Dhammaystirka Dugsiga Hoose/Dhexe ee Laasacurdin
  6. Saldhigga Booliska Awrboogays
  7. Guriga Maamulka Degmada Awrboogays
  8. Saldhigga Booliska Fiqifuliye
  9. Guriga Maamulka Degmada Fiqifuliye
  10. Ceelka Biyaha Kacaya
  11. Ceelka Biyaha Ardaa
  12. Ceelka Lafaweyne
  13. Ceelka Biyaha Jiidali
  14. Ceelka Biyaha Adhicadeeye 1
  15. Ceelka Biyaha Adhicadeeye 2

Muddadii ka horeysey Shirkii Awrboogays waxay Xukuumaddaadu [Adiga, Wasiirada iyo Taliyayaasha Ciidamadu] Beeshan Maxamuud Garaad u magacaabeen [kuma jiraan xilalkii la magacaabay ee aan hadda jirin]:

  1. Wasiirka Wasaaradda Biyaha
  2. Derejosiinta 28 Sarkaal oo ay ku jiraan laba [2] Janaraal
  3. Komishanar, Guddiga Xuquuqal Insaanka
  4. Guddiga Diiwaangelinta Ururada, Xubin
  5. Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Sanaag
  6. Isuduwaha Wasaaradda Waxbarashada Gobolka Sool
  7. Isuduwaha Wasaaradda Beeraha Gobolka Sool
  8. Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka iyo H. R. Miyaga Gobolka Sool
  9. Isuduwaha Wasaaradda Madaxtooyada Gobolka Sool
  10. Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Sool
  11. Isuduwaha Wasaaradda Duulista Hawada Gobolka Sool
  12. Isuduwaha wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Gobolka Sool
  13. Isuduwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Gobolka Sool
  14. Isuduwaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Gobolka Sool
  15. Isuduwaha Wasaaradda Biyaha Gobolka Sool
  16. Isuduwaha wasaaradda Macdanta Gobolka Sool
  17. Isuduwaha Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Gobolka Sool
  18. Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Sool
  19. Isuduwaha Nabadaynta Gobolka Sool
  20. Mareeyaha Samafalka Gobolka Sool
  21. Gobolka Sanaag: 3 Isuduwe Gobol
  22. Magaacaabista Gobolka Xaysimo
  23. Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo
  24. Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Xaysimo
  25. Xoghayaha Gobolka Xaysimo
  26. Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Xaysimo
  27. Magacaabista Degmada Awrboogays
  28. Gudoomiyaha Degmada Awrboogays
  29. Gud Ku Xigeenka degmada Awrboogays
  30. Xoghayaha Degmada Awrboogays
  31. Magacaabista Degmada Xalin
  32. Gudoomiyaha Degmada Xalin
  33. Gud Ku Xigeenka degmada Xalin
  34. Xoghayaha Degmada Xalin
  35. Magacaabista Degmada Sarmaanyo
  36. Gudoomiyaha Degmada Sarmaanyo
  37. Gud Ku Xigeenka degmada Sarmaanyo
  38. Xoghayaha Degmada Sarmaanyo
  39. Magacaabista Degmada Carrooley
  40. Gudoomiyaha Degmada Carrooley
  41. Gud Ku Xigeenka degmada Carrooley
  42. Xoghayaha Degmada Carrooley
  43. Magacaabista Degmada God Aalo
  44. Gudoomiyaha Degmada God Aalo
  45. Gud Ku Xigeenka degmada God Aalo
  46. Xoghayaha Degmada God Aalo

 

GEBAGEBO:

Mudane Madaxweyne, mahad oo dhan Eebaa leh. Waxaan marlabaad kaaga mahad celinayaa waxqabadka la taaban karo ee aad ku meelmarisay heshiisyadii Awrboogays iyo Adhicadeeye, sidoo kalena waxaan u mahad celinayaa Wasiirka Madaxtooyada JSL, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo isagu xil gaar ah iska saaray sida ummaddan ehelka ahi isu fahmi lahayd una wada shaqayn lahayd, iyo sidoo kale xubnaha xukuumaddaada, madax dhaqameedka iyo dadweynaha kal duwan ee siyaabaha kala duwan uga qayb qaatay hawshaas ballaadhan ee aad  ku meelmarisey heshiisyadii degaankayga.

WA BILLAAHI TAWFIIQ 

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi [Siraadle]

Golaha Wakiilada JSL

Hargeysa


Suldaan C/raxmaan Aw-good oo Wasiir Cadaani ku eedeeyay Mudaharaadkii Oodweyne ka qarxay,Siilanyana ku dhaliilay….+Muxuuse ka yidhi qadiyada Shidaal baadhista.

$
0
0

Suldaan C/raxmaan Aw-good oo Wasiir Cadaani ku eedeeyay Mudaharaadkii Oodweyne ka qarxay,Shaaciyeyna inaan Oodweyne Badhasaab lahayn,Muxuuse ka yidhi qadiyada Shidaal baadhista.

Conflict in South Sudan affecting food security in “stable states”

$
0
0

The ongoing conflict in South Sudan is affecting food security in some of the country’s more “stable states,” the head of UN peacekeeping in South Sudan, UNMISS, has said.
David Shearer, the UN’s most senior official in the country, was speaking during a visit to Aweil in the north of South Sudan.

“Dwindling provisions arriving in the town and skyrocketing food prices have meant that places like Aweil, which are generally peaceful, have suffered the effects of the conflict taking part in other parts of the country,” he said, adding that “it is imperative that fighting stops, so the citizens of the world’s newest nation can live in peace and enjoy the benefits of independence.”

The insecurity has directly affected the cost of goods in greater Aweil. Mr Shearer heard from UN humanitarian agencies working in the region how many families had migrated north to Sudan because they could either not produce crops or could not afford the high price of staple foods in the market.

Those agencies have stepped in to provide emergency humanitarian aid in a region where the UN Food and Agriculture Agency (FAO) says 52 per cent of people are “food insecure.”

Speaking to Mr Shearer, the Governor of Aweil State, Ronald Ruay Deng, said his administration was doing all it could to “move our people from dependency on emergency food aid to a more resilient rural agricultural” model of production, including the piloting of a new community farming approach to feed the most vulnerable people.

Mr Shearer also heard about the efforts under way to build peaceful understanding between communities, particularly pastoral communities who arrive on a seasonal basis from Sudan to share water and grazing land with the residents of greater Aweil.

UNMISS is facilitating improved inter-communal understanding through dialogue, an initiative supported by Aweil East Governor Deng Deng Akeui.

In relation to food insecurity in the area, Mr Shearer said “I fear for the immediate future of the people here particularly their ability to cope during the imminent rainy season while their crops are growing. However, I am optimistic that building a good relationship between the local authorities, United Nations agencies and non-governmental organizations, will enable us to tackle the food security challenge.”

Distributed by APO on behalf of United Nations Mission in South Sudan (UNMISS).

Caaqil dhaliil u soo jeediyay madaxweyne Siilaanyo daawo

Daawo macluumaad ku saabsan dhulka

Baahi intee leeg ayaan u qabnaa aqoonta hadalka?

$
0
0

“Qofka Soomaaliga ah ee dhaladka ah. Isla-markaa dhaqanka lagu gardaadiya, WAA HADAL-AQOON. Sababtoo ah; Soomaalinimadu waxa ay taqaan ahmiyadda hadalka. Sidaa awgeed, ayay waalidku ugu barbaariyaan ubadkooda xirfadda hadalka” Pathology” Waxa qoraalkaygan marag uga filan hal-xidhaaleyaasha Carrab-leyliga. Tusaale B; Diin god gal. God geri gal. Geri god gal. God diin gal. Tusaale T; Abtigay kol is-wad. Kol I wad.

Weedhahan noocan ahi inta badan waxa ay leeyihiin xayn-daab, kaasi oo aan ka xasuusan karo, in marka lagu celceliyo uu cay ama erey fool-xun noqday. Sidaa darteed, waa in qofku isagoo iska dhawraya in uu erey qadaf ah ku dhaco haddana doono in uu hal-xidhaalaha furo. Waxa looga gollahaa, in la la dagaallamo CARAB-JALAQADA, si loo helo qof cod-kar ah. Ahmiyadda hadalka iyo halka uu Soomaalidu ka taagnayd waxa aad ka arkaysaa inta maahmaahood ee ku soo aroorey iyo sida uu suugaanta uga dhex buuxdo.

In-door ah oo aan madal-shireedyo ka qayb-galay, waxa aan dhagaystay hadallo dhaadheer oo ugu yaraan saddex saacaddood qaatay. Marka aan ka soo baxo ee aan dib u milicsado, waxa aan ka dheefay khudbadihii dhaadheeraa ee aan dhagaystay.
Waxaana gunaanadka ii soo baxday in dadka badankoodu qodobka hadalka dacal-maraan. Haddii la isku soo xooriyana waxa ay dhalaysaa in dadka badankoodu aanay xeerka hadalka aqoon. Taasina waa sababta keentay in ay inta badan kulamadeenna aynnu il-duufno hannaanka hadalka, asluubta hadalka,xubinta hadalka, goorta hadalka iyo goobta hadalka; Sababtuna waa in aynaan wax xog ah ka haysan culuumta hadalka.Taasina waa ta keentay in guud ahaan hadalkeennu bato oo baaqdo.

TODOBA IYO TOBANKA QODOB EE ASLUUBTA HADALKA EE HADRAAWI
Waxa aan qaddar ka fikiray sida qofkasta ba ugu baahan yahay in hadalkiisu wanaagsanaado, dadku fahmaan, wali ba la jeclaysto. Taas oo u baahan in marka hore aad cilmi-baadho, si ay kuugu soo baxaan qodobbada hadalka bila iyo kuwa biiya. Hayaankaygaa waxa aan ku arkay in xeerarka asluubta hadalka oo dhan kuwan hoos ku qorani igaga filan yihiin, isla markaa ay maskaxdiisa ka dhasheen, indheer-garad aan ab iyo afba wadaagno. Waxa aan u arkay in aanay jirin sabab aan u raadiyo qoraallo iyo talooyin kale oo ku saabsan asluubta hadalka. Waxa aanu Rabbi I garansiiyay qodobbadan ammin aan ku jiray baadhitaankayga Cilmiyaynta suugaanta Soomaalida. Goor aan akhriyay buugga Hal-karaan. Gaar ahaanna maansada Sirta nolosha ee uu curiyay Maxamed Warsame “Hadraawi”
1. Hadalkana sar weedhiisa,
2. Una saaf qofkii waaya,
3. Ha ka tegin sarbeebtiisa,
4. Hana gelin sursuur oodan,
5. Hana lumin sargoyntiisa,
6. Hana liqin san-gaabtiisa,
7. Ha ku saxan badheedhkiisa,
8. Runta sogor-doh haw yeelin,
9. Ha suul-daarin dooddiisa,
10. Sisibaa wadaaggiisa,
11. Sababee abbaartaada,
12. Hana badin su’aashiisa,
13. Sarrifkiyo tilmaantiisa,
Saddex erey halkii dooni,
Soddon yaanay kaa qaadan,
14. Siddi-qabaxi yay raacin,
15. Sare haw dhig-dhigin luuqda,
16. Gacantana ha saydh-saydhin,
17. Hana odhan wax sawliila
Murti-maahmaaheedyada hadalka kuwan aan ka soo qaadanno;
1. HADAL WAA BOQOL IYO BOQON: maahmaahdani waxa ay muujinaysaa in aan hadalka la badan ee hal-abaarkiisa la taabto.
2. HADAL WAA DHEH AMA DHAGAYSO: oo dhiiri-gelinaysa is-maqalka iyo in hadalka la kala helo.
3. ANAA HADHAY LOO MA HADLEE, MAXAA HADHAY BAA LOO HADLAA: Oo soo gudbinaysa in aanay macno buuran lahayn shakhsiyaadka oo wada hadla ee ay ka muhiimsan tahay arrinka oo wixii dhiman lugu daro, haddii kuu muuqato.
4. HADAL NIN BADIYANA MA WADA ODHAN: nin yareeyay na kama wada tagin; Oo Iyana muujinaysa in aan badnaanta hadalka lagaga dhergi Karin.
Halkaas baan ka dheehan karnaa ahmiyadda aqoonta hadalka iyo sida uu u midho-dhali karo, Soomaaliduna wax badan ayay ka tidhi, oo inta yar ee aan kor ku xusnay ka mid tahay.

Haddii aan madal iskugu nimaadno muhiim maaha in dhammaanteen aan goobta ka hadalnaa. Hasa yeeshee, waxa muhiim ah in dhammaanteen madasha aan wax ka faa’iidno. Dadka wax dhagaysta iyo dadka wax akhriya ayaa ka dheef badan kuwa hadla iyo kuwa wax qora iyaga oo aan wax ba akhriyin.
Qof kastaa in uu ka hadlo xaflad macno ma leh, waxa se macno buuran leh in goob kasta dadka u ehelka ah ka hadlaa.

Abdinasser Ibraahim
somaliland_author@yahoo.com

War degdega: Ergay ka socda xukumadda Farmaajo oo soo gaadhay Hargeysa iyo wasiir qaabilay geeyayna…..

$
0
0

Hargeisa-(Qaran-news)-Waxa maanta madaarka caalamiga ah ee Egal Intranational Airport ka soo degay Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga iyo warshadaha  xukumadda Farmaajo (Somalia ) mudane Abdillahi Xayir Ducaale.

 

Ergeygan ayaa Markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa maanta waxa markiiba la wareegay wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo xoggo Warfidiyeenka Qarannews helay tibaxayaan in isaga laftiisu uga yeedhay Muqdisho,ku darsoo Agaasimaha & Wasiirka Madaxtooyada ayaa la sheegay inay isku hayb & Degaan ka soo jeedaan.

Ergeygan ayaa Madaarka looga saaray si xirfadaysan oo qarsoodiya waxaana lagu qaaday baabuurka khaaska ah ee wasiirka madaxtooyada Somaliland, waxaana xogguhu sheegeen in Qaar ka mid ah saraakiisha sarsare ee Madaarka hawshaas fududeeyeen

Ergaygan ka Tirsan Dawlada Farmaajo ayaa waxa la dejiyey oo uu haddana ku sugan yahay  Aqalka wasiirka madaxtooyada oo ilaa caawa ay ka socdaan wadahadalo aan kala go’o lahayn, waxana isla caawa ku qulqulaayey Aqalka Wasiirka madax ka tirsan xukumadda Siilaanyo kuwaasi oo tiroba la arkay dhowr xubnood oo ka mid ah Mus-danbeedka madaxtooyada,ku darsoo weliba markay aqalka gelayeen Qaab dhuumaalaysi & sanqadh tirasho ah u socday ,Go’yaal shaalana soo hulaabtay si aan wejiyadooda si fiican loogu arkin ama u muuqan.

Ergaygan ayaa ah shaqsigii ugu horeeyay ee ka tirsan xukumadda Farmaajo oo isagoo xil haya ku soo dhiirada in uu shoolada u soo galo Somaliland,si toosana uga soo dega Madaarka Hargeysa iyada uu dalka ku soo galay sharci daro waxana lagu wadaa in berri la geeyo Qasriga Madaxtooyada,

 

Xukumadda Siilanyo iyo xisbigeeda Kulmiye ayaa xisbiyada mucaaridka ku dhaliila in ay u jan jeedhaan xaga Somaliya,ha yeeshee waxa taas meesha ka saartay oo cadaatay inay Xukumada Siilanyo faraha kula jirto wixi ay mucaaridka ku dhaliili jireen,islamarkaana qeyb ka yihiin carqaladaha & dibindaabyooyinka hortaagan Madax-banaanida & gooni-isutaaga Somaliland.

 

Wixii Xoggo ah ee ka soo kordha qadiyadan isha ku hay Qarannews

Somaliland Doorasho Ma Ka Dhici Doontaa?

$
0
0

Waxa suurtagal ah in dib u dhac kale uu yimaado, inaga oo ka qiyaas qaadanayna cago jiidka ka muuqda xukuumada ee ku aadan bixinta qarashaadka doorashada madaxninimo ee la filaayo inay dhacdo dabayaaqada sannadkan bilawga ah.

Waxa kale oo iyana muuqata in walaac weyn ay muujinayaan dalalkii la dhacsanaa hanaanka dimuquraadiyada ee curdinka ah ee sida wacan u kobcaayey, balse hadda u muuqda mid la dhadhiyey oo waji kale yeeshay, tanina waxay sababi kartaa in wadamadaasi ay la laabtaan bixinta qarashaadka doorashada oo ay badi bixin jireen, marka laga reebo 30% ay dawladu bixiso.

Ka dib shaacintii tirada dadkii isu diwaangeliyey doorashadan aan la hubin inay dhici doonto, sababo badan oo jira awgeed, waxa jira in asxaabta dalku ay qaarkood odorasayaan inta ay xisbi ahaan heli karaan balse waa mala awaal aan dhaafsiisanayn wax dhici doona, halka ay qaar kalena u arkaan in laga dheereeyey.

Dadka indha indheeya arimaha siyaasada qaarkood ayaa sheegaya in dadkan is diwaangeliyey ay dawlada iyo xisbigeedu ay walaac ku abuurtay, balse waxa dhanka kale iyana taagan in asxaabta mucaaridka ah qudhoodu aanay la iman mucaaridad xoogan oo dawlada ku qasbi karta qabashada doorashada oo xiligii loo asteeyey ku dhacda, waxaana hadalo walaac iyo rajo aan buurnayn ka muujinayey ka jeediyey xafladii shaacinta tirada dadka isdiwaangeliyey madax ka kala socotay labada xisbi mucaarid.

Waa xilli ay jirto abaar baahsan ha ku sii xoganaato gobolada bariga ee Somaliland, waxa kale oo jira sixir barar, waxa kale oo jira shaqo la’aan dhalinta haysata kuwaas oo ka qalinjabiya jaamacadaha dalka iyo debadaba sannad kasta oo tiro ahaan kor u dhaafay kumanaan, kuwaas oo shaqo la’aan la fadhiya oo wakhtiga ku qaata meelaha dadku ku kulmo sida maqaaxiyaha oo kale, sidoo kale waxa jira kuwo dalka ka baxay si ay nolol iyo mustaqbal u raadsadaan, basle badankoodu waxay la kulmeen wax aan xisaabtaba ugu jirin sida jidh dil, xadhig iyo inay ku leedaan badda iyo barigaba.

Si kasta, maanta doorasha dhacda oo aan isbedel ku sameyn xaaladaha taagan waxba soo kordhinmayso, xaalkuna waa qof lagu badelay qof kale, sidaa darted, cid kasta oo timaada waxa hortaala wax ka qabashada arimaha aynu soo xusnay iyo kuwo kale oo badan oo u baahan wax ka qabasho muuqata iyo isbedel dhaqaale oo horumar u horseeda dalka iyo dadkaba.

Maxamuud Xeef
mohamoud.heef@gmail.com


Dowlada miciin mooday wasiir ku xigeenka Jamaac C. Biin iyo wasiirka warfaafinta Cadaani

$
0
0

Xukuumadu miyaanay kala aqoon wasiira-deeda maxay wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Jamaac Cabdillahi Biin iyo wasiirka warfaffinta Cadaani oo labaduba waxay sii kala eryaan mooyaane aan lahayn akhlaaq la isu soo taago ay u adeeg sadeen. Jaamac Cabdillahi Biin wuxuu yidhi caaqilada waxaannu ka qaadi doonaa caaqil nimada. Ma garan karaayo in reeruhu caaqilka soo doortaan oon madaxtooyada laga magacaabin. Haduu Biin caqiibo leeyahay isagaa debnihiisa denbiga la cadaaday daweyn lahaa. Wasiirka warfaafinta Cadaani oo ah guulwade rasmi ah sida uu gobolo kacsan u dejinayaa iyaduna waa mustaxeel oo markuu reer Oodweyne la shiray wuxuu ka bilaabay ciidan baa la idiin gelin doonaa hadaa sahaminta patroolka ka hor timaadaan. Cadaani isaga shicibka oo dhan baa og in uu guulwade ilmeeya yahay oo ummaduba way ka maadsadaan. Hadaba xukuumadu ma iyadaa dab isku sii shideysa markay labadii wasiir ee uugu liitay u dirto inay la hadlaan gobolo kacsan mise waxbay dejinaysaa. Waxay u muuqataa in Silaanyo ku tala galay in uu xukun xumidiisa ku soo khatimo dagaalo dowlada iyo reeruhu iskaga hor yimaadaan. Dowlada waqtigii baa ku soo gaabtay oo foosto gun la’ bay buuxiya is leeyiin oo sidaa darteed baa dhulka macdan looga baadhanayaa. Waxay ahayd in biyo la sahamiyo ee maaha in patrool la baadho hadii kale waxay noqon naysaa sidii boqoradii Franciiska ee tidhi haday roodhi waayeen maxay Cake u cuni waayeen. Umad haraadan baan patrool u soo saarayaa caqliga ma gasho. Patroolka Satilites baa lagu sahamiyaa ee dhulkan ay garaacayaan macdan baa laga baadhayaa oo taasi waa xaqiiq. Isku soo xoori, Wasiir Jaamac Cabdilaahi Biin intaannu hanjabaad aan waxba ka jirin bulshada u dirayo horta debnihiisa denbiga la cadaaday ha daweeyo. Wasiir Cadaani intaannu oday dhaqameedka caayin wadnihiisa biruhu ku jiraan ha dhowro oo maraykan ha iskaga noqdo oo galabtiina socod dheer ha sameeyo silaanyo na ii soo ducee ha yidhaahdo ileyn waa guulwade aamin san inay ducada Silaanyo ay kacayso e.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

Daawo:Cali Khaliif oo duray Wadaad uu hadalkiisa Foobiyo ka qabo,Muxuuse ……

$
0
0

Daawo:Cali Khaliif oo duray Wadaad uu hadalkiisa Foobiyo ka qabo,Muxuuse ……

Daawo:Wasiiro oo Hanjabado culculus ku saydhay Cuqaasha & Salaadiinta Gobolka Daadmadheedh ee….

$
0
0

Daawo:Wasiiro oo Hanjabado culculus ku saydhay Cuqaasha & Salaadiinta Gobolka Daadmadheedh ee….

50 Kenyan companies listed in London Stock Exchange Group’s inaugural ‘Companies to Inspire Africa’ report

$
0
0

Landmark report identifies fastest-growing and most dynamic private businesses across Africa
Report shows breadth and diversity of African business, with 42 countries across 7 major sectors represented
Highlights strong company performances and the potential for these firms to become the next corporate champions powering Africa’s future economic and social development
UK Secretary of State for International Development, the Rt. Hon. Priti Patel MP joins company CEOs to open trading in London
Companies included in the report will be celebrated at an event in Nairobi on 12 May
Almost half of the Kenyan companies operate in innovative industries, with 14 companies in the renewable energy space and 11 in technology and telecoms
50 companies operating in Kenya are named today in London Stock Exchange’s inaugural ‘Companies to Inspire Africa’ report. Collectively, Kenyan companies make up 14 per cent of the total number of companies in the report, one of the highest concentrations of high growth companies in Africa. 28 per cent of Kenyan companies operate in the renewable energy space, reflecting the country’s preeminent role in exploring alternative energy production on the continent.

Amongst those from the country are:

Cellulant – a mobile commerce company operating a payments ecosystem which connects financial sector customers, Mobile Network Operators and businesses to their consumers
D.light – a solar energy company delivering affordable solar home and power solutions for people without access to reliable energy
Eaton Towers – owns and manages a network of telecommunications towers in Africa
Shop Soko – an ethical fashion brand and mobile technology-enabled supply chain platform
The report in numbers:

The report identifies 343 companies from 42 African countries as the continent’s most exciting and dynamic small businesses
Companies delivered impressive average compound annual growth rate (revenue) of 16 per cent over a 3 year period 2013-2015
Fast-growing companies appear in all regions of Africa. Highest concentration of companies from West Africa with 31 per cent of companies, closely followed by East Africa with 26 per cent and Southern Africa with 22 per cent
South Africa, Kenya and Nigeria are the countries with the most companies in the publication, each represented by over 50 companies
Fast-growing companies are present across a wide range of sectors
There is strong representation from innovative industries, with 22 companies in renewable energy and 40 in technology & telecoms
Industry, which covers areas such as oil and gas, construction, manufacturing and chemicals, is the biggest sector , with 23 per cent of companies in the report, followed by Financial Services which includes mobile banking, micro-credit, disruptive technology and Fintech, with 16 per cent, indicating that the continent has great promise for both traditional and more recent economic success stories
The 47 consumer services companies corroborate the trend of burgeoning consumer demand and growth of the middle-class across the entire continent
Report highlights the important role of female entrepreneurship;12 per cent of the companies in the report are led by female CEOs, three times the average for companies across Africa
Today, company CEOs featured in the report were welcomed to London Stock Exchange Group by the Rt. Hon. Priti Patel MP and Xavier Rolet, CEO, London Stock Exchange Group at a special launch event to celebrate African companies’ success, ambition and uniquely African entrepreneurial spirit. They were also joined by a broad range of Africa-focused investors, as well as senior representatives of African Development Bank Group, CDC Group and PwC, all partners on the report.

International Development Secretary, Priti Patel said: “London Stock Exchange’s first-ever ‘Companies to Inspire Africa’ report is proof of the dynamism and vision of the City of London in supporting Africa’s growing economies.

“Now is the time for UK businesses to seize the opportunities offered by Africa, and the UK Government is supporting the City of London to become the global financial centre for the developing world.

“This will help Africa industrialise faster, trade more and create millions of jobs, driving the continent forward to a future of prosperity, and helping some of the world’s poorest countries stand on their own two feet.”

Xavier Rolet, Chief Executive, London Stock Exchange Group said: “We are delighted to release the first edition of London Stock Exchange Group’s ‘Companies to Inspire Africa’ report, which follows the success of our research focused on the UK and European SMEs. For the first time ever, we have identified hundreds of Africa’s most inspirational and dynamic private companies. The report demonstrates the huge role that small and medium sized enterprises are playing as the driving force behind African economies: developing skills, creating high quality jobs and delivering growth.

London Stock Exchange has made it our mission for over 300 years to support access to growth capital for small and large companies in all parts of the world. We are proud to play our part in this great economic journey by shining a light on Africa’s success stories. We are also continuing to work in partnership with African stock exchanges to help develop robust, efficient and transparent capital markets to raise finance for companies like the ones listed in this report and thousands of others to realise their potential.”

LSEG’s “Companies to Inspire Africa” report included contributions from government, including from the UK Secretary of State for International Development, the Rt Hon Priti Patel MP; Vice-President of the European Commission, Jyrki Katainen; the Maltese Minister of Finance, Prof Edward Scicluna; and Lord Boateng, former UK High Commissioner to South Africa.

A full searchable database of all of the companies along with a downloadable pdf of the publication can be found online at lseg.com/inspireafrica.

The report was produced in partnership with African Development Bank Group, CDC Group and PwC who contributed their expertise to the report, and is sponsored by Citi, Diamond Bank and FTI Consulting.

Companies to Inspire Africa is part of LSEG’s broader support campaign for ambitious SMEs which includes ELITE, the innovative programme now counting almost 500 international businesses. LSEG is planning further regional events in major African cities throughout April and May 2017, as follows:

26 April, Abidjan, Côte d’Ivoire
27 April, Lagos, Nigeria
9 May, Casablanca, Morocco
12 May, Nairobi, Kenya
29 May, Johannesburg, South Africa
To find out more about these events, please visit LSEG.com/inspireafrica.

Distributed by APO on behalf of British High Commission Nairobi.

Daawo:Wefti Cirro Hogaaminaayo & Germany+Munaasibad Meeqamkeedu sareeyo oo loo qabtay+Khudbadihii Xirsi,Cabdi Haybe,Amb.M.Ali & Fadumo Siciid & waxay daaran yihiin

$
0
0

Daawo:Wefti Cirro Hogaaminaayo & Germany+Munaasibad Meeqamkeedu sareeyo oo loo qabtay+Khudbadihii Xirsi,Cabdi Haybe,Amb.M.Ali & Fadumo Siciid & waxay daaran yihiin

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>