Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Fadeexado ka taagan wadooyiinkii magaalada Hargeysa oo faro baas lagu hayo oo la iibinaayo iyo Moyarka oo nin u iibiya u saaray arintaasi daawo

$
0
0


Maayarka caasimada Hargeisa Mr Cabdiraxmaan Soltellco iyo Gacan yarayashiisa ayaa fara baas ku haya jarista wadooyinka magalada dhexdeeda ka dib marki ay soo dhameeyen dhulki danta guud isla markaasina uu dhulkii danta guud uu noqday mid ka baxsan magaalada oo aan hada qiimo fiican aan jaraynin.


Waxa Mr Soltellco u arintani wadooyinka dhex mara magaalada Hargeysa siiba meelihii loogu talo galay in ay dadku maraan sidoo kalena loogu talo galay in hal baabuur ama laba la dhigi karo inta u dhaxaysa wadooyinka baabuurtu marayso iyo guryaha ama xarumaha ganacsiga ee ku dhex yaala magaalada Hargeysa waxana uu u xil saaray Mayarku fasaxida wadooyinkaasi nin lagu magacabo Khaliid Sheikh Abiib kaasi oo ugu magacaban agaasimaha fidinta Map-ka caasimada ninkan o ah ninka lagu daydayga badan yahay shaqalaaha dawlada hoose
arintab iibinta wadooyinka aya mudoyinki u danbeyey ku soo noqnoqonaysay Badhtamaha caasimada, todobaadkani ayunbay ahayd markii xildhibaan Xasan Shahar ay dadweyne cadhaysani ku garaacen xaafada masalaha halkaasi o u ka seestey dhul waddo ah o u so siiyey Maayarku

 

Wadanka ayaa gabi ahaan ku jira xaalad kala guura madaama oo ay dawlada hada ii dhacayso oo wakhtigeedii uu dhamaaday waxana ay ku jirtaa xaalad boob iyo  hanti urursi iyada oo laga yaabnyahay mayarka iyo xubno la shaqaysta oo iyana dawladii hoose ee Hargeysa galiyay xaalad la mid ah ta xukumadda  xisbiga Kulmiye oo uu ka mid yahay oo sii dhacaysa oo u dhaqaaqday boob.

Waxana hubaal ah in mustqbalka la dumin doono dadka wadooyinka soo galay ee waliba lacagta ku siisanaaya  waxii dadka ka wada dhexeeyay ee ahaa bilicdii iyo  goobahii ay dadku marayeen ee mihiimka ahaa


Degmada Daroor iyo nawaaxigeeda oo uu ka qarxay shuban biyood

$
0
0

Degmada Daroor waxa ka qarxay shuban baahsan oo dadwayne tirro badani ugu dhinteen deegaanka Degmada Daroor iyo nawaaxigeeda .
Shubankan oo bilowday horaantii bishan , ayaa imika aad ugu baahay Degmooyinka Daroor , Awaare iyo Gaashaamo , waxaana wararka dhiilada ah ee iska soo daba dhacayee sheegayaan in 100 Km oo dhinaca walba Daroor ka xiga Xanuunkaasi gadhay .
Hadaba iyadoo dadku marwalba isu socdo , dhulkuna isu furan yahay , waxa lagama maarmaana in Wasaarada Caafimaadku aad isha ugu hayso xaalada shubankan sii baahaya ee sida fudud inoo soo gaadhi kara .
Waxa kale oo maanta inala gudboon in dadkaa loo duceeyo in Ilaahay masiibadan ka kor qaado .
Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuun .

Axmed Nuur Guruje

Waa Kuma Xuseen Xassan Badmaax?

$
0
0

“Maxaa ceebta minankaaga taal, magane kuu geeyay.” Dhirbaaxo Jin.

By Mataan Maxamuud Cumar (mataan@hotmail.co.uk)

March 31, 2017

Dadka qaar aamusku u roonyahay ayaa jira, nasiib daradu se waxa ay tahay in aanay sidaas ogayn. Ogaansho la’aantaas awgeed, ayaa ay u hadlan, wadhi ayaana ka raacda. “Waar muu iska aamuso”, iyo “Waar ilayn af aanad lahayn ma qabatid”,, wa sababta loo yidhaahdo marka ay dadka qaarkood afka furtan. Dadkaas waxa ka mid ah nin cimri ahaan iyo muuqaal ahaanba wayn, laakiin sida kale saqiir u ah, hadaladiisa uu warbaahinta ku soo qoro ayaana marag u ah. Ninkaasi oo magaciisu kor ku xusanyahay, waxa uu isku dayaa in uu muujiyo in uu dhexdhexaad u yahay xisbiyyada Somaliland, laakiin kalmad kasta oo uu soo qoro, iyo tuduc kasta oo uu ku hadaaqo waxa ay ku wajahanyihiin Gudoomiye C/raxmaan Cirro, iyo bahwaynta Waddani, mana qabo in ay isaga ka timid ee in uu sidaas u dhaqmo waa lagu amray. Kolka taariikhdiisa iyo hab-dhaqankiisa siyaasadeed la eego, waa cadahay in la soo amray. Nin isaga oo kale ah, oo hab-dhaqankiisa si dhab ah loo hayaa maba hadleen, isagu se isma oga.

Aan ku soo dhawaado ee Xuseenka maalin kastaba wax aan nin wayni ku hadlin mareegaha warbahinta inoo soo dhigayaa waa kee? Aniga oon aad hoos ugu degin, aan wax yar ka ifiyo taariikhda ninkan is leh waa aad dhuumanaaysaa, ee hadana dhabarku muuqdo. Xuseen waxa uu Yurub galay dhamaadkii 1980nadii, waxa uuna degay waddanka Jarmalka. Soomaalidii waddankaas joogtay iyo waddanka la dariska ah ee Holland ba wa ay wada yaqaaniin. Shaqadii ugu horeysay ee uu waddankaasi ka qabtay waxa ay ahayd ka ganacsiga Daroogada, halkaas oo ay dhowr goor isku haleeleen Boliska dalkaasi, xabsina ku galay. Intaas ka dib, isaga oo bilaa ruqsad darawal ah, ayaa ay marar badan booliiska is wajaheen, taariikh dambi na waa ka taalay. Kolkii ay u cadatay in uu xabsi dheer galaayo, ayaa uu ka soo baxsaday Jarmalka, waxa uuna fadhiistay Hargeysa, iyada oo sharcigii qaxoontinimadu halkaas kaga dhacay oo aanu dib ugu laaban Karin waddankii caruurtiisu joogtay. Badmaax sababta aanu Jarmalka ugu laaban karayni ma aha sharciga ka dhacay uun, laakiin dambiyadii uu galay ayaa wali sidoodii ugu taagan, booliiska waddankaasi na waa raadinayaan. Mr Badmaax, oo yaryaraantii loo yaqaanay Cambe, kolkii uu soo saaqiday ee soo guryo noqday, waxa uu ku biiray Xisbiga Ucid, isagoo intii uu ka midka ahaa kula dhex jiray furfur siyaasadeed Iyo iska horkeen. Ugu dambeyntii burburkii Xisbiga UCid wuxuu ahaa laba ka dhexeeye Beerka jecli xaydha jantay garabkii jamal ayuu matalayay inuu raacsan yahay, laakiin ina-adeerkii Faysal Cali-warabe ayaa uu la shaqaynaayay.

Dhanka kale, waxa aynu ogeyn in Isla garabkaas jamal u kala baxay qaybtii aqlabaiyadda oo Waddani gashay, iyo isaga oo noqday qofka keliya ee Jamaal u raacay Kulmiye. Jamaal waxa uu sheegtay sababta uu Kulmiye u aaday, oo waxa uu yidhi geel baa isugu kaaya jira Muuse, laakiin Badmaax sababta uu Jamaal u daba galay waa la garan waayay, laakiin se durbadiiba waa ay soo baxday xaqiiqadii. Jamaal oo aad ugu baahnaa cid xisbigii ka tirsan oo ka ag muuqata kolka uu Kulmiye galaayo, isla markaana ogaa in Badmaax mabda’iisu shilimo ku dhisanyahay, ayaa waxoogay yar oo uu ku hagaajistay ilkihi jaadku ka daadiyay siiyay, sidaas ayuuna ku raacay. Sida oo kale garabkiisii Aqlabiyadda UCID oo uu Xassan Sabca u hadlay waxa ay sheegeen in Badmaax laga kaxaystay daqiiqadihii u dambeeyay, iyada oo Jamaal uu ugu hanjabay in baabuur qiimihiisu 1500 doolar joogo laga qaadi doono, ilkahana aan loo hagajinaynin Hadii uu garabka aqlabaiyadda raaco. Sidaas buu Badmaax ku galbaday, gurigiisa yare e xaafadda Maxamed Mooge ku yaala, ee habeenkii lagu soo jeedo, ee tabliiqiyiintu dhawrka jeer ku soo baxeen na, dhuumasho ayaa uu ku gala, cid wax waydiisaana ma jirto haba yaratee. . Badmaax wa kaas, waana kaas ninka maalin kastaba website ka wax inoogu soo qoraa. Kolkii Hargeysa cidi ka rasayn wayday, ayaa uu mareegaha warbaahinta iskaga guraa waxa ka buuxa ee aynu aragnay.

Gabagabadii, waxaan u gonda degayaa qoraaladiisa far Hunguriga ah. Dacawo meel ay macal ku baratay, ayay macaluul ugu bakhtidaa . Waa maahmaah Soomaaliyeed, maanta na waxa ay ku qotontaa ninkan Badmaax la baxay ee dilalka ah. Maxaa ceebta minankaaga taal, magane kuu geeyay? Ayaa laga hayaa Dhirbaaxo jin.

La soco qormada dambe

Mataan M Cumar – mataan@hotmail.co.uk

Xoghhayaha Warbaahinta Xisbiga Waddani, Laanta UK

Maxa Sababay In Beesha Caalamku Hoos U Dhigto Xidhiidhkii Somaliland?

$
0
0

Sida aynu taariikhda ka baranay dhacdo kasta waxay dunida ama gobol ka mid ah ku yeelan kartaa saamayn balaadhan ama isbedelo hor leh. Somaliland waxay ka dhalatay dagaallo sokeeye oo lagu hoobtay iyo burburkii Soomaaliya ee ka dambeeyay, mana aha wax lala yaabo in Somaliland xorriyedeedii dib ula soo noqoto markii lagu hungoobay israacii labada dal iyo markii la waayay ama ay dhimatay fikraddii Soomaali weyn, hase yeeshee waxa la hantiyay dhul la dumiyay oo u baahan in kow laga soo bilaabo.
Dalka waxa qabtay ciidamadii jabhadda SNM hase ahaatee waxa ka lumay kala dambeyntii markii ay waayeen hoggaan siyaasadeed oo jaheeya, sidaas daraadeed dad badan baa aamminay Somalilandna in ay ku dambeyn doonto sida Soomaaliya oo kale laakiin, sidaa Alle kama dhigin; waxa la sameeyay waxyaabo mucjiso ah marka loo eego duruufihii adkaa ee wakhtigaa jiray sida dib u heshiisiintii beelaha, hubka dhigistii iyo qaramayntii maleeshiyo beeleedyada, dhismihii hay’addaha dawladda, qoraalkii dastoorka iwm.
Geeddigu marna ma hakan waxa la bilaabay dhismihii seeska dimuqraadiyadda, waxa la dejiyay xeerarkii doorashooyinka iman doona. Hawlahaas oo dhan beesha caalamku waxba kumay darsan hase yeeshee markii dambe waxa indhahooda soo jiitay dadaalkii iyo isku duubnidii umadda reer Somaliland waxayna doorbideen in ay dawladda Somaliland si toos ah ula shaqeeyaan iyo in ay ka taageeraan adkaynta hay’addaha dawladda, amniga, kobcinta dimuqraadiyada iwm, islamarka beesha caalamku Somaliland waxay ka fidisay sumcad wanaagsan iyo in lagaga daydo hanaanka ay u mareen daminta colaadaha iyo nabadaynta.
Si kastaba ha ahaatee beesha caalamku waxay hoos u dhigtay xidhiidhkii iyo niyadsamidii ay u haysay Somaliland, waxay dareemayaan in ay ku khasaareen taageeradii ay muddada dheer siinayeen markii ay u caddaatay in ay Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo si ula kac ah uga cago-jiidayso qabashada doorashooyinka Madaxweynaha, Wakiillada iyo waliba markii ay wax ka qaban wayday musuqmaasuqa iyo cabudhinta saxaafadda.
Dimuqraadiyada:- Beesha caalamku Somaliland waxay u aragtay in ay Metaal fiican u noqon karto dawladdaha Bariga Afrika ee dhinaca dimuqraadiyada, markii shan doorasho laga qabtay iyo markii Madaxweyne Rayaale si qurux badan oo sharaf leh xilkii ugu wareejiyay Madaxweynihii laga doortay, waxayse candhuuftoodii dib u liqeen markii Madaxweyne Siilaanyo iyo labada gole ku heshiiyeen in aan doorashaba la qaban oo midba ka kale u kordhiyo sabab la’aan, sidaas awgeed dalalkii inaga caawin jiray waxay go’aansadeen in aanay sii wadi Karin taageerada dimuqraadiyad noocan oo kale ah.
Musuqmaasuqa:- Dalalka Musuqmaasuqu ka jiro dhaqaalahoodu ma kobco, horumarna ma samayn karaan, bulshaduna inta badani waxay ku nool yihiin saboolnimo. Wakiillada beesha caalamku marka ay Somaliland ka war bixinayaan lama gabadaan in ay sheegaan musuqmaasuqa baahsan ee dalka ka jira, sidaas daraadeed lagama yaabo in ay dhaqaale ku shubaan haan gun la iyo jeebado daloola ama ku dhacaya meelo aan loogu talo gelin.
Dawladduhu waxay caawiyaan dawladdaha dadkooda caawinaya, waxay wax ugu daraan kuwa hantidooda iyo dhaqaalahooda yare e soo gala si wanaagsan umadda ugu maamula. Tusaale ahaan waxay diideen in ay bixiyaan qaybo ka mid ah kharashaadkii doorashooyinka, waxay 50% dhimeen lacagihii ay ku shubi jireen Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waxana dhici kara in ay gabi ahaanba joojiyaan.
Xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadamaha:- Wadamada reer galbeedku waxay si gaar ah u qiimeeyaan xorriyada hadalka iyo xuquuqda aadamaha, deeqaha ay siiyaan dunida saddexaadna inta badan waxay shuruud uga dhigaan hadba sida loo dhawro arrimahaa iyaga ah. sidaa daraadeed xaggooda xukumadda Madaxweyne Siilaanyo uma qalanto in ay ka hesho dhaqaalihii Somaliland baahida u qabtay iyadoo la ogyahay xadhiga joogtada ah ee wariyeyaasha iyo sida loola dhaqmo saxaafadda madaxa bannaan oo qaarkood xarumahoodii la xidhay oo gaadh laga hayo.
Cabdiraxmaan Cadami
Abdirahmanadami22@gmail.com

Guddoomiye Cirro iyo Weftigii uu Hoggaaminaayey oo Kulamo La Qaatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Austria iyo Hay’adda Mucaawinooyinka u Qaabilsan Dalkaasi+SAWIRO

$
0
0

Guddoomiye Cirro iyo Weftigii uu Hoggaaminaayey oo Kulamo La Qaatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Austria iyo Hay’adda Mucaawinooyinka u Qaabilsan Dalkaasi+SAWIRO

Hargeisa-(Qaran-news)-Waftigii ballaadhna ee u hoggaaminayay Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Mud. Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo safaro diblumasiyadeed ku galabixiyay waddamada Yurub, ayaa kulan ballaadhan waxay Dalka Austria kula yeesheen hay’adda mucaawinooyinka u qaabilsan Dalkaas ee loo yaqaano Austrian Development Agency.

Kulankan oo muhiimad gaara ay waftigu siinayeen waxay kala hadleen saamaynta abaaraha darani ku keeneen shacbiga Somaliland iyo sidii Dawladda Austria door wax ku ool ah uga gaysan lahayd caawinta dadkii u caydhoobay abaaraha.

Madaxa hay’adda Austrian Development Agency iyo sarakiil sare oo kulan kaas ku wehelinaysay ayaa ballanqaaday inay sida ugu dhakhsaha badan gacan uga gaysan doonaan abaaraha, waxay sidoo kale sheegeen inay hore ugu hawlanayeen doorka ay Dawladda Austria ka qaadanayso abaaraha haleelay waddamada bariga Afrika.

Geesta kale waftiga Murashaxa Xisbiga WADDANI hoggaaminaayo waxay kulan ballaadhan oo saacado badan qaatay ay la yeesheen Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Austria kulan kaas oo lagaga wada hadlay arrimaha doorshooyinka iyo sidii ay Somaliland uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, dibudhaca ku yimi doorashooyinkii Somaliland iyo dhaawaca ay dalka u gaysteen iyo arrimo kale. Waftigu waxay u sii gudbi doonaan waddanka Sweden.

Daawo:Sarkaalkii Cali khaliif ka baacsaday Saax-dheere oo Shalay ku soo dhaweeyay Laascaanood+Telefoon Cali Khaliif kula hadlay Nuux Taani & Hadalo xasaasiya oo ka duuldulay

$
0
0

Daawo:Sarkaalkii Cali khaliif ka baacsaday Saax-dheere oo Shalay ku soo dhaweeyay Laascaanood+Telefoon Cali Khaliif kula hadlay Nuux Taani & Hadalo xasaasiya oo ka duuldulay

Daawo:Madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe oo ku dhawaaqay in wixii Somaliland kaga xidhan Somalia loo fududeeyo balse aan lagu dabakhin…

DHALINYARADA QORYAALE OO KALSOONIDIU KALA NOQDAY WASIIR CALI MAREEXAAN

$
0
0
 
DHALINYARADA QORYAALE OO KALSOONIDIU KALA NOQDAY WASIIR CALI MAREEXAAN
Waxan halkan ka salaamaya dhamaan inta samaha jecel  waxaan kale oo aan salaamaya dhamman hawl wadeenada shabakadan oo  aalaaba  u soo tabiya bulshada warar sugan oo xaqiiqda  ku qotoma , waxaan si gaar ah uu salaamaya 9 dhamaan  qaybaha kala duwan  ee BEESHA BADEED MAXAMED  qaran joog iyo qurba joogaba .
Salaan ka dib anigo  ah af hayeenka dhalinyarda beesha badeed maxamed( badeed maxamed axmed faarax )  oo ka mid ah beelo weynta habar jeclo waxaan maanta qalinka uu qaatay  inan wax ka dhaho seddex qodob oo runtii an jecelaystay inan la wadaago  umada aan wadaagno Degaanka , Danta iyo Diintaba .
3daa qodob oo fikir ahaaan ay ila qabaan dhamaan garabka dhalinyarada beesha ee igu sharfay xilkan balaadhan , bal haddan qodob qodob isu dul taago
1. Dhinaca Degaanka.
Beesha waxay degtaa degaamo badan oo badankoodu hoos yimaada gobolka togdheer , degaamadaas aya waxay kala yihiin
1.Bali jilaal .
2.ban cawl.
3.ilka cadays .
4.Beeyo macaan .
5.War cibraan .
6.Qoryaale .
7. Magaala yar ( ina af madoobe).
8.Dabaqabad.
9. SHashancade .
10. SHaaxid .
11. Balicalanle .
12. Gaad layaal .
13 . Taalo buur .
14. Gandahaar .
15. Habar cadhootay .
16. Unuunley .
17. Beer .
18.Yiroowe .
19. Heere .
Degamadan 18 ka mid ahi waxay  hoos yimaadaan gobolka Tog dheer  halka degmada Beeyo macaan ay hoos timaado gobolka saaxil .
Degaamadan qaar ka mid ah sida warcibraan , bali calanle ,taalo buur , gaad layaal ,shanshancada  .shaaxid ,qoryaale  iyo magaalo yar   ya ah kuwa degaan ahan lagu weheliyo beesha  (beelo kale aya la daga beeshan )   walaw ay degaamad kor ku xusan badankood ay beeshu kali ku tahay .
Haddab waxay su’aashu tahay  degamadaas xaalad nooce ah ayay ku sugan yihiin ?
Waxa  hubaal ah inan dadka  badankiisu ka war hayn xaalada dhabtaa ee ay ku suganyihiin degamadaas , bal aan idin ifitimiyo xaqiiqda dhabtaa ee ay ku suganyihiin degamaadas ay beeshu degti anigo ka isku dayi doona inan sedex ku saleeyo
B. DHINACA  CAAFIMAADKA .
 sida aynu wada ognahay caafimaadku wa hanti kaliya ee uu haysto qof kasto oo caqli ahaan iyo jidha ahaan ba caafimaad qaba , wana mid ka mid ah nimcooyinka ilahay inagu galaday .
Haddaba adeegyada cafimaad ee degamada beesha ayaa ah  kuwa  aan gabi ahaan jirin xataa ma jiraan xarumaha lagu daryeelo Hooyada Iyo Dhalaanka ee lo yaqaano afka qalaad MCH  .oo ka yegleelan degmaadaas .
runtii waa ayaan daro ku dhacday  beesha ka dib marki ay xilkoodi gabeen  haldoorka beesha ee dhinacyada siyaasada , dhaqanka , ganacsiga iyo qurba joogtuba
Waxan hubaal ah in haddi sidaa waxa laga badali waayo inay  iman doonto dabar go  dadka iyo duunyada  ku nool degaamdaas kuna abtirsada beesha .
Ku darsoo siyaasiyiinta beesha ka soo jeeda kuna jiraa xukuumada oday siilaanyo  waxa ka mid Wasiirka Hawlaha guud  gadiidka iyo guryaynta somaliland  cali xasan maxamed (cali khadiija) kaas oo   xubno  ka tirsan beesha oo aan  hankoodu dhaafsiisnayn dhuun iyo wax la cuno ay sheegeen inu wax qabtay laakinse haba yarate aanay jirin wax u qabtay beesha iyo degaamadeeda toona taas oo ah xaqiiq jirta oo aan uu baahnayn hubin iyo in lago  doodo toona .
T.  DHINACA WAXBARASHO .
Aqoontu waa furaha nolosha , wata guusha lagu hanan karo ,wa mid muhiim uu ah hormarka .
Umadda kastaa wa halbeega la adeegsado marka la doonayo in wax laga ogaado  hormarka iyo dib u dhaca umadda kasta loona baahan yahay in siyaasad wanaagsan laga yeesho hormarka waxbarashada   .
Haddaba degamadaas ay beeshu degto ma jirto  haba yaratee wax xarun waxbarasho ah oo ka jirta  taas oo keentay inay dib u dhac weyni ku imaado dhamaan ubaxi beesha ee ku nool degamadaas , ma jirto  cid wax ka qabatay gaar ahaan xukuumada maanta jirta walaw uu madaxweynuhu siiyay saami aad u wanaagsan ,waxan xusid mudan inu wasiirka hawlaha guud  ,gadiidka iyo guryaynta JSL  cali maxamed xasan (  cali khadiij )  uu ku abtirsado beeshan .
J.Abaaro baahsan oo ka jira Degamada beesha.
Wa mid aynu wada ogsoonahay  abaaraha baahsan ee ka jira  guud ahaan dalka , gaar ahaan gobolada bari ,sida  darteedna uu madaxweynuhu uu magacaabay gudi loo bixiyay gudida  gurmadka abaaraha  heer qaran , gudidaas oo ka kooban xubino dhawr iyo tobaneeya ayaa badidoodu ka soo  jeedan  gobolada galbeedka somaliland, kuwaas oo aan  haba yaraate wax gurmad ah gaadhsiin degamada beeshu degta  oo ay ka jirto biyo la,aan ay u weheliso  xanuun dhawaan ka dilaacay degamadaas oo ayna ka jirin haba yaraaate xarun cafimaad  .
Degamadaas aya waxa laga soo sheegaya  macluul iyo dhimisho dhawr qof  arinkaas oo ay ka moogantahay xukuumada iyo xubnaha xukuumada ugu jira  beesha  waa ayaan daro ku dhacaday umadaas , arrintan aya si weyn u  soo if baxday ka dib markii uu dhawaan shil baabuur ku geeriyooday caaqilki beesha AHN  oo aha qof kaliya ee u dhaq dhaqaaqi jiray gurmadka iyo samata bixinta dadka iyo duunyada  degamadaas .
GUNTII IYO GABAGABADII
waxan halkam baaq uga diraynaa xukuumada  JSl waxan si gaar ah uga baaqaynaa gudida gurmadaka abaaraha ee heer qaran inay gurmada deg deg ah ka geystaan degamaadaas oo durufo qalafsani ku habsadeen
Waxa kale oo aan  baaq u diraynaa madaxeweynaha JSL MD axmed siilaanyo inu isku shaandhaynta soo socota xilka ka xayuubiyo wasiirka hawlaha guud ,gaadidka iyo guryaynta  cali khadiija oo degaamadi beesha uu xukuumada u matalo  iska indho tiray inu gaadhsiiyo wax gurmad ah  , kana gaabiyey  inu wax hormar ah ka sameeyo degamadaas ay beeshiisu degto tan iyo mudadi u hayay xilka wasiirnimo o ku siman mudoo labo sano ah .
By xasan cabdi mire (nimcaan)
xasannimcan@gmail.com>
Ku nool dalka germany

Daawo:Wasiir Nidar ku galay,kuna Hanjabay in Shaqo Qof Muwaadin ahi qaban karo aan Ajaanib loo dalban karin

Hargeysa Caasimaddii Dusha Ka Miinaysnayd!!!

$
0
0

Hargeysa Caasimaddii Dusha Ka Miinaysnayd!!! W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer yare)

Hargeysa waa caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, oo dhacada bariga qaarada madow ee afrika, caasimadani waxay soo martay xaaladdo iyo isbedelo badan, waxay kasoo gudubtay burbur iyo dhaqaallo xumo ay sababeen dagaaladii dib u xoraynta iyo kuwo sokeeye oo ka dhacay sagaashanadii.
Horumar shacabka hargeysi sheegeen in ay caasimaddu gaadhay ayaan ilaa hadda u muuqan mid heer fiican laga gaadhay, si kastaba ha ahaatee hargeysa waxaa ku dhacay isbedel u muuqda indhaha dadka inta wanaagsan fiiriya.Hadii aan u soo dhaadhoco ciwaanka qormaddan oo ah “Hargeysa caasimaddii dusha ka miinaysnayd!!!”, hadda oo la galay wakhti gu’a ah oo ay jiraan roobab iyo dabayalaha roobabka keena ayaa inta badan bulshada ku dhaqan hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland waxay aad uga werwar qabaan dhibaatadda xadhka laydhka iyo tilifoonaddu ku keeni karaan bulshada iyo magaalada guud ahaan, wakhti kasta oo roob da’o waliba xiliyadda habeenkii ah waxaa magaalada laga dareemaa laydh la’aan ama waxa loo yaqaan shood-ka oo ay dhaliyaan dabaylaha roobka tan oo ay ugu wacantahay xadhka  sida bilaa xisaabta ah u dul maraaya caasimadda leh dhismayaasha dhaadheer ee quruxda badan.
Tiraba dhawr dhacado oo aan goobjoog u ahaa waxaa xadhkaha laydhka iyo tilifoonadda oo ay leeyihiin shirkado kala duwan ay magaaladda ka dhaliyeen shoodh iyo dareen naxdin leh oo ku dhalatay qof kasta oo ka agdhow goobtaas, in kasta oo hargeysi maanta leedahay si aad ahna ugu faanayso ciidanka kahortaga dabka ee Dab-demiska, hadana waxaan la xasuusnayan in meelaha qaar oo aad uga fog fog ciidamadda ay ka dhici karaan shilal halis badan oo ay sababi karanaan xadhkaha korontadda iyo tilifoonadda ee sidda bilaa maskaxda ah isku dhex qaadaya.
Hadii aan xukumadda gaar ahaan wasaaradaha ku shaqada lehi si deg deg ah wax uga qaban, dhacdada noocan oo kale ahi waxay xiliyadda roobabka ka dhalin kartaa guud ahaan magaaladda gaar ahaan meelaha u sahlan dabka sida Xaafadaha isku raranka ah iyo suuqyadda oo badankoodu ka samaysan cooshado iyo baco, dabkaas oo si fudud ku fidi kara isla markaana keeni kara khasaare naf iyo maal labadaba iskugu jira illahay ha inaga ilaaliyee.
Inaga oo markasta illahay ugu mahadnaqayna raxmaadkiisa roobka ee uu inugu galadeystay, haddan waxaynaan mooganeyn in nimco kasta ay nusqaan iyo dhinaasho leedahay, tan dabka ee ka dhalan karta xadhkuna waa mid kamid ah dhibaatooyinka aan bulshadda iyo xukumadu ka warqabin , isla markaana si fudud u dhalin kara khasaare dhan kasta ah.
Gebogebo: Arintan waxaa si fudud wax looga qaban karaa si “Ilkana u badbaadaan xeedhana u nabad gasho”, iyadda oo wasaaradaha ku shaqada lehi amar kasoo saaraan, isla markaan cid kastoo ay arintani si gaar ah u taabanaysaa ka fikirto badbaadinta bulshadeeda oo aanay ku koobnaan ka fikirka danahooda ganacsi oo keliya, maalin iyo todobaad labadaba shacbigu way ka maarmi karaan laydh iyo tilifoon inta laga asturaayo ee laga babaadinaayo khatarta sida fudud ugu dhici karta xiliyadda roobka, taas oo wakhtigaas lugu bixinaayo sidii xadhka dhulka hoostiisa loo marin lahaa, Kalasaarida xadhka sida foosha xun isku dhex mulaaqmay ayaa yarayn kara khatar ka dhalata xiliyadda roobka, sidoo kale qurux u noqon karta magaaladan caasimadda ah.Wabilahi tawfiiq.
Suxufi, Qoraa Madaxbanaan

Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Xamse18@gmail.comwww.wiyeeryare.blogspot.com

Hargeysa – Somaliland

 

Daawo:Walaadiinta Reer Burco ee Caruurtooda Doontii Yemen lagu xasuuqay oo taageeray Dawlada Somalia Dhaliilo Culculusna ku Hurgufay Xukumada Siilanyo & Wasiir-xigeenkeeda Khaarajiga-kayse

$
0
0

Daawo:Walaadiinta Reer Burco ee Caruurtooda Doontii Yemen lagu xasuuqay oo taageeray Dawlada Somalia Dhaliilo Culculusna ku Hurgufay Xukumada Siilanyo & Wasiir-xigeenkeeda Khaarajiga-kayse

Dhegayso hees laga sameeyay silsiladii Miimleyda ee abwaan Weedhamse uu bilaabay waa heestii u horaysay ee la garaaco

Shaqaalaha dawlada hoose ee Hargysa oo aan 3 bilood mushaar qaadan iyo Moyarka oo mushaarkiidii siiyay xisbiga Kulmiye

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-news)-Shaqaalaha dawlada hoose ee Hargeysa oo kor u dhaafaaya kun qof ayaan sadexdii bilood ee ina soo dhaafay wax mushaar ah aan qaadan mana jirto xili qorshaysan oo shaqaalaha la siin doono mushaarkooda ama sidii caadiga ahyd loogu wadi doono in ay mushaarkooda helaan bil walba.

Qaar ka mid ah shaqaalaha dawlada hoose oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ayna dhowr bilood wax mushaar ah ayna helin iyaga oo sheegay in ayna garnaynin sababta, hase ahaatee warar kale ayaa sheegaaya in maayarka caasimadu uu ku mashquulsanyahay sidii dhaqaale loogu ururin lahaa xisbiga Kulmiye oo uu ka tirsanyahay, waxana uu dhawaan xaflad lagu qabtay magaalada Hargeysa ku dhawaaqay in uu xisbiga Kulmiye ugu deeqay lacag gaadhaysa 50kun oo doolar taasi xiliganina uu mayarku ku jiro olole lacag urursi ah oo lagu tageeraayo xisbiga Kulmiye.

Dhawaan ayay ahayd markii ay xoghayahii dawlada hoose ee caasimada iyo maayarku isku dhaceen kadib markii xoghayahu uu is hortaagay lacag si sharci daro ah loola baxaayay oo Kulmiyasnayd taasi markii danbe galaafatay xoghayahii isla markiibana la badalay oo la keenay ka hada xilka haya oo la jaan qaaday Mayar Cabdiraxmaan Solteco, taasi oo sababtay hada mushaar laanta la soo gudboonaatay shaqaalahii masaakiinta ahaa.

Nin reer Awdal ah oo Xamar ka yimid oo xukumadda Kulmiye xabsiga dhigtay sidii Wariye Coldoon Iyo Agaasimihii ganacsiga iyo warshadaha Somaliya ee dalka Yimid oo casuumado loo samynaayo

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-news)-  Waxa dhowrkii maalmood ee ina soo dhaafayba ku xidhan magaalada Hargeysa Ciise Ismaciil Axmed oo ka mid ahaa musharaxiintii dhawaan u tartamaayay xubinimada barlmaanka Somaliya, ninkani dhalinayarada ah ayaa laga qabtay markii uu ka soo degay madaarka Egail Intranational Airport ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku guuldarystay in uu ka mid noqdo xildhibaanada golaha wakiilada ee Somaliya.

Ciise Ismaciil ayaa ka soo jeeda gobolka Awdal  waxana uu u ololaynaayay in uu ka mid noqdo golaha wakiilada ee Somaliya, kadib markii uu kursigaasi ku hungoobay waxa uu isaga soo noqday dalkiisii markii uu ka soo degay madaarka isla diyaarada hoosteeda laga katiinadeeyay ilaa hadana lama hor gaynin wax maxkmad ah waxana uu u xidhanyahay si sharciga baal marsan oo ahayd in lagu qaado danbiga loo haysto, taasi oo uu sharcigu dhigaayo in qof kasta oo danbi loo haysto ama loo sheeganaayo la hor keeno cadaalada, waxna jira nin kale oo isna lala qabtay Ciise Ismaciil Axmed oo aan ilaa hada la garanynin magaciisa iyo danbiga dhabta ah ee isna loo haysto.

Waxa doraad dalka yimid agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ee Somaliya  Cabdillahi Xayir Ducaale waxana madaarka ka qaaday wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, waxna sidoo kale ilaa shalay iyo maantba marti qaadyo iyo casuumado u fidinaayay madax sar sare oo ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo xukumadda Siilaanyo, mana jirto wax xadhig ah iyo handidaad ah oo ninkaasi loo gaystay  waxna uu hada si xarago leh u dhex joogaa magaalada Hargeysa, waxna uu ku xidhanyahay madax ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo wasiiro ka tirsan xukumadda Siilaanyo, siiba wasiirka madaxtooyada oo ay isku deegaan ka soo wada jeedaan

Waxna hore dalka u yimid oo aan far la saarin Xildhibaan Cabdalle Xaaji Cali oo si fiican loogu soo dhaweeyay  markii uu socdaalkisii dhamaystayna dib ugu laabtay magaalada Muqdisho oo uu hada ka mid yahay xildhibaanada cusub ee dib loo soo doortay ee Somaliya, waxana ay walaalo yihiin gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland ee la filaayo in la hoos geeyo ragan hada xidhan.

Waxna xabsiga la dhigay wariye Cabdi Maalik Coldoon, waxna halkaasi kaaga muuqata in sharciga Kulmiye uu qabnaayo dad gaar ah oo la bar tilmaameedsanaayo, isla markaasina la laalay sharcigii xorta ahaa ee Somaliland, waxna la haboon umadda reer Somaliland in ay iska xoreeyaan xukumadda Kulmiye iyo xisbigeeda kala qaybinaaya umadda Somaliland. Waxana haboon in sharcigu uu qabto qof kasta oo ka hor yimaada qadiyada gooni isu taaga Somaliland waana in xukumadda Kulmiye dib u soo celiso xeerkii xakamaynaayay muwaadiniinta Somaliland ee ka qayb qaadanaaya arimaha siyaasada ee Somaliya

Kullan Lagu Falaqaynayo Oo Dib Loogu Eegayo Istaraatajiyada Ollolaha Xisbiga WADDANI Oo Hargeysa Ka Furmay Maanta Iyo Khamiiro Caalami Ah Oo Ka Qayb-qaadanaya + Sawirro

$
0
0
Kullan Lagu Falaqaynayo Oo Dib Loogu Eegayo Istaraatajiyada Ollolaha Xisbiga WADDANI Oo Hargeysa Ka Furmay Maanta Iyo Khamiiro Caalami Ah Oo Ka Qayb-qaadanaya + Sawirro
Hargeisa-(Qaran-news)-Kulan lagu falan-qeynaayey isla mar ahaantaan dib u eegis looggu sameynaayey istaraatijiyadda ololaha xisbiga WADDANI oo uu goob-joog ka ahaa madaxii ololaha xisbiga NPP ee dhawaan ku guuleystay doorashadii dalka Ghana Mr.Peter Mac Manu, ayaa maanta ka dhacday hotel Ambassador ee Hargeysa.
Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen kooxda ololaha xisbiga WADDANI oo uu goob-joog ka ahaa madaxa ololaha xisbiga WADDANI Aqoonyahan Xamse Kheyre, ayaa ay kulankan uu daadihinaayey khabiirka reer Ghana, waxa ay uga faa’ideysteen siddii uu dib u eegis ugu la sameyn lahaa istaraatijiyadda xisbiga WADDANI uu ku gelaayo ololaha oo horaantii sannadkan 2017ka la soo dhammeystiray iyada oo kulankan xoogga lagu saaray siyaabaha kala gedisan ee dadka loo gaadhsiin karo barnaamij siyaasaddeedka xisbigaasi iyo weliba u diyaar garowga doorashada Madaxtinimada ee dalka.

Mr. Peter Mac Manu oo ah khabiir aad ugu xeel dheer dhinaca siyaasadda iyo ololaha ba isla mar ahaantaana hore u soo noqday guddoomiyaha xisbiga New Patriotic party ee dalka Ghana sida oo kale na la taliye u soo noqday xisbiga ku guuleystay doorashada dalka Neyjeeriya ee uu hoggaamiyo Mahammadu Buhaari, ayaa si aada ugu farxay qaab dhismeedka uu u dhisan yahay xisbiga WADDANI isaga oo tilmaamay in xisbiga WADDANI uu u qaabeysan yahay nidaam heer caalami ah oo la jaan-qaadaya wadamada horumaray, waxaana uu halkaas kula wadaagay dariiqyada ugu habboon ee uu u guuleysan karo xisbigaasi iyo weli ba sida oo kale waayo aragnimaddiisa siyaasaddeed ee uu ku soo kordhin karo xisbigaasi, waxaana uu aad ugu dheeraaday siyaabaha kala duwan ee dadka looggu qancin karo mabda’ xisbiga WADDANI iyo weli ba sida oo kale siddii loo sii xoojin lahaa haysashada iyo ilaalinta dadka taageerayaasha u ah xisbiga WADDANI.

Aqoonyahan Xamse Kheyre oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ka xisbi ahaan aad ugu faraxsan yihiin in ay helaan khabiir ka kaaba dhinaca istaraatijiyadda ololaha xisbiga WADDANI isaga oo carabka ku dhuftay in xisbiga WADDANI yahay xisbiga keliya ee leh barnaamij siyaasaddeed cad oo ay dadku ku dooran karaan isla mar ahaantaana uu kaga duwan yahay xisbiyada kale ee dalka.

Kullankan lagu falan-qeynaayo isla mar ahaantana dib u eegista looggu sameynaayo istiraatijiyadda ololaha xisbiga WADDANI, ayaa socon doona mudd shan cisho oo khabiirkan reer Ghana uu xisbiga WADDANI uga faa’ideyn doono wixii waayo aragnimaddiisa siyaasaddeed ah maadaama uu la soo shaqeeyey xisbiyo ka dhisan wadamo Afrikaan ah oo ku guuleystay Doorashooyinkii ugu dambeeyey.


Daawo:Jiif Caaqil Reer Saaxila oo si adag ugu hanjabay Wasiirka Madaxtooyada S/land & Wiilka madaxweyne Siilanyo Soddoga u yahay Baashe morgan

$
0
0

Daawo:Jiif Caaqil Reer Saaxila oo si adag ugu hanjabay Wasiirka Madaxtooyada S/land & Wiilka madaxweyne Siilanyo Soddoga u yahay Baashe morgan

Adigu Kulmiye dumaashiisa yeelo, iyo maya ee adigaa igaga haboon uun weeyaan waxa ay isku hayaan

$
0
0

Siyaasi Maxamed Haaruun Biixi

Caawa warkii HCTV waxa aan ka dhegaystay Kornayladii Kulmiye (M Biixi iyo M Kaahin) oo hadlaaya. War badan ayaa ay sheegeen, waxaana iigula muhiimsanaa doodda uu markii u horaysay Muuse soo ban dhigay, taas oo ahayd in uu doorkan Kulmiye gobolada baallaha (Awdal iyo Sool) ka sugaayo taageerada iyo guusha ugu wayn kolka doorasho la galo. Runtooda weeyaan oo waa sidaas rajadoodu. Awdal iyo Sool ayaa ay ku xisaabtamayaan ilayn waa “Mujaahidiintii” Boorame iyo Lascaanood faqash ka xoraysaye, ee dhiigooda u huray xornimada ay maanta ku naaloonayaan deegaamadaasi! Sidaas baa ay la tahay. Wali nimankaa qaar ka xisaab fiican? Waa halkii Reer-Hargeysee Kulmiye innaba caadi ma aha! Xisbiyada Democratic iyo Republican ka ee America wax ha ka bartaan! Ingiriisku kolka uu wax amaanaayo waxa uu yidhaahaa – good boys!
Intaas uun ma ahayn wacdaraha Kulmiye. Kaahin iyo Xaashi na waxa ay yidhahdeen – been baa nalaga sheegayaa ee xil ma isku haysano. Walaalo ilaahay ayanu nahay. Maalin Hadii aanaan is arkin hargab baa nagu dhacaba. Adigu Kulmiye dumaashiisa yeelo, iyo maya ee adigaa igaga haboon uun weeyaan waxa ay isku hayaan, waa hadiiba ay is hayaan. “Ii cun adigu” iyo, “Maya ee addigu ii cun” uun weeyaan waxa ay is leeyihiin, waana intaas uun inta war xume tashiilka, horumar diidka ahi kala sarifayaan. Runtood weeyaan. Waliba Xaashi wax ka run badani ma jiro. Dadka oo dhami waa ogyahay in ay xataa Cimro tegistiisu tiro beeshay. Again, good boys.

Daawo:Sidii Gudoomiye Cirro & Weftigii uu hogaaminaayey loogu soo dhaweeyay Sweden+Kulamo ay la yeelan doonaan Barlamaanka Sweden & waxay daaran yihiin

$
0
0

Daawo:Sidii Gudoomiye Cirro & Weftigii uu hogaaminaayey loogu soo dhaweeyay Sweden+Kulamo ay la yeelan doonaan Barlamaanka Sweden & waxay daaran yihiin

Siilaanyo oo la filaayo in uu sameeyo isku shandhayntiisii ugu danbysay

$
0
0

Hargeysa(Qaran-news)-Maalmihii u dambeeyay waxa soo baxayay warar sheegaya in madaxweyne Siilaanyo samayn doono isku shaandhayntiisii u dambaysay oo culus, taas oo saamayn doonta masuuliyiin badan.

Wararkan oo ay qaar ka mid ah warbaahintu baahiyeen magacyada masuuliyiinta laga yaabo inay ku jiraan isku shaandhaynta madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxa la sheegayaa inay sahayan doonto xubno ka tirsan golaha wasiirada, badhasaabada gobalada qaarkood iyo weliba madaxda hay’adaha ammaan ee dalka. Waxaana golaha wasiirada ku soo biiri doona xubno cusub oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ujeedada u weyni tahay inay ka qayb qaataan olalaha doorashada xisbiga KULMIYE.

Laakiin dadka xiiseeya siyaasadda ayaa haddiiba madaxweyne Siilaanyo sameeyo isku shaandhayn, waxay isweydiinayaan inay noqon doonto mid sidii kuwii hore ku koobnaata wasiirada ka soo jeeda beelaha kale ee Somaliland iyo inay noqon doonto mid uu bal ugu yaraan ku taabto hal wasiir oo ka mid ah wasiirada lagu magacaabo “Wasiirada aan dhicin” ee ka soo jeeda beeshiisa oo aanu marna ku samayn xil ka qaadis.

Waxa kale oo ay dadka siyaasadda xiiseeya isweydiinayaan in Madaxweyne Siilaanyo sii kordhin doono golahiisa wasiirada oo hadda maraya 69 xubnood iyo inuu samayn doono kala haadin oo uu isku ururin doono wasaaradaha qaar si ay u yaraato tirada golaha wasiiradu oo dabadeed dhinta kharashaadka ku baxa ee aanu dalku iska xejin karin.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa noqday madaxweynihii Somaliland soo mara ee dhisa xukuumadii ugu tirada badnayd, isagoo madaxweynihii hore Md. Rayaale oo dhisay xukuumad ka kooban 56 wasiir ku eedayn jiray inuu sameeyay xukuumad tiro badan oo bilaa tayo ah.

Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Siilaanyo ayaa la eegayaa inuu ku dhiirado isku shaandhayn macno samaysa iyo inuu sameeyo isku shaandhayn iyo xil ka qaadis la mid ah kuwii uu hore u sameeyay oo lagu tilmaamay dhadhaarada dheriga oo la kala bedelay, maadaama oo aanay dalka u soo kordhin wax horumar ah.

Geeska

Taariikhda Siyaasadeed & Shaqo ee Wasiirkii Hore ee Dekedaha Somalia Nuur Faarax Xirsi oo Muqdisho ku geeriyooday

$
0
0

Taariikhda Siyaasadeed & Shaqo ee Wasiirkii Hore ee Dekedaha Somalia Nuur Faarax Xirsi oo Muqdisho ku geeriyooday

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>