Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo:Wasiirka Macdanta oo wax laga weydiiyey shuruuc uu golah Barlamaanka hor keenay & Xaalada Goobaha shidaal baadhsitu ka socoto

$
0
0

Wasiirka Macdanta oo wax laga weydiiyey shuruuc uu golah Barlamaanka hor keenay & Xaalada Goobaha shidaal baadhsitu ka socoto


Daawo:Wiil yar oo uu dhalay Weriye C/maalik Coldoon oo ka dalbaday M.Siilanyo inuu Aabihii sii daayo+Fariimo kale

$
0
0

Daawo:Wiil yar oo uu dhalay Weriye C/maalik Coldoon oo ka dalbaday M.Siilanyo inuu Aabihii sii daayo+Fariimo kale

Sahamintii shiidaal baadhista oo maanta Oodweyne si wanaagsan looga bilaabay una socota sidii loogu talo galay

$
0
0

Waxaan dhamaan Bulshada Somaliland ee Nabada & horumarka jecel ugu bushaaraynayaaa in manta oo Axadda , si rasmi loo bilaabay shidaal baadhistii Block 26 oo laga bilaabay tuulada loo yaqaan “ Beeyada” oo 3 Km ka xigta dhinac hawdka Oodwayne. Waxay hawshu gaadhay Galbeedka Beerato oo cagafto ku jirto. Bulshada Daadmadheedh marnaba ismay hortaagin shidaal baadhista laakinse waxa jirtay cabashooyin ku saabsana dhinaca shaqaalaynta iyo hawlaha la xidhiidha taaso lasoo af-jaray. Waxa bogaadin iyo qadarin mudan Madax-dhaqameedka, Ganacsatada, Waxgaradka, Haweenka , Dhalinyarada, Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Ciidamada Qaranka oo si xilkasnimo ku jirto u maareeyay arrinkaas. Waanu ka xunahay Af-lagadooyinkii Wasiir-Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha Mr. Biin.
Sida la warqabo, Block 26 wuxuu ku fadhiyaa dhul qiyaastiisu dhan tahay 22,840 Km2. Waxa hore loo dhamaystiray baadhista cirka “ airbone gravity & magnetic data” waxaana iminka la bilaabay sahaminta 500KM- 2D Seismic waxaana lagu xigsiin doona 1,000 KM – 2D Seismic iyo hal ciil shidaal” One exploration well” oo la qodi doono ilaa May,2020.
Wa bilaahi towfiiq.
Ali Ibrahim “ Baqdaadi”, Toronto.
Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Daadmadheedh

Shirkada Petrosoma Limited oo Block- Oodweyne Ka iibsatay saami dheeraad ah iyo gudoomiyaha shirkadaasi oo ka hadlay

$
0
0

Petrosoma Limited, oo ah shirkad baadha saliida oo haysata rukhsadda Blooga

Oodweyne, ee uu maamulo muwaadinka Somaliland ee Mohammed Yusef Ali,
waxay maanta ku dhawaaqday in ay ka iibsatay saami dhan 6% rukhsadda
baadhitaanka ee Blooga Oodwayne Shirkada Sterling Energy Plc.

Saamiga ah 6% ee ay iibsatay Petrosoma, ayaa kor u qaaday saamigeedii ay ku
lahayd Blooga oo ka dhigaya 16%.

Markii la waydiiyay sababta ay shirkadu u korodhsatay saamigeeda ay ku
yeelanayso Blooga Oodwayn xiligan oo uu baadhitaanka saliidu bilow yahay,
Mohammed Yusef Ali waxa u ku jawaabay in ay mudantahay in la dhiiri galiyo
hirgalinta mashruucan lana garb istaago. Waxa uu yidhi “Baadhitaanka saliidu
had iyo goor waa shaqo adag oo khataro badani ku jiran, gaar ahaan marka
laga baadhayo wadan sida Somaliland oo kale ah oo aan hore looga baadhin
saliid, mashruucanna waxaan bilaabay 2005 anigoo rumaysan in haddii Saliid
laga helo Somaliland ay saamayn togan ku yeelan doonto koru kaca
dhaqaalaha wadanka oo horumarkaasi uu baabiin doono hagardaamooyinka
ummadeena ee ay ka dhaxlaan abaaraha iyo shaqalaa’anta keentay baahiyo
loo maaro laayay maanta”.

Isagoo sii wada waxa uu yidhi “ Ilaahay casa wa jalla oo qudha ayuun baa og in
ay saliidi ku jirto dhulka hoostiisa laakiin rajooyinka ah in la helayo Saliid way
fiican tahay, baadhitaankan imika la wadaana waxa uu shirkadaha saliida
baadhaya u adkayn doonaa guusha laga gaadhayo rajadaas la qabo”.
Mohammed Yusef Ali waxa uu intaa raaciyay bogaadin iyo mahad naq uu
ujeediyay dadaalkii uu muujiyay Wasiirka Macadanta iyo Tamarta Somaliland
Mudane Hussien Ali Du’ale oo aad uga hawlgalay habsami u socodka hawlaha
baadhitaanka Saliida iyadoo uu muujiyay hawlkarnimo uu ugu dulqaatay
culayska ay lahayd hawshani.

Bananyta laymanka ee Blooga Odwayne ayaa manta bilaabantay iyadoo loo
diyaar garoobayo in la dhigo laymanka oo ay dabasocoto diiwaangalinta xogta
laga helayo baadhitaanka Saliida

Xisbiga UCID- Oo Magacaabay Xilal halkani ka akhriso

Gef Mise Gardarro: Dacwadda UCID ee Xildhibaannada KULMIYE Ku Biiray? W/Q Siciid Gahayr

$
0
0

Gef Mise Gardarro: Dacwadda UCID ee Xildhibaannada KULMIYE Ku Biiray? W/Q Siciid Gahayr

 

Iyada oo ay badi siyaasiyiinta UCID ku biireen WADDANI  ayaa ay 12kii Julaay 2012ka heshiis galeen UCID iyo garabkii Jamaal Cali Xuseen hoggaaminayay ee UDUB. Garabkaasi waxa ay ka hawl-galeen in la helo murashixiin xisbiga UCID ugu tartama doorashada goleyaasha deegaanka ee dhacaysay 28kii Nofember 2012ka. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu kaalin ka qaatay ama keenay xulashada murashixiintii Sallaxley iyo qaybo Hargeysa ah.

Taageerayaasha Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan waxa ay ku kala filiqsanaayeen dhammaan gobollada Somaliland. Mar kastana waxa aan la qarin kaalintii weynayd ee ay ku lahaayeen in UCID ka mid noqdo saddexda xisbi qaran ee Somaliland ka jira. Walaw uu jiro nuqul xeerka 14aad ah oo la saxeexay sannadkii 2012ka oo qeexaya in xisbi kastaaba soo buuxinayo jagada xildhibaannada ka soo baxay ee xisbi kale ku biira, ma aha markii kowaad ee Xildhibaan UCID ka soo baxay uu ku biiro KULMIYE.

28kii Sebtemer 2013ka waxa KULMIYE ku biiray Duqa Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf oo UCID ka soo baxay sannadkii 2012ka. Haddaba, sababma ayuu Xisbiga UCID markaas maxkamad u saari waayay xildhibaannada ka soo baxay UCID ee ku biiray KULMIYE?. Dacwaddii lagu oogi lahaa, waxa la baajiyay kaddib markii uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ka tanaasulay in sharciga la mariyo xildhibaannadan.

Waxa aynu ognahay in Xisbiga UCID oo laba garab ahi uu dacwad ku galay Maxkamadda Sare ee Somaliland iyo Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka sannadkii hore ee 2016ka. Go’aanka dacwaddaasina waxa uu noqday in 07dii Nofember 2016ka la laalo heshiiskii UCID iyo garabkii UDUB iyada oo maalin kaddibna Murashaxa Xisbiga loo doortay Engineer Faysal Cali Waraabe, oo aan illaa hadda haynnin Murashaxiisa Madaxweyne ku-xigeenka oo uu ballanqaaday in uu ku keenayo 45 cisho.

Marka lala noqonayo murashaxnimada Jamaal Cali Xuseen, ma waxa la filayaa in Jamaal oo keli ahi uu UCID ka tago, isla markaana ay taageerayaashiisa iyo xildhibaannadii la socdayna ku hadhayaan UCID?. 06dii Feberweri 2017ka waxa Hargeysa lagu qabtay munaasibad ay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, lix ka mid ah xildhibaannadii UCID ee goleyaasha deegaanka iyo masuuliyiin kale si rasmi ah ugu biireen Xisbiga KULMIYE. Walaw aan ka mid ahaa dadkii munaasibaddaas goobjoogga u ahaa ee taageersanaa in Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen uu ku biiro KULMIYE, waxa jira sababo qof ahaan iga hakiyay inaan halkaas ku biyo-shubto. Waxa aan doorbiday in aan noqdo qof ka madax-bannaan xisbiyada oo aragtidiisa qof ahaaneed u xor ah.

Tallaabadaasi waxa ay keentay in UCID ay dacwad u gudbiyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, markii dambena waxa dacwadda la isu dhaafiyay Maxkamadda Sare ee Somaliland oo ugu dambayn ku wareejisay Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka si ay go’aan uga gaadhaan dacwadda ay Xisbiga UCID dabada ka riixayaan.

UCID waxa u qurux badnaa in ay ka hadhaan ragga markii horeba ugu yimi Murashaxnimadii Jamaal Cali Xuseen. Kiiska ay wadaanna waxa aan u arkaa hinaase ay ka qaadeen munaasibaddii ballaadhnayd ee KULMIYE ku soo dhaweeyay Aqooyahan Jamaal Cali Xuseen iyo garabkii NEW UCID. Waxa u qurxoonayd inay raadiyaan taageerayaal u codeeya doorashada qorshaysan 13ka Nofember 2017ka. Inta ay UCID daba-socdaan xildhibaanno ka diga-rogtay, waxa ila habboon in ay buuxiyaan jagooyinka illaa hadda madhan sida:

1. Murashaxa madaxweyne ku xigeenka

2. Guddoomiye ku-xigeenka kowaad: Dec 7 2015 ayuu masuulkii xilkan hayay geeriyooday

3. Guddoomiye ku xigeenka labaad: 2012ka ayuu Xisbiga ka goostay masuulkii xilkan hayay.

4. Guddoomiye ku xigeenka afraa: Geeridiisu 2013ka ayay ahayd, sida aan filayo

5. Xoghayaha Guud: Nofember, 6, 2013ka ayuu is-casilay

6. Xoghayeyaasha tirada badan

7. Guddoomiyeyaasha Gobollada IWM

Runtii qaab-dhismeedka uu UCID leeyahay uma eka xisbi doorasho diyaar u ah maanta. Inkasta oo ay dhawr jeer qabteen munaasibado lagu sheegay soo-dhaweynta taageerayaal cusub, haddana waxa aan garan waayay qof aan “hebel ama heblaayo” ku sheego oo ku biiray. Haddii uu UCID doorashooyinkii madaxtooyada ee 2003da iyo 2010ka uu helay codad dhan 15% iyo 17%, waxa ay ila tahay inuu maanta helayo ugu badnaan 5% codka bulshada Somaliland.

Rejada laga qabo in uu UCID ku guuleysto doorashada madaxtooyada waxa tusaale u ah: sannadkii 2003da waxa Faysal ku-xigeen u ahaa Marxuun Axmed Cabdi Siciid. Markii uu arkay in aanay meesha ka soo dhaweyn madaxweyne ku-xigeenno ayuu baarlamaanka u tartamay 2005ta, isaga oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada ayuu geeriyooday Eebbe ha naxariisto’e. Gu’gii 2010ka waxa Faysal ku-xigeen u ahaa Dr Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan, markuu ogaaday in guusha UCID cirka ku laalan tahay ayuu KULMIYE u magacaabay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland.

Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Qarankana waxa la gudboon in ay go’aan sax ah soo saaraan. Sidii ay sannadkii hore u aqoonsanaayeen in Xisbiga UCID uu yahay laba garab, waa in ay u gartaan in waxa meesha ka socdaa uu yahay garabkii Faysal oo laalay heshiiskii garabka Jamaal isla markaana dacwad la daba-socda garabkii Jamaal. Sidee ayaa ay maangal u tahay inaad erido masuulkii sababta u ahaa inay UCID yimaaddaan xildhibaannadani, iyagana aad ugu sandulleyso in ay kula sii joogaan?. Waxa aan bulshada weydiin lahaa “Xeerkani miyuu sheegayaa waxa xalku noqonayo haddii xisbi la isku qabsado? Xildhibaannadiisii ka mid ahaa garabka xisbiga laga helay, ma in ay dhankii xisbiga ku hadhay la sii joogaan ayaa waajib ah?”

Ugu dambayntii waxa aan UCID leeyahay haddii aad hantideen Guddoonkii iyo Murashaxnimadii Xisbiga waxa idiin qurxoon inaad iimaansataan waxa aad gacanta ku haysaan. Idinka ayaa keenay khilaafka Xisbiga UCID qaybiyay, markaa waa inaad midhihiisa mahadisaan.

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Daawo:F.C.Waraabe oo ku baanay inuu yahay sirri-daari,Tafaasiilna ka bixiyey kulan uu la yeeshay Madaxweynahii Hore ee Somalia+Sirro uu sheegay inuu kashifi doono haddii…

$
0
0

Daawo:F.C.Waraabe oo ku baanay inuu yahay sirri-daari,Tafaasiilna ka bixiyey kulan uu la yeeshay Madaxweynahii Hore ee Somalia+Sirro uu sheegay inuu kashifi doono haddii…

Daawo:Cali Khaliif oo soo bandhigay Sirro M. Siilanyo u sheegay isaga & Diblomaasiyiin reer Galbeeda oo ku saabsan….

$
0
0

Daawo:Cali Khaliif oo soo bandhigay Sirro M. Siilanyo u sheegay isaga & Diblomaasiyiin reer Galbeeda oo ku saabsan….


Maxaa Somaliland saboolka ka dhigay?

$
0
0

Dalkan Somaliland waa dal hodan ku ah hanti same badan, oo bad kaluun
Fatahaysa , dhul beereed balaadhan , xoolo tiro badan
seddexda meesi ba ah ilaah siiyey. Ku dar hanti samaha
dhulka hoostiisa ceegaaga ee ku duugan oo tiro beelay.
Dalkaa waxaas hantisame ah ilaahay dhigay ayaa dadkiisu sabool
Yihiin oo gaajo iyo saxariir ku noolyihiin. Haddaba maxaa inoogu
Wacan Saboolnimada raagtay ee ina regaadisay ee dunida xageeda hoos ka
Hoosaysa Inna dhigay.? Jilaal ba jilaal muxuu iigu dhibayaa?Maxaa dhaqaale xumada
Inna baday? Ma cadho eebaa inna cusktay,? Ma waxaynu curinaa
Oo aynu gacmaheena ku goosanaa ? Maxaa innaga hortaagan inaynu
Gaadhano barwaaqo iyo nolol badhaadhe sida dunida kale?
Xogto waxay tahay oo meelena loo dhaafayn, oo cudurku hoganayaa uu
Deegaan ku yahay, fadhiisinna ka dhigytay:
Intuu maanku gaajaysanyahay guuli waa weli.
Wixii raagaa ba way xumaadaan
!) Haydii ahaa Xukumadda, Guurtida, wakiilada iyo Garsoorka
Oo musuuq oo dhex jiifo .
B) Guurtidu 26 sanno ayay yuurureen ayagoo aan cid dooran, aqoon siyaasdeed
Aan lahayn, Waa hoyga qabyaalda oo waxay meesha ku fadhiyaan magacyo
Reereed. Talada ay keenaana waa gacan taag indho la,aan oo hunguriga
Iyo caloosha ka daarma. Distoorka ma fasiran karaan oo in yar mooyee
Waa loo akhriyaa. Waxaa la mid yihiin Dameerkii Kitaabka siday ee eebbe
Ku tilmaamay kuwii loo keenay Tawaaradda ee qaadan waayey
J) Wakiiladdu waxay 18 sanno oo kolba oo gabawga kale ee yuurura
kolba u cusboonaysiiya, waxaanay ku yimaadeen cod qabiil oo
midna laguma dooran Aqoon iyo maskax furnaan’, Sida guurtida ayay
huguri la yuurur yihiin Oo caqligu ma shaqeeyo ee calooshay wax ku gartaan.
Boqolkii 60% Waa caydhii Europe ee debeda ka soo qamaamay si ay u boobaan
Halkan. Laxejeclo kuma jiro arrintii la horkeenaba falanqayn la.aan
Iyo ka fiirsan oon danta dalka iyo dadka eegin ayay gacan taag miidamo
Ah ku mariyaan. Waayo, ujeedadiisu waa dhameelka yar ee uu markaa
Arkayo.
X) Madaxweyna waa kal dhaaf wuxuu marayaa sideed sanadood, Kii Horena
Ee Riyaale kal dhaafbuu ku tegay , raaagsitaa Uu ku raagayo kursiga madaxweynanidu
waa ta keenaysa inuu u qaato Inuu kursiga iska leeyahay oo loo doortay
inuu iska fadhiyo , oo isu dhigo inuu dadka iyo dalkaba leeyahay isnu dhalinrogu
Kelitalis.. Waa ta keenatay Madaxweynuhu Hantida ummada xaraasho
marba meel iibinya ee inooga Dhigayaa horumar. Sicir barar, darxumo,
maamul xumo isagoo wakiilda qol ku raagga ah laaluusha
Oo barnaamijku doono kaga iibso dareenka dadnimo kagana ansixista
Wuxuu doono. Wixii Raagaaba way xumaadaan.
Kh) Wasiiradiisa waxay kor u dhaafeen 70 segeger oo qurbajoog
u badan, oo hungurigu cadyahay , soo boob tegay,
nolosha ka soo dhacay , meehanaab , derbi jiif ahaa
musuq ah Oon aqoon lagu soo xulin ee qabyaalad ku yimi.
Waxaa la yidhaa Wasiirkii reer hebel , Wada professor bug ah,Af Shisheeye
Oo uu hadalka ku badhxao ayaa uu aqoon ka dhigaa iyo gibil gaalad iyo
Bayd uu cunaa iskaga rooriyo qabliguna waa qalalanyahay.
2) Ganacsatada oo ku milamay xukuumadda:
Ganacsatadu waa cudur galay xukumadda oo dhiiriyey musuqmaasuqa.
Waxay fureen iibsashada hanti qaranka . dhulkii Danta guud ,
wershadiii korantada. Kaydkii qaboojiyayaasha kaluunla.
Waxay samaysteen Suuq xidhasho( Monopoly) aygoo cidhiidhiyeen
ganacsiga yaryar oo sicir Jumaladda iyo tafaariiqda waxaba u dhaxayn.
Ganacsatada waaweyn waxay sababeen inay ganacsi kastoo cusub
Markay arkaan Ay boobaan oo suuqa ka saaraan ciddii fikradda
Lahayd. Tartan la’aan suuq ah ayay keenayaya inay ganacstada waaweyn
-Suuqa xidhaan ( market Monopoly).
3- Bangiyadii maalgashiga waa suuq xidhan ah( Monopoly):
Bangiyadii waxay noqdeen qaar aan hab wanaagsan oo maalgelin ah
Lahayn ayagoo sheeganaya Amaaho hab-dhaqan islaam oo 19% gaadhaya
Iyo xidhaadhayaal kale oo adag ayay ku shaqeeyaan .
Waxay yidhaahdaan Maraabaxo oo ah macaash wadaag
Mukhaasaro majirto ( Khasaare wadaag ma jirto).
Hadda ogow waxaa lagu macaash wadaagayaa waa hanti Rahman
Ee qofka amaaha qaatay leeyahay . Markuu qofkii
Dani u geysaa uu tahli waayo inuu lacagta amaahda ah iska celiyo
Hantidiisii rahanka ahayd ayay ka xaraashaan oo bangigu lacagtiisii iyo dulsaarkii 19% ahaa
Ayuu qaataa oo marna khasaare maleh . Maxaa qoysas guri la.aan
La baday.
Bangiyadii jabnaa ee 4% – 6% wadaadadaa hortaagan oo xukuumadda
Gacan saar la leh . Waxay ku dacaayadeeyaan waa Ribo, Waayo banigayda
Dahabshiil iyo Daara Salaam Ayey kan hore gacan saar laleeyihiin oo ah
( Financial MonopolY) , ka dambenaSamiyo ku leeyahiin.,oo tartankay diidayaan.
Qaadashada Dulsaarku wadaadka waa u xalaal dadka kalena waa ku xaaraan.
Dadkuna bangiyada ka jaban Ayey amaahda ka qaadan lahaayeen.
Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaanee:
Hab dhaqanka siyaasadda ku qotonta qabyaaladda waxaa ku dhisan xukuumadda
Somaliland . Madaxweynuhu waa qabiil , wasiiraddu waa qabiil , Guurtidu waa
Qabiil Xisbiyadu waa xisbiyo qabiil, xil dhibaanku waa Qabiil, Xilkasta waa qabiil
iyo eex reernimo. Aqoon iyo khibradda la tixgelinayaa majirto. Umadda aan
tixgelin aqoon meel ma gaadhayo.
Madax dhaqmeed tiro badan ayaa siyaasad fasaqay:
Xukuumaddu way dhiiri gelisaa waxay ku shaqaysataa Salaadiin iyo Cuqaal
Oo aan hab dawladnimo aqoon . Caail iyo suldaanka ayaa soo keena wasiirka
Oo ah wasiir u xidhan caaqilka ama wasiirka. Waxaad arkaysa Ph,D qof sita oo caaqil ama
Suldaan jiidayo si xil wasiir loogu dhigo , wasiirkaa qabiilka ahi waxaa uu xilka
U doontay dantiisa gaaban ee u gaarka ah ee qabiilka uu magacooda ku yahay
Wasiirka uma danynayo ee waa hulaab uun. Sidaasay ummadda loogu kala qoqobay
Qabiil, jifo,jibo iyo baho. Qalabka shaydaanka ee dadka kala xidhxiday waa
Madax dhaqmeedka uu gumeysigii adeegsan jirey si u maamul si dadban.

Mandooriyaha Qaadka

Qaadku waxaa inaga luma dhaqaale badan oo gaadhaya $ 700 Million sanadkiiba
Markaan lagu darin khrashka cudurada ka dhasha cunistiisa sida Kansarka,Waalida,
. Ku dar sicir Baraka ka dhasha Malyuun iyo shan boqol oo kun oojoogto looga
Saaro dalka oo Ethiopia malin kasta lagu soo iibiyo maadooriyaha qaadka.
Saboolnimo guud oo dalka oo dhan ah iyo qofqof ba wuu u waxayeeleeyaa,
Qaadka hadii dadka laga joojiyo waxay keeni lahayd horumar hadii hab maal
Gaashi loo habeeyo.
Etiopia lagulama gorgortamin inay ina qaadato kallunka oo aynu ku soo bedno
Lacagta qaadku fuuqsado sanad walba ee dhaqaalaheena curyaamiyey .
.
Qurba jooga hoogaanka qabtay wuu burburiyey dalka:
Qurba joogani, Soo qamaamee, xilka lagu qoray
Qiiro malahee, waa qaadhaab doono, oo qandi dheer bay,
Xoolhii qaranka , ay ku qaatee, .
B) Maanta madaxda dalka Madaxweynaha laga bilaabo
Oo isagu ba qurbajoog ah , 70ka Wasiir oo isgu magaacaabay
agaasiimayaasha guud, agaasiimayaasha Waaxaa , badhaasaabyada
iyo madaxda , wakiilada 60% qurba jooge, Hanti lunsiga aad ugu mamay
oo aad u yaqaana qalin daraalaha.
T) Xisbiyada qaranka madaxdooda, gudiyada fulinta, Golayaasha
Dhexe iyo kuwa goboladu waa wada qurbajooge doonaya inu
Halkan xoolo ka boobaan. Tusaale waad arkaysaa wasiir qurbajoog
Ahaa oo lix bilood gudahood ku dhisanya guryo iyo fooqyo. Markii
Arrad ku yimi qurbahanna musqulaha ama weelka maydhe ka ahaa
Dalku joogi jirey ee uu ka soo hangagaaray isagoo diifaysan.
Qorshe horumar dhaqaaleh tan guud iyo tan gaar midna ma jiro:
Ma jir ma jiro mashruuc horumain dhaqlaale oo la sameeyey:
Xukuumaddu iyo golayaasheedu marna may hirgelin mashaariic
Horumarineed sida; Wershado wax soo saar ah, horumarin beeraha
Ah ama qaar kale. Bedelkedii waxay abuurtay sicir barar nugleeyey
Dhaqaalihii qaranka iyo qofka ba .Waa askarigii $80 kii wax u goyn
Waayeen ee saxarrirsan.
Codka waa bixiya daljoogayaasha , oo xaq u leh inay iaygu talada
Qabtaan waayo ayaa codka leh xogogaalna ah. Hangaggare qurbaa
Ka yimi talada faraa haka labaxo.
Halkan bay ka dhawdee tolkay way hagranayaa ye
DPW iyo Kirada Saldigga Mililtary dhaqaale ma keenin karaan .
Meeday dekeddii 440meter ahay, ee la sheegayey. Heshiisku
Ma wuxuu ahaa tan ah tii ila dhuuq oo hashaydan aan gudhin
Gu, iyo Jiilaal 40 sannadoo maal u sii carab dhergey , Ma doobaygii
Buuxaybaa dubay lagu dhamayaa, Horumarku ma Hasha Berberaa
Daaqdaa dubay lisaysaa,Lacagta ka soo baxda hadii si wanaagsan
loo maamulo oo laga daayo lunsiga iyo qaybsasha iyo qadhiidhka
2km ayaa lagaadhsiin Lahaa dhererkeeda wadadana lacagta ka
soo baxda ayaa lagu dhisi Lahaa ilaa wajaale, Lacgta ka soo xerootana
dalkaa yeelan lahaa 100% weligaa horumarna lagu samayn lahaa
shaqo iyo sharafna Laga heli lahaa.

Saldhigu waa belaayoy baydh oo nagu soo baydh:
Dagaalka carabta iyo Iraan u dhexeeye maxaan ugu gacan haadinyaa
Een ugu soo raray Somaliland . nabdu miyaanay barwaaqada la walaal
Ahayn. Carabku waa maxay wuxuu isaga soo fogeeyey colaadda ,
Carabku intee buu leegyahay? Belaayo aan kuu dhowyn looma
Baaqo.
La soco
Qore:Axmed Aw Salawaad

ahmedesa@hotmail.com

Daawo:Kulan Hargeysa ay ku yeesheen M.Siilanyo & Ergayga UN-ka Keating & Waxa laga wadahadlay +Waraaq Wasiirka Arimaha debeda UK u soo diray Siilanyo & Xoggo kale

Daawo:Xaflad Meeqam sare leh oo Stockholm loogu fooladeeyay Cirro & weftigiisa+Khudbadihii Cirro,Xirsi,Fadumo saciid &…

Daawo Laanta Bristol Ee Xisbiga Wadani Oo Doortay Gudiyo Cusub

Expanding naval presence in the Red Sea: The UAE is establishing two naval bases in the Red Sea in Somaliland’s Berbera

$
0
0

Gulf News

The UAE is establishing two naval bases in the Red Sea in Somaliland’s Berbera and Eritrea’s Assab at the same time that Saudi Arabia is boosting its naval presence in the south Red Sea with a naval base in Djibouti. A few years ago, such a forceful presence would have been to combat Somali pirates, but today the threat is from a burgeoning Iranian presence in north Yemen, where Iran is backing Al Houthi rebels against the Yemeni government backed by the Saudi-led coalition in which the UAE plays a vigorous part.

On February 12, the parliament of the self-declared Republic of Somaliland agreed to allow the UAE to set up a military base in Berbera. The scale of what is planned is unclear, but the UAE is already constructing an air and naval base in Eritrea at the Red Sea port of Assab under a 2015 agreement, from which it has already mounted operations in the Yemen, 60km to the east across the Red Sea.
Meanwhile, Saudi Arabia is finalising an agreement for a base in Djibouti with the government of the former French territory, with which Riyadh signed a security pact in 2016. Djibouti has the added advantage of being a member of the Arab League and of the 34-state Saudi-led anti-Iranian “Islamic coalition” announced in December 2015.

Djibouti is a busy place since it is where the United States runs its main regional counterterrorism base at a former French Foreign Legion facility, and China is also building a base there with an eye on its westward expansion into Africa and its strategic interest in securing the Indian Ocean trade routes.

BBC analyst Tomi Olipadio has pointed out that in Somaliland, the UAE has an alternative and less controversial location than its base in Eritrea, which is under United Nations sanctions. The BBC reports that the UAE will also provide much-needed training and equipment for Somaliland forces, as the unrecognised but de facto nation steadily expands its authority and ability to offer its people stable government. This is in stark contrast to the rest of the former Somalia, which has broken up into small statelets and a larger territory in the south around the capital that is controlled by the nominal government. The threat to that government posed by militant group Al Shabab has been largely kept out of the Northern Territory of Somaliland and having a stronger local force backed by an international partner will shore up this stability.

But the port in Berbera is not solely, or even mainly, for military use. In September 2016, DP World announced that it will manage and develop the port at Berbera in a concession that will last for 30 years with a 10-year automatic extension. The company will own 65 per cent of a joint venture with the government of Somaliland to manage and invest in the port, which could be as much as $442 million (Dh1.62 billion) over time. Dubai-based DP World is one of the world’s leading port operators with more than 75 terminals worldwide, and the Berbera deal gives it a new hub in the Red Sea near its existing port in Djibouti. An extra focus on the Berbera port project from the Somaliland side is to offer the unrecognised nation a strong economic opportunity to increase through-trade in the Horn of Africa region, and in particular targeting its landlocked neighbour Ethiopia.

This steady expansion of trade should bring prosperity and expanded stability to the struggling regions of the southern Red Sea. The threat of piracy from the southern Somali coast has receded in recent years, but the sea-borne activities of Al Houthi rebels in north Yemen has greatly worried international shippers who have now ordered their vessels to go down the Red Sea on the western side to benefit from the protection that Djibouti and Assab can offer, whereas until a few years ago, they followed the eastern coast to try and avoid Somali pirates.

And there is a wider geopolitical threat that affects entire Middle East. Ed Blanche of Arab Weekly outlined the Iranian threat in the Red Sea, pointing out that in recent years, Iran has sought to establish alliances with Eritrea, Sudan and other Red Sea countries to enhance its capabilities against two of its key enemies, Israel and Saudi Arabia, which both have naval access to the Red Sea. The Yemen war has provided Tehran with a toehold in the Red Sea because Iran supports Al Houthi rebels in north Yemen whom Saudi Arabia and the UAE are fighting.

Yemen could also offer potential naval bases to Iran from which it could threaten shipping through the Bab el Mandeb strait, the Red Sea’s southern gateway to the Indian Ocean, as it has long sought to do with the Strait of Hormuz, the only way in and out of the Arabian Gulf, said Blanche. The Horn of Africa is particularly important because it has a 4,000km coastline that runs from Sudan in the north to Kenya in the south and lies astride the Red Sea and South African cape maritime routes.

Baashe Cawil Morgan oo hudheel 30 dabaq ah Berbera ka bineynaya

$
0
0

Baashe Cawil Morgan oo ah wiilka Somaliland kula saaxiibay xidid tinimo madaxtooyada ah ayaa horseed ka ah amuurahan is dhaafaya ee dalkii lagu dhaxal wareejiyey. Sodogii iyo Sodohdii waxay ku dhufteen Morgan shaambad ay ka duween inamaday dhalayn oon wax hadima ah wadanka u geysan cidina aanay dadka kaba aqoon. Hase Yeeshee Morgan taariikhdu wax badan bay ka sheekayn doontaa isna masaafad dheer buu u jirsan doonaa dadka Somaliland sida Morgan kii hore ee uu magaca kala hadhay. Morgan wuxuu Berbera ka binaynayaa hudheel sodon dabaq ah oo loogu tala galay in qoyska Silaanyo yeesho. Sodohdii waatii dhulkii Caali xoor xoor isba xaaraanta ku qabsaday ka qaaday ee tidhi xabsiga ayaan ku dhigayaa hadaad dub u soo hadal qaado. Waa goobtaa halka hudheelka loogu tala galay. Waxa ka sii horeysay wershad hilibka ah oo Morgan Berbera ka dhisay oo shaqaalaha dibada laga keenay oo uu ku sheegay in dowladu leeday hase yeeshee qoyska Silaanyo ayaa ku qoran. Wershada sibidhka waxa iyadana la siiyey Baashe Morgan iyo ina Boore. Waxaas oo dhami waa markuu ka soo hoyday Dekedii iyo saldhigii. Boobka wadanka ka jira waxaad ku garataa deg-dega ku jira wasiirka madaxtooyada iyo wasiirka macdanta oo beryahan qeylo iyo amaro la soo taagan warbaahinta oo sababtu tahay waxay dareemeen in waqtigoodi gabaabsi yahay dabeed ka gaadh siiya ayaa taladood noqotay. Midna Saldhiga ayuu ku khafiifay midna sahamin shidaal aan jirin. Isku soo xoori oo dadkii madaxtooyada fadhiyey sidii hore maaha oo mid walba wer-wer baa galay ah meesha waad ka tegeysa ee waxaad gaadhi karto afka ka buuxso. Subxaan … Waa jahaala aan taariikhda aduunku soo maray aqoon iyo siday ku danbeeyeen kuwa iyaga ka xoog weynaa oo ka xatooyo badnaa.
Hadaba miyaan maanta aannu taagnayn gabaygii Cali dhuux Aden ee ay ka mid ahaayeen tuduc yadani:
Erayadani maanta Berbera iyo dadka saaxil dega ayay u qotomaan.
Danbarkiisu waydiin uraa waana dabataane
Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneedleh
Oo wada dunuunuca hayuu idin dul joogaaye
Dubux baaba lagu sii wadaa iyo dararki Baarjeexe

Abdi Mustafe
abmustafe123@gmail.com

Fadeexad shalay qabsatay madaxweyne Siilaanyo kadib markii uu

$
0
0


Fadeexad shalay qabsatay madaxweyne Siilaanyo kadib markii uu xusay maalintii la aasaasay ciidamada booliska Somaliland

Hargeysa,(Qaran-news)- Fadeexad aad u xun ayaa shalay ka dhacday soo bixitaankii uu madaxweyne Siilaanyo ka soo baxay qasriga madaxtooyada, wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa wasiiradii ama shaqsiyaadkii hagaayay madaxweynaha waxa uu sheegay in madaxweynahu uu qalab xoogan oo tayo leh ku wareejinaayo ciidanka Booliska Somaliland oo ay ku booqdeen saldhigooda magaalada Hargeysa, halkaasi oo aad looga soo wada qayb galay waxa ay xafladu ku magacbnayd tayaynta ciidanka booliska Somaliland oo laga dhisaayo xaga qalbka, waxna goobta la soo tumay baabuur ciidaasi ka badan iyo qoryo cusub oo ah kuwa fudud ee boolisku qaataan, waxna xafladaasi ka soo qayb galay dhamaan saraakiisha ciidanka booliska.

Madaxweyne Siilaanyo oo markii u horaysay tan iyo in mudo dheer ah aan la arag isga oo warqad akhriyaaya ayaa hor yimid shaashada waxana uu bogaadiyay ciidanka booliska isga oo sheegay in uu u bogaadinaayo xuska markii la aasaasay ciidamada booliska Somaliland, waxna uu yidhi waxa ii farxad ah in aan maanta idinkala soo qayb galo xafladani aadka u qurux badan ee loo sameeyay maalinta aasaaska ciidanka booliska Somaliland.

Bil xaqiiqan ma ay ahayn shalay maalintii la aasaasay ciidanka qaranka Somaliland ee waxa ay ahayd xaflad ay cid kale soo abaabushay madaxweyanahana sawirkiisa uun la keenay oo aan lala socdsiinin madaxweynaha wax loo socdo, waxna halkaasi ka soo baxday in aanu madaxweyne Siilaanyo dalka ka war haynin oo cid kale ina maamusho, sidii horeba meelo badan looga sheegay.

Waxa aanu idiin soo gudbin doonaa hadaladii madaxweynaha ee shalay


Sacad Maxamed Cali dhalaan uu dulmiyey kii difaaci lahaa xuquuqdiisa.

$
0
0

Sacad yare, waa wiil yaroo ay kudhac day dayac caafimaad (Medical negligence), waxauu ka jabaygacansanadka 2016 bishiilabaadisagaoojoogaBurco. Waa wiilyarooahaaxaafidulquraan, da’diisunaay ahayd 12 jir. WaalidkadhalaySacad, Maxamed Cali Kildhiiyo Hooyadii Kinsi Ayaanle ayaa keenay CusbitaalkaGuud EeHargeysa sacad yare, taariikhdumarkayahayd 18/02/2016 , si qaliin loogu sameeyo gacantuna ka jabay birna loogugeliyo. Sababta qudhaee loo keenay Cusbitaalka Guud eeHargeysa waxaa ay ahayd in qoysku aaminsanaa in daryeelkacaafimaad ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysayahay mid lagu kalsoonaan karo, aadna uga horeeya ka magaaladaBuco. 22/02/2016 oo ah sadexcasho ka dib ayaa loo diyaariyeysacadqaliinka, waana halka khal khalku ay ka dhacday masiibada illaa maanta bedeshay noloshii SacadMaxamed Cali.
Sacad yare, isagaoo soconayaaayaa la geeyey qolkaqaliinta, waxaanauu ka tegey oo ay walaaladii iyo ehelkii kale isagaoo faraxsan. Sidoo kale dhawrkii casho ee uu joogayna waxaa loo dhamaystiray baadhitaankii uu u baahnaa ee caafimaad. Waxaa la sooceliyey Sacad yare, muddo dheer ka dib, isagaoo ku jira Komma, suuxsan. Welibaaana
gacantii laga qalin, miyir la’ qalab ku xidhanyahay. Waxaa loola cararay qolka dadka aad u ildaran la geeyo. Xilligaas waalidka waxba looma sheegin, waxaana madaxa ka gayaalay dhaawac buuran oo qadaadka ah, dhawacaas oo waalidka loogumacneeyey markii danbe, in uu soo gaadhay xilli ay la tacaalayeen in ay ku xidhaan oxygen ay ka illaaween markii hore.
Aan dib ugu noqdo halkaa,waalidku markuu waydiiyey waxa xaalladan u keenay wiil kooda, waxa ay yidhaahdeen isaga oo qaba infection ayaanu irbaddii kumudnay suuxista, markaa halkaa ayaa ciladu ka timi, waxaa waalidkii yidhi kumaanu qancin oo waa idin kii u dhameeyey baadhista ee maxaa qaldamay. Muddo ka dib ay ay haddana u sheegeen in markii la suuxinayeyaan ayku xidhin oxygen, sababtu waxaaweeye dadka inta badan waxba kuma noqoto oxygen la’aanta ay ay yidhaahdeen: Sidaas awgeed, kuwa ku noqda qorshaha ku maba ay darsan!
Markii ay muddo jawaab la siin waayey, ilmihiina sidaa ayaa waxa ay u gudbiyeen cabasho hay’adda Xirfadlayaasha Caafimaad taariikhduna markayahayd, 31/03/2016, warbixin tiixirfadlayaasha ma ahayn mid ay ku qanceen qoysku. Sidaas awgeed waxaa loo saarayguddi kale oo 5 xubnood ah.Waxaana ay ahayd baadhitaan wasaaradu samaysay gudaheeda.
Akhirkii wiilkii waxaa loo soo qaaday magdhaw. Waxaana hortaagan mag dhawgii wiilka Wasiirka Madaxtooyada, Maxamuud Xaashi, oo fulin waayey heshiiskii wasaaradu la gaadhay qoyska.
QoyskuJ abuutii yo HIndiya ay ay muddo dheer wiilkooda labadhakhtar oo lagu soo qiimeeyey xaalkiisa caafimaad dawo u geeyeen. Maanta waxaa wii luu ku dhacay ( Brain damage) oo laxaadleh, waxna ku noqday masuuliyiin caafimaad oo wasaarada ka shaqeeya, Maxaa xaqqiisa wasiirku u hortaaganyahay ayaa iswaydiinleh. Maxamuud in ay ka tahay aqoon iyo in aanu dareemayn dhibta Meesha taalayaanan kala garanayn. Ummadda balaadhan ayuu u yahay masuul ubadkoodiina uu kutumanayaa xuquuqdooda, middaas u malayn mayo in uu ku badbaadayo
Mar aanu waraysanay xubno qoyska ah oo waydinaya arrinka Sacad, waa ay ka gaabsadeen, waxayse aad ugu mahad naqayaan, wasiir Xagla Toosiye iyo Agaasimaha Caafimaadka Saleebaan Jaamac, waxa ay mahad balaadhan u soo gudbiyeen madaxweynaha qaranka oo wiilka cusbitaalka ku soo booqday, waxay se leeyihiin Madaxweyne amarkaagii ma fulin ee maxaa qaldan.

Daawo:Xildhibaano ka soo jeeda Beesha Bariga Burco oo ka dareeray Xisbiga Kulmiye & Xukumadaba,Max’ed kaahina qaawiyey

$
0
0

Daawo:Xildhibaano ka soo jeeda Beesha Bariga Burco oo ka dareeray Xisbiga Kulmiye & Xukumadaba,Max’ed kaahina qaawiyey

Daawo:Sanad ka hor maantoo kale,Gudoomiye ka baxay Kulmiye kuna biiray Waddani,Muxuu ka waayey Kulmiye oo muxaafida ee uu ka helay Waddani oo Mucaarada?

$
0
0

Daawo:Sanad ka hor maantoo kale,Gudoomiye ka baxay Kulmiye kuna biiray Waddani,Muxuu ka waayey Kulmiye oo muxaafida ee uu ka helay Waddani oo Mucaarada?

Daawo:Heshiis Kenya & Somalia kala saxeexdeen bil ku dhawaad horteed oo durbaba Maanta burburay

Daawo:Heshiis siyaasadeed Boorama ku dhexmaray Mus-danbeedka Sacad muuse ee Kulmiye & Odayaal ka soo jeeda Beesha Makaahiil (Gadabuursi).

$
0
0

Daawo:Heshiis siyaasadeed Boorama ku dhexmaray Mus-danbeedka Sacad muuse ee Kulmiye & Odayaal ka soo jeeda Beesha Makaahiil (Gadabuursi).

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>