Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Booliska ku Hambalyeeyay Sannadguuradooda 30’aad

$
0
0

Hargeysa-(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxaa uu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa maalinta wayn ee aas-aaska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegan maalinta barito hadii alle idmo.

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxaa la aas-aasay 04/11/1993-kii, iyadoo ay ciidanku u dabaaldegayaan sanad guuradii 30aad ee ka soo wareegtay maalintii la aas-aasay Ciidanka Booliska.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, wuxuu ku boogaadinayaa Ciidamada Booliska hawsha culus ee ay qaranka u hayaan, waxaanu Wasiirku u hambalyo u dirayaa Taliyayaasha kala duwan ee Ciidanka Booliska, Saraakiisha, Saraakiilkii Kuxigeenada, Alifleyda, Xaasaskooda iyo caruurtooda, waxaanu Wasiirku u rajaynayaa in sanadkan sanadkiisa in Eebe ku gaadhsiiyo horuumar, guul, Caafimaad iyo barwaaqo.

Ciidamada Booliska ayaa qaranka u haya shaqo aad culus oo ah amniga gudaha, waxay hadh iyo habeen u taagan yihiin ilaalinta shacabka iyo goobaha muhiimka ah, waxay saaxib la yihiin dadweynaha, waxayna ilaaliyaan oo ka hortagaan mukhaadaraadka, fal denbiyeedyada, ka hortaga denbiyada abaabulan iyo soo qabashada cidkasta oo dhibaato geysata shacabka iyo guud ahaan amnigaba.


How The Israel-Hamas War Is Destabilizing The Horn Of Africa

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay kolkii la sameeyay Ciidanka Booliska.

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay kolkii  Ciidanka Booliska la sameeyay


Hargeysa,(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo sannad-guurada 30-aad ee kasoo wareegtay samayskii ciidanka Booliska Somaliland oo maanta lagu qabtay xarunta guud ee Booliska.

Munaasibadda xuska kolkii la  sameeyay ciidanka oo ay madaxweynaha kala qayb-galeen guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, safiirro ka socda dalalka Somaliland la saaxiibka ah, madax-dhaqameed, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale oo tiro badani, ayaa laga jeediyey khudbado ku saabsan dedaalka Booliska iyo sida ay halbowlaha ugu yihiin hawlaha amniga xuduudaha iyo gudaha dalka.

Ugu horrayn, waxa munaasibadda lagu soo bandhigay masraxiyad ka hadlaysa kaalinta ciidanka Boolisku bulshada ugu jiraan iyo sida ay muhiimka ugu yihiin nabadgelyada iyo ammaanka guud ee dalka iyo xuduudahaba.

Hoggaanka hawlgelinta ciidanka Booliska Sarreeye guud Ibraahim Cabdi Xaaji Maxamuud, ayaa ka warbixiyey dambiyadii kala duwanaa ee ciidamada Booliska u qabsoomay sannadkan sii dhammaanaya ee 2023-kii, sida xilkasnimada leh ee ay uga soo dhalaaleen waajibaadka saaran iyo sida ay ugu hagar baxeen ilaalinta amniga iyo badqabka muwaadiniinta reer Somaliland.

Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa ugu horrayn hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaanba ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu ku ammaanay gudashada waajibaadka amni ee saaran iyo sida ay heeganka ugu yihiin nafta iyo hantida muwaadiniinta.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo munaasibadda hadal kooban ka jeediyey, ayaa ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyey ilaalinta amniga gudaha dalka iyo naf-hurnimada ay u sameeyaan bulshadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo Afmeeray, ayaa ugu horrayn ciidamada Booliska ku hambalyeeyey sannad-guurada 30-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska, isaga oo ku sifeeyey tiir muhiim u ah qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in bulshada iyo qarankuba u ogyihiin dedaalka nafhurnimada leh ee ay ciidamada Boolisku ku jiraan iyo sida ay danta guud u ilaalinayaan, “Aad bay ummadiinu idiin ogtahay, waana aanu idiinka mahadnaqaynaa, qarankuna waa idiin ogyahay, tamari waxa ay idinka reebto mooyaane waxba la idin kala hadhi maayo, waana la idin garab taagan yahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si murugo leh uga hadlay xasuuqa lagu hayo muslimiinta reer Falastiin, waxana reer Galbeedka uga digay ku wiirsiga ay ku hayaan xasuuqa socda, isaga oo si cad u sheegay inay si buuxda u garab taagan yihiin walaalaha reer Falastiin ee dhibaatadu hayso.

Haweenka Axmed Dhagax oo Xaflad ballaadhan ku Qaabilay xaaska Musharax Abdirahman Cirro

$
0
0

 

Hargeysa(Qaran news)-Haween iyo dhallinyaro ka soo jeeda degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa ayaa xaflad soo dhawayn ah u sameeyay marwada Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI marwo Farduus Maxamed Rooble.

Dhallinyarada iyo haweenka ayaa marwada u ballan qaaday in ay si buuxda u taageerayaan Xisbiga WADDANI.

Dhammaan siddeeda degmo ee caasimada Hargeysa haweenka ku dhaqan ayaa xaflado noocan oo kale ah u qabtay Marwada murrashax Cirro, waxana ay kz mid tahay taageerada aan xadka lahayn ee shacbigu u hayo xisbiga Waddani.

Guddomiyaha Dallada SONSAF oo ugu Baaqay Xukumadda inay Dhegaysato Tabashada reer Awdal

$
0
0

Guddomiyaha Dallada SONSAF oo ugu Baaqay Xukumadda inay Dhegaysato Tabashada reer Awdal

Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Dallada Ururrada bulshada rayidka ah ee SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan Warsame ayaa ku baaqay in Xukuumadda Somaliland inay si dhab ah u dhegaysato tabashada reer Awdal.

Guddoomiyhu wuxuu sidaas ku shergay qoraal uu soo saaray oo u dhignaa sidan:-

“Todobaadadii u dambeeyay waxa aan si dhaw ula socday xaaladda Gobolka Awdal oo doodo miisaan leh ka socdeen. Waxa muuqata in dadka ku dhaqan Gobolka Awdal ay muddo dheer kor iyo hoosba ula hadleen xukuumadihii kala dambeeyay ee Xisbiga Kulmiye iyaga oo marwalba si turxaan la’aan ah usoo gudbinayay dooddooda.

Waxa aan ugu baaqayaa xukuumadda iyo goleyaasha qaranka in loo dhugmo-yeesho doodaha sababaysan ee maragga wata ee ka imanaya aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Gobolka Awdal. Waxa aan sidoo kale ka codsanayaa aqoonyahanka iyo haldoorka Gobolka Awdal in aanay ka daalin in ay hab-nabadeed usoo gudbiyaan garnaqsigooda.

Somaliland waxa lagu dhisay heshiis bulsho oo lagu saxeexay Burco laguna gardaadiyay Boorame, sidaas awgeed, waa lagama-maarmaan in dadka haya middida daabkeedu u dhego-nuglaadaan muwaadiniintooda, si looga baaqsado aloosanka mashaakil laga hortagi karayay oo ina gaadhsiisa meel aan cidi ka soo noqon.”

Baanka Dhexe oo Qaaday Hawlgal Suuqa Lagaga Saarayo Lacagaha dheeraadka ah

$
0
0

Baanka Dhexe oo Qaaday Hawlgal Suuqa Lagaga Saarayo Lacagaha dheeraadka ah

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Cali Cabdilaahi Daahir ayaa maanta daah furay hawlgal suuqyadda lagaga soo saaraayo lacagaha ku dheeraadka ah.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Cabdilaahi Daahir, ayaa digniino u diray sarifleyaasha kala duwan ee dalka, waxa aanu sarifleyaasha faray in ay ku dhaqmaan talaabooyinkan uu Baanka Dhexe ee JSL qaaday, waxa uu tilmaamay in ciddii ku dhaqmi weyda talaabo sharciga waafaqsan oo deg deg ah laga qaadi doono.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hawlgalkan uu u jeedkiisu yahay sidii suuqa looga soo saari lahaa lacagta Shillinka Somaliland ee ku dheeraadka ah, si loo dheeli tiro lacagta Shilling-ka Somaliland iyo lacagta qalaad ee Dollar-ka ah, waxaanu intaas ku daray in uu lacag aad u badan xaddi ahaan suuqa ka soo saaray, taas oo ay ka sarifteen dhammaan hay’addaha maaliyadeed ee sarifka liisanka u haysta.
Hawlgalkan ayuu sheegay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL in uu suuqa ka qaadi doono culays badan, isaga oo qiimaha Shilling-ka Somalilandna halkaas ku soo celinaaya.

Eng Cali Cabdilaahi Daahir, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu sheegay in uu Baanka Dhexe qaaday tallaabooyin lagu xakamaynaayo dad uu sheegay in ay si khaldan lacagaha uga saari jireen lacagaha electronic-ga ah.
Baaanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta laga bilaabo jideeyey xadiga rasmiga ah ee ay ku dhaqmi doonaan dhammaan sarifleyaasha ka hawlgala Jamhuuriyadda Somaliland,ganacsatada iyo Bangiyada gaarka loo lee yahay ee dalka ka jirra, xadigaas oo noqon doona kii ay hore u soo saareen guddida heer qaran ee xasilinta shilling-ka iyo la dagaalanka sicir bararku,sida uu sheegay guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in maanta laga bilaabo xadiga (Rate) uu baanka dhexe soosaara uu noqon doono ka sharciga ah, kaas oo ciddii baal-martana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Hawlgalkan ayuu sheegay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland in uu noqon doono mid socda illaa lacagta Shillingka Somaliland halkeedii lagu soo celinaayo.

Wasiirka Waxbarashadda oo Masuuliyiin kala Duwan kula Kulmay Nairobi

$
0
0

Wasiirka Waxbaradda oo Masuuliyiin kala Duwan kula Kulmay Nairobi


Hargeysa(Qaran news)-Waftigii ka socday Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska ee uu hogaaminayay wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno oo uu weheliye Ku-xigeenka Safiirka Somaliland ee dalka Kenya, Danjire Sharmarke Geele ayaa maanta kulamo la yeeshay laamaha ka qayb qaata horumarinta Waxbarashada ee ku Sugan Kenya kuwaasi oo ay ka mid yihiin

1. Xafiiska Afrikada Bari, Koonfureed, Waqooyi iyo Bariga Dhexe ee Hayadda Plan International

2. Jaamacadda Caalamiga ah ee Maraykanka ee Nayroobi (United States International University) iyo

3. Shirkadda KL ee samaysa tablets cadceeda ku shaqeeya oo casharradda loogu shubayo ardayda reer guuraaga iyo dhaqato beeralayda filiqsan.

Dhinacyadu waxay si wadajir ah isula Jeex jeexeen Xoojinta iskaashigooda ku wajahan horumarinta waxbarashadda Somaliland iyo Doorka ay ka qaadanayaan Hayadaha Horumarinta Waxbarashadu Sidii Dawlada Somaliland taageero Joogto ah ay uga siin lahaayeen Dedaalada Ay Jamhuuriyada Somaliland ugu jirto La dagaalanka Jahliga iyo Kor u qaadida Adeegyada Waxbarasho ee Dalka.

Somaliland oo ka Qaybgalaysa Shirweynaha Maalgashiga Afrikada Dhexe

$
0
0

Somaliland oo ka Qaybgalaysa Shirweynaha Maalgashiga Afrikada Dhexe

Hargeysa(Qaran n)- Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka qayb gelaysa Shir-weynaha Maalgashiga Afrikada Dhexe, kaas oo ka furmi doona magaaladda Entebbe ee dalka Uganda 9ka bishan November.

Shir-weynahani noqon doono xudunta hal-abuurka, iskaashiga, iyo fursadaha maalgashi ee qaarada Afrika.
Waxa shirkan ka qayb geli doona 100 waddan oo dunnida ah,kuwaas oo ay ugu horeeyaan waddamada Uganda, Maraykanka, Ghana, Nigeria, South Africa, Jamhuuriyada dimuquraadiga ah ee Congo, Gabon, Cameroon, Canada, Rwanda, Kenya, Burundi, Madagascar, Indonesia, India, Zimbabwe, Somaliland, Somalia, Zambia , Namibia, Boqortooyada Ingiriiska, South Sudan, Imaaraadka Carabta, Tanzania, Malawi, Angola, iyo Sweden.

Waxa uu hal-ku-dhigga shirkani noqon doonaa sannadkan ,xooggana lagu saari doonaa Dhismaha Afrika,Kobcinta Iskaashiga Hor-u-marineed ee Afrika iyo Qurba-joogta,iyada oo inta uu shirkani socdo lagaga wada hadli doono,sidii loo fududayn lahaa isku socodka ganacsiga ka dhexeeya waddamada Afrika iyo adduunka.
Shir-weynahan ayay soo agaasintay Hay’adda Pilot International oo ah hay’ad hor-u-marineed oo caalami ah, waxa aanay ka shaqaysa iskaashiga iyo ganacsiga dhex mara 100 waddan oo dunnida ah,waxaanu shirkani socon doona muddo saddex maalmood ah.

Sannadkan 2023-ka ayaa noqonaya sannadkii labaad ee si xidhiidh ah uu u marti geliyo dalka Uganda Shirweynahan lagaga hadlayo Maalgashiga Afrikada Dhexe.


Itoobiya oo Baaq Kale Ka soo Saartay Qorshaheeda Marin-biyoodka

$
0
0

Itoobiya oo Baaq Kale Ka soo Saartay Qorshaheeda Marin-biyoodka

Hargeysa (Qaran news)- Dawladda Itoobiya ayaa mar kale ku celisay dalabkeedii la xidhiidhay inay galangal u yeellato deked ay isticmaasho oo ka mid ah kuwa ku yaalla dalalka jaarka la ah.

Wasiirka Wershadaha Itoobiya Meleku Alebel, ayaa sheegay in dalabka Itoobiya ay ku doonayso marso ay isticmaashaa uu yahay mid ku sallaysan in la helo faa’iido dhinac walba waxtar u leh oo lagu horumarinayo koboca dhaqaalaha.
Wasiirka wershadaha Itoobiya oo u warramayay wakaaladda wararka ee ENA, ayaa sheegay in dawladda Abiy Ahmed ay hannaan sharci ah u marayso codsigeeda ku wajahan dhinaca marin-biyoodka.

Wasiirku wuxuu dalalka jaarka ah ku booriyey inay xurmeeyaan codsiga dawladda Addis-ababa si looga wada helo faa’iido dhaqaale, hase ahaatee aanay Itoobiya ku doonayn hanjabaad.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in Itoobiya imika uun aanay doonayn, hase ahaatee mustaqbalkana ay u baahan tahay marin biyood ama marso, waxaanu xusay in aan loo baahnayn in dalalku u arkaan hanjabaad iyo halis.

“Hadafka Itoobiya ma aha dagaal iyo siyaasad ee waa mid ku sallaysan nabad iyo dhaqaale waara oo dhinacyada oo dhammi gaadhaan,”ayuu yidhi Wasiirka Wershadaha Itoobiya Mr. Meleku Alebel.

Somaliland oo Faransiiska ka Diiday Dalab ah Inuu Saldhig Millateri Ka Samaysto Dalka

$
0
0

Somaliland oo Faransiiska ka Diiday Dalab ah Inuu Saldhig Millateri Ka Samaysto Dalka

Hargeysa (Qaran news)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la sheegay in ay dawladda Faransiiska ka diiday codsi la xidhiidhay inay saldhig millatari ka furato Somaliland.

Bogcada istaraatajiga ah ee ay Somaliland ku taallo ayaa sababtay in dawladaha reer galbeedku ay soo hawaystaan inay saldhiga Millatari ka sameystaan, si ay uga hortagaan is ballaadhinta dawladda Shiinaha oo sii xoojiyay xudhiidhka uu la leeyahay Afrika oo uu siyaasiyin xilligan aad ugu soo jeedo.

Ma jiro wax rasmi ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo ay kaga hadashay dalabka Faransiiska, hase ahaatee waxa daabacday arrintaas warbaahinta Reliable Horn News, oo sheegtay in Somaliland ka mid noqotay dalal badan oo Afrikaan ah oo gaashaanka ku dhuftay codsi la xidhiidhay saldhig millatari oo uu Faransiisku ula tagtay.

Deegaankee iyo Afkee Dunida ugu Da’weyn? Qaybtii 2aad.

$
0
0

Deegaankee iyo Afkee Dunida ugu Da’weyn?

Qaybtii 2aad.

Nabi Aadan Cs.

Waa Qormo kale oo ku xidhiidhsan Qaybtii hore ee aanu ku lafo guraynay Degelka iyo Afka ugu faca weyn ama ugu Da’da weyn Aduunka, taas oo aan doonaayo in aan ku xaqiijiyo Magacyadii Nabiyayadii hore Nabad Gelyo iyo Naxariista Alle ha kor ahaatee, waxa aan ku billaabay Aabihii Dadka maanta dunida camiray Nabi Aadan Cs.

Sida aan ku xusay Maqaalkii hore Aabaheen Aadan waxa uu ahaa Qofkii ugu horeeyey dadkeena ee Alle abuuro ama sameeyo, kaas oo Alle ka sameeyey Dhoobo Madow dabadeedna Alle Naf geliyey, Abuurtaa wacnayd ee Alle ee Aabaheen Aadan waxa ka xumaaday oo Nolol quudhiwaa’ iyo xumaato Xasad leh ka qaaday, Naflihii Iblays oo markii uu Alle Faray in Malaa’igta iyo isaguba u sujuudaan waakii Iblay amar diidada ku sameeyey Alle ee Allena SW ka xanaaqay ee Dayriyey Iblays ee u Candhooday.

Hadaba aan ku nuqdo oo aan dhuraha u qaato oo aan kala Shushubo Magac AADAN waxa uu Eray ahaan ka koobmo iyo inta macne ee Erayga Aadan marka Xarafka uu ku bilaabmo ilaa inta Xarafka ugu danbeeya laysku xidhiidhinaayo inta eray ama xarfo macne leh ee Erayga Aadan ka koobmo, ee Bal ila eeg.

Magaca Aadan waa Magacii ugu horeeyey ee Qof loo bixiyo, waana Magacii uu Allaheena weyn ee weligii Jiraha ahi uu ku Magac dhabay Abuurtiisii Qof ee ugu horeeyey, Hadaba Erayga Aadan waa maxay? maxay ayuu ka dhigan yahayna?

Erayga Aadan waa Magac Lab oo weliba waa Magac sheegaya waxa qofkaa loogu Magac dhabay magacaa, waa Magac sifahiisa wata oo is qeexaya waxa magacaasi ugu baxay ruuxa magacaa loobixiyey, waana Magac si sahlan loo saafi karo sida Magacyada Hooyoleyda oo waa Magac Xarafka uu ku bilawdo dhawaaq macno leh uu yahay oo Xaraf ugayn Xaraf, macno ku samaynaaya ilaa inta Xarafka ugu danbeeya ku xidhiidhismaayo!.

Markaa Bal aan Saafo ee ila eega:-

A. A. D. A. N, Bal eeg Xaraf-xaraf.

A, Haduu ruux yidhaahdo A oo uu ku celceliyo sida A A A A waxa Hubaal ah ruuxaa in wax gaadheen! Waxa lagu yidhaahdaa Waar Maxaa kugu dhacay ee la A-da haysaa, waxa dhacda in uu ruuxaasi yidhaahdo waan is qaniinay ama nabar ayaa meel iga haya, ama uu yidhaahdo wax baan gocday, sidoo kale ilmaha yar ee dhalaanka ama nuunuuga ah waa Xarafka ugu horeeya ee Hooyadu ku Af barto oo waxa ay tidhaahdaa, A A Aabo marka ay la dheel dheelayso Hooyadu ilmaheeda ee si dheelmo leh wax ka celcelinayso waxa ay tidhaahdaa A-A-A-,,,,.

AA, iyana marka ruux nabar qabto ama Toosi hayso ayuu ku taahaa AA-AA-AA-AA, oo qofkaas in xanuun hayo waa la ogaadaan oo waxa la yidhaahdaa Halkuu nabarku kaa hayaa!.

AAD . Waa tag, Qabo, u kicitan.

AADA, waa marka koox ama Dad qof kabadan lafaraayo in ay Tagaan ama tagaan meel loo diraayo, oo waa Aada, Taga Qabta u kicitama.

AADAN, waa Tagane, Dirrane, Amrane, beegan, sida socotadaasi inaka ayey inagu soo AADAN yihiin oo ah way ku jihaysanyihiin ama beegan yihiin oo u iman ayaan, Aadan sidoo kale waa u kicitime Halkuu ku eegyahay ama u jihaysan yahay, Alle Aabaheen Aadan iyo Hooyo Xaawo waxa uu Weyne u diray Janada isaga oo faray inay ku noolaadaan oo wax kasta oo ku dhex sugan ka dhirqadaan ama cunaan, waxa se Alle uu Amray ama faray Aadan iyo Xaawo in aanay cunin Geed ku dhex yahay janada, Markii ay Amar diidada sameeyeen ee geedkii cunneena .waa tii Alle janada kasoo Dayriyey markaa Aadan waa Amrane ama Amarre ama Dirrane, kii Alle Diray ama Amray.

AADAME, Amranayaal, kuwuu Lafaray, kuwii Dirnaa, Alle wuxuu yidhi Jini iyo insi wax kale maanu u Abuurin in ay icaabudaan mooyee sidaa awgeed dad amar Alle qaba oo Amran ayeynu nahay in aynu Allaheena ina sameeyey caabudno, Markaa markii Aabaheen Aadan iyo Hooyadeen Xaawo (Xaawo = Nolashii, Tii nolosha u Dhexda ahayd ama tii Nolosha Nafta u ahayd, Xaawo = Xaawgii = neeftii nolosha, ileen Uur Hooyo ayuu Alle inagu Dhex Abuuray inaka oo candhuuf oo kale ah inaka oo qof ahna wey ina dihataa Hooyo oo naaska inagu Du’daa oo ina Mijo-saarta oo ina Majeerata ee Allow Hooyo ifka Cisi aakhirana Janadaada wacan kuwa aad geeso kuwa ugu horreeya ka yeel aamiin),

Hadaba Markii Dadka Aduunka guudkiisa lakeenayna Amar ayaa lasoo raaciyey, oo waata aynu ku Amranahay inaynu Fuluno Tiirarka Islaamka iyo Tiirarka Iimaanka, iyo waxa uu Alle inagu Faraayo Quraanka Sharfan ee Karaamaysan, sidaa Awgeed Aadame Waa Amranayaal uu Alle Amray, Aabaheen Aadan wuxuu Ahaa Abuurtii wacnayd ee Alle Abuuray ee Amranayd.

Magacaa Aabaheen Aadan Af kale oo aan ahayn Afka Hooyo ku saafi karimaysid, Sidaa awgeed Afkii Nabi AADAD (cs) iyo Hooyo Xaawo ku hadli jireen waxa uu ahaa Afkii kama danbaystii Noqday Afkii Hooyo, Sidoo kale hadii aynu eegno Nabigii Alle ee NUUX Cs waxa aynu ka dheehan karnaa…………. lasoco taxanaha.

Dadkeenu waa Hooyoley

Dumarku waa Xaawoley

Dunida Dadka ku noolna Aadame.

Khadar Hooyoley 07-11-2023

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Siyaasi Abgaal oo ka hadlay xaalada dalka

Gudida Doorashooyinka oo la Kulmay Danjiraha Taiwan

$
0
0

Komushanka Doorashooyinka oo la Kulmay Danjiraha Taiwan

Hargeysa(Qaran news)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa xaruntooda ku qaabiley Safiirka Dalka Taiwan ee JSL Ambassador Allen Chenhwa Lou. KDQ waxa ay Safiirka warbixin ka siiyeen hawlaha diyaargarowga iyo derdergalinta hawlaha doorshaooyinka soo socda ee JSL.

Komishanka Doorashooyinka ayaa Safiirka uga mahadnaqay sidii ay uga taageereen hirgalintii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada, waxaanay ka codsadeen in la sii xoojiyo xidhiidhka labada dal gaar ahaan dhinacyada dimuqraadiyada iyo doorashooyinka.

Shir Nabadeyn ah oo ka Furmay Ceel Afweyn

$
0
0

Shir Nabadeyn ah oo ka Furmay Ceel Afweyn


Hargeysa(Qaran news)-Degmada Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag waxaa saaka si rasmiya uga furmay shirka nabadeynta beelihii walaalaha ahaa ee colaada sokeeye ku dhex martay degmada Ceel-afweyn iyo degaanada hoos yimaada.

Maamulka heer gobol, heer degmo, saraakiisha ciidamada, xildhibaanada golaha guurtida, salaadiin, cuqaal iyo ergooyinkii dhex dhexaadinta ee ugu badnaa ayaa ku sugan shirka saaka ka furnay Ceel-afweyn.

Gebagebadiina waxa halkaasi lagu Dhaariyey labadii Ardaa Iyadoona loo kala qaaday Aasaskii Marxuumiintii ku dhintay shaqaaqooyinkii u Danbeeyey.

Wasiirka Somaliland Waxbarashada oo Nairobi kula Shiray GIZ.

$
0
0

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada iyo Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay Madaxda sare ee Hay’adda GIZ.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay wada shaqaynta guud iyo gaar ahaan mashaariicda horumarinta Xirfadaha iyo Waxbarashada Farsamada gacanta (TVET) ee ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adda GIZ.

Laba dhinac waxa ay isla qaateen in la sii xoojiyo wadashaqaynta barnaamijka horumarinta Farsamada gacanta iyadoo lagu balamay in kulankan kulanka xiga lagu qabto Magaalada Hargeisa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland bishan gudaheeda.


The nation has been searching for a good leader since 1991,and still haven’t found it.

$
0
0

Somaliland is an independent country in the horn of Africa it is a country with about five(5)milion inhabitants his people are 100% sunni muslims.
They are mannered and helpful people who love peace and development they are people who treat neighboring countries and people of the world well.
It is the people who consulted themselves without the help of their government or any one else they are self confident people who are looking forward to a better future and development.

People of somaliland are still looking for a good leader who is free from corruption and bribery,tribalism,nepotism,favoritism,and exploitation man by man.

In conculusion:-
Since 1991,five (5)presidents and their five governments have passed through Somaliland all of them were working only for their interests and did not care about the nationwide.May allah give the people a good leader,i pray for Somaliland.

The people of the Republic of Somaliland has been searching for a good leader since 1991 and still haven’t found it.

Highly regards.
Yusuf Janale
Oslo Norway.
contact.somalilandcitizen@gmail.com

Guddida Heer Qaran ee Kor u Qaadista Lacagta Somaliland oo Shiray

$
0
0

Guddida Heer Qaran ee Kor u Qaadista Lacagta Somaliland oo Shiray

Hargeysa(Qaran news) -Kulan ay iskugu yimaadeen Guddida heer Qaran ee kor-u-qaadista Qiimaha Shillinka iyo la Dagaalanka Sicir Bararka ayaa galabta ka qabsoomay xarunta Baanka Somaliland. Ujeedadda kulankan ayaa ahayd in dib u eegis iyo qiimeyn lagu sameeyo talaabooyinkii ay qaadeen Xukuumadda iyo Baanka Somaliland ee ahaa
1. Balaadhinta ku adeegsiga iyo Isticmaalka Shillinka JSl
2. Fadhiisinta Qiimaha Shillinka JSL iyo la dagaalanka suuqyadda madow ee isku sarrifka
3. isku dheelitirka xaddiga lacagta Dollarka maraykanka iyo Shillinka JSL ee ku jira suuqyadda lacagaha.

Waxa uu Baanka Dhexe ee JSL warbixin ka siiyay guddida xaaladda suuqyadda Lacagaha ee maalmahan iyo natiijadda ka dhalatay talaabooyinkii la qaaday oo keenay in qiimaha Shillinka JSL uu kor u kaco 4% todobaadkan guddidahiisa taas oo ah guul la taaban karo.
Ugu denbeyn, waxa la isla qaatay in la waddo talaabooyinkaas si looga midho dhaliyo ujeedooyinka laga lahaa.

Walaac Xoog Leh oo laga Muujiyay dagaal ka dhex Qarxa Itoobiya iyo Eritrea

$
0
0

Walaac Xoog Leh oo laga Muujiyay dagaal ka dhex Qarxa Itoobiya iyo Eritrea

Addisababa(Qaran)-Prof James Ker-Lindsay oo ah aqoonyahan lafo-gura arrimaha ammaanka iyo dawladnimada ayaa ka dayriyay in labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea ay uu mar kale dagaal ka dhex qarxo labada waddan inta aanu sannadkani dhammaanin.

James Linsay wuxuu tilmaamay in hadalkii uu jeediyay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed bishii October 2023 ee la xidhiidhay inay Itoobiya doonayso inay marin biyoodka ay xaqa u leedahay hesho, ay tahay qoddaxda soo cusboonaysiisay xanafka siyaasadeed ee labada dawladood ee jaarka ah u dhexeeya. Iyadoo doodii Abiy ay werwer ku abuurtay maamuleyaasha Asmara.

Tan iyo wixii ka dambeeyay dhawaaqii Abiy Ahmed, waxa Eritrea ay xadka ay la wadaagto Itoobiya soo dhoobtay ciidammadeeda si ay uga gaashaamato haddii Itoobiya isku daydo inay soo hujuunto.

Madaxbannaanidii ay muddada dheer ay doonaysay Eritrea waxay fursad heshay markii Jabhadii Eritrea EPLF iyo Jabhadii Tigrayga ee TPLF ay xukunka ka tuureen dawladdii Milatariga ahayd ee Mingiste sannadkii 1991kii, iyadoo laba sannadood ka dib Eritrea madax-bannaanideedii ka qaadatay Itoobiya, waxana cilaaqaadkii labada dhinac degdeg u burburay kadib markii Eritrea ay sheegatay deegaanno xadka ku teedsanaa, taasina ay keentay dagaalkii lagu hoobtay ee dhex maray labada dal muddadii u dhexaysay 1998-2000.

Qulqulatooyinkii iyo colaadii u dhexaysay Itoobiya iyo Eritrea waxay meesha ka baxday markii sannadkii 2018kii uu talada Itoobiya qabtay Abiy Ahmed oo aqbalay dhulkii Eritrea sheeganaysay, waxayna mar kale labada dal noqdeen kuwo aad iskugu dhow.

Dedaalkii Abiy Ahmed wuxuu u gooyay inuu sannadkii 2019 qaato abaalmarinta caalamiga ah ee Noble Peace Price. Hase ahaatee waxa uu Prof James Linsay ku dooday in dhaqaalaha koraya ee Itoobiya uu sababay damac baddeed, taasina ay dhaawacday niyadsamadii siyaasadeed ee ay isku qabeen Addisababa iyo Asmara, taasina ay dhalisay in falanqeeyeyaashu ay walaac ka qabaan in labada dhinac mar kale ku diriraan soohdinta u dhexaysa.

James Linsi wuxuu tilmaamay inay Itoobiya marin biyoodka u dhowi yahay kuwa dalalka Eritrea, Jabuuti, Suudaan, Soomaaliya, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Somaliland, hase ahaatee dagaalladii taariikhiga ahaa ay ladh ku kicisay Eritrea oo u aragtay hadalka Itoobiya daandaansi iyada loogu duurxulayo maadaama masaafo ahaan aad ugu dhowdahay Itoobiya.

Doon hub u siday Puntland oo lagu qabtay bada Boosaaso

$
0
0

Gujis badda hoosteeda ku jiray oo kurka lasoo baxay ayaa galabtii doraad meel 2 Km u jirta Bosaaso ka jiitay dooni hub iyo rasaas farbadani u saarnayd madaxwaynaha Puntland Siciid Deni oo qiimo ahaan lagu qiyaasay 3-4 milyan oo doolar.
Ilo kala duwan oo xog ogaal ah oo ku sugan Bosaaso iyo Garoowe oo aanu arintan ka waraysanay ayaa waxay noo sheegeen in sirdoonka dawlad shisheeye ah oo loo malaynayo inay tahay Maraykanku ay ka war heleen doonidan ka hor intii aanay soo gaadhi66n goobtii laga kaxaystay ee Boosaaso ku dhawayd.
Siday ilahasasi noo sheegeen doontan ayaa waxa saarna qoryo badan oo lidka diyaaradaha ah waxaana laba khan oo ka mid ah ka buuxay rasaasta yar yar iyo ta waawayn ee qoryaha teknikada.
Mr Deni ayaan ilaa hadda ka hadal arintan.

Haatuf

Are Ethiopia and Eritrea on the Path to War?

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>