Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Travelway is pleased to announce its Umrah Package

$
0
0

Travelway is pleased to announce its Umrah plan for 2023/24, designed to meet the needs and preferences of our valued customers. We understand that many of you have been waiting for a long time to perform this sacred journey, and we want to make it as easy and convenient as possible for you. That’s why we offer you the following features:

– A dedicated representative from our team will be waiting for you at the airport in Saudi Arabia and will assist you throughout your stay.
– We will take care of all the arrangements for your flights, hotels, transportation and visa, so you don’t have to worry about anything.
– We will collect the ful6l payment in advance and pay for all the services on your behalf, ensuring transparency and security.
– We will give you the freedom to choose your own:
– Airline
– Departure date
– Hotel
– Mode of travel between cities
– Duration of stay

and more.

We hope that this plan will suit your expectations and budget, and we look forward to serving you in this blessed journey. Please contact us for more details and bookings.

Phone; 02089002772
mobile;07794609306
email; mhassan@travelwayltd.com
Office 14 Rockware Business Centre, Rockware Ave, Greenford, UB6 0AA


Awdal waxay u baahan tahay wixii la wada lahaa siday u qaybsan tahay in dib loogu noqdo” Xil.Mukhtaar Xasan Maydhane

$
0
0

“Awdal waxay u Baahan Tahay wixii la wada lahaa siday u Qaybsan tahay in dib loogu Noqdo” Xil.Mukhtaar Xasan Maydhane

Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in Awdal u baahan tahay in wixii reer Somaliland wada lahaayeen siday u qaybsan tahay dib loogu noqdo.

Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada, qoraalkaasi oo u dhingnaa sidan:-

“Tibaax Ingiriisi ah ayaa tidhaa, “Adding insult to injury,” oo loo adeegsado marka waxyeelo laguugu daro aflagaado iyo cay. Sidaas waxa ka dhigan kuwa Awdal wax hala siiyo leh, ee qaarkoodna wanaagsanidooda ku muujiya isleh. Awdal uma baahna wax la siiyo. Awdal waxay u baahan tahay wixii aan wada lahayn sida ay u qaybsan yihiin maanta inaan dib isula eegno oo sida aan u kala qaadanayno isla garano. Awdalna wax ma siinaysid, Awdalna wax kuma siinayso. Su’aashu waa sideen u wada leenahay oo aan u kala leenahay?

Inta aydaan qaadan doorka u hadlidda Awdal, bal horta dhegaysta reer Awdal. Reerihiina, reer Awdal iyo guud ahaanba reer Soomaalilaan markaas baad wax tari kartaan. Derejo lagama helayo Awdal “waxayaga” hala siiyo. Oo weliba reer Awdal lagagama helayo. Reer Awdalna iyagaa ku filan inay cabbiraan waxay rabaan oo cidna magan ugama aha.”

Musharax Cirro oo qado ku Qaabilay Qoyska Reer Ibraahim Abees

$
0
0

Hargeysa(Qaran news)-Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa Tacsi iyo Soodhawayn Ah U Sameeyay Qoyska Reer Ibraahim Abees Iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Bakaal.

Musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay weheliyaan madaxda sare ee Xisbiga Waddani ayaa hadhimo sharafeed tacsi iyo soo dhawayn ah wuxuu Magaaladda Hargaysa ugu sameeyay Qoyska Ibraahim Aadan Cismaan (Reer Abees) oo geeri naxdin badan ku timi wiilkoodi Mustafe Ibraahim.

Sidoo kale wuxuu kulankaas martiqaadka ahaa ku soo dhaweeyay Siyaasi Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal) oo kamid ah masuuliyiinta Xisbiga Waddani, oo socdaal kaga soo laabtay Waddanka Maraykanka.

Murrashaxa Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay munaasibadii hadhimo sharafeedka ahayd ee uu sameeyay ayaa sheegay inuu la qayb sanaayo geerida ku timi Qoyska reer Abees, wuxuuna Alle uga baryay inuu jannooyinkiisa ku casuumo Marxuum Mustafe Ibraahim.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu soo dhawaynaayo Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahim Abees oo ah Abwaan caan ah oo la dhashay Marxuumka geeriyooday, iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal) oo kamid ah madaxda Xisbiga Waddani.

Xaaji Ibraahim Aadan Cismaan (Abees) ayaa ka mahadnaqay tacsida qoyskiisa ku timi siduu ula qayb saday musharraxa Xisbiga Waddani isagoo mahadnaq kadibna ugu duceeyay musharraxa Xisbiga Waddani hamigiisa inuu Alle ku guuleeyo.

Taliyaha ATMIS oo Beeniyay inay ka Hawlgalayaan Laascaanood

$
0
0


Taliyaha ATMIS oo Beeniyay inay ka Hawlgalayaan Laascaanood

Muqdisho (Qaran) – Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka Soomaaliya ATMIS Jenaraal Sam Okiding, ayaa sheegay in ciidanka ATMIS aanay ka howlgaleen magaalada Laascaanood.

Jenaraal Sam Okiding, ayaa sheegay in shaqada iyo howlgalka ATMIS ay tahay mid ku kooban la dagaalanka kooxda Al-shabaab, isla markaana xaalada ka taagan deegaanada SSC Khaatumo aanat wax shaqo ah ku laheyn Al-shabaab.

Waxaanu yidhi.”Anaga howsheena waa ladagaalanka Shabaab, deegaanada Khaatumo, waxa isku haya dadka deegaanka iyo Soomaaliland, marka arimaha qabilka wax shaqo ah kuma lihin, mana nihin dab damis oo nalooma adeegsanayo arinta Laascaanood”

Hadalkaan kasoo yeedhay Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka Soomaaliya ATMIS Jenaraal Sam Okiding, ayaa kusoo beegmaya, iyadoo warar soo baxayay muddooyinki dambe ay sheegayeen in ciidamo ka tirsan ATMIS in la geynayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay u joogaan cidhibtirka Al-shabaab, islamarkaana howlgalkooda uu yahay in meel walba oo ay shabaab kaga sugan yihiin Soomaaliya kula dagaalamaan.

Waxaanu yidhi.”Al-shabaab ma ahan cadawga Soomaaliya oo kaliya ee waa cadawga Afrika, ma doonayaan inay Soomaaliya kaliya ku ekaadaan oo waxay doonayaan inay galaan Kenya, Uganda iyo dhamaan Afrika”.

Wasiir Siciid Sulub oo Furay Shir wada Tashi ah oo u Dhexeeya FAO

$
0
0

Wasiir Siciid Sulub oo Furay Shir wada Tashi ah oo u Dhexeeya FAO
7
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda xanaannada xoolaha iyo horumarinta kalluuumaysiga JSL Md Siciid Sulub Maxamed Ayaa furay shir wada tashi ah oo ka dhexeeyay wasaaradda iyo hay’ada cuntada iyo beeraha u qaabilsan qaramada midoobay ee FAO.

Shirkaasi oo ku saabsan diyaarinta qorshe hawleedyada iyo kuwa shanta sano ee soo socota iyo habsami usocodka fulintooda ku aadan mashaaricda horumarinta xoolaha iyo kalluunka.

Shirkaasi waxa kasoo qayb galay masuuliyiinta iyo khuburada labada dhinac.

Waxana wasiirku ku nuuxnuuxsaday sida ay muhiim u tahay in qorshe laga yeesho kobcinta horumarinta kalluumaysiga iyo xoolaha, taasoo wax wayn ka tari doonta lafdhabarta dhaqan dhaqaale ee dalka, sidoo kale masuuliyiinta ugu saraysa ee hay’ada FAO oo uu kamid yahay Madaxa xafiiska FAO ee Somaliland Abdul Karim Bah, Ayaa xukuumada somaliland gaar ahaan masuuliyiinta wasaraadda uga mahad naqay wada shaqaynta joogtada ah ee ka dhaxaysa.

Kulankan ayaa Huteel Maansoor ee Magaalada Berbera ka socon doona muddo laba maalmood ah .

Hogaanka dhaqanka ee Majeerteen oo doorashooyinka Puntland ka soo saaray qaraar la mid ah kii Habarjeclo

$
0
0

Isimada Dhaqanka Majeerteen oo doorashooyinka Puntland kasoo saaray qaraar lamida midkii Guddiga Habarjeclo hore uga soo saareen murankii doorashooyinka Somaliland ee xalka laga gaadhay

Halkan hoose ka akhriso go’aamadaasi ay soo saareen iyada oo mar walba ay maamulka Puntland ay ku daysan Somaliland kaga a daydaan wax kasta oo ay Somaliland wax ku xaliso marka ay murano siyaasadeed yimaadaan.

Wasiir waxbarashada oo socdaal ku tagay Nairobi

$
0
0

Wasiir waxbarashada oo socdaal ku tagay Nairobi

Nairobi (Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa safar shaqo ku gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirku muddada uu ku sugan yahay magaalada Nairobi waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Hay’adaha Waxbarashada Kenya iyo Saaxiibada Jamhuuriyadda Somaliland ee fadhigoodu yahay dalka Kenya.

Sidoo kale waxa lagu wadaa inuu la kulmo jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Kenya.

Taliyaha Booliska Oo Furay Rug Bileys oo laga Hirgaliyay Madaarka Hargeysa

$
0
0

Hargeysa(Qaran news)-Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa xadhiga jaray saldhig cusub oo ay hay’adda Duulista iyo Madaarradu ka hirgelisay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Taliye Dabagale ayaa sheegay si ammaankii xaafada Maxamuud Haybe iyo garoonka diyaaradahaba loo sugo, waxa uu bulshada ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada booliska, waxa uu maareeyaha garoonka diyaaraha Hargeysa uga mahadceliyay hirgelinta Saldhigani, waxaanu xusay in ay baahi weyn dabooli doonto.

Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland Cumar-seyid Cabdillaahi Aadan, waxaanu ka warbixiyey saldhiggan cusub ee ay hay’addiisu ka hirgelisay madaarka caasimadda Hargeysa, ayaa tilmaamay in saldhiggan loo dhisay hab caalami ah oo ka duwan habka ay saldhigyadda kale u dhisan yihiin, waxaanu cadeeyey in saldhiggan ay ku baxday lacag dhan 113 kun oo Dollar.

Wasiirrada wasaaraddaha Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil (Baandare), Horumarinta Beeraha Eng Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdillaahi Daahir, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo ku xigeenka Ganacsiga Muuse Ibraahim Selef, ayaa ku ammaanay Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada hirgelinta saldhiggan, iyaga oo cadeeyey in baahi weyn loo qabay saldhiggan.


The Arab-Africa Trade Bridges Program Announces the Membership of the Federal Republic of Nigeria

$
0
0

PRESS RELEASE
The Arab-Africa Trade Bridges Program Announces the Membership of the Federal Republic of Nigeria
Impactful Interventions to Strengthen Economic Ties Offer Compelling Incentives to Join the AATB Program

LAGOS, Nigeria, November 2, 2023/ — The General Secretariat of The Arab-Africa Trade Bridges (AATB) Program, a multi-donor, Inter-regional program, announces the Federal Republic of Nigeria’s official membership in the AATB Program. This pivotal development marks a significant step towards advancing trade and to strengthen economic ties among Arab and African countries.

An essential element of the AATB Program is to connect key stakeholders with companies and investors in Arab and African countries. The aim is to increase commercial exchanges and investment flows between the two regions and to support economic integration.

By welcoming Africa’s largest economy into the collaborative framework, the AATB Program demonstrates the attractiveness of its commitment to unlocking the untapped opportunities, increasing market access, diversifying trade partnerships, and heightening investment prospects for its member countries.

Nigeria’s membership in the AATB Program underscores the country’s strong commitment to expanding its global trade footprint, fostering international partnerships, and boosting economic growth. With an increasing interest in the trade sector and the opportunities it presents, Nigeria would leverage its membership in the AATB Program to harness the benefits of regional economic integration.

Commenting on the announcement, Eng. Hani Salem Sonbol, CEO of ITFC and AATB Secretary General, said: “The admission of the Federal Republic of Nigeria into the AATB Program is a major milestone and we are confident this new partnership with one of Africa’s economic powerhouses will strengthen investment flows, and trade relations between the Arab and African regions. Given the economic potential of Nigeria, we will support the country in its quest to diversify and grow its economy and access new markets across Africa and the Arab regions.”

The AATB Program supports member countries’ efforts to diversify their economies, which is aligned with Nigeria’s strategic development priorities. Nigeria’s participation in the AATB will support the Country’s efforts to reduce dependency on oil exports and to explore new avenues for trade and investment. Leveraging the Country’s strategic geographical location, vibrant economy, and historical ties with the Arab region, Nigeria is well-positioned to play a pivotal role in facilitating trade and collaboration between African and Arab countries.

Africa: Islamic Development Bank Institute’s Acting Director General Dr. Sami Al-Suwailem Highlights Prospects of Digital Transformation for Islamic Finance

$
0
0

PRESS RELEASE
Islamic Development Bank Institute’s Acting Director General Dr. Sami Al-Suwailem Highlights Prospects of Digital Transformation for Islamic Finance
Dr. Al-Suwailem noted that digital transformation has a key role in improving the value and impact of Islamic finance, by helping to create the required environment of transparency and trust
Access Multimedia Content

JAKARTA, Indonesia, November 2, 2023/ — The Acting Director General of the Islamic Development Bank Institute (IsDBI) (https://IsDBInstitute.org), Dr. Sami Al-Suwailem, delivered a keynote speech on 26 Octobr 2023 during a seminar on enhancing digitalization in Islamic financial institutions, held as part of the 10th Indonesia Sharia Economic Festival (ISEF), in Jakarta, Indonesia.

The seminar was jointly organized by Bank Indonesia, Islamic Development Bank (IsDB), and Islamic Financial Services Board (IFSB) to highlight the role of digitalization in ensuring the stability and sustainability of the Islamic financial system.

Dr. Al-Suwailem noted that digital transformation has a key role in improving the value and impact of Islamic finance, by helping to create the required environment of transparency and trust.

“If digitalization is employed to enhance transparency and build trust, it can undoubtedly contribute to economic well-being. For example, blockchain technology could ensure proper governance and contractual transparency, making the entire process more reliable and efficient,” he said.

However, Dr. Al-Suwailem cautioned that improper deployment of technology could have negative consequences.

“If technology is used to perpetuate the role of finance as an end, it will contribute to higher opacity and lower standards of governance. Technology might enhance the speed of financial transactions, but this would contribute to a higher volatility of financial markets, as has been observed in the US in the post-war era,” he explained.

Dr. Al-Suwailem, therefore, noted that for Islamic finance to realize its noble objectives, technology must be put to good use as a means to noble ends.

“Islamic finance must ensure that technology aligns with its core objectives: promoting trust, transparency, and mutual gain. In this manner, the synergy between the two can amplify the added value to economic progress. Otherwise, if their objectives diverge, technology may become a liability to Islamic finance,” he added.
Distributed by APO Group on behalf of Islamic Development Bank Institute (IsDBI).

Shababkad Ajanabi Basaasiin ah oo lagu Qabtay Somaliland

$
0
0

Shababkad Ajanabi Basaasiin ah oo lagu Qabtay Somaliland


Hargeysa(Qaran n)- Hay’ada Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa sheegtay inay hawlgal ku soo qabteen 17 basaasiin ahanabi ah.
Sidaasna waxay ku sheegeen qoraal ay ku baahiyeen Twitterka, waxaanu u qornaa sidan:-
“Hay’adda NIA_IntellSL oo adeegsanaysa #K9 ayaa hawlgallo qorsheysan ka fulisay xaafadaha magaalada Hargaysa, kuwaas oo lagu beegsaday shabakado basaasiin ajaanib ah.

Howlgalkan ayaa lagu soo qabtay toddoba iyo toban qof, waana hawlgalkii koowaad oo ay ka qeyb qaadanayaan #K9_Unit_NIA.”

@NIA_IntellSL

Fadhigii 83’aad ee Guurtida oo Furmaya

$
0
0

Kalfadhigii 83aad ee Guurtida oo Furmaya

Hargeysa(Qaran news)-Kalfadhigii 83-aad ee golaha guurtida Somaliland ayaa si rasmiya u furmaya maalinta Axadda ee toddobaadka fooda innagu soo haya haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

Golaha ayaa ku maqnaa fasaxoodii Dastuuriga ahaa, ee u dhaxeeyay labada Kalfadhi, waxa yeedhmada mudanayaasha lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee golaha guurtida JSL, waxaana mudanayaasha lagu adkeeyay inay ka soo xaadiraan wakhtigana ilaaliyaan.

Waxa qoraalka ku saxeexna xoghayaha guud ee golaha guurtida JSL, Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa u dhigna sidan.

Dhammaan Mudanayaasha golaha guurtida JSL, waxa la ogeysiinayaa in uu furmi doono Kalfadhigii 83-aad ee Golaha Guurtida JSL, maalinta Axada ee ay bishu tahay 05/11/2023, saacaduna tahay 9:00 subaxnimo haddii ALLE qadaro, sidaasi darteed waxa la idinku adkaynaya in aad wakhtiga dhawrtaan.

Puntland oo diiday baaqii hogaamiye dhaqameedku soo saareen

$
0
0


Maamul goboleedka Puntland ayaa jawaab ka bixiyey hadal ay xalay soo saareen qaar ka mid ah isimada deegaannadaas, kuwaasoo xal u raadinayey khilaafka doorashada la xiriira ee soo dhex galay dawlad goboleedka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Isimada ayaa soo jeediyey in doorashada ay noqoto mid la mid ah tii lagu soo doortay “Madaxweynaha iyo baarlamaanka” oo la micne ah in ay iyagu soo xulayaan. Waxay kaloo ku baaqeen in wakhtigeeda lagu qabto doorashada.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir wuxuu ku tilmaamay arrintaas “fikir” isimada u gaar ah, wuxuuna ku adkaystay inay qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirka Beeraha oo Kormeeray Beeraha Deegaanka Dhubato

$
0
0

Wasiirka Beeraha oo Kormeeray Beeraha Deegaanka Dhubato


Dhubato (Qaran news) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame, oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta JSL Abdikariim Aadan Cadee ayaa kormeer ku tagay dhul-beereedka deegaanka Dhubato.

Wasiirka oo ay weheliyeen Masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Beeraha, ayaa kormeeray Beeraha halkaasi ku yaalla, kuwaasi iskugu jira Beer-biyoodyo iyo beer-roobaadyo.

Wasiirka iyo Weftigiisa waxa halkaa ku soo dhaweeyay Mulkiilaha beerta Alpha farm Farxaan Aadan Haybe.

Wasiir Cabdiqaadir Iimaan, ayaa bogaadiyey dedaalka ay sameeyeen Farxaan Aadan Haybe oo ahaa wasiirkii hore ee duulista iyo isla guddoomiyihii hore ee hayadda shaqaalaha dawladda ahna siyaasi reer Somaliland ah
iyo Muwaadiniinta kale ee Tacabka badan geliyey inay hirgeliyaan Beero, si dadka iyo dalkuba uga faa’idaystaan.

Wasiirka Beeraha oo ka duulaya qorshaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee ah in la dhiirigeliyo Muwaadiniinta sida gaarka Beeraha u samaysta iyo guud ahaan Beeralayda dalka, ayaa Farxaan iyo Beeralayda kaleba ku dhiirigeliyey inay dedaalka halkaa ka sii wadaan, maaddaama qorshaha mustaqbalka dhow yahay in laga maarmo cuntada dibedda laga soo waarido.

Hawlgal ay wadajir Hargeysa uga Bilaabeen Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Maaliyadda

$
0
0



Hawlgal ay wadajir Hargeysa uga Bilaabeen Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Maaliyadda

Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta iyo wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo iskaashanaya ayaa magaalada Hargaysa ka bilaabay olole wacyigelineed oo ku saabsan Kiro bixinta Hantida Maguurtada ah ee Dawladda ee ku taala Magaaladda Hargaysa, sida Guryaha, Kaalmaha Shidaalka, iyo Bakhaaradda, kuwaas oo ay ku ganacsadaan Muwaadiniinta reer Somaliland.

Masuuliyiinta Waaxaha Guryaha ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo maaliyada ee Cashuuraha Berriga ayaa ugu baaqay Muwaadiniinta Hantida Dawladda ku jiray inay sida ugu dhakhsiyaha badan u usoo bixiyaan Kiraddii Dawladda ee ku waajibtay, taas oo laf-dhabar u ah hawl-socodsiinta shaqooyinka kala duwan ee Qaranka.

Geesta kale dadweynaha ku ganacsada Hantida dowladda ayaa, ayaa soo dhaweeyay ololahan bulshada lagu baraarujiyanayay soo bixinta Kirada hantida maguurtada ee dowladda, waxaanay ballan-qaadeen inay soo bixin doonaan haddii ALLE qadaro.


500 oo Kitaabka Quraanka ah oo lagu Wareejiyay Bahda Garsoorka Awdal

$
0
0

500 oo Kitaabka Quraanka ah oo lagu Wareejiyay Bahda Garsoorka Awdal

Hargeysa(Qaran news)-Maamulka xarunta Hiil Qur’aan ee magaalada Boorama ayaa 500 oo kutub oo isugu jira Kutubta Qur’aanka Kariimka ah iyo Kutub Fiqi ah, ku wareejiyay laamaha garsoorka ee gobolka Awdal.
Waxa kutubtan ka guddoomay mas’uuliyiinta xarunta Hiil Qur’aan guddoomiyeyaasha maxkamaddaha Racfaanka,gobolka iyo degmada,waxa iyaguna goob joog ka ahaa guddoonka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee gobolka Awdal iyo qaar kamid ah culimo awdiinka magaalada Boorama.
Waxa ugu horayn goobta lagu kala guddoomaayey kutubtan ka hadlay Sheekh Jamaal Yuusuf Muxumed iyo Sheekh Cabdilaahi oo kamid ah maamulka xarunta Hiil Qur’aan,waxaanay sheegen in kutubtani tahay mid cilmi ah oo baahi weyn loo qabbo,kuwaas oo ay iyaguna door bideen in ay ku wareejiyaan maxkamadaha,si looga faa’iidaysto kutubtaas,iyaga oo ballan qaaday in ay kutubtan meelo badan gaadhsiin doonaan.
Waxa iyaguna halkaas hadal kooban ka jeediyey,isla markaana u mahadceliyey bahda Hiil Qur’aan guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Awdal,guddoomiyaha maxkamadda gobolka iyo guddoomiyaha maxkamadda degmada Boorama,waxaanay maamulka Hiil Qur’aan uga mahadceliyeen kutubtan ay soo gaadhsiiyeen oo ay sheegeen in ay yihiin kuwo aqoon badanni ku duugan tahay.
Gebo gebadii waxa halkaas ka hadlay guddoonka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee gobolka Awdal Nuuradiin Muuse Cali,waxaanu ku ammaanay maamulka Hiil Qur’aan dedaalka ay ugu jiraan kor u qaadista Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah iyo aqoonta kale ee diiniga ah.

Somaliland Yaan laga Leexan Wadada Doorashooyinka

$
0
0

Hargeysa(Qaran news)- Somaliland waxa xalkeeda iyo wadajirkeedu ku jiraa inay ku taagnaato tubta doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda oo loo muddeeyay inay qabsoonto bisha November 2024ka.

Si doorashooyinkaasi inoigu hirgalaan waa in aynu xeerkii is waafajinta diirashooyinka ee Wakiilladu ansixiyeen ay Guurtidduna duuduub ku meel mariso, si madaxweynuhuna wakhti ugu helo uu xilli horeba ku saxeexi karo. Waxa kaloo daruuri ah in khilaafka ka taagan komishanka ee ay shan xubnood ku dacweeyeen xubintii xisbiga WADDANI soo xulay la dhammeeyo oo xal iyo is afgarad madaxweynuhu ka odayeeyo lagu dhammeeyo.

Haddii kale oo khilaafkaasi sidaas lagu sii daawado wuxuu horseedi karaa qarax kale iyo khilaafaad aan loo baahnayn oo aynu cagaha la galo. Waxaanay arrintaasi dhabaha u xaadhi kartaa dib u dhac kale oo ku yimaada wakhtigii loo cayimay doorashooyinka, iyadoo imikaba halista qabyooyinka arrimaga doorashooyinka uu ka digay toddobaadkan Guddoomiyaha Dallada ururrada bulshada rayidka ah oo sheegay in wadajir looga faa’iidaysto wakhtiga is guraya ee doirashooyinka.

Waxa kaloo Xukuumadda looga fadhiyaa inay xilli horeba badka keento dhaqaalihii loogu talogalay doorashooyinkaas isa saarka ah oo cukayskooda leh.

Sidaas darteed, waxa guddidii ergada ahayd u taalla inay kor joogteeyaan sida hawlaha u diyaar garowga doorashooyinku u socdaan, masdaama dedaalkoodii qaranku kaga badbaaday inuu haadaan ku dhaco, waxa u wanaagsan inay isha ku hayaan sida hawluhu u socdaan.
Ugu dambayn waxaan leeyahay aan wadajir ugu istaagno sidii loo sii wadi lahaa geddi socodka doirashooyinka.

Dhaqaalaha Buluuga Ahi (économie bleue)Kuma Koobna Kaluunka Ee Waa Nidaam Isbixiya Oo Lagaga Faaiidaysan Karo Badaha

$
0
0

Qarnigan 21-aad ayaa wuxu la curtay hadalhaynta ah in cimiladii aduunku isbadashay oo ay kululaatay ,sababtuna tahay kaarboonka sunta ah ee ka dhasha tamarta laga sameeyo shidaalka saliidda ee dhaqaalaha aduunku ku shaqeeyo. Waxaana furmay doodo iyo kaambeeno u ololaynaya sidii uu aduunku tartiib tartiib uga takhalusi lahaa tamarta shidaalka una gudbi lahaa ‘ dhaqqalaha cagaaran ‘ ( green economy/ économie verte ) oo ku salaysan tamar cagaaran oo nadiif oo laga sameeyo dabaysha,qoraxda, baytariyada ,badda iyo waxyaale kale oo aan dhamaantood lahayn kaarboonka shidaalka ee aduunka kusoo kordhiya kulaylka isla markaana wisikheeya bii’adda (deegaanka/environment). Arintaa dhaqaalaha cagaaran waxna way ka hirgaleen oo maanta waxaynu arkayna baabur ku socota dabka baytariyada ( electric cars/ voiture électrique ) iyo warshado ku shaqeeya tamarta laga nuugo cadceedda laakiin waxa jira wax badan oon wali ka qabsoomin sidii uu caalamku u yeelan lahaa dhaqaale ka nadiif ah tamarta laga sameeyo shidaalka ee sumaysa bii’adda aynu ku noolnahay.

Hadaba waxa isna baryahan dambe aad looga hadlayey ‘dhaqaalaha buluuga ah’ (blue economy / économie bleue) iyo habkii sida qumman looga faaiidaysan lahaa.

Waa maxay dhaqaalaha buluuga ahi ?

Marka laga hadlayo dhaqaalaha buluuga ah waxa dabcan loo jeeda wax-soo-saarka dhaqaale ee laga helo badda iyo wixii la xidhiidha taasina kuma koobna kaluunka oo kaliya balse waxa laga hadlaya nidaam dhan oo ku saabsan dhaqaalaha kala duwan ee kasoo baxa badaha oo kaluunku ka midyahay iyo wixii kalee dhaqaale ah ee badaha la caano maala sida doonyaha iyo maraakiibta, dalxiiska xeebaha, tamar dhalinta ( renewable energy ) beeraha badda ee loo yaqqaan ‘aquaculture’ ( waa xerooyin laga sameeyo badda dhexdeeda oo lagu beero kaluun, dhir,xayaabo iyo makhluuqaad kale ) , macaanaynta biyaha badda ( water desalination ) , xadhkaha keebalada isgaadhsiinta ee badda hoosteeda la dhigo, ciidda iyo macdanta badda gunteeda laga soo guro iyo cilmi baadhis lagu sameeyo waxyaabaha ku uuman badda.

Dhaqaalaha buluuga ah ee caalamka waxa hadda lagu qiyaasaa in ka badan $ 1.3 trillion sanadkii waxaana ka abuurma 30 milyan oo shaqo , waxa seh la saadaalinaya ( OECD ) inuu dhaqaalaha buluuga ahi aad u koobco oo uu gaadho $3 trillion sanadka 2030

Laakiinse fikradda dhaqaalaha buuluga ahi waxay ku qotantahay mabda’ ah in badda looga faaiidaysto hab waara ( sustainable ) taasoo micnaheedu yahay in la dhawro caafimaadka bii’adda ay baddu ku dhisantahay iyo tay ku fadhidaba si aanay waxyeelo laga soo waaqsan karinin usoo gaadhin jiritaankii iyo tarankii khayraadkii laga heli lahaa badda iyo deegaanka ku xeeraanba .

Dhaqaalaha buluuga ahi wuxu badda u adeegsanaya qaab ka duwan sidii hore ee aan tudhaalaha lahayn ee loo manaafacaadsan jiray. Qaabkii hore wuxu xaalufin jiray badaha oo matalan kulumaysigii xad-dhaafka ahaa wuxu keenay in la burburiyo ugxaantii kaluunka iyo bii’adii uu ku noolaan jiray iyadoo meelo badan lagu sheegay in kaluunkii ka dabargo’ay ama uu gabaabsi yahay. Waxa waxyeelo loo geystay shacaabigii badda hoosteeda ee ay noocyo ka mid ah kaluunku ku dhex dhali jireen isla markaana ay shacaabigaasi dalxiisku usoo daawasho imanjireen. Waxa cagta la mariyey dhirtii Mangrove-ka ee xeebaha ka ilaalin jirtay nabaad guurka iyo doogii badda hoosteeda ka bixi jray ee biyaha ka nuugi jiray kaarboonka ( CO2 ) isla markaana dhoobada iyo ciidda ka sifaynjiray biyaha badda. Dabcan lagama sheekayn karo waxyeelada caafimadka badda kasoo gaadhay shidaaladi laga qodi jiray taasoo ay ku waxyeeloobeen makhluuqaad badan oo badaha ku noolaa oo hadda lagaga faaiidaysan lahaa taknaloojiyadda cusub.

Dhaqaalaha buluuga ahi waa mid ku salaysan inuu isbixiyo dhaqaale ahaan,bii’ad ahaan iyo bulsho ahaanba waxaanu dan u yahay dalalka yar yar ee xeebaha ku yaala,waa hadii ay ku camal falaane.

Haatuf

Warbaahinta Xamaas taageerta oo soo qaadatay hadalkii raysal wasaare Xamsa

$
0
0

Warbaahinta taageerta ururka Xamaas ayaa soo qaatay hadalkii uu shalay jeediyay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, kaas oo si adag uga hadlay xaaladda Qasa.

Quds News Network, ayaa bartooda twitter-ka soo dhigay muuqaalka raysal wasaaraha, iyagoo xoojiyay hadalkiisa ahaa ‘Xamaas ma aha urur argagaxiso ee waa urur xoreynaya dalkooda’.

Raysal wasaare Xamsa ayaa hadalkan shalay ka jeediyay munaasabad ka dhacaysay xarunta tiyaatarka qaranka oo ay goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed.

Waxaa uu dhanka kale dhaliil u jeediyay caalamka oo uu sheegay inay iska indha tirayaan dhibaatada ay wajahayaan dadka reer Qasa.

Bbc Somali

Muuqaal iyo Sawiro bixinaaya laba dareen oo kala gadisan Cirro iyo Muuse

$
0
0

VID-20231103-WA0013
Laba dareen oo kala fog muuqaalka sare waa madaxweynaha mustaqbalka iyo habka ay u soo dhawaynayaan dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo uu tago.

Sawiradani hoose waa habkii ay madaxweynaha hada u qaabileen shaqaalaha halbawlaha warbaahinta xukuumadda oo uu todobaadkani booqday waa laba dareen oo kala fog.


Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>