Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Wasiirka Qorshaynta Oo Socdaal Ku Tagay Boorama

$
0
0

Wasiirka Qorshaynta oo Socdaal ku Tagay Boorama

Boorama(Qaran news)- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa maanta booqday xafiiska Wasaaraddaasi ee Gobalka Awdal.

Ujeeddada booqashada Wasiirka ayaa ahayd u kuur gelida xaalada guud ee xafiiska Wasaaraddaasi iyo shaqada ka socota.

Masuuliyiinta Gobalka oo uu ugu horeeyo Isku- duwaha Wasaaradda ee Gobalka Awdal Md Cabdilahi Ciid ibraahin ayaa Wasiirka la wadaagay Warbixin guud oo ku saabsan Waajibaadka iyo waxqabadka xafiiska sanadadii u dambeeyey iyo baahiyaha ka jira xafiiska.

Ugu dambayna Wasiir Axmed Diriye (Toorno) ayaa shaqaalaha uga mahad celiyey Wax-qabadka fiican ee ay soo bandhigeen, Waxaana uu Wasiirku ku bogaadiyey inay halkaa ka sii wadaan dadaalka iyo dardar-gelinta shaqada.

Dhanka kale Wasiirku waxaa uu balan qaaday inay maamul ahaan diyaar u yihiin inay sameeyaan maamul daadajin si loo xoojiyo loona tayeeyo xafiisyada gobalada Dalka.


Xoghaye Dhamme oo ka Hadlay baahi ka jirtay Cisbitaalada dawladda oo wax laga qabtay

$
0
0

Xoghaye Dhamme oo ka Hadlay baahi ka jirtay Cisbitaalada dawladda oo wax laga qabtay

Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Arrimaha bulshada ee xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa sheegay in qalab kelyaha ah oo ka go’naa cisbitaalada dawladda la keenay.

Dhamme ayaa hore walaac uga muujiyay in qaybaha kelyo sifayntu ay cisbitaalada qaarkood qarka u saaran yihiin inay istaagaan.

Qoraal uu soo saaray maanta Xoghaye Dhamme ayaa u qornaa sidan:-
“Alle mahadii waxa la keenay Shalay qalabkii go’naa labada bilood ee loogu adeegayay Bukaanka Kelyaha loo Sifeeyo ee ahaa Kelliyo safeyaha macmalka ah (artificial kidney dialysis) Agabkan oo adeeg ahaan ku filan Saddex bilood Cusbitaalada Dawladda qaybaha Kelyo Sifaynta (hemodialysis unit) Waxa aan weli la hayn Dialysis catheter kits oo Suuqa ka maraayo $55 Qalabkani Miisaaniyadda Qaranka wuu ku jiraa waxaan ku baaqaynaa in degdeg loo keeno oo laga dulqaado Culayska Bukaanada Kelyaha loo sifeeyo , Xisbi ahaan waxaanu soo heedinaynaa.

1. In iibka iyo dalbashada Qalbka Kelyo Sifaynta laga wareejiyo Shirkadda Macaashka ka samaysa ee lagu siiyayay jidka aan Sharciga ahayn.

2. In Cusbitaal kastaa u Madaxbannanado Kharashaka Miisaaniyada ee lagu soo iibiyo Qalabka Kelyo Sifaynta oo aan Shirkad Hargysa joogta loo daba fadhiyin.

3. In Agaasimayaasha Cusbitaalada Hargaysa, Boorama iyo Burco ka badhaadheen sidii ay ula wareegi lahaayeen maamulida Maaliyadda Lacagta ugu jirta Bukaanka Kelyaha loo Sifaayo.

4. In aan suuqa lagu iibin Alaabta Miisaaniyada ku jirta oo aan laga samayn Macaash aanay qaadin karin Bukaanka kelyuhu fadhiyaan.”

African Development Bank publishes report on callable capital

$
0
0
ABIDJAN, Ivory Coast, April 15, 2024/ — The African Development Bank (www.AfDB.org) has published a report clarifying the legal framework, processes and governance for a call on the callable capital by the institution.

Callable capital refers to the portion of the Bank’s capital that is subscribed by shareholders but not immediately paid. It represents a commitment to make additional capital available to the institution in the very unlikely event that it cannot meet its obligations on its debts or guarantees.

The report presents the circumstances leading to a call on callable capital, and the processes for such a call being made by the Bank and met by shareholders. This important exercise follows a recommendation made by the G20 following an independent expert review of MDB capital adequacy frameworks and aims to provide credit rating agencies with key information that they could find useful in their assessment of the value of callable capital.

Similar reports are also published by the Asian Development Bank, the European Bank for Reconstruction and Development, the Inter-American Development Bank, and the World Bank.

The results of a reverse stress testing exercise conducted on the African Development Bank assessing the probability of a scenario materializing where the Bank would need to call on its callable capital is presented in the report, which also clarifies the mechanisms to be followed by the Bank when making a call on callable capital, and shareholders’ response to such a call.

The analysis demonstrates that the probability of such an event is extremely remote. This is attributed to the Bank’s robust financial risk and capital management anchored on its risk appetite statement and long-term financial sustainability framework. It also reflects the Bank’s preferred creditor treatment and its extraordinary shareholder support.

While the processes and timeframes for responding to a call on callable capital vary among shareholders, the clarifications provided show that they should be able to respond to such a call in a timely manner.

For more information on the report click here (https://apo-opa.co/4aX4vDd).

Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB).

SOURCE
African Development Bank Group (AfDB

Wasiir Ku-xigeenka Khaarajiga oo ku Diirsatay Abaalmarinta Caalamiga ah ee la Gudoon siiyay Dr. Edna Aadan

$
0
0

Wasiir Ku-xigeenka Khaarajiga oo ku Diirsatay Abaalmarinta Caalamiga ah ee la Gudoon siiyay Dr. Edna Aadan

Hargeysa(Qaran news)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Rooda Jaamac Cilmi ayaa bogaadisay Drs. Edna Aadan oo la gudoon siiyay abaalmarinta caalamiga ah ee Templeton Prize oo ay ku guulaysatay sannadkii 2023kii.

Rooda Jaamac waxa ay sidaas ku sheegtay farriin uu ay ku baahisay barteeda X (Twitter), waxayna ku tidhi “waa mid ahmiyad leh in aanu aragno Edna Aadan oo xaflad rasmi ah lagu gudoon siiyay abaalmarinta caalamiga ah ee Templeton Prize, taasi oo ay ku mutaysatay doorkeeda wax ku oolka ah ee ay ka qaadatay caafimaadka haweenka Somaliland.

Marwo Edna Aadan waxa ay tusaale nool ku tahay juhdiga shaqada adag iyo taabogelinteeda.

Sidoo kale Marwo Edna Aadan waxa ay weyn inoogu tahay hormuud lagu deydo.”

Dhex dhexaadinta qarsoodiga ah ee ay wadaan William Ruto Iyo Ismail Omar Guelleh ma midho dhali doontaa?

$
0
0


Nairobi(Qaran news)-Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa Ilo-wareedyo ay sheegayaan in Jabuuti iyo Kenya ay dhex dhexaadinayaan

Tibaaxaha hoose ee dhexdhexaadinta socota, ayaa soo shaac baxday toddobaadkii hore, markii la faafiyay warka ku saabsan soo jeedinta hindisaha heshiiska Kenya ee loo gudbinayo labada dal ee is khilaafsan.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Kenya Ismaaciil Cumar Geelle iyo William Ruto, ayaa Nairobi ku dhexdhexaadinaya wada-hadallo sir ah oo la isku dayey in ay xal uga gaadhaan xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex aloosan Itoobiya iyo Soomaaliya, taas oo la xidhiidha sheegashada Itoobiya ee ah in ay galaangal u leedahay badda iyo isku soo dhawaanshaheeda gooni isu taagga Somaliland oo aan Muqdisho aqoonsanayn.

Sidaasi waxaa shaaca ka qaaday ilo-wareedyo ka tirsan urur goboleedka IGAD oo ay soo xiganayeen warbaahinta gobolka ka hawl gasha qaarkood.

Wararka hoose ee dhexdhexaadinta socota, ayaa soo shaac baxday toddobaadkii hore, markii la faafiyay warka ku saabsan soo jeedinta heshiiska Kenya ee loo gudbinayo labada dal ee fiintu dhex miranayso, oo markii dambe ay beenisay Muqdisho.

Soo jeedinta Nairobi waxa ay saadaalisay in laga wada xaajoodo heshiiska kheyraadka badda ee gobolka si loo nidaamiyo sida dalalka mandaqadu ay u heli karaan dekedo qaab ganacsi.

“Wararka ku saabsan heshiiska badda ee ay ku lug leeyihiin Soomaaliya iyo Itoobiya gabi ahaanba waa kuwo aan waxba ka jirin.

Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa madax banaanideeda dhuleed, hase ahaatee, waxaa arrintaasi beeniyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad,

Qorshaha dhexdhexaadinta Kenya waxa xaqiijiyay madaxa wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Korir Sing’oei oo ka hadlayay kulanka ay magaalada Nairobi ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Kenya William Ruto.

“Waxaan sii wadeynaa inaan la shaqeyno dhammaan dhinacyada si aan u hubinno, ugu dambeyntii, gobolku inuu ahaado mid xasilloon,” ayuu yidhi sarkaalka sare. Sida xogta aan ku helayno, soo jeedinta dowladda Kenya ee ku aadan in la fududeeyo heshiiska badda ayaa lagu qiimeeyay qaab dhismeedka IGAD.

Ujeedooyinka Kenya, heshiisku wuxuu ogolaanayaa iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Soomaaliya, dawladaha aan badda lahayn inay kaalin ku yeeshaan dekedaha ganacsiga ee mandaqada iyagoo xubnaha IGAD wadaaga kheyraadka badda
Muranka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa qarxay kaddib markii 1dii bishii hore ee January la saxeexay heshiiskii muranka badan dhaliyay ee ay dawladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland ku heshiiyeen in Addis Ababa laga kireeyo badda cas, heshiiskaas oo ay diidday Muqdisho oo u aragta inuu buray.

Heshiisku waxa uu dhigayaa in Itoobiya la siiyo 20 KM oo dhul ah oo ku teedsan xeebaha Gacanka Cadmeed ee Somaliland ugu yaraan 20 sanno ah iyo in laga dhiso Saldhig Millatari, taas beddelkeedana Somaliland laga siiyo saami shirkadda Ethiopian Airlines iyo Itoobiya. aqoonsiga madax-banaanida Somaliland.

Xaqiiqda meesha taalaa waxa ay tahay in Somaliland aanu wax talo iyo arrin ah ku lahayn madaxweynaha Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kama taliyo Somaliland xataa ma booqan karo 33 kii sanno ee la soo dhaafay hal shakhsi oo ka socda Muqdisho ma uu tagin Somaliland mana tagi karaan xiusaduna hada way ka sii fogaatay sidii hore

Xalka laga raadinayo Muqdisho waxa uu yaallaa Somaliland iyo madaxweynaheeda hada Muuse Biixi iyo ka badeli doona mustaqbalka dhow.

Itoobiya iyo Abiy Axmed waxa ay isku dayeen in ay badda Somaliland kala xaajoodaan Somalia iyo madaxweynahii hore ee Farmaajo taasi oo gabi ahaanba suurto gali wayday.

Waxana madaxweynahii hore ee Soomaaliya Mr Farmaajo uu ka codsaday Abi Axmed in uu geeyo Somaliland, taasi oo uu u arkaayay xalka kaliyaata ee uu ku booqan karo Somaliland, nasiib wanaag Somaliland arinkaasi way ka diiday Abi Axmed socdaalkaasina sidaasi ayuu ku baaqday

Xaaladda Soomaliya iyo Somaliland waxa aad u fahansan Abiy Axmed marka loo eego madaxweynaha Kiiniya William Ruto iyo madaxweynaha Djibouti Jabuuti oo isagu xaqiiqda iska indho tiraya, aaminsana haddii ay Somaliland aqoonsi caalami ah hesho ay dalka Jabuuti u dhamaan doonto arrinkaasi oo khalad siyaasiya ah iyo fikir guracan.

Aqoonsi ay Somaliland hesho waxa ay faa’iido ugu jirtaa gobolka oo dhan waxana xiligan Somaliland ku sugan 15 kun oo reer Kiiniya ah oo shaqaale ah iyo 50 kun oo reer Itoobiya ah iyo tiro intaasi ka badan oo reer Jabuuti ah kuwaasi oo Somaliland uga hawl gala sida dalalkooda oo kale.

Isku soo wada duuboo arinka ay wadaan dalalka Kiiniya iyo Djibouti ma noqon doono mid midho dhala sababta oo ah Xasan Sheekh ma aha nin ka taliya dhulkii/ dawladihii midoobay 1960kii ee Somaliland iyo Somalia.

William Ruto ma aha nin fahansan xaalada Somaliland iyo Somalia wax kasta oo uu la galo Xasan Sheekh ama uu dhex ka noqdo ma aha mud uu Xasan Sheekh uu fulin karo.

Dawlada Itoobiya iyo Abi Axmed waxa la gudboon in ay ku socdaan heshiiska ay la galeen Somaliland, mana jiraan wax alaale iyo wax uu samayn karaa Xasan iyo xukuumaddiisa Muqdisho lagu ilaaliyaa.

Itoobiya oo saldhig laga siiyo xeebta Berbera Somaliland iyo Somaliland oo hesha aqoonsi caalami ahi waa guul u soo hoyatay dhamaan dalalka geeska Afrika iyo caalamkaba, waxa sidoo kale sii xoigaysan doona amniga geeska Afrika.

Xiligani dalalka Djibouti iyo Itoobiya oo xad La leh Somaliland waxa ay xuduudahaasi yihiin kuwa nabdoon oo Somaliland dhankeeda sugtay amnigooda ganacsiga iyo is dhex markuna uu gaadhay heer cid kasttaba ay ku faanto oo ay ka faa’iido

Kenya may renegotiate power agreement with Ethiopia

$
0
0

Kenya may renegotiate power agreement with Ethiopia

Kenya may be forced to renegotiate its 25-year power purchase agreement (PPA) with Ethiopia if the deepening electricity crisis in the Horn of Africa nation persists. The Energy and Petroleum Regulatory Authority has cited concerns that the escalating energy situation in #Addis_Abeba poses a risk to Nairobi’s power supply, potentially necessitating a review of the agreement signed in July 2022.

Although Ethiopia has not yet notified any inability to meet demand as per contractual obligations, the regulator’s chief executive notes the crisis poses a potential risk to Kenya’s power security. If Ethiopia fails to deliver the agreed-upon power, Kenya may need to renegotiate the deal, despite paying damages for breach of contract. The earliest possible renegotiation is in 2027.

The power deal aimed to provide affordable electricity to meet Kenya’s peak demand by reducing reliance on expensive sources. However, concerns arise as Ethiopia grapples with a significant electrification deficit, causing widespread outages and weak access in rural areas.

To address this, the World Bank has launched a $1.4 billion program over 10 years to strengthen Ethiopia’s electricity network, improve sector viability, and boost renewable energy generation. The initiative aims to enhance access for the half of the population still lacking reliable

https://theeastafrican.co.ke/tea/business/ethiopia-s-power-deficit-push-kenya-to-mull-deal-4589390

Waa tuma gabadha loo magacaabay in ay hoggaamiso Beesha Bariga Afrika?

$
0
0

Kenya ayaa si rasmi ah u shaacisay qofka noqonaya Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika (EAC), ka dib markii ay u yeeratay Peter Mathuki oo xilkaas hayey tan iyo 2021.

Caroline Mwende Mueke ayaa loo magacaabay in ay noqoto Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika, iyadoo beddeleysa Peter Mathuki oo dhawaan Madaxweyne William Ruto u magacaabay danjiraha Kenya u fadhiya Ruushka.

Wargeysta The Star ee ka soo baxa Kenya oo soo xiganayey qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Bariga Afrika ee xilligan Deng Alor Kuol, ayaa tibaaxay in magacaabista Caroline Mwende Mueke lagu ansixin doono kulan aan caadi ahayn oo madaxda dalalka ku bahoobay EAC ay ku yeelan doonaan khadka fogaan-aragga Isniinta soo socota.

Tillaabadan ayaa ka dambeysey markii guddoonka EAC oo iminka uu hayo dalka Koonfur Sudan uu qoraal rasmi ah ka helay Wasiiradda Kenya u qaabishan Arrimaha Beesha Bariga Afrika, Peninah Malonza, taas oo ku wargelisey in ay Kenya ay buuxineyso kaalinta uu banneeyey Xoghayihii Guud ee hore.

Qodobka 67 (1) ee Axdiga EAC ayaa dhigaya in Xoghayaha Guud dalkiisu hawl qaran uga baahdo ka hor inta uusan dhammeysan muddo xileedkiisa uu dalkaas soo magacaabanayo qofkii beddeli lahaa.

Caroline Mwende Mueke ayaa ka hor magacaabisteedan waxay ka soo shaqeysay hay’ado kala duwan oo ka tirsan Qaramada Midoobey, waxayna noqoneysaa qofkii 3-aad ee u dhashay Kenya oo xilka Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika qabta.

Bbcsomali

Xisbiga Waddani oo Beeniyay Dallad la Sheegay inay ku Biirtay KULMIYE

$
0
0

Xisbiga Waddani oo Beeniyay Dallad la Sheegay inay ku Biirtay KULMIYE

Hargeysa(Qaran news)-Ma jirto dalad magaceedu yahay Sama-wade oo ka tirsanayd ama ka diiwaangashanayd Xisbiga WADDANI oo ku biirtay Xisbiga Kulmiye.

Xisbiga Kulmiye waxa had iyo goor u caado ah inay sameeyaan magacyo iyo abaabul been ah, si ay uga nafisaan culayska cid iyo ciirsi la’aaneed ee haysta.

Daladaha katirsan Xisbiga WADDANI waa kuwo leh diiwaan rasmi ah oo ay ku kaydsanyihiin macluumaadkoodu, mana aha wax laga been abuuran karo. Xisbi ahaan aad baan iskala hanwaynnahay inaanu isku maaweelino taageerayaal aan jirin iyo samaysiga magacyo dalado been ah.

“Haddaad jamato geed adag
Oonad heyn wax kuu jara
Jebin mayso gacantuye
Haku daalin, jeedaal” – Cabdi Qays –
– Abdirahman Ismail Hussein.
Afhayeenka Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Xisbiga WADDANI.


Guddoomiye Xirsi oo la Kulmay Urur Dhallinyaro

$
0
0

Guddoomiye Xirsi oo la Kulmay Urur Dhallinyaro

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan ayaa kulan la qaatay hogaanka ururka Dhallinyarada MIDEEYE oo ka mid ah ururrada ugu balaadhan deegaannada Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa.

Kulankan oo nuxurkiisu ahaa sidii ay u wadashaqayn lahaayeen labada dhinac ayaa ku soo dhamaaday is afgarad, iyadoo hogaanka ururka dhallinyarada MIDEEYE ay sheegeen inay ku qanceen mabaadi’ida xisbiga WADDANI.

Kulankan waxaa soo qabanqaabiyey guddoomiyaha garabka dhallinyarada gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga WADDANI waxaana loo ballamay kulamo dheeraad ah si loo xaqiijiyo wadashaqayn midho dhal ah.

Madaxweynihii hore Somaliland oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyay gobolka Awdal

$
0
0

Madaxweynihii Saddexaad ee Somaliland oo si Ballaadhan loogu soo Dhaweeyay Gobolka Awdal


Hargeysa(Qaran news)-Boqolaal ka mid ah dadweynaha reer Awdal ayaa maanta si ballaadhan u soo dhaweeyay madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo socdaal ku tagay magaalada Boorame.

Madaxweynihii hore waxa lagu soo dhaweeyay jidka u dhexeeya degmooyinka Dilla ilaa Boorame oo ay safnaayeen dadweyne tiro badan oo u taagnaa soo dhaweyntiisa.

Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga, Dastuurka iyo Waxbarashada ayaa sheegay in Daahir Rayaale hoggaamintiisii JSL uu ku hantiyay taageerada ummadda reer Somaliland isla markaana uu yahay oday qaran oo dhex u ah dalka oo dhan.

Madaxweynihii saddexaad Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa u mahadceliyay shacbiga iyo madaxda heer degmo, gobol iyo Wasiirrada Xukuumadda ee sida weyn ugu soo dhaweeyay gobolka Awdal.

Md. Daahir Rayaale wuxuu sheegay in tallo wixii uu hayo uu u gudbin doono waxgaradka iyo ummadda reer Awdal.

Magaaladda Goday oo kulayl awgii Digaagii dhinteen

$
0
0

Ayadoo kulayl aad u daran uu ka jiro deegaannada Soomaalida ee bariga Afrika ayaa wararka ka imaanaya magaalada Godey ee dawlad deegaanka Soomaalida waxay sheegayaan in uu khasaare nafeed gaystay heerkulkaas todobaadyadii u dambeeyey sare u sii kacayey.

Sida uu sheegayo Salaaxudiin Cabdullaahi Cumar oo ka tirsan madaxda iskaashato deegaankaas ka jirta oo ka shaqaysa wax soosaarka, waxaa uu BBC u shegay in xaaladda hadda deegaankooda ka jirta aysan weli hore u soo marin.

Iskaashatada uu madaxda ka yahay Salaaxudiin ayaa todobaadkan weyday boqolaal digaag oo ay xanaaneynayeen, ka dib kulayl daran oo aan hore u soo marin Godey oo dadku ay la yaabeen.

“Kulaylka waxaa noo dheer magaaladu markii hore biyo fiican ayey haysan jirtay, haddii wax laga qabanayana waa naloo sii sheegi jiray, taana waxay noo saamixi jirtay in aan ka sii gaashaamanno muddada biyuhu go’an yihiin oo aan biyo sii dhaansanno, haddase waxaa dhacday in mar kaliya ay biyihii go’aan innagoo aan ka diyaar garoobin” ayuu yiri Salaaxudiin oo BBC u warramayey

waxaana sababay uumi bax fara badan oo biyihii dusha sare ee dhulka fadhiyey, bad iyo berriba ay uumi baxayaan, wxayna sababayaan inay hawada sare galaan, ka dibna ay daruuro samaysmaan, sidaa darteed hawada waxaa ku jira biyo fara badan, waxaana aad u kala badan uumiga baxaya iyo biyihii hawada sare ku jiray. Taa waxay keentay in daruurihii iyo biyihii hawada ku jiray ay sii bataan, uumigana uu dhulka ku soo noqdo, waana middaas tan keentay huurka faraha badan ee dadku dareemayaan“ ayuu yiri Xasan Maxamed Fadan.

Wuxuu meesha ka saaray in khasaare naf bani aadam uu jiro, laakinse wuxuu hoosta ka xariiqay in ay dhibaato ka soo gaarayso shimbiraha oo ay haddeerba jiraan shimbiro dhintay.

“Waxaa noo qorshaysan in aan dadka wacyigalin u samayno, sida in aysan dhulka biyo ku rushayn, waayo biyahaas way uumi baxayaan, waxaana sii kordhaya huurka“ ayuu yiri Xasan Maxamed Fadan

Madaxweyne Daahir Rayaale Dalka Waxu u Yimi Badbaado Qaran

$
0
0

Madaxweyne Daahir Rayaale Dalka Waxu u Yimi Badbaado Qaran iyo In Doorashadda Madaxtoyadda iyo Ururaddu ey dalka ka dhacdo. 13NoV2024.

Wuuna ku guuleystey inuu Xisbiyada Qaranka ka odayeyo. Si la isula fahmo. Loona meel mariyo xeerarka Doorashoyinka ee Labadda Gole Ansixiyeen.

Doorashadana lagu galo si bilaa xanaf ah. Waxii arimaha doorashooyinka qabyadda ka ah la dhameystiro.

Hadana waxu Gobolka Awdal u tagey inuu uga xog waramo Siyaasadda Dalka iyo Ta Gobolka Geeska Africa. Waxu ka shaqeynaya in Qaranka Somaliland Horumar ku talaabsaddo.

Dimuqradayadda iyo Doorashooyinku bilaabey aaney xagal daacin. Sidaas darteed waxu u guntaddey. In aaney dowladdnimadeenu wiiqmin. Sidaas darteed waan Hambalyaynaa shacabka Reer Awdal sidey usoo dhoweyeen.

Gobol Walbu tagona waxu ka mudan yahey maamuuska uu qaranka gashaddey. Waxuuna rabaa inuu arko midhaha dimuqradiyadda Somaliland oo baxaya. Asxaabta qarankuna aad bey usoo dhoweeyeen.

Dalka Meel Fog baa laga Keeney.
Hadaad Maqasho Xisbiga UDUB
Baa dalka keeney meel fog.

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

Dullucda Baaq culus oo Xukuumadda Somaliland u dirtay Beesha Caalamka

$
0
0

Dullucda Baaq culus oo Xukuumadda Somaliland u dirtay Beesha Caalamka

Hargeysa(Qaran news)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashigacaalamiga ah Rooda Jaamac Cilmi ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay tixgeliyaan aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaasna waxa ay ku sheegtay qoraal ay ku baahisay barteeda X (Twitter) waxaannu u qornaa sidan:-

“Jiritaanka Somaliland wuxuu ahaa mid ka duwan oo gaar ka ah maamuladii kale ee Soomaaliya, waxana Somaliland ka hor iyo kadib markii ay madaxbannaanida ka qaadatay Inigiriiska ay ahayd mid jirtay oo iskeed u taagan.

Waxa kaloo muran ma doon ah 33kii sannadood ee u dambeeyay ee Somaliland madaxbannaanideeda la soo noqotay 1991kii. Somaliland waxay madaxbannaanayd waqti ka badan intii ay Soomaaliya kula jirtay midowga. Waxa JSL midowgaas kala kulantay faqooq, kala qaybin iyo dagaal dhaliyay xasuuq ay dawladdii Soomaaliya ku samaysay shacabka Somaliland

Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibaddu waxa ay intaas ku dartay in boqolkiiba 75 bulshada Somaliland ay yihiin dhallinyaro da’doodu ka hoosayso 40 jir, taasina ay caddayn u tahay in inta badan jiilka cusubi ay garanayaan uun oo kaliya calanka Jamhuuriyadda Somaliland ee akhtarka, cadaanka iyo casaanka iskugu jira, kaasi oo ah calaamad u taagan madaxbannaanida qarannimadooda kaasi oo ku dhisan rabitaankooda.

Wasiir Rooda Jaamac waxa ay ugu baaqday beesha caalamka inay xushmeeyaan xaqiiqada himilada Somaliland ku doonayso inay ku noqoto dal la aqoonsan yahay mar labaad ka mid noqda dawladaha adduunka.

Roobab sababay daad oo ka da’ay Dubai daawo

Travelling this summer? Foreign Office says these 24 places are too dangerous for tourists

$
0
0

A list of the most dangerous places in the world for UK tourists has just grown by eight, with the Foreign Office list of ‘banned’ nations and areas hitting 24 in total. It means that it’s ‘too dangerous’ for anyone in the country to visit these areas, and any travel to these places should be avoided at all costs.

The Foreign and Commonwealth Office provides advice on every country to help UK citizens stay safe when travelling abroad. The guidance includes information on crime, war, terrorism, disease, weather, natural disasters, and anything else that could be a risk for visitors.

The update includes 24 countries or areas that tourists have been urged to avoid. The locations added this year are Russia, Ukraine, Iran, Sudan, Lebanon, Israel, Belarus and the Palestinian territories. They are all involved in major conflicts, meaning travellers would be at serious risk if they visited these areas

The blacklist now includes Afghanistan, Burkina Faso, Central African Republic, Chad, Haiti, Iraq, Israel, Lebanon, Libya, Mali, Niger, North Korea, Somalia, Somaliland, South Sudan, Syria, Venezuela and Yemen. When compiling all of these countries and areas, they equate to a fifth of the planet’s landmass.

There is also a red list, which means travel should be avoided ‘unless absolutely essential’. The list of 42 countries includes:

All or parts of Algeria
Angola
Armenia
Azerbaijan
Bangladesh
Benin
Burundi
Cameroon
Colombia
Democratic Republic of the Congo
Djibouti
Ecuador
Egypt
Eritrea
Ethiopia
Georgia
India
Indonesia
Ivory Coast
Jordan
Kenya
Kosovo
Laos
Malaysia
Mauritania
Mexico
Moldova
Mozambique
Myanmar (Burma)
Nigeria
Pakistan
Papua New Guinea
Philippines
Republic of Congo
Saudi Arabia
Tanzania
Thailand
Togo
Tunisia
Turkey
Uzbekistan
Western Sahara

Source. inyourarea.co.uk


Somaliland oo kolkii u horaysay la galiyay liiska madow looguna baaqay in ay dalxiisa yaashu ka fogaadaan

$
0
0

Matt Davies

Liiska meelaha ugu khatarta badan adduunka ee dalxiisayaasha UK ayaa hadda koray siddeed, iyadoo liiska ‘mamnuucay’ ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo aagagga ay gaadheen 24 wadar ahaan. Waxay ka dhigan tahay inay aad khatar u tahay in qof kasta oo dalka jooga uu soo booqdo meelahaas, waana in laga fogaadaa safar kasta oo lagu tago meelahaas kharash kasta.

Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka wuxuu bixiyaa talo ku saabsan waddan kasta si uu uga caawiyo muwaadiniinta UK inay badbaado ku noqdaan markay u safrayaan dibadda. Tilmaamaha waxaa ku jira macluumaadka ku saabsan dembiyada, dagaalka, argagixisada, cudurrada, cimilada, masiibooyinka dabiiciga ah, iyo wax kasta oo kale oo khatar u noqon kara dadka soo booqda.

Cusboonaysiinta waxaa ku jira 24 waddan ama aagag dalxiisayaasha loogu baaqay inay ka fogaadaan. Goobaha lagu daray sanadkan waa Russia, Ukraine, Iran, Sudan, Lebanon, Israel, Belarus iyo dhulka Falastiin. Dhammaantood waxay ku lug leeyihiin iskahorimaadyo waaweyn, taasoo la micno ah in dadka safarka ah ay halis weyn geli doonaan haddii ay booqdaan meelahaas

Liiska madow waxaa hadda ku jira Afghanistan, Burkina Faso, Central African Republic, Chad, Haiti, Iraq, Israel, Lebanon, Libya, Mali, Niger, North Korea, Somalia, Somaliland, South Sudan, Syria, Venezuela iyo Yemen. Marka la ururiyo dhammaan dalalkan iyo degaannadaas, waxay la mid yihiin shan meelood meel meel meeraha dhulkiisa.

Waxa kale oo jira liis casaan ah, oo macnaheedu yahay safarka waa in la iska ilaaliyaa ‘haddii aan si dhab ah loo baahnayn’. Liiska 42 wadan waxaa ka mid ah:

Dhammaan ama qaybo ka mid ah Algeria
Angola
Armeeniya
Asarbayjan
Bangladesh
Benin
Burundi
Cameroon
Kolombiya
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo
Jabuuti
Ecuador
Masar
Eritrea
Itoobiya
Georgia
Hindiya
Indonesia
Ivory Coast
Jordan
Kenya
Kosovo
Laos
Malaysia
Mauritania
Mexico
Moldova
Mozambique
Myanmar (Burma)
Nigeria
Pakistan
Papua New Guinea
Filibiin
Jamhuuriyadda Congo
Sacuudi Carabiya
Tanzania
Thailand
Togo
Tunisia
Turkiga
Uzbekistan
Saxaraha Galbeed

Xigasho inyourea.co.uk

Wasiirka Waxbarashada oo Kormeeray Dugsiga Sh. Cali Jowhar

$
0
0

Wasiirka Waxbarashada oo Kormeeray Dugsiga Sh. Cali Jowhar

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska Somaliland Dr. Axmed Aadan Buuxane ayaa kormeer ku tagay dugsiga sare ee Sheekh Cali Jowhar, ee magalada Boorama ujeedka kormeerka wasiirka ayaa ahaa xog-ogaal unoqoshada habka wax-dhigista iyo tayada waxbarasho ee dugsiga iyo Daah-furka imtixaan tijaabo ah oo laga qaadayo ardayda sannadkan ee fasalada Afraad.

Sidoo kale wasiirku waxa uu kormeer ku tagey dugsiga hoose dhexe ee A.A.Good halkaasi, isaga oo halkaasi kula kulmay macalimiinta iyo ardayda dugsigaasi wax ka dhigata, waxaanu ardayda ku booriyay inay dedaalaan, waxbarashadoodana xoojiyaan.

Geesta kale wasiirka ayaa soo kormeeray dugsiga sare ee Al-Aqsa ee magaalada Borama, halkaasi oo ay kusoo dhaweeyey maamulka, macalimiinta iyo ardayda dugsigaasi wasiirka ayaa ka Daah-furay barnaamij dhirbeeris ah oo lagu cagaarinaayo goobaha waxbarashada ee dalka waxaan isla saaka goobta dugsiga wasiirku ku beeray geedkii ugu horeeyey.

Wasiirka howla shaqo u jooga magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ayaa maalmihii u danbeeyay waday kormeer u ku maray goobaha waxbarashada ee magaalada Borama, waxaanu halkaasi hadallo waano iyo dhiirigelin isugu jira uga jeediyay ardaydii iyo macalimiintii uu la kulmayay.

Komishanka Doorashooyinka oo sheegay inay soo saarayaan liiskii codbixiyeyaasha

$
0
0

Komishanka Doorashooyinka oo sheegay inay soo saarayaan liiskii codbixiyeyaasha

Hargeysa(Qaran news)-Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay sheegay inay toddobaad gudihiisa haddii ALLE yidhaadhdo ku soo saarayaan liiska codbixiyeyaasha kama dambaysta ah iyo jadwalkii doorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo ururada siyaasada ee u mudaysan inay qabsoomaan 13 November 2024.
Xubnaha Komishanka ayaa arrintan ka sheegay kulan ay maanta la qaateen xisbiyada qaranka iyo wefti ka socda dawladda Sweden.
Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, kaas oo u dhignaa sidan.
Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa waxay shalay xafiiskooda ku qaabileen Wefti ay hoggaaminayo Safiirka Sweden Mr. Joachim Waern oo uu weheliyo Mr. Johan Svensson.
KDQ waxay xog ka siiyeen Safiirka halkay marayaan hawlaha diyaargarowga doorashada, KDQ waxay u caddeeyeen Safiirka in todobaadkan ay soo saarayaan liistada Codbixiyayaasha Kama-baysta ah iyo Jadwalka Doorashooyinka isku-sidkan ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka.
KDQ waxay ka codsadeen Safiitka iyo dawladda Sweden ka taageeraan arrimaha doorashooyinka gaar ahaan dhaqaalaha.

Geesta kale waxa aanu aanu la kulaney masuuliyiinta saddexda xisbi Qaran, UCID, WADDANI iyo KULMIYE, oo aanu ka wada hadlay hawlaha doorashooyinka iyo soo saarista jadwalka labada doorasho ee madaxtooyada iyo asxaabta Qaranka, waxa aanu isla qaadanay in doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka dhacdo.

Xisbiga Waddani oo la kulmay Danjire ka socday Sweden

$
0
0

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayaha xisbigaasi ayaa kulmay danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya oo socdaal ku yimid Somaliland.

“Waxa aannu maanta la kulannay safiirka Sweden Mr. Joachim Waern oo uu wehelinayay Mr. Johan Svensson.
Kulanka waxa lagu falanqeeyay arrimo dhawr ah oo ay ugu muhiimsanayd arrimaha doorashooyinka isku sidkan ee dabayaaqada sannadkan ka qabsoomi doona Somaliland.
Safiirku wuxuu bogaadiyay in Somaliland doorasho u jihaystay isla markaana dhinacayadu isku wada raacsanyihiin qabsoomidda doorashooyinka”

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji oo ay weheliyaan Xoghayaha Guud ee Xisbiga Khadar Xuseen Cabdi iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Cali Cilmi oo la kulmay Safiirka Dalka Sweden iyo Madax kale oo Ka tirsan dalka Sweden.

Kullankan ayaa Waxa lagu falanqeeyey Arimaha Doorashooyinka isku sidkan ee Somaliland Ka dhacaya Sanadkan.

Ceel biyood laga hirgalinayo Sallaxley oo la dhagax dhigay

$
0
0

Ceel Biyood laga hirgalinayo Sallaxley oo la Dhagax Dhigay

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirrada wasaaradaha biyaha iyo caafimaadka iyo qorshaynta Qaranka, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xasan Cali Maxamed Gaafaadhi iyo Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa si wada jira u dhagax dhigey ceel biyood cusub oo laga hirgelinayo degmada Sallaxley.

Munaasibadii dhagax dhiga ceel biyoodkan waxa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka beeraha, maareeyaha hay’adda madaarada, guddoomiye ku xigeenka guddida qandaraasyada, masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo degmada Sallaxley ee gobolka Maroodijeex.
Ceel biyoodkan cusub ayaa loogu talo galay in lagu xoojiyo biyo balaadhinta degmada Sallaxley, waxaanu wax weyn ka tari doona adeeg bixinta biyood ee degmada Sallaxley.

Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland ayaa sheegay in ceelasha biyuhu ka dhibaato badan yihiin dhaamamka, waxaa uu intaas ku daray in hawdku dhib badan yahay biyaha meelaha kale laga helo, isaga oo hoosta ka xariiqay in qalabka wasaaraddu haysato iyo kuwa gaarka loo leeyahayba aanay dhulka hawdka ah qodi karin, waxa uu intaas raaciyay in wax la qabtay waxna soo socdaan, waxa uu tilmaamay in sharaf iyo karaamo ay u tahay in wixii uu ka qabto degmada Sallaxley ee la xidhiidha horumarinta adeegbixinta biyaha.

Gaba-gabadii madaxdii iyo masuuliyiintii kala duwana ee ka hadlay munaasibada dhagax dhiga Ceel biyoodka ayaa xukuumadda ku ammaanay dadaalka ay markasta ugu jirto sidii ay bulshadu biyo ku filan u heli lahayd.

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live