Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

cudurka Baabasiirka iyo sida loo daweyn karo

$
0
0

Baabasiirka waa cudur ku dhaca dad badan oo Soomaali ah, sababaha ugu weyn ee ka dhasha cudurkan waa isbaddallada dhanka cuntada iyo qaab nololeedka qofka.

Cudurkan oo saameyn ku haya dunida oo dhan, tusaale ahaan boqolkiiba 50 shacabka Hindiya waxay la daalaa dhacayaan baabasiirka, sida laga soo xigtay waaxda qaran ee diiwaanka arrimaha dawoooyinka.

Dr. Vani Vijay oo ah khabiir ku takhasustay cudurka babaasiirka ayaa BBC-da uga jawaabtay su’aalaha ku gadaaman cudurkan.

Maxaa sababaa baabasiirka?

Marka ay bararaan xiddidada dhiigga ee u dhaw qofka halka uu ka saxaroodo, markaa waxaa cadaadis xad-dhaaf ah la saaraa qulqulka dhiigga ee xiddidadaas, bararka ayaa ku bilaabmaya halkaas, waxaana jira sababo badan oo keena bararka xididdada dhiigga.

Xiddiddadan ayaa ah kuwa aad mashquul badan marka uu qofka saxaroonayo, waxaa laga yaabaa in qofka uu musqusha ku daaho, calool-istaag ayaa ka dhashaa arrintani, sidoo kale dadka qaar waxay isku arki karaan shuban joogto ah, miisaanka qofka oo korodho, qofka in uu iska yareeyo cabidda biyaha badan.

Waa waxyaabo si xoojiyo baabasiirka, Dumarka waxay aad ugu nugul yihiin calool-istaagga iyo baabasiirka xilliga ay uurka leeyihiin.

.

Qeybaha kala duwan ee baabasiirka

Cudurka baabasirka wuxuu ku dhacaa gudaha iyo dibaddahalka laga saxaroodo, qofka ay si daran u saameyso walaac xoogan ayuu kala kulmaa.

Mararka qaar waxaa dhacda in dibadda uu u soo baxo, wuxuuna qofka dareemayaa cuncun iyo dhiig-bax.

Dadka qaar uu ku dhaca cudurkan xiddidada dhiiga qaado ee goobta laga saxaroodo ayaa barara, waxaana laga yabaa in uu ku sameyso xijirowga dhiigga.

Dadka uu ku dhaco Baabasiirka

Cudurkaan wuxuu ku dhici karaa qof kasta. Laakiin wuxuu ku badan yahay dadka da’doodu u dhexeyso 20 ilaa 50.

Dadka ay da’doodu u dhaxayso 40’s iyo 70’s ee la kulma calool-istaagga ayaa qarka u saaran in uu ku dhaco baabasiirka.

Cudurkaan aad uguma badna caruurta, waana mid ka dhasha hab-nololeedka qofka gaar ahaan isbaddalka dhanka cunto cunista.

Talooyinka dhanka cuntada dadka qaba Baabasiirka

Dadka uu ku dhacay baabasiirka waa inay isbaddal ku sameeyaan cuntooyinka gaar ahaan marka uu cudurka ku hor leeyahay.

Qofka waa in uu iska ilaaliyaa burka iyo cuntooyinka lasoo warshadeeyay, waa in qofka uu raaca talooyinka caafimaad si xaaladdiisa uu uga war qabo.

Ma la daweyn karaa baabasiirka?

Qofka isaga ayaa iska daweyn kara baabasiirka gaar ahaan marka uu ku hor leeyahay, wuxuuna cuni karaa khudaarta iyo caleenta cagaaran.

.

Qofka goormaa ayuu qalliin isku sameyn karaa?

Haddii ay kasii darto xaaladda qof uu ku dhacay cudurka baabasiirka xitaa ka dib marka uu wax ka baddalo cuntooyinka iyo qaadashada daawooyinka uu dhakhtarka qoray, waa in la sameeyaa qaliin.

Sidee loo daweyn karaa?

Marka uu qofka ku hor leeyahay cudurka, waxaa qofka la siin karaa dawooyin iyo qofka uu isbaddal ku sameeyo cuntooyinka uu qaato.

Laakiin mararka qaarkood, qalliin ayaa ah xalka kaliya ee lagu daweyn karo qof uu ku weynaado baabasiirka, Haddii baabasiirka aad qabto muddo dheer, way adkaanaysaa inaad saxarooto isla markaana aad kursi ku fadhiiso maalin kasta.

Dhiigbaxa iyo sidoo kale buro hilib leh ee qaybta saxara mareenka ka sameysanto waa saameynta ka dhalata cudurkan, Xaaladdan oo kale, qofka waa in la marsiiyaa qalliin, markaa kadib waa in qofka uu la socdo cuntooyinka uu qaadanayo iyo hab nololeedkiisa.

bbcsomali


Itoobiya oo 30% badeecadeeda u wareejinaysa dekedda Berbera ee Somaliland

$
0
0

Itoobiya oo 30% badeecadeeda u wareejinaysa dekedda Berbera ee Somaliland

Hargeisa, (Qaran news)-Itoobiya waxay doonaysaa inay 30% badeecadeeda u weeciso dekedda Berbera ee Somaliland, sida uu sheegay maamulaha dekedaha Somaliland.

Siciid Xasan Cabdulehi, Maareeyaha Guud ee Maamulka Dekedaha Somaliland, ayaa faah faahin ka bixiyay heshiis dhawaan u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland oo ku saabsan isticmaalka dekedaha. Wuxuu yidhi “Itoobiya waa jaarkeena. Waxaan rabnaa inaan ganacsi la sameyno. Waxaan hadda diyaarineynaa heshiiska isticmaalka dekedda ama heshiiska gaadiidka. Marka aan saxiixno heshiiska, waxaan maamuli doonnaa 30% xamuulka Itoobiya sanadka ugu horreeya.

Waxaa la sheegay in dawladda Somaliland ay qorsheynayso in 30% shixnadaha Itoobiya ee ka soo dega dekedda Berbera ay maamusho shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta iyo dowladda Somaliland. Sidaas awgeed waa in heshiis ku saabsan isticmaalka dekedda iyo nidaamka kastamka ay wada saxeexdaan Itoobiya iyo Somaliland.

Sida ay sheegay maamulka dekedaha Somaliland, heshiiskan ayaa gaadhay heerkiisii ​​ugu dambeeyay, waxaana la saxeexi doonaa lixdan cisho ee soo socda. “Heshiiska wuu socdaa, waxaana ka wada hadlaynaa hal ama laba qodob oo hadhay. Waxa laga yaabaa inay dhammaato lixdan cisho ee soo socda, lixdan cisho ka bacdina waanu saxeexi doonaa” ayuu yidhi madaxa dekedaha Somaliland.

Bilawgii sanadkan ayay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah oo ay Soomaaliya ka soo horjeedo. Is-afgaradku waxa uu ahaa in Itoobiya ay si weyn u gasho badda iyada oo la sii marayo Somaliland. Itoobiya waxay Somaliland ka dhisan lahayd saldhig ciidan, waxna ka soo dejisato, waxna ka dhoofsato dekedda Somaliland. Taa beddelkeeda Itoobiya waxay u aqoonsan lahayd Somaliland waddan, waxayna siin lahayd qayb ka mid ah dakhliga ay soo saarto shirkad ganacsi oo Itoobiyaan ah.

Tan iyo maalintii 1-aad, Soomaaliya waxa ay ka soo horjeeday heshiiska is-afgaradka ah, iyadoo ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Somaliland weli dal ahaan looma aqoonsan. Caalamkuna waa loo aqoonsan yahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

Arrinta xiisaha lihi waxay ahayd markii 2018-kii uu bilaabmay dhismaha dekedda Berbera, Itoobiya oo ay weheliso DP World iyo dawladda Somaliland ay saami ku leeyihiin. Laakin waxa ay sharaf kari wayday ballan qaadkeedii dhaqaale iyo saamigii dekedda ee luntay.

Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn, ayaa badeecadeeda ku tiirsan oo keliya dekedaha Jabuuti. Balse tan iyo sanadkii hore, dowladda Itoobiya ayaa si cad u sheegtay in ay kala duwanaan doonto isticmaalka dekedda.

Itoobiya ayaa la filayaa inay bilawdo isticmaalka dekedda Lamu ee Kenya sanadkan. Wafdi sare oo ka socda Itoobiya ayaa booqday dekedda Lamu sanadkan. Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay canshuur dhimis ah siineyso dowladda Itoobiya. Akhri wax dheeraad ah..

Dhaqaalaha Jabuuti waxa uu si weyn ugu tiirsan yahay tacriifadaha dekedaha ee laga keeno shixnadaha Itoobiya. Ku wareejinta shixnadaha Itoobiya ee dekedaha Somaliland iyo Kenya ayaa lagu wadaa inay saameyn ku yeelato dhaqaalaha Jabuuti.

Myviewsonnews

Maxay tahay cabsida iyo walaaca la soo gudboonaaday madaxda Israa’iil?

$
0
0

Saraakiisha Israel ayaa si isa soo taraysa uga walaacsan in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay qorsheynayso inay u jarto warqad lagu soo xirayo hoggaamiyeyaashooda militariga iyo kuwa siyaasada ee lagu eedeeyay dambiyo dagaal.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu ka mid yahay.

Maxkamada ICC oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa sadexdii sano ee la soo dhaafay baaritaan ku waday falalka ay Israel ka waday dhulka ay heysto iyo waliba sidoo kale falkii ay Xamaas gaysteen.

Waxay awood u leedahay maxakamadda inay dacwad ku soo oogto oo ay xukunto shaqsiyaadka dambiyada culus gaystay sida uu qabo sharciga caalamiga ah.

Waxay hore u soo saartay amarro lagu soo xirayo hoggaamiyeyaal ay ka mid yihiin Vladimir Putin, Liibiya Mucamar Al Qadaafi, iyo dagaal-oogaha reer Uganda Joseph Kony.

Mr Netanyahu ayaa ku eedeeyay maxkamada ICC inay isku dayeyso inay curyaamiso awooda Israel ay isku difaacdo.

Hadalkiisa ayaa muujinaya in arrintan ay madaxda Israa’iil ay si hoose uga wadahadleen.

Inkastoo ICC aysan xaqiijin sheegashada Israa’iil, haddana markii dacwad oogaha guud Karim Khan uu booqday Israa’iil iyo Daanta Galbeed bishii December ee la soo dhaafay farriintiisu waxay ahayd mid cad.

Qareen u dhashay Britain ayaa booqday goobaha ay Xamaas weerartay ee tuulooyinka Israa’iil ee u dhow xayndaabka Qaza, halkaasoo dagaalyahannada Xamaas ay weerareen 7-dii Oktoobar.

Waxa uu sidoo kale la kulmay hoggaamiyeyaasha siyaasadda, wuxuuna u safray Ramallah si uu ula hadlo qoysaska dhibanayaasha Falastiiniyiinta wixii ay kala kulmeen Gaza iyo Daanta Galbeed. Waxaa uu cambaareeyay rabshadaha ay geysteen dadka rayidka ah ee labada dhinac, wuxuuna ballan qaaday in uu baaritaan ku sameyn doono.

.

“Dhammaan dhinacyadu waa inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada,” ayuu yiri hadal uu soo saaray xilligaas. “Haddii aadan samayn, ha caban marka xafiiskaygu uu shaqadiisa qabsado.”

Mr. Khan ayaa sheegay in weeraradii 7-dii Octobar, oo rag hubaysan oo Xamaas ka tirsan ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof oo u badnaa dad rayid ah, ayna ku qafaasheen 253 qof, sida laga soo xigtay warbixinnada Israa’iil, ay ka dhigan yihiin “Qaar ka mid ah dambiyada caalamiga ah ee ugu waaweyn.

Arrinka Israa’iil, welwelkiisu wuxuu ahaa laba arrimood. Waxa uu carabka ku adkeeyay in ay waajib ku tahay in uu howlgalkooda milatari ee Gaza ay u fuliyaan si waafaqsan “sharciga lagu maamulo iskahorimaadyada hubeysan”.

Israa’iil ayaa lagu eedeeyay in ay ku guul darreysatay in ay si ku filan u difaacdo dadka rayidka ah muddada bilaha ah ee ay ku jirtay ololaha duqeymaha, inkastoo ay ku adkeysaneyso in ay qaadayso dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga fogaado khasaaraha.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in in ka badan 34,500 oo qof lagu dilay halkaas tan iyo markii uu dagaalku billowday, kuwaas oo u badan carruur.

Burbur

Israa’iil xubin kama aha ICC waxayna sheegtay in maxkamaddu aysan awood u lahayn. Laakiin maxkamada ayaa xukuntay in tan iyo 2015 ay awood u leedahay Daanta Galbeed, Bariga Quddus iyo Gaza ka dib markii Falastiiniyiintu ay u ansixiyeen heshiiskii aasaaska ee Rome Treaty.

Israa’iil waxay walaac ka qabtaa in haddii la soo saaro warqad lagu soo xirayo hogaamiyayaasheeda ay la kulanto takoor iyo cambaareyn.

Bishii Janaayo, maxkamaddu ICC waxay soo saartay go’aan ku meel gaar ah oo ku amaraya Israa’iil inay qaado tillaabooyin looga hortagayo xasuuqa Gaza, laakiin waxay ka gaabsatay inay u sheegto inay soo afjarto weerarka millatari.

Michael Oren ayaa ahaa danjiraha Israa’iil ee Maraykanka intii u dhaxaysay 2009 iyo 2013. Waxa uu tilmaamayaa kiis ay Koonfur Afrika dhawaan u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), taasoo ku eedaysay Israa’iil inay xasuuq u geysatay shacabka reer Falastiin ee Gaza, eedaymo adag.

Dhammaan eedeymahan Israa’iil way beenisay

bbcsomali

Warqada ay ciidamada qaranku beeniyeen isla markaana ay raali galinta ka bixiyeen

$
0
0

Hargeysa,(Qaran news)- Afhayeenka ciidanka qaranku waxa uu maanta beeniyay warrqdan hoos taala oo ku qornayd Ingriisi isla warqdaasina oo English-kii ahna hoos ka akhriso
Afhayeenka ciidanka u hadlay waxa uu beeniyay in ay warqdaasi ay ka soo baxday oo ay qoreen madaxda ciidanka qaranka oo cid ku saxeexani ayna jirin.
Waxa uu hadana raali galin ka bixiyay warqdaasi oo si qaldan bogooda u gashay, isla markaasna ay xidheen qofkii galiyey talaabo sharciga waafaqsana laga qaadaayo.

Waxa uu raali galin buuxda siiyay xisbiyada mucaaridka Somaliland sidoo kale waxa uu raali galin siiyay cid kasta oo dhibstay.

Waana tan warqda uu raali galinta ka bixinayaa ee akhri wanaagsan.

Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya: Waxay ka qayb qaadanaysaa xasilooni darada Somaliland.

Beesha caalamka oo ay ku jiraan dawladda Maraykanka, UK, EU, dawladaha Khaliijka Carabta, UN-ta iyo hay’ado kale—ayaa ka qayb qaatay arrimo dhawr ah oo ka dhacay Soomaaliya iyo Somaliland kuwaas oo horseeday xasillooni-darro gobolka. Tusaale ahaan waxaa inoogu filan colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka bari ee Somaliland una dhow Puntland. Waxa kale oo jirta in beesha caalamku ka gaabisay inay ka hadlaan arrimaha taagan ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, taasoo sii kordhisay muranka ka taagan maamulka hawada ee ay wadaagaan labada dal oo uu ka mid yahay dakhliga ka soo xarooda. In kasta oo lagu heshiiyey in Somaliland iyo Soomaaliyaba ay wadaagaan dakhliga ka soo xarooda hawada, Soomaaliyana weligeed qayb ka mid ah dakhligaas uma qaybin Somaliland, taas oo sii xumaysay xidhiidhkii iyo xasillooni darrada gobolka.

14-kii sano ee la soo dhaafay, madaxweynayaashii kala dambeeyay ee Soomaaliya waxay samaysteen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyagoo qorista iyo tababarida maleeshiyo beeleedyada. Ciidamadan ayaa loo adeegsan jiray caburinta ama la dagaalanka qabiilada ama qabaa’ilka iska soo horjeeda, sida ka muuqata Jubaland iyo Koonfurta Soomaaliya.

Dagaalkii Lascanod, askartii Soomaaliya ee ay soo tababartay Eritereeya iyo dawladda Maraykanku waxay la dagaalameen ciidamada Somaliland. Lascanod waxa ay ahayd magaalo nabdoon, inkasta oo bulshada deegaanku ay ka cabanayeen Somaliland, haddana xaaladdu waxa ay ahayd mid deggan. Si kastaba ha ahaatee magaalada Laascanod ayaa maanta noqotay magaalo ay ka howlgalaan kooxaha argagixisada ah, waxaana ku dagaalamaya maleeshiyo beeleed. Xukuumadda Somaliland ayaa ciidankeeda kala baxday, iyadoo ay meesha ka baxday awood la’aan taasoo sii kordhisay qalalaasaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii u dhaxeysay 2012-kii ilaa 2017-kii waxa uu soo xulay ciidamo ka soo kala jeeda qabaa’il kala duwan oo u badan qabiilada Hawiye, qaarna ay ka soo jeedaan qabaa’il kale, waxaana tababaro siinayay Turkiga, Mareykanka iyo Uganda. Ciidamadan ayaa markii dambe loo daabulay inay la dagaalamaan qabiilka Biyomaal ee ku sugan magaalada Marka, dagaalkaas oo salka ku haya muran ku saabsan dhul beereed.

2017 ilaa 2022 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ciidamo ka tirsan beeshiisa oo uu tababaro ku soo qaatay dalalka Eritrea, USA iyo Turkiga, ujeedkiisuna ahaa in la geeyo Somaliland oo aan la dagaalamin kooxaha argagixisada ah. Isbeddelkan diiradda lagu saaray ayaa horseeday xasillooni darro weyn oo ka jirta Somaliland, iyada oo iska hor-imaadyo hubaysan ay ka dhaceen magaalada Lascanod— gobolkaas oo nabad ku naaloonayey 32 sano. Taageerada beesha caalamka ee loogu talo galay in lagula dagaalamo argagixisada Soomaaliya ayaa taas bedelkeeda loo weeciyey colaado ka dhan ah Somaliland ama mucaaradad siyaasadeed oo Muqdisho ka dhaca.

Isla ciidamadan ayaa sidoo kale magaalada Muqdisho loogu adeegsan jiray caburinta mucaaradka siyaasadeed, iyadoo la arkayay markii ay socdeen dibadbaxyo markii madaxweyne Farmaajo uu diiday in doorasho ka dhacdo Soomaaliya. Ku-takri-falka deeqaha iyo agabka caalamiga ah ayaa walaac ka muujiyay cawaaqib xumada mustaqbalka fog ee ka dhalan karta in la tababaro maleeshiyo beeleedyo, gaar ahaan maadaama loo soo celiyay colaado siyaasadeed iyo kuwo dhuleed halkii ay la dagaalami lahaayeen argagixisada.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in beesha caalamku ay si dadban awood ugu siiso maleeshiyo beeleedyada ku sugan gudaha Soomaaliya inay la dagaalamaan Somaliland, taasoo keeni karta xasillooni darro baahsan oo gobolka ka dhacda.

Mala-awaal ahaan, haddii ay Somaliland khal-khal gasho, waxaa dhici karta in kharashka ku baxa dib u soo celinta xasiloonida uu noqon karo mid aad u badan, marka la eego joogitaanka Xuutiyiinta Yemen, kooxaha argagixisada ah ee fadhigoodu yahay Puntland iyo budhcad-badeed doonaya inay saldhigyo ka samaystaan ​​Somaliland.

Aqoonyahano,Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano badan oo reer Somaliland ah ayaa aaminsan in taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya ay keeni karto colaad ka sii weyn haddii ay Soomaaliya weerar ku soo qaado Somaliland. Colaadda dhawaan ka dhacday Lascanod waa calaamad murugo leh, iyadoo askar Soomaaliya lagu soo tababaray Ereteriya iyo dawladda Maraykanku ay argagixisadu ka barbar dagaalamayaan si ay Somaliland u khalkhal geliso.

Doodda ka socota waddooyinka Somaliland ayaa ku saabsan in la sii wado ku tiirsanaanta taageerada dalalka Khaliijka Carabta iyo reer galbeedka ama in loo soo jeesto sidii ay u taageeri lahaayeen waddamo kale sida Ruushka, Iiraan iyo Shiinaha. Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ah mid reer galbeedka ah, waxaanay xidhiidh la leedahay dalalka Khaliijka Carabta. Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa wax iska bedeli karta haddii xisbiga mucaaradka ahi uu talada dalka ku guulaysto oo uu doonayo inuu la safto Shiinaha oo ay suurtogal tahay inuu saldhig milateri ka siiyo Somaliland. Si taas looga hortago waa in dalalka Khaliijka Carabta iyo Galbeedka ay kasbadaan quluubta shacabka Somaliland inta ay goori goor tahay.

Marka la soo koobo

Taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya oo ay ku jiraan mucaawinooyinka ka imanaya Maraykanka, UK, EU, dawladaha Khaliijka Carabta iyo UN-ta ayaa si aan ku talagal ahayn uga qaybqaatay xasilooni darada Somaliland. Inkastoo gargaarka loogu talagalay in lagula dagaalamo argagixisada laguna hormariyo nabadda Soomaaliya, madaxweynayaashii kala dambeeyay ee Soomaaliya waxay u isticmaali jireen inay ku tababaraan maleeshiyo beeleedyo dano gaar ah ama qabiil. Dib-u-hagaajinta kheyraadka ayaa sii hurisay colaado la mid ah kii ka dhacay Lascanod, halkaasoo ciidamada Soomaaliya ay tababareen ay kula dagaalameen ciidamada Somaliland. Halkii laga xasilin lahaa gobolka, falalkani waxay horseedeen rabshado kordhay, cabudhinta mucaaradka, iyo welwelka sii kordhaya ee xasilloonida gobolka oo ballaaran. Xaaladdu waxay Somaliland ka dhalisay doodo ku saabsan inay ku sii tiirsanaan doonaan taageerada reer galbeedka ama inay xulafaysi la raadiyaan quwadaha kale ee caalamka sida Ruushka ama Shiinaha. Doorka beesha caalamka ee khalkhal galintan ayaa keeni karta cawaaqib xumo hadii aan wax laga qaban.

English version

International Support for Somalia: Contributing to Instability in Somaliland.

The international community—including the US Government, UK, EU, Arab Gulf states, the UN, and other agencies—has contributed to several issues in Somalia and Somaliland that have led to regional instability. A significant example is the conflict in Lascanod, a city in the eastern region of Somaliland near Puntland. Additionally, the international community’s failure to address the ongoing issues between Somaliland and Somalia has exacerbated disputes over control of the airspace shared by both countries, including revenue generated from it. Despite agreement that both Somaliland and Somalia share the revenue gained from the air space.Somalia has never distributed any portion of this revenue to Somaliland, further straining relations and contributing to regional instability.

Over the past 14 years, successive Somalia presidents have formed the Somalia National Army by recruiting and training clan-based militias. These forces have been used to oppress or fight against opposing clans or tribes, as seen in Jubaland and South Somalia.

In the Lascanod conflict, Somalia soldiers trained by Eritrea, and the US government fought against Somaliland forces. Lascanod had been a peaceful city, and even though the local community had some grievances against Somaliland, the situation was relatively stable. Today, however, Lascanod has become a city where terrorist groups operate, and tribal militias are fighting over control. The Somaliland government has withdrawn its army, leaving a power vacuum that has escalated the chaos.

From 2012 to 2017, President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia selected soldiers from various clans, predominantly from the Hawiye tribe, with some from other tribes, for training by Turkey, the USA and Uganda. These soldiers were later deployed to fight against the Biyomaal tribe in Marka, a conflict rooted in disputes over agricultural land.

From 2017 to 2022, former Somalia President Mohamed Abdullahi Farmajo recruited soldiers from his clan for training in Eritrea, the USA, and Turkey, with the intention of deploying them against Somaliland and not against terrorist groups. This shift in focus has led to significant destabilization in Somaliland, with armed confrontations in Lascanod—a region that had enjoyed relative peace for 32 years. The support from the international community intended to combat terrorism in Somalia has instead been redirected to conflicts against Somaliland or political opposition in Mogadishu.

The same forces have also been used in Mogadishu to suppress political opposition, as seen during protests when President Farmajo refused to hold elections in Somalia. This misuse of international aid and resources has raised concerns about the long-term consequences of training clan-based militias, especially as they have been repurposed for political and territorial conflicts rather than combating terrorism.

The irony is that the international community is indirectly empowering tribal militias within Somalia to fight against each other and against Somaliland, which could lead to wider regional instability.

Hypothetically, if Somaliland becomes destabilized, the cost of restoring stability could be high, given the presence of the Houthis in Yemen, terrorist groups who are based in Puntland, and pirates seeking to establish bases in Somaliland.

Many scholars, politicians, and academics in Somaliland believe the international community’s support for Somalia could lead to a larger conflict if Somalia were to attack Somaliland. The recent conflict in Lascanod is a troubling sign, with Somalia soldiers trained in Eritrea and by the US gov fighting alongside terrorists to destabilize Somaliland.

The debate in Somaliland’s streets revolves around whether to continue relying on support from Western and Arab Gulf countries or to turn towards other nations like Russia, Iran, and China for backing. The current Somaliland government, led by President Musa Bihi, is pro-Western and has ties to Arab Gulf countries. However, this could change if the opposition party gains power and seeks to align with China, possibly offering them a military base in Somaliland. To prevent this, Western and Arab Gulf countries must win the hearts and minds of the people of Somaliland before it’s too late.

In Summary

International support for Somalia, including aid from the US, UK, EU, Arab Gulf states, and the UN, has inadvertently contributed to instability in Somaliland. Although aid was intended to combat terrorism and promote peace in Somalia, successive Somalia presidents have used it to train clan-based militias for personal or tribal gain. This redirection of resources has fueled conflicts like the one in Lascanod, where Somalia-trained forces fought against Somaliland troops. Instead of stabilizing the region, these actions have led to increased violence, repression of opposition, and growing concerns about wider regional instability. The situation has raised debates in Somaliland about whether to continue relying on Western support or seek alliances with other global powers like Russia or China. The international community’s role in this destabilization could have far-reaching consequences if left unchecked.

441429179_307881405741502_4417798151647596377_n

Daawo Xisbiga Kulmiye waxa uu yaqaanaa in uu dadka Naxli isu galiyo

The Port as an Ongoing Agenda and Political Tensions between Ethiopia and Somalia

$
0
0

The Port as an Ongoing Agenda and Political Tensions between Ethiopia and Somalia
Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed stated on October 13, 2023, that his landlocked country has the right to demand maritime access to a Red Sea port from its neighbors through diplomatic efforts or in

After the 2018 internal political reform, Ethiopia has been facing political disorder. From 2020 to 2022, the federal government of Ethiopia was at war with the Tigray People’s Liberation Front (TPLF) after announcing the TPLF’s militant attack on the federal military base in the north. In the National Regional State of Oromia, the Federal Government of Ethiopia has been also at war with the Oromo Liberation Front (OLF).

Since 2018, members of the OLF and Oromo irredentists have been committing ethnic cleansing and genocide on the Amhara ethnic group and fellow Orthodox Christians who have been considered settlers and members of the colonial ruling elites. Since August 2023, the Federal Government of Ethiopia has been at war with an unorganized but paramilitary group, Fano, in Amhara National Regional State. In this condition, the country has been in economic complication. There has been corruption, overgrowing poverty, unemployment, and a high inflation rate.

However, without prioritizing solving the country’s complex problem as part of his main political agenda, Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed stated on October 13, 2023, that his landlocked country has the right to demand maritime access to a Red Sea port from its neighbors through diplomatic efforts or in force.

In fact, this essay argues that Abiy brought up the port issue owing to the following cases:

Abiy dealt with port politics as a result of agenda-setting to deflect attention from domestic political squabbling. He was interested in regaining public support, which he has been missing since his failed future promise of creating a safe political landscape in the country. In addition, Abiy saw the port politics as sabotage for rebel groups since the port politics were seen as a means to mobilize people on the side of Abiy’s administration against the rebel groups.
The UAE has been ambitious to establish a foothold in ports along the Red Sea and push Abiy to make a deal with Somaliland.
Once Abiy’s administration acknowledges that the government cannot manage Eurobond issues, it could bring up the port’s agenda topic. Hence, obtaining a port can help Abiy Ahmed’s administration support its financial position and reduce the currency cost of importing products.
Accordingly, to forth the port agenda, Prime Minister Abiy Ahmed attempted to use a carrot strategy to persuade President Isayas Afeworki to put forward an interest in port, which boosted Eritrea’s level of anxiety and spurred Isayas to escalate his campaign against Ethiopia by coordinating other Horn countries, which eventually prompted Abiy to look for alternative routes to reach port.

As the best alternative, Abiy focused on Somaliland. Abiy’s ambition has been given precedence over the de facto state of Somaliland, although Somalia views Somaliland as a part of its territory. During a civil conflict in the south of the country in 1991, Somaliland declared its autonomy from Somalia and has governed autonomously ever since. However, neither the AU nor the UN recognizes Somaliland as a separate political entity.

Knowing this, Abiy made a landmark pact with Muse Bihi Abdi, president of Somaliland, on January 1, 2024, to lease 20 km around the port of Berbera, with access to the Red Sea, for 50 years for its navy after recognizing Somaliland as an independent nation-state. After this, backers of Abiy Ahmed hailed it as a significant diplomatic achievement; Prime Minister Abiy Ahmed even posted on X that “all that can be said is thank God” without realizing the agreement’s diplomatic shortcomings.

Thereby, this agreement has drawn strong criticism from around the world and enraged Somalia, which has referred to the action as an act of hostility. Several countries, notably the United States of America, have denounced Ethiopia’s action by citing the African Charter and the 1960 territories of the sovereign state of the Republic of Somalia.

Somaliland is a vital element of Somalia’s territory. Any action that could lead to an agreement with any country without Mogadishu’s consent is an infringement on sovereignty and might hamper peace and stability. Subsequently, Somalia—which considers Somaliland to be a part of its territory—called in its envoy to Ethiopia to discuss the deal.

Somalia’s president, Hassan Sheikh Mohamud, signed a bill on January 7, 2024, nullifying a preliminary agreement for Somaliland that would have allowed landlocked Ethiopia port access to Somaliland’s coast, considering the agreement a serious threat to the sovereignty of Somalia. In addition, on April 4, 2024, Somalia was expelling Ethiopia’s ambassador, closing two Ethiopian consulates, and recalling its own ambassador to Addis Ababa. On March 5, 2024, Somalia’s government rejected an offer by Kenya’s President William Ruto to mediate with Ethiopia over a sea access deal.

Hence, regarding the portal agreement with Somaliland, the Ethiopian government has not issued any official statements of regret after Somalia shows its complaints in various ways. Following this, the elites in Somalia have begun to take this kind of action seriously. Elites in Somalia have been pressuring the Ethiopian government to issue a formal declaration, arguing that the agreement on the port was unlawful and that it threatened Somalia’s sovereignty.

Nevertheless, the Ethiopian government has been preferring silence and has been inviting the de facto states of Somaliland and Somalia Puntland to visit Ethiopia. It has also been engaging in hidden diplomatic negotiations with Somaliland and Somalia Puntland leaders.

Political tension arises between Ethiopia and Somalia as a result. Somalia, the OLF, and the Fano Force will have the chance to set up a military network throughout the Horn of Africa if the matter cannot be closed here. Other Horn of Africa countries, which are irritated by Abiy Ahmed’s obstinate diplomatic maneuvers, will favor Somalia and supply military supplies to OLF and Fano. Conflicts in the Horn of Africa will then intensify as a result.

Elites in Somalia intend to promote the ethnic conflict between Ethiopian Somalis and Oromo. Given that a significant portion of Ethiopia’s population speaks Somali, Somalia’s elites will spread the notion that all Somali speakers should unite in solidarity with the establishment of a great Somalia by merging Ethiopian-Somali with great Somalia and expanding the country’s borders all the way to Oromia, Ethiopia. This will spark a protracted clash between the Oromo and Somali ethnic groups.

In conclusion, Ethiopia’s landlocked agreement with Somaliland could negatively impact regional security dynamics and cannot pave the way for sea access. Ethiopia’s relations with other countries in the Horn of Africa, particularly with Somalia, will be affected by the port deal with Somaliland.

Ways out

Ethiopia and Somalia are two weak states that have been struggling with their home politics and economic crises. Ethiopia has been facing fragility. Somalia remains on the list of states that have failed. In this situation, the conflict—or proxy conflict—that they will experience will be detrimental to them both.

Therefore, Ethiopia should first issue an official repentance to open the political tensions for discussion. After then, there must be talks, negotiations, and dialogue between the two countries. As usual, agreements on joint security, commercial ties, and Ethiopia’s right to utilize ports in accordance with international law must be reached between Somalia and Ethiopia.

Agenagn Kebede

Source Moderndiplomacy.

Duufaano ku soo waajahan dalka Kii iya oo laga digay

$
0
0

Kenya waxaa laga yaabaa inay wajahdo duufaantii ugu horreysay abid,” madaxweyne William Ruto ayaa sidaas u sheegay muwaadiniinta isagoo khudbad heer qaran ah u jeediyay dalkaas, iyadoo dalka uu la daalaa dhacayo fatahaado ay dad badan ku dhinteen iyo dhul go’ kuwaas oo saameeyay boqollaal kun oo qof.

Saraakiisha ayaa ku qiyaasay in ka badan 200 oo qof in ay ku dhinteen Kenya tan iyo bishii March, iyadoo 90 kalena la la’yahay. 155 qof oo kale ayaa ku dhintay Tanzania, halka 29 qof ay ku dhinteen Burundi ah.

Madaxweynaha Kenya oo Jimcihii hadlay ayaa sheegay in aysan jirin meel ka mid ah dalka oo ka badbaadiyay “burburka”, wuxuuna ka digay in xaaladda la filayo inay ka sii darto maalmaha soo socda, iyadoo la filay cimillo aad u daran.

“Duufaantan oo lagu magacaabo Hidaaya, waxay dhici kartaa wakhti kasta, waxaana la saadaalinayaa inay sababi karto roobab mahiigaan ah, dabaylo iyo mowjado xooggan oo khatar ah kuwaasoo laga yaabo inay carqaladeeyaan dhaqdhaqaaqyada badda ee Badweynta Hindiya iyo deegaannada ku teedsan xeebaha Kenya,” ayuu yiri.

“Dalkeennu waa in uu si adag oo degdeg ah uga jawaaaabaa saameeynta dhibaatada ka dhalan karta , lana ilaaliyaa nafta iyo hantida.”

Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan dugsiyada la xiro muddo aan la cayimin ka dib roobabkii lixaadka lahaa ee dalkaasi ka da’ay.

Saadiq Khaan oo markii sadexaad ku guulaysta Mayarka London

$
0
0

Duqa magaalada London, Sadiq Khan, ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee abid ku guulaysta markii saddexaad ee xafiiska London, mid ka mida magaalooyinka leh taariikhda qadiimigaa ee caalamka.

Khan ayaa ka guuleystay musharaxa xisbiga Conservative-ka Susan Hall. Laakiin ra’yi aruurintii doorashada ka hor ayaa u muuqatay in Khan dhibco yar ka horeeyey ninka ay loolamayeen ee xisbiga Conservative, balse waxay u muuqataa in xisbigiisa Shaqaalaha iyo dadka reer London-ba ay isaga doorteen.

Sida laga soo xigtay guddiga doorashooyinka London, oo maamula doorashooyinka duqa magaalada iyo golaha deegaanka London, tirada codbixiyayaasha ayaa hoos u dhacday 1.5% kaliya marka loo eego 2021, oo ahayd ilaa 40.5%.

Kooxda Khan ayaa kalsooni ku qabtey in ay ku guuleysan doonaan tartanka kadib markii xisbiga shaqaalaha uu ku guuleystey doorashada gobolada Waqooyi-Bari iyo Galbeedka-Bartamaha ee magaalada London, in ka badan laba saacadood ka hor inta aan natiijada kama dambaysta ah lagu dhawaaqin.

Ballanqaadyadiisii ahaa caasimad “ammaan, cadaalad iyo cagaar ah” ayaa soo saaray taageerayaashiisa wuxuuna sidoo kale u muuqdaa inuu ku guuleystey inuu ku qanciyo cod-bixiyayaasha xisbiyada Green iyo Liberal Democrat inay ” amaahiyaan” taageeradooda inuu markale noqdo duqa magaalada iyagoo u codeynaya doorashooyinkooda caadiga ah ee London.

Sidoo kale guusha Khan, ayaa neefka ka soo saartay xisbiga shaqalaaha ka dib markii ninkan uu difaacday rikoorkiisa wanaagsan. Ballanqaadyada kale waxaa ka mid ah in Mr Khan uu soo bandhigay ballan qaad cusub oo ah in uu dhiso 40,000 oo guryo cusub ah dhammaadka tobanka sano – ogow, ma aha dhammaadka muddada afarta sano ah ee duqa magaalada.

Sadiq Khan

2016, Sadiq Khan ayaa u tartamay inuu noqdo duqa magaalada London, waxaana uu helay 57% codadkii la dhiibtay. Wuxuu noqday duqii ugu horeeyay ee Muslim ah ee London ee ka soo jeeda qawmiyadkii ugu horeeyay ee laga tirada badan yahay.

Sadiq Khan, ayaa mar kale loo doortay duqa London doorashadii ku celiska ahayd sanadkii 2021-kii isagoo ka adkaaday musharraxa Konserfatifka Shaun Bailey.

Mar kale sanadkan 2024, Sadiq Khan, ayaa dhigay rikoor an hore qof isaga oo kale ah ka dhigin London isagoo markii saddexaad oo xiriir ah ku guulastay doorashadii ka dhacday London.

Waa Aabbe leh hal xaas, Saadiya iyo labo gabdhood oo lagu kala magacaao Anisah and Ammarah.

Hadda wuxuu taariikh ka dhigay magaaladii aabihiis darawalka ka ahaa ee nolosha hoose ku soo qaatay carrunimadiisii.

 

 

bbcsomali


Abwaan Cismaan ku jare oo runta u sheegay Nin uu sheegay in uu dadka caayo iyo cida ku shaqaysataba

Madaxweyne Muuse Biixi oo qaabilay Dr Cabdiqaadir Aadan

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Qaabiley Dr Cabdiqaadir Aadan Sheekh Maxamuud (Jengali) oo ay walaalo yihiin Dr. Maxamed Aadan Sheekh Maxamuud oo ah Dhakhtarka loogu magac daray cusbitaalka daryeelka carruurta ee Maxamed Aadan Sheekh ee loo soo gaabiyo (MAS) ee Hargeysa oo uu marxuumku ku dardaarmay intaanu dhiman 01, October, 2010 in laga dhiso Somaliland, kaasoo la furay 28, Janaury, 2013-kii ilaa wakhtigana u adeega Caruuraha ka yimaada geyiga Soomaalidu degto odhan.

Kulankan oo ay madaxweynaha wakhti wada qaateen Dr Cabdiqaadir Aadan Sheekh iskana xog-waraysteen arrimo badan ayuu madaxweynuhu uga mahadnaqay doorkii ay ka qoys ahaan ku lahaayeen in la dhiso cusbitaalka Caruurta ee MAS, hirgeliyaana dardaarankii marxuumka oo ahaa shaqsi dun xariira oo kaalin weyn ku lahaa halgankii Shacbiga Somaliland lagu xoreeyey oo uu ka mid ahaa dadkii af iyo qalinba ku difaacay dulmigii iyo gumaadkii xukuumadii keligii taliyihii Siyaad Barre uu ku hayey shacbiga Somaliland.

Waxa xusid mudan in kulankan uu madaxweynuhu isku baray wiil iyo abtigii oo kala ahaa Dr Cabdiqaadir Aadan Sheekh iyo Wasiir Saleebaan Cali Koore oo uu abti u yahay Dr Cabdiqaadir.

Dhinaca kale Marxuum Dr Maxamed Aadan Sheekh waxa uu ahaa shaqsi taariikh weyn ku leh bulshada ku hadasha Af-Soomaaliga, isagoo dhashay Sannadkii 1936 kuna dhashay degaanka Gallaadi ee gobolka Wardheer, dhakhtarnimadana ku soo bartay Jaamacadd Rome ee dalka Talyaaniga, isagoo noqday dhakhtarkii u horreeyay ee Soomaali ah ee dadka qala, isagoo 34 jir ahna noqday Wasiirka Caafimaadka ee dawladii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliya, Saddex sano ka dibna, isaga oo 37 jir ah, waxa uu noqday Wasiirka Tacliinta Sare.

Markuu 38 jir ahaana waxa xidhay dawladii Kacaankii keligii taliye Siyaad Barre, 44 jirkiisiina waxa uu noqday Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, 46 jirkiisiina waxa lagu xidhay jeelkii Labaatan Jirow isagoo ku jiray Lix sano iyo hal sano oo ka danbaysay oo uu xabsi-guri ku jiray.

Intaas ka dib waxa uu u dhoofay dhulkii uu aqoonta dhakhtarnimo ka soo bartay ee Talyaaniga, waxaanu ku hawlgalay Shaqadiisii dhakhtarnimo, sannadkii 1997 ayuu doorasho kaga qaybgalay dalka Talyaaniga isaga oo loo doortay xubin ka mid ah Golaha Dawladda Hoose ee magaalada Torino, Muddo ka dibna uu is kaga baxay oo wuxuu ku noqday dakhtarnimadiisii, isaga oo Agaasimaha Caafimaadka ka noqday cisbitaal ku yaal magaalada Torino, sidoo kale waxa uu madax ka noqday Xarunta Cilmibaadhista Gobolka Piedmont ee dhaqanka Afrika, Maalmihii noloshiisa u danbeysayna wuxuu ku dardaamay in dhakhtar caruureed laga dhiso Caasimada Hargaysa, kaas oo ummaddu u ayday caruuro badana ka heleen adeeg ay u tegi lahaayeen dalka dibediisa.

Waxaana kulankaa Madaxweynaha Qaranka iyo Dr Cabdiqaadir ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Horumarinta Biyaha, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ahna Gudoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye, Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed, Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdikariim Siciid Aw Cabdi, Agaasimaha Guud Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi dheere) iyo Maxamed Axmed Maxamed Saraye iyo Ibraahim Cismaan Yuusuf Arabay oo la socday Dr Cabdiqaadir.

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Somaliland Oo Turkiga Uga Digtay Inuu Xeebaheeda Yimaado .

$
0
0

Somaliland Oo Turkiga Uga Digtay Inuu Xeebaheeda Yimaado kana Hadashay Heshiiskii Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud ayaa ka hadlayay heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, waxuuna Turkiga uga digay inuu yimaado xeebaha Somaliland.

“Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana ogyahay in Somaliland xeebaheeda u taliso Soomaaliya-na ayna u talin, islamarkaana wax war-war ka qabin heshiiskaasi,” ayuu yidhi wasiirka oo warraysi gaar ah siiyay BBC Somali

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in uu meel gabagabo ah marayo hirgelinta is-af-garadkii Badda Cas ee u dhexeeyay iyaga iyo Dowladda Itoobiya.

Is-af-garadkan muranka badan dhaliyay ee ay bishii koowaad ee sanadkaan maalintiisii koobaad ay la gashay dowladda Itoobiya, kaas oo dhigaayay in Somaliland aqoonsi buuxa ka hesho Itoobiya halka dowladda dhexe ee Itoobiyana laga kireynayo saldhig ciidamo badeed oo ay ku yeelanayso gudaha Somaliland.
Heshiiskan ayaa aad uga cadhaysiiyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya sababayna in xidhiidhka diblumaasiyadeed ee labada wadan uu gabi ahaanba meesha ka baxo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay heshiiskan mid aan gabi ahaanba jirin lana aqbali karin, waxayna sheegtay in is-af-garadkani yahay mid xad gudub ku ah shuruucda caalamiga ah madaxbannaanida iyo gobanimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Midowga Afrika ayaa kasoo horjeedsaday is-af-garadkaan dhacay, wadamo badan sida Maraykanka, Turkiga, Ururku Jaamacadda Carabta iyo kan Midowga Yurub ayaana soo saaray baaqyo ay ku sheegayaan ahmiyadda ay leedahay xurmeynta madax bannaanida iyo gobonimada dhuleed leedahay.

Go’aankii ugu danbeeyay ee looga soo horjeedsaday heshiiskaas ayaa ahaa kalfadhiga Saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta oo ay la leeyihiin Waddamada Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan oo lagu qabtay dalka Qatar.
Balse Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud waxuu sheegay in uusan khusayn warsaxaafadeedka looga soo horjeedo heshiiskaasi, islamarkaana meel walba ay u galayaan raadinta aqoonsiga Somaliland.
“Nama khuseeyaan waxii [Shirkii] Dooxa kasoo baxay, qadiyadayaduna halkii bay taagantahay. Dalalkan carabta ee meesha isugu yimid ma’ay darsin qadiyadda Somaliland, ma’ay arkayaan xaqiiqadda Somaliland, waxa noo dan ah-na waa in nala aqoonsado meel walba oo ay nala tagtana waan galaynaa.”

Heemaal

In ka badan kala badh dalabka bacriminta Itoobiya ee sanadkan ayaa imanaya dekedda Jabuuti

$
0
0

Itoobiya: In ka badan kala badh dalabka bacriminta Itoobiya ee sanadkan ayaa imanaya dekedda #Jabuuti

Hay’adda Ganacsiga Beeraha ee Itoobiya (EABC) ayaa dadwaynaha ku wargelisay in wax ka yar kala badh ka mid ah bacriminta ciidda lagu amray in lagu qabto xilliga qallayl ee “Bega” iyo xilliga “Mehir” ee soo socda ee beeralayda ee Dekedda Jabuuti.

Wasiirka Beeraha Girma Amente ayaa daaha ka qaaday qorshaha adag ee ay xukuumadu ku doonayso in ay ku soo iibiso 23 milyan oo kiin oo bacrimin ah oo la soo go’o wakhtigan, taas oo ku dhaw laba jibaar xilliyadii hore. Wadarta guud ee bacriminta la soo iibiyay, 12 milyan oo kintaal (52% wadarta guud) waxa ay gaadheen Djibouti, iyada oo 11.7 milyan oo kintaal horeba loo qaaday Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, iskahorimaadyada socda, gaar ahaan gobolka #Axmaarada, ayaa carqaladeeya qaybinta bacriminta beeralayda yaryar. Tesfaw Batable, oo ah madaxa gudiga isku xidhka barnaamijka kahortaga masiibooyinka iyo haqab-beelka cuntada, ayaa iftiimiyay xayiraadaha lagu soo rogay dhaq-dhaqaaqa colaadaha awgeed, taasoo keentay dib u dhac ku yimid qaybinta talooyinka beeraha.

Maxaa sababay muuqaalka dalka Griiga ee is bedelay

$
0
0

Caasimada dalka Giriiga ee Athens ayaa noqotay midabka jaalle xigfeenka ah ee Oranjaha, kadib markii ay qarxeen daruuro boor ah oo ka soo kacayay dhinaca saxaraha.

Xaaladahan cimilada ayaa ka mid ah kuwii ugu xumaa ee ku dhuftay Giriiga tan iyo 2018-kii, sida ay sheegeen saraakiisha.

Daruuro hawo oo kuwan la mid ah ayaa ku dhuftay dalkan Yurub kamid ah bilihii Maarso iyo horraantii Abriil, waxayna sidoo kale qariyeen qaybo ka mid ah Switzerland iyo koonfurta Faransiiska.

Hay’adda saadaasha hawada ee Giriiga ayaa filaysay in hawada cirku ay si caadi ah kusoo noqon doonto fiidnimadii Arbacada, kadib markii boorka uu ka dhigay mid aan suurtogal ahayn in la arko qaar kamid ah dhismayaasha caanka ah ee ku yaalla Athens isla subaxnimadii. Darruur boor ah ayaa qarisay qaybo badan oo Giriiga ah, ilaa magaalada Tesaloniika ee waqooyiga.

Maamulka Giriiga ayaa kula taliyay muwaadiniinta la ildaran dhibaatooyinka caafimaad ee la xiriira neefsashada in ay xaddidaan waqtiga ay ku qaadanayaan meel ka baxsan guryaha, iyo xijaa maskiga ama xirtaan waji-xirka, ayna ka fogaadaan jimicsiga jirka ilaa ay hawada boorka ahi ka baaba’ayso isla markaana ay hawadii caadiga ahayd kusoo noqoneyso dalka.

Hawada saxaraha ayaa waxa uu daadisaa inta u dhaxaysa 60 ilaa 200 milyan oo tan oo boor ah sanad wailba, inta badan siigadaasi waxa ay markiiba dib ugu soo dhacdaa dhulka, laakiin qaybo yar yar oo ka mid ah ayaa waxa ay aadi karaan ama u safri karaan masaafo aad u dheer, mararka qaarna waxa ay gaartaa qaybo kamid ah Yurubta kale

Isku darka boorka iyo heerkulka sare ayaa horseeday in jawigu uu noqdo mid ciriiri ah marka si gaar ah la eego koonfurta Giriigga.

Khabiir ku takhasusay saadaasha hawada oo lagu magacaabo Costas Lagovardos ayaa cimilada Giriiga barbar dhigay jawiga Mars.

Mars waa meeraha afraad ee ka yimaada qorraxda. Dusha sare ee Mars waa oranje-cas. Mars waxa ay ka mid tahay shayada ifaya cirka iyo dhulka.

Giriigga
Qoraalka sawirka,Cimilada iyo isbedelka ku yimid hawada

Talaadadii, ilaa 25 kaymo ah ayaa la sheegay in uu dab ka kacay. Mid ka mid ah dabka ayaa ku dhow saldhigga ciidamada badda ee jasiiradda Crete ee dalka Giriigga, halkaas oo heerkulku kor u dhaafay 30 darajo oo Celsius, waxaana la daadgureeyay dadkii ku sugnaa guryaha iyo xarumaha xanaanada, sida ay sheegayaan wararka maxalliga ah.

Daruuraha siigada ah ee ka imaanaya saxaraha maaha wax dhif ah oo ka dhaca Yurub, inkastoo heerka cufnaanta daruurahani ay kala duwan yihiin, laakiin waxay badanaa yimaadaan xilliyada gu’ga iyo dayrta.

Daruurahaan siigada ah ayaa inta badan degay saxaraha Liibiya, iyadoo ay la socoto hawo kulul, oo gaartay Giriiga, halkaasoo heerkulku uu sare u kacay bishii Abriil.

Jawiga gobolka bari ee Mediterranean-ka ayaa lagu arkayaa mowjado boor ah wakhtigan xaadirka ah, laakiin dhamaadka usbuucan, xaaladahani way gudbi doonaan waxaana la rajeynayaa in xaaladdu ay noqon doonto mid cad iyo heerkul ku dhow kuwii caadiga ahaa ee sanadka.

Xaalad tan lamid ah oo mar ka dhacday Hindiya

Hindiya

Caasimadda Hindiya ee Delhi ayaa waxaa ka dhacday xaalad caafimaadka bulshada ah oo degdeg ah – iskuullada ayaa la xiray, dadka ayaa loogu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan, isbitaallada ayaa iyaguna qaabilay kumannaan qof oo dhibaatooyin neefsashada ah qaba.

Sababtuna waxay tahay hawada wasakheysan oo ah tii ugu darneyd dunida.

Balse inkastoo Delhi ay tahay tan ugu daran, haddana maaha tan keliya ee ku taalla waqooyiga Hindiya.

Shan ka mid ah lixda magaalo ee ugu hawada wasakheysan – Gurugram, Ghaziabad, Faridabad, Bhiwadi iyo Noida – ayaa ku yaalla meel 80km u jirta Delhi, oo ay hawadeedu noqotay tan ugu wasakheysan dunida.

bbcsomali

Guurtidda oo dood adag ka Yeeshay siyaasadda gudaha iyo dibadda Somaliland

$
0
0

Guurtidda oo dood adag ka Yeeshay siyaasadda gudaha iyo dibadda Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Mudanayaasha Golaha Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay siyaasadaha Arrimaha Gudaha iyo dibadd ee JSL.

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtidda Guurtida Somaliland oo uu guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka kowaad Mudane Siciid jaamac Cali ayaa Mudanayaasha waxay doodooda kaga warameen siyaasadaha arrimaha gudaha iyo dibadda oo ah siyaasiyan isku xidhan.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Guurtidda ayaa soo jeediyay in kor loo qaado ammaanka xuduudaha dalka, waxayna ku baaqeen in wax laga qabto tirada dadka ajaanibka ah ee ku soo badanaya dalka.

Intii xildhibaannada Guurtiddu ku gudojireen doodooda waxa ay soo dhaweeyeen dedaalka xukuumadda ee la xidhiidha maamulka hawada, waxayna tilmaameen in xukuumaddu ay la wareegtay maamulka hawada JSL.

Geesta kalena, Mudanayaasha Golaha Guurtiddu waxa ay sheegeen in siyaasadda dibada hore loo dhaqaajiyay, waxayna ku doodeen in heshiiskii isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya uu wax ka beddelay siyaasadii Geeska Afrika. Waxa kaloo xubno ka tirsan Golaha Guurtidu ay dalalka caalamka ku booriyeen inay u xaq sooraan Somaliland iyo Soomaaliya.

Siduu ku soo waramay Weriye ka tirsan Wakaaladda Wararka ee SOLNA, Gebo-gabadii fadhigii golaha guurtidda waxa mudaneyaasha loo qaybiyay Mudanayaasha qaybiyey Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidamadda Qaranka Somaliland ,kaas oo ka kooban 52 qodob.

Wasiirka arrimaha gudaha oo kulan ballaadhan la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland.

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil ayaa kulan Ballaadhan la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland.

Kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ay mid yihiin Arrimaha Doorashooyinka soo socda sidii looga wada shaqayn lahaa, wada shaqaynta Xukuumadda iyo Ururada Bulshada Rayidka ah, in laga wada shaqeeyo Arrimaha Nabadgalyada guud ee dalka iyo in meel la iska wada taago ilaalinta Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland.

Qodobadan kor ku xusan ayaab la iskula qaatay kulankan mudadii uu socdey iyadoo Ururaduna ay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in laga wada shaqeeyo arrimaha Qarannimada iyo Dowladdimada.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa uga mahadnaqay Ururada Bulshada Rayidka ah kulankan ay wada yeesheen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo doorka muhiimka ah ee ay qaataan nabada iyo horuumarka Dalka.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.


Africa: Collaboration between Islamic Development Bank Institute (IsDBI) and Capital Markets Authority of Kuwait in Areas of Mutual Interest

$
0
0

PRESS RELEASE
Collaboration between Islamic Development Bank Institute (IsDBI) and Capital Markets Authority of Kuwait in Areas of Mutual Interest
The strategic plan of the Capital Markets Authority includes the initiative to develop the Islamic capital market in Kuwait, which aligns with the IsDBI’s mandate

KUWAIT CITY, Kuwait, May 6, 2024/ — The Capital Markets Authority of Kuwait, represented by Prof. Ahmed Abdel Rahman Al Melhem, Chairman of the Board of Commissioners and Executive Director, agreed with the Islamic Development Bank Institute (IsDBI) (www.IsDBInstitute.org), represented by Dr. Sami Al-Suwailem, Acting Director General, to collaborate in areas of mutual interest particularly in the areas related to Islamic Finance.

The Capital Markets Authority is responsible for regulating capital market activities in the State of Kuwait and aims to create a vibrant Islamic capital market based on fairness, competitiveness, and transparency. It also works for developing the financial markets, diversifying and developing investment tools, striving to comply with international best practices, educating the public about securities activity and the benefits, risks, and obligations associated with investing in securities, and encouraging its development.

The Islamic Development Bank Institute (IsDBI), a member of the Islamic Development Bank Group, seeks to be a beacon of knowledge for the IsDB Group, and a pioneer in developing innovative, knowledge-based solutions to support the sustainable development of member countries and Muslim communities worldwide, guided by the principles of Islamic economics and finance.

The IsDB Institute and the CMA Kuwait wish to expand areas of cooperation, strengthen coordination, and exchange experience in relevant areas of mutual interest. Both parties realize that coordination and cooperation will increase the effectiveness of activities and efforts, aimed at developing Islamic financial institutions and supporting socio-economic development.

The strategic plan of the Capital Markets Authority includes the initiative to develop the Islamic capital market in Kuwait, which aligns with the IsDBI’s mandate to lead the development of innovative, knowledge-based Islamic finance solutions to support sustainable development for IsDB Member Countries and Muslim communities worldwide.

Accordingly, the two parties signed a memorandum of understanding to facilitate and coordinate technical cooperation between the two parties in areas of common interest. In particular, the collaboration involves conducting the necessary studies to analyze the current status of the Islamic financial industry, benchmarking with the best international practices, and formulating a road map for the development of a vibrant Islamic capital market in the State of Kuwait, as well as benefiting from the capacity building programs provided by the IsDBI.
Distributed by APO Group on behalf of Islamic Development Bank Institute (IsDBI).
SOURCE
Islamic Development Bank Institute (IsDBI)

Maxamed Kaahin isagaa a masuul ahaa wixii Laascaanood ka dhacay

Africa: Islamic Development Bank Institute Fosters Islamic Finance Collaboration during 2024 Group Annual Meetings

$
0
0

PRESS RELEASE
Islamic Development Bank Institute Fosters Islamic Finance Collaboration during 2024 Group Annual Meetings
Key areas for collaboration include promoting skills development, strengthening the legal and regulatory ecosystem, developing social safety nets, mainstreaming Islamic finance within the global financial architecture, and accelerating the achievement of SDGs
Access Multimedia Content

JEDDAH, Kingdom of Saudi Arabia, May 6, 2024/ — The Islamic Development Bank Institute (IsDBI) (https://IsDBInstitute.org) played an important role in supporting Islamic finance during the 2024 IsDB Group Annual Meetings and Golden Jubilee Celebration in Riyadh, Kingdom of Saudi Arabia. From April 27-30, IsDBI hosted 20 bilateral meetings with a diverse range of partners. This strong engagement underscores the growing interest in Islamic finance across the IsDB member countries.

Led by Dr. Sami Al-Suwailem, Acting Director General of IsDBI, the meetings explored a broad spectrum of collaboration opportunities. Discussions focused on capacity building, legal and regulatory framework development, product structuring, and support for financial inclusion, sustainable finance, and economic development.

Additionally, innovative ideas were explored for technology adoption – including solutions for achieving Sustainable Development Goals (SDGs), building smart economic cities, fostering climate and green finance action, and driving human capital development. Notably, the discussions addressed the growth and development of the social finance and non-profit sectors.

Bilateral partners included member country delegations led by IsDB Governors, senior representatives from Ministries, Central Banks, UN Agencies, International Organizations, Multilateral Development Organizations, and other Financial Institutions.

The meetings yielded concrete action plans for 2024 and beyond. These plans leverage the unique strengths of each partner organization. Key areas for collaboration include promoting skills development, strengthening the legal and regulatory ecosystem, developing social safety nets, mainstreaming Islamic finance within the global financial architecture, and accelerating the achievement of SDGs. Several discussions highlighted the potential of innovative solutions involving artificial intelligence, blockchain, and other digital technologies.

The 2024 IsDB Annual Meetings concluded with a positive outlook for the IsDB Institute. The bilateral meetings enabled in-depth discussions with stakeholders and plans for Islamic economics and finance to play a vital role in supporting the sustainable development of the IsDB member countries and Muslim communities worldwide.
Distributed by APO Group on behalf of Islamic Development Bank Institute (IsDBI).

Ethiopia-Somaliland Memorandum of Understanding (MOU) update

$
0
0

Ethiopia-Somaliland Memorandum of Understanding (MOU) update

In his latest interview with BBC Somali today, Dr Essa Kayd, Somaliland’s Minister Foreign Affairs and International Relations, reiterated “the finalization of the MoU is a positive step forward, and any concerns about repercussions are likely unfounded. The MoU will be mutually beneficial and is likely to be implemented smoothly by Ethiopia and Somaliland.”

According to the readout of the interview provided by Somaliland’s Ministry of Foreign Affairs, Minister Kayd dismissed the recent statement by the Third Session of the Arab Economic and Cooperation Forum held in #Doha, #Qatar, as “no different” from previous statements.

“We perceive the Doha statement as no different from previous attempts by Somalia to pressure other nations. Somaliland will continue on its chosen path, determining the future of our 6.2 million citizens,” the Ministry quoted Dr Kayd as saying.

“Somalia needs to focus on its own internal issues before criticizing others. Somaliland deserves a voice in the international community. We have a strong case for recognition, and it’s time for our voice to be heard”, the Ministry’s readout of the interview said.

Komishanka oo soo kordhiyay Hantidhawrka Nidaamka Codbixiyeyaasha

$
0
0

Komishanka oo soo kordhiyay Hantidhawrka Nidaamka Codbixiyeyaasha

Hargeysa(Qarannews)Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa markii ugu horraysay hirgaliyey Hantidhowrka Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha (Biometric Voter Registration Audit System).

KDQ isaga oo kaashanaya Midowga Yurub (EU) iyo hay’adda Natherland Institute for Multiparty Democracy (NIMD) waxa uu heshiis shaqo la galay khabiir madax-banaan oo takhasus u leh shaqadan, khabiirka oo shaqada ku jiray muddo laba todobaad ah, isla markaana soo gabagabeeyey wajigii koowaad ee hantidhowrka ayey maanta KDQ u sameeyeen kulan sogootin ah.

Hantidhowrkan madaxa-banaan ee lagu samaynayo Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha ayaa waxa uu kor u qaadayaa kalsoonida daneeyeyaasha doorashooyinka JSL, waxayna horseed u tahay fullinta doorashooyinka xor iyo xalaal ah oo daahfuran.

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>