Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Siyaasi Cismaan Cumar Dool ayaa goordhawayd xoriyadiisii dib u helay

$
0
0

Xukuumadda Somaliland ayaa xoriyadiisii u soo celisay siyaasi Cismaan Cumar Dool oo maanta ciidamada boolisku ka wabteen madaarka Cigaal international Airport ee magaaladda Hargeysa kadib markii uu ka soo anbabaxay dalka Norway oo uu deganaa.

Siyaasi Cismaan Cumar Dool ayaa ka mid ah madaxda xisbiga ee delkaasi uu deganaa isla markaasina ka mid ah xubnaha firfircoon ee qurba jooga ah ee isbiga Waddani

Xisbiga Waddani ayaa dhaleeceeyay xadhiga Cismaan Cumar Dool xaga gudoomiyaha xisbiga Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe uu soo dhaweeyay kuna sheegay in xadhigaasi uu yahay bad baadadaiisa. Qoraal uu soo saaray oo uu baahiyayna waxa uubu dhignaa sidan hoos ku xusan

Xadhiga ina Cumar Dool, waxaan u arkaa in ay tahay badbaadadiisa, ninkaasi shacbiga Somaliland Beel walba wuu aflagaadeeyay si ka baxsan dhaqankeena suuban iyo dhaqankeena islaamka, madaxda xisbiga KULMIYE iyo aniga shakhsi ahaanba si fool-xun ayuu noo aflagaadeeyay, aniga dhawaan ayuu I aflagaadeenayay, markaa haddii aan sharciga lagu kala baxsan oo qofkii sameeya magac-dil aanu sharcigu qaban de suuqa ayaa la isku dilayaa, marka maanta waa badbaadadiisa.

Shacbiga Hargaysa waxaan u sheegaya ina Cumar Dool iyo Taageerayaashiisu ma xidhi-karaan Madaarka Hargeisa


Gudoomiyaha xisbiga UCID- Faysal Cali Waraabe oo soo dhaweeyay adhiga Cismaan Cumar Dool

$
0
0

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada siiba barta X- waxa uu ku sheegay in xadhiga Cismaan Cumar Dool uu

Waxana qoraalkiisu u dhignaa sidan hoos ku qoran.

Xdhiga ina Cumar Dool, waxaan u arkaa in ay tahay badbaadadiisa, ninkaasi shacbiga Somaliland Beel walba wuu aflagaadeeyay si ka baxsan dhaqankeena suuban iyo dhaqankeena islaamka, madaxda xisbiga KULMIYE iyo aniga shakhsi ahaanba si fool-xun ayuu noo aflagaadeeyay, aniga dhawaan ayuu I aflagaadeenayay, markaa haddii aan sharciga lagu kala baxsan oo qofkii sameeya magac-dil aanu sharcigu qaban de suuqa ayaa la isku dilayaa, marka maanta waa badbaadadiisa.

Shacbiga Hargaysa waxaan u sheegaya ina Cumar Dool iyo Taageerayaashiisu ma xidhi-karaan Madaarka Hargeisa

Burco: Beesha Adan Madoobe oo caawa si rasmi ah ugu biirtay xisbiga Waddani

$
0
0


Kulan balaadhan ayaa caawa ka socda Hotel-ka Daallo ee magaalada Burco ee caasimadda gobolka Togdheer.

Kulankani ayaa beesha Adan Madoobe ay caawa shaacisay in ay si rasmi ah ugu biurtay xisbiga Waddani ee Somaliland.

Kulankan caawa oo aan loo kala hadhin waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wararkeena danbe

Halkani ka daawo hordhaca xafladii beesha Adan Madoobe oo ku biirtay xisbiga Waddani

Op-ed: Ethiopian Naval Base in Somaliland is a Strategic Necessity for Regional Security

$
0
0

Introduction
The geopolitical landscape of the Horn of Africa has witnessed a transformative development with Somaliland and Ethiopia’s announcement of a potential Ethiopian naval base in Somaliland. This strategic move is not only aimed at enhancing maritime security in the Gulf of Aden but also addressing broader regional crises that affect the Red Sea and Suez Canal. This article explores the multifaceted implications of this naval base for regional security, political dynamics, and economic stability, emphasizing the importance of support from key stakeholders such as Egypt.

Background
In January 2024, Somaliland, which has been self-governing since 1991, signed a significant port access agreement with Ethiopia. This agreement allows Ethiopia access to a 12-mile strip of Somaliland’s coastline to develop a naval base. This deal is integral to Somaliland’s strategy for gaining international recognition and diplomatic legitimacy, which it has sought since declaring independence from Somalia. The Somaliland government views this agreement as a pivotal step towards Ethiopia’s goal of regaining maritime access. However, there are differing interpretations, with Ethiopian officials suggesting the inclusion of a commercial seaport, highlighting the complex nature of the agreement

Strategic Importance
The Gulf of Aden and the Red Sea are critical maritime corridors for global trade, especially for oil shipments. These regions have historically been hotspots for piracy and militant activities, posing significant risks to international shipping. An Ethiopian naval presence in Somaliland could bolster maritime security, deter piracy, and counter Houthi rebel activities from Yemen. Somaliland’s Foreign Minister, Dr. Essa Kayd, has identified three potential coastal sites for the naval base, reflecting the strategic depth and logistical considerations of this initiative. This development enhances Ethiopia’s capacity to project power and influence, aligning with its broader geopolitical and security objectives.
Geo-strategy, Geo-security, and Geo-economic Importance of Somaliland
Somaliland’s geographic location at the crossroads of vital maritime routes lends it immense geo-strategic, geo-security, and geo-economic significance. The region’s stability is crucial for the security of the Gulf of Aden and the Red Sea. The establishment of an Ethiopian naval base can serve as a critical element in securing these maritime routes, which are essential for global trade. The MOU between Ethiopia and Somaliland is not only beneficial for the immediate region but also for broader international stakeholders, including Egypt. The stability and security of the Suez Canal, a key global trade artery, are directly impacted by the security of the Red Sea and the Gulf of Aden. Therefore, Egypt has a vested interest in supporting the Ethio-Somaliland MOU as it promises to enhance regional security and by extension, safeguard the Suez Canal.

Historical Context: U.S. and Soviet Agreements
Somaliland’s strategic significance is not new. During the Cold War, both the United States and the Soviet Union recognized the strategic value of the region. The Berbera military airport in Somaliland was used by the U.S. as a strategic airbase. In the 1970s, the Soviet Union also utilized Berbera as a naval base, demonstrating the long-standing military significance of this region. These historical agreements underscore the enduring strategic value of Somaliland’s location for major powers
Political Ramifications
The agreement has stirred significant controversy, particularly from the Somalia national government in Mogadishu, which considers Somaliland part of Somalia. Mogadishu’s objections highlight the contested nature of Somaliland’s status. Despite this, Somaliland maintains that the naval base is a pathway to increased regional stability and international recognition. Interestingly, Mogadishu has shown some openness to negotiating terms for an Ethiopian commercial port, indicating a potential area for diplomatic engagement. This nuanced position reflects the complex interplay of sovereignty, security, and economic interests in Somalia-Ethiopia relations.

Security Implications
Somaliland President Muse Bihi Abdi has highlighted the security benefits of the Ethiopian naval base. In an interview with the Financial Times, Abdi suggested that an Ethiopian naval presence could help contain the Houthi threat in the Gulf of Aden. The Houthis, an armed group in Yemen, have disrupted shipping routes and contributed to regional instability. A robust Ethiopian naval base could serve as a deterrent to these militant activities, ensuring safe passage for commercial vessels and strengthening the overall security architecture in the Gulf of Aden. This development aligns with broader international efforts to stabilize the region and secure vital maritime trade routes.

Conclusion
The establishment of an Ethiopian naval base in Somaliland represents a significant shift in the geopolitical dynamics of the Horn of Africa. It holds the potential to enhance maritime security, deter piracy and militant activities, and contribute to regional stability. The support of key stakeholders, particularly Egypt, is crucial for the success of this initiative, given its implications for the security of the Red Sea and the Suez Canal. As the region navigates these dynamics, the ability of the involved parties to manage their divergent interests and collaborate towards shared security objectives will be critical. The unfolding developments in Somaliland will be closely watched by regional and international stakeholders, given their far-reaching implications for security and stability in the Gulf of Aden and beyond.

Editor’s Note: Hamidi Jama is a maritime security commentator and analyst. He can be reached at hamidijama8@gmail.com

Saddex darawal oo Itoobiyaan ah ayaa kulaylka ugu dhintay Jabuuti

$
0
0

Saddex darawal oo Itoobiyaan ah iyo hal qof oo dayac-tire ah ayaa kulaylka ugu dhintay Jabuuti; Ururka wadayaasha baabuurta xamuulka ayaa eedayn u jeediyay mulkiilayaasha

Ugu yaraan saddex darawal oo Itoobiyaan ah iyo hal qof oo dayac-tire ayaa dhintay labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waxaana isbitaallada la dhigay labo darawal oo dheeri ah, waxaana loo sababeynayaa kulaylka daran ee ka jira Jabuuti.

Wareysi uu siiyay Addis Standard, Solomon Zewdu, oo ah Maareeyaha Guud ee Ururka Darawaliinta Baabuurta waaweyn ee Itoobiya, ayaa daboolka ka qaaday in mulkiilayaasha baabuurtu, iyagoo isku dayaya inay ka fogaadaan khasaaraha dhaqaale ee ka dhasha in baabuurtoodu shaqo la’aan ku dhacdo Itoobiya, ay darawallada u diraan Jabuuti iyaga oo aan wax xamuul ah haysan.

“Darawaliinta waxaa lagu qasbay inay u safraan Jabuuti oo ay halkaas joogaan iyaga oo aan haysan xamuul si ay uga fogaadaan joojinta shaqadooda,” Solomon ayaa sharaxay. “Dhaqankani wuxuu dareewalada iyo kaaliyayaashooda u soo bandhigaa heerkulka aadka u daran ee Jabuuti, taas oo gelinaysa khatar dhaawacyo daran oo la xiriira kulaylka.”

Joseph Getahun, oo ah darawalka baabuurta xamuulka ah oo isna la hadlay Addis Standard, ayaa xaqiijiyay in inta badan ay shaqo la’aan yihiin in ka badan 5 maalmood ka hor inta aan la gaarin xilliga shaqada, kuwaas oo ay la kulmaan xaalado halis ah oo nolosha ah iyo xaalado caafimaad oo daran oo ka dhashay kulaylka daran.

“Heerkulku wuxuu kor u qaadi karaa ilaa 50 darajo Celsius,” Yosef ayaa ku nuuxnuuxsaday. “Tani waxay keentay dhimashada laba darawal bishii May 2024, iyadoo mid ka mid ah meydkiisa laga helay isagoo hurda.”

Yuusuf waxa kale oo uu caddeeyey in kulaylka ugu daran uu ka jiro Jabuuti lafteeda iyo deegaanka Dhegaab Sheraton.

Waxa uu sii faahfaahiyay in waqtiyada sugitaannada ee baabuurta ay horay u yimaaddeen ay dhoofaan, taasoo u oggolaanaysa inay markooda sii wataan, ay si muuqata gacan uga geysteen dhimashada naxdinta leh.

Sulaymaan waxa uu faah faahin ka bixiyay dhibaatooyinka dheeraadka ah ee ay la kulmaan darawaliinta oo ku xaniban dalka Jabuuti.

“Marka laga soo tago xaaladaha nafta halis gelinaya, waxaa saaran kharashyo la taaban karo oo loogu talagalay baarkinka iyo kharashyada kale ee la xiriira,” ayuu yidhi. “Si ka duwan, marka la gaaro Jabuuti, milkiilayaasha baabuurtu mas’uul kama aha kharashyadaas.”

Darawaliinta, si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu soo rogaa lacago xad dhaaf ah oo ku saabsan canshuuraha, baarkinka, iyo kharashyada kale ee kale, sida uu sheegay Solomon.

Kursigii hoggaanka Midawga Afrika yaa ka faa’iidaya cadaadiska ay Fawsiya sheegtay?

$
0
0


Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa shalay sheegtay in ay wejahayso cadaadis dhanka madaxda sare ee Soomaaliya ah oo ku aaddan doonisteedii in ay u tartanto kursiga ugu sarreeya Midawga Afrika.

Yaa jaanis helaya cadaadiskaas darted?

Kulankii 44aad ee golaha midowga Africa ee ka dhacay sanadkaan magaalada xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiga ee midowga Afrika uu ka iman doono wadamada dhaca bariga Africa.

Fawsiya inkasta oo ay sheegtay in aanay tanaasulayn, haddana way adkaan doontaa helitaanka kursigaas haddii aanay madaxda dawladda Federaalku tartankaas taageeradeeda qayb ka qaadan.

Hoggaayimaha mudada dheer ee mucaaradka ah ee Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika kal hore, cadaadiska Fawsiya wuxuu siin doonaa jaanis hor leh.

Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, ayaa isaguna haysta jaanis fiican oo ku qaban karo xilkaas, maadaama uu yahay musharraxa Jabbuuti booskaas ugu tartami doona.

Hoggaanka haddeer xilka hayana waxaa la doortay 2021 muddo xileedkiisana waxuu ku egyahay 2025 bisha Febraayo, oo markaas xilka uu wareejin doono doorashada ka dib.

Haatan waxaa xilka guddoonka Midowga Afrika haya Moussa Faki, oo ka soo jeeda dalka Chad, kaasoo ay u dhammaaneyso muddo-xileedkiisii labaad. Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028.

Xafladii xalay ee beesha Adan Madoobe ee ku taageertay xisbiga Waddani

$
0
0

Munaasibad balaadhan oo beesha Aadan Maxamed (Aadan Madoobe) si weyn ugu taageertay xisbiga WADDANI ayaa xalay Magalada Burco ka qabsoontay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo masuuliyiinta xisbiga iyo xildhibaanno ayaa dadweynaha kala qayb galay munaasibadda.

Beesha Aadan Madoobe ayaa Sheegtay in ay Dhisayan Sanadkan Xisbiga isbedel doonka ah ee WADDANI Iyo Musharax Madaxwayne Cabdiraxman Cirro

 


Digniin caalami ah ayaa laga soo saaray dawooyinka Ozempic ee been abuurka ah – WHO

$
0
0

Digniin caalami ah oo ku saabsan noocyada been abuurka ah ee Ozempic – oo caan ku noqday habka dhimista miisaanka – ayaa waxaa soo saartay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Daawada waxaa mararka qaarkood loo yaqaan “jaab maqaarka” inkastoo ujeeddadeeda ugu weyn ay tahay daawaynta nooca 2aad ee sonkorowga.
WHO ayaa sheegtay in dawooyinka been abuurka ah ay khatar u keeni karaan caafimaadka.
Ururku waxa uu dadka kula taliyay in ay dawooyinka ka helaan oo kaliya ilo sumcad leh, sida dhakhtar, halkii ay ka ahaan lahaayeen goobaha qarsoon ee internetka ama baraha bulshada.
Walaxda firfircoon ee Ozempic – semaglutide – waxay ka caawisaa dadka qaba nooca 2 ee sonkorowga inay xakameeyaan xaddiga sonkorta ee dhiiggooda.
Si kastaba ha ahaatee, cirbadeynta toddobaadlaha ah waxay sidoo kale calaamad u tahay maskaxda in aan dhernahay. Markaa daawadu waxay dadka ka caawisaa inay lumiyaan miisaankooda iyadoo hoos u dhigaysa rabitaanka cuntada.
Dadka aan lahayn sonkorowgu waxay u qaadanayeen dawada sidii daawo miisaan lumis ah.
Waxay keentay gabaabsi dadka qaba nooca 2-aad ee xanuunka macaanka waxayna abuurtay suuq lagu iibiyo dawooyinka been abuurka ah.
WHO waxa ay sheegtay in ay dabagal ku haysay warbixinada isa soo taraya ee dodgy Ozempic aduunka oo dhan ilaa 2022.
Dufcooyin been abuur ah ayaa waxaa qabtay maamulada UK, US iyo Brazil

Khatarta caafimaadka
“[Waxaan kula talineynaa] xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka, maamulka sharciyeynta iyo dadweynaha inay ka digtoonaadaan qaybahan dawooyinka ee been abuurka ah,” ayuu yiri Dr Yukiko Nakatani, kaaliyaha agaasimaha guud ee WHO ee daawooyinka lagama maarmaanka ah iyo alaabta caafimaadka.
WHO waxay ka digtay qaar ka mid ah irbado been abuur ah oo laga yaabo inaysan ku jirin semaglutide gabi ahaanba ama kuwa kale waxaa laga yaabaa inay ku jiraan dawooyin kale, sida insulin, taasoo keenta saameyn “aan la saadaalin karin”.
“Alaabooyinkan la been-abuuray waxay saameyn xun ku yeelan karaan caafimaadka dadka,” WHO ayaa tiri.

Laamaha maandooriyaha ee UK ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore gacanta ku dhigay tiro Ozempic been abuur ah.
Waxay dalka ka yimaadeen alaab-qeybiyeyaal sharci ah oo ku sugan Awstaria iyo Jarmalka, waxayna u muuqdeen inay haystaan ​​baakado sax ah.
Dr Alison Cave, oo ah madaxa badbaadada ee ururka, ayaa yiri: “Ka iibsashada semaglutide ka ganacsiga sharci-darrada ah ee alaab-qeybiyeyaasha online-ka ah waxay si weyn u kordhineysaa khatarta ah in la helo badeecad ama la been-abuuray ama aan shatiga u haysan in lagu isticmaalo UK.”
Waxay tidhi ku duritaanka alaabtan oo kale “waxaa laga yaabaa inay caafimaadkaaga khatar geliso”.
Nooca xoogga sare ee Ozempic ayaa si gaar ah loogu sameeyay miisaan lumis waxaana loo suuqgeeyay sidii Wegovy.
Tan waxa lagu bixiyaa rugaha caafimaadka dhimista ee takhasuska leh ee NHS ee UK

Halkan ka daawo khudbadii uu guddoomiyaha xisbiga Waddani kajeediyay xafladii xalay

Xubin xil sare ka haysay xisbiga UCID- Oo iska casishay Xisbigaasi daawo

Somaliland: Siyaasiyiinta Isaaqu iyagaa Somaliland Dhibaato ugu filan.

$
0
0

Siyaasiyiinta Isaaqu iyagaa Somaliland
Dhibaato ugu filan.

1》AHUN madaxweeyne Cigaal 1991 wuxu ka mid ahaa qabanqaabiyayaashii shirkii Jabuuti ee lagu dhisay “Dawladdi Manifesto” taasi oo AHUN Cali Mahdina loogu doortay madaxweyne, halka AHUN Cumar Carte Qaalibna loo doortay Raysal Wasaare, dabadeedna, Cumar Carte u magaacabay Cigaal wasiirkiisii Ganacsiga.

《1.1》1993 ayeey Cigaal iyo Cumar Carteba Somaliland ku soo laabteen. —Weliba intaanu Cumar Carte dalka ku soo laaban, intuu diyaarad shakhsi ah ka qaatay sucuudiga ayuu AHUN Siyaad Bare Nigeria ugu tagay, halkaasna lacag ugu geeyey.

《1.2》Cigaal iyo Cumar Carte shirkii Borama ee 1993 ayey xilkii Madaxweynanimo kula tartameen AHUN Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo ahaa madaxweeynihii u horeeyey ee Somaliland.
《1.3》 Guuldaradii kadib, Cabdiraxmaan tuur iyo Wasiirkiisii Maaliyada AHUN Ismaaciil Hure Buubaa waxay ku biireen “Dawladdii Salbalaadh” ee Itoobiyaha lagu dhisay, taasi oo Caydiid madaxweyne ka noqday, halka ay Madaxweyne ku xigeenana ka noqdeen Cabdiraxmaan Tuur iyo AHUN Maxamed Faarax Cabdillaahi (Xasharo) oo reer Borama ahaa.

2》AHUN Maxamuud Cabdillahi Sifir oo ahaa Xoghayihii Arimaha Dibeda Xisbiga Kulmiye 2003, kadib markii Xisbigii UDUB helay doorashadii madaxtooyada ee 2003, wuxu iska dhiibay Xamar, isagoo noqday Raysal Wasaare ku Xigeen. 2010 markii Kulmiye xilka ku guuleystana wuxu ku soo laabtay Somaliland, waxana loo magacaabay Safiirkii Somaliland ee Kenya.

《2.1》Intaa waxa dheer in 2005 markii Doorashadii Baarlamanka Somaliland la qabtay, waxa Madaxweyne Daahir Rayaale lagu casuumay inuu khudbad ka jeediyo Gollaha Wakiillada Ingiriiska (house of commons), dabadeed wuxu ka codsaday wakhtigii Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye iyo Ku xigeenkiisii oo London joogay wakhtigaas —Waa Madaxweyen Siilaanyo iyo Madaxweyne Biixiye— inay u raacaan madasha. Labadooduba codsigii Madaxweyne Rayaale way ka muquurteen, iyadoo weliba maalmo kadib Siilaanyo wareysi uu siiyey idaacadda BBC ku sheegay in qorshihii SNM aanu aheyn inay ka go’aan Somaliya.

《2.2》2009 Xukuumadii Daahir Rayaale waxay soo saartay go’aan uu saxaafadda la wadaagay Wasiiru Dawlihiisii Arimaha Dibedu, kaasi oo ahaa in aanu Siilaanyo dalka soo gali karin, maadaama uu soo saxeexay hadii uu Doorashadii 2010 Xisbiga Kulmiye ku Guuleysto inuu Somaliland ku darayo Federalka Somaliya. Ergooyin badan oo u tagay Madaxweyne Rayaale, kana baryey in Siilaanyo la cafiyo, kadib wuu ogalaaday in Siilaanyo dalka soo galo.

《2.3》2012 xukuumadii Siilaanyo waxay “Baarlamanka Somaliland” ka codsatay in la laalo, qodob dastuurka ku jiray oo dambi ka dhigayey in Somaliya lala kulmo, arinkaas oo sababay in shirkii London ee 2012 Somaliland la meeqaam noqoto ama ka mid noqoto Maamul Gobaleedyada Federaalka Somaliya.

3》2012, markii la galay Doorashadii Ururda Somaliland, seddex urur (Damal, NDP iyo Gurmad) oo soo bixi waayey, godoomiyaayashoodii waxay cadhadii u nafis doonteen Xamar.

《3.1》Maxamed Cumar Carte, Gudoomiyihii Ururkii Damal, markiiba waxa laga dhigay Raysal Wasaare Ku Xigeenkii Somaliya, mudo ka dibna Foosiya Xaaji Aden, Gudoomihihii Ururka NDP ayaa loo magaacabay Raysal Wasaare ku Xigeenkii Somaliya, halka Nuur oo ahaa gudoomiyihii Ururka Gurmadna laga dhigay Wasiirkii Dekaddaha Somaliya.

4》Madaxweyne Muuse oo isaguna soo noqday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, wuxu ka mid ahaa gudi Cabdiraxmaan Tuur u saaray inay ka soo talo bixiyaan inay Somaliland ka sii mid ahaato Somaliya iyo inay ka go’do. Gudidaas oo uu Gudoomiye u ahaa Saleebaan Gaal, Gudoomiyaha Guurtida Somaliland, waxay dhamaantood go’aamiyeen in Somaliya laga sii mid ahaado.

《4.1》February 2020, waxa xafiiska gaarka ah ee Raysal Wasaaraha Itoobiyee ku yaala Xaafadda Afaraad ee Addis-Ababa kulan gaar ah oo saacado socday ku yeeshay, Madaxweyne Muuse iyo Farmaajo. Maalmo kadib waxaynu maqalnay Madaxweyne Farmaajo ayaa Hargeysa ka soo degaya, iyadoo weliba xataa sida Cabdiqaadir Jirde oo reer Hargeysa ahi inoo sheegay roogii casaaa ee lagu qaabili lahaa Madaarka Hargeysa la geeyey.

《4.2》Axmed Keyse,Wasiiru Dawlihii Arimaha Dibedda ee Xukuumaddii Siilaanyo oo dhawaan Hargeysa saxaafadda kula hadlay wuxu sheegay in Muuse berigaa ogalaaday, kadib markuu Farmaajo ku qanciyey in Muuse Madaxweynaha Somaliya noqdo, Jamhuuriyaddii Soomaaliddana kol kale boodhka laga jafo. Sidaa si la mid ah, waxa saxaafadda isaguna la wadaagay Maxamed Dheere, Agaasimihii Madaxtooyada Somaaliya ee Xukuumadii Farmaajo oo reer Berbera ah.

《4.3》December 2023, waxa Djibouti ku kulmay Madaxweynaha Dawladda Federalka Somaliya iyo Madaxweynaha Dawladda Somaliland, maalmo kadib, wasiirkii Arimaha Gudaha Federaalka Somaliya wuxu inoo sheegay in la kala saxeexday sidii Somaliya iyo Somaliland hal dawlad u wada noqon lahaayeen ma jirto cid Dawladda Somaliland ka tirsan oo arinkaa ka jawaabtay.

5》Intaa waxa dheer, Garyaqaan Caydiid Cabdillahi (Ilka xanaf) Wuxu ahaa Garyaqaankii Guud ee Somaliya, wuxu ahaa nin reer Somaliland ah. Waxa lagu badaley Ibraahin Iidle Saleebaan oo markii la magacaabayay ka tirsanaa Xukuumada Kulmiye, isla marka la magaacabayeyna ahaa Garyaqaankii Guud ee Dawladda Somaliland. Isagana waxa lagu bedelay Baashe Yuusuf Axmed oo xukuumadii Siilaanyo ahaa Agaasimihii guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada, intaanu xamar tagina wuxu xil muhiim ah ka hayay Xisbiga Waddani, isagoo ahaa Agaasimihii Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani.

Ruwaayadani waa lacag la’aan, waxana la jilayey dhawr iyo sodon sano.

Abdirahman Mohamed Ibrahim
cabdiraxmanmid@gmail.com

Dhirta ay daanyeerradu isku daaweeyaan iyo faa’iidada ay leeyihiin oo la ogaaday

$
0
0

Danyeerka nooca loo yaqaan Chimpanzee ee duurjoogta ah, waxay cunaan dhirta ka hor tagta bakteeriyada iyo xanuunada kale, sida ay sheegeen seynisyahanada.

Waxay baaris ku sameyeen xayawaanada ku nool keymaha dalka Uganda, gaar ahaan kuwa dhaawaca soo gaara iyo kuwa xanuunsanayaba, inay dhirta isku daweeynayaan iyo on kale.

Marka xayawaanku dhaawacmo oo uu keynta u raadsado wax gaar ah oo uu cuno. Cilmi-baarayaashu waxay soo ururiyeen dhirta uu xayawaanka cuno, kadibna baaris ayay ku sameeyeen.

Inta badan dhirta la baaray, waxay noqdeen kuwo leh maadooyin ka hor taga bakteeriyada.

Seynisyahannada, oo natiijada baaritaankooda ku daabacay wargeyska PLOS One, waxay rumeysanyihiin in chimpanzeega uu xitaa ka caawin karo raadinta dawooyin kale oo cusub.

“Ma baari karno noole kasta oo ku nool kaymahaas, ayuu yiri cilmi-baare, Dr Elodie Freymann, oo ka tirsan Jaamacadda Oxford. “Marka maxaa noo diidaya inaan baarno nooca dhireed ee ay raadiyaan daanyeerka chimpanzee?” ayuunyiri.

Afartii sano ee la soo dhaafay, Dr Freymann waxa ay muddo bilooyin ah si taxadar leh ula socotay xaaladda chimpanzee duurjoog ah oo ku noola keynta Budongo Central Forest Reserve ee dalka Uganda.

Iyada iyo saaxibadeeda shaqada, waxay si gaar ah isha ugu hayeen dhirta uu sida gaarka ah u cuno chimpanzeega dhaawaca ah ama midka xanuunsanaya, dhirtaas oo ah kuwa aysan hore u cuni jirin.

“Waxaan baaritaan ku sameyneynay hab-dhaqanka iyo tuhunka ah ah in laga yaabo in dhirtu dawo tahay ayay tiri” Dr Freymann.

Waxay arkeen mid kamid ah xayawaankaasi oo dhutinaya isla markaana raadinaya geedka loo yaqaano ferns.

Cilmi baarayaashu waxay sidoo kale uruuriyeen oo ay falanqeeyeen geedka nooca Christella parasitica, kaas oo isna leh maaddo yareysa xanuunka.

Guud ahaan, baarayaashu waxay soo uruuriyeen 17 tijaabooyin oo lagu sameeyay 13 geed oo kala duwan, waxaana loo diray Dr Fabien Schultz, oo ka howl gasha jaamacadda Neubrandenburg ee dalka Jarmalka.

Baaristaas waxaa lagu ogaaday in ku dhowaad boqolkiiba 90% ee dhirtaas ay leedahay maaddo ka hor tagta bakteeriyada isla markaana ay yareeyaan xanuunada.

Ma uusan isticmaaleyn gacanta si uu u lugeeyo, wuu dhutinayay,” ayay tiri.

Iyadoo inta kale ee kooxdan xayawaannada ay ag fadhiyeen oo ay wax cunayeen, daanyeerka dhaawacan ayaa dhutinayay isagoo raadinayay dhir. “Wuxuu ahaa kan keliya ee raadinayay ee cunayay dhirtaas.”

Baarayaasha ayaa dhirtaas soo qaaday oo baaritaan ku sameeyay. Waa dhir lagu magacaabo Christella parasitica, taasoo la ogaaday inay tahay qallajiye xooggan.

Guud ahaan, baarayaasha ayaa ururiyay 17 nooc oo 13 dhir kala duwan laga soo qaaday waxayna u direen inuu baaro Dr Fabien Schultz, oo ka howlgala Jaamacadda Neubrandenburg ee jarmalka.

Waxay natiijadu sheegtay in ku dhowaad 90% dhirtaasi ay bakteeriyada ka hortagaan, halka saddex meeloodna ay leeyihiin maaddooyin dabiici ah oo qallajiye ah, taasoo micnaheedu yahay inay yareyn karaan xanuunka ayna bogsashada wax ka taraan.

Dhammaan daanyeerrada dhaawacan iyo kuwa xanuunsan ee lagu sheegay daraasaddan ayaa si buuxda u caafimaaday, iyadoo Dr Freymann ay ku faraxsaneyd. “Kii cunay dhirta ayaa isticmaalayay mar kale gacantiisa maalmihii yaraa ee xigay,” ayay tiri.

“Dabcan, ma caddeyn karno 100% in kiisaskan ay yihiin natiijada tooska ah ee ka dhalatay cunidda kheyraadkan,” ayay u sheegtay BBC.

“Balse waxay diiradda saartay aqoonta caafimaad ee laga dhaxlay u kuurgelidda dhirta kale ee keymaha.” Ayay tiri.

bbcsomali

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo kulan balaadhan la yeeshay beesha Abokar Cabdile (Solomadow)

$
0
0

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X.Xasan ayaa kulan la qaatay beesha Abokar Cabdile (Solomadow), kulankaas oo ka dhacay Hotel Plaza, ayaa ay isku xog waraysteen Guddoomiyaha iyo waxgaradka, aqoonyahanka iyo dhallinyarada beesha Abokor Cabdille waxaana uu ku dhamaaday is afgarad buuxa iyo wadashaqayn.

Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo dhambaal Hanbalyo ah u diray ardyada Ardayda Dugsiyada Sare Iyo Dhex Oo maanta U Fadhiistay Itixaankii……

$
0
0

Musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhamaan ardayda dugsiyada Somaliland gaar ahaan ardayda fasalada 8 ee dugsiyada dhexe iyo ardayda 4 ee dugsiyada sare ee dalka oo dhan oo maanta u fadhiistay imtixaankii weynaa ee sanad dugsiyeedka.

Qoraal kooban oo musharax Cirro uu barta X’ uu dhigay ayaa u qornaa sidan hoos ku xusan waxana uu yidhi.

Waxa aan dhambaal duco ah u dirayaa munaasibadda bilowga Imtixaannada shahaadiga ah ee fasallada shahaadiga ah ee 8aad iyo 4aad ee dugsiyada dhexe & sare awgeed dhammaan ardeyda maanta u fadhiisatay Imtixaannadaas shahaadiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka bilaabmay.

Waxa aan ILAAHAY Subxaanahu watacaalaa uga baryayaa in uu ku guuleeyo dhammaan ardeydaas hayaankoodii waxbarasho & dedaalkii dheeraa ee ay soo bixiyeen muddadii ay waxbaranayeen.

Dhammaantiin, waxa aan idiin leeyahay;
Guuleysta Ubixii dalkeygow!


Siyaasi Cabdiqaadir Jirde oo si qoto dheer uga hadlay Buuga Cabdilaahi Koongo Daawo

Damaca Itoobiya iyo damanida Soomalida qaybtii 2’aad

$
0
0

Damaca Itoobiya iyo damanida Soomalida qaybtii 2’aad

qaybtan waxan kaga faaloonayaa taariikhda dhow ee damaca itoobiya ee badda cas. waxa itoobiyaanku ku hadleen ama ka aaminsanyihiin helitaanka badda cas. waxan jecelahay akhristuhu inuu aad u rogrogo ama u dhuuxo hadalka madaxda, siyaasiinta iyo aqoonyahanka itoobiyaanku arinka ka yidhaahdeen. adunka hadalka ka soo yeedha dadka aan kor ku xusay noocooda lama dhaylsado. hadaklkuna sidiisaba waa waxa qofka waxa uurkiisa ku jira lagu qiimeeyo.
waxan ku bilaabayaa hadalkii laga yidhi fadhigii ugu horeeyay ee waligeed itoobiya yeelato eek u saabsan badda case, siday uga hadleen iyo cidda ka hadashay.
fadhigaasi wuxu dhaca 21 September 2023, wuxuuna ka dhacay sharton hotel addis ababa, kulanka waxa loogu magac daray (“red sea security dynamics, the need for dialogue and cooperation at a time of geopolitical entanglements”) oo la mid ah “dhaqdhaqaaqa aminga bada cas, iyo baahida loo baqabo wada hadal iyo iskaashi xili arimaha joqoraafisiyaasadeed ay cakiranyihiin”. intaanan gelin cida ka hadashay iyo waxay ka yidhaahdeen. hadaan is yara dul taago agenda shirka laba suaalood ayyaan akhristaha u dhaafayaa inuu is waydiiyo. maxay itoobiya ka qaban kartaa aminga badda cas maadaama anay dhulkeeda ku oolin? waase maxay arimaha joqoraafi siyaasadeed ee cakiran ee shirku tilmaamayaa ee xiligan ka jira geeka afrika?
kulankan waxa so qaban qaabiyay “Institute of Foreign Affairs (IFA) and Federal Défense War College”. cida soo qaban qaabisay iyo cida ka hadashay waxay kutusaysaa miisanka kulanka iyo ahmiyada uu u leeyahay dadka isugu yimi fahdiga. labad waxood ee soo qabanqaabiyay maaha waax arimaha debeda ah iyo waax diifaaca ah waa labada goobood ee lagu daraaseeyo siyaasada debeda iyo siyaadada dagaalka iyo diifaca markaa dadka meesha isugu yimi waa AQOONTII.
waxa furay hadalka sareeye guuto Alemeshet Degefe, oo ah la taliyaha guud ee ciidanka difaaca itoobiya. waxa ku xigay Mesafint Tefera, ku-xigeenka agaasimaha fulinta ee xarunta daraasadaha siyada arimaha debeda. hadaan soo gaabiyo wixii lagaga hadlay fadhigaa wuxu ahaa iskaashi iyo wadahadal lala yeesho wadamada ku teedsan badda cas. si laysga kaashada budhcad badeeda, hubka sharci darada ah iyo tahriibta dadka. shirkani wuxu u meel dayay ama sahan u ahaa saldhig ay helaan cidamada badda itoobiya waxaanu ahaa “MASHQAC” lagu eegayay ka fal celinta dawladaha ay khusayso. cidise kamay hadlin.
waxa ku xigay hadalkii raysal-wasaare Aby Ahmed ee 13 October2023 uu ka horjeediyay golaha baarlamanka wadankiisa. Aby qudbadiisu aad ayyay u dheerayd waxaanay isgu jirtay hanjabaad, maslaxaad, awwood sheegasho iyo ina ay xaq u leeyihiin inay helaan bad’. waxan jecelahay inaan si gaara isu dul taago waxyaabaha ka guuxayay masxkaxda madaxda itoobiyaanka ah. Abi wuxu inshaaray in ay muhiim tahay in somalia, ethiopia, djibouti, eritrea ay noqdaan hal wadan, xataa anay noqon “federal” ama “confederation” lakiin ay noqdaan hal wadan. Aby wuxu ku celceliyay awwooda ciidan ee wadankiisa iyo tiradad dadkiisa. qudbadaa Aby waxay dariiq u furtay ka hadalka iyo iyo sii xoojinta doonista badda cas.
1 January 2024, waxa dhacay is-af-garadkii Muuse iyo Aby. maxaa ku xigay is afgaradkii muuse iyo aby?
29 February 2024, xarunta daraasaadka arima siyaasada debeda waxay soo bandhigtay daabacda buug yar oo ka kooban 150 page. runtii anigu buuga maan akhriyin, internetkana waan ka waayay laakiin waxan soo qaadan faalo gaaban oo ay ka qortay saxaafada afka ingriisiga ku hadasha ee ethiopia. gaar ahaan websiteka la yidhaa (“Thereporterethiopia.com”) oo si mugleh u tilmaamay waxa ku jira buuga.
buuga magacisu waa “the grand strategy of two waters” oo looga jeedo ahmiyada wayn ama xeelada wayn ee Itoobiya ka leedahay labada biyood waa biyaha wabiga iyo kuwa badda case. xafladii soo bandhigista bug, Muhammad Hassan, oo ah madaxa fulinta warbaahinta walta media and communication, waxa uu tilmaamay in buugaasi yahay documenti siyaasadeed oo ka turjumaya mawqifka itoobiya ka taagantahay badda cas iyo biyaha nilka. sidoo kale Afar Bedru, oo ah agaasimaha guud ee machadka daraasadad siyaasada arrimaha dibadda, ayaa bandhigaa ku sheegay in“the grand strategy of two waters” buugaa siyaadada ku duugan marka la dabaqo ay itoobiya ka awdi doonto daldaloolo badan. buugu sida ay saxaafadu tilmaantay waxa uu ka kooban yahay wacyi gelin dadwayne iyo carinta maanka aqoonyahanka wadankaa.
buugan ama documentkan oo ay diyaariyeen saddex qolo, (academicians, diplomats, and political analysts) wuxu qeexayaa in dhulka somalida illaa nebi ciise hortii ay xabashidu maamuli jiraty ama lahayd many keenin wax tixraac ah oo arintaa cadaynaya.
waxyaabo badan ayaa buuga ku jira waxanse ka soo qaadan dhawr qodob.
1) buugu waxa laga fahmayaa in Ethiopia si dhab ah u didan tahay madax banaanida wadanka somaliya guud ahaan.
2) buugu wuxu tilmaamayaa in Ethiopia go’aansaty inay samaysato ciidan badeed oo xoog wayn.
3) waxay Ethiopianku faaleeyeen inanay shuurucda baduhu leeyihiin ee aduunku ku kala socda maslaxad ethiopia ku jirin ama ka talinahayn.
intaa markay hoosta ka xariiqeen docyumentigani wuxu hadana faaleeyay sidii bad lagu helilahaa. lix qodob ayay kaga hadleen laakiin laba ayyaa aad u walaac badan.
waxay tusaale uso qaadanayaan isqabsigii Bolivia iyo Chili ee badda iyadoo waliba Bolivia lahayd oo xoog lagaga qaaday hadana waxa loo xukumay Chili. waxay yidhaahdeen taasi ina anficimayso oo hadynu dacwad ka gudbino waxa loo xukumi doonaa soomaliya.
hadaba hadii aanay tani suuragal ahayn sharcigii baddaha aduunkuna aanu maslaxada Ethiopiopia ka talinahayn maxaa talo ah? waxa la gu daabacay buuga labadn qodob ee soo socda.
1) maadama aduunku is bedelayo, waa in Ethiopia strategi ahaan u isticimaashaa nidaamka Ruushku u isticimaalay Ukrain. taasoo ruushku intii muhiimka u ahayd uu xoog ku qabsaday Ethiopiyana ay sidaasoo kale yeeli karto waxanay arintaasi ka turjubaysaa qudbadi Abi wee 23 octber 2223 ee uu yidhi 120 milion hadii waxay cunnaan waayan wixii u dhaw ayay cuni
2) talabaad ee taa kasii cabsida badani wuxu documentigu faaladaku daray in la qaato strategiyada yuhuudu ku isticimaashay Golan Heights ee ah xoog ku qabso hana ka kicin. sidaa hadii Etobiya samayso aakhirka wuxuunbay isu bedeli in meelaha iyo shirarka lagag hadlo.
maqaalkii lagu dababcay reporter waxa uu ku gabagabaynayaa in documentka lagu yidhi; hadii horumarka Ethiopia laga talinayo waa inay Ethiopia khasab ku heshaa bad.
ninkii ethiopia badda siinayow maanka siyaasiiyinta ethiopianka ah taasaa ku jirta adiga taada maxaa ku jira? qaybtii saddexaad la soco dhawaan hadii eebe idmo

Cabdillaahi Xaaji Jaamac Siciid
faraqurux36@googlemail.com

Dhamaan maqaaladku soo baxa shabakadani qarannews.com ma aha kuwo ka turjumaaya ama ka socda shabakadani ee waa fikir kunkooban qoraha maqaalkani kor ku xusan

Wafti xukuumaddu u dirtay Baligubadle oo waji gabax kala kulmay…..

$
0
0

Wasiiro ka tirsan xukuumada oo hordhac u ahaa wefti Kulmiye ka socda ayaa wajib gabax kala soo kulmay magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd oo ay maanta tageen.

Wasiir Ciise Kayd ayaa lay xaqiijiyey inuu cadho kaga soo baxay magaalada Balli-gubadle ka dib markii lagu kala kacay shirar ay wasiiradu la yeesheen guddiyo ka socday dadka deegaanka gobolka.

Warku waxa xaqiijiyey in reer Hawd ay wasiirada hordhigeen laba qodob oo ay rabaan in Kulmiye fuliyo haddii uu cod ka rabo bulshada gobolka, kuwaas oo kala ahaa.

1. Inay shubaan lacagta ku baxaysa dhamaystirka waddada isku xidhaysa Balli-gubadle iyo Hargeysa.

2. In Muuse Biixi uu baarlamaanka si degdeg ah ugu gudbiyo ansixinta gobolnimada Hawd.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in wefti Kulmiye ahi ay bari socdaal ku tagayaan xarunta gobolka Hawd iyaga oo qorsheeyey inay dhagax dhigaan 15km oo lagu darayo waddada Balli-gubadle taas oo aan la hubin inay caro tuul noqon doonto iyo inay Laami ahaan doonto, haddii aanay noqonba beenihii Kulmiye caanka u ahaa.

Wasiirka technology-yada iyo wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa hada ku sugan magaalada Balligubadle, waxaanay qorshaynayaan inay soo dhaweeyaan weftiga Kulmiye ka socda.

Sidoo kale waxa jira shuruudo ay dadweynaha gobolka Hawd u diyaariyeen xisbiyada mucaaridka ah kuwaas oo codkooda siin doona haddii ay ka soo baxaan.

X: Cabdirisaaq Goud

Wariye
Ayaanle Cige

An evening with Janet Daby, councillors and Lewisham East Tamil community

$
0
0

The British Tamils Forum (BTF) and Tamils for Labour (TfL) organized a fundraising event on 8 June 2024 to support Janet Daby, the Labour candidate for Lewisham East, in the general election scheduled for 4 July 2024.

Janet Daby attended with her husband and joyfully met and greeted the people in the dinner hall. A broad cross-section of Lewisham-East constituents, councillors, Tamil business community and dignitaries attended. The youth involvement significantly contributed to the event’s success.

Among other participants, the following dignitaries participated and graced the event.

Councillor Mark Ingleby

Councillor Rachel Onikosi

Councillor Eva Stamirowski

Councillor Aliya Sheikh

Councillor Jacq Paschoud

Councillor John Muldoon

Councillor Coral Howard

Councillor John Paschoud

Councillor Appu Srinivasan

Councillor Elili Ponnuthurai

Councillor Sarmila Varatharaj

London Assembly Member and Leader of Labour Group at City Hall Len Duvall OBE

There is a growing global acknowledgment that what the Tamils in Sri Lanka suffered in the final stages of the civil war was genocide at the hands of the Sri Lankan state. Canada is one example that declared the week preceding May 18 as genocide week and focused it on education-related matters. In Britain, Rt Hon Sir Keir Starmer, the opposition leader, mentioned Mullivaikkal genocide remembrance in his Mullivaikkal message to the BTF. https://www.facebook.com/100064789236766/posts/871004598402507/?mibextid=WC7FNe&rdid=fnH2koZkm5Gjg3CE.

Janet Daby, the member of parliament for Lewisham East and shadow minister for youth justice, a strong advocate for justice and the legitimate aspirations of Tamils also acknowledged in many occasions what happened to Tamils in the civil war in Sri Lanka was genocide.

BTF looks forward to campaigning for the likes of Janet Daby, seeking to establish justice for the Tamil victim population in Sri Lanka, whose existence there is threatened with genocide.

Ciidamada Israa’iil oo wiil dhaawac oo falastiini ah ku xir-xiray afka hore ee gaari ay wateen

$
0
0

Milatariga Israel ayaa sheegay in ciidamadoodu ay jebiyeen hab-maamuuska kadib markii nin Falastiini ah oo dhaawac ah ay ku xireen afaafka hore ee gaarigooda intii uu socday hawlgal ay ka fuliyeen magaalada Jenin ee daanta galbeed.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa dhacdadan xaqiijiyay kadib markii laga soo duubay muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada.

Bayaan kasoo baxay Ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa lagu sheegay in ninkan uu ku dhaawacmay rasaas ay isweydaarsadeen intii uu socday weerarka, uuna ahaa tuhmane.

Ehelada ninka la dhaawacay ayaa sheegay in markii ay dalbadeen ambalaas ay ciidamadu kaxeysteen, kadibna ay ku xireen boonedka ama afka hore ee gaariga oo noociisu ahaa Jeep ay wateen kadibna ay kaxeysteen.

Ninka dhaawaca ahaa ayaa ugu dambayntii waxa loo gudbiyay hay’adda Laanqeyrta Cas si loogu daweeyo. IDF waxay sheegtay in dhacdadaas la baari doono.

Goob joogayaal la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa ninka ku sheegay in uu ahaa nin deegaanka ah waxaana lagu magacaabi jiray Mujaahid Azmi.

“Saakay (Sabtidii) intii lagu guda jiray howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee lagu soo qab-qabtay dad la raadinayey oo laga shakisan yahay deegaanka Waadi Burqin, argagixisadu waxay rasaas ku fureen ciidamada IDF, kuwaas oo ku jawaabay rasaas,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay IDF.

Intii ay is-rasaaseyntu socotay, waxaa dhaawacmay mid ka mid ah tuhmanayaasha oo gacanta lagu dhigay.

“Iyadoo la jabiney awaamiirta iyo nidaamka caadiga ah ee hawlgalka, Eedeysanaha waxa qabtay Ciidamada difaaca Israa’iil waxayna kaxayteen isaga oo ku xiran Gaari korkiisa.

“Habdhaqanka ciidamada ee muuqaalka laga duubay ma waafaqsana qiyamka ciidamada IDF, dhacdada waa la baari doonaa, waxaana laga qaadi doonaa tallaabada ku habboon.

Dhanka kale Israel ayaa duqeyn ku dishay 42 qof magaalada Gaza. Ugu yaraan 42 qof ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan

labo weeraro oo cirka ah ayey Israel ku qaaday dhisme ku yaal magaalada Gaza sida ay sheegtay Xamaas.

Ciidamada Israel waxay sheegeen in ay duqeeyeen dhismo ay leeyihiin militeriga Xamaas, waxayna sheegeen in faahfaahinta ay dib ka soo sheegi doonaan.

Afhayeen u hadlay kooxaha gurmadka Gaza ayaa sheegay in dhismo deegaan ah oo ku yaal xaafadda Al-shadi dhowr jeer la duqeeyay. Duqeymaha kale waxaa lagu beegsaday guryo ku yaal degmada Al-tufaax sida ay sheegeen warbaahinta Xamaas.

Muuqaallo laga duubay goobta ayaa lagu arkayay dad dhaawac ah oo la sido iyo baadigoobka in cid badbaaday. Warar markii hore soo baxay waxay ku qiyaaseen dhimashada 42 qof.

Waxaa kor u kacay rabshado ka dhacay Daanta Galbeed tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Gaza, kaasoo ka dhashay weerarkii dhimashada badnaa ee Xamaas ay ku qaaday koonfurta Israel 7-dii October.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 480 falastiiniyiin ah – xubno ka tirsan kooxo hubeysan, weeraryahanno iyo dad rayid ah – lagu dilay shilal la xiriira iskahorimaadyada oo ka dhacay Daanta Galbeed, oo ay ku jirto Bariga Quddus.

In ka badan 37,551 ayaa lagu dilay Gaza ilaa markii uu bilowday dagaalka. Tiradaas kalama saareyso rayidka iyo kuwa dagaallamayay balse waxaa la sheegay in 14,680 ay yihiin carruur, haween iyo waayeel.

bbcsomali

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>