Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Deegaanada Cabdiraxmaan Cirro ka soo jeedo xisbiga Kulmiye iyo Muuse Biixiba Caleemo Qoyan Ayaa lagu soo dhaweeyaa

$
0
0




Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xisbigiisa Kulmiye waxa deegaanada bariga, koonfurta Hargeysa Oodweyne,Togdheer, Saaxil iyo Ceerigaabo loogu soo dhaweeyaa sida boqorada. Waxana lagu qaabilaa caleemonqoyan iyo calanka Somaliland, waxana la dul qaadaa Dalaayad iyada oo cadcweda loo diidaayo waana la sii wadayaa sii wadayaa soo dhawayntaasi

Ma kuu dhacday?

La soco qaybta labaad


Duruufo Nololeed iyo Balan qadkii Muuse Biixi ee beenoobay ee Bariga Togdheer Daawo

Dhakhaatiir qalniin fuliyay Koronto laan

$
0
0

Korontadu waa arrin nolol iyo geeri u ah wiilka Tetiana. Wuxuu dhashay isagoo naafo ah, wuxuuna u baahan yahay qalab koronto ku shaqeeya si uu u sii noolaado, wax u cuno, iyo inuu dawo helo.

“Aad ayaan ugu tiirsanahay korontada, haddii uusan ahayn dagaalkan dhiigga badan ku daatay, noloshu wey ka duwananaan lahayd sidan, laakiin waan la qabsan karnaa,” Tetiana ayaa u sheegtay BBC.

Ukrainiyiintu waxa ay baranayaan in ay ku noolaadaan mugsiga, iyada oo Ruushku uu sii wado in uu garaaco xarumaha tamarta ee dalka oo dhan.

Tetiana, oo ku nool magaalada dekedda leh ee Odesa, ayaa sheegtay in korontada aan la’isku halleyn karin ay nolosha ka dhigayso mid aad u adag sababtoo ah waxay u baahan tahay inay hubiso in korontadu ay joogto tahay.

Waxa ay haysataa matoor shidaal ku shaqeeya oo u baahan in mar walba lagu shubo, laakiin waa in la damiyo lixdii saacadoodba mar si loo qaboojiyo.

Korontadu waxay sidoo kale saamaysaa taleefanka gacanta, sidaa darteed u helidda adeegga ambalaasta ee wiilkeeda waxay noqon kartaa halgan iyo dhibaato kale.

“Mararka qaar waxay qaadataa nus saac, mararka qaarkood waa saacad ka hor inta aysan ambalaasku imaan,” ayay tiri. “Wiilkeyga wuu dhiman karaa haddii uusan helin Ogsajiinta.”

waxana muuqata in dadka reer Ukraine ay baahi badan u qabaan isticmaalka qaboojiye-yaasha.

Caasimadda Ukraine ee Kyiv ayaa muddo dheer laga dareemayay koronto la’aan.

Roksolana waxaa doortay dadka deggan gurigeeda oo ka kooban 24 dabaq si ay gacan uga geysato socodsiinta qalabka korontada ee dhismaha.

IsbitaalladaXIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Waxay sheegtay in ku noolaanshaha dhismooyinka qaar aanay ahayn mid sahlan sababtoo ah korontadu waxay sidoo kale ka dhigan tahay in haddii ay maqan tahay aysan biyo jirin.

“Wiishashka sidoo kale ma shaqeeyaan, markaa hooyooyinka caruurta leh iyo dadka naafada ah waa inay sugaan. Waxay qorsheynayaan in ay bannaanka u baxaan kaliya xilliga ay koronto jirto, waxa ay raacisay. “Waa inay gudaha ku jiraan lix saacadood, haweenkeena waayeelka ah uma soo bixi karaan dukaamada si ay u helaan rootigooda.”

Magaalada Zaporizhzhia, dhakhtarka ilkaha Volodymyr Stefaniv ayaa sheegay in ballamaha dib loo dhigo waqtiga ugu dambeeya, waxaana jiray marar koronto la waayay intii lagu jiray qalliimo adag.

“Haddii ay tani dhacdo, waxaanu bilownaa in aan ku howlgalno matoorradeenna si aan u dhamaystirno wixii aan bilownay. Ma jirto waddo kale, uma sheegi karno bukaanka inuu soo noqdo berri,” ayuu yiri. “Run ahaantii dhowr toddobaad ka hor korontadu waxay noqotay mid marar badan la waayay. Dabcan aad bay u adag tahay carqaladeyntan.”

Si loo sameeyo hawlgallo deg-deg ah inta lagu jiro mugdiga iyo qalliinka, Mr Stefaniv wuxuu isticmaalaa tooshka madaxa. Tani waa xirfad uu kasbaday oo uu hagaajiyay markii uu daweynayay askarta jiidda hore, shirkaddiisuna waxay wali siisaa adeegyo bilaash ah ama qiimo dhimis ah xubnaha ciidamada Ukraine.

“Waxaan daweyn karaa koronto la’aan. Waxaan barannay inaan qalliinno fulinno koronto la’aan,” ayuu yiri.

bbcsomali

Albankii Muuse Biixi 7 Sanadood ayay reer Arabsiyo Daawanayeen Se Maanta Waa Waddani reer Gabiilay iyo Arabsiyba

Sawirka Todobaadka: Mujaahid Jawhari iyo buugii diblomaasi Cabdilaahi Koongo

Suldaan Xasan oo ay dhalinyarada reer Samatar ku booqdeen hoygiisa iskana waraysteen xaalada dalku maraayo maanta

Daah furkii buugii Danjire Cabdilaahi Kongo

Gudiga doorashooyinka Somaliland oo warbaahinta la hadlay


Dhalinyaro ka soo jeeda Jifadda madaxweynaha oo Waddani ku biiraaya

$
0
0

Dhalinyaro ka kooban aqoonyahan iyo wax garad isla markaasina ka soo jeeda jifada madaxweyne Muuse Biixi ee reer Samatar ayaa kulamo mudo qaatay la yeeshay qaar ka mid ah madaxda xisbiga Waddani ee Somaliland madaxdaasi oo ay isku deegaano ka soo wada jeedaan dhalinyaradani. Dhalinyaradani ayaa saaka kulan balaadhan oo duco iyo is waraysi ah la yeeshay suldaanka guud ee beelaha Habar Awal suldaan Xasan

Wararku waxa ay sheegayaan in dhalinyaradani ay qayb ka yihiin isbadal doonka ka socda dalka waxana lagu wadaa in dhalinyaradani ay ku biiraan xisbiga Waddani oo ah xisbiga rajada iyo midnimada Somaliland.

Dhowrkii todobaad ina soo dhaafay waxa aad xisbiga Waddani ugu soo badnaayay oo taageero buuxdavla garab istaagay deegaanada ay ka soo kala jeedaan Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka arimaha gudaha mudane Maxames Kaahin Axmed oo bulshadii deegaankiisu ay todobaadkii hore ku biireen xisbiga Waddani.

Diida kuwa idin hagradda gudoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan

Waa nasiib daro in shaqooyinkii ay dadkeenu qaban karayeen ay dad Ajaanab ahi qabtaan, arinkaana xukuumadda ayaa ka masuul ah

Gudoomiyaha ururka Kaah oo ka war bixiyay booqasho sagootin ah oo ugu tagay Suldaanka Guud

$
0
0

Eebbe mahaddii waxaan maanta booqasho iyo sagootis ugu tagey gurigiisa Suldaanka Guud ee beelaha Habar-jeclo, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse, kaas oo safar caafimaad ugu baxaya waddanka isutaga imaaraadka carabta (UAE).

Marka laga tago tawsta iyo tabaalaha gabowga, Suldaan Cabdillaahi wuxuu ahaa kii aan aqaanay oo car iyo bay la’a, waqtigii koobnaa ee aanu suldaanka is waraysanay, waxa boggiisa iyo bishmihiisa kasoo burqanayey talooyin dhaxal-gal ah oo xambaarsan lexjexlo guud iyo dardaaran odaynimo, kaas oo dhaafsiisan arimaha edega ardaaga uu odayga u yahay.

Waxaan maqli jiray, weel waliba wixii ku jira ayuu dhididaa.
Sidaa darteed, gobanimada, guurtinimada iyo garashadu, waa sed iyo sifooyin ay is dheer yihiin, hogaamiyeyaasha dhaqanka iyo kuwa siyaasadda, ee laacdanka iyo loolanku ka dhexeeyo.
Allahayow, maxaa ka run badan murtida tidhaahda, raganimadu waa inta reerkaaga kasoo hadha.

Ugu dambayn, waxaan suldaanka Eebbe uga baryayaa in uu cimriga, caafimaadka iyo caqliga u barakeeyo.
Waxa kale, oo aan Eebbe ka baryayaa in uu aniga iyo dhiggaygana uu dhegaha u furo, talooyinka dhaxal-galka ah ee Suldaanka. Ruux lagu jiro Allaa oge, waxaan suldaanka ugu duceynayaa, jidku toobiye, qoraxdu dallaalimo, dadku aabo iyo hooyo.

Fanaaniinta Somaliland oo markale Xamar hees u qaaday

Musharax Cirro oo qaabilay xildhibaano ku soo biiray xisbiga Waddani oo ka tirsan golaha deegaanka ee Gabiilay

$
0
0

Murrashaxa Madaxweyne Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa qaabilay Xil Cabdirashiid Haybe Faarax Iyo xil Caydaruus Muxumed Sh Cumar oo Golaha Degaanka Degmada Gabiley ka tirsan kuwaas maanta ku soo biiray Xisbiga Waddani.

Kulanka Murashax Labada Xildhibaan La Yeesheen Ayaa Wax Goobjoog ka Ahaa qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Oo Ka Soo Jeeda Gobolka Gabiley

Kulankaas ayaa labada Xildhibaan Ka Sheegeen Inay Qayb Ka Noqon doonaan Sidii Murrashax Cirro Kursiga Madaxweynaha Soomaliland loogu dooran lahaa.

Raysal wasaaraha cusub ee UK- oo xaqiijiyay in uu dhintay qorshihii muhaajiriinta loogu musaafurinayay Rwanda

$
0
0

Sir Keir Starmer ayaa xaqiijiyay in qorshihii muhaajiriinta loogu musaafurin jiray dalka Rwanda uu ‘’dhintay, lana aasay’’ maalintii ugu horreysay ee uu xafiiskiisa fariistay.

Hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha waxa uu sheegay in uu dhammaaday waqtigii dadka muhaajiriinta ah sida sharci darada ah loogu geyn jiray dalka Rwanda, kaas oo ay hirgaliyeen dawladdii hore ee xisbiga konsarfatifka.

Xisbiga shaqaalaha ayaa ku ol’oleeyay doorashada in uu baabi’in doono qorshahan oo ku kacay illaa hadda 310 milyan oo gini, wuxuna balan qaaday in uu la iman doono hannaan waxtar leh oo lagu dhimayo muhaajiriinta sida sharci darada ah ku soo gala UK.

Shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay markii uu galay xafiiska number 10, Sir Keir waxa uu weriyayaasha u sheegay: ‘’Qorshihii Rwanda wuu dhintay, waana la xabaalay kahor inta aanu bilaaban.’’

Waxa uu ku dooday in qorshahan ‘’aanu lahayn wax faa’iido ah’’ kaliya waxa uu musaafurinnayay ‘’waxa ka yar 1%’’ dadka doomaha ku yimaada.

Culeysyada dhaqaale ee lagu burinayo qorshahan iyo guud ahaan miisaaniyadda canshuur bixiyayaasha, wali lama garanayo.

Soo gabagabeynta qorshahan ayaa ka tagaya su’aal calaamadaynaysa waxa laga yeelayo 52,000 oo muhaajiriin ah oo la doonayay in la musaafuriyo.

bbcsomali


Gabadha 15-ka sano koomo ugu jirtay dayaacad dhanka dhakhaatiirta ah

$
0
0

Fauzia Azim Tahir ayaa BBC-da kala hadlaysay gabadheeda oo koomo ku jirtay ku dhawaad 15 sano. Inanteeda waxaa la yiraahdaa Fakhra Axmed.

Sannadkii 2009, Fakhra Axmed waxa la dhigay cusbitaalka si ay u umusho. Tan iyo markaasna waxay ku jirtay koomo. Laba maalmood ka dib umesheedii, Fakhra ilmaheeda ayaa isna ku dhintay isbitaalka.

Maxkamada sare ee Pakistan oo uu markaasi hogaaminayay Iftikhar Muxamed Chaudhary ayaa ka war heshay dhacdadan iyadoo baaritaan lagu sameeyay geerida Fakhra Axmed, waxaa la sheegay in geerida Fakhra Axmed ay sabab u tahay dayacaad ay ku sameeyeen dhaqaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala isbitaal gaar loo leeyahay. .

Aabaha dhalay Fakhra Axmad oo la yirahdo Qazi Ismail Tahir waxa uu yiri: “Dhibaatooyinka ina soo maray iyo xanuunkii na soo maray 15-kan sano hadak lagum sifayn karo”.

Fakhra Axmed waxa ay ka shaqaynaysay bangi ka hor inta aanuay koomo gelin waxa ay sidoo kale daabacday waraaqo cilmi baariseed oo badan.

Aabaha dhalay Fakhara, Qazi Ismaaciil Taahir ayaa sheegay in xitaa markii ay Fakhara u timid gurigiisa si ay u umusho, ay qoreysay majalad cilmi baaris ah oo ay ka codsatay in ay ku soo dirto boostada.

Ismaaciil waxa uu sheegay in Fakhra, oo ah curad afar caruur ah oo uu dhalay, ay ku wacnayd waxbarashada ilaa yaraanteedii.

Fakhra intii ay ka shaqaynaysay Bangiga waxa ay wadday waxbarasho heer sare ah, waxa aanay sidoo kale u faa’iideyn jirtay carruurta doonaysa in ay noqdaan shaqaale Bangi.

Fakhra waxaa la dhalatay laba gabdhood iyo wiil oo dhakhaatiir ah. Walaalkeed Roshan Axmed oo ah walaalkeed ka yar oo dib u xasuusanaya noloshii walaashii ayaa yiri, “Si fiican ayaan u xusuustaa markii ay Fakhra guriga noogu timid iyada oo xaamila ah, waxaan markaas dhiganayay fasalka sagaalaad.

Zubaida, oo ah kalkaaliye caafimaad oo ka tirsan Isbitaalka Nishtar Teaching Hospital ee magaalada Multan, waxay ka shaqaynaysay qaybta ICU in ku dhow 12 sano, waxayna muddadaas la socotay xaaladda Fakhra Axmed.

Zubaida waxay sheegtay in iyada iyo shaqaalaha kale ee cisbitaalku ay ‘xiriir’ wanaagsan la sameeyeen Fakhra.

Zubaydah waxay tiri Fakhra indhaheeda way kala qaadi jirtay, laakiin ma aysan dhaq-dhaqaaqi karin, wax yar ayay fahmi kari jirtay, wax ka fikiri jirtay, inta badana markaan qolka ku jirno, mararka qaarkood indhuhu ayay rogi jirtay oo na soo eegi jirtay.

Qazi Ismaaciil Tahir ayaa yiri “Baaritaano ay sameeyeen Maxkamada Sare ee Pakistan, Ururka Dhakhaatiirta iyo Ilkaha Pakistan iyo Dowlada Punjab waxay ku cadeeyeen in xaalada Fakhar ay sabab u tahay dayaca Dhaqaatiirta iyo Shaqaalaha Isbitaalka gaarka loo leeyahay, balse ilaa iyo hadda ma ogi cid dacwad lagu soo oogay”.

Waxa uu sheegay in Fakhra ay ahayd in ay si caadi ah u umusho, balse waxaa lagu muday ‘irbadda suuxinta’. Waxa diiwaanka ku jira in anaga iyo Fakhra toona ogolaansho laga qaadin.

Qazi Ismaaciil Tahir waxa uu yiri, “Warbixinta baaritaanku waxa kale oo ay cadaysay in aanu jirin nidaam lagula socon karo oo lagu baaro dhiigkarka Fakhara. In muddo ah qofna lama socon xaaladdeedar markay koomada galeysay.

Waxa uu yiri, “Ambalaas ma joogin cisbitaalkaas gaarka loo leeyahay. Ambalaasta dibadda ayaa looga soo wacay.”

Sannadkii 2009-kii, sida uu dhigayo amarka Maxkamadda Sare ee Pakistan, Madaxa Caafimaadka ee Degmada, Guddi baaritaan oo ka kooban saddex xubnood oo uu madax u yahay Iftikhar Xusseen Qureshi ayaa la sameeyay, kuwaas oo warbixintooda ku qoray, “In dhammaan dhibaatooyina Fakhra ay bilaabeen markii ibadda suuxinta ka dib ayna irbada ku durtay umuliso aan khibrad u lahayn suuxdinta, xaaladda bukaanka waa ay ka sii dartay, dhakhtarka haweenka ee joogana wuu cabsaday mana siin karin bukaanka CPR sax ah.”

Warbixintu waxa sidoo kale lagu yiri: “Dhakhtarka haweenka waxa uu wakhti badan ku lumiyey in uu u yeedho dhakhtar kale, dib u dhaca ku yimi neefsiga macmalka ah waxa uu sababay in bukaanka uu dhaawac weyn ka soo gaaro maskaxda”.

Sida laga soo xigtay warbixinta, “waxay ahayd mas’uuliyadda isbitaalka in uu joogo takhtar suuxiya inta lagu jiro xilliga dhalmada.”

Warbixinta ayaa ku eedeysay maamulka isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Multan inay mas’uul ka yihiin xaaladda Fakhar. Waxa la sheegay in dhakhtarku isna dayacay arrintan.

Waxay waalidkeed sheegeen in lacag ceymiska ay ka heshay Fakhar ay u suurogelisay inay geeyaan isbitaal ku yaalla Shiinaha si wax looga qabto xaaladda gabadhooda balse nasiib darro halkaasna waxba looga soo qaban waayay.

Waxay sheegeen inay dantu ku qasabtay inay halkoodii ku soo noqdaan oo ay geeyaan isbitaalka Multan’s Nishtar Hospital.

Isbitaalka oo ka fogaa gurigooda darteed ayaa waxay guri ka kireysteen meel u dhaw isbitaalka si ay ula socdaan oo ay u caawiyaan xaaladda gabadhooda.

Fakhra hooyadeed waxay had iyo jeer la joogtay isbitaalka muddadaas oo dhan.

“Shan iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, hal mar oo kaliya ayaan magaalada ka baxay, markii hooyaday dhimatay,” ayay tiri.

Aabaha dhalay Fakhar, Qazi Ismail Tahir waxa uu leeyahay “Ma dhaheyno dhamaan dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadku waa kuwa dayaca bukaanadooda, laakiin waa in aan xasuusannaa in aanay xirfaddan meelna uga banaanayn dayacaad iyo khaladaad”.
Waxa uu yiri “Waxa aanu doonaynaa in sheekadeenii 15-ka sano ahayd ay maqlaan dhakhaatiirta iyo hawl-wadeennada caafimaadka ee dalka oo dhan si aanay mustaqbalka cid kale u soo gaarin xanuunka iyo dhibaatada qoyskayagu soo food saartay”.

bbcsomali

Popularity Needs What?

$
0
0

After Michael Jordan retired from the NBA, player after player tried to emulate Jordan’s game and success, yet there is no player like Muchael Jordon in the history of NBA.

To copy or to emulate someone’s behavior
or try to be like someone else because you admire or respect that person is not a common practice in S/land. Even government officials don’t often emulate good thoughts from each other.

But these days making a viral social media video, without auditioning for a reality show, or showcasing unique passion or problem-solving skills has become the most practiced means by which some chaps try to gain fame (popularity). Mayor Mooge is exceptional because he proved himself through practical sense.

I am not jealous. Life is always a pursuit – the pursuit of fame, fortune and power. Pursuit of popularity is a desire that all people share in common.

However, popularity can be sought by design. Seeking popularity by design means you must design purposefully each element of your world, from business to politics, from friends to foes toward your definition of how fame (Popularity) is gained.

The pursuit for fame (popularity) requires a discipline. It requires a lot of run-in. It requires principles, it requires prudence, it requires an ability to transform worries into wisdom.

Fame doesn’t mean that you prove yourself by argument, but it does mean that you’re living intentionally and with vision that people can understand and know exactly where you want to go and with what means you can use to reach where you haven’t been to.

People need new thoughts, new ways of doing things, new solutions to the existing problens, an exposition that explains how people can get themselves out of tight situations.

One can be popular by having a good sense of humor; a willingness to create new ideas; a vision that can live a meaningful life, a hope to sell, hints showing where the sense of tomorrow will lie. Arguments are what always wears all Somalis out.

Weeping one day with a grouo and weeping the other day with another group does not make a meaning to people who need a real change. Sticking to where you first found yourself is better than running amoke around.

By: Jamafalaag
Hargeisa – Somaliland.

jamafalaag@gmail.com

Ardaagii wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin oo caawa ku biiray xisbiga Waddani Daawo

Xafladii xalay ee beesha reer Daahir iyo Gashaanbuur

$
0
0

La soco qaybaha kale ee xafladani

Halkani ka daawo hadaladii xaafladii xalay ee reer Daahir

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>