Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Wacdarahii xalay ee Jifadda wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin oo ku biirtay xisbiga Waddani ay ka dhigeen Burco Daawo


Wararkii ugu dambeyay ee xaaaladda degmada Luuq oo dagaallo culus ay shalay ka dhaceen

$
0
0

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka xaaladdu ay deggentahay, iyadoo shalay halkaa uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay laba meleeshiyo beeleed.

Dagaallada ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay Luuq hase-yeeshee dagaalkii ugu cuslaa ayaa shalay dhacay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalkii shalay ay ku dhinteen dad ka badan dhowr iyo toban qof, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacantay.

Dad badan ayaa sidoo kale shalay magaalada ka barakacay, kuwaas oo naftooda kala baxsanaya isku dhacyada meleeshiyo beeleedka.

Luuq in dhawaalaba waxay ahayd meel xasilloon, ilaa iyo haddana si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa dagaalka dhowrka maalmood ka dhacayay degmadaas.

Dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland ayaa labaduba baaq u diray dhinacyada halkaa ku dagaallamaya, iyagoo ku booriyay in ay xabadda joojiyaan.

bbcsomali

Doorashadii Faransiiska oo awood la isku maquuniyay

$
0
0

Faransiiska ayaa wajahaya hubanti la’aan siyaasadeed ka dib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad toos ah.

Saadaasha ayaa muujineysa in isbahaysiga garabka bidix, Front Popular Front, uu u muuqdo inuu helayo kuraasta ugu badan ka dib wareega labaad.

Heshiis xeeladaysan oo u dhexeeya xisbiyada qunyar socodka ah ayaa keenaya in xisbiga NR ee midigta uu galo kaalinta saddexaad. Wareegii koowaad ee doorashada ayuu dardar la soo baxay waxaana aad looga cabsi qabay inuu helo aqlabiyadda kuraasata baarlamaanka, hase-yeeshee waa loo awood sheegtay.

Isbahaysiga dhexe ee madaxweyne Macron ayaa la saadaalinayaa inuu ku soo bixi doono kaalinta labaad.

Ma cadda cidda noqon doonta raysal wasaaraha xiga ee Faransiiska, laakiin raysal wasaase Gabriel Attal, ayaa sheegay inuu xilka iska casili doono, inkastoo uu diyaar u yahay inuu sii joogo bishan.

Amaanka musharaxa xisbiga Waddaninoo aad loo adkeeyay iyo.masuuliyiinta xukuumadda hada oo u bartamaaya la kulanka Cirro

$
0
0

Musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa u muuqda in uu noqonaayo madaxweynaha 6 ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Musharax Cirro ayaa waxa gurigiisa 5 todobaad ee ugu danbeeyay ku sii qul qulaayay badiba wasiiradda xukuumadda iyo madax kala gadisan oo ka tirsan xukuumada hada xilka haysa, sidoo kale ganacsatada iyo hogaanka dhaqanka ee dalka oo dhan ayaa Musharax Cirro si gooni gooni ah ugula kulmaayay hoygiisa uu ku leeyahay magaaladda Hargeysa.

Sadaasha Cirro in uu noqonaayo madaxweynaha soo socda ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii dhalinyaro iyo aqoonyahano ka tirsan beesha madaxwey ahu ay u soo jeedsadeen xaga xisbiga Waddani sidoo kale beeshii uu ka tirsanaa wasiirka arimaha guduhu ay si toos ah isugu shubtay xisbiga Waddani ee uu Cirro musharaxa ka yahay, sidoo kale uu taageero miisaan leh uu ka helay gobolka Gabiilay.

Amaanka musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa aad loo adkeeyay hada iyada oo xataa hada laga joojiyay in uu suuqyadda ama meheradaha magaaladda uu ka cunteeyo.

Dr Cirro ayaa kasbaday dhamaan shicibka Somaliland gobolkasta oo ay joogaan

Ninka Todoba Sanadood wax idiin qaban waayay ma maanta ayuu wax idiin qabanayaa?

Madaxweynaha Turkiga oo marti qaad u fidinaya dhiggiisa Suuriya si loo soo celiyo xiriirkii labada dal

$
0
0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in laga yaabo in uu Turkiga ku casuumo dhiggiisa Suuriya Bashaar Al-Asad “waqti kasta”, taasi oo muujin karta in uu soo hagaagayo xiriirka labada dal ka dib in ka badan toban sano oo kala fogaansho ah.

Arintan ayaa timid wax ku dhow todobaad kadib hadalkii Erdogan ee uu ku sheegay in aysan jirin wax ka hor istaagaya inuu xiriir dhex maro Ankara iyo Dimishiq, kadib xiisado xoogan oo tan iyo markii ay dalkaasi ka bilowdeen banaanbaxyo ka dhacay dalka Suuriya 13 sano ka hor,kuwaasi oo gaaray heerkii ugu sareeyay markii Turkiga uu dalbaday in meesha laga saaro Assad “si looga hortago dhiig daata.”

Wakaalada Wararka Anadolu ayaa soo xiganeysa Erdogan Axadii, war saxaafadeedkiisa intii uu ku guda jiray socdaalkiisa Berlin, halkaasoo uu goob joog ka ahaa ciyaar dhexmartay xulka qaranka dalkiisa iyo dhiggooda Holland, taasoo qeyb ka ah tartanka kubadda cagta Yurub ee Euro 2024.
“Waxaan casumaaddayada u fidin doonnaa Asad, martiqaadkan, waxaan rabnaa inaan dib u soo celinno xiriirka Turkiga iyo Suuriya sidii ay ahaan jireen markii hore,” ayuu Erdogan u sheegay Wariyaasha.

bbcsomali

Somaliland: The detention of Mohammed Abdirahman Eidle

$
0
0

The Human Rights Centre condemns the arbitrary detention of Mohammed Abdirahman Eidle. Mr. Eidle was arrested on 03/05/2024 in Burco without a warrant and then transferred to Hargeisa Central Prison. Mr. Eidle has been held in different detention facilities since his transfer to Hargeisa. He is being held for a Facebook post criticizing the Somaliland government. Since his transfer, he has been seen by the prosecutor’s office but has not appeared before court, violating his constitutional rights. Article 27(2) stipulates that a person shall have the right to be brought before a court within 48 (Forty-eight) hours of his arrest, clearly violating his constitutional right to a free and fair due judicial process. Additionally, he suffered bodily injury and developed teeth issues due to being captured by the Somaliland Intelligence Agency in Burco and has not received medical attention, further exacerbating his injuries.

The Human Rights Center urges Somaliland authorities to respect the rights of its citizens, uphold the laws of the country enshrined in the constitution, and honor them by granting citizens their due process and to receive medical care and attention as soon as possible. We reiterate the right to exercise freedom of expression in all forms and request for his immediate release without conditions.

Yasmin Omar H. Mohamoud
Chairperson of the Human Rights Center

Hargeisa, Somaliland
hrcsomaliland@gmail.com
Twitter: @hrcsomaliland

Boqol arday ah oo laga dhex afduubay gudaha Itoobiya iyo Maraykanka oo war ka soo saaray

$
0
0

Maleeshiyo lagu tirinayo inay ka soo jeedaan gobolka Oromia, ayaa la sheegay inay afduubteen in k abadan boqol arday jaamacadeed kuwaas oo ka soo safray gobolka Amxaarada kuna sii jeeday magaalada Adiss Ababa.

Ardaydan ayaa ka soo kala kicitimay magaalada Debarq iyo magaalada Bahir Dar ee Waqooyiga Gonder ee Gobolka Axmaarada, waxayna ku safrayeen sadex bas oo nooca dadweynaha qaada ah oo lagu magacaabo “Tata” ayaa waxaa la sheegay in ay afduubteen maleeshiyaad lagu sheegay “Shene”.

Waxaa la sheegay in ardada qaar ay baxsadeen.

Labada bas ee ardaydy saarnaayeen ayaa waxaa lahayd jaamacada Debarak.

XAYEYSIIN

Laba arday oo baxsatay ayaa BBC-da u xaqiijiyay in mid ka mid ah basaska uu ka yimid magaalada Bahir Dar uuna ku sii jeeday caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana lagu joojiyay “tuulo yar” oo u dhexeysa Goha Zion iyo Tulu Milki.

Goob joogayaal iyo qoysaska la haystayaasha ayaa BBC-da u sheegay in rakaabka oo u badnaa arday wax ka barata jaamacadda Debarak, ee gobolka Amxaarada ay dableyda hubeysan ku qafaasheen deegaanka Gerbe Guracha oo ka tirsan waqooyiga Showa ee gobolka Oromada.

badbaadinno,” ayey BBC-da u sheegtay ardayad dhawacantay markii danba isbitaalka loo qaaday.

Ardayda oo qaarkood ku jira sanadka afaraad ee waxbarashadoda ayaa sheegay in dablayda afduubtay markii ilaa shan kilomitir ay sii wateen dadka ay ciidamada ammaanka ee dowlada Itoobiya is waydaarsadeen rasaaas.

Ardayda ayaa sidoo kale sheegay in saaxiibadooda ay ka war heleen in lacago lagu doonayo in lagu badbaadiyo.

Itoobiya

Shaqsi sheegay in walaashii ay wax ka barata Jaamacadda lana afduubtay ayaa sheegay in la weydiistay lacag dhan 700 oo kun oo birr si loo sii daayo.

Qofka la soo wacay ayaa sheegay in dablayda haysata walaashii ay u sheegeen inay lacagtaas ku bixiyaan saddex maalmood gudahood haddi kale ay diliyaan qofkooda, balse arrintaasi ay ku jahwareereen.

Jaamacadda Debarak oo ay BBC-du wax ka waydiisay arrintaas ayaa ka gaabsaday inay tafaasiil bixiyaan.

Dadaal ay BBC-du samaysay oo ay ku doonaysay in ay ku hesho xog ku saabsan sida ay wax u dhaceen ayaanay ku guulaysan xiriirro ay la samaysay saraakiisha deegaanka ay wax ka dhaceen.

Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in uusan dooneyn in uu bixiyo xog dheeri ah oo aan ka ahayn in uu yiri “waxaan codsi u gudbinay hay’adaha Federaalka ee ay khuseyso.

Ma ahan markii ugu horeysay oo fal kan lamid ah uu ka dhaco Waqooyiga Showa ee isku xira gobolada Axmaarada iyo Oromiya. Waxaa la xasuustaa in dhowr jeer oo hore la xiray dad lagana dalbaday lacago si loo sii daayo.

Hadalka Maraykanka ee afduubka

maraykanka

XIGASHADA SAWIRKA,@USEMBASSYADDIS

Safaarada Maraykanku ku leeyahay Addis Ababa ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in falalkaasi ay yihiin kuwo lidi ku ah sharciga.

“Afduubyadii ugu dambeeyay iyo kuwa soo noqnoqda ee ka dhacayay gobollada Oromia iyo Axmaarada waxay muujinayaan sida colaadaha daba dheeraaday ay u dhiirradaan dambiilayaasha ayna u wiiqaan sharciga.

“Afduubka loo geysanayo dadka rayidka ah iyo ardayda si dhaqaale looga helo waa in la joojiyo. Toddobaadkii hore, in ka badan 100 arday iyo rakaab ah ayaa lagu afduubay madaxfurasho,”ayaa lagu yiri bayaanka safaarada.

 


Balanqaadkii Muuse Biixi ee beenoobay iyo Burco/ Togdheer

Hogaamiyaha Khaatumo oo goordhawayd ka dhoofay Djibouti kuna sii jeeda Muqdisho

$
0
0

Hogaamiyaha Khaatumo Firdhiye iyo xubnihii la socday ee uu madaxweynaha Djibouti ku marti qaaday dalkiisa oo dhowrkii cisho ee u danbeeyayba ku sugnaa dalkaasi Djibouti ayaa goordhawayd ka dhoofay madaarka Djibouti iyaga oo u kicitimay dhanka magaalda Muqdisho oo ay markii hore ka yimaadeen.

Ismaciil Cumar Geele ayaa hore dalkiisa ugu casuumay dhowr xubnood oo qurba joog ah oo sheegat Awdal state, ururinta cid kasta oo ka soo hor jeeda Somaliland ayaa hada xarun ka dhigatay dalka Djibouti taasina waxa aybka danbaysay tan iyo intii ay Somaliland heshiiska isfahan la gaadhay dalka Itoobiya.

Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland dhex maray ayaa u muuqda mid aan dib looga laabanaynin isla markaasna ay la dhacsznyihiin dawladaha Itoobiya iyo Somaliland.

Xaaladda Baro kacayaasha oo laga dayriyay iyo Xinif oo ay dhaliileen

Daawo Suuqa Waaheen oo dhamaad ku dhow iyo muuqaalka guud ee suuqa Hargeisa

Gaadhi uu dooxa Hargeysa qaaday oo siday arday iyo sidii loo bad baadiyay daawo

Ukarine oo lagu taageerayo hub ay isaga difaacdo Ruushka

$
0
0

Madaxweyne Biden oo martigelinaya shir-madaxeedka shan iyo toddobaatan-guuradii NATO oo Washington ka dhacaya ayaa u sheegay hoggaamiyeyaasha ka qayb galaya in ururku uu yahay isbahaysiga difaaca ee ugu weyn uguna waxtarka badan adduunka.

Mr Biden ayaa shir-madaxeedka furay isagoo ku dhawaaqay in Washington iyo xulafadeedu ay Ukraine siin doonaan shan hab oo difaaca cirka ah oo ay ku jiraan baytariyada gantaalaha Patriot.

Isagoo u hadlayay si xallad leh ayuu Mr Biden ku adkaystay in Ukraine ay awood u leedahay ka jortagga Vladimir Putin.

Madaxweyne Zelensky, ayaa soo dhaweeyay deeqda laakiin wuxuu sheegay inaysan ku filn

Wuxuu ugu baaqay Maraykanka in aan laga tanaasulin ka hortagga gardarrada Ruushka.

Mr Zelensky ayaa sidoo kale ku booriyay Mareykanka in aan laga daahin tagaeerada la shaaciyay in dalkiisa la siin doono.

bbcsomali

Boorama: Dhalinyaro ka tirsanaan jiray xisbiga Kulmiye oo ku biiray xisbiga Waddani Daawo


Cabdiraxmaan Cirro oo shicibka Somaliland fariin u diray amaanayna gudiga doorashadda

$
0
0

“Waxaan Guddida Doorashooyinka uga mahadnaqayaa inay ummadda u caddeeyeen in ay doorashadii dhacayso 13 Nov 2024, u diyaar garooba Shicalibkow.

Shicibka Somaliland Ee isbedel doonka ah Iyo Xisbigi Waddani way Isbahaysan doonaan si isbedel dalkeena Ka dhaca Oo nabad Iyo horumar ah ugu Codayno, Isbahaysiga ugu Horeeya Waddani Iyo Kaah ayuu dhawaan dhexmari doonaa..”

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro

Ŵaa maxay danta Somaliland ugu jirta Labour-ka

Wiper NEC Wants MP Farah Maalim Expelled Over Remarks On Gen Z Protesters

$
0
0


The Wiper party’s National Executive Committee (NEC) now wants Dadaab Member of Parliament Farah Maalim kicked out of the opposition-affiliated political outfit over inflammatory remarks he recently made against youthful Kenyan protesters in a video that has now gone viral and elicited anger online.

In the undated video, Maalim, while speaking in the Somali dialect, said that if he were the President of Kenya, he would have “slaughtered 5,000 Gen Z protesters” during the recent wave of anti-Finance Bill 2024 demonstrations

The Kalonzo Musyoka-led party, in a statement to newsrooms on Wednesday, distanced itself from the remarks made by the MP – who is also the deputy party leader – further calling for his removal from all Parliament committees.

Regarding the conduct and statements attributed to Deputy Party Leader Farah Maalim, let it be known clearly that the Wiper Democratic Movement party distances and disassociates itself from these remarks,” read the statement.

“They go against our guiding principles and values as a party. NEC’s decision is that Farah Maalim be de-whipped from all Committees in Parliament including the Speaker’s Panel. NEC also recommends expulsion from the Party to the National Delegates Convention (NDC) – the supreme organ of the party.”

Maalim was also among other Wiper lawmakers censured for going against the party decision in the contentious Finance Bill, 2024 vote when it came on the floor of the House.

“On the conduct of party members, first, we believe strongly in the fidelity of political parties, their mission, vision and identity. It is in the public domain that three of our members, namely, Farah Maalim – MP for Dadaab, Doris Donya Toto – Kisii Women Rep, John Okano Bwire – MP for Taveta and Abubakar Ahmed – Nominated MP, have repeatedly gone against the party position,” added the statement.

“Their latest transgression was voting Yes and Abstaining – in the case of Donya – for the now withdrawn Finance Bill, 2024. The four received invitations to attend today’s NEC meeting. They all failed to attend nor have offered their apologies. Their cases have been referred to the Party’s Disciplinary Committee.”

This comes after the National Cohesion and Integration Commission (NCIC) also summoned the MP to appear before it on Thursday to shed light on the controversial remarks.

Source Citizen digital

Siyaasi Axmed Muumin Seed iyo xubno kale oo la kulmay Hogaanka Dhaqanka ee Beelaha Habar Cafaan.

$
0
0

Siyaasi Axmed Muumin Seed oo ka mida Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Xisbiga ee Gobolka Awdal iyo Dagmada Boorama ayaa waxay qado sharaf ku maamuuseen hogaanka Dhaqanka ee Beelaha Habar Cafaan.

Kulankaasi oo daaranaa is xogwaraysi lagaga hadlayay Xaalada siyaasadeed ee somaliland iyo Doorashooyinka.

Nimo Omar Xuseen

Dadweyne aad u tiro badan oo reer Gabiilay ah oo ku biiray xisbiga Waddani iyo xukuumadda oo ka cadhootay xadhigna ku hanjabtay

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>