Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Xog-culus:Daawo,Macdanta S/land ku jirta Aagay ku badan tahay+Ciida Saylac ee la dhoofiyo+Qandaraasyo naasnuujina oo wasiirka macdantu bixiyey+ Meyd Somaliland ka iibisay Masar


Daawo:Weriyayaal dirqi kaga badbaaday qarax ismiidaamina,kana xog waramay sidii wax u dhaceen,Khasaaraha,Dhaawaca & Dhimashada ay arkayeen

War-weyn:Jabhad Hubaysan oo Beesha Warsangeli kaga dhawaaqday Sanaag-bari+Sarkaalka hogaaminayo oo Muddo Hargeysa joogay,yaase & Xaggeyse…..

Daawo:Xukumada Somaliya oo si rasmiya uga hadashay Wasiir kaga dhintay qaraxii muqdisho

Daawo:Fariin & Dhambaal Cali khaliif u diray Reer Khaatumo,Somaliland & Somalia

Daawo:Shuruudo ad-adag oo Isbahaysiga Sacuudigu ku xidhay Dalka Qatar si uu xayirado uga qaado

Daawo:Wasiirka Warfaafinta khaatumo oo shaaciyey cadaw uu sheegay inay Heshiiska S/land & Khaatumo u soo dhiila dhaansadeen

Daawo:Cali khaliif oo hiifay Wadaad ka mida culimada Dhulbahante oo ay fekerka ku kala tageen,Puntland-na karbaashay


Wasiirka madaxtooyada iyo Baashe Morgan waxay is dhex wadaan xaaraan iyo Xaramkii oy dawaafayaaan by Abdi Mustafe

$
0
0

Waxa markhaati ma doona in Wasiirka madaxtooyadu lunsaday lacag lagu qiyaaso 8 million oo dollar oo uu ku qarsado Bank Dubai ku yaala. Hadaba waxa dad badaaannni is weydiinayaan hadii qofku uu maal xaaraana haysto sidee buu bait al- Xaraam ku tegi karaa. Maxamoud Xaashi maanta wuxuu joogaa Cimrada weliba dad badan oo reer Kulmiye ah baa habeen walba daba yaacaya oo le suxuurta naga bixi SR 300. Maxamoud Xaashi ma diintaa ku yar miyaannu ogeyn hadii aad xaaraan urursato in xataa tii xalaasha ahayd ee aad haysatay markaad isku darto ay isla wada xaaraan timooba yaan. Maxamoud Dadka wuu khiyaamayn karaa dalkana wuu dhici karaa hase yeeshee ilaahay waxba kama qarin karo. Waxa dhici karta in Wasiirka madaxctooyadu qiiqa isku qarinayo, cimradana food saaro ka dhiganayo oo uu doonayo in uu la kulmo madaxda Suadiga marka ciidu baxdo. Waxa kaloo cimrada ku weheliya Bashe Morgan ayaa isaguna Mecca ku sugan oo cimreysanaya. Cajaaiib …. Bal qoom kan aan cad xalaala ku cashayn 8 sanadood oo Kulmiye dalka ka talinayay ee hantidii dalka dhacay ee hadana moodaya in sidaa cimro lagaga aqbalayo eega. Qofku waa in uu daahiriyaa wuxuu xidhanyay iyo wuxuu cunayo oo aanay xaarani meela kaa soo gelin si uu Xaramka u tagto. Jahligu markuu qofka biyo dhigo waxa la arkaa calamdahan oo kale ee wasiirkii madaxtooyada iyo Bashe Morgan Xaramka dawaafayaan.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

Daawo:Liiska 13 Qodob oo Halisa oo Isbahaysiga Sacuudigu ku xidhay Dalka Qatar inay 10 cisho Gudahood ku fuliso

War-weyn:Daawo,Cali Khaliif oo gaadhay Tuulada Widhwidh+Xubno ka mida weftigiisii oo ka dhex toosay Buhoodle

Daawo:F.C.Warabe oo ka sanqadhiyey ifafaale uu sheegay inay muujinayso in heshiiska Khaatumo Hirgelayo,Xukumada Siilanyana ku tirtirsiiyey inay joojiso diyaaradaha ka dega Buhoodle ka degin

Maxaa ka dhexeeye Kontainerka dekeda Berbera ku gubtay iyo ganac-sade ina aw Siciid

$
0
0

Mudo dhowr bilood laga joogo ayaa Dekeda Jedda ee dalka Saudi Arabia lagu qabtay markab sida Rash badan oo kala jaada. Dowlada Saudiga ayaa markab kii xayirtay mudo laba bilood ah dabeed na Taqsiir laba boqol oo kun oo dollar baa lagu xukumay dabeed waa la sii daayay. Dhawaan waxa dekeda Berbera ku qarxay oo dab ka dhashay Kontainer galaaftay laba kontainer oo kale. Kontainerka gubtay waxa lahaa ganacsade ina aw Siciid oo waxa ka buuxay Rashka qarxa sidii kii saudiga. Dp World arinkii wey isku duubtay oo qeylo dheer bay ka bixisay, waxa se la yaable wasiirka maaliyada Zamzam oo madaxdii dekeda telephone ku wareerisay oo le kntainerada kale u sii daaya ina aw siciid dabeedna weynnu isaga iman doo. Hadaba waxa xaqiiq biyo kama dhibcaana in ganacsade ina Siciid Rashkan u dib uugu dhoofiyo dalka Yemen oo ay iyana walxaha qarxaha ka sameeyaan. ina aw Siciid waa ku caan in uu dalka alaab keeno sida sigaarka Royal oo uu hadana dib Yemen iyo Europe uugu dhoofiyo. iminkana wuxuu faraha kula jraa dagaalka Huuti yiintu a wado dalka Yemen oo uu wax yaabo ka mamnuuca uu saxiimado ku geliyo. Isku soo xoori oo runtii waxay noqotay in Kontainerka Saudi ga laga qabtay iiyo kontainerka dekeda Berbera ku ololayba uu ganacsade in aw Siciid laghaa. oo uu doonayay in uu huutiyiinta ka iibiyo.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani ma aha kuwo ka turjumaaya habsami u socodka iyo aragtida shabakada ee waa fikrada mid ka mid ah akhristayaasha

Qisadii Sadexdii nin ee Allah imtaxaamay iyo natiijadii imtaxaankaas – Qisooyin uu nabi Maxamed (CSW) ka sheekeeyay Qaybtii 21’aad

Daawo waraysi dhinacayo badan taabanaaya oo lala yeeshay ergayga UN-Uqaabilsan Somaliland iyo Somaliya Somaliland waxa ay tusaale u tahay Somaliya inteeda kale waana in doorashadii la qabtaa wakhtigeeda


Daawo:Garaad Hargeysa kaga dhawaaqay inaan xukumada Siilanyo Daacad ka ahayn heshiiskay Khaatumo kala saxeexdeen,Xagee Somaliland-na waxba ka soconayn

Daawo:Sacuudiga oo ka hortegay Shirqool & Weerar argagixiso oo lala damacsanaa Xaramka + ismiidaamiye is qarxiyay

Baaq Ku Socota Xidigaha Geeska iyo Cidkasta oo Banaysatay Musica Xaaraanta Ah

$
0
0

Marka Hore Waxaan U hambalyaynayaa Bulshada Muslinka Ah Guud Ahaan inta maqaalkaygu gaadhayo iyo intaanu gaadhaynba Farxada Maalinka Ciida oo inagu Soo Fool leh Aawadeed.
Allaahna Waxaan inooga Baryayaa inuu Inaga Aqbalo Soonkii Taraawiixdii Tahajudkii Dhamaan Cibaadooyinkii iyo Dadaalkaynu laban laabnay Waxana inala gudboon in Aynaan Ku koobin Cibaadoyinka Bisha Ramadan ee Aynu Sii laban laabno Si Waafaqsan sunihii Nebiga Scw si Markaynu Aakhiro ugu guuro Alle Agtiisa Wax INA Raali geliya ugala kulano Intaa Kadib Waxaan Baaq u dirayaa Xidigaha geeska Qolada isku Magacawday oo Banaysatay Macaasi Badan Oo Alle Xaarantimeeyay iyo Cid kasta oo Ay ficil Wadaagaan
Waxaan leeyahay Alle Nimcooyinku INA siiyay yaynaan ugu Abaal celin INaynu Caasino Wakhti adag buu Alle inaga saaray oo ficilkeeda aynu lahayn Maadaama Dunuubteenii Badh Ka mid Ah Alle INA dhadhansiiyay Abaar xanuuna colaado sicir barar iyo dhibaatoyin Badan buu Alle INA dhadhan siiyay oo aynu kasbanay Qaar ka Mid ahna Ay Wali Taaganyihiin Waxaynu kaga Bixi karaa Inago Alle u toobadkeena Sharciga Alle siduu inoo Farayna ugu Dhaqana.

Walaalayaal Heesuhu waa xaaraan shakina kama taagna Alle iyo nebigeenuba scw way inoo Cadeeyeen. WAxa ku cad diinteena qofka heesa iyo Qofka dhegaystaba in cadaabka Alle Dhadhaminayaan Hadaanay Towbad keenin Heesaha Markaan sheegayo waa kuwa musica Ama kabanka wata waxaa soo Raaca kuwaan musica wadan ee macaasida iyo Asturla’aanta Ku Baaqaya

Sidoo kale Waxaan waaninayaa Hablahan Iyaguna is Qaawiyay ee Cawradii diinteenu Amartay inay asturaan muujiyay Alle Haka Baqaan Oo Dembigoodu iyagoo khaliya Ku eekaan maayee u maduu saamaynayaa iyana naftooday Halaagayaan waxaan leeyahay Nafna Saacad Ay dhimanayso Ma oga Ha Ku bedelanina daar aan dhamaanayn Daar dhamaanaysa Walaalayaal waa Aakhiru saman Calaamadihii Nabigu Inoo Sheegay scw Ayaa taagan waa wakhtigii Fitanka Macaasiftii Aalatu lahwigii iyo Macaasidii Baa LA Banaystay Shaydaankii ayaa loo Hogaansamay dad Badan waxay raaceen Naftoodi Waxay jeclayd Waxaa dad badan ka Baydheen Dariiqii Alle inoo jeexay Waxaana inagu waajib ah inaynu Amarka Alle Qaadano oo dacwada Dadka ugu baaqno Oo Dadka u nasteexayno oo Qof walba Dadka Wanaaga Faro Xumaantana Ka reebo.
Showyada kuwa abaabulaya ee shaydaanku adeegsanayaw kuwa martigelinayaw kuwa Gacan Ku siinayaw Kuwa Baahinayaw Ogaada lacnad baa idinku soo degaysee maalkaad ka kasbataana waa xaaraan Hal xaaraan ahi nirig xalaal ah Ma dhasho Alle u toobad keena Maantaad Fursad haysataane .Intaa waxaan ku soo Gebo Gebaynaya Anigu cilmi malihi wadaadna ma ihi ee intaan Culimada ka Maqlaybaan jeclaystay inaan nasteexo ahaan idiinku soo Gudbiyo .Waxaan Alle inooga Baryayaa inuu inagu toosiyo Dariiqa saxa ah kuwii Xaqa Ku dhaqmana Alle ha inaga yeelo ee Aduun iyo Aakhiraba Sharaf iyo cisi ku noolaada Aamiin Yaa Allaah.
Wabillaahi Tawfiiq

Abwaan Garaad Saleebaan

Daawo:Ciid Mubaarak meel waloo aad dunida ka joogto

Madaxweyne Hoos U Dhaadhac Somaliland waxay u baahan-tahay Xeer Ilaaliye Guud Qaran oo xoojinaaya Garsoorka iyo Cadaaladda JSL.

$
0
0

Md Madaxweyne Hoos U Dhaadhac Somaliland waxay u baahan-tahay Xeer Ilaaliye Guud Qaran oo xoojinaaya Garsoorka iyo Cadaaladda JSL.

Xeer ilaaliyaha guud Md. Xasan Axmed Aadan ayaa waxuu la kowsaday xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo Markii ay taladda dalka la wareegtay . kuma uusan iman hab Aqoon sharci ama karti dheeraada oo uu lahaa. Hase yeeshee waxuu ku helay kursiga xeer ilaaliyaha guud . habka saami qaybsiga reeraha S/land oo keliya. markii hore waxuu ahaa Qurba-jooga deganaa dalka Ingiriiska (Bristol) . sida la soo xaqiijiyey hal maalin keliya waqtigaasi umuu kala-hin wax shaqo ah.

Sida Muuqata Mr. Xasan Axmed Aadan magaca uu qaranka u hayo waa xeer ilaaliyaha guud . Shaqadiisu waa Danbi-Oogis ama Xeer- ilaaliye. Waxaa hoos yimaadda isaga . Ku xigeenadda Xeer ilaaliyaasha Goboladda. Iyaddoo ay sidaasi tahay dadka muwaadiinta ee la soo eedayaa waxay u baahan-yihiin Cadaalad , looma baahna hab la dareemayo inay sifo sharci daro ku tahay isaga. Ama qof denbi galay inuu soo fara-geliyo Xeer ilaaliyaha Guud oo uu ku khasbo Xeer ilaaliyaal ku xigeenadda inay difacaan Denbilayaal uu isagu dan ka leeyahay ama doonayo inay ka duwaan danbiyo ku cadaaday siiba kiisaska xasaasiga ee dilku ugu horeeyo . isla-markaana uu u caga-jugleeyo Markhaatiyadda dhabta iyo dadka dhibanayaasha ee dilka loo geystay. isagoo u sii maraaya ku xigeenka xeer-ilaaliyaha ee kiiskaasi denbi oogaha ka ah. oo isaga hoos yimaadda sharci ahaan.

(Somalidu waxay ku mahmaahdaa meyd maxaa u danbeeyey kaa la sii jidayo). bal aynu eegno Sawiraddii ugu danbeeyey saxaafadda. cabashada dadweynaha Ceerigaabo iyo kuwa kale ee la midka ah.
Sidaasi oo ay tahay waxaan odhan-karnaa : In maanta uu Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mr. Xasan Axmed Aadan uu shaqadda Qaran ee xilkeedda uu sito ka dhigtay , mid sida uu doonayo ugu xad-gudba sharciyadda wadanka iyo muwaadiniinta S/landba.Waxyaalaha la yaabka leh ee uu si cad u garab-maray. Xeer ilaaliyaha Guud.
Waxaa ka midda Qaynuunka denbi-oogista Maxkamaddaha Goboladda baal-marsan in kiis cad oo ay markhaatiyaal badan ay fureen . ayna goob-joog yihiin dhibanayaashii . Inay ka shaqeyn Kari waayaan ku-xigeenadiisii oo uu leeyahay waxii aan anigu doono ayaa soconaaya (Sidaasina kiiska waa inaad u oogtaan). oo uu faraha kula jiro madaxbanaanidda kiisaska . taasi oo ku qaldan hab dhaqanka sharci. sidoo kale Hab-socodkii kiisaska oo ay iyagana ragaadinayaan.
Mudane Madaxweyne , waxaad aad Barmaamij-siyaasaddeedkii Xisbiga Kulmiye ku gashay Ololaha Doorashada , oo ka mid ahaa, Wax ka qabashada Cadaalad-daradda ka jirtay Maxkamadaha Bulshada loogu Gar-qaado iyo habka ay xeer ilaalintu denbiga u oogantaba. , iyadoo dhowr jeer intii xukuumadaadu xilka haysay isbedelo sameysay lakiin marna hoos umaad eegin Xeer-Ilaaliyaha Guud ee qaran. halka danbiyadda laga soo oogo .
Md madaxweyne Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Adan Xaaji Cali
waxaad magacowday badhtankii sanadkii 2015 . sida waafaqsan qodobka 105 ee distoorka Somaliland. sidoo kale ay ansixiyeen labadda Golle JSL. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare . ayaa ku guuleystay arimo badan dhinaca garsoorka ah , isagoo guul ka gaadhay . mudaddii koobnayd ee 2sano ahayd ee uu xilakaasi ku magacownaa. waxuuna qaaday talaabooyin qasdigoodu daaran-yahay , dib u habaynta Caddaaladda iyo Hay’addaha ka shaqeeya.

Sidaasoo ay tahay, Md Madaxweyne arrinta hagaajinta Garsoorka waddanku waxay u baahantahay mudadda yar ee kuu hadhay Xeer ilaaliye Guud oo hawshaasi ka soo baxaya sida Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Adigoo Madxaweyne . ka duulaaya balan-qaadkii ku xardhanaa axdi-siyaasaddeedkii aad umadda codka kaga kasbatay, hadana weli waxa muuqata inaanay midho dhalin juhdiga aad ku bixisay hir-gelinta hufnaan Cadaaladdeed. Marka loo eego Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iminka .

Hadaba Md madaxweyne Xeer ilaaliyaha guud wuu leexiyey habkii cadaaladda kiisaska dilka . waxaana ay umaddu kaaga baahan-tahay In aad markale u hiiliso . oo ay helaan Xeer –ilaaliye guud oo Qaran . si loo suuliyo ficiladda xad-gudubka ee uu kiisaska ku hayo. Lana helo Madaxbananidda Garsoorka . Ku-dhaqanka sharciga iyo kalsoonida shacabka Somaliland ku qabaan hanaanka cadaladeed oo Garsoor. Si ay hawshoodda u gutaan Ku-Xigeenadda Xeer-ilaaliyaasha Goboladdu .Taasi oo ku qotanta hab dhexdhexaadnimo ku sifeysan.

Md Madxweyne: Haddii ay sidan ku sii socoto . fargelinta qaawan ee xeer ilaaliyaha guud ee qaranka kiisaska dilku ku taxaluqa. Ku sameynaayo. Lana aqbali waayo . cabashooyinka dadweyanaha Somaliland . siiba xad-gudubyadda xeer ilaalinta guud qaranku uu caadeysatay. siiba dhinaca dacwad oogista iyo Sida khilaafsan xeerka ciqaabta oo uu xad-gudubyo am ku sameynayo kiisaska dilka ku saabsan . ciduu doonana uu danbi la raadsanaayo . kii danbi ku cadaana uu la diidan yahay .falalkaasi is-daba –joog noqday , waxay ka soo horjeeddaan nidaamka Sharciga iyo Garsoorka . caqabad weyna waxay ku yihiin hawlihii geedi-socodka kiisaska xasaasiga ee dalka ka jira iyo arimahaasi ku xeeran .
Wasalamu alaikum

Siciid M.Wersame
Ceerigaabo/Somaliland.

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>