Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo:Ismaaciil yare oo karbaashay Kulmiye”Kulmiye waa xisbi Shaydaan,Waddanina waa Xisbu-laah”


Xildhibaan Buubaa oo si adag ugu jawaabay Hadalo Xiqdi & Buqdi ka buuxo oo ka soo yeedhay Wasiir Cadaani

Musharax-Xigeenka Waddani oo Fariin Muhiima u diray Hogaanka Kulmiye

Daawo:Wasiirka Daakhiliga S/land oo sii huriyey Khilaafkii ka ognaa Gudoomiyenimada Golaha wakiilada una hanjabay Xildhibaan Talyaanle & Xisbiga Waddani..

Taageerayaal ku soo biiray Xisbiga Waddani+Dad loo xidhxidhay Qadiyadaas+Xukumada Kulmiye oo jidgooyo u gashay Taageerayaal soo dhaweynayey..

Daawo:Abiib Timocad oo kabaha la dulmaray Kulmiye

Xisbiga Waddani oo soo bandhigay Muqaallo & Fiidiyow Muujinaya Sidii Codayntii Golaha Wakiiladu u dhacday & Sidii loo kala guulaystay

Xukumada Siilanyo oo Xabsiga u taxaabtay Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Somaliland ka dib markii dagaal-gacan-ka-hadal ahi..

$
0
0

Hargeisa-(qaran-news)-Sida ilo wareedyo goobjoog ahi u xaqiijiyeen warfidiyeenka Qarannews Waxaa dagaal Gacan-ka-hadal ahi ku dhexmaray Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Saleebaan Cali Koore & Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax oo hadallo kulul isweydaarsaday.

Koore & Baashe ayaa Khilaafkoodu ka istaadhmay Doorashadii Macmalka ahayd ee Baashe loogu cumaamaday Gudoomiyaha Golaha Wakiilada hasa yeeshee Musharaxii la tartamaayey Xildhibaan Talyaanle qaadacay Go’aankaas,shaaciyeyna in la codadkii uu helay la musuqmaasuqay.Koore ayaa Codkiisa iyo taageeradiisa la barbar joogsaday Xildhibaan Talyaanle taas oo baashe cuqdad ka qaaday.

 

Isku soo wada duuboo Xukumada Siilanyo ayaa Xabsiga u taxaabtay Xildhibaan Yuusuf Cali Koore iyo Laba Askari oo ilaalo u ahaa.


Daawo:Mawqifka Odayaashada Madashu ka taagan yihiin Khilaafka ka dhex oogan Gudoomiyenimada Golaha Wakiilada Somaliland

Cali Guray waa Mujaahidka Qabyaalada.!! By Abdi Ismail Abib

$
0
0

Inta badan waxaynu maqalnaa niman waaweyn oo Siyaasiyiin isku haysta oo goobaha fagaarayaasha Siyaasada si qaawan ugu hadaaqa weedho aan miisaanayn oo caadifad qabiil ku ladhantay, hadaladaas raqiiska ahi waxay dhago barjeeyaan maxasta iyo wax magaratada iyadoo lagu khaldayo ama masiirkoogii lagu duminayo, caqliyadoodiina lagu caayayo, hadaladaas waxa ugu danbeeyay weedho uu Cali Guray ka yidhi goob ay joogeen Musharaxa xusbiga Kulmiye Muse Biixi oo ahayd madal lagu soo dhaweenayay taageerayaal cusub oo kusoo biiray, hadaladaas oo runtii ahaa wax laga yaqyaqsoodo in nin Siyaasi sheeganayaa uu si qayaxan u yidhaa ” Ma dhici doonto waligeed in nin reer hebeli uu Madaxweyne noqdo hadii uu hebel dhaco”. Waa hadal aad u jaban laguna caayayo caqliyada iyo garaadka ummada reer Somaliland ama cidaa hadalkaas lagu beerlaxowsanaayay, reerkuna waa ka wayn yahay wax nin musharaxa oo laga badiyay hadiiba laga badiyo wax u noqda ama sumcadooda wax u dhimaysa. Horana tartano iyo doorashooyin waa usoo galaynay, waxaana jooga rag laba jeer isasoo sharaxay oo labadiiba laga badiyay imikana diyaar u ah inay tartamaan sunaha doorashada ayeeyna ka mid tahay in tartanada lagu kala badiyo. Ceeb weyn iyo habaarna wey ku tahay in beel balaadhan la yidhaa waligiin halkaa Muuse gaadhay nin gaadhayaa idinka dhalan maayo.

Waxaana wax aad looga murugooda ah in inta Siyaasada dhagaraysan ee Somaliland ku macaashta ay shaqo ka dhigteen inay qabiil wax ku doontaan ama qabyaalad cad ku olaleeyaan, iyadoo taasi ay dhawac wayn u gaysanayso Jiilasha soo koraya ee lagu ababinayo qabyaalada iyo inaan waxba laga xishoon, dowladnimada aynu sheeganayno ee sii saqiiraysana booraan kusii ridaysa . Nimanka tartamaya ee Musharaxiinta waxa laga rabaa inay la yimaadaan Siyaasad iyo Barnaamij wax qabad oo ummada min Galbeed ilaa Bari ay ugu siman yahiin waxna ugu qabanayaan, kana fogaadaan waxkasta oo ummada kala qaybinaya.

Hadalada Mujaahidka qabyaalada ee Cali Gurayna waxba uma tarayaan Musharax Muuse wax ay yeelan mooyana waxayna dhaawac weyn ku tahay asteentii Dowladnimo iyo aragtiidii caalamka inaga qabeen inaynu Dowlad noqon karno oo ay wiiqayso.

Gabayadii Guba gabay uu tiriyay Jamac Xirsi guleed ayaa waxa ka mid ahaa tuducyo ku saabsa oday wayn oo qabyaalada iyo isku dirka ummadu ay madax martay sida Mujaahidka Qabyaalada ee Cali Guray.

Duq gaboobay waxa u roon afkii inuu dabooshaaye,
Marse haduu duleedyada ka ciyo waa darxumo weyne,
Danbi iyo xasaraad baa Illaah kuugu dowgalaye,
Dariiqyada janada loo maraad dacal maraysaaye,
Nin dardaarankii wacnaa seegayo doorsan baa tahay.

Allaa mahadleh,

Abdi Ismail Abib
Antwerpen, kingdom of Belgium
Attachments area

Daawo:Xildhibaan Xoog oo si adag u karbaashay Wasiir Cadaani,kuna tilmaamay…

Khilaafkii Qatar & Xulufada sacuudiga oo sababay in Israa’iil xidho Al-jazeera

Kulmiye maqaam bilaa Sheekha oo muruud suufiyi joogo

$
0
0

KULMIYE MAQAAM BILA SHEEKHA OO MURUUD SUUFIYI JOOGO.
QALINKI:KH.KAARIYE

Maqaam hadaad maqasho wa rug ama Saldhig sheekh iyo xertisu dagan yihin, sheekhasi inta badana wa sheekh caana oo wax loga so joogay karamadiisa lagana barakeysto,sheekhaasi wuxu leyahay xer badan oo Ku nool siyarada lo keeno.xertu sheekha waxay la qaadan digriga iyo qasaa’idka nabi amaanka ah.

Sheekh waxa Ku xidhan dad ka barakeysta oo ka kooban ganacsato, siyaasiyin Xil haya ama aan hayn iyo bulshooyin kale oo iyaguna ka barakeeysta sheekha, dadka sheekha Ku xidhani waxay kenaan lacag,xoolo nool,raashin,maryo iyo jaadka ama jimaaga oo isagu ah daruuri, waxa lakeenayo oo dhan bartaas aya lagu burburiya ama lagu raanbusa, wax yaala cajibka ah waxa ka mida xerasi kama taajirto Sheekha ee wuxuunba la burburinaya hadh iyo habeyn.inta badan dadka sheekha Ku xidhan ee xoola kena abaal marin waxa lo siya ijaasad, dabiib,duco,iyo in lo sakhiro muraadka uu leyahay qofkasi.”subxaanalaah” sheekhu maha nin ciyaara karamooyinkisa waxba looga so joogay taasana sabab u ah in lagu xidhnaado oo laga barakeysto.

Akhristow Warba waka danbeye Sheekhi wuu dhinta iley wa qof bili’aadame ama wu isaga tagaba meesha,dabadeed gacan yarihiisi oo lagu magacaabo muuruudka sheekha aya maamuulki la wareega iley meel dhisan ayey ahayde,dadkii ka barakeysan jiray sheekha ee xoolaha iyo aduunka keeni jirayna wey ogaadan inu Sheekhi dhintey dabadeed wey joojiyan hantidi ay u keeni jiren sheekha.

Xeerti aya meeshi Ku raameysata busarad awgeed qaar wabey Ku washan duruufta adag ee so wajahdey, qaarna wey isaga yacan oo dhulka ilahay ayey qabtan kuwu kalana reerahoda gawdhi u so dira oo iyago aan waxba Ku nooleyn oo rameeystay intey u meydhan oo rama ka xiiran ka qaata goobti.

Dulucda iyo ujeedada waxaan uga goleyahay kulmiye sheekhbu laha oo sheekhi wu iska tagey karamadisi iyo qurankisina wu la tagay, ee bal waxan idin weydiyay muruudkan yar ee waliba suufiga ahi hadu karaamo leyahay muxuu maqam u furan wayey maqaamkan sheekha lahaye??? Lakin ma laga yaaba inu Ku raameysto??? Akhristow saxiib Dunida laguma hayo maqaaam laba sheekh leh.

Alla Mahad leh

Qalinki: Khadar kaariye cune

Golaha shacbiga iyo ilduufka jira koobka gudoomiyanimada

$
0
0

GOLAHA SHACBIGA IYO ILDUUFKA TIRA KOOBKA GUDOOMIYANIMADA

MARKA HORE WAXAN LEEHAY INTA CAQLIGA U EHELKA AH EE XAQSOORKA AH SHACBIYAN IYO XUKUUMIYAN U HIILIYA CADAALADA.
MIDH KA FOGAADA IN AAD QALAD DHACAY LA SIXIMAAYO LA YIDHAA, XADIISBAA YIDHAA ( KULU IBINU AADAM KHADAA WA KHAYERUL KHADAAIINA TAWAABUUN). QOFWAL OO BINU AADAM IHI WUU QALDAMAA KA KA TOOBADKEENAA QALDAMAYAASHIINA IDIINKU KHAYERBADAN.MAAH MAAH CARBEED BAA TIDHAA ( MAA FII WAAXID MACSUUM MINAL KHADA WA KHAADIU MARJUUC MIN AKHDAAIHII.) QOFNA NADIIFKAMA AHA QALAD ,CAAQILKU WAA KA QALADKIISA KA NOQDA).
XAAKIMKA CIYAARAHA KUBADA CAQTA AMA SIIDHIWALAHA KUBADA CAGTA MAR MAR BUU IL DUUFAA OO GOOL QALAD LOO DHALIYEY YIDHAA WAA GOOL WAXSE SAXA CALANWALAHA KOONAYAASHA KA WAARDIYEYNAYA QALADKA SHEEGA GOOLKANA
KANSALGAREEYA.
ADUUNKU MAANTA WAA MURAAYAD WAX QALADGELI KARA MA AHA MADAL XEERDEJINEED WARBAAHINTU KU DHANAYED,
KONTOMEEYE KAMARA DAHA WAREEGAA DULYAAL GACANTAAG LAGU FOOTEEYEY MADMADAW MA GELI KARTO.
WAX MORON GELI KARA MA AHA , CADAALADA IYO XAYENDAABKA SHARCIGA HA LOO NOQDO XAQLAHA SIIYA XAQIISA OO DULUMKA
HALA HOR JOOGSADO.TAASBAY LIIBAANTA IF IYO AAKHIRO KU JIRTAA.
DAWLADU NIN JECLAYSIGA IYO NIN NECBAYSIGA HA JOOJISO HA U XAQSOORTO LABADA MURASHAX.WASAARADA GUDUHU WADANI HA SIISO
APOLOGIZE MAXAA YEELAY ARIN GOLAHA SHACBIGU ISKU KHILAAFSANYIHIIN WADANI LAGUMA CAMBAAREYEN KARO,.
HAWSHA MUCAARIDKU WAA IN UU XAQA KU ADIMAA.TOOSHKA KU IFIYAA GODALOOLADA MUUQDA.
DAWLO.
DHAAFA DHABARTAABASHADA XILDHIBAANADA IYO CASUUMADAHA MADAXTOOYADA EE BAAQAYGA SOO RAACADA.
ISKA HORKEENKA IYO CADAALAD DARADA SHACABKA
SIDA LABADA SULDAAN EE REER MAROODI JEEX EE LA ISKU DHUFTAY MIDNA LA XIDHAY MIDNA LA DAAYEY.
LABADA XILDHIBAAN EE IS AFDHAAFAY EE MIDNA LA XIDHAY MIDNA LA DAAYEY.
DAGAALADA CEEL AFWEYEN EE HOOSTA LAGA HURINAYO SI LOOGU SEETA DHEERAYESTO OO LOO YIDHAA WAA STATE OF WAR.
MASHRUUCA KHAATOUMO OO LABA LOO KALA JIBIYEY SE DADKU ISKUGU DHACAAN OO XAALAD ABUUR LOO HURIYO.

YAA XUSBUL XAAKIM KULMIYE SHEEKADU SIDII HORE HA KU FIKIRIN.
WAA ALAMTARANA SOO DHAAF.
SEETA GOOSADKII DHAMAA, SOONAHA XAQSOORKA KU SOO NOQO,
HADAAD DIIDO XAALKU WAA ALLA KAMA DHIGEE DOONIYEEY DEG WALEE WAAN KU WADA JIRNAA.
KANIISAD KEEN,
DAGAAL KU MACAASH CEEL AFWEYEN,
SALAADIN ISA SUDH,
BAARLAMAANKA BAM KU XIDH,
GAADIIDKA HAWDAAN GADOOMINYAA,KOLBA GIDAAR ISKU QAADA
WALEE XAALKU WAA QARQARA
WAXBA HA QALDHEBINA,
GARDAROOY GODKAAGII
MA LAGUUGU SOO GALAY.
XAQA IYO BAADILKU HADAY POROTAMAAN WAXA HUBAAL AH IN UU XAQU BADINAYO.
ALLAW SAHAL AMUURAHA ADAA SAATIROO JIRA,
LABA TALABA TII ROON RABAW ADAY TAADA NOQOTAA.

XAQ U DIRIR,
MUSA AW HASSAN LODOON,
AWDALI DUBAI.

Daawo:Muqaal toosa & Halkay marayso Codeynta & tirinta doorashada Dalka kenya


Daawo:Xildhibaan Talyaanle oo ka hadlay Mawqifkiisa Kursiga Gudoomiyenimada Barlamaanka & Gacan-ka-hadalkii ka dhacday Golaha Wakiilada+Xoggo kale ee xasaasiya

Daawo:Xidlhibaan Lagu muransanaa Codkiisa kuu u codeeyay Baashe & Talyaanle+Xildhibaano u hanjabay

Daawo Musharax Cirro & Wefti uu hogaaminayo oo si mug & Milge leh loogau soo dhaweeyay degaanada….

Siyaasi ismaaciil yare oo khudbad u jeediyey,Kulmiyena dhaliilo & Eedo culculus ku miisay

Khudbadii Gudoomiye-xigeenka 2aad ee Xisbiga Waddani+Eedo uu ku hurgufay Kulmiye

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>