Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo:Wasiirkii Hore ee Isgaadhsiinta S/land oo ku biiray Xisbiga Waddani+Khudbad Xasaasiya & Tolaayda Muuse Biixi & Mujaahid


Daawo:khudbad Hogaamiye Xirsi ka jeediyey Munaasibad lagu soo dhaweeyay Siyaasiyiin & Taageerayaal ku soo biiray Xisbiga Waddani+Fasiraad uu ka bixiyey Erayga Mujaahid

Daawo:Khudbad Xasaasiya oo Musharax Cirro ka jeediyey Madal meeqaam sare leh oo lagu soo dhaweeyay Siyaasiyiin & Taageerayaal Mug Iyo Miisan leh oo ku soo biiray Xisbiga Waddani+Ballanqaadyo Cusub

Qaabkee shaqo loo helaa Qaybtii 2aad.

$
0
0

“Inaad shaqo heshaa waa mid adag se waxa ka fudud in shaqo lagaa eryo”

Maqaalkan wuxuu la socdaa kii horre ee ahaa
Qaabkee shaqo loo helaa? Waa jawaaab cidkasta oo shaqo doon ahi u baahan tahay.

“Maanta in shaqo la helo waxa ka fudud in shaqo la abuuro”

Shaqo la’aantu waa ay badan tahay oo waa aynu ognahay heerka ay gaadhsiisan tahay 79%.

1. Su’aalaha meesha yaalaa waxa weeye haddii aad shaqo heshid sidee u maareynaysaa dhaqaalahaaga?

2. Marka aad shaqo heshid ee aad shaqada ku cusub tahay maxaa lagaaga baahan yahay?

3. Goobaha shaqada maxaa lagaaga baahan yahay?

4. Qaabkee shaqo loo abuuraa?

Markasta oo aad shaqo doon tahay waxa kula gudboon in aad adeegsatid kalmada ah waan helayaa shaqo oo waan hubaa , maxaa yeelay heerarka guusha waxa ka mida inuu qofku yeesho rejo wanaagsan oo uu wax wanaagsan rajeeyo si Alle ugu rumeeyo.
Markasta noqo qof leh waan helayaa , waan guuleysanayaa waan baranayaa, waan shaqaysanayaa waannan gaadhayaa.

1. Waxa shaqo loo raadiyaa waa in dhaqaale iyo nolol tii horre ka duwan la hello, Ka soo qaad adiga oo shaqo helay maxaad ka yeelaysaa shaqadaada iyo dhaqaalahaaga, heerka aynu aragno ee shaqo la’aanta wuxuu kor u dhaafey 79% waxa ku shaxaadi doonna oo aad baahidooda arki doontaa in ka badan 50% dadka aad asxaab iyo ehelnimo wadaagtaan.
Waxa kugu furmi doonna daaqado aanad xisaabta ku darsan oo ay ka mid yihiin dadka aad ehelka iyo asxaabnimada wadaagtaan kuwaasoo kuu soo bandhigi doonna baahiyo kaa nixiya oo wer-wer kugu fura.
Mar arday baad ahayd oo waxbaa lagu siin jiray se imika adigaa wax lagaa rabaa Hooyo ama reerkiibaa wax kaa raba oo rejadooda ayaad ahayd, adiga ayaa raba isbeddel nololeed taas oo aad u baahan tahay in la dareemo inaad tahay qof shaqeeya oo heer gaadhsiisan, maalinta aad shaqada mushaharkeeda heshid qorshee oo u qaybi baahida saxdaa ee nolol maalmeedka iyo dhigashada wixii aad awoodid oo joogto loo dhigo, xoogaa dadka jilicsan wixii awoodaada ah aad ku caawin kartid ku darso qorshaha.
shaqayso, ku noolow, kaydso oo ku camalfal.

Muhiimadda ugu weyni waa inaad bilkasta wax dhigatid maxaa yeelay noloshu shaqaalenimo maaha oo isbeddel baad u baahan tahay, marna xisaabta ku darsoo shaqadu way dhammaan kartaa, waanna lagaa joojin karaa, markasta han shaqo abuur iyo isbeddel shaqaba yeelo.
Haddii aad shaqaale cusub tahay ha ku deg-degin inaad ganacsi abuurtid se abuur ganacsi marka aad shaqaysid in ka badan 4 sano maxaa yeelay markaas waxaad tahay waayo-arag haya dhaqaale aad wax ku abuuri kartid, waa haddii aad kayd dhaqaale lahayd.
Maaree dhaqaalahaaga oo u maaree sida ugu saxsan ugu tashkiilka badan si aad wax u dhigatid waxna u qabsatid.

2. Markasta oo shaqo bilawdid waxa lagaaga baahan yahay inaad qabatid inta waajibaadkaaga ah oo aad wax ku dartid.
Qofkasta oo shaqo ku cusub siyaabo kala duwan baa loola dhaqmaa ama wax loo weydiiyaa ha dhibsan su’aalaha iyo cannaanta kuu iman doonta waayo wax badan ayaa lagugu imtixaanayaa waanna lagu tijaabinayaa, qofku markuu shaqo bilaabo awood, firfircooni iyo wakhtiba wuu galiyaa bilawga shaqada se marka uu la qabsado hoos u dhacbaa ku yimaada waxaan se ku leeyahay qaabka iyo quruxda aad shaqada ku bilawdid ku dhammee oo halkaa marna hoos hawga degin.
Maalinta ay kuu ahaato adigoo lagu jecel yahay ka tag haddii aad jeclaatid inaad shaqada ka tagtid adigoo buuxinaya heshiishkii shaqo ka tegista iyo waddooyinkiisii ee ay ka mid tahay Ogeysiinta in aad shaqada ka tageysid, taasi waxay waji u tahay noloshaada iyo mustaqbalka reerkaaga, caruurtada iyadoo aad heli doontid Warqad iyo lifaaq aad meelkasta ku xarreysan kartid.
Marka aad shaqada bilawdid yeelo asluub iyo akhlaaq shaqo adigoo ilaalinaya nidaamka iyo sharciga shaqada wixii aad fahmi waydidna waydii cidda aad masuuliyadeeda ku aragtid.

Wakhtiga, dirayska iyo fahanka wixii la qabanayo xoogga saar sidii aad u ilaalin lahayd.

3. Goobkasta oo shaqo, sharci iyo nidaam shaqo ayaa lagaaga baahan yahay.
Wakhtiga oo aad ilaalisid
Dirayska
Sharciga shaqada
Sirta shaqada
Tayada iyo baahiyaha shaqada oo aad ilaalisid.
Intaaba waa lagaaga baahan yahay.

4. In shaqo la abuuraa waa waddo ka duwan shaqo doonka , waad abuuri kartaa waanad ku guuleysan kartaa se waxay u baahan tahay,
Aqoon iyo waayo-aragnimo , waxkasta oo aad isleedahay ka shaqayso waa in aad jeceshay oo aad xiiso iyo rabbitaanba u haysid, marka ay kaa go’naato ayaad haddana iswaydiinaysaa dhaqaale iyo waayo-aragnimo ma haysaa! intaa marka aad heshid ayaad bilaabaysaa.
Haddii aad waayo aragnimo shaqo u baahatid waa inaad si bilaasha ah marka horre ugu soo shaqaysay ama aad ka soo shaqaysay ganacsiga aad rabtid.
Ganacsikasta oo la bilaabaa caqabad ma waayo, jaran-jarooyin badan buu maraa, se waxa lagaaga baahan yahay inaad tidhaahdid waan guuleysanayaa, waan samrayaa, waan gaadhayaa halkaan rabo oo ay kuu dheer tahay inaad adkeysi yeelatid, ka dibna aad aad casharkasta oo ku soo mara aad kala hadhid waayo-aragnimo.
Marna niyada ha galin in aad fashilmaysid waayo waayo fashilku waa qayb ka mida guusha, markasta oo aad fashilantaa waa markasta oo aad guusha u dhawaatid.
Marna niyada ha galin in dad kaa dhaqaale badani jiraan oo haddii aad ganacsigaaga bilawdid ay iyana mid ka dhaqaale badan bilaabayaan taasi waa fikirka dadka aan guuleysan, haddii aad dib u raacdid dadka maanta hodanka iyo hoggaanka ganacsiga hoggaaminaya Soomaalida asalkoodii hore waxay ka soo bilaabeen meel aad u hooseysa oo aanad aamini karin taasna waxay ku soo gaadheen waa adkeysi, samir, ka go’naan , xiisayn iyo wakhti badan oo ay soo galiyeen taasina waa ta lagaaga baahan yahay.
Haddii aad u baahan tahay inaad shaqo abuurtid samee cilmi baadhis iyo macluumaad waxa aad dooneysid, ka dibna u raadi goob ku habboon oo aad ka dhigtid.
Iskaashiga dhexdiina waa inta ardayda iyo waxbarashada wada dhammaysatay way samayn karaan inay ganacsi kooban abuuraan oo midba wax keenno se waa in daacad loo wada yahay oo kalsooni lagu qabo in wax isbeddelayaan oo la guuleysanayo.
Adkeyso shaqadaada, daacad u noqo oo isbeddelkeeda horseed u noqo…..

La soco qaybaha kale…………………………………………………….
Farhan Mohamed Sultan “Rakad”

Email:- Farxaanmxd@gmail.com

Why Somaliland Dryland Agriculture Research?

$
0
0

The Aburin Agricultural Station was established as a center of Dryland agricultural research and training during the British rule of Somaliland. Later, during both the civil and military governments of Somalia, Aburin continued to function as an agricultural research and farmer training center. Selection of Aburin as Somaliland’s Dry land agricultural research and training station was based on the following criteria:
Location within Somaliland’s prime dry land cropping agro ecological zone with the longest history of cropping. This zone, which includes Maroodijeeh (Hargeisa), Gabiley and Awdal regions, has relatively favorable rainfall and fertile soils suitable for the production of sorghum, maize, millet, and a diversity of legumes and oilseed crops under Rainfed conditions. The three regions of Marodijeh, Gabiley, and Awdal are the food baskets of Somaliland in terms of food grains production as well as fresh fruits and vegetables.
Additionally, Aburin is close to the three major dry land cropping districts of Somaliland. For example, Aburin is about 30 km from Hargeisa city, 20 km from Gabiley and 75 km from Borama.
Because, Aburin is located within the prime dry land cropping zone of Somaliland, results of crop research experiments conducted in Aburin are applicable and relevant to the farming community in this major agro pastoral zone.
The main reasons behind establishing Dryland Agriculture Research Center in Aburin, Somaliland is to improve agricultural productivity, which is an important catalyst of broader economic growth. The research center has been inoperative for almost one year and half with funds obtained from the Somaliland Development Fund (SDF). The following are Research conducted at the station:
To investigate the performance of improved crop varieties under Rainfed conditions of Aburin
To demonstrate the effects of improved production practices on crop yields
To investigate the effect of improved plant protection practices on crop yields
To investigate the effects of improved soil management practices on crop yields and soil fertility
To utilize the trials for staff training.
The center trained the first batch of graduate students (trainees) selected from local universities for Dryland agriculture research and extension. They have   completed their studies and are about to graduate for post graduate Diploma in Dryland Agriculture and Research. They, together with their supervisors conducted the above mentioned Research and extension programs.

The Research findings will be published and disseminated to   stakeholders and the community at large to realize the work done.   New knowledge and technology generated from this research will contribute to the ability of farmers to improve production, it also creates opportunities in other sectors, another driver of productivity.  The research will also boost incomes and reducing poverty. However, I cannot deny the limitations of Agriculture research programs in the areas of funding (internal and external) Motivation and incentives, Strategic planning and direction (especially for the young staff) and possible approaches of research areas starting with understanding on information needs of the clients, future business systems and collaboration with both public and private sectors including to that of non-government organizations to achieve better outcomes as well as engaging communities participation at all levels of the program.

To this end, we need to strengthen competencies and capacity in agricultural research management and capacity for professional development in agricultural research and development and for that a Sustained Agriculture Research funding is a prerequisite for the successful Agriculture Research program.

Thanks

Abdirahman Ibrahim Abdilahi
Contact : Abdirahman270@gmail.com

Xaflad aad u bilan oo Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku soo dhaweynaayey Siyaasiyiin iyo Taageerayaal ku bahoobay Wax-garadka Badbaado Qaran Daawo Sawiradani

$
0
0
  1. Xaflad aad u bilan oo Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku soo dhaweynaayey Siyaasiyiin iyo Taageerayaal ku bahoobay Wax-garadka Badbaado Qaran oo ka soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE isla mar ahaantaana si rasmi ah ugu soo biiray Xisbiga WADDANI, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Maansoor ee Hargeysa.
    Xafladdan oo uu ka soo qeyb-gala Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa sida oo kale waxa kala soo qeyb-galay guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Siyaasi Ismaaciil yare, Siyaasi Ismaaciil Buubaa, Siyaasi Abiib Timacad, Marwada Murashaxa Madaxweynaha Marwo Farduus Maxamed Rooble, qaar ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta ,garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba sida oo kale wax-garadka badbaado qaran iyo taageerayaashooda baaxadda weyn oo aad u tira badnaa.
    Siyaasiyiinta ku bahoobay Wax-garadka Badbaado Qaran ee xisbiga WADDANI uu xafladda u sameeyey, waxa hoggaaminaayey siyaasiyiin miisaan culus ku leh saaxadda siyaasadda dalka ooh ore xilal muhiim ah uga soo qabtay qaranka Somaliland ku waasi oo ay ugu horreeyeen Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Siyaasi Cabdillaahi Cirro, Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somalind Md.Axmed Jaambiir Suldaan, Wasiirkii hore ee Isgaadhsiinta Md.Abgaal iyo weli ba haldoor kale iyo wax-garad aad u tira badan.
    Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Xukuumaddii Cigaal Siyaasi Axmed Jaambiir Suldaan oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa soo bandhigay sababahii uu uga soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE ee uu ugu soo biiray Xisbiga WADDANI.
    “waxaan idiin sheegayaa waxaan ahaa xisbiga Kulmiye, waxaanan uga soo baxay waxa ka mid ah Laagtii uu Sameeyey Marxuumkii ee dalku yeeshay ee cadowga aanu kaga adkaanay maanta waa Xashiish. Lacagtii waxa socota maanta kunkaa ugu yar, lacag kunka la gaadhayna maaha wax kale ee waa Qiima Barar, waxa timid koox doolar urursato ah ayaa jabisay oo baabiisay shilinkii Somaliland taasina inama anfacayso, wax hantiya waxa aynu lahayn aqalo, aqaladii aynu lahayn qolo dhuuxa cunaysa, markii uu gabyayey waxa uu lahaa ‘cidaamkaa na fuulay’ cidaamkaa uu sheegayey keebaad moodaysaan waxa uu lahaa Aqaladii dhawrka boqol ahaa ee la inooga tagay, cidaamkiina way cuneen, markaa saw in la nacao maaha.”. Ayuu yidhi Axmed Jaambiir Suldaan

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Xukuumaddii Daahir Ra’yaale Siyaasi Cabdillaahi Cirro oo isna halkaas ka hadlay, ayaa caddeeyey in ka dib markii ay odoros siyaasaddeed ay ku sameeyeen siyaasadda dalka iyo weli ba halka ay marayso xaaladda Somaliland ay go’aansadeen in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI.
“Kooxdayadani markii aanu aragnay, markii aanu in badan xuuraan ku jirnay, markaanu siyaasadda dhinac walba ka odorosnay, waxa aanu aragnay in Somaliland u baahan tahay in la badbaadiyo, waxaana aan idiin sheegaynaa in dhalinyaradiinan aan anagu odeyaal u nahay oo aanu tubta idiin sii jeexayno, markaa waxa aanu horta idin ku waanineynaa in aynu ka xorowno qabiilka, aqoonsi na qabiil ku heli mayno, markaa walaaleyaal markaanu eegnay cadaaladdii dalku halka ay mareyso oo maanta intii ay Somaliland jirtay waa markii ay cadaaladdu ugu hooseysay ee ay ugu musuqmaasuqa badneyd ee ay ugu fadhiidsanayd ee ay ugu liidatay sidaas awgeed waxa aanu go’aansanay oo aanu ku faraxsanahay in aanu maanta ku soo biirnay Xisbiga WADDANI.”. Ayuu yidhi Siyaasi Cabdillaahi Cirro
Wasiirkii hore ee Isgaadhsiinta Xukuumadda Siilaanyo Siyaasi Abgaal oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu ka mahad-celiyey xafladda soo dhaweynta ah ee lagu qaabilay isaga iyo siyaasiyiinta ku soo biiray Xisbiga WADDANI ee Wax-garadka Badbaado Qaran, waxaana uu caddeeyey in wax badan ay ku soo kordhin doonaan siyaasadda iyo taageerada Xisbiga WADDANI.
“Waxa aanu aad iyo aad idiin ka guddoonay sida fiican ee aad noo soo dhaweyseen, waana aad ku mahad-san tihiin xafladda quruxda badan ee aad nagu qaabisheen, waxaana aanu rajeynaynaa in imaatinkayagu na uu kheyr noqdo oo Isha Allah aanu wax ku soo kordhino Xisbiga WADDANI.”. Ayuu yidhi Siyaasi Abgaal
Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, Hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde iyo weli ba sida oo kale siyaasiyiin ka tirsan Xisbigaasi oo dhammaantood ba halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey siyaasiyiinta ku bahoobay Wax-garadka Badbaado Qaran ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI, waxaana ay sheegeen in la gaadhay wakhtigii guusha isla mar ahaantaana ragga ku soo biirayaa ay yihiin kuwii sida weyn uga qeyb-qaadan lahaa badbaadinta qaranka Somaliland.
Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaah (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey siyaasiyiinta ku soo biiray, waxaana uu yidhi:- “Waxaan aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga Waddani, qalbi furan iyo gacmo furanba ku soo dhaweynayaa odayaasha, waayo araga ah ee siyaasiyiinta ah ee miisaanka Somaliland ugu culus leh ee garbahayga taagan oo maanta aan halkan usoo doonan xil iyo xoolo toona, haday xoolo doonayeen Kulmiye yaaliin, haday xil doonayaan Kulmiye ayay yaalaan, labadaa midna may doonayn, waxay u yimaadeen inay qarankan u hiiliyaan, inay dalka badbaadiyaan ayay u yimaadeen, hiil qaran ayay u yimaadeen aad iyo aad ayaanu usoo dhaweynaynaa. Waxaan u mahadnaqayaa cidii soo abaabushay xafladan aadka u quruxda badan, xoghayaha guud iyo dhamaan gudidii qaban qaabada. Halkan inantii ka hadashay ee ka midka ahayd dadka qiimaha leh ee inoo yimid, waxay tidhi waxaad ii balan qaadaa inaan la cabudhin hablaha, horta cabudhintu Waddani waa ka xaaraanba, laakiin waxaan balanqaadayaa in aan la cabudhin hablaha iyo Inamada toona.”.














Daawo warbixin laga diyaariyay xafladii Waddani ee maanta

Daawo Ayaan Cali Xuseen oo ku biirtay Wadani daboolkana ka qaaday cida geeleedu isugu jiro Cirrana la dar daarantay


Daawo:Madax-dhaqameed & Waxgarad Luuqad adag kula hadlay Xukumada Kulmiye & Xisbigeeda,shaaciyeyna inay Dagaalo & Isirtir ka waddo Gobolka Sanaag

RASHIID GARUUF OO XISBIGII KULMIYE  EE WASHINGTON DC KU WADA KALA               QAYBIN      

$
0
0

   RASHIID GARUUF OO XISBIGII KULMIYE  EE WASHINGTON DC KU WADA KALA               QAYBIN      

——————–———————————————————————————————

 

Waxaa maalmahan soo baxay in ay kala qaybsanaan xooggan oo ka jirta xisbiga kulmiye ee Washington dc oo uu ku wada wakiilka Somaliland ee USA, ee la yidhaah Rashiid Garuuf oo taageerayaashii kulmiye ay aad uga xumaadeen isagoo leh waxaan ka wakiil ahay Mujaahid, Musharax  Muse biixi .  Taas oo uu qabtay  shir uu ka dul booday gudidii sare ee kulmiye isagoo hoosta ku wata laba nin oo kala ah yar uu ku shaqaysto oo marna darawal marna badhi wale u ah oo la yidhaah yasiin  iyo odey ahaan jiray NSS tii dawladii Siyaad Barre oo la yidhaah Ibraahim qodaal , oo ahaan jiray ninkii Dawladii Siyaad Barre u fadhiyay safarada Somaliya ee Kenya, qaybtii Sirdoonka.

Niinkaaso la dhaho Ibraahim qodaal, Kolkaan waraystay Mujaahidiin ku nool carigan Mareykanka, waxay ii sheegeen in uu ahaa  ninkii intuu lacag siiyo sawaaxiliga ku odhan jiray soo qabta nimanka taageera jabhadii SNM, isagoo inta lagu soo rido jawaano loo gayn jiray ciidankii militariga ee fadhigoodu ahaa jiida xadka kenya iyo Somalia.  Odeygaa Ibraahim Qodaal waxaa la sheegay oo la hayaa kuna cad tiraba in uu jawaano ku soo guray dad dhan 17 qof oo kolkaa ahaa reer Somaliland , lakiin ku dhashay kenya oo 13 ka mid ah lagu dilay kolkii loo geeyay askartii Siyaad bara , afar ka mid ahna laga reebay oo ay hadda ku nool yihiin kenya iyo hargeysa.  Odeygaas oo ah nin ku dheeraad ah jahliyada Somaliland ee Washington dc iyo nawaaxigeeda, kaas oo ah nin ku takhasusay jaajuusnimo iyo isku dir, waxaa uu ka shaqeeyaa in uu iska hor keeno had iyo jeer jahliyada Somaliland ee Washington dc, oo ay wada yaqaanaan dadku.

Rashiid Gaaruf waxa uu sidan u sameynayaa waxa uu ka soo hor jeedaa Gudoomiye ku xigeenka kulmiye ee Washignton dc iyo nawaaxigeeda , isla markaana ah ku simaha gudoomiyaha .  Isaga waa Rashiid Gaarufe  arintan hore  uga  bilaabay dalka Canada.  Laakiin kolkii lagala  soo hadlay isaga iyo kuwii la waday oo ah nin la yidhaah ina Raabi iyo Rasahiid xaruntii dhexe ee xisbiga ee hargeysa.

Waxaa cadaatay in uu Rashiid gaaruf yahay ninka cagta jiidaaya xisbigii kulmiye ee reer Washington dc oo ah meeshii laga aasaasay kulmiye ee North America, oo ay joogaan ragii meeshaa ka aasaasay, lakiin ay iska diidayaan is qabqabsi iyagoo arkaaya waxa uu wado yarkan la yidhaah Rashiid Gaaruf, oo ah nin aan magac iyo maamus ku lahayn reer Washington dc iyo dhamaan reer North America , halkaas oo uu ku qaato bishii lacag dhan 5 kun oo ah doolarka Mareykana, lacagtaas oo laga soo qaado islaanta suuqa fadhida ee caruurteedii geen kari wayday school, isagoo waaliba wax uu dalkan u soo qabtay aanay jirin ee ahaan jiray faqash iyo faqash u yaal, lagana door biday ragii dhiigooda,  wakhtigooda iyo lacagtooda galiyay Washington dc iyo Mareykan oo dhan.  Kolkaa waa aduunyo in uu maantana doonaayo in uu kala qabiyo xisbigii kulmiye isagoo diidan ragan ka magac iyo maamuska wayn ee xisbiga gadhwadeenka ka ah.

Waxa uu iclaamiyay in uu Maqdarad  uu u  magac daray  muse bixi , isagoo lacag ku uruursanya uu wadankii ku tagaayo xiliga ciida, oo uu wadankii u tago sabab ah in uu JAJABAN  doonto.   Isagoo ku xumeynaaya gudoomiye ku xigeenk  Injineer Ahmed Abdi Ahmed oo ah nin ka magac iyo maamus wayn markay noqoto Washington dc iyo nawaaxigeeda, ayuu soo kaxaystay yar isaga u ah daba leef oo aan wax uu garanayaa jirin iyo odey jaajuus ahaan jiray oo yaqaana sida dadka midba been loogu sheego loona kala dilo oo runtii ah 10 wajiile oo la yidhaah ibraahim qodaal, loona haysto  17 reer shiikh isaxaaq ah oo uu jawaano ku guray isagoo badankoodii afka uga galiyay taliskii siyaad barre halkaana lagu dilay oo leh reer walba oo isaaq ah, isagoon maanta tagi karayan hargeysa , waayo raguu ku guray jawaanada dadkoodii ayaa ku sugaaya .  kii buu maanta Rashiid Gaaruf dad mooday isagoo ku xumaynaaya gudida sare ee North America ee kulmiye.

 

Rashiid Gaaruf wuxuu ka wadaa kala qaybintii kulmiye ee isaga iyo rag ku nool dalka Canada ay  uga socon waday , ayuu hadda u soo wareejiyay Washington dc oo ay ku nool yihiin niman magac iyo maamus ku leh halgankii iyo dalka Somaliland oo uu ka xun yahay magacooda , ayuu u adeegsanayaa labadan nin ee aad moodo waa halkii Somaliland telefoonkii lagu shuban jiray, ..

Waxa is waydiin leh maxaa helay xisbigii kulmiye ee ay yarkan, waa rashiid gaarufle,  markii horana ku dhex jiray arintii kala qaybsanaanta xisbiga ee Canada imikana ka wada Washington dc iyo mareykanaka loo qaban waayay, waxaan is waydiiyay ragii la yaqanay ee reer Washington dc ee magaca ku lahaa meeye maxay ninkan iyo labadan uu wato u eeganayaan may iska qabtaan.

 

XASAN JAMAC WARFAA

Columbus, Ohio

Siyaasi si adag u duray Jafajiriqa & yooyootanka wasiirada Gabadha Rakaabka isku seegay,Fly Dubai,Kulmiye & Shirkada DP

Daawo: Masuul Ka Hadlay Waxyaabo Uu Ku Arkay Jidka Hargeysa ,Berbera iyo Burco Xidhiidhiya iyo Haldoorka Somaliland Ee Ku Qulqulaaya Xisbiga Waddani.

Daawo: Film Xiiso Leh Oo Laga Diyaariyay Dabar-goynta iyo Xadgudubyadda Lagu Hayo Xayawaanka Somaliland ,Kaalinta Waalidiinta iyo Dhibaatooyinka Laga Dhaxlay

Muuse Biixi iyo Samsam Hargeysa ayay biyahii la wada gaadhsiin lahaa hor istaageen ee ma dal ayay maamuli karaan

$
0
0

Sida aynu la wada socono waxa dalka Imaaraadku uu laba sano ka hor magaalada Hargeysa ugu deeqay lacag xad dhaaf ah oo loogu talo galay in biyo lagu galiyo bariga koonfurta iyo koonfur galbeed ee caasimada Somaliland, mashruucaasi oo la doonaayay in biyaha lagaga soo qaado deegaanka Xuunboweyne taasi oo markii la dhameeyay daraasaadkii iyo hawlihii lagu dhaqaajin lahaa mashruucaasi ay si axmaqnimo ah u hor istaageen xubno dhowr ah oo ay ugu tun weynaayeen gudoomiayaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka maaliyada Samsam Cabdi Adan oo adeegsnaayay awood dawladeed.

Hadaba waxa maanta dhamaan shicibka Somaliland u taala in ay raadiyaan isbedel dhab ah oo ka duwan kan dadka baday haraadka iyo kala qaybinta bulshada kuwada dhaqan caasimada, sidoo kale wax haboon in ay dadku is waydiiyaan ninka biyo galintii Hargaysa joojiyay magaalooyinka kale ee dalka ma gaadhsiin doonaa horu mar ay ugu horeeyaan arimaha aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka waxbarashada iyo waxii la mid ah.

La soco qaybaha danbe oo xiiso leh

Ninba Tacabkii Tallooy kaa Maal!: Waxa ayaan darro ah,dadka weli naf ka sugaaya Kulmiye

$
0
0

Maamul naf la caaridda, caado waxa u ah, candhuuf saydhiyo, ceeb la dooniyo, hadba reer cay, cuduro abuur, cilaaq la dhahiyo, muran caalwaa, is cufayntiyo, calaalo dhamaan, markuu cadilmee, uu cagaagee, cidhbuu daalaan, cagahu jabaan, carar daayo, carcareef iyo cidla ku banjaro, cuqdad buuxsantay, afku la cabudho, kolba ciidamo, ciyaal yaryar iyo cawaan kaashado, mar cod dheer dhigo, tolaay caawimo qabiil-kaygaw, cidlaan taaganay, cadaw i hayaa, baa i ciiloo, dadkii iga carar, wixii aan cunay, laygu ciijiye, calaf igu tegay, camal xumo iyo, cadho aan bixin, igu curatoo,cabaad mooyee, hurdo caafimaad, weli maan cugan, ma cawaystoo,cod ma haystoo, casarkii gala, cid aan eryadaan, caruur u diraa, Cabdiraxmaan bay, ciddii u tageen,shaanidda ciyaal, caways tuuraan, hadba cariyaa, cawo moodeen. intaa dabadeed.

Waxa ayaan darro ah,dadka weli naf ka sugaaya Kulmiye, waxa la yidhi nin aad taqaano uurkiisa baad ku jirtaaye, ma daah baa idinka saaran, waxa ka dhacaaya Hargaysa, in uu ka dambeeyo Xukuumad isi soo qaawiysay iyo Xusbigeedda Kulmiye, ee ku ceehsa tolaay, iyo kooxdda ku xeeran ee iska daba socdda, Marka aad wax dooranayso, maaha oo keliya in aad eegto musharaxa, ee waxa wacan in aad si weyn u qaadaa-dhigto inta ku wareegsan, ee aad hadhaw la kulmiy doonto, tusaale ahaan , ma waxad doonaysaa in ay kugu soo nodaan ” Keligood dherga-yaal, aan wax reebayn, dhuuxa iyo laftaba ku jaqa, aan waxba dhulka ka oolin, eex iyo xumaan, godob xidh, cabudhi, been ku khiyaamee mooyee, aan wax kale ku soognayn, sidda Ka madaxtooyadda joogaa ( Ina Xaashi) oo aad ka dheregsan tahay ficiladiisa, Cadaani, Gaafaadhi, Zamzam iyo inta barbarka ka socota ee gurdo yaacay ah, mise waxad dooran, kuwa aan lagu hayn musuq, cadaalad darro, eex isku dir, u-kala-ab-tirsi, sinaan iyo ummadoo wax kaste wadda leh, oo aan kala irdhaynayn. muwaadin wakhti kuuma hadhin aad maanta weli sugtaa, ee waxay ahayd in ay hadda kuu cadaato sidda loo kala mudan yahay, oo kuwa shaadhkoodu nadeef yahay, ee aad ku badbaadayso aad dooratid.

Waxan idiinku soo xidhay, maah-maahddii ahayd ” Ninba Tacabkii Tallooy Kaa Maal” oo micnaheedu yahay, qofba dhitadda uu lusho buu ciirteedda dhamaa. Maanta baa ay kula guboontahay in aad fekerto, oo aad u hubsatooo, una meel daydo cidhibtaadda iyo ta ubadkaagga, wa hadaad ka naxaysid dalka iyo dadka uu illaah kula wadaajiyey Somaliland, in ay u wadda sinaadaan khayraadka aynu leenahay, goboladda si wax loogu wadda qabto, dhalinta shaqoo aan reer hebel lagukala siinayn loo abuuro, oo midba xirfadiisa, markay soo baxdo, uu isku kalsooni u doonto, iyadda oo aan la lahayn yaad taqaan iyo gobolkaad ka timi, oo wasiirka meesha joogaa, aanu hoosta ka siin midka ay isku reer xagar iyo qansax yihiin, kii xaqa u lahaana waxba la’aan la diro, mise waxad dooran mid inta sare ku qoran ka soo hor jeedda, oo ku shaqeeya kala-dhawaysi, oo ay in yari ceeshto, inta kalena ay dhulka galaan, waxa maanta jooga iyo wax ka sii daran uun aad inta aad nooshahay, subaxii Alle yeenoba aad foodda la gasho. ugu dambayn ummadda waxan odhan lahaa, hore baad u khaldan-teene, oo waa idinkaa ka maalaye, hadda aad la il-daran tihiin hubsiimo daraddii iyo qabyaaladdii aad Kulmiye ku raacdeene, yaanay imikana idinku dhicin mid ka sii xuni, oo xaalku idinka noqon Xasan Jigin Bikh. in aynu ka baydho dariiqii hore ee aynu wax ku dooran jirnay Baa haboon ( Waa qabyaalade) oo aynu dhul dhaceena u miidaan-dayno, yaanu xaalku inaga noqon maah-maahddii ahayd ” Dhubuq-dhubuq hore dhambanahays bayleedahay” oo hadhaw maalinta ay taariikhdu13/11/2017, marka kaadhka lagaa marsdo, hadana aynus ideenii ka daba oyno, gor aanad waxba ka qaban karin, hadala wax kuu tarayn, imika bay tallo kula gudboontay ee u codee Waddani.

Qore:-

AbdiShootali
daacad1512@gmail.com


Ma Hooyada, Ma Fly Dubai Mise Wasiir Mareexaan?

$
0
0

Sidaan la wada socono waxaa ayaamahan barada bulshada iyo guud ahaanba Madiaha haystay arinta Hooyo Somalilander ah oo Hargeisa Airport lagaga reebay diyaarada ku duusha magaca shirkada fly Dubai. Arintani waxay noqotay mid aad loo qaada dhigo qof walbana meeshu rabo uu ula kaco isagoo inta caqligiisu siiyo ku cabirayo. Dhacdadan waxaa markii u horaysay soo bandhigay wasiir ka mida xukuumada Somaliland, hadaba akhriste bal aynu arintan sadexda qaybood ee ciwaanka kore yahay aynu u kala qaadno, waxaan ku lifaaqi donaa dhacdooyin caalamka ka dhacay oo la nooc ah dhacdadan.

Hooyada diyaarada laga dajiyey mid uun baa la gudboon taasi waxay tahay haday Hooyadani ay aaminsantahay in diyaarada sifo sharci darro ah looga dajiyey waxaa la gudboon in ay dacwad kaga furto wadankii ay ticket ka goostay waxayna ka heli waa hadii si sharciga waafaqsanayn looga soo dajiyee magdhow maaliyadeed iyo raali galin.

Fly Dubai waa shirkad caalami ah waxay iskaga gooshtaa Qaarado iyo Wadano kala shuruuc iyo Nidaamo ah, se intaba waxay ku dhexmartaa waa shuruucda caalamiga ah ee airport kaste oo caalami ah u dhagsan, waxaana saldhig u ah inta diyaarada guudkeeda saaran in uu masuuliyada kowaad leeyahay duuliyaha kowaad ee diyaaradu (Captain) Waxaa dhacda in marmarka qaar diyaaraduhu laba qof isku hal kursi ticket kooda ka iibiyaan oo labadii qofba hal kursi iskugu yimadaan ogobay khaladkaa ay diyaaradu samaysay Airportka ay diyaaradu ka haadayso iyo shaqaalihiisu kama garnaqaan ee kolba labadaa qof kii uu duuliyuhu yidhaah iga reeba ayay reebaan, sidaas oo kale ayaa madaarka ay ka haadayso diyaaradu waajib uugu tahay in kolba qofkii uu duuliyaha kowaad yidhaah iga soo dajiya laga soo dajiyo. waxaana loo shegaa qofkaa hadii aanu ku qanacsanayn reebitaankaa in uu arinkiisa makaxmad u ku dacwaynayo shirkadaa diyaaradaha ka furto kiis. Dad badan oo kaga guulaystaa shirkadaha iyo dad kiisaskooda ku guul daraystaba way jiraan, waxaanan idinla wadaagi dhamaadka qoraalkan dhawr dhacdo oo tan la mida.

Wasiir Mareexaan wuxuu u muuqdaa in aanu waxba kala socon shuruucda airport dada caalamka lagaga dhaqmo, taas oo xornimo siinaysa duuliyaha diyaaradu in uu madaxbanaan yahay masuuliyadeedana leeyahay inta qof ee raacaysa diyaarada uu isagu hawada marinayo, ma lihi duuliyuhu wuu saxanyahay mar walba se wixii isla xisaabtan ah waa mid danbeeya ama shirkadoo loo dacwodaa duuliyahaa talaabo ka qaada oo xeer hoosadada shirkada u yaal ku abaal marisay ama makaxmad dacwad laga furay oo arintaa ka garnaqday, se marnaba masuuliyiinta madaaarkaasi awood uuma laha in ay khasbaan duuliyaha. Wasiirka waxay ahayd ta la gudboon hadii uu muwaadimo uugu damqaday gabadha in uu ticket diyaaradaha kale ah uu u gooyo , haday dacwad rabto in ay ku furtana ka saacido intaa waxaan ahayn uumay banaaanayn. Wasiirku wuxuu ku gafay oo dowlad liidata ka soo qaaday Xukuumadii uu xilka darajada sare ka hayey isagoo iska indha tiraya ama aqoon daraba ha ka ahatee in sharciga dowlad iyo qof toona ka waynayn wasiirka waxaa la gudboon in uu raali galin ka bixiyo oo uu wasaarada duulista iyo hawada oo shaqadeedii uu ku qabsday kuna dhaliilay iyo guud ahaanba qaranka ka siiyo fudaydka uu sameeyey oo cadow badan oo dalkani leeyahay buun buuninayaan.

Wasaarada Duulista iyo Shaqaalaha Airportka Ayaa iyagu Ah kuwa mudan in loo hambalyeeyo oo dhacdadan si muwaadinmo ah oo dheer intii waajibkooda ahayd uuga qayb qaatay, waxay muujiyeen in Hargaisa Airport yahay Madaar Caalami ah oo u hogaansan shuruucda caalamka, Waxay Muujiyeen muwaadinmo oo Hooyadii muwaadinada ahayd is dabar may odhan ee diyaarad kale ayay ticket keeda u goyeen iyadoon kharash labaad galin dib u dhac wayna ku iman. Masuuliyad iyo Muwaadinmo ayay Muujiyeen waxaan leeyahay halkaa ka sii wada Alle ha idinku garab galee.

Halkan ka eeg dhacdooyin tanoo kale ah, oo ka soo hel bal wasiiro iyo dowlad leh waa nala yaraystay oo muwaadinkaygii ayaa la dajiyey. Fadlan ha ina Yasina cidi inama Yasi kartee.

http://www.independent.co.uk/travel/news-and-advice/jetblue-family-kicked-off-toddler-kicked-seat-mandy-ifrah-tamir-raanan-a7850146.html

Migos Removed From Delta Flight, Manager Claims Racial Profiling

Mohamed Shiine Kenadiid

Toronto Canada

Xisbiga Waddani oo magacaabay gudiyo hawleedyadii ugu mug iyo miisaanka weynaa halkani ka akhriso

Makaahiil Group UK oo Cabdirashiid Xasan Mataan Fariin u diray isla markaasna hambalyeeyay gudoomiye ku xigeenka cusub ee wakiilada

Xildhibaan Baar Siciid oo soo faqday Ballanqaadyadii Fashilmey ee Xukumada Kulmiye & sanadood ka hor la gole timi

Daawo:Bulshoweynta Xaafada Axmed Dhagax oo si weyn u taageeray Xisbiga Waddani

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>