Daawo:Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Waddani oo dardaaran & fariimo muhiima u dirtay Bulshoweynta Reer Axmed Dhagax
Daawo:Milge Sanbaloolshe oo ka hadashay Khiyaamada & Kaadhadhka Codeynta oo Xisbiga Kulmiye ka iibsanayo Muwaadiniinta qaarkood
Daawo:Marwo Qadan Hoodo oo amaan ku miistay Dadweynaha Reer Axmed Dhagax+Ballanqaado ay shaacisay
Masuul ka tirsan Xukumada Siilanyo oo shaaciyey sababaha Saylaci shaqada uga fadhiisiyey Badhasaabka Awdal Mustafe Shiine & Xoggo kale oo xasaasiya
Ku-simaha Madaxweynaha Md. Saylici oo Awooddii Qaranka Kula Dagaalamay Ardaagii Daahir Riyaale
Hibaddii Guriga ee Madaxweyne Siilaanyo + Hinaasaha Saylici ee Bixinta Dhulka + Hal-adayga Shiine ee Sharciga Iyo Hayb-sooca Ganacsadaha..
Hargeysa,(Qaran-news)-Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna Ku-simmaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilahi Saylici, ayaa hakiyey hawlaha shaqo ee u dawladda dhexe u hayey Gudoomiyaha gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Musfate Shiine), isla markaana Badhasaabka farray bedelkiisa inuu hawlihii uu gobolka u ku wareejiyo Gudoomiye-ku-xigeenka gobolka Awdal.
Md. Saylici ayaa qoraalka shaqo ka joojinta ee u diray badhasaabka gobolka Awdal, waxa shaqo ka joojinta badhasaabka uu ku sabbabeeyey inuu ku kacay khaladaad badan oo anu Madaxweyne-ku-xigeenku saafin kuwa ay yihiin, hase-yeeshee sida qoraalka ku cad keliffay inay lummiyaan kalsoonidii dawladda iyo ka dhaxaysay gobolka, iyo sidoo kale, inuu badhasaabku ka leexday Siyaasaddii Xukuumadda, wallow arrinkaa laftiisa Madaxweyne-ku-xigeenku qoraalkiisa aanu ku qeyixin kuwa ay yihiin siyaasaddaha Xukuumadda ee badhasaabku dhabbahooda ka leexday.
Waxa kaloo, kamid ah arrimaha Madaxweyne-ku-xigeenku u cuskaday shaqo ka joojinta Badhasaabka inuu faro-geliyey arrimo dhul, balse qoraalku ma sheegin dhulka uu faro-geliyey, halka iyo nooca uu yahay, Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu intaa raaciyey maqnaansho gobolka intaa badan badhasaabku ka maqan yahay oo cabashooyiin badani uga yimmaadeen. Sidaa awgeed Md. Saylici uu shaqadda uga joojiyey, isaggoo qiimeynayaa waqtiga lagu jiro oo u ku tilmaamay mid xasaasi.
Geesta kale, Badhasaabka gobolka Awdal Musfate Shiine oo Wargeyska Yool la xidhiidhay Xalay si arrinka wax looga waydiiyo, ayaa ka gaabsadday inuu faah-faahin ka bixiyo go’aanka uu Madaxweyne-ku-xigeenku shaqadda kaga joojiyey, inkastoo mar wargeysku su’aalay Madaxweyne-ku-xigeenku inuu awood sharci u leeyahay go’aanka shaqadda lagaga joojiyey, waxa uu iftiimiyey in shaqo ka joojinta sharcigu u fasaxayo, intaa Madaxweynuhu dalka kusoo laabanayo.
Faaqidaad.
Inkastoo Madaxweyne-ku-xigeenada Somaliland soo maray intooda badan aanay ceebtooda ahayn ee cadadooda tahay inay awoodooda maamul ee Qaranku u dhiibtay mar walbaa isugu geeyaan gobolka uu kasoo jeeddo, isla markaana aanay ogolleyn in cid kale u gacan dhaafto, xataa Madaxweynaha hadday tahay, balse haddana Md. Cabdiraxmaan Saylici oo hadda xilkiisa iyo kii Madaxweynahaba haya, ayaa lagu xantaa inuu kaga duwan yahay dhigiisii jagadda uu hadda hayo uga horeeyey inuu qolo-qolo u kula qaad-qaado dadka deegaanka gobolka awdal, oo mararka qaar hoos uu u gaadho Ardaagiisa hoose, halka had iyo goorna lagu eedeeyo inuu nidaamka dawladnimo kala daggaalamo inay usoo dhowaadan ama waxay xaq ugu leeyihiin hellaan uu u tirinayo inay deegaanka kasoo wada jeedan Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Riyaale Kaahin.
Haddaba arrintan hadda ee shaqo ka joojinta Badhasaabka gobolka Awdal, ayaa laftigeeda waxa lagu xidhiidhinayaa inay qayb ka tahay dhaqamadda kala socoa iyo kala jeclaysiga ee lagu dhaliilo Siyaasadda Madaxweyne-ku-xigeenka ee ku wajahan gobolka Awdal, siday Wargeyska u sheegeen dad u dhuun-daloola arrimaha gobolka Awdal, ayaa tibaaxay in amarka Madaxweyne-ku-xiggeenku shaqadda kaga joojiyey badhasaabka gobolka awdal uu salka ku hayo Guri Dawladdu leedahay oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo siiyey muwaadin reer Somaliland oo gobolka awdal kasoo jeedda, laguna Magacaabo Cabdi Xasan tukaale oo ah Nin gancsade ah.
Arrintaasoo Madaxweyne-ku-xigeenku liqi-waayey markii Madaxweyne Siilaanyo ku dhaqaaqay tallaabadaas siinta ah, hase-ahaatee Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saylici, ayaa sidda illuhu xuseen markii xilka ku simaha Madaxweynaha u qabtay, waxa u qoraal u diray badhasaabka gobolka Awdal, kaasoo u badhasaabka uu ku farayey inuu deggo oo u guuro Gurigaas Madaxweyne Siilaanyo siiyey ganacsadaha, Gurigaas oo ah aqalkii Badhasaabka Gobolku lahaa ka hor intii Madaxweyne Siilaanyo aanu bixin, hase-yeeshee Badhasaabka Gobolka Awdal Guriga waxa uu ka guuray markii la bixiyey kadib, qoraalka Madaxweyne-ku-xigeenkana waxa uu kaga fal-celiyey in aanu jirin sharci u bannaynayaa dib ugu laabashadda Guriga, maadaama Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland digreeto Madaxweyne ku siiyey muwaadin, sidaasna Gurigu kaga mid noqday hantida gaarka u ah ee Muwaadinkaasi ee uu leeyahay.
Si kastaba ha haatee, sharcigu iyadoo u Madaxweyne-ku-xigeenka u fasaxaayo inuu shaqada ka joojin karo masuuliyiinta qaranka ee uu u arko in aanay Siyaasaddiisa ogolayn, intaa Madaxweynuhu xaqa u laha magacaabista iyo erigga masuuliyiinta uu dalka kusoo laabanayo, haddana waxa faddeexad qaran ah, isla markaana cay ku ah caqliyadda bulshada in Nin qaranka u haya xil intaa le’eg oo heer Madaxweyne gaadhsiisan inay sheekaddiisu ka dhamaan waydo ficil-tanka ardaayadda yar-yar ee Beeshiisa, ileyn waa Nin mar labaad umadda Cod ka doonayee, halkii la reebbay inuu noqdo Nin, oo weliba Maanta baahan.
Kastamka Berbera oo Qasnaduhu Is-garaaceen Iyo kan Saylac oo Dhiishaa-dhaansi ku Jira
..DP World oo Liq’day Adeeggii Dekedda Iyo Wasiir Samsam oo Maarayn Kari-wayday Dhaqaale Gariirka Dalka..
Berbera(Qaran-news)-Dakhliga maalin-laha ah ee kasoo xeroon jiray Kastamka Magaaladda Berbera, ayaa dhulka-galay, isla markaana hoos-u-gaadhay saddex-daloolkiiba hal intii markii hore soo geli jirtay, kaddib markii uu xummaadday adeegga dejinta baddeecaddaha ee Dekedda Berbera, sidoo kalena ay ka hayaameen ganacsataddii xidhiidhka la lahaa Marsadda Berbera.
Baadhitaan arrinka Wargeyska Yool ku sameeyey, waxay daboolka ka qaaday in dakhliga maalin-laha ah ee usoo xeroon jiray Kastamka Magaaladda Berbera ka hor intii aan Shirkadda DP World Xukuumadda Somaliland ku wareejinta maamulka iyo gacan-ku-haynta Dekedda Berbera uu ahaa 3,Bilyan oo Shilinka Somaliland ah, halka sida baadhitaanka arrinkani caddeeyey dakhliga maalin-laha ah ee hadda usoo xerooda Kastamka Berbera uu yahay 700, Milyan oo Shilinka Somaliland ah.
Geesta kale, u kuur-galka arrinkan, ayaa iftiimiyey asbaabaha Saldhigga ama xudunta u ah hoos-u-dhaca weyn ee ku yimi dakhligii Kastamka Berbera kusoo xeroon jiray, waxana arrimaha mashaqadan sababta u ahi kamid ah Shirkadda DP World oo ku fashilantay adeegga soo dejinta Baddeecadaha oo si weyn hoos ugu dhacay, kaddib markii uu khal-khal galay xidhiidhkii wada-shaqeynayd ee ka dhexeeyey Maamulka Shirkadda Dp World Berbera iyo madaxda Shirkaddaha Muruq-maalka Dekedda, taasoo sababtay inuu hakad ku yimaado oo u seer-seer ku dhaco hawsha shaqaalaha badeecaddaha kasoo dejiya Maraakiibta iyo Doon-yaha Marsada kusoo xidha.
Teeda kale, sababaha jilbaha dhulka u dhiggay dakhliga Kastamka Magaaladda Berbera, waxa kaloo, kamid ah Ganacsataddii badeecaddaha kala soo deggi jirtay oo u guuray ama u wareegay Dekeddaha kale ee gobolka ku yaala, sida Dekeddaha Dalka Jabuuti iyo dekedda Boosaaso ee Maamul gobolleedka Soomaaliyeed punthland, arrintaasoo sida Baadhitaanka Wargeysku xaqiiqsadday sababtay inuu kor-u-kac ku yimaaddo dakhliga Kastamka Saylac, oo marka la is-barbar dhiggo hadda iyo ka hor uu laban-laabmay dakhliga kusoo xerooda Kastamka Magaaladda Saylac.
Kastamka cashuuraha dawladda dhexe ee Magaaladda Saylac oo kamid ah Kastamadda ugu weyn xeebta galbeedka Somaliland iyo xududka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, ayaa kor-u-kaca ku yimi dakhliga Maalin-laha ah ee usoo xerooda, waxa kaloo sabab u ah, cashuurta laga qaado baddeecaddaha 25%, aan cashuur laga qaadin, arrintaa cashuur dhimista oo ah mashruuc Wasaaradda Maaliyaddu ugu taol-gashay in kor loogu qaado isticmaalka Dekeddaha yar-yar ee dalka, sidaas awgeed baddeecaddaha dekeddahaa yar-yar kasoo degga loo siiyey cashuur dhaaf 25% gaadhaya.
Dhanka kale, Baddeecaddaha kasoo degga Dekedda Maamul-gobolleedka Punthland Somaliya ee Boosaaso, ayaa iyanna Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, waxay kusoo gaadhan dariiqooyin kala duwan. Tusaale ahaan baddeecaddaha kasoo degga Dekedda Boosaaso ee laga leeyahay Somaliland qaarkood, ayaa soo maraa dhinaca Hawdka Somaliland, kaddibna sidaas kusoo gaadha Magaalooyinka waaweyn, iyagoo aan bixin cashuurihii laga qaadi jiray kolka ay baddeecadduhu uga soo deggaan Dekedda Berbera, taasina waxay noqotay mushkilad kale oo iyanna khalkhal gelisay Sayladdaha Ganacsiga Somaliland, kuwasoo kolkooddii horeba la ciir-ciiraayey Sixir-barar aan ciddina maareyntiisa isku hawlin, sidoo kale cashuuraha takaalifta oo marba marka dambaysaa Wasaaradda Maaliyaddu cirka ku sii laalayso.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo isaggu ku takhaakhusay Cilmiga dhaqaalaha, ayaa bad-gariirkan dhaqaale ee Xukuumadiisa aaffeeyey, wax aka dhashay is-waydiimo faro-badan oo dadka madaxweynaha aqoonta durugsan u lihii ay Maskaxdooda ka daadeggi wayday in Sixir-barar iyo Musuq-maasuq aaffeeyo Xukuumad uu gadh-wadeen ka yahay Md. Axmed Siilaanyo. Si kastaba xaal ha u dhaccee, waxaan shaki iyo muran bulshada kaga jirin inay jiraan arrimo qarsoon oo saldhig u ah mushaakilka dhaqaale ee dalka farraha bas ku haya, oo sida la tuhun-san yahay qaybta ugu weyn ay ja tahay xaaladdaha hadda taagan Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo iyaddu arrimo badan oo marka si loo eeggo aan wanaagsanayn ku talaabsatay mudadii ay joogtay Wasaaradda Maaliyadda.
Suber-Awal Musharax Maaha ee Muuse ayaa ah, Muuse Biixi Iyo reer Awdal-na ways Yaqaaniin.. ” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe
Boorama(Qaran-news)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaan Maanta la is-baray Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi reer Awdal, hase-ahaatee aqoon ku fillan ay isku leeyihiin. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo daba socday hadal kasoo yeedhay Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldan Cabdilahi Suldaan Diiriye, isagoo ku sugan Magaaladda Boorama oo u kaga qaybgalay caleemo saarka Suldaan cusub ee Ina Muuse Goodaad,
Suldaan Xasan Suldaan Cabdilahi, ayaa hadalkii uu munaasibadda ka jeediyey waxa u kusoo daray codsi Beesha deegaanka gobolka Awdal uu kaga dalbannayey inay taageeran Musharraxa beeshiisa ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Hase-ahaatee munaasibadda oo ahayd mid dhaqan, isla markaana hore looga sii afeeftay in Siyaasadda lagaga hadlo, ayaa markii Suldaan Xasan intaa yidhi, waxa fal-celiyey Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe, arrinka suldaan Xasan daba socda, waxa uu yidhi “..Suldaan xasan oo Fariintii Muuse Biixi sidda, waxa uu yidhi, xuluffo ayeynu ahaynee Codka na siiya. Horta Subbeer Awal Musharrax maha ee Muuse Biixi ayaa Musharrax ah, Muuse Biixi iyo reer Awdalna way is-yaqaanaan
Murashax Cirro oo Soo Booqday Xarunta Masnacaha Biyaha Samsamka ee Makka oo uu Ku Soo Marti Qaadey Imaamka Masjidka Al-Xarameynku[
Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo maalmahii u dambeeyey dalka Sucuudiga ku joogay socdaal la xidhiidha gudashada waajibaadka Xajka, ayaa ka dib marti qaad loo fidiyey waxa uu soo booqday xarunta Masnaca biyaha Samsamka ee boqor Cabdalla Bin Cabdicasiis ee magaalada Makka ee dalka Sucuudiga.
Martiqaadkan oo Murashaxa Madaxweynaha WADDANI uu u fidiyey Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi oo ah Imaamka iyo weli ba madaxa Masjidka barakeysan ee Alxarameyn, ayaa waxa ku wehelinaayey xoghayah xidhiidhka wadamada Carabta iyo dawladaha Islaamka ee Xisbiga WADDANI Ambassador Safiina iyo weli ba saraakiil kale.
Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ay xarunta Masnaca biyaha Samsamka ku soo dhaweeyeen madaxda ugu sar-sareysa ee Masnacaasi, ayaa waxa gebi ahaan ba uu soo maray dhammaan ba qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay masnacaasi, iyada oo sida oo kale na lagu martiqaadey misna lagu soo dhaweeyey goobo kale oo ka mid ah gudaha Xaramka Barakeysan ee Masjidka Alxarameyn.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ka mahad-celiyey soo dhaweynta iyo qaabilaada looggu sameeyey gudaha xaruntaasi iyo weli ba Masjidul Xarameynka, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo booqdo xarunta masnacaha biyaha Samsamka ee boqor Cabdalla Bin Cabdicasiis oo ku kacday sida oo kale na ku qiimeysan lacag ka badan $700,0000 Milion oo dollar(Todoba boqol oo Milyan oo Dollar).
Ugu dambeyntii Murashax Cirro, ayaa halkaas lagu guddoonsiiyey shahaado sharaf looggu tallo-galay, waxaana intaas ka dib kulan uu la qaatay madaxda sare sare iyo imaamyada Masjidka barakeysan ee Alxarmeynka, ay halkaas culimaa-uddiinkii ku sugnaa si weyn ugu soo duceeyeen iyaga oo Alle uga baryey in uu ku guuleeyo wixii uu doonaayo.
Daawo:Xildhibaan Barlamaan oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo Sirro badan Fashiliyey,Wasiirka Madaxtooyada & Muuse Biixna eedeeyay,shaaciyeyna in Beeshoodu xisbiga ka tashanayso
Shirkadda Telesom oo Bugaag Ugu Deeqday Maktabadda Qaranka Somaliland
Shirkadda Telesom oo Bugaag Ugu Deeqday Maktabadda Qaranka Somaliland

Hargeysa – (Qaran-news) – Shirkadda Telesom ayaa bugaag ugu deeqday Maktabadda Qaranka Somaliland (National Library), oo hadda dhismihiisu maraayo meel fiican oo lagu farxo, dhawaana la filaayo inuu madaxweynaha Somaliland xadhiga ka jari doono.
Xaflad kooban oo ka qabsoontay xarunta Maktabadda Qaranka Somaliland oo ay ka soo qayb-galeen maamulka Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom iyo maamulka Maktabadda Qaranka Somaliland maalinimadii Salaasada ee 29 Aug, 2017, waxa lagu kala guddoomay qayb ka mid ah buugaag ay shirkadda Telesom ugu balan-qaaday markii la waday qaadhaan uruurintii dhismaha maktabadda oo ay shirkaddu kaga qayb-qaadatay $20,000.
Shirkadda ayaa maktabadda ugu deeqday buugaag dhan 357 buug iyo 25 CD oo ay ku jiraan xog muhiim ah oo ku saabsan taariikhdii iyo sugaanta dalka.
Munaasibadan ay shirkaddu ku wareejinaysay buugaantan waxaa ka hadlay maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom Md. Maxamed Cabdi Darbo waxaanu sheegay muhiimadda ay leedahay in shirkaddu ka qayb-qaadato taakuleynta Maktabadda Qaranka.
“Maanta waxaanu halkan ku wareejinaynaa 357 buug oo ah buugaag ka hadlaya Taariikhda dalkan Somaliland soo maray iyo gabayo iyo 25 CD oo iyaguna xambaarsan xog badan oo ummaddani leedahay. Waxaanan leenahay guddoomiye naga guddoon”, sidaasi waxaa yidhi Maxamed Darbo.
Guddoomiyaha Maktabadda Qaranka Somaliland Md. Axmed Daahir Cilmi ayaa shirkadda Telesom iyo guddoomiyaha guud ee shirkaddaba Md. Cabdikariin Maxamed Iid uga mahadnaqay taageerada buuxda ee isaga iyo shirkadduba la garab joogaan maktabadda qaranka Somaliland.
“Runtii waxaa sharaf weyn noo ah in shirkadda Telesom ay runtii Maktabadda ku suntan tahay. Telesom bilowgii ilaa maanta, runtii way nagala shaqaynaysay. Shirkaddaha dalka ugu waaweyn waa shirkadda qudha ee dhaqaale ku darsatay, yacnii wax la qarin karo maaha, waxaana runtii jecelnahay in aanu halkan ka sheegno.”, sidaasi waxaa yidhi Axmed Daahir Guddoomiyaha Maktabadda Qaranka Somaliland.




HALKAN KA DAAWO WARKAN:
Daawo waraysi lala yeeshay Dr Maxamed Cismaan Fadal
Baashe vs. Talyanle: A Golden Opportunity Lost
On August 06, 2017 two members of Somaliland’s House of Representatives (HoR)—Mr. Bashe and Mr. Talyanle—ran for the “Speaker of the HoR.” Initially, Mr. Bashe got 39 votes whereas Mr. Talyanle got 38 votes (which Mr. Talyanle accepted). The next day, however, Mr. Talyanle changed his mind and rejected the results of the vote and claimed to be the “winner.” Then, Mr. Talyanle took his case to Somaliland’s Supreme Court. The Court rejected to review the case arguing that it is not a constitutional issue and it should be resolved within the HoR. The case came back to the HoR. The members of HoR failed miserably to resolve the issue within the parameters of their own bylaws. After failing to do so, a third party; namely, WADDANI Party, takes the opportunity. But the manner in which the dispute between the two contenders—Bashe vs. Talyanle—is resolved will have devastating consequence(s) in Somaliland’s HoR.
WADDANI Party—the “Savior”
After the HoR failed to resolve its own issue, the oppositional party—namely, WADDANI Party—with its own political agenda, takes this opportunity as a “mediator.” What makes WADDANI Party the best candidate for the mediation is this: Mr. Talyanle, who initially “lost” the election but later disputed—belongs to WADDANI Party. Therefore, it is easy for WADDANI to convince Mr. Talyanle to concede defeat. And WADDANI did that. However, WADDANI has its own political agendas. On the one hand, WADDANI wanted to score political points by appearing as the “savior” of the HoR. On the other hand, the Party worries that the conflict within the HoR might hinder the upcoming presidential elections. These are the two reasons that WADDANI mediated the dispute between Bashe and Talyanle. WADDANI succeeded to score its political agendas, but its mediation is far from beneficial for the HoR. Rather, it is detrimental to the HoR.
A Golden Opportunity Lost
It was a golden opportunity for the HoR to review the case and resolve it within the parameters of their own bylaws. First, the members of HoR would have exercised the art of political bargaining, which is the core of all political exchanges in contemporary societies. This opportunity would have taught them how to resolve their own issues and problems within themselves without seeking external mediators—in other words, they would have gained political maturity. Second, this opportunity would have created new voting rules/procedures in the HoR. Currently, the members of the HoR cast their vote by “show of hands,” which is not working properly as this case has shown. This opportunity would have also helped them provide a new framework and fresh insights into the HoR. Thirdly, this opportunity would have prevented the recurrence of such a disgrace event to ever take place again. Lastly, it would have taught other branches of the government on how to resolve their own issues. All of these opportunities are lost.
Opening Pandora’s Box
Since the HoR lost this golden opportunity, they have opened a disastrous Pandora’s Box. The way WADDANI resolved the issue may seem “good” or “innocent” for now, but it will have detrimental and far-reaching negative consequences in the HoR. First, WADDNI’s mediation shows, beyond a reasonable doubt, that HoR is unable to resolve its own issues. It was a disgrace to House. Second, it would encourage member of the HoR to do the same thing—stealing votes. If Mr. Bashe got away with disputed votes without any problems, what would prevent other members of the HoR from doing the same thing? They will steal votes and then seek a “third party mediator.” Third, it will create a House in which the laws of the land are ignored and abandoned. The members of the HoR—who are the lawmakers—fail to use the laws that they have enacted to resolve the issue at hand. They resorted to “traditional mediation” practices which lack the procedural and constitutional protections guaranteed by the laws and the courts. Lastly, this will render the HoR ineffective and chaotic, in the foreseeable future.
The members of HoR should be replaced. They are corrupt, ineffective, and destructive.
Abdi Hussein Daud
Minneapolis, MN
He can be reached at: abdihdaud@yahoo.com
Yaa Ka Masuul Ah Dayaca Saraakiisha Ciidanka Booliska
22kii March 2012ka ayuu Marxuun Maxamed Saqadhi Dubad ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla magaalada Dubaay ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Walaw ay qoyskiisu doorbideen in lagu aaso carri shisheeye, waxa niyad-jabka keenay oo Taliyaha dayacay qarankii iyo xukuumaddii uu masuuliyadda u hayay. Madaxweyne Siilaanyo oo xanuunkiisa ka gaabsaday ayaa geeridiisa kaddib yidhi “Waxa uu ahaa geesi nagu banneenay kaalin adag”.
Aniga oo dhaliilaya habdhaqankaas, meerisyo ku jiray tix ‘dib-qallooc” la dhaho ayaa ahaa:
“Docdi Saqadhi naga awdi jiray, waw darsanaynnaaye”
Danab iyo halyey buu ahaa”, duurxulkiyo oohin
Darayiyo jirroo wada dugsaday, lama daryeelayne
Dubay maalin lagu aasaybaaad, deeqo fidisaaye
Dayaca haysta ciidanka Somaliland waxa tusaale nool u ah xaaladda murugsan ee uu ku jiro Taliyihii Saldhigga Qudhac-dheer ee magaalada Hargeysa Gaashaanle Cabdi Kayd Halab oo saymo u galay sugidda amniga. Sarkaalkani waxa uu ku 20kii Mey 2017ka ku dhaawacmay fal ka dhacay degmada Maxamuud Haybe ee Caasimadda Hargeysa, waxaanay xabbado kaga dhaceen caloosha. Isaga oo xaaladdiisu liidato ayuu muddo Hargeysa yaallay, markii dambe waxa loo diray Addisababa, xukuumadduna waxtarkiisa xil iskama saarin.
Kaddib markii uu qol Itoobiya ah muddo jiifay ee xaalkiisu halis galay ayaa dhakhtar la geeyay, ugu dambayntiina xigaalkiisa ayaa Hindiya ugu diray kaalmo ay ururiyeen. Marka laga yimaaddo ciddii ay isku dhaceen ciidanka booliska, waxa gudaha la dhigay illaa haddana aan dhinacna u dhicin xadhigga walaalka iyo wiil uu dhalay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland oo kala ah Muuse Suldaan Cabdiqaaddir Suldaan Cabdillaahi iyo Daauud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir. Ma qaran ayuu difaacayay mise qabiil? Ma dawlad ayuu ka tirsanaa oo daryeelkiisu saarnaa mise deegaan gooni ah?
Gaashaanle Aadan Keyse Ismaaciil waxa uu ahaa Taliye ku-xigeenka Booliska Ee Saldhigga Dhexe ee Burco, 31kii Mey 2017ka ayuu si xun ugu waxyeelloobay rasaas ay is weydaarsadeen booliska iyo koox doonaysay in ay Burco soo geliyaan Maandooriyaha Khamrigu. Walaw uu u dhabar-jabay gudashada masuuliyaddii saarnayd, haddana wax uu geyo iyo wax u dhaw midna looguma abaal-gudin. Inkasta oo uu hagar-baxay, waa la hagraday.
Mid ka mid ah ehelkiisa oo ka warrama siduu wax u noqday, sida loo hagraday iyo xaaladda la deristay ayaa yidhi “Waxa uu dhaawacmay iyada oo ay ciidanka boolisku qabanayaan dad khamri soo gelinaya Burco oo shacab ah. Ninkii waxyeellada geystayna lama qabannin. Rasaastu waxa ay kaga dhacday laf-dhabarta, sarkaalkani waxa uu muddo yaallay Burco. Waxa loo soo gudbiyay Hargeysa, ugu dambayntiina waxa loo duuliyay Hindiya. Waxa ku baxay qarash dhan $46,000, kaas oo ah qaadhaan ay sokeeyuhu ururiyeen. Walaw ay xukuumaddu ballan-qaadday in ay bixinayso $10,000, illaa hadda waxba ma ay bixin.
Saddex dhakhtar oo Hindiya ahi waxa ay yidhaahdeen “Waxa aanu filaynnaa in ay jirto fursad 30% ah oo uu ku samata-bixi karo. Miyaanu qalliin samaynnaa annaga oo idiin haynna rejadaas kooban?”. Xigaalku waxa ay doorbideen in loo soo saaro dal-ku-gal Jarmalka ah si halkaas xaaladdiisa loogula tacaalo”
Ugu dambayntii waxa aan Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan weydiin lahaa: yaa ka masuul ah daryeelka saraakiishan? Yaa lagu hallaynayaa Ilaahay kaddib?
Siciid Maxamuud Gahayr
saedmgahair@hotmail.com
Kulmiye Soo Bax Baa La Leeyahay Uu Sacabka Leefayaa
Riwaayaddii Axmed Saleebaan Bide ee 1966KII ee la odhan jirey ” Cagtii Joogsan Waydaa Mar Bay ceeb La Kulkantaa” Baa (IHN) Maxamed Cumar Huryo oo ku metelaaya in uu qabo Axmed Saleebaan Bide, baa Xanuunsatay, oo tidhi waxa i galay arday yar-yar, dabeed A.S.Bide iyo islaantiisii huryo
baa is waraystay, waana kan siddii uu u dhacay waraysigaasi:-
Su’aal A.S.Bide :- Maxaa ku haya?
Jawaabt Huryo:- Waxa i galay “Arday”.
Su’aal A.S.Bide:- Halkay Kaa Galeen?
Jawaab Huryo:- waxay iga galeen Caloosha iyo maskaxdda.
Su’aal A.S.Bide:- Cajiib bal i tus halka ay kaaga jraan?
Jawaab Huryo:- Maxaan ku tusaa waa la igu dhan yahaye, oo jidhkoo dhan waa la i rigaaxayaa.
Su’aal A.S.Bide:- Oo imika sidaas baa kaa runa oo waad burbursan tahay?
Jawaab Huryo:- Haa oo meel noolma lihi, ee carar oo iga soo tun ardaydda.
Axmed.S.Bide:- Saw waxay la kici kari waydayba waa islaan wixii caloosheedda ku jiray ee ahaa uur ku jirta, oo dhan lagu tumanayaa ( Sidda Wadnaha, Beerka, sambabka, labadda midhicir, kelyii iyo waxa soo raaca oo dhan), oo aanay meel qudhi u fayoobayn, bal aniga iyo ardaydaa waxa na kala qabsadda u joogga.
Hakaa markii xaalku maray is waraysiga ahaa, Axmed Saleebaan Bide inta uu budh weyn soo qaatay, baa waxa u yimi malcaamad u dhaw, oo ay caruurtii yar-yarayd ay subcinayaan quraankii. Waa ka budhkii dabadda u qabtay ilmihii wax akhiriyaayey, ee yidhi Ka-baxa-Ka-Baxa, Maxaad Ugu Jirtaan Islaantaydda? Macalinkii baa soo booday ( IHN) waa Cismaan Maxamed (Cismaan Gacanlawe), Oo yidhi sidee weeye oday? Maxaad ardaydda u dilaysaa yar-yar ee ay kaa galabsadeen qalin-qoyantani? Wuxu yidhi A.S.Bide, Waxay Galeen islaantayddii, oo igu tidhi in la iga tumaa baan rabaa ardaydda, si kale iiga biximaayaane, markaa waa in aan ka tumo, oo aan Budh kaga saaro islaanta. Macalin Cismaan Gacalaw (IHN) Baa yidhi Bal ii waran oo sidee wax u jiraan, islaanta yaa galay? Ma kuwan Mise Rooxaan? Wuxu yidhi duul yar-yar oo ilaa dhiiga raacay baa islaantii jejebiyey, rigaaxay, burburiyey, markaa anna ardayddii ay arki kari wayday, baa halkan fadh-fadhiya waa in aan laayaa inta aanay iga dhuuman mar kale oo aan ka dareeriyaa.
Akhristaw waxan u soo qaatay arintan maanta, oo ay tahay ujeedadda aan doonaayo in aan u daliil-sado, Waxa weeye ” Waxa ina wadda Rigaaxay, Burbiriyey, ee dalka iyo dadka oo idil meel fayoobi aanay u jirin, lana helayn xataa haddii mashqac lagu baadho, meel irbad caaradeed la qotomiyo oo bed-qabtaa, been iyo wax aan jirin, Tolaay inagu maalaaya oo ” Kulmiye Soo Bax Baa La Leeyahay Uu Sacabka Leefayaaye” weliba sidaas bay inoo soo milikh-sanayaane, meel walbana inaga galeen siddii ardaydaas aan sare ku soo sheegay, oo dhuuxii iyo laftiiba inaga jaqeene, saw maaha in aynu iska tuno sidaa ardaydaas, oo aynu farteena ku qaraacno ( Halkii uu A.S.Bide Budhka ka Qaatay), aynu maalinta foodka ku budayno codkeena, oo ku nidhaahno, siddii dadkii jinku geli jirey ( Jinkaba kuwan baa ka xune), ka baxa Far-yaro Bidix. oo aynu iska muquunino, haddii kale jinkaas uun baa ilaa yoomal-diin inagu jirin, oo ku cidhib tiri, hadhawna sideenii baynu soo qaylin, waxan ku soo xidhay qoraalkan, Ummad yahay kala doorta baaba’iina oo ah, in aad mar kale ugu celisaan Kulmiyihii aad ogaydeen wuxuu ina baday, ee aan la nuuxsan la’nahay, lafta dheer ee dhabarka ku kala jebiyey, oo weliba uu u sii hadhay, kii aan ogayn ee Ina Biixii iyo In aad doorataan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, oo ah nin Alle Yaqaan ah, loo tirinayn musuq-maasaq, Qabyaalad, eex iyo cabudhin, laakiin inagu maamulaaya sinaan, cadaalad ay dadku wax wadda qabaan, oo soo celiya sumcaddii ay Somaliland ku lahayd dunidda, wakhtiyaddii ay hayeen sadexddii Madax-weyne ee ka horeeyey. isu fiirso maanta oo badbaadi dadka iyo dalka haddii aad in uun rajo ka qabto.
Qore:- Cabdi shootali
Manchester UK3
Daawo:Suldaan Daakir oo isbarbardhig ku sameeyay Xisbiyada Kulmiy & Waddani+Dhaliilo Culus Oo Uu U Soo Jeediyey Xukuumada.
Daawo:Shir jaraa’id oo uu qabtay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani & Wuxu daaran yahay
Somaliland:Daawo Magaalo Xabaalihii la soo qufay oo Guryo & Deyrar laga dul dhisaayo+Iska-rogooyin Dhulku la go’ay
Murashax Cirro oo Soo Booqday Xarunta Arrimaha Xajka “Wasaaratul-xaj” ee Dalka Sucuudiga oo Lagu Marti Qaadey[+SAWIRO]
Murashax Cirro oo Soo Booqday Xarunta Arrimaha Xajka Dawladaha Carabta ee Dalka Sucuudiga oo Lagu Marti Qaadey[+SAWIRO]
Mekka-(Qaran-news)-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal la xidhiidha gudashada waajibaadka Xajka ku joogay dalka Sucuudiga, ayaa maanta soo booqday Xarunta Arrimaha Xajka dawladaha Carabta ee magaceeda la yidhaahdo موؤسسة المطرفي حجاج الدول العربية.
Xaruntan oo ka mid ah wasaaradda arrimaha Xajka oo maamusha hagidda, xajisiinta iyo isku duba ridka xujaajta 17 dawladdood oo Carab ah oo ay Somaliland ku jirto, ayaa waxa Murashax Cirro booqashadiisan ku wehelinaayey xoghayaha xidhiidhka wadamada Carabta iyo dawladaha Islaamka ee Xisbiga WADDANI Ambassador Safiina.
Booqashadan uu Murashax Cirro ku tagay xarunta arrimaha Xajka ee dawladda Sucuudiga oo ahayd mid lagu soo marti-qaadey, ayaa waxa si weyn halkaasi ugu soo dhaweeyey Madaxa Xujeyda dawladaha badda cas Dr.Abdirisaaq Xasanayn iyo weli ba Madaxa sare ee Bicsooyinka Xujaajta Carabta Muhandis Caadil Al-Jibaale, waxaana ay sharaxaad dhammeystiran ka siiyeen Xujaajta loo dejinaayo Muna iyo Carafa oo loo rari doono wakhti dhow Tarwiyadda iyo Nafrada oo ah qaababka u gaarka ah Xajka.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa si weyn Madaxdaasi uga ga Mahad-celiyey siddii fiicnayd ee ay u soo dhaweeyeen isla mar ahaantaana ay uga xog warameen qaabka ay u qaabilaan Xujaajta ka soo jeeda wadamada Carabta oo ay ugu horreeyaan Xujaajta Somaliland isaga oo si gaara uga codsaday in hawlaha loo fududeeyo Xujaajta Islaamka ah oo idil gaar ahaan kuwa reer Somaliland.
Muraxa Madaxweynaha WADDANI iyo Xujaajta kale ee tirada badan ee ku sugan magaalada Mekka, ayaa isla maanta u dareeri doona bilowga Xajka, waxaana uu isla maanta ba uu soo booqday saddex Hotel oo ay kala degan yihiin Xujaajta reer Somaliland kuwaasi oo uu ka soo xaal waraystay xaaladda ay ku sugan yihiin, waxaana uu Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaasha Xajka.





Xujaajta Xajka & Mina+Somalida Kenya ka xajtay sanadkan 2017-ka