Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo:Marwada Musharax Cirro oo xadhiga ka jartay Xafiisyo Cusub oo Xisbigu ka furtay Hargeisa


Siciid Cilmi Rooble oo ka baxay xisbiga Waddani kadib Markii uu ku guul daraystay in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada

$
0
0

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa gabi ahaanba iskaga baxay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani kadib markii xildhibaanada golaha wakiilada ee ka tirsan xisbiga Waddani ay gabi ahaanba uga fadhiisteen in ay ku taageeraan in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiilada oo dhawan loo doortay xildhibaan ka soo jeeda gobolka Awdal, arintaasi oo ka cadhaysiisay xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, sababtayna in uu maanta shaaciyo in uu xisbigii uu ka soo tirsanaa mudada dheer uu iskaga huleelo.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa ololaha uu kursigaasi ugu jiro ka soo bilaabay markii hore xaga xisbiga Kulmiye isaga oo kulan qarsoodi ah la yeeshay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo xubno xisbigaasi ku jira oo ay isku deegaanka soo jeedaan, taasi oo ayna xisbiga uu ka tirsanaa waxba kala soconin, waxna uu ku dhawaaqay in xildhibaanada golaha wakiilada ee beeshiisu ay isga la socdaan sidaasina uu ku gali doono tartanka, taasi oo xitaa aakhirkii been noqotay oo looga fadhiistay.

Gudoomiye Muuse Biixi ayaa aakhirkii kula taliyay hadii uu beel ahaan wax u doonaayo in uu taageero xisbiga Kulmiye oo uu soo saaro hadii uu soo baxana uu heli doono wax ka wanaagsan waxa uu ka filaayo xisbiga Waddani.

Xisbiga Waddani ayaa ahaa mid si buuxda u taageersanaa shaqsi ka soo jeeda goboka Awdal in uu ku fadhiisto kursiga gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada si loo dheeli tiro xilalka faraha badan ee beelaha dhexe isku taxeen, waxna xisbiga Waddani ku qanciyeen Siciid Clmi Rooble in uu arintaasi u tanaasulo, taasi oo sababatay in uu gabi ahaanba xisbiga ka baxo

Ciidmada nabadgalayada wadooyinka oo hawlgalo ka fuliyay magaalada Hargeysa

Somaliland Independence: How to Save Lives and Create Peace

Daawo:Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Awdal oo Digniin u diray Muuse Biixi,Soo dhaweynta Axmed Yassin Sh.Cali Ayaanlena…

Muuse Biixi iyo Saylaci oo olole sharci daro ah ka bilaabay Borame iyo halkaasi oo lagaga tufay daawo

DOORASHADA SOMAlILAND NOVEMBER VIA DOORASHADII KENYA

$
0
0

KENYA OO GEESKA AFRICA AH UNTA XARUNTA AFRICA U QAABILSAN KU YAAL
VOTE KII MADAXTOOYADAA DHACDAY NATIIJADII WAA LAGU DHAWAAQAY WAXA
KU GUULAYSTAY XUSBUL XAAKIMKA MADAXWEYENE UHUURO, SIDA KOMISHANKA
DOORASHA KENYA ICLAAMIYEEN, SALUUG WAXA KA MUUJIYEY XUSBIGA MUCAARIKA
EE RAILA ODHINGA, CABASHO U GUDBIYEY MAXKAMADA SARE SUPREME COURT OF KENYA. WAXA JILBAHA DHIGAY 12 GARSOORE , WAXA U BAXAY QALAD IYO WAX IS DABA MARIN IN AY DHACDAY, WAXA MAXKAMADU GOAANSATAY IN VOTEKII IYO NATIIJADII WAXBA KAMA JIRAAN (CANCEL) YAHAY LABA BILOOD KA DIB VOTE LABAAD LOO DAREERI DOONO.
THE VOTE RESULT IS NULL AND VOID AND CANCELLED AS A WHOLE RE ELECTION WILL TAKE PLACE AFTER TWO MONTHS.

CODAYENTA MADAXWEYNENIMA SOMALILAND NOV 2017.
===================================================.
WADANKEENA LABA BILOOD KA DIB WAXAN NAAWILAYENAA IN VOTE LOO DAREERO
HIRDANKA AXSAABTA OO WELIBA AAD U KOBCIYEY QABAALADA BAARKANA U FEEDHAY QOLO WALBA DHIBI SHAXANAYSO IN AY IYADU TAHAY BAARQAB AAN LA LOODIN KARIN GEELA XERADA KU JIRA IYAGU BAARQAB MICIDA SAYDHAYA DHEXDU MADAGTA TAHAY UU ISAGU YAHAY CIDII HUNGURAYSA IN QOORTA LA JEBIN DOONO.
MAANTA WAXA DHEGEHEENA KU SOO DHACAYA DOOBIN AAN KALA JOOGSI LAHAYEN
IYO DHIBI SAXASHO DHOOLA TUSAD AH.
SOMALILAND WAA DAWLAD LA TIICAYSA DHAQAALO XUMO, SICIR BARAR,MAAMUL DEBECSAN, IYO ICTIRAAF LAAN DAWALIYA..
WAXA MARKHAATI MADOON AH LAANTA GARSOORKA SOMALILAND IN AY KU GUUL
DARAYSATAY ARIMAHA GARSOORKA IYO CADAALAD SOORKA UMADA IYO DALKABA.
AYNA LA KUFTAY CADAALADII BULSHADA.

TUSAALE KOOBAN.

DAD MUWAADNIIN SOMALILAND AH OO LAGU EEDEEYEY FALAL ARGAGIXISNIMO BAA KU SILCAYA JEELASHA SOMALILAND, SIDA 11 MUTAHAM AMA EEDAYSANAYAAL FALAL ARGAGIISNIMO IN LOO QABTAY FALALKII DUGSIGA SHEEKH LABA MATAANE OOBARAYAAL ENGRIIS AH OO LA DILAY FALALKII GETEX EE SHIRKA GERMANKANAAG KENYAN AH OO LAGU DILAY JIDKA BERBERA -HARGEISA, FALKII ANILA EE DHAKHTARKA AIDS EE BORAMA EE LA DILAY, IYO QARAXII MATAXTOOYADA SOMALILAND EE DADKA BADANI KU HOOBTEEN.SAGAALMUTAHAB OO KOOBIYO TABAN KAMID AHAA BILAA MAXKAMAD MADAXTOOYADA SOMALILAND WAA KULMIYEE ALBAABKA KA ROGTAY TII OO HAB QABIIL LAGU SII DAYEY .HALKA SADEXDII KALE, HEYB SOOC NIMO IYO ISIR SOOC BAA JEELKA LOOGU REEBAY LABA REER AWDAL AH IYO MID SHEEKHAAL AH ,. MAXAABIIS BAA BILAA XUKUM SIDEED SANO JEELKA DHEX EE HARGEISA KU JIRA HALKA QAAR XUKUNKOODII OO TODOBA SANO AH DHMAYSTAY WELI JEELKA KU JIRAAN , QAARNA CUDUR IYO DARANYO UGU DHINTEEN.
MALA ODHAN KARAA JEELASHA SOMALILAND IYO SHARCIYADA MAXKAMADAHEENA
WAXA KA ROON GAALSHIRE IYO NAGAADHA JIBUUTI, WAXAY SHARCI WADAAGLEEYIHIIN GASIIRADA GUANTINAAMO EE KU TAAL CUBA BADA WEYEN EE PASIFICA TAAS OO LOOGA JEEDO WAA GASIIRAD CIDINA XUKUMIN OO XEER ARGAGIXISADA LAGU QAADAA MAYAAL WAAYO CUBA HADII LA GEEYO SHACIGA GARSOORKA CUBA U YAAL AYAA QABANAYA WAA IN LA UKUMAA SIDAA DARTEED GASIIRAD GUWANTNAMO SHACI MA YAAL HALKAAS BAA WIXII ARGA GIXISO LOOGA SHIKIYO LA GEEYAA . HADII SOMALILAND JEELASHEEDA LA BAADHO LAMABA XUKUMO BADIDOODU WAA RUMAAN (NO DAY).WAXA XASUUS TIIRAANYO REEBTA AH IN KULMIYE 12 MUWAADINIIN SOMALILANDER AH DAWLADA D JIBOUTI LOO GACANGELIYEY TII OO FAL DALKA D JIBOUTI KA DHACAY LALA XIDHIIDHIYEY, MARKII WAX DEMBI AH LAGU WAAYEY IN MADAWEYENE ISMACIL OMER GEELLE DIB XORIYADOODI LOOGU SOO CELIYEY OO SOMALILAND KU SOO CELIYEY WAA NASIIB DARO KULMIYE DUL HOGANAYSA, .WAA FASHIL GARSOORKA IYO CADAALADA U TAAL, ADUUNKA NIN DALKALE MAGANGELYO U JOOGA DAL KHATAR NOLOSHIISA GELINAYSA LOOMA DHIIBO MUWAADINA HADALKIISABA DAA, SIDA GANACSADAHA REER DJIBOUTI EE DJIGOUTI EMIRAATKA IYO ENGRIISKA KA CODSADEEN IN INA BOORE LOOSOO GACANGELIYO TAASNA LAGU GACANSAYDHAY ,DALKAAS U JOOGO AYAA EEDA QAADA SI CADAALADIISIA IYO NABADGELYADIISA LOO ILAALIYO, WAXANA LAGU WAAYEY HALKAANA INA BOORE GUUSHII KU RAACDAY DAWLAD DHAN BAA MILLONS OF DOLLAR KU EEDAYSAY CADAALADA BRITAIN BAA KALA KUNTAY.EESHCALAA CADAALA.
KULMIYENA 12 MUWAADINIIN AH OO SOMALILANDERS AH BUU D JIBOUTI U GACANGELIYEY MEEDAY WASAARADII CADAALADA IYO GARSOORKA SOMALILAND DAWLADII IYO DALKII SOMALILAND MEE? DAWLADI WAA TII SHACABKEEDU HOOS HADHSADO CALANKEEDA CADAALADEEDA DADKEEDANA KA DIFAACDA KU XADGUDUBKA SHAKHSINIMO IYO WADARNIMO EE NABADGELYO .
SOMALILAND CITIZEN HAVE NO GOVERNMENT PROTECTION ,
2.MAXKAMADA SARE SL WAY KU FASHILANTAY DURUUFIHII AXSAABTA SIDII UCID
IYO GOLIHII SHACABDKA TAAS OO MAXKAMADA SARE GOLAHA GUURTIDA, GOLAHA FULINTU WAA MADAXTOOYADEE IYO ABWAANADII SOMALILAND U MAARO WAAYEEN
XALINTII KHILAAFA 82 XUBNOOD EE GOLLAHA SHACBIGA EE XEERDEJINTA OO AAKHIRKII ALLAHA DHAWREE MUDANE PROF, MURASHAX, AL XAAJ ABDIRAXMAAN CIRRO KU GUULAYSTAY SOO AFJARIDA KHILAAFKII GOLA SOMALILAND.
KOMISHANKA SOMALILAND MAANTA WAXA UU KU GUUL DARAYSTAY XAKAMAYENTA
OLOLOAHA SHARCI DARADA AH EE DALKA KA SOCDA, WAAYO OLOLUHU WAXA SHARCIYAN UU BILAABMAA BIL KA HOR DOORASHA DALKA.

AFARTA MILLION EE SOMALILAND EE QABYAALADA LAGU TALAALAY ADEN XAJI CALI
IYO KOMISHANKA AAN ARAGNAA ALLAHA WEYENI KAMA DHIGEE HADIIBA
GUUSHA IYO GUULDARADU ISKU DHACDO AMA WAX IS DABA MARINI TIMAADO
NATIIJADA MADAXWEYNE EE NOVEMBER DHICI DOONA XAAKIMKU WAA KUMA?
MADAXWEYNIHII OON XAALADIISA OGNAHAY, KU XIGEENKA OO MURASHAX KU XIGEEN KULMIYE AH,
ADEN XAJI CALI IYO KOMISHANKA AAN MAANTA MAARAYENTOODU INOO MUUQDO MA MAARAYEN DOONAAN OO DALKA QAS IYO QALALAASE MA KA BADABAADIN KARAAN?
WAA SUAAL DAWEYNOO MADAXA DAALINAYSEE WIXII LAGU DABIIBI DADWEYNAHAA LA WEYDIIN.
TALAA U TAAL BULSHADA SOMALILAND MUHIIM AH OON DHEGAHA INDHAHA IYO DHAAYAHA LAGA DABOOLAN KARIN WAA INTA AQLIGA U EHELKA AH DADKA IYO DALKANA LEXEJECLO KA QABTA.

ALLAW SAHAL AMUURAHA ADAA SAATIROO JIRAYE.

XAQ U DIRIR

MUSA AW HASSAN LODOON

Egypt: Maxaa ka jira in nashaqada Pyramid-ka laga maan guuriyay buuraha Naaso-hablood ee Hargeysa xiligii Faraacinadii Cadaymo Iyo Taariikh la helay daawo

$
0
0

In mudo dheer ah waxa la hadal hayn jiray in xidhiidh qoto dheeri uu ka dhaxeeyay Faraaciinadii iyo dhulka maanta ah Somaliland oo loo yaqaanay dhulkii Ilaahayada, waxna dadka qaarkood ay ku doodaan in Faraacinadu ay ka tageen dhulka maanta ah Somaliland ee sidoo kale loo aqoon jiray xiligaasi dhulkii uduga.

Hadaba waxa aqoonyahano reer Somaliland ahi ku doodayaan in dhamaan agabyada ay isticmaali jireen Faraaciinidii deganaa dalka Masar laga qaadi jiray dalka hada ah Somaliland waxana ay xitaa ku doodayaan in buuraha samayska ah ee loo yaqaano Pyramid-ka nashaqdooda laga qaaday buuraha Naaso Hablood

Ee ku yaala duleedka waqooyi bari ee magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxna sidoo kale soo baxaysa taariikh raad raac leh oo muujinaysa in xidhiidhkaasi uu jiray, iyada oo dhawaan goobo aan ka fogayn buuraha naasa hablood laga helay taariikho cajiiba siiba asnaam la mid ah kuwa hada yaala dalka Masar oo u eeg in laga dhoofin jiray xaga Somaliland, sida kuwa hoos yaala, waxa kale oo jira goobo badan oo taariikhi ah oo dahsoon oo ay ka buuxaan agabkani oo kala nooc nooc ahi oo aan ilaa hada la soo bandhigin


 

Sawirkani ugu danbeeyaa waa Yaxaas dhana waa ka qof waxna ay ku tusaysaa in xiliyadaasi la caabudi jiray Yaxaaska, xiliyadaasi oo dalka Masar gaar ahaan Faraacinaduna ay caabudi jireen yaxaasyada.

 

 

La soco taariikho kale oo ka fac weyn tan Faraaciinada oo aanu iyagana soo bandhigi doono dhawaan oo laga helay Somaliland gaar ahaan bariga  caasimada Hargeysa


Borame oo ka seexatay waftigii Saylaci iyo Muuse iyo 40 Bas oo dumar iyo ciyaal sida oo Hargeysa ka soo socda iyo Mulkiilaha Hotel Guuleed oo Borame ka dhex musanaabaaya

$
0
0

Magaalada Borame ayaa dhegaha ka furaysatay socdaalka Muuse Biixi iyo Saylaci ee ay ku daba dhuumanayaan gudoomiye ku xigeenka wakiilada.

Markii ay waftiga Muuse iyo Saylaci ka war heleen in aan socdaalkooda lala dhacsanayn ayay magaalada Hargeysa ka soo ururiyeen 40 bus oo sida dad u badan dumar iyo caruur oo sita calanka Kulmiye.

Waxana sidoo kale waftiga ka soo horeeyay xubno isugu jira rag iyo dumar oo sii qaban qaabinaayay soo dhawaynta waftiga kuwaasi oo uu horkacaayay mulkiilaha Hotel Guuleed ee Hargeysa mr Ali Guuleed kaasi oo ilaa shalay ku sugnaa magaalada Borama, waxana uu Cali ilaa saaka u kala gudbaayay Hotelada magaalada waxana la filayaaa in daqiiqadaha soo socda ay wafigu yimaadaan iyaga oo wata taageerayaashooda

Lasoco wixii danbe

Daawo:Wasiir hore uga Tirsanaa Golaha Xukumada Siilanyo oo ka baxay Xisbiga Kulmiye,soona bandhigay Sirro & Fadeexado kakan

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo Dhalinyarada Somaliland ugu baaqey inay Xaqooda dhacsadaan & Arrimo kale oo xasaasiya…

$
0
0

 Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye Oo ka mid ah Siyaasiyiinta da’da Yar ee reer Somaliland ayaa dhalinyarada ugu baaqay inay muujiyaan Cududa rabaaniga ah ee Alle kuu manaystay,una xayd xaytaan sidii ay doorkan uga qayb qaadan lahaayeen Hogaaminta Dalka,waxa uu qaylo dhaan ka soo saaray Marxalada ay dhalinyarada reer Somaliland hadda ku sugan yihiin ee aanay ugu baraarugsanayn siyaasada dalka,waxaa uu sheegay in dalka illaa Wakhtigii lixdankii ay soo hogaaminayeen Duqaynti balse hadda la gaadhay wakhtigii Dhalinyarta Kuraasta loo banayn lahaa,hadday tahay Axsaabta siyaasada iyo Xukuumaddaba.

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo shalay Waraysi khaas ah siiyay Warbaahinta qaarkeed ayaa ugu horayn waxa uu dhalinyarada kala dardaarmay Tahriibka,waxaanu u soo jeediyay inay hoos u eegaan Quwada Alle siiyay,waxa uu walaac ka muujiyay sida aanay hogaaminta dalku isku badelin illaa lixdankii ee inay hogaanka qabtaan looga illaalinayo Dhalinyarada,waxaana uu yidhi”Dhalinyaradu haku baraarugto oo ha eegto Quwada ay leeyihiin,Hana joojiyaan Tahriibka,Hana ogaadaan in la gaadhay wakhtigii ay hogaamin lahaayeen Waddanka,waayo illaa lixdankii waxa Xukunka ukala dambeeyay oo isku bad badelayay dad waa weyn oo ah runtii odayaal,illaa maantana iyaga ayaa ina hortaagan,hadday tahay Saddexda Xisbi Qaran iyo haday tahay Xukuumadda maanta jirta iyo haddii ay tahay Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiiladda”.

Waxa kale oo uu yidhi”Waxaan ku talinayaa oo aan leeyahay waa inay dhalinyaradu xaqooda ay dhacsadaan,Culays badan ay ku saaraan Madaxweynaha iyo Baarlamaanka in la furo Dastuurka,Si loo helo musharax Madax bannaan,Waayo Soomaalidu waxay tidhaa “Nimaan Hadlin,Habartiina qadisay,Waxaan leeyahay Dhalinyaradu waxay ka dhigan tahay Maanta,sida aanay u arkaynin Awooda ay leeyihiin,Sida AWR-ka Weyn ee inta uu quwada leeg yahay aad aragtaan ee inta ilmaha yar loo dhiibo,ee uu hogaaminayo,Marna uu kicinayo,marna uu fadhiisinayo,Awrku markaa ma arko Quwada uu leeyahay Ilmahan yar ee hogaaminayaa,Waxaa kale oo aan tusaale uga soo qaadanayaa Maroodiga Quwadiisu weyn tahay ee aad aragteen in Ilmo yari marna fadhiisiyo,marna koro,Waxaan leeyahay Dhalinyaradu maanta waxay ka dhigan tahay Maroodigaasi iyo Awrkaasi ilmaha yari marna fadhiisinayo marna Kicinayo”.

Waxa uu hadalkiisa ku soo koobay”Waxaan ku soo koobayaa,Dhalinyaraw Waxay gaadhay wakhtigii aynu wadanka hogaamin lahayn,Cidna uma maqna Ceelna uma qodna,Wadankii wali halkii Lixdankii ayuu taagan yahay,Miyay ku haboon tahay inaynu halkaasi sii taagnaano,oo aanay halkaasi sii fadhino oo shan iyo Konton sanadood oo Dambe halkaasi inagu dhaafaan,mise waxay ku haboon tahay inay dalkan itijaah cusub iyo Waa Cusub u furno?,Anigu Waxaan leeyahay Cid inoo dhaantaa majirto wadankan,Inaga ayaana Mustaqbalkii Umaddan u ah,Waxaan leeyahay Hala baraarugo,oo Culays badan aynu ku saarno sidii doorkan aynu uga qayb qaadan lahayn iyo mar wal oo dambeba siyaasada wadanka,Una hogaamin lahayn,Wadankan Insha Allahu tacaalaa” ayuu yidhi siyaasi Obsiiye oo warbaahinta la hadlayay.

Image may contain: 2 people, suit

Siyaasiyiin & Waxgaradka Subeer-awal ee Waddani oo ka jawaabay Hadallo Muddaro ah oo ka soo yeedhay Xil.Siciid Cilmi Rooble

War-weyn:Muuse Biixi & Saylaci oo fadeexad weyn & Wejigabax aanay filayn kala kulmay Boorama

Daawo:Af-hayeenka Waddani oo sheegay inay Garsoorka u gudbin doonaan Dacwad ka dhan ah TV-ga & Idaacada ku Hadla Afka Xukumada Kulmiye

Daawo:Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Saraar oo eedo culculus ku hurgufay Xisbiga & Xukumada Kulmiye


Daawo:Haldoorka & Labeenta Beesha Waqooyiga & Koonfurta Burco oo ka jawaabay Hadalo Xanaf & Xajiin badan oo ka soo yeedhay Xil.Siciid Cilmi Rooble

Wasiir Ku Xigeen Ka Tirsanaa Xukumada Kulmiye Oo Gabi Ahaanba Ka Baxay Xisbiga Kulmiye, Dhiilana U Jeediyey Xukuumada Talada Haysa

$
0
0

Wasiir Ku Xigeen Ka Tirsanaa Xukumada Kulmiye Oo Gabi Ahaanba Ka Baxay Xisbiga Kulmiye, Dhiilana U Jeediyey Xukuumada Talada Haysa

“Maanta Waxay Gaadhay Halkii Laga Eegi Lahaa Danta Guud In Xaqul Qalinka Iyo Waxa Yar Ee Shakhsigu Uu Ka Helayo La Door Moodo, Mee Balamihii La Qaaday Ee La Yidhi Saddex Bilood Ayay Ku Dhamaanaysaa Balaadhintii Dekedu” Ex Wasiir, Xasan Daahir Dhinbiil

Hargeysa, () – Xasan Daahir Dhinbiil oo saddex bilood ka hor iska casilay Wasiir ku xigeenka Caafimaadka, xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland, isla markaana ah Siyaasi Miisaan Culus Ku Leh Somaliland Iyo Gobolka Awdal ayaa maanta ku dhawaaqay inuu gabi ahaanba iskaga baxay xisbiga Kulmiye, kuna biiray xisbiga Waddani.

Xasan Daahir Dhinbiil waxa uu sidoo kale dhaliilo tiro badan u jeediyey xukuumada Kulmiye oo ay ka mid yihiin Nidaamka kala dambayn la’aanta ee Wasiir uu Wasiir kale Shaqadiisa galayo, Sicir Bararka iyo Nasiibdarada ku dhacday dekeda Berbera iyo arimo kale oo tiro badan.

Wasiir ku xigeenkii hore ee Caafimaadka Xasan Daahir Dhinbiil waxa uu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxa tusaale kuugu filan wasiiro isku magac ah oo Wasiir uu Wasiir kale hawshiisa ka qaadanayo ama uu faragalinayo, waxa ka mid ah tusaalihii ugu dambeeyey ayaan kuu soo qaadanayaaye, Madaarka Hargeysa dhacdadii ugu dambaysay ee ka dhacday, Gabadh yar oo diyaarad laga reebay iyadoo ummadd qaran in la hogaamiyo ay ahayd, diyaarad yar oo waddanka timaadana gabigeedaba xarfaha loo laabi karo oo eray ka soo baxa xukuumada ay ku xidhan tahay ayay Wasiiro ama Wasaarado isku jajawaabeen Warbaahinta hortooda, waxa halkaa cad, dabacsanaanta iyo habaqsanaanta iyo dhibaatada ka jirta dalka oo ay kow ka tahay in la kala sheegto Wasaaradihii iyo dalka, in qabyaalad loo kala kaco iyo in nin waliba meesha uu doono ka taliyo isagoon mandate-kii loogu talo galay ay ka baxsan tahay.

Waxa ka sii daran taa qabyaalada, waxaan anigu ka tagay xukuumada saddex bilood ka hor, waxaan uga tahay waxa ka mid ahayd degmo yar oo ka mid ah degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland ayaa degaankii degmadaasi fadhiistay Maayir ayay doorteen Maayirna way ka qaadeen, waxay ahayd sunaha dawladnimo inay is-doortaan midna uu helo midna uu waayo, waxa raga musharixiinta ahaa ay si cad oo qaawan ugu dagaalameen in hebel qabto oon hebel qabanayn, in reer hebel qabto oon reer hebel qabanayn, waxa aniga la igu eedeeyey inaan Jabuuti tagayoo aan shir qabtayoo aan halkaa qorshe ka soo qaatay, waxaan jirin.

Waxa aan aad uga damqanayaa waxa ay tahay bal in ummaddan badbaado loo helo oo isbadal la helo, xisbigii dalkan burburiyey, ee aynu ognahay halka uu dhaqaalaha dalku maanta marayo ee hooyada suuqa fadhiisata cashuurbaa la waydiiyaa ee lama waydiiyo maxaad ku nooshay, lama eego sicir bararku halkuu marayo waxa laga qaataa cashuurta oo kaliya, waa dhibaatada dalka ku soo korodhay.

Haduu shacbiga Somaliland kaa dareemi waayo, ma waxa uu dareemi doonaa maalinta uu burburo ee labadii isdulmiyey madaxa la iskugu dhufto, waxa ka sii daran in beelaha madaxa la isku galiyo, beelna madaxa loo taabto beelna waxba aan laga soo qaadin, dhibaato jirta weeyaan.

Waxaad ogtihiin wakhtigii Suldaan Wabar iyo dagaalkii aanu ka galnay inaanu xalinay arinkaa, siyaasad la’aan awgeed waxaanu ku dhacnay jahawareer uu keenay xisbiga Kulmiye, waxa nagu dhacday haldoorkii Gobolka Awdal ka soo jeeday, iyagoo dhawr iyo toban ah oo Suldaan leh oo Baayac-mushtar leh oo muxtaram leh in katiinado lagu qaado oo guryahoodii katiinado lagaga soo guro oo sidii Maxaabiis dambiile ah oo la xukumay ah oo gaadhi sagxad leh inta la dul dhigo si nin dambiile ah oo ‘Agagixiso ah’ in la soo qaado oo jeelka Hargeysa la dhigo, wuu garanayaa ninkii garanayaaye, waxaan isku dayey inaan ka odayeeyo taana waxa keenay siyaasad xumada, qorshe la’aanta aanay dawladu ama xisbiga Kulmiye aanu ugu talo galin maxaa dalkan lagu badbaadiyaa oo ummaddan lagu badbaadiyaa.

Maanta waxay gaadhay halkii laga eegi lahaa danta guud in xaqul qalinka iyo waxa yar ee shakhsigu uu ka helayo la door moodo, mee balamihii la qaaday ee la yidhi saddex bilood ayay ku dhamaanaysaa, Balaadhintii Dekedu mee, saddexdii bilood ee lagu balanqaaday in lagu dhamaystiro wadadii Berbera ilaa Wajaale ee ay rajadu ina gashay mee.

Waar ma shacabkaa doqma ah mise kan wax u sheegaya ayaa doqon ah ee beenta ku celcelinaya ee maalina aan la rumaysanayn.” Ayuu yidhi Wasiir ku xigeenkii hore ee Caafimaadka, Mudane Xasan Daahir Dhinbiil.

Somaliland Iyo Kenya: Laba Dhacdo Oo Tariikhda Galay!!

$
0
0

Somaliland Iyo Kenya: Laba Dhacdo Oo Tariikhda Galay!!

Muniir Axmed Cigaal, Kaaliyaha Murashaxa Waddani Ee Warbaahinta

Maxkamada Sare ee Kenya waxay ka garnaqday doorasho Komishanka Doorashooyinku ugu dhawaaqay Madaxweynaha iyo Madaxwyne Ku-xigeenkiisa, Uhuru Kenyatta iyo William Ruto, oo dalka Kenya ka dhacday 8/8/2017.

Intay ka garnaqday ayay badda ku dartay dhawaaqii iyo guushii loo hibeeyay Mr. Uhuro. Hadda waa doorasho dhan oo dhacday oo lagu kala calafqaaday, xaqiiqdii markay ka dabo timi dhawaaqii hore, gar cadaaladeedna la qaaday lana xaqiijiyay siday codayntu u dhacday in khalad dhacay ayaa lagu yidhi Madaxeynihii Dalka ‘Saaxiib sorry guushadu waa waxba kama jiraan’.

Nasiib darro Jamhuuriyadda Somaliland nin dhalinyaro ah oo loo hanwaynaa, barri inuu noqon karaayay mid kamid ah jilayaasha dalkani yeesho Aadan Xaji Cali Axmed ayaa Maxkamada Sare Guddoomiye ka ah, wuxu ku dhac u yeelan waayay inuu ka garnaqo codayn kooban oo loogu tartamay kursiga Gudoonka Golaha Wakiilada, taas oo qabsoontay 6/8.2017, laba casho ka hor doorashadii Maxkamada Sare ee Kenya burisay. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxaxamed Maxamuud (Talyanle) ayaa u dacwooday Maxkamada Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland isagoo sharciga raacaya, wuxuu xaqiijiyay soo banshigay si kasta oo lagu qanco u soo bandhigay inuu helay 39- cod doorashadii la qaaday, halka ninkii la tartamaayay helay 38-cod, balse khalad dhacay loogu dhawaaqay Xildhibaankii kale ee Baashe Maxamed Faarax sidaa daradeed ay waajib tahay inay Maxkamadu saxdo, maadaama oo kursiga lagu tartamaayay yahay midkii saddexaad ee Waddanka Dastuurina uu yahay, waxa isna qiray oo saxaafadda ka cadeeyay ninkii la tartamaayay ee Baashe Maxamed Faarax oo sheegay inuu Cabdiraxmaan Talyanle helay 39-Ka cod .. Nasiib darro Culays kaga yimi Madaxtooyada oo hadda wakhtiga u hadhayba 2-bilood yahay mustaqbalkiisi oo dhan ayuu intaas ku seegay .. Aaaax I am sorry Wallhay.

Somaliland Waxay doorasho Galaysa iyadoo Maxkamadeedi Sare sidaa tahay cadaaladeedi, Somaliland waxay doorasho galaysa iyadoo Golihii Guurtida ee ay ku baxsan jirtay xilliga adag iyo muranada uu hawlgab noqday Oday Saleebaan Maxamuud Aadana gar iyo gar darro garab la saftay, Somaliland Waxay doorasho galaysa xilli doorashada lafteedu tahay midii ugu xamaasada badnayd ee soo marta tariikhda Xisbiyada badan ee soo bilaabmay 2002 –dii.

Allow Alleh

By. Muniir Axmed Cigaal, Kaaliyaha Murashaxa Ee Warbaahinta, Xubin kamid ah guddidii Ololaha Kuraasida Golaha Wakiilada ee Xisbigu u tartamayay.

Siyaasiyiinta kasoo Jeedda Sool iyo Sanaag Bari ee Magaca Bulshada ku dhex leh oo Dhabarka u Jeediyey Codsi F.C.Waraabe kaga Dalbaday Musharrax Madaxweyne Ku-xigeen Waraabe u Taag ah Siddiisa oo Kale…

$
0
0
Siyaasiyiinta kasoo Jeedda Sool iyo Sanaag Bari ee Magaca Bulshada ku dhex leh oo Dhabarka u Jeediyey Codsi F.C.Waraabe kaga Dalbaday Musharrax Madaxweyne Ku-xigeen Waraabe u Taag ah Siddiisa oo Kale…
Laascaanood-(Qaran-news)- Siyaasiyiinta magaca iyo Maamuska leh ee kasoo jeeda gobollada bariga Somaliland ee Sool iyo Sanaag bari, ayaa dhamaantood dhabarka u jeediyey dalabyo tiro badan oo hor-jooggaha Ucid Faysal Cali Waraabe kaga Codsanaayey inay soo xulaan shaqsigii Musharrax Madaxweyne ku-xigeen Waraabe u taag ah u noqon lahaa isagga.
Faysal Cali Waraabaha Ucid oo Siyaasiyiin tiradooda lagu sheegay 30-ku dhowaad, kana soo jeeda Sool iyo Sanaag u bandhigay doonistiisa ah inuu Siyaasi reer Sool ah oo Magac leh ka dhigto Musharaxiisa Madaxweyne ku xigeenka.
Hase-yeeshee waxa qorshaha Faysal Cali Waraabe qaadashadiisa gabi-ahaanba gaashaanka ku dhuftay Siyaasiyiinta magaca iyo maamuska leh ee Reer Sool iyo Sanaag bari, kuwasoo Faysal ku war-geliyey inaanay haba-yaraatee aanay jirin cid Cod faysal Cali Waraabe siinaysaa oo kamid ah Bulsho weynta Somaliland, waxanay kaga darreen celiyeen Codsiyada Faysal Cali Waraabe inay ceebku tahay inuu ula yimmaado Siyaasiyiinta Dhulbahante inay u noqdaan ku xigeen, isagoon soo bixis-daayo aan sharciba u ogolleyn tartan Doorasho Madaxtooyo oo u mar saddexaad isku soo taaggo.
Waji-gabaxan uu Faysal Cali Waraabe kala Kulmay Siyaasiyiinta iyo hal-doorka reer Sool, ayaa daaha ka fayday sida ay isku barteen Bulshada Somaliland iyo Faysalka Ucid ka dhigtay Ingo-ga, iyadoo la wada oggaa Burburkii iyo baaba”i albaabadda usoo xidhay Xisbigii Ucid, kaddib markii uu Faysal Cali Waraabe iyo Maxkamadda Eexda ugu xukuntay, uu hana qaaday Damaciisii ahaa inuu burnuriyo Xisbigaas.
Docda kale, Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa ku hawlan inuu yidhaahdo Komisha ka hala bedelo, si doorashadu markale dib ugu dhacdo, maadaama oo aanu isaggu haba-yaraatee wax doorasho ah oo dhacdaa waxba ugu fillayn, isla markaana waxay doonistiisu ku sallaysan tahay inuu kusii shaqeysto magaca Ucid iyo hab Xisbiyeedka oo u ku hello dhaqaale  Dawladdu siso iyo sidoo kale dilaalista Mashaaricda dalka laga fuliyo.
Si kastaba ha ahaatee, waxa xilligii Kaambeynka ka hadhay muddo ku siman 26-maalmood, iyadoo bilowga bisha 10-naad la bilaabayo Olloollaha, ayaa waxa la filaya inay ka hadho Ucid tartanka iyo Doorashada Madaxtooyadda ee dhacaysa 13-ka November sannaadkan 2017-ka. Waxana tartanka doorashooyinka iskugu soo hadhi doonaa labada Xisbi ee shacbiyadda taageero ka haystaa qaybaha bulshada ee Waddani iyo Kulmiye, waxanay taarikhda noqon doontaa markii u horraysay ee doorashooyinka Somaliland ay laba Xisbi oo keliya ama laba Musharrax ku tartamaan Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland.

Bal Amuurtan Eega: HOTEL WOMENS JIRDE  CLUB:

$
0
0
BAL AMUURTAN EEGA: HOTEL WOMENS JIRDE  CLUB:
Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)
Maalin dhawayd oo ay xidhnayd Wadadda Hawl-bawlaha Hargeysa, ayaan hawd uga leexday Baar Hargeysa, si aan uga dhex dhaco dooxa ilaa Masalaha. Markiiba indhahaygu waxay ku dhaceen  HOTEL JIRDE, mise waaba halkii aan ku aqaanay Hargeisa Women’s Club  (YAA, NABADGELYADDA ILAALIYAA!).
Markii iigu dambaysay, dhismahaasi wuxuu ahaan jiray, dugsi xirfadeed ay dawladdu leedahay oo haweenka lagu baro farsamada, dawaarka, cunto karinta iwm (MAXAAD TIDHI: WAA GUULIHII HALGANKII MUJAAHIDIINTA’AA!). Waayaddii uu marxuum Maxamed Siyaad Barre talinayayna (HADALKA KOR U QAADOO,  FAQASH BAAD TAHAYAA!)   dhismaha Women’s Club waxaa ardayda gelinka dambe lagu bari jiray xirfaddo noloshooda lagama maarmaan u ah (Life skills). Anigayga iyo arday aan ku jiro  ayaa nalagu bari jiray sawir-gacmeedka (Arts) iyo filim qaadista; xaggaagii 1977, oo aan fasalka 3aad ee Dugsiga Hoose dhameeyay. Macalinkii farshaxanka iigu dhigi jirey, Axmed Dirir, oo waaggaa ka soo qaxay magaalada Dirirdhaba, wuxuu hadda wasiir ka yahay Dawladda Federalka Itoobiya (IIGU CELI!, ITOOBIYA SAAXIIB BAANU NAHAYAA!).

 Anigoo murugaysan ayaan waxoogaa is-hor-taagay HOTEL WOMEN’s JIRDE  CLUB, markaasaan hoos isu waraystay, oo aan is- idhi, war heedhe- ma adigaa waalan? Ma dadkaan damiir lahayn,? Mise Cadan baaba laga heesayoo, WAA ISKA CAADI!. Dabadeedna, waxaa igu soo dhacay, gabayo hore loo tiriyay oo ilaa maanta dareenkoodii taagan yahay, oo kala ah:

 Axmed Ismaaciil Diiriye  (Qaasin),  wuxuu tiriyay waxyar ka hor, doorashaddii 1964

·         Denbi kuma hadlaayee, ma arag dawladdaan rabaye

·         Isma doorin gaalkaan diriyo, daarta kii galaye,

·         Dusha midabka Soomaali baad, dugulka moodaaye

·         Misna laguma diirsade qalbigu, waa dirkii Karale (Badhasaabkii Ingiriiska)

·         Meeshaan dad aan urursho iyo dirir ka eegaayay

·         Iyaba waa darxumo ii hadhaye, dacar miyaan leefay

·         Ummaddii daryeel ma helin, daacadda ahayd

·         Siddii baa Ducaaloow, biyaha loo daweriyaaye

·         Siddii bay dushaa ugu sitaan, dumar caruurtiiye

·         Siddiibaa duddada aar dhiciyo, dacaw u joogaaye (Mid afka kaaga booda)

 

Cumar Maxamed Warsame (Xiin-waal), wuxuu tiriyay waxyar ka hor, doorashaddii 1968

·         Siddii bay qabiiladdu, carradan qiimo leedahaye

·         Siddii buu nin qalab (COD) doonayaa, noo qarribayaaye (Qoloqolo noo kala saarayaa),

·         Siddiibuu u qaataa shacbigu, caddihii quudheede (Waxoogaa lacag ah ama jago)

·         Qaw baan dul naalaa, qabarna hoos yaale

·         Qawl dibad ka yimaa, siddii loo qadariyaaye (BEESHA CAALAMKA, UN, FFF).

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>