Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Qurba jooga beelwaynta reer xuseen ee maraykanka oo baaq iyo digniin u diraya shirkad baadhis shidaal ka wada degaan Togdheer

$
0
0

Qurba jooga beelwaynta reer xuseen ee maraykanka oo baaq iyo digniin u diraya shirkad baadhis shidaal ka wada degaan Togdheer

Aqoon yahanka iyo wax garadka iyo siyaasiinta  qurba jooga   Beelwayta Rer Xuseen ee ku dhaqan dalka Maraykanka,,,, ee  u dhashay degaan Gobolka Togdheer  garhan magaalada  Burco  ayaa  kulan ay ku kulmeen shir Tellefan Conferece ah,,, ay ka soo sareen Baaq Kulul oo ay u dirayaan  Shirkadaha  shidaal qodista iyo waliba  Xukuumada  u fasaxday ,,, kuna tageerayaan  shirkii  manta  ka qabsoomay magalada Burco gaar ahan huteelka golis  ee ay isugu yimadeen  , madax dhaqameedka  iyo wax garadka iyo siyaasiyiinta rer Xuseen, waxaanay  ku tagereen qodobadii ka soobaxay shirkaa gebi ahaaba ,,,,

ee   ku wajahna  shirkadaha  shidal qodista ee  ku soo duushay, dhul ay degen yiin kumanan dad ah oo   ilahay ku abuuray iyga oo aan waxba ka waydiin ,

 

hadab  baqan ayaa  sidan u dhignaa,

 

 

Hadaanu  nahay qurba jooga  beel waynta rer xuseen  waxanu  uga digaynaa shirkada shiidalka  ka baadhayasa  degamada   , BANKA AROORI IYO  BALIDA QOOLILI IYO GUBADO . in ay faraha kala baxaan ,   wax  mashruuca ah  oo laga fulin karaa anu  jiri karin iyada oo aan  dadka degaanka u dhasahay lala socodsiin,

 

Waxanu  halakan ka cadaynayanaa  in aan rer Xuseen diidanayn marnaba  in la soo saro khayraka dalka ku jira ee ay rali ka yihiin in la soo saro khayraadka  dalka ku dheehan,  sifo  sharci ah oo aan lagu dulmayn dadka degaankaaa ku nool Dad iyo Xoolaba ,,,

lakiin anay  cidna  ka yeelay  in degaanka rer ku dego   oo aan  dadka degen   ee  dhibta ka imanaysa iyo xalufka dagaanka ku dhacaya  in  layska indha tiro  oo la baal maro, iyada oo aan  la qiimayan  khasaraha ka iman kara   ee  ku habsan doona  dad iyo xoolaba ,

 

Waxanu Xukuumadan u fasaxaday uga digayanaa in anay nabad gelyo daro ka Abuurin guud ahaan gobolka Togdheer ,, gaar ahana magaalada Burco  ,

waxanu  bayaankan ku cadaynayana   dhibatada  ka abuuranta ama  ka dhalata  duulanka  balaadhan  ee xaqdarada ah  ee  dhul boobka  ku salaysan,, in   cawaaqib xumada ka dhalata ay  dusha saran doonaan  xukuumada iyo  shirkada shiidaal baadhista ee dhul boobka ku jiraa.

 

 

ugu danbayana wax aanu  ku baraarujinayanaa  dhaman beel waynta  rer xuseen gudo iyo debadba  in ka diyaar garooban  ,

 

 

 

Qurba jooga   beelweynta rer xuseen ,  U S A

salebaan bille (sabille@hotmail.co.uk)

 

 


Wareegto xilka-qaadis oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Siilanyo

$
0
0

Wareegto xilka-qaadis oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Siilanyo

Hargeisa-(Qaran-news)-Madaxweyne Siilanyo ayaa maanta soo saarey wareegto uu xilkii gudoomiyenimo kaga qaadey  Gudoomiyihii hayada Qurbajooga  Somaliland Maxamuud Cabdiraxmaan Cali.

Wareegtadaa ka soo baxday xafiiska madaxweyne Siilanyo oo dhamaystiran waxay u dhigan tahay sidatan:-

“Waxaan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Gudoomiyaha Hay’adda Qurba-jooga Jamhuuriyada Somaliland.
Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane, Maxamed Biixi Yoonis, inta aan cid kale u soo magacaabayo.

Qarannews

Hargeisa

 

Olympian Mo Farah backs money transfer agency campaign

$
0
0

 

Great Britain's Mo Farah celebrates winning the men's 10,000 metres in Moscow. Picture: PA Great Britain’s Mo Farah celebrates winning the men’s 10,000 metres in Moscow. Picture: PA

Olympic gold medallist Mo Farah lent his support to a campaign to protect money transfer agencies, as Bethnal Green and Bow MP Rushanara Ali called on the government to help save them.

 

 
MP Rushanara Ali is joined by campaigners supporting calls for money transfer agencies to be protectedMP Rushanara Ali is joined by campaigners supporting calls for money transfer agencies to be protected

Distance runner Farah, who was crowned 10,000 metre world champion on Sunday, is one of 25,500 signatories to a petition handed into 10 Downing Street backing the campaign.

It follows Barclays Bank’s decision to terminate facilities for money transfer agencies, used by people to send money back to family in developing countries after they migrate to the UK.

Double Olympic gold winner Farah, who was born in Somalia, said agencies such as Dahabshiil, based in Cavell Street, Whitechapel, play a key role in the charity work he undertakes.

“It is so important that the government and the banks realise the incredibly serious threat this poses, and work with the remittance industry to find a solution,” he said.

“My charity, the Mo Farah Foundation, as well as many other international aid organisations, rely on companies like Dahabshiil and without them will no longer be able to get money to the people who so desperately need it.”

Barclays is the last major British bank to continue providing money transfer services to Somalia, with an estimated 40 per cent of the country’s population relying on them.

The bank’s decision to withdraw remittance accounts for money transfer agencies was a result of fears over their vulnerability to money laundering scams.

But Ms Ali, who is also shadow minister for international development, warned that moves to stop the agencies operating in the East End would have a major impact on the area’s large Somali and Bangladeshi populations.

She said: “The closure of these accounts will cause irreparable damage to the livelihoods of millions of people in the African and Indian subcontinents.

“Somalia, a country that has been blighted by years of conflict, is particularly at risk. People across the UK and many of my constituents are desperate to get money to their loved ones.

“Shutting this vital lifeline runs the risk of money being sent through dangerous and alternative methods that are not properly regulated.”

An estimated £3.2billion in aid was sent through agencies from the UK, with £109million sent from the UK to Somalia, according to Oxfam.

The petition calling for the government to “save remittance giving” was handed in to 10 Downing Street on Wednesday, August 7.

 

Currently trending

Vietnam festival comes to Spitalfields—with food and politics

A Vietnamese summer festival is being staged in London’s East End for the first time ever on Saturday—with food,. dancing and of course politics.

Eastlondonadvertiser.co.uk

Shirkada Dahab-Shiil (Dahabshiil Company) Wuxuu Istaahilaa In La Siiyo Abaalmarinta Noble Price (Noble Price). By Asho Abdullahi

$
0
0

Taariikhda ummada afsomaliga ku hadasha iyo dadyowga saboolka ah ee ku kala firidhsan dunida dacaladeeda waxay ka marag  kaceen in Shirkada caalamiga ah ee Dahabshiil fulisay sama-fal caalamiya  oo dhinaca binu-aadamnimada ah waxay shirkada ugu deeqday ummada somaliyeed iyo danyarta beesha caalamkaba gargar iyo deeq aan weligeed la ilaawi doonin.

 

Waxay shirkadu caawisay bulsho danyar ah oo isugu jirta,masaakiin,agoon,arday,waayeel,haween,caruur  ku kala nool dunida dacaladeeda,shirkadu waxay tabarucaad ugu deeqday dadka degan meelaha ay abaaruha iyo gaajadu ku dhufteen ee geeska afrika khaasatan meelaha ay degaan dadka afsomaliga ku hadla.

Shirkada Dabshiil waxay ka qaybqaadataa si joogto ah horumarinta arrimaha Bulshada,caafimaadka,waxbarashada,iyo dhamaan nolosha aasaasiga ah.shirkadu waxay ka qayb qaadataa,iskuulada,jaamacadaha,ishgaadhsiinta iyo dhamaan wixii shacabku uga soo baahdaan.

 

Shirkadu waxay in ka badan 22 sano si iskaa wax u qabso ah ugu adeegeysey Bulshada somaliyeed meel kasta  dunida guudkeeda ha ka deganaadeene.runtii qoraal yar laguma soo koobi karo caawimada iyo waxtarka ay binu-aadamka u fidiso Shirkada Dahabshiil.

 

Sidaasi darteed shirkada Dabshiil waxay mudan tahay in la siiyo Abaal-marinta caalamiga ah ee loo yaqaan abaal-marinta Nobleka( World Noble price).

 

 

Asho Abdullahi Wadhaf

Muqdisho
Somalia

Garbihii arradnaa in kastoo, badankood asturmeen, haddana?

$
0
0

Garbihii arradnaa in kastoo, badankood asturmeen, haddana?

Qalinka: Boobe  Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

boobedarajada-ciidamada

Haa….Immika ayaad mooddaa in la soo miiraabay. Hal-hays ayaynu u leenahay cirkii ayaa soo yeel-yeelanaya. Waa marka ay daruuruhu samaysmayaan ee ay is-raadsanayaan si ay u darrooraan. Macallin Gaarriye, murti-dhaadhigii xeel-dheeraha ahaana waxa laga hayaa:“Garoon aan biro lahayn ayaynu ku ciyaaraynaa, markaas ayaan la kala garanayn ka gool dhaliyay iyo ka aan waxba dhalin.” Malahayga guddi garsoor iyo siidhi-walena garoomaddaasi ma ay lahayn.

Haa…..Hadda ayay xukuumaddeenni derbi-ka-adag wax weyn ku soo dartay waddooyinkii shan shanta Kiiloo mitir ahaa ee aynu dhagax-dhiggooda iyo furitaannadooda ku dhego-barjownay. Mar mar ayaad is-odhanaysay kharashka xafladahaa laba-eefka ah ku baxa ayaaba shan kiiloo mitir oo kale noqon lahaa. Waa waxyaabaha ay dadku ku sheekaystaan, iyaga iyo Allahood e’.

Haa……Waa run. Tallaabo togan oo ididiilo leh weeyaan darajooyinkan la bixiyay. Waa ay inaga raageen. Waa la sugay oo la saadiyay. Ciidammadaa u baahnaa….Qarankaa u baahnaa…….dawladnimadaa u bahnayd……..dhiirri-gelinta iyo abaal-marinta ayaa u baahnaa…….horumarkeenna iyo ammaankeenna ayaa u baahnaa.

Haa…..Waa run. Aan hambalyayno xukuumadda, Talisyada Ciidammada iyo Guddidii Qiimayntaba. Wax hore loogu dhici waayay ayay ku tallaabsadeen. Dhiirranaan iyo ku-dhac ayaa meesha ku jira. Haddii qalad dhacayna waxa keenay ku-dhiirrashada, haddii kale sideedii ayay iskaga degemsanaan lahayd.

Haa…….Hadda xisaabtan ayaa taagan. Waa la dallacayaa…….Waa la casilmayaa…..Hadba waa sida qofku u tamariyo iyo hadba sida togan ee loo qiimeeyo. Ma aan sheegin eex iyo qaraabo-kiil lagu tallaabsado. Wax wal oo lagu dhaqaaqaba wax baa ka dhasha. Yaan la diidin haddii uu saluug yimaaddo, waayo wax inagu cusub oo aynu ka maagaynay 22kaa sannadood ayaa dhacay.

Haa…..Waa run. Xukuumadda waa aynu ku hambalyaynaynaa tallaabadan geesinnimada leh ee ay qaadday ciidammadana garbahoodii ku arrad tirtay. Waa guul maantaba haddii ay garbahooda daawanayaan oo aanay hoos u foorarin. Waa guul u suntan xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo ee cabashada badan dulqaadkuna ku yar yahay ee garan weyday Hubaal tilmaan iyo tusaaleba sii oo ha laba-diblayn. Alla waynu qarsanaynaaye, warqaddaa yare e Hubaal maxaa inaga gaadhay. Godka aynu ku dhacnay sida aynu iskaga soo faqnaa, dheer oo dhib leh.

Aan ku hambalyayno xukuumadda darajooyinkan ay bixisay. Aan ku hambalyayno in ay maalin iideed oo farxadeed ka farxisay ciidammo 22 sannadood samrayay oo heegan ahaa. Mid ka mid ah ciidammadaa dallacay oo laba xiddigood ku soo hagaageen, ayaa meel uu ka soo helay garan mayo e’ tilifoon ii soo diray habeen hore. Ku-ye: “Ma Mujaahid Boobaa?” Anna degdeg ugu idhi: “Haa”. Ku-ye: “Neyruushkii ayaa naga kacay oo laba xiddigle ayaan noqday.” Aniguna waan hambalyeeyay, waxaanan kula dardaarmay in uu darajadaa dhaqankeeda iyo milgaheeda yeesho.

Aaan hambalyayno xukuumaddeena moodaysa in aynu jecel nahay dhibteeda iyo xumaanteeda. Xaasha! Sow tii loo soo wada joogay waxa xukuumad la’aan inaga soo qabsaday. Xaasha! In ay dhacdo, dhugucdo, dheellido iyo dhutiso midnaba ma rabno. Aan hambalyayno. Aan ku hambalyayno kartida ay u yeelatay in ay Jamhuuriyadda Somaliland gudaheeda hal maalin oo iid ah ka wada bixiso darajooyinkii. Aan nidhaahno: Hambalyo…Hambalyo. Bal hadda aynu ka dhur-sugno inta ay ku qaddo bogaadintaas niyadda naga ah.

Qawad iyo saluug waa iska jiraa. Ciidammada Qaranka iyo asluubta sidaa carrabka looguma hayo. Waa Bilayska meesha afka laga dhigi la’ yahay. Kolka horeba ciidammadu ma sinnayn. Ciidanka Qaranku wuu ka horreeyay kuwa kale oo waa kii gartay in uu leyli sarkaal ciidammada ugu diro dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya. Tallaabadaasi ciidanka wax weyn ayay u tartay. Qaranka naruuro ayay u noqotay, Ciidammadiina hankoodii iyo hiyigoodiiba kor ayay u qaadday oo waa taa manta qaar badani garbahoodii daawanayaan ee aan arkayn waxa hor socda ama ka hor imanaya. Qaar muraayadahan la isku daawado ku hor qallalayna waa la sheegayay. Alleylehe inteeda ayay ku sugtay.

Waxa la yaab leh wixii Talis Bilays ina soo maray ee UNDP-dan ku dul kuftay tababar weydiisan waayay. Haddii dalalka qaarkood laga waayay Ictiraafkii ma tababar gaaban oo bilo iyo sannado ah ayaa laga waayay. Ninkii jiray wuxu yidhi: “Haddeer waa la joogaa, hadhow waa la nool yahay.” Waa halkii reer Berbera e’ Taliska Bilayska Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu ku leenahay: “Habeen kaama tegin.” Innamada ha kaga masuugina e’ leyli sarkaal iyo tabarba u dira, haddii kale ciidan dhismayaa ma jiro oo laf ayaad toobin ku haysaan.”

Meelaha saluuggu ka muqdaa waa tusaalayaal nool oo aan la dafiri karayn. Waa cadceed shinkeed soo baxday oo aan sacab lagu qarin karayn. Tusaale waxaynu u soo qaadan karnaa wiil dhallinyaro ahaa oo Dugsiyada Sare ku jiri jiray oo SNM ku soo biiray. Toban sannadood oo sidkood go’ay ayuu ka dhex dagaallamayay. Unug wuu dagaal geliyay. Hurin ayuu dagaal geliyay. Koox ayuu dagaal geliyay. Laga yaabee in uu Ururna dagaal geliyay. Waa muddo toban sannadood ah gudahood. Markii dalka la xoreeyay, dal-jirkaa dahsooni wuxu ka mid noqday ciidammadii Bilayska ee Jamhuuriyadda Somaliland. 22kaa sannadood ee dalka lagu jiray intaaba wuxu ahaa oo marba mid haystay mid ka mid saldhigyada Hargeysa mug weyn. Kama dallaco, hoosna ugama dhaco.

Dal-jirkaa dahsooni, maalintii dhaweyd ee derejooyinka la bixinayay ayuun baa la yidhi: “Sarkaal ma mudnid.” Hadda waa wiilkaa dedaalay ee 32kaa sannadood ku soo jiray kaalintaa hoggaamineed ee dhibteeda iyo dhowrteedaba lahayd. Waxba isagu lama hadhin. Lama gacan-qaban oo waayo-aragnimadiisii si cilmiyeysan oo ‘Akaademiya’ looguma rogin sida saaxiibbadiisii ciidammada Qaranka laga yeelay.Waa la hagraday oo immikana la hilmaamay.

Sideedaba noloshu waa laba, aan mid saddexaad lahayn: Waa Fiiro iyo Fal (Theory and Practice). Dal-jirradan cabanaya qaarkood waa kuwaa 32ka sannadood ee Falka ama waayo-aragnimada ah tirsanaya, wax la yareysan karana ma aha. Hadda dee da’ ayaan joogaaye, beryihii aanu ilkaha sare qabnay af-jabhadeedkayagii waxa lagu odhan jiray, sida ay ila tahay: “Xaggee laga dheelaa.”

Gebegebada sheekada:

Hambalyadu waa halkeeda, dedaal se ina faran. Malaa waxa fiican in aynu halkan si farshaxannimo ah ugu adeegsanno Islaantii ninku sheegay in si wanaagsan loo aasay ee kii kale ee la socday yidhi: “Waa haddii axanku raaco.”

Sheekadeennan aynu ku soo qaadannay darajooyinka la bixiyay ayaynu ka dardaarmaynaa oo leenahay: “Waa haddii wixii ay mudnayd raacaan.” Oo maxaa raacaya. Bal kaskayga gaaban aan idiin taxo:

  1. Waa in ay xukuumadduu wixii gunno iyo xuquuq kale darajada raaci lahaa dhakhso u bixisaa, haddii kale darajo-bixintii ayaa macno beelaysa. Weliba wasaaradda maaliyaddu waa in ay ka dedaashaa in ay ciidammadaasi xuquuqdooda helaan. Yeynaan arkin Janan ama sarkaal sare oo budulka ku asqoobay, afar-qaadka socodka, illeyn ciyaalkan yar yar ee Kastammada joogaaba ma lugeeyaan e’,
  2. Waa in ay saraakiisha iyo guud ahaan ciidammaduba isu dhigaan ciidammo anshax iyo akhlaaq leh. Darajooyinka lagu talay waa in ay abaalkooda mariyaan oo aanay meel baas iyo reero muskood la fadhiisan oo mijin jaad ah suuqa la meeraysan,
  3. Inta cabanaysa waa in cabashadooda la dhegaystaa. Waa in la abuuro halkii ay cabashooyinkooda soo marin lahaayeen iyo ciddii go’aanka ka qaadan lahayd. Ma aha in la reereeyo. Ma aha in la beeleeyo. Ma aha in madax-dhaqameedyo ka adeegaan. Ma aha in la urureeyo. Ma aha in siyaasiyiintu la foof-tagto. Waa arrin ciidan ee ha loo daayo qofka cabanayo iyo cidda uu u cabanayo,
  4. Xukuumadda iyo Talisyadu waa in ay iska kaashadaan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta guud ee ciidammada gaar ahaan saraakiisha si ay u fahmaan xilalkan cusub ee fuulay iyo culayska ka dhalanaya darajadan la siiyay,
  5. Ugu dambaynna dadkayagii waaweynaa waxa nagu batay su’aalihii ku saabsanaa darajooyinka, maxaa yeelay ilaa afartan-jirradu aqoon uma laha darajooyinka mana ay arag. Sidaa awgeed agabka war-baahinta waa in loo mariyaa barnaamajyo loogu sharxayo darajooyinka iyo sooyaalkoodii dheera,

Wa Billaahi Towfiiq,

 

Mashruuca Dib-u-Dhiska Madaarka Ee Isku Bedelay Indho Sarcaadkii uu Dhigi Jiray Hindigii Reer Hargeysa ee Cismaan Beenaale Ma Siilaanyo ayaa Xadhiga Ka Jari Doona Mise Xirsi?

$
0
0

Mashruuca Dib-u-Dhiska Madaarka Ee Isku Bedelay Indho Sarcaadkii uu Dhigi Jiray Hindigii Reer Hargeysa ee Cismaan Beenaale Ma Siilaanyo ayaa Xadhiga Ka Jari Doona Mise Xirsi?

suudi

Mudo laba sano ku dhawaad ah ayuu xidhnaa madaarka hargeysa waxaana umada loo sheegay markii hore in la balaadhinayo garoonka dayuuradaha ee hargeysa oo la kordhinayo ranwayga ama dhabaha ay dayuuraduhu ku soo degaan kana haadaan si ay garoonka u soo fadhiistaan ugana haadaan dayuuradaha waaweyn ee aan markii hore soo fadhiisan jirin.

Garoonka dayuuradaha ee hargeysa ranwaygiisa ama dhabaha ay dayuuraduhu ka haadaan waxaa uu cabirkiisu dhan yahay laba kun iyo afar boqol oo mitir oo u dhiganta laba kiiloo mitir iyo afar boqol oo mitir waxaana umada loo sheegay in ranwayga hargeysa uu noqon doono mid ku dhaw dhabaha dayuuradaha ee berbera oo uu cabirkiisu dhan yahay shan kun oo mitir waxaana dadweynaha loo sheegay in lacagta ku baxaysa kordhinta ranwayga ee hargeysa ay bixisay dawlada kuweyt lacagtaasi oo dhameyd 13,000,000,00 $ saddex iyo toban milyan oo doolar.

Akhristow hadaba waxaad is weydiisaa maxaa laga qabtay ama lagu kordhiyay madaarkii hargeysa ee xidhnaa mudadaa aynu soo sheegnay,laguma kordhin ranwayga xataa hal mitir oo kaliya mudadaa aynu soo sheegnay wixii la wadayna waxay ahayd in la kabkabo ama la buuxbuuxiyo meelihii googa’ay oo kaliya sadex iyo tobankii milyan ee ay bixisay dawlada kuweydna waxay noqotay laba qaydhin ku qaybsatay bisayl iskuma cawrido.

Hadaba si uu wasiirka duulista hawadu maxamuud xaashi cabdi umada indho sarcaad ugu dhigo todobaadyadii aynu ka soo gudubnay oo dhan wuxuu kulamo gar gaar ah la qaadanayay masuuliyiinta shirkadaha dayuuradaha isagoo ka dalbaday arin aan caqli gal ahayn oo ahayd in dayuuradaha waaweyni ay isticmaalaan garoonka dayuuradaha ee hargeysa marka la furo waxayse masuuliyiinta shirkadaha dayuuraduhu wasiirka ku war geliyeen in dalabkiisu uusan suurto gal ahayn inkasta oo ay iyaguba jeclaayeen isticmaalka garoonak dayuuradaha ee hargeysa oo dayuuradaha waaweyni ay fadhiisan karaan oo kaliya dhabaha dayuuraduhu ay ka duulaan ama ay ka soo dagaan marka uu cabirkiisu yahay ugu yaraan sadex kun oo mitir iyo wax ka badan,marka uu dayuurada culeyskeedu dhan yahay oo ay sido rakaabka iyo shandadahoodaba.

Waxaanu mar labaad wasiirku duulista hawadu ka codsaday masuuliyiinta shirkadaha dayuuradaha inay dhimaan rarka ama culeyska dayuuradaha waaweyn si ay ugu suurto gali karto inay soo fadhiistaan ama ka haadaan garoonka dayuuradaha ee hargeysa oo tusaale ahaan dayuurada qaada labada boqol ee qof ee rakaabka ah iyo shandadahooda ay ku qaadaan ama ay ka dhigaan boqol iyo sodon qof oo rakaab ah iyo shandadahooda ama ay qaadaan labada boqol ee qof ee rakaabka ah ba ee dayuurada loogu talo galay oo aan wax shandado ah aan sidan shandadaha rakaabkaan marka in mudo ah la ururiyaba laga dhigo flyt- gaar ah oo dadka iyo shandadahoodu ay kala hadhaan.

Hadaba masuuliyiinta shirkadaha dayuuraduhu waxay wasiirka duulista hawada maxamuud xaashi cabdi u cadeeyeen in codsiyadiisan is daba jooga ahi ay yihiin kuwo aanay dani ugu jirin iyaga iyo rakaabka macbiisha u ah midnaba  balse uu xaalkiisu yahay wasiirka ilahay ceebtiina ha asturee tayda astura.

Hadaba waxaa la sheegay in la furaya garoonka hargeysa maalinta khamiista ee ay bishu tahay 15/ogos,2023-ka iyado oo aan ranwaygii ama dhabihii dayuuradaha ee hargeysa wax kale iska daayoo aan hal mitir lagu darin waxaana xafladan arda fishalka ah lagu soo marti qaaday masuuliyiinta shirkadaha dahuuradaha iyo qaar ka mid ah masuuuliyiinta qaranka iyo ganacsato heerkoodu kala duwan yahay, waxayna dadweynuhu is weydiinayaan tolow wasiirka duulista hawadu xadhig ka jarista mashruucan fashilan ma wuxuu kula gal galan doonaa siilaanyo iyo xirsi mise isagaaba maqaska u qaadan doona oo odhan doona aniga ha I fadhido.

Su’aasha kale ee is weydiina u baahani waxay tahay in uu wasiirka duulista hawadu xadhig ka jarista madaarka soo dedejiyo waxaa sababtay markii todobaadkii hore uu madaxweyne siilaanyo kormeer kadis ah oo aanu ogeyn wasiirka duulsitu uu ku tegay madaarka hargeysa?, su’aasha labaad ee markiba maskaxdaada ku soo dhacaysaana waxay tahay waatii hore loo yidhi gal dad liq ah ul baa la iskaga dayaaye.talow madaxwene siilaanyo ma wuxuu iska hubsanaayey in mashruucan indho sarcaadka ahi uu yahay mid uu maqaska u qaadan karayo iyo in kale su’aashan wajaabteeduna waxaan kaga gudbayaa nin weyn oo sahan tegay wixii uu arkay wuu og yahay.

Markaa kadibna waxaan xasuustay qisadan soo socota wixii ka horeeyay sanadkii 1980-kii waxaa magaalada hargeysa joogi jiray nin ay dhalashadiisu ahayd hindi basle ahaan jiray reer hargeysihii asalka ahaa oo la odhan jiray cismaan beenaale waxaanu beerta xoriyada ee hargeysa iyo tiyaatarkii hargeysaba ku soo bandhigi jiray indho sarcaad mucjiso ahaa oo uu lacag badan uu dadka kaga urursan jiray.

Hadii aan idiin sheegi qisooyinkii layaabka lahaa ee uu indho sarcaadkiisa ku soo bandhigi jiray waxaa ka mid ahaa marka uu masraxa isa soo taago wuxuu afkiisa ka soo jiidi jiray tun ay ku taxan yihiin mikiinadaha gadhka la iskaga xiiro waxaanu tuntaa jiidi jiray mudo dheer oo ay dadkuna daawanayaan waxayna makiinadahaasi mar marka qaarkood gaadhi jireen ku dhawaad kun makiinadood oo uu u qaybin jiray daawadayaasha goobta fadhiya,makiinadahaasi wixii lagu gooyo inta goobta la fadhiyo way goynayaan oo waa makiinado si caadi ah u shaqaynaya hadii se goobta lag baxo waxay isku bedeli jireen waraaq yar yar oo cadaan ah.

 

Hadaba isku soo wada duuduuboo Mashruuca Dib-u-Dhiskii Madaarka Ee Isku Bedelay Indho Sarcaadkii uu Dhigi Jiray Hindigii Reer Hargeysa ee Cismaan Beenaale Ma Siilaanyo ayaa Xadhiga Ka Jari Doona Mise Xirsi?

Qalinkii:C/risaaq Suudi nuur

Tel: 4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

 

Wasiir Warancade oo Jeelka ku guray oday dhaqameedyo ka soo jeeda beeshiisa iyo sababaha xadhigooda

$
0
0

Wasiir Warancade oo Jeelka ku guray oday dhaqameedyo ka soo jeeda beeshiisa iyo sababaha xadhigooda

Hargeisa-(Qaran-news)-Salaadiin Cuqaal iyo Odayaal dhaqameed ka Soo Jeeda Beelaha Garxajis (Ciidagale iyo Isaxaaq) ayaa Xabsiga Hargeysa lagu guray ka dib markii xukumadu siilanyo saluugtay.

Xadhiga Madax dhaqameedyadan ayaa Qarannews ilo xogogaal ahi u sheegeen inuu amray wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo ka soo jeeda labadaa beelood mid ahaan.

Xadhiga Madax dhaqameedkan ayaa lagu xidhiidhiyey muran dhuleed u dhexeeya labada beelood degaanada Hawdka Hargeisa ,inkastoo masuuliyiin xukumada ka mid ahi (Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo Badhasaabka Hargeysa) bil ka hor warbaahinta maxalliga ah kaga faaneen inay murankaas soo afjareen, haddana warkoodii waxbaa ka soo noqday.

cal

Madax dhaqameedka jeelka loo taxaabay oo labada dhinac ka soo kala jeeda ayaa kala ah:-

Dhinaca Beesha Ciidagale  Suldaan Aadan Xasan Cabdilaahi (Suldaanka Guuyoobe) iyo Laba Caaqil oo Kala ah Caaqil Khadar Axmed Maxamed iyo Yaasiin Maxamed Adan Giinbaar .

Dhinaca Beesha Isaxaaqna waxaaa laga XidhXidhay Ugaas Xuseen Geele Qaws(Ugaaska Isaxaaq) iyo Caaqil Axmed Ismaaciil Gilin,Caaqil  Madax Yare.

Qarannews

Hargeisa

 

Natiijadii Sahanka Hawadda ee Oodweyne Block oo Muujisay Rajo Wanaagsan

$
0
0

Tarjumaada natiijada sahaanka dhinaca hawadda ee dhowaan laga qaaday dhulka uu ku yaal Balooga Oodweyne ayaa muujisay rajo wanaagsan oo dhiiri gelinaysa suurta galnimada helitaanka saliida la filayo in dhowaan la daah furo.

Sahankan hawadda ayaa lagu fuliyey heshiis iskaashi oo dhex maray shirkaddaha Genel Energy,Petrosoma iyo Jacka Resources,isla markaana mudadii shaqadani socotay lagu gaadhay dhul bedkiisu dhan yahay 22700km ee Oodweyne Bloog.

Gudoomiyaha Shirkadda Petrosoma Maxamed Yuusuf Calli oo arintan iyo sida ay ku timi ka hadalay ayaa yidhi[Sahankan hawada waxa uu ku yimi heshiis lala galay shirkad lagu magcaabo Fugro,taas oo fadhigeedu yahay koonfur afrika,Fugro waxay sahanka ku dhamaysay xiligii loogu tala galay,kharashkii loo xadiday, tiiyoo iskaashi buuxa laga helay Dawladda iyo dadka ku dhaqan Degaanka Oodweyne Baloog]ayuu yidhi Maxamed Yuusuf.

Fasiraada xogata sahanaka hawada ee la soo ururiyey , ka dib markii heshiis lala galay ayaa waxa fulisey shirkadda maraykan ah oo lagu magcaabo Bridgeport taas oo khibrad dheer u leh dhinaca hawlaha daraasaadka dhulka(geophysical) ee Afrika.

Shaqada tarjuumaada xogtii la helay ayaa iyaduna muujisay natiijooyin iyo qeexitaano xiiso badan,ugu horayn naatiijooyinka soo baxay ayaa ah kuwo fa段ido weyn u keenaya mashruucan iskaashi ee sahaminta shidaalka,kuwaas oo wax weyn ka tari doona xiliga lagu guda jiro hawsha sahanka dhulka lagu ruxayo(sismec) ,sahanka dhul ruxista(sismec) waa marxalada ugu danbaysa ee la qorsheeyay,taas oo lagu wado in wejigeeda ugu horeeya ee diyaar garowgu noqdo labada bilood ee fooda inagu soo haya.

Xogta sahanaka hawada ayaa sidoo kale waxay mashruuca iskaashi iftiimin dheeraad ah ka siisay in la fahmo qaab dhismeedka 30km oo hore loogu ogaaday sahan goobeed ay fulisay shirkadda Petrosoma.

Ugu danabayntii sahankan hawadda ayaa muujiyey inay jiraan laba xidh saliideed (tog) oo dheeraad ah kuwaas oo ku yaal balooga Oodweyne.

Mar kale Maxamed Yuusuf oo arintan ka hadalay ayaa ku tilmaamay mid sii laban laabaysa rajadii laga qabay in Balooga saliid laga helo[Shaqadii adkayd ee uu qabtay mashruuca iskaashiga iyo dedaalkii wanaagsana ee shirkadda Fugro ayaa keenay natiijo wanaagsan,labada xidh ee cusubna waa arin layaab leh oo mudan soo dhoweyn isla markaana kor u qaadaysa suurta galnimada saliid laga helo balooga Oodweyne] ayuu yidhi,wuxuuna ka digey inay tahay xili hore waqti la saadaalin karo saliid laga heli karo dhulka Somaliland.

Gudoomiyaha Petrosoma ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey suurta galnimada in saliid laga soo saaro Balooga Oodweyne isagoo arintan ka hadlayana wuxuu yidhi[Waxaan ula badheedhay khatar balooga Oodweyne malaayiin lacagtayda gaarka ah tan iyo sanadii 2005,sidoo kale wadaagayaashayduna waxay diyaar u yihiin khatar tan ka weyn marxalada soo socota ee xiliga sahanka dhulka lagu ruxayo ilaa laga gaadho qoditaanka,hase yeeshee waxanu ka fa段idaysanaynaa khibrada wanaagsan ee Joolajiyiinta iyo daraasadaha dhulka iyadoo la adeegsanayo farsamooyinka casriga noocooda ugu danbeeyay,laakiin Ilaahay uun baa og in aanu ka heli doono Balooga saliid geli karta ganacsi,hase ahaatee natiijooyinkani waa kuwo lagu dhiiran karayo].


Wiilka Siilanyo U Sodoga Yahay ( Baashe Morgan)Oo La Wareegey Masuuliyada Xaflada Indha-sarcaadinta Furitaanka (Run-Wayga) Garoonka Hargeysa.

$
0
0

Muwaadinow Giroomada dayuuradaha ee Hargeysa iyo Berbera waxay dhismayaasha Run-Wayga dawlada Kuawit ku bixisay lacag dhan sadex iyo toban milion oo Dolar( 13.000.000.00$) Lacagtaasi waxaa farta laga geliyey Wiil siilanyo u adeer yahay iyo wiilka Siilanyo u sodoga yahay ee (Bashe Morgan.)

Dawlada Kuwait waxay lacagtaasi ugu talo gashay in Giroonka dayuuradaha ee Hargeysa lagu balaadhiyo Run-wayga lana dheereeyo oo la gaadhsiiyo sadex kilomitir iyo Badh in ka badan(3.40kilomitir) giroonka berberana la casriyeeyo si dayuuradaha waaweyn ee (jumpo-jet) u soo fadhiistaan ugana haadaan.

Maxaa dhacay hadaba:-

1. Giroonka Dayuuradaha ee Hargeysa:-

Muwaadinow Giroonkii dayuurada ee Hargeysa (Run-way) hal mitir laguma darin,waxaa wax lagu qoslo ah in giroonka keeryooneyaal iyo shaqaale yari ka shaqeynayeen oo kabkab keliya lagu sameeyey balse aan wax kale lagu darin lacagtii loogu talo galayna ay jeebka ku shubteen Qoyska Madaxtooyadu oo uu ugu horeeyo Wiilka Siilaanyo U Sodoga yahay ee ( Baashe Morgan).Dayuurad weyni ma soo fadhiisan karto giroonka.

2. Giroonka Dayuuradaha ee Berbera:-

Muwaadinow giroonka berbera( Run-way) lamaba taaban waxaa jirtey lacag yar oo ahayd 200.000$ laba boqol oo kun Dolar oo lagu wareejiyey Wasiirka duulista hawda oo la yidhi giroonka ku kordhi Terminal 2,balse muwaadinow bal orod oo giroonka tag soona arag waxa lagu sheegay Terminale2.

Iyadoo sidaasi xaal yahay oo lacagtii giroomada loogu talo galay ay jeebka ku shubteen qoyska madaxtooyadu ayuu wiilka siilanyo u sodoga yahay ee (Baashe Morgan) uu doonayaa in uu dadka indho sarcaadiyo oo uu yidhaahdo giroonkii dayuuradaha ee hargeysa waanu dhameynaye ka soo qayb gala furitaankiisa,dadka uu furitaanka giroonka ku casuumay waa dad gaara oo ay gacansaar leeyihiin iyo asxaabta qoyska madaxtooyada,waxaa laga yaabaa in xaflad ku sheegtaasi indha-sarcaadinta ah la qabto 15/08/2013.

Somalilandcitizen.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Somaliland oo soo bandhigay 17 qodob iyo dheeraad xukumada Siilanyo ku fashilantay hirgelintooda.

$
0
0

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Somaliland oo soo bandhigay 17 qodob iyo dheeraad  xukumada siilanyo ku fashilantay hirgelintooda.

Hargeisa-(Qaran-news)-Wasiirkii hore eee qorshaynta iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah ee xukuumadii UDUB Md. Cali Ibrahim Maxamed (Cali-sanyare), ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay musuq oodaha goostay, eex, tabashooyin is biirsaday oon waxba laga qaban, kala qaybinta qurbe joogta iyo madmadow galay madaxbanaanida Somaliland.

san

 

Md. Cali-Sanyare, oo isagoo jooga dalka Switzerland xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu dhaliilaha xukuumadda ku soo koobay 17 qodob, isagoo taageero u muujiyay golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka.

 

Ugu horayn isagoo Cali-Sanyare ka hadlaya golaha wada tashiga, wuxuu yidhi

“Waxaan is leeyahay dhawaaqa ka soo yeedhay golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka inuu yahay mid runta ku dhaw, si dhab ahna uga turjumaaya dareenka inta badan ee bulshadeena ,waxa xaqiiq iyo marag ma doonto ah  in maalintii xukuumada maanta jirtaa ay timi inay la kaw satay tabashooyin badan oo bulsho oo ilaa hada qaar  badan oo ka mid ah aan la xalin kuwaas oo ay ka mid ayhiin 17-kan qodab ee hoos ku qoran.

 

1-Musuq maasuq baahsanoo u muuqda mar marka qaarkood in la xalaashaday aad moodo.

2-Eex Qaawanoo aan wax ka qabasho lahayn.

3-Hayadihii aas’aasigaahaa ee afka hadalka(Warbaahinta) ee xoriyada iyo cabiraada qofka oo lagu tuntay,halkoodiina lagu badalay Cabudhin,Caga-juglayn,Xidhida Saxafiyiin Badan,madax Dhaqameed iyo Abwaaniin,albaabada oo loo laabay wargeys caan ah,waxaanay talaabooyinkan ay warbaahinta iyo xoriyatul qawlka ay kula kacday ay xukuumadu hoos ugu dhigtay meeqaamkii Somaliland ay ku lahayd caalamka iyada oo la sintay Somaliya.

4-Toosinta iyo tilmaamahahal doorka Somaliland ee is xilqaamay oo  ficilkooda loo arko mucaarad siyaasadaysan iyo qaran dumis,taas oo kala qaybsanaan iyo kalsooni daro kala dhex dhigtay bulshada caafimaadka qabta qaarkood iyo xukuumada.

5-Shaqo la’aantiidhalinyarada  oo barnaamij wax qabad oo muuqada aan lahayn,waxaany niyad jab iyo murugo ku riday bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan dhalinyaradii isbadalka siyaasadeed  keentay.

6-Dhalinyarada Somalilandoo tahriib ku dhaqaaqday markay kalsoonidii ay xukuumada ku qabeen ay dhamaatay.

7-Barnaamijkii waxqabad ee doorashadii madaxtooyada ka hor dadka loo soo bandhigay oo beenoobay codkoodiina lagu xalaashaday,kaalintii barnaamijkaasna waxa badalay wax qabad xukumadeed oo runta ka for  oo warbaahinta lagu soo baahiyo.

8- Waxa fashilmay qorshahii wax qabadkaee shanta sanadood   markii xukuumada laftigeedu  ay ku dhawaaqday in labadii sanadood ee u horeeyay aanay waxba ka hir galin qorshahaas ayna xukuumadu ku canaantay in bulshada caalamku inay ka dhaga adaygtay maaliyadii loo baahnaa ilaa hadana cabshadaas waxba iskamay badalin.

9-Cadaaladii guud ee dalkaoo ay bulshadu u haysato in maamul xumada dawladu ay dhaawacday.

10-Maamul wanaagii la filaayaylaguna balan qaaday oo lagu hungoobay.11-Wada tashigii isku tanaasulkii iyo isku dul qaadashadii ay Somaliland ku caano maashay oo daaqada ka baxay,hal keediina lagu badalay kaalay wax nala qaado iyo caga juglayn.

12-Xadgudubyo iyo dhacdooyinka qaarkoodoo bulshada Somaliland ku yimaada ayna la’yahiin meelahii ay uga caban lahaayeen ee ka masuulka ahaa.

13-Cashuurahii dadka loogatudhi jiray ee marka la kordhinaayana intay qaadi karaan lagu qorshayn jiray ayaa hadda sanad walba la laban laabaa ama la sadex jibaaraa taas oo culays aan la qaadi karin u keentay Ganacsatadii,Warshad laydii iyo beeralaydiiba,iyada oo nasiib darada weyna ay tahay maxaa looga faa’ideeyay bulshada cashuurtaas la kordhiyay oo aan ahayn madaxtooyada iyo wasaaradihii oo miisaaniyad dheeraad ah hela.

14-Siyaasadii cadaydee lagu caana maalay ee lagu waday inay dhawaan midho dhasho ee ku taagnayd madaxbaanida iyo gooni isku taaga Somaliland oo mad madaw galay taas oo ay keentay xukumadani oo ilaa hada aan u soo bandhigin istaraatijiyad cad oo lagu qanci karo.

15-Olalayaashii iyo xod xodashadii  bulshada caalamka oo iyaduna daaqada ka baxday  laguna badalay xod xodashada Somaliya oo kaliya,waxa kale oo faraha laga qaaday hawlahii ay hayeen saaxiibada Somaliland ee inagala shaqay nayay ictiraaf raadinta Somaliland kuwaas oo ka koobnaa mudanayaal Baarlamaan,Siyaasiyiin iyo Wasiiro dawladeedba .

16-Midnimadii qorba joogta Somalilandoo la diciifiyay markii gacmo kale oo aan ahayn ta wasaarada dibada oo siyaasadaysani ay soo galeen lana maamuleen wasaarada arimaha qurba joogta,waxa iyaguna isku duubnidii qurba joota kala tuuray wufuuda xukuumada ee dalalka dibada u safra kuwaas oo qaarkood ay caadaysteen shirarkay ku qabtaan dibada  inay soo urursadaan oo kaliyaata kuwa xisbigooda ka soo jeeda oo kaliya si ay u soo duubtaan cajalado loogu sacbinaayo amaana loogu soo jeedinaayo xukuumada oo ay faankooda ku darsadaan.

17-Nidmaankii loo raacay doorshadiidawladaha hoose oo cadaalad daro ka muuqatay laguna fashilmay  oo dhaawacdayna hab socodkii dimuqraadiyada ee Somaliland taas oo niyadjab ku riday shacbigii Somaliland.

Dustuurka Somaliland waxa uu golayaasha sharci dajinta awood buuxda u siinayaa dabagalka wax qabdka xukuumada iyo  la xisaabtankeeda,waxa nasiib daro ah golayaashaas oo ka gaabiyay shaqadoodii dastuuriga ahayd isuna badalay golayaal shaanbadeed oo u fududeeya uun codsiyada xukuumada uga yimaada.

Waxaan xukuumada kula talinlahaa in aanay ka war wareegin wada hadalka laga codsaday,waxaany xukuumadu ku darsan kartaa qodobo kale oo ay xiisaynayso ,xukuumadu ha ogaato in qarnigan aynu ku jirnaa uu yahay kii bulshada  iyo xuquuq raadintooda,lagana baxay wakhtigii xukuumaduu ay dhagaha ka furaysan jireen dhawaaqa shacbiga xoogna ay ku maquunin jireen, waana inay xukuumadu eegtaa hareraheena iyo waxa ka socda,waxa markaas u wanaagsan xukuumadan ay dadku ku keeneen qaab dimuqraadi ah inay iyaduna ula dhaqanto qaab dimuqraadi ah oo cid kasta oo maamul toosin iyo talo laga faa’idi karo ay gacmo furan ku soo dhawayso,waxa loo baahan yahay wada hadal xalaal ah,waxa waajib ah inay xukuumadu u garwdo qofkasta oo xaqa ku adimaaya,dalkana la wada ilaashado horumarka bulshadana laga wada shaqeeyo.

 

Geeska

 

 

 

sawirka Todobaadka:Sawir fasiraya xaalad dhabta ee ka jirta gudaha Qasriga madaxtooyada Somaliland

$
0
0

Sawir kartoon ka hadlaaya muudhka ama xaalada dhabta ah ee ka taagan Qasriga Madaxtooyada Somaliland  waqtigan xaadirka ah

 

sawirka

 

Qarannews

Hargeisa

 

Maxaa keenay in Xirsi ka duwanaado ku dhawaad tobankii wasiiro madaxtooyo ee dalka soo maray 15kii sano ee u danbeeyay.

$
0
0

Xirsi: Ma wasiir madaxtooyaa mise madaxweyne idman:

-
- Maxaa keenay in Xirsi ku ag nabnaado madaxweynaha goor kasta iyo goob kasta
- Maxaa keenay in Xirsi ka hadlo hawl kasta oo xukuumaddu wado.
- Maxaa Keenay in Xirsi waxna magacaabi karo waxna eryi karo.
Waxaynu beryhan oo dhan ku dhago barjownay Xirsi. Xirsi baa sidaas yidhi. Xirsi baa sidan sameeyay. Xirsibaa halkaa xadhiga ka jaray. Xirsibaa meeshaas soo kormeeray. Xirsibaa safarkaa ku wehelinayay madaxweynaha ama wasiir hebel… Xirsibaa…Xirsibaa…… Hadaba tolow Xirsigan umaddii jaqaaq kaga siiyay ee dadkii oo dhan yar iyo wayn hadal hayaan muxuu ahaa. Bal Adba……
Xirsi Xaaji Xassan waxay ahayd markii ugu horeysay ee la maqlay ee uu ka soo muuqday saaxadda siyaasadda Somaliland markii uu xisbiga Kulmiye u magacaabay in uu noqdo xubin Komishanka Doorashooyinka qaranka la tirsan. Muddo badan xilkaasi muu hayn waxaanu uga tagay si aan qurux badnayn. Waxa xigtay in wakhtigii Daahir Riyaale madaxweynaha ahaa loo xidhay falal argagixiso iyo abuurid qalalaase, ka dib markii lagu eedeeyay in uu baabuur qoryo ku rakibayay. Muddo koobanse ka dib waa la sii daayay.
Xirsi wuxuu saaxadda siyaasadda dib ugu soo noqday markii Madaxweyne Silaanyo loo doortay kursiga waddanka laga maamulo sannadkii 2010kii. Xirsi waxa lagu magacaabay xil loo waayay wax lagu sheego Afsomali ahaan oo ahaa “Chief of Cabinet” oo markaa ahayd wax ku cusub xukuumadda, waxaanu isla markiiba noqday qof saamayn badan ku leh madaxtooyada iyo hawlaha xukuumaddaba.
Xirsi wax yar ka dib waxa loo magacaabay wasiirka madaxtooyada. Hadaba sida la wada ogyahay xirsi ma aha wasiir madaxtooyo oo shaqadii wasiirka haya, balse wuxuu qabtaa shaqooyin badan. Su’aasha aan markasta isweydiiyo ee dad kale oo badanina ila qabaan waxay tahay sababta uu Xirsi uga duwanaaday intii wasiir madaxtooyo ee soo maray Somaliland intii ay jirtay. Waxa la isweydiin karaa Xirsi miyuu ka aqoon badan yahay xubnahaasi – waa maya, miyuu ka khibrad iyo waayo aragnimo badan yahay – waa maya, miyuu ka karti iyo dedaal badan yahay – iyaduna waa maya, mise tolow wax kale ayaa meesha jira. Sida runta ah Xirsi isagaa ugu hooseeya xaga aqoonta intii wasiir ee soo martay wasaaradda madaxtooyada. Isagaa ugu khibrad yar, isagaana ugu karti iyo dedaal yar, hadii aan laga hadlayn fudaydka, indha adayga iyo xishood la’aanta aanu waxba xeerinayn. Hadaba maxay ku dhacday in Xirsi noqdo Xirsigan awoodda badan, Xirsigan meel walba taagan, Xirsigan wafti walba la socda, Xirsigan cid walba u jawaabaya. Jawaabta su’aalahaasi hal arrin ayay ku soo ururaysaa oo ah in Xirsi madaxtooyadu adeer u tahay ama adeerkii fadhiyo qasriga, lana siiyay awooddo aanu xaq u lahayn wasiir ahaan iyo kalsooni buuxda oo uu ku samayn karo wixii uu doono. Xirsi maanta wuxuu yahay ama u dhigmaa madaxweyne ku xigeen awood badan. Shaqooyinkii madaxweynuhu u wakiilan lahaa madaxweyne ku xigeenka iyo qaar kale ayuu Xirsi hayaa. Xirsi wuxuu qaabilaa dhamaan dadka u socda madaxweynaha. Wuxuu door wayn ku leeyahay magacaabista xubnaha sare ee xukuumadda. Wuxuu dusha ka maamulaa hawlaha xukuumadda guud ahaan iyada oo uu wasiirada oo dhan la xidhiidho isagoo isticmaalaya shaadhkii madaxweynaha.
Marka aynu eegno sida uu yahay qaabdhismeedka xukuumaddu, wasiir kastaa wuxuu u xil saaran yahay shaqo gaar ah. Ma jiro wasiir ka sareeya wasiir kale, balse mid waliba shaqadiisa ayuu u madax bannaan yahay. Waxa wasiiradda la xisaabtamaya madaxweynaha ama madaxweynee ku xigeenka hadii madaxweynuhu maqan yahay ama uu u igmado xilkaasi.
Nasiib darro Somaliland maanta waxa ka jira wasiir ka sareeya wasiirada kale. Wasiir waxna eryi kara waxna magacaabi kara. Wasiir la xisaabtami kara wasiirada kale. Wasiir taagan meel kasta oo madaxweynuhu taagan yahay. Wasiir haysta doorkii madaxweyne ku xigeenka oo waliba awood uu u siiyay madaxweynuhu.
Badi muranada siyaasadeed iyo khaladaadka xukuumadeed ee dhacay intii madaxweyne Siilaanyo xukunka hayay, waxa lug ku lahaa ama sameeyayba Xirsi. Sidaas oo ay tahay hadana ma jirto wax la iska waydiiyaa.
Hadii madaxweynihii aanu qaban Karin shaqadii qaranka uu u hayay ama ay culays ku tahay waxa dastuurku uu caddeeyay in uu madaxweyne ku xigeenka u igmado inuu ka caawiyo. Balse maanta Somaliland waxaad moodaa in madaxweynihii laga boobay shaqadiisii, isaguna uu ku farax san yahay in cid kale waddanka iska maamulato, isagana laga dul qaaday culayskii. Sababaha aan u daliishanayo in madaxweynuhuu hawlihii qaranka uga hadhay cid kale oo Xirsi hormood u yahay waxa kow ka ah may dhicin in madaxweynuhu u baxo safar aanu Xirsi wehelinayn. May dhicin in madaxweynuhu galo kulan ama shir aanu Xirsi ku jirin. May dhicin in madaxweynuhu booqdo xafiis ama ka hadlo madal iyada oo aanu Xirsi ag taagnayn. Miyaynaan markaa odhan karin, madaxweynaha waxa loo isticmaalaa muuqaal ahaan keliya balse shaqadiisii waxa haya cid kale oo Xirsi kow ka yahay.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ahaa hogaamiye soo jeeda, dadka la hadla, bulshada ka warhaya, dareensanna xaaladda guud ee qaranka, nasiib darro madaxweyne Siilaanyaha maanta fadhiya kursiga madaxtooyadu maaha siilaanyihii aynu naqaanay. Waa Siilaanyo muuqaal ahaan uun u jooga, balse ruuxdiisii aan la garanayn meel ay ku maqan tahay.
Guntii iyo gabagabadii, hadii ay jirto duruuf madaxweynaha u saamixi wayday in uu daboolo masuuliyadii laga rabay, ha ku keeno xanuun la soo gudboonaaday ama duruuf kalabee waxa qurux badan in madaxweynuhu qaybo ka mid shaqadiisa u igmado madaxweyne ku xigeenka. Hadii ay xaaladdu tahay mid aanu madaxweynuhu gudan Karin masuuliyadiisa guud ahaanse, waxa muhiim ah in sida dastuurku dhigayo looga wareego oo xilka lagu wareejiyo madaxweyne ku xigeenka inta doorasho waddanka ka dhacayso.
Allaa Mahadleh,

Yousuf Cabdillahi Cali
Yousufcade@yahoo.com
Nairobi, Kenya

Mo Ibrahim Foundation to hold high-level annual governance weekend in Addis Ababa, Ethiopia, 8th-10th November 2013

$
0
0

The governance weekend will focus on the Ibrahim Forum on Sunday 10th November, entitled An African Conversation.

The Forum will gather eminent figures at the African Union headquarters to debate the topic of African unity over the last fifty years, since the inception of the Organisation of African Unity.

Members of African civil society, governments, multilateral and regional institutions, as well as the private sector and the international community, will debate how Africa should come together over the next fifty years to achieve its potential and manage its major challenges.

The weekend’s events, held in Addis Ababa, will also include a friendly football match, musical performances and the 2013 Ibrahim Annual Leadership Ceremony.

Programme details

Friday 8th November

The weekend will open with a friendly football match between TP Mazembe (DRC) and an Ethiopian team. The match will be followed by a concert, and proceeds of the event will benefit charity.

Saturday 9th November

Zeinab Badawi, Presenter of BBC’s World News Today, will host the 2013 Ibrahim Annual Leadership Ceremony which will feature performances from several of Africa’s greatest artists and musicians.

Sunday 10th November

The Ibrahim Forum will gather key actors to discuss the issues facing Africa after 50 years of unity including:

Youth employment
Urbanisation
Inward investment
Growing inequality
Economic integration
Regional infrastructures
Natural resources management

The Forum will be chaired by Komla Dumor, Presenter of BBC’s Focus on Africa. High-level representatives speaking at the event will include:

Amadour Mahtar Ba, Executive Director, African Media Initiative
Dr Cheick Tidiane Gadio, President, Institut PanAfricain de Stratégie
Dr Donald Kaberuka, President, African Development Bank
Elsie Kanza, Director, Head of Africa, The World Economic Forum
Dr Frannie Leautier, Executive Secretary, African Capacity Building Foundation
Trevor Manuel, Minister in Charge of Planning, South Africa
Maria Ramos, Group Chief Officer, ABSA Bank
Tidjane Thiam, CFO, Prudential

Xoghayaha arimaha dibedda ee xisbiga UCID Oo la kulmay xubanaha barlamaanka ee dala Maraykanka

$
0
0

Maalintii shalay ahayd ee ay taariikhdu ahayd 12kii August 2013 ayaa waxa uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID, Mudane Yusuf Budle uu la kulmay qaar ka mid ah xubnaha ugu awooda badan ee baarlamaanka Maraykanka. Xubnahan oo ka koobnaa afar xildhibaan waxa horkacayay haweenayda caanka ah ee Congresswoman Michelle Bachman iyo Congressman John Paul Kline.

Kulankan oo daba socday qoraal uu xisbiga UCID u gudbiyay golaha baarlamaanka ee Maraykanka 4tii June 2013 ayaa si gaar ah loogu lafa guray waxa ay dawladda Maraykanku ka qabto aqoonsiga Somaliland iyo danta ugu jirta dawladda Maraykanka in ay aqoonsato Somaliland.

Yusuf Budle, Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee UCID oo arrintaas aan ka waraysanayna waxa uu yidhi: Run ahaantii waxa ay noo tahay guul weyn, Somaliland ahaan, in afar xubnood oo ka mid ah xubnaha ugu culculus ee baarlamaanka dawladda dhexe ee Maraykanku ay nasiiyaan wakhtigooda qaaliga ah, nagana dhegaystaan dooda ku saabsan qadiyadda Somaliland. Waxa aanu kulankan awooda saarnay in aanu ka dhaadhicino madaxdan in dawladda iyo dadka reer maraykanba ay dantu ugu jirto in ay aqoonsato Somaliland, si loo xakameeyo halisaha argagixiso ee ka aloosan geeska Africa. Waxa aanu ka tusnay xagga nabadgelyada geeska Africa iyo danaha Maraykanka, xagga istraatijiyada dhaqaalaha, marinka badda cas, iwm. Sida aynu ka warqabno dawladda Maraykanku ma xiisayso taariikhdaada iyo waxa aad ahaan jirtay 1960kii. Su’aasha meesha taalaa waxa weeyaan: Maraykan ahaan maxaa dantu iigu jirtaa? Taas ayaananu run ahaantii ka jawaabaynay.

Mar aanu waydiinay Mudane Yusuf su’aasha ah: Sidee ayay idiinku suurto gashay in la idiinku furo albaabadaas ay kula kulmeen madaxda ugu saraysa dalka Maraykanka, waxa uu ku jawaabay: Run ahaantii arrinkaas bilowgeeda iyo mahadeedaba waxa si gaar ah u leh, musharaxa jagada madaxwenaha ee UCID, mudane Jamal Cali Xuseen, oo mudaddii uu socdaalka ku yimid dalkan Maraykanba, bilowgii sanadkan isagu u hawl galay arrinkaas, iskuna sii xidhxidhay dhamaanba furayaasha aanu hadda isticmaalayno. Markii uu naga noqday Musharaxu anaguna halkii ayaanu kasii wadnay, oo waxa aanu ku hawlgalnay anaga oo koox ah (UCID-USA Diplomatic Mission iyo anigoo ah Xoghayihii Guud ee Arrimaha Dibedda ee UCID) . Shaqsiga kale ee aanan isna hilmaami karin ee guushan hormuudka ka ahaa waxa weeyaan Mr. C/casiis Buubaa oo runtii noo qaabilsanaa xidhiidhka, inkastoo nasiib darro hadda uu socdaal nagaga maqnaa Europe ah oo aanu shirkan nagala qayb gelin.

Xidhiidhkan oo uu Xoghayuhu ku tilmaamay mid meel fiican maraya, run ahaantiina bilow ah ayaa waxa uu noqon karaa mid si wayn looga faa’iidaysan karo, haddii mucaarid iyo muxaafidba la iska kaashado. Sida uu noo sheegay Xoghayuhu waxa ay ogolaatay congresswoman Michelle Bachman in ay soo booqato Somaliland haddii ay ka hesho casumaad official ah dawladda Somaliland. Ugu dambayntii waxa dib loo balamay bisha January ee inagu soo food leh, taas oo weliba si gaar ah loo casumay musharaxa jagada madaxweynenimada ee UCID, Mudane Jamal Cali Xuseen.

Xidhiidhkan oo kusoo beegmay wakhti loo magacaabay wasiir cusub wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland ayaan la garanayn in ay noqondoonto mid ay si buuxda uga wada shaqeeyaan dawladda Somaliland iyo xisbiga mucaaridka ee UCID, waxase uu xoghayuhu balan qaaday in arrinka aqoonsi raadinta Somaliland uu si buuxda ugala shaqayndoono wasiirka cusub, aananu u adeegsandoonin mid siyaasadeed iyo xisbiyeedtoona, maadaamada siyaasadda arrimaha dibedu ay tahay lafdhabarta ay Somlailand u baahan tahay in ay isku taagto.

UCID Media

Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta in Lagu Dhawaaqo Waxa Sabaabay Markii La Arkay Siilaanyo Oo Haya Dariqii Xabiib Burqiiba ,Taladii Dalkuna Ay U Gacan Gashay Dad Aan La Dooran.

$
0
0

Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta in Lagu Dhawaaqo Waxa Sabaabay Markii La Arkay Siilaanyo Oo Haya Dariqii  Xabiib Burqiiba ,Taladii Dalkuna Ay U Gacan Gashay Dad Aan La Dooran.

 suudi

Qormadii 2 aad:

Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markii mar kale loogu doortay  madaxweynimada Somaliland shirkii beelaha ee ka dhacay guriga shaqaalaha ee magaalada hargeysa sandkii 23/02/1997-kii golihii wasiirada ee uu soo magacaabay waxaa ka mid ahaa madaxweyne siilaanyo mudo kooban markii madaxweyne cigaal xilka hayay waxaa dhacay in uu  daad weyn oo ka soo rogmaday malko durduro oo ah dooxa magaalada hargeysa ka soo gala dhinca galbeedka, waxaanu daadkaasi oo saaray lafo badan oo ahaa dadkii  la laayay ama  la xasuuqay dabayaaqadii sanadkihii sideetanaadkii oo ahayd xiligii ay dalka ka talin jiray xukuumadii milateriga ahayd ee siyaad barre.

Hadaba Allaha u naxariistee marxuum cigaal isagaa wasiiradiisa u ahaan jiray macalin oo wax ugu sheegi jiray si dadban iyo si toos ah ba ,halka maanta madaxweyne siilaanyo isagu uu yahay arday ay wax u sheegaan oo ay macalimiin u yihiin wasiiradiisa qaarkoodna ay ku faanaan in ay madaxweyne siilaanyo liqsiin karaan sidii midh kiniin ah wax kasta oo ay doonayaan.

Hadaba saaxiibayaal qoraalkeenan ujeedada aynu ka leehay waxay tahay ardayda caafimaadka barata waxaa laagma maarmaan ah in mar marka qoorkood si bartikal ah wax loo tuso oo la keeno cusbitaalada ay ka socdaan hawlaah caafimaadku si ay indha hooda ugu arkaan wixii ay qalinka ku barteen .,

waxaanu marxuum cigaal is dul taagay lafihii uu soo saaray daadku ee dooxa malko dur duro isagoo hogaaminayay koox wasiiro ah oo uu ka mid ahaa Axmed Siilaanyo oo markaa ka tirsanaa golihii wasiirada ee madaxweyne cigaal waxaanu marxuum cigaal goobtaa lafuhu yaaleen dusheeda ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay iyadoo uu siilaanyo-na markaa daba taagnaa marxuuum cigaal khudbadaasi waxay ka hadlaysay waxyaabo badan oo kala duwan oo isugu jiray taariikh hore oo tagtay,waqtigii markaa la joogay iyo hadii uu cigaal maskaxhaan iyo jidh ahaanba awoodi kari waayo in uu si habsami ah u guto xilkii loo doortay in uu talada ku soo celin doono umadii dooratay si aysan marxaladaasi uga faa’iidaysan wasiirada ku xeerani oo rag aan la doorani ay umada ku boobaan oo ay ku dulmiyaan magaciisa.

Akhristow khudbadaasi qiimaha badneyd ee uu jeediyay marxuum cigaal sanadkii 1997/kii waa mid aad si fudud u heli karto oo dad badani ayay ugu jirtaa khudbadaasi mobiladooda iyadoo maqal iyo muuqaal ah waxaanad arkaysaa siilaanyo oo taba taagan marxuum cigaal iyadoo sababtii wasiiradii uu silaanyo ka midka ahaa uu madaxweyne cigaal maalintaa u kaxeeyay ee uu u dul geeyey lafihii malko durduro waxay ahayd dardaaran iyo inay dhageystaan khudbadiisa oo ay laabta u sii daayaan oo hadiiba ay dhacdo in wasiiradiisa qaarkood ay uga danbeeyaan kursiga madaxweynenimo oo la doorto ay talada dalka ay iyagu gacanta ku hayaan ileyn iyagaa la doorteen hadii ay ku timaado xaalad u saamixi weyda xilka marka loo doorto inay dib ugu soo celiyaan talada umadii dooratay si aysan fursadaasi uga faa’iidaysan dad aan la dooran.

Waxaana inoo muuta oo aanu shaki ku jirin in uu madaxweyne siilaanyo baal maray dardaarankii uu goob fagaare ah ku siiyay marxuum cigaal ee ahaa hadii kursigan aan fadhiyo aad iiga danbeyso oo lagu doorto oo duruufaha kaa hor yimaada ay ku saamixi waayaan inay sii wadato xil gudashadaada talda ku soo celi gacanta umada ku dooratay si aysan umada u boobin ama aysan u dulmiyin dad aan la dooranin, marxalada uu marxuum cigaal ka sii dardaamayana waxay ahayd tii ku dhacday madaxweynihii tuuniisiya badhtamihii sanadihii sideetamaadkii .

Qof kasta oo caqli lihi  wuxuu fahmi karaa hadii ay talada dalku manta gacanta ugu jirto madaxweyne siilaanyo wuxuu ka warami lahaa halka ay martay 13,000,000$ sadex iyo tabankii milyan ee doolar ee ay bixisay dawlada kuweyd sababtii ay u bixisayna ay ahayd in lagu dheereeyo ranwayga ama dhabaha dayuuradaha ee magaalada hargeysa oo uu noqdo mid ku dhaw garoonka dayuuradaha ee berebra si ay madaarka hargeysa u soo fadhiisan karaan dayuuradaha waaweyni.

Hadaba waxaa cadaatay in aan ranwayga madaarka hargeysaa aan lagu darin xataa hal mitir oo kaliya waxaanu madaarku xidhaa mudo ku dhaw laba sano waxaana la sheegay in xaflad weyn loo qaban doono furi taanka madaarka hargeysa waxaana la baafinayaa masuulkii maqaska u qaadan lahaa ee xadhiga ka jari lahaa waa kuma? Mise xaalku wuxuu noqon doonaa xabaal iyo nikeed look ala teg  ee maxamuud xaashiyow hadii uu xaalku noqday bahgari ma xujoowdo adiguba maqaska u qaado oo xadhiga ka jar sacabkana isku tun.

Hadaba isku soo wada duuduuboo Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta in Lagu Dhawaaqo Waxa Sabaabay Markii La Arkay Siilaanyo Oo Haya Dariqii  Xabiib Burqiiba ,Taladii Dalkuna Ay U Gacan Gashay Dad Aan La Dooran.

 

La soco taxanaha danbe ee qormooyinkan Qalinkii:C/risaaq Suudi nuur

 

Tel: 4425243

 

Email:suudi88@gmail.com

 

Hargeysa/Somaliland

 

 


Riwaayad Xiiso leh:Madaxtooyadeena Karamardha Qeybtii labaad

$
0
0

MADAXTOOYADEENA KAARAAMARDHA

Sheeko masraxeed ka soo baxday magaalada Gurya-Samo, kuna saabsan maamul maalmeedka madaxtooyadeenna Kaaraamardha waxa allifay Daljirka Dahsoon

madax

Muuqaalka Labaad

Waxa si lama filaan ah qasriga u soo gelaya maareeyihii dekedda oo gacanta ku sida boorso madow oo culus, waa la garanayaa waxa ku jira boorsadaas madow ee maareeyuhu sido. Waa lagu wada haliilayaa, Raasbutiin baa ku soo horraynaya, laakiin waxa hawada kaga soo boodaya Ma Gafe oo illaa shalay sugayey boorsadan si uu u soo bixiyo intii ugu dambaysay lacagtii qasrigii uu ka iibsaday xaafadda dadka lacagta lihi degaan ee Westland ee magaalada Nairobi.

Muuqaalka Saddexaad

Waxa soo gelaya Cali Guulwade oo dhiillo sida: Raasbutiin mee! Raasbutiin mee?

Raasbutiin oo sita macawis yar oo gaaban oo gaabnidiisii gaabni ugu sii dartay baa soo baxaya oo hoos wax u akhriyaya, maxaa dhacay Cali Guulwadow, waa maxay degdeggu?

Cali Guulwade: dowladii ingirkiisku waxay amar ku bixisay in muwaadiniinteedu dalka degdeg uga baxaan!!!

Raasbutiinbaa Qosol ka wareegayaa, oo ma awel bay khayr noola joogeen, waxay nagala tegayaan baybalkoodii iyo gaalaysiintoodii iyo Raasbutiin baa argagixiso ahe! ha nagala baxaan fawaaxishkooda, baxa dheh, allaylehe ha naga tageen maca qurba jooggooda meeshan yar nagu haysta ha raacaan.

Ma Gafe oo halkan muqumad ku cunaya baa maqlaya sheekada dhex maraysa Cali-Guulwade iyo Raasbutiin, ingiriis baa baxaya aa, oh my lord, Xoriyo, Xorriyo, inantii shaqaalaha ahayd buu la hadlayaa, where is my British Passport, where is my British Passport? Xorriyo oo fahmi weyday luqadda Ma’ Gafe kula hadlayo baa ku odhanaysa huunno ma baradhaan kuu shiilaa? Sababta oo ah mar kasta cunto uun buu weydiiyaa iyo

Ma Gafe: naa baradho lahayne iila soo carar Baasaboorkaygii British ka ahaa!

Mahaye-moog baa soo kacaya! Baaniyaal, baaniyaal, xoghaytiisii buu u yeedhayaa, hee Mudane Mahaye-moog, mee Raasbutiin?

Baaniyaal: Wuxu mashquul ku yahay hawl-maadmeedkiisii joogtada ahaa.

Mahaye-moog: miyuu u baahan yahay wax jeegag ah oo aan u saxiixo?

Baaniyaal: Mudane Mahaye-moog miyaad illowday sowkii shalay kuu sheegay Raasbutiin ee ku yidhi saxiixaagii waan bartay oo waxba lagaagama baahne ee iska hurud oo ha soo degin:

Mahaye-moog: Waa yahay adeer, waa yahay adeer

Muuqaalka afraad

Badhtamaha Suuqa Gobanimo: baabuurtaa si cidhiidhi ah isu daba taagaan ,bib biib, biib.

Xaq-u-dirir oo isla hadlaya oo samada ku faruur xidhan oo isla sheekaysanaya, oo maqan oo maahsan oo ciil iyo cadho fikiraya baa baabuur ku dhufanayaa qac, markiiba waxa arkaya Beenmasheege oo kiiloo Madhab ah (jaad ah) midigta ku sita, bidixdana ku sita bac ay ka buuxaan, biyo, cooke iyo caano. Alxamdu lillah Xaq-u-dirir wax weyn ma qabo waa jug yar, Beenmasheege oo ay xisbigii Wadajir isku ahaayeen baa ku odhanaya waar Xaq-u-dirir maxaa maanta ku helay ee aad bacadka uga fadhiisan weyday ee aad la wareegaala caddaysanaysaa waa taa baabuurtii ku jiidhaye.

Kaddibna Xaq-u-diri wuxu ugu jawaabayaa afaraydan:

Shacab laga mishiiqsaday, waxgarad tiisa laga maarmay

Marwo keen leh, mooryaan derderan, qaran la’ miigeeyey

Ma’ gafiyo, ma’ geye miidhan iyo mulucyo gaagaaban

Iyo Madaxweyne meel uu jiraba maanku garan-waayey

Intaasaan la meermeerayaa milicda jiilaale

Iska muudso maalmaa hadhee moqorka aad hayso

Beenmasheege ayaa ka xanaaqaya afarayda Xaq-u-dirir: Hayaay oo waa maxay hanjabaaddu, miyaan la I dooran, maxaad samayn kartaa? Alla haddaa reer Madheedh tihiin maxaad kibirteen? Waar miyeydaan 6 wasiir iyo 4 wasiir ku xigeen iyo laba badhasaab iyo guddoomiyihii Sabawanaag haysan,

Xaq-u-dirir: Anigu ma ihi afhayeen beeleed, waxan ahay af-hayeen shacab, af-hayeen qaran, af-hayeen ummaddeed, tanoo kale horay ii soo martay, adiga iyo rajiimkaaguba waxaad mari doontaan halkii kuwii ka horreeyey mareen: Calaashaan: jidka aaran dubatadu ku dambayso weligeed, dowga weeye loo maro sanadaha dulsaarka ah iyo nolosha daalka leh:

Dee Xaq-u-dirorow waxaagu maanta waa habaar iyo hanjabaad, ha la kala xishoodo saaxiib, dadkanina waa dad demmen, oo hurda, haddii aanay hurdin ma Ina Riyo-raac baa xukumi lahaa.

Xaq-u-dirir: Hadda dadka aad quudhsanaysaa waa dadkii caanka ahaa, waa dadkii sheegnaa, waa dadkii duhur la wada jiro guusha la soo hadhi jirey, waa dadkii kaaga hiiliyey Ina Siyaad iyo Ina Sacmaal iyo Ina Riyo-raacba.

Beenmasheege: waar aniga dadkan khuurinaya ha ii sheegin, iga walla in aanay biitaayo samayn karin, dadku waa beelo, waa reero, waa ardaayo. lol

Xaq-u-dirir baa kaddib odhanaya afartan kaddibna iskaga dhaqaaqaya:

Maatada la quudhsado haddii laga macaashaayo

Mursi baaba sii joogi laa maalmo dabadeede

Masar baa ku tidhi soo deg ee lama muquunsheene

Adna Mahaye-moogow wallee Maarkoos kama weynid

Beenmasheege: oo Maarkoos kaasina muxuu ahaa ma xildhibaan baa?

Xaq-u-dirir: Dee waa madaxweynihii hore ee Filibiin ee dadkiisu duhur ka saareen madaxtooyada Manila kaddib markii uu dayacay

la soco qeybo kale oo xiso badan

Ahmed Adan
daljir222@yahoo.com

Maayarka Gabiley Oo Wasiir Dr Mohamed Abdillahi Ku Eedeeyay Masuuliyada Inuu Waayo Inuu Shirku Qabsado Hoolka Dawlada Hoose+sababtuu Uga Muquurtay Soo Dhaweyntiisa

$
0
0

GabiilayWasiir

Hargeisa- (Qaran-news)- Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo qaar ka mida Warbaahinta maxalliga ugu waramay xafiiskiisa ayaa jawaab madmadow ku jiro ka bixiyay warar ku saabsan sababtuu uga muquurtay soo dhaweynta  wasiirka ganacsiga Somaliland oo safar ku tegay degaanka uu ka soo jeedo ee Gabilay iyo weliba isagoo ka xidhay  Hoolka shirarka Dawlada hoose oo uu kula kulmi lahaa ama kula shiri lahaa dad loo sii diyaariyey.

 

 

Maayarka gebilay oo su’aashaa ka jawaabayey ayaa ku dooday in safarka wasiirku ku yimi Gabilay la siyaasadeeyay balse aan isaga lagu soo wargelin wuxuuna yidhi “wasiir marka uu Deegaankiisa tegaayo Dawlad baynu nahaye waa inuu isa soo sheegaa oo uu yidhaahdaa waan imanayaa haddii kale waad garanaysaan oo qabyo qabyo ayay arrintu u dhacaysaa”

 

Sidoo kale wuxuu maayarku ku celceliyey inaanu jirin hool laga hor istaagey wasiirka Ganacsiga Hase yeeshee uu ka war helay maruu xafiiskiisa  gudahiisa ugu soo galay,wuxuna yidhi “Kamaan war hayn safarka wasiirka inankii hoolka hayayna,   Hargeysa ayuu arrin caafimaad u joogay, haddii la ii soo sheegi lahaa inanku muu tageen, haddii wasiirku ii soo sheegi lahaana waan u diyaarin lahaa, laakiin siadaan sheegay waxaan ku war helay uun isagoo soo galay xafiiska”

 shucayb

 

Geesta kale mar maayarka wax laga weydiiyey inuu u janjeedho ama ka talo qaato wasiirka Maaliyada Samaale oo wasiirka ganacsiga arimaha gobolka ku kala aragti duwan yihiin,tartan siyaasi ahina ka dhexeeyo wuxuu si dadban u qirtay inuu jaal la yahay wasiir Samaale wuxuuna yidhi “Wasaarada arrimaha gudaha ayaanu xidhiidh leenahay oo wada shaqayni naga dhaxaysaa,   taasi waa shaqada, ta kale, cidaan doonana (Wasiir Samaale) xidhiidh  ayaaan la yeelan karaa, oo bini’aadam baan ahay waxa muhiim ah uun in la igula xisaabtamo wax qabadkayga.”

 

Somalidu waxay tidhaahdaa Hal diidaysaa Geeday ku xoqto ma weydo,taas darteed arintu si kasta ha u dhacdee maayarku arintaas wasiirka hoolka loogu diiday wuu ka galgashay ,wuxuuna eedeyn uga dhigay wasiirku inaanu soo ku soo wargeli imaanshihiisa.

Isku soo wada duuboo  badhasaabka gebilay Yamaaarug oo xoggo qarannews heshay tibaxayaan in wasiirka maaliyada iyo wasiirka madaxtooyadu ku amreen inuu ka maquurto soo dhaweynta wasiirka ayaa weli ka dhuumaalaysanay iuu la hadlo warbaahinta,cadeeyana sababtuu uga maquurtay soo dhaweynta wasiirka maadabuu yahay masuulka xukumada wakiilka uga ah gobolka ahaydna inuu xidhiidhiyo wasiirka iyo bulshada.,kaalinmihiimana ku lahaad o soo dhaweynta wasiirka.

Qarannews

Hargeisa

 

 

                             

 

 

 

Saddex Sanno Gudahood: Madaxweyne Silaanyo Wuxuu Caydhiyey Kala Badh Xukuumadii Uu Shaqada Ku Bilaabay

$
0
0

 

Saddex Sanno Gudahood: Madaxweyne Silaanyo Wuxuu Caydhiyey Kala Badh Xukuumadii Uu Shaqada Ku Bilaabay

Hargeisa- (Qaran-news)-  Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa u muuqda inuu caydhiyay kala badh ka mid ah xubnihii golaha wasiirada ee uu dhisay markii uu Madaxweynaha noqday.

wasiiro

Madaxweyne Siilanyo, ayaa 28 Jully 2010, oo ahayd maalin ka dib markii loo dhaariyay xilka qaranka, magacaabay 26 xubnood oo isugu jiray 20 wasiir iyo 6 wasiir ku xigeen, waxaanu golahaasi noqday mid xukuumadeed oo aad u kooban, taas oo loo arkayey in ay tahay fulinta ballan qaadkii Kulmiye ee ahaa xukuumad kooban oo tayo leh in kasta oo aanay koobnidaasi muddo sii waarin. Hase yeeshe saddex sannadood ka dib waxa la arkayaa in masuuliyiintii uu madaxweynuhu wakhtigaas magacaabay aanay ku negaan xilkii loo dhiibay oo aanay ku sii waarin ka mid ahaanshaha golaha xukuumadda. Inkasta oo xubin ka mid ah golahaasi iskii isu casilay, haddana intooda badan madaxweynuhu isaga ayaa xilalkii ka qaaday.

 

Golahaas xukuumadda ee ka koobnaa 26 xubnood, waxa wakhtigan ka sii jooga 13 ka mid ah, waxaana meesha ka baxay 13 isugu jiray wasiiro iyo wasiir xigeeno ka mid ahaa hormadii u horaysay ee uu madaxweynuhu magacaabay markii uu noqday madaxweynaha Somaliland. 13-ka xubnood ee ka sii jooga xukuumadii u horaysay ayaa iyagana intooda badan waxa lagu sameeyay isku bedel, iyadoo qaarkood laga bedelay wasaaradihii wakhtigaas loo magacaabay.

 

 

Arrintani waxa ay dhalisay dood la xidhiidha in madaxweyne Siilanyo ka dhabeeyey ereygii ku ladhnaa koobnida xukuumadda ee ahaa tayada,maadaama oo sida muuqata uu saluugay tayada masuuliyiintan uu caydhiyey ama ugu yaraan uu u arkay in aanay ku habboonayn xilka uu u igmaday.

Wasiirada iyo wasiir xigeenada meesha ka baxay ee 13-ka ah ayaa kala ah:

Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose

Wasiirka maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi

Wasiirka Caafimaad Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)

Wasiirka xannaanada, deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Dr. Axmed Xaashi Oday

Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed

Wasiirka caddaaladda iyo garsoorka Prof. Ismaaciil Muumin Aar Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac

Wasiirka kalluumaysiga, khayraadka dabiiciga ah iyo maamulka dekedaha Maxamed Yaasiin Xasan Wasiirka ciyaaraha, dhalinyarta iyo dhaqanka Maxamed Xaashi Madar

Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel-jire

Wasiir-ku-xigeenka W/waxbarashada Cali Xaamud Jibriil

Wasiir-ku-xigeenka W/Arrimaha dibedda Maxamed Yoonis Cawaale Wasiir-ku-xigeenka W/Maaliyadda Warsame Siciid Cabdi

Markaas, waxa muuqata in isbedelka iyo xil ka qaadistu aad ugu badnayd xukuumaddan madaxweyen Siilaanyo, mar haddii saddex sannadood ka dib oo uu madaxweynuhu xilka hayay ay meesha ka baxeen kala badh ka mid ah golihii u horeeyay ee uu dhisay.

Arrintan waxaa ka dhalan kara su’aalo miisaan leh oo la iska weydiiyo dookha xulasho ee madaxweynaha ama hal-beegga uu ku qiyaaso xubinta uu u dhiibayo xilka qaranka, haddii kale sida uu caqliga caadiga ahi keenayo ma’ay timaaddeen baahida ah in muddo gaaban gudaheeda hadba dib loogu noqdo soo cugashada masuulka uu madaxweynuhu soo igmanayo ama in la isku shaandheeyo xubnaha golaha wasiirrada, waayo maamul ahaan ayaa ay sax tahay in ruux xil loo dhiibayo la siiyo fursad uu ku fahmo shaqada loo diray isla markaana kaga midho dhaliyo.

Ka sakow tirada intaas leeg ee xukuumadda ka tirsanaa ee meesha ka baxay, waxa iyaguna jira wasaaradaha qaar maraya shan ilaa afar wasiir. Tusaale ahaan wasaarada warfaafinta waxa saddexdaas sannadood soo maray 5 wasiir oo ugu dambeeyo wasiirka wakhtigan xilka hayaa, halka ay wasaaradaha kala ah hawlaha guud iyo boosaha ay soo mareen afar wasiir oo ay u dambeeyaan wasiirada wakhtigan xilka hayaa. Halkana, waxa mar kale laga halacsan karaa inaanu madaxweynuhu weli ku guulaysan inuu meesha ka saaro qabyo uu arkay ka dib markii uu dhisay xukuumadiisii u horaysay. Sababtoo ah, waxa la dareemi karaa in tirada wasaaradaha soo maray ay muujinayaan inay qabyadu halkeedii tahay.

Geeska

 

 

In Maamulkii Madaxweyne Siilaanyo Ku Daayey Waxaad Ku Garataa Guulwadayaashii Oo Dhan Baa Albaabka Laga Furey

$
0
0

Salaan qiimo badan ka dib.

Waa iska caadi in Africa iyo meelaha kale ee saboolka ahba lagu arko maamulka ka jira oo madaxdiisu mijihii isu badaleen. 22 Sano oo Somaliland jirtey waxey inoogu filan yihiin in dadku is bartaan in nin kasta oo magaciisu bulshada gaadhey, la fahmo geed la daaqdiisa, adkeysigiisa, damiirkiisa mabda`iisa, wax doonistiisa iyo diidmadiisaba.

Waa markhaati ma doon iney jiraan rag badan oo macaan jecela oo hadba halkii siniini ka baxeyso is daad raaciya. Waa Guulwadayaasha oo marba ninka meesha sare jooga ayey xageesii u dhunbuuqsadaan. Berri hadii uu meesha ka tago isma yaqaanan Madaxweynihii uu shaley ku lahaa nebiga laba soo kala tirsataan. Shaley kii mucaaradka ahaa iyagaa caayi jirey, maanta hadii uu meesha yimaadana iyagaa Amaana.

Lama yaabo,ama adiguba lama yaabtid nacamlayaasha iyo Guulwadayaasha, oo dee mabda`ooda sidiisaba ah iney doogsin raacan, oo ay hilaaca eegtaan, lakiin sow wax aad loola yaaba maaha in ninka meesha jooga uu fahmi waayo, waar ninkan shaley markii aad faraha madhneyd kii ku caayayey maanta muxuu kuu amaanaya. Bal adba.

Maanta waxaa la jooga 2013, xukunka dalka waxaa cod aqlabiyada ku helay Ahmed M.Silaanyo, allow yaa tiriya inta nin la soo dhimatey ama la soo qeylisay ama la baadi doonka aheyd 3 Sano ka hor markii uu xarbiga ugu jirey sidii uu Xisbigii KULMIYE talada dalka u xantoobsan lahaa. Allow yaa geesta kale tiriya intii dacow ama Guulwade ku qaylin jirtey ee ciida ku qasi jirtey. Keeba dal iyo dad maamuli kara ma kii, ma kii ma kii ma kan, ma kan taa guri jirtey

Maanta maxaa ka xaasila mar hadii Guulwade iyo Macaan jeceltii Silaanyo ku taagna oo dhan uu maanta Xirsi Albaabka ka furey oo madaxtooyada iyo nawaaxigooda joogaan ama xilalkii ugu mudnaaba ay hayaan, hal intii ama ragii odeyga la soo dhinteyna uu geed Qudhaanjo leh ku xidhey.

Caku Afirca, bilaa mabda, bilaa wadaniyad, bilaa qiiro, bilaa Xisaab, bilaa taariikh…. Maxaan kaga daala goor hore ayey ifku isku qalatee. Lakiin waxaad ku daysaa (KARIS XUN IYANA WAX KU LA!!!!!!!.

Soo dhalo hooyo

Soo dhalo hooyo

Soo dhalan mayo

Soo dhalan mayo

Africkaba dhamaanteed

Ku dhalan mayo

Meel dhalaanka lagu cuno

Ku dhalan mayo

Qalinkii

Osman Omar Dool

Hargeisa Somaliland
omardool1988@hotmail.com

Fatash iyo baadhis ciidamada Somaliland ka wadaan Hargeysa iyo tuhuno soo kordhay

$
0
0

Fatash iyo baadhis ciidamada Somaliland ka wadaan Hargeysa iyo tuhuno soo kordhay

Hargeisa-(Qaran-news)-Cutubyo ka mid ah ciidamada Somaliland ayaa tan iyo xalay 10 kii habeenimo baadhis iyo fataashaad ka waday qaar ka mid ah isgoysayada wadooyinka magaalada Hargeysa balse aan gobolada kale la qabin.

yeelkeede Saaka ayaa lagu waabeeristay ciidamo gashan Dirays kala duwan oo hubaysan oo ku sugan goobo cayiman,islamarkaana baadhaya gaadiidka raaxada ama sida gaarka loo leeyahay balse aan wax baadhisa ku sameyn gaadiidka dadweynaha iyo gaadiidka kale ee adeegyada dhismaha iyo biyaha qabta.

Mar Warfideeyanada Qarannews weydiiyeen qaar ka mid ah taliyayaasha goobaha baadhistu ka socotay waxa soo kordhay waxay bixiyeen jawaabo iksu dhawdhaw oo ah in la helay digniino ku saabsan kooxaha argagaxisada oo loo soo tebiyey oo soo fool leh.

Geesta kale Askarta baadhitaanada fulinaysay ayaa qaababka ama hanaanka ay wax u baadhayeen ahaa mid adag,oo ay meelo badan eegayeen,xataa darawaliinta gaadiidka waday ayey u fiirsanayeen wejiyadooda.

Isku soo wada duuboo ma jirto ilaa hadda wax wara oo ka soo baxay xukumada Siilanyo dhankeeda oo ku saabsan waxa baadhitaankani daaran yahay hase yeeshee dadweynuhu siyaabo kala duwan ayey u fasireen oo qaarkood ayaaba waxay sheegeen in xukumada  Siilanyo sas iyo cabsi  ka qaadey dhaqdhaqaaqyo iyo shir doceedyo hoose oo ay wadaan qaar ka mid ah Askar ka gadoodsan hanaanka loo maray derejo bixinta oo aan ku qanacsayn.

Qarannews

Hargeisa

 

 

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>