Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

War La’aanta Xukuumadeena iyo qarnigan oo ah kii kacdoonka shacabku ay xuquuqdooda ku raad sanayeen

$
0
0

Qormadii 23-aad

Waa Qormooyinkeenii taxana ahaa ee dareenka iyo digniinta ahaa ee ay saska iyo sakatiga ka qaadeen kuwa dibindaabyada,malabsiga iyo sadbursiga u-darban ee dalabka ku-shaqeeya ee qarankeena yar ee hagaasey ee heermay ragaadinaaya ee qaadhinaaya ee dalowga ka sii tuuraaya. Waa Qormooyinkeenii taxanaha ahaa ee tooshka ku shidaayey kuwa ku gafanoobey iyo kuwa dulinka, ah ee weli afka aan la helin naaskii iyo qoolkii ay ka jaqi-lahaayeen dhiigii iyo dheecaankii ummadda.Waa Qormooyinkeenii qaylo dhaanta ahaa ee qaawinaayey ee qoofalaayey,ee qeexaayey kuwa siigadoodu soo qiiqeyso ee sii qorsheynaaya qiil u-helidii qorshaha soo socda sidii loogu qeybsan-lahaa qusumka iyo qoonta ee loo qadhaaban lahaa ee loo quudan lahaa ee loo qadhiidhi lahaa ee loo qarsan lahaa ee laysu qulaamin lahaa ee qandaraas qariban loogu qaadan lahaa laguna qaybsan lahaa iyo qorogii qabada ahaa ee lagu qiyaasan lahaa iyo qisadii lagu qiyaameyn lahaa ee lagu qaadan lahaa. …Ma is tidhi kii Qaafka ahaa ayaaba ila taraarey…bal’adba……… Ma’laa isna mucaarid buu noqdey !

Aniga oo aan shaqsi sudhneyn,saloolaneyn, siigo-kuliqeyn,sugeyn oo surmeynen, sidan oo aan saarneyn oon sirin oo aan saafeyn ee sadaro yar yar iyo siraad ku sifeynaaya kuna saameynaaya.aniga oo shacabkeena tabaaleysan ee tahan-baabey ee tiiraanyeysan ee tafaraaruqey ee tahriibta miciinsadey toosinaaya , tilmaamaaya oo tusaaleynaaya ku tari falka awoodaha dawladnimo iyo baal-marka iyo burburinta shuruucdii dalka u-yaaley,aniga u-digaaya oo digniin u-diraaya kuwa dalqada madaxtooyada sibiqda yar ku soo galey iyo qaar-kamid ah madaxda dawlada oo adeegsada awoodo aaney xeer u-laheyn kuwaas oo caadeystey in ay abaal marin u-siiyaan hantidii maguuraanka aheyd ee ummadda iyo shaqooyinkii yaraa ee wadanka ka soo baxey shaqsiyaad iyaga u-qabtey shaqooyin musuq-maasuq ah oo iyaga u-gaar ah una qaban-doona shaqadii ay hore ugu qaban-jireen oo kale kuwaas oo aan laheyn masuuliyadaa qorta loo sudhey aqoonteeda, dhaqankeeda, karaamadeeda iyo milgaheeda.Bal kawarama shaqooyinkii oo loo cuganaayo qolonimo, qaraabonimo,xigtonimo, xigaalnimo iyo xasabonimo oo aad arkeyso ama maqleyso dad isku qoys ah wada tafaxeydan oo hayad,wakaalad, wasaarad ka-wada shaqeynaaya.ama kontaraat lagu siiyey in ay ka ganacsadaan hanti ummadda oo dhan u-dhex aheynd. iyo shaqadii oo aan iyadana loo eegeyn aqoon, karti,hufnaan, waayo aragnimo iyo merit midna?.Bal kawarama shirkado gashan shaadh qabiil oo hor leh oo u-soo tafaxeytey boobka kheyraadkii dabiiciga ahaa ee ummadda ka dhexeeyey.ku waas ku dayanaaya kuwii xaqdarada hore loogu siiyey? Bal kawarama xukuumadii oo diidan in dalku yeesho talo mideysan mucaarid iyo muxaafidba oo is ogaatey khaladka iyo boobkii hantida oo lagu hayo? Bal warama xukuumadii oo ku fashilantey in ay qandaraasyadii,Liisamadii, anfacii wadanka iyo mansabkii qaranka ay ku qaybiso si cadaalada iyo dastuurka wadanka waafaqsan oo soo mariso hayadihii shaqada ku lahaa? Lakiin ka door-bidey in hantidii maguuranka aheynd ee wadanka ay geliso meel baas iyo beelo muskood iyo miscirirtood. Bal-kawarama xukuumadii oo ku fashalintey in ay u-xaqsoorto beelihii Somalilnd ? Taas oo caadeysatey in ay dhegaha ka fureysato cabashooyinka, dhawaaqa iyo dareenka bulshadii diratey ee dooratey.Waa xukuumad aan laheyn meel-loo dacwoodo iyo cid-loo dacwoodo oo albaabada xidhatey.

Weli Somaliland taariikhda may soo marin eexda, iyo qaraabo kiilka qaawan ee ummaddu wada aragtey ee hada wadanka ka socda ee bilaa xishoodka ah. Taas oo wadankii u-horseeday qabyaalad qaawan, xasad iyo is- naceyb ,kala qeybsanaan iyo kalsooni daro baahsan oo ka dhex dhacdey dhamaan shacabkii walaalaha ahaa ee wadanka gudihiisa wada-deganaa.Waxaa xukuumadii hadheysey wada-shaqeyn la’aan,kala danbeyn la’aan, maamul xumo, taba-bar la’aan, taas oo keentey in waxqabadkii uu isu bedelo musuq-maasuq, boobkii hantidii qaranka oo noqotey qaado aan qaatee iyo qarso aan qarsadee taas aanu hore wadanka u-soo marin heerkan aan la qiyaasi kareyn ee uu maanta gaadhey. Waxaa fashilaad qaawan noqdey qorshihii waxqabadka xukuumada ee 5-ta sanadood ahaa (5 year plan) ee waqtiga badan iyo kharajka badan lagu fadhiisiyey taas oo xukuumadii ku mar-marsootey aduun la’aan laakiin la ogaadey in badanka wasaaradaheeda,hayadaheeda iyo wakaaladaheedaba aaney dhex-oolin halbeeg,ama standard,wax lagu cabiro oo lagu ogaan karo in shaqadii qabsoontey iyo in kale.

Dhibaatooyinkaa taban ee aan kor kaga soo dhawajiyey waxay sababeen in maanta Somaliland shacab badan iyo haldoorkii, aqoonyahankii dhalinyarada Somalilnad ay niyad jab, murugo iyo quus iska taagaan xukuumada Siilaanyo taas oo keentey in ay wadanka ka tagaan oo tahriibaan halka uu qof walba itaal iyo nasiib dhigoba ka dib markii ay u cadaatey in awrka lagu kacsadey uun markii codkoodii la xalaashadey ayaa wax-qabadkii iyo balanqaadyadii loo balan qaadey ay wada noqdeen afka baarkiisa iyo mid runta ka fog oo been ah oo war-baahinta uun lala miciinsado kolba boqoley iyo liis dheer laga sii daayo.

Guntii iyo Gebagebadii qoramadan: Waxaan leeyahay xukuumada qarnigan la joogaa ma aha qarnigii dhegaha la fureysanaayey ee la iska indho iyo dhegaba tiraayey dhawaaqa dheer ee shacabkii ku dirtey ee ku doortey ee hareerahaaga eeg waxyaabaha ka socda oo ha lagaa helo waxqabad ku dhisan sinaan iyo cadaalad.

Alleh ayaa Mahad leh,
Waa-Lahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Towfiiq
Abdirahman Mohamoud Fidhinle
fidhinle@aol.co.uk
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London


Muuse Biixi ayay haysataa waxaa la marayaa meeshuu dhigay Dhegaweyne,Tolwaa iyo…

$
0
0

Muuse Biixi ayay haysataa waxaa la marayaa meeshuu dhigay Dhegaweyne,Tolwaa iyo…

qosal beena foolal wada qayaxan qiil aan arkaayo!

Qosalkan quruxda badan ee sawirkan ka muuqada tolow miyaanu daacad iyo kal gacal ku iman? mise waxa uu ahaa qowda maqashii waxna hawqaban? waxa laysu sheegay ee ilaa gowsdanbeedka loo muujiyay tolow waa maxay?halkuuse maanta ku dan beeyay qosolkaasi? tolow maanta intaas in le,eg ma lawada qosli karaa?haadiise daacad iyo kalgacal maalintaas loowada joogay tolow maanta ma loo wada kulmaa? siyaasada ayaa leh maalin farxadeed iyo maalin murugo! waxaana la yidhi siyaasadu saaxiib jooto ah malaha ee waa dan joogto ah! tolow dantii muuse maalintaas laga lahaa maanta miyay dhamaantay?
gabadh ayaa hooyadeed ku tidhi hooyo waadigan c/qaadir u yeedhaya markaad awrkeena raraysay ee maxuu inoo yahay! waxay ugu jawaabtay hooyo waxba inooma aha ee awrkeena ayuun baan ku kacsanayey! ma c/qaadir kaas ayuu Mujaahid muuse noqday?.
waxa layidhi nin baa aabihii oo indho la gerbi cidla ah intuu dhigay kaga dhaqaaqay markii uu isagii gaboobay oo idho beelay ayuu isna wiil kiisii curad intuu usha usoo qabtay keenay halkuu abihii oo idho la kaga dhaqaaqay markii goobtii la keenay ayuu wiil kiisii way diiyay aabo meeshu meel hebla matahay? markaasuu ku yidhi haa! oo gebi maw dhowdahay? markaasuu yidhi haa! oo geed labiya ma ku yaalaa? markaasuu yidhi haa! markaasuu odaygii wiil kii sii ku yidhi iska tag aabo waa halkaan aabahay dhigaye! oo nabsi ayaa ikeenay ee ma khal danid!.
maanta Mujaahid Muuse ayay haysataa waxa lala marayaa meeshii uu rag badan oo asxaabtiisa ah uu dhigay oo ay ka mid yihiin Mujaahid Ibraahim dhegaweyne, Mujaahid C/raxmaan aw cali faarax (laba tole), Mujaahid C/raxamaan C/qaadir IWM haba ka qaban sidaas u sii soco, waxaynu eegnaaba waa qosolkaas oo murugo badani ka danbeyso!.

aadan axmed nuur
(khuurshe11@hotmail.com)
Dublin ireland

Abwaan Hadraawi Oo Ka Hadlay Ismaandhaafka Ka Dhex Jira Xukuumadda Iyo Golaha Wada Tashiga

$
0
0

Hargeysa(Qaran news)-Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi),ayaa ku taliyay in loo baahan yahay dhinac saddexaad oo soo dhex gala golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka iyo xukuumada Somaliland.

Waxaanu xukuumada ugu baaqay in ay ka hadliso xubnaha golahan oo uu sheegay inay ku jiraan rag cul culus oo naftooda wakhtiyo adag u soo huray dalka,waxaanu ku cel celiyay in loo baahan yahay in la wada ilaashado waxa yar ee la wada haysto(Somaliland).

Waxa uu sidan abwaan Hadraawi u sheegay wariye Aadan Cabdi Ciidle oo ka tirsan telifishanka HCTV,waxaana uu hadalkiisa abwaanu ku bilaabay isaga oo ugu horayntii ka hadlaayay xaalada dalka sidan “Dalku waa kii soo maray dagaalada sokeeye ee soo maray dagaaladii shisheeye cid aynu ku xidhanahay oo wax inagu kordhisaana ma jirto waa inaga iyo Alle,waxaan u malaynayaa umadda dhex joogta iyo maamulka hogaaminaya dhamaantoodba waxba la hagran maayee waa xaaladeena uun.” Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu abwaanku yidhi “Ragan golaha la baxay inta badan waa ragii halganka soo galay ee soo dagaalamay ee naftooda huray ee soo galay wakhtiga dheer ee gaajada,haraadka iyo dhibta u soo adkastay. Malaa waxa jira tabashooyin iyo cabashooyin oo keenay arinka,waxaan anigu jeclaan lahaa in lays af-garto umadani waa isku mid oo waxay kala tahay ma jirtee in laysu dan sheegto uun oo waxii xaq ah go’aankeeda la qaato,oo kolay waxbay tabanayaane in loo yeedho oo la fadhiisiyo oo la yidhaado maxaa idiin daran oo laga hadliyo ayay u baahan yahiin iyagna way ogyahiin wadciga jira.”

Abwaanka oo la su’aalay bal inuu labadan dhinac dhex dhexaadintooda gali karo uu yidhi “Taasi waa lagama maarmaan laba dhinac haday is hayaan waa lagama maarmaan dhinac saddexaad oo soo dhax gala oo wax laysku hayo ogaada oo dabadeena u gar naqa,dhinacaas saddexaad ayaa meesha ka maqan,way u baahn tahay waana shay meesha ku jira in laga hadliyo nimankan aynu magacooda sheegayno oo mushkiladooda la waydiiyo lana soo fadhiisiyo iyo in dhinaca kalena uu ka jawaabo,waxaynu mar walba ilaalinaynaa qaranimada iyo midnimada.waxaan anigu kolayba ku talin lahaa niman yahaw waad ka war haysaan waxii dalkan soo maray iyo dagaalkay galeen iyo dhimashadii waxa loo rogmaday waa waxan yar ee maanta gacanta lagu hayo,waxaan labada dhinacba kula talin lahaa inta lays soo hor fadhiisto in la wada hadlo oo nin walba siday latahay uu sheego.”

Geeska

Maxaa Loo Shaxaaday Lacagta Garoonka Hargeysa ? Hadaba hadii aynu faalayno hadaladaa is burinaya ee wasiirku sheegay

$
0
0

Tixraac hadalkii uu wasiirka duulistu warbaahinta siiyey (sida VOA) intii ay socotay munaasibadii furitaanka garoonka Hargeisa. Wuxuu yidhi wasiirku:

· Garoonka wax dherer ah laguma darin, dhererkiisuna waa 2466m.

· Garoonka waxaanu ugu talo galnay inay soo fadhiistaan diyaaradaha Boing-ka loo yaqaano.

· Garoonku wuxuu u baahan tahay in dherekiisa la kordhiyo si ay usoo fadhiisan karaan diyaaraha waaweyni.

Hadaba hadii aynu faalayno hadaladaa is burinaya ee wasiirku sheegay, waxaynu si fudud u garan karaynaa in si weyn oo qaawan loo shaxaaday lacagtii loogu talo dhismaha garoonka oo dhamayd ilaa 4.5 Million$. Waayo markaynu eegno ee xisaabino runway dhererkiisu yahay 2466m, baladhkiisuna 45m iyo qarada asphalt-ka la saaray oo ah 10cm, lacagta ku bixi kartaa ugu badnaan waa 3.0Million$ xataa marka apron-ka, taxiway-ga iyo fencing-ka lagu daro.

Halkaa waxa inooga cad in ugu yaraan 1.5 Million$ laga shaxaaday lacagtii dhismaha garoonka loogu talo galay. Waxa iyana ceeb iyo nasiib daro ah in garoonkii waxaas oo lacag ah lagu bixiyey ee weliba muddo sanad iyo badh ah la sugayay aanay soo fadhiisan karayn diyaaradaha waaweyni oo ugu yaraan u baahan runway dhererkiisu yahay 3100m.

Qore

Eng.Maxamed Nuur Aaye

Borama

Shebekedaha tahriibta ee daadsan Caasimada Hargeysa Ilaa iyo Yurubta Bari oo xukuumadii kufashilantey

$
0
0

Qormadii 25′aad

Tahriibata oo ah aafo qaran oo cusub oo dhalinyaro badan oo loo hanweynaa iyo wayeelba ay naftoodii ku waayeen S/land labadii sanadood ee ugu danbeysey ayaa hada isu bedeshey mashruucyo dadban iyo ganacsi xoogan oo xidhan oo dad badani ay nolol maal-moodkooda ku dabaraan. Markii loo kuur-galey Caasimada Hargeysa waxaa tahriibtu si toos ah u-saameysey boqolaal qoys oo badan koodu ay sugan yihiin casimada Hargeysa. Qiyaas ahaan waxaa la isku raacey in 100 kii aqalba ilaa 6 aqal oo ka mid ahi guud ahaan Somaliland ay taalo murugo, naxdin, werwer iyo baroor joogto ah oo ay sababtey tahriibtu oo hada noqotey shebekado iyo dabino isku xidhan Somaliland ilaa wadamada jaarka ilaa iyo Yurubta bari iyada oo la adeegsanaayo teknolojiga cusub oo ay ugu horeeyso internetku.iyo xirfado cusub oo afduub qarsoon ah oo inta billaash ama si-jaban qofka lala tago xuduud geeri-go’an la-toorjin gareeyo tahriibaha oo waalidkii ama Ehelkii tahriibahaa lacag madaxfurasho ah telefoon lagu weydiisto. hadaba waxaa ayaan daro noqotey in xukuumada Siilaanyo ay ku fashilantey sidii loo kala goyn-lahaa shabakadahaa isku xidhan ee ka bilaabma magaalada Wajaale oo ah duleedka caasimada Hargeysa.ilaa Etoobiya,Sudan, Libiya iyo East Yurub. Waxaa ayaan daro ah in gacmaha la is-dhaafsado magaalada Wajaale iyada lawada arkaayo oo lagu kala iibsado shabaabkii haldoorkii xoogii wadanka ee mustaqbalka sidii ahminka xoolaha loo kala iibsan jirey loo kala iibsado taas oo hada wax-garadku garowsadey in askarta xukuumadeena ee xuduudka magaaladaa Wajaale joogaana in ay siidhiga u-qabtaan oo ay iyana daabaxaada ka qaataan marka iibka dhalinyaradaas gacmaha la is daro ee la baayac-tamo lana heshiiyo.

Marka dib-loo raaco taariikhda Somaliland 20kii sanadood ee la soo dhaafey waxaa wax-garadka wadanka oo wadnaha farta ku hayaa ay isku raaceen in ay tahay markii ugu horeysey ee ummaddu wada aragtey iska daa dhalinyaro’e Aabayaal iyo hooyooyin caruurtooda wataa in ay tahriibayaan oo ay goosteen in aaney ku sii nagaan Somaliland dhibaatadeeda isa soo tareysa ee maanta ka taagan oo ay ugu horeyso, cadaalad darada iyo musuq-maasuqa xadhkaha goostey ee hada Somaliland hadheeyey iyo qabyaalada duluca furatey ee aan dhegaha lagaaga duweyn,taas oo ay ka door-bideen dhalinyaro iyo waayeel badani in ay indhaha ka qarsadaan oo ay naftooda ku biimeeyaan tahriib khatar ah oo naftooda halis u-keeni karta maa-daama laga talaabaayo saxareyaal lama degaan ah oo balaadhan oo kulul iyo baddo waa-weyn oo khatar ah oo aan loo isticmaaleyn gaadiidkii loogu talo galey in ay khatarahaa jira ka bixi karaan iyo xuduudo aan sharci loo haysan oo habeenkii la dhexmaraayo oo khatarteeda iska leh taas oo had iyo jeerna u-keenta tahriibayaasha dhimasho naxdin badan oo ay tahriiba-yaashu badaha ku haligmaan ama saxaraha haraad ugu dhintaan amaba ay gacan kale oo cadow ah ay u-galaan maa-daama ay bilaa sharci iyo ju-juub ku socdaan oo doonayaan in ay ku galaan wadamo aaney aqoon u-laheyn, sharcina aaney u-haysan.

Aqoon darada iyo khataraha ay leedahay tahriibtu ee aaney tahriibayaal badani ogeyn ee loo baahan yahay in laga wacyi geliyo dhalinyarada waxa ka mid ah iyagoo ay ka horeyso welel iyo webahaar badan, riski iyo surbacaad iyo gaajo iyo haraad badan, Daal,iyo dhalan-dhool iyo afduub lama huraan ah ,kufsi iyo xadhig aan loo aabo yeeleyn rag iyo dumar caruur iyo ciroole iyo qafaal iyo xadhig joogto ah oo lagu soo furanaayo tahriibaha lacag aad u-badan oo aan ehelkii iyo waalidkiiba aaney bixin karin, waxaa inayana dhacda badanaa in tahriibuhu badaha iyo saxaraha uu ku halingmo maadaama la isticmaalo gaadiid kooban oo aad loo buux-dhaafiyo oo ay dhawaan naftoodii ku waayeen tahriibayaal farabadani.Waxaa dhawaan ay xukuumadu Gudi u-saartey arintan Laakiin nasiib daro Gudidaasi wax wacyi gelin ah oo joogto ah ama istratiji balan qaran oo qeexan ah oo la taaban karo oo ummada u-cuntama my sameyn. Taas oo keentey in dhalinyaradii oo ah mustaqbalkii madaxdii qaranka ee berito ay waayeen cid wadaniyiin ah oo ku caan-baxdey sife-dhameystiran oo wanaagsan iyo cid ay ku-deydaan oo dabo-galaan (role Model) iyo cid wax-u-sheegta oo wacyi gelisa ama wax-u-qabata oo shaqo-u-abuurta (dawlad) Waxaa dhamaan markii la-wareystey dhalinyarada S/land ee tirada badan ee soo kala dhameystey Sideetan 80 ku-dhawaadka dugsi ee sare ee S/land iyo 20-ku dhawaadka Jaamacadood ee wadanka ku yaala ayaa waxa ay isku raaceen in aaney wax-qiime iyo qadarin ah aaney ku haysan xukuumada hada jirta iyo wadankaba waxaana ay dhamaan tirsanayaan in Xukuumadii dayacdey oo balan-qaadyadii Gurmadka Qaranka iyo shaqo abuurka ahaa ee ay u-balan qaadey ay kaga baxdey, waxaa kala oo ay cadeeyeen in aan wixii shaqo yar ee soo baxdaba yaa tahay lagu qoranaayo oo lagu qaybsado qabyaalad cadaan ah iyo wax-isdaba-marin wax-kasta oo anfac ah oo wadanka ka soo baxa lagu qaybsado, taas oo guud ahaan cadaaladii iyo karaamadii dawladnimo ay meesha ka bacdey oo aan aqoontii iyo cilmigii aan la qadarin oo dulmi badan laga galey.dhalaankii dadaalka dheeraadka ah waxbarashadii sare ee wadanka ku soo dhameystey.in kasta oo xukuumada siilaanyo ay mala-awaashey oo dhoob-dhoobtey oo odorostey miisaaniyad afar 4 laab ah oo xaraan ah waxay ku fashilantey in ay abuurto ilo dhaqaale si loo kordhiyo dakhliga wadanka oo dhalinyarada S/land shaqooyin cusub loogu abuuro. ama loo horgeliyo Gurmadkii Qaranka ee ay iyadu afkeeda beenta bartey ay kaga dhawaajisey.

Hadii aan u-daadego hibaatooyinkaa taban ee ubaxii haldoorkii, dhalinyaradii ,aqoonyahanka aheyd ee reer Somaliland ku habsadey waxay sababeen in maanta Somaliland shacab badan iyo hormoodkii dhalinyarada Somalilnad ay niyad jab,oo ay murugo iyo quustii ugu danbeysey ay iska taagaan xukuumada Siilaanyo taas oo keentey in ay wadanka ay ka tagaan oo tahriibaan halka uu qof walba itaal iyo nasiib uu dhigoba ka dib markii ay u cadaatey in awrka lagu kacsadey markii codkoodii la xalaashadey ee kursiga la isku hubsadey ayaa wax-qabadkii iyo balanqaadyadii loo balan qaadey ay wada noqdeen madan afka baarkiisa ah, mikirifoono been ah oo lagu adimo iyo mid runta ka fog oo been ah oo war-baahinta uun lala miciinsado oo laga sii daayo kolba boqoley iyo liis dheer oo wax-qabad been cakiran ah.
Guntii iyo Gebagebadii Qormadan: Malahayga waa Yaabe madaxweyne Siilaanyo ma wuxuu dawladnimada u-haystaa Daas nin leeyahay ! Madaxweyne shacabku wey-ku doorteen ee u-tudh oo soo celi milgihii iyo karaamadii dawladnimo.oo ka qabo kuwa findhicilka ah iyo kuwa daba-kanuuga ah ee maroorsadey awoodahaagii badankoodii kuwaas oo aan iyaga la dooran oo aan xeer iyo xaqtoona aan u-laheyn in ay ku taba-bartaan oo baa-biiyaan milgihii,haykalkii iyo habsami-u-socdkii hawlihii iyo hanaankii dawladnimo. Hadii kale waxaad filataa madaxweyne kala fogaansho adiga iyo shacabkii ku soo doortey dhex-yimaada taas oo sababi karta kacdoon baahsan oo wadanka ka dhaca iyo bur-bur qaran oo wadadiisii la qaado.

Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiinu Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii Abdirahman Mohamoud
fidhinle@aol.co.uk
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

SHIRKA HODAALE: Hal Waliba Maalin Bay Ceel Joogtaa

$
0
0

Ugu horayn waxaan aan salaam iyo boqaadin u diyaa bahwaynta saxaafada Somaliland noocyadeeda ka la duwan. Kuwaas ku foogan sidii ay bulsha waynta reer Somaliland ugu soo tabiyaan wararka xorta iyo xalaasha ah

Sidda ay ka war hayno dhawaan waxaa si cad loo shaaciyay shir wayne ay qabsan doonaan beesha SACAD MUUSE . Shirkaasi oo loogu xudun xidhay magaca HOODAALE oo ka dhici doona magaalada AGABAR taatiikhdu markay tahay (18-08-2013) barito shirkani waa shirkii ugu tunka waynaa ee ay abid qabsato beeshu walaw ay jireen shirar kale oo ka dhumuc yaraa, shirkani waa shir aad u sal balaadhan oo lagago wada hadlayo arimo badan wallow ay jiraan ajendayaal qarsoon oo aan la shaacin hadana waa shir aad u balaadhan oo maalinta axada ah fooda lays daridoono soomalidaa waxay ku maahmaada haday fooli timaado gudo qarsimo hadhay sida aynu taariikhda ku hayno shirarka beesha sacad muuse waa uu koobna waana uu yaraa waxaa uu ahaafaro iyo faro guud kood waxa lagu tilmaamo somaaliland waa dal aanay ka jirin ,haba yaraatee wax is cabudhin ah beel kasta oo ka mid ah beelaha somaliland waxay xaq u leedahay in ay isku timaad oo ay arimageeda ka wada tashadaan taasi waa mid ay xaq u leeyihiin siddii beelaha somaaliland ee ay walaalaha yihiin waxaa ka mid ahaa shirkii ay qabsadeen beelaha ay danwadaagta yihiin beesha sacad muuse sida shirkii DAALO ,DAN iyo DUCO , iyo shirkii ugu horeeyay ee ay ka soo unkameen shirarka beeluhu oo ay qabsadeeen kaas oo aha shirkii GAR’ADAG ee uu dabda ka riixayay madax waynaha haatan talada dalka haya oo uu ku mideeyay beesha uu u dhashay.

Beesha sacad muuse waxay ka naawliysaa madax waynaha dalka in uu ixtiraamo oo uu qadariyo si milgo iyo sharaf leh shirka beeshu yeelanayso. Shirkani waa mid ay kaga tashanayaan aayaha iyo mustaqbalka beel waynta sacad muuse waxa kale oo ay kaga wada hadlayaan is lab xaadhashada iyo kala irdhawga beesha oo in mudo ah aan laabta is galin waa mid aad u xaasaasi u ah marka laga eego dhinac taasi oo laga rajaynayo in ay ku soo dhamaato tawfiiq iyo is af garad

marka laga eego dhinacyo kala duwan waxaa jira duruufo iyo carqalado aan la sahashan Karin kuwaas oo u baahan in lagu dhagaysto dhago wadan iyo dhagihii fiinta amabase in lagu fiiryo indho fiiqan oo ah kuwii gorgorka

MAXAA FASHILINKA SHIRKA BEESAHA

Qaabka qaban qaabada oo loo xulo rag aan khibrad iyo aqoon u leh u abaabulka iyo ururinta dadka
Dawlad oo ku bilawda docodocayn iyo hagardaamo ay kaga soo horjeedo shirwaynaha
Khilaafka badan ,kaasi waxa uu keeni kara bur-bur baahsani ku yimaadda shirka
In laga digtoonaado dadleh dano shekhsiyadeed kuwaas oo ah siyaasiyiin ,ganacsato ama qaar dhadhamo raac ah,
. In laga dheeraado la kala safashada labada nine eel eh damaca siyaasadeed
.In loo doorto dad dhexdhexaad ah oo leh milgo iyo sharaf una tudhaya dadka iyo dalakaoo ka madax banana cidkasta
MUHIIMADA SHIRWAYNAHA BEESHA LAGA FILAYO:

Adkaynta amniga iyo nidaamka dawladnimo, taageerid iyo garab istaag qadiyad iyo mawqifka mabda’a ku adkaanta Somaliland iyo isku soo dhawaansha iyo wada tashiga aayaha beesha.

Waxaa suuro gal ah inta uu socdo shirku in loo dhug lahaado maxaa yeelay hadii ay dawladu iyo dad kalaba ka waayaan danahooga waay isku dayi doonan in ay mijaha qabtaan oo uu socon kari waayo taasi waxay keeni kartaa xumaan iyo caawiq xumo ina soo kal dhex gasho oo dawladaawaynu ognahay in nolosha aadanaha ay dadka qaar ay ka helaan khilaafka iyo kala tag oo ay ku durayaan wanaaga iyo khayrka

Samaynta hilaad dheer iyo hiigsi siyaasadeed oo ay beeshu yeelato kana fogaato wax kasta oo ku keeni kara in ay beeshu fool eryato madaama ay soo dhawdahay mudadii iyo xiligii ay foolan lahayd beeshu .muhimada iyo qabsoonka shirku waxa uu daran yahay in la dhawro oo la ilaaliyo midnimada beesha taasi waxa ay ku hogaaminaysaa mar haddi shirwaynayaasha beelaha dagan Somaliland in ay reer waliba iyaga ayaa yaqaan dantooda in markaa la helayo dawlada lala xisaabtami karo.

Qalinkii : Abdi aziz mahamoud Yousuf (Zaciimu- Ruuxi )

Email:cilmiallagmail@hotmail.com:

Warsaxaafadeed: Ujeedo Taageerid shirka Beesha Sacad-Muuse

$
0
0

Warsaxaafadeed

17/08/13

Waxaa mudan in marka hore aanu halkan salaan uga soo gudbino guud Shacabka qaaliga ah ee reer Somaliland ,meelkastoo ay joogaan dibada iyo gudahaba.Salaan ka dib waxaanu aaminsan nahay in Shacabka reer Somaliland ay masuul ka yihiin ilaalin —-adkeeyan nabada –wada tashiga iyo horumarka guud ee dalka Somaliland.

Sidaa daraadeen Xisbiga Daryeel iyo Cadaalada(UCID),wuxuu halkan ku cadeynayaa :-

1. Waxaanu si buuxda u soo dhoweynayaa,una taageeraynaa Xisbi ahaan Shirka Beesha Sacad –Muuse ,ee loo bixiyey « Hoodaale »,kaas oo la qorsheeyey in uu ka furmo doono degmada Agabar ,ee gobolka Gabilay 18.08.2013.

2. Xisbiga UCID,wuxuu u arkaa shirkaas mid ay xaq u leeyihiin Beeshu,danaha u gaarka ahna ay Beeshu,kaga tashanayso.Waa u ducaynaynaa in uu ugu qabsoomo,uguna dhamaado nabad gelyo, warka ka soo baxaana uu noqdo mid Beesha ,Beelaha kale iyo guud ahaan Somaliland waxtara.

3. Xisbiga UCID,wuxuu ku baaqayaa in shirka la daayo fara-gelinta carqaladeynta . Waa xaqiiqa in ay Beshu xaq u leedahay in ay danaheeda ka shirto sidii Beelaha kaleba uga shireen danahooda,ugana shirdoonaan mustaqbalka.

ALLAA MAHAD LEH

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.

Xisbiga UCID

abdi_saleiman@hotmail.com.

Facebook : abdi saleiman.

SKype : Abdisaaleiman1

twitter : @_saleiman

Qurba jooga beelweynta Reer Xuseen ee ku nool UK oo tageero buuxda la garab taagan qodobadii ka soo baxay shirki ay beesu (RX) ku dhigatay magaalada Burco

$
0
0

Salaan ka dib waraaqadan waxay aanu baaq taageero udiraynaa shirki ay beelweynta Reer Xuseen ay ku yesheen magaalada Burco 10-08-2013 shirkaas oo ay beeshu ku dhaleecinisey kuna canbaaraynaysay baaq kasoo yeedhey shirkadaha shidaalka, madaama degmooyinka ay beeshu degto laga helay Kheyraad dabiici ah.
Shirkaas ay Salaadiinti, Cuqaashi iyo wax garadki beeshu ay so sareen waxa ku taageeriya Qurba joogta reerka ee ku nool cariga wadanka Switzerland:

1-Maxamed Cisman Abokor(Gawaadhi)
2-Mustafe Timajilic
3-Axmed Sekeriya Kinyaati
4-Khaalid xasan
5-Cabdi fataax maxamuud
6-Xamdi Xaamud guleed
7-Maxamed Nuux Guleed
8-Iid xaliye
9-Ruqiya aadan
10-Xamdi kadiye
11-saalax bulqaaas aadan
12-Fuad Cali Muuse
13Jaamac Axmed iidle
14-Fahiima Ummal
15-Farxaan Ramaale

Deck Cisman Aboukar <
mdeeq70@hotmail.com


Qosal beena foolal wada qayaxan qiil aan arkaayo!: Daawo Muuse iyo Siilaanyo Oo Qoslaaya

$
0
0

Qosalkan quruxda badan ee sawirkan ka muuqada tolow miyaanu daacad iyo kal gacal ku iman? mise waxa uu ahaa qowda maqashii waxna hawqaban? waxa laysu sheegay ee ilaa gowsdanbeedka loo muujiyay tolow waa maxay?halkuuse maanta ku dan beeyay qosolkaasi?

Qosol
Tolow maanta intaas in le,eg ma lawada qosli karaa?haadiise daacad iyo kalgacal maalintaas loowada joogay tolow maanta ma loo wada kulmaa? siyaasada ayaa leh maalin farxadeed iyo maalin murugo! waxaana la yidhi siyaasadu saaxiib jooto ah malaha ee waa dan joogto ah! tolow dantii muuse maalintaas laga lahaa maanta miyay dhamaantay? gabadh ayaa hooyadeed ku tidhi hooyo waadigan c/qaadir u yeedhaya markaad awrkeena raraysay ee maxuu inoo yahay! waxay ugu jawaabtay hooyo waxba inooma aha ee awrkeena ayuun baan ku kacsanayey! ma c/qaadir kaas ayuu Mujaahid muuse noqday? waxa layidhi nin baa aabihii oo indho la gerbi cidla ah intuu dhigay kaga dhaqaaqay markii uu isagii gaboobay oo idho beelay ayuu isna wiil kiisii curad intuu usha usoo qabtay keenay halkuu abihii oo idho la kaga dhaqaaqay markii goobtii la keenay ayuu wiil kiisii way diiyay aabo meeshu meel hebla matahay? markaasuu ku yidhi haa! oo gebi maw dhowdahay? markaasuu yidhi haa! oo geed labiya ma ku yaalaa? markaasuu yidhi haa! markaasuu odaygii wiil kii sii ku yidhi iska tag aabo waa halkaan aabahay dhigaye! oo nabsi ayaa ikeenay ee ma khal danid! maanta Mujaahid Muuse ayay haysataa waxa lala marayaa meeshii uu rag badan oo asxaabtiisa ah uu dhigay oo ay ka mid yihiin Mujaahid Ibraahim dhegaweyne, Mujaahid C/raxmaan Aw Cali Faarax (laba tole), Mujaahid C/raxamaan C/qaadir IWM haba ka qaban sidaas u sii soco, waxaynu eegnaaba waa qosolkaas oo murugo badani ka danbeyso!.

Mohamed Ahmed Nuur
khuurshe11@hotmail.com>

Dublin ireland

Riwaayad masraxeed siyaasadeysan oo xiislo leh:Madaxtooyadeena Karamardha Qeybtii 5aad

$
0
0

Muuqaalka 10aad:

Waa mar kale iyo madaxtooyadeenii Kaaramardha, waxa xafiiskeedii gaarka ahaa fadhida Araweelo oo ku lebisan sed huruud ah iyo shalmad dheer oo iyana huruud ah oo aad mooddo go’ shaal ah. Waxa u soo gelaya Beenmasheege.
madax

Araweelo: Soo gal ma taliyii sirdoonkaa? Haa eeddo, eeddo Beenmasheege maxaa la lahaa, dadku miyey ogyihiin in raasbutiin xagga sare ku tukado? Miyeyse og yihiin in Raasbutiin guriga ku habeensado oo goor dambe ka tago?

Beenmasheege: Maya maya eeddo, dadku waxay aaminsan yihiin in Raasbutiin wadaad yahay oo aanu weligii hore u gelin hurdadaada gaarka ah ee dambe.

Araweelo: Alxamdu lillah

Beenmasheege: laakiin!!!

Araweelo: oo naxday baa tidhi: hee, laakiin hee, miyey qoreen, ii sheeg eeddo, sowkii Raasbutiin i yidhi saaxafadda oo dhan lacag baan siiyey oo waxba inaga qori maayaan, maxaa la qoray eeddo?

Cali-Beenaale oo is qabtay baa yidhi may eeddo, may eeddo ee laakiin dadku waxay u haystaan Raasbutiinkan qasriga ka soo baxaya 12ka habeenimo karti iyo shaqo badnaan.

Araweelo oo nefistay: haaaaa waa sidaan ku waday, ilaahbaa xaal og, hoos bay u odhanaysaa oo ma 12ka habeenimaa xafiis dowladeed laga shaqeeyaa!!!!

Muuqaalka 11aad:

Mahaye-moog, waa hurdaa, haddana dahriga ayuu ka soo jeedaa, waa maqane jooge, habeen hore ayaa ugu dambaysay wax jidiinkiisa mara, oo yaaba xusuusan, Xorriyo ayaa u soo qaadaysa maddiibad khudrad ah iyo koob casiir ah.

Mahaye-moog: adeer mahadsanid, mahadsanid adeer. Adeer qasriga miyaa laga maqan yahay illaa habeen hore cid maan arage.

Xorriyo: may adeer ee shaqo uun baa lagu mashquulsanaa.

Mahaye-moog: Adeer boring baan dareemayaa ee ii hees.

Xorriyo: waa yahay adeer.

Dalku waa dalkaagii

Waa kaad daraaddii

Dibad-yaal u noqotee

Anaguna dadweynii

Waxan nahay ku doortee

Dunta boqorka kugu xidhay

Mahaye-moog: kkkkkkkkkk wallaahay waa hees macaan, ii wad adeer, ii wad adeer, waa run waxad tahay dadkii igu xidhay dunta boqorka

Xorriyo: oo sii wadda heestii

Waad jeclayd dadkaagee

Daad baydin kala xidhay

Dabin baa laguu dhigay

Dembibaa lagaa galay

Dulli baad ku nooshahay

Da’ayrtiyo dhallaankii

Baddii bay ku Daateen

Waxba Dunida kama ogid

Mahaye-moog: yaah yaah adeer, maxaa dhacay, maxaa dhacay, waa maxay mucaaradnimadu,

Xorriyo weli way sii waddaa heestii:

Dowladaha tisqaadiyo

Aynu dunida gaadhnee

Calankii daryeelkow

Ama derejadii tuur

Ama soo deg oo tali

Dadkii waa ku sugayaa

Dalkii wuu ku sugayaa

Jooji, jooji, jooji edeb darrada, waa Fara-xadiid iyo Ma Gafe oo is daba ordaya, bax, bax, ka saara albaabka, munaafaqadda raafaha gaagaaban.

Xorriyo way iska baxaysaa dibna ugu soo noqon mayso qasrigii Kaaramardha

la soco qeybo kale oo xiiso iyo maad badan leh
Waxa allifay: Daljirka Dahsoon

Ahmed Adan
daljir222@yahoo.com

Nin ay Wasiirka Madaxtooyadda Il-maadeer yihiin oo lagu wareejiyay Lacagtii (Jeeg ) qalabka Wadooyinka lagu soo iibinayay

$
0
0

Nin ay Wasiirka Madaxtooyadda Il-maadeer yihiin oo lagu wareejiyay Lacagtii (Jeegii )qalabka Wadooyinka lagu soo iibinayay

Hargeisa-(Qaran-news)- Warar laga helay Lacag (Jeeg) ay Madaxtooyadu u dirtay Dalka Shiinaha si loogu soo Iibiyo qalab lagu dhiso Wadooyinka oo gaadhaysa Hal Milyan iyo Badh Dollar ayaa sheegaya in Wasiirka Madaxtooyaddu Xirsi Cali X.Xasan Amray in Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka Horumarintu ku wareejiyo Nin ay Xirsi Il-maadeer yihiin oo la yidhaahdo Saki.

Warkan oo laga helay Ilo wareed Muhiim ah ayaa sheegaya in markii hore Wasiirka Madaxtooyaddu lacagta u dhiibay Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka oo Madaxtooyadda Hoos timaada, Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka oo ay isku beel yihiin iyo Xoghayntiisa gaarka ah, kuwaas oo markii ay Hargeysa ka duuleen ku hakaday dalka Jabuuti, halkaas oo markii danbe ay shinaha uga dhoofeen.

Sida ila Wareedku sheegayo waxa Ninka ay Xirsi Ilmaadeerka yihiin kooxda marka hore lacagta qaaday uu kaga daba tagay Dalka jabuuti, halkaas oo ay caqabad dhinaca safarka ahi kala kulantay, waxaana la amray in Jeeega Lacgtaasi ku qornayd lagu wareejiyo ninkan oo ku biiray, ilaa hadana la socda kooxdan isla markaana gadhwadeen ka ah hawsha soo Iibinta qalabka.

Saki waa Wiilka ay Xirsi Imaadeerka yihiine waxa ay ila wareedyada Warka na siiyay sheegayaan inuu yahay Qurbajoog degan Dalka Denmar halka ay warar kale oo dheeraad ahi sheegayaan in uu dal kale imika u guuray, qorshaha uu fulinayana waxa la sheegayaa in uu yahay Macno dilaal oo kale, taasoo loo aanaynayo in qalabka lacagta loogu dhiibay qalab ka jaban uu soo iibiyo.

Dalka Shiinaha ayaa ah Dalalka qalabka dhismaha ku horumaray, waxaana la sheegaa qalabka uu ku isticmaalo dalalka ay dhismayaasha ka wadaan in ay dib u iibiyaan iyagoo jaban, kooxdana doonayso in ay qalabkaas soo gurato halka ay ka ahayd in ay qalab tayo leh Dalka keento.

Si kasta ha ahaatee arrimahani oo kale inay soo baxayaan waxa laga shaki qabay markii Wasiirka Madaxtooyaddu baal maray Nidaamka Dalka u yaala ee ah marka ay Xukuumaddu qalab soo Iibsanayso in ay qandaraas ku bixiso, si Gnacsatadu ugu tartanto, loona helo qlaab tayo leh.

Heegadda Hargeysa + Shirkii HOODAALE Iyo Hirdankii MUUSE Iyo SAMAALE

$
0
0

“..Hadaanu in Badan Xadaaradda ku Maqnayn, Hadda Dhaqanka ayaanu u soo Noqonaynaa..”

Suldaan Mawliid Cali

“..Waxaanu 16-ka Suldaan, Cuqaasha iyo Wax-garadka kusoo Dhaweynaynaa Furitaanka Shirka Hoodaale..”

Guddoomiye-ku-xigeenka Guddidii qaban-qaabada

Agabar(Qaran news)-Shirweynaha ay ku kulmayaan Ardaayada Beelaha Sacad Muuse, ayaa kadib loollan sida Xadhig kala jiidashada oo kale ah, waxa suurtogashay Shalay inuu si rasmi ah uga furmo Deegaanka Agabar ee Waqooyiga Caasimada Hargeysa.

Shirkan oo lagu suntay ‘HOODAALE’, ayaa Madaxda iyo hoggaamada dhinaca Dhaqanka ee Beelaha Sacad Muuse, ku fasireen ujeedada loo qabtay inuu yahay mid ka turjumaysa in Beelaha Sacad Muuse kaga arinsadaan arrimaha ku taxa-luqa Istiraajiyada mustaqbalka fog ee Beelaha.

Ugu horeyn sidii qorshuhu ahaa bilowgii madasha ka hadlay hoggaanka xubnihii Guddiga qaban-qaabada Shirka, kuwaasoo sheegay inay guteen waajibkii loo igmaday, hawshii Shirkana soo gaadhsiiyeen madashan quruxda badan ee loo asteeyey. Sidaa darteed, Guddoomiye-ku-xigeenka Guddidii qaban-qaabada Shirka Md. Xasan Ismaaciil Nuux waxa uu yidhi; “..Hadaanu nahay Guddidii qaban-qaabada Shirka Hoodaale ee Beelaha Sacad Muuse, waxaanu Lix iyo tobanka Suldaan, Cuqaasha, Wax-garadka iyo Odayaasha kusoo dhaweynaynaa furitaanka Shirka Hoodaale ee Beelaha Sacad Muuse danahooga kaga arinsanayaan, madasha Shirka Hoodaale oo aanu hawl kasoo haynay sidii Salaadiintu nagu amartay..”

Intaa kadib waxa faaqidaada iyo doodda habsami-u-socodka Shirku ku wareegay hoggaanka Dhaqanka Beelaha Sacad Muuse, waxana hadalka isaga dambeeyey Lix iyo toban (16) ka mid ah Salaadiinta Beesha iyo Cuqaal tiro badan. Waxana bud-dhiga ajendaha Shirka laga dhigay mid ku kooban arimaha Dhaqanka oo ka madax-bannaan arimo Siyaasadeed, iyo sidoo kale in muddada Shirku socdo oo dhan toban Maalmood hoggaanka Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Wax-garadka iyo Aqoonyahanku ku lafo-guri doonaan Maslaxada iyo danaha Dhaqan ee Beelaha Sacad Muuse.

Suldaan Mawliid Cali Ibraahin oo ka mid ah xubnihii madasha ka hadlay, waxa uu iftiimiyey ujeedada Shirkani ugu fadhiyo Beelaha Sacad Muuse, waxana ka mid ahaa ereyadiisii; “..Sidii Beelaha Somaliland ugaga soo tashadeen Shirarkii Gar-adag, Daallo iyo Dubur aayahooda dhaqan, ayuun baan annaguna [Sacad Muuse] uga tashanaynaa aayahayaga ee cidna ugu tashan mayno. Haddii aanu in badan dhinaca Xadaaradda ku maqnayn, hadda waxaanu u soo noqonaynaa dhinacii Dhaqanka..”

Waxa kaloo iyana Suurtogashay in doodda ajendaha Shirka bannaanka laga dhigo in lagu faaqido arimaha Siyaasada, qodobkaas oo kow ka ahaa arimihii Shirku u saldhigi waayey, maadaama sidii Shirar hore oo Beelaha Somaliland qaarkood qabsadeen ay ku loollamayaan xubno leh damac Siyaasadeed oo hankoodu gaadhsiisan yahay ilaa heer Madaxweyne. Loollankaas oo ahaa mid si weyn u saameeyey habsami-u-socodka hawlaha Shirka, maadaama afkaaraha Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee Beeluhu badidoodu ahaayeen kuwo la kala taabacsan dhinacyada loollanka Siyaasadu u dhexeeyo. Inkastoo hawlaha qaban-qaabada ee Shirka aan la odhan Karin waxay ahaayeen kuwo ka fayow Xumada iyo xanafta Siyaasiyiinta, balse hadana waxa aakhirkii Suurtogashay in Shirku ku furmo jawi degan oo xasiloon.

Inkastoo sida Duqeyda Dhaqanku ka dhawaajiyeen in Shirku berri ka yahay dhinaca Siyaasada, hadana waxa hubaal ah in loollanka Siyaasiyiinta damacu ku jiro Istiraajiyada u qarsooni ahayd inay hanashada xubnaha daadihinta ama gadh-wadeenka ka noqon doona Shirka. Marka la qiimeeyo furitaanka Shirka iyo hanaan socodkiisa, ayaa dadka Isha ku yahay hawlaha Shirka waxay sed-bursiimada awooda daadihinta Shirka u badinayaan Siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale, halka Mujaahidka loollanku u dhexeeyo Muuse Biixi Cabdi dadka Shirka u dhuun-daloolaa ku doodayeen Xalay ay xubnaha ay jaalka la ahi ku Sim-biririxdeen isku daygoogii furitaanka Shirka ee Sabtidii toddobaadkan.

Si kastaba xaalku ha ahaadee, waxaa Su’aashu ka taagan tahay waxay noqon doonto tallaabada tan xigta ee laga filayo labada daraf midka hamigiisu guuleysto iyo midka hiyigiisii gaabto.

Yool

Bolice-ka oo Xabsiga ku Guray Qoysaska Mujaahidiintii SNM Qaarkood

$
0
0

Hargaysa(Qaran news)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Xabsiga dhigay qaar ka mid ah Qoysaskii ay ka baxeen Mujaahidiintii ku geeriyooday halgankii dalka dib loogu xoreynayey, kadib markii Debad-bax Cabasho isku inay ka hor sameeyaan Qasriga Madaxtooyada.

Debad-baxayaasha oo inta ay ka koobnaayeen aan tiro sugan laga hayn, waxay Cabashadoodu ku saleysnayd culays dhaqaale oo la soo dersay iyo sidoo kale tabashooyin la xidhiidha isbedel ku yimi gunnooyin ay qaarkood ka qaadan jireen Talisyadii ay Raggoogu ka tirsanaayeen, kuwaasoo sitay Boodhan ay ku xardhanayeen hal-ku-dhigyo tilmaamaya in Madaxweyne Mujaahid Axmed Siilaanyo uu hoos u eego cabashadooda, sidoo kalena ka dhabeeyo balan-qaadadii uu bulshada la galay xilligii uu socday ololihii Doorashada Aqalka Madaxtooyadu ee Sannadkii 2010.

Hase-yeeshee, intaan far iyo fool la isla gaadhin, ayaa waxa si kedis ah uga soo dul-degay Ciidamada Booliska, kadibna waxa ay ku khasbeen ka kaxeeyaan goobtii ay ugu talo-galeen Haweenku inay tabashadooda ka dhiibtaan. Inkastoo aanay kala cadeyn in Ciidamada Boolisku Debad-baxayaasha Xabsiyada u wada taxaabeen in kale, hadana War-saxaafadeed Xisbiga UCID uu soo saaray Xalay Saacadihii dambe, waxa uu ku sheegay in Ciidamada Boolisku ay Xabsiga u taxaabeen Haweenkaas.

War-saxaafadeedkaas oo uu ku Saxeexan yahay Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID, Xoghayuhu kusoo qaatay arimo tiro badan, isagoo faahfaahsan waxa uu dhignaa sidan; “..Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID, waxa Maanta [Shalay] oo ay Taariikhdu tahey 18/08/2013 uu War-saxaafadeed uu si kulul ugu canbaareynayaa xadhiga xaqdarada ah ee loo geestey Hooyooyin si salmiya cabasho ula hortagey xarunta Madaxtooyada.

Hooyooyinkaasoo ahaa Hooyooyinkii ay ka tageen Mujaahidiintii naftooda u waaayey Wadankan, iyaga oo doonayey iney cabashadooda u gudbiyaan Madaxweynaha Jamuriyada Somaliland oo ahaa hormoodkii halgankii ragoodu ku naf-waayeen.

Hooyooyinkaas oo tirsanayey in ay Xukuumadu ka gaabisey daryeelidii caruurta ay ka tageen iyo in aan la siin xuquuqdii, milgihii iyo ixtiraamkii ragoodii dhintey dalkan ku lahaayeen. Hooyooyinkaasoo ku sugnaa xarunta Madaxtooyada horteeda, ayaa Ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen iyaga iyo Wariye goobtaa ku sugnaa oo gudanayey waajibaadkiisii shaqo-Maalmeed.

Magaciisana la yidhaahdo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cismaan (Dhaadheere) oo ka hawlgala shabakada wararka ee (Ramaasnews). Haddaba waxaanu cod dheer ku canbaareyneynaa xadhiga xaqdarada iyo Cabudhinta ah, isla markaana lidi ku ah xoriyatul-qawlka Qarankan ee lagula kacey Hooyooyinkaas iyo Wariye Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cismaan.

Sidaa daraadeed, waxaanu Xukuumada xasuusineynaa in markaad ololaha ku jirteen Balan Qaadyadiinii ay kamid aheyd in aad daryeeleysaan agoontii Mujaahidiintu ka tagtey ama (ka dhinteen). Haddaba waxaa ayaan daro ah in aad abaalkoodii ka dhigtaan xadhig. iska daa wax qabad aad u qabataane, isla markaana waxaad xasuusiseen geeridii ragooda, oo ay Maanta [Shalay] ogaadeen iney cidla ka taagan yihiin Xukuumadooda ay isku haleynayeen. Ugu danbeyntii waxaanu Xukuumada ugu baaqeynaa iney si deg-deg ah Xoriyadooda ugu soo celiso Hooyooyinkaas iyo Wariyaha. Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga UCID..”.

Madax-dhaqameedka AWDAL oo Go’aan Kasoo Saaray Shir ay Yeesheen

$
0
0

Boorama,(Qaran news)-Madax-dhaqameedka Beelaha Gobolka AWDAL, ayaa Shalay Magaalda Boorama kasoo saaray go’aamo ay ku gaadheen Shir wadatashi oo ay ku yeesheen Deegaankaasi

Kulan ay y iskugu yimaadeen hoggaanka dhaqanka Beelaha Gobolka Awdal ee Gadabuursi ayaa waxa ay ku shaaciyeen Lix Qodob oo laga soo saaray kulanadii iyo shirar doceedyadii beelahan uga socday Xarunta Gobolka Awdal mudooyinkii u danbeeyay ee aayaha danbe iyo midnimada Beelahan ay kaga arinsanayeen.

Kulankan oo ahaa mid aad u balaadhan ayaa ka dhacay Hotel Haldoor ee Magaalada Boorama ayaa waxaa ay kaga dhawaaqeen Guddi ay ugu magac dareen “Guddiga Midnimada ee Beelaha Samaroon meel kasta oo ay joogaan. Sida uu Warbaahinta u sheegay Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar, Guddigaasi waxay ku shaqeyn doontaa qoddobadan hoos ku qoran oo iyagu kasoo baxay Shirkii Madax-dhaqameedka.

1. Danaha Guud ee beelaha Samaroon meelkasta oo ay joogaanba .

2. Adkaynta, Xoogana Saaraysaa ilaalinta nabadgalyada guud ahaan dalka Somaliland gaar ahaana degaanadan Beelahani ay degaan.

3. Horumarinta dhinacyada dhaqaalaha sida dhismaha dekeda Lughaya oo ay qaban qaabadeedii Socoto,xaga waxbarashada,Caafimaadka iyo sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha Dhaqaalaha.

4. Sidii ay nabadgalyo iyo walaaltinimo kula dhaqmi lahayd beelaha kale ee Somaliland Gaar ahaan Beelaha kale ee ay deris wadaagta yihiin.

5. gudigani waxa ay sii magacawday gudi qaban qaabo oo ku meel gaadh ah kana kooban 9 xubnood oo isku jira xeer beegti,Aqoonaanyahano iyo odayd dhaqameed kale gudigaasi waa gudi qaban qaabo waxaana loo xilsaaray in ay ka shaqeeyaan sidii uu qabsoomi lahaa shirwayne ay iskugu yimaadeen beelaha Samaroon gude iyo dibadba iyo meesha iyo waqtiga ugu haboon ee shirkaasi ku qabsoomayo.

6. Gudigani waxa uu taageero buuxda siinayaa shirarka lagu qabanayo dalalka dibadaha sida maraykanka waxa ayna taageero buuxda siinaysaa shirka iminka lagu qabanayo minisota ee lagu ololaynayo dhismaha dekeda Lughaya waxa ayna farayaan qurba jooga ka soo jeeda Goboladan in ay gacan buuxda siiyaan dadkaas hawlahaas gacanta ku haya.

Yool

Riwaayad masraxeed siyaasadeysan oo xiiso leh:Madaxtooyadeena Karamardha Qaybtii 6′aad

$
0
0

Sheeko masraxeed ka soo baxday magaalada Gurya-Samo, kuna saabsan maamul maalmeedka madaxtooyadeenna Kaaraamardha waxa allifay Daljirka Dahsoon
Muuqaalka 12aad:
madax

Waa maqaaxida Waaheen ee suuqa dhexe, waxa wada qayilaya Cali Guulwade, Xaq-u-dirir iyo Beenmasheege.

Waxa soo gelaya warkii siddeeda ee Radio i dhegeyso ama ha i dhegeysan.

Warka madaxdiisii:

War hadda naga soo gaadhay aqalka weyn ee Kaaramardha ayaa sheegaya in Maarshaalka sare ee aqalka Kaaramardha kaddib markii uu la tashaday ooridiisa Araweelo iyo gacan yaraheeda Raasbutiin, uu xilkii ka qaaday kormeerayaashii Gudaha iyo Dibadda ee aqalka. Qaar kalena isku cayn iyo bayd gooyey. Sida uu noo xaqiijiyey Rasbutiin oo shaqooyin badan ka haya Qasriga Kaaramardha, maarshaalku wuxu uga gol-lahaa isku cayn iyo bayd goyntan si uu u dardar geliyo hawlaha qasriga indhahana uga jeediyo shuqul hoosaadka ay guriga ka wadaan Araweelo iyo acyaanteedu.

Beenmasheege: Dhega, iga walla waa kaa iskaga jaray

Cali Guulwade: Anigu waan sii ogaa xalay baa Raasbutiin ii sheegay

Xaq-u-dirir: Oo intuu masaakiinta eryayo muxuu Raasbutiin u eryi waayey illeen mushkilad aan isaga ahayni guriga kama jirtee.

Beenmasheege: iga walla waad iska tidhi: waar ninyow dee soomaalidu siyaasadda ma taqaano. Raasbutiin maxaa loo eryi waayey bay ku leeyihiin, dee waxa loo eryi waayey, Waxa loo eryi waayey dee!

Xaq-u-dirir: oo waa maxay waxaa loo eryi waayey

Beenmasheege: Dee illeen rag wax ma dheeree waa waxa wax walba loogu dhiibay, lacagtii, maamulkii, taladii, qorshihii, kormeerkii, iyo ku tukashadii xagga sare.

Cali Guulwade: waar yaadheheen waar xishooda, waar ka xishooda madaxda.

Muuqaalka 13aad:

Waxa loo diyaar garoobayaa safar shaqo oo wefdi ka socda qasriga Kaaramardha isu marayaan waddamada jaarka iyo kuwa la sii jiiraanka ah. Araweelo ayaa qoraysa liiska dadka baxaya:

Qor xaaji wefdiga: Cali Guulwade, Beenmasheege, Fara-xadiid, Baaniyaal iyo dee Raasbutiin

Mahaye-moog: naa miyaad waalan tahay, meeye waxgaradkii iyo aqoon yahankii ummaddu, naa dee intani waa intii guriga kaaga shaqaynaysay.

Araweelo: Ma waxad doonaysaa in hadhow ay ceebtaada suuqa kaga sheekeeyaan oo ay yidhaahdaan mahaye-moog waa mahaye-moog iyo maqane-jooge.

Mahaye-moog: naa bal haaye cid kalena ku soo dara illeen dadkan jaaba jaabada ah waa la inala yaabayaaye.

Ma Gafe: Aniguna waan idin raacayaa

Araweelo: waad na raacaysaa Ma Gafow ee iska cun xalwaddaada oo shandada ii hay.

Ma gafe: Dee haa, haddii aad iga tagtid yaa shandadda kuu haynaya sow Raasbutiin kaa xadi maayo.

Mahaye-moog: Naa iga walla in aanan idin raacayn orda idinku taga.

Araweelo: Haddii aad taladayada diiddo dee waanu kaaga tegeynaa ee tasho, cadowgu ha kugu wiirsadee, Baaniyaal, baaniyaal, ii keen dawadii Mahaye-moog.

Mahaye-moog waxa la siinayaa dawadii daalka, kursigaanu ku seexanayaa, khuuuuukh, khuuuukh, khuuukh.

Araweelo: inoo diyaariya baabuurta iyo shandadaha, Mahaye-moog waxaynu toosinaynaa marka la baxayo;e.

Raasbutiin: waaryaa Baaniyaal, kaalay adigaa afka gaalada yaqaanna;e, tolla;ay bahalkaas baa la igu ciilay, bal intaan inaabtigay Dhiigshiil hoos taagnaa maan wax barto. Waar u dir email qoladii Huteelka HIILTOL, u sheeg ha inoo banneeyeen 7 qol, Mahaye-moog u qabo qol special ah oo uu keligii seexdo illeen waa Maarshaalkii reerkee.

Baaniyaal: oo 8 baynu nahaye, adigu xaggaad seexanaysaa?

Raasbutiin: Waxba kaama geline, 7 qol booking garee. 7daas mid uun baan ku tukan doonaaye.

Baaniyaal: Ganda khela, dirt game baa ka socda meesha
La soco qeybo kale oo xiisa badan
Ahmed Adan
daljir222@yahoo.com

 

 

Qaybtii 5′aad  haday ku dhaaftay xagan hoose ka akhriso.

Riwaayad masraxeed siyaasadeysan oo xiislo leh:Madaxtooyadeena Karamardha Qeybtii 5aad

Read More

 


Waxaan idin weydiinayaa Mudaharaadyadii lagu oogi jiray Rayaale ma qabyaalad bay ahayd mise Siilanyaa kharash bixinaayey?

$
0
0

Waxaan kula talinayaa Madasha Wadatashiga iyo Toosinta in Qarankan dhiigbaxayo !‏

Waxaan salaamayaa dhamaan mareegaha xorta ah jecelna in ay baahiso xaqiiqda qaranka aan jecelnahay in lagu hago. Waxaan ka xumahay in maanta inagoo dalka cidi ina heysan aynan ku mudaaharaadi karin Madaxweyne Ahmed Mohamed Siilaanyo. Waxan layaabanahay Madaxweynaha Maanta jiraa mudaaharaadada malacagbuu isticmaali jiray oo shacabka isbadalka ay doonayeen beenbuu ahaaa mise run buu ahaa.

Haddii uu isbadalka run ahaaa lama eryeen rag badan xukuumadiisa Siilaanyo ku jiro maalintii la eryo waa ay kici lahaayeen waayo madaxweyne kasta lama sugi karo shansano.

Waxaan shacbiga dib u weydiinayaa Mudaharaadadii lagu oogi jiray, Daahir Riyaale kaahin ma qabyaalad ayey aheyd mise qarash ayey ayuu Siilaanyo bixinaayey ama wadaniyad ayaa jirta waa la garan layahay . Maxaa maanacay maanta ?

waxaan jeclaan lahaa anigoo ku hadlayo xisbiga UCID EE KENYA Waxaan si buuxdo u taageersanahay in Madasha wadatashiga iyo toosinta in si buuxdo loo taageero.

haddii dowlada dhageysan weydo in odayaashaa aduunka lagu ceebeen Mudaaharaad aysan Dowlada xamili karin lagu fuliyo waxaan ka xunahay shacbiga tahriibaya iyo afar wasiir uu madaxweynaha heyb la wadaago lacagtii dalka guryo kaga iibsanayaan london iyo Dubai shacbi guul gaari meysaan inta afar wiil reerka lacag lasiiyo iyo afar oday shaarmadoobaad ah idin hortaagan yahay.

kalsoonida ay kaga baqan weydo xukuumada shacbiga ay ku tamashleyneyso codkii umada taasi canaanta Malahan xirsi iyo qeyrkii waxaa leh shacabkii codka dhiibtay inta ay dibada u baxaan Xukuumada ha weydiiyaan codkoodii Xirsi xaaji cali iyo qeyrkii umey dhiiban walaal sidaaa awgeed.

waxaan ugu baaqayaa banaan bax nabad galyo aan loo kala harin ilaa xukumada maanta jirtaa haddii lagu eegto ay dumeyso qaranka maanta jiraa.

Madooneyno dalka in uu naga dumo lexejecelo ayaa naga heysa. qabiilna target noo ma ahan waxaa muhiim ah umadeena isbadalka dooneyso runta loosheego in dalkii dhabaha ay doonayeen isbadalka uu ka leexday hadaan sidan uga aamusno xukumada maanta jirtaa waxay noqoneysaa in aan qabiil aan dooneynay aanan dooneyn isbedel taas oo ay umada iyo ilaaheyba nagu naci doonaan taas oo ah Daahir Riyaale Kaahin in aan ku eryaneynay qabiil ayey noqoneysaa marka waa in aan qarankaan loogurmadaa aysan noqon xaalkeeno kala jecleysi shaqsi ama qabiil.

waxaan ku baqayaa dalkaan Somaliland curdinka ah in aan lagu wadin oday iyo laaluush uusan dawo noo aheyn ay dawo noo tahay sharci iyo kala danbeyn.

Ahmed Bashiir Mohamed (Ahmed,Safari)
REPRESENTATIVE OF UCID PARTY KENYA
somalilandfirst@live.com
+254722819048

Wasiir Samaale oo Golahii Wasiirada Siilanyo ka wada cadhaysiiyey!.

$
0
0

Wasiir Samaale oo Golahii Wasiirada Siilanyo ka wada cadhaysiiyey!.
samale

Waxa la yaab ku noqotay ooy ka siman yihiin Wasiirada siilanyo istus iyo shaashada TVga ooy iska daawadaan. Taas oo ay ku kala badan yihiin waxa ay horseeda inay fariimaha iyo talooyinka ay si rasmi ah oo gooni ah uga wada hadli lahaayeen inay Warsaxaafadeed ku dhiiba iyagoo dhinaca iska dhigey nidaamkii dawliga ahaa.

Haddaba nuddooyinkan waxa si joogta ah u muuqday Wasiirka Maaliyadda oo sheegaya arrimo ay ahyd in Golaha Wasiiradu ka shiraan. Taas wuu dhaafay oo waxuu u gudbey inuu dhammaan Wasiirada iska baalmaro oo uu toos ula xidhiidho Agaasimayaasha Guud ee ka hoos shaqeeya wasiirada. Waxa la yaab noqotay isagoo siyaasaddii miisaaniyadda ee Golaha Wasiiradu u xilsaarnaayeen kala shiraaya Agaasimayaasha.

Hadda Wasaaradda Maaliyaddu Agaasino Guud ayey leedahay oo ahaa kolka Golaha Wasiiradu dhammeystiraan qaabka iyo qaybinta miisaaniyadda inuu hoos ugu daadajiyo agaasimayaasha. Kaasna wuu ka dul booday oo isagaa keli noqday Golaha Wasiirada, isagaa isla markaasna ah Wasiirka Maaliyadda haddana noqday mar kale Agaasimaha wasaaradda Maaliyadda.

Waxa dunida lagu akay ma aha nin keli isau xilsaaray hawlo ay cid kale ku magacaabantay, isla markaas aan helin ciqaab kaga timaada cida u xilsaaran ilalinta nidaamka iyo sharciyada u dejisan dalka. Xilkan waxa gabay waa oday Axmed Madaxweynaha oo kaalintiisi ka maqantay iyo Xildhibaano aqoon darro ay u weheliso calooshood u shaqaystinimo ka dhigatay doqonno aan dareen lahayn.

Waxa haddaba soo baxaaya warar sheegaaya in Wasiirada inta waxgaradka ihi ka gadooday arrintan ooy u arkaan inay dhabar jab ku tahay wada shaqaynta xukuumadda iyo kala xadeynta xuduudaha Wasaaradaha. Waxa la sheegey inay rag dareenka lihi ay aad uga cadhoodayn, bal se qaboojiyaal Wasiiro ah oo la wadaaga qardajeexa Samaale ayaa isku dayaaya inay arrintan dambabasaan kana dhigaan mid aan sidaas u cuslayn, waayo iyagaa iyana sidan ku dhaqma.

Aan u digu wadaadka midabka badan ee is leh Xirsiga Labaad noqo. Ogow xirsi meesha dhalasho ayuu ku joogaam tabtaad heysaana waa tii cayshisay Wasiir Duur oo waliba halka haynta ay marwada islaamo wadaagaan. Meesha barqab qudha looga baahan yahay ee aasha soco, haddii kale hebeen badhka adoon waxba laguu sheegin ka dhageyso idaacadda amba foon degdeg ah ayaad ka helo qaar aad saaxiibo u haysato bal se maalintaas ku farxi doona. Alle maxaa munaafaq kugu xeeranm waaba kuwii bur kasta ka soo boodaym cid walba la saftay, laabtooda iyo afkuna ayna isba aqoon.

Madaxweyne waan kuu duceeya oo kaala hadhimayo tan iyo inta Alle ku tusaayo kuwa aad xilka u dhiibtay dhibta ay nagu hayaan iyo sharciga sidey ugu tumanayaan.

Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail.com

London: Xildhibaankii ka baxay Kulmiye ee ku biiray Wadani Qaybtii Labaad Oo uu kaga hadlaayo arimaha shiidaalka xukumaddana ku dhaliilay habka ay u gashay Daawo

$
0
0

London,(Qaran news)- Xildhibaan Ibrahim Jama Ali oo ka tirsnaa xisbi xaakimka Kulmiye isla markaasina uga soo baxay gobolka Sanaag ayaa gabi ahaanba iska casilayxisbigaasi Kulmiye isla markaasina maalintii doraad ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee Wadani.

Hore waxa aynu u daawanay ama dhagaysanay qaybtii horeee barnaamijkani kaasi oo uu kagadayriyay xaalada uu dalku uu maraayo, qaybtani waxa uu ku soo qaatay sida qaldan ee ay xukumaddu u maamulayso arimaha shidaalka waxana uu ka dayriyay habka ay wax u socdaan.

Qaybtii 1′aad halkani ka daawo hadii ay ku dhaaftay

Laba-Aan Is-qaban: Dardaarankii RAYAALE Iyo Duruufaha Maanta Qaybtii 7′aad

$
0
0

Weli waxaynu ku gudo jirnaa Tusaalayaashii aynu ku iftiiminaynay Waajibaadka bulshadu ka filayso Xukuumada Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taasoo ah mid labada dhinacba faa’ido u leh. – Waayo.? Haddii bulshadu Xukuumada ka sugto ama u aragto waajibaadka ay xaqa ugu leedahay, iyadoo marxalada waqtigaa tahay midii horumarka. Dhinaca kale, waxay Xukuumadu kaga badbaadaysaa ku Xisaabtanka xaqa iyo waajibaadka waqtiga la joogo, doodaha iyo eedaha kaga imanaya Siyaasiyiinta iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Sidaa darteed, haddii aynu intaa ku dhaafno Tusaalahaa oo kooban, iyo sidoo kale Warbixintii ku saabsanayd duruufihii Cahdigii Xukuumadii Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur).

Bal qadar kaloo kooban aynu is dul-taagno kaalintii Xukuumadii Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal kasoo qaadatay dib-u-dhiska Qarankan Curdinka ah ee 18-kii May 1991 – mar labaad dib uga curtay dhulkii hore uga tirsanaa Jamhuuriyadii Soomaaliya, kana koobnaa labadii Gobol Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya. Runtii uma baahna faahfaahin dheer doorkii Marxuum Cigaal ku lahaa yag-leelka Qaranka Somaliland, balse inagoo ka eegayna ujeedadeena dhismaha iyo Kaalmihi Maamuladii hore kasoo qaateen dhismaha haykalka dawlad-nimada Somaliland, Marxuum Cigaal arimaha biyo-kama-dhibcaanka ah ee lagu xasuusan karo, waxa kow ka ah – hubka dhigistii, ka Shaqeysiinta hay’adihii Dawlada iyo Suurtogelinta iyo u diyaar-garowga Cahdigii kala-guurka ee hannaankii ku dhisnaa Axdi Beeleedka iyo hayaanka nidaamka Xisbiyada badan, arimahaas oo ah kuwo laf-dhabar iyo hal-bowle u ah abuurista Qaran u diyaarsan dhismaha hannaanka dawlad-nimo. La soco Caddadka dambe ee wargyska Yool

Wasiirkii Hore ee Maaliyada SL oo soo bandhigay Jawaabta uu liqi waayey oo ku saabsan Su’aal uu sheegay inuu Wasiirka madaxtooyada ku weydiiyey Madal ay ku kulmeen

$
0
0

Wasiirkii Hore ee Maaliyada SL oo soo bandhigay Jawaabta uu liqi waayey oo ku saabsan Su’aal uu sheegay inuu Wasiirka madaxtooyada ku weydiiyey Madal ay ku kulmeen
Hargeisa-(Qaran-news)-Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland Eng.Maxamed Xaashi Cilmi haatana ka mid ah Asaasayaasha Golaha wadatshiga iyo toosinta Qaranka xukumada Siilanyo ka sastay ayaa shir Jaraaid oo ay maanta Hargeisa ku qabteen kaga hadlay Qodobo doora oo kuseeya wadahadalada u socda Somaliya iyo Somaliland iyo Su,aal uu sheegay inuu Wasiirka madaxtooyada Xirsi maalin dhaweyd madal ay ku kulmeen ku weydiiyey iyo jawaabtuu siiyey.
xirsmxashi
Ugu horeyna Eng.Maxmed Xaashi wuxuu ka dayriyey wadahadalada in muddo ahba soo jiitamaayey ee u socda somaliya iyo Somaliland oo uu ku sheegay inay yihiin madhalays aan wax natiijo ahi ka soo bixi doonin,Somaliland-na ku khasaartey maadabay shirarka Somaliya loo qabto dhex fadhiisato,in shirarka Somaliya laga qeyb galaana tahay denbi Qaran.
Geesta kale wuxuu sheegay Eng.maxamed Xaashi in Ergada ama gudida uga qeyb gelaya Somaliland wadahadalada noqdaan dad mudakar ah ,oo qaran ,oo la xulay lana wargeliyo oo loo sheego waxay miiska la tegayaan iyo xad aanay dhaafi Karin balse aan la wargelin maalinta dhoofayaan maalinta ka horeysa sidii hore u dhici jirtay.
Sidoo kale maxamed Xaashi wuxuu ku dooday in mar uu wasiirka madaxtooyada xirsi cali x.xasan madal ay ku kulmeen ku weydiiyey Su’aal ku saabsanayd in xukumada Siilanyo ee uu ka tirsan yahay jebisay qodobaka 38aad ,xarafkiisa B ee dastuurka Somaliland oo ka hadlaaya Badda,Hawada iyo Isgaadhsiinta Somaliland uu khilaafsan heshiiskii ay Turki ku soo galeen, wuxuu sheegay in Xirsi meel kale ka fur-kudiyey oo tusaale ama misaal uga dhigay in Somali republic iyo Somalida Itoobiya oo col ahi ku heshiiyeen inay wadagaan Hayada Ayaxa.
Isku soo wada duuboo wuxuu Eng.Maxamed xaashi soo jeediyey in hayadaha samafalka ee Somaliland ku jooga magaca somaliya laga saaro dalka.
Qarannews
Hargeisa

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>