Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Caynaan fardood laguma karo caalin taw yidhi: “Dhaaxaad ladnaydood,sidaad aar libaax tahay, talaabada ladhadheysey, waadiganse liitee, leexadu ku sidatee

$
0
0

“Dhaaxaad ladnaydood,

sidaad aar libaax tahay,

talaabada ladhadheysey,

waadiganse liitee,

leexadu ku sidatee

hadba laan cuskanayee,

liibaanteed adduunyada,

ruuxna laasan maayee,

maxaa luray naftaadii.”

Wasiirkii hore ee arrimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga , oo loo tudhay, haddanu ka abaal ka dhacayn, haatana ah wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga oo uu ku ladhan xildhibaan Cal Haybe oo u dudaya madaxtooyada, ayaa booqasho ku tagey gebiley, siday warbaahintu tabeneyso, dhawaan.

Waxaa hortood booqasho ku gala bixiyey gobolka, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha wakiilada, ee codkii dadweynaha ku wacad furay, haatana ah wasiirka maaliyada, oo madaxtooyadu u qoondaysay in Muuse Biixi lagu bedelo oo uu weheliyo xildhibaan Blaki.

Waa yaab! Dad is wada yaqaan, haddana isku duur xulaya. Waa adduunyo gaddoon. Gebiley dhaqan iyo hiddo u malaha isku tar sheegasho, maxaa keenay in la isku ganbadh dhigto? Golahooda deegaanka waa muraayad laga daawan karo in aan tiro iyo tayo la isku faani Karin. Waa wajahad ka tarjumeysa, waayo aragnimadii ay ka heleen tacabka iyo qodaalnimada.

Labadaa booqasho dhexdooda buukaa buuka wareentay oo gobolka gebiley baa la kala safatay, si aan caadi ahayn oo aan hore looga baran.

War jiraaba cakaaluu imman, Labadan booqasho, midi waa gabi dhaclayn iyo maxaa “luray naftaydii, xilkii arrimaha dibada, maxaa la iiga wareeje iyo qaadan waa”, sidaa daraadeed, ka raboo difaaca, ka diidoona yeelkaa. Kolayba aniga xagayga waa dameer iyo labadiisi daan. isma darajo dhaammaan.

Midna waa xigsiisan iyo dumaal ruux loogu ballan qaaday oo dhabarka laga taabtay, iyada oo aan la ogeyn cid arroosan doonta geenyada, hadba kooxi ku qadhaabato, ee ictiraaf la’aanta loogu galmoodo. Kaas oo dad badani ugu heesayaan: “ismoog dhigihii aslaysa, ismana oga. Ismoog dhigihiibay aslaysaa isamana og, yaa u sheega alla yaa ogeysiiya, yaa u sheeg, arooskeen geleyno, aqalkaan dhisayno, yaa u sheega.” Ka raboo difaacaa, ka diidoona yeelkaa. Kolayba xagayga waa dameer iyo labadiisii daan. Isma darajo dhaammaan.

Waxa Ummadda ka dhexeeya laguma kaayaysan karo. Haddiise lagu kaayaysanaayo habrahu kalkoodii wuu dhammaadee, oo way soo wada mareene, Oday ha loo dhiibo. Miyaanay baarqab kaalin gala lahayn, sida Samaale, mise dhabarka ayaan laga dhirbaaxin.

Afkii beenta yaqiin ma hadduu runta baranayaa, taraftoornimadii miyay isa soo gabtay. Wasiir dantiisa gaabani wadaa, Agbar buu ku danbayn iyo tolaay aabbahay goblan iyo shir beleed. Waxaase aad uga liita, wasiir ka dideya shir beeleed, oo aayado quraan ah u daliishanaya, isga oo og in aanu waxba ka duwaneyn shirarkii beelaha kale. Kuwii hore ugu qabsoomay, Gar adag, Daalo, Dubur, gaaroodi, Awadal, Sool, iyo qaar kale oo badan oo heer jilib ah.

Anigu shirarka beelaha midna baalo gaare kuma ih, midna xaaraantinimayn maayo, midna xalaalayn maayo; taasi waa xasarad iyo xag marqid iyo xag maalid, afarta naas ee hasha madax banaanida u abasaxaysa, haddana abeerka ah.

Xaashee ma gayo in aan kala xukumo beelaha Geeska Afrika ee isku heesaaya, ee buunbuuniya waxay ku kala duwan yihiin; ee Ilaahay tusi waayey waxay ka midaysan yihiin ee ay wadaagaan.

Horaa duco la iigala quustay, oo waa la iigu tag waayey in aan beel gaar, u damqado, beelna gaar ahna jidh diido, jilibna daa hadalkiisa, dan iyo muraad toona kama lihi. Kuwaa taa ku daaqana, doodi nagama dhaxayso, maxaa wac haddii aanu isku beel nahay iyo haddaanu kala beel nahayba, aragtidoodu waa maso, wax ma kala duwana.

Waxaan aaminsanahay in ay dhammaantood qaranimada wiiqayaan oo nin dan lihi ku xoogsado, islamarkaana waxaan aaminsanahay in ay dawlad malcuun ah oo maamul xun, tan iyo kuwii ka horeeyeyba, si dadban ugu adeegayaan oo ay u fududaynayaan aragtida gabta ah, ee qaybi oo xukun. Waxaa aaminsanahay in ay beelo isu deegaan ah oo isku gobol ah, oo isku dan ah, abnimo ku kala gurayaan. In taasi waa aniga iyo dan iska sheegayga.

Haddiise aan danayn lahaa shir ku salaysan dan deegaan, oo beelaha wada degan, qaarkood abnimo lagu deyrineyn amma la I weydiin lahaa talo ku saabsan shir beeleedka ka socda, iyo shir beeleedyadii, kan ka horeeyeyba ee aan kor ku xusay, waxaan ku doodi lahaa, sidii timacadde:“Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”.

Waxaan ku sii daba tixi lahaa, tixdii Gaariye ee ahayd:

“Uf anaa idhi qabiilka.

Wuxuun baa ku adeegta

nin iskii kartidii isu taagi kareen

oo u haysta ateero laga hoos galo eeda”.

Intaa kumaan joogeene, waxaan daba dhigi lahaa murtidii Xaaji Adan Af-qalooc ee ahayd:

“Adiga oo tuur leh tooxdin iyo qaalo,

tu kaleeto in aad toosisaa waa tu aan jirin.”.

Weliba waxaan ku sii ladhi lahaa murtiyihii madhaafanka ahaa, ee Faarax Oomaar. Nin rag ahi wuu garanayaa, danayste iyo doqona, ma rabo in aan ogeysiiyo.

Waxaa kale oo aan ku doodi lahaa, sidii Cabdi Muxamed Amiin oo aannu isku ree Arabsiyood ahayn:

”Nin dantiisa gaabani wadaa dood ma uu gayo”, iyo weliba: “Nin qabiil gargaarsadey meela gaadhi maayee, gobonimo nin doonayna guul baa u danbaysee.”

Waxaan shad iyo med saari lahaa murtidii Abwaankii Xasan sheikh Muumin ee ahayd:

“Dhabihii la soo maray nimaan raadkii

dib u dheehan, oo aan dheer ku marin

meeriskii dhiman in uu buuxsho,

dhereg waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa.

Gobanimoo, waxaad gashiyo, waxaad gudaba, garanay oo ruugney, gobanomoo”.

Waxaan cuskan lahaa xikmadii- ma hubo in uu Cali Dhuux ahaa iyo in Adan Carab ahaa- midkoodba, markuu ka yaabay danaystayaasha siyaasada, ee ahayd: “Bal maxuu macneeyuu I taray ministarkaan doortay.”

Waxaan siiraacin lahaa, oo aan tix ka soo qabsan lahaa maansadii deeylada ee Yusuf Xaaji Adan Askari: “Dan yaree iskaashada, dadweynow xisaabtama.”

Waxaan ku xidhi lahaa doodayda, oo aan ku soo gabagabayn lahaa, tixdii saxardiid (jebiye) ee ahayd: “Eedaafkii soo mari ummul baa ilawdee, allaw sahal ammuuraha adigaa aqoon leh.”

Waxba Ayaan qalinkaa ila taraarine, aan ku soo rogaal celiyo booygaan shineynaanayey, iyo ujeedadii aan ka lahaa maqaalkan.

Gobolka Gebiley kuma cusba xildoon iyo qof ka soo jeeda gobolka oo xil laga meeriyey, laakiin waxaa ku cusub qof xildoon ah iyo qof xil laga mareeyey oo kula soo galgasha danihiisa gaarka awgeed dadweynaha gobolka, kala guris qabiil gardarada sokeeyaha, Meeyar iyo guddoomiye gobol oo la kala safta.

Intay dawladda KULMIYE jirteyba, waxaa xilka laga wareejey Nuux Taani Taliyihii ciidanka qaranka. Deyro deero ma hirdiyin, cidi lamay dudin, isna gobolka kulama soo galgalan waayihiisa gaarka ah.

Qaybtii koobaad.

Hamud Duale
ganbar1@live.co.uk


Khliaaf ba’an iyo Guux ka dhex istaadhmay wasiirada Madaxtooyada iyo Ganacsiga Somaliland +Halka sartu ka qudhuntay!.

$
0
0

Khliaaf ba’an iyo Guux ka dhex istaadhmay wasiirada Madaxtooyada iyo Ganacsiga Somaliland +Halka sartu ka qudhuntay!.
Hargeisa- (Qaran-news)- Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah Maxamed C/laahi Cumar ayaa la sheegayaa in uu soo shaac baxayo khilaaf Maamul oo u dhaxeeya kaasoo ku sal leh laba Arrimood oo la sheegay in ay kala yihiin Dakhli Haamaha Shiidaalka ka soo bixi jiray oo Qasnada Dawladda lagu xareeyay iyo Shirkad la sheegay in ay Baabuurta keenayso oo la yidhaahdo Nissan.

Ilo wareedyo u dhuun dalloola khilaafka labada Wasiir ayaa sheegaya in uu ka ka hore ka kacay Wasiirka Ganacsiga oo doonayay in uu cabasho uu ka qabo lacagta Qasnada Dawladda lagu xareeyay oo uu ka hor istaagay wasiirka Ganacsigu taasoo sababtay in ay isku af-dhaafaan, halka arrinta kale ee la siku hayaa tahay Shirkadda baabuurta ee Nissan oo la sheegay in ay doonayso Dalka in ay soo degto, taasoo labada Wasiir midba danaynayo in uu wada shaqayn la sameeyo.

Arrinta hore ee dakhliga Hamaha TOTAL ee Wasiirku saluugsan yahay ayaa ah Kharash uu wasiirkii ka horeeyay Maxamed C/laahi si toos ah u maamuli jiray isla markaana aan ku soo dhici jirin khasnada Dawladda balse markiiw asiirkan cusub la magacaabayay ayw ada socdeen digreetada bedelkiisa iyo tan lagaga hoos saaray dakhligan oo ahaan jiray kharashka loo isticmaalo hawl maalmeedka shaqo ee Haamaha waxaanu ku doodayaa in aanu wadi karayn ilaa loo soo celiyo dakhligaas.

Digreetada Madaxweyne Siilaanyo kaga hoos saaray Dakhliga ayaa u dhignayd in Hawsha Haamaha ay wasaaradda Ganacsigu sii wadayso balse Lacagta Qasnada Dawladda lagu shubayo, wixii kharash ah ee ay Haamuhu u baahdaana loo samaynayo Hab xisaabeed Deg deg ah oo ay Wasaaradda Maaliyaddu maamulayso, arrintaas ayaa sababtay in ay Wasiirka ku keentay inuu war war ka qaado in hawl kharash u baahan uu hore u waayo lacagta loo baahan yahay, taas darteedna aanu isugu halayn karayn.

Khilaafka arrintan ka taagan ayaa u muuqda in uu salka ku hayo isticmaalka lacagtii Total adeega u qaadan jirtay taasoo tan iyo intii Xukuumadda Kulmiye talada haysay aan loo samayn xisaab cad oo ay ku baxdo marka laga reebo dhawrkan cisho ee la yidhi Qasnada halagu xareeyo, taasina ay tahay sababta Madaxdu isugu dilayso.

Ta labaad ee ku saabsan shirkadda ayaya warar xogogaal ahi waaheen u sheegeen in ay Dalka ku sugan yihiin masuuliyiin ka socda Shirkadda baabuurta Nissan, kuwaas oo doonaya in ay dalka degaan, ilo wareed ku saabsan dooda halkaas ka taagana waxa ay sheegayaan in inta badan arrimaha heshiisyada waaweyn ama shirkaduhu inta badan nidaamka ka soo bilaabaan halka u saraysa ama Madaxtooyadda, aakhirkana la soo amro wasaaradaha ay khusayso in ay u sameeyaan qoraalo, arrinta caynkaas ahaan jirtay oo la filayao shirkadda Nissan in ay u soo marayso in ay dalka ku soo dagto ayaa la sheegayaa wasiirka Ganacsigu in uu saluugsan yahay oo uu xiligan maadaama Wasaaradda Ganacsiga Madaxweyne siilaanyo ku daray Maal-gashiga caalamiga ah doonayo in ay isaga hoos yimaadaan si miisaanka wasaaradda loo dhiibay u noqoto mid shilis oo qaban karta adeegaas, balse Madaxtooyaddu sidii caadada ahayd doonayso in nidaamkii hore kula shaqayso.
Wallow aan arrintan si rasmi ah loo ogayn hadana waxay dad si qoto dheer ula socdaa sheegayaan in labada Wasiirba la kulmeen iyagoo doonaya in ay Dalka dajiyaan shirkadda maadaama hore shirkad kale oo caalami ah oo la yidhaahdo Toyota Marril Dalka uga shaqaysanayso.

Sheeko Qosol Badan oo Siilaanyo Ku dhacday !!!

$
0
0

Sheeko Qosol Badan oo Siilaanyo Ku dhacday !!!

Marka hore Waxaan Salamayaa dhamaan Hawlwadeenada Qarannews.com oo ah websiteyada kuwa af Somaliga ku qorma ka Ugu Horeeaya, waxaa iyaguna sharaf mudan bahweynta aan tiro laheyn ee sida joogta ah ugu xidhan shabakada Hadhwanaagnews.com iskuna waydarsada afkarahooga . Markaan uu soo Noqdo Dulucda Hadalkeygaaa.
Maanta waxan Aad uu Yara Jacleystay inaan Dirada Yara Saro wax Aan uu Arkey iney uu Bahantahey in Laga Hadlo

SiilaanyoCalan13
Sida aad la wada Socotaan Airporta Calaamiga ah Ee Berbera Airport oo Si weyn Dib uu Habeyn Loogu Sameyaay Ayaa waxa Dhacday Arin Layaab leh taas oo ah Balan qaad Guulwadeyn Qabyaaladeysan uu sameyaay Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi oo ay isku Reer Yihiin Siilaanyo ayaa waxa uu Balanqaaday Siilaanyo in
Airportka Berbera Marka Dhismihiisa La Dhameeyo Loo Bixin Doono ” Siilaanyo International Airport”

Wasiir Maxamed Xaashi ayaa Maalin maal maha ka mida waxa uu Madaxwene Siilaanyo ku Qanciyaay in Magaciisa loo bixini doonta Airport Ugu weyn Geeska africa ee ku Yaala Magalada Bebrera , Markii uu Wasiirku Balan Qaadka uu Sameyaay Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu Yimi Magalada Berbera wuxu Markiiba La kulmay Odayasha Gobolka Saaxil waxanu uu soo Bandhigay arinkii ahaa in Airport loogu magac daro Madaxweyne siilaanyo , Markii odayashii Maqleen Fikirka Guul wadeynta ah ee Qabyaaladuna ku hoos jirto ee uu Wasiirku wato waxa Markiiba Gudidaa Dan iyo Duco oo uu badan Odayaal Ganacsato ah oo Horumariyaa Gobolka ayaa aad uga biyo Diiday Kuna Gacan saydhay waxayna wasiirka Ugu jawaab Ceel Hadal Duul XUl ah waxayna ku Yidhahdeen ” Hadii Airporta Madaxweyne Magacii loo bixinaayo Labada Madaxweneye ee hada nool waa Daahir riyaale iyo Siilaanyo way uu Siman Yihiin Kii magaciisaba loo bixiyo , Labadana Kii Hor Dhinta ayaa Airport Magaciisa loo Bixini doona ”

inta ka dib wasiirkii waxay ku noqotay arin uu dhaafi Kari wayaay , Markii aya sheekadu halka Mareysay ayaa waxa Maqlay Mareeyaha Dekada Berbera Eng : Cali Xoor Xoor oo isagu ku Caan baxay Guulwadeynta Dawladii Dhalataba , Markii Cali loo sheekay sida ay wax uu dhaceen Cali waxa uu markiiba Balan qaad uu sameyaay wasiirka Duulista iyo hawada kuna qanciyaay inuu Masaajid labada dabaq ah ka dhisi doono Dekada berbera dhexdeeda loona Bixini Doona ” Mujaahid Siilaanyo” Balanqaadka uu Cali sameyaay ayaa waxa uu ka dambeyaay marki uu wasiir Dulusta iyo hawadu ku ceebasan yahey balanqaadkii uu Sameyaay Madaxweynaha oo aan noqon sidii uu Rabay , taasina waxay sabaabtay in Cali xoor xoor uu masajidkii ka dhisey Dekada una Bixiyay sidii uu horey ugu balan qaaday Wasiir Maxamuud Xaashi ” Masjidul Mujaahid Siilaano ” inta taariikhda la og yahey waa masaajidkii ugu horeyaay ee nin siyaasi ah ama madaxweyne somaliland ah soo mara loo bixiyo , xata Goobtii Cibadada hadii Siyaaasad la galiyo Waa Mid Dhib keega leh !!! , Hadaba shacab caqliga saxiibka laha waxan weydiini laha Su’aal taas oo ah , Maamul ku Caan baxay Guulwadeyn Qabyaladeysan Umad ma isku wadii karaa ?

Adnaan Shawahaaye
Holland
Aqoon143@hotmail.com

Hemish Wilson oo ka war bixiyay dhibaatooyinkii ay qaxootigii Somaliland la kulmeen xiligii ay soo laabteen

$
0
0

Hamash1

Hargeysa (Qaran news)- Hemish Wilson oo u dhashay dalka Britain, isla markaana aad u bartay dhaqanka iyo nolosha dadka reer guuraaga Soomaalidu siday u nool yihiin, noloshooda, siday Geella u dhaqdaan, caanaha ay ka helaan, sida looga liso, iyo dhaqanka guurka ee Aroosyada.

Hemish Wilson ayaa sidaa ku sheegay warbixin dheer oo uu ku soo bandhigay carwada Buugta ee Hargeysa oo lagu soo bandhigay guriga hay’adda shaqaalaha dawlada, sawiro aan hore loo arag oo muujinaya Hargeysa oo wada burbursan, xiligii dalka lagu soo noqoday 1991-kii oo aan dad joogin, taas oo dadku dhawr bilood kadib ay bilaabeen inay soo noqnoqdaan iyo sida ay nolashu ahayd, kuwaas oo dadka badankoodu aqal Soomaaliyadii iyo guryihii ay ka dhisteen xeryaha qaxootiga ee dalka Ethiopia ay ka soo furfurteen oo ay Guryahoodii dumay ay ka dhex dhisteen intii ay jiingad ay saaranayeen.

Markii lagu dhawaaqay 18-kii may siday isku badashay noloshu, waxaanu dadka xasuusinayey faraqa weyn ee u dhexeeya xiligan iyo xiligaasi, waxaana ku jiray sawiro ka waramaya dhacdooyinkii taariikhiga ahaa sida gudagalkii SNM ee Hargeysa 31 January 1991 oo SNM guul kama dambays ah ay ka gaadhay iyo ku dhawaaqidii 18kii May. Hemish Wilson ayaa isagu Beer uu ku dhaqo Xoolo oo caanahooda iyo xoolo ahaanba uu ka manaafacaadsado, balse ujeedada ugu weyni ay tahay inuu dhaqanka iyo nolosha Soomaalida ka dhaadhiciyo dadka aan soomaalida ahayn iyo waliba ubadka Soomaalida ee ku dhashay dibada ee aan iyagu arag nolosha iyo dhaqanka caynkaas.

Waxa uu Beertaa uu dalka Ingiriiska uu ka sameeyey ka dhisan Guri Soomaali uu ku sharaxan yahay adeegyada dadka reer miyigu ay adeegsadaan, waxa ka mid ah dadka u taga daawashada qoysaska Soomaalida ee ku nool magaalada London, Bristol, Bermingham. Hemish Wilson Aabihii wuxuu ahaan jiray sarkaal ka mid ah ciidamadii Ingiriiska ee xukumayey Maxmiyadii Somaliland, kaasoo ku dhaawacmay dagaal Talyaaniga iyo Ingiriiska ku dhex maray horaantii Afartanaadkii meel Dacar-budhuq ku dhaw halkaas oo uu ku geeriyooday nin reer Somaliland ah oo magaciisa la yidhaa Cumar ku Joog oo ka tirsanaa askartii Ingiriiska. Ilaa iyo taariikhdaa qoyska Hemish Wilson ayaa waxay aad u danayn jireen xidhiidhkii ay la lahaayeen Somaliland, waxaanu Hemish ka qaybgalay kaalin mudakar ahna ka geystay hawlihii halgankii hubaysnaa ee uu horseedka ka ahaa SNM ee dib loogu xoreeyey Somaliland.

tvsle

Jawaab: Ninka Duur Xulka Ku Yidhi: ‘Rag Waaweyn Oo Mimbarada Fadhiya Ayaa…..’

$
0
0

Haaraanka iyo faanku waa hibo aadamaha badhkood Ribi ku manaysto, waa hanti baadia ah oo nin waliba inta waadaantiisu qaado ayuu hijiyaa; xisaabtana haba yaraatee malaha maba laha.

Bal hadda wasiirkan gacmaha kor u seydhinaya ee ganafkana kor u taagay; daruuraha dul heehaabaya an dareensiino in uu indhaha hoos u yara jeediyo oo dulka iyo hareerihiisana u yara fiirsado.

Sacaadat-ul Wassir, yaa saaxib-ul macaali: Markaad weerar iyo dagaal u heensaysato, warankaaga soyaan samaydiisu yey noqon mid maraaro leh oo riddadiisu adiga ku dib kuu makasho. Halyeyga aad hadalada ku duraysaa iyo inta MADASHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA ku bahowdey, waa muwaadiniin qaranka Somaliland ugu suntan taariikh lama illaawaan oo baal dahab ah ayey kaga jiraan sooyaalkii dib u xoreynta dalka. Cid isku dhererin karta iyo cid hawaysan karta milgaha ummadooda ay ka mudan yihiin midna ma jirto.

Haddaan gaar u soo qaato Muj. Ibrahim Cabdillahi Husseen waa sooma jeestey naftiisana u huray in uu ummaddiisa ka xoreeyo hororkii Afweyne Siyaad iyo huwantii la halmaashay; waa haldoorkii duhur dharaareed qori caaradii ku muquuniyey ciidankii Afrikada madow ugu awooda badnaa. Taariikduna waxay ka markhaati furtey siday xaqdarradii iyo xasuuqii uga guulaysteen.

Haddaan hoos ugu dego hadalada wasiirka Duulista ka soo yeedhay xafladdii furitaanka Egal International Airport, ereyga Tuug sida wasiirku sheegay xag Alle iyo xag aadamaba wuu culeys weyn ayuu ku leeyahay oo waa in uu markhaati yeeshaa. Dib-u-dhiska madaarada Hargeysa iyo Berbera waxa innaga kaalmaysay Dowladda Kuwait adduunkaasi oo warbaahintu ku qiyaastay US$10.00 Milyan! Waxa intaa dheera laba lacagood oo mid ay bixisay Hay’adda ICAO- International Civil Aviation Organisation ee saldhigeedu yahay magaalada Montreal ee dalka Canada, iyo qeyb kale oo ka timid hay’addii maamusha Hawada dalkii la isku odhan jirey Somalia ee fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi oo sida wara xog ogaal ihi sheegayaa nin Kenyaati ihi qandraas ku heysto markii laga soo wareejiyey Addis Ababa!

Waxa muuqata in dhismaha dhabada dayuuraduhu ka haadaan ee Hargeysa aanay haba yaraate fadhiisan karin wax dhaafsan diyaaradaha yaryar een rakaabkoodu ka badnay 50 qof!

Yaa Sacaadat-ul wasiir, yaa saaxib ul-Fakhr wal ictisaas xisaab xidhku isma daboolayee halkay xisaabtu ka qaldantahay? Xajmiga sarta daamurka iyo dhagax jajabka 6ta santimitir ihi ma xamili karaa diyaaradaha rakaabka ilaa 150 qof?

Midna wasiir ha iska indha tirin, lacagta dowladda Kuwait inagu caawisey dowladdii kaa horeysey ayaa bilowday oo markaad taladay xukuumada aad ka tirsantahay la wareegto wey dhmmaystirnayde ee mar qudha bal adiga afkaaga inta ha laga helo.

Derejada ciidamada qaranka waa mid lagu faani karo oo waa horumar la gaadhay, hase ahaate may qumanayn in guddi rayid ihi ka talo bixiso. Hoggaamada ciidamadu waayo arragnimo, karti iyo hufnaanba shaqadooda wey u leeyihiine iyaga ha loo daayo oo kalsooni ha lagu qabo maadaama ay yihiin saraakiil xilka loo igmaday aqoonteedii leh.

Mida bedelaada lacagtii Giimbaarta ahayd ee Togdheer laga isticmaali jirey bal an dowr su’aalood wasiirka ka weydiiyo: Maxaa sababay in shan iyo toban sannadood ka dib ay isticmaalka lacagta Somaliland ka hirgasho Togdheer? Lacagtu waa astaamaha qarannimo, miyaan qarannimada Somaliland magaalada Burco lagaga dhawaaqin? Sida u dhacday in lacagtii qaranku dhaafiweydo luuqa Qoyta-Sheekh, Berbera, Hargeysa, Gabiley iyo Tog-Wajaale? Bedelaada Giimbaarta maxa lagu sar-jaray ee lagu qiimeeyey? Shan iyo Tobanka Sannadood dalku ma wuxu ka koobnaa labada Gobol ee Saaxil iyo Maroodi-Jeex? Ganacsato kumanaan ah oo labadaa Gobol ka soo jeeda ayey lacagtii cusbayd ee Somaliland galaafatay? Muwaadiintaasi miyaan xaq u lahayn magdhow hantidoodii ka luntay iyagoo taageeraya qarannimadooda? Mise sheekadu si kale ayey ahayd?

Jawabaha su’aalaha waxaynu ka sugi wasiir Maxamuud Xaashi.

Ta wasiirku yidhi Biriishkii Hargeysa ayaanu hawshiisa boqolkii shan iyo todobaatan xukuumaddii idinka horeysey ayaa dhammaysey ee marka wax la sheegayo ka kaa horeyeyna intiisa yaan lagaga masuugin illayn milgaha iyo sharafta dowladnimo ayey ka mid tahay.

Gebogebadii:

Bahada Masha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranku ma aha qaar lagu sifayn karo niman dalka burburinya oo iyaga ayaa cid walba uga laxejeclo badane taana maanka ha lagu hay. Talo maroorsi iyo xukun boob midna ma aha ee bal ugu yaraan lix iyo tobanka qodob ey soo bandhigeen jawaab ha loo helo. Haddii ay dhabtahay oo xukuumaddu ogoshay toosin iyo talo wadaag maxaa xukuumaddii ku kalifay in ay weji-ku-macaash miciin moodo?

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
asabeyse@hotmail.com
August 20, 2013

Shirkadda ABCO Oo Qaybo Cusub Ku Kordhisay Hotel Ay Hore Uga Hirgalisay Magaaladda Burco.

$
0
0

BuroHotel2

Burco,(Qaran news)-Shirkadda Ganacsiga ee Abco ayaa qaybo cusub ku kordhisay Hotel Casri ah oo ay hore ugu hirgalisay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ,kuwaasi oo markii hore ka dhinaa Hoteelka .

Shirkadda Abco ayaa Hoteelkan ku kordhisay Qaybta Cuntadda iyo Qaybta Cafeteria ah ,kuwaasi oo ay ka hawlgali-doonaan hawlwadeeno u tababaran ,shaqaddu. .

BuroHotel4

“ Hoteelka Shirkadda Abco ka dhistay magaalada, markii hore waxa uu ka koobnaa Qaybta Hurdada iyo Hoolalka Xafladaha oo si casri ah u qalabaysnaa .

Markaa imika waxaanu ku soo kordhinay qaybo cusub oo Hoteelka ka maqnaa oo bulshadu aad ugu baahnayd ,kuwaasi oo iskugu jira Qaybha Cuntooyinka kala gadisan ,Sharaabka iyo Cofeteria ah oo tayadoodu aad u sarayso ,waxaana ka hawlgalidoona Shaqaale khibrad u leh shaqada iyo soo dhaweynta bulshadda “ Sidaasi waxa yidhi maamulaha Shirkadda Abco ee gobolka Togdheer Cabdi Xasan oo faah-faahin ka bixinaayay qaybahan cusub ee ay ku dareen Hoteelkooda Burco .

Shirkadda Ganacsiga ee Abco oo ah Shirkadda ugu weyn ee dalka keenta Qalabka gaadiidka ayaa ka hirgalisay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland Hoteelo ,Raaxo oo Cari ah kuwaasi ka qaybqaatay kor u qaadidda Bilicda magaalooyinka.

Geesta kale marka laga tago Hoteelkan ay Abco Burco ka hirgalisay ,waxa mudooyinkii u danbeeyay ku soo badanaayay gudaha magaalada Burco dhismayaasha waaweyn ee Fooqaqa ah ,kuwaasi oo ay qaar ka mid ahina socdaan

Halkani ka daawo Qaybtii 3′aad ee xildhibaankii ka baxay xisbiga Kulmiye ee ku biiray xisbiga Wadani

$
0
0

London,(Qaran news)-Waxa aad xagan hoose ka daawataa ama dhegaysataa xafladii doraad xisbiga Wadani ay ku soo dhweeyeen garyaqaan xildhibaan Ibrahim Jama Ali Rayte, oo ka baxay xisbi xaakimka talada dalka xiligan gacanta ku haya ee Kulmiye.

Hore waxa aad u daawateen ama dhegaysateen qaybihii hore qaybtani oo ah qaybtii sadexaad iyo labadii qaybood ee horeba xaga hoose ka daawo.

Halkani ka daawo qaybtii 2′aad.

Halkani ka daawo qaybtii 1′aad

Press release: Social Media campaign urges UK public to mark Day of the Disappeared

$
0
0

· Avatars can be downloaded for use of Twitter, Facebook and other social media

· British Red Cross announces winners of literary competition

· Charity to display giant postcards at shops around the UK

· The International Day of the Disappeared is on Friday 30 August 2013

The Red Cross has launched a social media campaign to commemorate people who have gone missing throughout the world in disasters, as well as situations of violence and armed conflict.

The British Red Cross is asking people to mark this year’s International Day of the Disappeared (on Friday 30 August 2013) by collectively changing their online avatars across social networks to include an empty picture frame that symbolises people who are still missing.

Emily Knox, the British Red Cross head of international family tracing, said: “Across the world, Red Cross and Red Crescent national societies are urging people to mark this special day through the Empty Frame campaign.

“We are looking to harness the power of social networks and encouraging people to share, tweet and engage in discussions on digital media platforms such as Twitter, Facebook, Instagram and other social networks,” she added.

Pictures of the Empty Frame are available online on the redcross.org.uk website, where a ‘social media toolkit’ of downloadable avatars for Facebook, Twitter and other social networks can be found.

The International Day of the Disappeared on 30 August is a United Nations-recognised annual commemoration day for individuals who have gone missing in armed conflicts or other situations of violence and whose fate is unresolved.

Emily said: “Last year the British Red Cross traced and found 240 people from countries all around the world, including Afghanistan, Eritrea and Somalia.

“While it’s hard to imagine what another year of waiting for news and resolution means to the families of the disappeared, this is a time for the Red Cross to show solidarity with them.”

At events across the country, the charity will mark the day with a variety of activities. Selected British Red Cross charity shops across the UK will display a conceptual ‘postcard’ that shows a family sitting beside a semi-transparent father figure. The image suggests how it might feel to live with the uncertainty of having a missing relative. Giant versions of the postcard will also be displayed at nine cities throughout the UK, including Liverpool, Bristol and Glasgow.

Meanwhile the British Red Cross has announced the winners of its literary competition whose theme this year was “Found”.

Louise Hird won the adult competition with her short story, Sophia, while Harriet Gilbraith’s poem – There, Here, Run – came first in the junior category.

All entries including stories, poems or personal accounts were required to be no more than 500 words. There are two categories: adult and young persons aged 16 or under.

The winning entry in each category will receive a £100 Amazon gift voucher. Two runners-up in each category will each receive a £50 Amazon gift voucher


Badhasaabka Togdheer Iyo Qaar Ka Mid Ah Wakiilada Bahda warbaahinta Gobolka Oo Fooda Is Daray.

$
0
0

Badhasaabka Togdheer Iyo Qaar Ka Mid Ah Wakiilada Bahda warbaahinta Gobolka Oo Fooda Is Daray.
Burco-(Qaran-news)-Badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji ayaa Kulan Qado sharaf ah u sameeyay qaar ka mid ah Wariyayaasha ka hawlgala Saxaafadda gobolka Togdheer

Kulanka oo ka dhacay Hoteelka Ramad ee magaalada Burco oo ujeedadiisu ahayd sidii ay Badhasaabka iyo wariyayaasha gobolka Togdheer isu baran la’aahyeen sida uu Xamarji sheegay isla markaana ,dhinackastaa waajibaadkiisa shaqo u gudan la’ahaa ,ayaa waxa ugu hore ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Togdheer waxaana hadaladiisii ka mid ahaa . “ Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aynu maanta kulano maadaama aynu gobolka u wada shaqayno ,Inkastoo ay Wariyayaashii qaar ka mid ahi maqanyihiin ,markaa waxa loo baahanyahay in aynu is barano oo wararka aad gudbinaysaan ay noqdaan kuwo xaqiida ka turjumaaya “ Hadaladaasi waxay ka mid ahaayeen kuwii Xamarji Kulankaasi ka jeediyay.

Sidoo kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Wariyayaal ay ka mid ahaayeen Cabdisalaan Ilkacase ,Bashiir Ibraahim Qayir ,Maxamed Cawad Maxamed,Cabdisataar ,Mustafe Cismaan Iyo Axmed Muuse Sakaaro oo ka mid ah Bahda Saxaafadda ee gobolka Togdheer waxaaney Badhasaabka ku wargaliyeen in uu meesha ka saaro wixii dhaaf-siisan Qado sharafta iyo Isbarashadda ,maadaama ay shaqadooda Suxufi-nimo u madax-banaanyihiin gobolkana ay wada-joogeen .

Geesta kale Kulankan oo ay dodo adag isku waydaarsadeen Badhasaabka gobolka Togdheer iyo Wariyayaasha Saxaafadu ayaa markii danbe waxa laysla qaatay in labada dhinac uu dhinac kastaa shaqadiisa qabsado madax-banaani ,si gobolka loo horumariyo adeegyadiisa iyo codka bulshadda .

Kulankan oo noqonaayay kii ugu horeeyay ee ay badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Wariyayaashani ku kulmaan ayaa waxa , aan ka soo qaybgalin qaar ka mid ah Wariyayaasha ugu Tunka weyn Saxaafadda Gobolka Togdheer ,Sida Wariyayaasha Hon Cable TV ,Universal TV ,Haatuf , Qarannews iyo waliba qaar kale ,kuwaasi oo gudanaayay waajibaadkooda shaqo..
Qarannews
Burco

Sacad Muusow laguma heshiiyo nin meel fadhiya halaga qaado,Midnimadu waa halays barbar taago

$
0
0

Sacad Muusow laguma heshiiyo nin meel fadhiya halaga qaado,Midnimadu waa halays barbar taago

Horta aan hanbalyo u gudbiyo shirka beesha Sacad Muuse ee qabsoomidiisa shakiga badani ku jiray, xukuumadduna tuur iyo tarbiicba isu yeeshay inuu baaqdo. Wey wiiqdey mey se dilin. Waxa lagu khrashgareeyey cashuurtii maatida laga soo xareeyey si loo kala furo oo loo kala jabiyo reerka. Waxay taasi ku tusaysaa fikirka ay xukuumaaddan la wadaagto gumeysiga. Halkay dadka mideyn lahayd wey qaybisa, halkey xisbigeeda dhisi lahayd waxay laacg ku bixisaa dumistiisa, waxay u adeegtaa dano aan la garanayn oo ilaa meelo fogfog laga darawaliyo.

Haddaba aan u dego shirka iyo danta guud. Waxa lagu gartaa xaqqa iyo baadilka waa diidmada shirka iyo wadatashiga oo garab ka socota iyo garabka kaale oo ku kalsoon wadatashi iyo in siyaasad iyo dhaqaale iyo arrimo kasta reerku ka tashado. Beel weynta Sacad Muuse hadday tidhaahdo siyaasad ka tashanmeyno waa u doqonnimo waana aynu kala qaybsanaano una adeegno cid aan beel iyo dal midna u danaynayn. Waxa socod maqaar saar ujeedo badan oo ninka horboodiyaa uu ku kalsoon yahay inuu reerka burburiyo ooyna ka ahyn wax doon bal se hadafkiisu yahay hebel ka riix reerkana ka fogee hebel qarsoon oon reerka ahynina ha dhaxlo.

Haddaba waa suįal ah ma dhacdaa in reer ku hesheeyo nin xil haya oo karti iyo aqoon iyo dedaal ku fadhiistay meel dalka ka dhaxaysa in ay ku midoobaan ka riixistiisa. Waa mid aan dhacayn waana halka qaybtana iyo fashilka shirka Sacad muuse loo maraayo. Waxa lacag iyo been iyo khiyaamo loo sameynayaa waa fursadda Sacad muuse in laga saaro meesha, waligeedna wey jirta khaain lagu shaqaysto oo harag shabeel loo xidho.

Tonimadu waxay ku jirta ninka meel haya een dambi gelin in leys barbar taago oo loo midoobi dhismihiisa iyo in fursadda cad ee inoo muuqata aynu beesha iyo qarankaba uga faa’ideyno. Waxa idin horyaal nin fadhiya goob uu hawl iyo dedaal muddo dheer ah ku gaadhay, meel aynu shalayto koluu KULMIYE mucaaridka ahaa inagu ku dooranay, iyo nin kolba nin kale oo reerka ah meel uu fadhiya loogu adeegsado inuu ka qaado.

Sacad Muuse ha noqodo beel magaceeda ilaalisa oo qaranka ilaalisa oo ka qabata kooxda midabada badan ee kolba u cumaamadeysa nin aan ka gaban dumista iyo qaybinta reerka iyo fulinta agendi hoose oo sir ah kuna lid ah qaranka Somaliland. Meel dheer wax ka eega oo xusuusta halka saaxiibkii xubintii kooxdan ina qasaysa ee reer walba lagu dhex tuuray halkuu maray DUUR. Waana saaxiibka runta ah ninkan isna beeshan qasaaya. Duur waa Wasiirkii Gudaha, xil lagama qaadin ee hawl kale ayaa loo dirtay. WAxa taas cadeynaysa waa tii hore leynoo yidhi oo xukuumaddu ay sida adag u beenisay inuu Xamar tegey, iyadoo waliba leyna yidhi waxuu imanayaa Hargeysa Ramadaanka gudaheeda. Waxa xataa ka hadlay Wasiir Xirsi, maanta waxa la xaqiijiyey inuu Mdaxtooyada dhex fadhiyo. Maxaa loo qariyey wuxuu ahaa nin hawl ku maqan oo la rabay inuu Hargeysa ku soo noqdo oo hawshiisu sidaas u socoto. Wuu kashifmay oo halkan ka dhegeyso maqal iyo muuqaalba.

Sacad Muusow fursadda aad haysaan beelaha kale ma hayaan, waana mas’uuliyad qaran ee Alle heydin tuso inaydun danta guud raacdaan kana qabataan kooxda midbabaley ee ina jaah wareerisaey. Colka Oday dhaqameedka qaybta ku caanka ah dhaameel qaadashada waxaan leeyhay qaata lacagta oo waa tiini hadday idinka maarinsiinweydo laakiin damiirkiina ha iibinina, ku kaca ka cun oo ka codee, taas ayaan dambi idinka raaceyn. Garta u qaada sidey tahay, xaqqana is dul taaga, kana fogaada eexda ku dhisan adduun iyo wax caloosha la geliyo. Danta guud ood ilaalisaan ayaa mustabalkiina iyo kan ummaduba ku jirta.

Madaxweynaha waxaan leeyhahay balanku waa wax culus ee fuli balankii laguugu doortay. Ka dhabee oo xisaabi naftaada iyo magacaaga. Iska jir inaad mar kale ku sifowdo ninkii reerka Sacad Muuse kala daadiyey. Horaad taariikhda ugu gashay xiligii SNM. Waa se tii lagaa dhaafay leyslana gartay in taageero buuxda lagu siiyo oo mideysan. Waxa warku sheegaya inaad aad ugu adkeysatay inaan arrintaas aadan lug ku lahayn, ood waliba tishi si cad Waar Sacad Muusi eed ka ,galimaayo, midnimadiisa danteydu ku jirta, haddana waxa muuqada in Wasiiradaada kuwa ugu culusi ay hashi qaranka joojiyeen kuna hawlan yihiin qaybinta reerka.

Salaamaad dee ka qabo, amba waxa jira tuhunka qaranku qabo inaan talo gacantaba kugu jirin.

Madaxweyne waan kuu duceeya oo maanta waxaan kugu duceynayaa in Alle ka dhigo nin awood u hela inuu balankiisa ficil u rogo iyo in awoodda cidda kaala wareegtay ku tuso ood sida libaax toosay intaad jimicsato habeen badhka aad ka sesiso kuwa kugu dul ciyaariya ood intaad UF tidhaa aad kab iyo xaarkeed isku tuurto. Alle ha ku tuso daalimiinta, ha kaana yeelo nin xaqqa u adeega. Amiin

Sacad Muusana Alle ha ka qabto kuwa lacagta qaranka iyo beenta ku kala tuuraaya.

Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@gmail.com

Maxkamad Mise Makhaayad Nin Leeyahay: Ilaa maalintii Siilaanyo la wareegay taladii dalka waxaa baaba’ay Cadaaladii iyo garsoorkii dalka

$
0
0

Ilaa maalintii Siilaanyo la wareegay taladii dalka waxaa baaba’ay Cadaaladii iyo garsoorkii dalka ,waxaa la iska tuuray Dastuurkii qaranka waxaa la laabay dhamaan shuruucdii dalka, waxaa wadanku qaaday jidkii keli-talisnimo(Rule of one man).

Wasaaradii cadaalada iyo maxkamadihii dalka waxaa Amarkoodii iyo jiritaankoodii la wareegey Qasriga madaxtooyada qofkii la xukumayo waxaa xukunkiisa ciqaabeed amaraya Siilaanyo iyo inta ku xeeran.

Maxkamadihii dalkuna waxay noqdeen makhaayado hoos taga qoyska madaxtooyada,xeer-ilaalintiiiyo xukaamtiina waxay noqdeen kuwo aan jirin amaba aan loo baahnayn.

Maxkamadihii maanta waxay ku shaqeeyaan amarka siilaanyo qofkii la xukumayana waxaa u yeedhiya Siilaanyo iyo la’taliyayaashiisa waa Aalad ay iska leeyihiin oo ku cabudhiyaan wixii nidaamka foosha xun ee siilaanyo ka soo horjeeda.

Marka uu hogaamiye dal waayo kalsoonida shacabkiisa wuxuu u xuub siibtaa keli-talisnimo( Dictatorship)waxuuna xukunka dalka oo dhan ku soo ururiyaa gacmihiisa isagaana noqda sharcigii,waana ta maanta ka taagan Somaliland.

Isku soo wada duuboo maanta somaliland kama shaqeeyo dastuurkii qaranku iyo shuruucdii kaleba,maxkamadihii dalkuna waxay noqdeen makhaayado nin iska leeyahay oo qofkuu doonana xidha qofkuu doonana sii daaya,dalkana nin ayaa ka taliya ee sharci kama taliyo wadankuna wuxuu taaganyahay in uu jarka ka dhaco ama uu dhamaantiis dumaba.

Somalilandcitizen.

Xukumada Siilanyo oo shirka Beesha Sacad Muuse Malaayiin Lacag ah ku kharash garaysay iyo Ujeedada ka danbaysa

$
0
0

Xukumada Siilanyo oo shirka Beesha Sacad Muuse Malaayiin Lacag ah ku kharash garaysay iyo Ujeedada ka danbaysa

Ugu horeyn waxaan salaamayaa dhamaanba bahda saxaafada somaliland waad salaamantahiin.

Kadib hadaan shirka beesha sacad muuse ee dhawaan ka bilowdey degaanka Agabar ee waqooyiga galbeed ee magaalada hargeysa, bal aan is tultaagno sida uu u socdo iyo jawiga iyo waxa laga filan karo ee beeshasi ka gaadhi karto, iyo doorka ay xukumada madaxweyne siilaanyo hogaanka u hayaa ku leedahey iyo sababaha ay u fargaliseyba waxaan rabaa in aan in yar ka idhaahdo.

Shirka beesha sacad muuse waa shir beeleed aan saameyn ku yeelan doonin xukumada siilaanyo ayaan anigu qabaa, waana arin beesha dhexdeeda uun ku kooban, anigoo soo xiganya howlwadeeno shirka ag jooga, waa shir aan marnaba dhibaato u keenayn ummada reer somaliland ee walalaha ah in ay hiil iyo hooba isla barbartaagaan mooyaane.

Hadaba bilowgii shirka beesha, ilaa hadadan uu socdo waxaa ka dhex jira amaba uu la kowsaday khilaafyo iyo is eedeyn, xaga madax dhaqameedka shirkaasi hagaaya dhexdooda ah, walina sida muuqata kamuu xaadarin suldaanka guud ee beelaha sacad muuse iyo subeer awal, Suldaan xassan Suldaan cabdullahi.

1- Sababaha ka danbeeya faragalinta xukumada somaliland ee shirka beesha sacad muuse.

a- Madaxweyne siilaanyo oo wali ka raja qaba in uu dib u tartamo ,inkasta oo uu hada yahey nin da’ah oon laga yaabo in haduu laba sanno oo danbe xilka hayo in aanu mudo kale qaadi karin, ayaa waxaa wali jira tuhun ah in uu jiro dagaal aanu cadaysan oo uu kula jiro ninka sida weyn uu hungurigu uga hayo kursigaasi , dabcan horena siilaanyo laftiisu balanqaado ay wada galeen balse aan si cad wali loo sheegin, run iyo beenba, ayaa wax uu madaxweyne siilaanyo sameystay rag badan oo uu arko in aaney kursigii khatar ku aheyn balse ogol in ay ag joogaan ha ugu horeeyo sheekh samaale.

b- tuhun badan oo ka dhex jira madaxweyne siilaanyo iyo muuse biixi, oon hadana wali soo shaac bixin, balse runtu ay tahey in ay wali jiraan arimo qarsoon, ayaa waxa uu madaxweyne siilaanyo isku dayaaa taloobin badan oo uu rabo in uu isku hortaago dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo uu muuse biixi wado, rabana in uu ku sii sameysto saaxibo siyaasadeed, ayaa waxaa soo shaac baxey in gabi ahaanba xilalkii laga tiryay saaxibadii golaha wasiirada ka midka ahaa ee gudoomiyaha xisbiga loo arkaayey in ay isku dhawaayeen, isagoo taa badalkeeda madaxweyne siilaanyo soo xero gashadey rag badan oo uu u arko in ay muuse biixi col na noqonkaraan marka laga hadlaayo xukumada, si uu uga cadheysiiyo mujaahid muuse biixi cabdi.

c- Sababaha aan labada qodob ee hore kagaga hadalney oo jira ayaa shirka beesha sacad muuse waxaa loo arkey mid uu muuse biixi abaabuley, taasina waa ta keentay in koox suldaano ah oo toos ugu xidhan wasiirka maaliyada iyo madaxtooyadu ay qardo jeexaan diidaan in suldaanka guud ee beesha subeer awal oo loo arkaayo nin ay muuse biixi isku jufo yahiin ay gabi ahaanba ka horyimaadaan, iyagoo fulinaya danaha xukumada madaxweyne siilaanyo ee ah in shirku fashilmo, xukumadu waxey bixisay ama lacag xaddhaaf ah , oo uu waliba bixiyay wasiirka maaliyada somaliland cabdul casiis samaale, ujeedada ugu weynaha maahan in cabdul casiis samaale uu isagu wax doonaayo balse waxa uu fulinayaa waa dalabka Oday siilaanyo.

Hadaba waxaan odhanlahaa xukumadu ha ogaato in lala socdo shilinkasta ooy ku bixiso ,hagardaamada ummada walalaha ah dhexdeeda, hana joojiso ficilada caynkaasi ah , sababtoo ah iska horkenka dadka iyo kan ayaa ii fiicnta waxba laguma helo waxaa laga helaa waa xumaan, ee gaar ahaan madxweyne siilaanyo ha ka fogaado, kala gurka iyo qof la safashda uu beesha sacad muuse ka dhex wado ee uu lacagtii dowlada dadka qaar ku maal galiyey qaarna geedka ay galaanba goynaayo.

Maxaa qoloda madaxdhaqameedyada ah looga baahanyay ama la gudboon?

Marka hore hadey jiraan cid siyaasiin ah oo wax ka dhexeeyaan waa in aad heshiisiisaan, ka dib kii gar leh gartiisa siiya, waana in aad ogaataan in ay laba qof isu tanaasuli karaan, balse maahan in idinka sida laba dibi la isku kiin diro ee waa in aad si fiican wax u dhugataan.

Waa inaad talada ku darsataan in guul lagu gaadho wada jirka balse is barbaryaaca iyo xinka waa wax lagu guuldareysto,

waxaad qiimeysaan ragiina hana yeelina kursi nin ku fadhiyo in nin kale oo walalkiis ah lagu liso sababtoo ah taasi waxey ummada u horseedaa colaad, is nac tafaraaruq ee qof kasta xilka uu maanta hayo ka kale ha ku taageero, ogaadana in beesha qofkii rabaa uu taageero weydiisan karo, balse taasi maahan wax dadka lagu qasbaayo e waa xor, yaan xumaan laga dhigin hebel ayaa wax raba.

Waxaan ku soo xidhilahaa qoraalkeyga, intaa qof kale is leedahiin raali galiya, idinku ha is dumina, dadkiina xumaan howga tagin.

Shirka waxaan ka rajeynaynaa guul iyo kii ay ka soo baxaan wax lagu guuleystaa, oo dalka iyo dadkaba wanaag u horseeda.

WQ/ Tahir hussein (xumandiid)

E-mail: waayo_aragman@yahoo.com

Hoos u dhaca maamulka Somaliland maxaa u xal ah?

$
0
0

HOOS U DHACA MAMULKA SOMALILAND MAXAA U XAL AH.

Somaliland oo hoose u dhaca wayn ku yimid xaga maamul wanaaga intii uu Kulmiye yimid yaa ka masuul ah. Sidee se loo dabaqabatayn karaa?

Sida aynu la socono markii Kulmiye xukunka qabtay waxa la magacaabay Gole Wasiiro oo qurba joog u badan. Waxa la filaayay in ay khibrada ay ka keeneen dalalka ay ka yimaadeen inagu soo kordhiyaa oo dawlad tii hore halkii ay kaga tagtay ka sii ambaqaada.

Hadaba maxaa dhacay:

1. Amniga oo ahaa waxa ugu Wayn ee dawladii hore lagu amaano meeshii buu ka baxay.

2. Golayaashii oo sida caalamka kala lahaa muxaafid & mucaarid wuu asqoobay.

3. Xisbiyadii oo burburay oo iyagii isku daba meeraystay.

4. Cadaaladii oo meesha ka baxday oo kala garanayn meesha laga xukumo.

5. Civil Service Iyo political position oo isku milmay

6. Qabyaaladii oo heer aan wali la arag gaadhay oo maraysa yaa reer hebeleey. Xataa wasaaradii qolo ku abtirsadeen.
7. Musmaasiqii iyo lunsiga hantidii umadda oo faan iyo fariidnimo noqday.

8. Wax ma tarihii, jahilkii, mukharibkii, iyo tuuggii oo sii dalacaya. Halka hawlkarkii, daacadii, iyo aqoontii la eryaayo.

Hadaba iyadoon la Koobi karin burburka oo Golayaal, xisbiyo, Wasaaradii, hayadii shaqaalaha, Khayraadkii dalka oo boob ku jira, Hayado Amni, Sharci, Golayaashii Dhaqanka oo uguba daran , Culmadii oo kala fadhida, Qabyaaladii oo xataa maanta aad arkayso Wasaarado reer ku abtirsaday oo degaanka reerkaas soo dhaafin.

Maanta arrinku ma taagna meel sahlan. Meel fayoow ma jirto Guurti bilaa damiir ah, Barlamaan wada danbiila ah, culimo siyaasi iyo xagjir ah. Xukuumad tuugo iyo hanti boob ah. Iyo shacab asqaysan.

Maxaa xal ah? Miyaanay ahayn in aynu inta aynu dib isugu noqono, toosno, iswaydiino maxaynu rabnaa, xagee loo socdaa markaa aynu iska xaadirino Madasha Wadatashiga & Toosinta Iyo Duco qabayaasha Gogosha inoogu baaqay.

Allah ha ina Tuso xaqa iyo sidii roon.

Hussain Abdi Nour
(nhussainabdi@aol.com
London

Wasiirka Arimaha Dibada Oo Sheegay Inay Midowga Yurub Ku Qanciyeen In Somaliland Ka Meeqaam Sareyso Somaliya

$
0
0

Hargeysa (Qaran news) – Wasiirka wasaaradda arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa shirkiisii jaraa’id ee u horeeyay ku faahfaahiyey waxyaabaha u qabsoomay mudada uu xilka hayo, qorshayaashiisa cusub iyo arimaha ay ka mid yihiin wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka oo shalay saxaafadda kula hadlayey huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahiyey sababaha xukuumadda Somaliland u diiday inay ka qayb-gasho shirka dawladda Soomaaliya loogu qabanayo Magaalada Brussels ee dalka Biljamka iyo aragtidiisa la xidhiidha wadahadallada u socda Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka oo ugu horeyn ka hadlaya waajibaadkiisa shaqo iyo sida ay u kala horeeyaan ayaa yidhi “Xilka ugu weyn ee I saarani waa inaan qadiyaddeena iibiyaa, oo aan gees dheer iyo mid hoosaba u fuulo oo aanan ka xishoon waxa danta umaddu tahay, albaab kastana aan garaaco, waxaan aaminsanahay hawl badanbaa inoo qabsoontay oo wadahadallo ayaa ka socda Turkiga, wadahadalladaasi waa bilow fiican, waana guul aynu gaadhnay, Siyaasadda aan ku shaqeynayaa waa mid casri ah, oo ah inaynu la hadallo qof kasta oo dani inagaga xidhan tahay, waana ajandahayga ugu weyn inaynu la xisaabtano hay’addaha caalamka ee ay ka mid yihiin IGAD, AU, Jaamacadda Carab, Qaramada midoobay, Ururka waddamada Islaamka, ururka barwaaqo sooranka, wadamada xubnaha ka ah golaha amaanka qaramada midoobay, dalalka ay taladu ka go’do iyo wadamada aynu deriska nahay, shaqadeyda ugu weyni waa inaan qadiyaddan (qadiyadda Somaliland) iibiyo, waana hawl aan jecelahay inaad igu taageertaan, siyaasadda ay ku shaqeynayaa waa mid caddaan ah oo aan waxba la idinka qarin doonin, markaa inaan idin tixgaliyo oo aad wax ila qabataan ayaan idinka filayaa (saxaafadda), oo aynu gacmaha is wada qabsano haddii aynu nahay reer Somaliland”

Wasiirka arimaha dibada Somalliland, waxa kale oo uu ka hadlay safar uu ku tagay dalka Kenya iyo waxyaabaha uu kala soo hadlay madaxda EU oo ay Nairobi ku kulmeen “Sidaad ogtihiin waxa Madaxwaynaha iyo dawladda Somaliland ku dhawaaqday in aanay marnaba marti u noqonayn meel Somaliya iyo dad kale wada joogaan, Somaliland waa dal madax banaan, markaa waxaanu goosanay in shirka 16-ka bisha September ka dhacay Brussels in aanaan ka qaybgalin, waayo shirkaasi waa shir loo qabanayo dawladda Muqdisho iyo EU, dabcan annagu waanu u baahanahay EU oo dhaqaale waanu u baahanahay oo way nala shaqeeyaan” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Nimankii EU-da ee aanu Nairobi ugu tagnay iyo kuwii Brussels nooga yimidba waxaanu u sharaxnay qadiyadayada, in Somaliland meel sare gaadhay oo halkan maanta Xamar mareyso 17 sano ka hor ayaanu joognay, markaa muhiimada ugu weyn ee aan Nairobi u tagay waxay ahayd taasi, markaa barri (maanta) koox ayay soo dirayaan EU-du, way naga garowsadeen in qadiyadayadu ka duwan tahay ta Xamar, horumarka halka aanu ka maraynaa ay ka duwan tahay, sidaa daraadeed waxaanu ka codsanay inay noola Macaamilaan si ka gedisan ta Xamar, wadahadalladiina way noo socdaan oo waanu ku qancinay, markaa Barrito (maanta) ayay imanayaan EU-da, DANIDA, DFID, World Bank, waxaanuna ku talo jirnaa inaanu aragno oo aanu aad ugu sii sharaxno”

Wasiirka oo la waydiiyey halka uu ku dambeeyay go’aankii Somaliland ku mabnuucday xafiiska UNSOM ayaa ku jawaabay “Waxaad I waydiiseen halkuu yaalaa arinkii Somaliland ee ku lug lahaa xafiiska cusub ee qaramada midoobay (UNSOM) iyo Nickals Kay, horta Nickals Kay waa qof aan aqaano, safiirka Ingiriiska ee Suudaan ayuu ahaa waanu ila shaqeyn jiray, waxa laga yaabaa inaad aragteen isaga oo I tahniyadeynaya, hase yeeshee qaraarka Somaliland ka qaadatay ka midbaan ahaa waanan kala taliyey, waxaanan aamisanahay inaan waxa isaga loo Magacaabay aanu ahayn wax ina khuseeya, in loogu talogalay Soomaaliya hub ka dhigisteeda iyo hawl gaar u ah dawladda Xamar” ayuu yidhi waxaanu intaasi raaciyey isaga oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey waxa uu kala socdo wadahadallo Madaxwaynaha Puntland sheegay inay Somaliland u socdaan “Wadahallada uu Madaxwaynaha (Puntland) leeyahay Somaliland bay noo socdaan dhab ahaan si aad ah ulama socdo wadahadalladu waxay ahayd, laakiin waan soo dhaweynayaa inaynu la hadalno oo wixii inaga dhaxeeya aynu kala hadalno”

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu ka hadlay heshiiskii maamulka hawada “Arinka hawada waxaan u arkaa guul la gaadhay, waxaan Nairobi kula ninka ku xiga Nickalas Kay, arinkan sidii loo gali lahaa ee guddidii (Loo samayn lahaa) sidii lacagta loo qaybsan lahaa iyo in hawsheedii la galo (ayaan kala hadlay), wasiirka hawada Somaliland-na waan kala hadlay oo waanu isku imanaynaa”ayuu yidhi.

Dhanka kale, wasiirka arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ahayd markii ugu horeysay ee uu si buuxda warbaahinta u soo hor fadhiisto ayaa ka cudur daartay in la waydiiyo su’aalo aan khusayn shaqada uu qaranka u hayo, oo la xidhiidha arrimaha beelaha oo ay siyaasiyiinta dalku ku mashquulaan, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi “Haddii la I waydiiyo shirka beesha reer Hebel maxaad ka qabtaa waxaan ka jawaabayo maaha.” Ayuu ku yidhi weriyayaashii uu la hadlayay.

Geeska

War degdeg ah. Xukumada Siilanyo oo Guryahooda kala baxday Ganacsato iyo Culimo caan ka ah Burco iyo halka la geeyay!..

$
0
0

War degdeg ah. Xukumada Siilanyo oo Guryahooda kala baxday Ganacsato iyo Culimo caan ka ah Burco iyo halka la geeyay!..

Burco-(Qaran-news)-Ciidamadda RRU-da iyo SPU-da oo is-garabsanaya ayaa Saaka waaberigii u daatey Guryo ku yaala xaafado ka mid ah magaalada Burco,soona qabqabtay Ganacsato iyo culimo waaweyn oo magac ku leh Togdheer,kuwaas oo loo qaaday ama loo dhaadhiciyey Jeelka Magaalada Hargeysa.

Ilo xogogaal ah ayaa Qarannews u xaqiijiyey in ciidamadu guryahooda kala baxeen Dhawr Qof oo uu ka mid ahaa Sheikh Siciid Axmed Jaar oo ah Ganacsade iyo weliba Shiikh si weyn looga yaqaano Gobolka Togdheer ,waxaa kaloo isna la qabtay Shiikh ka mid ah culimada Togdheer oo la yidhaahdo Ina Caarre.
Geesta kalena Sheikh Maxamuud Cabdilaahi Xagar oo isna ka mid ahaa dadka u qorsheynaa in xukumada Siilanyo qab-qabato ayaa gurigiisii oo ciidamadu u daateen ka waayeen,Hase yeeshee waxay kaxaysteen Caruur uu dhalay oo Arday Isguul ahayd.

Ilaa iyo hada ma jiraan warar rasmiya oo ka soo baxay dhinaca xukumada siilanyo,balse dhawr masuul oo ka tirsan xukumada oo Qarannews xidhiidh Telefoon la sameysayna wey ka gaabsadeen arintaas iyo ujeedada rasmiga ah ee ay Xukuumadda Siilaanyo ka leedahay Qabqabashadda dadkan.

arintu si kasta ha ahaatee qabqabashada ganacsatadan iyo arday- isguul ka dhacday Burco ayaa ku soo beegantay xilli ay magaalada Burco gaadheen,kuna sugan yihiin wasiiro ka tirsan golaha xukumada Siilanyo oo uu horkacaayey Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan ,xubnana ka yihiin wasiirka xanaanada xoolaha iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukumada siilanyo.
Isku soow ada duuboo Sheekh Saciid Axmed Jaar iyo Sheekh Caarre oo ka mid ah dadkii xalay la qabqabtay,Jeelalka Hargeysana loo dhaadhiciyey ayaa xilligii xukumadii Rayaale talada dalka haysay sidan oo kale loo xidhay,Hase yeeshee mudo dhawr cisho ka diba la sii daayey markii waxba lagu waayey.
Qarannews
Burco


Yaa ka masuul ah Dayaca iyo daranyada ka muuqata caasimada Hargiesa Maanta!

$
0
0

Yaa ka msuul ah Dayaca iyo daranyada ka muuqata caasimada Hargiesa Maanta,jawaabta halkan ka daalaco.

Caasimaduhu waa bilicda iyo bidhaanta qaranka,waa muraayada laga dhex daawado hormarka wuu dalku ku talaabsanaayo,waa meesha aduunka intiisa kale ka qaato cabirka iyo qiimaha dalkaas.
Hadaynu nahay shacabka reer Somaliland, waxaynu leenahay caasimad turjunta /matasha gobalada intiisa kale,waa caasimada HARGIESA oo kutaal gobalka M/JEEX, waa xarunta jamuuriyada Somaliland, waa hoyga iyo huga qarankeena , waa goobta laga maamulo qarankeena kana dhisan yihiin dhamaan haaydaha dawlada oo dhan .
waa gobal lex inta nooc ee juquraafi ahaan dalkeenu u kala baxo, xeeb,guban iyo hawd.
Waa gobal ku habooon caasimad madaama wuu leeyahay dhamaan cimila goreedka wuu dalkeenu ka kooban yahay.
Waa gobal ku quman beeralay madaama wuu leeyahay ciid ku san wax-beerashada, waxaana ka bixi kara dhamaan dalaga noocyadiisa kala gadisan.
Mar aan la sheekaystay saaxiibkay oo ku xeel dheer cilmiga beeraha iyo degaanka waxa wuu ii sheegay,in gobalka maroodi jeex wuu leeyahay ciidaha ugu nafaqada badan dalkeena madaama wuu ciidiisu tahay ciid cas, waxaana wuu intaas ii raaciyay in wuu si fiican ugu soo baxayo xoolo-dhaqato beeralay(agro-pastoral), taasna waxa ay wax wayn ka tari kartaa hormarka dhaqaalaha iyo wax soosaarka dalka.
Waa gobal ku quman dalxiis hadii la daryeelo lana dayactiro si looga dhigo gobal leh seero xayawaan oo loo dalxiistago lakiin dadkii ka dhigi lahaa meeyaan.
Hadaba su,aasha in hortalaa waxa weeyi ,caasimada jamuuriyada Somaliland ma leedahay bilicdii iyo quruxdii casimadeed?
Su,asha jawaabteedu waa maya.
Intabadan waxaynu marnaa faras magaalaha caaasimada, waxay indha-heenu halacsadaan ama ay isha laracaan BIR LAYDH OO QALOOCDA,xadh-ka ha laydhka iyo kuwa telephoonada oo isku Milan soona gandooda sida laan curdina ood kala baqanaysidba madax in wuu laydh kaa qabsado.
Jidka wadanaha caasimada hargeisa wax aka muuqda dacyac iyo daranyo farabadan oo bixinaysa sawir gaara taas oo ku tusinaysa sida ay caasimada hargiesi ugu baahantahay hiil qaran iyo mid shacab.
Waxaa kuu muuqanaay marka aad hoos u foorarsatid qashinka,qodhunka iyo qadhmuunka lagu shubaayo wadooyinka SUB-XAANAK.
Nin reer galbeeda oo mar ku yimi safar shaqo jamuuriyada Somaliland ayaa laga waraystay xaalada dalkeena?.
Waxa wuu ku jawaabay.
Somaliland waa dal nabad iyo caano caba oo ku seexda kuna soo toosa, waa dal dadkoodii dhisteen,waa dal mustaqbal I faayo leh, laakiin halkay sartu ka qudhantay waxa weeyi.
Somaliland waxa ay leedahay caasimad hawda ka miinaysan) hadalkaa tafatirkiisu waxa weeyi waxa wuu ka yaabay oo wuu ka fajacay xadhka laydh,kuwa telephoonada oo isku maran soona foorara.
waa hadal dhamaystiran oo ku tusinaaya sida ay caasimadeenu u tahay mid halaysan oo dayacan, dayaceena xildhibanadiii loo doortay caasimada hargeisa.
Waa gole degaan oon lahayn khibrad iyo cilmi ay ku hagaan kuna hagaajiyaan bilicda caasimada si ay caasimadu ula tartanto caasimadaha kale ee jeerkeena.
Hadaad booqatid golaha degaanka caasimada hargeiisa imika,waxaad arkaysaa nidaam la,aanta xildhibaanada ka haysata maamulka iyo maaraynta.
Waxaad arkaysaa xildhibaano umadu u doortay wax qabad iyo shaqo oo sigaaar ku cabaayo xafiisyada hortooda,qaarna shaadhku badhanada u furan yahay ood moodo xabagle ama dib-jir gidaar jiifa.
SUB-XAANAK.
Waa gole umada ay ku khasaartay,waa gole ubadan inta iska qayisha kana sheekaysa mar-fishyada lagu qayilo waqtigana laysku dhaafiyo.
Soomaalidu waxa ay lahayd dhaqan xeel dheer oo ku dhisan cilmi iyo caqli.
Waxayna kala saari jireen cida loo diro afarta maal aduunyo, haday ahaato adhiga,maqasha,lo,da iyo geela.
nin aan maqasha celin Karin, laguna halayn Karin adhiga, ayaa manta layidhaa umad dhan oo dhaqan wax u qabo oo maamul
SUB-XAANAK.

MAXAMED MOOGE LIIBAN(alle ha naxariistee) ayaa laga hayay REER HARGAYSOOW HALKAAD IGA XIGTAAN-BAY DHAXANI IGA-HAYSAA.
M/M: dayac iyo daranyada ka muuqata caasimada hargies.
W/Q: A/rahiim Mohamed elmI(ina-dhaga dheere)
Email: hirsi1994@gmail.com

War-weyn: “UCID-ahaan Waanu U sii Diyaarinay Waadhadhkii & Sariirihii Dhaawaca KULMIYE La Dhigi Lahaa”

$
0
0

War-weyn: “UCID-ahaan Waanu U sii Diyaarinay Waadhadhkii & Sariirihii Dhaawaca KULMIYE La Dhigi Lahaa”.
Hargeysa (OWN)-Gudoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) ayaa ka warramay dhaliilaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo loogu jeedinayo waxqabadyada waqtigan ay ku celceliso inay sameeyeen muddadii ay Xilka hayeen.

Waxa kale oo uu ka hadlay Shirka u socda beelaha Sacad Muuse u socda iyo weliba shir weynaha Xisbiga KULMIYE la filayo inuu yeesho dabayaaqada sanadkan. “Waxaan leeyahey Xadiiska ay isku raacaan Bukhaari iyo Muslim waxa layidhaa Mutafaq waxa kale ee midi Sheegana waxa layidhaa Saxeex, markaa Dhaliisha Xukuumadan waxa isku raacey Mucaarid iyo Muxaafid, waana mutafaq markaa wey jiraan dhaliilahaasiye ee haka xanaaqinna, ee sidii Wax loo toosin lahaa ee aanu anaguna idiinla toosin laheyn Caqligeeda keena”,Sidaa ayuu yidhi Muj. Cali-Gurey oo Waraysi Siiyey degelka wararka ee Hadhwanaagnews.com.

Waxaanu intaa ku daray “Waa nasiib Darro, waayo Siyaasiga Waxaynu u sameysanay Xisbiyo, Waxa nasiib darro ah Siyaasiyiinta Kulmiye ku jirta gaar ahaan kuwa Sacad-muuse waxa iskaga qaldamey Reerkoodii iyo Xisbigoodii, dadku ina ay tartamaan Xaqbay u leeyihiin laakiin waxa fiicnaan laheyd in ay Xisbigooda dhexdiisa ku tartamaan laakiin nasiib darrada maanta haysataa waxa weeye waxey noqdeen badwaan, waayo intay dhibaatadoodii kasoo rareen Xisbigii ayay Reerkoodii la dhex yimaadeen.

Reerkiibay Guddiyo ka kala dhex Sameysteen qolo waliba intay magacii Reerka qaateen ayay yidhaahdeen Reerkiiba shiraya oo ay Shirka yimaadeen Reerka oo baahi qabaana majirto ee niman kuraasi isku eryanayaa Dhibaatadii Reerkaa keenay waana nasiib daro mana qabo in ay midna Guul u hogaaminayso in uu tolkii helo.

ninka Siyaasiga ahi haduu doonayo in uu Guuleysto waxa weeyi tolkaa lama baabiiyo tolkaa la iskuma diro tolkaa lama kala qaadqaado, lama kala riixo ee Waxa la ilaaliyaa midnimadooda iyo Wadajirkooda Sidaasaa adigana ay wax kuugu goyn karyaan, Maanta Waxa Magaalada kajira waad ogtihiin anigu waxaan leeyahey hore ugamaan hadal Mowduucaa hadii ay Kulmiye joojin waayaan Reerkay fadqalalada iyo tolnimada dhexdooda ay burburinayaan Waan ka badheedhayaa arrinkaa waanu ka hadleynaa odoyaasha waanu la hadleynaa Salaadiinta waanu u tageynaa Reerkuna ama Reerbuu noqon oo halkaasaa loo deyn hadduu shirayana isagaa Shiri ama waa lagu kala Guuri oo waxey noqon nin waloba halkaad doonto ka bax.

Annaguna Siyaasiyiin baanu noqon oo anigana Xisbigeyga UCID wixii ila jooga ayuun baan la tashan iyaguna Xisbigoodaa KULMIYE wixii la jooga ayuun bey la tashan, laakiin sida ay maanta wax leeyihiin Siyaasiyiinta Kulmiye iyo kuwa Xukuumadda ku jira Maanta Gabiley wixii ka dhacey waad ogtihiin oo la leeyahey Wasiirkii hore eeArimaha Dibada ayey laba nin oo kale telefoon ka daba direenoo ay yidhaahdeen Maamulkii Gobolka iyo ka Degmadu yaaney Qaabilin, ooMaamulkaasina ka dhuunteen.

waxa laga yaabaa in ay u arkeen in uu kala raacsanyahey ragan Kulmiye isku haysta dee markey ilaa Xukuumadii mareyso waad ogtihiin inta nin ee Xilka laga qaadey ee loo nisbeynayo in ay khilaafka Kulmiye dhexdiisa tahey oo waxa kamid ah Dr. Xuseenkan (Xuseen-Xoog) shaley laga qaadey, sababta looga qaadeyna waxa kamid ah Siyaasiyiinta Ku Loollameysa KULMIYE ayuu kala raacsan yahey.

waad arkeysaa in raga Xukuumada ah ay kala raacsan yihiin Waxaa iyagaa leh, ama Xukuumad haku kalaraacsanaadaan ama Xisbi haku kala raacaan baytal qasiidkeygu waxa weeye Reerka Sacad Muuse layidhaahdaa waa Reer Kulmiyena ma aha Ucidna ma aha Wadani ma,ahaXukuumad ma aha Muxaafid ma aha waa Reerhadii Reernimadaa loo deyn waayo nin walowba waxaad ku leedahaad kaqaadaneysaaye ku talagal”Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.
Mar uu ka hadlayay Su,aal laweydiiyay oo ku saabsaneyd Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee lafilayo in uu qabsoomo Bisha December ee soo socota iyo saadaasha uu isagu kaqabo sida uu noqon doono Shirkaasi waxa uu yidhi Mujaahid Cali Gurey. “Ma Yoomal Qiyaamihii Kulmiyaanku Sheeggaa mise Dhul gariir baan ku tilmaamaa? labadaasuu mid noqonayaaye Illaahay ha u sahlo Qiyaamihii KULMIYE weeye odhan maayo laakiin waxaan leeyahey dhul gariirka ka dhaca kan la yidhaa laba iyo toban ayuu ahaa min qiyaaskiisu inuu noqonayo dhul gariirka Dunida ka dhaca kii ugu qarax badnaa Wuxu ka dhacayaa Kulmiye oo dee anagu halkan Ucid baanu joognaa waanu u sii diyaarinaynaa waadhadhka iyo Sariiraha dhaawacooda la soo dhigi doono.

markaan eego waa dadkala go,ay waa ragaan wadatashi ka dhexeyn waa rag is xiniinyo taabtey, waa ragisu malmal cunsan waa rag aan Waxba wada yeelan karin imika maalin walba waxaadaragtaa dad Xisbi galaya Xisbiga kaliya ee lagalaa waa Kulmiye, waxaasna waa gurmado mid waliba waxa uu hadhow kala raaci doonaa cid markuu qaraxaasi dhacana waxaa imika Kulmiye ku sii qulqulayaa waxaad iga qortaan haduu Shirkaasi dhaco habqanka ka dhaca weydin yaabi, Waxaan is leeyahey Kulmiye ma Shiri karo Diisambar sow may qabsan ma Shirayaan aniga intaa iga Qora kulimye shiri maayaan waxey Shirayaan hadii ay ku tala galeen inay baaba,aan markaa waxaa loo qaatey in ay hadana Yidhaahdaan dibaanu u dhignay Diisambar, waanay soo socotaa waanad maqli doontaan anuu miyaan Kulmiye ahey hadaan idiin sii Sheegayaa, wey ka baqnayaan inay ka baqaana wey tahey inay Shiraan waayo hadey Shiraan waa yoomal-Qiyaamahoodii markaa waa inay iska durkiyaan kolba iska durkiyaan sadex bilood ku dar lix bilood ku dar laakiinwaxey ku qasbami doonaan inta ka horeysa 2015ka inuu u qabsoomo”Ayuu yidhi.

Waxa oo uu ka hadley isagoo ka jawaabaya Su,aal la weydiiyay oo aheyd in uu Madexweyne Siilaanyo Magacaaby xubno Wasiiro ah oo ka tirsanaan jirey
Xisbigii Udub ee baaba,ay Sida Cali warancade iyo Rag kale waxa uu yidhi. “Horta Kulmiye indhihii uu lahaa markii uu Mucaaridka ahaa ma, ahee waxa uu yeeshay Indho kale Wasiiradaas uun ma aha, waxa kale oo jira dad badan oo kale oo Xataa Maamulka Xukuumada ku jira waxa ka mid ah Maareeyaha Dekeda Berbera(Cali Xoor-xoor) Waxa uu ka mid ahaa Shakhsiyaadka Kulmiye iyo Madexweynuhu ay u arkaan inuu yahey dadka ugu xunxun waxaan ogahay Cali warancade iyo Wixii na kala qabsadey Xukuumadii Rayaale markii Diiwaangalintu xumaatey ee aanu laheyn laba Sanadood oo dheeraad ah ayaynu haynaa, ee weynu khasbanahay hadii Diiwaangalintii la sixi waayey in ay Doorashada Galno ilaa Kuwii natiijada Doorashada marayay Kulmiyeba nagamuu helin iyadoo 51%(boqolkiiba kow iyo kontan) nalagaga helay ayaad BBC-da ka Maqleyseen iyagoo leh maanta wax kale

Cali Warancade waa nin khibrad leh, Abgaal inan xun uma aqaan waxaanu aqaan nin xaq uleh oo dadka kamid ah sida kuwan kale oo kama liito raga Wasiirada laga dhigo Cali Warancadena intaasoo dhan ayuu Wasiir ahaa laakiin kuwa xumaha loo adeegsan jirey oo aaney jirin sabab kale oo ay u soo qaateen een xilna loogu dhiibin inuu wax xumeeyo mooyee ayaa jira oo badan imika waxaan yaabaa markaanWarbaahinta dowlada eego ayaan dib Kulmiye u noqdaa

niyow Warbaahinteenuna(Rikodhka) duubista hore ma soo qaataan Kulmiye wuxu ka odhan jirey Warbaahinta Dowlada oo uu Madexweynuhu ka odhan jirey, ee aanu ka odhan jirey hadaad aragto markii ay Madexweynaha noqdeen in ay Warbaahintu ka sii liidato tii hore markaan Kulmiye ahaa Waxaanu ugu necbeyn dad inta Lacag lasiiyo la yidhaa ordoo Tvga Qaranka kasoo caaya Kulmiye iyo Cidii Dowlada wax tidhaa Barnaamijka Waji Ku Macaashka imika waxaad arkeysaa tiiyoo sideedii ah markaasaan idhaahdaa kuwani miyaanu Kulmiye aheyn sow kuwa garanaya dadkii idaacada iyo tvga, ka caayi jirey,

Tusaale Wanaagsan ayaan ku siinyaa Meesha la yidhaa Sheekh Abdaal ayaa intoo lacag la qeybiyay la yidhi hada dadka waxan odhanayaa xaga dambey fadhiyaan kuwan lacagta bixinayaa wey garanayaan inaanu garaneyno kuwa ay yihiin kuwa abaabulayaa wey garanayaan in la garanayo cida soo Abaabushey, waxey odhanayaan waxaad tidhaahdaan Golaha waa Qeyru Sharci waa Qaran Dumis waanu ku mudaharaadeynaa lacagbaa loo dhiibayaa boodhadh baanu sameyneynaa sidii ay barigii hore necbaanjireen Kulmiye sidii baa maanta Qurux badan dadkii caadiga ahaa ee aan waxba ogeyn ee Reer Abdaal marka la yidhaa waa maxey waxan aad sameyseen waa qalad oo adeer mabaanan ogeyn ayay odhanayaan qaarbaa ka xanaqaaya oo odhanaya kulamaan socon anagu waxaasi Dowladu waxey xidhxidheysaa kuwan yidhi kulama socono kuwanay lacagta siiyeen cida soo abaabushey ayaanu garaneynaa cida la raali galinayo ayaanu garaneynaa, ka lacagta siin ayaanu garaneynaa Xumaanta cida wadaanu garaneynaa sidii ay Shaleyba Kulmiye u garanyeen marka Xumaantaas oo kaleJirto,

markaa Waxaan kula talin lahaa Xukuumada waar bal ? Alleysa fiikum Rajlu min Rashiid?,waar aad Xumaanta u taqaaneen goormuu Wanaag idinla Noqdey Su,aashaan jecelahay inaan Weydiiyo Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye wixii aynu shaley Xumaanta u naqaaney ma maantey Qurux badnaaneedeen wixii oodhami”Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.
Qarannews
Hargeisa

Iskudhac deegaanka Gawso’weyne ku dhex maray beelo xagaasi wada dega

$
0
0

Ceel-afweyn-(Qaran-news)-Warar goor dhaweyd Qarannews ka heshay ilo wareedyo rasmi ah ayaa tibaxaaya in maanta dilal ku dhexmareen degaanka Gaws-weyne (Bariga Somaliland) labada beelood ee Sacad yoonis iyo iyo beesha reer Iidleh oo wada dega aagaasi.

Sida xoguhu sheegayaan beesha Sacad Yoonis ayaa laga dilay laba Nin,halka beesha Muuse Abokorna laga dilay hal nin.

Geesta kale ilaa hadda ma jiro wax wara oo ku saabsan iska horimaadkaas oo ka soo baxay xukumaada Siilanyo oo iyadu maalmahanba ku mashquulsan kala daadinta shir beeleed Beesha SacadMuuse uga socda degaanka Agabar.

Hase ahaatee waxa jira dhaq dhaqaaq xoogan oo arintaasi lagu daminaayo oo ay hormood ka yihiin hogaamiye dhaqameedyo, arimaha noocani ah ayaa yaalaa dalka ka dhaca iyada oo xukumadu ay ka saxeetay ka hortaga mushkiladaha noocani isla markaasina ku soo toosta uun marka ay masiibo dhacdo, taasi oo arimaha ka hortaga mushkiladaha noocani ay xukumada Siilaanyo ayna haba yaraatee waxba ka qaban

Wixii warara ee ka soo baxa dhacdadan isha ku hay Qarannews.com

Qarannews
Hargeisa

The Prime Minister has given his backing for Olympian Mo Farah to be knighted

$
0
0
Mo Farah on his way to breaking the European 1500m record at the IAAF Diamond League meeting in Monaco in July
Setting a marker: Mo Farah on his way to breaking the European 1500m record at the IAAF Diamond League meeting in Monaco in July Photo: EPA

 

Farah made British history after he became the first Briton to win both the Olympic and world double long-distance titles.

The athlete won the 5,000m at the world championships in Moscow on Friday and the 10,000m earlier in the week, a year after clinching first place in the same events at London 2012.

David Cameron said: “The Olympic and world double-double is one of the great sporting achievements. If the honours committee were to recommend Mo for a knighthood, I would warmly welcome it.”

The independent sports honours committee, chaired by London 2012 chairman Lord Sebastican Coe, submits names to the prime minister and queen.

Farah was overlooked for a knighthood after the Olympics, although he was appointed a CBE.
Now the Somali-born athlete, who moved here aged eight, could be awarded a knighthood in the new year.

Only Ethiopian runner Kenenisa Bekele has previously won both long-distance crowns at the Olympics and the World Championships.

Farah said after his Moscow win that he hoped to edge towards Bekele’s record-breaking times.

He said: “It would be nice to get closer to the record and the great athlete Bekele has both records. It would be nice to get closer to that, but I haven’t tried too much.

“I’ve just been concentrating on the World Championships and winning medals for my country.”

Farah hailed his World Championships 5,000m win as “definitely the sweetest” of his career, coming only six days after the gruelling 10,000m race had taken its toll on his body

 

 

Source telegraph.co.uk

Maxaa Sababay in Xukuumadu Iska Indho Tirto Musuq-Maasuqa Ka Jira Tv.ga Qaranka.

$
0
0

Qormadii 1′aad:

Waxaan jecelahay in aan akhristayaasha sharafta leh, halkan ugu soo bandhigo habka uu musuq-maasuqu uga jiro tv.ga qaranka somaliland,hadaba saaxiibayaal waxaa hubaal ah in hadii hayad kasta oo dawladeed ku shaqeyso ahaan ah horumarinta danta qaranka oo la iska ilaabo daneysiga gaar ka ah(personal interest) waxaa horumaraya shaqada hayadaasi qaranka u hayso isla markaana shacabka ayaa aaminaya hayadaasi shaqadeedii ka soo baxday.

Waxay muskhiladu tahay akhrsitayaal marka masuul kastaa shaqada uu qaranka u hayo daba dhigo danaysi gaar ah oo qof ay ilmaadeer yihiin u dhiibo shaqada ugu muhiimsan ee dhinaca maaliyada,taasi waxay horseedaysaa inay halkaasi si fudud uga dhacdo musuq maasuq baahsan iyo wax is daba marin, hadaba waxba ayaanan hadalka ku sii dheeraan eh aan u soo dego nuxurka qoraalkaygan, tv.ga qaranka somaliland waa muraayada qaranka laag dheehdo oo hadii wax nusqaan ahi ku timaado qaranka oo dhan ayay ku timid hadii muraayadu wanaagsanaato qaranka oo dhan ayaa wanaagsanaanaya ,hadaba sida la wada og yahay waxaa maareeye ka ah tv.ga qaranka somaliland ninka lagu magacaabo khadar cali gaas oo ah nin qurba joog ah, markii khadar loo soo magacaabay tv.ga qaranka wuxuu shaqadii ka eryey agaasimhii maamulka iyo lacagta ee tv.ga qaranka nin lagu magacaabi jiray Xasan,waxaanu halkisii ku bedelay nin ay isaga ilmaadeer yihiin oo lagu magacaabo GUUXAAYE, hadaba ninkaasi lagu magacaabo guuxaaye wuxuu mudadii uu joogay tv.ga qaranka noqday maayac mushtari weyn isagoo baabuurta bilaamay in uu ka ganacsado, habka uu ninkaasi GUUXAAYE lacagtu jeeb kiisa ugu soo dhacdaa waxa weeti sifo xaraan ah oo ka baxsan hanaanka dawladnimo ,ninkaasi sida lacagta uu ku qaato waxaa ka mid ah isagoo had iyo jeer jeebada ku shubta lacagaha badan ee ka soo xerooda wararka iyo barnaamijyada laga qaado lacagaha, tusaale ahaan waxaa warka hayadaha oo kale laga qaadaa lacag dhan $300. marka intaa laga qaado isagaa foojarka u jara oo shaabada tv.ga qaranka wuxuu ku haystaa jeebada isla markaa lacagatasi wax risiid ah looma jaro ee siday u dhan tahay jeebada ayuu ku xeraystaa weliba inta badan waxaa lacagta loogu shubaa number zaad ah kaasi oo lacagta loogu diro, xitaa sida farsamaysan ee lacagta uu u qaato waxaa ka mid ah ninkaasi GUUXAAYE numberkiisu ma laha zaad ee wuxuu ku sheegayaa number kale oo loogu diro zaadka, waxa kale oo lacago badani ka soo xeroodaan barnaamijyada hayaduhu qabtaan sida siminaarada oo kale waxana laag qaadaa $400. lacagtaasi sida uu tan wararka jeebka ugu shubto ayuu taasina ugu shubtaa, waxa kale oo iyana jirta in lacagaha xayaysiiska ka soo xerooda uu ninkaasi ay ilmaadeerka yihiin maareeyaha uu jeebka ku shubto.

Dhibatada ugu weyni waxay ka jirtaa marka qof wariye ahi soo xereeto lacag dhan $300 wuxuu guuxaaye ka jaraa wariyahaasi lacag dhan 250$ lacagta intaasi dhanna isagaa qaata, waxayna arintaasi in badan dhalisay inay ku dagaalamaan wariyayaasha iyo guuxaaye lacagtaasi basle waxay natiijadu noqotaa madaama oo uu maareeyaha ay ilmaadeer yihiin wariyayaashu wey iskaga hadhaan oo xitaa iyagaa daalac loo racaa taasina waxay caqabad ku noqotay hanaanka shaqo ee tv.ga qaranka .

Akhriste waxaa jira rag badan oo kuraake la ah ninkan guuxaaye waxana ka mid ah taggaasi nin lagu magacaabo ina Saleebaan Weyne iyo ninka hada agaasimaha ka ah wasaarada warfaafinta ee lagu magacaabo C/rashiid Jibriil Yuusuf kuwaasi oo in badan oo shaqaalaha ah ugu hanjabay inay leeyihiin awoodo ay wax ku eryi karaan oo cid kasta oo isku dayda inay amarkooda diidaan waxay ugu hanjabaan inay birta dhaafin doonaan, waana kalmad ay nimankaasi isticmaalaan.

Xafiiska wasaarada maaliyada ee ku dhex yaala wasaarada warfaafintu maaha mid si wanaagsan lacagta uga hela tv.ga qaranka basle wuxuu si wanaagsan uga helaa radio hargeysa lacagta yar ee uu ka qabto xayaysiiska iyo waxyaabaha kale.

Hadaba dad badan ayaan ilaa hada ogeyn sababta ay xukuumada siilaanyo talaabo uga qaadi laadahay musuq-maasuqan baahsan ee ka jira tv.ga qaranka ee kooxda yari ku shaqaysanayso wixii umada ka dhexeeyay waxana mushkilad ah hadii sidan xukuumadu ku sii eegato in musuq-maasuqu ku sii xoogaysan doono tv.ga qaranka somaliland, balse waxaa laha dhawrayaa xukuumada uu hogaamiye madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo inay talaabo adag ka qaato kooxdan yar ee ku shaqaysanaya tv.ga qaranka ee ka dhigay meel dhawr nin ay iska leeyihiin, waxaana muhiim ah inay arimahan ka dhacaya tv.ga qaranka xukuumadu baadhitaan ku samayso si xaqiiqadu ugu soo baxdo oo ay u aragto meesha ay wax ka socdaan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu wacad ku maray markii uu talada dalka la wareegay in uu la dagaalami doono musuq-maasuqa ,isla markaana cid kasta oo ku kacdana sharciga uu hor geyndoono ,dadweynaha reer Somaliland balanqaadkaasi ayay ka sugayaan madaxweyne siilaanyo in uu ku fuliyo dhamaan xarumaha dawlada.

La Soco Cadadka danbe

Qalinkii:Muna Maxamed Jaamac

Email:Muna261@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>