Daawo:Weriye Ku amray Saylaci inuu ka baxo shirka SOLJA oo uu afduuban yahay
F.C.Warabe oo shaaciyey inuu Doorashada 2022 Musharax Madaxweyne yahay ,Kulmiyena la shaqeynayo
Xukumada Kornayl Muuse Biixi oo Saxaafadii S/land,laba Qolo u kala jebisay,Mid ahaana taageertay
Tacsi ku socota siyaasi Axmed Jawhari oo ay hooyadii ku geeriyootay magaalada Sheffeild
Dhibku ma aha diinta Islaamka xalkuna ma aha booliska…..
DHIBKU MAAHA DIINTA ISLAAMKA
XALKUNA MAAHA BOOLIS DHOOR XIIRAH
Waxaa jirta in maanta da’yarta Muslimiinta ahi, gaar ahaan kuwa Dunida Galbeedka ku nooli ay la nool yihiin DIIN Islam layidhaahdo oo wax kasta oo custom u’ah dadka ay kusoo dhex barbaareen amase ay jecelyihiinba kasoo hor jeeda. Waxaa ugu badan ee ay maqlaan waa kalmada XAARAAM, taasoo ku noqotey cuno qabatayn Bulsho ama takoor ka hortaagan waxii markaa qayrkood caadiga u’arkayeen.
Mudo ilaa 30 sanno laga joogo wey yareyd in meelo badan aad ku aragto ama aad ku maqasho kalmada XAARAAM taasoo sababtu tahay in xalaashu badneyd. Waxaase fahamdarada keentey in ummadii dhaqanka xalaasha ah ama wax soosaarkoodu ku saleysnaa dhaqanka xalaasha ah, haday tahay qoys dhaqan suuban leh oo bulsho fiican abuura, adeeg bulsho iyo waxsoosaar dhaqan Islaam ku sar-go’an uu sii dabar go’ayo oo cakiskeedii hareereeyey ama qabsaday aduunka intiisii ugu badneyd. Waxaa xabad-xabad dunida maanta aynu ku nool nahay looga raafay dhaqankii xuduntiisu xalaasha ku dhisneyd, waxaana dhaqankaa dagaal awoodo kala duwan leh kusoo isticmaalay madba’a loo yaqaan DEMOCRACY ga. Marka la qeexayo Democracy waxaa layidhaa waa kalmad Griig ah oo macnaheedu yahay waxay dadku doonayeen.
Markaan hadaba annigu udhabo galey ujeedada iyo macnaha ay ereyada democracy ka kooban yahay ayaa ah mid macno kale iisameeyey oo kaa ka duwan. Aniga oo ereyga Democracy ja-jabinaya ayaan sidan udhigey DE-Mo-Cracy. Waxaan wada ogsoonahay in kalmada Ingiriisiga ah ee DE xaga hore lagaga ladhaa sameyso macnaha ah Dib-uga noqosho sida tusaale ahaan acceleration ( deceleration ) freezing ( defreezing ) icing ( deicing ) mobilisation ( demobilisation ), waxaa qaybta labaad tahay Mo oo anuu aah ufahmey soogaabin lasoo gaabshay magaca Mohamed sida Mo Farah, iyo qayta saddexaad oo ah CRACY laakin dhawaaq ahaan u qormeysa Qoracy una shabahan sida Qoran oo kale. Miyaan hadaba marka laysu soo duuduubo la odhan karin ereygani waxuu ku salaysan yahay dib’uga noqoshada Sunnaha iyo Qaranka ?
Waxaa Raximmullahi Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal dawladnimada Somaliland ku qotonshay dhaqan qayb ka mid ahi isla Dimoqraadiyadu inteedii fiicnayd tahay taasoo uu ka jirey inteedii badan ee xumeyd ee intaas yar ee fiican lagu iibinayey iyo asaga oo intii kale ee dawladnimose rukumada uga dhigey hab-dhaqmaad keenii odey iyo wada arrinsiga hide ku saleysnaa.
Waxaa hadaba faraha kasii baxaya dhaqankii dawladnimo ee noocaas ahaa maadaama oo dhalinta kacday ay lahaystaan dhaqan ka hawo-raaca ah ee Dimoqraadiyadu dhalisey kaasoo horumar iyo ilbaxnimada utusinaya.
Waxaa dhaqan burburka bulsho ee sii burburaya calaamad u’ah dhibta ka taagan fikirka khaldan ee Booliska Somaliland kula dhex jiro dhalin yarta dhaqan gedisku ku yimid ee markaad dhinacooda kasoo fiiriso u’arka hab fashion.
Waxaa ayaan daro ah in Boolisku maqas suuqyada la dhex socdo oo uu dhalinyartii timaha kala dheereysay suuqyada kaga xiirayaan. Arrintani waa mid abuuri karta qaran dumis iyo kacdoomo dhalinta ka timaad ayada oo cadawga Somaliland na hub kasoo dhigan karaan.
Dhaqanka Dimoqraadiyadu waxyaabaha uu halkaas kusoo gaadhey waxaa kow ka ah tacliiminta da’yarta ayada oo manhajyada dawladaha Islaamka la hantiyey. Fikirka noocaas ahi waxa uu ina tusayaa in waxbarashadu tahay habka kaliya ee ummad fikirkooda lagu badalo.
Hadaynu dooneyno ineynu bulsho badbaadino waa ineynu maqasyada iska xereynaa oon maskaxaha isticmaalaa. Waxaa jiri karta in dad badani wax iska weydiiyaan sida ay suurogal unoqon karto laakinse marka wax labadalayo waa labo dariiq mid kood ama labadaba la timaad. Waa inaad aduu fikir abuur tahay iyo inaad fikir kale raac tahay. Dawlada Somaliland waa mid isticmaasha labadan fikir oo isku dhafan, kalana soo dhexbaxda mid dhaqankeeda iyo horumarkeeda bulsho iyo siyaasadeedba ku haboon. Markeynu hadaba rabno ineynu fikir kale raacno waxayno waxbadan kasoo xigan karaa ama kasoo qaadan karaa manhajka waxbarasho ee dhismaha qoyska ee wadanka Malayshiya. Habdhismeedka qoys ee wadanka Malayshiya ayaa waxuu kasoo bilaabmaa tacliinta hoose ilaa ardaygu ama ardayadu noqdo mid ubisil aqoonta reer fiican lagu dhiso ama lagu hogaamiyo. Wiil kasta iyo gabadh kasta oo qaangaadha ama guurmeer ahiba waxay sitaan shahaado tusineysa iney (qualified ) guursan karaan oo ay soo dhamaysteen korsooyinkii guurka khuseeyey.
Waxaan la wada soconaa in maalmahan ay wadanka Iran ay ka jiraan mudaharaado magaalooyinka gilgiley oo lagaga soo horjeedo dharqaadashada ama hab labiska noocyadiisa aanay dawladu raaliga ku ahayn ee ciqaabtiisuna xadhiga tahay. Arrintan ayaa noqotey mid dawkadii ay dib’ugurasho ka sameyso oo ay ciqaabteedii dib uga laabato. In mushkilado noocan ahi ku bilaabnaan dawladeena curdinka ah ayaa noqoneysa mid ay sababi karaan amarada dawliga ah ee aqoon bulsho iyo sharcitoona ku dhisneyn.
Waxaan hadaba dawlada Somaliland ee hada dhalatey kula talin lahaa in waxbadan ka badasho nidaamka Boolisku u shaqeeyo ee sharciga aan waafaqsanayn, iyo guud ahaanba Booliska in laga dhigo dad aqoon sare wata oo sharcigi iyo dhaqanka bulshada wada adeegsan kara. Waa in Boolisku noqdaa qaar dhexgala dhalinyarada oo ka ilaasha in fikir ajaanib lagu dhex abuuri karo. Waa iney karti u yeeshaan khilaaf xalinta iyo hogaanka bulshada, islamarkaana ay fiiro dheer u yeeshaan siyaasadaha ay dawladaha shisheeye waatan ee gabootinka kasoo dhigta hay’adaha United Nations ( UN ) magacoodana ku hawl gala. Waxaa sidoo kale muhiim ah in dhalinyartu ogaadaan in dalkoodu yahay meeshii mustaqbalkoodu yaaley islamarkaana ay dawladooda la fahmaan wadada nabadu iney tahay mida horunarka abuurta taasoo wada shaqayn looga baahan yahay.
By Sociologist Siciid Ciise Ileeye
Xifdiga Quraanka iyo Hayntiisa
Assalamu Calykum walaal
Hadaad kartid sii fidi…Ajar badan ayaad in shaa Allah ka heli.
Barashada iyo ku dhaqanka Quraanka Kariimka ah ajar badan ayaa ku jira. Ajaradaa qaar kamida ka daawo cajaladan.
—
Said Ali Ahmed
Ottawa
Ninka Dhulkii uu ku soconayey Wax Ka Qaban kari Waayey “27Sandood Walina Siduu Yahay La Ogyahay ” Hawadsare Maamulkeedna Haba Sheegin?
Ninka Dhulkii uu ku dul soconayey Wax ka Qaban kari waayey “27 Sandood wali sida uu yahay la ogyahay”Hawadasare Maamulkeeda na Haba Sheegeen?.
Hadii ay run tahay sida ay sheegayaan kuwa isku magaacab inay yihiin Madaxda Soomaliya inay la soo Waregeen maamulka Hawadooda ee sare waa mudan yihiin in loogu Hanbalyeeya laguna ixtrimaa si ilaa Heersare ah.
Hadii balse wax ka soo noqdaan inaan waxay sheegteen inaan waxba run ka aheyn waa waxii ay ku caan ahaan jireen ee 27sandood ay la wareega lan jiriin oo wax la yaab ah noqon mayso ee waxaanu u sheegayna inta beenta walwasha ee aa naan aqoon fiican u lahayn waxay dhaqan iyo ficil soo jireen ah u leeyihiin waa wanaagsan tahay inaad mar uun beentiina iyo aragti yaradiina la kulantaan bal maxaad ka odhaneysaan tan maantan waa doqonimadiin aad ku caan ahaydeen maanta halkan kugu bahdishay,e .Kolna ma qaadanayaan guuldaradood aqoonsin hadalkiisa daaye waxood uun bay hadan sii wadi ileen kama daalan been iyo dariiqyadeed farah badan maalinba mid ku soo saarta hadii aad ka mid tahay kuwa ay hogaanka u hayso ee ay hagto .
Waxaa jirta maah maah tidhaada “Islaan fadhida legdin la fududa” kuwa la dhacsan waxa la xidhiidha arinat Hawada iyo la wareegideed mid Madax ah iyo mid Ummada ka mid ahiba waa islaanta fadhida ee sida yare e fudud ay la tahay Dad legdamaya.
Mar labaad dabcan waxa la ogsoon yahay Somaaliya magac ahaan waa loo yidhaada laakiin ma jirto wax dawlad ah oo dhulka ay bedkiisa sheegato iyo Ummadiiba leedahay ka masuul ahi marka ninka aan dhulkiisi iyo Ummadiisaba gacanta aanu ugu jirin side ayeey ku suurtoobaysa inuu Hawada sare ka hadlo oo dhamaan Mandaqadu kula Wadaagto? ,, Ma laa waxaba ka wanaagsan lahayd iyagoo yidhaad Budhcad badeed ayaa Hawadsare lagu Wareejinayaa? Ma ku doodaysa.
Ala Maxay Xamar Beenta Xaraasta oo Waliba Aaney Xishoodka Aqoonin.
————————————————————————-
Daah furka ay maanta isugu yimaadeen ee ay ku sheegen inay si toos ah laga bilaabo maant in Somaaliy Maamuli doonto Hawadeed ka qabsoomay Garoonka diyaradah eee xamar ma jirin wax saraakiil ah oo ka socday Haya,dii gacanta ku haysay howada soomaaliya ee fadhigeedu ahaa Kenya ee gacant ku haysay mudadii aheyd 27sandood Soomaaliya dhiiga iska jaqaysay ee loagu magaacabo (ICAO ).
1) Hadii ay wax uun ka jiri la haayeen Ha,yada ICAO goob –joog ayeey ka noqon lahayd sababto ah waxay wareejinaysa masuuliyad aad u muhiim tahay Mandaqada Geeska Afrika oo dhan iyo Aduunka intiisa kale diayaradahoodu isaga goosahan geeska afrika iyo inta kale ku xidhiidsan sida africa da kale iyo Bariga dhex ba .
2) Intii halka soo qayb gashay sida ay sheegeen lab hadal oo aan isku mid ahyeyn ayaa lag yidhi goobtii daah furku ka dahacay ee garoonk diyaaradha ee xamar,oo ah in mar ay yidhaadeen maanta laga bilaabo waxii somaliya ah diyaradaheed halkan ayaa lag maamulaya mar kale hadan waxay ku xejiyeen in bil iyo ayaamo ka dib Ha,yadah ICAO si toos ah ugu wareejin doonto. Halkaan ay dood ka imaneyso oo dhaneysa hadiiba aan wali lagu wareejin somaaliya hawadeed balse ay u diyaar garoobayso in lagu wareejiyo maxay tahay daah furida maanta la daah-furaayo in somaaliya hawdeed la soo wareegtaya ? Waxa la odhan karaa waa sidii ninkii tuuga ah ee ka soo xaday Reer joog hilbo iyo subag isku jira lagu kaydiyey ee isagaan hubin isla soo taagay Magaaxi,il yartu is qabatay ee yidhi Maanta waxaan wada subag sixin ah oo jilaal cadaday jooga ee suuq ma loo hayaa ..ee la yidhi ahaa waa loo haya dabdeed nin kii magaaxi haysay yidhi si aan subag u miisno waa in la dhaaliya ee ninkii markuu dabka saaray Hilbihi kaga soo boodeen Ninkii oo Magaaxidii dhex fadhiya oo sheeko goos goos ah wada Ninkii Magaaxido oo cadhaysan yidhi waa ninkaga sheeko beenaali hurgufaya Adiga iyo jooga aad wada horta war ma isu heysaan halkaan Ninkii lagu qabtay markii su,aalo kale la sii wadiyeey inuu soo xadey micnihi waxay meesha laga sheegayo iyo hab-dhaqanka ay ku daadihinayaan waa laba arimood oo wax la wadaga sheekad kor ku xusan waa la wareegnay iyo waa inala ku wareegin doona bilo ayaamo kadib adiguba Caqlaad leedahaye ma kula tahay wax lagugu sheego karo inay wax ka jiraan waxaan kaga gud bayaa warkii jira cakaar ayuu iman baerto Ayaan wax kale la maqlin.
Gudanbeyntii .
===========
Sheekada ay soomaliya kuwa loogu magaacbo madaxdeed la soo gole fadhiisteen waxay ka fog tahay runta iyo xaqiiqda ka jirta Somaliay iyo waxii ku xidiidhsan ,Soomaliya hawo hadalkeed daaye dhulkeed Ayaan lagu haleyn kari la yahay walin ma muuqato wax xal ah oo ka soo naasa cadi .Tusaale yar aan u soo qaadano waxay ka hadlayaan hawadsare ayaan la soo wareegnay waa ta koobaade Garoonkooda ciidamo ay leedahay somaliya oo ilaaliya ma jiran waxa gacanta ku haya Ciidamo Marakanku leeyahay oo ka howl galyey ilaa 12 sandood ee ugu danbeeyay walin ku haya xaga Maamulkan waxa la wareegay Shirkado Turkigu leeyihiin oo adeegyad iyo kal deberka Mush tamac wada un adeega sida maalin ah .2) soomaliya oo dhan iska daayo halka Nimanka madaxda loogu magaacbo joogan waxaa ku gadaam oo amaankeed gacanta ku haya Nimanka la yidhaado Amisom oo maalin walba waa la ogsoon yahay waxnyaalah ka dhac garoonka iyo xerada ay Amisom leedahay Nimanka iyaga ahi ku xareesan yihiin. Marka waxa is weydiin mudan Hawadsare meesha lagu maamulaya waa in amaankeedi yahay mid sugan oo aan shaki iyo xagal daac la soo gudboonaan karin waana in Xukumada Dalka Hogaanka u haysa so buuxda masuuliyadeed u qaadi karta intaana Soomaliya Adigaaba ahadlay,e hadalkeeda na da,aa .
Waxaan ku tilmaami karaa laba mid kood marka hore horta Aduunyada maanta dhibaatadu meesha ay ka jirto uun ayaa wax la la qabtaaye wax haya,yadah aduunak soo go,ay gaar ahaan Qaramada midoobay iyo inta la howl gasha u jeedka laga leeyahay na waa mid laga sii baaran degay nooc kast uu ha noqde .
)2 waxaa igu muuqata waa in si buuxda la yidhaado soomaliay hawadad adiga ka masuul ah maanta waxi ka danbeeya ayado sidan ah waa ruux asago aan seexan riyoonaya sababto ah dhibi kuma jirto in soomaliya hawdeed maamusho balse waxa dhibi ka jirta dhibaatad kale eek a soo gaadahaysa Aduunka kale soomaliya awilb dabka ayeey isa saaratay 27 sandood waa olaalesay walin waa huraya ta an marnab la rabin waxa weeye ka aan isagu is olaalin ee iska ilaaliyeey in waxi kale dhib u keenaya laga ilaaliyo marka Xamar iyo waxii ku abtirsada ee dawaldodu halka tahy waxaan odhan laha marka hore seexda dabdeedna riyad waa suurto gal o ha marka hore nadaam dawladeed iyo amnigiisis mid Ummadeed iyo Dhul iyo bad ba ka adkaad keenana una hogaamsama ka dib hawadasare ka hadla markaas ayaa hadlkeed iyo u hawl galkeedu idila gudboon yahay .
Abokor Mohamud
abokorm@hotmail.co.uk
Bolton Uk
Waa Bilaahi Towfiiq.
================
Daawo:Booliska London oo ka digay tuuganimo casriya oo Haweenku fuliyaan oo ku soo korodhay UK
Gudoomiye-xigeenkii Hore ee Barlamaanka Kenya oo shaaciyey in Somalia laga saaro “eryo” Dublamaasiyiinta u dhashay UAE,Safaaradoodana Albaabada loo laabo?
Siyaasi Kiiniyana oo shaaciyey in Somalia laga saaro “eryo” Dublamaasiyiinta u dhashay UAE & Safaaradoodana Albaabada loo laabo?
Faarax Macallin Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay dalka ka saarto Diblomaasiyiinta iyo danaha Imaaraadka.
Waxaa uu sheegay in ay Caqabad weyn ay ku yihiin Geedi socodka Soomaaliya.
Faarax Macallin ayaa ku sheegay Barta Twitter-kiisa ” Farmaajo iyo Kheyre,ka saara Imaaraadka Muqdisho,Ilaahay dartiis,xidha safaaraddooda”

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Soomaaliya waxaa ka jiray Xaalad Siyaasadeed oo kacsan, waxaana lagu eedeeyay dowladda Imaaraadka in ay taageerto Mucaaradka Xukumada Farmqaajo kasoo horjeeda.
Bayaan Culimada Soomaaliya Ka Soo Saareen Qadiyada Siyaasadeed Ee Ka oogan Muqdisho?
Bayaan Culimada Soomaaliya Ka Soo Saaray Qadiyada Siyaasadeed Ee Ka oogan Muqdisho?


Siyaasi C/qaadir C.Obsiiye oo ugu baaqey Xukumada Muuse Biixi inay laasho heshiiska Saldhiga Milateri Berbera Soona Celiso Wershadii laydhka,Haamaha Shidaalka & Hantida kale ee xukumadii Siilanyo u gacangelisay Shirkado Macaash-doona
Xukumada Kornayl Muse Biixi oo Mamnuucday Xafladaha Xuska Sanadka Cusub ee 2018-ka
Sawirka Todobaadka: Wiil yar oo timihiisa khasab lagaga jaraayo oo ku ooyaaya maxaa Afhayeenka madaxtooyada Somaliland looga jariwaayay timihiisa daawo sawirkiisa iyo wiilkaba
Xuseen Dayr Afhayeenka madaxtooyada.
Caruurtii Ku dayatay Afhayeenka madaxtooyada oo sidiisa u xiirtay oo ilaa shalay ciidan boolisku khasab timaha kaga jarayeen
Tani waa wax qabadkii koowaad ee xukumadda kornaylku ku talaabsato, waana mid argagax ku riday shicibkii iyo waalidiinta
Hawada Somaliland
Madaxweyne Xaruntii Waxbarashada Haweenka Ee Hargeysa Qaranka Haloo Soo Celiyo
Madaxweyne Xaruntii Waxbarashada Haweenka Ee Hargeysa Qaranka Haloo Soo Celiyo.
Xarunta waxbarashada Haweenka ee Hargeysa (Womensclub) ,waxay ahayd Goob waxbarasho oo Sooyaalka Taariikhda Somaliland ku Xusan oo ay ka baxeen Kumanaan Haweenka reer Somaliland ahi ,iyagoo baran jiray Waxbarashada Aaasaasiga ah iyo Xirfado kala duwan oo waxsoo saar Taabo gal ah u noqday .
Waxay ku haboonayd in Horumarin lagu sameeyo Xirfadihii kala duwanaa ee Dumarku baran jireen ,islamarkaana la gaadhsiiyo Xarunta Waxbarashadda Haweenka Goob waxsoo saar .
May ahayn in Marwo Aamina Waris ,ku darsato Xarunta Waxbarashadda Haweenka ee Hargeysa Hotel Cali Jirde ,iyadoo adeegsanaysa Awoodii Madaxweynaha JSL .
Arintani waxay ku Suntantahay Boob Hanti-qaran ,Shacabka Somaliland indhaha ayuu ku hayaa ,sidaa darteed waxaan Madaxweyne si xushmad leh kugu soo jeedinayaa in Xaruntii Waxbarashada Haweenka Hargeysa Dib loogu soo celiyo Qaranka iyo Haweenka Somaliland .
,hadii kale waxay arintani ka mid noqon-doontaa Mahadhooyinka lagu Xusuusan-doono Xisbiga Kulmiye Xukuumadiisa.
By Eng: Cabdilaahi Bootaan Warsame
Maxaad kala socotaa Xaalada Ay Ku Sugan Yihiin Dadkii Ku Caydhoobay Abaartii ee Degmada Duruqsi.
Fariimaha Is Khilaafsan Ee Muuse Iyo Wasiirkiisa Diinta
FARIIMAHA IS KHILAAFSAN EE MUUSE IYO WASIIRKIISA DIINTA.
Madaxweynaha Xukuumada Jeegaanta Baho Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka reer Somaliland ugu hambalyeeyay Dhalashada Sannadka cusub ee Miilaadiga ah ee 2018.
Dhanka kalena Wasiirkiisa Diinta iyo Aw-Qaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa Shir Jaraaid oo uu qabtay ku mamnuucay islamarkaasna sheegay inay xaaraan tahay Dabaaldegyada iyo Hambalyada Sannadka Miilaadiga loo sameeyaa isagoo ku dheeraaday sida aanay u waafaqsanayn Diinteena suuban ee Islaamka.
Waxaase la yaab leh haddii Sunnaha Nebiga NNKH la oofinayo waa arrin wanaagsan oo aan shakhsiyan aad u soo dhawaynayo, Allena SWT aan uga baryayo Dadkeena iyo Madaxdoodaba Inuu xaqqa waafajiyo.
Hase yeeshee waxaa iswaydiin mudan ma jirtaa meel lagu soo weriyay in Cahdigii Nebi Maxammed NNKH ama Xukuumadihii Islaamiga ahaa ee ka dambeeyay sida Cahdigii Abubakar Sidiiq, Cumar Bin Khidaab iyo Cismaan Bin Cafaan tusaale ahaan ay qabsan jireen ama iclaamin jireen Balanqaadyo ku salaysan wakhti cayiman sida 100 cisho ee ugu horeeya waxaanu qabanaynaa waxaas iyo waxaas iwm.
Balanqaadyada wakhtiga ku cayiman (timescales) ayaa ah fikirkayga kuwo laga soo amaanaystay Reer Galbeedka. Waxaa qofka Muslimka ah looga baahan yahay inuu la yimaado Qorshe cad, Dadaal Daacadnimo ku dheehantay iyo fulin buuxda oo hagrasho la’aan ah. Intaas markuu la yimaado wax kastaaba waxay ku fulayaan wakhti macquul ah oo xagga Allah SWT ka sugnaaday, ummada loo adeegayaana ay raali iyo maqsuud kaga noqon karto.
Waxaa kale oo iyana iswaydiin mudan ama Daraasad aqoon ku dhisan u baahan haddii la rabo in Maryaha la xidhanayo ay noqdaan kuwo ku salaysan Dhaqankeena iyo Diinteena suuban, horta waa maryo noocee ah, ma la isla meel dhigay.
Haddii wiilka dhalinyarada ah ee Hargaysa ama Boorame jooga u lebisto sida Jilayaasha filimada Hollywood ka metela ama sida dhalinyarada Dawladaha reer Galbeedka ku nool, bal iyaga ka warama kuwa Madaxda u ah sida Madaxweynaha, Ku-xigeenka iyo Wasiirada u lebisan sida Donald Trump, Putin iyo Macron Suudhka iyo Niiktaynka ku cayuuqan kulaylaha aad aragteen. Kuwani iyagu miyaanay sunnihii Nebiga NNKH baalmarsanayn.
Inuu Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu ka hadlo keliya Dharka dhalinyaradu xidhataa maxay isaga ka sheegaysaa?
Waxay iila muuqataa in Xukuumada Jeegaanta Baho Kulmiye ee Kornayl Muuse Biixi runtii taladu ka baahsan tahay, meel ay wax ka bilaabaana ay garan la yihiin.
Dalka Waxaa ka jira arrimo waawayn oo masiiriya oo sii jiritaankii Somaliland midaysan, madax-bannaan oo Caalamka ka hesha Ictiraaf ama siiba ahaata De-facto state khatar ku ah. Arrimahaas ayaa looga fadhiyay in Xukuumadan loo tanaasulay Qorshayaal wax lagaga qabanayo u keento loogama fadhiyin inay Timaha dhalinyarta ku mashquusho.
Haddii arrinku marayo Timo la isu xiiro, dee Af-hayeenka Madaxweynaha ee Dhafoorada Xiirtana ha loo dhukuro.
Mohamed Aw Yuusuf Guun
Guun51@hotmail.com