Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Djibouti vs Somaliland iyo Siyaasadda Muuse Biixi

$
0
0

Djibouti vs Somaliland iyo Siyaasadda Muuse Biixi

Madaxweyn Muuse Biixi waa madaxweynaha Somaliland oo ah dal cadow badan leh oo dabino badan oo loo dhigay si xirfad leh  uga soo baxay.  Taa mahadeeda ilaahay ka sakow waxa leh hoggamiyaashii kala dambeeyey ee dalkan soo maray.   Waxa hadda muuqata in Madaxweynaha cususbi si gaara ugu rixinayo dal yar oo dersikeena ah oo ay ku nool yihiin dad gaadhahaya nus malyuun qof kana kooban laba qoomiyadood oo midi Somali tahay.  Djibouti waa dal leh daniihisa gaarka ah hoggaankiisuna mar walba danta dalkiisa ka hor mariyo danta cid kasto oo kale, waana sifaha lagu yaqaan hoggaanka toosan.   Waxa hubaal ah inaan Djibouti jeclayn inay soo baxdo Somaliland la aqoonsahahay, marna aanay aqbali karin in dekedda Berbera taabo qaada oo noqoto deked caalami ah oo tartan la gasha dekedaha dalkeeda.  Waxa kale oo meesha iyana ku jirta cadaawada muuqata ee ka dhexeysa Imaraadka iyo Djibouti iyo weliba Imaaraadka iyo Somalia oo aan midkoodna aqbali karin doorka DP World ee Berbera, imaatinka Fly Dubai iyo Arabia ee Hargeysa iyo saldhigga Imaaraadka ee Berbera iyadoo aynu ognahay in Djibouti iyo Somaliyaba gucli ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen dawlado dalalkooda maalgashada oo weliba saladhigyo ku yeesha xilli ay Djibouti ka jiraan shan saldhig oo dalwaddo shisheeye leeyihiin, Somaliyana kii ugu horreeyey Turkigu ka furtay, Djiboutina toddobaadkii hore ku dhawaaqday inay soo dhaweynayso in Turkigu dalkeeda saladhig ka samaysto. Madaxwyene Farmaajo ityo Madaxweyne Geelle labuduba waa ku saxsan yihiin inay sidaa yeelaan waayo danta dalalkooda ayay eeayaan oo meel marinyaan. Laakiin Madaxweyne Muse Biixi ma leeyahay aragtidii madaxweynayaashii hore ee Somaliland oo iyagu si xirfad iyo ku dhac leh uga soo gudbay siyaasadaha Somaliland diidka ah ee ay ka midaysan yihiin Somalia iyo Djibouti si xeeldheeriyana uga   faaiidiistay danaha is diidan ee Imaaradka, Djibouti iyo Somaliya.

 

Iyadoo hadalka suuqa ku jiray muddoyinkii dambe uu u badnaa in Muse uu Djibouti u arkayo wax weyn una haysto nasteexa Somaliland, ayay indhaheenu qabteen toddobaadkii hore wakiilka Djibouti u fadhiya Somaliland oo madaxtooyada lagu maamuusay oo weliba madaxweynaha oo keli ah la fadhiya isagoo is cufaya iyo madaxweyne Biixii oo qosol ku maaweelinaya.  Sida caadiga ah safiiradu waxay la xidhiidhaan Wasaarada Arrimaha Dibedda, wayse jiraan xaalado gaara oo wakiilada dalalka dibedda looga yeedho ama lagu casuumo madaxtooyada laakiin xaalad noocaas ahi hadda ma taalo mana aragno wax gaara oo Djibouti Somaliland u qabatay oo uu wakiilkoodu ku mutaysto in madaxtooyada lagu maamuuso.  Arrintaasi waxay walaac badan ku abuurtay bulshada gaar ahaana aqoon yahanka Somaliland.

 

Madaxweyne Muse waxa lagaaga fadhiyaa inaad ciyaarato siyaasad meel durugsan wax ka eegta sidii ay yeeli jireen madaxweynaashii kaa horreeyey marka kastana aad danta Somaliland ka hor mariso danta cid kasta oo kale.  Yaan dawladaada loo arkin mid meel dhow wax ka eegta oo danaha dal yar oo aynu deris nahay fulisa.   Waa inaad dhiirrideeda yeelaata inaad si cad uga badheedho meelmarinta danaha dalkaaga, Somaliland, xataa haddii ay taasi keenayso inaad qaadato go’aan la mid ah kii uu  qaatay halyeygii weynaa ee CIgaal oo mar albaabada u xidhay xadka Somaliland iyo Djibouti markuu fahmay qorshaheeda ku waajahan Somaliland.  Inay halkaa gaadho ilaahay ka baryi mayno mana rabno, mana muuqataba laakiin hadday xaalad taa kelifaysaa timaado waa inaad  dhiirideeda yeelataa.   Haddiise sida aan maaqlayno waxan ka aragnay ay ku socota, wuxuun baad la mid noqonaysaa siyaasiinta Somaliya ee Afrikaanka danhooda u jooga Somaliya u yaqaanna “Hiil Walaal”, waana nasiib darro weyn.

 

 

By Abokor Barud

 

Abokor Barud 

baruda2006@gmail.com 


Halkani Ka daawo barnaamij khaas ah oo wariyaha rug cadaaga ah ee Hereri ka diyaariyay Djibouti

KILLER FLU EPIDEMIC Aussie flu outbreak leaves just TWO areas unaffected in the entire UK

Laascaanood oo Calanka Somalia laga taagay

Madaxweyne Geelle oo Bogiisa Face-book-ga soo dhigay Qoraal wejigabax ku ah Safarka Kornayl Muuse Biixi & qadiyada Somaliland

Daawo:Farmaajo oo Golaha Wasiirada Puntland gudoomiyey,shaaciyeyna Magaalooyinkuu booqanaayo,Ciduu la kulmaayo+Ujeedadka Safarkiisa Puntland

Dib-u-milicso Weedhihii Xanafta & xajiinta badnaa ee Siilanyo ku saydhay Kornayl Muuse Biixi

Sawirka Akhristaha


Marti-qaadka Jabbuuti ee Muuse Biixi waa ku muraadso.   

$
0
0

Marti-qaadka Jabbuuti ee Biixi waa ku muraadso.                                                                     

 

  Iyadoo gebi ahaanba heshiiskii ay xukuumaddii hore ee Siilaanyo ee indhaha iyo dhegehuba u xidhnaayeen ee heshiiska wiiqan ee MEMERANDUM OF UNDERSTANDING ah (Is faham hore) ah la gashey shirkad niman carbeed oo DP WORLD la yidhaahdo leeyihiin, laguna ansaxsadey boob iyo qaylo iyo laaluush wada socda, uu waddanka geliyey ruxan iyo cadho faro-badan oo dadkii wax arkayey ka muujiyeen ayaa dhibtii weli halkeedii kasii socataa.

    waayo Kulmiye ayaa tegey oo Kulmiye kale ayaa yimi, si kalena ardey ayaa macallinkiisii dhaxley. Waxaynu ogeyn in markii loo dhaarinayey talada waddanka Jabbuuti odeyga Ismaaciil  geelle (weli waa anigii), oo talada waddankaas sidii faataxo la akhriyayo ku cel-ceshada sannadkii 2016 uu ku casuumey madaxweynihii hore ee siilaanyo iyo xubno ka ag dhowaa xafladdii isku caano-shubkiisa.                                                                                                       

 Haddaba ISMAACIILKA GAABAN  oo ay ka go-antahay wax loo yaqaanno SOMALIWEYN  oo uu u  SACYIYO  weliba geed gaaban iyo mid dheerba u koro ayaa si xun u bahdiley weftigii odeyga Siilaanyo iyo Islaantiisa iyo dad kale oo diplomasiyadda caalamka hunge ka ah oo dayuurad raac uun qalbiga ka gashey ku jireen.                             

     Waqtigaa siilaanyo waxaa la fadhiisiyey meel loogu talo galey dadka koofiyad baclayaasha oo madax-dhaqameed soomaaliya looga yeedhey fadhiyeen. Ismaaciil gaab isagu wuu ku raaxeysanayey siduu meeqaamkii Somaliland ula simey gobollada soomaaliya laakiin kuwan kale iyaga ugu dhan mar haddii ay dayuurad sii raaceen oo soo raaceen. Immika dhibtii ninkii gaabnaa weji kale ayuu u beddeley oo wuxuu doonayaa inuu Muuse Biixi u sawiro sawirkale oo ah LIX wax oo dhammaan khiyaamo iyo dhagar ku biyo shubanaya  oo kala ah:

1. In Muuse Biixi loo muujiyo in minanku (jabbuuti) minankqoyskiisa la siiyo DIPLOMAT-PASSPORT  ay fududahay maaddaama baasaboorka Somaliland aan la aqoonsaneyn isaguna arrinka DP iisii yahay oo uu yaraantiisii dhalasho Jabbuuti lahaa immikana in isaga iyo WORLD  oo la sheegey inuu shaki ka muujiyey iyo garoonka dayuuradaha Berbera uu kusii socdo diidmadaas oo Jabuuti ka farxisey.                                                                                                                                  

 2. In Muuse Biixi kolba sanka laga mar-mariyo in Jabbuuti reerkoodu aad u joogo oo marwada koowaad inaadeertii tahay oo xataa reerkoodu wasiirro jabbuuti ku leeyahay sidaas darteedna uu si wacan BARAFKA LA SAARAYO ugu qaboobo oo waxa jabbuuti dooneyso ee ah inuu dekedda Berbera ka eryo Dp world si aaney caqabad ugu noqon dekedda jabbuuti ee DAL-DALKA ah uu ugu khushuuco oo marxabba u yidhaahdo. Dabcan DP World heshiiskeedu riwaayad iyo boob ayuu ahaa laakiin qaab innagu aynu falkinney oo allifney ayaynu ama ku saareynnaa ama ku gilgileynnaa si ay heshiis sax ah noola gasho laakiin inama anfacayo (memorandum of understanding) iyo lacag la qaybiyo iyo jujuub.

 3.In Muuse lagu maslaxdo heshiisyo yaryar oo aan khayr badan lahayn oo qaarkood (VOID) wax madhan yihiin qaarkoodna baahida Somaliland ka jirta ee ictiraafla-aantu sababeyso oo ay ka mid yihiin sida qalab duugoobey oo dawladda jabbuuti aan qiimo badan ugu fadhiyin sida qalab ciidan oo xumaadey, cagafyo gaboobey oo ay ka maarmeen iyo qashin aaney u baahneyn ay usoo raraan iyagoo rinji loosoo marinayo laguna shaanbadeynayo DEEQ INOOGA TIMI ILMAADEERRADEEN JABUUTI IYO ABTIGEEN ISMAACIIL GAAB. Waxaas oo dhan oo jira bal aynu eegno waa maalintii nin ragi QUUDHSI diidi jiraye halkuu ka fadkudiyo odaygii Muuse Biixi ee hoggaaminta waddankan yar kunka khalad u galay si uu u gaadho.                                                                            

4. In Muuse Biixi calooshiisa la baadho oo la ogaado sirtiisa wuxuu ka aamminsanyahay kobcinta dhaqaalaha, la macaamilka caalamka sida maalgelinta debedda waayo jabbuuti waa (ACTIVE COMPETITOR AND GREAT CHALLANGER FOR SOMALILAND).                                                                

 5. In Jabbuuti hesho jihadfa uu u socdo Muuse Biixi markey timaaddo Siyaasadda arrimaha debedda oo uu ku jiro ictiraafka Somali-land si jabbuuti u hirgeliso caqabadaha ay u dhigeyso higsigaa waayo Jabbuuti waa indhaha dhegaha waxa ay u taqaanno GREAT SOMALIA  taasoo iyadu aaney dooneyn iney ka mid noqota laakiin u eg (SHEEKO JIN U QURXIYEY JABBUUTI).                                                                                                

6. In Jabbuuti ka mashquuliso Muuse Biixi socdaalka uu farmaajo ku imanayo Puntland, ta kalena ay ogaato waxa uu ka aamminsanyahay inuu gaadho xuduudaha waddankiisu la leeyahay Puntland, taasoo jabbuuti aaney marnaba jeclayn waayo iyadaaba ciidamo Somali u shaqeynayaa u joogaan Somalia.                                                                      

Arrimahan oo dhan oo ah kuwo u baahan xeelad+diplomasiyad+aragti dheer+waddaniyad+karti maskaxeed kuna soo eegmayaa maalintii ninka adagi go-aan qaadan jirey ee cadowgiisa indhaha faraha ka gelin jirey bal aynu eegno siduu yeelo ninkii in badan inoo sheegi jirey inuu Somaliland indhaha u furaayo oo cadowga ka waabin doonaa

faras ali

faraska1988@gmail.com

Man dies of flu, doctors issue warning in UAE

Wasiirka Khaarajiga Xukumada Col.Muuse Biixi oo su’aalo laga weydiiyey nooca baratakoolka Jabuuti ku qaabishey & Calanka ..

Xildhibaan Shaaciyey in xukumadii siilanyo iibisay Xafiiskii Badhasaabka oo Calankii ka dul babanaayo

Suxufiyiin iyo Masuuliyiin Kale Oo Olole Lagaga Hortagaayo Boobka Lagu Hayo Duurjoogteena Gaar’ahaan Diinka Ka Fuliyay Kaamamka Caynaba.

Daawo Siyaasi Ismaciil Buubaa oo ka hadlay xaflad lagu marti qaaday Bile Rafle una dhiibay fariin

Marxuum Cigaal & Kornayl Muuse Biixi+Aragtiyo kala fog qadiyada Jabuuti


War-murtiyeed Maamulka Puntland ka soo saaray qadiyada Dagaalka “Tukaraq”

$
0
0

War-murtiyeed Maamulka Puntland ka soo saaray qadiyada Dagaalka “Tukaraq”

 

Xafladii dabaal dega sanad guuradii 4-aad ee C/wali Gaas oo u baaqatay Dagaalka Tukaraq

$
0
0

Munaasabad labadii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Garoowe loogu diyaar garoobayay in loo qabto sanad guuradii 4-aad ee markii uu xilka qabtay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa loo baajiyay dagaalka ay ciidamada Somaliland kula wareegeen deegaanka Tukaraq oo qiyaastii 70-km u jirta magaalada Garowe.

waxaana munaasabadaan ka qeybgeli lahaa madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Garowe ku sugan, sababaha uu u tegayna ay qeyb ka aheyd munaasabadaasi.Waxaa kaloo munaasabadaa baaqatey dadka lagu casuumay ka mid ahaa fanaaniin debada ka yimid & Qaar debeda laga soo kireystayba

inkastoo xaaladu degan tahay,haddana Xiisad colaadeed ayaa laga dareemayaa deegaanada xuduuda Somaliland & Puntland oo uu ka socdo dhaqdhaqaaq ciidan oo labada dhinaba ka jira.

Magaalada Garoowe ayaa xogguhu tibaxayaan in laga dareemaayo abaabul & dhaqdhaqaaq iyadoo wadooyinka lagu arkaayo maleeshiyaad & ciidamo isdaba wareegaya.

Magaalada Tukaraq ee ciidamada Somaliland la wareegeen ayaa caasimada Puntland ay u jirtra qiyaastii ilaa 70 km, taasoo sababtay in si weyn loo adkeeyo amaanka Garowe oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Somalia.

Warar xasaasiya oo ka soo kordhay Arimaha Xajka & Xujaajta Somalida

Geellaha Jabuuti Muxuu ka aaminsan yahay qadiyada Gooni-isutaaga Somaliland

Suldaan Cismaan Suldaan Cali oo waano u diray madaxa Somalia kana codsatay in ay dalkooda dhistaan Somalilandna baarikaan

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>