Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Doon Shixnad Xamuul & Gaadiid sida oo ku godoontay Dekeda Boosaaso


Siyaasi ka dayriyey Xaalada Somaliland gashay,Xukumada Kornayl Muuse Biixina si adag u duray

7-sanno ayaynu dhammaysanay oo lagu murmaayay Islaamo ayaa taliya, 7-kale laabta u sii daaya oo talladii NGO yada & Ciyaal jigjiga yara.

$
0
0

Waxba inagu dhacay ninman yahow: 7-sanno ayaynu dhammaysanay oo Madaxweyne Siilaanyo lagu murmaayay Islaamo ayaa taliya iyo Dad kale ayaa taliya : Waxaynu hadana galnay ninkii Muuse Biixi ee khatarta isaga keen dhigaayay ee ku ololeeyay “Dooro Bari Maanta Ka Fiican” Waxba faraha uguma jiraan.. Ciyaalkii NGO yada ayaa meeshii ka taliya, waliba aanay cidi tarixin oo isku meel ka soo toosaaya oo iga wala in aanu arrinkoodu faraawilka Jig-jiga yar ka baxay dhaaf siisnayn.. 7-kale laabta u sii daaya oo talladii NGO yada ah . Maamulkii Siilaanyo si kasta oo loo xanto dad kala jaad jaad ah ayaa wax isu gayn gayn jiray.. kkk

Muniir Axmed Cigaal

 

Tusan ..

Wasiirka kallunka & Xoolaha Xukumada Kornayl Muuse Biixi oo shaaciyey Goortu wareejinayo Af-hayeenka Kulmiye

Bashaar Al Asad: Hitlarkii Qarniga

$
0
0

Bashaar Al Asad: Hitlarkii Qarniga

Taariikhda Calawiyiinta, Caqiidooyinka Faasidka Ah Ee Aaminsan yihiin Iyo Halka Ay Salka Ku Hayso Cadaawaddoodu

Qalinka: Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase)

In badan oo dadka ka mid ahi maanta waxa ay is waydiinayaan Shakhsiyadda Bashaar Al Asad, Calawiyiinta iyo sida ay u burburinayaan wadanka Suuriya oo ka mid ahaa dalalka ugu muhiimsan dunida Muslimka taariikh ahaan iyo dhul ahaanba iyo sida uu maalin walba raabo raabo ugu laynayo shacabka reer Suuriya Carruur iyo Cirroole isaga oo maanta gaadhay heer uu u adeegsado in uu ku laayo Hub Kiimikal ah (Chemical Weapons) oo sahayday nolosha kumanaan qof oo u badan Caruur iyo dad waayeel ah.

Xaqiiqanimo Xasuuqa Bashaar Al Asad maanta ku hayo shacabka Suuriya ama aha mid ku yimid mucaaradnimada lagala hor yimid balse waa Cadawnimo ka soo maaxanaysa Qalbiga iyo ruuxda Bashaar Al Asad iyo Kooxdiisa Calawiyiinta ah. Qaddiyaddu waa ay ka wayn tahay Bashaar yare oo ahaa dhakhtar indhaha ah oo aabihii kursiga uga dambeeyey. Qaddiyaddu waa sidii Calawiyiintu u qabsan lahayd guud ahaan Bilaadu Shaam (Dhulka Shaam). Calawiyiintu Ma Shiicaa? Ma Muslimbaa, Ma Gaalaa, Halkay ka soo jeedaan? Waa arrimaha aynu qormadan ku eegi doono.

Waa Ayo Calawiyiinta Suuriya?

Calawiyiinta waxa la sheegaa in ay asalkoodii hore ka soo jeedaan Shiicada (Imaamiyada iyo Isnaa Cashariyah) waxaana ka soo baxay Culimo waaweyn oo shiico ah oo uu ka mid yahay Sheekh Xamsa Bin Zuhra Al Xusayni. Waxa la xaqiijiyaa in ay taariikhdooda aasaasnimo ka soo bilaabanto qarnigii saddexaad ee Hijriga, Magacoodii Horena waxa la odhan Jiray Naysariyah. Waxa aasaasay Maxamed Bin Nasiir Al Basiiri Al-Numayri. Caqiido ahaan waxa ay si aad u xeel dheer u weyneeyeen Imaam Cali Ibnu Abaa Daalib (KW) oo ay gaadhsiiyeen heer Ilaahnimo. Iyada oo ay sidaa tahay haddana waxa ay weyneeyaan oo ay aad u jecel yihiin Cabdiraxmaan Bin Muljim oo ah ninkii Dilay Imaam Cali Bin Abii Daalib (Sababta Xagga Dambe Ayaad Ka Ogaan Doontaa). Waxa ay aaminsan yihiin in Cali Bin Abii Daalib Kor degan yahay oo wakhtigan ku sugan yahay Daruur Dusheed oo kaliya la kala saaray Jidhkiisii iyo Ruuxdiisii. Waxa ay ku nool yihiin Suuriya, Turkiga, Lubnaan iyo Qaybo ka mid ah Ciraaq. Waa Calawiyiinta kuwoodii ugu horreeyey taariikh ahaan. Waxa lagu tilmaamaa Qaybta ugu weyn Firqo ahaan shacabka Suuriya marka laga tago Sunniga oo ah Aqlabiyadda dadka dega dalkaasi Suuriya. Calawiyiintu waxa ay Mujtamaca Suuriya ka noqonayaan boqolkiiba saddex iyo toban (13%). Calawiyiinta Suuriya waxa ay soo mareen Marxalado taariikeed oo aad u dhaadheer. Waxa la sheegaa in siyaalo kala duwan ay xukunka dalkaasi u soo maamulayeen taariikh ku siman illaa 1571 taariikhda Miilaadiga. Waxa la sheegaa in aanay muujin shacaa’irta Islaamiga ah sida soonka, salaadda, Masaajidada kama aadaamaan mana muujiyaan Astaamaha Islaamka. Cadaawad ballaadhan oo guun ah ayay u hayaan Muslimiinta Sunniga ah. Sannadihii 1806, 1811, 1852 waxa ay dagaalo culus la galeen Dawladdii Cismaaniyiinta illaa ay soo gaadheen qarnigii 19aad oo xaalku is badalay. Awoodda Calawiyiintu ku leeyihiin Maamulka Suuriya waxa la sheegaa in ay dhowr arrimood sabab u tahay. Waxa ka mid ahaa doorkii ay ku lahaayeen Inqilaabkii dalkaasi ka dhacay sannadkii 1963kii halkaasi oo ay gacanta ku dhigeen Mansabyo culculus oo muhiim ah. Sidoo kale waxa ay ku kaceen Inqilaab kale oo dhacay 1966-kii waxa kale oo ay mar kale Inqilaab ku sameeyeen xukunka Suuriya sannadkii 1973-kii waxaana xukunka dalkaasi gacanta ku dhigay Xaafid Al Asad oo ah aabaha dhalay yarkan maanta shacabka Suuriya xasuuqaya ee Bashaar Al asad. Xaafid Al Asad ayaa la sheegay in markuu noolaa Imaam Muusa Al Sadar oo ah hogaamiyaha Shiicada Lubnaan ka codsaday in uu Fatwo ku soo saaro in Calawiyiintu ka mid yihiin Shiicada. Isaga oo wakhtigaasi doonayay inuu qiil ugu helo xukunka Suuriya maadaama Dastuurka Suuriya dhigayo in madaxweynaha dalkaasi xukunkiisa qabanayaa uu noqdo nin Muslim ah. Waxa jira muran badan oo ka taagan Muslimnimada Calawiyiinta oo culimo badani ku tagsan yihiin in aanay ahayn Muslimiin.

Macluumaad Guud Oo Ku Saabsan Calawiyiinta:

Waxa la sheegaa in qaaradda Yurub ay ku nool yihiin ku dhawaad laba Milyan oo Calawiyiin ahi. Kuwaasi oo intooda badan degan wadamada Jarmalka iyo Faransiiska. Dalka Austria waxa ay sannadkii hore koox diimeed gaar ah u aqoonsatay Calawiyiinta degan wadanka Austria. Guud ahaan Tirada Calawiyiinta waxa lagu qiyaasaa in ay kor u dhaafayaan 80-Milyan oo dof oo intooda badani ku noolyihiin Dalalka Suuriya, Lubnaan, Iiraan iyo Turkiga.

..La Soco cadadka dambe afkaarta iyo waxa ay aaminsan yihiin Calawiyiintu.


Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)
Hargeysa, Somaliland
Phone: 252-063-4402360
facebook: maxamedilkacase
Skype: maxamedkhadar9
Advocator, Journalist and Human Rights Activist
LLB Law

Gudoomiye Cirro oo ka hadlay shirka Garxajis & Arimo kale oo xasaasiya

Badhisaab Ramaax oo ay maanta reer Burco ku foodhyeen xili uu xil wareejin samynaayay

Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil oo Qarka u Saaran inuu Fashilmo Iyo Xiisad ka Taagan Shaqaale uu Wasiirka Macdantu ……

$
0
0

Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil oo Qarka u Saaran inuu Fashilmo Iyo Xiisad ka Taagan Shaqaale uu Wasiirka Macdantu Qabyaalad kaga Soo Qortay Deegaanka Beeshiisa ee Bariga Burco+ Gadoodka Bulshada Deeganka Baadhista laga samaynaayo…

Wasiirka wasaarada Macdanta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa ku hawlan sidii uu u fashilin lahaa mashruuca Sahaminta Shidaal ee Shirkadda Ras al Khaimah (Rak Gas) ka wado gobolka Saaxil, gaar ahaana deeganada kala ah Laasa-dacawo, Bahalaley iyo Laaleys oo dhinaca Waqooyi ka xiga Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Wasiir Jaamac Cigaal, ayaa in muddo ahba waday dhaqdhaqaaqyo kala duwan, kuwasoo isaggu jira dabiino qabyaaladeysan iyo kuwo uu ku cadho-gelinaayo dadweynaha ku nool dhulka Shirkadda Ras al Khaimah (Rak Gas) ka samaynayso mashruuca Sahaminta. Kaddib markii uu cunaha iskaga duubey, isla markaana faro-gelin qaawan ku sameyey shaqaalaha ka hawlgeli doona mashruucan sahaminta oo Wasirku kasoo wada qortay Deeganka bariga Burco oo u kasoo jeedo, sidoo kalena waxa uu Wasiirka Macdantu madax-waaxeedyada mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil dhamaantood ka wada dhigay Caa’ilada Beesha uu kasoo jeedo. Waxa kaloo iyanna wax lala yaabo ah markii uu wasiirku Saldhigga Shirkaddu degeyso uu ka dhigay deegaan ay degto isla Beeshiisu oo ka fog dhulka laga samaynaayo baadhitaanka Shidaal, kaasoo jihada Bariga ka xiga Magaaladda Berbera, iyadoo ujeedada uu ka leeyahayna uu ku sheegay Wasiirku inay tahay in dhaqaale deegaankiisu ka helayo oo Shirkaddu waxka Iibsan doonto deegaankiisa.
Tallaabooyinkan isaggu jira qabyaalada badheedhka ah ee Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal qorsheystay, ayaa cadho iyo gadood ku abuuray Bulshada ku dhaqan deegaanada Shirkaddu ka samaynayso sahaminta ee gubanka Berbera, kuwasoo bilaabay shirar iyo kulano xidhiidhsan Magaalooyinka Laaleys, bahaleley iyo Laaso-dacawo oo lagaga arinsanaayo cuna-qabateynta xuquuqdoodu wasiirku ku duudsiyey. Dadweynaha deeganadaas, ayaa ku tilmaamay hab-dhaqanka Wasiirka Macdanta mid aan loo dul-qaadan karin, isla markaana aanay sinnaba ku aqbaley shaqaale lagaga keeno deegaano kale, kuwasoo ku doodeen inay xaq u leeyihiin in shaqaalaha mashruuca iyo madax-waaxeedyadduba in laga qoro bulshada deeganka Sahaminta laga samaynaayo, iyagga la’aantoodna aanu mashruucu taako dhaqaaqi doonin.
Teeda kale, Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta madaxabanaan, ayaa shaaca ka qaaday in Wasiirka macdantu tallaabooyinkan uu qaaday uu ugu talo-galay inuu ku fashiliyo mashruuca, isla markaana uu ka badheedhay in bulshada deegaanada sahaminta laga samaynaayo diidmo iyo iska hor imaad ku qaabilan markay iska dhex-waayan shaaqaalaha iyo hawlwadeenada mashruuca, taasoo aakhirka ku dambayn doonta sidii ay u fashilmi jireen mashaaricdii hore ee shidaal baadhista ahaa ee deeganada Oodweyne, Waraabeeye iyo caynaba oo ka horyimaadeen dadweynaha deegaanku markii la musuqmaasuqay shaqaalihii deeganaddu xaqa u lahaayeen.
Halkan hoose ka eeg shaxda qabyaaladeysan ee Wasiirku ku qorsheeyey shaqaalaha mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil.
1. Ray –Gas (wakiilka shirkadda Ras al Khaimah) waxa uu kasoo jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaale.
2. Wakiilka shirkada samahinta ee Chines ah, waxa uu kasoo jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaal.
3. Madaxa kallunka ee Shidaal Baadhista, waxa uu kasoo jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaal.
4. Madaxa isku xidhka bulshada iyo hayada waxa uu kasoo jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaal.
5. Mareeyaha petrolka gobolka saaxil waxa uu kasoo jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaal.
Sidoo kale waxa uu wasiirku mashruucan usoo qortay 24 shaqaale ka ah, oo kasoo jeeda jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaal.
La soco qaybaha dambe ee Warbixino daaha ka faydi doono qabyaaladda uu ugu Ku wanqalay ama u Ku shaasheeyey wasiirka Cusub ee Macdantu mashruuca sahaminta Shidaal ee gobalka Saaxil.

Posted by Farxaan Guleed Yusuf
farxangul123@gmail.com


Cali Khaliif oo isaaq & Reer Hargeysa si adag u duray,Sida Fiintana uga qayliyey Madaxtooyada Somaliland,Jeegaanta & Arimo kale oo xasaasiya.

Xoghayahii la badalay ee dawlada hoose ee Hargaysa oo soo qufay musuq maasuq

Shirkad uu saami ku leeyahay Ex-Wasiir Max’ud Xaashigii Duulista & Madaxtooyada oo xukumada Kornyal Muuse biixi Albaabada u laabtay

Nuxurka Ujeedada Kulan Qasriga Madaxtooyada ku dhexmaray Kornayl Muuse Biixi & Gudida Doorashooyinka

Labeenta & waxgaradka Reer Sanaag oo baaq u diray….

Khatarta Sahaminta iyo Soo Saarista Shidaalka Somaliland: Macluumad Guud ee Shirkadaha Baadhista Dalka ka wada.

$
0
0

Khatarta Sahaminta iyo Soo Saarista Shidaalka Somaliland: Macluumad Guud ee Shirkadaha Baadhista Dalka ka wada.

 

Khatarta Sahaminta iyo Soo Saarista Shidaalka Somaliland: Macluumad Guud ee Shirkadaha Baadhista Dalka ka wada.

Labadii sanno ee u dambeeyay, wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland Waxay mashquul ku ahayd sahaminta shidaalka ee gobollo kamida Somaliland kuwaas oo lala galay shirkado kala duwan oo ay kamid yihiin DNO. BGP, RAKGAS iyo Genel Energy.

 

In kasta oo aanu dalku awood sharci u lahayn inuu heshiisyo caalami ah la galo shirkadaha macdanta ee adduunka, waxa haddana cad in heshiisyo dhex mareen qaar kamid ah shirkadaha sahaminta iyo soo saarista macdanta iyo shidaalka ee qaarkood aan kor kusoo xusnay.  waxa iswaydiin mudan in la ogaado shirkadahan iyo taariikhdooda iyo khibradaha sahaminta shidaalka ee ay leeyihiin? sidoo kale waxaynu tilmaami doonaa daroooqinka iyo nidaamada loo maro ama lagu xusho shirkadah sahaminta shidaalka ee caalamiga ah iyo doorka wacyigelinta bulshada arimaha la xidhiidha sahaminta iyo maamulida.

 

 

Shirakadda Genel Energy.

Shirkaddani (Genel Energy) waxay laga aasaasay dalka faransiiska (France) sanadkii 2011 dhawaana waxay xafiisyo shaqo ka furatay dalalka ingiriiska (London), iyo turkiga. Sannadihii u dambeeyay waxa laga diwaan galiyey dalka Britain siiba suuqa iswaydaarsiga lacagaha ee London (London Stock Exchange). Shirkadan soo saarista iyo sahaminta shidaalku waxay hadda uun bilowday sahaminta shidaal iyo soo saaritisaba ee gobolka Kurdistan ee Iraq iyada oo usii balaadhinaysa shaqadeeda woqoyiga Afrika iyo Bariga Dhexe. Si kastaba ha ahaatee Genel Energy waxay hawsheda shaqo ka bilawday dalka saddex ilaa afar sanno ka hor. Genel Energy malaha khibrad iyo waayo aragnimo balaadhan oo u sahalaysa inay ku guulaysato hawlahan sahaminta iyo soo saarista shidaalka waxaanay heshiis (contract) siisay shirkadaha kale ee side Rak Gas, DNO iyo GBP oo ka hawl-galaya block-yada SL-9, SL-11 iyo SL-12.

 

Shirkadda RakGas

Shirkadda Ras al Khaimah oo loo yaqaano (Rak Gas) waxa laga aasaasay Imaaraadka ama UAE (United Arabian Emirates) sannadkii 1984 iyada oo lagu soo saaray dikreeto lagu magacaabayo shirkadan. Haddaba, iyada oo ujeedada loo aasaasay ay ahayd soo saaro gaasta (gas) dalalka Imaaraadka, waxa ay hawlaha sahaminta shidaalka kala duwan ka wadaa dalal badan oo Afrika (Africa) kamid ah. RAKGAS waxay hadda hawlo waxqabadyo ka wadaa gudaha dalalka Imaaradka Carabta sida Oman iyo Qadar, RAKGAS waxa ay xidhiidh toos ah la leedahay dawlada Imaaraadka. Shirkadani waxa hadda ka hawl-gashaa saddex dal oo laba kamid ah la aqoonsan yahay sida Malawi iyo Tanzania iyo Somaliland oo aan aqoonsi adduunka ka haysan. Dhinaca Somaliland waxay sahamin ka wadaa Block 9 & Block 12. Isku soo duubo RAGAS waa shirkad ka waaya aragsan Genel Enegy laakiin malaha waaya aragnimo adduunka ah iyo suurogalnimada fulinta heshiisyada caalamiga ah taasina waxay keenaysa in guul iyo khasaare labadaba laga fisho hawleheeda Somaliland iyo in shaki wayn uu galo ilaalinta bulshada iyo deegaanka sahaminta ama soo saarintu ka socoto.

 

Shirkadda DNO

Shirkadda DNO ASA waxa laga leeyahay dalka Norway waxaana la aasaasay sannadkii 1971. DNO waxay ka hawl-gashaa Barriga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika waana shirkad caalami ah oo si buuxda sahamin shidaalka ee Gas iyo Oil ka wadaa dalalka Iraq, Norway, Oman, Somaliland, Tunisia, UK iyo Yemen. DNO in kasta oo ay kasoo jeedo mid kamid ah dalalka ugu caansan adduunka ee Norway, haddana waxay isku koobsanysaa 50% faa’iidoyinka kasoo baxa soo saarista saliida madow (Oil) ee Block 18 Somaliland. Si kastaba ha ahaatee DNO kuma jirto liiska 60-ka shirkadood ee adduunka ugu horeeya ee sahaminta iyo shidaalka.

 

 

Shirkadda BGP

Shirkadda BGP waxay kasoo jeeda dalka China waana shirkadda ugu da’da wayn shirkadaha Somaliland sahaminta iyo soo saarista shidaalka ka wada waxana la aasaasay 1961. BGP waxa ay xooga saartaa baadhida macluumaadka meelaha la rajaynayo in shidaalku kujiro. BGP oo laga leeyahay dalka China ayaa kaga horaysa shiradaha kale ee DNO, Genel Enegy iyo RAKGAS dhinacyada baadhista macluumaadka block-yada gobollada Somalilamd taasina waa sababta keentay inay usii wakiishaan hawlahooda sahamineed. BGP maaha shirkad aad looga yaqaan adduunka, kamana mid ah 50-ka shirkadood ee adduunka laga dareemo hawlohooda tanina waxay khatar ku keeni kartaa hawl-galkeeda maadama oo aan Somaliland aanay ahayn dal hore usoo galay heshiisyo caalami ah.

 

Guntii iyo gebo gabadii, shirkadahan aan kor kuso xusnay kuma jiraan liiska 100 shirkadood ee sahaminta iyo shidaal soo saarista adduunka tanina waxay shaki galinaysaa kalsoonida shaqada ay ka wadaan Somaliland maadama oo aanay jirin shirkado aqoon u leh maamulka iyo gacan ku haynta shuruucda iyo dabagalka shirkadaha Genel Enrgy, BGP, DNO iyo RAKGAS. Waxa iyana jirta in shirkadahani aanay ku iman tartan iyo in ilaa hadana aan la garanayn waxyaabaha ay ku heshiiyeen shirkadan iyo dawlada Somaliland taasina ay bulshada ku keni karto shaki. Sidoo kale ma jirto haayado dawli ah oo daba-gala in heshiisyadii la galay in sidooda loo fuliyay iyo in kale.

 

 

Milicsiga Taariikhda Faneed Ee Fannaanka Cabdi Cali Bacalwaan – Q:1’aad

$
0
0

Milicsiga Taariikhda Faneed Ee Cabdi Cali Bacalwaan: Mid Ka Mid Ah Fannaaniintii Loogu Jeclaa Hoballada Waaberi

Qalinka: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)

Ilaahay Cimriga iyo Caafimaadkaba ha u barakeeyee Fannaanka weyn ee Caanka ah Cabdi Cali Bacalwaan waxa uu ka mid yahay kana mid ahaa haldoorka Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ragga ah kuwooda ugu horreeya, ugu codka macaan, ugu jilitaanka wanaagsan looguna jecel yahay heesihiisa. Dadka sida weyn ula socda una xiiseeya Fanka Soomaalidu waxa ay Fannaan Cabdi Cali Bacalwaan ku xasuustaan hub-qaadkiisa, Masrax-jooggiisa wanaagsan iyo qaabka Jilitaan ee Riwaayadaha uu ka qayb galay wakhtigii Fanka Soomaalidu cirka marayay.

Fannaanka Codka Baxsan Cabdi Cali Bacalwaan oo markii noogu dambaysay ku sugnaa waddanka Jarmalka, burburkii Soomaaliya kadibna in muddo ah ku ku noolaa caasimadda waddanka Kenya ee Nairobi ayaanu qormadan ku soo qaadan doonaa taariikhdiisaa faneed, riwaayadihii caan baxay ee uu ka qayb galay, qaar ka mid ah heesaha caanka ah ee Bulshadu sida weyn ugu taqaano ee uu ku luuqeeyey iyo Arrimo badan oo la xidhiidha Nolosha Fannaanka, isaga oo Fannaankani ka mid ahaa tiirarkii udub-dhexaadka u ahaa fannaaniinta iyo fanka Soomaaliyeed ee casriga ah.

Waa Kuma Cabdi Cali Bacalwaan, Halkee ku dhashay?, halkeese salka ku haysaa Naanaysta uu ku caan baxay ee Bacalwaan?, goorma ayuu dalka Soomaaliya ka baxay kadib sannadihii burburkii, muxuuse ka xasuustaa waayihiisa faneed?, dhammaan su’aalahaasi waxa si waafi ah uga jawaabi doona Fannaanka oo xogtan ku bixiyey waraysiyo kala duwan oo uu hore u bixiyey oo aan soo ururinay.

Ugu horrayn Cabdi Cali Bacalwaan oo ka hadlaya deegaanka uu ku dhashay iyo sababta magaca Bacalwaan loogu bixiyey waxa uu yidhi: “Waxa aan ku dhashay deegaanka Wardheer ee ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Kililka Shanaad. Magaca Bacalwaan ama naanaysta Bacalwaan, berigii aan dhashay ayuu ii baxay. Qoyska aan ka dhashay waxa ay ahaayeen qoys maal-qabeen ah. Markaa Haweenay baa aniga gaar la iigu qaybiyey oo aniga xanaanadayda iyo arrimahayga gaar la iiga dhigay oo I hayn jirtay oo waalidku ku yidhi inankaa gacanta ku hay oo hagaaji oo daryeel ayaa ii bixisay magaca. Markaa waxaan ahaa Ilmo yar oo buuran sida aan maqlay. Ilmaha buuqa iyo qaylada bandanna maan ahayn baa la igu yidhi. Kadib marka ay caanaha iyo cuntada I siiso ayaa waxa ay tidhaa Bacalwaan, Alla kani waa Bacalwaan. Bacalwaan Bac dheh. Sidaasi ayuu magacu iigu baxay. Bacalwaan oo islaantaasi I soo korisay ayaa ii bixisay. Waxa ay ahayd islaan reerkayaga la joogi jirtay. Waligayna illaa yaraantaydii illaa maantana isaga ayaa la ii yaqaanaa. Marka aan Wardheer ku soo koray anoo yar baan ka soo tagay waxaanan soo galay Magaalada Muqdisho oo aan ku barbaaray intii dambena aan noloshayda ku qaatay”.

Intaa kadib Fannaanka weyn ee Cabdi Cali Bacalwaan waxa uu innooga warramayaa wakhtigii ugu horraysay ee uu Fanka soo galo, sida uu ku soo galay iyo in marka horeba Fanku ahaa wax lubbigiisa ku lammaan oo ku suntan. Fannaanka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Fanku waxa uu ahaa wax laabtayda ku jira. Fanaaniintii naga horraysay heesaha ay qaadaan ayuunbaan qaad-qaadi jiray oo aan jeclaa. Markaasaan iska dhigi jiray nin heesaa ah oo belaayo ah oo khatar ah. Intaan meelahaa xaafadaha dhexdooda fadhiisto ayaan heesaha qaadi jiray. Heesaha fanaaniintii naga horraysay ee aan idaacadda ka dhagaysto ayaan qaad-qaadi jiray. Kadib markii taariikhdu ahayd 1965-kii ayuunbaan maqlay tartan yar oo laga ogaysiinayo Raadiyow Muqdisho.

…..La Soco

Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)
Hargeysa, Somaliland
Advocator, Journalist and Human Rights Activist
LLB Law


Garnaqsi Haween: Haweenku waa udub dhexaadka nolosha

$
0
0

Garnaqsi Haween

Qalinkii: Cabdiqaadir Dayib Askar

“ Haddaan Ga

​Ari Kula Jirin, Illayn Noloshu Guul Ma Leh.” – Hadraawi
Gogol dhig:

Haweenku waa udub dhexaadka nolosha. Waana lafdhabarta jiritaanka iyo waaridda bini-aadmiga. Macnaha dahsoon ee ragga loogu lammaaneeyey, ka sokow in la tarmo, waa in ay noloshu dhadhan yeelato. Haweenku waa warshad wax soo saar . Waxa ay ababisaa hooyadii iyo aabbihii berrito. Siduu wax soo saarku ugu kala duwan yahay tayada iyo tiradaba, ayuun bay haweenkuna kala siman yihiin. Haweenku waa baadi sooca bulsho ku dhaadato. Hagaagiddoodu waa bulsho horumarkeeda. Hallawgooduna waa heermid bulsho idil. Taasaana keenaysa in dumarku saamayn ku yeeshaan doc kasta oo nolosha ah.

Dhanka kale, haweenku waxa ay door lama ilaawaan ah ka ciyaaraan ababinta, kool-koolinta iyo tusmaynta ubadka. Waxa ay jaro-baraan ubadkooda sidii ay u noqon lahaayeen kuwo himilo dheer, oo hilinka toosan qaada, hantana mustaqbalka sugaya. Dumarku waa garabka ninka, siduu isaguba u yahay gaashaankooda. Waxa ay hareeraha la qabataa hawlaha adduunyadda, lanna handaafisaa si hagaagsan ilaa inta u hadhsan. Xisaab ahaan, dumarku waxa ay saamigal qumman la yihiin ragga. Inta ka dhiman raggana ,iyagaa dheellitira. Doorkoogaas toolmoon, ee taabanayaa dhinac walba oo nolosha ah, ayaa ka dhigay kuwo halhays laga dhigto si qof iyo kooxba, midba sidii uu doonayo ugu muraad qunsado.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo intaa kor ku xusan laba Cali ku murmayn, ayaa haweenka laga dhigtaa abbaar laga duulo, oo si fool xun loogu tagri falo, iyadoo looga gol leeyahay in bini aadminnimadda dhabarka laga jebiyo, noloshana lagu macno tiro. Hore iyo dambeetaba, inta dadka qaar dunida horumarkeeda hindiwaasayeen, ayey in kalena hoos u dhicideeda hadafkoogu ahaa. In kasta oo ayna tani la yaab lahayn, la odhan karana waa mid ku lammaan wacdaraha waayaha sanku neefluhu leeyahay, ayaa waxa hadanna xusid mudan inta afkaarta qarriban, ee wada qalloocan dabada ka riixaysa ee dumarka marin habaabinaysa

​, dawga toosanna ka duwaya.
“Dheddigaynta” amma afka qalaad sida loo yaqaan “Feminism” waa aragti-falsafadeed, oo salka ku haysa is-barbar

​Dhig ​bulsheed, oo looga gol leeyahay in sinnaan si walba ah looga dhex abbuuro ragga iyo dumarka. Waa in fal iyo fakar kasta oo la sameeyo, laga eego in ragga iyo dummarku si siman qayb uga yihiin.
Arragtidan, oo haddii hal-abuurkeeda diinta lagu sidki lahaa, noqon lahayd mid korniinka garaad iyo wada-noolaanshaha bini-aadmiga danni ugu jiri lahayd, ayaa u muuqata in lagu curinayo iska-horimaad nololeed, oo ina faraya in dib loo qaabeeyo, loona qeexo doorka diimeed ee ninka iyo naagta. Waa araggti-bulsheed oo weydiin gelinaysa habka diimaha samaawiga ahi uga hadlaan ‘doorka gabadha ee bulshada dhexdeeda’.

Maanta, si ba’an ayey saamaynteedu inoo soo gaadhay [Geyiga Soomaalida], fasirkeeda khaldan ee raggga iyo dumarka goradda layskugu gelinayona, wuxu in oo horseedi karaa burbur bulsheed iyo macno- beel ku yimaad qiyamkeena suubban ee diinta Islaamka saldhigga u tahay.

Bal in yar u fiirso, siday guryaheenna uga heesayso, dhaantadana ugu ciyaarayso? Qoys burbura ayuun baana qaran qalloocda keena. Arrintani in ay dunida surbacaadiso ku dhaw ayaa in la daraasadeeyaa mudan, si bal dadkani u heesaya uga digno khatarteeda iyo mustaqabalka meeshay ina gayn karto.

Yaa ku gaasiray, gabadhyahay?

Waa weydiin kal sugan, sidoo kalena jawaab u qalanta leh. Ka hor soo ifbixii Islaamka, markaad taariikhda dhankan iyo dhinacaasba u jeedaalisid, waxaa ku soo hormaraya ilbaxnimooyin guun ah, oo goortii ay lahaayeen laastay. Uma dan lihin, siday u dhasheen iyo dhimashadoodii midna, bal se waxaa aynu wax ka bilaadhsanaynaa hab-nololeedkoodii guud, gaar ahaan dumarka siday ula dhaqmi jireen. Xaddaaradii Baabiloon, tusaale ahaan, haddii nin gabadh dilo, halkii isaga in laga gooyo ay ahayd, ooridiisaa birta laga asli jiray si loogu aaro midda la dilay. Sidoo kale, tii Giriigu waxa ay dumarka u haysteen in aanay bini aadmiba ahayn, loona adeegsan karo sidii kolba la doono. Ka ganacsiga haweenayda jidhkeeduna waxa ay ahayd mid laga wada raalli ahaa dhamaan qaybaha bulshadu. Roomaanku iyagu waabay ka sii xag jireenoo, ninku naagtiisa xaq buu u lahaa goortuu doono in mindida mariyo, ha ahaato marka ay qurux beesho, gabaw la darso iyo haddii kaleba. Carabtii horena dumarka waxa ay gaadhsiiyeen, heerkii ugu xumaa ee nolosha, iyagoo dumarka xabaal ololin jiray. Adoon siday doonaan ugu danaystaana u ahayd.

Kaba soo gudub kuwaas, waxaa lagu doodi karaa dunidu waa giraan wareegaysee, maxaad maanta shalay uga door biday? Sida hore loo yidhi, taariikhdu way isa soo celisaa. Dhib iyo dheefteedana dib baa loo dhaadaa. Ammintu tii shalay way ka duwan tahay si kastaba, waxaase is weydiin mudan, tolow dunidani tanaaday, ee tiknoolajiyadu hadlayso, maxaa qiimihii dadku lahaa heeray? Dabcan, Galbeedkani ina hor yaacaya, ee indho la’aanta ay dad badani ka daba ambadeen, iyaga qudhoodubu bal maxay kuwaasi kor aynu ku soo sheegnay kaga duwan yihiin? Hadaanay kuwaasi kaba liidan, waa la siman yihiin. Waxa ay ku doodaan dumarkaanu xoraynaynaa. “Baraarugii Dumarka” ayey halheys ka dhigtaan. ‘Xoraynta’ ay hadal hayaan maaha wax sii dhafsiisan, liidida gabadha dabcigeeda, ka xayuubinta xurmadeeda dumarnimo, iyo u adeegsiga sidii aalad lagu raaxaysto. Waxaan shaki ku jirin in gabadha reer Galbeed la gaadhsiiyey heer ay iyadu ummado dhan mindida daabkeeda u qaban karto, taasoo ay u soo mareen halgan dheer oo qadhaadhaa, in ka badan 200 sannona socday. Haba yeeleen sidaase, sow dharaarta kama cadda in noloshii qoyskeeda lumisay, xasilloonidii ka dheelmatay, sharafteediina sida dharka uga siibantay, furniinkii faraha ka baxay, dhalmadii yaraatay, dambiyadii carruurta soo koraysayna libinlaabmeen? Ma madax aan noqdo, ayey gabadhaasi bulsho idil hoosta xadhkaha ugu goynaysaa, si ay u qarqoomaan? Haa haddii ay tahay, haba sameeyeen, la arki doonee waxa ay ku dambeeyaan’ e.

Haddaba, Islaamku wuxuu horseeday kacaankii abid “ Dunida Ilbaxday” soo mara. Wuxuu daaha ka rogay xuquuqdii aasnayd ee dumarka. Wuxuu Islaamku dumarka ka dhigay marwooyin lagu majeerto xurmada iyo xishoodka. Wuxuu saaray heenso qurux badan oo meesha ka saaray dumarkii hoosta loo eegi jiray, lana addoonsan jiray. Hooyada ayaa aabaha laga fadilay. Ma soo koobi karo qiimaha iyo qaayaha uu Islaamku dumarka gaadhsiiyey. Ka dheeho taariikhdaynu lahayn, haddaynu muslim nahay. Sow cibro iyo shay wax lagu qaato ma ah? Islaamku wuxuu dumarka gaadhsiiyey maqaan sare oo sugan. ‘Haddii jannada hooyada gondaheeda laga helayo’. Ma meel dheer bay jirtaaba? Wallaahi mayee, innagaa is gabnay. Waa taas diinteenna suubaniye, iyagu ha keeneen maqaan kaasi ka sareeya, haddii ay jinni iyo insiba madal isugu keenaan? Xaasha! Ha ka yaabin.

Garwaaqso Xaqaaga:

Aalaaba sida dhacda, dadku waxa ay isu qaldaan diinta iyo dhaqankeena Soomaaliga ah, waxa ay moodaan in ay ul iyo diirkeed yihiin. Xaqiiqaduse taas ka dheer. U soo noqo Soomaalida, waxaa lagu tilmaamaa bulsho 100% Islaam ah, waxaase inagu dheer dhaqankeena marka la barbardhigo diinteenna. Dhaqankeennu waa wanaag iyo xumaan, labadaba, mid la saaxiib ah. Diintuse waa u waxtar iyo toosin aadmiga intuu ifka ku sugan yahay. Dhinaca kale, meelaha qaar, gaar ahaan arrimaha dumarka ku saabsan, waxaad is odhanaysaa show illayn Soomaalidu “Casrigii Aqoondarrada” ayey dhex guur guuranayaan? Gabadha isir ahaan Soomaaliyadda ahi, Islaamkana ku abtirsataa, sida marar badan dhacda in labadaasi kor ku xusani isaga eekaadaan. Halkaasi oo ah meesha wax weliba ka qalloocdo, ee maanta rag iyo dumarba laysku xifaalaynayo. Gabadhaheennu yay u macnaysan in Islaamku wax ka dhiman yahay, ee dhaqankaas abaaday baan dheelitirinay oo sinnaantu ka dheer tahay. Maankanna geli in Alle yahay ka sargooya xuquuqda rag iyo dumarkaba, ee nooluhu waxba kala asoori karin, awoodna aanay u lahayn taas.

Gabadhyahay diintu waxa ay xaq kuu siisay in aad wax bartid, adigoo dhawraya wax kasta oo diinteenu ina fartay, ka dheeranayna taasi lidigeeda. Waxaan mugdi saarnayn, in marwada garashada dheeri, aqoonta diimeedna lehi, in aanay keliya ahayn muftaaxa guusha qoyska, waxa ayse ka turjuntaa ta qaranka ee guud. Marag ma doontuna waa in marwadaasi soo saarto dad waxtar badan oo bulsho dhan horumar u hor kaca. Horaa loo yidhi, ‘gabadh waxa baratay waa ummad wax baratay’.

Gabadhyahay waxa

​ a​ad xaq u leedahay inaad hanti gaar ah si xalaal ah u kasban kartid, xilligaad doonto korodhsan kartid ammase aad kala daadin kartid, adigoon weliba cidna kala arrinsanayn, amma ahow marwo la qabo amma gashaanti gayaankeed goobaane. Waad shaqaysan kartaa adigoo waafajinaya waxa ay diinteenu ka qabto nooca shaqadu ay tahay. Shaqaddu waa in aanay ahayn mid la xaaraan timeeyey ka shaqaynteeda, tusaale ahaan khamri iibinta iwm. Mid aan ragga iyo dumarku is dhex yaacayn, xad kala soocaana jirin. Waa in gabadhu aynigay doontaba ha ahaatee dhawrtaa hubqaadkeeda dhar xidhasho sida diinteenu ina farayso. Dhaxal waxaad u heshona ee Mawlahu kuu gooyayna adigay kuu gaar tahay, go’aankeedanna adigaa leh.
Gabadhyahay waxa

​ ​ad xaq u leedahay ka badan wax halkani lagu soo wada bandhigi karo. Waa mid ku faran inaad si asluub Islaameed huwan u baadi goobtaa. Ha u habran in aad cid kale ka sugtid. Aqoontaad yeelanaysaana waa inay kuu hagtaa sidaad taasi daaha uga faydi lahayd. Ogsoonow inaad wax dooran kartid, kanna qayb qaadin kartid xeer dajinta iyo is dhaafsiyadda aaradda togan. Inta kor ku xusan ka sokow, intaanu qallinku soo gudbin baa ka badan. Baraarugsanow , baadi goob, bayaami, kalana baadhee xaquuqdaada aasaasiga ah.
Ma gudhin, mana gaagixin, kaalintaydiina maan gabin:

Qallin caardiisa lagagama bogan karo doorka iyo kaalinta haweenku mujtamaca ku dhex leeyihiin. Sidoo kalena ka mug weyn wax qoraal lagu soo wada bandhigi karo. Bal aan soo ergisto, hawraartii qiimaha lahayd ee Abwaan Axmed Aw-geedi.

“ Nin kastoo dul qaataba,

Dumar baa bar-baarshoo,

Nin kastoo dadnimo leba,

Dumar baa kabaayoo,

Nin kastoo bah deeqaba,

Dumar baa kal-kaaloo,

Nin kastoo la doortaba,

Dumar baa u hiishoo,

Nin kastoo hal-dooraba,

Dumar baa u hiil galay,”
-Dumar Waa Ma Dhaafaa

Filan maayo in aynu marnaba ka habaabi karno doorka dumarka leeyihiin waayo tixdan baa si dul ka xaadis ah u koobsatay. Si kastaba haloo rog roggee, dhinac walba halaga istaagee, dumar waa guri. Gurigana weeyi meesha ay wax ka hagaagaan amma ka halaabaan. Geesiga, deeqsiga iyo idil ahaan labeenta raggu waa wax soo saarka hooyo. Ma ah ragga oo keliya, marwada iyo macallimadda noloshuba sow hooyo kama iman?

Haweenaydu waxa ay u horseedaa saygeeda degnaansho iyo xasillooni gaar ah. Rayn rayn iyo murugo kolba kii uu ku noolaanayo iyadaa u go’aammisa. Soomaliduna waxa ay tidhaahdaa, “Nin maalin ma gaadhid, waa ninka kaa faraska wanaagsan. Ninna sannad ma gaadhid, waa ninka kaa beerta wanaagsan. Ninna weligaa ma gaadhid, waa ninka kaa oorida wanaagsan.” Kaalintaas ayey tahay in aynu maanka iyo meelkastaba ku kaydino, kagana dhab sheegno camaladeena, ka sokow tixaha iyo tiraabaha inaga soo baxa.

Dhanka kale, macallinka la laasimo ee qoysku waa hooyada. Waa iyada ta u xilka saarani carbinta, hoga-tuska iyo barbaarinta ubadku. Inani waa hooyadeed. Murtadani waxa aynu ka dhaansan karnaa, haddii hooyada wanaagsani inanteeda si habsami leh u layliso, in ay berri ka maalin iyana reer lagu badhaadho la naalloon doonto. Haddiise kale, dhag xumo laga waaqsan ay soo jeedi karto. Biyo kama dhibcaankuna wuxuu yahay haddii qoyska hooyo hogaamiso qumanaado, qaran dhanbaa qaab iyo qorshe loo dhigi karaa. Waanna taas ta il ku haynta gaarka ah mudani had iyo goor.

‘Lama huraan waa caws jiilaal’. Dumarku waa lagamamaarmaan si la mid ah sida aynaan biyaha la’aantood nololi u suurtoobayn. Meel kasta iyagaa inagaga xeeran. Mar waa hooyo, walaal, habaryar, xaas iwm. Mar hadayba sidaas inoogu meegaarsan yihiin, sow daryeelkoodu innama wada saarna, dayacanna in laga dhawro maaha? Dabcan haa, haddii la doonayo in ay wax hagaagan, oo habow inagu yimaada ka baaqano. Inaynu dharka kala furanaa waa tallo xumo, mid ka weyni aanay jirin. Shaambad inagu oolaysana ahaanaysa.

Guullow maxaa nala gudboon?

Hasaawe dheer, hadafkeenu maaha. In aynu ku hawshoonana, hiigsigeenaa ka weyn. Soomaalidu waxa ay tidhaa, ‘Arrin xumo abaar ka daran’. Hadaynaan yoolkeenu noqon is-dhegaysi, isla-eegid, iyo is-aamin, dunida waxaan dhib iyo hawl ahayn oo aynu ku soo kordhinaynaa haba yaraatee ma jirto.

Rag iyo dumarba waxaa waajib ina wada saaran ah, maadama aynu Muslimiin nahay, in aynu diinteena u soo wada noqo. Xalkana halkaasi laga baadho. Taasi waxa ay inoo suurogelin kartaa is dhis-shaqsiyadeed waayo bulshaduba waa qofaf isku tagay. Magaca “Bulshona” huwaday. Ogsoonow, akhriste, in ‘haani gun ka tollanto’. Ugu horayn, waa in waalidku xaqiisa ah in ubadka wax baro si xilkasnimo leh u gutaa. Maankana ku haynaa in ubad xumaada, diintana ka xuubsiibta, ay mustaqbal xumaada uun leeyihiin.

Meelaha ugu daran ee aynu ka dhutinayno waa inagoon garanayn xaqa qof kastiba leeyahay, ka laysku leeyahay, iyo ka aynu wada leenahayba. Waxa ay tanni inagu sababtaa in aynu is wada xag xagno oo aynu iswada canbaarayno, inagoon hadanna garanayn waxa aynu sidaasi u yeelayno. Gabadha waa in wax la baraa, dookheega xorta ah ee in ay aydu aayaheeda go’aan ka gaadhi karto, dooran kartona lamaanaheeda la siiyaa. Waa in laga waantobaa in si sinaan la’aan ah wiilasha iyo gabdhaha loo kala horumariyo. Haweenayda waa in saygeedu xaqeeda nafaqo dhawraa. Isku soo wada xooriyoo, waa in caqligu ina hago, caadifaduna inaga hadhaa. Guullana halkii roon haynugu simo idilkeenba.

“ Gaasiraada nacabkiyo
Dar gumaysi laasima
Amma gaallo daba gala
Amma goosan baadiya
Allahayow garaadkiyo
Ha ku xidhin waxgarashada”
Garba diir- Shaacir

Gunnaanad:

Waxaan ku soo afmeerayaa, yaan gobannimadda lagu dumin garaadkeenna. Qoraalkan waxaan si kal iyo laab san ugu hibaynayaa hooyaday Hodan Axmed Cabdilahi, ahna barahaygii ugu weynaa ee nolosha, oo la’aanteed kor joogayga dunida guudkeedu macno ii samayseen. Aniga oo dib- u adeegsanaya murtidii Abwaan Hadraaw, waxa aan leeyahay “Hooyoy la’aantaa, Adduunyadu hubaashii, Habeen kama baxdeenoo, Iftiin lama heleen”. Waxaan kale oo aanan iyaganna hilmaamaynin haween weynaha Soomaalida meelkasta oo ay ku sugan yihiin, ee xil gudasho la’aanta ragga maantu wax badan badday. Dumarka inta samaha iyo wada noolaanshaha kalgacaltooyo calanka u sidda. Inta u jeelka qabta in aynu dhaqan ka dhigno Islaamka goor iyo ayaanba. Inta u xusulka duuban aqoonta diiniga iyo ta maadiga ah, labadaba, si ay u anfacdo noloshooda dambe. Inta neceb kala faquuqa rag iyo dumarka. Iyo inkasta oo ka gilgilata darxumada iyo daryeel la’aanta maanta dumarku ku sugan yihiin. Intii hooyooyin ku goblamey dagaaladdii umulo-dooxa ahaa ee sokeeye. Waxaan Ilaahay ka baryayaa in uu xaqa ina waafajiyo dhammaanteen, inna fahamsiiyona Alle wuxuu inagu galladay ee inoo gaarka ah.

Qalinkii: Cabdiqaadir Dayib Askar

University of York

www.abdikadiraskar.com

Mosque in east London to be demolished after high court ruling

$
0
0

A temporary east London mosque that has been refused planning permission faces demolition after a high court ruling.

The Islamic missionary movement Tablighi Jamaat had sought permission to build a permanent mosque on a 17-acre site near the Olympic Park in Stratford. Its plans to provide a place of worship for around 9,000 people were opposed by Newham council in 2012.

Tablighi Jamaat appealed to what is now the Ministry of Housing, Communities and Local Government, which rejected the proposal in October 2015. At the time, the movement was also ordered to cease using existing buildings on the site as a mosque.

The ministry said its decision was based on “concerns that include local housing provision and conflict with the council’s local plan for the borough”.

There was also considerable opposition from residents. In 2007, more than 250,000 people signed an online petition opposing the plans for the mosque. Organisers claimed to represent “the Christian population of this great country England” and said the mosque would “cause terrible violence and suffering”.

Since the 2015 decision, the organisation has operated a temporary mosque with a capacity of 2,500 on the site. It went to the high court seeking to overturn a demolition order.

However, the court ruled in the council’s favour and ordered the mosque’s owners to pay more than £22,000 in costs to the council. The organisation has until 16 February to take the case to the court of appeal.

Tablighi Jamaat bought the site, a chemical works decommissioned 30 years ago, in 1995 for £1.6m.

The organisation said it had no one available to comment on the high court decision.

A spokesperson for Newham council said it now wished to see the site developed for residential and employment uses. “The council now expects the owners of the site to fully comply with the court’s judgement and would welcome positive dialogue to bring forward a comprehensive development proposal that the council can support,” the spokesperson said.

 

 

Source Theguardian

Hanti dhowraha guud oo qorshaynaaya in uu baadhitaano galiyo dhamaan shirkadaha gancsiga ee dalka ka hawl gala xaga uu diiday in uu baadhitaan galiyo kuwa xaafadooda ah

$
0
0

Ilo ku dhow dhow hanti dhowraha guud ee qaranka Axmed Yusuf Dirir ayaa sheeegay in uu hanti dhowruhu uu ku talo jiro in uu dhawaan baadhitaano galiyo shirkado badan oo gaar loo leeyahay, arintaasi oo ay wararku sheegayaan in ay khilaaf sharci kala dhex dhigtay isaga iyo qaar ka mid ah shaqaalaha la hawl gala, taasi oo oo ay wararku sheegayaan in aan dastuurka dalka iyo shuruucda hanti dhowrista u taalaa ayna dhigaynin in wax baadhitaano ah la galiyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, hase ahaatee shirkadaha xaq loogu leeyahay in ay bixiyaan cashuurta dawlada ee ku waajibtay in ay bixiyaan sanadkii ama bishiiba.

Mar wax laga waydiiyay in uu baadhitaano galinaayo shirkadaha ciidanka qaranka siiya raashinka iyo badiba shirkadaha qandaraasyada ka qaata dawlada oo ay leeyihiin badidooda beesha ay ka soo wada jeedaan madaxweyne Muuse Biixi iyo Axmed Yusuf Dirir ayaa arintaasi ka gaws adayga kana meeraystay inkasta oo uu ku aakhirkii sheegay in aan arintaasi hada loo bahnayn, taasi oo ay meesha ka muuqato aqoon dari iyo sharciyadeed.

Axmed Yusuf Dirir ayaa shalay albaabada u laabay shirkad ay dad muwaadiniin ahi gaar u leeyihiin oo aan ahayn hanti dawladeed shirkadaasi oo lagu magcaabo SRM, waxa uu sheegay in uu xidhay xafiisyadeedii isla markaasina muwaadiniintii lahaa ay dalka dibada xiligani kaga maqanyihiin, mana jiro sharci uu ku hakin karo gancsi gaar loo leeyahay, arintaasi oo baal marsan shuruucda dalka waxa ay or seedi kartaa degnaasho laan iyo kala aaminid bixid waxana ay xiligan hadal haynteedu badantahay in ay jiraan dhalinyaro aan xil ka haynin dawlada oo raadinaaya shirkado gaar loo leeyahay oo ay albaabada u laabaan iyaguna sifo qaldan ugaga faa’iidaysta magaca madaxweynaha

Daawo:Siyaasi Cali Khaliif oo ka warmay Xaaladiisa caafimaado oo shaki laga muujiyey

Waa in la joojiyaa Wadahadalada Somaliland & Somalia…Prof.

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>