Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Somaliya If & Aakhirba inaynu col ahaano weeye….Eng.Max’ed Xaashi


Qaraar Golaha Wasiirada Xukumada Kornayl Muuse Biixi ka soo saaray Dagaalka Beelaha Dararweyne & Ganacsiga…..

$
0
0

Qaraar Golaha Wasiirada Xukumada Kornayl Muuse Biixi ka soo saaray Dagaalka Beelaha Dararweyne & Ugaadhsiga…..

 

 

 

1-In guddida nabad-galyadda golaha wasiirradu ay daraasad qoto dheer ku soo sameeyaan sida looga hortagayo dagaaladda beelaha ee in badan soo noqnoqonayey.

 

2-In la sameeyo daarasad cilmiyaysan iyo qorsheyaal wax ka tari kara abaaraha soo noqnoqday, iyagoo kaashadaan aqoon yahan-nada iyo Jaamacadaha Dalka

 

3-In sida uu dhigayo Xeer Lr: 69/2015 ay mamnuuc tahay in muwaadiniin iyo Ajaanib-tu ay ka ganacsadaan duurjoogta dalka nooc kasta oo ay tahay iyo falkasta oo lagu dhibaataynayo, “Duur –joog: waxaa loola jeedaa xayawaan kasta oo laf dhabar leh, ama bilaa laf-dhabar ah waxaana ku jira ugxanta iyo dhashooda, waxa ka baxsan bini’aadamka, xoolaha la dhaqdo iyo kalluunka”.

Cabdi Wali Gaas oo kulaylkii Farmaajo ka codsaday in Sool iyo Sanaag loo magcaabo maamul goboleed

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-news)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ka codsaday in maamul u gaar ah loo sameeyo gobalada Sool iyo Sanaag ee Somaliland.

Dr. Cali Khaliif Galaydh oo dadweyne kula hadlayay dalka Maraykanka, ayaa sheegay in dalabkaas uu Mr. Gaas ula tagay Farmaajo uu kala kumay jawaab aanu filayn. Cali Khaliif oo arrintan ka hadlayaa wuxuu yidhi “Xamar ayuu tagay Cabdiweli, madaxweynaha Farmaajo iyo raysalwasaaraha ayuu u tagay , wuxuu yidhi waxaan shirinayaa dadka Sool iyo Sanaag iyo Cayn, maamul cusub ayay dhisanayaan waxaan rabaa maamulkaas in loo ictiraafo. Madaxweynaha iyo raysalwasaaruhu may wada joogin markaas laakiin midba gooni ayuu ugu yidhi hadalkan. Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhu gooni gooni ayay ugu yidhaahdeen waar Cabdiweli markii noogu kaa dambaysay distoor Puntland ah ayaad wadatay ood lahayd Sool iyo Sanaag iyo Cayn Puntland ayay ka tirsanyihiin oo ma ogolaanayo inay ka go’aan miyaad is bedeshay. Xoogaa ayuu hoso eegay, waxay yidhaahdeen hadday dhab kaa tahay baarlamaankaaga iyo xukuumadaada intaad kula noqoto ha yidhaahdeen hadaanu Puntland nahay waa naga fasax Sool iyo Sanaag iyo Cayn, warkii walaan Garoowe loo keenin oo Xamar lagalama iman.”
Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Muqdisho u jooga ka qayb galka shir uu madaxweyne Farmaajo u qabtay maamul goboleedyada Soomaaliya.

Geeska

Isha mari xubanaha ugu sareeya dawlada Kornayl Muuse Biixi ee la kulmay waftigii Ingriiska oo laga sifeeyay beesha Garxajis

$
0
0

Doraad waxa dalka yimid wafti ka socda dalka Ingriiska, waxna uu Kornayl Muuse Biixi uu haba yaraatee diiday in uu golaha xukumaddiisa ee waftigaasi la kulmaayay uu ka qayb galiyo shaqsi ka soo jeeda beelaha Garxajis, waxna shaxda uu u soo xushay ku tusinaysaa sida beeshaasi Garxajis ay uga maqantahay dawlada uu hogaaminaayo kornayl Muuse Biixi, waxna gabi ahaanba dalka ka maqan awood qaybsigii dawladeed ee la wada lahaa, taasi oo keentay in aayaha dawlada Muuse Biixi laga tashado oo shirar lagaga arinsanaayo sidii loo waajahi lahaa dawladnimada leexatay iyo xaqdarada haysata beel ka mid ah beelaha ugu balaadhan dalka deegaan ahaan iyo dad ahaanba.

Waa kuwan madaxdii dawlada jeegaanta ee la kulantay waftiga Ingriiska

Madaxweyne kornayl Muuse Biixi
Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed.
Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)
Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, Cawaale Ibraahim Shirwac.
Wasiirka Gashaandhigga Somaliland, Mudane Ciise Axmed Yuusuf.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan
Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Aadan Xaaji Cali Axmed.

Shaxdani waa awooda ugu sarysa dalka oo dad gaar ah lagu taxay marka laga yimaado shaqsi iyo laba, waana nasiib daro in hadii uu Muuse Biixi sidan u tashaday uu hadana yidhaahdo maxaa loo tashanayaa iyada oo aynu ognahay in madaxwaynanimadiisu ay ku timid tanaasul iyo boob xaaraan .

 

Lacagta saynduuqa SDF- ayaan haba yaraatee hore waxba loogu qabanin deegaanada ay degaan beelaha Garxajiska, marka laga bilaabo Bariga iyo Koonfurta caasmada Hargeysa iyo dhamaan gobolada dalka sida Todheer,Sanaag, Sool iyo Saaxil iyada oo hadana ay muuqato lacagta horta leh ee saynduuqaasi ay u qorsahysantahay in la mariyo halkii hore loogu lunsaday, waxan ay arintani ka dhiidhigeedu u taalaa hogaamiye dhaqameedka iyo bulsho weynta hada ku dhawaaqday shirka lagag tashanaayo aayaha deegaanada iyo dadkaba la doonaayo in lagu sii wado dulmigii khiyaamada ahaa ee la soo maray 7 sanadood ee ina soo dhaafay

Team GB Paralympian Abdi Jama on his basketball career

Dagaal Feedh & Laad ka dhex istaadhmay Xaflad Farmaajo loo qabtay

Farmaajo oo oo sidii Kornayl Muuse Biixi si ka duwan uga hadlay qadiyada Wadahadalada Somalia & Somaliland+Wuxu ka rajeynayo

Boqortooyada Jeegaanta: Samaale ma dhaxal sugihii baa?!

$
0
0

Boqortooyada Jeegaanta: Samaale ma dhaxal sugihii baa?!


Waxaan halkan idiinka soo gudbinayaa sawirkan oo lagu qaadey shir dhex maray Mucaaridka iyo i dawlada Korneyl Muse Biixi.  Sidoo kale sida laga arko sawirka waxaa halkaas fadhiya nin aan laga fileynin inuu halkaas joogo, laakiin soo fadhiistey halkaas kana qayb noqdey shirkaas. Ninkaas oo ah  Cabdi Casiis Samaale – kama tirsana xukuumada, kumana jiro mucaaridka. Su’aashu markaas waxay: Muxuu meesha ka qabanayaa Cabdi Casiis Samaale?! 

Waxay u muuqataa in Samaale yahay mid loo carbinaayo inuu noqdo dhaxal sugaha Muse waaba haddii uu Muse dhamaysto xilkaase. Sidaan ognahayna waxa arintan saadaaliyey Mustafe Martin oo sameeyey saadaal hore oo dhab noqotey; Mustafe waxa uu ku sheegay vidoe You tube ah oo la soo bandhigay bishii June 2017 inuu dalka ku soo socdo xukun melatari iyo waxa loo yaqaano dictatorship. Nasiib darro arintaasi way dhabowdey. Waxaana aynu la wada soconaa sidii loogu xoog sheegtay guushii uu helay xisbiga Wadani iyo farogelintii ciidamada, ka dib markii uu Taani –oo ah taliyaha ciidamadu u hanjabey madaxda xisbiga Wadani. Haddaba waxaa maanta ii soo baxay sawir muujinaya in la rabo in la hirgelinayo qorshihii iyo riyadii lagu dhisi lahaa boqortooyo Jeegaantu leedahay oo dalkan laga hirgeliyo. Anigoo arintaas faahfaahinaya fadlan booqo

 

 

Mahadsanid

Samia Axmed

 


Xiisada Mashruuca Sahaminta Shidaal Berbera oo Cirka isku Shareeray, kaddib Markii Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal Xildhiban Siciid Sala-calee Laalush ku Siiyey Mashruuca inuu Ku-xigeen ka Noqdo…

$
0
0
Xiisada Mashruuca Sahaminta Shidaal Berbera oo Cirka isku Shareeray, kaddib Markii Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal Xildhiban Siciid Sala-calee Laalush ku Siiyey Mashruuca inuu Ku-xigeen ka Noqdo…
Wasiirka Macdanta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa cad quudheed laalush kusoo siiyey Xildhiban Siciid Cilmi inuu kala shaqeeyo mashruuca sahaminta Shidaal ee laga baadhayo Gobolka Saaxil.
Warar lagu kalsoon yahay, ayaa shaaca ka qaaday in Wasiirku qorsheeyey in mashruuca sahaminta shidaal ee Berbera uu jagada ku xigeenka mushruuca u doortay Xildhiban Siciid Cilmi Rooble, halka Gudoomiyaha mashruucana uu Gudoomiye uga dhigay nin ay isku beel yihiin Wasiirka oo kasoo jeeda deegaanada bariga Burco.
Tallaabadan ayaa ah mid fadeexad weyn ah oo tilmaamaysaa inuu wasiirku quudhsaday deeganka, isla markaana tani waxay sii cadho gelinaysaa dadweynihii gadoodsanaa ee markii horeba tabashada qabay.
Xulashada Xildhiban Siciid Cilmi Rooble ee Wasiirka macdantu sameeyey, ayaa iyanna aan haba-yaraatee waxba ka bedelayn gadoodka bulshada deegaanku ku raadineyso xuquuqdooda ah inay mushruuca shaqaalihiisa iyagu noqdan, isla markaana Gudoomiye ka noqdan mashruucan. La soco goordhow Warbixin si hufan uga hadlaysa eexda iyo qabyaalada uu ku shaasheyey Wasiirka macdantu mashruuca Sahaminta Shidaal ee Berbera.

Xukumadda kornayl Muuse Biixi oo albaabada u laabaysa TV- Somalia ee ka hawl gala Somaliland

$
0
0

Xukuumadda Cusub ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne kornayl Muuse Biixi Cabdi, ayaa bilawday in ay kala saarto War-baahinta kala duwan ee ka hawlgasha Somaliland, gaar ahaana Tv-yada ku haddla afka Somaliland, iyadoo bilowday in ay si gaar ah u fogayso una faquuqdo Tv-yad aan laga lahayn Somaliland ee laga leeyahay degeenada kale ee Somaalidu degto, kuwaas oo aan fooda gelin karrin xarumaha Dowlada , isla maraakana aan la ogolayn in ay ka qayb-galaan shirarka jaraa’id ee ay masuuliyiinta Dowlada ay qabanayaan.

Qorshan ay Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Biixi ay ku tagoorayso Tv-yada afka Soomaalida ku haddley kuwooda aanay lahayn shaqsiyaadka u dhashay Somaliland, ayaa hadda maal-mihii u dambeeyey u muuqday mid si dad-ban loo dhaqan-geliyey, iyadoo loo diiday in Tv-yadaasi aan laga lahay dalka gudihiisa ee af-soomaaliga ku haddla inay ka qayb-galaan shirar saxaafadeed-yo todabaadkan iyo kii ina dhaafayba ka dhacay wasaarada Maaliyada, Madaxtooyada , Xuskii ciidanka Qaranka Somaliland iyo kuwo kaleba, waxaana xusid mudan in lagu casuumay keliya shanta Tv ee laga leeyahay Gudaha Somaliland oo weheliyey Tv-ga ku haddla afka Xukuumadda Somaliland.

Docda kale Wakiilada Tv-yada aan laga lahayn Somaliland halkan ujooga iyo weriyayaasha ka hawgala, ayaa talaabada xukuumadda Madaxweyne Biixi ka niyad xumaaday, iyagoo sheegay inuu jiro caadis xoogan oo ay Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Biixi ay ku hayso, kaas oo ah in ay masuuliyiinta Dowlada oo ugu horeeyo Wasiirka War-faafintu ka maanaceen in ay ka qayb-galaan shirarka saxaafadeed-yada ay qabanayaan, waxaanay noo sheegeen inay shirarka saxaafadeed ay ka qayb-galaan keliya Tv-yada ay ashkhaasta reer Somaliland leedahay iyo ka dowlada, balse gebi ahaanba loo diiday kuwa aan subaadaa lahayn.

Ma jiro wax war ah amuurta ku saabsan oo kasoo baxay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, marka laga tago xogahaasi, balse waxa jira cadaadis gaar ah oo tan iyo intii uu Xilka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay xukuumaddiisu ku hayso Tv-yad afka Soomaalida ku haddla ee aanay lahayn shaqsiyaadka kasoo jeeda Somaliland.

Si kastaba ha-haate waxayn dhawrna waa halka oo sal dhigto faquuqa ay Xukuumadda Somaliland ku hayso Tv-yad afka Somaalida ku haddla kuwooda aan laga lahayn gudaha Somaliland iyo wixii ku dambeeyo xaalku..

Baabi’intii Wasaaradihii Madaxtooyada & Duulista, Caydhintii Shaqaalaha 2-da Wasaaradood & Talaabooyinka Kale oo Muujinaya In M/weyne Kornayl M. Biixi  Tiraayo Raadkii Ex-wasiir Maxamuud Xaashi

$
0
0

Baabi’intii Wasaaradihii Madaxtooyada & Duulista, Caydhintii Shaqaalaha 2-da Wasaaradood & Talaabooyinka Kale oo Muujinaya In M/weyne Kornayl M. Biixi  Tiraayo Raadkii Ex-wasiir Maxamuud Xaashi

Halkuu Salka ku hayaa dagaalka Madaxwayne Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi, maxaase laga xasuustaa dhacdooyinkii soo dhexmaray?

Tan iyo intii madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi talada dalka la wareegay waxaa soo baxayay tallaabooyin lagu sheegay in lagu sifaynayo musuq maasuqa isla markaana lagu saxayo nidaamnka dawladnimo.
Tallaabadii koowaad ee madaxwayne Biixi ka bilaabay sifaynta musuqa ayaa noqotay in la dareeriyo ku dhawaad 100 shaqaale ah oo ka tirsanaa wasaaradda madaxtooyada, kuwaasoo sida la sheegay aan ku jirin liiska shaqaalaha rasmiga ahaa ee mushaharada ka qaadan jiray dawladda, balse ay gunnooyin qaadan jireen. Inta badan shaqaalahaas ayaa ahaa kuwo la qoray wixii ka dambeeyey 2015.

 

Sidoo kale muddo yar kadib ayaa la dareeriyey shaqaale 120 qof oo ka hawlgalayay wasaaradda duulista, waxaana sidoo kale lagu sababeeyey inay ahaayeen shaqaale aan loo baahnayn isla markaana ay wasaaraddu haysato shaqaale ku filan, haddii ay u baahatana ay u yeedhan doonto.

 

Labadan wasaaradooda ayaa uu labada soo maray wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, sidoo kale dhammaan shaqaalaha la eryey ee labada wasaaradood ayaa ahaa kuwo uu Maxamuud shaqo galiyey, arrintan ayaa lagu macneeyey mid siyaasadeed oo ay xukuumadda cusubi ku saarayso dhammaan xidida uu Maxamuud Xaashi oo ahaa wasiir awood lihi ku yeelan lahaa xukuumadan cusub, waxa intaas dheer in labada wasaaradoodba la baabi’iyey.

 

Geesta kale Arbacadii todobaadkan ayaa albaabada loo laabay sherkadda ammaanka u qaabilsanayd madaarrada oo lagu magacaabi jiray SRM, taasoo sida ay warar xog ogaal ahi sheegayaan uu sheer ganacsi ku lahaa wasiirka madaxtooyada, ka sokow wararka xanta ee sheerka la xidhiidha, sherkadda SRM Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa la galay heshiis 50 sano ah wakhtigii uu wasiirka duulista ahaa, waxaana ay u muuqataa inay ka mid tahay tallaabooyinka lagu masaxayo raadkii Maxamuud Xaashi Cabdi oo dhawaan uun ahaa shakhsi saamayn leh, oo xitaa go’aamin kara waxaanu shaqo ku lahayn, waxaana xusid mudan in xidhista sherkadan loo adeegsaday hantidhawraha guud.


Maxaa ka dhexeeya Madaxwayne Biixi iyo Wasiir Xaashi?

Wakhtigii uu madaxwayne Muuse Biixi shaaciyey inuu murashaxnimada xisbiga kula tartami doono Madaxwaynihii wakhtigaas Axmed Siilaanyo, waxa jiray guluf ay wasiirro tiro lihi ku qaadeen Muuse Biixi oo xitaa gaadhay in dadka sita astaanta Muuse Biixi la xidho, wasiirradaas waxa ka mid ahaa wasiirkii ahaa Maxamuud Xaashi Cabdi oo wakhtigaas ahaa wasiirka duulista, xilligaas oo uu Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ahaa wasiirka qudha ee Muuse taageeray xilkii goor saq dhexe ah laga qaaday, isla dhacdadaas waxaa ka hadhay mahadho cajiib ah, waxaana saraakiil KULMIYE ka tirsani sheegeen inuu Maxamuud ahaa wasiirkii Maxamed Cabdillaahi Cumar ku yidhi ereyga ah “waa dagaale dhinac raac”.

 

Inkastoo uu Siilaanyo u tanaasulay Muuse Biixi ugu dambayn, sidoo kalena Maxamuud Xaashi uu Muuse garab istaagay wakhtigii isbahaysigu ka dareereen xukuumadda hadana arrimahaasi may horseedin in Muuse iyo Maxamuud dagaalkoodu istaago, waxaana uu mar kale Maxamuud Xaashi Cabdi u istaagay sidii uu guddoomiyenimada KULMIYE uga ruxruxan lahaa Muuse Biixi, waxaa la xasuustaa guluf salaadiin ah oo Maxamuud Xaashi soo abaabulay kuwaasoo ka koobnaa dhammaan raasaska beesha Habar-jeclo, kuwaas oo Muuse ugu goodiyey inuu ku wareejiyo Maxamuud guddoominta KULMIYE, hase yeeshee dhammaan arrimahaas oo uu Muuse Biixi ka soo gudbay ayaa sababay inaan wakhtigan wax abaal ahi isugu hadhin Muuse Biixi oo madaxwayne ah iyo Maxamuud Xaashi oo debedda ka jooga maamulka.

 

Somalilandtoday

Bukaanku miyuu bogsan hadii uu dhakhtarku xanuunsanayo- Toosinta Ubadka

90-jir Tafsiirka Qur’aanka ka bartay Radio Hargeysa

Wasaarada maaliyada Somaliland Baashe Morgan Iyo Sacad Cali Shire oo Imaaraadka ka diwaan gashaday shirkad xasaasi ah warbixintii shirkadaasi Nala wadaaga

$
0
0

 

Wasiirka Amuuraha Dibedda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar (Morgan) ayaa 06/02/2018 waxay ka diiwaan gashadeen Shirkad Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Waxaanay Shirkadaas u bixiyeen Somaliland Investment Company Limited.

Shirkadan oo sida ka muuqata Macluumaadka lagu diiwaan geliyay Taariikhdaas kor ku xusan ayaa Waxaa (Company Directors)Agaasimayaal ka ah Wasiir Sacad Cali Shire iyo Baashe Cawil Cumar. Waxaa sidoo kale Xoghaye ka ah Nin lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuseen Cabdalla.

Shirkadan ayaa lagu sheegay inay ka shaqayn doonto Maalgelinta iyo Maaraynta dhinacyada Beeraha, Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga iwm.

Sida ku cad Macluumaad lagu diiwaan geliyay Shirka oo ah nooca gaarka loo leeyahay ayaa Qiimaha Saamiga lagu sheegay 1 USD. Halka qiimaha Saamiga guud ama share Capital la iibiyay 50.000 USD.

Waxaa iyana la yaab leh in Saamilayda Shirkadan gaarka loo leeyahay een Public Company ahayn ay Wasaarada Maaliyada Somaliland ka mid tahay Saamilayda.

Shirkadan iyo qaar kale oo la mid ah ayaa loo furtay sidii Hantida ummada iyo Deeqaha Dawladaha shisheeye inagu caawiyaan lagu musuqmaasuqo.

La soco Macluumaad kale oo xasaasi ah.

 

HALKANI HOOSE KA DAALACO CADAYMAHA OO DHAMAYSTIRAN




Macluumaadka shirkadaasi halkan guji oo kala xidhiidha

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooblow Berbera kuma Meteshid Inaad Cad-quudheed Bariga Burco kaga soo qaadato Gudoomiye ku xigeen

$
0
0

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooblow Berbera kuma Meteshid Inaad Cad-quudheed Bariga Burco kaga soo qaadato Gudoomiye ku xigeen, wax kaa Soconayana maha adiga Wasiirkan Macdanta ee Raad-baradka isagoo ah qabyaalada ku Shaasheeyey Mashruuca Macdan Boobka Saaxil?. 

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu ahaa Nin ay u han-weynaayeen Bulshada ku dhaqan deegaanka Gobolka Saaxil, kaasoo hadda u banbaxay inuu duudsiga xuquuqda bulshada deegaankiisa inuu duudsiga, isla markaana wax hun-guri la mariyo siistay umaddii uu Codkooda ku fadhiyey. Xildhibaan Siciid waxa uu muddo ku 20-sanno ah kamid ahaa Xildhibaanada Gobolka Saaxil ee ku jira Golaha Wakiiladda, runtiina waa Xildhibaan lagu khasaaray. Waayo?. Waa mudane bulshadii uu metelaayey aan maalina is odhan dib wax ugu celi, waa shaqsi calooshii u shaqeyste ah, waa xildhibaan laalush ku gurtaa mucaaridbaan ahay.

Siciid Cilmi waa Xildhibaan Berbera magaca ka diley, maalin-naa hormuud kamuu noqon mashruuc deegaankiisa wax u tara,hase-yeeshee xaajadiisu waa afka ii buuxiya dan-yare yeelkiisee. Maanta waxaan leeyahay Xildhibaan ma imikaad u darayd oo aad cad-quudheed kusoo qaadatay inaad duudsido dadkii halkan ku keenay ilahay ka sekow, Xildhibaan miya waxaad lacag siisatay 100 qof oo xaq u leh inay iyaggu ka hawlgalaan mashruucan beenta ah ee macdanta lagu boobayo, Xildhibaan ma waxaad naga dooratay inaad shaqaale u noqoto Wasiir Beeshiisu kusoo duushay xuquuqdii dadkaaga?. Waxan rajeynayaa inuu ka jawaabo Xildhibaanku.

Sidoo kale, waxan leeyahay Wasiirkan cambaarta ku ah Xukuumadan aanu dooranay ee u hoggaamiyo Madaxweyne, Mujaahid Muuse Biixi, adeer kuwo kaa horreeyey ayaa toobiyaha qaaday, adiga iyo khayrkaa toona ka socon maysoo inaad xuquuqda bulshada deegaanka ilahay ku beeray aad duudsido, hana ku seexan inay mashruucan aad macdanta ku boobayso kaaga shaqeeyan dad aad kasoo tahriibisay bariga Burco.

Midna waxan ka leeyahay shirkadaha sheega inay shidaal baadhayaan ee indho sarcaadka bulshada u dhigaya, Dawladuhu iyagoo eegaya danahooga dhaqaale waxay isku dayaan inay shirkadahooda u fududeeyaan sidii ay dalalka khayraadka dabiiciga ah leh ee dunida saddexaad uga heli lahaayeen fursado ay ku maalgashadaan kuna macaashaan sida la soo bixitaanka iyo ka ganacsiga khayraadka dabiiciga ah taas oo ay faa’iido dhaqaale ugu jirto dalalka ay shirkadahaasi ka soo jeedaan. Shirkadahani waa kuwo macdanta gurta mana ahaa kuwo shidaal soo saara, balse waxay sahamiyaan deegaanada macdantu ku badan tahay, kaddibna way gurtaan oo ay dhoofiyaan.

Hadiise ay shirkaduhu carqalado kala kulmaan xukuumadaha ka taliya dalalka ay khayraadka u soo saarayaan waxay dawladaha ay shirkadahaasi ka soo jeedaan isku dayaan inay culays diblomaasiyadeed, dhaqaale ama xataa milatari saaraan xukuumadahaasi si ay u jooyinaan dhibaatooyinka ay shirkaduhu kaga cabanayaan. Waxa kale oo dhacda in shirkadaha laftoodu khilaafka abuuraan iyagoo doonaya macaash siyaado ah ama waxyaabo kale oo aanay jid u lahayn.

Waxa xaqiiqo ah in xukuumadeenii ku milantay qawlaysato ruqsadaha shidaal baadhista ee la siiyo iyaguna sii kala sarifta oo kolba qayb ka mid ah ruqsadahaasi la siiyey ku iibiya ama ka iibsada suuqyada lagaga ganacsado saamiyada (shares) shirkadaha ee loo yaqaano (stock exchange market).

W/Q

Cabdifatax Cali Faarax

<fataax4144@gmail.com

Berbera/Somaliland.


Farmaajo & Kornayl Muuse Biixi oo isla gartay in Wadahadalada Somalia & Somaliland lagu qabto Djibouti

$
0
0

 

Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa isla gartay in kulanka koowaad ee lagu furayo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya lagu qabto dalka Djibouti. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.


Sida ay xogahani tibaaxeen labada Madaxweyne waxa ay isla garteen in kulanka koowaad oo la filayo inuu qabsoomo bisha March ay goob-joog ahaadaan, waxaanay wada hadal la sheegay in loo kala dab qaaday ka dib ay isla garteen in Djibouti noqoto dalka furaya wada hadalka hakadka galay.
Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa kale oo la sheegay inay isla garteen inaan Turkiga lagu koobin martigelinta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, maadaama oo aanay wada hadaladii Turkiga lagu qabtay waxba ka soo bixin. Fikirkan oo la sheegay inuu watay Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka warwareegay laakiin uu aakhirkii aqbalay. Markaas waxa ay Djibouti noqon doontaa dawladda bedeli doonta dawladda Turkiga.
Shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa aaminsan inaanay dawladda Turkigu dhexdhexaad ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya maadaama oo ay dawladda Turkigu aad u taageersantahay una ololayso fikirka midnimada Somaliland iyo Somaliya. Laakiin dawladda Djibouti lafteeda ayaa si cad u aaminsan wixii la odhan jiray midnimadii Soomaaliya ee burburtay sannadkii 1991-kii, waxaanu Madaxweyne Ismaaciil Cumar dhawr munaasibadood ka cadeeyay aragtidiisa, wuxuuse ku ladhaa in mustaqbalka Somaliland iyo Somaliya uu u yaalo dadka Soomaalida ah.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaalkiisii u horeeyay wuxuu ku tagay dalka Djibouti oo uu kula soo kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa isna dhawaan safar ku tagay dalka Djibouti oo uu kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.
Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo bilaabmay sannadkii 2012 oo ahayd markii uu Mdaxweyne Siilaanyo laba sannadood talada hayay; ma jiraan wax macno leh oo ka soo baxay marka laga reebo shirar labada wefti dhex mara iyo heshiisyo la saxeexo oo u muuqda in miiska wada hadalka lagaga yimaado.

Kornayl Muuse Biixi oo ka hadlay Xulufada Jeegaanta

Ugaaska Guud ee Garxajis oo shaaciyey in Baahidii ZAAD-ku hadda taagan tahay,Xukumada Kornayl Muuse Biixina Sarif & Sixir-bararka la soof-dara-habowday

Baashe Morgan oo faro galin qaawan KU sameeyay xukumadda Muuse Biixi kana waramay shirkada uu ku diwaan gashaday magaca Somaliland

$
0
0

Warsaxaafadeed

Taariikh 08.02.2018
Maanta oo taariikhdu tahay 8 February, 2018- waxa sharif weyn u ah dalka iyo dadka reer Somaliland in diiwaangalin sharci ah loo sameeyay Shirkada maalgasgiga Somaliland (Somaliland Investment Company), iyadoo laga diiwaangaliyay Sayladda Suuqa Dhaqaalaha Caalamiga ah ee Dubai (Dubai International Financial Center DIFC).
Diiwaangalinta oo waafaqsan shuruucda ganacsiga ee Boqortooyada Ingiriiska.

Shirkadani waxay indhaha caalamka kusoo jeedin doontaa maalgashiga Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay meesha ka sari doontaa caqabadihii horyaallay maalgashiga dalka, isla markaana waxay fududeyn doonta galista heshiisyada maalgashiga iyo ganacsiga ka dhexeeya Somaliland iyo caalamka intiisa kale. Sidoo kale waxay sahli doontaa shirkadani hawlaha bangiyada la macaamilkooda caalamiga ah, maalgashiga gaarka ah iyo ka saamiyleydaba. Waxaana fududeyn doontaa hawlaha xisaab furashada akoonadda, dekadda Berbera iyo free zone-ba

Waana Illaahay mahadii in ay caqabado badan oo aqoonsi la’aantu keenaysay oo dhinaca ganacsiga iyo maalgashigu meesha ka bixi doonaan, taasi oo wax weyn ka taro doonta kobaca iyo horumarka dhaqaalaha dalka Jamhuuriyada Somaliland.

Allaah Mahad leh
Bashe Awil Omar
Safiirka Somaliland ee UAE

Xukumada Kornayl Muuse Biixi oo qiratey inay Dubai ka samaysatey Shirkad Maalgelineed oo Baashe Morgan Budhtuur u yahay..”Tana tii hore ka daran”

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>