Wasiir ka tirsan Xukumada Kornayl Muse Biixi oo ka dhex hilaacay Buhoodle & arimo kale oo xasaasiya
Sharciga Ma Hoos U Dhiga Sharciga Ayuu U Badalay ?
Madaxweyne Muuse Biixi Sarayntii Sharciga Ma Hoos U Dhiga Sharciga Ayuu U Badalay ??.
Cajiib: Murashaxii KULMIYE Madaxweyanaha hadda ee Somaliland wuxuu ku ololeeyay saraynta sharciga, shakhsi go’aan adag dooro iyo qodobo kale oo mala awaal aha..Ilaa hadda intaan hayo anigu sarayn sharci iskadaayo hoos u dhigida sharciga ayaa socoto. Madaxweyanaha qodob Dastuuri ah aya siinaya awooda magacaabista iyo xil ka qaadistaba.
Waxa yaab leh Xukuumaddii Siilaanyo waxa aad loo hadal hayn jiray magacaabista habeenkii masuuliyiinta la magacaabo badana goor danbe , arrinta qosolka lihi waxa weeye Muuse Biixi isagu Dikreetooyin qarsoon oo Ummadda laga qariyay ayuu wax ku magacaaba, waana khiyaano iyo sharci jabin. Waxa kalifay anigu garan waayay. Ma cidda aad soo dhawaysatay yaan la ogaanba? ma saami qaybsiga oo haddaba dhibac ka raran oo sadbursiimo foocsanaan ahi sii fuushay ummadda ka qariba? Garan waayay .
Maxamed Cali Bile wuxuu Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada, Ummadda looma soo bandhigin magacaabistiisi waanu shaqaynaaya. Waa xil culus oo horena inoo soo maray Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa xilkan mar hayay muran badan oo uu dhaliyayna Wasiirka Madaxtooyada ayaa loo badalay . Dood badan oo laga yeeshay waxa dhammaan shaqaalaha Madaxtooyada lagu amray inay ka amar qaataan, haddii la waydiiyo xilkiisana waxay ku sheegayaan La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweyanaha. Waan hubaa Saxaafaddu haday Muuse Biixi waydiiso wuxuu ku jawaabi doona “Maxamed Cali Bile waa la-taliyahayga”.. Runtuse waa Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada .. Xitaa inuu la-taliye u yahay Shacbiga xasaanada Madaxweyne uu ugu dhaartay looma soo bandhigin…… Maruu ka hadlaayay Toronto Canada oo uu safar ku joogo wuxuu cadeeyay inuu Xukuumadda la shaqeeyo lakiin xilkiisa muu soo bandhigin.
Dr. Cismaan Sheekh waa aqoon yahay ku dhashay Gabilay, Baanka horumarinta Afrika ayuu muddo dheer ka shaqaynaayay. Xafiiska ugu weyn ayaa hadda looga sameeyay Madaxtooyada waana la magacaabay oo isagu waa La-taliyaha la taliyaayasha Madaxweyanaha ee dhaqaalaha iyo maamulka. Waxaase yaab leh Shacbiga Somaliland looma sheegin loomana soo bandhigin, waanu shaqaynayaa. Bal haddaba sidee maamul wanaag iyo wax wada la haansho daacad ahi ku imanaysaa??! Saxaafadda Somaliland ayay u taala inay arrimahan ogaato oo Ummadda u soo bandhigto..
Tusan
Muniir Axmed Cigaal
Shirkada dalka lagu boobaayo ee Somaliland Investment Company Limited Waxa xog hayn ka ah Wiil ay Samsam Cabdi Aadan Habaryar u tahay xaga Ka Amina Waris ………
Shirkada mad madowgu ku jiro Somaliland Investment Company Limited oo wiigani laga diwaan galiyay dalka Imaaradka waxa Xoghayen ka ah Nin lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuseen Cabdall, ninkaasi waxa habaryar u ah oo ay walaasheed dhashay wasiirkii hore ee maaliyada ee xukumaddii Siilaanyo marwo Samsam Adan Cabdi
Waxaana sidoo kale (Company Directors) Agaasimayaal ka ah Wasiir Sacad Cali Shire oo ay qaraabo dhow yihiin marwada madaxweynahii hore ee Somaliland Amina Waris iyo sidoo kale Baashe Cawil Cumar (Morgan)- oo ah wiil ay sodoh u tahay marwo Amina Waris.
Labadan haween ee kala ah Amina Waris iyo Samssam Adan Cabdi oo ahayd wasiirkii hore ee maaliyada ayaa dalka soo maamulaayay kadib markii uu xanuunsaday madaxweyanhii hore wakhti xiliyeedkiisii, waxna muuqata in shax cusub oo lagu maamulanaayo arimaha dekada iyo saldhiga Berbera oo mashaariic horumarineed la dhaafsaday ay iyagu hagi doonaan, waxanakuu cad in dalka ay wali taladiisa lug ku leeyihiin kooxdii dalka la degtay ee baabiisay, abuurtayna maanta kala qaybsanaantaasi ka muuqata bulshada.
Waxana la gudboo beelaha aan ahayn jeegaanta in arimahani mugdiga dalka iyo horumarkiisaba galinaaya laga tashado, waana in dalka la galiyo isla xisbaabtan madaama oo madaxweynahii la doortay lagu dul shaxaayo oo maamulkii hore ee uu dalka kala wareegay ay wali gacanta ku haystaan mashaariicdii dalka la doonaayay in lagu horu marin lahaa.
Kooxdani waxa ay hore afka ugu dhigteen mashaiicdii SDF oo lagu lunsaday 64 Malyan oo doolar taasi oo maanta hadii tan lagu daawadana ay halkii iyo meel ka xun kala dhici doonaan
Wasaarada Maalgashiga caalamiga ah oo beenisay sharkada Imaaraadka laga diwaan gashaday
Shirkada Morgan dibada ka samyteen ee huwan magaca Somaliland
Sacad Cali Shire oo warbaahinta la hadlaayey ayaa hadalkiisu u muuqday mid caruuur lala hadlaayo ama qof aan aqoon u saaxiib ahayn, waxaa uu hor fadhiyaa TV caalamka laga daawanayo kama aha aqoon daro oo sacad waa nin wax bartay balse markii runi timid beentii meel ay ka baxdo ayay weyday sacad ayaa hadalkiisii noqday markii su’aalaha la weydiinayey macquulka ah wax Taah u eg HhhhMMmmm.
Waxaa is weydiin mudan Baashe Morgan muxuu dawladan ka yahay sideese wax uGu saxeexi karaa, sideese shirkad dawladi leedahay laba nin magacooda uGu saxeexi karaan ? Berise haday dawladu dhacdo dawladi kuma qora shirkada saw iyagu iskama laha sharciyan ?
Hadaba boobka iyo hantida dalkaa yar ee curdinka ahi halakaasay maraysaa nin walowba wixii aad yeeli lahayd adigaa yaqaan igama aha isku dir iyo dano qabiil balse waddankii qaydhinkaa lagu qaybsaday, waxaa halkaa ka muuqata in dawladii siilaanyo si dad ban weli uGu lug leedahay dawlad ku sheegtan Kornayl muse biixi.
Related imageImage result for sacad cali shire iyo baashe morgan sawiro
Hadaba dillaaliinta carabta ku macaashta ee aynu ka war haynaa way badan yihiiin kuwa aan u naxayn dalka iyo dan yarta waa kuwan nimanka sidii wananka cunuhu naaxay ee dhiig miiratada ah waxaa aad uGu jira faysal cali waraabe oo qaybtiisa la siiiyo si aanu u hadal, waxaan ka maqnayn maxamud xashi waxaanu xog ku helay in ay jiraan shirkado kale oo si shaqsiyadeed loo samaystay looguna shaqaysto qurbaha.
Image result for sacad cali shire iyo baashe morgan sawiro
Baashe Moorgan oo ah tuuga uGu weyn ee qoorta uGu jira S/land oo Siilaanyo sodoga u yahay ayaa waxaa uu ka faa’iidaystay dawlad la moodii siilaanyo ee Qabiilka iyo eexda u horseeday dadka shacabka masaakiinta ah ee la daalaadhacaysa sixir bararka, Baashe ayaa sida aad aragtaan waxaa uu halka uu maare u waayo kaga faa’iidaysan jiray madaxweynihii hore ee Somalia xassan sheikh oo uu malaayiin dollar ku casaysan jiray tii baana weli dabada la hayaa.
Image result for sacad cali shire iyo baashe morgan sawiro
Dan yartii ayuu Siilaanyo ku sii daayey dhiig miirato waana ta weli loo tag iyo maare la’yahay sixir barar, raashin barar, lacag barar, shirkado debdeda barar, gaajo barar, dhaqaale xumo barar, iyo dad sigaara uGu bararu lacagta dan yarta ee la cunaayo laguna macaashayo waddanka debdiisa si aan looba ogaan xaga laysla maraayo.
Image result for sacad cali shire iyo baashe morgan sawiro
Hadana waxaa dhulkii u tashaday oo dhulka la simay Mayor ay isku hayb yihiin Kornayl muse bixi iyo ina kaahin oo jiibta la ag taagan waddankii waa dhintay waa baa’bay ka tashi ayuu leeyahay ninkii dhego u daloolaanow nacas loo shiigi maayo nin raggina waa garanayaa, halka xaal marayo dumarka iyo ciyaalka iskuulku wax kalama socdaan balse waayeelka xaasleyda, curyaamiinta, iyo inta jilicsan oo dhami way dareemayaan culayska ay leedahay dhibaatada maamul xumadu.
Abdi Y.Maxamed
Xildhibaan F.C.Waraabe Kabaha la dulmaray,Soona bandhigay
Qiimaha Shidaalka oo kordhay+Xukumada Kornayl Muuse Biixi oo Go’aan caalwaaya ka soo saartay
The UAE Torture And secret prisons
Buuhoodle: Kaaraha Kalshaale mise Koofiyadda Jeegaanta???
Buuhoodle: Kaaraha Kalshaale mise Koofiyadda Jeegaanta???

#Saxarla: Saaka maxaa lagu cawa beryay?
#Saluugla: Belo ma ogin nabadqab baa lagu soo kaakacay.
#Saxarla: Maashaa Allah saaka ma dawladdii Farmaajaa ina aqoonsatay oo wasiir inoo soo dirtay.
#Salguugla: Weger! Armaanu Farmaajo Buuhoodleba aqoon, maxaad saaka maqashay?
#Saxarla: Buuhoodle sidee baanu u maqal saw innaggii toddobaadka dhan u dabaal degeynay markii kal.hore la doortay.
#Saluugla: Dabaaldeggeenu xad ma lehe ma wax kalaad maqashay?
#Saxarla: Waxba ma maqline miyaadan u jeedin magaaladii oo dhammi sawtan dareertay ee la leeyahay wasiir bay soo dhoweyneysaa!
#Saluugla: Alloow nimaan wax ogeyn ha cadaabin. Heedhe iska ammu wasiirku wasiirkaad moodday maahee!
#Saxarla: Oo haddaa ma qoladii Buntilayn ee la lahaa abaabul dagaal bay ku jiraan buu ka socdaa? Iyaba ka dayrin mayno hadday run sheegayaane!
#Saluugla: Heedhe kuwaa cid inaga aadda mooyee cidi inagagama soo noqoto.
#Saxarla: Oo heedhe anigu yaabaye ma qoladii dhallinyaradii badbaado Khaatumo la baxday baa dib usoo noolaatay.
#Saluugla: Kkkkk Saxarlaay dhallinyaradaa hawshoodu waxay ahayd inay odaygii Cali Khaliif ay Buuhoodle ka saaraan, qorshe uga danbeeyaa intaa ma jirin. Magacooda iyo muuqooda toonna miyaad dib u maqashay?
#Saxarla: Oo haddaa yaabay aniguye, ma dhankii Kililkaynu wasiir ku yeelannay haddaa?
#Saluugla: Kililka haddaynu kala nabad galno ayaynu ku buro sidnaa
#Saxarla: Ma annagaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa! Magaaladii waatan dhaqaaqdaye wasiirkana ka hor tegeysee, ma wasiir Jinbaa haddaa?
#Saluugla: hhhhh, oo Saxarlaay xogogaal baan ku moodayaye illeyn magaalada waad iska joogtaa.
#Saxarla: Naa heedhe bal ii warran sidee wax u jiraan?
#Saluugla: Wasiirku waa Wasiir Soomaalilayn ka yimid oo reer Buuhoodle ah
#Saxarla: Soomaalilayn? Oo ma waxaad i leedahay arrintu soo dhoweynba maahee waa mudaharaad lagala hortegayo. Heedhe xalay Jimcay ahaydoo anaa saaka iska yara bariistaye ciidamadii ninka celin lahaa ma hiirtii bay baxeen.
#Saluugla: Saxarlaay wallee xaal-moog baad tahay. Miyaadan bandiiraha Soomaalilayn ee derbiyada sudhan u jeedin iyo dhallinyaradan aad wada “jeegaanta” mooddo.
#Saxarla: Oo naa sida loo ba’ay ma wasiir Soomaalilayn ah baynu maanta Buuhoodke ku soo dhoweyneynaa? Oo maxaa Xaglotoosiye godobta looga gelayey haddaa, oo shanta sano dhabarka loogu jeedinayey haddii ragga kaleba la soo dhoweynayo.
#Saluugla: Heedhe ninkani waa Cabdirashiid Ducaale Qanbi oo reer Buuhoodle ah.
#Saxarla: Naa bal yaabkan eega! Oo haddaa ma Xaglotoosiyaan reer Buuhoodle ahayn. Oo illeyn meesha sheekooyin hoosaa ka jirey haddii beryahanba afka la iskula jirey! Ma innagii reer Buuhoodle ahayn baa isu humbaalaynay. Waase wixii laga macaasho “Wallee karis xumeey adna ku wax li’id”
#Saluugla: Inaadeer Xaglatoosiye waad ogatahay inuu ciyaala Dunbulukh yahaye, ma Cabdirashiidkan guriguu ku dhashay soo booqday buu la mid yahay.
#Saxarla: Naa bal yaabkan eega. Waaba la ogaan ninka reer Dunbulukh iyo Suweeto ah. Wallee ama Buuhoodle Buuhoodlay noqon ama waa lagu kala bixi!
#Saluugla: Naa inaadeer “caadi iska dhig” xaalku halkaas ma gaadhine, inanku wuu iska noqonayaaye.
#Saxarla: Anigu caadi baan ahaye “bal idinku is waafajiya Kaarahan aad taallada ka dhigateen iyo soo dhoweynta wasiirka Somalilayn”!
Mohamoud Ibrahim (Xaaji)
Xildhibaan Wasiirka Macdanta ku eedeeyay inuu Beeshiisa ku soo daadgureeyay Saaxil & Nabadgelyo-darro…
Mudahaaradyo ka qarxay Boorama & waxay daaran yihiin+Hugunka Rasaasta
Fadeexad Daaha-ka Fayday Qabyaalada Wasiirka Macdanta Xukuumadda Muuse Biixi ka Dhex-wado Gobolka Saaxil + Mashruuca Sahaminta Shidaal Iyo Maamka Tuulooyinka uu maraayo
