Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Masuuliyiinta Xukumada madaxweyne Siilanyo ee xilkii dawladnimo si reeraysan u adeegsada maxaad ka ogtahay, waase kuwee?.‏

$
0
0
  • Masuuliyiinta Xukumada madaxweyne Siilanyo ee xilkii dawladnimo si reeraysan u adeegsada maxaad ka ogtahay, waase kuwee?.‏

Ugu  horeynba  waxaan  salaamayaa  saxaafada guud  ahaan kuwa  habeen  iyo  maalinba  ummada  u  adeega  xaqana  farta  ku  fiiqa  kuwaasina  waa  kuwa  had  iyo  jeer  soo bandhiga  runta  iyo  xaqiiqada  een  habqabiilnimo  u  adeegin  waana  kuwa  aan  had  iyo jeerba anigu  xidhiidhka  la  leeyahey  ee  afkaarta  iyo  aragtidada  daweynaha  si  xalal  ah  u  soo  gudbiya, waxanan  leeyahey  guuleysta  oo  jira  waxaad  heysaan  wado  sax  ah  ee  ha  ka  laabanina waligiin.

 

 

Aan  u  soo noqdo ujeedadeyda  ah  maxaad  ka  ogtahay  masuuliyiinta  xukumada  madaxweyne  siilaanyo  ee  xilkii  dowladnimo  qabiilka  ka  dhigey  ee  reerahoodii  iyo  qabiiladey  ka  dhasheen  kula  laabtey  een  meel  kale  aan  dhagaxdhin  ilaa  maanta?

 

 

Horta  deegaan  gaar  ah  ama  cid  gaar  ah  waxaa  matali  kara  ama  afkooda  ku  hadli  karaa  waa  Xildhibaan  ama  mudane  laga  soo  doortay  deegaankaasi  ama  qolodaasiba  dheh oo, balse  waa  xaaraan  in  qof  xildowladeed  haya  ama madax sare sida  madaxweynaha, ku  xigeenka, wasiirada, agaasimayaasha intaba waa ka xaraan in ay habqabiil  umaamulaan dalka  iyo  dadkaba, sababtoo  ah  waxey  hayaan  xasaanad ummada  oo  dhan  u  dhexeysa  waana  danbi  iyo  khiyaamo  qaran  hadey  ku  kacaan, eex, kala  dhaweysasho.

 

 

 

Hadaba  bal  aan  idiin  sheego  masuuliyiintaasi  kuwa  ay  yahiin, iyo xilalka  ay  hayaan.

 

 

- Waxaa  ugu  horeeya  waa   marwada Amina  waris  jirde,ee madaxweynaha  axmed  maxamed  siilaanyo, oo  iyadu  ilaa  maanta  marwalba  aad  maqleyso  waxey  iskuul  ka  dhistey, laaso -dacawo  iyo mandheera ,oo heyb  ahaan  loo  tiryo  in  ay  ka  soo  jeedo,  balse  xilka  ay  heysaa  maahan  mid  heybeed  ee  waa  mid  qaran  waana  ku  ceeb  iyadoo  ah  marwadii  koowaad, balse  aan  xildhibaanad  aheyn  oo  cod  shacabka  somaliland  siiyeeen  meesha  ku  fadhida  in  ay  heeybteeda  hoose  uun  kolba  iskuul  u  dhisto, oo  aaney  waligeed  booqan  deegaan  ka  baxsan  meesha  ay  heyb  ahaan  ka  soo  jeedo.

 

 

- waxa  kale  oo  isna  laba  ku  ah  waa  wasiirka  maaliyada  c/ casiis  samaale  oo  marka  uu  meel  tago, gabiley iyo  alleybadey  aan  dhaafin  xitaa  boorame  ma  gaadho  oo  gabiley  u  dhow  waddo  laamiyana  leh, waxana  la  odhankaraa  waa  madax  aan  garaadkoodu  dhaafsiisneyn  qabiilnimo  hoose, kuwaasi  oo  kalena   waa  ayaan  darro  iney  xilalkaasi  ay hayaan maanta.

 

 

-Masuulka  sedexaad  waa  wasiirka  macdnta  iyo  biyaha  somaliland  xuseen cali  ducaale, wasiirkaasi  malaha sida  xogta  ah  waxa  uu  dalka  ka  hirgaliyey  ceelal  badan  oo  ilaa  10  ah  nasiib  daro  wali  ceel  kamuu  qodin  meel  aan  bariga  burco  ama  aan  aheyn  gobolka  todheer, oo  ah  meesha  uu  heyb  ahaan  ka  soo jeedo,  waxaa  hadaba  yax yax  iyo  ceeb  ah  dadka  kuwaasi  maanta  horjoogaan  ee  ay  dowlada  u  sheeganayaa.!!

 

 

-Masuulka  aan  ugu  danbeysiinayaa  waa  gudoomiyaha  golaha  guurtida  oo  ah  nin  da’a  ah  oo  siilaanyo  la  da’ah  hadana  xilkii  guurtida  ee  uu  gudoomiyaha  ka  ahaa  waxa  uu  ku  taageeraa  sax  iyo  qaladba  xukumada  uu  siilaanyo  hogaamiyo.  waana  ceeb  iyo  foolxumo  badan  in  ay  hogaankii  dalku  maanta  iyagu  qabyaalad  horseed  ka  noqdaan!!

 

 

 

Waxa  xusid  iyo  amaan  mudan, xubno  ka mid  ah  golaha  xukumada  madaxweyne  siilaanyo, sida  anigu  aan  u  qiimeeyey,magacyadooda  aan  xuso iyagana  bal  aan  idhaado  waa  wasiiro  ceeb  iyo  xanba  ka bari ah,maanta  waxa  taagan  taariikhdana  aan  lagu  xaman  doonin  waa  kuwii  sidaa  yeeley  waagaasi.

 

W-waxbarshada  Samsam cabdi   aadan  ilaa  hada  waa wasiirada  aan xaduuda  laheyn, deegaan  ahaana  waxey  ka  soo  jeedaa  hargeysa,heyb  ahaana  waxey  la  wadaagtaa  deegaan  balaadhan, sida, waqooyiga  hargeysa  ,galbeedka  hargeysa, iyo  waliba  koonfurta  hargeysa  inta  cida  la  heyb  ahi  way degtaa dhulkaasi balse  iyadu  wali lama  hayo  in  ay  meel  gaar  ah  iskuul  ka  furto  iyadoo  la  odhan karo  waa  wasiirada  aan  xaduud  laheyn  ee  xilkii  wasiirnimo umada  wadaajisa, garteyna  shaqadeedii.

 

 

W- wasiirkii  hore  ee  arimaha  dibada  somaliland  Dr  maxamed  cabdullahi  cumar  xaasha  muu  aheyn  nin  qabiillagu  xanto, sababtoo  ah  deegaanka  uu  u  dhashey  ee  Gabiley  wax uu  tagey  intuu  wasiirka  aha  wax  tiro  lagu  garan  karo  oo  waliba  isagu  aanu  u  tagin dano  qabiilnimo  balse  markaasi  uu  tageyna  uu u  tagey  howlo  booqasho  shaqsiyeed  iyo  mid  gaar  ah.

 

 

W- wasiirka  xanaanada  xoolaha  Dr  cabdi  awdaahir  waa  wasiir  nadiif  ah  oo  xilkiisa  guta  kana  madax  ba’naan, eed ,musuq, eex  iyo  qabiilno  iyo  wax  la mid  ah.

 

 

 

W- wasiirka  diinta  iyo  awqaafta  sheekh  khaliil,  waa  wasiir  aan  ceeb  iyo wax  xun  ilaa maanta  aanan  ka  maqal  waanu  amaananyahey, qofka  fiicana  waa  in  la  xusaa,

 

W-  wasiirka  qorsheynta  DR sacad  cali  shire ,wax  kale  ma  sheegin  waa  wasiir  dhowrsoon, edeb iyo  akhlaaq, aqooni  ka  muuqato, waanu  amaananyay.

 

 

Akhristayaal anigu  markii  aan  shaqsiyan  aad  u  qiimeeyey  xukumada  madaxweyne  siilaanyo, qiimeynteyda  iyo  aragtideyda  waxaan  ku  sifeeyey  Xero  wada  Ul  ah  oo  laga  qaatey  sadex ilaa  afar  ulood,  waxaana  kalkaasi  ka  cad  in  ay  tahey  xukumadii  ugu  xumeyd  ee  ugu  masuuliyiinta  xumeyd  ee  abid  ina  soo  marta  ,ugu  musuqmaasuqa, xatooyada, eexda  qabiilnimada, cadaalad  darada  intaba  waa  mid  isku  darsatey,  ee  Ilaahey  ummada  how  gargaaro,

 

 

 

WQ:  Tahir  hussein( xumaandiid)

 

Email- waayo_aragman@yahoo.com.

 


Baashe Morgan oo ku sugan dalka Imaaraadka kana qayb qaadanaaya shirka Budhacd badeedka ee Somaliya iyo wasiir Biix oo isna gaadhay halkaasi

$
0
0

Baashe Morgan oo ku sugan dalka Imaaraadka kana qayb qaadanaaya shirka Budhacd badeedka ee Somaliya iyo wasiir Biix oo isna gaadhay halkaasi

Hargysa,(Qaran news)- Baashe Cawil Morganoo ah wiilka uu madaxweyne Siilaanyo sodoga u yahay oo todobaadkii
hore ka dhoofay dalka una kicitimay dalka Kiiniya, halkaasi oo uu qoyskiisu degnyahay ayaa shalay ka kicitimay magaalada Nairobi isaga oo u sii dhaafay dalka Imaaraadka taasi oo uu kaga qayb galaayo shir balaadhan oo caalami ah oo lagaga hadlaayo arimaha budhacad badeeda ee halakeeyay dalka Somaliya oo ka furmaaya dalka Imaaraadka oo ay ka soo qayb gali doonaan dalal badan iyo hay’ado kala gadisani oo calami ah, waxana uu socon doonaa dhowr cisho

Shirkani oo lagu marti qaaday Somaliland ayaa waxa isna shalay dalkaasi Imaaraadka u kicitimay wasiirka arimaha dibada ee Somaliland mudane Maxamed Biix iyo Agaasimaha xafiiska la dagaalanka budhcad badeedka Somaliland Mudane Maxamed Cismaan Indhoole.

Shirakani ama kulankani lagaga hadlaayo arimaha budhacd badeedka Somaliya ayaa waxa ka soo qayb qaadanaaya dawlada fadaraalka ee Somaliya iyo maamul goboleedyada ka jira koonfurta Somaliya,shirkani oo lagu marti qaaday dhamaan dalkii la isku odhan jiray Somaliya, waxa waftiga Somaliland majaraha u hayn doona ama hoosta ka riixi doona wiilka uu Siilaanyo sodoga u yahay ee la yidhaa Baashe Cawil Morgan, kaasi oo si xoogan ugu lamaan wasaarada arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland taasi oo uu wakiil khaasa uga yahay madaxweyne Siilaanyo iyo marwada kowaad isga oo wasaaradaasi awood xoogan oo dhulka jiifta ku leh ayaa waxa uu Baashe Cawil si fiican gacanta wasaaradaasi ugu hayay tan iyo intii uu madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegay, iyada oo Mr Baashe Morgan uu si weyn gacanta ugu hayay wasiirkii kan ka horeeyay ee Dr Mohamed Abdillaho oo markii uu ku fashilmay wasaaradaasi loo bedalay wasiirka ganacsiga.

Sida ay doontaba ha ahaatee wasiirka cusub ee arimaha dibada oo ah nin khibrad badan uleh shaqadiisa isla markaasina ah shaqsi isku kalsoon ayaa ay isaga u taalaa sida uu wasaaradiisa uga dhex saari lahaa mr Baashe oo si dadban u maamula isla markaasina awood xoogan oo salka ku haysa sodogii haysta, waxna looga fadhiyaa wasiir Maxamed Biixi in wasaaradaasi noqoto mid aan Moorgan la hagin iyada oo ay sidaasi u samynayaan danahooda shaqsiyadeed iyo boobka lagu hayo khayraadka dalka.

La soco wixii ka soo kordha shirkaasi

US Senator Norm Colamen oo sheegay in somaliland aanay weli fahmin sida loo raadiyo aqoonsi caalami ah+Xisbiga UCID oo sheegay inuu magacabayo safiiro xisbiyeed Qaran

$
0
0

 

Xisbiga UCID oo sheegay inuu magacabayso safiiro xisbiyeed+US Senator Norm Colamen oo sheegay in  somaliland aanay weli fahmin sida loo raadiyo aqoonsi caalami ah.

Washington-(Qaran-news)-US Senator Norm Colamen ayaa sheegay in qadiyadda Somaliland ka adag tahay tii ay South Sudan ku heshay aqoonsiga, laakiin somaliland aanay weli fahmin sida loo raadiyo aqoonsiga caalamiga ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga UCID ayaa todobaadkii hore kula kulmay Former Senator Norm Coleman kulan gaaban magaaladda Washington, kaas oo ay ujeedadiisu ahayd siddii xafiiska uu gadhwadeenka ka yahay Senatorku oo la yidhaahdo Hogan Lovells International Legal Practice ay uga caawin lahaayeen Somaliland raadinta aqoonsiga caalamiga ah.

 

Senator Coleman waxa uu sheegay in uu aqoon dheer u leeyahay arrimaha somaliland, run ahaantiina uu aaminsan yahay in qadiyadda Somaliland ay aad uga adag tahay ugana macquulsan tahay tii lagu aqoonsaday South Sudan oo uu isagu gacan weyn ka geystay, waxase uu sheegay in ay aad u kala duwan yihiin sidda ay somaliland ugu hawl gashay qadiyadda aqoonsi raadiska iyo sida ay South Sudan ugu hawl gashay. Waxa uu tilmaamay in Somaliland aanay marnaba ka hadal amaba awooda saarin danta ugu jirta reer galbeedka in ay aqoonsadaan Somaliland ayse aad uga waramaan taariikhdii Somaliland. Waxa kale oo uu sheegay in ay aduunyadu isticmaasho waxa loo yaqaano Lobbyist oo intooda badan ah shaqsiyaad aqoon dheer u leh dawladda Maraykanka welibana madax sare ka ahaan jiray dalkan.

 

Waxa uu Senatorku sheegay in aanu hore u arag ama u maqal cid u olalaynaysa qadiyadda Somaliland, laakiin uu in badan arkay dad ka olalaynaya oo mar kasta ula soo xidhiidha arrinka Somali weyn. Waxa kale oo uu sheegay in ay hore ula soo xidhiidheen madaxda maamulka Puntland iyo weliba Khaatumo oo uu Senatorku sheegay in uu Professor Galaydh aad ula soo xidhiidho isagoo aad uga soo horjeeda qadiyadda Somaliland.

 

Senator Coleman oo ka mid ahaa golaha Guurtida (Senate) ee dalkan Maraykanka sanadihii 2003 ilaa 2009 ayaa hadda ah qareen/garyaqaan wayn oo ka hawl gala xafiis qareemeedka caanka ah ee loo yaqaano Lovell International Legal Practice oo hawsha ugu weyn ee uu qabtaa ay tahay waxa loo yaqaano “Lobbying” ama Wastayn casriyaysan. Senator Caleman wuxuu ka hawl galaa magaalada Washington, DC, run ahaantiina waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii suurto geliyay in ay dawladda Maraykanku aqoonsato South Sudan.

 

Run ahaantii Yusuf Budle oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee UCID ma aha markii ugu horaysay ee uu hawl noocan oo kale ah ula tegay madaxda dalka Maraykanka, waxase ay tahay mid uu u wado si aan hagrasho lahayn.

 

Mudane Yusuf Budle waxa uu noo sheegay in uu run ahaantii aad uga xun yahay sida ay dawladeenii Somaliland uga seexatay qadiyadda aqoonsi/dhaqaale raadinta ee aynu mudada dheer sugaynay. Waxa uu sheegay in uu filayay in isbedelka ku yimid wasaarada arrimaha dibaddu ay wax ka bedeli doonto siddii ay dawladda Somaliland wax u waday, laakiin ilaa hadda aanu arkayn wax is bedel ah oo lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland oo aan ahayd wasiirkii oo laga bedelay. Waxa uu Yusuf sheegay in haddii ay dawladda Somaliland daacad ka tahay arrinka aqoonsi raadinta ay muhiim tahay in ay usoo magacawdo safiir firfircoon dalkan Maraykanka. Waxa kaloo uu ku booriyay in qadiyadda aqoonsi raadinta laga wada qayb geliyo dhamaan qurbo jooga Somaliland oo loola shaqeeyo siddii oo ay dalka u yihiin safiiro metala, oo nin wal iyo gabadh walbaa meesha ay irbadda gelin karaan inoo geliyaan. Qadiyadu kuma haboona in lagu soo koobo shaqsiyaad iyo kooxo gaar ah, ayuu yidhi Yusuf.

 

Ugu dambayntii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UCID, mudane Yusuf Budle waxa uu noo sheegay in ay ku talo jiraan xisbi ahaan in ay buuxiyaan kaalintii ay dawladeenu gabtay oo ay dhawaan magacaabi doonaan safiiro xisbiyeed inoo fadhiya dalalka inoo muhiimka ah, sida USA, UK, Brussels, Ugandha, South Sudan, South Africa, iwm. Waxa uu sheegay in safiiraddasu ay ka madax banaanaandoonaan u ololaynta xisbiga UCID iyo taageerayaasha gaarka ah ee xisbiga, shaqadooduna ay ku koobnaan doonto xidhiidhka Dublomaasiyadeed ee kolba dalkaas loo magacaabay.

 

Fadlan la soco dhawaan Senator Coleman oo ka hadlaya arrinkan iyadoo maqal iyo muuqaal ah oo aanu idiin soo dayndoono.

UCID Media

Qarannews

 

Sawirka todobaadka

$
0
0

Sawirka todobaadka

saw2

Marka-(Qaran-news)-muqaalka Madaxweynaha somaliya iyo weftigii la socday oo ku dabaalanaya xeebta Marka ,Hase yeeshee saacado ka dib ayaa xaraaradii iyo xaaladii magaalada marki isbedeshay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuudna diyaarad Helikobtara lagula cararay markii laga war helay in kooxo ka tirsan Xarakada Alshabaab soo geleen gudaha magaalada Marka,qasdigooduna yahay inay bartilmaameedsadaan madaxweynaha iyo weftigiisa.

sawirka

Qarannews

 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Dibada Oo Sabab u Noqday Khilaaf Isaga iyo Wasiirka Ka Dhex Qarxay.

$
0
0

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Dibada Oo Sabab u Noqday Khilaaf Isaga iyo Wasiirka Ka Dhex Qarxay.

Qormadii 1aad

Hadii lagu odhan laha isbarbar dhig ku samee gaadhi wayn oo waarad ah iyo taxi nuuca loo yaqaano dukhaan ee baryahan tanbe ku badan magalooyinka Somaliland siba magaladda Hargeisa,faraqa uu dhexeeya intuu leegyahay ayaad odhan lahaydeen.         

Dhacdadani waxay ka jirta baryahanba wasaradda arrimaha dibadda Somaliland,

Waa khalaf ka jira wasaraddasi oo dhexeeya agaasimaha guud iyo wasaradda oo dhan  sidaay kale bacooween ,wasiirka,wasiir ku xigeenka,iyo shaqaalah wasaradda isku dhinac ah, hadaba wattar iyo waaxiido kee waalan, idinka ayaa uu gar qaadi doona ka waalan ee aynu galno ujeededeena

Khibraad  la’aanta agaasimaha guud ee wasaradda oo keentay maamul xuma isku qasan,musuqmaasuq,eex,nin jeclaysi,isfahmi waa,hanjabaad cidna aan loo abo yeelayn,cay,isqabqabsi,isjacburis,xiishood la’aan badan oo xaga agaasimaha ah.

Kadib markii dhawaan loo magacaabay wasaaradda arimaha dibadda maamul cusub dhamaanti  oo ay ugu horeeyaan wasiirka arrimaha dibadda mr.Maxamed Biixi Yoonis iyo mr.Maxamed Xassan

Oo horaanti dhawr bil ka hor  kadib markii joogoyinkii laga badalay labadii nin ee xilka ka hayay wasaradda oo kala ahaa labadii nin ee inta badan miidhyaha (media) aynu ka maqali jirnay sida Dr.Maxamed C/laahi Cumar iyo Faysal Cali Sheekh oo loo badalay wasaraddaha kala ah taa ganacsiga iyo maal galiinta caalamiga ah iyo taa kale ee Boostada iyo is gaadhsiinta marka hore wasaaradu waxay ahayd mid isku dheeli tiran imika waxaa jira isfahmi waa wayn oo dhexeeya  wasiirka cusub Dr.Maxamed  Biixi Yoonis iyo agaasimaha guud ee wasaradda Mr.Maxamed Xassan  sababtuna waxaa weeyi waa gaaf iyo kala dheeri,  bal horta wax yar aynu ka taabano siday kale yihiin labadan shakhsi.

Ugu horayn wasiirka arrimaha dibada mr. Maxamed Biixi waa nin wayn wayo aragnimo badan leh oo in mudo ahayd lasoo sheeqeeyay hay’adaha jimciyadda quurumaha ka dhaxaysa  oo jagooyin sare kasoo qabtay sanado badan oo in 40 sano ah dalkan ka maqna aqoonyahan  balse aan siyaasi ahayn dal soomaliyeed aan  ka soo shaqayn, sida uu shuqul somaaliga uu fahmi karana  ay adagtahay .

Kadibna ah maanta wasiirka arrimaha dibada Somaliland, hadaba waa sidee shaqadiisu uu ka hayo xafiiska hawshii loo igmaday,iswadiintu muxu wasiirku shaqada meesha ka socoda uu fahmi layahay ma wiilka agaasimaha iyo ku xigeenka ayu farah uga qaaday miya,muxuu gaasimaha talaabo uga qaadi wayay.

Hadaba  siday uu socoda hawshu , waa su’aal dad badani ay is waydiin karan,mayahayi shaqsi la qabsan kara dadkan uu maamulo oo inta badan ah dad aan khibrad layahayn iyo ku musuqmaasuq hadheeyay qaar ka midi durba ay isku dayeen inay ka gaadhsiiyan inay wax musuqa’aan qaarna ay yidhahdan waxba nama fahmayo ee maskaxda ka qabsada si ay waxay doonayan ugu hir galo,beena ugu harqiyaan oo ay yidhahdan anaga wax ku tilmanayna wayo anaga dalkii joogna oo wax fahmayna ee sida ayaa wax la yidhahda .

Taasi waa ta keentay in uu wasiirku oo aad uga xanaqay sida uu dhaqmayo agaasimaha guud oo garan laa job descriptions kiisa markii uu wasiirku isku dayay dhawr koor in wax uu sheego waxay tahay shaqadiisu ama waajibaadkiisa shaqo, agaasimihuna uu ku kacan saydhay arinta ayadda ah,wuxuu igu jawaabay aniga waxba imaa sheegi kartid ee anigu waan aqaana shaqadayda,wasiirka laftiisu wuxu ku doodaya in aan loo diri Karin waftiga dalka imanaya iyo ajanabiga kale ee soo buuqanaya wasaradda arrimaha dibadda wayo wax aanu fahmayn luuqada ay ku hadlayan oo English language wayo isaka way ku adagtahay sida u u fahmi karo language diplomacy oo ah ka ay inta badan ay ku hadlaan wayo nin yar oo aan dhaqan dabadeed aan waxba ka arag oo sida somalida ayuu doonaya inay afsomali uu kala hadlo ama English jajab ah,sido kale wasiirka waxa uu yimadda kolba qof shaqaalah ah oo ka cabanaya agaasimaha guud ee wasaradda arrimaha dibadda s/land,mr.Maxamed Xassan,shaqaalaha laftoodu waxay leeyihiin sidan wasaaraddu kuma shaqayn karto hadii aan si dagdag ah wax looga qaban wayo mid kastoo shaqaalaha ka tirsani uu niyad jabsan yahay ,wararka qaar waxay leeyhiin wasiirku dacwad ka dhan ah ayuu doonaya in uu gudbiyo madaxdooyada s/land .taasi waa intii yarad ee wasiirka ku sabsanayd hadaba aynu eegno agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda s/land.

Agaasimaha guud waa kuma balse muxu amminsan  yahay

Magaciisu waa Mr.Maxamed Xassan waa inan dhalinyaradda cusladay ah oo reer Hargeisa ah waa nin reer xero Awr iyo xafadda bebsiga ku noola dhigan jiray dugsiyadda sida dugsiga dhexe ee Axmed Dhax,dugsiga sare ee Faarax Oomaar,iyo jamacadda Hargeisa,wuxuu ku jiray ururada dhalinyaradda ee loo yaqaano NGO iyada siba urur yar oo la odhan jiray HYDA  oo imika baba’ay kadibna Dallaadda ururada la baxaday ee SONYO ee laa assasay 2003 taasi oo uu ka bilabay qirada in kastoo rag ay saxiibo ay ahayeen ka dhigeen gudoomiye si ay ugu garacaan raga kale ay lolanka ay ku jireen wayo daha dabadeeda ayay soo fadheeyen halkana adu fashil badan ayaa ka yimid kadib xilkii ayaa laga qaaday wayo nin qarsan gara maha sirta, wayo nin hadal badan,waa nin hadalka ka adag lagiin hawshu ka dayacanto marku kula hadalayo waxaad moodaysa nin firfircoon( active) balse waxaasi waxaa ogaanaya uun raga lasoo sheeqeyay isaga intii ururka sonyo la odhan jiray qofkii kula jiray bariga uu ka xanaqaba agasimahan hada aynu warkiisi wadno.

Hadaba markii xukumadan kulmiye  ay qabsaday dalka waxa ay horantii xilalka cusub ay ku gashay khaladado waawayn kaasi ayu ka mid ahaa khaladkii ugu wayna silanyo uu samayay wayo waxa kala gici gaadhay saxiibtinimadii dalka aynu jaarka nahay ee Eithiopia iyo Somaliland wayo qof kaste oo Somaliland wuxu ogyahay sida lagama marmaanka uu tahay in mandaqadani ay mihiim ugu tahay  in uu saaxiib dalkani yari yeesho,taasina wax ay ahayd in mar uu safiiro uu magacabay madaxweynuhu in uu ka dhigay safiirka Somaliland ee Eithiopia balse mudo kadib ayaa la ogaaday cidu inu yahay Maxamed Xassan,halkana wax aka dhalatay fateexad wayn oo soo daristay wasaradda arrimaha dibadda s/land wayo safiirkan English lanuagekiisu lama fahmi karo wuxu ku hadlayaba way fahmi weyeen kadib waa kuwii Ethiopian ku waraaq digniin ah soo direen dawladda Somaliland in hadii ay qof hagagsan keeni wayaan in ay xafiskaba xidhi doonaan ama soo badalaan safiirkan aan waxba garanayn kadib waadi Somaliland ay shaqadii ka joojisay safiirkii ee la amaray in uu dalka dib ugu soo noqodo maxamed xassan markii danbe waadii la geeyaya Adan Nuux Dhuule ah suxufi wayn oo khibrad leh sidaana ku noqoday safiirka Somaliland ee Ethiopia.

Hadaba sheegatiisii kusoo noqo bal wuxu ka amminsanyahay xilka loo dhiibay sidu hadaba wiilkani wuxu amiinsanyahay inu gaadhay halkii ugu saraysay Anaya jirin qof ay isku ayni yihin oo soo gaadhi gara halka uu maanta joogo,inta badan marka uu la sheegaysanayo saaxiibadii wuxu yidhahda halkan waan ka dalici laha hadii reerkayaga wax loo ogalyahay.

Qaskan wuxu ogaa wadda meesha wuxu doonaya musmaasuqa uga faiidaysto wayo isle imika waxa lagu haya musuqmaasuq inta badan odhadka Somaliland masoo gaadho halkan wayo wuxu ka adagyahay wasaradd maliyadda iyo qaar yar yar un taasina waa ta samaxaysa in lagu tartamo kharashadka meesha yaala.

Dadka ku dhaw wuxu ku yidhahda meesha in aan xurdaysto ayaan doonaya oo wasiirku nin wax fahmaya maha oo waa carab yacno (cadnaan) ayu ujeeda waxaan ku idhahdo ayaan doona in aan mustaqbalka aan marsado oo imika waan ku tijaabiya oo malinba waxbaan isku daya,wuxu ku mahamaha rooma maalin laguma dhisin ee maalinba talaabo ayaan hore uu qaaday maxa yeelay wasiirku dalka uu ku cusub yahay waxna kama fahnsano dalka iyo dadkaba kolba waxbaan ula taga sida awgeed waa jaanis wayn ayuu ku yidhahda saxiibadii aan ka mid ahay .

Hadaba dawladdan kulmiye inay walaantahay waxa ku cadaynay bal nin safiir yar hayn gari wayay ayay hadana DG kadhigaysa waxaasi waa fadeexad kusoo socoda wasaradda arrimaha Dibadda S/land malin dhawna waad argi doontan fashilka halka kasoo socoda,mahmah somaliyeed ayaa tidhahda nin maqasha lagala quustay ayay geele uu diran. 

Lasoco qormooyinka xiga

Diyaari Yousuf cali khayreh

Shaafi012@hotmail.com

Tallo iyo Toosin : wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare JSl

$
0
0

 

Tallo  iyo Toosin : wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare JSl

Q/2aad  Garyaqaan Xamse Dubad Cabdilaahi

Waxaynu si anba qaadaynaa ,geedigeeeni ahaa tallada iyo toosinta ,wasaraada waxbarshada iyo tacliinta sare ee JSL waana qormadeeni labaad oo aynu ku dhanbali doono ,yaa ku haboo gudida waxbarashada sare iyo sidda looga isticmaalo dunida inteeda kale ,sidaa darted waynu wadda ogsoonahay ,in wasaarada waxbarashadu ay qaranka u xilsaarantahay ,dhinaca waxbarashada oo ah ta ugu muhimsan maxaa yeelay waxbarashadu waa aasaska nolaasha,sidoo kale waa xuquuqda aasasiga ah ee bini,aadmka .

Hadaba hadaynu usoo noqono mowduuca ah yaa ku haboon gudida waxbarashada ,iyo sidda loga isticmaalo aduunka waxaynu soo qadanayna cidda ku haboon.

Hadabamacnaha ku duugan in la yagleelo guddi heer qaran oo waxbarasho ,waxa weeye in kor loo qaado tayadda waxbarashada ee heer jamacadeed ,kormeerida ,waxka qabashada daldalooloiynka ay leeyhin jamacadaha dalka  iyo dabagalka shuruucaha laga doonayo inay ku dhaqmaan (code of conduct ) taaso looga gol leeyahay in aynu hiigsano jamacadaha caalamiga ah .si loo helo arday tayo badan oo wax kusoo kordhin karta baahida aqooneed ee dalka u baahanyahay, lakin macnaheedu maha inay ilaaliyaan tirade jamacadaha oo kaliya ee waa in lagu xisaabtamo tayaynta dhinacyo badan oo ay kamid yihiin ,barayaasha ,ardayda ,guud ahaan maamulka jamacadaha ..

Sidaa darted waxa jira in u dalkeenu leeyahay gudi heer qaran oo ka shaqaysa waxbarashada sare oo u magacaabay madaxwaynuhu  ,runtiina  ah xubno qadarin mudan lakiin sida lugu soo xulay ma si wafaaqsan nidaamka gudiyada heer qaran ama waxbarashada sare ee dalka maxa yeelay waxaaba ka dhex muuqda ,wasirka waxbarashada ,iyo  jamacadaha ,gudoonada jamacadaha qaar hadaba iyadoo  hadafkeenu yahay in laga helo jamacado tayo leh .lana dabo galo nidaamka ay ku sheeqaan balse waxa is waydin leh ,haddi gudidi heer qaran ay ka mid yihiin mulkiilayaashi jamacadahu ,surto gal matahay in wax laga sheego jamacadoodahooda? Jawaabta waxan u daynayaa akhristayaasha ::::::::::::;;;lasoco

 

Hamsedubad@gmail.com

+256793495877

Reer galbeedku dagaal ma ku qaadayaan Syria ,haddeyse ku qaadaan muxu ku dambeyn doona xaalku iyo muxu saameyn ku yeelan doona mandaqadda iyo Somaliland ?

$
0
0

Reer galbeedku dagaal ma ku qaadayaan Syria ,haddeyse  ku qaadaan muxu ku dambeyn doona xaalku iyo muxu saameyn ku yeelan doona mandaqadda iyo Somaliland ?

Dawladda Syria waxa ka xiga dhinaca galbeed Isreal iyo Lebanon, bari dawladda Ciraaq,waqooyi Turkey,Konfur Jordan .Syria waxey ku taalla xudunta bariga dhexe oo ah goob taariikhi ah ,hadday tahey dhinaca isku xidhka iyo isku guddubka dadka iyo ganacsigooda ee qaaraddaha Europe,Asia iyo Afrika inta aan la sameeyn ama la qoodin marinka’’ Canal Sweis’’ ee isku xidha labada bad ee kala ah badda cas (Red sea ) iyo badda cad (Mediterrenean sea) .Waana goobaha diimaha samaawigu ku soo degeen.

bashe

Ahamiyadda goobta ay ledahey Syria waxey geyeeysisay in ay mar walba ku hirdamaan xadaaradihi soo marey adduunka sida Assyrianki,Romanki,pheonicianki,Parsianki iwm,ugu dambeyntina waxey u gacan gashey Emaraddi islaamka waqtigi Khilaafaddi Amiir Al Mu’miniin Cumar bin Khadaab(R,C) ciidanki u hoggaaminayey khaalid bin Al walid iyo Saxaabigi Cuqba bin Naafic (RC).Waqtigaas aya dadka ku nool mandaqadda Shaam badankoodu Islaameen .

Haddaba 1938 Syria waxa kala wareegey Imbraaduriyaddi Cismaaniyiinta   gumeystaha Fransiska ,waxaaney xornimadeedi ka qaadatey 1946 .Markibaana waxey gashey dagaalki 1948 ee dhex marey Carabta iyo Yuhuudda ,dagaalkaas oo Yahuuddu ku guuleysteen kuna dhiseen dawladda Isreal. Maah maah siyaasi oo Carbeed aya tidhaah’’ dagaal aan Masar ku jirin dagaal maaha ,nabad aan Syria ku jirin na nabad maaha’’.Haddalkaas oo ku tusaya in aan mandaqadda nabad ka dhaceyn haddaan Syria ahamiyadda ay ledahey la tix gelin .Dagaalki 1967 ee Yahuuddu Carabta ku qaaddey Syria waxay ka qabsatey Golan Heights oo ah dhul buuro straatiji ah oo dusha ka eegeya  Caasimadda dimishiq .

Dagaalki 1973 ee Carabtu ku jabiyeen Yahuudda ,marki u madaxweynaha Masar Anwar Al Sadaat u si lama filaan ah u joojiyey dagaalki si u heeshiis Yuhuudda ula galo,Syria dagaalki bil bey kaligeed si waddey .Haddaba haddaan ka jawaabo su’aasha kor ku xusan,HAA, reer galbeedku dagaal wu ku qaadaya Syria , arrimaha soo socda awgood :

1-Reer galbeedka oo doonaya in kheyraadka dabiciga ah ee Syria gacanta ku  dhigaan sida Ciraaq iyo Libiya iwm.

2 –In ay daciifiyaan xoogga military ee Syria madaama ay dawladda Yahuudda khatar ku yihiin (Dawladda Yahuudda oo saameeyn weyn ku leh go’aanada siyaasi ee reer galbeedka).

3-Madaama ay Syria ku taallo goob muhim ah oo Europe eegeysa iney kala wareegaan xidhiidka iyo BASE ka military ee Ruushka ay siiyeen .

4-In hoggaanka loo jaro xidhiidka Syria-Xisbulaah-Iran .

Allla  mahad leh

La soco qeybah danbe .

Eng. Bashe  C .Gaboobe

.

War-saxaafadeed:-Al-Islaax oo beenisay inay la midowday ururka Damjadiid, daahana ka feyday mabaadii’day ku shaqeynayso+Kaalinta siyaasada uga banaan

$
0
0

War-saxaafadeed:-Al-Islaax oo beenisay inay la midowday ururka Damjadiid, daahana ka feyday mabaadii’day ku shaqeynayso+Kaalinta siyaasada Somaliya uga banaan

 

Muqdisho-(Qaran-news)-Xarakada Al-Islaax ayaa kulan ballaadhan oo ay maanta yeesheen ka soo saaray warsaxaafadeed ay ku faahfaahineyso mabaadii’deeda, wuxuuna u qornaa sidatan:-

Xarakada Islaax ee Soomaaliya waa xarako Islaami ah oo ka shaqaysa ku dhaqanka Diinta Islaamka; iyo sidii loo heli lahaa bulsho Soomaaliyeed oo dawlad hufan leh, horumarsan, fahamsan kuna dhaqanta mabaadi’da iyo akhlaaqda Islaamka.

Islaxa 04 Picture 009 (1)

Waxaa kale oo xarakadu higsanaysaa in laga dhigo guud ahaan dunida gaar ahaan gobolka Geeska Afrika meel nabad ah oo ka fog qulqulatooyinka iyo dagaalada, iyadoo laga hortegayo sababaha keeni kara dagaaladaas.

 

Nidaamka iyo hogaanka Islaax

Ururka Islaax wuxuu leeyahay xeer iyo nidaaam haga hawlihiisa iyo hogaankiisa. Nidaamka ururku wuxuu qeexayaa in hogaanka ururka la doorto shantii sanoba mar.

Haddaba Golaha Shuurada (Golaha Dhexe) ee ururku wuxuu xilli kale oo shan sano ah u doortay Dr Cali Baashe Cumar Rooraaye guddoomiyaha ururka ee shanta sanno ee soo socda (2013-2018).

 

Islaax iyo marxaladan cusub

ururka Islaax waxaa looga bartay u adeegidda Bulshada Soomaaliyeed, iyo ka shaqaynta danta guud ee dalka. Sidaas darted, hogaanka cusub ee ururka waxaa horyaalla hawlo culus, oo ku aadan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaa umadda Soomaaliyeed laga sugayaa inay kaalin wax-ku-ool ah ka qaadato deganaanshaha iyo horumarka gobolka Geeska Afrika. Hayeeshee waxaa muuqata habacsanaan xagga amniga iyo khilaafaad siyaasadeed oo sii baahaya.

 

Haddaba, dalka Soomaaliya wuxuu marayaa marxalad xasaasi ah, oo ay tahay siidii uu u taabbagelin lahaa hanaankiisa dawladeed. Waxaa loo baahan yahay midnimo iyo wadajir in marxaladan lagaga gudbo.

 

Marxaladan hawlaha islaax waxaa ka mid noqonaya:

 

1) Adkaynta Faafiinta Diinta islaamka iyo barashadeeda oo ku salaysan fahmiga wasadiga ah.

 

2) Xoojinta hawlaha samafalka iyo taakulaynta bulshada soomaaliyeed

 

3) Xoojinta hawlaha waxbarashada iyo baahinteeda.

 

4) In Islaax kaalin mug leh ka qaadato hawlaha siyaasadda iyo taabbagelinta dawladnimada Soomaaliya, waxayna dhiirrigelinaysaa sidii loogu gudbi lahaa hirgelinta hanaanka axsaabta badan, oo saldhig u noqda siyaasadda Soomaaliya.

 

5) Xoojinta kaallinta bulshada rayidka ah qaybaheeda kala duwan ay ku leeyihiin horumarinta arrimaha bulshada.

 

 

Waxa ururka islaax ku baaqayaa in laga wada shaqeeyo xoojinta deganaanshaha Soomaaliya, iyo dhiirrigelinta mabaadi`da deris wanaagga laguna dhammeeyo arrimaha khilaafaadka siyaasadeed ee maamul gobolyada wadahadal iyo istixgelin iyo walaaltinimo.

 

Ururka islaax wuxuu ka xun yahay dhibaatada culus ee wadamada Carabta ee aan walaalaha nahay ka jirta. Wuxuu ururku cambaaraynayaa afgambiga milateriga iyo xasuuqa shacabka ee ka dhacay dalka Masar iyo xasuuqa loo geystay shacabka Suuriya. Waxaa ururku ku baaqayaa in la dhowro doonista shucuubta, xuquuqdoodana la ilaaliyo, iyadoo la ogsoonyahay in xilligii kelitaliska iyo ismaquunintuna uu dhamaaday.

 

Dhanka arimaha gudaha ee ururka islaax: waxaan cadaynaynaa inaysan jirin in Ururka islaax iyo kooxda damjadiid ay midoobeen, balse xubno Islaax ka tirsanaan jiray, oo Sheekh Maxamed garyare horkacayo ayaa ururka islaax ka tegey oo Damjadiid ku biiray.

 

Waxaa kale oo xusid mudan in kooxda DAMJADIID ay ka samaysmeen xubno ururka ahaa , oo la qabsan waayay ururka iyo hanaanka shaqadiisa, oo isaga tegey ururka Islaax, ka dibna ku biiray ururkii maxkamadaha Islaamiga 2006.

 

Allahu Akbar Walilahil Xamdu

Dr. Axmed Xassan Al-qudbi

Af-hayeenka Ururka Islaax

Qarannews


Wasiir Xirsi oo Barlamaanka ka hor akhriyey Khudbad sanadeedle Madaxweyne+Su’aalo xildhibaano ku hurgufeena ka damqadey,qaarkoodna jawaabahooda ka maagey,qaarna ku mergadeyba!

$
0
0

Wasiir Xirsi oo Barlamaanka ka hor akhriyey Khudbad sanadeedle Madaxweyne+Su’aalo xildhibaano ku hurgufeena ka damqadey,qaarkoodna jawaabahooda ka maagey,qaarna ku mergadeyba!

Hargeisa-(Qaran-news)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X.Xasan oo shalay hortegay golaha Barlamaanka oo aqlabiyadiisu lagu xanto inay Qawsaaro u yihiin xukumada Siilanyo ayaa xubno xisbiyada mucaaridka ka soo jeedaa ku hurgufeen dhawr su’aalood oo ku saabsan awoodaha faraha badan ee uu isticmaalo iyo halkuu ka keenay ama dabada ku hayaan balse wasiirku  su’aalahaas si kulul ayuu uga gubtay,jawaabuhu ka bixiyeyna waxay ahaayeen kuwo aan deganeyn ee wax iska celi ah.

Ugu horeyn wasiir Xirsi ayaa madasha ka akhriyey khudbad ka balaadhan khudbad Wasiir oo u eeg khudbad sanadeedle madaxweyne (Khudbadii Siilanyo oo kale ) oo qaadatey 45 daqiiqo oo uu kaga hadlay arimaha nabadgelyada,xidhiidhka jaarka, siyaasada arimaha debeda iyo gudaha,waxbarashada,dhaqaalaha,horumarka ,icitiraafka,dibu-heshiisiinta,sahaminta shidaalka,wadooyinka iyo kallumaysiga oo ay u xilsaaran yihiin wasaaradaha iyo hayadaha dalku ka kooban yahay.

Yeelkeede xildhibaan Mahdi Buubaa ayaa weydiiyey su,aal u dhignayd “Wasiir khudbadaadu waxay ahayd mid ka balaadhan xilka wasiirnimo ee madaxtooyada,waxay ahayd mid koobaysa dhamaan jamhuuriyada Somaliland qeybaheeda kala duwan,waxaana la yidhi fule xantii ma moogee waxaa jirta xan odhanaysa awooda wasiirku wey ka balaadhan tahay xilkuu ku magacaaban yahay, bal iftiimi xilkaad qaranka u hayso iyo awoodaha lagugu xantaa halkay dabada ku hayso?.

Wasiir Xirsi ayaa damqadey ,si cadho leh uga jawaabay su’aashaas,wuxuuna yidh “waxaa intii aad WADANI gashay ii muuqatey in mucaaradaadu kugu badan tahay ,ma markii aad UCID ahaan jirtay ayaad mucaaridada ilowday?,waxaan ku dhan lahaa odayga WADANI ( Cabdiraxmaan Cirro) macaamiisha ha ka eryine ee mucaaridaada miyir u yeel.

Isagoo wasiir Xirsi hadalkiisa sii wata wuxuu intaas ku daray “ xilka lay ansixiyey ee wasiirka madaxtooyada ayaan hayaa,haddiise ay iskaga khaldantay hogaaminta iyo maamulku ,way kala duwan yihiin oo hogaamiyuhu waa madaxweynaha qaranka ‘aniguna hawl-maalmeedkiisa oo dhan ayaan uga shaqeeya,hadayse kugu cusub tahay oo aad carabka ku balaadhisey xilkaagu wuu ka balaadhan yahay intaas,waxa la yidhi qofkahogaamiyaha ah ayaa jagada sameysta ee jagadu qofka ma sameyso”,taas oo wasiir Xirsi uga jeeday inuu awoodaha faraha badan isagu sameystay.

Su’aal kale oo ay weydiisey xidlhibaan Baar saciid ayaa iyana ka damqaday,waxayna u dhignayd  “had iyo jeer waa la hadal hayaa xukumada iyo cida kursiga fadhiisata,waxaa dhacday in inan la yidhaahdo Nadra  Maxamed Jaamac oo la yidhi wasiirkay wax ka sheegtay aad xidhay, maxay inantaasi kaga duwan tahay Raga wargeysada wax ku qoraya ee TV-yada ka hadlaya mise waxaa kugu jira nacayb Dumar?.

Wasiir Xirsi wuxuu sheegay in Nadra Maxamed Jaamac oo uu dacweeyay,xidhayna ay aflagaadeysay,kuna kacday fal fawaaxish ah oo aanu ka filayn in xildhibaan Baar wax ka weydiiso (Difaacdo) oo aan ahayn wax haween ku kaco.

Isku soo wada duuboo waxaa wasiirka la weydiiyey dhawr su’aalood oo kale balse waxaa inta badani wejigiisa ka muuqatey cadho uu ka qaadey ama ka dhalatay su’aalahaas xidlhibaanadu ku soo hurgufayeen,waxaanay jawaabihiisu u badnaayeen dabdemis ama isdifaacid aan xikmad buurani ama maangal ah ku binaysan balse wax iska celi u badnaa!

SiilaanyoXirsi

Qarannews

 

Khudbad ka balaadhan khudbad Wasiir oo socotay 45 daqiiqo oo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ka hor akhiryey Golaha Barlamaanka .

$
0
0

Khudbad ka balaadhan khudbad Wasiir oo socotay 45 daqiiqo oo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ka hor akhiryey Golaha Barlamaanka .

golaha

Hargeisa-(Qaran-news)-Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X.Xasan oo shalay ka soo hor muuqday golaha wakiilada ayaa halkaas ka akkriyey khudbad u eeg khudbad sanadeedlihii madaxweyne Siilanyo golayaasha Barlamaanka hortooda ka akhiryi jiray oo socoatay mudo 45 daqiiqo ah,waxayna khudbadaas Wasiir Xirsi ka hor akhriyey golaha Wakiilada u dhignayd sidatan:-

Anigoo Ixtiraamaya Xilka aad qaranka u haysaan iyo Muhiimada ay qaranka u leedahay is xog- waraysiga iyo La xisaabtanka Hay’adaha kala duwan ee dalka marka loo baahdo ayaan jecelahay in aan warbixin kooban idinka siiyo Xukuumadii Ummadu Dooratay iyo Halka ay Majaraha Maamulka Marinayaan”

Waxay ahayd 04/09/2013, kadib markaan kulan xog iyo xaal waran ah aan ku siiyey Mudanayaasha Aqalka Sharci Dajinta ee Somaliland halka uu dalku guud ahaan marayo.

Ugu horayn waan ku faraxsanahay in aan maanta oo kale hor tago Mudanayaal milgo iyo maamus badan mudan oo waajib ka mida waajibaadka dastuuriga ah fulinaya, in aan hor tago isla markaana ka warbixiyo xukuumada talada dalka haysa ee aan ka midka ahay wasiiradeedu halka ay majaraha maamul ee Dalka marinayaan.

Waxaan warbixin kooban ka siiyey xaalada xoolo dhaqatada iyo Roobabka dhawaanahay ka da’ay dhulkeena

-Sida aad la socotaan maadama nolosheenu ku xidhan tahay xoolaha nool , waxaa mudooyinkii u dambeeyey ay heleen roob lagu diirsaday oo Nimcad Halka Alle inooga timid ah, walaw deegamadu ku kala badnayeen, balse sida aynu ognahay roobabkaasi waxay gaysteen woxooga khasaare ah maadama wakhtigii roobka la filayey uu dib uuga dhacay isla markaana uu ku soo beegmay xili aan dalag iyo degaalba diyaar loo ahayn hadana Alxamdulillah dadkeenu way ku diirsadeen wayna ku nabad iyo caano qabaan.

Amaanka iyo Nabad Galyada

- Xukuumaddu iyadoo ka duulaysa baahida uu dalku nabadgelyada u qabo waxay kordhisay tirada iyo tayada ciidamada kala duwan ee ka shaqeeya nabadgelyada, afar dufcadood oo ciidanka booliska ah ayaa laga soo saaray xeryaha kala duwan ee tabobarada, kuwaas oo ay ka mid yihiin ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee SPU-da loo yaqaano, kuwa RRU-da loo yaqaano iyo kuwa STU-da loo yaqaano . Ciidamadaa waxa loogu talo galay in ay xuduudaha dalka oo dhan gaadhi karaan, waana tiro yar oo la tayeeyay. Ciidankani waxay ka qayb qaadan karaan wixii degdeg ah ee qarankan ku yimaada gude iyo dibadba. waxaa kor loo qaaday Ciidmada badda iyagoo lagu qalabeeyey Doonyo ay ku hawgalaan kuwo cusub iyo kuwo la tayac tirayba.

- Dhankaa sare oo dhan waa tayada iyo kor u qaadida muuqata balse sidoo kale si kor loogu qaado Niyadooda waxaa Ciidanka qaranka iyagoon marba abaalkooga la gudin karin loo qabtay in Darajo loo sameeyo Toban kun “10,000” oo Askari oo min Alifle Ilaa General ah isla markaana Guno-dooda loo kordhiyo iyagoo lagu siinayo hadba darajada u sito isla markaana ay ku mushaar qaadan doonaan Sanadkan Insha Allah, kuwa Dable-yaasha ahna loo kordhin doono een wax darajo ah sidan.

- Sannadkii 2012 waxa dalka ka dhacay in ku dhaw (Sideed iyo toban kun iyo sagaal boqol sideetan iyo sagaal dambi, halka sannadkan 2013 oo lagu jiro bishiisii sagaalaad ay dalka guud ahaan ka dhaceen (Toban kun ilaa laba iyo toban kun inta u dhaxaysa).” ayuu yidhi wasiirku.
Sidoo kele waxa uu wasiirku sheegay in uu hoos u dhac aad u wayni ku yimi dilalkii labadii sanno ee u dambeeyay “Dilalku hoos bay u dhaceen, waxay ahaayeen sannadkii hore (todobaatan iyo todoba, laakiin sannadkan afartan dil ma gaadhaan -Goobaha Nabad galyada, sida Saldhigyada ama Rugaha dalka laga hirgaliyey anoo ku qiyaas qaadanayaa Goboladii horay u jiray maadama aan joogo Xaruntii Sharci Dajinta oo ayna wali Si Dhamaystiran aydaan u ansixin goboladii la magaacabay ee dambe waxay yihiin sidan:

M/jeex – Saldhig: 21 Rug: 20 , Togdheer – Saldhig :26 Rug: 15 , Awdal – Saldhig: 11 Rug: 7 Saaxil – Saldhig: 9 Rug: 3 , Sool – Saldhig : 5 Rug :5 , Sanaag – Saldhig : 14 Rug: 5

Guud ahaan Tirada Saldhigyada: 76 Tirada Rugaha: 55 marka lagu daro 32 control waxay noqonayaan 82 Rugood intaas oo dhan ayey ka hawl galaan Ciidamada Nabad galyadu si loo sugo amniga iyo nabad galyada dalka

Miiisaniyada iyo Dhaqaalaha Marka la qiimaynayo Kor u kaca dhaqaale ee umadeed waxaa laga dheehdaa Miisaaniydooda, hadaba anagoo ka duulayna qorshihii shanta sano ee xukuumada “5 year Plan” waxay xukuumadu la wareegtay xukunka dalka waxaad dareemaysa korodhka dhaqaale ee dhacay iyagoo ka soo qaaday 46 Milyan maantana Miisaniiyada dalku marayso 125 Milyan taasoo sidoo kale ay laban laabatantay wax soo saarka Dawladaha hoose,Xakamaynta Musuqmaasuqa Si loo xakameeyo isla markaana meesha looga saaro lunsiga hanitda qaranka, waxaa si dhamaystiran u hawl galay hanti-dhawraha qaranka, isagoo mudo yar shaqeeyay hadana qabtay shaqo badan iyadoo laga dheehan karo tirada ama cases ka uu wax ka qabtay gobolada kala duwan ee dalka iyagoo dhamaan maray hay’adaha iyo laamaha kala duwan ee Dawlada, sida aan ognahay dhaqaalaaha waxaa saamayn badan ku leh lacagta, hadaba si wax looga qabto lacagaha kala duwan ee dalka dhex socon jiray waxaan wax badan ka qabanay isla markaana ka badalnay lacagtii Giimbaartii Gobolka Togdheer hadana uu Gudoomihiyii bank-u ku maqan yahay gobolka Sanaag si gobolkaasna looga badalo woxoogaga lacagtii Giimbaarta ahayd ee ku dhiman looga saaro, si dhamaystirana ay uuga hawl gali lahayd lacagta Somaliland oo qorshaheegii iyo lacagtii ku filnayd loo daabacay.

Biyaha

Sida aan la socono Biyuhu waa Noloasha sida uu Alleba Quraankiisaba ku sheegay, hadaba si looga haqab beelo biyaha xukuumada talada dalka maanta haysa si wayn ayey uuga hawl gashay in biyo ku filan ay helaan guud ahaan gobolada Somaliland walaw wax inoo dhiman yihiin hadana dadaalo badan ayaa socda oo waxaa ceelal kala duwan laga qoday Dhamaan gobolada dalka aan ku horeeyo Caasimada oo tirada dadka uugu badan ee reer Somaliland ku nool yihiin: Waxaa Pipe ka Geed Deeble ee Hargeisa biyaha keena la wada qorshe lagu badalayo maadama uu daciif yahay uu keeno oo kaliya 9000m3 waxaana lagu badali doonaa pipe keena 24,000m3 balse sida khubaradu sheegeen halka uu ceelkaasi ku yaalo ayaa lagu qiyaasay in maalintii ay ku haboon tahay oo kaliya in laga soo qaado 14,000m3 waxaanan filaynaa hadii ugu yaraan la gaadhsiiyo 16,000m3 ay noqon doonto laban-laab intii awal Biyo soo gaadhi jirtay Caasimada. Waxaa kaloo qorshaheeda la wada in magaalada meelaha ayna pipe lines ku wali gaadhi la gaadhsiiyo dhaqaalaheegeeni waa loo raadiyey. Sidoo kale waxaa la wada in ceelal cusub laga ag qodo goobtaas . Sidoo kale waxaa mashruuca ka mida qalab caawiya in biyaha ay soo riixaan, sidoo kale waxaa la qorsheeyey in Xaraf project la sameeyo kaasi oo 95% hada dhamaystirmay si uu u gaadhsiiyo adeega biyaha dadka degan AYAX 1,2,3,4 oo ah bulshada uugu nugul marka la eegayo dadka degan caasimada oo IDPS ah, intaas uun laguma dayn ee waxaa socda Mashruucii Xumbo Wayne oo ka koobnaa 13 Ceel in mudo badan lagu hawlanaa sidii biyahaas loo keeni laha caasimada, wuxuuna Madaxweynaha qaranku Safaradiisii badnaa ee uu gaala-bixinayey Dalalka Carabta gaar ahaan Dalka Imaaradka Carabta uu waydiisanayey in ay ka caawiyaan soo in ay soo gaadhsiiyaan Biyahaas runtiina way ka aqbaleen qiimayntii u horaysayna way inoogu yimadeen waxaanan Insha Allah Rajaynaynaa in ay dhakhso u bilaabaan hadaba ceelasha la qoday waxaa barbar socda hab kale oo ceelashii waadanta afka laga daboolayo loona yaqaano “MINI SYSTEM” isla markaana lagu rakibayo Pump Biyaha soo tuura kaasi oo wax badan ka taray baahida biyaha , hadaba aan warbixin kooban idinka siiyo inta ceel iyo mini system ee la hirgaliyey M/jeex – Ceel: 14 Minisystem: 9 Togdheer- Ceel :12 Minisystem: 17 Saaxil – Ceel: 7 Minisystem: 17 Sool – Ceel: 4 Minisystem: 12 Sanaag – Ceel: 6 Minisystem: 13

Guud ahaan tirada ceelasha ee la qoday waa 51 Ceel,

Mashruuca Geed deeble waxaa lagu qiyaasay 28 Milyan Xukuumaduna waxay u hawl gashay sidii ay caawimo uuga heli lahayd Hay’addaha ay ka mid yihiin EU du, sidoo kale xukuumadu waxay gacanta ku haysaa sidii ay balaadhan uugu samayn lahayd ceelasha dhamaan gobolada dalka, hadaba xukuumad waxay gacan wayn ka gaysatay qodida ceelal wax bada ka tara baahida biyaha iyadoo mudadaa kooban ee xukuumadani joogto la qoday 51 ceel halka mudadii 20 sano ka badnayd ee xukuumadihii kala duwanaa xilka soo hayeen la qoday oo kaliya 89 Ceel. Hadaba marka la isku geeyo guud ahaan ceelasha dalka ka qodan waxay noqonayaan 140 Ceel.

Waxbarashada

Guud ahaan waxbarashada wax badan ayaa laga qabtay, tirada korodhka ardayda ayaa gaadhay 43% taaaso ah korodhka labadii sano ee hore iyadoo wali aan la soo saarin korodhka sanadkan, kor u kaca intaas leeg ayaa lagu sifayn karaa kadib markii arday badan oon tahli karin jirin waxbrasho ay fursad waxbarasho heleen. Waxaa kor loo qaaday lana kordhiyey tirada macaliimiinnta oo la gaadhsiiyey 3230 macalin si nidaamka lacag la’aanta ah ee waxbarashada loo ilaasho korna loogu qaado.

Sidoo kale si kor loogu qaado Waxbarashada Sare ee dalka, Madaxweynuhu wuxuu sameeyey gudi loo yaqaano Gudida Tacliinta sare waxayna sameeyeen Siyaasada qiimaynta jaamacadaha si loo qiimeeyo loona kala reebo, sidoo kale in qiimayn fiican oo lagu kala saaro loo sameeyo ardayda iyo kolba Kuliyada ay galayaan. Tirada ardayda ee waxbarasho dibeda ah lo helay ayaa ah sidan:

Turkey: 84 Arday Sudan: 108 Yemen: 45 Malayisa: 23 Kenya: 15 Ethiopia: 130 Uganda: 15 Libiya: 29

Guud ahaan Ardayda ee reer Somaliland ee waxbarasho dibeda loogu diray waxay dhan yihiin 449 Arday, sidoo kale deeqaha waxbarasho ee ardayda kaalimaha hore ka gashay waxbarashada isla markaana jaamacadaha dalka gudihiisa wax ku barta waxay dhan yihiin 448 Arday

Tirada Dugsigayada hoose dhexe ee dawladu soo kordhisay waxay dhan yihiin 166 Dugsi

M/jeex: 64Dugsi Togdheer: 46 Dugsi Awdal: 21 Dugsi Saaxil:13Dugsi Sool: 8 Dugsi Sanaag: 14 Dugsi

Caafimaadka

Caafimaadka oo ah halbowle waxaa laga qabtay wax wayn oo ay ka mid yihiin hirgalinta iyo kor u qaadida Cusbitaalada ku yaala gobolada dalka aan ku bilaabo Awdal waxaa ka hawl gala 3 Cusbitaal oo kala ah Cusbtiaalka guud iyo mid ka shaqeeya xanuunka TB da iyo sidoo kale Cusbitaal guud oo ka hawl gala Salal . Marooji Jeex: 5 Cusbitaal Saaxil : 2Cusbitaal Togdheer:3 “Waxaa xusid mudan in Hay’adii MSF si deg deg ah uuga baxday hawlihii ay ka haysay dhakhtarkaas iyagoo inooga baxay wax aynaan inagu gaysan , ka dawlad ahaana aan ka hawlgalnay in aan waxbadan ka daboolno baahida ku soo banaanatay” Sool : 3 Cusbitaal Sanaag: 4 Cusbitaal Tirada Guud ee Cusbitaalada: 20

Markaan cusbitaal leeyahay waa xarunta uugu muhiimsan ee caafimaad loogu adeego bulshada, markaan eegno dhanka Xarumaha caafimaadka ee kale sida MCH yada waxaa ka hawl gala Gobolada dalka sidan:

Awdal :22 M/Jeex:23 Togdheer:16 Saaxil: 11 Sool:10 Sanaag:12 Tirada Guud: 104

Marka aan eegno qaybta ama xarunta uugu yar ee gargaar caafimaad bixiya oo loo yaqaano primary health unit ama Health Post waxay yihiin sidan

Awdal:36 M/Jeex: 31 Togdheer: 34 Saaxil:15 Sool:30 Sanaag: 27 Tirada Guud: 173

Hadaba sadexdaa goobood ee Caafimaad dadka soo gaadhi kari waaya waxaa loogu talo galay in ay soo qaadan Gadiidka loo yaqaano Umbulunce-ka hadaba tirada Gadiidkaas ayaa ah sida:

Awdal : 4 M/Jeex:7 Togdheer: 4 Saaxil: 4 Sool:2 Sanaag: 4 Tirada Guud: 24

Guud ahaan tirada gaadiidka ee xukuumadan hada talada haysa ka hor ka hawl gali jiray dalku waxay ahayeen 9 Umbulunce hadana waxay marayaan 24

Cadaalada

Maadama Cadaaladu tahay laf dhabar muhiim u ah qaranamida dalka waxaa lagama maarmaan ah in ugu horayn kor loo qaado aqoonta garsoorayaasha iyo xaakimada iyo sidoo kale in kor loo qaado sharaftooda iyo dhaqaalahooga si ay habsami ugu gutaan wajibkooga, hadaba xukuumadu waxay ka hawl gashay in ay kor u qaado isla markaana ay siiso dhaqaale intii awoodu Saamaxayso taasoo tusaale ahaan Maxkmada sare markii hore la qaadan jiray sadex Milyan hadana la gaadhsiiyey ilaa Todoba Milyan iyo Shan boqol ilaa Sideed Milyan

Sidoo kale tirada maxkamadaha ee xukuumadu xilka kula wareegtay waxay ahayeen ilaa 97 hadana waxay guud ahaan gaadhayaan ilaa 154, sidoo kale si aqoontooda kor loogu qaado waxay xukuumada wax bartay 2dii dufacdood ee uugu horeeyey ee ka soo baxa jaamacadaha sharciga oo dhanaa 80 arday waxa kale oo xukuumada bilowday isla markaana dardar galisay maxkamadaha Wareega ama Mobile Courts , waxyaabaha kale ee lagu dar dar galinayo cadalada waxaa kamida oo hada gacanta lagu hayaa in la abuuro system la yidhaa case review oo dib uu eegis lagu sameeyo Kiis kasta oo la qaado, si looga daba tagi karo isla markaana loo hubin karo.

Si hanaanka iyo haybada dawladnimada kor loogu qaado waxay xukuumadu ka hawl gashay sidii muuqaalka wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan dhisme iyo daayactir loogu samayn lahaa oo Ishaa Macalina wasaradaha bilicda iyo dhismaha lagu kordhiyey waxaa kamida: Madaxtooyada Qaranka, W/Arrimaha Gudaha W/ Arrimaha Dibeda oo labadaba gacantaa lagu hayo dhamaadna ku dhaw Wasaaradaha Kaluumaysiga, Gaashaandhiga iyo sidoo kale W/Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu way dhamaystirmeen oo waa lagu shaqeeyaa wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha way dhamaystirantay balse wali lama galin waxaa sidoo kale dhamaystirmay wasaaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Deegaanka sidoo kale wasaaarada Duulista hawaduna waxay ku dhaw dahay gabo gabo

waxaad sidoo kale ka war qabtaan Madaarada dalka sida Hargiesa iyo Berbera horumarinta lagu sameeyey oo Madaarkii Hargeisa waa la furay waana lagu shaqeeya halka Madaarka Berbera-na gabo gabo ku dhaw yahay.

Dooraashooyinka

Waxaa la wada mashruucii civil Registration-ka oo ay Wasaaradda Arrimaha guduhu gacanta ku hayso sidoo kale sida la qorshaynayo waxaa lagu wada in Photo Registration ku ka dambeeyo civil registration ka hada socda, inagoo mar walba eegayna kolkba qaabka aynu ku heli karno dhaqaale, dhanka doorashada Guurtida waxa socda sharciyadii lagu dooran lahaa oo idinka ka Wakiilo ahaan qayb baad ka tihiin oo wali ma dhamaystirmin la idinka sugayo diyaarintiisa, halka doorashadii wakiilada la filayo maadama dooraashada Madaxtooyadu tahay 2015 waxaa la dhamaystiri doonaa dhamaystirka Xeerka, waxaanan ka wakiilo ahaan idinka codsanaynaa in aad nagu caawisaan oo aynu ka wada shaqayno in Doorashadu wakhtigeegi qabsoonto sidii Madaxweynuhu hortiina ka balan qaaday,

Tahriibka

Si wax looga qabto tahriibta oo ah dhiig bax iyo aafo qaran Wuxuu Madaxweynaha Qaranku u saaray Gudi Saddex boqol oo tahriibeyaal ah ayaa la soo qabtay oo dalka dib loogu soo celiyay, lix iyo toban tahriibiye oo ah kuwa dadkeena tahriibiya ayaa xukunno kala duwan lagu xukumay. War cusub oo xalay nasoo gaadhayna waxa naloo sheegaayay in labadii ugu waawaynaa oo xukuumadda ay iska kaashadeen wadamada jaarka lagu qabtay.

Arrimaha Dibeda

Arimaha dibeda wax waynbaa laga qabtay, waxaad la socotaan in Aduunku cimaamaday Dawlad ka jirta Koonfurta si taas looga hor tagana dadaalo badan ayaa laga galay si ayna u wax yeelayn qaranimadeena iyo dawladnimadeena ku dhisan rabitaanka shacabkeena, si hadaba arimahaas wax looga qabto dawladu waxay diyaarisay qorshe yaal ay kaga hortagayso arrimahaas, waxaad la socotaan in Madaxweynuhu safaro ku gaalaa bixiyey dawladaha waawayn ee ay ka mid yihiin Dalalka USA, UK iyo Dalal badan oo carabta ah, sidoo kale si meesha looga saaro maxaad Somaliya uula hadli waydeena waxaynu la galnay wada hadalo iyo heshiisyo ay ka soo baxeen qodobo aad wada ogtihiin,inagoo kulamo badan la galnay hadii shir lala galo ama qaadacaad la qaadaco macno leedahayna intaba waynu samaynay si xujuada caalamka inooga dhaco, Wada Hadalada Somaliland iyo Somalia marxlado kala duwan ayuu soo maray hadana mudo kooban kadib ayaa loo balansan yahay, ujeedada uugu wayn ee Xukuumadu ka leedahay wada hadaladu waa in aynu xaqiijno Qaranimadeena iyo gooni isu-taageena, dhamaan wada hadaladii la galayna waxaynu ku galnay inagoo ah laba dawladood oo siman waxaana guulaha uugu wayn ee durba la taaban karo ka mid ah in aynu deeqaha caalamka halkii awal hay’ado la soo marin jiray aynu u helno ka dalwad ahaan inagoo isticmaalaynaa Hay’adaha waawayn ee ay kamid yihiin World Bank iyo IMF si dhaqaalaha dalka kor loogu qaado, waa talaabo iyo guul aan horay u qaadnay oo Xukuumamdani ku suntan tahay kuna aadan siyaasadeena arrimaha dibeda, talaabooyinka guusha ah ee uugu horeeyana ay ka mid tahay in markii u horaysay Somaliland loo ogoladaay in Sanduuq Caawimo oo sanadkan dhammaa “11Milyan” loogu shubo oo aanan loo soo marin gacan kale. “Somaliland Trust Fund” looguna talo galay in lagu horumriyo Mashaariicda ay kamidka yihiin Xoolaha”3.1 Million , Kaluumaysiga “1Million” walaw ay hada ka cudur daarteen, Wadooyinka “2 Million” Deegaanka1.6Million ” Biyaha “1.5 Million” Biyaha Caasimada “1.7″ Milyan sidoo kale si aynu isku filnaasho uga gaadhno wax soo saarka Xukuumadu waxay dajisay Siyaasada Food and Water Security si aynu uuga deeqtoono in aynu wax la soo degno meel fiicana inoo maraya

Guud ahaan warbxintaas kooban ayaan maanta si guud mar ah u siiyey Mudanayaasha Aqalka Sharci dajinta ee Somaliland,,, Shacabkana waxaan rajaynaya in ay wax badan ka fahmeen hanaanka xukuumadii ay doorteen ay wax u wado..

Wabilaahi Tawfiiq.

Qarannews

 

Markhaatigiisa Janno Allah Ha Furo wasiir Xirsi!.

$
0
0

Markhaatigiisa Janno Allah Ha Furo wasiir Xirsi!.

Gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga ucid ayaa si balaadhan u faaleeyay,u naaqishey,una lafaguray khudab dheer oo ka balaadhnayd khudbad wasiir Madaxtooyo oo wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X.Xasan shalayto ka hor akhiruyey golaha wakiilada Somaliland.

cali-Gurey

Waxayna u dhignayd faallada Cali Guray soo dhigay bartiisa Face-book-ga sidatan:-

Hargeisa-(Qaran-news)- Intii dhegeysatay sua’aalihii wasiirka madaxtooyada laga waydiiyay ee jawaabihii uu ka bixiyay waxan filayaa inay garteen ninka Golaha Wakiilada maanta hor tegay in aanu wasiir caadi ah ahay. Xantii jirtay na wuxu u noqday markhaati been ma sheege ah.
Suaalaha la waydiiyay ee jawaabaha uu ka bixiyay waxay nu u qaadan naynaa ku kuwo xaq loogu lahaa in la waydiiyo oo khuseeya xilka uu qaranka u hayo ka wasiir madaxtooyo ahaan. Hada na markii la waydiiyay waxa ay shaqadiisu tahay wuxu ku koobay in shaqadiisu ay tahay socodsiinta hawl maalmeedka madaxwaynaha, xataa madaxtooyada muu odhan si uu isaga reebo M/W ku xigeenka. Isaga oo isku deyaya in uu sii iftiimiyo ayuu sii qeexay in hawshiisu tahay keliya maarayn(management) isaga oo markan na iska reebaya in aanu ku lug lahayn wax hogaamin siyaasadeed ah ee taasi ay gaar u tahay madaxwaynaha. Ama rumayso ama ha rumaysan, taasi waa wax kale.

Waxay ila tahay wasiirka wixiisu mar waa is burin mar kale na waa qiraal cad inu adeegsado awoodo ka badan inta uu leeyahay oo weli ba uu wax walba ku shaqo leeyahay isaga oo awoodaha uu ku takri falo isku deyaya inu ku jidaysto in xilku aanu shaqada samaynin ee qofku sameeyo. Taas oo macnaheedu yahay wax wal oon qabto anigaa samaysta ee xilku xad iima samayn karo, taasi na waa fadeexad maamul ahaan iyo siyaasad ahaan ba waana arin qalad ah iyo weedhaha uu adeeg sanayo oo aanu haba yaraato eh fahmsanayn.Bal ka waran hadii shakhsi kasta oo xil cayiman lagu og yahay uu yidhaa xilku ma xadidayo waxa aan qabanayo ee hadii caafimaadka la ii diro beeraha, macdanta. Dhismaha, tacliinta, maamulka dawladaha hoose iyo cadaaladda inta ba anigaa ka shaqayn naya cid iga lihi na ma jirto anigaa cid walba ka leh.

Miisaaniyadda sedex laaban tay ee madaxtooyada oo ahayd tan isaga tooska u khusay naysay wuu ka muquuratay jawaabtiisu na wax ka badan af gobaadsi may ahayn. Waxa nasiib daro ah haya’daha la wada hoos geeyay madaxtooyada oo intii madaxwaynihii hore uu madaxwaynaha maanta xilka hayaa uu habeen iyo dharaar ku haystay inay qalad tahay na aaminsanaa, hadana kuwii hore qaar kale ayaabu ku sii daray. Taas oo xaqiiqadu tahay in musuqmaasuqii hore iska daa wax laga qabto eh la sii laban laabay jawaabaha wasiirku na aanay ahayn wax kale ee qiraal tahay. Wasiirku wuxu cadeeyay keliya in uu awoodo dheerad ah oo u jidayn naya in wax walba uu ku shaqo leeyahay uu leeyahay. Intaasi na waa intii aynu ogayn ee intaa laga hadlayay.

Calaa kuli xaal wasiirku wuu mahadsan yahay wax kale oo ka furan hadalkiisu na ma jiro oon ahayn MARKHAATIGAA JANNO ALLAH HA FURO.

Qarannews

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ali Warancadde Oo Su’aal Laga Waydiiyey Cabsida Ay Shacabku Ka Qabaan Libaaxyada Uu Rabbeystay

$
0
0

Hargeysa (Qaran news) – Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, oo shalay cod caqlabiyada ah ku ansixiyey Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha, ayaa waydiiyey su’aalo badan oo khuseeya masuuliyadda uu qaranka u hayo.

Xildhibaanada golaha wakiilada, ayaa wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, waydiiyey su’aallo la xidhiidha nabadgalyada, xuduudaha Somaliland, kalsoonida uu ka qabo inuu la sii shaqeeyo xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo sidoo kale Wasiirka waydiiyey halka ay ku dambeeyeen libaaxyadii rabbaayada ahaa ee uu haysan jiray, ayaa su’aalahoodu ku bilaabmeen sidan:-

Su’aal: Wasiir Gobolka Sanaag badh ka mid ah waxa ka jira maamul Magac u yaal ah, xukuumaddihii hore iyo tan imikuba way ka dhaga adeygeen inay maamulku ku fidiyaan (Bariga Sanaag), waxaanu noqonayaa dhul bahala galeena, haddii meelahan laga qayliyo oo la yidhaahdo maxaa loo yimid, markaa maadaama oo aad cusub tahay maxaa dhulkaa kaaga qorshaysan, Somaliland-na dadku way sheegtaan, mana aha oo way sheegtaan..?

Jawaabta Wasiirka: Annigu waxaan ka mid ahay dadka dalkan xog ogaalka u ah, waxaan u soo joogay Hargeysa oo marka aan gureyga ka soo baxo ee aanu doonayo inaan imaado Madaxtooyada, dadka badankiisu wuxuu igaga hadhi jiray meel dhexe anniga mooyaane, dabadeedna waxaan iman jiray Madaxtooyada anniga oo kaliga ah, waxaan garanayaa Hargeysa oo kala qaybsan oo qaybna Bisaaska iyo Waraabuhu yaacayaan, dawladdina jirto oo markaa dawlad la sheeganayo, waxaan garanayaa qoyska aan ka dhashay oo ka hor yimid qaranka Somaliland oo aan dhex ordayo, waanse ku guuleystay, dhanxiirkii inagu dhex jirnay wuu durkay oo Dhahar ayuu marayaa, Dhaharna adiga ayaa ka soo jeeda ayaan filayaa, markaa sidii aan ugu guuleystay qaran diidkaygii ayaan kugu garab galayaa inaad wixii halkaa ka dhiman inaad ila qabato oo aad inyar iga horeyso oo aan ku deba socdo ayaan jecelahay, oo aan kugu sharfo, waanan filayaa inay dhawaan innaga dhamaanayso, waanigaa kuu sheegay inay Hargeysa badhtankeeda ayay ka bilaabantay.

Su’aal: Wasiir, Xisbiga Waddani ayaanu ugu ogeyn ee maka tanaasushay..?

Guddoomiye Cirro: Su’aalaha wixii shakhi ahi kuma jiraan.

Su’aal: Wasiir waxa jirta wareegto ka soo baxday xafiiskaaga oo ka hor imanaysa sharciga ismaamulka degmooyinka, Wareegtadaasi waxay sheegaysaa inaan shirar aan caadi ahayn aanay qabsan Karin golayaasha deegaanku, wareegtana meel sharci yaalo kama shaqeyso oo waa sharci daro, su’aashaydu waxa weeyaan maxaa kugu kaoifay wareegtadaa sharci darada ah…?

Jawaabta Wasiirka: Sidaad la socotaan waxa dawladaha hoose loo sameeyay inay horumariyaan dawlad hoose kastaaba deegaanka ay ka dhisan tahay, waxaanad ogtihiin inay maalin kasta soo baxdo iyagga oo is haysta dawladaha hoose, haddii ay tahay maamulkooda sare iyo haddii ay tahay xildhibaanada, arintaasi waxay keentay inay cardaaduqaha ka dhigto horumarintii iyo himiladii bulshadu ku soo dooratay marka laga eego dhinaca is qabsiga faraha badan, arintaasi waxay u baahan tahay sharci, haddii aad akhriday qoraalkayga waxaan cuskanayaa sharciga, oo aan xaq u leeyahay inaan ku ilaaliyo dawladaha hoose, sharciguna wuxuu dhigayaa in marka dawladdaha hoose la doorto inay sameeyaan xeer hoosaad, xeer hoosaadku waa waxay ku kala baxayaan, sida ay hawsha ku wadayaan, Waxaan kuu caddaynayaa inaanu xeerkaasi gacantayda soo gaadhin, iyadda oo aanay xeerarkii ay ku kala bixi lahaayeen aanay soo samaynin ayuu is qabsigu bilowday, dabadeedna waxaan u yeedhay Garyaqaanka guud iyo dawladaha hoose, waxaan ku idhi idinka oo xeer hoosaad lahayn is qabqabsigiinu wuxuu ka hor imanayaa shuruucda, waxay ka hor imanaysaa dhaqankii suubanaa ee shaqada, waxay ka hor imanaysaa inaydaan waxba qabanin oo aad hagar daamo ku soo kordhisaan bulshada, markaa wax sharci daro ah oo aanu samayn ma jirto, taana waxaanu qabnaa inay tahay wax loo baahan yahay in sharciga la dhamaystiro intaan isqabqabsigu iman.

Su’aal: Had iyo goorna dibad-baxyaduna waa wax dadku u leeyahay, dawladihii ina soo maray iyo tii aynu dagaalka la galnay aadbay u neceb yihiin, waayo aqoon daro booliska iyo dadka ah ayaa jirta, dilalbaa dhacay badan ilaa xukuumadda aad wasiirka ka tahay, markaa Wasiir sideed isleedahay waad u bedalaysaa aqoon darada Booliska…?

Jawaabta Wasiirka: Ciidamada qaar aan boolis iyo milatari soo marin ayaa laga yaabaa inay derajada qaateen, waanu dareemaynaa, markaa toddobaadkan waxaanu fureynaa akadamiyaddii Saraakiisha ee Mandheera, waxaanuna ku xeraynaynaa ragga Kabtanku ugu sareeyo ilaa xidiglaha si loo dhandhansiiyo oo loo dareensiiyo derajada garbahooda saaran qiimaha ay leedahay iyo sharafta ay leedahay, sida uu ula dhaqmayo ama u ilaalinayo derajada gacmihiisa saaran, waanad maqli doontaan.

Ta Mudaharaadyada, midbaad iga codsatay inaanan dhiggii hore dhiig kale u darin, waan kaa caqbalay, laakiin shacabka waa in la baraa sida salmiga ah ee loo mudaharaado, ta labaad adduunka haddii dadku nabad ku mudaharaadayaan iyagana nabad ayaa lagu ilaaliyaa, haddiise ay shacabka wax ka yimaadaan waxa loogu talogalay askari aan qori sidan oo sita gaashaan uu dhagaxa isaga dhigo iyo bahal la yidhaahdo Budhi-baadhi (budh) oo uu hoosta u galiyo si dadka loogu baqo galiyo, haddii ay kaasi soo dhaafaan biyo qabow ama diiran ayaa lagu saydhiyaa, haddii ay soo dhaafaan (Tear Gas) oo dadka ka ilmaysiisa, dabadeedna uu qofku waxba arki waayo oo uu qofku meesha ka cararo ama uu booliskuba qabto, haddii taasi waxba ka tari waydo oo ay soo dhaafaan (Alamtarana soo dhaaf) waxa loogu talo-galay rasaas rabadh ah oo dhawaqa rasaasta caadiga ah leh oo haddii lagu tido qofka aan waxba yeelayn, balse qofku ka cararayo qoriga ku soo fiiqan iyo dhawaaqeeda, hadduu taa soo dhaafo annigu waxaan hayaa oo aan bulshada u sheegayaa waatii cascaseyd, markaa waxaan idinka codsanayaa inta aan keenayo wixii dadku lagu maaweelinayey inaydaan mudaharaadin, waayo haddii kale waxa xigaa waa dhimasho.

Waxaan imika wadaa oo aan wasaaradda daakhiliga horteeda ku samaysanayaa sanaaduuq si aan cabashada dadwaynaha iyo wixii tabanayaan iyo taladooda iyo weliba qolyo aanu baryahan aad u wada hadlaynay oo sheegayey inay talo hayaan sanaaduuqdii ay ku soo ridi lahaayeen.

Su’aal: Wasiir waxaad dadka wakiil uga tahay arimaha nabadgalyada, taa macnaheedu waa in umaddu ku seexato nabadgalyo oo ay ku soo toosto, su’aashaydu waxay ku saabsan tahay libaaxyadii aad hayn jirtay, waxa jirta cabsi oo carruurta waxa lagu cabsiiyaa libaaxyadii Waran-cadde, dadka inay maskax ahaan nabadgalyo ku seexdaana waa waajibaad adiga ku saaran, wasiir libaaxyadii wax ma ka joogaan, haddii ay ka joogaan, diyaar ma u tahay inaad libaaxyadaa Magaalada ka saarto..?

Jawaabta Wasiir: Siciidow waxaan kala garan waayey inaad fuley tahay iyo inaad Libaaxyada uun ka tahay (Fuley), horta bahalihii (Libaaxyadii) waan kaa hayaa ee ha baqanin, awal sagaalbay ahaayeen laba Jabuuti ayaynu ku caawinay, imika 7 ayaan hayaa, soodayn maayo oo waan haynayaa, horta bahalkani habeenkii wuu eedamaa, waana ta la yidhaahdo waa Awliyo, waa cod aad iyo aad u macaan haddii aan barato, eedaan kalena uma baahnid haddaad barato, anniguna subixii isagaan ku toosaa, ILAAHAY waxaan ka baryayaa inaanu dadka waxba yeelin, waxaan doonayaa inaan sameeyo Carwada Xayawaanka, laakiin dhaqaale badan ayuu u baahan yahay, markaa waxaan golaha u soo jeedinayaa toban toban doolar oo aynu bahalkaa ugu samayno in la ila qabto, waayo ma layn karno oo xuquuqda iinsaanka oo kale ayuu leeyahay, ta labaad waa duur joogtii inaga dhamaatay ayaan u hayaan, waxaanan isku qabaa inaan hayo wax qaranku leeyahay oo uu qaranku u baahan yahay, laakiin la igaga baxay.

Su’aal: Wasiir, sideed ula qabsan kartaa xukuumaddan aanad hore siyaasadeeda uga tirsanaan jirin, intee in leeg ayaad rejo ka qabtaa inaad ku sii negaato xilka laguu ansixinayo..?

Jawaabta Wasiirka: Ninka Madaxwaynaha ahi rag buu doortaa oo xilbaa saaran, waxa laga yaabaa ninka uu dooranayo inaanu marka garanaynba, ninka hawl karka ah iyo ninka tabcaanka ahina shaqada ayay ku kala baxaan, markaa Madaxwaynuhu wuxuu xaq u leeyahay maadaama oo uu xil balaadhan saaran yahay ragga uu cugtay marka fardaha la isku fuulo ee dagaalka la galo ninka fadhiidka ah waa la reebi karaa ee ka soo bixi kari waaya, taasina waa wax Madaxwaynuhu xaq u leeyahay, taa Madaxwaynaha wax shaki ah oo aan qabaa ma jirto haddii aan shaqadeyda ka soo baxo, haddiise aan ka soo bixi waayo waxaan noqonayaa qolooyinka ay duca qabadu ay deba socoto, taasina wax dhibaato ah malaha

Geeska

Wasiirka Warfaafinta Oo Olole Ugu Jiraa Sidii Uu Maareeyaha SLTv-ga Uga Dhigi-Lahaa Wiil Lagu Soo Xushay Magac-Beeleed.

$
0
0

Wasiirka  Warfaafinta Oo  Olole Ugu Jiraa Sidii Uu Maareeyaha  SLTv-ga  Uga Dhigi-Lahaa Wiil Lagu Soo Xushay  Magac-Beeleed.

cabdi

Ololaha xoogaan ee uu wasiirka warfaafintu u ku jiro ayaa waxaay ka mar-khaati kacaysaa xannuunka guul-wadaynta oo la maraaya heer ba”aan kasoo oo jaaho-wareer  siyaasadeed  ku riday maamulka wasaradda.waxaanu hadda  uu soo dhigtay in u beddeley maareeyaha tv-ga dawladda waxaanu ku mash-quul san yahay sidii dheegtaa madaxweyne siilaanyo uga dhaadhicin lahaa khaladad uu galay  maareeyaha tv-ga.

cukuse ayaa doonaya sidi  iskuugu diiri-lahaa maareeyaha iyo madaxweynaha sido kale waxa uu wattaa wiil kasoo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo uu olole ugu jiraa sidii loogu magacaabi-lahaa tv-ga qaranka.qorshahan ayaa la waday ber-yahanba waxaana gaadh-wadeen ka ah wasiirka warfaafinta C/laahi  maxamed daahir (cukuse) ayaa isaago raali gelinnaaya wasiirka madaxtooyada waxaa uu ollooleynaya wiilka maamulla websitka  iyo jaraa”idka –madaxtooyada kana shaqeeya tv-ga qaranka isla markaana awood badan ku lahaa maamulka tv-ga qaranka.wiilkaas oo lagu magacaabo Muniir Axmed Cigaal ayaan lahayn aqoon saxaafadeed marka laga reebbo mudo kobaan oo uu ku jiray warbaahinta dawladda,wiilkan ayaa hoore uga shaqayn jiray,Hotel Barwaaqo oo ku yaalla Magaalada Hargeisa waxaa nu markii danbe sidi guur lagu dhoofiyay.

Hadaba maxaa sababay in u soo noolaado khilaaf kii wasaradda oo laga raystay moddo kooban wakhti la fillaayay nin lagu tiriinayay aqoon saxafadeed lo dhiibay.

waxaana jiraa qorshayaal badan oo aan wali soo if-bixiin wallina hursan,kuwaas oo salka ku hayya muraanka ka taagan cidi maamuli lahayd tv-ga dawlada oo intii laga dhiggay wasiirka warfaafinta(c/laahi cukuse)jaho-wareer ku habsaday.waxana ka mid ahaa tallabooyinka uu qaaday wasiirku shaaqo-ka joojintaa madaxi-wararka tv-ga qaranka Xamse Cali Bul-bul oo ahaa wariye rug cadda ah kuna xeel-dheer warbaahinta.kasoo annu wax sabab ah usoo gudbin balse shaqo ka fadhiisin un uu kula kacay,lama ogaa sababaha ku kalifay wasiirka khilaaf huriinta wasaradda,intaas uun kumma eeg-ka khilaaf hurinta uu wasiirku ku hawlan yahay balse waxaa iyaana fidmo kula jiraa xukuumadda iyo saxaafadda madaxa-banaan oo u tiroba dhowr-jeer madaxa isu geliiyay.

ninkan labaad oo caanku ah ciidda madaxtooyadu  ay wan-jalayso ama warar been abuur ah laga qoraayo.waxaanu si toos ah uga ammar qaata wasiirka awooda badan ee xirsi cali xaaji xasan oo ay sii weyn iskugu dhow yihiin, lama oga in qorshahan uu kula jiro wasiir xirsi iyo in kale la’aa kiin waxaa ay wararku ku xidhiidhinayaan,hadii uu wasiir cukuuse uu ban-dhiigo oo door muhiim ah ka ciyaari karo.

Khilaafkan ayaan hadanu madaxweyne siilaanyo soo kala dhex-gelin ayaa meel dheer laga baadi dooni donna,sidoo kale waxaa la gudboon madaxweyne siilaanyo illaayo uu xilka ka qaado wasiirka warfaafinta aan xal lo heeli kariin,muraanka awoodeed ayaa soo xoogaysanaayaisaago wasiirku ku mash-quulsan kala qay-biinta  shaqaalaha wasaradda oo uu qaybiiyay laba garab.oo la kala saffaan maareeyaha iyo wiilka madaxtooyada basaska uga aha wasaradda hadana uu sharaxan maareeyaha tv-ga qaranka waxaanu gadaal idiinka soo gudbin doona wixii kasoo kordhaa.

Gebo-geebadi erreeyo aynu eeggayno nadaamka qaw-laysataada

Haa is oodhaan cidi kumaa arkayse inaadeerso

Haa is oodhaan cidi kumaa arkayse aqaalo jeexo.

Laa soco………………..

Qalinkii

C/casiis Bashiir Nuur

Tel;4144434

info@xogreebnews.com

Hargeisa /Somaliland

 

Australia’s new gov’t vows to limit foreign aid

$
0
0

 

CANBERRA, Australia (AP) — A new government prepared to take control of Australia on Sunday, with policies to cut pledges in foreign aid and to wind back greenhouse gas reduction measures in an effort to balance the nation’s books.

Prime Minister-elect Tony Abbott also plans to visit Indonesia soon in part to discuss controversial plans to curb the number of asylum seekers reaching Australian shores in Indonesian fishing boats.

Abbott’s conservative Liberal party-led coalition won a crushing victory at elections Saturday against the center-left Labor Party, which had ruled for six years, including during the turbulent global financial crisis.

The Australian Electoral Commission’s latest counting early Sunday had the coalition likely to win a clear majority of 88 seats in the 150-seat House of Representatives. Labor appeared likely to secure 57.

Abbott, a supremely fit 55-year-old, began his first day as prime minister-elect with an early morning bicycle ride from his Sydney home with friends.

“It was a very big night, but this is just the start of another normal day and there’s going to be a fair bit of solid work this morning,” Abbott told reporters. “There’s a lot of work that will be done later today.”

The coalition announced last week that if elected it would plan to save 4.5 billion Australian dollars ($4.1 billion) over the next four years by reducing increases in its aid spending to the Australian inflation rate, which is currently less than 3 percent.

The outgoing Labor government said in May that Australia’s long-standing pledge to increase its foreign aid spending to 0.5 percent of gross national income by 2015-16 would be postponed by two years.

The coalition said in a statement last week that it shared Labor’s commitment to reach the 0.5 percent target “over time, but cannot commit to a date given the current state of the federal budget.”

“I have to say, there are higher immediate priorities” than reaching the 0.5 percent target, Abbott told reporters last week. “The best thing we can do for our country and ultimately the best thing we can do for people around the world is to strengthen our economy.”

The money saved will be reallocated to road projects in the country’s three biggest cities — Sydney, Melbourne and Brisbane.

The plans have been condemned by opponents and aid groups, who dubbed it short-sighted and contrary to the nation’s image of global cooperation, particularly in light of Australia’s recent appointments to presidency of the U.N. Security Council and the G20 in 2014.

“I think it says a great deal about the man, Tony Abbott, and his principles if he is prepared to attack the poor — home and abroad — and is prepared to jeopardize the long-term standing of our country while he is at it,” Greens leader Christine Milne said last week.

New Zealand Prime Minister John Key said on Friday that cuts to planned spending will strain small Pacific island nations, a major beneficiary of Australian aid.

“These are countries that need a lot of support and help, so if there is less money coming their way, they’ll obviously feel that over time,” Key told reporters in the Marshall Islands, where he was attending the Pacific Islands Forum. “It will certainly make the money that we spend here even more valuable.”

The coalition also aims to save money by stopping the AU$10 billion government-run Clean Energy Finance Corp. from investing any more money on low-pollution power generation technologies.

It is unclear whether the collation can fulfill that election promise before it passes legislation.

The coalition appears unlikely to win a majority in the Senate. But the election could deliver some conservatively minded senators for minor parties that Abbott could deal with.

Abbott also needs Senate support to fulfill his promises to repeal a deeply unpopular carbon tax on Australia’s biggest industrial polluters and a 30 percent tax on coal and iron ore miners’ profits.

One of the biggest former donors to Abbott’s coalition, eccentric mining magnate Clive Palmer, withdrew his patronage to bankroll his own political party, Palmer United Party.

Palmer, who is building a replica of the ocean liner Titanic — which will be named Titianic II and make its maiden voyage in 2016 — is close to winning his own seat in the House of Representatives. A Palmer United Party senate candidate, former football star Glenn Lazarus, looks even more likely in his home state of Queensland.

Abbott’s new government wants to discuss with Indonesia plans to have the Australian navy turn back Indonesian fishing boats carrying asylum seekers into Australian waters. The coalition has proposed that the government buy old fishing boats from Indonesian fishermen to prevent them falling into the hands of people smugglers.

Labor argued that both policies could damage Australia’s relations with Indonesia, its closest neighbor after Papua New Guinea.

Saturday’s election likely brought Australia’s first Aboriginal woman to Parliament. Former Olympian Nova Peris is almost certain to win a Senate seat for Labor in the Northern Territory, but the final results will not be known for days.

WikiLeaks founder Julian Assange’s bid for a Senate seat in Victoria state appeared doomed on Sunday.

His Senate running mate for the newly founded WikiLeaks Party, Binoy Kampmark, said the secrets spiller was unlikely to win a seat after attracting just a little more than 1 percent of the votes in Victoria. The Senate count won’t be finalized for days.

Assange, who is hiding out in the Ecuadorean Embassy in London in a bid to avoid extradition to Sweden on sex crime allegations, told the Australian Broadcasting Corp. that he was happy with the party’s performance, and is likely to run again.

“We are the second-largest vote count for the new parties after Clive Palmer’s party, which had a billion bucks behind it,” Assange told ABC on Sunday. “I think that’s a pretty good outcome.”

Bigstory

Shirkad Wiil madaxweyne Siilanyo Adeer u yahay leeyahay oo Qandaraas Kooto ah loogu xidhay dayactirka wadooyinka iyo Madaarada Somaliland.

$
0
0

Shirkad Wiil madaxweyne Siilanyo Adeer u yahay leeyahay oo Qandaraas Kooto ah loogu xidhay dayactirka wadooyinka iyo Madaarada Somaliland.

china

Hargeisa-(Qaran-news)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa daaha ka feyday in Wakaalada  Horumarinta Wadooyinka Somaliland oo isaga si toosa u hoos timadaa Qandaraas hoose ama qarsoodi ah ku bixisay dayactirka,buuxbuuxinta iyo kabkabka wadada halbowalaha ah ee u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera oo nafo badan bil kasta sahayata.

Wasiirku wuxuu sheegay in shirkada la yidhaahdo CHINA HONO GROUP oo qandaraas lagu siiyey kal-hore dayactirka iyo kabkabka Madaarka hargeysa oo uu leeyahay Cabdirisaaq Cumaani oo madaxweyne siilanyo Adeer-Inaadeer u yahay haddana qandaraas lagu siiyey inay fuliso dhamaan hawlahaa dayactirka,kabkabka iyo buuxbuuxinta wadada isku xidha Hargeysa iyo Berbera.

Geesta kale shirkada China Hono Group ayaa website-keeda ku baahisey inay dhamaan dayactirka Madaarada iyo wadooyinka Somaliland si dhaqso ah u fulin doonto amaba iyada qandaraas lagu siiyey sida wadooyinka isku xidha Hargeisa-Berbera,Ceerigaabo-Burco,Burco-Oidweyne iyo RUN-WAY-ga Madaarka Berbera .

Qarannews

 


Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylaci oo Maanta dalka ka dhoofay iyo xoggo ku saabsan safarkiisa.

$
0
0

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylaco oo Maanta dalka ka dhoofay iyo xoggo ku saabsan safarkiisa.

sa

Hargeisa-(Qaran-news)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylaci oo Fagaarayaasha  siyaasada iyo warbaahinta maxalliga ah midkoodna inbadan ka muuqan,cadhana la duuduubnaa tan iyo intii uu waajibaadkiisii iyo  awooda xafiiskiisa si dadban ula wareegay wasiirka madaxtooyada xirsi cali X.Xasan ayaa maanta safar gaaban oo caafimaad ugu anbabaxay dalka imaraadka midoobay (UAE) si uu u soo nefiso.

Saylaci oo warbaahinta kula hadlay madaarka Berbera oo uu ka dhoofaayey ayaa sheegay in safarkiisu yahay mid shaqsi ,halkaasna uu tegi doono hawlo caafimaadkiisa khuseeya oo keliya.

Saylaci ayaan inta badan xogogaal u ahayn ,saameyna ku lahayn Shirarka, go’aamada iyo wareegtooyinka  sida qaalibka ah ka soo baxa Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu ka tirsan yahay tan iyo intii khilaafkii dhumacda weynaa  soo kala dhexgalay isaga iyo wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan oo si toosa iyo si dadban u bililiqaystay waajibaadkiisii distooriga ahaa.

Qarannews

 

General Morgan oo ka gilgishay magaciisa wiilka Siilaanyo sodoga u yahay la baxay?

$
0
0

General Morgan oo ka gilgishay magaciisa wiilka Siilaanyo sodoga u yahay la baxay?

 

Shalay ayaan soo galay makhaayad laga shaaho oo aan maalmaha weekend-nada u sheeko iyo shaah doonto.  Waxaa markiiba ii yeedhay niman reer Puntland ah oo meel fadhiya, nin ka mid ah ayaanu muddo dheer is naqaanay, dirir, dood iyo kaftan intubana na dhex martay wakhtigaa dheer ee aanu is naqaanay.

 

Ninkan isaga ah iyo kooxda la fadhidayba waxay ood-wadaag yihiin ama isku jufo hoose yihiin General Maxamed Siciid Xirsi (Morgan)oo aynu wada garanayno taariikhdiisa foosha xun ee madow. In badana ninkaas warkiisa iyo soo hadal-qaadkiisaba waanu isku af-dhaafnay saaxiibkay oo xataa xaalku dirir iyo gacan ka hadal naga gaadhay wakhtiyada qaarkood, hase yeeshee hadda niman kaftan wadaag leh baanu ku dambaynay aakhirkii.

 

Kuye Axmedoow aad baan maanta kuu sugayay wa allah Mahadiise haddaynu is aragnay. Haye idhi, wuxuu igu yidhi waar Axmedoow walaaloow gacaliye bilaash baad iila diriri jirtaye, sowdinkan Morgan ka maarmi waayay haddaad reer Hargaysa tihiin, anoo yaaban baan idhi ‘’yaaaa’’, waxaanan ugu jawaab celiyay waar Cismaanoow maxaad u jeedaa anoo cadho sanku i dhaqdhaqaaqayo.

BaasheMorganSLmorg

Kuye is deji saaxiiboo, miyaanad saxaafadiina Somaliland akhriyin oonad arag wiilkan yar ee Madaxweyne Siilaanyo sodoga u yahay ee bal ilaahay amarkiis gurigii Gen. Morgan Hargaysa 80aadkii ka dhistay isna ka amarka taagleeya dhawr iyo labaatan sanno ka dib ee laga cabanayo ee ilaa Wasiiradii la daba-dhigayo, maxaad isla yeel-yeelaysaa Axmedoow.

 

Aamusayoo waxaan si dakhso ah u go’aansaday intaanan fal-celin bal inaan xog helo oo saxaafada bal eego, waxaanan bartii kula soo baxay aaladaydii iphone oo aan markiiba isku qaaday ‘’Hadhwanaagnews’’, saa waa war Baashe Morgan cinwaan looga dhigay oo dhex ceegaaga, kilik gareeyay wuxuuse igu tuuray Qarannews mise waaba wiilkii ina Siilaanyo qabay oo madaxdii wasiirada ahayd ee Imaraadka shirka Budhcad badeeda kaga qayb-gelayay si mustareex ah u dhex-fadhiya iyaga oo madax dawlada Imaaraadka ka tirsan kulan muhiim ah la qaadanayay. Yaab, fajac iyo amakaag baan la afariiray, bal amuurtan soo korodhay eega, waa yaabka yaabkii hoosta iska idhi.

 

Waxaanan hoosta iska sii waydiiyay taloow sidee wax u jiraan, waayo Wasiir Xagla-toosiye wuxuu ii qornaa mujaahid dhiig kursigan uu ku fadhiyo u soo huray oo u soo jabhadeeyaye  sidee buu arrinkan u qaatay. Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Mudane Biixi ayaa isna  iigu suntanaa aqoon yahan iyo nin wayn oo ruug cadaa belaayo ka dhacday ah sida saxaafada lagu baahiyay (malaha waa war loo noqon). Taloow sidee wax yihiin, maxaa wiilkan yar ee Siilaanyo sodoga u yahay ee aan xilna xukuumada Siilaanyo ugu magacaabnayn daba-dhigay ayay iswaydiintaydii ugu waynayd noqotay.

 

Dalku miyaanu dimoqraadiyad ahayn, ma boqortooyaa loo bedelay intii Madaxweyne Siilaanyo xilka madaxtinimo qabtay. Hadduuse gabadh Madaxweyne Siilaanyo dhalay qabo, hawshaas iyo ciyaarsiinta, marxabaysiinta gabadha muxuu ugu koobnaan waayay haddanu xil xukuumada ka haynin ee shirarka Caalamiga ah geeyay. Bal adba?.

 

Anoo yaaban, talona iga wash tidhi, nimankii la fadhiistay anoo istiilaya, isku dayay inaan ku af-gobaadsado waa dacaayadii Qarannews xukuumada ku haysay iyo sheeko mucaarid iwm, balse iga socon waydayoo ‘’hard evidence’’ ama cadayn buuxda oo dhaabad ah bay meesha soo dhigeen, dhan aan ka marona waayay. Kaftankii iska sii socoy, xoogaa yar ka dib ayaa ileen waxaan uga dhiganahay  ninkan aanu kaftan wadaagta nahay  ‘’Jiir dabin soo galaye’’ telephone buu ku cayuuqay dhagar qabe Gen. Morgan sameecadana waabuu dalacay, kuye Axmedoow dhegayso ama ha dhegaysan Gen. Morgan baan la hadlayaaye.

 

Talo igu baahdoo go’aan adag qaadan kari waayay, waanan iska dhegaystay. La isa salaan G. Morgan, ehelkii iyo reerihiina la iska xaal waraysay, cabaar ka dib ayuu ku yidhi G. Morgan sow ma ogid dhawr iyo labaatan sanno ka dib inaad qasrigii Hargaysa ruuxiyan uga taliso oo weli reer Hargaysa kaa baqaan ilaa wasiiradoodii aad ku amar-taaglayso.

 

Gen. Morgan baa qosol gax-gax-gax kaga siiyay oo yidhi, waar maxaad tidhi, waar reer Hargaysa inaanu isa saamaxno ayaan rabaye waa maxay mashruucan cusub eed igu furaysaa gacaliyoow.  Saaxiibkay sheekadii uga dhac oo uga xaal waran.

 

Hase yeeshee, Gen. Morgan oo aan  la dhacsanayn wiilkan magaciisii qaatay ayaa arrinkaa ka gilgishay oo yidhi, waar Cismaanoow walaaloow waad ogayde anigu Generalnimada ina Maxamed Siyaad kuma heline, aqoon ciidan, waxbarasho,  khibrad iyo hawl-karnimo ayaan horta ku gaadhay. Ta labaad anigu Wasiirada amarka ayaan ka qaadan jiraye iyaga amar maan siin jirin  la imana daba-dhigi jirinoo safarada dibeddaha umaan raaci jirin oo nin ciidan ah baan ahaa oo ku mashquulsan difaacida dalka hooyo ee wiilkan yaree ciyaala Maamada ah waa nusqaan in la iigu magac daraa, cadaawada reer Hargaysa dhammaan mayso ku lahaa.

 

Calaaya kuli xaal waxaan kaga baxayaa nin baa laga hayaa walaahi haddaan oodaa laga guurin gorayo heeryaysanina way ka soo bixi maalinta dambe. Arrimahan hadda ka socda madaxtooyada looga taliyo Somaliland dhagar-qabe G. Morgana xataa ka wiswis.

 

 

 

 

Axmed Qawdhan

 

saarkatume@hotmail.com

 

USA

 

 

 

 

Ogaysiis ka socoda maamulka shabakada qarannews

$
0
0

London,(Qaran news)- Dhamaan dadweynaha sharafta leh ee soo booqda shabakada qarannews, waxa aanu la socodsiinaynaa in shabakada aanu ku wadno dib u dhisid aad u balaadhan.

Sidaasi awgeed waxa aanu wargalinaynaa dhamaan dadweynaha na soo booqda in ay naga raali ahaadaan waxii cilad ah ama dib u dhac ah ee intaasi aanu shaqada wadno nagu yimaada, inkasta oo aanu heegan ugu jirno sidii ayna waxba isga badali lahayn habka aanu idiinku soo gudbino wararka iyo maqaalada idinka yimaada.

Waad mahadsantihiin dhamaantiinba

Gudoomiyaha shabakada qarannews

Qaran news

Xoggo rasmiya oo ku saabsan sababtay Genel Energy Somaliland uga baxday+ Go’aamada xukumada Somaliland ka qaadatey+Goortay xukumadu ka war heshay in Genel baxayso!.

$
0
0

Xoggo rasmiya oo ku saabsan sababtay Genel Energy Somaliland uga baxday+ Go’aamada xukumada Somaliland ka qaadatey+Goortay xukumadu ka war heshay in Genel baxayso!.

calgen

Hargeisa-(Qarannews)-Sida intiinii la socotey ka warqabto 4-tii bisha Septembar ama Arbacadii la soo dhaafey ayey shirkada Genel Energy bilowday guuritaan ( Evacutaion),Hase yeeshee xukumada siilanyo waxba kamay ogeyn Kaambanigaa dhan ee shidaal baadhista ka waday Somaliland ee qalabkiisa meel walba oo ka mid ah Bariga Togdheer iyo Caynaba daadsanaa, ee ciidamadda RRU-da iyo kuwo beeleed loo bixiyey ciidamada ilaalada shirkadaha shidaalka iyo macdanta baadha si gaar u ilaalinayeen,weliba ku darsoo qandaarasyo hooseedyana siisey Ash-khaas ku xidhan ama ku dhawdhaw Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Siday Qarannews u xaqiijiyeen ilo wareedyo rasmi ah oo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyada markii shaqaalihii Ajaanibka ahaa Shirkada Genel Energy diyaarado Burco lagaga soo guray ,oo qaarkood markiiba  dalka ka baxeen, oo Maxdaadkii waaweynaa  ee shirkada loo soo dhaqaajiyey xagaa iyo Marsada Berbera si looga dhoofiyo ayey xukumada Siilanyo hambabartay oo wax ogaatey.

Arintu si kasta ha u dhacdee markay Genel Energy dadkeedii mihiimka ahaa la baxday ayey xukumada Siilanyoo debeda war ka heshay,in Kaanbanigu  hawshii sahanka shidaalka uu ka waday Somaliland halkaa ku joojiyey,dalkana ka baxaayo oo qalabkiisa iyo xamaantiisii urursanaayo oo aanay dib u soo noqonayn,sidaasna ugu xayirnaan doonaan goobahay (Blocks) sahanka cirka (Electro-magnetic Survey) iyo dhulkaba (Cutting lines) ku sameeyeen.

Yeelkeede sida ilo wareedyadaa Qasriga Madaxtooyadu u dhuun daloolaa tibaaxeen kolkaasey xukumada Siilanyo bilowday inay qoraalo u dirto maamulka sare ee Genel Energy UK, waxna ka weydiiso sababahay u baxeen ama u laalaabteen,Balse waxay iluhu intaas ku dareen in Shirkada Genel Energy ku dooday inay guuritaankeeda sal u yihiin laba Qodob oo kala ah:-

Qodobka koowaad waxay shirkadu ku sababaysay guuristeeda(Evacuation) in guud ahaan xaalada amni ama nabadgelyo ee Somaliland soo xumaanayso oo markii ay qandaaraska la galeen Somaliland Marxalada derejada amni ee Somaliland ku jirtay ahaa N0.3 (Derejada sadexaad) haatana ay ku jirto N0.5 (derejada shanaad)  oo wax weyni is bedeleen halkaas oo ay xuseen inay ku adag tahay inay ka sii shaqeeyaan.

Qodobka labaad ee Shirkada Genel ku andacootay,oo aanay kala maagin xukumada Siilanyo ayaa odhanaaya ama tilmaamaya inay Hayadaha amniga u qaabilsan Somaliland ka heleen  digniin mihiima oo sheegaysa in laga yaabo in kooxaha Al-shabaab ugaadhsan oo laayaan taas oo ay sheegtay inay shirkadu qiimayn,taxadir iyo mudnaan weyn siisay.

Labadaas qodob oo laysku daray ayey shirkada Genel Energy sabab uga dhigtay bixitaankeeda (Evacuation) sida ilahaasi u sheegeen Qarannews

Waa tahay,haddaba markii xukumadu Siilanyo ogaatey warkaa Genel Energy iyo qodobada ay ku sababaysay bixitaankeeda waxay ilahaasi Qarannews u sheegeen inay go’aansatey :-

-Inay xanibto Maxdaadkii iyo qalabkii shirkada Genel Energy ee Somaliland gudaheeda yaalay oo aanay dalka ka bixi Karin.

-Qoraalo ay xukumadu u qortay madaxda sare ee Genel Enegy oo xaruntooda koowaad tahay UK

-Looyar ama khabiir u dhashay UK oo ku takhasusay Shuruucda shirkadaha shidaalka oo xukumada Somaliland qabsatey,si uu doodaha iyo cabashooyinka ay qabto hore ugu dhaqaajiyo,kaas oo ku sugan London.

-Wasiirada macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo wasiirka arimaha debeda Maxamed biixi yoonis oo ku sugan Imaraadka Carabta (UAE), maalmaha fooda inagu soo hayana la filaayo inay u safraan dalka UK si ay ugu biiraan Looyarka xukumadu qabsatey.

Isku soo wada duuboo sida ilo wareedyadaas Qasriga Madaxtooyada u dhuun daloolaa Qarannews u sheegeen go’aanka bixitaanka shirkada Genel energy iyo shirkadaha kale ee ay qandaraas hoosaadyada ku siisay sahanka shidaalka  iyo amniga ayaa dalka kaga baxay amar ka yimi maamulka sare ee shirkada Genel Enegy oo xaruntooda koowaad tahay Uk ,Hase yeeshee sida doodaha iyo xogaha ay isweydaarsadeen ama wadaageen shirkada Genel Energy iyo xukumada Siilanyo tibaaxayo waxay shirkadu ku go’aan qaadatey warar (Xoggo) ka yimi Hayadaha Amniga Somaliland.

Qarannews

Heshiisyada Shirkadaha Shidaalka Ka Baadhaya Somaliland Isla Galeen- Qaybtii 2aad

$
0
0

 

 

Heshiisyada Shirkadaha Shidaalka Ka Baadhaya Somaliland Isla Galeen- Qaybtii 2aad

 

Aad baan u salaamayaa akhristayaasha iyo bahda Qarannews.com.

 

Maqaalkaygii hore waxaan ku gorfeeyey sida shirkadaha shidaalka ka sahaminiyaa  Somaliland ay wax u kala qaybsadeen iyo sida wax loo kala iibsaday.  Shirkadaha aan ku soo qaatay ee aan ka hadlayna waa Genel Enegy oo ah tan ugu weyn uguna dhaqaalaha roon, Jacka Resources iyo labada shirkadood ee yaryar ee dilaalintu samaysteen, PetroSoma iyo East Africa Resources.  Waxan filiyaa muwaadaniinta akhristayaasha ahini way ka dheregsan yihiin sida qarsoodida ah ee xukuumadan ay doorteen wax u maamulayso.  Arrintan  xisbiyada mucaaradka ahina kuma ceeb la’a oo intii Riyaal haystay iyo iminkaba kama ay hadlin.  Riyaale intii uu haystay UCID kama hadlin oo sida ay caado u leeyihiin madaxda UCID iyagu waxay jecelyihiin shakhsi wax ka sheegid iyo dhaleecayn keliya aanay siyaasad iyo wixii xal ah ee ay hayaan ka hadal.  Kulmiye isagu intii uu mucaaradka ahaa markiii horena kamuu hadli jirin, markii danbena wuxuu ku dadaalay kuna guulaystay in inta Daahir Riyaale joogo, markaas oo doorashadii madaxweynaha wax yari ka hadhsanyiihin,  aan la bilaabin sahaminta shidaalka.  Iyaga oo ku ballan qaadaya in ay hadhow dilaaliinta si fiican ula shaqayn doonaan.  Arrintaasina sidii Kulmiye rabay ayey u dhacday, xeel siyaasadeenna way ahyd waanay beelaysnayd.

 

Hadaba akhristow haddii aad u malaynaysid ama aad is leedahay in shirkaduha warkooda iyo macluumaadkoodu intaasay ku eg yahiin war ma haysid.

 

Waxaa jirtaa iyana shirkad la yidhaahdo Ophir Energy.  Ophir Energy waxaa la aas aasay 2004 hawsheeda shaqona waxay ku kooban tahay Afrika, bari iyo galbeedba. 21 hantiyood (Assets) ayey ku leedahay 10 maamul oo Afrika ah.  Sahaminteeduna waxay u badantahay bad baadhista dhererka aad u hooseeya (deep water exploration), in kasto oo dhererka gaaban (Shallow water exploration) iyo berrigaba (Onshore) ay wax ka baadho.

 

Ophir Energy waxay Somaliland ku leedahay lahaansho liisan oo ah 75% xagga gobolka Saaxil isku xidhyada (Blocks) ah SL 9, SL 12 oo ballacoodu yahay 24,420 km2 (waa afar iyo labaatan iyo afar boqol iyo labaatan km oo laba jibaaran).  Dhinaca badda hoosteedana dhererku waa 1, 425m ( waa kun iyo afar boqol shan iyo labaatan).  labadaa isku xidh (Blocks) waa bad iyo berriba sida khariidu idin tusayso. Mareegta loo yaqaan Care2 petitionsite waxa lagu soo qoray in xukuumada manta jirta halkii ay khayraadka dalka ka daryeeli layd kana difaaci lahayd ayey kan ugu qiimaha hooseeya ka iibinayso (President Ahmed Siilaanyo and his government should be doing everything in his power to protect Somaliland resources; instead they are selling it to the lowest bidder.). Qandraaska lala saxeexday Ophir Energy wuxuu siinaya Somaliland saami dhan 2.5%,  saamiga 97.5% kalena waxaa iska leh shirkado kale.  Hadaba haddi aan kor ku soo qoray Ophir Energy waxay haysataa saami dhan 75% saamiga 22.5% ah yaa iska leh?  Jawaabtu waxa weeye ninka la yidhaahdo Rashiid Mustafe Xaji Nuur.  Waa dilaalka sadeexaad oo isna keenay Ophir Energy.  Shirkadan waxaa xagga dhaqaalaha ka taageera Tokyo Sexwale oo ah siyaasi iyo maalqabeen South Afrikaan ah iyo nin British-Inadian ah oo maal qabeen ah oo loo yaqaan Lakshmi Mittaal.

Wadanki, inta aan baadhay  ugu saamiga yaraa wuxuu ahaa Liberia oo saami dhan 5% faa’iido qaybsi u heshay.  Iminka wadamada dunida sadeexaad waxa lala bartay qandraasyada faa’iido qaybsida (Profit sharing), waxaana ugu horaysay Indonesiaya.  Faa’iido qaybsigu waa sharaxaad qurux badan laakiin faa’iidada imisa ayaa kaa soo gaadhaya.

 

Hadaba haddii aad ka eegto khariiraddan sida  isxidhyada (Blocks) loo bixiyey waxaa kaga cadaanaysa in dulkii beri hore la qaybsaday lana iibsaday, waayo meel la dhaafay ma jirto.  Sida ka muuqata (Somaliland Oil Concession 2007) khariidadan xukuumaddi Dahir Riyaale ayaa horseed ka ahayd, oo bilowday,  bixinta dhulka.  Xukuumada iminka jirtaana waxba ka ma ay bedelin ee way sii kordisay oo dedejisay iibkii.  Hadaba waxa taa cadaynaysa bal eeg isku xidhka (Block) SL-18, sida aan qaybtii hore ku sheegay SL-18 waxa laga iibiyey DNO, oo shirkad Norwagian ah, oo Bishii April 22 qandraas faa’iido qaybsi ah lala saxeexday.  Halkaa waxaad ka fahmi kartaa in dhulka xukuumaddii Riyaale sii qaybisay “Blocks” kanna ay sii diyaarisay si ay u iibiso.  Iminkana xukuumadani halkii ayey ka sii waday shaqadda.  Somalilnad  iyo Afrikada kalea “Blocks” laga bixiyaaba guud ahaan balacoodu wuu ka weyn yahay wadamada horuumaray inta kuwa laga bixiyaa ay le’egyihiin.  Waxaa taa kuu cadaynaysa haddii aad khariiradda dib u eegto labada isxid (Blocks) ee Genel Energy inta ay le’eg yihiin iyo inta ballacoodu ku fadhiyo.  Kan Oodweynana ka sii weyn.  Waana labada la rabay in loogu hor bilaabo ee rajada weyn laga qabo.

 

Haddii aad si fiican u eegto dhulka loo qondeeyey baadhista shidaalk waxaa iyana baaba’aya dhul daaqsimeed baaxadda leh, oo aan cidna lagala tashan.  Dhulkaan intiisa badan waxaa la marinayaa cagaf. Arrinta wax daraasad ah oo cilmiyeysan laguma samayn cidina kama wada hadal sidii loo badbaadin laha dhul daaqsimeedkaa iyo dadka ku noolba. Ma laga wada hadlay? Dadka deegaanka deggan ee xoola raacatada ah ma laga tala geliyey? Xagee iyaga iyo xoolahooda la geyn doona?  Eeg sawirkan hoos ku dhigan. Taswiirtan hoos aad ku aragtaan waxan ka soo qaaday dhul banayntab laga bilaabay tuulada Beer oo lagu sii wado ilaa Naq Dhabiijo bishii July 2013.   Waa arki kartaan sida dhirta loo xasuuqayo.

 

Arrintan Shidaalku mesha ay ka fashilantay waa xagga xukuumadda, waayo sida sharcigu yahay waa in xukuumaddu si toos ah shirkadaha qandraasyada ula gasho iyada oo khubaro qareeno ah oo arrimaaha ku takhasusay qabsanaysa.  Haddii marba wasiir keliya oo wax khibrad ah aan u lahayn arrimhaas keligii la diro ama afar dilaal la dhegaysto hoostana wax la iska siiyo waa lagu baaba’ayaa.  Wasiirku qandraasyada uu soo saxeexo isaga in yar oo madaxtooyada joogta ayuun baa la og.  In waddanka dani ugu jirto iyo in kale lama ogaan karo waayo wax kasta qarsoodi ayaa lagu fuliyaa.

 

Xukuumaddu waa in ay Golayaasha xeer dejinta, dadka deegaanka ee ay khusayso si daacad ah ugala xaajooto war gelisona.  Khayraadka dalka in laga faa’iidaystaa waa muhiim si horumar loo goodho, laakiin wax qarin iyo is boob horumar lagu gaadhi maayo oo sida wadamada Afrika ayeynu ku danbeyneynaa.   Horumarku ma ahan in inyari ku noolaato oo ka faa’iidaysato khayraadka dhulka, dadka intiisa badanina ay ka soomanaato.

 

Siyaasad xumida baadhista shidaalka hadhaysay waxay salka ku haysaa beelayn oo lagama dhigin arrin qaran.  Waxa la sameeyey iskuxidhyo (Blocks) magacoodu magac beeleed yahay.  Dadka dhulka la samahaminaayo wax u soo doontayna ila iminka waa beelaha isku xidhyadaa dega oo gobolada kale ee Soomaaliland cidi kama joogto.

 

Sannadkii 2008 khayraadka isugu jira macdan iyo shidaal ee Afrika laga dhoofiyey waxa qiimahooda lagu qiyaasay $393 Billion.  Wadamada dakhliga intaa le’egi soo galay waa kuwa aduunka ugu fakhriga badan, waayo lacagtaasi waxa ku tikri fara in yar oo kooban oo madax ama raasas ah.  Xuukumadaha wadamada ka jiraana waa kuwo musuq maasaq, maamul xumo iyo cadaalada darro ka jirto.

 

Wasiirka madaxtooyadu wuxuu golaha wakiilada khudbaddiisi ugu sheegay in ay fasaxaan baadhista shidaalka haddii la rabno in shaqo loo abuuro dhalinyarada tahriibtana la joojiyo.  Hadaba in shidaalka marmarsiiyo laga dhigto laga qurux badan .  Haddii la joojin laha qaadlayaasha iPhone iyo iPad-ka qurbaha kala imanaya ee iyaga oon wax xirfad sare oo tacliimeed lahayn jagooyinka sare sare ee aanay wax cilmiya  u lahayn la siinaayo.  Waxaa loo baahanyahay in dhalinyarada ka soo baxda jamacadaha dalka mudnaata kowaad la siiyo oo la shaqaalaysiiyo.  Waxaa manta xukuumaddan wasiirro ka ah dad aan xitaa dugsi sare soo dhamayn, jaamacadna iska daaba.  Wax shaqo ah oo xirfad (Professional job) lehna aan abidkood ku soo shaqayn.  Way jiraan qurbo jog dalka yimid oo kaalin weyn xagga dhisida iyo horumarinta ka qaatay, oo siyaasad iyo jago sare aan midna dank a gelin.  Laakiin meesha lagu jabay waa xagga siyaasadda iyo inta jago doonka ah ee wasiirnimo, ku xigeen, DG iyo mareeyeyaalba u soo doontay.

 

Wa Billaahi Towfiiq.

Maxamed Axmed Saxar

majsaxar@gmail.com

Atlanta, GA

 

 

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>