Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Umad waxa Mideyn Kara, Wax Ka Weyn Damac Shakhsi iyo Xisbi.

$
0
0
Umad waxa Mideyn Kara, Wax Ka Weyn Damac Shakhsi iyo Xisbi.
bile

Markii uu socday halgankii dalka lagu xoreynayey, umaddu waxa ay
laheyd hal hadaf oo si cad loo qeexey oo lagu sheegey luqad
mutacalimka, badowga, siyaasiga iyo qofka caadiga ihiba si sahlan u
fahmi karaan, waxaaney aheyd “waa in dalka laga xoreeyaa Xukunka
daalimka ah”. Wuxu ahaa hadaf qof kastaa sida uu yahay u qaatey,
natiijada la rabo in la gaadhana ay dadka isku si uugu muuqatay. Qofka
joogey Burco iyo ka Sucuudiga joogay, amase ka London joogay iyo Kenya
joogay isku si ayuu hadafkaasi uugu dhadhamayey. Taasi waxa ay keentay
in qof kastaa ka qeyb qaato halganka meel kasta oo uu joogeyba.

Kii dalka joogey qoriga ayuu qaatey. Kii sarkaal ciidanka ahaa meel
kasta oo uu joogo waxa uu u kacey dhinacii iyo halkii jabhadu
degeneyd. Dhakhtarkii isaga oo aan cidi u sharxin ayuu gartey
doorkiisa looga baahanyahay inu halganka ka qaato wuxaanu iska
xaadiriyey halkii dhawaca jabhadda la dhigayey. Dadkii ka
shaqeysanayey wadamada carabta waxa ay bilaabeen iney dhaqaale soo
ururiyaan oo ay u diraan halkii halganku ka socday si ciidanka loogu
helo waxey cunaan iyo dawo iyo rasaas. Dhalinyaradii Yurub iyo
Mareykan joogtey waxa ay iyana ku dhaqaaqeen iney bannaanbaxyo
sameeyaan oo ay dawladaha wadamadaa ay joogaan ka dhaadhiciyaan dhibka
shacabka lagu hayo. Abwaankii iyo heesaagii isna doorkiisa ayuu qaatey
oo iyaga oo kala joogaa meelo kala fog oo aan iswareysan ayay hadana
tiriyeen heeso iyo gabayo isku nooc ah oo u wada ololeynaya hal hadaf
sidii loo gaadhi lahaa. Waxan oo dhan waxa sahley oo isku dubaridey
waa Hadafka la sameystey oo ahaa mid cad oo qof kastaa si sahlan u
fahmey.

Marka hadafka umadi leedahay cadyahay ee si dhab ahna ay u
rumeysantahay, waxa sahlanaata sida uu qof kasta oo mujtamaca ka
tirsani inu door muuqda ka qaato isaga oo aan cidina u sharxin.
Muranada soo baxa iyo isqabqabsiga waxa markasta ka weynaa hadafka
umaddu leedahay oo heshiis lagu ahaa oo cidkasta oo wax kale tabaneysa
waxa la odhanayey horta an xukunkan daalimka ah iska tuurno, wixii
kale oo dhami wey inoo danbeyne. Taasaa la isku raacayey waayo waa
mabda’ la isla ogolyahay iyo hadaf cad. Marku hadafku kuu cadyahay ee
ad rumeysantahay, waxba ku damqo maayaan. Waxa la maqli jirey hebel
iyo intaas oo jabhaddii ah ayaa la diley, mise cidiba ma ooyeyso oo
waxa loogu jawaabayey wey shahiideen ee dhaaf. Dhimashada lafteeda
ayaaba faan iyo darajo aheyd waayo qofku waxa uu u dhimanayey wax
umadda oo dhami u aqoonsantahay inu ahaa xaq.

Sideed sanadood iyo wax ku dhow, waxa aad loogu mashquuley arimo hoose
oo aan umadda mideyn balse ay u badantahay iney kal jajabinayaan. Waxa
meeshii ka maqan wixii weynaa ee dadka kulansiin lahaa. Dabcan
arimahaa qaarkood waa daruuri oo waa loo baahanyahay haddii ay noqoto
in doorashooyin la galo iyo haddii ay noqoto in axsaab siyaasadeed la
sameysto. Haddiisi aaney jirin hadaf intaa ka weyn oo habeen iyo
maalinba la hadal hayaa, siyaasadda inteeda kale iney ina kala qeybiso
mooyee wax badan soo kordhin meyso. Waxa an ku faaneynaa horumar ayaa
la sameeyey oo axsaab ayaa la furay. Waa sax oo waa loo baahanyahay,
balse saddex xisbi maaha wixii umadda mideyn lahaa.  Waxa weyn ee an u
socdey maaha xisbi in la furo mana aha in doorasho la galo. Waxa iga
maqan wixii 5 malyuun ee muwaadiniinta iyaga oo aan cidi u sharxin ay
habeenkii ku seexan lahaayeen.

Bal si ad u fahamto mawduuca an ka hadlayo, waxa maalin isku
taxalujisaa waxa warbaahintu sheegeyso ama qoreyso iyo waxa siyaasiga
muxaafid iyo mucaaridba lihi ay ku waramaayaan. Mawduuc kasta oo
maalintaa ay warbaahintu sheegto meel ku qoro. Ka bacdi isweydii waxan
maxaa iiga faa’iido ah aniga iyo jaarkeyga iyo caruurteyda tacliintii
dhameysey ee shaqada la’. Maxaase uuga faa’iido ah dalkeygan 23
sanadood an dhex joogo eenu jirin qof ii sheegi kara mustaqbalkiisu
halka uu 5 sanadood dabadood ahaanayo. Waxa kaaga soo baxeysa meeshaa
in xaalkeena maanta uu isku meereysigu ku badanyahay, oo  koox meel
isku urursatey ay la tartameyso koox kale oo iyaba cadilan oo aan
waxba isdhaamin, hadddii ad istidhaahdu ka qeyb qaadana inad qabiil ku
raacdo mooyee garan meysid waxa ad midna ku diido midna ku raacdo.
Ahdaafteena siyaasadeed ma qeexna oo weli waxa ay dhaafi laadahay
meelo hoose oo ah midnimada hala ilaaliyo, iyo gooni isu taagga iyo
madax bannaanidu waa lama taabtaan iyo Somaliland waa dal jira.
Kalmadahani waa wada afsoomali run ah, balse haddana macno qeexan oo 5
malyuun oo qof kulmin kara ma saarna haddii aan la sheegin natiijada
laga rabo iyo waxa ay tahay in laga dheefo. Halgankii aroor kasta
marka ad soo toosto waad garaneysey halka wax marayaan iyo halka ad
adigu kaga toosantahay. Balse, hadaladan iminka socdaa qofba macne
gooni ah ayey u sameyneysaa sababta oo ah waaney qeexneyn.

Waxa maanta loo baahanyahay in inta umadda indhaha u ihi ay u sameyso
ahdaaf waaweyn oo kulmisa umadda oo dhan oo lawada bidhaansado. Waxa
inaga maqani waa hadafkii inanta dhalinyarada ah iyo islaanta miyiga
joogta iyo mutacalimka iyo siyaasiga kulmin lahaa ee u sahli lahaa inu
qof walbaa door ka qaato. Hadafka noocaas ihi waa ka umadda ka saari
kara isku meereysiga iyo in lagu mashquulo waxyaabo yaryar oo hoose.
Hadafka ina mideynayaa maaha dhowr xisbi oo la furto, kuwaasi waxaabey
sii sahlayaan inan kala qeyb sanano, waa haddii aanu meesha oolin wax
waxaa ka weyn oo inaga dhexeyaa. Mana aha inan daaro iyo wadooyin
dhisano, oo kuwa inaga soo horjeedaaba intaa iyo in la mida wey
dhistaan, mana aha inan doorashooyin qabsano oo an natiijada ka
dhigano hebelna uu badiyey hebelna waa laga badiyey, taa lafteedu wey
ina sii kala qeybineysaa haddii aan wax intaa ka weyni inaga dhexeyn.
Muxuu noqonayaa ama yahay hadafka ina kulansiinaya ee kuligeenba ku
qasbaya inaan meel uuga soo wada jeedno? Maqaalka danbe ayaynu ku lafa
guri bal waxa uu noqon karo hada fina mideeyaa.

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha
bileaqoontaiyonolosha@gmail.com

Hay’adda (IOM) Oo Kulan Lagaga Hadlaayay Ka Hortaga Tahriibka Iyo Shaqo La’aanta Usoo Xidhay Arday Ka Qalinjabisay Jaamacadda Burco.

$
0
0

BurcoArday4
Burco,(Qaran news)-Hay’adda Qaramadda Midoobayn u qaabilsan socdaalka ee (IOM) ayaa kulan mudo toban cisho ah socday usoo gabogabeysey arday ka mid ah ardayda ka qalinjabisay Jaamacadda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

BurcoArday1
Tababarkan oo ay Hay’adu ugu talogashay ujeedadiisa in ay ardayda Jaamacadaha dalka ka qalinjabiyay ku baraan duruuso ku saabsan qaababka shaqooyinka loo raadsado ,si loo yareeyo tahriibka dhalinyaradda aafeeyay ayaa lagu soo gabogabeeyay Hoteelka Barwaaqo ee magaalada Burco ,waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta Laamaha Dawladda ee gobolka Togdheer ,maamulka Jaamacadda Burco iyo Marti sharaf kale .

Liibaan Maxamuud Ciise oo ka mid ah masuuliyiinta Hay’adda (IOM) oo faah-faahin ka bixinaayay musharuucan ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa . “ Mashruucan (IOM) waxaananu bilawnay mudo imika laga joogo laba Bilood ka dib markii aanu aragnay in uu tahriibkii ku kordhay Somaliland iyo shaqo la’aantiiba ,markaa anagoo taa ka duulayna si looga hortago waxaanu garanay in aanu bilawno mashruuc tijaabo ah (Pilot Project) oo aanu ku bilaabayno 20 Qof oo Boorame ah iyo 20 Qof oo Burco ah , Labaatankaa Qof ee Burco waxaanu ka dooranay Jaamacadda Burco ,markaa waxaanu doonaynaa Hay’ad ahaan in aanu mashruucan tijaabada ah ,ku tijaabino ardaydan Jaamacaha Burco iyo Camuud maadaama ay yihiin dad waxbartay ,dalkana ay ka tahriibayaan “ Sidaasi ayuu Liibaan hadalkiisa kaga baxay .

BurcoArday2

Sidoo kale Badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Tababarkan lagaga hortagaayo Tahriibka iyo shaqo la’aanta Dhalinyaradda ee ay Hay’adda ( IOM) u qabatay ardaydan Jaamacadda Burco ,waxaanu ku wargaliyay ardaydan casharadii ay qaateen mudadii uu Tababarkani socday in ay ka faa’idaystaan isla markaana bulshada qaybaheeda kale u gudbiyaan .

Geesta kale waxa iyana ka mid ah dadkii halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Professor Saliibaan Dirir Isuduwaha Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Burco Dr. Cabdi Hindi iyo masuuliyiin kale waxaaney dhamaantood ugu baaqeen dhalinyaradda in ay ka fogaadaan aafadda Tahriibka isla markaana aaminaan dhulkooda Hooyo ,waxaana la gudoonsiiyay ardaydii tababarkaasi usoo xidhmay shahaado sharafeedyo .

Waa markii u horeysay ee Hay’adda (IOM) tababar noocan oo kale ah u qabato ardayda Jaamacadda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ,inkastoo ay Hay’adu mashaariico kale dalka ka fuliso.

Jaaliyadda Woolwich Ee Lodon oo 5,000- Kun oo Doollar ugu Deeqday Jaamacada Burco.

$
0
0

Burco (Qaran news)- Jaaliyad Somaliland ee ku dhaqan xaafada koonfurta Lodon ee Wilij, ayaa deeq lacageed oo gaadhaysa Shan kun dollar ugu deeqday jaamacada magaalada Burco.
Maamulka HTCV ee Gobolada Bariga Somaliland, ahna Wakiilka Jamhuuriya Media Group ee bariga Somaliland , oo uu deeqdan lacageed ku soo hagaajiyay , Xaaji Axmed Diiriye Aw-Guuleed , oo ka mid Odayaasha sida weyn looga yaqaano Cariga Uk iyo Somaliland-ba, haatan degan xaafada Wilij,ayaa gudoonsiiyay maamulka Jaamacada Burco, ee xarunta gobolka togdheer.

Gudopomiyaha Jamacada Burco Prof. Saleebaan Dirir ,oo gudoomay deeqdan lacageed ,ayaa u mahad celiyay jaaliyada Wilij, Kana amaanay sida ay fuliyeen balantii ay u qaadeen jaamacada Burco “ Anigoo ka wakiila jaamacada Burco ,hareera haygana fadhiyaan Maamulkii jaamacada iyo guddigii horumarinta togdheer, Waxaan Kayse Axmed Digaale ka gudoomay Shan Kun oo Doolaar oo ay soo direen, jaaliyadii reer Woolwich, oo uu hormood u yahay Suldaanka Woolwich X.Axmed Diiriye Aw- Guuleed, waxaan u mahad celinyaa Jaaliyada Reer Woolwich, Hay,addaha Wadaniga ee SORAG, madaxda ka yahay Dayib X.Quluumbe iyo Horn Care oo ay madax yihiin Maxamed Xasan iyo Axmed Caynaashe , iyo Rashiid iyo ileeye iyo cabdi fataax. Sidii Reer Woolwich balantayadu ahayd , waxay balan qaadeen Tobon kun oo dollar , Sideed Kun waa ka haynaa, ee xisaabi xil ma leh ee , waxaa noogu kiin hadhay laba kun iyo labadii arday ee aad balan qaadeen inaad bixin doontaa fee-ga jaamacadooda, intaana waanu idinka sugaynaa.” Ayuu yidhi Prof. Saleebaan.

Waxa Prof. Saleebaan Ku Aamaanay X. Axmed Diiriye Aw Guuleed sida wanaagsan ee uu iskugu xilsaaray oofinta balantii ay u qaadeen jaamacada.

Mr.Maxamuud Aaadan Dheri oo ah Gudoomiyaha Guddiga Jaamacada Burco ,ayaa isaguna Fariin u diray Qurbajooga dibada ku dhaqan “ Reer Woolwich way soo direen dhaqaalihii ay ku balan qaadeen ee jaamacada iyo dhismaha wadada, Sidaas Qurbajooga UK, maraykanka , carabaha iyo meelkasta oo ay joogaanba waxaanu u jeedinaynaa inay ku daydaan reer Woolwich ,oo soo diraan dhaqaalihii jamacad iyo dhismaha wadada.” Ayuu yidhi Mr.Dheri.

Deeqdan ay soo direen jaaliyada ku dhaqan magaalada Woolwich ee dalka UK ,waxay qayb ka tahay dhaqaale ay ugu balan qaadeen jaamacada burco , wakhtigii gudoomiyaha jaamacad Safar uyu dhaqaale uu ugu ururinayo jaamacada Burco ,Prof. Saleebaan Dirir , ku soo maray wadamada Yurub iyo carabta, halkaasoo uu kulamo kula qaatay jaaliyadaha ku dhaqan dalalkaasi.

Burco.

Baaq taageero ah

$
0
0

XISBIGA WADDANI

New Picture

Baaq taageero ah

Anaga oo ah dhalinyarada xisbiga mucaaridka ah ee waddani waxaan baaq taageero ah hawada u marinaynaa xildhibaan da,yar  ee  ibraahi mahdi buubaa oo ah afhayeenka xisbiga waddani ,suaalihii umada ka dhex guuxayay ee uu waydiiyay wasiirka wasaarada madaxtooyada .

Xildhibaan ibraahim mahdi buubaa waxaa siyaasi da,yar oo firfircoon aqoonsana ujeedadii loo soo doortay oo ah inuu matalo umada soo dooratay kan hadlo baahiyahooda iyo wixii noloshooda khatar ku ah waxaan leenahay xildhibaan waad asiibtay su,aalahaa waxayna ka turjumayeen rabitaanka shacabka somaliland waxayna noqotay arinta ugu hadal haynta badan maalmahan  umaduna waxay kaga  markhaati kacaysaa wax qabadkaasi .

Marlaab waxaan leenahay mabruuk ,hambalyo  xildhibaan Ibraahim mahdi buuba afhayeen ka xisbiga mucaarid ka ah ee wadani

 

Dhalinyarada xisbiga mucaarid ka ee waddani

Allaa mahad  leh

Xisaabaha gaarka u ah wasiir Samaale ee uu ku darsadey miisaaniyada Qeybtii 3aad

$
0
0

 

Xisaabaha gaarka u ah wasiir Samaale ee uu ku darsadey miisaaniyada Qeybtii 3aad

“MA LUMO XAQ NINKII LAHAA DABO SOCDO’

samale

Waxaynu soo afjari doono si ku meel gaadh ah maqaaladan muujinaaya xatooyada loo badheedhay een haysan cid xakameysa iyo cid dabo gashaba. Waxaan haya xugo ay ii soo direen laba mas’uul oo Wasaaradda Maaliyadda ka tirsan laakiin aad u culus oo u baahan hubsiimo iyo xili la helo cid wax ka qaban karta. Waan hayn tan iyo xiligaas. Waxaan ka codsanayaa cid kasta oo haysa xoggo xatooyo iyo hanti boob ha ii soo direen iyana meel adag oo aamin ah ha ku hayaan. Waxa iman doonta maalin lala xisaabtamo dambiilayaasha. Dambiga xatooyadu ma duugoobo oo muddo kasta ha qaato ee waxa la gaadhi maalin laga jaro oo xaqaa lumay la soo celiyo, iyadoo waliba lagu xisaabin doono inta xoolahu maqnaayeen waxay faa’iido keeni lahaayeen. Hore ayaa loo yidhi ma lumo xaq ninkii lahaa dabo socodo. Ha daalin oo ha niyad jabin uruuri xogaha oo kaydso.

Waxaynu hore u soo qaadnay qaabka nidaam darrada ah ee miisaaniyaddii 2013 loo ansixiyey oo laga dhigey mid aan Wasiirna ogayn Wasiirka kale miisaniyadiisa loona afduubay si ayna cidina ula socon Miisaaniyadda buux dhaaftay ee Wasaaradda Maaliyadda. Taas aynu si wadno. Waxa iyana ka mid ah xisaabaha caqligu qaadan waayey kuwan:

IIBKA GAADIIDKA oo ahaa 2012, lacag dhan 660 Milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 2,540 Milyan Korodhsiimo ah 1,880 Milyan una dhiganta 285%

XAFIISYADA WASAARADDA oo aha 2012, lacag dhan 840 Milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 1,500 Milyan, korodhsiimo ah 660 Milyan oo u dhiganta 79%

DHARKA IYO DIREYSKA oo aha 2012, lacag dhan 60 Milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 260 Milyan, korodhsiimo ah 200 Milyan una dhiganta 334%

MARTIQAADKA oo aha 2012 lacag dhan 50 Milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 200 Milyan, korodhsiimo ah 150 Milyan, una dhiganta 300%

Isugeynta afartan xisaabood waxay yihiin sidan. 2012, waxay ahaayeen 1,610 Milyan, waxuu ka dhigay 2013 lacag ah 4,500 Milyan, korodhsiimo 2,890 Milyan una dhiganta 180%.

Ma tahay wax macquul ah in intaasi si hawl yar oon naaqish iyo tafaasiil lahayn ay Golaha Wakiiladu ansixiyaan. Haa maayo mabay arag ee duuduub ayey ku ansixiyaan, waana xil gudasho la’aan. Dadweynow kala xisaabtan cidaad doortay ee baylahdaada u diratay halkey mariyeen.

Hoosna waxaan idinku naqilay seddex maqaal ee hore oo dhammaan ka hadlaaya mawduucan si ayna waxba idiin dhaafin.

Aan ku celiyo ee ciddii haysa war la xidhiidha hanti-boobka dalka ka socta meel kasta mid wasaaradeed, gobol, iyo degmaba ii soo dir si aynu dadka ugu bayaamino, xogtana haya oo ilaaliya maalin ayaa iman dib loo xisaabtamo ee fadlan kayd adag galiya. Intiina emailka ii soo dirtay ee igu dhiiragelisay arrintan waad mahadsantihiin, ninka cayda ii  soo dirayna wuu mahadsan yahay oo dareenkiisa iyo caqligiisa ayaan hawl yaraan ku helay ajarna waan ka heley. Waxaan se ogaaday in dadkeenu yahay midho xariir ah oo jecel wanaaga necebna musuqa. Samaale qof ahaan ma necbi oo dambi khaas ah igama gelin, waxaan u arkay nin ka fog amaanada loo dhiibay. Walow wax badan uu fagaraha ka akhriyey ayadaha ammaanada ka hadla. Waana ayaan darro ninka ayadahaas akhriyayaa inuu noqdo hormoodka musuqmaasuqa.
Samalow Alle u toobad keen, ummadana xaqooda u soo celi, intaad haysan u ilaali, ammaantaada kolkaas igu eeg ani iyo inta wanaagaaga iyo wanaaga ummadda jecel.
Madaxweyne waan kuu duceeya, ee Alle ha ku tuso heshiisyada qarsoon ee kheyradka dalka ee Genel ugu dambeysay, Alle ha ku tuso lacag xad dhaafka ah ee ku baxda xafladaha iyo socdaalada aan macnaha lahayn. Alle ha ku tuso miisaaniyadda magacaaga ku baxda eedan waxba kala socon.

Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail.com

XISAABAHA GAARKA U AH WASIIR SAMAALE EE UU KU DARSADAY MIISAANIYADDA-QAYBTII 2

Waxaynu ku eegnay qaybti kowaad seddex xisaabooh oo WAsiir Samaale buuxsaday si uu u helo hanti aanu cidina weydiisan oo sida uu doono ugu tagrifalo. Waxa ayaan darro ah in Golaha Hurda ee Wakiiladu yahay wax matare aan meeshan banayn. Waxa hubaal ah in halka Soomaliland ka socon ladahay tahay jileeca ku jira Golaha ood moodo inay isagu tageen aqoon yarri iyo dhoohanaan. Miisaaniyaddu waa tan kaliya ee Golaha awood u yeeleysa hadday u maamulaan sida dauurku oggolyahay. Cidda daba galka u lihi waa iyaga. Cidda dalban karta xisaab xidh iyo warbixin sedddex biloodle ihi waa iyaga, cida hantidhowrka hawlgelin karta waa iyaga. Intaas oo dastuurku u oggolyahay ayey ka hurdaan. odhan maayo waa la laaluusha ee masuuliyad darro ayaa ku habsatay.

Maantana waxaan idin horkeeni seddex  xisaabood oo kale oo Sheekheena ayadaha quraanka ku muraadsadaa uu buux dhaafsaday si uu u helo xantoobin xeeladaysan.

KHRASHKA SAMEYNTA MIISAAANIYADDA oo ahayd 2012, lacag dhan 462 Milyan waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 962 Milyan, korodhsiino 500 Milyan una dhiganta 108%
DHIIRIGELINTA IYO ABAALMARINTA oo ahayd 2012, lacag dhan 200 Milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 500 Milyan. korodhsiimo ah 300 milyan una dhiganta 150%
HABEEN DHAXA TRAVEL ALLOWANCE oo ahayd 2012 lacag dhan 219 Milyan, waxuu ka dhigay 432 Milyan, korodhsiimo ah 213 Milyan una dhiganta 97%.

Kolkaad isu geyso seddexdan xisaabood oo keliya  halkay 2012 ahaayeen 881 milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 1894 milyan, korodhsiimo ah 1013 milyan una dhiganta 115%.

Haddaba ma tahay wax maquul ah in labajibaar iyo wax ka badan ay xisaabahani hal sano ookaliya isu bedelaan. Meedey se xisaabtii dhabta ahyd ee 2012 la khrashgareeyey. Sabab la’ aanta loo kordhiyey lacag intaas leeki waxay ina tusaysa masuuliyad darraanta ciddi horjoogsan lahayd boobkan cad oo ah Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada.
Khrasha loo bixiyey sameynta miisaaniyadda maxa ka dhigey inay laba jibaar iyo siyaade noqoto illeyn awalba waa la sameyn jiray oo waa shaqo maalmeedka wasaaradde..

Sheekha hadalka macaani bal heyno bayaamiyo waxa kalifay inuu lacagta intaas leeg ku darsado miisaaniyadda oo uu si guracan u isticmaalo lacagta ay ka ooman yihiin kuwii laga soo uruuriyey, kuna baxaysa meel ayna oggayn.

Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku tuso inta wanaagga kula jecel eed eryanayso iyo inta xumaanta ku maleegeysa eed hoosta gashanayso. Alle ha ku tuso hanti boobka la farsameeyey iyo baahida dalka taala. Aamin.

Cabdi Xaaji Axmed
hargeysawi@gmail.com

Hoos ka akhri qaybti KOWAD


XISAABAHA GAARKA U AH WASIIR SAMAALE EE UU KU DARSADAY MIISAANIYADDA-1

Waxa hore aan idinku sheegey sida iga soo gaadhay masśul wasaaradda maaliyadda ka tirsan sida uu Samaale uu miisaaniyaddii 2013 dhismaheeda uga dhigey mid aan cidi kale aqoon oo uu wasiir walba uu gaar ula gorgortamay siiyeyna inta isaga khuseysa oon wasiirna ogayn kan kale miisaaniyadiisa, taasina ay dhantaashay doodi laga yeelan laha miisaaniyad qaran oo u dan ah ummadda. Haddaba hadafka uu taas ka laha waxa ay tahay inuu helo xisaabo uu keligii miisaaniyadda gashado oon cidi ku ogaan. Waana kuwan qaar ka mid ah oon halkan idiinku soo gudbin doono.

Xisaabahaasi dhamman waa qaar uu Wasaiir Samaaale keligii Maamulo oon cid kale awood u lahayn kana war hayn sida loo bixiyo iyo cidda la siiyo toona. Waana mid ka baxsan habaka loo maamulaa nidaamka dawladda. Waxa Samaale uu Wasaaradda la yimid boob iyo dhac qaawan oon cidina ku haysan. Waana mid ayaan darro ah in la waayo cid dhacan joojisa. Waxa muuqata inuu helay awood qarsoon oo uu ku jaahwareeriyey xukuumadda, hantidhowrkuna noqday mid wasiirka u shaqeeya halkuu noqon laha kan wasiirka xisaabiya.

 IJAARKA GAADIIDKA, GURYAHA  …oo aha 270 milyan sanadkii 2012, waxuu ka dhigay 600 milyan SlSH korodh ah 330 MILYAN
KHRASHKA LACAG URUURINTA  aha 600 milyan  2012, waxuu ka dhigay 1500 milyan korodh ah 900 milyan
LA-DAGAALANKA KONTRABAANKA aha 219 milyan 2012, waxuu ka dhigay 1150 milyan korodh ah 931 milyan

Xisaabaha kale ayaa ka cajiib badan oo qaarkood aad la yaabi doonto magaca ay sitaaan iyo khrashka ku jira, ee bal isu geeya korodhsiimada seddexdan xisaabood oo keliya. halkey 2012 ka ahaayeen isugeyn 1089 milyan waxuu ka dhigay Saamaale 3250 milyan una dhiganta korodhsiimo 300% ah. Lacagtaas lama naaqishin Golaha Wasiirada, waayo lamaba keenin oo Saamale isaga ayaa Wasaarad kasta la xisaabtamay si gooni ahna u siiyey miisaaniyadda WAsaaradiisa oo keliya, tiisna cidi mey arag mana naaqishin xata Madaxweynaha waxba lagama weydiin.

Ma tahay wax macquul ah in sanad keliya khrash intaas leegi kordho , maxay asnsixiyeen Golaha hurda ee Wakiiladu, bal wareysta oo heli mid keliya oo xata idiin qira inuu arkay lambaradan, is daa inuu naaqisho amba oggolaadee.
Waa ayaan darro ina haysata.
Waxaa inoo xigta xisaabo kuwana ka yaab badan ee la soco.

Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku tuso halka maalkii maataada iyo danyarta laga uruuriyey halkey ku baxday. Waan kuu duceeya ee Alle ha ku siiyo caafimaad.

Cabdi Xaaji Axmed.

Hargeysawi@ymail.com

 

Wasiir-xigeen ka tirsan xukumada Siilanyo oo iyadaan Barlamaanku dalban ka soo hor muuqday isagoo ku- maran Wasiir hawl-maalmeedkiisii gudanaya!.

$
0
0

Wasiir-xigeen ka tirsan xukumada Siilanyo oo iyadaan Barlamaanku dalban ka soo hor muuqday isagoo ku- maran Wasiir hawl-maalmeedkiisii gudanaya!.

xar

Hargeisa-(Qarannews)-Saaka waxaa waxaa hor yimi Golaha wakiilada Somaliland wasiirka madaxtooyada  Xirsi Cali X.Xasan oo golahu mariqaad yeedhmo ah u diray si ay wax uga weydiiyaan xeer cusub oo wasiirku golaha u soo gudbiyey oo ku suntan Xeerka wadooyinka, hase yeeshee wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga bashiir cabdi xariir oo intaan xilkan dhawaan loo cumaamadin Agaasime waaxed ka ahaan jiray wasaarada madaxtooyada,xeerkana aan shaqo ku lahayn, wasaaradiisana waxba ka khusayn,loona yeedhin ayaa fadhigii golaha ka soo dhex fuuray,isagoo ku maran wasiirka madaxtooyada oo uu mar gacan yare u ahaan jiray.

Sida ay Qarannews u sheegeen xildhibaano ka mid ah golaha wakiilada oo fadhigii maanta joogay wasiir ku xigeenka kamuu mid ahayn wasiirada iyo masuuliyiinta goluhu dalbadeen,fadhigana ku martiqaadeen hase yeeshee wuxuu si bilaa Baratakoola u soo kududsadey kuraasta ay fadhiistaan masuuliyiinta goluhu dalbaday inay wax weydiiyaan isagoo dhega-dhega u saarey wasiirka madaxtooyada si kamaradu iyo ishu u qabato.

Yeelkeede waxaa marag ma doon ah inaanu wasiirku xigeenku fahamsayn xilka loo cummamadey iyo shaqada wasaaradiisa u taala midkoodna,kana door biday inuu kolba gees u hor cararo,iskuna sawiro wasiir gudanaya hawl-maalmeedkiisa oo laga yaabo inaanu uba yeedhanba,balse dhaqankaasi waa mid ka mid ah shuruudaha Madaxweyne Siilanyo ku soo xusho dadkuu xil u dhiibaayo.

Qarannews

 

Qormo xiislo leh:Xukumadu Gadhwadeenka yahay Xasan Sh.Maxamud oo gu’ jirsatey+ dareenka iyo Aragtiyaha ka soo guuxaya dadkeeda + nooca xukumadey tahay!.

$
0
0

Qormo xiislo leh:Xukumadu Gadhwadeenka yahay Xasan Sh.Maxamud oo gu’ jirsatey+ dareenka iyo Aragtiyaha ka soo guuxaya dadkeeda + nooca xukumadey tahay!.

shariifkadabaal

Muqdisho-(Qaran-news)-Waxay berri  10 Sep.ku began tahay sanadguuradii koowaad ee Xukumadu gadhwadeenka yahay Xasan Sheikh Maxamuud gu’ jirsatey, haddaba qiimeyn noocee ah ayey bulshada dhexdeeda ka kasbatay mudadaa sanadka ah,halkan ka dheeho aragtiyaha,dareenka iyo guuxa ka soo burqanaya maskaxda dadkeeda.

turki

 

Haddaba Dawlada Xasan Sheikh Maxamuud gadhwadeenka ka yahay waa dawlad noocee ah:-

aweodayadii

1-Waa Dowlad aan Wasiiradeeda aan la arkin oo aan Xafiis Fariisan.

 

2- Waa Dowlad ku fiican sida wax loo Camabaareeyo marka ay ay Dhacaan Qarax iyo Dilalal

 

3- Madaxweyne Xasan Shiikh waa Madaxweynihii ugu fiicnaa ee na soo mara marka waxaan leeyahay Dadka Mucaaradsan Waa Doogiye yaan la Dacaroon

 

4-Waa Dowlada Difaac ku Ururtey waayo waxay Xirtey Wadooyin ku yaal Muqdisho oo Shacabka mari jireen, marka maxay Dhaantaa Dowladii Shiikh Shariif ee Dhufeysyada Badneyd

 

5- Waxaan isla haa Dowladaan Cabsidii Bulshadda bay Dhameyn Doontaa balse waa nagu Siyaadisey

 

6- Waa Dowlada aan Maalmihii hore Mucaarad lahayn hadde waxaa ku Kordhey Mucaaradkii

 

7-Tan anigu Dowlad ma dhihi karo waayo wixii ka dhacay Kismaayo ee Xasuuq ahaa kama hadlin Xitaa laguma soo qaadin Shirkii Adis Ababa.

 

8- Waxay ka bixi la’ dahay Shirar aan wax Natiijo ah lahayn oo Kharash lagu Cuno Fiiri kii Hotel Jasiira ee hada Dhamaadey maxaa ka soo baxay

 

9- Waa Dowlad Dadkeed Jecel waayo Madaxda Dowladda waxay Kormeero ku tagaan Goboladda Dalka.

 

10- Ar yaa maxaa loo yIri Shabaab Magaalada Muqdisho laga saarey waa kuwaa meel waliba ka Howlgalayo oo Dowladii ku J ahwareertey .

 

11- War Tan iga dhaaf hadiiba ay sugu la’dahay Amaankii Shacabka, Waliba waxaa sii Caroodaa markaana Wasiiradeeda ka Maqlo Xalaada amaan ee Dalka aad bay u Wanaagsan tahay.war hadii aad wax qaban weyseen Dadka ha ku jees Jeesina

 

12-Ilaah ha na Dhaafiyo Midaan

 

13-War ha loo sugu Sannad kale

 

14- War tan Dowlad ma aha Sannad keliya ayaa la Diley 1 4 Wariye

 

15- Waa Dowlad Jabisey Gidaarkii 4.5-ka

 

16- Tii Shiikh Shariif baa Dhaantey

 

17- Waa Dowlada lacag yari nagu Ridey oo aan Shaxaad lahayn

 

18-Waa Dowlad fiican oo Xirtey Ilihi Dhaqaalaha ee la iska Guran jirey

 

19- Waxay nagu Ridey Sicir Barar

 

20- Waa Dowlad ay Wareegtadeeda Shaqeyneysa waayo waxay qaadey Isbaarooyinkii

 

21-Waa Dowlad aan markii Hore soo dhaweeyey markii ay 10 Wasiir Magacawdey balse Gadaal bay ka Dhiiqatey waxay Xukuumadii Noqtey 35 Wasiir maxay Dhaantaa kuwii ka Horeyeey

 

22-Waxaa Sannadkaas ay jirtey la Diley Dad fara badan oo isugu jirey Odey Dhaqameed,Xildhibaano, Taliyayaal Ciidan,Wariyayaal iska dhaaf qaybaha kala ee Ciidamada iyo Dadka kale ee rayidka ah

 

23- Waxaa Dhacay Qaraxyo dad badan ku dhinteen, oo ay ugu waawenaayeen Qaraxyadii iyo Weerarkii Maxkamadda Gobolka Banaadir, Weerarii iyo Isqarxintii Xarunta UNDP, Weerarkii Ismiidaaminta ee Xaruntii Turkiga, Soomaalida waxay Tiraahdaa Mayd maxa u Dambeeyey Kaa la sii Sido 7-Bisha oo Sadax Maalmood ka harsan tahay Sannad Guurada 1 aad ee Doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh ,waxaa uu Qarax ka dhacay Maqaayada The Village oo ay dad badan ku Dhinteen waana Qaraxii labaad ee lala beegsado Maqaayadas kii ka Horeeyey waxaa uu dhacay 20 kii September 2012,Hadaba wax iskama Bedelin Qaraxyadii Muqdisho

 

24- Waa Dowlada Kalsoonidii ku weysey Arrinta Kisimaayo

 

25- Aad baa u soo Dhaweynayaa Dowladda waayo waxay Xal ka gaartey Arrinta Kismaayo

 

26- Waa Dowlad oo wax ka qaban weysey Dhul Boobka ka jira Muqdisho oo weliba lagu hayo Dhulkii Danta Guud

 

27- Waa Dowlad wax ka qabtey Waxbarasha la’aantii haystey Caruurta Soomaaliyeed waayo waxay Dugsiyo u Direysaa Hal Mlyan oo Caruur ah

 

28- Maya taasi iga jooji ,Caruurta Dugsiyada loo Dirayo ma Geedaha Hoostooda wax lagu baryaa waayo Dugsiyadii Dowladu lahayd waxaa la siiyey Hayado iyo Shaqsiyaad waa yaabee yaan Ummada Been loo sheegin

 

 

29-Waxaa Xabsi ku jira Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Dadkii u soo Magangeliyey Dowladda si Xun ula Dhaqantey Halka Muqdisho lagu soo dhaweeyey Axmed Madoobe,ooh ore uga wada tirsanaayeen Xisbul Islaam.

 

30- War Dowladaan waxay nagu soo Nooleysey Dagaal Beeleedyadii waxaa Dagaalo ka soo Cusboonaadeen Gobolada Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose 299 – Intii ay jirtey Dowlada Waxaa Gacanteeda ka Baxay Magaalo Madaxdii Gobolka Bakool ee Xudur oo ay la wareegeen Xarakada Al-Shabaab Mudadaas Dowladda Jirtey Ciidmada Amisom iyo kuwa Dowlada horey uma dhaqaaqin oo meeshii Shiikh Shariif uga tagey bay joogtaa

 

31- Heshiiskii Adis –Ababa waxaa uu ka careysiiyey Beelaha Raxan weyn oo Odayaashoodu Sheegeen in ay ka baxeen Dowladda Federaalka waxayna arrintu noqotey Tan Qabo tan sii Daa

 

32- Maamulka Pundland oo Tiir u ahaa Dhismihii Dowladaan ayaa iyana ku dhawaaqdey in ay Gabi ahaan Xiriirkii u jireen Dowladda Federaalka ka dib markii uu Maamulku uu sheegey in wax badan laga badeley Dastuurkii Dalka

 

33- Dowladu waxa badan bay qabatey waxay Wada hadal la Furtey Maamulka Soomaaliland taasoo la dhihi karo waa Talaabo ay horey Dowladu u qaadey oo ku Aadan Dhinaca Dib u Heshiisiinta

 

34- Waa Dowlad aan wax Naxariis ah u gelin dadkii ku jirey Guryaha Dowladda kuwaa oo qaarkood maanta ku Dandareysan Duleedka Magaalada Muqdisho iyadoo Guryihii laga saarey ay yihiin kuwa aan Dowladu ku shaqeyn Dowladda Federaalka sida u qirey Madaxweynaha Dowladda Federaalka

 

35- Waa Dowlad aan Dhihi karo waxay Dhiiragelineysaa in Dadka u kala baxaan Dabaqad Sare iyo Mid Hoose waayo Dabaqdii Dhexe ayaa u Muuqata in ay meesha ka baxayso , waxaa lagu Khaaliyeeyey Guryahii , waxaa ku Siyaadey Sicirkii Raashinka,

 

36- Waa Dowladda dib u soo Celisey Xiriirkii Caalamiga iyo Ururada caalamiga ah , waxaana uu Madaxweyne Xasan Shiikh uu Magaaladda Washington kula Kulmay Madaxweynaha Mareykanka Obama

 

37-Waa Dowlada intii ay jirtey Heshiisyo la gashey Shirkado Badan kuwaa oo qaarkood aan la Garaneyn halka ay ka soo jeedaan,marka waxaan leeyahay waa Heshiisyo lagu Degdegey..

 

38- Waa Dowladii ugu Qabqabashada badneyd Dhinaca Dhaliyarada waxaan Dhihi karaa waa Dowlada Dhalinyarada Dagaal kula jirta

 

39- Aniga Madaxweynaha waan Jecelahay waayo waxaa uu Beerey Geed

wasiirka

Isku soo wada duuboo mudadaas Sannadka ee ay jirtay Dawlada Xasan Sheikh waxaan odhan karnaa  waa Sannad wax badan la qaban karayey gaar ahaan Dhinaca Amaanka oo ah kan ugu Muhiimsan oo ay Bulshada lagu Kasban karo , Hase yeeshee hadaba waxaan Sugnaa waxay tahay Sannad ka dib maxay la imaan doontaa? ma sida hadda ay tahay bay Sare uga kici doontaa oo ay ku soo afjari doontaa Dhaliilaha fara badan ee ka soo Guuxaya Dadweynaha?.

Rakaab Qurbajooga oo Mudo ku xanibnaa Hargeisa oo saaka basas lagu daabulay+sababaha Eithopian Airline u diiday inay ka degto Madaarka Hargeisa+xukumada Siilanyo oo wasiiro u dirtay Itoobiya Iyo UAE.

$
0
0

Rakaab Qurbajooga oo Mudo ku xanibnaa Hargeisa oo saaka basas lagu daabulay+sababaha Eithopian Airline u diiday inay ka degto  Madaarka Hargeisa+xukumada Siilanyo oo wasiiro u dirtay Itoobiya Iyo UAE.

itobiyan falg

Hargeisa-(Qaran-news)-Rakaab muddo ku xanibnaa  Gudaha Somaliland oo sugaayey inay qaado Diyaarada  Eithopian Arilines  ayaa saaka basas lagu daabulay, loona qaadey dhankaas iyo kililka Shanaad ee Itoobiya (Jigjiga) ,iyadoo la sheegay inay diyaaradii ay sugayeen maalin sadexaad baaqatey ,oo ka maagtay inay ku degto madaarka Hargeysa balse safarkooda JIGJIGA ka sii anbaqaadi doonaan.

itobiy

Xogaha Qarannews heshay waxay intaas ku darayaan in diyaarada Eithopian Airlines  aanay dib danbe u soo fadhiisan doonin Madaarka Hargeysa iyadoo sabab uga dhigtay dayactirka lagu sameeyay madaarka oo aan wanaagsayn,layskuna halayn karin ,Diyaaradooda iyo rakaabkana ku biimeyn karin iyo qodob kale oo isna ku taxaluuqa xagga nabadgelyada garoonka oo ay aad uga dayriyeen oo aan laysku halayn karin maadaba garoonku dayr ama silig ka celiya dadka,xoolaha iyo dugaagaba lahayn oo had iyo jeer garonka gudihiisa la arko xoolo dhex sunsumaya.

warancade

Geesta kale madaxweyne Siilanyo ayaa dalka Itoobiya u diray wasiiradiisa arimaha gudaha  Cali Maxamed warancade iyo  duulista  Maxamed xaashi cabdi oo safar dhulka ah shalay galab ku baxay si ay Shirkada Eithopian Airlne ugala soo xaajoodaan  hakadkaas ku yimi dayuuradooda  oo ka maagtay inay timaado Hargeysa ,inkastoo tibaaxo kale oo Qarannews heshay sheegayaan in wasiirka arimaha gudaha Warancade Itoobiya u sii dhaafi doono dalka Imaraadka Carabta (UAE) oo uu martiqaad ka helay.

mxahi

Qarannews

 


Maxbuus muddo 15 sano ah ku xidhnaa Jeelka Hargeisa oo isagoo meyd ah lagu wareejiyey qoyskiisa.

$
0
0

Maxbuus muddo 15 sano ah ku xidhnaa Jeelka Hargeisa  oo isagoo meyd ah lagu wareejiyey qoyskiisa.

Hargeisa-(Qaran-news)-Maxbuus  muddo 15 sanadood ah ku xidhnaa xabsiga hargeysa oo loo haystay kiis dil ah ayaa ku geeriyoodey xabsiga Hargeysa  gudahiisa doraad balse shalay meydkiisa  markuu habeen  baryey  lagu wareejiyey tolkii iyo qoyskiisa si ay u aasaan.

jeelka

Maxbuuskan geeriyoodey oo magaciisa lagu sheegay Mubaarik Yuusuf maxamuud  ayaa muddo dheer u xidhnaa  kiis ku taxaluuqa dil oo loo haystay isaga iyo nin kale oo laga sii daayey xabsiga markii tolkii bixiyeen saamigii kaga soo hagaagay magtii ninka la dilay oo la qeybsaday,Hase yeeshee marxuum  Mubaarik ayaaney qoyskooda u suurogelin inay bixiyaan maagtii saami ahaan ku soo aadey .

Guntii iyo gebgebadii sida dad xogogaal ah oo ka tirsan Qaraabada maxbuuska geeriyoodey u sheegeen Qarannews waa laga heshiishey arinta Magta,weyna dhamaatey ,marxuumka Jeelka ku dhintay tolkii ayaa lagu wareejiyey shalay si ay u aasaan.

Qarannews

 

Doobirta Dagaaladii Geeska Afrika By: Hamud Duale

$
0
0

Doobirta Dagaaladii Geeska Afrika
By: Hamud Duale

Maqaalkan waxaan qoray Abriil, 2010. Aniga ka waramaya dagaaladii sokeeyaha cidday duxi ka raacaday. Waxaan ka soo min guuriyey intaqan gooli baadhay(google) mareegta, Timacadde, oo aan waxba ka lumen.

Dagaalkasta oo la galaa doobir iyo digo gub ayuu leeyahay, inkasta oo ay kala baaxad weyn yihiin oo aan la isbarbardhigi Karin. Badh iyo waax toona isku ma laha. Aniguna xaashaa isku dhererin maayo, laakiin dagaalada qadhaahdhi, waa si dacarta qadhaadh ee malabka dhasha, oo ma doobir la’ ,oo cid ayuunbay duxi ka raacdaa. Doobirtiisa ugu weyni waa ta waayo  aragnimo ee danbaskiisa lagaga baydho, nabad waartana lagaga arrimiyo.

Cidda doobirtu raacdaana waa cidda dalka iyo dadkaba dabaqabataysa, ee dib u yagleela, oo muruq iyo maalba u hura, si burburka, dib u dhis loogu bedelo.

Qarankasta oo dagaal burburiyana waxaa dib u yabyaba oo nabada ku soo dabaala intay duxi ka raacday oo u guntada, sidii looga soo kaban lahaa in fallawgeed qabto, islamarkaana la helo sharci iyo kal danbay, si uu u badbaado wixii ay kasbadeen, uu deganaasho iyo  ummadooda oo nabad ah, ugu dhex kadbadaan, oo ay calfadaan.

Qarankii dumey iyo dagaaladii geeska Afrika ayay duxi ka raacday? Kuwaasi weli ma u  guntadeen, oo ma dhisayaan nidaam hantidooda difaaca, oo dadka iyo dalkaba waxtara? Ma dalal shidheeya ah ayay maalgeliyaan oo miciin moodayaan in uu kooui baaba’sanaado, hantidooduna dal kale iyo dawlada kale u ilaaliyaan? Ma kuwa siyaasiyiinta sheegta iyo kooxaha qaldhabaya ee kala aragtiyaha duwan ayuunbuu xilka saaran yahay in ay dawlad soo dhisaan, oo lala kala safto? Su’aalahaa iyo kuwa kale oo soo socdaba idinkaan idiin dhaafayaa.

Dagaalkasta dhinacyada isku haleela, heer ku doonaba ah ahaado, ciddina lib iyo guul lama hoyato oo waa la wada ogyahay in aan dagaal wiil ku dhinta mooye, wiil caga bidhyaynaya ku dhallan. Waa lagu if iyo aakhiroba seegaa oo weligii laguma aflaxo, adduun baa ku besbeela, mood iyo nool leh. Hasayeeshee laguma waaro ee nabad aan gaboobeen ayuun baa ka danbaysa.

Haddaba dagaaladii beelaha geeska afrika, wixii mooraduug , qarankii dunburush yidhi, qaxii iyo qalaasihii, balaayadii dhacday qaar bay barkhadooda ahayd.

Teer iyo Siyaad Barre wixii gaadhba, gaadh naga bedely , ee haadba haad kiciyey, ‘Qul hu  wa laah axad’ ayaa isku fuuqsatay. Qul hu walaha,  higaad looga dhigay fiqi tolkii kama janno tago, dab wax guba iyo dollar. Waxaa shad iyo med looga dhigay habartii baas  iyo habeenkiidii hayb haybta, foodsaar waxaa looga dhigay dariiqooyin diini ah oo lagu raadgadanayo. Waxaa lagu xarakeeyey oo loogu dhawaaqay sida tan: hubaa laba kordheban, hiilbaa laba hoos dheban, hoog baa laba godan. Bombaa laba kordhaban, biimaa laba hoos dhaban, burdaa laba godon. Iyo qayb kale oo weli ku luuqaynaysa: “wankii badhi leh balaayada kaa dabaalee, riyo buurbuurano orgi waa baalaayee”.

Dadka waxay ku baqamaalayaan buruud iyo awood ruuxi ah ayaanu leenahay.

Culimada midwaliba kitaab qumane ah ayaa qoorta loo soo sudhay. Mid waliba kitaabkiisa qiil uu ku jahaado iyo cid uu la jahaado wuu ka helay, waxse laga waayey qiil lagu kala bogsado oo lagu heshiiyo oo nabada u adeegya. Taana waxaa keenaya danahooda kala gaarka iyo cida ay la kaashanaya damacooda qaladka ah oo kala afkaar duwan. Marar badana waxaa garsiinaya oo dad badani ugu garaabayaan falalka ay ku kacayaan iyo faragelinta ay ku hayaan  qabqab layaasha dagaalka ee adduun weynuhu ee reer galbeedka iyo kuwa adeegsadaan oo aad isku diir iyo dub tihiin. Si kastaba ha ahaatee balaayada ay shidayaan iyaga waa barkhadooda, oo shirkado iyo dariiqooyin diini ah weeyi. Waxay kumayaal ku dhimanayaan Alif waxbuu  lee yahay iyo ma laha, Nabigu xus buu leeyahay iyo malaha ee xusuus buu leeyahay.

Araartii ayaa ila durugtaye oo waan qardo jeexaye aan dib ugu soo laabto booygii ii  qorshaysnaa ee aan ku talogalay in aan maanta shiineeyo. ( halka booy waa 1 column , qoodiguna waa 4 columns). Waxaan shinaynayaa afar qoodi oo ka mid aha baraha Internetka, gaar ahaan kuwa naxliga, sardida iyo burxaanta laga dhameeyey ee aabahay goblin ka gudbey, ee aragtiyaha kala duwan daabaca ee aan qaarna daadufeen, qaarna xardhin.

Shirkadaha ganacsiga ee la unkamay burburkii qaranka, waxaa ka mid ah kooxaha iyo  maamulada ku qadhaabta magacyada kala duwan ee dalku u qaybsan yahay, ee uu ugu weyn yahay ka ku qadhaabta magacii Jamhuuriyadii Somaliya, haddana ugu yar ee xuduudiisu ku ektahay gurigii madaxtooyada la odhan jirey.

Kuwaasi iyo qadhaabkoodu ha ii danabeeyaane, qormadan maanta waxaan ka bilaabi doona  shirkadaha ganacsiga ee balaayadii dhacday, barkhadooda ahayd oo ka mid ah doobirtii  dagaalada. Waa dhabaqii dacartii dagaaladu dhashay ee aan weli laga muudsan malabkii iyo  macaankii nabada iyo taakulayntii, laga ulanayey. Awoodii iyo masgaxdii dadka lagu badbaadin lahaa maanta way leeyihiin, haddii ay ka gaabsadaan maalgelinta ay ku samaynayaan degalada shisheeyaha, iyaga oo kheyraadkii badooda iyo berigooda shirkado asaagood ih guranayaan. Aan ka bilawno shirkadaha Xawaaladaha, oo haatan isku bedeley jeebad tuuga musuqmaasuqlayaasha.

Shirkadaha xawaaladaha, Isgaarsiinta iyo ganacsiga digital-ka.

Bal dhugo iidhehdan laga baahiyo TV-ga Universal ee ku saabsan mid ka mid ah xawaaladaha.

· Dire: “Lacagtaan Xawaaladda kuu soo dhigay ma heshay.”

· Loo dire: “Maya, shinmaad soo dirtay”

· Dire: “Haddaan soo diray, hadduu qaadanayaana waa la igu yidhi.”

· Loo dire: “Waa tanaa. Waaba socotaaba. Weligee lacag sidan u buubaysa ma arag. Jeebkay hadda geleysaaba. Waa ku ururtaba, express-kii la sheegayeyba waa kan.”

Dire:Qax,qax,qax,qaxqaxqaxqaxqaxqaxqaxqaxqaxqax……

Iidhehdan waxaa iska kaashaday sedex shirkadood oo kala ah xawaaladaha, Isgaarsiinta  dig italka (telefoonka gacanta) iyo warbaahinta digitalka (Tv-ga). Waa doobirtii dagaalada.

Ereyga Qax mar waa qasab ku barakac( waar qax oo iga hortag), marna waa dhawaaqa  qosolka iyo raynraynta, oo ka soo yeedha kii kelifey qaxa. Loo diruhu waa qax, diruhuna wuu qax qax laynayaa. Waa laba erey oo macnahoodu kaaf iyo kala dheeri yahay. Doobirtu waa  laba daa dhexdooda, oo xawladaha iyo shirkadaha digitalku macaash ka sameeyaan.

Qaybtii koowaad.

xeerka wasiirka Madaxtooyadu horkeenay Golaha wakiilada iyo canshuuraha cusub ee wasaaradiisu kiishka weyn u tolatey

$
0
0

hargeisa-(Qaran-news)-xeerka wasiirka Madaxtooyadu horkeenay Golaha wakiilada iyo canshuuraha wasaaradiisu qaadi doonto iyadoo tii wasaarada maaliyadu ka qaadi jirtay  xoolaha dhoofaya sideedii looga qaadi doono.

page1page4

 

page5

Qarannews

 

 

Xirsi oo ku noqnoqday halkuu jilicsaday iyo hawshii Wasiir Samaale oo uu la wareegay!

$
0
0

 

Xirsi oo ku noqnoqday halkuu jilicsaday iyo hawshii Wasiir Samaale oo uu la wareegay!

Golaha Wakiiladu maanta heys furdaamiyo oo maruun ummaddan ha ka farxiyo, ha diido cashuurtan ka baxsan nidaamka xukuumadda.

 

Seddex cisho gudaheed ayuu Wasiir Xirsi u talaabsaday isagoo laafyoonaaya dhinaca Golaha Hurdada iyo Sacabka, doorkan waxuu iska tuuray nidaamkii ka muuqaday boqoshadii hore, waayo waxuu aragy sida uu uga ilmo dhalay booqashadii hore. Waxuu iska tuuray Wasiir Qurbajoog ee loo magacaabay Golayaasha Aadan Axzmed Warsame ooy ahayd inuu la socdo, halkiisii waxuu keenay saaxiibkii oo u heelanaa inuu qayb ka ahaado sacab tunka waa ninkii xilkan hore u hayey oo haddana ah Wasiir Xigeenka Ganacsiga. Yaab! shir guddoonkii ay ahyd inay arrintan is hortagaan waxay noqdeen qaar sidoodii iska qosla oon arrintan nidaam darrada ah ee ku lidka ah barootakoolka mabay dareemin.

 

WAsiir Xirsi waxuu la yimid arrin ka baxsan shaqadiisa oo waliba ah tan ugu muddan ee ay u xil saaran yihiin ilaalinteeda. WAxuu ka hadlayaa cashuur iyo cashuur iyo cashuur. Waa waajibaadkii Wasaaradda maaliyadda. Wasaarad kasta arrinta ay wadato ee ku sabsan cashuurta waxay u gudbisaa Maaliyaddda oo iyana ku darta Miisaaniyadda oo Golaha horkeenta. Arrintana waxay jideynaysaa burburka Wasaaradda Maaliyadda, oo waxa iman doonta inay Hawlaha Guud iyana leesamada idin horkeenan, iyo in cashuurta beeraha ay la timaado Wasaaradda beerahu. Waxa is weydiin leh halkuu jira Wasiir Saamale oo maxaa aamusiiyey? Jawaabtu waxa weeyi inuu la ogyahay oo arrintu tahay sidii loo fududeyn lahaa dhaca iyo boobka oo nidamka yar oo taagta daran ee maliyadda loo maro gabigiisaba meesha laga saari, lacagtanina noqoto mid aan cid ka hadal oo toos Xirsi ayna cidi ku wehelin, Saamalena noqdo ninka ugu shaxaadka badan si uu u helo lacag uu ku kala jabiyo KULMIYE siduu u n qaybiyey Sacad Muuse.

 

Waxa talo u taala Golaha Wakiilada. Waayo berrito hadday ansixiyaan Xirsi waa ceeb ka saliim, dulmiga iyo boobka dhacana waa mid ay iyagu xalaaleeyeen, if iyo aakhirana ay dambigeeda qaadi doonaan. Xirsi waxuu keeney wax baal marsan sharciga laakiin hadday iyagu ansixiyaan noqonaaya sharci. Cidda kolkaas dambigeeda lihi ma aha Xirsi ee waa Golaha Wakiilada.

 

Maxa iyada ooy dhawday Miisaaniyaddi maxaa keeeney in la horkeeno cashuur aan ku jirin miisaaniyadda, maxa keeney cashuur ayna soo qadimin Wasaaradda Maaliyaddu, maxa keeney cashuur ka baxasan xisaabaha hoos yimaada xisaabiyaha guud iyo Hantidhowrka..

 

Ma tahay cashuur ku baxasysa sifo nidaam ah. Ma atahay mid jidadka la dhisaayo ay noqon doonaan qaar ku baxa tartan iyo qandaraas. Maya oo hore ayaaba cid loo siiyey. Wasiirka sheegey in la siiyey shirkadii uu adeerka u yahay Madaxweyne Siilanyo ee Madaarka dhistay bila tartan iyo bila xisaab. Ma sidaas ayaad Qoslaayow Cod ummadda kaga rabta, ma sidaas ayaad Samaalow aad raali uga tahay. Ma sidaas ayaa Golahu oggolaan. Aan eegno waxa ay ku dambeyso.

 

Rag kala bax, oo maanta waxa muuqataya in ninka dhalinyarada ah ee Ina Mahdi Buuba yahay xildhibaan waajibkiisa gutay. Waxa la tabayaa raggii adkaa ee mee Siciid Cilmi Rooble, Mee Qabile, kaalintii Marxuum Axmed Weyne ayaa buuxiyey. Reytow waxan maqlay inaad debedda joogto laakiin aamuska dhaaf oo TVga ka hadal waxaad tahay nin ummadda wax fahamsiin kara.

 

War Golahu Wakiiladu maanta heys furdaamiyo oo maruun ummaddan ha ka farxiyo.

 

Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku tuso qaladka ay ku heshiiyeen Xirsi iyo Samaale iyo Qoslaaye.

 

Cabdi Xaaji Axmed

hargeysawi@ymail.com

 

Madaxwayne Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Dhawaan Shaaca Ka Qaadi Doono Mawqifka Uu Ka Taagan Yahay Inuu Mar Labaad Isku Soo Taagi Doono Musharaxnimada Madaxwaynaha Kulmiye Ee Loolanku Ka Taagan Yahay

$
0
0

Hargeysa, (Qaran news)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ilaa hada aan si Rasmiya ugu dhawaqin mawqifka uu ka taagan yahay Inuu mar labaad isu soo sharaxi doono jagada murashaxnimada xisbiga Kulmiye Uga qayb geli doona doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka Qabsoonto horaanta 2015 ayaa la sheegay inuu dhawaan Madaxwayne Siilaanyo Daboolka ka qaadi doono mawqifkiisa ku aadan murashaxnimada Jagadaasi. Sida ay Haatuf u sheegeen ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa Sheegay in Madaxwayne Siilaanyo daboolka ka qaadi doono mawqifka uu ka taagan Yahay u tartanka jagada musharaxnimo ee xisbiga Kulmiye oo ilaa hada ay Cadeeyeen in jadaasi ay musharax nimadeeda ay u tartamayaan gudoomyaha Xisbigaasi Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo iyaga loolankooda jagadaasi uu dhawrkii bilood ee u Danbeyey uu ka dhex taagnaa xisbiga Kulmiye. Madaxwayne Siilaanyo Ayaa dadka odorasa siyaasada ay u arkaan hadii uu mar labaad isu soo taago jadaga madaxwaynaha aanay cid kale kula tartami doonin Jagada musharaxnimada Madaxwaynaha ee xisbiga Kulmiye, Iyadoo Mustaqbalka hogaamineed ee Xisbiga Kulmiye iyo Musharaxnimada labada masuul ee uga qayb geli doona xisbigaasi Kulmiye doorashada Madaxtooyada ay ku xidhan Tahay Natiijada ka soo bixi doonta shir waynaha Xisbiga Kulmiye ee Horaanta bisha Diisanbar 20013 La filaayo in uu dalka ka Qabsoomo Kaas oo lagu soo Dooran Doono Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye Hogaamin doona mustaqbalka xisbigaasi. Waxaa kale oo la saadaalinayaa in musharaxnimada jagooyinkaasi madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka xisbigaasi Kulmiye golahii dhexe ee dooran lahaa murashixiinta lagu soo dooran doono Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye ee qabaqabadiisu Socoto kaas oo isha lagu hayo xubnaha loo dooran doono jagooyinka Gudoomiyaha, Gudoomiye ku xigeenada iyo Xubnaha Gudiyada Fulinta iyo Golaha Dhexe oo Isagu Sharciyan soo doorta Murashixuunta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku Xigeenka. Dhinaca kale Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Ayaa la sheegay inay wadaan Olole Ay ku Doomayaan Sidii Madaxwayne Siilaanyo U Cadayn lahaa Go’aankiisa Musharaxnimo ee Jagada Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Loogu jiro. Wasiirul Dowlaha Maaliyadu Cismaan Saxardiid Cadaani oo isagu malintii Daraad Waraysi Siiyey Wargayska dawlada ee Dawan ayaa sheegay inaanu Xukuumad ahaan Madaxwaynahu Axmed Maxamed Siilaanyo Aanu U Cadaynin inuu isku soo Sharaxayo Jagada Madaxwaynaha iyo inkale, kaas oo horana isagu warbaahinta uga sheegay xubnaha loolamaya Kulmiye Inanay iska dhamaynin dhaqaalaha ay kaambaynka Ku Bixinayaan, Hase yeshee Ilo wareedyada ayaa intaaasi ku Daraya inay jiraan Xubno ka tirsan Golaha wasiirada oo Iyagu Hunguraynaya Jagooyinka Murashaxnimada Kulmiye, Balse la sheegay inay ka dhur sugayaan mawqifka uu Madaxwane Siilaanyo ka qaato tartan labaad oo uu Isu soo taago Jagada Madaxtinimada, taas oo la saadaalinaayo hadii Madaxwayne Siilaanyo Isu Soo Taagi Waayo Musharaxnimada Jagada Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye in Murashaxiinta Jagadaasi Ay noqon Donaan kuwo Tiro badan, Hase yeeshee waxaa dhinaca kale la hadal hayaa in Madaxwayne Siilaanyo aanu ku Degdegi Doonin ku dhawaaqista mawqifkiisa murashaxnimo ilaa laga gaadhayo Shirwaynaha Xisbiga ee Soo socda.

Haatuf

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Ali waran cade oo ku dul hagoogtay Xukumada taagta daran ee somaliland!‏

$
0
0

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Ali waran cade oo ku dul hagoogtay Xukumada taagta daran ee somaliland!‏

Waxaan salaamaya dhamaan mareegaha xorta ah ee somaliland.

waxaa muuqata in xukumada uu hogaamiyo Ahmed Mohamed siilaanyo oo la ildaran hogaanka xukunka Somaliland. Waxaa bad baado u noqday  shaqsi aad ay u jecelyihiin reer hargeysa ama gayiga Somaliland ku dul hagoogtay, hogaankaas oo ah wasiirka arimaha Gudaha Somaliland Ali waran cade.

c&w

waxaan dhihi lahaa mar labaad kaalintii baarlamaanka Cadulaahi Ciro ayaa banaanaatay hawshii qaranka u igmaday waxuu ka dhigay in uu ugu turo madaxweyne siilaanyo in si qabyaaladeysan uga xishooday uu uga xishoon waayey madaxweynihii hore dalka Xukumi jiray.

Daahir Riyaale kaahin .  Xukumadii hore Daahir Riyaale kaahin   soo  hordhigay baarlamaanka somaliland dhowr  arimood oo ay ka mid yihiin  maalgashiga dalka, iyo xeerar badan waxaa hor istaagi jiray Cabdirahman ciro kooxda kulmiye baarlamanka ku jiray.

 

Maanta dalka waxaa lumay kalsoonidii shacabka waxaa lalunsaday lacagtii Airporka, macdanta dalka sida shidaalka, lacagtii dhib u dhiska wadooyinka emaratka fursado xukumadihii ka horeeyey aysan helin ayey xukumadan ku lunsatay habqabyaaladeysan.

 

wadankanna qabyaalad qaawan ayaa taal. waxaan horay shacabka uga codsanay in ay dalkaan doorasho la sugin ay hadafkooda ku muujiyaan mudaaharaad silmiya in ay xukumada jirta iyo baarlamaanka is casilaan dowlad deg deg ah la dhiso.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka inta uu madaxweyne uma qalmo dalka waayo dalkan musuq maasuqa hareeyey ayuu uga xishooday si qabyaaladeysan sidaa awgeed dalkaan uma qalmo in uu hogaankeeda qabto.

 

waxaa shacabka somaliland u furan waa mudaaharaad xaq ah aan rabshado wadan.

 

 

Ahmed Bashiir Mohamed (Ahmed,Safari)

CHAIRMAN OF UCID PARTY KENYA

somalilandfirst@live.com

+254722819048

Musuq maasuqa Siilaanyo iyo wasiirkiisa duulista iyo hawadu ku sameeyeen lacagtii madaarka oo galaaftay qaar ka mid ah qurbo joogii Kulmiye qaadhaanka ku soo dhisay Daawo

$
0
0

Hargysa,(Qaran news)- In badan ayuunbaa siyaasiyiin iyo dad badan oo la soo macaamilay madaxweyne Siilaanyo ama la soo saxiib ahaa ay qoraalo badan oo ay ka sameeyeen dhawaan waxa ay ciwaano far waaweyn ku xardhan uga dhigeen ABAAL LAAWE SIILAANYO.

Hadaba waxa aad halkani hoose aad ka daawataa qaar ka mid ahaa tageerayaashii xisbiga Kulmiye isla markaasina meel kastaba boodh la taagnaan jiray ay ku taageerayaan Siilaanyo, sida ay cajladan hoos taala aad ka daawan kartid iyaga oo muraaro dilaacsan oo gidaar la taagay

Musuq maasuqa madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkiisa duulista iyo hawadu ay ku sameeyeen lacagtii dawlada Kuwait ay ku bixisay in lagu dhiso madaarka Hargysa ayaa waxa ay waxyeelo u gaysatay qurbo joogii iyo ardaydii dalka dibadiisa waxbarasho ugu bixilahayd oo ka habsaamay wax barashadoodii.

Daawo dadkii oo ka cabaadaaya


Hambalyo aroos oo ku socota bqorka Mohamed iyo boqorada Suhuur

$
0
0

Aniga oo ah Ibrahim Duale Suleiman Talaabo, Xaaskayga Siham Hereri
iyo caruurtayada oo kala ah, Axmed,Cabdisalam, Ismaaciil iyo Asma
oo ah ilma Ibrahim Talaabo.waxa ay hambalyo iyo bogaadin aan la
soo koobi karin halkan u marinayaan Arooska
Axmed Maxamed Cigaal iyo Marwadiisa qaaliga ah Zuhuur Maxamed Dirir
oo aqal galkoodu ka qabsoomay dalka Sweden.

Waxa hambalyadaas mid la mid ah diraya dhamaan qoyska Ilma hereri
iyo qoyska reer Maxmed Axmed Cigaal oo kala ah aabo Maxamed Axmed
Cigaal, Hooyo Cibaado Xaaji Muxumed, Faiza,Muna iyo Ibrahim oo ah Ilma
Maxamed axmed Cigaal.
Dhamaan dadkaasi waxa Alla oga tuugayaan qoyskii isku waara
ubad khayr qabana kala hela.
Amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

Magacyada 20-ka Arday Ee Ugu Sareeya Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Hoose/Dhexe Iyo Kuwa Sare

$
0
0

Hargeysa (Qaran news)–Guddida sare ee imtixaanaadka qaranka Somaliland ee Wasaaradda waxbarashada, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada imtixaankii shahaadiga ah ee fasalada afraad ee dugsiyada sare iyo fasalada 8-aad ee dugsiga hoose/dhexe ee sanad dugsiyeedka 2012 ilaa 2013-ka.

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8-aad iyo afraad ee Somaliland oo ay sanadkan u fadhiisteen arday gaadheysa 20.000, ayaa waxa natiijadiisa ku dhawaaqay Guddoomiyaha guddida

imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud Gadhweyne) oo shalay shir jaraa’id oo ay ku wehelinayeen guddida Imtixaanka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashada, maamulayaasha dugsiyada dalka qaarkood iyo weliba marti sharaf kale oo aad u tiro badnaa ku qabtay xarunta guddida imtixanaadka qaranka ee Hargeysa.

Guddoomiyaha guddida imtixaanaadka qaranka, ayaa sheegay in sanadkan ay guud ahaan dalka u fadhiisteen arday dhan 19452 oo isugu jira dugsiyada sare iyo kuwa hoose/dhexe ay si wanaagsan ugu dhamaatay isla-markaana sanadkan ay aad u yareyd ardayda imtixaanka ku dhacay, waxaanu guddoomiyuhu mid mid u yeedhiyey Magacyada ardayda galay kaalmaha hore ee dugsiyada sare ee Fasalada Afraad iyo 8-aad ee hoose/dhexe.

Magacyada Tobanka arday ee Ugu Sareeya Imtixaanka Shahaadiga ah Fasalada 8-aad dalka oo dhan:

Hoodo Khadar Jees Aaden – Imaamu Shaafici (Hargeysa), waxayna keentay – 617

Hibaaq Jaamac Omer Axmed – Nuuradiin (Hargeysa), waxayna keentay – 616.

Yaxye Cabdi Cali Axmed – Al-khayr (Hargeysa), wuxuu keenay – 615.

Bashiir Cabdi Daahir Cilmi – Q-dheer (Hargeysa), wuxuu keenay – 613.

Amal khaddar Cabdi Aaden – Imaamu Shaafici (Hargeysa) – 608.

Bilqis Maxamed Cabdi Aaden – Tommorow (Hargeysa) – 607.

Siciid Aaden Abokor Cawad – Smart (Togdheer) – 607.

Axlaam Cabdirisaaq Axmed Maxamed – Tommorow (Hargeysa) – 606.

Mustafe Cabdilaahi Daahir Ducaale – Alkhayr (Hargeysa) – 605

Nimco Qorane Maxamed Cabdilaahi – Laanta Hawada (Maroodi-jeex) – 604.

Sakariye Maxamed Cabdi Cali – Geeska Afrika – (Togdheer) – 604.

Sidoo kale, Guddoomiyaha guddida Imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, waxa uu mid mid tobanka arday ee ugu sareeya ardayda u fadhiisatay imtixaankii shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee guud ahaan Somaliland, kuwaasi oo kala ah sidan:-

Cabdisalaan Saleebaan Xasan Maxamed –SOS – 716.

Cabdifataax Cabdi Muuse Maxamuud – SOS – 713.

Hoodo Aaden Muuse Cajab – Nuuradiin – 707.

Mustafe Sayid Jaamac Warsame – Nuuradiin – 691.

Maxamed Cabdi Ibraahim Cabdille – SOS – 690.

Aasiya Maxamuud Ayuub Xasan – Nuuradiin – 688.

Cabdifataax Muuse Aadem Ubaxle – SOS – 686.

Cabdisalaan Sa’ad Sa’ed Maxamed – SOS – 683.

Sa’eed khaddar Cabdiweli Aw Sa’eed – 682.

Ayaanle Cabdilaahi Cali Cilmi – SOS – 681.

Guddoomiyaha guddida imtixaanku waxa kale oo uu halkaasi ku soo bandhigay ardayda imtixaanka ku dhacday ee fasalada afraad iyo 8-aad ee dugsiyada hoose/dhexe.

Geeska

Jamaal Cali Xuseen Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Madaarka Hargeysa Iyo Genel Energy

$
0
0

Hargeysa,(Qaran news)-Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumada ku dhaliilay shirkadii sahaminta shidaalka waday ee iska baxday iyo dadka u cadilan madaarka Hargeysa. Waxaanu xukuumada ku tilmaamay mid arimahan ku fashilantay.

Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu xukuumada ugu baaqay inay u ogalaato Etopian Airline inay madaarka Berbera isticmaasho oo si dadka ay u daad gurayso.

Waxa uu Jamaal Cali Xuseen sidan ku sheegay isaga oo la hadlaayay tilifishanka HCTV,waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Shirkadaas sahaminta shidaalka ka waday dalka ee sida degdega ah uga baxday runtii waa ayaan daro,waxaanan leeyahay xukuumada Somaliland aad ayay ugu fashilantay arinkaas,baarlamaanka Somalilandna waa uu ku fashilmay sababta oo ah in badan ayaanu ka hadalnay oo waxaanu nidhi waa in baarlamaanka la hor keeno heshiiskii ay shirkadaas iyo xukuumadu wada galeen,lamna hor keenin baarlamaankuna doorkiisii kamuu ciyaarin hadii uu dawlada cadaadis ku saari lahaa inay keento heshiiskaas oo cad oo la arko waxa lagu heshiiyay,imika waxaad moodaa in qol madaw ay isla galeen shirkadaas iyo xukuumadu waxay ku yimaadeena aan la garanayan waxay ku baxeena aan la garanayan inay sahamin wadeen iyo in kale waxaasina aduunka kama shaqeeyaan.”

Musharax Jamaal oo ka hadlaayay dadka u cadilan shirkada Etopian Airline waxa uu yidhi“Arinka lanbaad waxa weeyaan madaarka Hargeysa iyo dadka ku cadilan hada diyaarada Etopian Airline madaaarkan Hargeysa sanad iyo badh ayuu iska xidhnaa oo la yidhi waa la dhisaayay markii la sameeyayna diyaaradahii waxay yidhaadeen ma fadhiisan karayno,marka ugu horaysa in lagu qasbo maaha oo la yidhaahdo qasab ayaanu ku fadhiisanaysaan oo dalkiiniina waanu la soo hadlaynaa, waana in awalba diyaaradu Berbera ayay fadhiisanaysay inay fadhiisato oo dadkii yimi ee qurba jooga ahaa iyo dadkii kale ileen caruurahoodii iskuuladii ayay u tagayaane,imina inay cadilan yahiin oo la yidhaahdo Jigjiga mara caqli maaha,waxa laga doonayaa xukuumada inay sida ugu dhakhsaha badan ay u furto Etopian Airline oo ay ka soo dagto madaarka Berbera.”

Geeska

Warsaxaafadeed Ay Soo Saareen Xisbiga WADDANI

$
0
0

Date, sepember 11, 2013

Warsaxaafadeed Xisbiga WADDANI

Waxa baryahan dambe bulshada reer Somaliland la socotaa in madaxweyne Siilaanyo uu ka qaybgalo xafladaha qalinjabinta jaamacadaha waddanka isla markaasna uu bixiyo shahaadooyinka ay ardaydu ku guulaysatay iyada oo aanu madaxweynuhu wax qorshe ah oo intaas dhaafsiisan aanu u haynin ama aanu usoo jeedin ardayda iyadoo aynu ognahay tacabka badan ee la galiyey ardayda qalinjabinaysa waalidiin iyo macalimiinba.

Hadaba waxaanu leenahay madaxweyne lagaagama fadhiyin hambalyo iyo dhoolacadayn kaliya ee waxa lagaa sugayey in aad la timaado qorshe cad oo wax tar u noqda ardaydaas halganka dheer soo gashay.

Waxa kale oo layaab noqotay in madaxweynaha iyo inta ku ag xeerani ay xafladaha shardi kaga dhigaan inaan lagu soo casuumin Xisbiyada mucaaridka ah iyo cid kasta oo ay ka filayaan dhaliil taas oo ku cusub hab dhaqanka umadda Somaliland macnaheeduna yahay in madaxweynaha laga qariyo runta jirta.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxu walaac weyn ka qabaa qorshe la’aanta iyo habaqlaha ay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka ku waddo

Alla Mahad Leh

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI
Md, Maxamed Xasan Dirir

Hambalyo ku socota ardeyda ka qalin-jebisey Golis University Hargeysa iyo Talooyin ku wajahan Xukuumadeena Hadh-dacaarka ah

$
0
0

Waxaan Hambalyo iyo bogaadin aan u dirayaa dhamaan ardeydii dhameysatey Jamacada, waalidiintood, macalimiintoodii iyo cidii kasta ee ka gacan geysatey in ay ardeydaasi ay dhameystaan waxbarashadoodii jaamacadeed, taas oo uu ugu horeeyo madaxa Jamacada Dr Siciid Ahmed Hassan oo lahaa bud-dhiga Golis University Hargeysa kuna da-daalay sidii Jamacadaasi u hana- qaadi laheyd ee ay wadanka baahidiisa uga qeyb-qaadan laheyd.

Waxaan ardeyda qalin-jebisey leeyahay maanta laga bilaabo idinka ayey masuuliyadu indin saaran tahay ee ma saarna waalidkii idinku soo tabcey ee heerkaa jaamacadeed idin soo gaadhsiiyey,waxaana aan idinkula talinayaa qodobadan hoose:

1- Waa in aad Ilahay (SWT) aa talada saarataan sidii aad mustaqbalka shaqo wanaagsan iyo mustaqbal fiican u heli laheydeen
2- Waa in aad kalah-daan oo aad la timaadaan hamad badan iyo da-daal dheeraad ah iyo karti ku jihaysan sidii aad mustaq-balkiina aad u -miiqi lahaydeen ugana midho-dhalin lahaydeen aqoontii aad soo barateen ee aad u-shaqeysan laheydeen.
3- Waa in aad la timaadaan niyad adag iyo adkeysi aad kaga midho dhalisaan caqabadaha cakiran ee Shaqo la’aanta ah ee idin horyaala
4- Waa in aad sameysataan goobo aad ku kulantaan iyo Email groups aad isku weydaarsataan waayo -aragnimadiina iyo waayihiina si aad u yeelataan xidhiidh joogta ah oo aad ku wada xidhiidhaan oo danahiina kaga tashataan isuna kaashataan.
5- Waa in aydaan cidna u dabo- fadhiisan wixii aad mudada dheer soo baraneyseen ee idinka marti la idiinka noqdaa laa-kiin aad isu-tagtaan oo tijaabisaan aqoontiina idinka oo la kaashanaya kolba cidii aad u aragtaan in ay idiin dhego-nugushahay waxna idin tari-karta aqoon iyo anfacba.
6- Waa in aad ka xaragootaan oo iska ilaa-lisaan wixii xun oo dhan oo ay ugu horeyso Tahriibta iyo Qabyaalada oo dib inoogu soo noqotey waayadan danbe.
7- Waa in aad ku dadaashaan in aydinaan cidna shaqo ka sugin ee aad idinku shan-shan iyo toban-toban aad isku kaal-meysataan oo shaqo-u-abuurataan ( self-employment) kuna bilowdaan wixii yar-ee aduun ah ee markaa aad heli kartaan.
8- Hadii aad u fiirsataan 4-ta Taajir ee Somaliland ugu lacagta badan waxaa la -isku raacey in aan midna tijaaradiisa aanu debeda ka soo xoogsan ee ay aamineen beledkeena yar ee barakeysan ee hadana inoo riman ee u baahan uun inta tacab yar la geliyo kadibna dib looga dhaliyo oo loo maalo oo looga midhidho-dhaliyo.
9-Waa in aad isku daydaan in hayadaha dawlada iyo kuwa madaxa banaanba aad bilaash ( Voluntary ) aad ugu shaqeysaan si aad waayo aragnimo u heshaan taariikh- nololeed-kiinuna ( CV) ay mustaqbalka u soo Jiitaan shirkadaha waa-weyn iyo cid -alaaleh iyo cidii shaqaale u baahan wadanka gudihiisa iyo debadiisaba.
10- Waxaad u-soo-ba-bac-dhigteen duruufuhii adkaa ee ku-gedaamnaa waxbarashadiinii aad mudada dheer soo- wadeen waxaana aan idiin rajeynayaa mustaq-bal wanaagsan camal-wanaagsan ,cimri-dheer, cibaado-alleh iyo guul. Amiin-Amiin Amiin.

Talooyin ku-wajahan Xukuumada iyo Hayadaha ay khuseyso Hawshani

Higsiga lagu gaadhi karo hadaf iyo horumar wadan, hilaad iyo himilo qaran , odoros iyo aragati fog, hiyi toosan iyo haykal wacan oo la taaban karo waxay mar-walba ku xidhan tahay hadba heerka aqoonta iyo tacabka la geliyo dhalinyarada wadankaas iyo kolba sida loo hawl-geliyo ee looga faa’ideysto xoogooda maskaxdood,aqoontooda iyo muruqoodaba . Hadaba nasiib- daro waxaa xukuumadii Somaliland ku fashilantay in ay abuurto barnaamijyo shaqo abuur ah, si loo xaliyo shaqo-la’aanta haysata hal-doorkii dhalinyaradii Somaliland . Waxaana marag madoonto ah in haba yaraatee aan xukuumadu shaqooyin la- taaban karo u-abuurin dhamaan dhalinyaradii ka soo kala qalin jebiyey sanadkan 17- ka Jaamacadood iyo 68-ka High school ee Somaliland ku yaala, ku waas oo hada caga-cageynaaya ilaa iyo Kumaan- Kun dhalinyaro ah oo jaah-wareersan oo aan Jiheysneyn ahna xoog baaridey iyo aqoon dhitowdey oo la luli waayey oo u baah-naa in la-lulo oo dalka dadkaba looga midho-dhaliyo oo looga faa’ideeyo iyagana shaqo loo abuuro oo la hawl-geliyo.

1- Waa in ay masuuliyiinta dawladu ka xishoodaan oo aaney la iman munaasabadaha qalin-jebinta mikirifoonada beenta ku-adima ee looga bartey iyo hadalka afka baarkiisa ah ee ay la yimaadaan madasha qalin-jebinta talo, tilmaan, tamar iyo tacab wax-u-tara muwaadiniinta dhaliyarada ah ee duruufaha adag ku soo dhameystey waxbarashadoodii ee ay mareyso uun Hiil- Hoo iyo Shaqo oo keliya ee aan u-baahneyn hadal iyo hawraar afka baar-kiisa ah.
2-Waa in ay xukuumadu la timaadaa iyadoo hayadaha caalamiga ah la kaashaneysa bar-naamijyo gacan-qabsi ah si ay dhalinyaradaa qalin jebisey ay ugu -fududaato sidii ay iyagu aqoontooda uga faa’ideysan lahaayeen ee ay shaqooyin ugu abuuran lahaayeen.
3- Waa in ay xukuumadu ugu yaraan sii-saa dhalinyarada qalin jebisey hal- wareeg oo taba-bar ku saabsan sida shaqada loo doonto ama loo abuurto ( employbility programme or self-emloyment programme ) iyo talooyin ku saabsan dariiqooyinkii loo mari lahaa ama loo abuuran lahaa shaqooyinka yar-yar oo ganacsi ah (self-employment)
4- Waa in xukuumadu siyaasadeeda sanadka cusub ee soo socda (2014 ) ku darsataa sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinyarada Jaamacadaha wadanka ka qalin jebiya si xal loogu helo shaqo la’aan ba’an ee ragaadisey guud ahaan hal-doorkii dhalinyarda Somaliland loona hiiliyaa aqoonta oo loo furaa dhalinyarada daaqadihii rajada ee mustaqbalkooda si loo yareeyo Tahriibta ay miciinka moodayaan.
5- Waa in xukuumadu la timaadaa sharci iyo bayaan ay dhalinyarda qalin jebisaa ay bilaash (voluntary) ay kaga shaqeeyaan dhamaan hayadaha dawlada oo dhan iyo weliba kuwa waa weyn ee maxaliga ah ee madaxa banaan si ay dhalinyaradu waayo aragnimo ay ku shaqo-tagaan ay uga he laan hayadahaa iyo shirkadahaa xoogooda dihina looga faa’deysto.
6-Waxaan xukuumada ka codsanayaa oo aan weliba aad ula yaabey in hadii ay tamar iyo tacab u- weydey in ay shaqo u abuurto dhalinyaradaa badan ee Jaamacadaha iyo kuwa Dugsiyada sar-sare ka soo qalin-jebinaaya , ma waxay u-abuuri kari-waayeen xafiisyo yar-yar oo lagu wacyi-geliyo oo talo kasiiya sidii ay ardeydaasi ay iyagu isugu tegi lahaayeen ee ay shaqo- ugu-abuuran lahaayeen? taas oo hadii la caawiyo ay qaar ka mid ahi inta ay isu tagaan ay lacagtii ay ku Tahriibi lahaayeen ay ganacsi ugu abuuran lahaayeen. Waxaan aan xukuumada kula talinayaa in arintan shaqo la’aanta dhalinyarada Jaamacadaha ka qalin-jebinaya aan dib loo dhayalsan ee ay si deg-deg ah wax uga qabato oo la timaado qorshe cad , shaqo abuur, iyo waab-hawleedyo is-daba jooga oo wacyi-gelin ah oo ilaa iyo gobolada dalka wada gaadha oo dhalinyarada lagu wacyi gelinaayo wadada toosan, diinteena suuban, dal-jaceyl iyo wadaninimo.
7- Waa in ay xukuumadu hirgelisaa balan-qaadkeedii afka baarkiisa ahaa ee ay ku balan qaadey in ay hirgelinayso Mashruucii Gurmadka Qaranka ama ( National Services) si dhalinyarada faraha badan ee dhameysa dugsiyada sar- sare ee Somaliland sanadkan ay camal iyo waayo aragnimo uga dhigtaan loogana faa’ideysto xoogooda dihin iyo aqoontoodaba.
8-Maanta bulshada reer Somaliland 65% waa dhalinyaro 30 jir ka yar oo aan jiheysneyn oo ay taabatey duufaanada iyo duruufaha siyaasadeed ee is-dabo yaaca ah, eexda iyo qaraabo kiilka xadhkaha goostey ee xukuumadani ku caan baxdey,musuq-maasuqa iyo qabyaalada duluca furatey iyo shaqo la’aan baahsan ee is-barkan, Taas oo dhaxalsiisey dhalinyaradii fursad la’aan iyo camal la’aan, rajo la’aan baahsan oo niyada ka jebisey sabab-teyna in ay badaha isku-biimeeyaan oo Tahriibtaa khatarta ah ay naftooda ku biimeeyaan oo tacabkii waalidkoodii uu khasaare noqdo, markii ay wadankii iyo xukuumadiiba ay quus iska taageen ee balamihii loo qaadey oo dhan laga ga baxey.-
9-Waa in la sameeyaa mashaariic iskaa –wax uqabso ah (National Youth Voluneering Programme) si ay dhaliyaradu u bartaan xirfadihii ay ku shaqo tegi lahaayeen mustaq-balka ee ay u-heli-lahaayeen waayo aragnimo shaqada u- fududeysa mustaqbalka oo ay ku mashquulaan.
10- Muran kuma Jiro in Somaliland La siiyey deeqdii ugu badneyd abid ee la siiyo gaar-ahaan Wasaaradaheeda qaar ka mid ah sida Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare, ama ha ahaataba deeqaha Somaliland Trust fund,taas oo deeq-daasi u bilaabantey Wasaaradda Waxbarashadda sanadkii ee hore ee October 2012, Sidaa daraadeed waxaa xukuumada looga fadhiyaa in ay Ficil iyo Qorshe shaqo abuur ah oo deg-deg ah la timaado oo u bilowdo dhalinyaradaa camal la’aantu ragaadisey sida ugu dhakhsaha badana ay dhalinyarada wax-ugu qabataa.

Alleh ayaa Mahada iyo Mudnaanba leh,
Wa-Laahum-Aclam-Waa bilaahi Tow-fiiq
Waa Qalinkii : A/Rahman Fidhinle
Intensive Education ED PDA
United Kingdon
London
Fidhinle@aol.com

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>