Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

3-TOP SOMALILAND WOMEN,WAA KUWEE?

$
0
0

Ka dib waxaan maanta doonayaa in aan dadka baro dumarka taariikhda iyo nolosha aduunkaba ka gaadhey horumar.

Inkasta ooy jiraan dumar badan oo aqoonyahano ah hadana waxaa hubaal ah in aan soo qaatey kuwa maanta taariikhda kaga jira baashka hore. hadey tahey aqoonta iyo wax qabadka ay dadka u horseedeen, aan titleka hore siiyo mid ka mid ah hormoodka dumarka somaliland amaba somalidaba dheh oo.

(1) – Adna Aadam Dhakhtar, waa Aqoonyahanad, isku darsatey, karti , aqli, akhlaaq, wax tar, waayo-aragnimo, soo jireen ah. waxey Noqotey wasiirkii arimaha dibada ee somaliland, xiligaasi ooy aheyd qofkii dumar aheyd ee somaliland amaba somalia ugu horeysey ee xilkaasa gaadha.

Dalka waxey ku soo kordhisey waxyaabo badan iyadoo dhsitey, hospitalka ugu weyn ee hooyooyinka ama dhalniinka aan idhaado e Hragyesa ,waxey wax bartey gabdho gaadhayaa ilaa (1000)gabdhood oo maanta ku howlgala xirfado kala duwan, sida nurse, umuliso, kalkaaliyaal sare, waxaan ka abaal marin doona Illaaheen weyn.

(2)- Raaqiya C.Oomaar. waa aqoonyahand bartay waqti hore sharciyada caalamiga ah waxeyna in badan u shaqeyn jirtey, Hay’ada xaquuqal insaanka ee la yidhaado African human watch, waxey aad u difaacdey taariikhdeeda, dadkii uu xasuuqey kaligii taliye maxamed siyaad bare, waxaney ku suntahay, qof shaqdeedii sidey aheyd u gudatey, una hiilisey dad badan oo la dulmey, iyo kuwo la laayeyba si ka baxsan bini-aadamnimada oo ilaa QAARADA africa oo dhan ah.

(3)- Fowsiya yusuf x.Aadam, waa aqoonyahanad ku darsatey karti badan iyo dadnimo ,dheeraad ah, aftahanimo, iyo aqli badan, waa maskaxdii ay ka soo maaxatey, Aas- aaska Jaamacad Hargeysa ee maanta soo saarta ardeyda badan ee barta xirfadaha kala duwan, waana mid taariikhda loogu hayo, waligeedba loona heyn doono

Maanta waa wasiirka arimaha dibada somaliya iyo reysal wasaare xigeenba, waana qofkii dumar aheyd ee somaliyeed ee xilkaasi gaadha ayay ugu horeysaa.

Hada akhrsitayaal wax jira dumar kale oo badan oo leh aqoon sare ama ama kartiba dheh oo balse kuwan waxaan ugu yeedhey sedexda ugu horeeya dumarka somaliland amaba somaliya sababtoo ah waxey ka dhexmuuqdaan dumarka afka somaliga ku hadala si heer caalamiya
, ee baro dadka illaahey siiyeyey guusha xaga nolosha ee ku dhexnool bulshadeena waa in ay kuu kala soocnadaan dadku, aqoonta aan daacada iyo dadnimada laheyn laguma guuleysto balse kuwan waxaan odhankaraa aqoontooada ayay daacadnimo ku darsadeen.

WQ: Tahir hussein.

Email: waayo_aragman@yahoo.com


Xukuumadeena Hadh-dacaaran waa kala Maan, iyo kala Mabda’ taas oo aan lahayn dadaal badan iyo digtooni badan oo lagu sii dugsado.

$
0
0

Qormadii 29-aad

Waxaa dastuurka Somaliland uu muwaadinkasta oo Somalilander ah uu u-damaanad qaadayaa oo uu xaq-u-siinayaa in uu aragtida fikirkiisa, dhiibashada rayigiisa, cabirista maskaxdiisa, hilaadinta indheer-garad-nimadiisa, abaabulka dhigiisa, sheegista iyo meel-marinta taladiisa, edeeynta, toosinta, tusmeynta iyo tusaaleynta xukuumadiisa uu intaba uu xor u-yahay ,xaqna u-leeyahay isaga oo dhawraaya oo aan ku-talax tegeyn milgaha, karaamada iyo xuquuqda muwaadin-kasta uu siiyey dastuurka qaranku, Waa hadii aynu run-sheeg nahay oo ay inaga dhab-tahay in aynu yag-leelano oo dhab-dha-bano oo dhirin-dhirino oo miiqno oo tol-tolano oo toos-toosino dimuquraadigeena dada’yar ee curdinka ah ee madhaxa iyo may-dhanaanka noqdey ee silan ee sirxan ee sirgacan ee sidkan ee solmay ee saqiirey ee socodkii-baran-waayey ee sii rifmaaya, ee sii ribanaaya ee sii ruxmaaya ee sii raarmaaya ee sii roormaaya ee sii ragaa-daaya ee ra-ranka maanta ay saartey gacantii xukuumada ee loo doortey ee loo dirtey ee lagu aaminey ee loo dhaariyey in ay Kab-kabto, kool-kooliso,ababiso,bishilto,Falkiso, naaxiso ka dibna dhameys-tirto.

Xukuumadeena Hadh-dacaaran ee ina hageysa ee hogaanka in oo haysa ee aynu diraney ee aynu dooraney, nasiib-daro iyadii ayaaba jiq-isku ah oo isla qabsan la’ oo isla faqeysa oo dhagaha is-haysata oo wey is-hagi weydey,oo is hanuunin weydey oo is hagaajin-weydey oo is-hogaamin weydey oo isla-jaan-qaadi weydey oo waxay u-qeyb-santey sadex kooxood oo kala maan ah , kala mabda’a ah oo kala socda, laakiin uu isu keenay oo uu isku tolay oo isku-qalaxay xukunka iyo xayn-daabka madaxtooyadu.

1- kooxda koowaad ee xukuumadeenu waa kooxda loo-yaqaan Tol-wadaag waa koox yar oo baayac-mushtari hoose ah oo dhiilahooda carta leh u-soo-cushey si ay wadanka uga dhaansadaan,waana koox yar oo talo-wadareed xan, xiqdi, xasad iyo xan-shaa-shaq ah ku-dhisan maadaama ay isku-milmeen oo isku liin-baxeen qaar ka mid ah xeer-dejintii iyo xisbiyadii qaarkood oo ay talo hoosaad aan xukuumada inteeda kale ogeyn oo sir ahi ay ka dhaxayso oo iyaga uun ay isla ogyihiin. kooxdani waxa ay aaminsan yihiin in mar-hadii ay wax-ku-leeyihiin Shirkadaha ku caan-baxey Jinni-boqornimada ee hada sida fiican u-lisa ee kaga xooriyey dhaqaalihii iyo hantidii S/land, hada waa cashuurtii yareyd iyo hantidii maguuraanka aheyd ee ummaddan baahan loogu shaqeyn-lahaa, kuwaas oo ilaa iyo gunta,sag-xada hoose soo xaquuqey oo nacasnimo xaadhey dhaqaalihii S/land si dad-ban iyo si toos ahba 3-dii sanadood ee xukuumadeena hadh-dacaarka ahi ay hogaanka wadanka inoo-haysey. Waxaa kale oo ay aaminsan yihiin kooxdan qawleysatada ah ee shebekedaha dabinka ah daad-sadey ee ku caan-baxey, in mar hadii illahay aduun u-dhiibey oo ay baahi-badanina ay wadanka taalo in aaney cidna u-hab-raneyn oo aaney jirin cid kale oo ay u-baahan yihiin ama u-jooji-nayaan ee ay lacag-toodaasi shaqeyn doonto oo ay wixii ay doonaanba ay lacag ku goyn doonaan mustaqbalka kuna iib-san-doonaan,noqona doonaan mulkiilayaasha hantida guud ee wadanka gacanta ku-haya ee mustaqbalka. kooxdani waxay ku caan-baxeen in aaney shacabka dhageysan oo aaney cabashooyinka shacabkii ay u-dhaarteen ee ay u-shaqeynayeen aaney dheg-jalaq-u-siin maa-daama ay badankii xukunka iyo madaxiiba ay tunka iyo dhegahaba ka buuxsadeen oo ay haystaan oo ay kolba dhinaca ay doonaan u-duwayaan.Waxaa kale oo ay had iyo jeer sitaan xajiin.xuub-caaro iyo canbaar ay mar-mariyaan cid-alleh iyo cidii ay doonayaan in ay ku soo biiraan kooxdoodan qawleysatada ah ee wadanka u-tashadey, ama ha ahaadaan shirkado kale oo yar-yar oo gacmo-ku-rimis ah oo ay ku ageegsadaan ama ganacsato loo balan-qaadey in liisamo iyo kontaratyo la siin-doono oo awr-ku-kacsi ah ama MP dilaalnimo u-xuubsiibtey oo danahooda u-fuliya halkii ay shacbkii dirtey ee doortey uu-ugu shaqeyn-lahaayeen, si ay kooxdaasi ay ummadda u-tusaan in gacan-wadaagleyda kooxdoodu badan tahay oo ay tahay muraayad laga wada-muuqdo.

kooxdani waa kooxda sartu ka qudhuntey,waa kooxda xukuumada ee wadanka hagaasiyey ee marin habaabiyey geedi-socodkii qadiyadii ummadda,waa kooxda lumisey haykalkii, hanaankii, quruxdii iyo karaamadii dawladnimo, waana kooxda kala-wada goysey shakaaladii iyo sunayaashii qaranimo ee isu-hayey hayadihii qaranka iyo kuwii isku hayey wadaninimadii,wadarnimadii,walaaltinimadii,wax-wada-lahaan-shihii iyo wanaagii iyo wadaagii ka dhexeeyey dantii guud ee shacabka reer Somaliland, Kooxdani waa koox aan laheyn waayo aragnimo siyaasadeed iyo asluub diblomaasiyadeed,waa koox aan laheyn sahan durugsan iyo bidhaan fog oo indho-la’aan ah kuwaas la arkey iyaga oo si him-biriirsi ah ku raadinaaya himiladii kowaad ee qaranka oo aheyd ictiraaf buuxa in uu wadanku helo maa-daama ay kooxdani tahay koox aad ugu-qabowsatey hantidii ummaddu wada-laheyd intii ay doogsin carareysey waxaana ay aaminsan yihiin in dhaqaale ahaan shacabku kala dheereeyaan oo kala tagaan oo la noqdo laba dabaqadood oo midina xukunka hayso mida kalena u-shaqeyso oo shaqaale u-noqoto.waxaana kuu markhaati ah sida xaq-darada ah ee ay hadda wax-u-wadaan kooxdaasi ee ay u-qaybiyeen mansabkii,manfacii iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka. waxa ay kooxdani ay horumarka u-taqaanaa in kooxdooda, qaraabadooda, xigaalkooda iyo xasabadoodu ay kheyraadka wadanka ku-koob-naadaan iyo in wax kasta oo anfac iyo iidaan leh in si qarsoodi iyo qusum iyo qoon ah loogu qeyb-sado qol-madow.Waxaa kooxdani ku caan-baxdey maa-daama ay shacabku dhaliilo taban la dul-fadhiistaan in aaney hadii soonahooda la soo galo aaney u-aabo yeelin hadalka iyo hawraarta midna ee ay wax-walba ka yi-dhaah-daan war-baahinta la iska maqlo iyo ta la iska arko labadaba.

2- kooxda labaad waa kooxda la magac baxdey Talo-wadaag, kooxdani itaalkii waa koox kooban oo aaminsan mabaadiidii xisbigooda kulmiye, waana koox yar oo badanaa kal- furan oo u-diyaar ah in ay dhegeystaan cabashooyinka shacabkii ay u-shaqeynayaan. kooxdani waxay aanimsanyihiin aragti yar oo hada sii noqoneysa madhaleys maadaama kooxda kowaad ee Tol-wadaag ay isteerinka wadanka ku taba-barato oo uu ku dhex-jiro wade bar-barad ah oo maroorsadey shaqooyin badan oo aanu xaq iyo xeer aanu midna u-laheyn taas oo uu shaqooyinkan uu ku taba-barto uu qaarna ka qaadey Kooxda labaad qaarna uu ka qaadey kooxda sadexaad ee Talo moog, waxaana meesha taala xaq-daro badan oo xukuumada dhexdeeda ka jirta oo wasiiro badan oo shaqadoodii la qaatey aaney ka hadli karin oo ay iska waayeen dhex-dooda gole fulin ahaan ama koox-ahaanba , cid tidhaahda waar yaa shookaanta horta u-haya gaadhigan aynu saaranahay ? bal-adba! wadahan in uu wadanka ku bar-barto loo ogalaadey ee xukunkii ummadda si cadaan ah u-boobey wuxuu sababey in uu gunta ka sii rido dhamaan mabaadiidii iyo xeerarkii siyaasadeed ee Somaliland iyo kuwii xisbi-xaakinkooda ee hore la-isugu ogaa, Maa-daama ay kooxda koowaad ee Tol-wadaag ee uu hor-boodaayo ay iyagu meel-sii-dhigteen qorshe-huursan oo qarsoon,kooxdan labaad waxay ku asqowbeen oo ku-jaah-wareereen oo la qabsan waayeen sida ay wadanka u-wadaan kooxda koowaad ee Tol-wadaag. kooxdan labaad waa kooxda keliya ee aaminsan nidaamkii dawladnimo ee aynu ku soo gaadhney heerkan aynu maanta mareyno iyo hab-nabadeedkii ay S/land ku soo caano maashey ee ahaa xalinta khilaafaadka.kooxdan Talo-wadaag waxaa hada soo gaadhey canbaartii iyo xajiintii ay la meerey-sanayeen kooxda koowaad ee Tol-wadaag,taa soo keentey in uu hadda soo galo duufaano iyo daad-qab-yaaladeed iyo khilaaf hor leh oo aan la garaneyn habkii ay uga dabaalan lahaayeen sanadkan maanta ah.

3-Kooxda sadexaad waa kooxda la magac baxdey Talo-Moog, waa koox- yar oo badankooda dhawaan laqortey iyaga oo aan la falkinin,la baan-dheynin,la-carbin, loo xaq-soorin oo aan xad iyo xeyn-daab loo sameynin oo aan weli la ansixin badan-kooda.Waana koox yar oo awrk-ku kacsi, ku-raad-gasho iyo ku-fool-dhaqasho ah kuwaas oo af-gaabni iyo qoor-daaqeen ku-caan baxey oo aan weli doob-dilaacsan laakiin mar-mar ka-yara-kuru-rushleeya gobolada iyo degmooyinka ay ka soo jeedaan,waana kooxda ugu awooda hooseysa xaga awoodaha xukunka xukuumada,kooxdani waxay ku-dhega bar-joobeen oo ku-asqoobeen oo mar-marna ku-sibiriirixoodaan is-hirdiga, hitaaqada iyo is-hujuunka ka dhaxeeya labada kooxood ee kale oo ay labadoodaba ay gacan yare u-yihiin oo ay u-adeegaan,waxaana ay shaqadoodii kooxdan yar ee daciifka ah ay isugu soo ururtey in ay ilaashadaan kursigooda yar ee waraabe-u-taaga ah ee ay beelahooda u-metelaan. kooxdani inkasta oo markii kuraasta ay heleen ay diiftii ka bad’ey oo ay sida cad-ceeda u-ifeen hadana waa koox-beelahooda metela oo difaaca had-iyo jeer,kuwaas oo mar-marna kooxda koowaad u-duda’ oo afka u-taaga oo yidhaahda inta ay walaha ku-raftaan anagaa la noo jeedaa!.mar-marna yidhaaha degaankayaga waa la dayacey oo wuu ka danbeeyaa degaanada kale.

Kala qeyb-sanaantaa baahsan iyo xaqdaradan xadh-kaha goosatey ee xukuumada dhex-deeda ka jirta ee hadheysey xukuumadeena booshaaqan ee hadh-dacaarka ah ayaa waxa ay xukuumadii ka sii dhigtey in ay noqoto xukuumad inta uu shacabkii doortey ay ku soo qamaameen ay ku hungoobeen oo noqotey Humgo Qaawan, waxa ay noqotey Xukuumad fadhato ah oo fadhiid ah oo eex, aafo-qaraabo kiil iyo musuq-maasuq uu hadheeyey oo uu kar-kaarada wey-daariyey, waxa ay noqotey xukuumad aan higsi iyo hilaad fog laheyn oo madhaleys ah taas oo hada la turun-turootey oo la taraartey qawmiyadii, qadiyadii iyo qaranimadii ummadda S/land. Xukuumdeena Alleh ha soo hadeeyo oo haku toosiyo tobiyaha toosan ee idinkuna Amiin ii dhaha! Amiin= Amiin.

(Qormadani waa qormo ka turjumeysa hadal-haynta iyo hadaaqa bulshada taas oo aan saarey cabir shaqsiyeed, mana aha in aad duuduub ku liq-did, waana la iigu garaabi karaa, lay-guna diidi karaa, lagana doodi karaa!.)

Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Jamaal Cali Xuseen oo markii ugu horaysay ka Hadlay Khilaafka u dhexeeya isaga iyo Faysal C.Warabe,Eedo iyo dhaliilo culculusna ku hurgufay Golaha Wakiilada.

$
0
0

Jamaal Cali Xuseen oo markii ugu horaysay ka Hadlay Khilaafka u dhexeeya isaga iyo Faysal Cali Waraabe,Eedaymo culculusna u soo jeediyey Barlamaanka !

ja

Hargeisa-(Qaran-news)-Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen, ayaa dhaliilo culus oo kala duwan tunka u saaray Golaha Wakiillada Somaliland, kuwaasoo uu ku eedeeyey inay ku dhex milmeen xukuumadda talada haysa oo ay ahayd inay la xisaabtamaan, isagoo sidoo kale ka hadlay khilaafka la sheegay inuu ka dhex qarxay xisbigiisa.

Md. Jamaal Cali Xuseen oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Jamhuuriya shalay, waxa uu ku eedeeyey mudanayaasha Golaha Wakiillada inay u muuqdaan hay’ad ka mid ah golaha wasiirrada ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo docda kalena go’aanka shirkadda Genel Energy ee shidaalka baadhaysay dalka kaga baxday ku sifeeyey mid dhaawac ku ah Somaliland, waxaannu inta badan masuuliyadda arrintaas u xambaariyey Golaha Wakiillada.

“Golaha Wakiilladu waa hay’adda ugu mudan ee dastuuriyan qaban karta xukuumadda, waxayna leeyihiin awoodo dastuuri ah oo ay xukuumadda kula xisaabtami karaan, kuna daba geli karaan, markaa waxaan odhan karaa dalku waxa uu ka dhintay dhinicii Golaha Wakiillada, awoodoodii oo dhanna may muujin, waxaanad runtii mooddaa hay’ad kale oo xukuumadda amma Golaha Wasiirrada ka tirsan, sababtoo ah wax kastoo dawladdu doonayso si dhib yar bay u marsataa Golaha Wakiillada, waxaanan xasuustaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay mooshin amma xeer qudha oo xukuumaddu wataday wakiilladu may horjoogsan, waxayna noqdeen golihii duuduub-ku-ansixinta.

Waxa kale oo aan xasuustaa in mudanayaasha wakiilladu dood adag ka yeelan jireen marka dawladihii hore ee Rayaale iyo marxuum Cigaal ay golaha u gudbiyaan miisaaniyad-sannadeedka, laakiin miisaaniyaddii u dambaysay ee lagu shaqeeyo sannadkan 2013 qadar daqiiqado ah ayaa lagu ansixiyey, weliba waxay is-weydiiyeen ma duuduub ayeynnu ku ansixinnaa, mise dood baynu ka yeelanaa? Markii dambena duuduub ayaa lagu ansixiyey,” ayuu yidhi Md. Jamaal Cali Xuseen.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Golaha Wakiilladu noqdeen qaar gabay oo ku fashilmay shaqadii ummaddu u dooratay, isagoo arrimahaas iftiiminayeyna waxa uu yidhi; “Golihii Wakiillada Somaliland waxay noqdeen waraabo-u-taag, ummadduna way ku fashilantay, waayo waxa la doonayaa inay xaaladaha dalka ka jira la socdaan oo mar walba la xisaabtamaan xukuumadda iyo golaha wasiirrada, welina ma hayo mudanayaasha wakiillada oo diiday wax xukuumaddu u soo gudbisay amma arrin taabanaysa ummadda Somaliland.

Tusaale ahaan;, go’aanka shirkadda Genel Energy ee shidaalka baadhaysay kaga baxday Somaliland waa mid dhaawac weyn ku ah dalka. Mar qudha ayey yidhaahdeen dalka nabadgelyo xumo ayaannu uga baxnay, arrintaasina waa wax dhaawac weyn oo dhabar-jab ah ku noqon kara qaranka Somaliland, taasna Golaha Wakiilladu qayb ayey ku leeyihiin, sababtoo ah waxay ahayd in mudanayaasha wakiilladu xukuumadda ka dalbadaan inay horkeento heshiiskii shirkaddaas lala galay markii ay dalka timi oo laga doodo, kadibna hadday dan ugu jirto ummadda la ansixiyo, haddii kalena la joojiyo. Laakiin hadda waxaad mooddaa in xukuumadda iyo shirkadda Genel Energy ay markoodii hore suuq madow ku heshiiyeen, imminkana suuqii madoobaa innagu qarxay, lamana garanayo oo Golaha Wakiillada ee bulshada matalay ma garanayaan wax shirkaddaasi dalka ka baadhaysay iyo wax lagula heshiiyeyba. Arrintaasi waa mid dhaawac ku ah dhaqaalihii Somaliland iyo hiigsigii ummadda ee ahaa in shidaal loo soo saaro oo hadhow cid walba waxay odhan doontaa tagi maynno Somaliland ee shirkaddii Genel Energy-ba waa tii sababo dhinaca ammaanka ah uga baxday.”

Waxa kaloo Mr. Jamaal uu xusay in xeerar badan oo dalka faa’iido u leh qabyo yihiin, ilaa haddana aanay Golaha Wakiilladu waxba ka qaban, “Waxyaabaha qabyada ah ee dalka faa’iidada u leh waxa ka mid ah xeerkii maalgashiga (Investment Low) iyo xeerkii shidaalka (Petrolium Low), xeerkii Sirdoonkana markiiba Golaha Wakiilladu duuduub ayey ku ansixiyeen, arrintaasina waa waxyaabayaha muujinaya fadhiidnimada wakiillada oo ka mid noqday golihii xukuumadda. Waxyaabaha kale ee loo baahan yahay inay wax ka qabtaan waxa ka mid ah cashuurahan markasta ummadda lagu kordhinayo, cashuurahaasna kharash badan ayaa soo galaya oo culays ku ah dadka shacabka ah. Sidaa darteed, waxaan ummadda Somaliland leeyahay waa dinay u fiirsadaan Golaha Wakiillada oo ah hay’addii dheelli-tirka u samaynaysay xukuumada.

Tusaale haddaan soo qaato, shirkaddii TOTAL ee la eryey, shidaalka ay keeni jirtay calaa foosto waxa u saarnaan jiray $11 doollar, taasoo loo saaray maalgashigii ay dalka ku sameeyeen si ay ula soo noqoto wixii ka galay. Imminka shirkaddii TOTAL meesha way ka baxday, $11 doollar-na weli way socdaan, cid qaadatana la garan maayo.

Noloshii way ku sii adkaanaysaa dadka. Cashuurihii baa dusha laga saaray, cashuurahaasina waa culays ku biiraya ummaddii, iyadoo aan dadkiina wax adeeg ah dawladdu ugu qabanayn oo waa taas la arkay dhibaatooyinka shaqo la’aanta iyo biyo la’aantu ka mid yihiin. Waddo-xumo ayaa dalkii ka jirta oo maalin walba waxaynnu aragnaa waddo la dhagax-dhigayo, laakiin mid la furayo oo la dhammeeyey lama arag, waxaanan soo jeedin lahaa in aan waddo dambe la dhagax-dhigin ilaa la dhammaynayo kuwii hore oo ummadda la tusayo.”

“Waxaad mooddaa in xukuumaddu kor-u-kaca dhaqaalaha u fahamtay miisaaniyadda oo la kordhiyo oo kolba tiro lagu daro, si taas loo helana kolba la kordhiyo cashuur dheeraad ah oo dadkii culays dusha laga saaro, markaa waxaan leeyahay waa in Golaha Wakiilladu shaqadiisa qabsado oo ay noqdaan hay’ad madaxbannaan oo si dhab ah xukuumadda ula xisaabtama. Waxaan ognahay culayskii Golaha Wakiilladu saari jireen dawladdii Rayaale, waxaynby ognahay in Shirguddoonka Wakiilladu yihiin kuwii mudaharaadada abaabuli jiray markay dawladdii Rayaale is-qabsadaan, laakiin intii xukuumaddani talada dalka la wareegtay ma aragno wax culays ah oo Golaha Wakiilladu saaray, laakiin waxaynu aragnaa Gole Wakiillo oo aad mooddo inay xukuumadda ka tirsan yihiin,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen, isagoo Golaha Wakiillada kula taliyey inay gartaan wixii loo soo doortay, isla markaana laga shaqaysiiyo guddi-hoosaadyada.

Waxa uu intaa ku daray in mudanayaasha wakiilladu ka shaqeeyaan dantooda oo qudha, balse aanay wax xil ah iska saarin danta bulshada iyo shacabka soo doortay ee Somaliland, isagoo isbarbardhig ku sameeyey mushaharka mudanuhu qaato bishii iyo mushaharka la siiyo askariga ciidammada qaranka ka tirsan.

“Golaha Wakiilladu maaha inay kelidood mushaharka isku kordhiyaan, marka ay shaqada ka tagaana sannad mushaharkii sii qaataan, waana inay ka fikiraan danta ummadda danyarta ah ee dooratay. Ninka askariga ah markuu dhinto wax xuquuq ah oo uu leeyahay ma jirto, haddii uu shaqada ka tagana wax la siinayaa ma jirto. Mudanaha Golaha Wakiilladu waxa uu bishii mushahar u qaataa inta ay 15 askari oo ciidammada ka tirsan qaataan bishii. Tusaale ahaan; ninka xildhibaanka ah waxa uu u xaadiraa $1200 doollar, askariguna 500,000 Sl.Sh. (shan boqol oo kun) oo shillinka Somaliland ah, taasina waxay muujinaysaa in 15 askari mushaharkoodu u dhigto inta uu hal xildhibaan qaato.”

Geesta kale, Mr. Jamaal waxa uu markii ugu horreysay si toos ah uga hadlay warar warbaahinta maxalliga ah baahinayeen maalmahan oo ku soo saabsan khilaaf la sheegay inuu ka dhex qarxay hoggaanka xisbiga UCID, gaar ahaan isaga iyo Eng. Faysal Cali-waraabe.

 

Murrashaxa oo  Jamhuuriya weydiiyey waxa arrimahaas ka jira, ayaa ku dooday in aannu jirin wax khilaaf iyo muran ah oo ka dhex taagan xisbiga UCID, balse waxa uu sheegay in farogelin lagu hayo xisbigooda, “Horta annagu sida KULMIYE oo kale ma nihin oo iskuma haysanno jagooyin iyo xilal, la iskumana haysto yaa guddoomiye noqonaya iyo yaa murrashax noqonaya, taasna xisbiga UCID qallaylka ayuu ku kala qaybsaday oo intii aan doorashaba la gelin ayaannu sii dhammaysannay, golahayagii dhexena ansixiyey, hay’adihii ku shaqada lahaana loo wada gudbiyey.

Wax khilaaf ah xisbiga UCID kama dhex taagna, laakiin fikradihii xisbiga sidii loo gudbin lahaa ayaa laga yaabaa in fikrado kala jaad ah meesha yimaaddaan, taasina waxay muujinaysaa in xisbigu yahay meel arrin ka socdo oo talada la rog-rogo, waxaanad mooddaa in nalaga dhex faa’iidaysanayo oo dad kaloo dano kale leh naga faa’iidaysanayaan. Mar walba ay noo soo farogelinayaan sidii xisbigayaga la isugu dhufan lahaa, taasna waannu ka feejignaan doonnaa, waxaanan jecelnahay in toddobaadka soo socda annaga oo isku duuban aannu waxayagii iyo shaqadii xisbiga dadka u soo bandhigno si meesha looga saaro in wax khilaaf ah ka dhex jiro UCID,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Gabowdaye Guurtida Ku Biir Qormadii 12aad Qalinkii Libaan xaaji fagadhe‏

$
0
0

Gabowdaye Guurtida Ku Biir Qormadii 12aad Qalinkii Libaan xaaji fagadhe‏

 

DEELEY DAREENLEY

 

 

RAG ALLOW MADOOXAA

 

 

MA DILAACIYAA NABAR

 

 

 

Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

 

 

 

Inkasta oo aanay dadku aad u dhaadin waxa jiray in dowladaha reer galbeedku ay dabada ka riixayeen in Kulmiye ku guulaysto doorashada Somaliland. Danaha maraykanku ay ka lahaayeen Siilaanyo way caddaayeen, kadib  markay arkeen in Ahmed ahaa Gudoomiyihii SNM, in Ahmed yahay aqoon yahan caan ah oo bulshadana sharaf ku leh, in Ahmed ka so jeedo qabaa’ilada waawayn ee Somaliland waliba kuwa ay ku adagtahay qadiyada gooni isutaagu,  waxaa u cadaatay in Duqani yahay kii meel marin lahaa qorshahooda ay la damac sanyihiin wixii la isku odhan jiray Somalia.

Maadaama Ameerikaanka ay u cadayd danaha ay ka lahaayeen heshiiskan, waxa aynaan wali garan maxay ahayd danaha Axmed kalahaa in uu sexeexo maamul goboleed?.

 

Dadyowga Soomaaliyeed meelay joogaanba waxaa dhacda in hadba cidii maamulka u haysaa ay ku takri fasho dhaqaalaha ummada,  in ay ka leexdaan qawaaninta, in ay xoriyadtil qawlka cidhiidhi galiyaan. Hadaba shicibka oo intaa oo duudsiya lagu sameeyay waxay u yeeshaan dulqaad inta ay ka so gaadhayso Diintooda iyo Qabiilkooda oo ay u arkaan lama taabtaan.Dadka Somaliland waxa intaa u dheer Gooni isu taaga oo iyana ugu jirta qaybaha lama taabtaanka ah. Waxa ayaan daro ah in  is Maamul Goboleedka Kulmiye lagu maamuuso guulo aanu soo hoyn.

 

Waxa jirtay xiligii Riyaale cabasho balse sidan maanta looma cabaneyn waxaa jirtay in la odhanjirey Riyaale aqaluu dibada ka iibsadey ama waxa uu lunsadey hantida iyadoo hadana ay qoyska Siilaanyo aad udhaleeceyn jireen waxa uu ahaa madaxweyne iyo xukuumad udhabar adeygtey waxkasta oo laga sheego sanadii 2008 shirkii la gufalaan qeeyey qabsoomida doorashadii Somaliland oo xiligaas ay soo foodsaartey dhaqaale la aan isla sanadaa waxaa dhacdey in Riyaale looga yeedhey dalka mareykanka oo ay waxa mudo kordhin la sameeyey oo ahayd 1 halsano hase ahaatee way ku qabsoomiweydey waxaana markale loo kordhiyey madaxweyne Riyaale 1 sano oo kale ilaa 2009 kii.

 

 

Xiligaa dambe ee loo kordhiyey waa markii uu Siiraanyo mudaharaadka soo horkacey ee uu lahaa ma yeeleyno mudo kordhinta isagoo caruurtii wax ku noqotey yidhi ma ogolin in shacbiga ay Ciidanku Rasaas kufaraan halkaa waxa ka bilaabantey siyaasadii ABAAH QASKA  aheyd ee siilaanyo.

 

 

Hadaba Siyaasadan  ABAAH QASKA  ee Siilaanyo  intaanay sal dhigin  2009 kulankii dhabarjabinta qaran ahaa ee ku  dhexmarey  gudoomiyii   xisbiga mucaaridka ee Kulmiye Axmed Siilaanyo  oo uu weheliyo  Xoghayihiisii arimaha dibada  imikana ah wasiirka Ganacsiga iyo Donald payne kii  haligmay oo wakhtigaa ahaa sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dalka Mareykanka  oo wakhtigaasi alifey qorshe uu watey  oo ah kan maata fulintiisii  socoto iyadoo xiligaasi dowladii Daahir Riyaale ee  ku qaadaceen  . Bal hadaba hadaad dib ugu noqotaan  Siilaanyo  sadexdii  hadal ee uhoreeyey  ee uu jeediyey intuu xukunka hayey waxa uu ku sheegey inuu badaley siyaasadii arimaha dibada  Somaliland  isagoon inoocadeyn waxa uu badaley iyo halka uu u badaley .   waa su’aale ma dowladii Carabtaa badaley mowqifkii  ay ka taagnaayeen Somaliland ? ma dowladii Masar ayaa badashey mowqifkii  ay  Somaliland ka taagneyd? Mise isbadalku  xageenuu kayimi?. Sikastaba ha ahaatee siyaasada uu watey maraykanku ayaa aheyd hadii aynu inyar dib ugu noqono in la sameeyo -Reginal approach -ama sidii gobol gobal loola macaamili lahaa qaybaha kala duwan ee Soomalida. Waxaana talo ay ku soo jeediyeen in la sameeyo wax loogu yeedho Regime Change oo baryahan dambe qayb wayn ka ah siyaasadaha dibada ee maraykanka waxa uu markaa siilaanyo saxeexey shirqoolkaa ay maleegayeen mareykanku .

 

 

Waxaa markaa kuu cad ina aanu siilaanyo qaranimada Somaliland dank a laheyn balse uu sameeyo waxkastoo uu ku helikaro kursiga madaxtinimada waxaanu goobtaa darajada uu wax ku saxeexey aheyd inuu ka masuul yahey maamul goboleed waxa arinta ka biyo diidey xukuumada Somaliland waxaanay dooneen inay siilaanyo talaabo kaqaadaan maadaama uu sameeyey khiyaamo qaran balse shacbiaga Somaliland oo ubadnaa dhalinyaro ayaa ka diidey isagoo Siilaanyo yidhi cid aniga wax iyeelikartaa majirto waxaana siwayn loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa iyadoo ay dowladu iska cafidey .

 

Waxa uu Riyaale soo qabtey waxyaabo aad ubadan waxa markaa jirtay umad isku duuban ,waxa hadaba ay xisbiga Kulmiye bilaabeen in ay ololohooda ku bilaabaan hab qabiil oo aad ufoolxun oo runtii aan wanaagsaney waxa uu khilaaf ka yimi komiishankii ay xisbiyada mucaaridku soo xulanayeen inkastoo ay iska dhamaatey waxa aan isna marnaba la ilaawayn Abwaan gaariye iyo culimada oo khilaafaadka dhexgalijirtay isagoo Gaariye ahaa Shakhsiga kaliya ee runta usheegijirey dowladkasta maanta se boos kiisii waa uu banaanyey, waxaa komiishankii ay ku dhawaaqeen in ay doorashada madaxtinimada ee Somaliland dhicidoonto maalinta 26/Jun/2010. Waxaa ay xusbiyadu bilaabeen ololohoodii waxa uu Siilaanyo iyo Xisbigiisu ku ololeynjireen dhowr wax yaabood oo ay ka mid ahey ( Udub way tageysaa ee ha tahriibina iyo dadka shaqo abuuris ayaan usameyneynaa) waxaa ay ku eedeynjireen Xisbiga kulmiye Riyaale iyo Marwadiisii in ay wasaaradaha Somaliland shaqaaleysiiyeen dad iyaga ka soo jeeda oo la odhanjirey wasaarad walba nin madaxa ayey geeyeen ama shaqaalaha ugu sareeya ah walaw aanuu hal qof aheyn wax la sheegaba waxa kaloo aan xasuustaa in uu Siilaanyo ku ololeynjirey meelkasta waxaan geynayaa Dad aqoontoodii le in aanu jiridoonin in qabyaalad aaney ku dhaqmidoonin iyo in shacbiga simanyey Somaliland.

 

 

Waxa doorashadii madaxtinimada Somaliland lagu dhawaaqey

 

Lasoc…………..

xajilibaan@hotmail.co.uk

 

Qoraal si Qoto Dheer u Sharaxaya Taariikhda iyo Shuruudaha Shahaadada “Honorable Degree ”.

$
0
0

 

Qoraal si Qoto Dheer u Sharaxaya Taariikhda iyo Shuruudaha Shahaadada  “Honorable Degree ”.

“ Dawgaad Banaysaa ka Kale Deylo Soo Marine “    W/Q Cabdicasiis Cali Cadaani

 

“Hadduu Baqal-fuul gurguray

 

Baroor faras baa hidda ah,

 

Hadduu Badhax-miis ku dhalay

 

Runtaan la-biyeyn karayn,

 

Nin baydhsadayow dan guud

 

Waxaa jira baadi-doon,

 

Af booli wixii ku maqan

 

Col soo bedayaa ogsoon ” Abwaaan Hadraawi

 

Tartanka indho la,aanta ah ee ay ku jiraan jamacadaha dalku waxa u gaadhay meel bir ma geydo ah , meel sharaf iyo qiimo ugu fadhida ardayga jamacada dhiganaya iyo ka dibada ka jooga , meel astaan u ah in lagu kale saaro faraska dheereyey iyo midka orodka gaabshay , wada garate ayan filayaa halkan u ham iyo dig leyahaye waa SHAHAADADA ama CADAYN aqooneedka la gudonsiyo ardayga si buuxda uga so baxay shuruudaha lo jideeyey in shahadaasi lagu qaato

 

Caalamka waxa ka jirta nooc shahaado oo la idhaahdo shaahado sharafeed “honorable certificate ama degree honoris causa ” Taasi oo logu talo galay in lagu mamusay xubno tariikh waxbarasho oo sugan leh

 

Garo oo waa shahaadoyinka ay malmahan bixiyan qaar ka mid ah jamacadaha dalku ! Hadaba waxa isweydiin mudan shahaada nocaasi o kale ah yaa bixiya ? gormay bilaabmatay ? sideese lo bixiyaa ? halkee se ayey laga xusi karaa tariikhda qofkasi qaatay ?

 

Jamacada ku taal dalka maraykanka ee HAVARD UNIVERSITY ayaa ahayd ibo furaha shahaado sharafeedka waxanay marki ugu horaysay tariikhda gudoonsiisay Puritan clergyman sanadku markuu ahaa 1652 sidoo kale jamacada OXFARD ayaa iyaduna ku dooda in ay iyadu ahayd ti u horasay ee bixisa shahaado nocan oo kale ah sanadkii 1470 kii

 

iyadoo ay sidasi tahay ayaa hadana shahaadani anay ahayn mid u dhiganta shahaada la gudoonsiyo ardayga si toos ah u soo dhamaystay waxbarashadisa , sharciyana laguma xusi karo taarikhda qofka (persons CV ) laguma so dari karo tirade shahaado aqoonedka u qofku haysto

 

MADAAMA ay jamacadaha dalkenu hada bilaabeen waxa lama huraan ah in bulshada lo iftimiyo dhacdooyinka jamacadaha calaamka ka soo maray shahadooyin ay bixiyeen iyo samaynta ay ku yeelatay sumcada jamacadaahsi

 

Ka hore se aan dhowr layn ku soo koobno cida loo cayimay in jamacadi shahaado sharafed gudonsiiso

 

Shahaadan waxa qadan kara qof kasta oo bulshada ka tirsan ha noqdo , jilaa,ganacsade,ciyartooy,siyaasi ama aqoonyahan isla markana leh taarikh aqooned sugan , qofkasi wa in anuu ku jirin kiis maxkamadeed , in anu ka qayb qadan dagaalo sokeeye , cunsuriyadeed iyo dhac hanti umadeed

 

Intaasi haday tahay qaar ka mid ah shuruudaha asaasiga ah ee lagu xidho qofka la gudonsinyo shahaado sharafeedka aan inyar ka so qadano dhacdoyinka caalamiga ah ee muranku ka dhashay

 

April 2009 jamacada la idhaa Arizona university ayaa diiday in ay shahaado sharafeed gudonsiiso madaxwaynaha maraykanka Barrack Obama iyadoo ku sababayay in anu sugnayn soyalkisa waxbarsho ee hore

 

2001jamacada la idhaa yale university ayaa shahaado sharafeed gudoonsisay madaxwaynihi hore ee maraykana George w bush halkaasi oo u hore uga qalinjabiyey , waxa se arintaasi keentay in kuliyado iyo arday badani ay ku mudaran jamacda isla markana ay mamnucaan ka qayb galka xafldii 300 ee jamacadasi

 

Jamacada la idhaa Edinburgh university ayaa iyaduna gudoonsisay Robert Mugabemadaxwaynaha Zimbabwe , waxa se marki dambe la mamuncay shahadasi marki lagu so edeeyey in u geystay xasuuq ba,an isla markana u ka qayb galay dagaladi sokeye ee dalkasi iyo waliba in dalka u galiey xalad dhaqaale xumo ti abdi u darnayd

 

“Nin dhug lihiba wuu garanaya suul dhabaalaha e

 

dhabbadaad u xaadheen ninkii soo dhus layn jiraye

 

dhextaalkeeda goortuu hubsaday soo dhababaceeye

 

dhalliilaha markuu sahansaduu meel ka soo dhacaye”

 

Hadaba hadii xaal sidaa yahay inagoo maanka ku hayna hirdanka siyasadeed ee dalka ka jira , iyo baratanka ku dhaxeeya jamacadaha dalka ee mid walba ku donayso in ay kasbato siyasiyiinta iyo qaybaha bulshada ee caanka ah , bulshada somaliduna caan ku tahay in ay kolba wax iskaga daydaan

 

Jaamacadaha is eryanan waxa la gudoboon in aanay eegan title ka uu leyahay masulka ay shahadada siinayaan balse ay eegan tariikhdisa waxbarsho , midisa dhaqan iyo diineedba sabatoo ah waxa surto gal ah in ay shahaado gudonsiyaan SIYAASI iminka caan ah laakin 5 sano ka hore Qof kale ahaa ,

 

“Dawgaad banaysaa ka kale deylo soo marine

 

Degelkaad furtaa baa ka kale deyr u soo jariye

 

Dabka aad shiddaa baa kale saari dogob weyne

 

Wadaantaad dar keentaa ka kale laaska soo dariye”

 

Arinkani waa in uu noqdaa mid ka wayn qancinta iyo xod xodasha cid xaflada idinkale so qayb galaysa , wa in aydaan jidayn in siyaasiga loo geeyo warqada casumaada iyo shahaada oo wada socda oo an la odhan mudane ANAGANA NOO KALAY AAN PHD ku sinee !!!

 

 

WQ. Cabdicasiis cali cadaani

 

Email : golden_aziz@live.com

Wasiirka Duulistu ha Is casilo

$
0
0

Wasiirka Duulistu ha Is casilo

 

Sanad iyo badh ayuu xidhnaa madaarka diyaaraduhu ka haadaan ee Caasimada Hargeysa. Dawlada Kuwait ayaana ku deeqday kharashka la sheegay in lagu dayac-tiray garoonkaasi. Mudadaasi uu xidhnaa garoonku ilaa maanta oo si rasmi ah loo furay, waxa uu Wasiirka Duulistu umada la hor-taagnaa been cad iyo indha adayg, isaga oo isku huba madaxtooyada.

 

Bilawgiiba sidii qandaraaska loo bixiyey ayaa dad badan dareen sas leh ku abuurtay. Qandaraaska waxa la siiyey nin ay isku beel yihiin Wasiirka iyo Madaxweynaha. Ayaan darada kale ee meesha ka dhacday iyo talo xumada maanta halkaasi ina dhigtay waxa weeyi in iyada oo Dawlada Kuwait ay lacag fiican inagu caawisay aan hadana dhabadii diyaarada aan hal mitir lagu darin. Waana ta maanta keentay in diyaaradii Itoobiya ay diiday inay ka soo degto garoonka Hargeysa.

 

Wasiirku wuxuu caado ka dhigtay in umada uu been ku sabo, isaga oo malaha u haysta in dadka garaadkoodu liito. Waxa uu dhawr jeer ku celceliyey in dhamaan noocyada diyaaraduhu ay soo fadhiisan karto garoonka, beentaasi qaawan oon maanta loo wada jeedo. Maanta waxaynu ognahay in rakaabkii tigidhada ka iibsaday diyaarada Itoobiya ay xafiiskooda ku hor cadilan yihiin mudo shan cisho ahba. Dadkaasi waxa ku jira ubad iskuulkii ka habsaamay, waalid shaqadiisii k a dib dhacay iyo bukaanisbitaalo loo waday. Karaahidaasina waxa qaadaysa xukuumada Siilaanyo, gaar ahaan Wasiirka Duulista oo isagu dhibtan iyo ceebtani dhacday tunka u ridanaya.

 

Sida lagu faafiyey websiteka http://www.ethiopianreview.com, waxa si cad loogu sheegay in madaarka Hargeysa lagu sameeyey dayactir kooban, diyaarada Itoobiyana aanay isku aamini karin. Waxa kale oo lagu cadeeyey in Wasiirka Duulistu ku qasbayo diyaarada Itoobiya inay garoonka Hargeysa timaado, ka Berberana aanay ka dagi karin, si fadeexada uu ku kacay uu ugu qariyo.

 

Dunida sharcigu sareeyo, marka wasiir xukuumad ka tirsani fadeexad sidan oo kale ah dhex muquurto, waxa dhaqan iyo curfi ah inuu wasiirkaasi is casilo. Maxamuud Xaashi waxa maanta la gudboon inuu istiqaalada keeno, waa hadii garaad iyo garawshiiyo uu leeyahay, u malayn maayo in garashadiisu halkaa gaadhsiisan tahaye. Hadii uu garan waayo miyaa, waa in Madaxweynuhu albaabka tusaa. Hadii odaygu tusi waayo miyaa, kacdoon shacbi ayay arintani dhalinaysaa!

 

Aan ku soo kobo tixdan oo aan cid tirisay aanan hubin, hase ahaatee tibaaxda ay bixinayso iyo falka Wasiirku is leeyihiin:

 

Tuug waa is qariyaa

 

Halka uu ka xado tulud

 

Tahan buu ka guuraa

 

Todobaadkan Xaajow

 

Mid tiriig sitaa yimid

 

 

 

Sahal Ismaaciil Yonis.

sahal.yonis@gmail.com

Nairobi

Ethiopia freezes flights to Somaliland as relations hit a new ‘all-time low’

$
0
0

 

Ethiopia freezes flights to Somaliland as relations hit a new ‘all-time low’

 

 

Relations between Ethiopia and Somaliland region have hit an all-time low in the aftermath of Ethiopian Airlines termination of its flights to the northern Somali semi-autonomous region.

 

The suspension by Ethiopian without taking Somaliland’s administration into confidence, embarrassed the Hargeisa leadership to no end.

Ethiopian-airlines78-618x411

The ordeal began after Ethiopian resumed its flights to Hargeisa’s Egal Airport following a recent infrastructure upgrade including a new 2.4 km runway. Almost two weeks ago, an Ethiopian 737 with 120 passengers made a historical touch down by becoming the largest aircraft to ever land in Egal International airport.

 

The regional administration celebrated the event hailing it as a new chapter in the region’s aviation. Mohamud Hashi Abdi, the aviation minister, said other airliners would follow suit.

 

But Ethiopian has since refused to return citing security and poor infrastructure as the two biggest concerns.

 

Even though the government of Kuwait has donated $10million for the upgrade, many sources in Hargeisa said not even 20% of that has gone towards the airport and it remains in poor condition.

 

The runway for instance was upgrade with basic tarmac that will not support heavy aircraft such as the Boeing 737. There are no runway markings nor have they built any parking or hangars for the aircraft. The perimeter remains vulnerable and very accessible to outsider intruders.

 

Ethiopian heavily protested its reluctance to trust its expensive airliners with such facility particularly when most of its Boeing 737 relatively very new.

 

The new and in dispute runway at Egal airport

 

Somaliland’s Ministry of Aviation protested the national carrier of Ethiopia’s claims during a press briefing in Hargeisa on Wednesday.

 

The Ministry’s head of protocol Mr. Abdillahi Ahmed Arshe rebutted the claim saying security was not a motive for the pullout by Ethiopian Airlines.

 

More than 450 passengers remain stranded across Hargeisa for the 5th day and Mr. Arshe has called on Ethiopian to immediately compensate them. He denied his ministry made any mistakes and strongly defended Egal International Airport’s infrastructure upgrade. He instead blamed Ethiopian for the ordeal.

 

“Ethiopian airlines should bear full responsibility requires airlines compensate passengers if their flight is cancelled or heavily delayed and also Ethiopian airlines also have a duty of care to look after stranded passengers,” he said in a press release.

 

The fall between Somaliland ministry’s aviation and the region’s biggest carrier has equally created myriad fluctuations in Somaliland and Ethiopia’s over all relations. The Ethiopian government has refused to intervene and so far has shown little interest in keeping relations with Somaliland region or any of its concerns despite the fact that Somaliland already dispatched two senior ministers, namely, Aviation Minister and Interior.

 

The Ethiopian government already handles Somaliland region with a distrustful eye since it accuses several senior ministers of having ties with Al Qaeda linked al Shabab group. Ever Since the Kulmiye administration of President Ahmed Silanyo came to power in mid-2010, Addis Ababa has protested Somaliland’s presidency minister Hirsi Ali Haji Hassan, Religious affairs minister Sheikh Khalil Abdilahi Ahmed and Minister of Finance Sheikh Abdulaziz Samale as having links to al Shabab.

 

Meanwhile, Hargeisa dispatched a heavily armed anti-terrorist unit to disperse the stranded passengers who gathered in the city center on Wednesday night. More 400 people including sick women and children were asked to leave the premises of the travel agency that was handling Ethiopian Airlines tickets.

 

The freezing of Ethiopian to Somaliland comes days after Anglo-Turkish oil giant Genel Energy also pulled out off the region citing security.

 

Somaliland has been trying to secede from the rest of the Somali state for more than two decades to no success.

Source:Ethiopianreveiw.com

Kulan Sadex geesood oo ay Goroda isdareen UCID,WADANI iyo Madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka iyo arimaha lagu gorfeeyay.

$
0
0

Kulan Sadex geesood oo ay Goroda isdareen UCID,WADANI iyo Madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka iyo arimaha lagu gorfeeyay.

hargeisa-(Qaran-news)-Masuuliyiin doora oo ka socday labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Wadani iyo Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka  ayaa shalay gelinkii hore goroda isgeliyey kulan balaadhan oo sadex geesooda oo qaatey muddo Afar saacadood ku dhawaada oo ka dhacay Hotel Amabasadoor.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay gudoomiyaha Wadani Cabdiraxaamn Cirro,Gudoomiyaha Ucid,Gudoomiyaha Madsha wadtashiga iyo Toosinta Xasan Guure  iyo Weliba saciimka madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka Xasan Ciise jaamac.

FaysalCirogolaha

Kulankan ayaa sida ilo wareedyo u dhuun daloola Qarannews u sheegeen lagaga dooday arimo doora oo ku aroora xaalada maanta dalku ku sugan yahay, waxaa kaloo layskula soo hadal qaadey sidii sadexdooda geesod aragti iyo talo midaysan uga yeelan lahaayeen xaalada murugsan ee dalku galay iyo sidii ay u sixi lahaayeen ama u toosin lahaayeen khaladaadka siyaasadeed ee waxyeelo u keeni kara qaranimada Somaliland ee xukumada Siilanyo dhex dabaalanayso.

Geesta kale waxaa kulanka layskula soo qaadey sidii xukumada Siilanyo,gudiga doorashooyinka Somaliland iyo deeqbixiyayaasha daneeya arimaha doorashooyinka somalilandba culays loogu saari lahaa in doorashooyinka madaxtooyada iyo barlamaanku aanay dib uga dhicin waqtigii loo mudeeyay.

Isku soo wada duuboo sida ilahaasi tibaaxeen  kulankan shalay mid ka balaadhan ayaa loo balamay maalmaha soo socda sidii fulinta qodobadaa loo sii anbaqaado.

Qarannews

 


Maxay xaq u leeyihiin Rakaabka Ethiopian Airlines ee ku xaniban/xanibmay Hargeisa????

$
0
0

Maxay xaq u leeyihiin Rakaabka Ethiopian Airlines ee ku xaniban/xanibmay Hargeisa????

Sida la wada ogsoon yahay, waxa ku xaniban Somaliland gaar ahaana Caasimada Hargeisa Rakaab badan oo isugu jira Dumar, Caruur, Waayeel iyo dhalinyaroba, kuwaas oo soo raaci lahaa shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airlines. Dadkani oo badankoodu ka dhoofay dalkan ingiriiska, waxay lahaayeen hawlo, danno iyo qorshayaal muhiim ah oo ay ahayd in aanay ka habsaamin. Tusaale ahaan, waa xilligii caruurtu Schoolada ku noqonayeen iyada oo waalidka la habsaama Caruurtana la ganaaxo. Waa wakhtigii shaqaaluhu ka soo laabanayeen fasaxyada ee shaqooyinka lagu noqonayey iyada oo ay dhici karto qofka soo habsaama inaan loo joojin lana sugin, halkiisiina cid kale la geliyo maadaama shaqo yaraani ka jirto dalkan ingiriiska, shaqo-doonkuna meel walba taagan yahay. Intaa waxa dheer, Dadka qaarkood ayaa lahaa ballamo caafimaad oo ay muddo dheer sugayeen haddii ay ka baaqdaana wakhti badan ku qaadan doonta inay helaan ballan Caafimaad oo kale, amaba ay ku dhici karto in liiska sugitaankaba laga saaro. Intaa kuma koobna, balse dadka qaarkood ayaa lahaa Ganacsiyo ay cid kale kaga sii tageen oo ay khasab tahay inay dhakso ugu noqdaan. Sidaa daraadeed, gar iyo gardoraba rakaabkaasi waxay ahayd inay soo dhoofaan oo qof waliba maalintii uu ku qornaa soo raaco diyaarada.

Hase yeeshee, waxa dhacay in diyaaradii Ethiopian Airlines ee dadku u diyaar garoobeen inay Hargeisa ka raacaan mar keliya la waayey ogeysiis la`aan. Maalin iyo Labba ayaa sidaa ku tagay, dadkii ku qornaa maalintii hore ee ay ka baaqatayna waxa ku soo biiray kuwii ku qornaa maalmihii xigay, sidaana waxa isku dul tuulmay rakaabkii oo isa soo wada gaadhay. Arintani waxay culays saartay Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Maamulka Madaarka Hargeisa iyo xafiiska jara/gooya tigidhada Ethiopian Airlines ee Hargeisa.

Anigu, kama hadlayo sababta ay u baaqatay Ethiopian Airlines wax kasta oo ay tahayba, sidoo kalena kama hadlayo talaabada la gudboon inay qaado Wasaarada Duulista Hawadu, waxaanse ka hadlayaa xuquuqda ay leeyihiin dadkaa rakaabka ah ee dhibaatadu ka soo gaadhay shirkadii geysey Somaliland ee ay tigidhadeeda siteen waa Ethiopian Airline.

Diyaaraduhu waxay ku hawlgalaan wax loo yaqaano Schedule, waa maalmo iyo wakhtiyo go`an oo ay magaalo hebla ka duulaan (departure time) magaalo heblana gaadhaan (arrival time). Diyaaradu ha buuxdo ama hal qof ha saarnaadee waxa khasab ah inay ilaaliso wakhtiyadaa ay shaacisay ee duulimaadka waana in aanay baaqan. Halkani waa meesha ay diyaaraduhu kaga duwan yihiin gaadiidka dhulka ee u kala baxa magaalooyinka ee aad maqasho maanta gaadhigii ayaa soo negaaday/oolay oo dadkii ama rarkii ayaa u buuxsami waayey.

Tigitka diyaaraduhu waa heshiis (contract) u dhexeeya diyaarada iyo qofka dhoofaya, labada dhinacna waxa la gudboon inay ilaaliyaan heshiiskaa, kii jebiyaana waxa uu mutaysanayaa qodobadii heshiiska ku yaalay ee arintaa la xidhiidhey. Tusaale ahaan, diyaaraduhu dadka wakhti ayey u sheegaan ay tahay inay airportka tagaan isla markaana waxay cadeeyan wakhtiga counterka/check-inka ama miisaanka diyaarada la xidhayo iyo wakhtiga diyaaradu duulayso. Qofkii wakhtigaa loo sheegay ka habsaamaa waa qof heshiiskii jebiyey sidaa daraadeedna waxa uu mutaystay in tigitkiisu tuuris/waxaan jirin noqdo taas oo macnaheedu yahay inuu iibsado tigit cusub haddii uu rabo inuu dhoofo, amaba uu bixiyo lacag si loogu bedelo bookinka. Dhinaca kale, haddii diyaaradii ka habsaanto wakhtigii ay ahayd inay duusho sabab kastaa ha kaliftee ama gabi ahaanba ay baaqato/duuli-weydo/iman-weydo iyana waxay jebisay heshiiskii tigitka, sidaa daraadedna waa in sharciga la mariyaa!

Arintan Ethiopian Airlines markaan ku sii dhowaado, maynu maqlin diyaaradii cillad (technical problem) ayaa ku timid oo sidaa ayey u baaqatay. Haddiiba ay dhici lahayd ciladaasina may noqoteen cudurdaar macquul ah, sababta oo ah Ethiopian Airlines waa shirkad weyn oo heli karta diyaarad ay ku bedesho taa ciladowdey (replacement Aircraft).

Baaqashadan ay diyaaradu baaqatay maaha waxa loo yaqaan “extraordinary circumstancesxaalad aan caadi ahayn, ma aha force majeure” ama waxa gaaladu u taqaan “active god” oo looga jeedo arrin ka baxsan awooda shirkada, waase arrin shirkadu u badheedhay awoodna u leedahay inay wax ka qabato. Sidaa daraadeed, masuuliyado waaweyn iyo xuquuq badan oo rakaabku ku leeyahay diyaaradaha ayaa halkan ku jira marka tan oo kale dhacdo.

Tusaale ahaan, qofka raacaya diyaarad laga leeyahay mid ka mid ah dalalka ku bahoobay midowga yurub oo u kala safraya gudaha midowga yurub, haddii diyaaradu habsaanto (delay) wax ka yar saddex saacadood, rakaabku waxay xaq u yeeshaan in loo diro laba telephone (2 goor) oo ay kula hadlaan ehelkooda iyo cabitaan la siiyo. Haddii habsanku gaadho saddex saacadood intaa waxa ku kordha cunto. Haddii habsanku gaadho 5 saacadood ama duulimaadka la baajiyo (cancelation) rakaabku waxay xaq u yeeshaan dhamaan telephone, cabitaan, cunto iyo hoy ay seexdaan (habeenkii) oo uu la socdo gaadiid geeya kana soo qaada goobta la seexiyey. Qofku haddii uu go`aansado in aanuu raacin diyaaradaa habsanka dabadii, waxa uu dalban karaa in loo celiyo lacagtii uu bixiyey. Sidoo kale, qofka waxa u banaan inuu dalbado lacag magdhow ah oo u dhaxaysa 250-600 euro iyada oo loo eegayo masaafada u dhaxaysa labada meelood ee uu u kala safrayey.

Dhinaca kale, qof kasta oo raacaya diyaarad laga leeyahay dalalka ku bahoobay midowga yurub oo ka soo duulaysa meel ka baxsan midowga yurub una soo duulaysa dal ka mid ah dalalka midowga yurub, isaguna xuquuq la mid ah ka gudaha midowga yurub isaga safraya ayuu leeyahay. Dhamaan arimahaasina waxay ku cad yihiin wareegtada reer Yurub ee sumadeedu tahay COM (2000) 365 kana soo baxday midowga yurub ee magaceedu yahay ilaalinta xuquuqda Rakaabka.

Hase yeeshee, diyaarada laga leeyahay dal ka baxsan midowga yurub sida Ethiopian Airlines oo kale, kana soo duulaysa meel ka baxsan midowga yurub sida Hargeisa oo kale, ma qabanayaan shuruucda midowga yurub balse waxa qabanaya shuruucdii lagu saxeexay dalka Canada (Montreal Convention 1999) kaas oo qodobkiisa 19aad dhigayo in rakaabka habsanku ku yimid helaan magdhaw (compensation).

Sida ku cad website-ka Ethiopian Airlines, haddii habsan ku yimaado diyaarada amaba gebi ahaanba ay baaqato, rakaabku waxay xaq u leeyihiin in la ogeysiiyo arintaas ka hor inta aanay ka soo kicitimin hoygooda. Intaa waxa dheer, Rakaabku waa inay helaan warka hadba wixii jira 15kii daqiiqoba mar. Haddii habsanku ka bato 2 saacadoodna waa in la siiyaa cabitaan, haddii wakhtigii cuntada la joogana waa in cunto la siiyaa. Dhamaan arimahaasi waa kuwo ay xaq u leeyihiin rakaabka Ethiopian Airlines meel kasta oo ay joogaan. Hase yeeshee, xaqiiqadu waxay tahay, Ethiopian Airlines rakaabkeeda ku sugan Hargeisa xataa kumay wargelin in duulimaadkii baaqday wax kale oo ay siiso iskaba daaye.

Sidaa daraadeed, rakaabka dhibaatadu gaadhay halka ugu horeysa ee ay dacwadooda ka bilaabayaan marka ay Yurub soo gaadhaan – si kastaba ha ku soo gaadhaane- ha noqdo xafiiska Ethiopian Airlines ee ku yaalla halka ay joogaan. Haddii af la garto ay diyaaradu ku hadasho isla markaana garawshiiyo iyo magdhaw inay bixiyaan ogolaadaan waa si fiican. Haddiise garowshiiyo laga waayo, talaabada xigtaa waa in dacwad loo gudbiyo civil aviationka dalka aad joogto, adiga oo sita dhamaanba cadeymaha loo baahan doono sida ticketkii, boarding-cardkii, bag tag numberkii, wixii kharash ah ee kaa baxay mudadaa aad sugaysey diyaarada receiptkoodii iwm.

 

Xuquuqda rakaabku waa waxaan la siyaasadeyn karin!

 

Cabdikariim Cali Baarjeex

Bristol, United Kingdom

baarjeex@hotmail.com

 

Xarakada Al-shabaab oo Weerar gaadmo ku dishay Hogaamiye caan ah oo hore uga baxsadey iyo xubno kale oo mihiim ah.

$
0
0

Xarakada Al-shabaab oo Weerar gaadmo ku dishay Hogaamiye caan ah oo hore uga baxsadey iyo xubno kiale oo mihiim ah.

Baardheere-(Qaran-news)-Dagaalyahano taabacsan hogaamiyaha Al-Shabaab Axmede Godane ayaa saaka duleedka degmada Baardheere ku dilay Cumar Shafiiq Xamaami oo loo yaqaanay Abuu Mansuur Al-amriiki kaasoo dhowaan sheegay inuu ka baxay Al-shabaab iyo Al-Qaacida sida ay sheegayaan xoggo lagu kalsoon yahay.

 

Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay Osama Al-Britain oo ahaa dagaalyahan ka tirsanaa Al-Shabaab kana soo jeeda dalka Pakistan iyadoo sidoo kale la soo qabtay nin kale oo ka mid ahaa ajaaniibka la safneyd Al-Shabaab.

 

Wakaaladaha wararka caalamka ayaa waxay sheegeen in raggan lagu weeraray dhul keyn ah oo ay ku dhuumaaleysanayeen kaasoo ku yaala duleedka degmada Baardheere.

 

Labada dhinac ayaa waxaa dhexmaray iska horimaad kooban, iyadoo Abuu-Mansuur Al-Amriiki iyo Osama Al-Britain meydadkooda ay qaateen xoogagii weerarka ku soo qaaday ee dilay, iyadoo la geeyay degaanka Baraawe.

 

Illaa hadda ma jiro war ku saabsan arintan oo ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab, iyadoo arintan ay ku beegantay xili uu dhowaan wareysi uu bixiyey Abuu Mansuur Al-Amriiki uu ku sheegay inuu ka baxay ururada Al-Qaacida iyo Al-Shabaab, isagoo marar badan oo ka sii horeysayna sheegay in naftiisa ay halis ku jirto.

Qarannews

 

Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsadey Axmed madoobe iyo dhaawac soo gaadhay+halka la geeyay

$
0
0

 

 

Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsadey Axmed madoobe iyo dhaawac soo gaadhay+halka la geeyay

madobe

Kismaayo-(Qaran-news)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Kismayo ayaa waxa sheegayaan in weerar ismiidamin ah oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay lala eegtay kolonyo uu la socday madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed madoobe.

 

 

Axmed Madoobe oo maanta ku laabtay magaalada Kismayo ayaa waxaa uu ka ambabaxay Muqdisho halkaas oo uu maalmihii u dambeeyay ku sugnaa.

 

Weerarka lala eegtay kolonyada Axmed Madoobe ayaa ka dhacay agagaarka Aargada ee magaalada Kismayo,qaraxa ka dibna waxaa la maqlay rasaas badan.

 

Gaadhiga ismiidaaminta ayaa lagu dhuftay gaadhi ka mid ahaa kolonyada Axmed madoobe, waxaana ilaa iyo hada ay wararku sheegayaan in ay ku dhinteen ku dhawaad 10-ruux oo ilaaladiisa u badneyd.

 

Dhaawac ayaa la sheegay in uu Axmed madoobe ka soo gaadhay qaraxaasi ismiidaaminta ah walow aan weli la ogeyn halka uu ka dhaawacmay, iyadoo la geeyay dhaawiciisa gegida diyaaradaha magaalada Kismayo.

 

Weli ma cadda cida ka dambeysa qaraxaasi.

Qarannews

 

 

 

Somaliland needs ‘cheetahs,’ not ‘hippos’ can the Somaliland people create new Cheetahs administration?

$
0
0

Currently in Somaliland is a country immensely rich with mineral and natural resources and yet mired by poverty, fairness, and favouritism nepotism, tribalism from catastrophic leadership failures or monumental deficit of leadership since the independency in 1991.

All though the comparison of the leaders who ruled in the county are compared through their actions and improvements and lack of improvements better difference at different situations. But just the four leaders who lead The Somaliland country, each one of them has his own legacy of Somaliland History and historic remembrance to the Somaliland generation.

The current leadership has engulfed beyond the borders of the peoples’ assets of liberty and freedom and created a tribal clan based administration. In Somaliland Media have not powers of independent broadcasting their information at any time and they cannot forecast or make independent reports about the corruption and misuse of power and misuse of money to the current Hippos administration.

Deprived government

The poor and dictatorship style had overthrown favouritism and tribal connection for the democratic administrations which people have had elected in 2010. The people are very worried about the hazardous hippos who are establishing for disaster problems in the country.

Revocation of the Constitution in Somaliland

It is obvious the current hippos administration in Somaliland had violated and broke the constitution n of Somaliland people who voted 97 % in many times such as the last accord between Somalia and Somaliland which says that Somaliland and Somali has agreed to manage together the Somalia Airlines managmament therefore if you look the article of the Somaliland constitution which says.

Financial Mismanagement

They are huge miss management and loos of money from public tax payers and doronor funds In Somaliland such as there is not any Transparent and accountability for the expenses how money and where money goes out every day the Government

Corruption

The current Hippos administration is utilizing all sources of money to keep in power by giving some taxpayers money for some people including some elders, these elders are talking meaningless and covering the eyes of many Somaliland people who would have wanted to gain a transparent and Accountability administration in Somaliland.

Disputes among the Hippos administration

In the Hippos administration in Somaliland there is small number of people who would have thought that the worst situation can be changed inside the current administration, but they do not have a power to resolve the problems because of the number of hippos in the administration are more than the Cheetahs administrators.

Misuse of Power and Lost of Governmental administrative protocol

Today , every Somaliland citizens whose intelligence is free from ownership of clan based system and favouritism knows about how misuse of power and the lost of Governmental administrative protocol for instance there are buacractic system in this current administration such as every minister, DG, and lower staff people are running each other, there is not Hierarchy, no unit of Commend , Rational Management was lost due to the capacity of the elected president who is retire and sick , the president is not able to execute his position independently.

The presidency minister (Hirsi) is over taking and using the powers of the president simtenously. There are other people who running the administration with-out firmly position.

They lack vision — hippos are near-sighted — and sit tight in their air-conditioned government offices, comfortable in their belief that the state can solve all of Somaliland’s’ problems. All the state needs are more power and more foreign aid. And they would ferociously defend their territory since that is what provides them with their wealth. (Hippos are on the way to disaster because they are not listening to anyone , arresting the farsighted scholars including (Aqoon Jiir) and more people’s rights are trampled on in the country than any other animal.)

They care less if the whole country collapses around them, but are content as long as their pond is secure. They will be ripped up by the ornery and nasty Hippos. Rather, they should build up on their skills, strength and accumulate knowledge and wealth — in the private sector — while methodically draining the swamp of the Hippos.

Failure of House of Commons MPs, and House of Elders

The House of Commons, Mps representatives are today mixed with the cabinet and most of the Mps are governed in the presidency office, as well as the members of the house of elders are linked with the interest of the gourverment. The reseans are clear because the both chairs of the two houses are found the presidency s office by looking their interest which is different from each other. Both house had passed many statutes that favours the Hippos such as the National Security Statute which many article against the freedom of speech, freedom of thought had been blocked.

Can Somaliland create Cheetahs’ generation in Somaliland? When will young scholars in Somaliland become the successors against the Hippos administration?

But there is hope in what I call the “Cheetah Generation.” In order to destroy the Hippos Administration and it is the time to create Somaliland Cheetahs generation to take over.

The Cheetah Generation refers to the new and angry generation of young Somaliland graduates and professionals, who look at Somaliland issues and problems from a totally different and unique perspective.

They are dynamic, intellectually agile, and pragmatic. They may be the “restless generation” but they are Africa’s new hope. They brook no nonsense about corruption, inefficiency, ineptitude, incompetence, or buffoonery.

They understand and stress transparency, accountability, human rights, and good governance. They also know that many of their current leaders are hopelessly corrupt and that Somaliland government is contumaciously dysfunctional and commit flagitious human rights violations.

The Cheetahs do not look for excuses for government failure by wailing over the legacies of the tribalism, favouritism, nepotism and imperialism and looting from the donor funds from the World Bank or an unjust international economic system.

To the Cheetahs in Somaliland, this for Tribalism, favouritism, nepotism and personal interest “Intellectual and critical thinking colonialism-imperialism” paradigm, in which every Somaliland problem is analyzed, is obsolete and kaput.

Unencumbered by the old shibboleths, Cheetahs can analyze issues with remarkable clarity and

The outlook and perspectives of the Somaliland Cheetahs generation are refreshingly different from those of many Somaliland leaders, intellectuals, or elites, whose mental faculties are so foggy and their reasoning or logic so befuddled that they cannot distinguish between right and wrong. They blame everybody else for Somaliland problems except themselves.

This is the “Hippo Generation,” intellectually astigmatic and stuck in their muddy colonialist pedagogical patch. They can see with eagle-eyed clarity the injustices perpetrated by whites against blacks, but they are hopelessly blind to the more heinous injustices they perpetrate against their own black people.

Cheetahs Generation in Africa has already been started in some of African Countries they are spreading thought out the continent and this method of changing the lives and future in African found by Professor George Ayittey in Ghana African Economics 2008. Ref. George.Ayetteey. (2008) African Economics www.ted.com

Soon, they will find themselves “homeless” and then the Somaliland Cheetahs generation can take over the country.

Therefore, I urge to many Somaliland Scholars , young people to wake up and critically think about this Hippos Administration and create plans without looking for their divisions , clans and private interests .

Hassan Ahmed

Gudoomiyaha UCID ee South London

Student LLB at Greenwich University. London
hassan.caafi@gmail.com

Hadii Madaxweyne Talinayaa Ka Jiro Somaliland Xilka Ha Ka Qaado Wasiirada Duulista iyo Macdanta iyo Tamarta.

$
0
0

Sida caadada ah xukuumad kasta marka uu fashiliyo wasiir xil qaran oo muhiim ah loo magacaabay oo khiyaamo iyo been kula dhaqmay shacabkisii waxaa jirta in madaxweynahaasi markaa xilka si deg deg ah uga qaado, isagoo raali gelinaya shacabkii soo doortay, hadaba waxaa la yaab leh sida madaxweyne siilaanyo markii hore oo uu isku shayndheynta balaadhan ku sameeyey wasiiradiisa uu uga tegay labadaasi wasiir ee ay umadu u haysato inay khimaayo ku sameeyeen xilkii ay qaranka u hayeen.

Bulshada reer Somaliland ayaa ka dhul sugaya talaabo adag oo uu siilaanyo ka qaado wasiiradiisa duulista iyo macdanta iyo biyaha oo weliba maxkamad lagu soo toogo khiyaamadii iyo beentii ay bulshada somaliland u sheegeen, waxana madaxweyne siilaanyo looga baahan yahay in uusan eex u samayn wasiiradaasi ay isku haybta yihiin oo uu ka badheedho talaabo adag oo uu ka qaado labadaasi wasiir oo fashiliyay qarankii somaliland.

Shacabka ayaa waxayn rumaysan yihiin inay wasiiradaasi ka mid yihiin ragga maanta somaliland ka taliya, balse war jiraaba cakaaruu iman ayaa la yidhiye waxaa la sugayaa in madaxweyne siilaanyo xilka ka qaado iyo in uu iska daawado si ay riwaayada ay metelayaa umada ugu sii dhigaan oo ay waxay doonaanba iska sameeyaan, waxayna dadka ka faalooda arimaha maamulku tilmaamayaan in hadii Somaliland madaxweynii ay dooratay talinayo ay dhici karto in uu xilka ka qaado labadaasi wasiir ee duulista Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaalle, labadaasi oo ku sifoobay inay wasaaradahooda ku hogaamiyaan qabyaalad,musuq maasuq,been iyo talo xumo xadkeedii dhaaftay.

Cabdirisaaq Suudi Nuur
suudi88@gmail.com

Daruuro musuqmasuq oo dulhoganaya madaxtooyada iyo xukuumadii siilanyo oo noqotay diin bila qolofa.

$
0
0

Marka hore waxaan salaamaya dhamaanba shacabka Somaliland meelksatoo ay jooganba
waxaa ayaan daro wayn iyo nasiib xumo noqotay in dawladii aynu dooranay ay
noqotay mid adhaxda lagaga jabay oo shacabkii halbawlaha goysay oo aad u naxariis daran.
waxaa tan iyo intii xukuumada siilanyo timi madaxtooyada dulhoganaysay daruur musuq
balse labadii sanadood ee u danbaysay bay sifiican ugu hortay sida aynu wadda aragno
maanta waataa si aan xishood iyo alla kacabsi lahay oo badheedha u daldalanaysa
hantidii qaranka shacabkii iyo dalkiina ku fidnaysay.
Madaxwayne Siilanyo intii uu xilka hayey wuxuu lunsaday lacag dhan LabaBoqol oo Milyan waxaas oo
boob iyo musuqmaasuqa waxaa u saamaxay wuxuu haystaa weelkii uu ku shubanayey (Xawaaladiisa)
waxaa siilanyo samaystay wasiiro uu ka dhigatay khasnajiyo oo lama taabtan ah oo uu u dhiibtay halkii
dhadhen lehba sida wasaarada duulista iyo hawada,macdanta iyo tamarta iyo wasaarada maddaxtooyada oo sagaal hayadood oo dakhli kasoo xerooto loo jaray sida Dekadaha,Waddooyinka,
Haamaha Shidaalka,xidhiidhka Golaayasha iyo siyaasada,Aydhiska iyo Wacyigalinta,mucaawinooyinka
iyo Cashuuraha Bariga oo hada laga soo goostay wasaarada maliyada
Wasiiradan saddexda Khasnaji madaxwaynaha u ah ayaa la siiyey awood dheerada mana aha kuwo labedelo waayo xilkoodii bay guteen siilanyo u idmaday oo waxay qasnada madaxwaynaha ee gaarka u ah ku shubeen lababoqol oo milyan iyadoo la samaystay shirkado degdeg ah sida ta eeriboodhka macmashay ee tobanka bilyan lagu qaatay oo qalabkeedana lasoo iibsaday iyo shirkada kale ee lagu samaystay shan iyo tobanka milyan ee la rabo in wadooyinka lagu Cuno.
waa madaxwaynuhu soo samaystay lacag 1000 iyo 5000kuna oo dalkii sixir barar ka riday oo laguna boobayo hantidada umada waxaa dadkii laga urursaday doolarkii mana naqaano inta lasoodaabacday.

Madaxwayne dawladaadii waxay noqotay diin bilaa qolafa ah oo waxay ku damqanaysaa hadalka mana laha dulqaad geedkana gaadhimayso dalkiina waysoo ooday habeenkii uun bay godka kazoo baxdaa iyadoo digreeto gurguuranayso.
madaxwayne waad Fashilnatay,daacadnimo waad ku fashilantay,dhexdhexaadnimo waad kufashilantay Xukunkii waad ku fashilantay intaan godka laguugu soo galin Fadlan Iscasil
Intaan godka laguu soo galin fadlan iscasil

wabilaahi tawfiiq
Axmed Carab
Xoghayaha saxaafada iyo wacyigalinta Waddani Bristol

dalmaash@hotmail.com

Radio Hargysa oo hawada ka maqan mudo todobaad ah iyo TV-Qaranka oo jiho wareer ka taaganyahay

$
0
0

Radio Hargeysa Iyo Telefishanka Qaranka oo Ku Dambeeyey ‘Juba Yaa Gubay’

Hargeysa(Qaran news)-Muddo Toddobaad ku siman hadda, sidii Shaydaan la naaray waxa mar keliya hawada laga waayey Idaacada Radio Hargeysa qeybta Mawjada gaaban (Short-wave), waxa kaloo maamul xumo, is dhex-yaac ka bilaabmay qaybta Maamulka iyo qaybta Wararka ee TV-ga Qaranka, kadib markii sidii Adhi Waraabe ku dhex dhacay Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) uu majaro-habaabiyey nidaamkii maamul ee labadan hay’adood iyo hannaankii wada-shaqeyneed ee u dhexeeyey Shaqaalaha ka hawl-gala, isla markaana uu sida cudurka ugu tallaalmay Hawl-wadeenada Wasaarada kala-shaki iyo cadaawad isu gasha.

Arimahan iyo kuwo kale oo aynu ka xusi karno moral-dil, niyad-jab iyo kooxaysi, ayaa marka la is barbar-dhigo dhibaatada iyo culayska ay ku keeneen habsami-u-socodka hawlaha Qaranka, iyo sidoo kale baaxada dhaqaale ee Xukuumaddu ku bixisay Idaacada iyo TV-ga, waxa ficilada Wasiirku u muuqdaan kuwo ku qotoma laba ujeeddo midkood. Midda kowaad oo ah in Wasiirku arimahan sababtooda uga ujeedo xeelad ama xirfad uu ugu talo-galay inuu ku asturo aqoon la’aan ka haysa asluubta Siyaasadeed, anshaxa maamul iyo agaasinka hufan ee lagu hago Shaqaalaha, maadaama xilka loo cumaamaday yahay mid ku cusub oo aanu hore u soo qaban, sidaa awgeed-na arimaha qalafsan ee uu ku kacayo uu uga gol-leeyahay inuu indhaha Madaxtooyada kaga laliyo inay arkaan halka taag iyo tamari dhigtay, sababtoo ah waajibaadka iyo xil-gudashada laga rabo shakhsiga xilkan oo kale loo dhiibayo.

Waa inuu fahansan yahay hab-maamuuska xilka Wasiirku leeyahay, iyo sidoo kale inuu shakhsigaasi noqdo mid tixgelin ku leh bulshada uu metelayo iyo guud ahaan uu xilka u hayo. Waxa kale oo xusid mudan inuu noqdo shakhsi dabeecad fur-furan leh oo lagu yaqaan dad-la-dhaqan, Shaqaalaha uu madaxda u yahayna kula dhaqma ixtiraam, sinaan, cadaalad iyo dul-qaad.

Qodobka labaad ee masaladan la xidhiidha waxa uu noqonayaa in Wasiirku aanay ka muuqan dareenkiisa wax damqasho ah oo uu kaga digi-gaxoonayo arimaha ay ka midka yihiin Idaacada muddada toddobaadka ah hawada ka maqan ee Xukuumaddu ku bixisay/bixiso dhaqaalaha Madaxweynuhu ku tilmaamay mid Qaranka dhiig-bax ku ah iyo Telefishanka Qaranka ee Saddexdii Sano ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka hayey ku bixiyey boqolaalka kun ee Doolar, isagoo uga dan lahaa in Qarankan Curdinka ahi yeesho Khayriyad uu Caalamka ku gaadhsiiyo qaddiyadiisa. Sidaa awgeed, marka la is barbar-dhigo waqtigan iyo xiligu uu Wasiirku ahaa Afhayeenka Madaxtooyada oo runtii marka cilad ama rabshad yari ka dhacdo Idaacada ama Telefishanka uu kusoo carari jiray oo inta meesha laga saarayo ama mushkilada la xalinayo aanu dhinacna uga bixi jirin xayndaabka Wasaarada Warfaafinta, halka Maanta oo Wasiir uu yahay masuuliyada Wasaarada oo dhamina saaran tahay, haba-yaraatee aanu wax dareen ah ama damqasho ah ka muujin Idaacada hawada ka maqan oo ah mid Siyaasiyan qiimo weyn Qaranka ugu fadhida.

Haddaba, marka sidaa arin yahay, ma shaki baa ku jira in Wasiir Cukuse uu ku cad yahay inuu dagaal dad-ban Qaranka kula jiro, isla markaana aanu ahayn Nin daacad u gudanaya waajibaadkiisa oo aanu ku shaqeysanayn ficilo khaa’inimo ah.

Gunta iyo gebo-gebaduna waxay tahay in hab-dhaqanka Wasiir Cukuse aanu ka dhicin Sheekadii caanka ahayd ee ku baxday qisadii ‘Juba yaa gubay’ ee ka dhacday koonfurta Soomaaliya, wax’se hubaal ah siduu sheegay Marxuum Abwaan Qaasin wax weliba inay xad leeyihiin, markay xadkaa gaadhaan-na xaalkoodu noqdo intaa wixii ka dambeeya mid hoos u socda.


Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo markii u horeysay si taxadir badani ku jiro uga hadlay Bixitaankii shirkadaha Genel Energy iyo Ethiopian Airline.

$
0
0

Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo markii u horeysay si taxadir badani ku jiro uga hadlay Bixitaankii shirkadaha Genel Energy iyo Ethiopian Airline.

musegenitobiyan falg

Arinta Genel Gudoomiyaha xisbi-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa qiray in bixitaankii ay dalka ka baxday shirkadii shidaal baadhista ee Genel Energy ay ahayd arin ku soo booda oo aan xukumada Siilanyo ogeyn, go’aankeedana aaney waxba ka siin oo ay ku baxday amar ka yimi madaxda shirkada ee yurub joogta.

Gudoomiye Muuse Biixi wuxuu intaas ku daray in qadiyada Genel xukumada Siilanyo laba wasiir London u dirtay si ay shirkada u soo weydiiyaan wixii ay ka diday oo uu sheegay inaanay weli ogeyn inkastooo shirkada Genel Energy Wargeyska Wall Street Journal ku faafisey inay Somaliland uga guurtay arimo nabadgelyo ama nabadgelyada dalka oo sii xumanaysa darteed.

Gudoomiye Muuse isagoo difaacaya eedo iyo dhaliilo isdabajooga  oo loo jeediyo xukumada Siilanyo oo ku saabsan qadiyada Genel Energy wuxuu yidhi  “maha inaan isku tuurtuurno arinkaa shirkada shidaalka baadhaysay ee Genel, wuxuna intaas ku daray maha inaynu dhexdeena is eedayno”.

Geesta kale wuxuu Muuse Biixi ka hadlay arinta diyaarada Ethiopian Airline oo joojisey duulimaaydadii ay ku iman jirtay Somaliland ka dib markii Xukumada Siilanyo ku dirqidey inay duulimaadyadeeda u wareejiso madaarka Hargeysa oo ay sababo nabadgelyo iyo farsamo xumo ka jirta xagga Run-wayga uga fiigeen,Wuxuuna  Muuse Biixi  yidhi isagoo ka hadlaaya arintaas “ Waxaan leeyahay haddii aanu nahay xisbi-xaakimkii iyo xukumadii dhibaatadaas waynu wada leenahay ee yeynaan isku tuurtuurin. Sidoo kale wuxuu Muuse isagoo si gaara ula hadlaaya koox aanu magacaabin ( mucaaradka) intaas ku daray inay dul u leeyihiin canaanta iyo dhaliilaha balse uu haddana garan la yahay halkay mucaaridka iska soo gaadhi la yihiin iyagoo meel walba wada jooga”.

Isku soo wada duuboo wuxuu Gudoomiye Muuse Biixi sheegay inay arinta shirkada Ethiopian Airline u direen laba wasiir oo ku maqan kana warsugi doonaan wixii wasiiradu la soo guryo noqdaan!.

Qarannews

 

Faallo: Somaliland Waa Inay Ka Baxdaa Wada-Hadalada Somalia

$
0
0

 

 

 

Faallo: Somaliland Waa Inay Ka Baxdaa Wada-Hadalada Somalia

 

Sida taariikhda ku cad waxaa sannadkii 1960 uu midowgii fashilmay

dhexmaray Somaliland iyo Somalia oo ahaa laba dawladood oo cusub kana

kala qaatay gobanimada Boqortooyadii Ingiriiska iyo Dawladdii

Talyaaniga. Midowgaas ma dhexmarin Somaliland iyo Somaliweyn ama Somalia

iyo Somaliweyn. Somalida Kilinka 5aad ee Itoobiya, Waqooyi Bari Kenya,

iyo Jabuuti kama mid ahayn midowgaas kamana qaybgelin. Sidaas daraadeed,

wada-hadal kasta oo dhexmara Hargeysa iyo Muqdisho waxaa loo baahnaa

inuu ku koobnaado oo qudha labada ummadood ee Somaliland iyo Somalia oo

aan Somalida kale faragelin. Dadyowga Somaliyeed ee Jabuuti, Kilinka

5aad, iyo Waqooyi Bari Kenya, siiba kuwa ku jira xukuumadda iyo

baarlamaanka Fadaraalka Somaliweyn aan jirin marnaba xaq uma laha inay

ka hadlaan  midnimadii dhexmartay Somaliland iyo Somalia maadaama aanay

xubno ka ahayn.

 

Nasiib-darro, Somalia maanta kama jirto dawlad ay leeyihiin dadka

Somalia oo Somaliland la gelikarto wada-hadal midho dhalinkara. Waxaa

Somalia ka jira maanta waa dawlad aan la kala lahayn iyo dal aan la kala

lahayn oo ku salaysan wax lagu magacaabo 4.5 Somaliweyn (5ta

Somaliyeed), waxaana ka dhisan Muqdisho baarlamaan iyo xukuumad lagu

magacaabo Fadaraalka Somaliweyn oo maroorsaday dawladnimadii ay dadka

Somalia xaqa u lahaayeen. Wada-hadalada ilaa hadda qabsoomay ma

dhexmarin Somaliland iyo Somalia balse waxay dhexmareen Somaliland iyo

Somaliweyn taasuna maaha wax la aqbalikaro. Lama garanayo sababta ay

Somaliland oo dadkeedu ka tasho wada-hadal ula gasho dawlad ku dhisan

hugunka magaca Somaliweyn aan jirin oo aanay ka talin dadkeedu, wax

natiijo ahna aanay marnaba ka soo baxayn.

 

Somalida u dhalatay Kilinka Shanaad iyo Waqooyi Bari Kenya ee ka soo

qulqulay dhulkoodii kana buuxa Baarlamaanka iyo xukuumadda Somaliweyn ee

Muqdisho oo aan  u dhalan Somalia ayaa maalinkasta faragesha

wada-hadalada isla markaana u dooda midnimo aanay shuqul ku lahayn.

Faragelintanu waxay carqaladweyn ku tahay wada-hadalo midho dhalinkara

oo dhexmara Somaliland iyo Somalia. Kuwan ka yimid Kililnka 5aad iyo

Waqooyi Bari Kenya ee Somaliweyn aan jirin iyo midnimo aanay shuqul ku

lahayn u qaylinaya maanta waa kuwii ku mamay hantida iyo xukunka

Somalida xorta ah xilligii xukunkii Siyaad Barre.

 

Markii Siyaad Barre Afgembiga Milatari ku qabsaday Jamhuuriyaddi Somalia

sannadkii 1969 waxa uu dawladnimadii ka dhaxaysay Reer Waqooyiga iyo

Reer Koonfurta ka dhigay mid aan la kala lahayn oo ka dhaxaysa 5ta

Somaliyeed sida maanta ka taagan Somalia. Waxaa uu u gacan-haadshay

dadkii beeshiisa guud ka tirsanaa ee deganaa Gobolka Somaliyeed ee

Itoobiya iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya. Waxaa uu qaxootigii ka dhigay

Gole Sare, Gole Dhexe, wasiirro, agaasimayaal guud, guddoomiyayaal

gobollo, janano, taliyayaal ciidan iwm. Qaxootigii ayaa noqday wadani,

wadanigiina waxaa uu noqday qaxooti. Waxa uu ahaa xilli daran oo

qabyaaladdu ka xoog-roonaatay oo legaday wadaninimadii, qaranimadii, iyo

dawladnimadii Jamhuuriyaddii Somalia oo loo loogay loona shidheeyay

Somaliweyn aan waxba wada lahayn.

 

Kadib markii ay fashilantay Aragtidii Somaliweyn oo ahayd in la xorreeyo

5ta Somaliyeed, hal calan iyo hal dawladna la hoos keeno ayaa waxaa

dhacday in Figraddii Somaliweyn ay maanta isku bedeshay siyaasad

isku-dul-noolasho taas oo Somalida aan xorta hayn ku mamaan xukunka,

hantida, iyo dhulka Somalida xorta ah kana jeestaan xorraynta

dhulalkooda.

 

Ayaxa Somaliweyn ee ku degay Somalia maanta marnaba ma rabaan in labada

ummadood ee Somaliland iyo Somalia is-afgartaan ama wada-hadaladoodu

guulaystaan. Somalida ka soo kala jeeda Somaliland, Kilinka 5aad ee

Itoobiya, iyo Waqooyin Bari Keenya ee ku jira baarlamaanka iyo

xukuumadda Fadaraalka Somaliweyn ee Muqdisho waxay u ordaan kuna

dadaalaan in mar labaad uu Somaliland iyo Somalia dhexmaro midow ku

salaysan Somaliweyn si ay u soo nooleeyaan siyaasaddii is-ku-dul

noolaanshaha iyo is-qabsashada ee Somaliweyn oo Somalida aan xorta ahayn

ku mameen kuna waalifeen xukunkiodhanjiray Somalia xilligii Xukunkii Siyaad Barre. Waxay rabaan inay

sida shinnida ugu degaan Somaliland mar labaad oo dawladnimadeeda ka

dhigaan raq ay wada leeyihiin 5ta Somaliyeed sida maanta Somalia ka

taagan iyaga oo adeegsanaya magaca Somaliweyn aan jirin. Waxaa dadka

Somalia lagu khiyaameeyaa inay Muqdisho tahay hooyada Somaliweyn oo aan

5ta Somaliyeed kala lahayn dawladda ka dhisan sidaasna dadka Somalia

looga duudsiyay dawladnimadoodii ay xaqa u lahaayeen.

 

Maanta dadyowga Somalidu waxay u kala fadhiyaan 5tii meelood ee

gumaysigu u qaybiyay. Somaliland, Jabuuti, iyo Somalia waa xor. Somali

Galbeed iyo Somali Waqooyi Bari waxay kala raacsanyihiin Itoobiya iyo

Kenya. Saddexda xorta ah ma muuqato inay midoobi. Labada la haysto ma

muuqato goor ay xoroobi, haddii ay xoroobaanna ma muuqato inay

aaminsanyihiin figradda Somaliweyn ee ay ku adeegtaan. lama garanayo

inay aragtida Somaliweyn rumoobi iyo in kale, lamana saadaalinkaro

samanka 5ta Somaliyeed oo xor ah inta la arko ay Figradda Somaliweyn

madaxa la soo kacdo mar labaad, lamana garanayo inay midoobi iyo in

kale. Dalalka Somalida xorta ah awood uma laha inay xorreeyaan labada

gobol ee Somaliyeed ee ka kala tirsan Itoobiya iyo Kenya balse niyad

ahaan way u taageerikaraan. Waxaa xorraynkara oo qudha Somalida u

dhalatay gobolladaas sida ay isku xorreeyeen dadka Koonfurta Sudan.

Markii Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia ee ka koobnayd Somaliland iyo

Somalia ay ku duushay Itoobiya sannadkii 1977 si ay u xorrayso dhulka

Somali Galbeed waatii la ogaa ee adduunku ku kacay kuna khasbay

dawladdii Somalia inay ka baxdo xuduudda Itoobiya kuna noqoto

xuduudeeda, dagaalkaas oo dhaqaale iyo ciidanba lagu burburay.

 

Xubnaha barlamaanka iyo xukuumadda Fadaraalka Somaliweyn ee ka soo kala

jeeda Somaliland, Jabuuti, Waqooyi Bari Kenya, iyo Kilinka 5aad  ma

matalaan dalalka iyo gobollada ay ka soo jeedaan, awoodna uma laha inay

tagaan. Kooxdan kuma kaalmaynkarto Somalia ciidamo iyo cashuur dhaqaale

oo lagula dagaallamo laguna jebiyo Kooxda Al-Shabaab ee dhibaatada weyn

ku haysa Somalia maanta, degaanna kuma laha Somalia laga soo doorankaro

mustaqbalka. Baarlamaanada iyo Xukuumadaha Somaliland, Jabuuti, Kilinka

5aad, iyo Waqooyi Bari Kenya kuma jiraan dad u dhashay Somalia loomana

oggola. Markaas su’aashu waxay tahay: Maxay ku mutaysteen inay xubno ka

noqdaan baarlamaanka iyo xukuumadda Somalia?  Maxayse  uga dhaadhiciyaan

dadka Somalia in 5ta Somaliyeed aanay waxba kala lahayn?

 

Haddii ummadda Somalia aaminsantahay in Hugunka Fadaraalka Somaliweyn ee

Mqudisho ka jira uu u keenayo Somaliland waa wax aan marnaba dhacayn

waana ku gef ummadda Somaliland in iyada oo dalkeeda xukunta ay ku

tuurto fawdada ka jirta Somalia ee ku salaysan Somaliweyn aan waxba wada

lahayn. Dhinaca dalalka Carabta, ninka u dhashay Masar ee gala Jordan

ama dal kale oo Carbeed marnaba uma suurtowdo inuu ka helo jago wasiir

ama uu darajo ka qaato dalkaas. Dalalka Carabta ee kala deggan Waqooyiga

Afrika iyo Bariga Dhexe (18 dal) midkasta dawladnimadiisa isagaa leh oo

ay gaar u tahay iskumana xad-guudbaan iyaga oo ah isku af, Diin, midab,

dhaqan, iyo caado ah. Somalidu iskagama dhawa Carabta kamana duwana,

kamana dhaxayso 5ta Somaliyeed dal iyo dawladnimatoona, waxna ma wada

laha. Somalia lagama yaabo inay ka baxdo dhibaatada ay ku jirto inta ay

Somaliweyn kula jirto qas iyo danaystinimo. Dadka Somalia oo gacanta ku

dhiga dawladnimadooda ayaa dhibaatada ka saarikara Somalia. Nin aan kula

dhul iyo dawlad ahayn kula wadaninimo, damqasho, dadaal, iyo ujeedo

maaha.

 

Dadbaa aaminsan in haddii qofku diido magaca Somaliweyn ee aan jirin uu

ka baxayo Somalinimada. Somaliweyn diin maaha balse waxay ahayd aragti

is-bahaysi siyaasadeed ee dadyowga qoomiyaddda Somaliyeed oo rabay inay

midoobaan balse suurtogeliweyday laakiin Somalinimo waa dareen

sokeeyenimo oo ka dhaxeeya 5ta Somaliyeed oo astaan u ah xidhiidh

sokeeye iyo walaaltinimo aan la isku xad-gudbin.

 

Somalia (Koonfurta) maanta xor uma aha wada-hadalada ay la leedahay

Somaliland sababta oo ah dadketahay isla markaana afduubay Somaliweyn dulmi ku dhisan. Dawlada

Muqdisho ka dhisan waa raq ay wada hiigayaan kalana boobayaan 5ta

Somaliyeed. Dal aan dadkiisu ka talin kama gaadhikaro wada-hadalada wax

go’aan ah. Somaliland laguma khiyaamaynkaro in lagu dhextuuro Somaliweyn

dulmi ku dhisan oo ay ka xorrowday 1991. Sidaas daraadeed, waxaan u soo

jeedinayaa Xukuumadda Somaliland inay si rasmi ah oo dhakhso leh uga

baxdo wada-hadalada ay la leedahay Somalia inta Somalia dhisanayso

dawlad ay iska leeyihiin dadkeedu oo wada-hadal gelikarta waayo wax

natiijo ah kama soo baxayaan wada-hadal lala galo dawlad ku dhisan

Somaliweyn. Waa in Somaliland sugtaa inta ay Somalia ku soo noqonayso

gacanta dadkeeda sidii 1960 oo ay ka dhalanayso xukuumad iyo baarlamaan

ay leeyihiin dadka Somalia oo iska  erya kuwa kaga soo qulqulay Somalida

kale si ay markaas awood ugu yeelato inay go’aan ka gaadhikarto

wada-hadalada u dhaxeeya labada dal. Waa laga gudbay samankii la isku

khiyaamaynjiray layskuna dulmiyijiray magac Somaliweyn aan jirin.

 

Ibrahim Hassan Gagale

Email: ibrahim_hg@yahoo.com

Taariikh: September 12, 2013

 

Shirka Cardiff Lagu Qabanayo ee Xukumada Siilanyo Abaabulayso Waa Inaanu Fidno Dhex Dhigin Jaaliyada Cardiff.

$
0
0

 

 

Subject:  Jaaliyadahi dibada oo Xukumada Siilanyo tidhi lacag nagu amaana!

Shirka Cardiff Lagu Qabanayo ee Xukumada Siilanyo Abaabulayso Waa Inaanu Fidno Dhex Dhigin Jaaliyada Cardiff.

 

Magaalada Cardiff ee caasimada Wales ayaa xubno ay xukuumadu u soo xilsaartay in ay shir ku qabtaan ka wadaan olole shirkaas lagu qabto. Ujeedada shirka ayaa xubnaha wadaa waxa ay sheegeen in uu yahay in wax qabadkii xukuumada ee sadexda sano lagu soo bandhigo, qodobkaas oo aan cid isku diidanayn. Waxaase la isku diidan yahay waa in ay noqoto mashruuc dalka lagu boobo, in lacag la soo diro oo magaalo kasta la yidhaahdo dabaal dega oo na ammaana, waxa lagu dabaaldegayona ay tahay hantidii iyo cashuurtii dan yarta reer Somaliland.

 

 

 

Qorbo jooga Somaliland waa dad dalkooda jecel, waa dad aan ku heesin shilimaad loo soo diro, waa dad iyagu isbedelka keena oo Kulmiye iyo isbedelkiisii si mug leh u keenay, weliba Cardiff waa laantii ugu horaysay ee Kulmiye ee laga furo UK, si baaxad leh ayay u golle keeneen guushii, maanta xaqna maaha dawna maaha in la yidhaahdo hebel iyo hebel ayaanu laag u soo dirnayoo xaflad dhigaye la tuma durbaanada.

 

 

 

Waxaanu ka digaynaa maalintii Kulmiye qabsaday dalka Cardiiff iyo Qurbo joogu waxay ahaayeen dad midaysan, waxaana hubaal ah in ay khilaaf balaadhan keenayso xafladaha mashruuca ah ee dilaalintu ka macaashayaan.

 

 

 

Haddaanu nahay Jaaliyada Somaliland ee Cardiff waxaanu mar labaad ka digaynaa Shirka la qabanayo 21/09/2013 ee lagu soo bandhigayo waxa lagu sheegay waxqabadka xukuumada, haddii aanay xukuumada iyo shakshiyaadka wadaa ka digtoonaan. annaguna waxaanu dhigaynaa mid aan ahayn ka macaash oo dhab ah oo qiimaynaya waxqabadka xukuumada iyo waxa dhiman si dhab ahna wax u qiimayn doona.

 

 

 

·         Waa in arimaha jaaliyadaha loo daba fadhiistaa Xisbiyada iyo cidii ay doorteen.

 

 

 

Waad mahadsan tihiin.

 

Jaaliyada Somaliland Ee Cardiff.

 

 

Yusuf Abdillahi Cardiff Uk

y_abdillahi@hotmail.co.uk

Warsaxaafadeed ku saabsan Muusuq maasuqa dayactirka Airport Hargeysa iyo bixitaanka Ethiopian Airline iyo Shirkada Genel Energy.

$
0
0

 

 

Warsaxaafadeed .

 

Ujeedo :- Muusuq maasuqa   dayactirka Airport Hargeysa  iyo   bixitaanka Ethiopian Airline  iyo Shirkada  Genel Energy.

 

Ugu horeyn  waxaan halkan salaan iyo soo jeedinayaa dhamaan shacabka reer Somaliland  meel kasta oo ay joogaan-gudaha iyo dibada.

 

« Waxaa shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba  si fiican u  ogaadeen,fahmeen,kana dhergsan yihiin  Xukuumada maanta talada dalka haysaa in ay ku sifowday  MUSUQ MAASUQ — CADAALAD DARO IYO  BEEN ABUUR   baahsan oo shacabka lagu jaho wareerinayo,waxaana ugu dambeeyey Hargeysa Airport iyo Shirkada Genel Energy» :-

 

1.     Waxaa wax laga xishoodo  ah in  loo xafladeeyo,loo dabaal dego,lagu faano in Airport Hargeysa lagu dayactiray lacag ka badan 4 Milyan oo Dollar,kaas oo aynu aragno sida uu yahay iyo in xataa Diyaaradihii ka yaaceen,waa wax laga yaxyaxo.

 

2.     Waxaa ka sii yaab badan ,oo runtii qaadan waa iyo naxdin ah  halkii  sharciga la horkeeni lahaa, in shaqsiyaadkii sidaa Airport u musuq maasuqay,haddana la siiyo Qandaraaska wadada Hargeysa iyo Berbera.

 

3.     Ethiopian Airline xaq ayey u leedahay in ay fadhiisato Goraankii ay ku nabad geleyso farsamo ahaan,amaan ahaan iyo weliba dhaqaale ahaan,mana jirto cid ku qasbi kartaa in ay Somaliland ku soo laabato .

 

4.     Shirkada  Genel Energy  waxay si buuxda uga sheegtay in ay  Somaliland uga baxday 2 arimood oo kala ah a) MUSUQ MAASUQ  balaadhan oo lagu maamulay Qandaraasyada—Shaqaalaha iyo Deegamada ay ka howl gasho. b) waxay Shirkada Genel Energy si buuxda u sheegtay in ay jiraan sababo amaandaro,Dowladuna ay sugi kari wayday amaanka Shirkadaas,taasina  fadeexad weyn oo dul hoganaysa Xukuumada maanta Somaliland ka jirta.

 

Gebo gebo :-

 

Xidhiidh aanu la samaynaynay Shirkada Genel Energy iyo Ethiopian Airline,labaduba waxay  si buuxda  u cadeeyeen uu ay jiraan  Musuq maasuq baahsan oo aan xad lahayn iyo Dowlada oo sugi kari wayday amaankooda,sidaa daraadeedna aanay  Somaliland dib ugu laaban karayn inta la xalinayo arimahaas.

 

Ugu dambeyntii waxaanu ugu baaqaynaa Golayaasha xilligoodii dhamaaday(Guurtida iyo Wakiilada),Garsoorka dalkaiyo guud ahaanba shacabka iyo waxgaradka reer Somaliland  in sida ugu dhaqsaha badan Sharciga la horkeeno cida Jeebabka ku guratay dhaqaalihii Airport Hargeysa iyo Shirkada Genel Energy.

 

Waynu wada jecelahay dalkeena  dhamaanteena masuuliyad ayaa inaga wada saaran in aynu ilaashano,laakiin looma adkaysan karo  boobka iyo cadaalad darada ay ku caan baxday Xukuumada maanta  talada dalka haysaa.

 

ALLAA                   MAHAD                 LEH

 

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

 

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.

 

Xisbiga UCID

 

abdi_saleiman@hotmail.com.

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ka jawaabaya eedayn labada Wasiir u soo jeediiyeen

$
0
0

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ka jawaabaya eedayn labada Wasiir u soo jeediiyeen

Waxaa wax lala yaabo noqotay in dhibaatadii ka dhacday dalka ee ay kaga baxeen shirkadaha shidaalka iyo diyaardii Ethiopian Airlines inay Xukumadu kula dul kufto Xisbiyada Mucaaridka ah, Xukumada waxaan leeyahay FALAADHI GILGILASHO KAGAMA GODO.

 

Wasirka Warfaafinta waxaan leeyahay maan filayn inaad ka gubto eedayn loo soo jeediyo Xukumada aad ka tirsantahay dadwaynihu way ogsoonyihiin wixii aad ku qori jirtay jariidadii aad lahayd wakhtigii aad mucaaridka ahayd ee ha noqonnin HASHA GEELA CUNTA EE CABAADA.

Ciidamada qaranka ee aad ku hanjabayso waa Ciidamo qaran ee maha ciidan u adeega koox yar oo qarannimada Soomaliland burburinaysa.

Ugu danbayntii waxaan leeyahay Wasiirka Warfaafinta Mudane wasiir adiga laguma dirin inaad ka sheekayso shirkadaha shidaalka, Ethiopian Airlines iyo nabadgelyada ee ka waran idaacadii Radio Hargaysa halkay ku danbaysay mise iyana waxay martay halkii ay mareen shirkadihii shidaalku iyo Ethiopian Airlines.

 

Haddii aannu nahay Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani waxaanu leenahay waa la sheegayaa wixii dalka ka dhaca oo weliba cod dheer baannu ku sheegayna, sababta oo ah in badan baannu lahayn waar dalka MUSUQMAASUQA, EEXDA,QABYAALADA, ISKUDIRKA IYO SHACABKA LA ISKA HOR KEENAYO ha laga daayo, haddii laga dayn waayo Nabadgeliydu jiri mayso oo dhaawac baa gaadhi doona, shirkadaha iyo dadka Ajaanibkuna dalka way ka bixi doonaan.

DHAAXAAN JALAADAY EE DHEG BAAN JALAQ LA II SIININ.

 

Dalkeena waxaa ka dhacay dhibaato aad iyo aad u wayn ama dhaawac wayn baa ina soo gaadhay marka laga eego dhinaca Siyaasada, dhibaatadaas waxay wax yeelaynaysa kalsoonidii, maalgashigii, mucaawanada, iyo nabagelyadii, arimahaas oo dhan oo aynu ku soo tabcaynay 20 kii sanadood ee ugu danbeeyay.

Dalkeennu ma aha dal la ictraafsanyay ee waxaynu adduunka ka iibnaynay waxay ahayd nabadgeliyo, markay shirkadaha sahaminayay shidaalku ka baxaan dalkeen amaan daro iyo musuqmaasaq waxay ka hor imanaysaa wixii aynu iibinaynay dhaawac wayn bay ina gaadhsinaysaa.

 

Markii dalkeen ay yimaadeen shirkadaha sahaminta shidaalku waxaynu soo jiidanay idhaha addunka oo dhan,waxaanay ahayd wax lagu farxo oo uu hanqal taagay muwaadin kastaba, waxaa ayaan darro noqotay habkii loo musqmaasaqay dhaqaalihii, qandaraasyadii, shaqaalihii, shirkadahaasi ugu talagaleen degaanada laga sahaminayo shidaalka oo gaadhay in xita waashmaaninta ay wasiradu qoraan, taas oo keentay cadho fara badan oo dadkii degaanadaasi ka hor yimaadeen sahamintaas oo ka dhacday CAYNABA, WARAABEEYE, IYO GUMBUR LIBAAX, iska hor imaadkaas oo ay shirkadahaasi u arkeeen amaan daro oo halis geliyay shaqaalhoodi.

 

Shirkada Ethiopian Airline waxay hormood u ahayd shirkado kale oo iyana u haqal taagayay inaay dulimaado ka bilaaban marrka uu madaarka Hargaysa dhamaado, taas oo markii diyaaradii waynayd ee shirkadaas leedahay soo fadhiisatay waxay farax gelisay dhamaan reer Soomalilaand oo dhan mucaarid iyo muxaafidba.

Waxaa ayaan darro noqotay markii ay cadaatay in la musqmaasaqay dhaqaalihii laynagu caawiyay ee 10 ka milyan ee dollar ahaa diyaaradina diday inay soo fadhiisato taas oo keentay in diyaaradihii kale ee soo socdayna ay candhuuftoda dib u liqeen.

waxaa la cadeeyay oo shirkada Ethiopian Airlines bogeeda Internet ka ku sheegtay in dhabaha diyaaradaha ee Hargaysa uu tayadiisu liito oo aanay soo fadhisanayan diyaaradeehood.

Khubarada dhismaha garoonadu waxay cadeeyeen inay ku baxday dhabaha diyaarada ee hargaysa ilaa 500 000 ( shan boqol oo kun oo doolar).

waxaa kale oo la cadeeyay in shirkada la yidhi waa Chinese ee madaarka dhistay inaanay ka diwaan gashanayn dalka China oo ilaa iyo iminkana aan la garanayn meel ay ka diwaan gashantahay.

Shirkadaas ku fashilantay madaarka ay wasir Xirsina qandaraas ku siiyay dayac tirka wadooyinka dalka oo dhan iyada oo aan cidina kula tartamin oo uu malintii dhawayto golaha wakilada ka codsanaya inay u ansixyaan cashuur uu ku kordhiyo shacabka tii horeba la daala dhacaya si uu shirkadaas u siiyo.

 

Dalkan Soomaliland wuu inga dhexeeya haddi aynu nahay Macaarid iyo Muxaafidba markaa waxaan leeyahay waar khaladka yaan la taageerin ama la difaacin oo qoloyinkiina maanta difaacaya ama ka aamusan berti marka Silaanyo isku dhacdaan ama uu xilka idinka qaado aydun khaladkaa maanta sheegi doontaani sidii caadadeenu ahayd ee maanta ka hadla intaanu idinka noqonin SAAMBUUSA LAGA EEDAAMAU

 

Madaxwaynaha waxaan leeyahay mudane Madaxwayne arimahani iyo khaldaadkini ma ah kuwii ay Cukuso iyo Muse Bixi ka jawaabi jireen ee ka waawayn ee adiga ayaa lagaaga fadhiya oo shacabki sugayaan ilayn adiga ayay ku doorteen.

Fadeexadan maanta Madaxtooyadda Dul hoganaysa Madaxwaynaha Jamhuruyad Soomaliland Mudane Axmed Maxamud Silaanay ayaa laga sugaa inuu cadeeyo sida wax udhaceen Cidii danbiyadana gashayna sharcigana hor geeyo

 

ALLA MADAH LEH

 

Faisal Farfidiye

 

Golaha Fulinta ee

Xisbiga Waddani

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>