Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

UN Committee to review South Africa’s record on children’s rights

$
0
0

 

PRESS RELEASE
UN Committee to review South Africa’s record on children’s rights
South Africa is one of the 196 States that have ratified the Convention on the Rights of the Child

Children’s rights in South Africa will be reviewed by the UN Committee on the Rights of the Child on 19 and 20 September in sessions that will be webcast live. South Africa is one of the 196 States that have ratified the Convention on the Rights of the Child and so is required to be reviewed regularly by the Committee of 18 independent experts.  In addition, members will examine South Africa’s implementation of another important legal instrument known as the Optional Protocol on the sale of children, child prostitution and child pornography (OPSC).  Among the possible issues to be discussed between Committee members… Read more

SOURCE
UN Information Centre in Pretoria (UNIC)


Siyaasi Ismaciil Buubaa oo ka hadlay shirkii ururka IGAD Iyo qodobka ay ka hadlaan mar walba ee ku saabsan midnimada

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-news)-Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka hadlay shirkii Urur Goboleedka IGAD ee ka qabsoomay Somaliya, ee lagu soo hadal qaaday midnimada Somaliya, waxaanu sheegay in mar kasta oo shir la isugu yimaado ay iska magac u yaal iyo maamuus tahay in midnimada la soo hadal qaado, laakiin dawladda Somaliland looga baahanyahay in la sameeyo dedaal lagaga hortagaya.

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay go’aankii uu Madaxweynuhu ku kala qaaday Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada. Isagoo ugu horayn ka hadlaya shirka IGAD ee war-murtiyeedkiisa midnimada lagaga hadlay wuxuu yidhi “Shir kasta oo IGAD ah ama Shirarka Golaha Amaanka waa la yidhaahda midnimada Somaliya waa muqadas,baratakoolada ayey ka mid tahay marka arrimahaas la soo hadal qaadayo, laakiin waxa loo baahan yahay inay Somaliland arintaas dedaal aad iyo aad u xoog badan ka gasho, waxaanan Xukuumadda Somaliland u soo jeedin lahaa sidii loo soo afjari lahaa arinta ku shuqul leh midnimadii la iskugu yimid lixdankii,oo laba Dawladood oo walaal ah oo wada shaqeyn kara aynu noqono, Xukuumadduna waa inay la timaada fal curis waana inay ka hadashaa sidaasi sidii ay u suurtoobayso, oo qaddiyada madax banaanideeda u jeedisaa Beesha Caalamka, Wadamada Geeska Afrika, caamatan dadka Soomaaliyeed iyo dadka Soomaaliyeed ee Somaliya degan ee aynu lixdankii aynu isku darsanay, arintu waxay u baahan tahay in Ictiraaf raadintu halka ay taalo in laga eego oo meel aanu ictiraaf ka soo baxayn aan wax wakhtiya la iskaga lumin”.

Ismaaciil Buubaa, wuxuu sheegay inaanay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland ahayn goosasho ee ay tahay la soo noqosho madaxbanaani, “Somaliland codsigeedu maaha goosasho laakiin waa soo celinta madaxbanaanidii ay heshay lixdankii.” ayuu yidhi Buubaa.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko aragtidiisa ku waajahan go’aankii Madaxweynaha ee kala qaadista labada Doorasho ayaa ku jawaabay “Qanuun Maxkamadeed ayaa meesha yaala,qanuunka Maxkamaddana ciddi kama sarayn karto, Madaxweynuhu wax qaanuunka khilaafsan ma keeni karo, Baarlamaanku ma keeni karo Guurtiduna ma keeni karto, kol haddii arintii lagu heshiiyey ee qanuunku ku saleeysnaa ayaa looga fadhiyaa in lagu dhaqmo dadka reer Somaliland”.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa mar uu ka hadlay aragtida Beesha Caalamka iyo kala qaadista labada Doorasho ayaa yidhi “Waxa Caalamka jira qanuunka sharciya, waxaana Caalamku isku xukumaa xukun, xukunkana cidi kama hor tagto, Calaamkuna waxa uu uga fadhiyaa Dawladda Somaliland inay xukunkaas fuliso, sidaas ayaana looga fadhiya Dawladda Somaliland”.

Geeska

Xasuusin xaraashka xerada militeriga Hargiesa ee bir-jeex

$
0
0

Dadka ku mamay xaraashka hantida guud ee ummada ka dhaxaysa waxaan xasuusinayaa waxa qudha ee hadhay in ay tahay xerada militeriga ee Hargiesa Bir-Jeex. Kol hadii Dugsigii Shiekh bashiir ee astaanta tacliinta ahaa la iibiyey xerooinka cidanadana ha ku darsadaan xaraashka. Qasriga madaxtooyadana yaanay ilaabin inay sii iibiyaan intaanay ka bixin. Waxay ku culataba ha waydee. Kol hadii shicibki damqan waayay oo is hor taagi waayay iibka iyo xaraashka xad dhaafka ah ee madaxtooyadu wado oo weliba lagu laaluushayo cashuurtii dalka wax la dhowrtaaba meesha ma yaalaan. Dhaxal wareegu wuxuu bilaabmay markii ay Amina Weris tidhi qasnada maaliyada aqalka iigu keena ee ay Zamzam oo saaxiibadeed ah wasiirka maaliyada ka dhigatay. Marka Dekeda Berbera dadka laga laaluushayo si aanay uuga hor iman wareejinteeda ma barwaaqo ayaa dadka loo hor seedayaa mise waa boob cadaana. Guul-wadaynta wadanka ka socota waxa ka yaabay xildhibaan nac-nac oo is lahaa cid kaa guul wadaysani ma jirto. maalin dhawayd wuxuu yidhi nac-nac intuu aad uula yaabay Cali Shoombe … waar anagaaba nala qaatay ee mid maqiiqan baa soo baxay oo ku jiidhaya….Dadkii oo dhan baa isla dhex maray nac-nac baa yaa bay. Hadaba hadal gun buu leeyee Somaliland yay eersanaysaa.
Waxa la eersanayaa habro saarle iyo sebiyo aan ehel u ahayn inay wax xukumaan.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

ABAN to host Somaliland Angel Investor Masterclass

National Policy on Early Childhood Development Launched

$
0
0

 

Policy to ensure young children in Uganda develop the foundation required to realize their potential well-being and success throughout their lives

Uganda’s first-ever national policy and action plan on early childhood development will be launched today afternoon. “The launch of the integrated Early Childhood Development (iECD) Policy and Action Plan is a landmark occasion for all children in Uganda,” said Hon. Janat Mukwaya, Minister of Gender, Labour and Social Development.  “It is also a pivotal milestone for Uganda’s overall socio-economic development, especially as we intensify our pursuit of sustainable wealth creation and inclusive growth in order to achieve Middle Income Country status by 2020 and become an upper Middle Income Country by 2040.” The iECD Policy and Action Plan will ensure…Read more

SOURCE
UNICEF Uganda

Madaxweyne Siilaanyo Ilaahay & Umadda Horteeda Wuxuu Ku balan Qaaday Inauu Cadaalad & Sinaan Ku Maamulayo, Imikana Reerkiisa & Ehelkiisa ayaa Taliya uu Ku Wareejiyey.

$
0
0

 

 

Horta Ilaahay qof walba wuxuu la hor yimaado ayuu ku abaal mariyaa, hadaba Siilaanyo wuxuu ku dhaartay, wuxuu ka door biday

Qabyaalad Cad, Eex, Musuq, & Hanti- Boob, Bal Ufiirso Wasiirada aan La Taaban ee Eex & Qabyaalad uu uga Reebo Isku Shaadhayn Kasta

Bal eeg Wasiirada uu Awooda u Siiyey Hantida Umada Booba, Dhaca, oo Jaxaasta, Sida Xirsi, Was,Macdanta, Was,Madaxtooyada, Was,

Maaliyada, Inanka Sodoga uu u Yahay ee Baashe Moorgan & Qaar Kaloo Badan.

Sidaas Darteed, Markuu Siilaanyo Warqada uu Faanka & Amaanta Looga Soo Buuxiyey uu Akhriyayo, ee uu Leeyahay Dal Midaysan ayaan

Rabaa Inaan a Tago, Maxaa u Hadhay, Wadankii Bari & Galbeed Intaa Dagaal & Qaylo Ka Soo Yeedhayso, oo intuu Madaxweynaha ahaa

Qayb Dhani Go,day oo Khaatumo La Baxday, Galbeedkii oo uu Colaad & Iska Hor Keen Intaa Xukuumadiisa & Xisbigiisu Ka Wadaan oo aan

Ilaa Hada Xal aanu Hayn.

Sidaas Darteed, Siilaanyo Taloow Miyuu Ilawsan Yahay Kitaabkii uu Ku Dhaartay & Cadaalad Darada & Musuqa & Kala Saraysiinta Umada

& Hanti-Boobka uu Wareegtooyinka Ku Siiyey Hantidii hicibka Dad Gaara, oo Wasiirada Samsam Musuqa & Fawaaxishka ay Ka Wado Wadanka

La Soo Bandhigay, Wasiirka Maxamuud Xaashi ee Ariportka Dakhliga Gaara Ku leh, Wasiirka Macdanta ee Isagu Sida Diiga u Cidhibsada ee

Car Yaa Ila Hadli Kara ee Shidaal & Macdanba Ku Maxaafasada ee Adeerkay ayaa Kibirkaa igala Raaliya.

Ta Kale, Maayirka Hargeysa ee Cashuurtii Masaakiinta Ku Kibray, ee Been Cad Warbaahinta La Soo Taagan ee Wadooyinka Caasimada aad is

odhanayso yaa HeliKobtar Kaaga Qaada, ee Burburka, Gododka Xashiishka & Ciida aanay Baabuurta Daayo Dadku Lugayn Karin, Hadana

Intaa Xaflado & Iska Dhaadhicin Cashuurta Wadooyinka & Xashiishka Ku Qaban Lahaa Madaxtooyada Ku Laalusha.

Fiiro Gaara;- Madaxweynuhu Markuu Ariportka Ka Duulayo Wadada uu Sii Maro, Miyaanu Arag, Miyaan Boodhka & Burburka & eexjeexyada

Dareemin oo Beerku Afka Imanin, Mise Dan & Muraad ayaanu Ka ahayn, Caasimadii & Wadadii Cid Kasta Soo Maraysay oo Maba Dhaado.

Shicibka & Reer Hargeysa & Inta aan Cuqdad & Cunfi & Qabyaalad Ku Jirin ee Daacada ayaa Ka Jawaabi Hargeysa oo Maayirkii Hagraday

Cashuurtiina uu Ku Takri Falo, oo Madaxtooyada uu Iskaga Dhaadhciyo oo uu Xafladu Ku Qabto, Hargeysina, Burbur, Dooxyo, eexjeexyo &

Xashiish & Wado La,aan & Qurux Caasimadeed aanay Ka Muuqan, Inta Shicibku Dhistay Mooyaane, Xagii Dawlada Hoose Eber (0) Ka ah.

Wabilaahi Tawfiiq.

Anigaa Qoray.

Asha Jama
ashaa.j@live.nl

Daawo Saxaafada Somaliland waa in ay is hubaysaa oo hubkoodu gaadhiga u saarnaadaa

Daawo Musharax kale oo ku dhawaaqay in uu u taaganyahay jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani ee Somaliland


Follow the MIND diet and cut your risk of Alzheimer’s by half: What to eat and the foods to avoid

$
0
0

Changing your diet could reduce your risk of developing Alzheimer’s disease by as much as 53%, according to a recent study from the Rush University Medical Center in Chicago.
See also: Nine ways to reduce your risk of dementia

See also: Five medical issues that can be mistaken for dementia

Researchers say that even people who weren’t strict and only followed the MIND diet“moderately well” were able to reduce their risk of Alzheimer’s by a third.

While genetics and other lifestyle habits such as smoking and exercise play a role, they suggest that changing your diet could slow the rate of cognitive decline regardless of other risk factors.

Published in the journal Alzheimer’s & Dementia, the study followed the health of 960 people with an average age of over 80. Participants completed food questionnaires and brain function tests each year for an average of five years. Researchers found that people whose followed the MIND diet recommendations had brains 7.5 years younger than those in the study who didn’t.

So what should you eat?
Based on the Mediterranean diet and the DASH (Dietary Approaches to Stop Hypertension) diet – both of which promote good heart health – the MIND diet recommends eating food from 10 healthy food groups – and avoiding foods from five unhealthy ones.

The healthy food groups
• Green leafy vegetables
• Other vegetables
• Nuts
• Berries
• Beans
• Whole grains
• Fish
• Poultry
• Olive oil
• Wine

The unhealthy food groups
• Red meat
• Butter/stick margarine
• Cheese
• Pastries/sweets
• Fried/fast food

How much and how often?
For maximum benefits, you should eat three servings of whole grains, a salad and one other vegetable every day. Whole grains include wholewheat bread and pasta, brown rice, barley, oats, soba noodles and quinoa. The MIND diet also recommends having ONE small glass of wine every day.

Five times a week: Nuts
If you fancy a snack, have a small handful of nuts. Packed with healthy fats, fibre and antioxidants, nuts have been shown to help lower bad cholesterol and reduce the risk of heart disease. The MIND diet recommends eating nuts at least five times a week.

Three times a week: Beans
You should eat at least one servings of beans (such as butterbeans, kidney beans or chickpeas) every other day. Try adding to your normal meals, such as casseroles, soups, salads, wraps, or curries.

Twice a week: Berries
Berries are the only fruit specifically recommended in the MIND diet. Studies suggest that blueberries are one of the most potent foods when it comes to protecting brain health – and the MIND diet suggests eating them at least twice a week. If you get tired of blueberries, have a bowl of strawberries, which have also been shown to have a positive effect on cognitive function.

Twice a week: Chicken
While the MIND diet places emphasis on eating vegetables, you can eat chicken twice a week.

Once a week: Fish
Unlike the Mediterranean diet, which recommends eating fish most days of the week, the MIND diet says fish once a week is enough. Oily fish, such as salmon, mackerel and sardines, are best thanks to their brain-protecting, high omega-3 content.

Foods to avoid
You don’t have to eliminate the foods on the “unhealthy food” list entirely – but you do need to limit your intake in order to benefit. For example, you should eat no more than one tablespoon of butter per day and you should have cheese no more than once a week. Fried food or fast food should be eaten no more than once per week – and cut back on sugar and red meat as much as possible.

You can eat other things too!
You might have noticed that the MIND diet doesn’t recommend eating eggs, fruit (other than berries) or yogurt. While these are all healthy foods, they haven’t been mentioned because there is no scientific evidence linking them to improved brain health.

That doesn’t mean you shouldn’t eat them – it just means that they won’t have the same Alzheimer’s protecting benefits of other foods on the MIND diet.

Whether you want to lose weight or improve your diet, here’s our pick of the 20 best kitchen appliances and gadgets that will help you eat well every day.Changing your diet could reduce your risk of developing Alzheimer’s disease by as much as 53%, according to a recent study from the Rush University Medical Center in Chicago.
See also: Nine ways to reduce your risk of dementia

See also: Five medical issues that can be mistaken for dementia

Researchers say that even people who weren’t strict and only followed the MIND diet“moderately well” were able to reduce their risk of Alzheimer’s by a third.

While genetics and other lifestyle habits such as smoking and exercise play a role, they suggest that changing your diet could slow the rate of cognitive decline regardless of other risk factors.

Published in the journal Alzheimer’s & Dementia, the study followed the health of 960 people with an average age of over 80. Participants completed food questionnaires and brain function tests each year for an average of five years. Researchers found that people whose followed the MIND diet recommendations had brains 7.5 years younger than those in the study who didn’t.

So what should you eat?
Based on the Mediterranean diet and the DASH (Dietary Approaches to Stop Hypertension) diet – both of which promote good heart health – the MIND diet recommends eating food from 10 healthy food groups – and avoiding foods from five unhealthy ones.

The healthy food groups
• Green leafy vegetables
• Other vegetables
• Nuts
• Berries
• Beans
• Whole grains
• Fish
• Poultry
• Olive oil
• Wine

The unhealthy food groups
• Red meat
• Butter/stick margarine
• Cheese
• Pastries/sweets
• Fried/fast food

How much and how often?
For maximum benefits, you should eat three servings of whole grains, a salad and one other vegetable every day. Whole grains include wholewheat bread and pasta, brown rice, barley, oats, soba noodles and quinoa. The MIND diet also recommends having ONE small glass of wine every day.

Five times a week: Nuts
If you fancy a snack, have a small handful of nuts. Packed with healthy fats, fibre and antioxidants, nuts have been shown to help lower bad cholesterol and reduce the risk of heart disease. The MIND diet recommends eating nuts at least five times a week.

Three times a week: Beans
You should eat at least one servings of beans (such as butterbeans, kidney beans or chickpeas) every other day. Try adding to your normal meals, such as casseroles, soups, salads, wraps, or curries.

Twice a week: Berries
Berries are the only fruit specifically recommended in the MIND diet. Studies suggest that blueberries are one of the most potent foods when it comes to protecting brain health – and the MIND diet suggests eating them at least twice a week. If you get tired of blueberries, have a bowl of strawberries, which have also been shown to have a positive effect on cognitive function.

Twice a week: Chicken
While the MIND diet places emphasis on eating vegetables, you can eat chicken twice a week.

Once a week: Fish
Unlike the Mediterranean diet, which recommends eating fish most days of the week, the MIND diet says fish once a week is enough. Oily fish, such as salmon, mackerel and sardines, are best thanks to their brain-protecting, high omega-3 content.

Foods to avoid
You don’t have to eliminate the foods on the “unhealthy food” list entirely – but you do need to limit your intake in order to benefit. For example, you should eat no more than one tablespoon of butter per day and you should have cheese no more than once a week. Fried food or fast food should be eaten no more than once per week – and cut back on sugar and red meat as much as possible.

You can eat other things too!
You might have noticed that the MIND diet doesn’t recommend eating eggs, fruit (other than berries) or yogurt. While these are all healthy foods, they haven’t been mentioned because there is no scientific evidence linking them to improved brain health.

That doesn’t mean you shouldn’t eat them – it just means that they won’t have the same Alzheimer’s protecting benefits of other foods on the MIND diet.

Whether you want to lose weight or improve your diet, here’s our pick of the 20 best kitchen appliances and gadgets that will help you eat well every day.

 

aol.co.uk living

Taxanaha Cibrada Nolosha : Qisooyin Cajiib Ah…….

$
0
0

AXANAHA CIBRADA NOLOSHA (Qisooyin cajiiba) qisadii 7aad qalinkii cabdi cawiye
QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB

Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen: Saciid ardeydiisa waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Cabdullaahi bin Abii-widaacah. C/Laahi dhawr maalmood buu dersiga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka dhex tebay. Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu doondoonayey buu u yimid. Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey halkuu maalmahan ku maqnaa. “Xaaska ayaa iga jiranayd oo aan la joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugay” buu C/Laahi ugu jawaabay. “Maxaad xanuunkeeda noogu soo sheegi weyday aan booqannee, amaba geerideeda aan waxka aasnee?” intuu ku yidhi oo u tacsiyeeyay, xaaskii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku yiri: “C/Laahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ah”. “Yaa sheekhow gabar isiinaya!, Wallaahi baan ku dhaartaye Afar dirham baa xoolo iga dhaca”. Sheekhii baa markaa yirdhi “Subxaanallaah, miyaanu muslimku afar dirham ku dhowrsan karin!”, una raaciyey “Anaa inan kuu guurinaya hadaad raali ka tahay”.

C/Laahi bin Widaacah oo isaga laftiisu sheekada ka sheekeynayaa waxa uu leeyahay: Markaas baan xishood iyo darajayn dartood uga aamusay. “Maxaad u aamustay? ma inantaydaan kuu cuntamayn?”. “Eebe hakuu naxariistee maxaad saa u leedahay haddaad doonto gabadhaada kumanaan dirham baad ku guurin kartaaye” baan ku iri. Markaas buu sheekhii yirdhi “Waa runtaa, balse iska daayoo markhatiyaal u yeedho”. Shuhuud baan markaa u yeedhay, waxaana gabadhii la igula mehriyey Afartii dirham, halkaana lagu kala faataxaystay.
Kolkaan Salaaddii Cishaha tukannay baan anigu gurigeygii iska aaday, waana tanoo ninbaa albaabkii aqalkeyga garaacaya. “Waa kuma?”. Qofkii iridka garaacayey baa yiri: “Waa Saciid”. Ilaah baan ku dhaartaye waxaan Saciidyo magaalada ku aqoon jiray waan soo wada xusuustay aan ka ahayn Saciid bin Al-Musayib, maxaa yeelay weligey maanan arag asagoo gurigiisa ka baxaya, inuu Salaad Masjidka ugu socdo ama meyd wax kasoo aasayo maaha eh. Markaas baan idhi: “Waa Saciidkee?”. “Saciid bin Al-musayib”. Jidhkayga oo dhan baa halmar jareeyey, waxanan is idhi “Armuu sheekhu ka qoomamooday inantuu ku siiyey oo kuu cudur daaran rabaa”. Markaas baan anoo cagajiid ah albaabkii furay, saa waa gabadh dadaboolan, faras alaabi ku raran tahay iyo gabadh shaqaale ah oo cad. Sheekhii intuu isalaamay buu yirdhi: “C/Laahiyow waatan naagtaadii”. Markaas baan si yare xishood ku jiro u idhi: “Alle hakuu naxariistee, maxaad ayaamo ugu kaadin weydey”. Suu yidhi: “Sabab!”, kuna daray: “Sow ima oran afar dirham baan haystaa?, mise waxaad dooneysaa in Eebbe iyidhaahdo maxaad ninka habeenkaa doobnimo ugu dhaaftay adoo xaaskiisii haya. Waa taa naagtaadii waana taa alaabadiinnii, waana taa gabar idiin adeegta iyo kun dirham ood masruufataan. C/Laahiyow amaanada Eebbe iga guddoon. Waxan dhaar kuugu marayaa inaad iga guddoomaysid gabar Soon iyo Salaad badan, Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiisana aqoon badan u leh, ee Alle kaga cabso, aniga darteeyna ha uga xishoon ee haddaad wax aadan jeclaysan ku aragto intaad edbiso gacanteyda kusoo sin”. Waanu sii dhaqaaqay.

C/Laahi waxa uu leeyahay: Wallaahi baan ku dhaartaye weligey ma arag naag ka aqrin og Kitaabka Alle, kagana aqoon badan Sunnada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), kagana cabsi badan Allihii abuurtay, waxanay ahayd mas’alada culimada wareerisa ta jawaabteeda la weydiiyo.Mar kasta oon Saciid is aragno waxa uu iweydiin jiray: “Qoftii say tahay?” markaas baan dhihi jiray: “Waa nabaddeeda”.
Kedib markay gabadhii wiil iidhashay baan maalin anigoo suuqa u baxay waxaan soo laabtay islaan aanan weligey arag oo aqalka dhex fadhida. Ka noqo markaan islahaa bay xaaskaygii tidhi “Soo gal C/Laahiyow, waa qof araggeeda Eebbe kuu banneeyaye”. Markaas baan weydiiyey: “Tumaad ahayd, Alle hakuu naxariistee?”. “C/Laahiyow gabadhaan hooyadeed baan ahaye maxaad kala kulantay?”. “Khayr Alle haydinka siiyo, si fiican baad u tababarteen una edbiseen”. “C/Laahiyow annaga ha noogu danayne haddaad xumaan ku aragtid edbi, , waxaan nafteeda ka ahaynna adaa leh, dhoola caddayntana haka badin yaanay ku dhayalsane. Eebe haydiin barakeeyo dhallaanka cusub, ha ka dhowro Shaydaan, hana kadhigo mid Alle ka cabsi badan sidii awoowihii. Wallaahi baan ku dhaartaye Afartan (40) sanadood oon isqabnay ma aanan arag maalinna asagoo Allihiis ku caasinaya, lacagtaana asagaa idiinsoo dhiibaye qaata”.

Cabdullaahi waxa uu leeyahay: “Waan ka qaatay lacagtii,waxayna ahayd Shan diinaar, siday islaantii markaas nooga baxdayna siddeed iyo toban sanadood wejigeeda dib uma aanan arag ilaa geeriyi na kala geysay”. Dhammaad qisadii Saciid bin Al-Musayib.?
bal walal ka warama waalidkaa sida uu u jecelyahay dhaqanka suuban iyo sida aanu u danaynayn lacag iyo nin xoolo leh

Halkanka akhriso xubnaha Somaliland ka soo jeeda ee aan cidna matalin cidna dirsan oo cabaadaaya qoraal ay soo saareen

$
0
0

Muqdisho,(Qaran-news)- Warqadani hoos taala waxa qoray xubanah ka midka ah dawlada ka arimisa magaalada Muqdisho ee Somaliya, xubanahani oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland haba yaraatee shicibka Somaliland iyo dawlada Somaliland ma matalaan loomana dirsan shaqada ay ku dhex jiraan ee ay xagaasi u tageen xoogsiga iyo aduun raadsiga, hadaba iyada oo aanay cidna matalin kun jeerna loo sheegay waar ka jooga ayay maanta cabaadayaan oo cataabayaan bal akhriso waxa ay ku hadlayaan iyaga oo aan haba yaraatee Somaliland aanay tagi karin oo aaminsan in ay danbiila yaal yihiin

letersomalia1
letersomalia2

Halkan ka daawo munaafaqa Wasiir Cadaani iyo guulwadayntii oo la dhex jiidhay been

Wasiirka arimaha gudaha oo gaadhay deegaanka Cee-afweyn daawo

Fiqi tolkii kama jano tago Maxamed Xaashi Cilmi oo madaxweyne Siilaanyo ku amaanay mowqifka uu ka qaatay Lixda goobood

$
0
0

FIQI TOLKII KAMA JANO TAGO.MAXAMED XAASHI CILMI OO MADAXWAYNE SIILAANYO KU AMANAY MOWQIFKA UU KA QAATAY ‘LIXDA GOBOOD”

Eng Maxamed Xaashi Cilmi, oo lagu naanayso “Mr LABA”, loona bixiyay markii uu 2 cod helay tartankii uu la galay Marxuum Cigaal, waxa lagu yaqaan madax-adayg siyaasadeed iyo mucaaridnimo mutuxan. Wuxuu mucaarid mutuxan ku ahaa Marxuum Cabdirahman Tuur, Marxuum Cigaal , Madaxwayne Riyaale iyo Madaxwayne Siilaanyo. Waxa kale oo loo bixiyay “ Keligi Saxane”. Eng Maxamed Xaashi wuxuu had iyo jeer sheega lacagayo ka badan Boqolal Million oo doolar oo la musuqmaasuqay, asaga oo aan cadayn soo bandhigin . Wuxuu ku tiraaba in wadanka lagu maamulo qabyaalad, eex, qaraabo kiil iyo nin jeclaysi. Dunuubtaas faraha badan wuxuu ku eedeeyaa dadka aan ku abtirsan Qabiilka & Qoyska uu asagu kasoo jeeedo. Tusaale ahaan, kamuu hadal musuq-maasuqa wayn ee dhawaan saxaafadu soo bandhigtay ee lagu eedeeyay Marwo Samsam. Kamuu hadal beeraha iyo dhulka uu dhacay Col. Muuse Biixi ee dadkii lahaa hortubanyaheen Maxkamadaha. Maantana Eng Maxamed Xaashi waxuu amaan kula dul kufay Madaxwayne Siilaanyo, markii uu digreeto kusoo saaray in lixda gobood ee muranku ka taaganyahay lagu qabto “ Diiwaan gelin” . Eng Maxamed Xaashi wuxuu qaatay mowqifkii Suldan Maxamed Cabdilqaadir iyo Suldaan Sabayse ee ahaa dhulkaa waxa iska leh “Isaaq “ ama “ Sacad Muuse “. Wuxuu muujiyay qabyaalad cad oo aanu gedna ugu soo gaban. Waxa haboonayd inuu Eng Maxamed Xaashi dib ugu noqdo distoorka qaranka iyo kala xadayntii Somaliland ee lixdankii,kana foogaado caadifada qabyaaladaysan .
Drs.Hoodo Yusuf , London, UK.
yhoodo@yahoo.com

Arinka UCID-Maxkamada Sare Waxa Laga Filayaa Cadaalad, Hadii Ay Ka Leexato Cadaalada Waxay Dalka Dhaxalsiin Doontaa Kacdoon Bulsho Oo Dhaawici Kara In Doorasho Ay Qabsoonto

$
0
0

Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa la filayaa inay todobaadkan bilaabayaan garnaqa dacwad Xisbiga Ucid ee u dhaxaysay Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen iyo Cali Gurey. khilaafka u dhexeeya labada garab ee xisbiga ucid, Iyadoo ay hore uga garnaqay Gudida diiwaangalinta ururada siyaasadda kana soo saaray go,aamo ay ku jirto maslaxad lagu badbaadin karo burbur ku yimaada Xisbiga, madaama uu jiray Heshiis waafaqsan sharciga oo ay labada dhinac kala saxeexdeen iyo Go,aamadii kasoo baxay Kalfadhigii 5aad ee lagu doortay Musharaxiinta Madaxweyne iyo Ku Xigeen laguna ansixiyay Heshiisyada. Go,aanka Guddida ayuu Faysal cali Waraabe ka qaatay racfaan isagoo gabi ahaanba deedafeeyay Awoodaha Guddida sheegayna inaanay Sharci u lahayn inay Go,aan kazoo saarto khilaafka Xisbiga.

Hadaba dacwadan khilaafka Ucid ee ay gacanta ku hayso Maxkamadda Sare oo mudooyinkii u danbeeyay bulshadu somaliland ku amaanaysay inay dib usoo noolaysay Bahda garsoorka iyo Cadaalada kuna talaabsatay inay dadka ugu garnaqdo hab cadaalad ah. Sidaas darteed dacwadan labada garab ee Xisbiga Ucid ayaa ah khilaaf siyaasiya oo bulshadu si wayn isha ugu hayso go,aanada ay Maxkamada sare kasoo saari doonto iyadoo la raacayo cadaymaha Maqal iyo Muuqaalba leh ee lahyo. Waxana muuqda In Garabka Faysal Cali Waraabe aanu marnaba tixgelin heshiiskii Xisbiga Ucid kusoo baxay iyo go’aankii golaha dhexe ee xisbigu ku doortay Musharraxnimada Jamaal cali Xuseen, waxanu Faysal Cali Waraabe marar badan warbaahinta ka sheegay markii hore inuu musharraxa rasmiga ah ee Ucid uu yahay Jamaal, oo aanu ku qabsanayn mar danbe maadaama oo uu laba jeer dhacay, mar saddexaadna aanu u banaanayn, hase-yeeshee damac dhowaan ku dhashay uu ku dhaliyey Faysal inuu dafiro Musharraxnimada Jamaal iyo heshiiskii isbahaysi ee labada garab wada galeen, sidoo kale faysal Cali waraabe waxa uu si toos ah ugu xadgudbay hehsiiskii uu saxeexay iyo xeerkii Ucid isagoo si cad u sheegay inuu Xisbigiisa ka ololayn doonto, Musharaxiinta xisbiyada kalena codka siiya ku odhan doono taageerayaasha ucid. Talaabadan oo si cad uga soo horjeeda sharciga Faysalna uu gabi ahaanba ku waayi karo Xubinimada Xisbiga iskaba daa Gudoomiyenimo eh.

Hadaba Heshiiskan labada dhinac kala saxeexdeen ayaa ah marjaca qudha ee lagu kala saari karo khilaafkan u dhexeeya Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen oo ah Khilaaf Siyaasi ah oo bulshadu si wayn uga dhur sugayso, Hadaba hadii Maxkamada Sare ka baydho cadaymaha iyo Heshiiska cad ee horyaala. Waa nasiib daro hadii maanta cadaalad iyo Heshiiskii ay wada galeen lagu kala saari waayo Dadkii qarankan ugu sareeyay ee doonayay inay dalkan Xukumaan siday noqon doonaan bulshada inteedii kale heshiisyada ay wada galaan. Lama filayo inay wax ka duwan keento maxkamada sare, hadiiba ay ku talaabsato inay iska indho tirto Heshiisyadii iyo Go,aanadii Golaha Dhexe, waxay dalka dhaxal siin doontaa cawaaqib xumo keeni karta inaan dalka Doorasho ka dhicin. Waana talaabo lagu dhawaacayo Dimuqraadiyadii Somaliland iyo Nidaamka Xisbiyada Badan. Khilaafkan Ucid ayaa lagu qiimayn doonaa Cadaalada Maxkamada Sare laga sugayo inay noqoto mid dariiqa wanaagsan ugu garsoorta oo dadka kala badbaadisa iyo inay noqoto mid iska horkeenta Bulshada. Shacabka Somaliland ayaa si wayn ugu dhegtaagaya talaabada ay Maxkamada Sare kazoo saari doonto.

Dadka siyaasada falanqeeyaa waxay sheegayaan in kalsooni darada haysta Musharaxa Kulmiye uu qayb ka yahay Khilaafka iyo Dacwada, maadaama uu faysal si toosa ugu dhex milmay Xisbiga Kulmiye oo qayb ka ah dagaalka lagu wiifaqayo Musharax dhalinyarada ee Jamaal Cali Xuseen. Soomaalidaa ku maahmaaday “Gabadh garcatay kulankii hore ayay ku nabad gashay”. Haddii maanta taariikhda mar kale Faysal Cali Waraabe sameeyo tii uu UFO iyo halgankii ummadda ku dhigay, arrinta UCID waxay galaafan doontaa qaranka, ama kaadiriinta Kulmiye waxaanay abuuri doontaa kacdoon dhalinyaro, siiba deegaanka uu kasoo jeedo Jamaal Cali Xuseen oo galaafan doono heshiiska DUBAI Ports. Ilaahay baa caadil ah ee ma eegan karno dulmiga Muuse Biixi wado iyo Faysal Cali Waraabe oo Somali weyn wada. Haddii Jamaal loo hiilin waayo; meel halis ah ayeeynu ku soconaa. Gudoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali cid danbe oo magaciisa soo hadal qaadi doontaa ma jirto. Waxa la ogyahay in Aadan Xaaji Cali u yahay lataliye sharci ganacsadaha Maxamed Aw Siciid oo ah ragga halaaga iyo dulmigga ka wada dalka ee Muuse Biixi khasabka ku dhisaaya.

Ilaahay xaqa hayna tuso, dulmigana haynaga badbaadiyo

Qalinkii: Aqoonyahan Jaamac Maxamed Faarax

Falanqeeya Arimaha Bulshada

Awdal/Boorama.


Sir Culus; Maxaa Sababay In Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi Faafiyo Dacaayaddo ka dhan ah Gudoomiyaha Maxkamadda sare Prof. Aadan X. Cali, Dacwadda Khilaafka Ucid-na loo Xukumaayo Sida uu doonaayo oo Musharrax Jamaal Cali Xuseen Lagaga Reebo?.

$
0
0

Dhowaan ayey Maxkamadda sare ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dastuuriga ahi muddaysay dhegeysiga Dacwadda khilaafka Xisbiga Ucid inay guddo geli doonto Aaxadda todobaadkan 18-9-2017-ka Bishan, ayaa waxa soo ifbaxaaya Warar laga helaayo Gudoomiyaha xisbiga tallada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali waraabe oo isaggu hoggaaminaaya garabka Maxkamadda sare racfaanka u qaatay. kuwasoo Bulshadda ku dhex faafinaaya dacaayaddo ka dhan ah waaxda garsoorka ee dacwadda xisbiga Ucid gacanta ku haysaa, isla markaana marin habaabin iyo jaho-wareer ku ridaaya Taageerayaasha xisbiga ee Kalsoonida buuxda siiyey Maxkamaddaha dalka oo beryahan danbe tubta Cadaaladda si wanaagsan ugu taagnaa.

Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shaqsiyaad uu saaxib dhow la yahay ugu bushaareeyey inuu ku guuleysanaayo dacwadda xisbiga Ucid Saaxiibkii Faysal cali Waraabe, isagoo arrinkaa saldhig uga dhigay qorshe Xukuumaddu kala shaqaysay, isla markaana garabka Jamaal cali Xuseen si toos ah sharciga dalku uga eexanaayo, iyadoo sharciga dalka loo afduubaayo danaha Musharraxnimadiisa.

Sidoo kale, Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa todobaadkii lasoo dhaafay si dadban u baahiyey Warar ka dhan ah Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo sheegaayey in Xilka laga qaadi doono Abbaha Cadaaladda Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed oo muddadii uu xilka hayey Maxkamaddaha dalka ka dhigay kuwo lagu diirsaday Cadaaladooda, isla markaana laga rajeynaayo inuu cadaalad ku kala saaro dacwadan Siyaasiga ah ee Xisbiga Ucid, taasoo dhowaan ay guddidii Diiwaangelinta Ururadda iyo Asxaabta Siyaasaddu hore uga garnaqday, isla mar ahaantaana kasoo saartay Xukunkii ugu cadaali sanaa, oo ay u eegtay heshiiskii xisbiga Ucid kusoo baxay ee ay wada galeen labadii garab Udub oo u hoggaaminaayey Jamaal cali Xuseen iyo Faysal Cali waraabe, balse Xukunkaa badbadada Ucid waxan racfaan Maxkaamadda sare u qaatay Faysal Cali waraabe.

Si kastaba ha ahaatee, lama garanaayo sababta hoggaamiyaha xisbiga Kulmiye arrimaha noocan ah ka leeyahay, hase-yeeshee Bulshadda Somaliland iyo taageerayaasha Xisbiga Ucid ayaa si weyn isha ugu haya go’aanka Maxkamadda sare kasoo baxaa inuu noqdo mid badbaadiya xisbiga Qaran ee Ucid iyo inuu noqdo mid Burburiya.

W/Q

Cabdifataax Cali Faarax

Hargeysa/Somaliland
fataax4144@gmail.com

Waa gabay riwaayad ah oo u dhigan sidii sheekadii “Animal Farm” ama Beerta Xawaanka. Wuxu ka hadlaya tartankii ka dhacay doorashadii lagu qabtay Somaliland 1995 Ee……

Beesha Caalamka oo Qaaday Tallaabo Lagu Xayiraayo Socdaalka Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Qaarada Yurub

$
0
0

Hargeysa(Qaran-news)-Warar laga helaayo Ilo Diblumaasiyadeed oo u dhuundaloola Beesha Caalamka ayaa shaaca ka qaaday inay Safaaradda Ingiriiska ee dfadhigeedu yahay dalka Itoobiya hakisay Safar uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyo wafti uu hoggaaminaayo ku tagi laaheen dalka Ingiriiska iyo Jarmalka.

Tallaabadan Safaaraddu ku xayirtay Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo iyo Waftigiisa oo uu kamid yahay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inay salka ku hayso amar ay bixiyeen Beesha Caalamku, kaddib markii dhowaan uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo wareegto ku kala qaaday Doorashooyinkii isbarkanaa ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda oo Madaxweynuhu dalbaday in la kala qaado, isla markaana doorashadda Baarlamaanka dib loo dhigo.

Xayiraadan Beesha Caalamku saartay Safarkii Madaxweynaha Somaliland ku tagi laha dalka Ingiriiska iyo sidoo kale Waddanka Jarmalka ayaa tilmaamaysaa aargoosi diblumaasiyadeed oo beesha Caalamku kaga aar-gudanayso Xukuumadda Somaliland oo ka dhego adaygtay baaqyo faro badan oo ay ku dalbanayaan in doorashooyinka isku waqti ay dhacaan. Iyadoo tallaabadanu daba socoto kulankii doraad Madaxtooyadda ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo agaasimaha wasaaaradda arrimaha dibeda dalka Ingiriiska iyo sidoo kale Safiirka Ingiriiska Somaliland iyo soomaliya u fadhiya Adis-sababa, kuwasoo isku afgaran waayey kala qaadista labada doorash, waxanay Beesha Caalamku dalbatay inay isku waqti dhacaan, halka xukuumadduna ku adkeysatay in la kala qaado.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa galabta war murtiyeed ay soo saartay meel adag iska taagtay kala qaadis lagu sameeyo Doorashooyina Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda, waxanay sheegeen in aanay dib uga qaybqaadanayn oo dhaqaale ku bixinayn doorashooyinka Somaliland hadii la kala qaado labadan doorasho. Si kastaba ha ahaatee waxa muuqda inay beesha caalamku meel adag ka taagan tahay kala qaadista doorashooyinka isku sidkan ee la filaayo inay dhowaan ka dhacdo dalka, mana muuqato waanwaan hadda labada dhinac iskugu soo dhowaanayaan, hase-yeeshee waxa la filayaa inay Xukuumaddaa Somaliland ka tanaasusho kala qaadista labadan doorasho, iyadoo laga yaabo inay labada doorasho oo isku lamaani muddo dib u dhacaan.

Cabdicasiis Bashiir Nuur

Wasiirka Madaxtooyadda Iyo Kaadariyiinta Kulmiye Oo Dabada Ka Riixaya Olole Xisbiga UCID Loogu Xukumayo Faysal Cali Waraabe

$
0
0

Faro-galintan Maxamuud Xaashi Ayaa Kusoo Beegmaysa Xili Maalinta Axadda ay Furmayso Dhagaysiga Dacwada Xisbiga UCID

Hargeisa, September 17, 2016 (Haatuf) – Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo hogaanka sare ee xisbul-xaakimka Kulmiye ayaa dabada ka riixaya olole balaadhan oo xisbiga UCID loogu xukumo Faysal Cali Waraabe. Sida ay sheegeen ilo-wareedo u dhuundaloola Madaxtooyadu qorshahan ayuu qasdigiisu yahay sidii looga takhaluusi lahaa musharaxnimada madaxwaynenimo ee Jamaal Cali Xuseen oo ay xukuumadda iyo xisbigeedu-ba u arkaan inuu caqabad ku yahay guul ay ka gaadhaan doorashooyinka madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan.
Sidoo kale ilo-wareedadani waxay intaasi raaciyeen in culays badan ay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye-ba saareen Maxkamadda sare ee Somaliland ee iyadu ka garnaqaysa khilaafka xisbiga UCID, taas oo ay bulshadda Somaliland aad isha ugu hayso go’aanka ay ka qaadato dacwadaasi, taas oo ama sii xoojinaysa kalsoonida uu shacbigu ka qabo wakhtigan garsoor dalka ama shaki ka wayn kii hore looga qabay hay’adaha cadaaladda ku abuuri doona mujtamaca wadankan.
Dhinaca kale arrimahan ayaa kusoo beegmaya xili maalinta Axada ee 18-ka bishan ay maxkamadu dhagaysanayso dacwada xisbiga xisbiga UCID, taas oo sida la filayo isla todobaadka danbe soo saaraysa go’aanada kama danbaysta ah.

Regional workshop for Africa: Towards productive, sustainable and inclusive agriculture, forestry and fisheries in support to the 2030 Agenda for Sustainable Development

$
0
0
PRESS RELEASE
Regional workshop for Africa: Towards productive, sustainable and inclusive agriculture, forestry and fisheries in support to the 2030 Agenda for Sustainable Development
The objective of the workshop is to discuss how the principles for Sustainable Food and Agriculture can promote joint action to strengthen the contribution of agriculture, forestry and fisheries to sustainable development
Date: 19-21 September, 2016 Venue: Kigali Rwanda Background In September 2015, countries adopted the 2030 Agenda for Sustainable Development. This will shape their development programmes in a transformational way for the next 15 years. At the last FAO Regional Conference for Africa, held in Abidjan in April 2016, many delegates asked the organization to assist countries in their efforts to implement the 2030 Agenda in the field of agriculture, forestry and fisheries. The successful achievement of the SDGs is closely associated with countries being able to address sustainable development in a holistic and comprehensive way across sectors, and in their… Read more

SOURCE
Food and Agriculture Organization (FAO)

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>