Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Eritrea: 15 years later still no information on jailed senior politicians and independent journalists

$
0
0
PRESS RELEASE
Eritrea: 15 years later still no information on jailed senior politicians and independent journalists
The UN Special Rapporteur on the situation of human rights in Eritrea, Sheila B. Keetharuth, today called on the Eritrean Government to urgently provide information on the whereabouts and state of health of senior government officials and independent journalists arrested on 18 September 2001 and in the following days.   Fifteen years ago, the Eritrean authorities arrested and detained a group of senior cabinet ministers, members of parliament and independent journalists without charge or trial. To date, the Government has refused to share any information on their whereabouts and state of health. “The Eritrean Government has denied those arrested their… Read more

SOURCE
Office of the UN High Commissioner for Human Rights (OHCHR)v


Xildhibaan iyo Odayaal Reer Burco Ah Oo Ka Hadlay Dil Ka Dhacay Tuuladda Nasiye ,Maayirka Burco-na Dusha U Saaray.

Sawirka Todobaadka: Masuul sare oo ka tirsan Somaliland oo aqalkani dhisanaaya sanad wax ka yar oo uu shaqaynaayay

$
0
0
hargeysaaqal1 hargeysaaqal hargeysaaqal2

 

 

Magaca iyo xilka uu hayo shaqsiga aqalkani balaadhan oo ku baxayso lacag kor u dhaafysa 2 boqol oo kun oo doolar la soco dhawaan iyo sawiro kale oo dheeraad ah oo aanu idiinka soo wadno

Gef Haweenka Laga Galay!!

$
0
0


Waa hoyga kowaad ee lagu nasto laguna istareexo haweenku. Waa ubucda iyo adhaxda asaaseed ee lama huraanka u ah nolosha aadamaha. Waana hilinka ay ka abuuranto hanaanka horu-socod ee himillada raggu uu leeyahay. Haweenka la’aantood noloshu dhadhan macaan ma yeelate mana sameyso gabi ahaanteedba. Sida oo kalena hiilka, hareer istaaga iyo gubaabada haweenku waa waxa hirgaliya ee horumariya hadafkeenna, higsigeenna iyo himiladeenaba. Dharaar iyo habeen waxa ay haweenku u taagan yahiin taakulaynta nolosha ubadkeena, tiirinta iyo toosinta hawlaheena guud ahaaneed iyo kuwa gaar ahaaneedba. Dharaartii timaadaba waxa ay dhexda iyo dhabarka ay kaga jabeen , hufniinka, hagaajinta iyo habeynta hugeenna iyo hoygeenna. Haweenkeenna waxa dhiig yaraan ku ridday waa caruur dhalid, dhallaan korin, dheef karin, weel dhiqid, dhalaalin dharka, carfinta iyo cadaynta guriga aynu u hoyanno. Waxa intaas u dheer arimo aad u badan oo dhib iyo hagaardamo badan. Balse ogaan iyo ilowshiyo tay doonte ha ahaatee ma lama dhaadana dhacdooyinkaas aan galshada lahayn, ee sida dharaarta u cad ee ay haweenku ay qaranka iyo bulshadaba u hayaan, gaar ahaan ragga!

Haweenka Soomaaliyeed waxa ay haweenka kale ee dunida ay dheer yihiin hal-abuurnimo ah hawl karnimo, dhabar adayg iyo adkaysi badan oo ay u leeyihiin, dhibta iyo dhawaacyada aalaaba ka soo gaadha wacdaraha iyo waayaha aduunka, lagumana oga calaacal iyo cabasho toona ee waa kuwo waayahooda laabta ku haysta. Laga yaabaa hooyada Soomaaliyeed in iyada oo xanuun la heedadowsan oo xumad la xanaf wareeraysa, in aanay u joojinin dareenka xanuun ee haya, laakiin se ay u babac dhigto boogaha buka iyo oof wareenkaa haya iyada oo waliba hawsheeda u qabsata si habsami ah, xagga ay ragga qaar ay madaxa iyo mijaha ay duubaan, iyaga oo taah iyo tollay-da isku daraya, oo waliba ay xumad jabinta iyo iraabkuna u dheeryahay intaas.

Maanta haddii aad eegto gayiga ay Soomaalidu dagto, waxa aad arkaysaa hooyooyin badan oo buux dhaafiyay suuqyada iyo goobaha ganacsiga, iyaga oo u tafaxaytay una guntaday korinta, kobcinta iyo kaalmaynta ubadkooda iyo ta kale ee qoyskaba, iyaga oo itaal meelu dhigaba aan hawli ku yarayn inta karaankooda ah, ayaa hadana haweenka dhib iyo hagardaamo joogta ah la gaystaa!. Dhibtaasi ha ahaato af-lagaado,, waxyeelo, hujuun, hiif, hagardaamo iyo gacan ka hadal intaba waa ay isugu jiraan. Waa ay u dulqaataan una dhabar adeygaan dhibtaas joogta loogu hayo!

Ragga Soomaaliyeed intooda badani waa kuwo aan aqoon masuuliyadda qoysnimo. Waa kuwo aan aqoon abaalka sida loo gudo iyo sida loo galo toona, sababta oo ah, haddii cid loo abaar gudi lahaa, mahad celin lahaa , lana xidhiidhin lahaa marka laga yimaado waalidka waxa ku xigaa waa xaaska iyo cidda xigtada kuu ah oo la dhawro lana xidhiidhiyo. Cadhubinta iyo cadaadinta iyo calool adkaanta ragga qaarba a u yaqaan in ay tahay geesinnimo iyo ragannimo, halka ay dabacsanida iyo naxariista ay uga yaqaan doqonimo iyo daciifnimo. Waa yaab!!

Hadaba xaaskaaga oo aad u naxaariisataa, u mahad celisa, u dulqaataa, caawisaa, u dabacsanaataa ma doqonnimaa mise waa ragannimo? Hadii aay jawaabtu tahay waa doqonimo, waxaan leeyahay ” Raganimoow xaal qaado”. Dhaqanka Soomaalida ee raggu waligii waxa uu ahaa mid ku dhisan caadifad iyo iska celin ku foogan xagga haweenka. Horta yaa la caadifadaynaayaa waa iga su’aale? Adigaa sheegi!. Caadifadda iyo iska caabbinta (Iska-celinta) haweenku waa mid soo jireen ah ilaa ab iyo isir aan la garanayn hillaadda ay soo taxnayd. Taasi waa ta keentay in la qaado gar-cadaawe (gar eexo) oo aan loo kala hadhin, oo si toos ah oo aan gabasho lahayd laysugu habar wacdo waxyeellada iyo xajiimaynta lagu hayo haweenka Somaliyeed.

Waxa jira kumaanan hablood oo sida xoolaha oo kale la iibsaday oo laga duunyo qaatay iyagoo aan dookhooda iyo dareenkooda haba yaraatee aan wax laga waydiin . Waxa jira kumanaan hablood oo qasab lagu nikaaxay iyagoon raali ka ahayn. Waxa jira kuwa la dhabar garaacay. Waxa jira kumanaan hablood oo la yidhi waa Godob-reeb oo la siiyay nin aanay waligeed sheeko iyo shaahid toona ku arag kuna maqal. Waxa jira kumaan hablood oo gaarinimo iyo gobonimo uu Alle ku galaday, balse lagu tilmaamay inay yihiin Guri-bi’is sidaasna ku noqday garoob gabalkood uu dhacay. Si badheedh ah oo waadix ah ayaa danbiga dumarka loogu moosay dushana looga saaray. Bal u fiirso Maahmaahdan dhaqan gashay ee loo adeegsado ka been abuurashada haweenka; la-ye ( Wixii xunba Xaawaa leh). Kaagasii darane waxaad arkaysaa gabadh ay nin kala tageen oo danbiga iyo fidnadana dhakada loo saaray oo la leeyahay (wixii lagu soo furay ayay qabtaa).

Waxaan maqli jiray haweenkii hore haddii ay kab ka go’do ama neef dawaco ka cunto habeenkaas feedhaha ayaa digiigixaha ahaa, oo sida loo tumayo ayaa ay ninka gamcuhu daali jireen. Waa dhacdo dhibkeeda iyo dhiiladeeda leh taasina, waana dhaqamada u baahan in la tilmaamo in ay ka mid ahaayeen hidiyo dhaqankeeni hore Waayo; dadka qaar ayaa ku dooda (in dhaqankeenii hore uu ahaa mid 100% sax ah).

Fikir ahaan waxaan qabaa in haweenka Soomaalidu ay yihiin jawharado gobonimo iyo garashaba leh, balse ay la’ yihiin ciddii dhaqan lahayd. Waxaan kale oo aan aaminsanahay in haweenku aanay ahayn Malaa’ig laakiinse ay yihiin Bashar, sidaa daraadeed waa ay gafi karaan, hayeeshee waxa ay gudaan ayaa ka badan gefka ay galaan. Sidaa daraadeed waa in loo dulqaataa haweenka, hablaha iyo hooyooyinka Soomaaliyeedba si guud iyo si gaar ahaaneedba, sababtoo ah haweenku marna way ku dhaleen, marna way kula dhasheen marna way kuu dhaxeen, mar na waa aid dhashay. Waxa aanan horeyso iyo danbeetaba aan kusoo geba gabeynayaa oo aan leeyahay:-

Dumar waa mahuraanoo
Huga weeye dusheenoo
La hilmaami karayne
Ka Ilaali hantaaqo
Hanjaabidiyo cayda
Hamiigooda ka dhawra
Ha u gaysan waxyeelo
Hana hiifin naftooda

****

Hadal Ay Ka naxayso
Aflagaado hogseeda
Abidkaa ha sameynin
Hana yeelin dhibaato
Hagardaamiyo ciilka
Ka ilaali haraati
Ha hujuumin Nafteeda

***

Eray aad u hagaagsan
Oo Naxariisi hadhaysay
Naftu haakah tidhaahdo
Ha ahaato tiraabtu
Gaajo yayna haleelin
Ka ilaali haraadka
Kana biiya hamuunta

***

Naflay weeye haweene
Marku daalku haleelo
Haku eegina hawsha
Hareertuun ka bilaaboo
Ka fogeeya hantaaqoo
U hilaadiya khayrkoo
U ahaado halyeeyo

***

U bisleeya hoobaanta
U horseeda barwaaqo
Hogol rooble ahaada
Haydin hoos hadhsadaane
Hadhac geedle ahaada
Ka hiraabsha xareedda
U hadyeeya arwaaxda
U hanneeya quluubta
Waxkastood hibataanba
U dulqaata haweenka

Qalinkii: Sayid Maxamed Cumar
Oodweyne Somaliland
Awdaahir2050@Gmail.Com

Daawo Wasiirada arimaha gudaha iyo duulista iyo hawada oo maanta booqday goobahii colaadu ka dhcday dhegaystyana….

Is bedbedalka iyo gad’gadoonka madaxweyne Siilaanyo: Siilaanyo, wuxuu sannadihii 2008, 2009 ahaa nin aad uga soo horjeeda waxa loogu yeedho “Muddo kordhin

$
0
0

SiilaanyoAASCalisUGULE
Hargeysa,(Qaran-news)-Isbedelada iyo gad-gadoonka waayaha siyaasadeed ee Somaliland ayaa u muuqda inuu hadba ku soo noqonayo halkii uu hore uga hayaamay ee ay shacabku filayeen inaan dib loogu soo noqon doonin.

Mawduuca muddo kordhinta ayaa ahaa kii ugu xaasaasinaa ee xilligii uu talada dalka hayay Daahir Rayaale, dhawr goor sababay mudaharaado khasaare keenay, ka dib markii ay mucaaradkii wakhtigaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo horkacayay diideen muddo kordhin.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sannadihii 2008, 2009 ahaa nin aad uga soo horjeeda waxa loogu yeedho “Muddo kordhin.”, waxaanu golaha guurtida ku canaanan jiray inay muddo kordhin aan sharciyad lagu salayn u sameeyaan Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisa, isagoo soo bandhigi jiray khasaaraha ay muddo kordhintu ku hayso Somaliland.

Sidoo kale wuxuu geesta kale Axmed siilaanyo baaqyo u diri jiray beesha caalamka oo uu ka dalban jiray inay culaysyo soo saaraan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, si uu ugu soo noqdo jidkii dimuqraadiyadda.

September 24, 2009, wuxuu Axmed Siilaanyo oo uu weheliyay guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, goor habeenimo ah soo wada saareen baaq qaylo dhaan ah oo la xidhiidha muddo kordhin ay guurtidu wakhtigaas u qorshaynayeen in loo sameeyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Axmed iyo Faysal, waxa ay shacabka ugu baaqeen inay isugu soo baxaan mudaharaad salmi ah oo isugu yimaadaan xarunta golaha guurtida hortiisa, iyagoo geesta kalena baaqyo u diray beesha caalamka.

Bayaankaas Axmed iyo Faysal ay soo saareen waxay iyagoo beesha caalamka la hadlaya ku yidhaahdeen sidan “Sidoo kale, waxaanu ku wargelinaynaa beesha caalamka ee daneeya Somaliland iyo wadamada aynu saaxiibka nahay ee deriska ah, muddadana ku hawlanaa xal-u-helida khilaafyada siyaasadeed iyo kuwa sharciyeed ee dalka ka jira in xukuumadda Riyaale ay hortaagan tahay dedaalkii iyo gunaanadkii iyo soo ururintii qodobada saldhiga u noqonaya heshiis waara oo dhex mara saddexda Xisbi Qaran, una horseeda qabsoomidda doorasho xor oo xalaal ah.”

Axmed Siilaanyo oo shirka jaraa’id ee bayaankaas laga akhriyay ka hadlayaa wuxuu yidhi

“Madaxweynuhu wuxuu maanta qasbay Golaha Guurtida qayb ka mid ah oo uu doonayay inay u kordhiyaan..Waxaanu doonaynaa inay umaddu isu-soo-baxdo oo ay diido, sidii ay horeba u diidi jirtay oo ay Golaha Guurtida isugu hor yimaadaan.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Axmed-Siilaanyo.”

Haddaba, maanta waxa taladii Somaliland haya Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu golaha guurtida saaka horgaynayaa muddo kordhin uu ka dalbanayo in loo sameeyo golaha wakiilada si loo kala qaado labada doorasho ee madaxtooyada iyo baarlamaanka.

Geesta kale, waxa iyaguna shalay bayaan soo saaray dalalkii beesha caalamka ee uu ka dalban jiray inay Daahir Rayaale culays saaraan. Waxay dalalkan oo Somaliland taageeraa Madaxweynaha ka codsanayaan inuu joojiyo muddo kordhinta oo uu wakhtigooda ku qabto doorashada baarlamaanka.

Shacabka Somaliland waxa la gudboon inay doortaan hoggaamiye mudakar ah oo ay imtixaan adag ka qaadeen iskana dhaafaan inay siyaasiyiinta ku doortaan hadalada ay codka ku raadinayaan iyo haybta guud ee ay la wadaagaan.

Somaliland waxa ay u baahantahay siyaasi hore u socod leh oo hal baarkeed ka halacsada siyaasadda Geeska Afrika islamarkaana aan ku tallo qaadan dareenada ee ku tallo qaata hoggaamin iyo tallo urursi.

Geeska

Somaliland’s Sovereignty – Why Professor Woodward is Wrong to Advise Caution

$
0
0

AhmedMaxamedCigaal
There was an article which appeared in the Australian journal “THE CONVERSATION” on 9th September 2016 titled “Somaliland wants to secede – here’s why caution is necessary” penned by Peter Robert Woodward, Emeritus Professor of Politics and International Relations, University of Reading. Both the Professor’s impressive academic credentials and the equally impressive list of partners and funders of THE CONVERSATION (i.e. The Commonwealth Scientific & Industrial Research Organisation [ CSIRO], various Australian universities, Victoria State Government, Commonwealth Bank of Australia et al) attach a certain weight and credibility to the piece as evidenced by the fact that it has been reprinted by various news outlets within and outside Africa as a learned op-ed on Somaliland’s quest for international recognition of its sovereignty.
Professor Woodward’s piece, as is evident from the title, seeks to outline the principal reasons that the international community should view Somaliland’s recovery of its nationhood negatively. This is his opinion and he certainly has every right to voice it – that is not the issue. What is at issue, however, is the veracity, logic and consistency of the arguments he presents to support this opinion, and this piece seeks to critically examine these factors. The first issue to examine regarding the piece lies in the title itself, i.e. the statement “Somaliland wants to secede…”.
The simple fact is that Somaliland recovered its nationhood in 1991 when the Somali National Movement (SNM) evicted the Somali National Army from its territory and a national conference of the clan elders of all the clans represented in that country declared the recovery of Somaliland’s sovereignty and simultaneously the union with the ex-UN Trust Territory to the south (i.e. Somalia) null and void. This decision was ratified in a public referendum in 2001 wherein the Constitution of Somaliland, which has the reinstatement of the country’s sovereignty as its first article, was affirmed by 97% of the voters. In addition, no government or other authority in Somalia, legal or clandestine, has exercised any power or control over Somaliland territory since the eviction of the dictator’s army in 1991.
Thus, the first statement in the title – that Somaliland wants to secede – is factually incorrect since Somaliland has dissolved its union with Somalia de facto and de jure. This is not a mere debating point, but a critical foundation for the arguments put forward in the piece regarding the advisability of the proposed secession. The fact that Somaliland has been an independent, functioning state in control over its territory and population; with representative government (both local and national); with separation of powers between legislature, executive and judiciary for over a quarter of a century somewhat gives the lie to the phrase “wants to”. Somaliland has established peace, reconciliation and representative government for its overwhelmingly young population, the vast majority of which have never known union with Somalia, and in fact view such an eventuality with outright hostility.
The second fallacy in the title is contained in the word “secede”. Secede, with respect to political usage of the term, usually references the withdrawal of a territory or region from a nation-state of which it has always formed an integral part. It is not commonly used with respect to independent, legal entities that agreed to unite to form a new nation-state. For example, the short-lived United Arab Republic (UAR), formed by the union of Egypt and Syria in 1958 was dissolved when Syria withdrew from the union and reasserted its sovereignty in 1961. This withdrawal of Syria from the ill-fated union with Egypt was not seen as a secession, but as a reassertion or recovery by Syria of its national status. Also, the recent referendum in Scotland was not characterised as one on Scottish secession, but as one on Scottish independence in recognition of the fact that Scotland was an independent nation before it voluntarily united with Britain to form the Kingdom of Great Britain in 1707.
Somaliland, like the examples of Syria and Scotland with respect to the UAR and the Kingdom of Great Britain respectively, voluntarily united with ex-UN Trust Territory of Somalia on 1st July 1960 (when the said territory gained its independence) to form the Republic of Somalia. The State of Somaliland had gained its independence from Britain some five days earlier on 26th June 1960, and had been recognised by the UN and some 35 countries including Britain, USA, Egypt and Saudi Arabia. To delve further into the history of the region, the British Somaliland Protectorate was established as a politico-legal entity in 1888 with the signature of treaties of protection between the Somali clans inhabiting the territory defined in the said treaties and Great Britain, while Italian Somaliland was established with similar treaties of protection between Italy and the Sultanates of Hobyo and Majerteen in 1888 and 1889 respectively. In 1908, Italy enacted a basic law to unite all of the parts of southern Somalia into an area called “Somalia Italiana” and the Italian colony of Somalia was established, whereas in Somaliland the treaty of protection remained in force with minimal British interference in Somali domestic matters, under the colonial doctrine of ‘indirect rule’, until independence in 1960.
Thirdly, the piece misstates the principle underlying the objection of the AU and its predecessor, the Organisation of African Unity (OAU), to secessions from member states as follows.
“The most frequently heard argument against secession is that granting the right to one country invites others to take the same step….This, the argument goes, would put at risk the internationally recognised system of post-colonial states in Africa.”
In point of fact, the issue of the territorial integrity of the nation-states of modern Africa, which were determined by European colonial rulers based upon factors which had nothing whatsoever to do with the imperatives or wishes of the African inhabitants of the continent, was debated in the early 1960s immediately after the creation of the OAU. It was proposed that national borders be redrawn to accommodate ethnic, tribal and linguistic affiliations, which were ignored by the colonial boundaries, and so create more culturally homogenous (and therefore more politically stable – it was assumed) nation-states. After much debate, this proposal was rejected in favour of retaining the existing colonial borders in order to avoid interminable and wasteful political turmoil as fractious and competing claims for sovereignty based upon tribal, ethnic and linguistic affiliations were presented and disputed. Thus, was established the OAU/AU principle of the inviolability of the colonial borders.
What Professor Woodward, and many others, fail to realise in their simplistic analysis of Somaliland’s case for independence is that Somaliland is in fact applying this AU principle of the inviolability of the colonial borders, since these very borders divided the Somali people among five political territories: the British Somaliland Protectorate (Somaliland), the Italian Colony of Somalia (Somalia), French Somaliland (present-day Djibouti), the Somali Province of Ethiopia (present-day 5th Province of the Ethiopian Federation) and the NFD (present-day North Eastern Province of Kenya). The fact is that there was no Somali Republic until Somaliland and Somalia, as two independent countries, chose to unite in what was envisaged as the first step towards the creation of Greater Somalia which would include all the above-mentioned five territories. In addition, there are serious legal deficiencies with respect to the union of the two countries which further buttress Somaliland’s reassertion of its sovereignty and weaken the position of those that maintain the validity the failed union.
Somaliland united with Somalia through an Act of Union which simply merged the legislatures of the two countries to create the Somali Republic on 1st July 1960 – the day the ex-Italian colony obtained its independence from the United Nations on whose behalf Italy had been administering the country. The Act of Union was to be ratified by a new constitution to evidence the new Republic and adopted through a nationwide plebiscite encompassing both Somaliland and Somalia. The new constitution was put to a vote in July 1961, and it was ratified by large majority in the ex-UN Trust Territory, but was rejected by an equally solid majority in the ex-British Protectorate, due to dissatisfaction over the terms of the union in the Protectorate. Thus, the Act of Union was never ratified by the people of Somaliland, effectively rendering the Act of Union ultra vires. No remedy to this gaping hole in the legal establishment of the Somali Republic was ever subsequently attempted, leaving many legal scholars and Somalilanders to question the legality and validity of the union itself.
Fourthly, the piece makes much of the problem of border disputes between the new state and the country from which it “seceded” as a negative factor, citing the examples of Abyei in South Sudan and Badme in Eritrea. A glaring error here is that the piece states that
“In 1988 there was an issue over Badme, a small town near the Ethiopian border which Eritrea claimed was theirs.”
In fact, the border war between Ethiopia and Eritrea over Badme was in 1998 and not 1988. The fact that the piece then goes on to equate this “dispute” with the 1977/78 war between Ethiopia and Somalia over the Somali-populated eastern 5th Province of Ethiopia leads one to conclude that this is not simply a typographical error, but contains a fundamental misreading of these two wars. The former is a dispute between two belligerent states over a border town that both sides claim – there is no ethnic conflict underlying the dispute since the people which inhabit not only Badme but the region within which it is located are ethnic Tigray which are represented in both countries.
It is also a fact that the border between Eritrea and Ethiopia is documented, as are nearly all other African borders, through reference to colonial maps which laid out the respective possessions or territorial protections of the European imperial powers. Thus, after the International Court of Justice at The Hague adjudicated on the war (ruling that Eritrea started the border war) the Eritrea–Ethiopia Boundary Commission, a body founded by the UN, ruled that Badme belongs to Eritrea in 2002.
By contrast, the Somalia-Ethiopia War of 1977/78 is an ethnic, religious and cultural dispute which had endured over centuries (at least since the time of Ahmed Gurey in the 15th century), and in which imperial politics played a prominent role in the modern era as Britain ceded this Somali-populated territory to Haile Selassie in 1948 in recognition of his support against fascist Italy during World War II. Also, the 1977/78 war between Ethiopia and Somalia predated the re-establishment of Somaliland’s sovereignty by some thirteen years, so the relevance of this war to Somaliland’s recovery of its nationhood is a mystery that the piece doesn’t even deign to establish. The fact is that Somaliland has never claimed any portion of Ethiopia’s 5th Province and in fact relations between Somaliland and Ethiopia are very close, with Ethiopia extending to Somaliland the status of an independent country, albeit unofficially, and allows it to maintain an “embassy” in Addis Ababa.
Finally, the piece argues that the economies of Eritrea and South Sudan have suffered greatly because of their separation from Ethiopia and Sudan respectively, and thus intimates a similar fate for Somaliland. The fact is that both these new states have suffered economically not because of their separation, but because of self-inflicted wounds which their erstwhile rulers (and new friends) have exacerbated, if not encouraged outright. In the case of Eritrea, the ELF/EPLF government that came into power to popular acclaim after independence, chose a path of regional belligerence, domestic autocracy and international isolation instead of economic development and representative government. In the case of South Sudan, after the untimely death of the unifying and charismatic figure of John Garang, the ruling, political elite of the new country devolved into competing gangs for the economic spoils of office which have divided along tribal lines between President Kiir and Vice-President Machar. This descent into tribal warfare which has condemned the tired and destitute population of that country to murder, mayhem and despair has been fomented and manipulated for gain by neighbouring countries (including Sudan) and nefarious, corporate interests including international oil companies, mining & mineral companies and arms suppliers, not to mention foreign powers.
By contrast, the piece makes no mention of the fact that Somaliland has established a vibrant and growing economy with no foreign investment and very little in foreign aid. This has been achieved due largely to two principal engines of growth – remittances and investment from a large diaspora which is estimated at around US$600-700 million per annum; and livestock exports to the Arabian Gulf (principally Saudi Arabia) which generate around US$250-300 million per annum. This lack of foreign aid and international debt has forced the Somaliland Government to maintain relatively tight fiscal control due to low tax revenues, while private sector investment in all sectors, i.e. industry, trade and services, has flourished. It is interesting to note that Somaliland’s status as an unrecognised country has necessitated public sector frugality coupled with a vibrant and creatively entrepreneurial private sector that some observers cite as a potentially alternative model for economic development.
In conclusion, and with all deference to Professor Woodward, one has to conclude that his piece contributes little to a learned examination of the “secessions” of Eritrea and South Sudan, while his admonitions for caution with respect to Somaliland’s quest for international recognition for the recovery of its sovereignty are based upon little or no knowledge of the country’s history, the merits of its case for international recognition or its achievements during the last quarter century.
It is important to point out that independence (or “secession” in Professor Woodward’s formulation) is never “granted” as he posits, but rather is won by people seeking self-determination. The people of Somaliland undertook and successfully fought a decade-long War of Independence against the largest standing army in tropical Africa; they endured a calculated and well documented campaign of genocide by the Siyad Barre’s military dictatorship; and they established peace and reconciliation in their war-ravaged and devastated country after recovering their sovereignty.
During the last 25 years, they have patiently rebuilt their lives and their country as the world ignored them and their achievements to shower untold billions upon the warlords and carpetbaggers that claim to lead successive “governments” in Mogadishu which are not only established in foreign capitals, but have to be maintained in their own capital by foreign forces. The people of Somaliland have regained their nationhood and they will never surrender it again – that is a simple, irrefutable fact – the question is when the world will accept this reality and enable them to contribute to the solutions for ending the conflicts of their region and the uplifting of its peoples.

Ahmed M.I. Egal
egality@gmail.com

September 2016

Somaliland: Wafti culus oo ka socda dalka Maraykanka oo dalka u imanaaya

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-news)-Warar xogogaal ah oo ay Shabakada Caalamiga ah ee Qarannews heshay ayaa sheegaya in maalinta beri ah ee 18/09/2016 ay Jamhuuriyada Somaliland ku soo fool leeyihiin wafti culus oo ka socda Dawlada Maraykanka kuwaasoo u imanaya sidii ay xukuumada Siilaanyo ugu tirtirsiin lahaayeen inaanay marnaba raali ka noqon doonin go’aanka xukuumada Siilaanyo ku kala qaadayso doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ee isku sidkanaa loona qoondeeyay inay Dalka ka qabsoomaan Bisha Maarso ee inaga soo foolka leh dabayaaqadeeda.

Sidoo kale wararkan oo aanu ka helnay ilo ku dhawdhaw Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegaya in waftigan oo xidhiidh lasoo sameeyay Wasiirka si ay balan uga samaystaan inay arkaan Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo sheegay in Maraykanku kusoo rogayo xayiraad dhinaca socdaalka ah xubnaha ugu sareeya xukuumada Siilaanyo iyo Xisbigeeda Kulmiye haddii aanay ka noqon go’aanka ay ku kala qaadayso labada doorasho.

Waxaynu ka warqabnaa in saddex cisho ka hor kulan dhexmaray xukuumada Siilaanyo iyo wafti ka socday Dawlada Ingiriiska oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Dibedda ee dalka Ingiriiska Mudane Simon McDonald iyo Safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Marwo Harriet Mathews, shirkaas oo lagu kala kacay ka dib markii xukuumada Siilaanyo ku adkaysatay go’aankeeda oo dalalka deeq bixiyayaashu si wayn uga biyo diideen, iyagoo isla maalintii ku xigtayna si wadajir ah u soo saaray warqad ay si adag ugu muujiyeen mawqifkoodaas diidma ah islamarkaasna ku sheegeen sumcad darada iyo cawaaqib xumada uu arrinkani ku yeelanayo geedisocodkii dimoqraadiyada iyo ictiraaf raadinta.

Xukuumada Siilaanyo ayaa danihii Qaranka Somaliland ee dhibta badan loo soo maray u burburinaysa dano shakhsiyaad ama kooxo gaar ahi leeyihiin, iyagoon wax dan ah habayaraatee aan ka lahayn jiritaanka iyo sumcada Qaranimo.

Qarannews


Wasiirka madaxtooyada xabsiga u taxaabay muwaadin aragtidiisa ka dhiibtay maamul xumada dalka haysta

$
0
0

Wasiirka madaxtooyada xabsiga u taxaabay muwaadin aragtigiisa ka dhiibtay maamul xumada dalka haysta

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamud xaashi ayaa maalintii khamistii xabsiga u taxaabay muwaadin aragtidiisa ka dhiibtay maamul xumada xukumada siilaanyo mawaadinka oo lagu magacaabo Engineer Saleban Siciid Cumar oo ka mid aqoonyahan dalka fikirkiisa ugu xidhan muddo sadex cisho ah xarunta dambi baadhista Somalilad ee loo yaqaan ( C.I.D) taas oo la sheegay inuu amarka wasiirka madaxtooyada u mawaadinkani ugu xidhay yahay taas oo ehelada iyo asxaabta ku booqatay xarunta uu ku xidhan yahay mawaadinku uu sheegay in wasiirku ka biyo diiday maqaalo hore u qoray Engineer Saleban Siciid Cumar oo ku saabsanaa arinta wareejinta dekada Berbera iyo deegaanka degmada Laasgeel , ma ah markii ugu horeeysay inuu wasiirka madaxtooyadu u xidho mawaadin aragtidiisa ka dhiibtay maamul xumada xukumada Siilanyo waxa u hore xabsiga ugu taxaabay abwaan Siciid Maxamed Gahayr oo ka mid bahda qalinlayda iyo fanka Somaliland,

Waxaana ugu baaqay bahda saxafada iyo qalinlayda inaan marnaba hanjabada iyo cago juglaynta u la soo baxay wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamud xaashi aan marnaba kagga gaban xaquuqda u dastuurkeenu inoo baneeyey inuu qofku dhiiban karo aragtidiisa iyo dhaliilsha kolba jirta ,

Waxaana marlabaada canbaaraynayaa xadhiga xaq darada ah u wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamud xaashi kula kacay labada mawaadin waxaana leedahay xadhigu marnaba noqonmaayo xal balse waxa haboon inay xukumadu qaato dhaliisha ay shacab tilmaamaya ,sidoo kale waa inuu si dhakhso leh xoriyadooda gu soo celiyaa mawaadinta u sida xaqdarada u xidhay ee Saleban siciid cumar .

Rashid axmed ismacil (rashto)

Somaliland cadow aan xukuumada joogta ahayn malaha

$
0
0

Muxuu ictiraaf ku heli wadanka Silaanyo madaxweyne ka yahay ee Amina Weris marwada kowaad ka tahay ee Zamzam wasiirka maaliyada u tahay ee Maxamoud Xaashi wasiirka madaxtooyada ka yahay ee Morgan safiir ku sheega emaaaraatka ka yahay. Dadkaa kor xusani waxay dowlad nimada u yaqaanaan hantida qaranka oo la xaraasho iyo xoolaha ummada oo canka laga buuxsado. Maalin kumay fikirin wadanka iyo dadka wax u qabta. Deeq bixiya yaashii ayaa ku dawakhay oo ah kuwii ictiraafka inaga caawin lahaa. Sababta qudha ee Golaha wakiilada mudada loogu kordhinayaa waxa weeye si ay dano gaara oo madaxtooyadu leeday isu hortaagaan marka madaxweyne kale yimaado. Markaa way ka baxsantay qaran nimo iyo sumcad iyo wanaag ee waa dan dad gaari leeyiin baa wadankii dhamaa laga fulinayaa. waxaan se shaki ku jirin in mudo aan dheerayn la arki doono iyagoo intaa ka itaal daran oo xaaraantu ku wada qaraxday oo cusbitaalada aduunka ay kolba mid u cararayaan oo waxay dalka ka xadeen dawo iyo dhac kaga wada baxday. iinkaba qaar ka mida dadka madaxtooyada jooga ayaa la sheegayaa qaar ka mid ihi inay caafimaad daro haysato oo ay durba silcayaan.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

Suldaan Xasan haduu aniga i taageersanyahay waa suldaan Habar Awal Ah Haduu Jamaal Taageersanyahayna Ma Aha Suldaan Habar Awal

$
0
0

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa wali gacanta kula jira hurinta dagaal dhiig ku daato oo ka dhex holca Qoyska Saldanada Subeyr Awal haya,kadib markii uu u qabsoomi waayay Suldaanka guud ee Subeyr Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan qoyska sandanada guud haya ayaa u sheegay dhaman beelaha habar awal iyo somalilandba inaan hanaan Dhaqan loo marin arinkaaas uu ahaana dhacdadii ugu xumayd abid ee dhaqanka somaliland soo martay muuse biixina ku suntanyhay

ceebtan intaas leeg oon waligiina ka hadhayn aano aan la ilaabina ku noqon doonta .Wiilkaasi oo qoyska Reer Garaad boon ku sheegeen inuu shaqo tagay ee aan saldanada sidaasi loogu ciyaari karin.

Waxaa uu Muuse Biixi shalay eidii la arkayey isaga oo u yeedhay suldaan isku sheega uu caleemo saartay isagy ee waraabe u taaga ah al islana qaatay inu isagu yahay Suldaanka Guud ee Subeyr Awal,waxaanay taasi mar kale Muujisay sida uu Muuse Biixi aanu wali uga tanaasulin Mindiyihii uu iskugu lisay ee uu iskugu dhiibayay Qoyska Reer Suldaan.

Waxa dhawaaan la sugayaa inuu Hargeysa Yimaado Suldaanka Guud ee Subeyr Awal Suldaan Cabdirisaaq Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan si uu si rasmi ah Cumaamada Suldanada Guud ee Subeyr Awal ugu wareejiyo Suldaan Xasan oo ku meel gaadh ahaan u haya.

Wxa kale oo la filayaa in qoyska sandanada subeer awal haya ee degaan ahaana degta galbeedka hargeisa degmada farawayne ilaa harta sheikh ahmed boon in ay shir balaadhan oo ay kaga tashanayan arinkan aan geedka lagu soo gaban ee sharaftiii ay lahaayen dhulka la gashay cadeeyaana mowqifkooda ku aadan arinkan muuse biixi iyo dadkii ka soo shaqeeyey arinkana ay runta u sheegan

Arintan oo samayn ku yeelan doonta musharaxnimada muuse biixi

Muuse biixi ayaa ilaa haatan cadey arintan halka uu ka taagan yahay
Ta kale reeraha uu codka ka rabo ayaa inta badan ku xujeeya aaway xidhaahagii ama suldaankaagii halka qaar kalena ay dhahaan nin aan suldaankiisaba wadan sideynu caruurteena ugu aaminaa ama cod u siinaaa
Arintan ayuu uuna muuse ka fikirin saameynta ay ku yeelan doonto mustaqbalkiisa siyaasadeed

Muuse ayaa waxa uu u arkay suldaan hasan nin khatar ku ah hankiisa madaxtinimo isla markana la ogaa halkiii uu suldaan xasan kala soo dhex baxay muuse biixi dadkuna odhan jireen suldaan xasan inaderkii muuse raacay

Khatartan uu muuse saadalsadey ayaa aheyd in uu suldaan xasan jamaal cali xuusenba suldaan u yahay kaana raaci kara markii xasan iska badal oo waxay la eekaatay agaasime la iska badalo taas oo uu inanka yar ee socod baradka ah u yagleelay in uu caleemo saaro halkee lagu arkay suldaan guud oo hotel yar oo dumar iyo caruur sacabka ka tumataan ha lagu badalo sandalad ka dhaxeysa subeer awal oo dhan oo 350 jirsatey ceeb ka weynayd may jirin arinkaas muusena wxey ku noqotay laf dhuun gashay oo uu ha hadhsan kari waayey meel kasto uu tagana laga hor imaad

Ta kale waxa la yaab leh shalay muuse biixi odayaal iyo salaadiin ayuu ku xidhxidhayey waqooyiga hargeisa isla markaana uu suldaan xasan ugu soo gabadey dagaal buu ka ridaya waqooyiga hargeisa ayaa la arkayey muuse oo isla laftigiisu ka hadlayey arinkaas isaga oo leh musharaxna waan ahay shalayna dhahayey suldaan xasan cod buu igaga ciyaaraya gobalada awdal maantana isagii dhex dabaashay

Muusow hadad sidan ugu hadlaysid qadiyada waqooyiga maxaad shalay salaadiinta ugu eedaynaysay kuwo lid ku ah siyaasadaada se qolloyinkan reer awdal ee qaylinaya mxd iyaga u eedan weday

W/Q

Ahmed abdi osman
Uk.birmingham
aa0935968@gmail.com

Muddo Kordhintii Barlamaanka

$
0
0

Shalay golaha wakiilada aya ansixiyay go’aankii madaxtooyadda ku salaysna mudoo kordhinta golaha wakilada laba sanno oo kale ,iyadoo laba jir hore loo moodeayay kuraasta ay ku fadhiyaan xildhibaanaddo, waxayna ansixintaasu muujiysay ayaan darada haysata dalkan iyo xildhibaanadda oo damacooda kaleya yahay mushaharkaas ay qaaataan !iyadoo la dooran laha musharaxiin ka duwan kuwa maanta jooga. muddo Toban sanadood iyaga oo joogay oo aan xataa xeerkii doorashada wakiilada ee iyaga khuseeyay aan dhamaystirin aya kalifay in muddada loo kordhiyo iyado wakhti dheer ay haystayn xildhibaanadu soona dajin lahaayeen xeer walba anfaca qabashadda doorashadda barlamaankeena. Waxana ugu daran xildhibaanda mucaariidka sheegta oo u codeyaya muddo kordhinta taasna nuqsaan u tahay shegashada mucaarid nimadooda. Ayaan daro weeye qaskan imika wadadiisa loo marayna waa muddo kordhin loo samayn doono madaxtooyadda laba sanno oo danbe 2019!. Khasaaro weeye dal laga qaban karin doorasho xor iyo xalaal ah oo keeni kara khal khal iyo colad oo ay sabab u ahaan doonaan siyaasiyiin ku heshiyaa xuquuuqda muwaadiniinta dalkan.

By Mukhtar Cilmi

mukhtarcilmi@hotmail.com

Daawo/Akhri:-Xisbiga Waddani Oo Mawqif Adag Ka Istaagay Muddo Kordhinta Wakiilada+ Taageeray Go’aankii Ay Beesha Caalamku Ka Istaagtay Muddo Kordhinta Doorashooyinka

$
0
0

Kulan saaka ay wada-yeesheen madaxda,hoggaanka iyo guddida fulinta Xisbiga WADDANI, ayaa waxa laga soo saaray War-Murtiyeed ku saabsan Mawqifka Xisbiga WADDANI ee dib-u-dhaca Doorashada Wakiilada Somaliland, waxaana sidoo kale si aada looggu taageeray go’aankii ay beesha caalamku ka soo saartay Muddo Kordhinta Arrimaha Doorashooyinka Somaliland.

Hoos ka Daawo/Akhri, War-Murtiyeedka

War-murtiyeed
Maanta oo taariikhdu tahay 18 September waxa uu Xisbiga Waddani shir ku qabsaday hotel maansoor kaasoo ay kasoo qaybgaleen hoggaankasare iyo guddiga fulinta, shirkaas oo lagaga arinsanayey guud ahaan xaaladda dalka iyo gaar ahaan wareegtadii madaxweynaha ee kala qaadista doorashada golaha wakiilada iyo ta madaxtooyada iyo mawqifka uu xisbiga waddani ee wareegtadaas.
Mawqifka xisbiga.
1. Saddexda Xisbi qaran waxay madaxwaynaha kalsooni buuxda ku siiyeen xallinta saami qaybsiga golaha wakiiladda waxaanay u ballan qaadeen in ay ku raaci doonaan go’aan kasta oo uu xal u arko oo uu kasoo saaro saluugga gobolada dalka iyo saami qaybsiga kuraasta golaha wakiladda, maaddaama ay tahay waajibaadka xukuumadda.

2. Xisbiga Waddani wuxu cambaaraynayaa isla markaana u arkaa sharci darro nuxurka qoraalka Madaxweynuhu u gudbiyey golaha baarlamaanka ee ku saabsan kala qaadista labada doorasho (wakilada & Madaxtooyada), iyadoo hawsha doorashada loo igmahday Gudiga Doorashooyinka Qaranka.

3. Xisbiga waddani wuxu ayidsan yahay g’oaankii Maxkamadda Dastuuriga ahi ka soo saartay wada qabashada labada doorasho oo ah in ay qabsoonto 28/3/2017.

4. Xisbiga Waddani wuxu ayidsan yahay go’aankii ay ku caddeeyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranku in ay diyaar u yihiin qabsoomida labada doorasho muddadii loo cayimay oo ah 28/03/2017.

5. Xisbiga Wadani wuxu xasuusinayaa MW Axmed Maxamed Siilaanyo in uu qaato go’aan la mid ah kii uu qaatay Mudane Daahir Riyaale Kaahin ee suurto gal ka dhigay qabsoomiddii doorashada golaha wakiiladda ee qabsoontay 2005.

6. Xisbiga waddani wuxu taageersan yahay si weynna u ayidayaa baaqii beesha caalamka iyo taageerayaasha doorashooyinka Somaaliland ay ka soo saareen wareegtada qayrul sharciga ah oo aanu aaminsanhay in madaxaynaha la hoosdhigay.

7. Xisbiga waddani wuxu u taagan yahay badbaadada qarnimada Somaliland waxaanu ka soo horjeedaa wax kasta oo lagu carqaladaynayo qabsoomidda doorashooyinka oo ina dhaxal siin kara burbur aan laga soo kaban Karin.

8. Xisbiga waddani wuxu ugu baaqayaa shacabka Somaliland ilaalinta wadajirka ilaalinta nabadgelyada iyo badbaadinta qaranimada Somaliland.

ALLAAH MAHADLEH

XISBIGA WADDANI

Tacsi Ku Socota Qoyskii,Qaraabadii, Iyo Eheladii Uu Ka Baxay Marxuum Cismaan Hindi

$
0
0
Dhamaan shaqaalaha iyo hawl wadeenada shabakada caalamiga ah ee qarannews, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii,qaraabadii iyo eheladii uu ka baxay marxuum Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingriiska. Marxuumka oo ahaa shaqsi qaali ku ahaa agtada iyo dhamaan umadda reer Somalilandnba waxa aanu Ilahay uga baryaynaa... Read more »

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo aad uga hadlay codayntii shalay ee golaha wakiilada iyo………

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-news)-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa ku baaqay in shacabka loo damaanad qaado inaan dib loo dhigayn doorashada madaxtooyada, waxaanu cambaareeyay qaabkii uu guddoomiye-xigeenka wakiilada Baashe Maxamed Faarax shalay u hoggaamiyay fadhigii wakiilada ee lagaga hadlayay kala qaadista labada doorasho oo ah dalab uu Madaxweyne Siilaanyo golaha u soo gudbiyay.

Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada oo shir gudoominaayey Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa ka dhashay buuq iyo sawaxan keenay in Xildhibaanada qaar is af dhaafan oo gacanta iskula tagi gaadhan,waxaana murankan keenay wareegtadii uu Madaxweynuhu ku dalbaday in muddo kordhin loo sameeyo Golahan si saami qaybsiga xal loogu helo, waxaana Xildhibaanada qaar ka biyo diideen qodobo Madaxweynuhu ku soo lifaaqay wareegtadiisan.

Kal-fadhigan oo ay goob joog ka ahaayeen 59 Xildhibaan ayaa 52 Xildhibaan ogolaadeen wareegtada Madaxweynaha, Shan Xildhibaan baa diiday, laba Xildhibaana way ka aamusay.

Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde iyo Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa iyagu sharci daro ku tilmaamay qodobo uu Madaxweynuhu soo raaciyey wareegtadiisa uu ku dalbanayo in Doorashada Wakiilada dib loo dhigo.

Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde ayaana isaga oo arintan ka hadlaya yidhi “Xeerkii oo dhan baa laga leexday, Digreetadu waa afar bog, afar bogna Xildhibaanada waa loo qaybiyaa, 48-saacadood ayaa la siiyaa oo la yidhaahda soo akhriya, waxa uu ahaa af duub loo badheedhay, sida aad arkayseen cod qaadisna maanan sameeyn gacan taagna maanaan sameeyn, codkiina waanu ogolanaay, laakiin se Digreetadan waxa ku qoran oo dhani anaga nama khuseeyaan, inuu Guddi u saaro in halkan looga codeeyo maaha, inuu Maxkamadda u diro in halkan looga codeeyo maaha, inuu keeno in Gobolada qaar ka tixgeliyo inuu halkan keeno maaha, halkan waxa looga codeeynayaa waar Doorashadii wakhtigeedii ku qabsoomi mayso saami qaybsigii lama dhamayn karee labadii Doorasho ha la kala qaado, waa intaas oo waad arkayseen Guddoomiyuhu markii aanu u soo jeedinay waxa loo codeeynayaa waa maxay si sax ah ayuu ugu dhawaaqay, wuxuu yidhi labadii Doorasho lama qaban karo ee iyadoo sababahaas Madaxweynuhu sheegay ay jiraan haddana waxaan ognahay, labadii Doorasho ha la kala qaado tii Madaxweynuhu wakhtigeedii ha ku dhacdo, tii baa loo codeeyey waxa uu ka daba keenayna waad arkayseen, wuxuu yidhi Digreetada Madaxweynaha oo isku dhan oo qodobadan aararta ah oo wax alaale wax naga khuseeya aanay jirin in Maxkamad loo daro iyo in Guddi loo saari iyo in saamiyada Gobolada qaar la tixgeliyo Golahan ma khuseeyso,Golahan waxa khuseeya oo qudha labadii Doorasho ma kala qaadna mise sideedii baanu ku daynaa, marka waa wax laga soo shaqeyey, oo isagii baa is burinaya, ma jecli in aan Guddoomiyaha la murmo, waa in aan ixtiraamo oo waa nin aanu saaxibo nahay, su’aasha waanu weydiinay, ee sida uu uga jawaabay kuma adkaysan imikana waxaan leeyahay waxa Golaha ka baxaya ha noqoto kala qaadista, kala qaadistaas oo lafteedu shuruudii ku xidhan tahay”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde mar uu ka hadlayey hadalo hore uga dhacay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ayaa yidhi “Xukuumadda iyo Madaxweynuhu kontan jeer wey ka badan tahay inta jeer ee meelo fagaare ah ay ka yidhaahdeen Doorashadu dib u dhici mayso oo wakhtigeedii baanu ku qabanaynaa, anagu kamaanu yeedhsiin cid kalena kamay yeedhsiin, iyagaa intay fikireen oo lafa gureen gartay, waxay haddana garteen inay buriyaan iyagii wixii ay meel walba ka sheegeen laba beenood qolo tidhi waanu is dhaarsanaynaa oo aynu heshiino,nin baa yidhi dhaar haddii awalkeeda iyo akhirkeeda martaan waa walaahi engag ah oo idin aamini mayno, meeshi walaahi engag baa ka muuqda, nimankii dhaartay ee yidhi Doorashada waanu qabanaynaa, maantan tan bay ka tageen, ayaa damaanad qaadaya waxa halkaas ka socda waad arkaysaan ee baritana in aanay iman doonin Doorashadii Madaxweynaha wax baa u dhiman oo maanta Golihii sidu u dhaqmayo waad arkaysaan ee yaa damaanad qaadaya, balamihii hore iyo dhaarihii hore walaalhi angag ayey noqdeen, Xukuumadda labatanka jeer ama sodonka jeer balanqaaday in Doorashadu maalin dib u dhici doonin ee maanta tan keentay, ayaa damaanad qaadaya in baritana aanay ta kalena ku xigin, maxa Shacabkan u damaanad ah, maxa Golahan u damaanad ah,su’aasha meesha taala weeye”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Siday tan maanta ugu dhiiradeen ee sida yar ee fudud Golaha u marsiiyeen ee laga soo shaqeyey, ee waliba looga soo shaqeyey sidii looga soo shaqeyey heshiiskii DP, farsamada lafteedii baa looga soo shaqeeyey yaa aaminaya oo dhaarta ku qancaya in aanay mar dambe dhici doonin, su’aasha dadka u taala waa taas, anagu wixii duruufi keento ma diidanin oo waa Kiniinkaas qadhaadh oo waa la liqayaa, laakiin se in mid ka sii qadhaadhi soo socdo, oo la yidhaahdo biyo la’aan ku liqa yaa damaanad qaadaya,nin weyn oo dhaartay oo dhaartii ka baxay waa geed qolofi ka dhacday, anagu waxaanu leenahay ha la is daba qabto, shacbigan, dalkan iyo dadkan damaanad xoog ah ha la siiyo in Doorashada Madaxtooyaduna aanay dib u dhici doonin, sidaas yar ee fudud ee maanta tan looga talaabsaday ee looga soo shaqeeyey yaan Doorashada Madaxtooyada looga talaabsan”.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Waxay ahayd Madaxweynuhu inuu keeno kala saarista labada Doorasho oo kaliya, may ahayn inuu galo oo uu Digreediisa ku soo lifaaqo waxyaabo aan loo baahnayn, iyo Guddiba, tusaale ahaan dadka laga tirada badan yahay iyo haweenku waa arin u baahan in Dastuurka la furo, oo wixii ay xagga u leeyihiin Dastuurka lagu xuso, sida muuqatana Madaxweynuhu wuxuu eedd dusha ka saaray Shirgudoonka Golaha Wakiilada, balse waxa cad oo marag madoon ah in Xukuumaddiisu ku fashilantay, oo Maxkamadu waxay xukuntay in Doorashadii 2005 qaabkii loogu galayey in aan lagu galin Doorashada Wakiilada, markaas hadda lix sanno ayuu dalka Madaxweyne ka ahaa ee muxuu xal uga gaadhi waayey waxna uga qaban waayey, waxaan leeyahay wax kale ayaa ku jira ee bal yaanay Doorashada Madaxtooyadu wakhtigeeda dhaafin”

Geeska


Daawo: Taliye Ku Xigeenka Xarunta Tababar Ee Madheera oo Aas Qaran Loogu Semeeyay Burco

Fadeexad: Faysal oo Maxkamadda kaga Hor Fashilmay Warqad Been Abuur ah oo u Foojeri-gareeyey Saxeexa Xoghayaha golaha dhexe

$
0
0

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ku fashilmay qorshe uu awooddiisa kaga maroorsanaayey xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga Ucid Md. Xasan Cismaan (Sabce) kasoo been abuurad Cad ku sameeyey magaciisii, isla markaana la horyimi fadhigii Maanta ee Maxkamadda sare ku dhegeysanaysay qareenadiisa iyo kuwa garabka Musharraxa jamaal cali xuseen hoggaaminaayo.
Haddaba fadhigii Maanta ee Maxkamada sare oo ay hoggaaminayeen dhamaan 11-ka garsoore ee maxkamadda ayey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ku qabteen Warqad Foojeri ah oo uu been abuurtay xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga Ucid Xasan sabce. Warqadaas oo ahayd mid aanu awood u lahayn Faysal Cali waraabe inuu usoo gudbiyo maxkamadda ayuu weliba gudbiska waxaba kaga sii darnaa markii Maxkamadda sare qareenada u doodayey garabka jamaal u gudbiyeen Warqadaas gudoomiyaha maxkamadda sare si ay u aqoonsadaan magacyadda Liiska golaha dhexe ee uu horgeeyey faysal cali waraabe iyo dadka uu soo gudbiyey Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.
Arrin taasoo markii ay qareenada garabka jamaal cali xuseen gacanta ku dhigeen warqada faysal cali waraabe golaha dhexe kaga been abuurtay, isla markiiba u gudbiyeen xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga Xasan Cismaan sabce, kasoo soo bandhigay inaanu warqadaas qorin, isla markaana laga been abuurtay magaciisa iyo saxeexiisa.
Waxanu halkaa ka sheegay xoghaye Sabce maxkamadda horteeda inaanu warqadaasi qorin, isla markaana wax aanu ku saxeexnayni ay yihiin qayrul sharci, iyadoo uu isku dayey faysal inuu aflagaadeeyo xoghayaha isagoo ku sheegay Kariini.
Hase-yeeshee waxa isna dhayda ka Cadeeyey warqadaas Faysal cali waraabe Maxkamadda usoo gudbiyey inay tahay qayrul sharci La Foojeriyey, musharraxa Madaxweynaha xisbiga Ucid Jamaal Cali xuseen, Kaasoo garsoorayaasha u tilmaamay qodobada xeerka Ucid ee awooda u siiyey xoghayah golaha dhexe ee xisbiga Ucid.
Waxana Warqadda Foojeriga ahayd Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku sameeyey xoghayaha Ucid, tallaabaddaasoo fadeexad laf jab ku noqotay racfaanle Faysal cali waraabe kala kulmay halkaa, iyadoo warqadiina ay dhinac iskaga leexisay Maxkamaddu.

Hoodo Abdi Maxamed

Wasiir Maxauud Xaashi oo Hore Uga dhega Adaygay Nabdeynta Collada Degaanka Celefweyn Oo Caawa Guura Gal Ku Tagay .

$
0
0

Burco(Qaran-news)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay weheliyin xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumada ayaa,caawa guura gal ku gaadhi doona magaalada Celefweyn ee ka tirsan gobolka Sanaag.
Wasiirkan ayaa la sheegay inuu muhiimada safarkiisu la xidhiidho inuu ka qaybqaato nabadeynta shaqaaqadii ka dhacday degaanka celefweyn ee beelaha walaalaha halkaasi ku dhex martay dhowaan.
Shaqaaqada ka dhacday degaankaas oo haatan laga joogo mudo bil iyo dheeraada ,ayaa lagu eedeenayay inuu wasiir Maxamuud xaashi ka mid yahay dadka dabada ka hurinayay islamarkaana ka dhego adaygay qaylo dhaantii ka soo yeedhayay degaankaas balse hada wararku waxay sheegayaan in wasiirku markuu ka war helay in ergooyin kala duwan oo gaadhaya ilaa boqol qof oo isugu jira madaxdhaqameed,waxgarad iyo culimo ay gaadheen celefweyn ay ku keliftay inuu orod guura gala ku gaadho magaalada Celefweyn.

Lama oga waxa wasiirku mudada dheer ee collaadani taagnayd,qaylodhaankuna soo gaadhayay waxa uu dhegaha uga furaystay iyo sababta uu xiligan tagay,waxaana dad badani shaki ka muujiyeen safarkiisa,kuna tilmaameen mid shaki weyn dhlaiyay.
haseyeeshee socdaalka wasiir maxamuud ma waxa uu noqondoona mid xeelad qarsoon ku jirto mise mid xakamo nabadeed noqon doona.

Talo : Shaqodoon ma tahay, shaqaale ma tahay , loo shaqeeyana ma tahay Q2’aad

$
0
0

Waxaan sii wadi doonaa maqaalkeenii aan kaga hadlyaya shaqadoonka, shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha , waxaanan soo qaadan doonaa
Mawduuca ah
2.00: Shaqaalaha
Shaqaaluhu waa lafdhabarta shaqo kasta, waana soo saarayaasha waxkasta oo loo baahan yahay . Shaqo kastaa horumarkeedu wuxuu ku xidhan yahay shaqaalaha iyo siday u shaqeeyaan, runtii waxa jira shaqaale baddan oo horumar ka sameeya meeshii ay ka shaqeeyaanba , sidoo kale waxa jira shaqaale baddan oo khasaare ka geysta meeshii ay ka shaqeeyaanba.
Sidaa awgeed noqo qof markasta faa,ido u soo kordhiya meelaha aad ka shaqaynaysid maxaa yeelay haddii aad noqotid qof qasaariya oo hoos u dhiga shaqadii natiijadu waxay noqonaysaa in shaqadda lagaa eryo ama shaqaddaba xidhanto, haddii aad shaqo wanaag iyo hawlkarnim la soo gashid shaqada natiijadu waxay noqon doontaa dalacsiin iyo kordhin mushahar iyo abaal marinba.
Qofkastaa shaqo wuu helayaa se qofkastaa shaqadiisa si fudud ayuu ku waayi karaa, sida shaqo loo helaa waa ay adag tahay se haddana sida shaqo lagaaga eryaa waa mid aad u fudud.
Haddii aad shaqaale tahay waxa lagama maarmaan ah in aad noqotid mid xirfad buuxda leh, oo maalinta aad shaqadda bilawdid aad noqotid qof shaqadiisa wixii ka dhiman baranaya, wax ka sareeyana baranaya, qofka shaqaalaha ahi maaha inuu halkiisa taagnaado, waa inuu is badal shaqo oo xoogan la yimaaddaa , adigoo xirfado kala duwan iyo aqoon kala duwan baranaya , sidoo kalana wakhtigiina ka faa,ideysana shaqadaadana ilaashanaya. Shaqadu waa nolol waana halka maanta qofka uu noloshiisa ka bilaabo ama uu noloshiisa ka dhisi karo.
Iyadoo aynu ognahay in shaqaaluhu yahay halbawlaha shaqada , sidoo kalena yahay muraayadda shaqada ,ayaa waxa looga baahan yahay masuuliyad culus oo gaara , shaqadu ha yaraato ama ha badnaato qofkasta masuuliyad shaqo ayaa saaraan , haddaba si shaqadu u wanaaagsanaato shaqaale kasta waxa looga baahan yahay qodobaddan hoose :-
Fahanka sharciga iyo heshiiska shaqadda: Marka aad shaqaale tahay waxa inta baddan la galaa heshiis shaqo ,sidaa awgeed waxa waajiba inaad heshiiska shaqada aad fahantid kana doodid wixii shuruuda ee aanad raali ka ahayn si aanad mar dhaw u caban, sidoo kalana aad wixii ka dhiman aad ku darsatid haddii ay suuro gal tahay ka dibna aad ku ganacdid raalina ka noqotid.
SHaqo wanaag : in heshiiska ka dib shaqadaadu noqoto mid aad u saraysa oo aad u wanaagsan.
Fikirka iyo hawlkarnimadda: -Inaad noqotid qof ka fikiraya shaqadda iyo horumarkeeda sidoo kalana aad noqotid qof shaqo jecel oo hawl kasta diyaar u ah inuu qabto sidoo kalana talo ka dhiibta wixii muhiima horumarinta shaqadda.
Diyaar garaw shaqo: in markast aad u diyaar garawdid shaqadaada iyo wixii hawla ee iman doona ama yaala.
Shaqo bilaabis: in aad shaqadaada bilawdid wakhtigeeda 15 daqiiqo ka hor si aan habsan u iman.
Dhamaystir: In aad markasta maanka ku haysay wixii hawla ee kuu yaalay iska dhamaystir oo aanad dib u dhigan.
Warbixinta: in subax kasta aad warbixin shaqo bixisid , wixii cilada ee shaqada aad sheegtid , wixii dhiba ee aad aragtay ee shaqadda joojinaya aad gudbisid taasi waa badbaada shaqadaada iyo adigaba.
Fulinta iyo raali galinta maamulka: – inaad fulisid awaamiirta maamulka sare uu ku siiyay ee shaqadda ku saabsan, sidoo kalana aad maamulka ku raali galisid wixii qabsoomi waayay adiga oo sababteeda sheegaya ama cudur daar.
Daacadnimo: inaad si daacada u shaqaysid ee aanad u shaqayn baqashada maamulka iyo madaxa shaqaalaha , sidoo kale aad markasta shaqadaada u noqotid daacad waxkasta oo aad qabanaysid aad si cadaalada iyo daacadnimo ah aad ku qabatid.
Jajabnaan: in aad shaqadda u qabatid si jajabnaan ah oo degdeg caadiya ah, adoon waxna xumaynayn waxna ka tagayn se kolba baahida shaqada eegaya , waxkastood qabanaysid ama aad soo saaraysidna si tayaysan oo cilmiyaysan u soo saaraya ama u qabanaya.

Ixtiraamka iyo Niyad wanaaga: markasta muuji ixtiraam shaqo hadday shaqaale tahay, macmiil tahay ama maamul tahayba, una shaqee si niyad ah oo ku shaqee daacadnimo.
Qanaca shaqada :- haddii aanad shaqadda ku ganacsanayn halkaa waxa imanaya shaqo xumo, markaa markasta ku ganacsanaw shaqadaada waad saxeexdaya oo bilawday , waddanka maanta shaqo la,aantu heer adag ayay maraysaa markaa ha lagaa dareemo ganac shaqo , haddii aanad shaqadda ku ganacsanayn shaqadu waa ay xumaanaysaa hoosna waa ay u dhacaysaa sidaa awgeed haddii aanad shaqadda ku ganacsanayn u gudbi maamulka shaqadda iyo shaqaalaha una sheeg wixii jira haddii kale waxaad noqon doonta qof shaqadiina dayacay , cidna aanay u ogayn oo marka uu maamul arko naxa si degdegana wax u qabta markaa ku ganacsanaw shaqadaada markasta oo aad adigu aqbashay.

Raali galinta : markasta oo aad shaqaale tahay isku day inaad raali galisid cida loo shaqaynayo, cida lala shaqaynayo iyo cida loo adeegayaba si adna lagugu farxo.
Balwadaha qaadka iyo sigaarka: haddii aad shaqaale tahay waxa mamnuuc ah in aad meeshaad ka shaqaynaysid ku dhex cabtid sigaar ama aad ku dhex qayshid, iska jir oo ka feejignaw inaad ka waantawdid ama aad iska joojisid waxkasta oo shaqadda foolxumo ku ah sida qaadka ama sigaarka I.W.M , sidoo kale isku day in aad naftaada wixii dhibayaba iska dayside oo aad waxsan ku badalatid.
Nadaafada: Haddii aad shaqaale tahay ka adkaw nadaafadda naftaada iyo goobta aad ka shaqaynaysidba si goobta iyo qofka shaqaynayaaba u noqdaan meel nadaafadaysan oo nadiif ah.
SHarciga shaqadda: Noqo qof u hogaansan sharciga shaqadda ilaalinayana dhamaan sharciga shaqadda.
Horumarinta: Noqo qof horumar ka sameeya goobta uu ka shaqaynayo, dadaal ka muuqdo, han shaqo iyo han shaqsiyadeedba leh, isla jeerkaana ah qof markasta u taagan horumarinta shaqadda uu hayo.
Sinaanta:Haddii aad shaqaale tahay u sinaw shaqaalaha, u sinaw macmiisha iyo cida loo adeegayo sidoo kalana u sinaw cidkasta oo aad shaqo u haysid.
Feejigni: Noqo qof feejigan una feejigan shaqada, sidoo kalena isha ku haya cida uu u shaqaynayo wakhtiga ay soo galaan iyo wakhtiga ay baxaanba.
Mahadnaqa: Baro mahadnaqa markasta una mahadnaq Alla sidoo kalana u mahadnaq cida aad ushaqaynaysid iyo cida aad la shaqaynaysidba.
Nidaamka : Noqo qof markasta ilaaliya nidaamka shaqadda sida quruxda shaqadda. Qurxi oo qaabee halka aad ka shaqaynaysid.
Qodobadaan aan kor ku soo sheegay haddii aad ku dadaashid waxaad heli doontaa abaal marinta shaqaalaha, waxaanad noqon doonta qof qiimo ku dhex leh goobaha shaqadda oo la dareemo marka uu meesha ka tago, waxaad noqon doontaa qof la jecel yahay oo la karaameeyo mustaqbalkana la gaadhsiiyo heer aad u sareeya.
SHAQAALUHU MAXAY SHAQADDA KU WAAYI KARAAN
——————————————————————-
⦁ Dayaca shaqadda
⦁ Qasaaraha joogtadda ah
⦁ Amar diidada joogtadda ah
⦁ Shaqo xumadda
⦁ Xatooyadda
⦁ Beenta
⦁ Nadaafad xumadda
⦁ Iska fadhiga addoo shaqo kuu taalo
⦁ Xanta shaqaalaha, maamulka iyo macmiishaba
⦁ Qabyaaladda iyo kala qaybinta shaqaalaha
⦁ Muranka shaqaalaha iyo isku dirkaba sidoo kale muranka maamulka iyo macmiisha
⦁ Maqnaanshaha bilaa fasaxa ah.
⦁ Iska bixista iyaddoo shaqo socoto ama aanad fasax qaadan
⦁ Dhaleecayn joogtaa iyo dagaalkaba waa lagugu eryi karaa
⦁ Dhaleecayn iyo caajis
⦁ Hadal badni iyo jeedinta shaqaalaha
⦁ Ku hadalka telefoonka wakhtiyadda shaqadu socoto oo aad joogtaysid
⦁ War-wareeg goobaha aanad ka shaqayn
Contact
Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)
Mobile: 063-4400319
Email: farxaanmxd@gmail.com
Post number RP 201 Article
Social Activists’
ADEEGE U ADEEGA DADKA IYO DALKABA.

BERBERA
La soco qaybaha dambe………………………………………………..

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo dhaliil u soo jeediyay bulshda caalmka shegayna in doorshada xiliga la qabnaayo aanay iyaga khusayn ee ay u taalo xisbigooda talada haya

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-news)- Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye isla markaasina ah musharaxa jagada madaxweynaha ee xisbigaasi ayaa si cad uga jawaabay qoraal ay beesha caalamku u gudbisay xukumadda Somaliland oo lagu xusay in bulshada caalamku ay ka soo hor jeedo doorashooyinka la kala qaaday ee Somaliland, taasi doodoorashadii golaha wakiilada uu madaxweyne Siilaanyo dib ugu riixay mudo hal sano ah, taasi oo bulshada caalmka ku noqotay naxdin iyo af kala qaad.

Hadaba gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa si quudhsi ah oo aan taxadir lahayn arintaasi uga jawaabay, waxna uu xusay in ayna arintani khusaynin beesha caalmka oo ay tahay arin u taala xukumadda Siilaanyo iyo xisbiga uu ka tirsanyahay, waxna uu xusay in aanu talada arintani aanu cidkale u daba fadhiisanyin

Bulshada caalmka ayaa malaayiin doolarku bixisay qabsoomida doorashooyinka Somaliland, waxna doorashooyinkani hore loo dhigay mudo dhowr jeer ah, waxna sidoo kale ay dalalkani uu Muuse Biixi u jawaabayaa ay dalka galiyaan sanad walba malaayiin doolar iyaga oo dib u dhiska iyo horu marinta Somaliland u sameeyay saynduuq gaar ah oo ay ku bixiyaan sanad walba lacag xad dhaaf ah, taasi oo ay wax balaadhan ka qabtaan arimaha caafimaadka,waxbarashada,beeraha wadooyinka dib u dhiska iyo hirgalinta dhismayaal cusub oo dawladu ku hawl gasho, waxna aan bilihii ina soo dhaafay arkaynay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo la socda madaxweyne Siilaanyooo xadhko ka jaraaya wadooyin ay hirgaliyeen bulshada caalmka siiba dalalka hada uu sida qalfsan ugu jawaabaayo gudoomiye Muuse Biixi Cabdi

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>