Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Siyaasi reer Saaxila oo eedo culculus ku miisay Xukumada Muuse Biixi


Siyaasi Cabdillaahi Dahab oo shaaciyey in Xukumada Siilanyo iibisay isguul ka mid ah Isguuladii ugu horeeyay ee hargeysa laga dhisay

Sababta Ka Dambaysa Guusha Imtixaanka Ee Dugsiyada Nuuraddiin: Gorfayn iyo Guubaabo!

$
0
0

Sababta Ka Dambaysa Guusha Imtixaanka Ee Dugsiyada Nuuraddiin: Gorfayn iyo Guubaabo!

“Sababma ayuu Noradin sannad walba ugu guulaystaa kaalmaha sare?” Weydiintan waxa Facebook nagula wadaagay saaxiibkay Akram CabdalaCabdalla. Waa su’aal mug leh, waxaanay ila noqotay in aan si waafi ah uga warceliyo.

Muddo sannad (2011-2012) ah oo aan macallin ka ahaa dusgiyada Nuuraddiin, waxa ii suurtogashay in aan si dhab ah u ogaado sababta ka dambaysa guusha joogtada ah ee ay ardayda Nuuraddiin ka gaadhaan imtixaannada qaranka. Wixii intaas ka horreeyay madaw ayaa igaga jiray sababta keenta in ay gu’ walba ku gacan sarreeyaan garoonnada loollanka ee jirrabka (imtixaanka) qaranka ee fasallada afraad ee dusgiga sare iyo fasallada 8aad ee dugsiga dhexe.

Guusha joogtada ah, waxa sabab u ah:
1. Waxa uu qaataa arday ka soo baxday dugsiyada oo aqoon ahaan dhisanaa. Ma urursado dad uu suuqa ka soo qarameeyay
2. Sannad walba waxa ay ardaydiisu galaan saddex imtixaan.
3. Ilaalada heerka dugsi ee imtixaannadu waa ay ka adag tahay ta heer qaran
4. Waxa uu ardayda ku barbaariyaa isku kalsoonaanta iyo qish la’aanta
5. Ardayda ku gudbi weyda imtixaannada heerka dugsi, waxa laga joojyaa sii-wadista waxbarashada, waana la beddelaa
6. Waxa ardayda maalin walba la siiyaa inta ay ugu yar yihiin toddoba xiisadood ama lix xiisadood
7. Ardayda waxa loo dhammaystiraa manhajka waxbarashada
8. Nuuraddiin waxa uu shaqaalaysiiyaa macallimiin uu ku xushay aqoon, gudbin iyo dhaqan-wanaag. Bareyaasha kuma doorto qaraaba-kiil, qof-jeclaysi iyo weji-garasho
9. Waxa uu ardayda ku dhiirrigeliyaa inay aqoonta ku tartamaan. Abaal-marin ayaa la siiyaa ardayda hoggaanka u qabata fasalladooda
10. Waxa uu ubadka ku barbaariyaa anshax iyo asluub, taas oo kobcisa waxbarashadooda
11. Ardayda u fadhiisanaysa imtixaannada qaranka, waxa uu dugsigu ka kabaa oo uu siiyaa xiisado dheeraad ah. Xiisado dheeraad ah ayaa lagu fahansiiyaa meel kasta oo iftiimin u baahan.
12. Ardayda waxa lagu carbiyaa laylisyo adag oo ka caawiya inay ku hafto-baxaan ama la qabsadaan hannaanka imtixaannada looga shaqeeyo
13. Waa dugsiga keliya ee muddo dheer (2002-2016) lahaa buugaag raadraac ah oo ku qotoma manhajka dugsiyada sare ee Somaliland, ka hor intii aan buugaagta dugsiga sare si rasmi ah loo daabicin 2016ka.

Kaalinta ay dugsiyadaasi buuxiyeen ayaa ka mug weyn in ay qof iyo laba saluugaan geeddigooda. Iyada oo la ii fili karo in aanan qiri karin sababta ay ardaydiisu sannad walba ugu guulaystaan dhibcaha sare, haddana ka masuugi maayo inaan caddeeyo in ay yihiin nal u baxaya ummadda Somaliland. Hirgelinta himilada ay dugsiyadani u taagan yihiin kama dhigi karo hal bacaad lagu lisay, hawsha intaas le’egna kuma hafri karo wax aan habboonayn.

Sawirka la socda qoraalkani waa shahaado-dharaf aanu siinnay maamulaha guud ee Dusgiyada Nuuraddiin sannadkii 2009ka, iyada oo Maansoor loogu dabbaal-dego guul uu gu’gaas dusgigu ka soo hooyay imtixaannadii qaranka.
Ugu dambayntii waxa aan hambalyo u dirayaa guud ahaan ardayda iyo dugsiyada kaalmaha sare ka galay imtixaannadii heerka qaran ee natiijadooda laga shaaciyay magaalada Hargeysa. Hambalyo ayaan leeyahay.

Image may contain: 2 people, suit
No automatic alt text available.
 Siciid maxamuud Gahayr

War-weyn:Mujaahid Axmed Mire oo si mug & Milge leh loogu soo dhaweeyay Ceerigaabo

Shirkii Lagu Heshiisiinayay Orormada iyo Somalida Itoobiya oo Ka Dhacay Magaalada Diridhaba

Dad Shiciba oo Qoyska Madaxtooyada Muuse Biixi Boob & Barakicin ku hayo+Digniino ay u direen…..

Xog Xasaasiya: Maxaa ka dhaxeeya DP World iyo Yahuuda+Arrin xasaasi ah oo la kashifay

$
0
0

Xog Xasaasiya: Maxaa ka dhaxeeya DP World iyo Yahuuda+Arrin xasaasi ah oo la kashifay

Mas’uul sare oo Imaaradka Carabta ka tirsan ayaa bishii Agoosto Israel u aaday sidii uu ugala xaajoon lahaa xidhidhka ganacsi ee labadooda dal ka dhexeeya, sidaas waxaa werinaya qaar ka mid ah warbaahinta Bariga Dhexe.

Ilo diiday in la xuso ayaa u sheegay webka Arabii21 in Sultan Axmed bin Suleyem, maareeyaha shirkadda Dekeddaha ee ay dowladdu leedahay ee DP World, in uu booqday magaalada Tel-Aviv, si uu sare ugu qaado xidhiidhka ka dhaxeeya shirkadda DP iyo Israel.

Sida laga soo xiganayo turjumadda ay sameysay shabakada Middle East Eye, kulanka waxaa qaban qaabiyey Michael Vaknin, madaxa dhaqaalaha shirkadda JP Morgan Investment Bank, dadka ka qeygalay kulanka waxaa ka mid ahaa sidoo kale madaxa canshuuraha Israel.

Sida la wariyey, DP World waxa ay xidhiidh xooggan la leedahay shirkadda maraakiibta Israel, Zim Integrated Shipping Services Ltd iyo shirkado kale oo ay Israel leedahay.

Israel waxa ay si rasmi ah xafiisyo ganacsi uga furatay Cumaan iyo Qadar kuwaas oo markii dambe la xidhay laakiin dowladda Yahuudda waligeed xidhiidh rasmi ah lama lahayn Imaaraadka Carabta sanadkan ka hor inta la ogyahay.

Dhowaan ayay ahayd markii Jeneral sare oo haysta ciidamada Imaaraadka uu sidoo kale booqday Israel, ayada Imaaraadka ay tababar ku saabsan sida loo duuliyo diyaaradaha dagaalka ee F-35 ka baranayaan Yahuudda.

Madaxweynaha Kililka 5aad  Mustaf Omar Cagjar muxuu ka aminsan yahay dagaalkii 1977-kii+Xoggo xasaasiya oo uu soo bandhigay

$
0
0

Madaxweynaha Kililka 5aad  Mustaf Omar Cagjar muxuu ka aminsan yahay dagaalkii 1977-kii?

 

Madaxweynaha Soomaali Galbeed Muftafe Cumar Cagjar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka uga hadlay waxa uu ka aaminsan yahay halgankii dhulkaas Soomaaliyeed loo galay.

Soomaali Galbeed oo ah dhul uu guumeystihii Ingiriiska u gacan galiyey Itoobiya ayey Soomaalida u gashay dagaal badan oo ay isaga rideysay heeriyada guumeystaha madaw.

Dhinaca kale dowladihii Soomaaliya ka hanaqaaday guumeysigii kaddib ayaa iyana dadaal ku bixiyey sidii ay ku xorreyn lahaayeen dhulka Soomaaliyeed ee ku jira gacanta guumeystaha

Waxaa xusid mudan dagaalkii 1977 ee ay Soomaaliya ku qabsatay gebi’ahaanba dhulka Soomaali Galbeed kahor inta aan xoog looga soo saarin kaddib markii wadmo badan oo uu Ruushka hoggaaminayo dagaalka soo galeen.

Markii ay dowladdii Soomaaliya bur burtay, waxaa halkiisii ka sii socday dadaalka ay Soomaalida ugu jirtay xorreyta dhulkaas, waxaana waday xoogag hubeysan sida ONLF oo halganka ilaa iyo hadda wadda.

Hadaba, isaga oo ka hadlaya halganaddii la soo galay iyo wali gaar ahaan dagaalkii 1977, madaxweyne Musrafe waxa uu yiri-

“Dhamaan halgamadii Soomaali galbeed waxay ahaayeen guumaysi-diid xalaal ah. Dagaalkii 1977kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamadaa lagu diidanaa guumaysiga. Waa inaan ka run sheegnaa taariikhdeena oo aan diidnaa in cid kale inoo macneeyso taariikhdeena.”

Muftafe Cumar, madaxweynaha Soomaali Galbeed waxa uu u bedelay Cabdi Maxamuud Cumar oo 10-kii sano ee u dambeeysay hoggaaminayey deegaankaas.

Madaxweyne Mustafe waxa uu wax ka badal ku sameeyey dastuurka isaga oo soo celiyey calankii hore ee deegaanka kaas oo ay ka muuqato astaanta shanta Soomaaliyeed ee ah XIDDIGTA soo koobeysa.

Mustafa Omer@Cagjaromer

1. Dhamaan halgamadii soomaali galbeed waxay ahaayeen guumaysi-diid xalaal ah. Dagaalkii 1977kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamadaa lagu diidanaa guumaysiga. Waa inaan ka run sheegnaa taariikhdeena oo aan diidnaa in cid kale inoo macneeyso taariikhdeena.

 

Mustafa Omer@Cagjaromer

2. Shuhadadii ku dhimatay halganka & difaaca dalkooda & dadkoodu waxay inaga mudan yihiin xus iyo maamuus joogta ah. Iyagu way ka soo baxeen waajibaadkii ku aadanaa xilliyadii ay noolaayeen. Ilaahay ha u naxariisto dhamaantood.


Xasuus Qor…… Hada Isha ILa Mari Maqaal Aan Ka Qoray Mohamed Xaashi Cilmi 2002-gii Mar Uu Ku Eedaynaayey Marxuum Cigaal Xatooyo Xooli Dadweyne.

$
0
0

Xasuus Qor…… Hada Isha ILa Mari Maqaal Aan Ka Qoray Mohamed Xaashi Cilmi 2002-gii Mar Uu Ku Eedaynaayey Marxuum Cigaal Xatooyo Xoolo Dadweyne.

Ma Xaashi Ayaa ka Hadlaaya Xisaabtii Ku Maqnayd…….Ma Xaqiibaa Dildilaacay oo Agoontiibaa Xarbiyeysa.

Ma Xaashi-baa ka Hadlaaya Xisaabtii ku Maqnayd iyo Xatooyo Xoole Dadweyne.
Xukuumaday wax ku Qaado oo Xoolihii keena la waayey.(Pay back all of you).

10-kii Sanadood ee uu jiray Maamulkan Curdinka ahi ee Somaliland.waxa isu Bedlay Shabeelba Shabeelkii uu ka ilka-weynaa ama Ninba Ninkii uu ka
Cantuugada-weynaa.Xilhayihii hore oo Dadweynhu u Yaqaan (Cune) iyo Xilhayahan iminka oo
isna Loo Yaqaanu (Cunaaye) waa laba nin oo midna hore u soo cunay Hantida Dadweynaha ka kalena iminka Afka ku haya oo Dibnuhu ama Bushimuhu Qoyanyiin.

Aragtida Mulkiilaha dulman oo ah Daweynaha reer Somaliland ee Masaakiinta ah, uma kala sukeeyaan labadaa nin ama Shalay ha cuno Hantida Umadda ama Maanta ha cunaayo. (Waa dameer iyo labadiisi Daan), laba Dambiile.Waa halkii uu ka yidhi Abwaankii caanka ahaa ee (Gaariye). Waadhawrna Talo Ma leh wax ma dhaamo Waasuge.Cune iyo cunaayaw Dadweynaha ha isu kala Tilmaamina, waa u wada
Tilmaamntihiine.Cune ama Mohamed Xaashi oo wakhtigii Marxuum Cigaal iyo Riyaale ahaa Jilaa xirfadaysan oo Mucaarid ah…..Waa nin Meesha wax ku bartay, cuniinkeedana yaqaana oo Midiyo Xiiraayuu sitaa.

Cunaaye oo isna (Muxaafid) ku metelaaya Marxaladan, wuu Mar-furtay oo Dhuuntu Moqorka ayey ugu jirtaa Dhadhana wuu ku hayaa.Labadoodubana waxay ku Dhaantaynayaan in ay Dhuuxaan lafaheena, Dhaarna Way ku mareen. (Subxaana laah).Dadweynaha reer Somaliland ma Dad aad Hurdaa?
Dadweynuhu demene maaha aad u hurda ee waa dad aad u xishood badan, Culays Badanbaana saaran, xaga Siyaasada iyo xaga Dhaqaalahaba.
Wax kasta waxay ka doorbideen oo ka hormariyeen Adkaynta Nabadgelyada,Jirtaanka iyo kobcinta Dawladoodaa yar ee dhalaanka ah ee waliba Cune iyo Cunaaye ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen, iminkana ay Cuqaasha iyo Salaadiinta ku soo jaheeyeen.Dadweynuhu waxay Go’aan ku gaadheen in ay dawladnimada Taaba galiyaan Oo Ictiraaf ku hubsadaan. Inta ka horaysana aanay Cune iyo Cunaayey is Xagxagansi Tiirka Nabadu aan u jabin.Ninka guri Quraarad ah ku jiraw dhagax ha tuurin haddad tuurtana ha
fogaynin, Aniga oo Tixraacaya Maqaalkii Mohamed Xaashi Cilmi ee ku soo baxay Internet-ka (Somalilandnet). Ayaa waxaan aad u la yaabay Mr; Mohamed Xaashi oo ka mid kooxda reer (Cune) Naakhuude weyna ka ah Doontan ay saarn yihiin kooxdiisaa reer Cune Hanti-badana oo Dawlada hoose ee Hargaysa iyo Bangiga Somaliland ay leeyihiina loo tirinaayo in uu meelo kale Farta ugu fiiqo Dadweynaha kuna Jaheeyo, Taasi waa mid aan la filayn. Jawaabteeduna waxy tahay: Waa Mahadsantahay Mohamed ee horta ma isla Meel dhignaa tii adiga kugu
Maqnayd? (Duq gaboobay iyo wiil yar baa loo Dedaa hadal) Wax yaalo aad u badan ayuu ka hadlay Mr; Xaashi oo Runtii markaad eegto
u baahan wax ka Qabad iyo Dayactir, waxa ka mid ah wax yaaluhu Tilmaamay
Wadada Ceergabo.Su?aal, Mr; Xaashi ma xasuusanyahay wadadii Xafiiskiisa ee Dawlada hoose Hor maraysay sidii uu kaga tegay? Iyo Guud ahaanba Basiiradii iyo Busaaradii ka muuqatay Magaalada Hargaysa intii uu xilka hayey. ( Hadalada qaar-baa ku yidhaahda hay odhan haddii aad i Tidhaahdana hay ii noqon).

By: Osman Abdillahi Sool…… Freelance Journalist.
E-mail: soolfuaad@yahoo.com
Copenhagen.Denmark.
16/01/2002.

Congratulations:Nuradin schools for scooping top place in National exams

$
0
0

Congratulations:Nuradin schools for scooping top place in National exams

Once again, Nuraddin Schools have demonstrated miracles of un-paralleled magnitude in the recently announced nationwide secondary school examinations – 2017/18 scholastic year. It is imperative to congratulate that seven out of the top twelve scorers, across the nation, were students healing from Nuraddin Schools. This unusual, and indeed, remarkable achievement should be applauded at national level. The Modus Operandi of Nuraddin Schools should be subjected to comprehensive scientific study with the aim of discovering the secrets of the evidently unique capabilities of the management these schools – how did they, over the years, succeed in motivating the educational staff as well as the students to achieve such wonderful performance.
In light of such rigorous study, the teaching methodologies and upbringing techniques developed by Nuraddin Schools should be adopted and applied to the entire educational apparatus of Somaliland. We should be proud of them, learn from their success and also convey the message to the outside World. In this context, the founder and general director of Nuraddin Schools, Mr. Mahad Ibrahim Mohammed his team, should be awarded national medals of the highest ranking and they should be nominated for the relevant international awards. Furthermore, the local media should give this most reputed national organization, their well-deserved coverage. They should highlight the fruits of this unprecedented national success story. On top of that, the international community should be made aware that Somaliland and its intelligent and hardworking young men and women have the ability and the drive to positively contribute to the advancement and progress of humanity at large.

Written by
Hassan Abdi Yousuf
Hargeisa

IMG_0023

Siyaasi ka Tirsan Xisbiga Kulmiye oo si mug leh u taageeray Tabashooyinkii Beesha Garxajis Muse Biixi u gudbisay

Gudoomiye Cirro oo ka hadlay wuxu daaranaa Kulan xasaasiya oo ay Qasriga madaxtooyada kula yeesheen Muse Biixi

Cabdiweli Gaas oo si la yaab leh loogu soo dhaweeyay Degmada Badhan & Degaano kale oo ka tirsan Gobolka Sanaag+Suldaanka Warsangeli oo Amaan kula dulkufay

Burbur & Dildilaac ka dhex istaadhmay Madax-dhaqameedka & Gudida shirkii Gacan-libaax ee Beesha Garxajis+Jeegaanta oo gacanta gelisay

Siyaasi Madaxtooyada ku eedeeyay Xeer Dhaqanka & Diinta Islaamka ka hor imanaya oo M/weyne Muuse Biixi saxeexay


DAAWO: Adeeg cusub oo dumarka gaar u ah oo laga hirgeliyey Magaalada Nairobi.

ONLF oo Sheegtay In Aanay Ka Tanaasuleyn Mowqifkeeda Gooni Isu Taagga

Iska Hor Imaad Addis Ababa Ku Dhexmaray Oromada iyo Axmaarada

Golaha guurtidu maxay ka yidhaahdeen xeerka kufsiga?

Dawlada Ingriiska oo muwaadiniineeda uga digtay Somaliya iyo Somaliland marka laga reebo Hargeysa iyo Berbera

$
0
0

Wasiirul dawlaha dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka Barwaaqo sooranka Ahmed of Wimbledon ayaa sheegay inaanay xafiisyada Ingiriiska ee Muqdisho iyo Hargeysa muwaadintooda ku sugan Somaliland iyo Soomaaliya siin Karin taageero qunsuliyadeed, waxaanu sheegay in muwaadiniinta UK tagi karaan oo keliya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee Somaliland.

Waxa xildhibaan Baroness Tonge ay weydiisay Wasiir Lord Ahmed haddii ay inuun wax walaac ah ka qabto dawladda Ingiriisku isticmaalo xarumo dhaqan celin oo ay sheegtay inay ku yaalaan Soomaaliya oo lagu xareeyo carruurta Soomaalida ah ee haysta dhalashada Ingiriiska iyo waxyaabaha xarumahan lagu qabto. Wasiirka ayaa ku jawaabay “Boqortooyada Ingiriisku waxay ka digaysaa dhammaan socdaalada Soomaaliya marka laga reebo Hargeysa iyo Berbera. Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho iyo xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa hadda ma awoodaan inay taageero qunsuliyadeed gaadhsiiyaan Soomaaliya amd Somaliland.

Si aad u wayn ayay u xadidan tahay awoodda Ingiriisku u leeyahay inuu siiyo muwaadiniinta Ingiriiska ah ee jooga Soomaaliya ama Somaliland taageero qunsuliyadeed ama inuu si hubaal ah u ogaado hawlaha lagu qabto “xarumaha dhaqan celinta. ”

Hase ahaatee Safaaradda ku taal Nayrobi ayaa waa hore bixisay caawimo qunsuliyadeed oo xadidan taas oo ay ku jiraan dad hore u joogay “xarumaha dhaqan celinta.

 

 

Geeska

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>