Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Xildhibaan ka sanqadhiyey in musuqmaasuqii Galay Masaajidada & Culimada Somaliland


Fariin ka socota Ergayga Qaramada Midoobay ee xilkiisu dhamaaday micheal Keating & waxay daaran tahay

War-murtiyeed:Maamul-goboleedyada Somalia oo ka hadlay Maamul-goboleed ka talo goostay

Siyaasi Cabdillaahi Dahab oo soo bandhigay Doorkay ku lahayd Xukumada Muuse Biixi ee Safarka Cabdiweli Gaas ku yimi Gobolka sanaag

Kulankii Dhexmaray Cabdiweli Gaas & Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangeli & Wuxu daaraa+Sawirro

$
0
0
Madaxweynaha Puntland iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Qasrigiisa kuyaalla degmada Badhan ku booqday Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire, halkaasi oo uu Madaxweynaha ugu soodhoweeyey si habmaamuuskeedu sareeyo.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire ayaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa degmada Badhan iyo guud ahaaba gobolka, waxaana uu xusay suldaanku in maanta ay tahay maalin tariikhi ah gashay baal dahab ah.

‘’Maanta waxay inoo tahay maalin tariikhi ah oo aannu kusoo dhoweynayno Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa, waxay soo booqdeen dalkiisa iyo dadkiisa isaga oo balan qaaday mashaariic badan berigu musharaxa ahaa, waxaan marag ka nahay inay fuleen uuna maanta u yimid midha dhalkooda, soomaaliya ninkii ugu horeeyey oo wax la taaban karo qabta waa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas” Ayuu yiri Suldaanku.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si guud ugu mahadnaqay shacabka reer Sanaag soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayey, sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntlnad ayaa shacabka degmada Badhan uga mahadceliyey soodhoweyntooda qiyaas la’aanta ah ee wanaaggu ku dheehan yahay. 

 

Dhalinyarada Ololaha Cidhibtirka Qabyaalada Oo Qalab Ciyaareed Gaadhsiiyey Magaalada Baligubadle ee Gobolka Hawd

African Development Bank and Purdue University to hold conference on successful technologies for African farmers

$
0
0

PRESS RELEASE
African Development Bank and Purdue University to hold conference on successful technologies for African farmers
The Scale Up Conference will bring together hundreds of individuals and organizations engaged in the introduction, diffusion, and adoption of agricultural innovations that have the potential to reach millions
INDIANA, United States of America, September 20, 2018/ — African Development Bank and Purdue University to hold conference on successful technologies for African farmers:

From: 25/09/2018

To: 27/09/2018

Location: Purdue University in West Lafayette, Indiana

The African Development Bank (www.AfDB.org ) and Purdue University are organizing the Scale Up Conference on Agricultural Innovations (https://AG.Purdue.edu/scaleup/Pages/about.aspx) from September 25-27, 2018, to address how to shift agricultural innovations from research institutions into the developing world, particularly Africa.

The Scale Up Conference will bring together hundreds of individuals and organizations engaged in the introduction, diffusion, and adoption of agricultural innovations that have the potential to reach millions.

Bank President Akinwumi Adesina will be the keynote speaker at the conference. Together with Bank Vice President for Agriculture, Human and Social Development Jennifer Blanke, Adesina will meet with university management and other stakeholders on partnership opportunities, including the Technologies for African Agricultural Transformation (TAAT) initiative, being steered by the Bank. TAAT is a knowledge- and innovation-based response to the recognized need for scaling up proven technologies across Africa.

“This will be the first multi-day conference on this topic that includes presentations, panel discussions, case studies, and breakout group discussions to help conference participants develop a thorough understanding of how to scale up agricultural innovations to reach millions,” said Indrajeet Chaubey, Associate Dean and Director of International Programs for the College of Agriculture at Purdue University.

Dozens of speakers who have implemented scale up processes in agricultural landscapes will participate.

“In the College of Agriculture we work to develop solutions to real world problems while also finding methods to realistically deliver and grow these technologies,” said Karen Plaut, the Dean of the College of Agriculture. “The Scale Up Conference is about taking those technologies and applying them in the developing world.”

Participants are expected to gain an understanding of successful, sustainable large-scale implementation. Researchers, implementing organizations, the business community, governments, policymakers and the donor community will come together to discuss best practices for scaling up agricultural technologies.

For more than 60 years, Purdue University’s College of Agriculture has led and managed large agricultural research and development projects. In addition to a long history of significant agricultural innovations, the university has produced three World Food Prize laureates.

The African Development Bank Group is the premier development finance institution in Africa with a mandate to spur sustainable economic development and social progress in the continent, thereby contributing to poverty reduction.

The African Development Bank’s authorized capital of around $US 100 billion, is subscribed to by 80 member countries made up of 54 African countries and 26 non-African countries. www.AfDB.org

Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB).
SOURCE
African Development Bank Group (AfDB)

Waraysi lala yeeshay maamulaha guud ee shirkada Dahabshiil


Bayaan Culimo (Gefafka iyo khaladaadka diineed ee ku jira xeerka kufsiga ee Lr78 / 2018)

$
0
0

Ujeedo: Bayaan Culimo (Gefafka iyo khaladaadka diineed ee ku jira xeerka kufsiga ee
Lr78 / 2018).

Inaga oo ah ummad Islam oo jecel sharciga ilaahay kana soo horjeedna wax kasta oo lidi ku ah caqiidada iyo axkaamta shareecadeena suuban, waxaan inaga qarsoonayn in uu ku socdo dagaal maskaxeed oo baaxad weyn oo ku wajahan bulshada muslimka ah ee aynu ka midnahay, dagaalkaas oo midabbo badan leh, ujeedadiisuna tahay in ummada iyo diinteeda islaamka ah lakala fogeeyo lana burburiyo dhaqankii wanaagsanaa ee ku salaysnaa islaamnimada.

Hadaba dagaalkaas waxa loo marayaa wadooyin kala duwan waxaana lagu bixinayaa dhaqaale iyo dadaal laxaad leh, dagaalkaa muuqaaladiisa waxa ka mid ah in ummada laga dilo xishoodka iyo anshaxa suuban iyada oo dhegahooda laga badinayo maqalka arimo la xadhiidha dhaqan xumada, oo aan ka jirin gayigooda, waxa kale oo ka mid ah in la baddalo oo la laalo axkaamtii shareecada iyo ciqaabihii ilaahay u jideeyay fal danbiyada waaweyn, sida Sinada, cabitaanka khamriga, isticmaalka daroogada, qadafka iyo wixii lamida, iyadoo lagu bedalaayo xeerar lagasoo dheegtay xeerarka ummadaha aan muslimka ahayn, kuwaas oo xanbaarsan mabaadi iyo dhaqamo xun xun oo ka horimanaya dhaqankii ummadan ee ku dhisnaa islaamnimada, iyada oo la ogsoonyahay in ummad walba xeerarkeeda iyo dhaqamadeedu ku salaysanyihiin wax ay rumaysantahay.

Hadaba waxa inagu cusub xeer si degdeg ah loo marsiiyay golayaasha qaranka, xeerkaas oo lagu Magacaabay Xeerka kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga ( xeer LR 78 / 2018) xeerkaas oo ay ka biyo diideen in badan oo ka mid ah labada gole ee Baar- lamaanka iyo guurtida hase ahaatee aan loo joojin , shacabkuna ay ka muujiyeen inuu yahay xeer khilaafsan diintooda, dhaqankooda suuban, meel ka dhacna ku ah islaamnimadooda iyo sharaftooda .
Hadaba markaanu xeerkan u eegnay si cilmiyaysan oo ku miisaaman shareecada islaamka oo ka fog caadifad iyo laablakac waxa noo soo baxday inuu yahay xeer xanbaarsan gefef iyo qaladaad diineed iyo dhaqanba , ujeedada looga gol leeyahayna tahay in umadda lagu furo albaabka dhaqan xumada, iyada oo loogu gabanayo daryeelka nugulka ummada iyo ladagaalanka xadgudubyada jinsiga
Sidaa awgeed waxaanu halkan kusoo bandhigaynaa qodobada ugu muuqashada badan ee muujinaya khaladaadka xeerkan waajibinaya in la buriyo lagana toobadkeeno :

1 – Xeerkani wuxuu masabiday kuna been abuurtay shareecada islaamka waayo iyada oo ay cadahay sida uu lidiga ugu yahay shareecada islaamka axkaamteedana uga fogyahay, ayuu ku daray ujeedooyin ka xeerkan loo dajiyay inuu yahay xeer waafaqsan shareecada islaamka , dastuurka qaranka jsl , mabaadida guud ee cadaalada, qiyamka, iyo dhaqanka suuban ee ummadu leedahay ( eeg qodobka 3aad faqrada koowaad ) .
Waxaynu ogsoonahay ku been abuurashada ilaahay lagu been abuurto iyo shareecada in loogu abtiriyo waxaan kamid ahayn inuu yahay danbiyada ugu waaweyn ee ilaahay laga galo , siduu ilaahay yidhi:
( ولا تقولوا لما تصف ألسنتكم الكذب هذا حلال وهذا حرام لتفتروا على الله الكذب إن الذين يفترون على الله الكذب لا يفلحون, متاع قليل ولهم عذاب أليم ) النحل / الاية 116 – 117وقال تعالى (انظر كيف يفترون على الله الكذب وكفى به إثما مبينا ) النساء / الاية 50

2 – Xeerkani wuxuu afka ka dhawray inuu adeegsado areyga shareecadu u isticmaasho, muslimiintuna fahmi karaan oo ah ( Sino ) wuxuuna badalkeeda adeegsaday areyo kale sida : galmo iyo kufsi oo ah (sino loo isticmaalay awood iyo jujuub), waxuuna hoos geeyay wax aanay shareecadu Sino u aqoon, sida xubinta taranka oo lagu isticmaalo meel ka baxsan xubinta taranka iyo dabada , taas oo ula jeedadeedu tahay in ummada laga dhaadhiciyo in sinada foolxumada ahi ay tahay ta ku timaada si khasab iyo jujuub ku dhisan sida kufsiga , isla markaana sinada lagu kala raali yahay aanay ahayn denbi ciqaab lagu mutaysan karo. ( eeg cutubka koowaad , qodobada guud , qodobkiisa koowaad ee ku saabsan erey bixinta) .

3 – Xeerkani wuxuu ku koobay Sinada fal danbiyeedka ah ta ku dhacda ogolaansho la’ aan ama lagula kaco qof aan ogolaansho bixin Karin ama lagu khiyaameeyay nooca sinada ama cida uu la sinaysanayo iyada oo sinada laysla ogolyahay aanu ku sheegin fal danbiyeed wax ciqaabana aanu u jaan goyn , waana sida ay dhigayaan xeerarka gaalada ee xeerkan lagasoo dheegtay ( eeg qodobka 4 aad faqradiisa koowaad xarafka b)

4 – Xeerkani wuxuu laalay ciqaabtii shareecadu u dejisay qofka Sinaysta , si khasab ah ama qofka kale la ogol yahay ciqaabtaas oo ah :
A – hadii qofka sinaystay guur sharci ah soo maray in la arjumo ( dhagax lagu dilo).
B – hadii qofka sinaystay aanu soo marin guur sharci ah in lagu dhufto boqol jeedal sanadna laga mastaafuriyo deegaanka uu ku sinaystay.
J – Hadii uu ku sinaystay weerar hubaysan wuxuu mutaysanayaa in la mariyo ciqaabta shareecadu u dejisay budhcadnimada ee ku xusan aayada 33 ee suurada maaida.

Xeerkani xadkii sinada wuxuu ku bedalay xeer ciqaabeed kale oo laga soo dheegtay xeerarka ay samaysteen gaaladu sida Faransiiska iyo Ingiriiska oo u badan xadhig . ( eeg qodobada 4 aad ilaa qodobka 15 aad ) .

5 – Xeerkani wuxuu fasaxayaa galmada dhex marta laba qof oo kasta oo isku jinsi ah ama kala jinsi ah, marhadii ay raali iskaga yihiin oo ogolaanshana bixin karaan , waayo wuxuu faldanbiyeed ciqaab lagu mutaysan karo ka dhigayaa galmada ku dhacda ogolaansho la’ aan , ama lagula kaco cid aan ogolaansho bixin Karin , isagoo marnaba fal danbiyeed ku sheegin ta raali lays kaga yahay oo aan wax ciqaab ahna aan u sheegin ( eeg qodobka afraad faqradiisa koowaad xarafkiisa b , qodobka 7 aad faqradiisa koowaad xarafka b iyo t , qodobka 8 aad faqradiis koowaad , qodobka 9 aad faqradiisa koowaad .
Tani waxa markhaati cad u ah xeerarka xeerkan laga soo dheegtay oo iyagu arin kan si cad u sheegaya oo aan u maldahin sida xeerkani u maldahay .

6 – Xeerkani wuxuu faldanbiyeed ka dhigayaa galmada iyo fara kaciyaarka dhex mara labada lamaane ee is qaba hadii ay u dhacdo si aan midkood raali ku ahayn , waayo wuxuu fal danbiyeed ka dhigay galmo iyo fara kaciyaar kasta oo ku dhacda ogolaansho la ‘aan, isaga oo aan kala qaadin ta dhexmarta lamaanayaasha is qaba iyo ta dhex marta dadka aan xalaasha isu ahayn , iyada oo aynu ogsoonahay in shareecadu fal danbiyeed ka dhigtay hadii labada lamaane midkood kasoo bixi waayo galmada ka kele xaq ugu leeyahay iyada oo aanu haysan wax cudur daar ah oo shareecadu tix galisay ,waxaa rasuulkeena suubani yidhi :
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( إذا دعا الرجل امرأته الى فراشه فأبت عليه فبات غضبانا عليها لعنتها الملائكة حتى تصبح ) متفق عليه.
( eeg qodobka 8 aad faqrada koowaad )

7 – Xeerkani wuxuu si duuduuban oo aan kala qaadis lahayn faldanbiyeed uga dhigay in qof loo guuriyo iyada oo aan ogolaansho laga hayn taas oo macnaheedu yahay hadii waligu uu guuriyo gabadh aan qaan gaadhin inuu ku kacay faldanbiyeed uu ciqaab ku mutaysanayo, waana sida ay dhigayaan xeerarka gaalada ee xeerkan lagasoo dheegtay , iyada oo aynu ognahay in shareecadu ogoshahay in loo guurin karo qof yar ama waalan hadii dantiisu ku jirto . ( eeg qodobka 9 aad ).

8 – xeerkani wuxuu yidhi waxa caruur looga jeedaa qof da’diisu ka yartahay 18 jir sida ku cad boga erey bixinta , taas oo macnaheedu yahay in qofka ka yar 18 jir aanu qaan gaadh ahayn , iyada oo la ogyahay in shereecadu qaan gaadhka iyo ka gudubka axkaamta caruurnimo ku xadaysay in uu dhamaysto 15 sano oo dayax tirsi ah, sida ku cad xadiiska ibnu cumar, mad-habka shaaficiyaduna dhigayso , sidoo kale xeerkani wuxuu meesha ka saaray calaamadaha kale ee qaan gaadhka ee ay ka mid tahay:
inuu qofku arko biyaha taranka ama
dhiigga caadada ku waas oo la heli karo inta aanay u dhamaan 15 sanadood .

Arintana waxa ka dhalanaya waxyaabo badan oo ay ka mid tahay in laga rido waajibaadkii qofka qaan gaadhka ah shareecadu saartay , lana marin ciqaabta ka dhalata fal danbiyeedyada uu galo iyo in la lumiyo xuquuq uu yeelan lahaa marka uu qaan gaadho sida masuuliyada ka saaran naftiisa maalkiisa iyo cida kale ee uu masuul ka noqon lahaa.

9 – Xeerkani wuxuu ka dhigay qofka sharci daro ku xidhan ee khiyaarkiisa kula sinaystay qof kale mid khasban oo ka mid ah dadka aan ogolaanshaha bixin Karin , sidoo kale wuxuu ka dhigay qof khasban oo aan ogolaansho bixin karin qofka khiyaarkiisa kula sinaystay qof ka meeqaan iyo awood sareeya . iyada oo aynu ogsoonahay in qofka qaan gaadhka ah ee miyirkiis iyo maankiisa qaaba uu ogolaansho bixin karo mar hadii aanu khasbanayn , inuu xidhanyahay ama laga meeqaan sareeyaana ka dhigi mayso mid khasban .( eeg qodobka 1aad ee erey bixinta ).

10 – Xeerkani wuxuu ku soo koobay is qaawinta anshax darada ah ee ciqaab lagu mutaysanayo inuu dadka dhexdiisa si ula kaca isugu qaawiyo ( mudug iska dhigo ) ama uu ka faydo marada xubnihiisa taranka . ( eeg qodobka 14 aad ) .
Taasi oo macnaheedu noqonaya in hadii qofku muujiyo qaar ka mid ah xubnaha ay shareecadu cawro u taqaan marka laga reebo xubnaha taranka oo kali ah , in aanay ahayn anshax daro ciqaab lagu mutaysan karo , waana sida ku cad xeerarka gaalada ee xeerkan lagasoo dheegatay dhaqana u ah gaalada manta joogta ee aynu aragno .

11 – Xeerkani wuxuu kala duwayaa ciqaabta kufsiyada iyo xadgudubyada jinsi ee ka dhaca qaybaha bulshada ee kala duwan sida madaxda dadka da’ada ah iyo kuwa meeqaamka bulshada dhexdeeda ku leh iyo kuwa kale ee bulshada ka mid ah ,si khilaafsan shareecada islaamka , iyada oo aynu ogsoonahay in shareecada islaamku aanay ku dhisin xadka sinada dabaqadaha bulshada ee qofku ka tirsanyahay marka laga reebo xornimada iyo adoon nimada . ( eeg qodobka 7 aad faqradiisa 1 aad ) ( qodobka 10 aad faqradihiis 1 aad 2 aad 3 aad) .

12 – Xeerkani wuxuu meesha ka saaray oo aanu soo hadal qaadinba dhamaan cadaymihii shareecadu u dhigtay sugida qofku inuu sinaysatay ama wax kufsaday sida qiraal iyo markhaatiyaal looga qaateen ah . ( eeg qodobada khuseeya cadaymaha ee ku hoos jira qodobka 32 aad ).

13 – xeerkani wuxuu dhigayaa si loo go’aansado xukun lagu rido danbiilaha in ay tix galiso, ama ku xisaabtanto xogta uu dhibanuhu afka ka sheego ama laga qoro ee tilmaamaysa dhaawaca ama dhibta kasoo gaadhay fal danbiyeedka loo gaystay . eeg (qodobka 37 aad faqradiisa 1 aad) .
Taas oo macnaheedu noqonayo in muduciga sheegashadiisa maxkamadu ku go’aan qaadan karto iyada oo aan qiraal iyo cadayn toona lahayn taasina waxay khilaafsantay xadiiskii nabiga ee ahaa: لو يعطى الناس بدعواهم لادعى رجال دماء رجال وأموالهم ولكن البينة على الطالب واليمين على المطلوب ) رواه البيهقي واصله في الصحيحن

14 – Xeerkani wuxuu sheegayaa in la ciqaabayo caruurta iyo dadka waalan haday gaystaan fal kufsi ama xadgudub jinsi hase ahaatee ciqaabka loo khafiifinayo eeg (qodobka 35 aad xarfihiisa b iyo j ).
Taasina waxay khilaafsantay shareecada islaamka oo sheegtay in qalinka laga qaaday qofka waalan iyo ka aan qaangaadhin wax ciqaab ahna aanay lahayn , wixii wax yeelo ah ee ay gaystaana waa la magdhabayaa .

15 – Xeerkani wuxuu laalay oo uu buriyay xeerkasta oo kale ama qodobkasta oo sharci oo kasoo horjeeda am aan waafaqsanayn xeerkan wuxuuna ku andacooday in lagu badalay qodobada xeerkan . eeg (qodobka 45 aad faqradiisa 2 aad)
Taas oo macnaheedu yahay in xeerkani buriyay laalayna axkaamtii shareecda ee ku saabsanayd xadka sinada,kufsiga, xadgudubyada jinsi cadaymahooda iyo dustuurka jsl ee dhigaya in xeerkasta oo shareecada ka hor imanayaa yahay waxba kama jiraan .

16 – Xeerkan waxa ku soo noqnoqday erayo aan lagu qeexin qaybta erey bixinta sida ( sharci )( ogolaansho ) sharcigu ma ka islaamkaa? mise waa ka gaalada?, ogolaanshaha maxaa astaan u ah oo uu ku sugmi karaa? .

17 – foolxumooyinka xeerkan :

1- Xeerkani wuxuu ka qayb qaadanayaa faafitaanka sinada marhadii aanu fal danbi u arag wax ciqaabana u sheegin marka laysla ogolyhay.
2- Wuxuu meesha ka saarayaa ciqaabyadii shareecadu u dajisay sinada iyo kufsiga .
3- Wuxuu ka qayb qaadanayaa duminta qoyska iyo iska horkeenkiisa .
4- Wuxuu sababayaa iska hor imaadka iyo isku dhaca bulshada.
5- Wuxuu meel kadhac ku yahay sharafta dadka .
6- Wuxuu fasaxayaa anshax xumada is qaawintu ka mid tahay .
7- Wuxuu luminayaa xuquuqda dadka qaaarkood sida waalidka iyo dad qaangaadh ah oo uu ula dhaqmayo sida caruurta .
8- Wuxuu dhigayaa ciqaabyo aan isu miisaanayn caqli iyo sharci midna aan ku salaysnayn .
9- Waxa ka muuqda is burin sida marka uu ka hadlayo qofka caruur loo aqoonsanayo .
10- Xeerkani wuxuu sheegay ciqaabyo kali ah mana sheegin fal danbiyeedyadaa wixii lagaga hor tagi lahaa gebi ahaan ba.
11- Xeerkani wuxuu meesha ka saaray wixii islaax ah ( heshiis ) ee dhex mara dhibgaystaha iyo qof ka dhibanha ah, iyadoo la ogsoon yahay in shariicadu ogoshahay in qofka dhibana ahi cafis iyo saamaxaad bixin karo.

Geba gebo iyo gunaanad :

Waxaanu ku talinaynaa oo soo jeedinaynaa in xeerkaa shariicada islaamka iyo dhaqankeena kasoo horjeeda meesha laga saaro oo la laalo shariicadana lagu soo dabaalo..
Waad mahadsantihiin.

Waxa soo saaray bayaan kan culimada hoos ku xusan:

1. Sh:c/laahi Cabdi Cali “Makkaawi”.
2. Sh:c/laahi xasan xaashi “Barbaraawi”.
3. Sh:c/razaaq xuseen cali “Albaani”.
4. Sh: Muuse maxamed C/raxamaan “Tarax” .
5. Sh.yaasiin Ibraahim C/raxmaan.
6. Dr.c/rasaaq Axmed Maxamuud.
7. Sh:Axmad Iid c/salaam Aadan “ Axmed Iid”.
8. Sh.Axmed C/qaadir Axmed.
9. Sh: faysal yuusuf cilmi.
10. Sh: Rashiid Maxamuud Cige.

Allah Mahad leh.

Madaxweynaha Kililka 5aad oo kabaha la dulmaray Cabdi Ilay,Soona bandhigay….

Siyaasi ku taliyey in Wasiirka Waxbarashada Somaliland laga dhigo Maamulaha Guud ee Dugsiyada Noradin

$
0
0

Xog-hayaha Caddaalada Xisbiga Waddani Garyaqaan Barkhad Jamac Batun ayaa ka hadlay tayadda aqooneed ee iskuulada nuradiin iyo hab-hoggaaminta maamulka iskuulkadaas isagoo si guudna u wada bogaadiyey ardeydi iyo dugsiyadii kale ee kaalmaha wanaagsan ka keenay imtaxaanadi shahaadiga ahaa ee qaran Barkhad Batun oo ka hadlaya arimahaas wuxu yidhi:Ugu horeyn waxaan bogaadinayaa dhammaan ardeydi iyo dugsiyadii kaalmaha muuqda ka galay imtaxaanki shahaadiga ahaa sida iskuulada Salaama, Ileys, iyo Nuradiin waxaanan Alle ugu baryayaa dhammaantood in ay guushaas mar walba helaa.


Barkhad ayaa si weyn u amaanay dugsiyada nuuradiin iyo maamulkooda wuxuna yidhi:

Runtii’markaynu ka hadlayno Dugsigaas Nuradin shaqsiyan waxaan qabaa inuu leeyahay hoggaamin wanaagsan waana ta keentay iney mar walba ku guuleystaan kaalmaha hore ee imtaxaanada qaranka Anigu waxaan qabaa in Wasiirka wasaaradda waxbarashada laga dhigo Mahad Ibrahim oo ah Maamulaha dugsiyadaas sababtaan u leeyahay sidaasina waxay tahay, dalka waa in laga hirgaliyo siyaasadda ah goobta fiican waa iney qofkeeda fiican ee ka midho dhalinyana heshaa “Right person to the right position”

Qarankan wuxu la tallaabsan layahay masuuliyiinta aqoontooda iyo awoodooda maamul laguma xushee waxaa lagu xushaa qabiilkooda waana ta dib u dhaca dawladnimo sodon sanno inoogu wacan

Waxaan rumaysanahay sida uu iskuulkiisa uga dhigay muraayad qaranka laga daawado in wasaaradda waxbarashadana uga dhigi lahaa muraayad muuqalkeedu dunida inagu soo jeediyo.

Ardeyda dugisan ka baxdaa waxay deeqo oo sare ka helaan jaamacadda dunida ugu waaweyn dabcan magac iyo sharaf kaliya dugsigooda uma ah ee waxay u tahay qaranimadeena waxaanay dunida tusaysaa tayada aqooneed ee dalkani leeyahay haddaba si loo helo dhallinyaro aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaan dhisan waxaan qabaa in dugsigan iyo kuwa dhiggiisa ahiba xurmo dugsiyadooda ah ka furtaan gobolladda dalka dabcan way jiraan dad dhaliilsan dhaqaalaha ardayda laga qaado oo aan filayo iney tahay 40 dollar oo bus iyo musasaace ku jiro lkn waa in la eego deegaanka wax lagu baranayo muuqaalkiisa, aqoonta macalimiinta, akhlaaqdooda, tayyada waxbarashada iwm haddii 40 dollar ay inoogu soo baxayaan boqolaal aqoontooda lagu kalsooni qabo oo sannad walba kaalmaha ugu sarreeya galaya dee waa in aynu u hurno 100 dollar.

Waxaa anigu shaqsiyan ogahay macalimiinta dugsigan wax ka dhigtaa iney yihiin kuwa aqoontooda lagu kalsooni qabo oo culimo u badan waxaanan ka xussi karaa macalinkeygi tafsiirka qur’aanka sheikh yaasin oo runti ah qof aad u qiimo badan markaa waa in aynu garab istaagna cid wal oo qaranka iyo dadkiisa wax gashata

Dunida dadka noocan oo kale ah taalooyin ayaa loo dhisa buugaagta taarikhdaa lagu xusso iyagoo malaayin qarni qabriyada ku jira laakin dadkeenu inta dhanka xumaha wax ka eegta ku badan waxaan leeyahay mar labaad hambalyo hambalyo dugsiyada nuradiin macalimiintiisa, maamulkiisa, madaxdiisa iyo masuuliyiinta qeybihiisa kala duwan” ayuu hadalkiisa ku afmeeray Garyaqaan Barkhad Jamac Batun.

Kooxda Jiidhsiisay Muse Biixi Xeerka Kufsiga+Kooxda Baalaha ka riftay ee fashilisay waxa la fooleryaayo

Abdiwali Gaas oo Aflagaado Qaawan Kula Kacay Shacabka Ku Nool Gobolada Baay iyo Bakool

Gabay Gurmad Geyiga Somaliland.

$
0
0

Guyaal iyo guyaal tegay ,
dalkii gaabis buu galay,
aniguna ka gaabsaday,
markaan xaajo garanwaayey,
galiilyada dareenkay gubay​,
gooni ugu goohay,
nafda geliyey gobanimo,
inay gabis soconayso,
gudihii laga guray,
sidii sebenki gaaroodi,
barigii gubtaanyaa gashiyo,
geed la garanwaayey,
ictiraaf la goobiyo,
lawaa geesiyaal kaca,
igaad ood ka guul keenta iyo,
geelle garanwaynay,
intaas oo gabood fala,
markaan geliyey laabtayda,
danahayga gaarka is idhi,
yaanu kaa guban,
gurmad maalintaad aragto,
uun gaagaxa u diid,
maanteeq mar uun bay,
godlane gaawaha u cugo,
dhalintaa gidaarada fadhida,
way guntanayaane,
guushooda way garan,
markay gaadho kala guure,
sida guusha oromadu timid,
waydin garataane,
geyigeena guusha u dhaliya,
iyo goolki nololeed,
somaliland yeyna gelin,
gego colaadeede,
guusheenu waa gacan mida,
iyo guusha nololeede,
ka gun gaadha waxan goobayniyo,
guusha qarankeena,
gilgishaay hasheenii gobaad,
way qaldhebaysaaye,
intaan gawrac loo dhigin,
ma tahay inan ka gaadhnaa.

GUUL IYO GOBANIMO
SOMALILAND IYO SOMALILANDERS.

WADANI SOMALILANDER

MUSA AW HASSAN LODOON
AWDA;LI DUBAI.

Soomaali Ku Go’doonsan Gudaha Deegaanka Oromada oo Qaylo Dhaan Soo Dirsaday


Aqoonyahan Mubarig Ibrahim Aar oo ka hadlay xeerka Kufsiga

Xulka Dawladda Hoose ee Magaaladda Hargeysa oo Ku Guuleystey Tartankii Koobka Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ee  Shirkadda Telesom Maal-galisey

$
0
0

Xulka Dawladda Hoose ee Magaaladda Hargeysa oo Ku Guuleystey Tartankii Koobka Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ee  Shirkadda Telesom Maal-galisey

 

Xulka dawladda Hoose ee magaaladda Hargeysa ayaa ku guuleystey tartankii kooxaha heerka koowaad, labaad iyo saddexaad ee koobka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, tartankan oo ay gabi ahaantiisaba maal-galisay shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom.

Tartankan waxaa isku soo hadhay ciyaartii kama dambaysta ahayd labada Naadi ee Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo xulka Ciidamada Asluubta, waxaana ciyaartan daawashadeeda ka soo qayb-galey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici, Taliyaha Guud ee Ciidamada Asluubta Somaliland, Maayar ku-xigeenka Somaliland, masuuliyiinta Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland, masuuliyiinta shirkadda Telesom, marti-sharaf kale oo kala duwan iyo dadweyne aad u tiro badan.

Ciyaartan kama dambaysta ah ayaa dhexmartay labada kooxood ee Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo xulka Ciidamada Asluubta kuwaasi oo ciyaaryahanadoodu ay soo bandhigeen ciyaar qurux badan oo aad u adkayd, ciyaartaasi oo labada kooxood isku hayeen weerar iyo weerar celin joogto ah. Ciyaarta ayaan qaybtii hore wax goolal ah la iska dhalin, balse qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa daqiiqadihii u dambeeyey waxaa xulka dawladda Hoose ee Hargeysa u suurto gashay inay la yimaadaan hal (1) gool, goolkaasi oo noqday kii ay guushu ku raacday.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Md. Maxamed Amiin ayaa sheegay in koobkan Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ay maal-galisay shirkadda Telesom sanadkan 2018-ka sidoo kale ay maal-galin doonto sanadka dambe ee 2019. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in koobku bilaabmay 17 July, 2018, ayna ka soo qayb-galeen 29 naadi, tartakan ayaa kulmiyey 850 ciyaartoy iyo 58 tababare. Tartankan ayaa la ciyaaray 62 ciyaarood oo si toos ah looga daawan jiray Telafishanka HCTV.  Guddoomiye Maxamed Aamiin ayaa sheegtay in tartankani yahay tartankii ugu horeeyey ee noociisa oo kale ah oo laga qabto gayiga Soomaalidu dagto, sidoo kalena uu tartankani ahaa kii loogu daawashadda badnaa.

Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom Md. Maxamed Cabdi Darbo ayaa ka hadlay munaasibadda xafladda gunaanadka koobka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, waxaanu sheegay in shirkadda Telesom ay ka go’an tahay wax u qabashadda dhalinyaradda Somaliland. Md. Darbo ayaa sheegay in shirkaddu ay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha u maal-galisay qabsoomida koobkan ee sanadkan 2018, sidoo kalena wuxuu maamuluhu balan-qaaday in shirkadda Telesom ay sanadka dambena maal-galin doonto si dhalinyaradda looga jiheeyo: qabyaaladda, tahriibka iyo camal la’aanta. Md. Darbo ayaa ugu dambayn, tahniyadeeyey labadii kooxood ee tartankan isku soo hadhay iyo kooxda koobka ku guuleystay ee dawladda Hoose.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa ugu dambayn mahadnaq balaadhan u jeediyey dhamaan qaybihii ka qayb-galay tartankan ciyaaraha ee koobka xidhiidka Somaliland, Wasaaradda Arimaha gudaha, ciidamadda Amaanka, shirkadda Telesom, Telafishanka HCTV iyo hawl-wadeenadda wasaaradda ee soo qaban-qaabiyey tartankan, wasiirka ayaa sheegay in tartankani uu ku dhamaaday si nabad-galyo ah.

Ugu dambayn, xafladda waxaa soo gunaanaday Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici waxaanu yidhi, “Waxaan runtii aad iyo aad u bogaadinayaa Wasaaradda Ciyaaraha, Xidhiidhka Kubadda Cagta iyo dhamaanba intii ka gacan gaysatay eey ka mid tahay Shirkadda Telesom  iyo HCTV iyo intii kale ee ka gacan geysatay aad iyo aad baan dhamaantood u bogaadinayaa, waxaanay qabteen runtii waajib weyn oo iska xil saareen hawl qaran, waxaanan wax ku gaadhi karnaa oo aynu caruurteena wax kaga saari karnaa waxyaalaha aan loo baahnayn ee ay ku mashquulsan yihii. Ciyaaruhu sidaa la sheegay waa wax maskaxda u wanaagsan, caafimaad ahaanna jidhka u wanaagsan, ilmahana ka jeedinayaa waxyaalo badan oo maanta dhib inagu haya oo jaadka, balwaddaha iyo tahriibku ka mid yahay. Maadaama aanu aragnay sharaf iyo quruxda ay leedahay in aanu halkaa ka sii xoojino ka xukuumad ahaan diyaar baanu u nahay”.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici ayaa koobab iyo billaddo guddoonsiiyey ciyaartoydii, ugu wanaagsanaa ciyaaraha xagga gool dhalinta, tababarihii ugu fiicnaa, garsoorihii ugu fiicnaa, calan-wadihii ugu fiicnaa iyo labadii koxood ee ku guuleystay kaalinta koowaad iyo labaad ee ciyaarta kama dambaysta isu haleelay Jimcihii. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale shahaadooyin guddoonsiiyey shirkadda Telesom, HCTV iyo shirkadda xayeysiisyadda  ee COLORZONE .

Daawo:Nin Soomaaliya oo Sakhraansan oo Gaadhi jiidhsiiyay dad ku sugnaa Kilaab lagu tunto+Magaciisa & Xoggo kale

$
0
0
Recently released CCTV footage shows the horrifying moment that 21-year-old Mohammed Abdul drove his car into a nightclub in Kent, England, in March 2018. He had been kicked out a few minutes prior, reportedly for being too drunk, and threatened to kill the bouncers. Eight people were injured. Abdul is facing multiple charges, including attempted... Read more »

Dawlada Somalia oo shaacisay qorshe uu Muuse Biixi ku iman lahaa Muqdisho, Farmaajo-na Hargeysa+War-saxaafadeed Madaxtooyada Somaliland ka soo baxay

$
0
0

Dawlada Somalia oo shaacisay qorshe uu Muuse Biixi ku iman lahaa Muqdisho, Farmaajo-na Hargeysa

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay rajada laga qabo in dib loo bilaabo wada-hadalladii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Somaliland, oo iminka hakad uu ku yimid, iyo qorshe Farmaajo iyo Biixi ku kala tagayaan Muqdisho iyo Hargeysa.

Khadar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dardar gelinta wada-hadallada labada dhinac, isla markaana qorshahaas uu ahaa mid soo bilowday Bishii Maarso ee Sanadkan, balse  ay hakadeen

“Mar walba way naga go’an tahay inaan la hadalno Somaliland, qorshe ayaa jiray horay u socday oo ahaa inay wada kulmaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Waxaa la weydiiyey suurtagal ma tahay in Soomaalida dhexdeeda wada-hadasho, iyada oo aysan ku dhex jirin dad kale, waxana uu sheegay in rajo laga qabo in Muuse Biixi uu yimaado magaalada Muqdisho, Madaxweyne Farmaajana uu tago magaalada Hargeysa.

Wada-hadalada u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dhowr mar fashilmay, waxaana bilihii u dambeysay Somaliland ay aad u dhaliilayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayada oo inta badan xiisadda ka dhaxeysa Puntland tunka u saaray mid ay Somalia ka mas’uul tahay.

Yeelkeede,Somaliland ayaa khamiistii soo saartay warsaxaafadeed xasaasi ah oo dhowr qodob ka kooban kaasi oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, laguna sheegay in “Soomaaliya ay kusoo xad-gudubtay Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo food-saare ka dhiganaysa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland”.

Halkan hoose ka kahri warsaxaafadeedka:

 

 

WAR-SAXAAFADEED: 20/09/2018

Golaha wasiirradda Somaliland oo soo saaray qodobbo ku wajahan faro-gelinta Soomaaliya ay ku hayso Somaliland, gaar ahaan gobolka Badhan, sidoo kalena ansixiyey xeerar muhiima.

Kal-fadhigii 21-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20/09/2018, waxa lagaga dooday faro-gelinta ay Soomaaliya ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan gobolka Badhan, waxaana lagu ansixiyey xeerar muhiim ah.

Kal-fadhiga golaha wasiirrada, ayaa lagaga digay faro-gelinta qaawan ee ay Soomaaliya ku soo qaadday gobolka Badhan iyo sida aan marnaba loogu dulqaadan Karin gardarrada iyo daan-daansiga lagu hayo Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu goluhu soo saaray qodobbadan.

  1. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aaminsan tahay nabadgelyada iyo deggenaanshaha gobolka geeska Afrika, waxana ay kasoo horjeeddaa colaad iyo khal-khal nabadgelyo-darro oo ka dhaca gobolka.
  2. Soomaaliya waxa ay kusoo xad-gudubtay Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo food-saare ka dhiganaysa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, sidaynu ognahay sannadkan horraantiisii waxa yimi gobolka Badhan wasiir Federal ah oo horseeday iska hor-imaatin ciidan oo dhiig ku daatay.
  3. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aqbashay dhexdhexaadintii IGAD, AU-da iyo wakiilka UN-ta Soomaaliya u jooga oo ahayd in colaadda la joojiyo oo maxaabiista la kala beddesho oo ay wada-hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, waxa caddaatay in dawladda Farmaajo ay ka go’an tahay inay dagaal joogto ah kusoo qaaddo Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo dabada ka riixaysa maamulka Puntland. Imaatinka Cabdiweli gaas ee Gobolka Badhan waxa uu qeexayaa faro-gelin qaawan oo siyaasadeed iyo joogtaynta colaad Somaliland ka dhan ah, sidaa daraadeed Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay go’aansatay in dalkeeda, dadkeeda iyo qaran-nimadeedaba ay difaacayso.
  4. Waxannu u sheegaynaa Soomaaliya in Jamhuuriyadda Somaliland ay si waafi ah uga fal-celin doonto xad-gudubkaa aad ka badheedheen.

Dhinaca kale shirkii golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay fadhiyeen 27-wasiir, waxa lagu ansixiyey laba xeer oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah.

  1. Xeerka kaabista iyo wax-ka-beddelka, xeerka Ismaamulka Gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland (Xeer Lr-23), xeerkaas oo ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo Garyaqaanka Guud ay iska kaashadeen diyaarintiisa, goluhuna wax-ka-beddel iyo kaabis ku sameeyey, sidaasina goluhu ku ansixyey.
  2. Xeerka Hawl-gabka iyo xaq-siinta Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland (Xeer Lr xx/2018). Xeerkan oo ah mid cusub oo aan hore u jirin, ayaa ah mid looga gol leeyahay in ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland helaan daryeel ciidannimo oo sharci ku qotoma, waxana golaha hor keentay wasaaradda gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, goluhuna waxa uu ku ansxiyey duuduub.

ALLAA MAHAD LEH

.

U.N. Security Council Hails Eritrea’s Diplomatic Efforts in Ethiopia, Djibouti

$
0
0

U.N. Security Council Hails Eritrea’s Diplomatic Efforts in Ethiopia, Djibouti

Members of the United Nations Security Council on Friday applauded recent diplomatic developments in the Horn of Africa, pointing out that the Eritrea’s normalisation of relations with Ethiopia and Djibouti will have ‘far-reaching consequences’.

In a statement issued by the council president and U.S representative Nikki Haley, the members also recognised the role played by Saudi Arabia in resolving the hostility between Eritrea and Ethiopia that lasted over two decades.

‘‘The members of the Security Council welcomed the Agreement on Peace, Friendship and Comprehensive Cooperation signed by the President of the State of Eritrea and the Prime Minister of the Federal Democratic Republic of Ethiopia on 16 September 2018, in Jeddah,’‘ read part of the statement.

The members hope that this meeting will open a new chapter in the relations between Djibouti and Eritrea and encourage the two countries to continue to engage in meaningful dialogue.

‘They took note of the commitment of the two countries to open a new era of peace, friendship and comprehensive cooperation as well as promote regional peace and security.’‘

Eritrea-Djibouti relations

In a statement that might be significant to Eritrea’s quest for the lifting of sanctions, the security council members also acknowledged the Jeddah meeting between Eritrea’s president Isaias Afwerki and Djibouti’s Ismail Omar Guelleh.

‘’ The members hope that this meeting will open a new chapter in the relations between Djibouti and Eritrea and encourage the two countries to continue to engage in meaningful dialogue,’‘ the members said.

Eritrea has been subjected to a U.N. arms embargo since 2009 over allegations that it provided support to militants in Somalia and for failing to pull troops out of disputed territory with Djibouti. Asmara denies accusations it backed Somali insurgents.

The statement concluded by pledging to support countries in the Horn of Africa in their endeavours to resolve disputes.

Meanwhile, members of the U.N. security council that hail from Africa including Ivory Coast, Ethiopia, Equatorial Guinea and South Africa met with the organisation’s secretary general ahead of the general assembly next week.

Source: africanews

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>