Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Qisadii i eridey qaawanaanta!

$
0
0

 

Qisadii I Eridey Qaawanaanta! Qalinka: Cabdifataax Ismaaciil Mursal

Maan noolayn, manaan dhiman, Aakhiro maan gaadhin ee Ifka ayaan joogay, hase ahaatee, lamaan socon dhacdooyinkii daqiiqadahaas dunida ka dhacayay ama ka socday. Balse waxaan ku war helay Dayaanka wixii dhacay!

Daahyada, Muraayadaha daaqadaha iyo qaybo ciid iyo sabbad isugu jira oo ka mid ah dhismaha Qol koone ku yaallay oo aan Guri Huteel ahaa oo labaatan Makhsin ka kooban ka degganaa oo dushayda ku soo daatay. Dhagahaygu waxay maqlayeen gig iyo gariir xoog badan, waxaan Indhaha ku kala qaaday boodh iyo siigo isku xidhay gudaha qolka.

Waxaanan isla markaaba isku qanciyay in Guriga aan degganaa oo sabbad ahaa igu dumay, laakiin ma dumin ee Aniga ayaa is-moodsiiyey!. Waxaan orod kaga baxay Albaabkii qolka xalay aan qufulay oo ballaqan!. “Nafi orod bay kugu aamintaa.” Xaaladdaydu markan waxay u muuqatay mid la mid ah tii loogu maahmaahay nooc ka mid ah Waraabaha oo hurdo badan. “Dhidar Onkod kiciyey”.

Waxaan is arkay Aniga oo taagan meel bannaan oo ah dibeadda Gurigii aan ku jiray (Daaradda) oo ay labada Cagood Macawisi igaga maran tahay. Waxaan isha ku dhuftay Hooyo Wiil yar oo ay xambaarsanayd la kuftay oo ka qaylinaysa Jaranjarrada Iriddii aan orodka ku dhaafay, waxaan sidoo kale arkay Go’ iyo Buste aan huwanaa oo yaalla meel u dhaxaysa halka aan taaganahay iyo goobta Hooyada Wiilka la dhacday jiifto. Muddada dhacdooyinkaasi dhacayaan waa wakhti ka yar laba daqiiqo godohood!.

Maaliniba maalin ka xusuus mudan, sannadba sannad ka tilmaaman, Dhacdooyinkuna kala saamayn badan, Qalinkuna ma moogaado faaqidaadda Ayaamaha ay tahay ama mudan in la xuso. Sidaa daraadeed, xusuusta maalintani waa mid saamayn ballaadhan iyo xusuus lama illaawaan ah oo taariikhda gashay ku leh guud ahaanba dadka reer Somaliland, gaar ahaan dadka Hargeysa ku dhaqnaa ama joogay xilligaas. Waxaan dareemayaa inay in badan oo Akhristayaasha ka mid ahi iswaydiinayaan maalintaasi waatee?

Hayeeshee, aan idiinkaba jawaabee, waxay ahayd maanta oo kale 29-kii October sannadkii 2008, maalin Arbaca ah, waa maalintii saddex meelood oo ka mid ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa lala beegsaday weerarro ismiidaamin ah oo lagu qarxiyay Xarunta Madaxtooyada, Xafiiskii xidhiidhka Ganacsi ee Itoobiya ama sida ay dadka qaar ku fahmi karaan Safaaraddii Itoobiya ku lahayd Somaliland ee Hargeysa iyo Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta Mashaariicda ee UNDP, kuwaas oo dhammaantood ku yaallay Xaafadda Shacabka ee Magaaladda Hargeysa. Isla markaana weerarradaas kuwa Argagixisada ahaa ee goobaha kala duwan lala eegtay waxay sababeen dhimashada 24 Ruux iyo dhaawaca in 30 Qof ka badan oo aan waxba galabsan.

Haddaba, maalintaas 29-kii October 2008, oo xusuus murugo ku xeeran tahay ku leh Qaranka Somaliland, isla markaana sannad-guuradii Tobnaad 10-aad ee ka soo wareegtay ku buuxdo ama ku beegantay 29/10/2018 oo Isniintan, awgeed, ayaa igu kalliftay ama aan dib ugu eegay Qormadan oo aan xuskii koowaad, labaad iyo saddexaad ee maalintaas qoray, bal haddana in intii aan ka awoodo xusuusta maalintaa Qalinka ku yar iftiimiyo.

Inkasta oo murugada iyo xusuusta madoow ee maalintaasi lahayd aan la wadaagayey sidii ay u dareemeen badi Bulshada reer Somaliland, haddana waxa Aniga ii dheer xusuus aan u arko inay taa aan Qaranka la qabo ka duwan tahay, oo si gaar ah ii taabanaysa dareen ahaan, markasta oo ay Maskaxdayda ku soo dhacdana aan si toos ah uga daawado Muraayadda Qalbiga oo aanay si dhib yar uga masaxmi karin.

Qaraxyadaas saddexanka ahaa oo Argagixisadu ku fulisay Baabuur walxo qarxa laga buuxiyay, oo saddex daqiiqo guduhood lagu qarxiyay, hase ahaatee, kala horreeyey waxay ahaayeen isku ujeeddo. Inkasta oo aan ka mid ahaa Fiilka Saxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland, gaar ahaanna aan ka hawlgali jiray Wargeyska Ogaal oo ka mid ahaa Wargeysyada Hargeysa ka soo bixi jiray, haddana maalmahaas waan xanuunsanayey oo waxaan shaqada kaga maqnaa fasax maalintii sagaalaad galay.

Waxa hortayda ordaysay iyadoo qaylinaysa Gabadh xaas ah oo wiil ay dhashay xambaarsan, taasoo qayb guriga ka mid ah degganayd, ma garanayo goor aan dhaafay. Balse waxaan gadaal u jaleecay iyada oo la kuftay canuggii ay xambaarsanayd oo weli qaylinaysa. “Alla hoogay, Alla hoogay, Alla hoogay oo jabay!….” ayaa ka mid ahaa weedhaha ay Hooyadaasi ku dhawaaqaysay.

Marka aan Sariirta ka booday waxaan la cararay Macawis aan ku seexday, Go’ iyo Buste aan huwanaa, kuwaasoo dhammaantood iga dhacay intii aan cararayey ama naf-la-orodka aan ku jiray.

La soco qayb kale oo Muwduucan ka mid ah…….

Qalinka Cabdifataax Ismaaciil Mursal

mrmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.


Nin naafo ah oo bilaabay tababar uu ku fuulayo mid ka mid ah buuraha ugu dheer Afrika

Daawo xad’gudubyada loo gaysto hablaha Afrikaanka ah ee ka xoogsada Carabaha

Ramaax oo Muuse Biixi Eeddo Culculus Tunka u saaray

Hogaamiye Xirsi oo si adag u duray Xukumada Muuse Biixi,Si taxadir lehna uga hadlay Xusuustii Siilanyo siday u daciiftay

Baaq Culimo oo ku aadan Deminta Colaada Gobolka Sool

$
0
0

 

 

UJEEDDO: BAAQ CULIMO OO KU AADDAN DEMINTA COLAADDA GOBOLKA SOOL

Mahadinta Alle iyo salliga Nebiga- Sallallaahu calayhi wasallam- ka bacdi:

1- Culimadu waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dadkii ehelladoodu ku waxyeelloobeen dagaalladii todobaadkii ina dhaafay ka dhacay tuulada Dhumay iyo agagaarkeeda, Ilaahay samir iyo iimaan ha idinka siiyo dhibaatada musiibadaas idinka soo gaadhay.

2- Culimada waxa ay Alle u waydiinayaan intii dhimatay in uu u naxariisto, inta dhaawaca ahna caafimaad buuxa oo degdeg ah siiyo.

3- Culimadu waxa ay caddeynayaan in uu dagaalkaasi yahay mid xaaraan ah oo adduun iyo aakhiraba lagu khasaarayo, qof kasta oo ku lug lahaadaana uu ku jiro camal xaaraan ah oo uu cadaab Alle iyo lacnaddiisa ku mutaysanayo.

4- Culimadu waxa ay waxgaradka labada beelood u soo jeedinayaan in ay Ilaahay kaga cabsadaan daadinta dhiigga muslimka jaarka ah ee xigtada ah, wixii tabasho iyo khilaaf ahna wadahadal iyo Isfahan ku dhammeeyaan, dadku waa walaalo, dal iyo danba wadaaga oo aan waxba kala lahayn

{إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُم تُرْحَمُونَ}

5- Culimadu waxa ay labada beelood ee walaalaha ah u soo jeedinayaan in la joojiyo abaabulka iyo tolla’ayda aan weligeed lagu hodmin ee lagu halaagsamay, dadka ku hawllan hurinta colaaddana meel kasta oo ay joogaan waxa ay ugu baaqayaan in ay Alle ha cabsadaan oo ay colaadda dejiyaan, qabyaaladdana qudhunka ah ka waantoobaan, qabyaaladdu waa qudhun sida uu Nebi Muxammed –scw- inoo sheegay “Iskaga taga-qabyaaladda- waa qadhmuune” (دعوها فإنها منتنة)

6- Culimadu waxa ay dawladda Soomaaliland ugu baaqayaan in ay si degdeg ah wax uga hawlgasho joojinta colaaddaas, ciidamana kala dhexdhigto labada beelood.

7- Culimadu waxa ay baaq nabadeyn ah u dirayaan waxgaradka, madax dhaqameedka, ganacsatada iyo cid kasta oo wax ka gaysan karta xasilinta nabadda deegaankaas, waxaanay caddeynayaan in ay diyaar u yihiin in ay dadaalka ugu mudan ka gaystaan heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Dhumay.

8- Ugu danbeyn waxa aannu ilaahay ka baryeynaa in uu colaaddaas nabad inoogu beddelo, labadaa beelood iyo guud ahaan bulshada soomaaliyeedna nabadgelyo dhexdooda dhigo.

Wa billaahi tawfiiq.

Magacyada culimada (Hargeysa) :

1- Sh Cabdiraxmaan Aw Axmed

2- Sh. Cabdirisaaq Cali (Albaani)

3- Dr. Sh Ciise Cabdilaahi Maxmuud

4- Sh. Ibraahim Axmed Xirsi

5- Sh. Maxamed Cali Geeddi

6- Sh. Maxed Adan Faarax (Food)

7- Sh. Dr. Cabdiqani Xuseen (Beder)

8- Sh. Cabdilahi Maxmuud

9- Sh. Yaasiin Macalin Xuseen.

10- Sh. Maxamed Ibraahim Jaamac.

==================================

 

Warbixin Maxaa Ka Qabsoomay Balan Qaadadii Dhanka Xeebaha Sanaag Ee Madaxweyne Muuse Biixi

Madaxweyne Hal Caare Ayeynu U Taag Lanahay Ee Boqol Caare Ayaa Iman Doona, Hadii Aanad Dadka U Soo Joogsan Oo Talada Lagu La Eegin Oo Wixii Macquula Aanad….

$
0
0

 

“Madaxweyne Hal Caare Ayeynu U Taag Lanahay Ee Boqol Caare Ayaa Iman Doona, Hadii Aanad Dadka U Soo Joogsan Oo Talada Lagu La Eegin Oo Wixii Macquula Aanad Dhegaysan” Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud (Dhunkaal)

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud (Dhunkaal) oo ka mida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ahna mudane ugu jira golahaasi Bariga Gobolka Sanaag, ayaa ka hadlay dhalinyar ay deegaanka YUBE ee Sanaag ka soo wada jeedaan oo raacay Jabhadda Kornayl Caare ee Somaliland dagaalka kula jirta, waxaanu ugu baaqay inay dhalinyartaasi Guryahoodii dib ugu soo laabtaan dagaalna aanu xal ahayn ee wixii ay deegaan ahaan ka tabanayaan dawladda Somaliland wada hadal loo baahan yahay in lagu xaliyo.

Md Cabdiqaadir Xaamud (Dhunkaal) oo shalay Saxaafadda kula hadlaayey Xarunta Baarlamaanka ee Hargeysa, ayaa dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland md Muuse Biixi Cabdi ku canaantay hadii aanu talooyinka shacabka iyo mucaaridka dhegaysan oo aanu wixii suurta gal ah qaranka talooyinka loogu lexejecleeyo qaadan ay iman doonaan Boqol Taliye Caare oo kale oo Jabhado la mid ah, loona baahan yahay in imika uu Madaxweyne Muuse Biixi dadkiisa talooyinka fiican siinaaya ka dhegaysto.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud (Dhunkaal) oo ugu horeyntii ka soo horjeestay dhaq dhaqaaqa colaadeed ee Jabhadda uu hormuudka u yahay Kornayl Xasan Caare ay Bariga Somaliland ka wado waxaanu yidhi “Ma filayn maanta in gobolka Sanaag inay Jabhadi ka abuuranto metelan Caare oo kale , Caare aniga oo aad u Ixtiraamaya markii aan eegay markii aan qeexay markii aan wax badan ka war helay , Caare balaayo ayuumba ka maqnayd umalayn maayo wax kale inuu ka maqnaa , laakiin dhalinyaradda deegaanka YUBE ka raacday wax badan oo Xuquuq ah ayaa ka maqnaa oo Dereyskoodii ciidanimo ayaa ka maqnaa Derejooyinkii ayaa ka maqnaa oo dhaqaalihii ayaa ka maqnaa iyagana waxaan leeyahay waar wixii inaga maqnaa Qori ku heli mayno ee Qalin Caaradii ayeynu ku helaynaaye oo isdejiya oo wada hadal aynu iskugu nimaadno, bil Axsaanag Caare-na waxaan leeyahay Gobolkeenu maanta dagaal uma baahna , hadii ay wax guddaha ka khaldameen , xaga Ciidanka iyo sharciyadiisa arimahaasi taasi waa wax gaara oo idinka idiin taala, laakiin sabab maanta aad banaanka ugu baxdo anigu ma qabo”

Cabdiqaadir Xaamud (Dhunkaal) ugu dambeyntii isaga oo talo canaan ah u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu yidhi “Madaxweynahana waxaan leeyahay Madaxweyne Hal Caare ayeynu u taag lanahay ee Boqol Caare ayaa iman doona, hadii aanad dadka u soo joogsan oo talada lagu la eegin oo wixii macquula aanad dhegaysan, shalay wuxu madaxweynuhu ka hadlaayey Xisbiyadda mucaaridka ah, waa runtii oo soo jeedin ayaa lagu leeyahay oo go’aanka ugu dambeeyana isaga ayaa leh, laakiin dadku inay wada tashadaan oo wax wada habeeyaan waa mid loo baahan yahay , runtiina gobolkana madaxweynuhu waa tegay oo ilaa Hadaftinimo ayuu tegay ilaa deegaanka Yube ayuu tegay , cabasho badan ayaana loo la yimid cabashadaasina ilaa hada wali jawaab madaxweynuhu kama bixinin tabashadii dadka reer Yube, laakiin wali Sannadkii uma buuxsamin oo waa la sugayaa oo jawaabtana waa laga sugayaa, dhalinyaradda Yube ee Caare raacayna waxaan leeyahay waar guryihiina ku soo noqda hadii kale hadhaw ayaa meesha laydinka yaaci doona”


Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Belgium oo baaq nabadeed u diraysa Beelaha walaalaha ee colaadu ku dhex martay Gobolka Sool

$
0
0

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadanka Biljim (Belgium) waxay baaq nabadeed u diraysaa Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Gobolka Soôl, Waxayna ugu baaqaysaa inay colaada joojiyaan oo ay dhowraan walaaltinamada iyo wada dhalashada aan guurahayn, caqliga iyo damiirkuna shaqeeyo oo ay joojiyaan dagaalka, Allahna waxa ka baryeeynaa in uu colaada inaga qaboojiyo intii ku dhimatayna uu u danbi dhaafo, intii ku dhawacantayna uu Illahay u booga dhayo.

Waxa kale oo ugu baaqaynaa Ummada Soomaaliyeed meelkasta ooy joogto, Gudo iyo dibadba inay u istaagaan kana qayb qaataan si hagar la’aan ah sidii colaadaa loo joojin lahaa, loona gurmado in aanay colaadaasi intaa in ka badan inaga galaafan, waa nasiib daro weyn aduun iyo aakhiraba in aynu iyadoo qarnigan la joogo ay dadkeenu macno la’aan isku dilaan.

Waxaa sidoo kale iyana aan ugu baaqaynaa in maamulada Somaliland, Puntland, Ethiopian Somali State iyo Dowlada Dhexe Federakkuba ay door shariif ah ka qaataan colaadaas sidii loo joojin lahaa ayna xil wayn iska saaraan in aanay coladaasi sii fidin.

Illahay waxa u baryeeynaa in uu colaadaas masiibada ah ee aan if iyo aakhiraba u wanaagsanayn uu inaga qaboojiyo.

Allaa Mahad Leh.

Magacyada Haldoorka Jaaliyada Belgium ee Soomaaliyeed.

1. Abdinasir Xasan Dubad
2. Farxaan Dhoore
3. Abdi Ismail Abib
4. Ismail Guray.
5.Deeq Maxamed
6. Cumar Adan Cali
7. Ahmed Saleeban Kaylac
8. iyo xubno kale oo aad u badan.

Somalia oo shaacisay inay dalalka dunida Ogolaansho u siisay inay Qunsuliyado ka furtaan Hargeisa

Haday doorashadu dibu dhacdo madaxweyne ayaa ka masuul ah Xisbiga UCID

Itoobiya iyo Culimada Islaamka oo Ka Arrinsanaya Nidaamka Ribo La’aanta Ah Ee Bangiyada

Buuggii Miyi illaa Madaxtooyada ee Xirsi qoray iyo aragtidayda ( Qaybta 1aad )

$
0
0

Afeef:

Waxan marka hore ka cudur daaranayaa in aanan weli helin buugga Miyi illaa Madaxtooyo nooc kasta oo uu u qoran yahay….ama ku qoran yahay. Sidaasi daraaddeed, qoraalkaygu ma xanbaarsana faallo aan ka bixinayo asraarta buuggu ka warramayo iyo farsamo ahaan sida uu u qoran yahay.

Laakiin hadal haynta buugga oo batay, qaybo ka mid ah oo social media ha la soo geliyey iyo ta qoraalkan igu kalliftay oo ah waraysiga uu Xirsi siiyey HCTV, oo aan u arkay waraysi ay wariyaha iyo Xirsi isku hayeen weerar iyo is-difaac.

Hordhac:

26kii October 2018, xilli fiidnimo ah ayey ahayd maalinta uu Xirsi soo bandhigay buuggiisan Miyi illaa Madaxtooyo.

Madal si weyn u agaasiman, isla markaana uu hal door badani ka soo qayb galay ayaa lagu soo bandhigay. Inkasta oo ay hal door badan iyo mas’uuliyiin hore iyo kuwa immiga joogaaba aanay ka soo qayb gelin. Madashaa iyada ah, waxa ay kulmisay siyaasiyiin hore, oo ay Xirsi Xaaji Ali kala fikir ahaayeen amma ay dadku u arkayeen in ay col yihiin. Siyaasiyiinta farta lagu fiiqayeyna waxa ka mid ahaa Maxamud Xaashi oo ahaa Wasiirkii Madaxtooyada xilligii Siilaanyo ee lagu beddelay Xirsi, Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan iyo Ali Marreexaan oo isna loo arkayey in ay siyaasadda aad isaga soo horjeedeen, gaar ahaan xilligii kala guurka siyaasadeed ee doorashada lagu jiray.

Dhammaanba siyaasiyiintaa aan magacyadooda soo sheegay, ayaa ah kuwa ay jufo ama degaan ka soo wada jeedaan. Intubana waxa ay Xirsi ku bogaadiyeen buuggaa uu qoray, oo aanu midna akhriyin waxa ku qoran.

Aragtidayda:

Buugga Xirsi intii aan la daah-furin, ee uu social mediaha soo galay, waxa maskaxdayda ku soo dhacaysay, arrimo badan oo aan ku dhu-dhuminayey qaabka uu siyaasigu u qori karo xasuus reebkii noloshiisa iyo shaqadiisa amma inta ku xeeran.

Hab qoraalka luqadeed, xaqiiqooyinka buugga ku jira iyo caddaymaha uu raacin karo amma arrimaha xasaasiga ah ee ku qoran buugga ayaan iyana aad uga fekerayey ama u xiisaynayey.

Balse, daah-furkii buugga ayaan in yar ku niyad jabay. Waayo waxan filayey in Xirsi amma qof uu u igmaday oo buugga soo akhriyey uu sharraxaad ka bixiyo arrimaha qorayaashu niyadda ku hayaan, hase yeeshee waxa xafladdii buuggu ku bilaabantay kuna dhammaatay uun hadallo duur xul ah, kaftan iyo ammaan loo jeediyo Xirsi.

Ka Ahmedweli Goth ahaan, waxan aamminsanahay in aan ka mid ahay dadkii sababta u ahaa in uu Xirsi buug qoro amma laga qoro siysaasadda uu xilligaa wasiirka ka ahaa. Waxanan maalin maalmaha ka mid ah oo aan u malaynayo in ay ahayd 2011, uu iga soo wacay Hargeysa, 45 daqiiqo ayaanan ka wada sheekaysanay buug aan ka qoro siyaasadda Somaliland, si uu xog ii siiyana aan ku idhi buugga qayb weyn ayaad kaga qorraan doontaa.

Kadib, fikirka qoraal buug uu qayb ka yahay waa uu soo dhaweeyey, hadalkayagiina waxa markii danbe u batay taariikhdiisii iyo kaalintii uu ku lahaa halgankii SNM, waxanan hadalladiisii ka sii xasuustaa, mar uu iiga warramayey dagaal uu galay, oo bee bee la jiidhsiiyey, balse nasiib wanaag aanay taayirradii bee beegu marin. Ilaahayna badbaadiyey.

Xirsi wakhtigaa aad ayaan isugu dhaweyn, mar kasta oo uu London yimaaddana waan is maqli jirray amma kulmi jirray. Aniga uun ima xidhiidhinaye asxaabta iyo macaariifta nin ka war hayana waa uu ahaa. Waxase uu caan ku ahaa shakhsi shaqadiisa jecl amma daacad u ah, oo aad u muuqda.

Xafladdaa ka dib, waxa aan dhegeystay waraysi uu HCTV la yeeshay Xirsi, waraysiguna waxa uu ku koobnaa uun buugga Miyi illaa Madaxtooyo ee uu qoray, oo ay ku jireen arrimo xasaasi ah. Waxanse ka cudur daarayaa in aanan immiga faalladaydan ku soo bandhigi karin maaddaama aanan buugga helin. Sida uu waraysiga u bixiyey iyo sida uu buuggu u qorraana ay is khilaafi karaan….wakhtigeeda ayaanan la sugi doonaa.

Laakiin su’aal uun baan mar walba iska weydiinayey in yar aan ka milicsaday buugga, waraysigiisana aad uga muuqtay, taasi oo ahayd caafimaadka Madaxweynihii Siilaanyo ee uu ku sheegay, “ Muddo bil markii uu Siilaanyo xilka hayey, ayey xaaskiisu iigu yeedhay xaalad caafimaad oo ku soo korodhay Madaxweynaha, taasi oo waa sida uu sheegaye ahayd, in ay Marwo Amina-weris ka shikiday xasuusta Madaxweynaha, isna uu go’aansaday in uu xilka ka dego.” Su’aashayda intaaba igu wareegeysey oo ahayd, in dhakhtar lala tashaday, oo la eegay xaalka Madaxweynaha iyo in kale……Laakiin waxa aan ka shakiyey in aanu Xirsi buuggiisa ku caddayn, in markii Siilaanyo xasuustiisa la dayriyey aan la marin dhakhtar ee la qariyey xaalkaasi.

Arrinta kale ee la yaabka ila noqotay, waxa ay tahay, tani uu kaga warramay xilligii doorashada, ee qoraal buuggiisa laga soo sawiray aan ka akhristay in maalqabeenka Ina Aw Siciid ku baayacay lacag malaayiin doller ah.

Qoraalka buuggan oo dhammaystiran waxan la sugayaa qaybtayda dambe.

Ahmedweli Goth

Turkey refuses to share all Khashoggi evidence with Saudis

$
0
0

Turkish investigators have refused to share with Saudi Arabia’s public prosecutor all the evidence they have compiled on Saudi complicity in the murder of Washington Post journalist Jamal Khashoggi.

The Saudi prosecutor Saud al-Mojeb held talks with the Istanbul chief prosecutor on Monday morning in Istanbul, but the lack of trust between the two countries led to a relatively brief meeting of only 75 minutes.

Turkey had wanted confirmation on the whereabouts of Khashoggi’s remains, the identity of the local cooperator that the Saudis claim disposed of the body, and an update on the progress of a Saudi investigation of the 15 Saudi operatives who visited the Istanbul consulate at the time of the murder on 2 October.

Turkey’s state broadcaster TRT Haber said Saudi officials asked for the whole investigation folder, including evidence, statements and footage, to be given to them. TRT said the Saudi request was denied.

Saudi Arabia has admitted that a premeditated plan was made to kill Khashoggi, but say it was set up by a group of rogue operators without the knowledge of the Saudi crown prince, Mohammed bin Salman.

The Turkish president, Recep Tayyip Erdoğan, had earlier welcomed the prosecutor’s arrival, while the foreign minister Mevlüt Çavuşoğlu had called on Riyadh to start co-operating so the whole world could know the truth about Khashoggi’s killing.

At a memorial service for Khashoggi in London, his fiancee, Hatice Cengiz, said there must be no cover-up, and called for western countries to demand justice. Cengiz said she had been disappointed by some countries’ response to his death, singling out Donald Trump for “paving the way for a cover-up”.

Khashoggi’s fiancee said she said believed that the Saudi government knew the whereabouts of his body, and that her life was turned upside down “on the horrible day that Jamal entered the Saudi consulate”.

“If only I had known there was such an evil bloodthirsty crew I would have done everything to stop him entering that building,” she said. “We never imagined such a level of barbarity and evil.”

Cengiz described Khashoggi as a “patriot who felt it his duty to become the voice of the voiceless”. She added: “He wrote what he believed and only wrote what he knew was right, and not what would satisfy the powerful.”

Western powers believe Erdoğan is still holding back evidence in a bid to back Prince Mohammed into a corner. Turkey has yet to release an audio tape which was allegedly a recording of the killing of Khashoggi, or evidence to show that the 15 Saudi operatives inside the Saudi consulate in Istanbul made four phone calls to the crown prince’s office, as pro-government Turkish media have claimed, based on leaked information.

Khashoggi’s remains have not been found but cars from the Saudi consulate went to the consul general’s residence, with one vehicle continuing to woodland on the edge of Istanbul.

Pro-government Turkish media have published new photos of cars owned by the Saudi diplomatic mission being cleaned before police were allowed to search them.

A driver who drove some of the Saudi team to the airport after Khashoggi’s murder told A Haber television that the men had appeared relaxed and cheerful, smoking and drinking alcohol on the way home.

Khashoggi’s death has caused a major diplomatic crisis for Saudi Arabia and has cast an unwelcome spotlight on bin Salman, whom many believe must have been aware of an operation that allegedly involved several members of his personal guard and trusted senior officials.

Jamal Khashoggi killing: what we know
Turkish prosecutors have prepared an extradition request for 18 suspects arrested by Riyadh as part of the Saudi investigation, including the 15 who were at the consulate, although the Saudi foreign minister insisted on Saturday that the men would be tried on Saudi soil.

Although Saudi Arabia has vowed it will conduct a thorough criminal investigation and deliver justice for Khashoggi, Turkish investigators have been faced with several delays from their Saudi counterparts. Riyadh and Ankara’s versions of what happened to the dissident writer are wildly different.

Turkey maintains there is evidence that shows Khashoggi was tortured and murdered during an appointment at the Saudi consulate by a hit team of 15 men sent from Riyadh.

The Saudi authorities initially denied they had anything to do with Khashoggi’s disappearance before eventually alleging that he had died in a fistfight with officials who had embarked on an unauthorised extradition operation.

Turkish investigators are still seeking permission to drain a well in the grounds of the Saudi consul general’s residence, where it is believed the journalist’s remains could have been disposed.

The guardian

Gudiga Komishanka Xuquuqal insaanka Qaranka Oo Kormeer Ku Sameeyay Xabsiyadda ,Saldhigyada Booliska iyo Waaxaha Cadaalada Burco.

$
0
0
Gudiga Komishanka Xuquuqal insaanka Qaranka Oo Kormeer Ku Sameeyay Xabsiyadda ,Saldhigyada Booliska iyo Waaxaha Cadaalada Burco. Xubnahan ka socday Gudiga Komishanka Xuquuqal insaanka ayaa si ay xaaladooda u ogaadaan Mid mid u booqday Jeelasha Burco ,Salidhigayada Ciidanka Booliska, Maxkamadaha gobolka Togdheer ee Cadaalada iyo Goobo kale. Waxaaney xarumahaasi ku waraysteen Masuuliyiinta ka hawlgala. Gudigan oo... Read more »

Nin Beertiisa Kuwada Dhaqda Geel iyo Shinni

Qisadii i eridey qaawanaanta! Qaybta 2’aad

$
0
0

Qisadii I Eridey Qaawanaanta! Qaybta 2-aad – Qalinka: Cabdifataax Ismaaciil Mursal

Waxa hortayda ordaysay iyadoo qaylinaysa Gabadh Xaas ah oo Wiil ay dhashay xambaarsan, taasoo qayb guriga ka mid ah degganayd, ma garanayo goor aan dhaafay. Balse waxaan gadaal u jalleecay iyada oo la kuftay canuggii ay xambaarsanayd oo weli qaylinaysa. “Alla hoogay, Alla hoogay, Alla hoogay oo jabay!….” ayaa ka mid ahaa weedhaha ay Hooyadaasi ku dhawaaqaysay.

Marka aan Sariirta ka booday waxaan la cararay Macawis aan ku seexday, Go’ iyo Buste aan huwanaa, kuwaasoo dhammaantood iga dhacay intii aan cararayey ama naf-la-orodka aan ku jiray. Inkasta oo aan istaagay Macawista oo ugu dambaysay oo Cagaha igaga marantay, taasoo intaan dacal qabtay aan kor u qaatay.

Aniga oo weli halkaa taagan oo naxsan, isla markaana aan garanaynin waxan dhacay wuxuu yahay, hase ahaatee su’aalihii waxa dhacay naftaydu iga weydiisay aan kaga jawaabayo ‘Guriga ayaa dumay’, ayaa dad Haween u badan oo u soo yaacaya dhinacayagii aan arkay, kuwaasoo ku dhawaaqayay ‘Diyaarad baa inna duqaysay, waa Diyaarad, diyaarad, diyaarad.. waa Madaafiic, naa maxaa dhacay..’ kuwaas iyo weedho kale. Laba daqiiqo ayey maraysaa inta xaaladda caynkaas ah aan ku guda-jiro, waxaana daqiiqaddii saddexaad dhacay qarixii labaad oo lala beegsaday Xafiiska Ganacsiga ee dawladda Itoobiya ku lahayd Hargeysa, kaasoo waxoogaa dhinaca Waqooyi-Bari kaga beegnaa halkii aan joogay.

Markaa, waxa yaabkii hore iigu darsamay yaab labaad! Waayo? Waxaan qaadan kari waayey ama liqi kari waayey oo aan is-weydiinayey sababta ay Diyaaradda Dumarku ku dhawaaqeen u duqaynayso Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, hase ahaatee, isla marirkaasi markii uu dhammaaday ama dhammaanayey waxa qarxay gaadhigii saddexaad oo lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada Somaliland oo laba boqol oo tallaabo dhinaca Waqooyi ka sii xigta Xafiiska Safaaradda Itoobiya. Qaraxaas oo ahaa kii ugu awoodda weynaa saaddexda qarax ama ugu cuslaa, khasaarihii ugu badnaana sababay, waxa uu ahaa kii aan ku dawoobay ama ku miirsaday, sababta oo ah, waxaan aqoonsaday in waxan dhacayaa yahay Qarax Miino, Madfac ama wax la mid ah, waxa iga go’ay shooggii I haystay.

Waayo? Waxaan markaa ogaaday, inaan Gurigu igu dumin, Diyaarad wax duqaynaysaana jirin ee ay wax kale dhacayaan. Sidaa daraaddeed, waxaan dib ugu noqday Qolkii aan orodka kaga soo baxay oo Ciiro ku xidhantay, waxaan si deg-deg ah u xidhay Shaadh, Surwaal iyo kabo Buudh ah. Waxa Indhahayga markaa ka socda ilmo qiiqii iyo boodhkii Makhsinka ku xidhnaa ama qabsaday iyo naxdintu iga keeneen. Waxaan u dhaqaaqay dhinicii qaraxa koowaad ka dhacay ee UNDP-da, intii aan Albaabka UNDP oo dhinaca koonfurta u jeeday u sii socday waxaan isku dayey inaan Taleefankaygii gacanta (Mobile-ka) ka waco dhawr qof oo ka mid ah Shaqaalaha Hay’addaas oo aan garanayey ama aqoon u lahaa. Laakiin nasiib-darro, ma jirin wax Taleefan ah oo baxayey ama aad daqiiqadahaas ku heli karaysay cidda aad doonayso inaad la hadasho, gaar ahaan Khadka Shirkadda Telesom oo aan kaadhkeeda sitay ma shaqayneynin.

Waxaan is-hortaagay Xafiiskii UNDP-da, oo markaa Gaadhi Ciidammo Millateri ah dhigay, kuwaasoo joojinayey Qof kasta oo isku daya inuu gudaha Xaruntaas u gudbo, xataa shaqaalihii Xafiiskaas. Waxa goobtaas iigu yimi koox Suxufiyiin ah oo uu ka mid ahaa Suxufiga weyn ee Axmed Xuseen Warsame oo markaa ka hawlgali jiray TV-gii la odhan jiray Raad, isla markaana waxaannu madashaas oo dad badani ku soo xoomay ku warraysannay mid ka mid ah Askartii ilaalada ka ahayd Xafiiska oo noo sheegay intaanu gaadhiga meesha lagu qarxiyay qarxin in uu waxoogaa daba ordayey, ka dib markuu istaagi waayayna uu xabbad ku riday, dabadeedna uu qarxay.

Markaa ka dib, waxaannu u dhaqaaqnay dhinaca Waqooyi, waxaannu ka tallawnay Dooxa Magaalada kala qaybiya, annaga oo markaa u soconnay Xafiiska Itoobiya oo dhinaca Waqooyi Dooxa ka saaran, oo qaraxa labaad ka dhacay, daqiiqado yar markaannu joognay goobtaas oo Shinnida Malabka samaysaa dusha sare ka hadhaysay, Dad badanina isugu yimi, ayaa ilaalada Madaxtooyada Askar ka tirsani ay Rasaas nagu fureen, isla markaana nagu amreen inaannu meeshaa ka tango.

Dib ayaanu halkaa uga baxnay, waxa waxoogaa nagu adkaatay inaannu u gudubno dhinaca Madaxtooyada oo qaraxa ugu xooggan ee sababay dhimashada iyo dhaawaca ugu badannaa maalintaa ka dhacay, ammaanka oo aad loo adkeeyey awgii. Wax yar ka dib Aniga iyo koox aan ku jiro waxa noo suuragashay inaannu gaadhno Cusbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa oo lagu daad-guraynayey dhimashada iyo dhaawaca dadka goobaha weerarradaas lagula yaacayey.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadaas Toban sano ka hor 29-kii October 2008 ka dhacday Hargeysa, waa ta sababtay qodobbada kor ku xusan ee xusuusta guud iyo ta gaar-ba leh, isla markaana Aniga markhaatiga iiga dhigtay tilmaamaha nuxur ahaan dareenkaygii maalintaas iyo saamayntii kelida igu ahayd Arbacadaas, iyaga oo qaraxyadaasi ahaayeen kuwii ugu sanqadha ama gariirka waynaa ee ay dhagahaygu maqlaan. Waxaanan Qaraxyadaas Hargeysa u aqoonsaday inay ahaayeen Qiso Qaawanaan I eriday, sida Ciwaanka qoraalka idiinka muuqata, maaddaama oo wakhtigaa Qaraxyadu innagu cusbaayeen, waayo-aragnimo sida hadda oo kale ahna aanay Dadka badan oo aan ku jiraa ka haysan, naxdintooda ayey lahaayeen.

Laakiin, waxa laga yaabaa in wakhtigan Qarax baa dhacay markay maqlaan iyagoo dareemaya inuu dhibaato leeyahay ama geystay, haddana waxa suuragal ah inaanay naxdin sidaa u weyn Dad badan ku hayn ama sidii xilliyadaa loo dareemi jiray loo dareemin, waayo Dhulka Soomaalida, Dhegaha iyo Indhaha Soomaalida-ba Qarax baa daashay.

Intaas ayaan ku soo koobayaa xusuustii qalinkayga iyo Xaaladda Arbacadii Madoobayd! oo sababta igu kelliftay tahay keliya inaan dib u jalleeco dareenkaygii maalintaas 10 sano ka dib, kagana qayb-qaato xuska iyo xusuusta qaraxyadaas Hargeysa ee dhacay 29-kii October 2008, waxaanan tacsi u dirayaa guud ahaanba Qoyska intii ku dhimatay, Qaranka iyo Bulshada ay ka baxeen, oo aan leeyahay Samir iyo Iimaan saadiq ah Illaahay ha innaga wada siiyo, intii dhimatayna Illaahay ha u naxariisto, Dhammaan Ciddii dhibi ka soo gaadhayba waan u ducaynaynaa. Dadka kale ee ay dhibaatada badani ka soo gaadho maalinkasta Qaraxyada ka dhacaya Soomaaliya, illaahay haka qaboojiyo insha Allaah. ….Aammiin…..Aammiin…. Aammiin. Allaah ha aqbalo.

Dhammaad….

Qalinkii Cabdifataax Ismaaciil Mursal

mrmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.

Dhalinyaro Taabacsan Cabdi Iley oo Isku Dayday Inay Maxaabiis La Baxaan iyo Booliska oo Xabsiga U Taxaabay

Siyaasi ka dhawaajiyey in Hadalka “Telefoonka” Madaxweynaha Suuqa lagu dhegaysan doono haddii…..

Waraysi xasaasiya oo lala yeeshay Aqoonyahanka ka soo jeeda…

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>