Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Siilaanyo oo qoraal uu maxkmada u qoray ku cadeeyay in xisbiyada qaranku awood u siiyeen in uu ka soo taliyo oo qudhaata Saami Qaybsiga ee aanay awood u siin in uu kordhiyo

$
0
0

Qoraalkani hoos yaala waxa maxkamada sare u diray madaxweynaha ku meel gaadhka ah waxna uu ku qeexayaa codsigani in asxaabta qaranku ay madaxweynaha u suu gudbiyeen in uu go’aan ka gaadho saami qaybsiga golaha wakiilada ee iman doona, manay ahayn waxa loo soo gudbiyay in uu mudo kordhin sameeyo aan meesha qaban qoraalkani waxa uu cid walba u cadaynayaa in uu Siilaanyo ka leexday dhabadii iyo taladii loo keenay, waxna haboon in maxkmadu tixgaliso waxii ay ku heshiiyeen xisbiyada qarnka iyo xukumaddu, qoraalkanina akhri waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Maanta u gudbiyey qoraal Codsi dib-u-eegida Qaraarkii Fasiraada ee Maxkamadda Dastuuriga ah. Waxaanu u qorsaa sidan:-

Ku: Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Hargeysa

Og: Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah (Sonsaf) Hargeysa

Og: Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta (APD) Hargeysa

Og: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Hargeisa

Og: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Hargeisa

Og: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Hargeisa

Og: Guddida Doorashooyinka Qaranka Hargeisa

Og: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Hargeysa

Og: Shir-guddoonka Golaha Guurtida Hargeisa

Ujeeddo: Codsi dib-u-eegid Qaraarkii Fasiraada ee Maxkamadda Dastuuriga ah

Mudane Guddoomiye,

Markii aan tix-raacay go’aanka axsaabta qaranka ee ay kalsoonida buuxda ii siiyeen in aan go’aan ka gaadho Mashruuca Saami-Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, ka dib markii ay ku adkaatay in ay talo middaysan iyo xal rasmi ah ka gaadhaan.

Markii aan tixgeliyey Warbixinta Akaademiyada Nabadda (APD) iyo Dallada ay ku bahoobeen Ururrada Bulshada Rayidka ah (SONSAF), oo si cad u muujiyey codsiga Bulshada Gobollada Somaliland, kaas oo ku soo ururraya baahida loo qabo in si caddaalad ah loo qeexo Saami-qaybsiga Kuraasta Aqalka Wakiillada doorashada ka hor, warbixintaas oo tilmaantay gobolna in aanuu ku qanacsanayn tirada kuraasta uu wakhtigan haysto, sidaa darteedna ay muhiim tahay in loo helo xal waara.

Markii aan arkay qoraallada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Warbixinta Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Aqalka, oo si qeexan u faahfaahiyey tabashada Gobollada Dalka ee Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, kuna taliyey in talo qaran laga yeesho.

Markii aan arkay Dastuurka Qaranka Qodobka 8aad xubintiisa 1aad iyo 2aad, Qodobka 22aad iyo Qodobka 90aad.

Markii aan qiimeeyey Qaraarkii Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu qabtay Doorashadii Golaha Wakiillada ee 2005-kii, kaas oo jidaynayey in Saamiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee hadda lagu kala fadhiyo hal mar oo keli ah doorasho lagu galo, wixii ka danbeeyana tiro-koob guud dalka laga qabto.

Markii aan garwaaqsaday cabashada madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta Gobolka Awdal ee ku saabsan saamiga uu hadda gobolkaasi ku leeyahay Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii aan garwaaqsaday cabashada madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta Gobollada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle ee ku saabsan saluugga awood qaybsiga talada dalka iyo saamiga ay hadda gobolladaasi ku leeyihiin Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii aan ku qancay cabashada Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay ee ku saabsan Saamiga Kuraasta Golaha Wakiillada, taas oo u baahan in loo sameeyo qorshe u gaar ah.

Markii aan yaqiinsaday in qaabka saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada haddii doorashada lagu galo sidii hore, ay caqabad ku noqon karto shirarka nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta qaran ee aan ku martiqaaday wax-garadka iyo waayeelka bulshada deegaanada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle ee ka dhici doona Magaalada Burco 25/10/2016-ka.

Markii aan shaki la’aan isku qanciyey in muddada kooban ee ka hadhsan Xilliga Doorashada Golaha Wakiillada, iyo Ahmiyadda Siyaasadeed ee ay Qarankan u Leedahay in la helo saami-qaybsi lagu wada qanacsan yahay oo si sharciga waafaqsan u daboola cabashooyinka hadda taagan aanay suurtagal ahayn in lagu dhamaystiro xilliga doorashada ka hadhay oo dhan 7-bilood, iyada oo loo baahan-yahay in la helo wakhti ku habboon oo lagu xalliyo mushkiladan.

Markii ay ii cadaatey in haddii Doorashada Golaha Wakiillada lagu galo qaabka saami-qaybsiga ee hadda jira, ama la sameeyo saami-qaybsi cusub oo aan laga baaraan-degin ama aan taladiisa la balaadhin oo u muuqda mindi roortayn, in taasi ay keeni karto muran iyo buuq hor leh oo sabab u noqon kara in uu galaafto doorashada kale ee barraxan, taas oo micnaheedu yahay in labada doorasho uu ku yimaado dib-u-dhac, laf-jab qarankan ku ah.

Markii aan ka duulay sida ay iiga go’an tahay shakhsi ahaan in aan dalkan ka suurta-geliyo doorasho xor iyo xalaal ah xilligii loogu talo-galay.

Markii aan dersay Go’aankii Golaha Guurtida ee jideeyey in labada doorasho (Wakiillada iyo Madaxtooyada) hal mar la wada qabto 28/03/2017 iyo Go’aankii Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ku ayidday labada doorasho ee isku-lamaan.

Markii aan xaqiiqsaday in ay tahli kari waayeen Mudanayaasha iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu diyaarinta Xeerka Doorashada Aqalka ee uu bud-dhigga u ahaa Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilladu, xilligii ku habboonaa muddo xileedkii dheeraa oo uu goluhu lahaa mas’uuliyadda sharci-dejinta koowaad. Aniga oo dareensan in markii ay golaha ku adkaatay in uu iskaga aragti noqdo qabyo-tirka xeerkan, gaar ahaan xal u helidda Saami-qaybsiga kuraasta uu isa soo dhaafiyey oo uu ii soo gudbiyey.

Markii aan xog-ogaal u noqday in Doorashada Golaha wakiillada ay hortaal caqabad farsamo oo aan yarayn, taas oo salka ku haysa Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Cusub, arrintaas oo u baahan in la dhiraan-dhiriyo, loona xalliyo hab xigmad iyo xeelad leh.

Markii aan qiimeeyey in ilaalinta midnimada iyo wada jirka Ummadda Somaliland ay tahay waajib hoggaamiye ahaan i saaran, taas oo mudan in aan muhiimada ay leedahay darteed ka hor mariyo wax kasta, iyadoo ay iga go’an tahay in aan ka tago dal mid ah iyo dad midaysan.

Waxaan go’aamiyey;

in aan Doorashada Golaha Wakiillada lagu gali karin saamiga gobollada ee hadda jira.

in dib-u-eegis iyo dib-u-qaybin lagu sameeyo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobollada, iyadoo tixgelin wayn la siinayo deegaanada Awdal, Sool iyo Sanaag Bari.

in qiimayn iyo tixgelin lagu sameeyo saamiga kuraasta Golaha Wakiillada ay ku yeelan karaan Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay.

in aan u magacaabo guddi qaran oo hawshan soo fududaysa ama isku soo duba-ridda talo sal balaadhan oo qancin karta dhinacyada kala duwan iyo daneeyayaasha sharci.

in la kala qaado Doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada, si loo helo muddo ku filan hawlaha go’aanada sare ku xusan, iyadoo Doorashada Golaha Wakiillada dib loo dhigayo, halka Doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabanayo.

Haddaba, ka dib markii aan soo saaray go’aamada kor ku xusan, waxaan u gudbiyey Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland si uu uga guto waajibkiisa dastuuriga ah, maadaama ay iyagu hore ugu codeeyeen in la isku lamaaneeyo labada doorasho ee Wakiillada iyo Madaxtooyada, isla markaana go’aan ku soo saareen.

Mudane Guddoomiye, waxaan si xushmad leh kuugu war-gelinayaa in Golaha Wakiilladu iyaga oo tixgelinaya sababaha aan u cuskaday dartood ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 17/09/2016, go’aan Lr. GW/KF-31/708/2016 kala qaadista Doorashada Golaha Wakiillada iyo Doorashada Madaxtooyada, iyadoo Doorashada Golaha Wakiillada dib loo dhigayo, Doorashada Madaxtooyadana wakhtigeeda lagu qaban doono.

Sidaa darteed, waxaan Maxkamadda Dastuuriga ah ka codsanayaa in ay dib-u-eegis ku samayso Qaraarkii Fasiraadda ahaa ee Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MS/DD/02/2015 ee 18/08/2015, iyada oo ka duulaysa, isla markaana tixgelinaysa sababaha kor ku xusan.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


Waftigii ka socday dawlada Maraykanka oo dalka ka dhoofay iyagoo cadhaysan Siilaanyona u sheegay in uu qabto doorashooyinka

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-news)- Ilo wareedyo ku dhow dhow wasiirka arimaha dibada ee Somaliland ayaa noo xaqiijiyay in wafti balaadhan oo ka socday dalka Maraykanka oo dalka soo gaadhay una yimid sida ay dawlada Maraykanku uga xuntahay inla kala qaado labada doorasho ee wakiilada iyo madaxtooyada ee Somaliland ay soo gaadhsiiyeen madaxweyne Siilaanyo iyo xukumaddiisa, waftigani oo maanta dalka ka dhoofay ayaa wararku sheegayaan in ay cadho kala laabteen madaxweyne Siilaanyo oo ah shaqsi aan dalka maamulin isla markaasina ay dalka ka taliyaan qoyskiisa oo ay ugu horayso habarta uu qabo iyo wiilka ay sodoga u tahay ee Bashe Cawil Omar (Morgan).

Waftiga ayaa kulan dheer oo ay la qaateen madaxweyne Siilaanyo iyo xubnaha ku hareeraysan waxa ay u sheegeen in hadii aan la fulin doorashada golaha wakiilada oo ayna shicibku wax soo dooran oo ayna helin cidii matli lahayd meel lagaga dhacaayo dimuquraadiyadii mudada dheer ay Somaliland soo dhisaysa.

Masuul ka tirsan xukumadda Siilaanyo oo diiday in uu magaciisa sheego ayaa arintaasi ku raacsan wadamada Somaliland ka taageera doorashooyinka, waxna uu xusay in dalku u baahnyahay in ay doorasho ka dhacdo oo waliba la is raaciyo labada doorasho, caalmkuna sidaasi ayuu ogolyahay shicibka Somaliland guud ahaana sidaas ayay taageersanyihiin.

Isu soo baxii shalay ee ardayda beenta loogu soo saaray waxa dhoolatus been ah looga dhigaayay waftigani oo dalka ku sugnaa, waana mid ka mid ah calaamadahii aynu ka dhaxlnay dawladii kali taliska ahayd ee Siyaad Bare Siilaaanyona waxa uu noqday arday ka mid ah ardaydii macalinkaasi.

Waftigan Maraykanka ah oo ay xukumaddu qarisay imaatinkooda, waxa ay saaka ka dhoofeen magaalada Hargeysa, lamana hayo ilaa hada saxaafad ay la hadleen xitaa kuwa dawlada taageera iyo warbaahinta dawladu toona waxba kama ay sheegin imaatinkooda iyo bixitaankooda.

Colaadii Ceelafweyn iyo deegaanada ku xeeran oo la soo afjaray iyo go’amo ay xukumaddu ka soo saartay oo lagu wada qancay halkani ka akhriso

$
0
0

Ceelafweyne,(Qaran-news)- Waxa maanta la soo afjaray colaadii u dhaxaysa labada ardaa ee walaalaha ee ku wada nool deegaanka Ceelafweyn,waxana wada hadalo iyo isu soo dhawayn iyo wada hadashiin labadii beelood ee colaadu dhex martay waxa lagu guulaystay in heshiis ay labada dhanba raali ka noqdeen la gaadhay, waxana uu heshiiskaasi u dhignaa oo ay xukumadda Somaliland soo saartay isla markaasina uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada qarannews.

JAMHUURIYADA SOOMAALILAND

GO,AANKA DAWLADA JSL

GO,AANKA DAWLADA JSL KA SOO SAARTAY DHUL-DAAQSIMEEDKA, DEEGAANKA IYO BIYAHA DUUD CARAALE IYO GUUD AHAANBA DHULKA BULSHADU WADA DEGTO EE DEEGAANADA CEELAFWAYN
21.09.2016
CeelAfwayn, SANAAG

HORDHAC
Ka dib shaqaaqadii ka dhacday deegaanka kor ku sheegan oo keenay dhimasho iyo dhaawac ay sabab u tahay khilaafka dhulka, daaqa iyo deegaamayntu, ayaa dawlada JSL ka soo saartay go,aamada hoos ku xusan si ay deegaankaas uga hirgasho nabad waarta, wada noolaansho iyo baad iyo biyo wadaag loo siman yahay.
UJEEDOOYINKA GO,AANKAN;
1. In la sugo lana helo nabad waarta oo dhexmarta beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaamada Ceel Afwayn,taas oo ku salaysan is aamin iyo wadaaga baadka iyo Biyaha

1. GO,AAMADA XUKUUMADU WAA SIDAN HOOS KU CAD;

1.1 NABADGELYADA
B- Dawlada ayaa ka masuul ah guud ahaan nabadgalyada iyo amaanka shacabka JSL, gaar ahaan deegaamada go,aankani sida tooska ah u saamaynayo.
T- Waxa reeban sidashada hubka sharci darada ah mid shaqsi, mid kooxeed iyo ciidan beeleed hubaysan .
J- Gebi ahaanba waxa reeban haysashada hubka culus ee uu ugu yar yahay qoriga BKM. Cidii lagu arko hubka noocaas ah, waxa loo aqoonsanayaa dambiile khalkhal gelinaya nabadgelyada waxana ciidanka nabadeglyadu ka qaadayaan talaabada ku haboon.
X- Waxa reeban nooc kasta oo hub ah in lala soo galo goobaha dadku wada dego, tuulooyinka iyo Ceelasha biyaha.
Kh- Ciidamada ilaalinta nabadgelyadu waxay awood sharci oo buuxda u leeyihin in ay ka hortagaan isla markaana ka qaadaan talaabada sharci ee ku haboon cidkasta oo samaysa falal ka dhan ah nabadgelyada
KH- Waxa la farayaa waxgaradka,odayaasha iyo hogaamiyayaasha dhaqanka ee beelaha (Cuqaasha) in ay kala diraan ciidan beeleedyada hubaysan 24 saacadood gudahood oo ka bilaabanta maaanta oo taariikhdu tahay 21/09/2016.
C- Ciidanka qaranka waxa la farayaa in ay dabagal iyo hubin ku sameeyaan dhaqangelinta iyo fulinta go,aanka kala dirista ciidan beeleedyada.
D- Shakhsiyaadka ama kooxda ka hortimaada kala dirista ciidan beeleedyadaas, fulin wayda qodobada go,aanka iyo awaamiirta ciidanka qaranka waxa loo aqoonsanayaa dambiile/dambiilayaal waxaana laga qaadayaa talaabo kasta oo ku haboon iyadoo la horgayn doono hayadaha sharciga.

1.2 DAAQA
B- Iyadoo la tixraacayo degreetada madaxwaynaha JSL, dhulka daaqa iyo deegaanka xoolaha lagu dhaqaa waa hanti qaran oo ay masuul ka tahay dawladu sidaas awgeed, lama kala laha, lamana kala sheegan karo,dhulkuna manaafacaadsigiisa waa loo siman yahay
T- Cidii ay ku cadaato inay cid kale ka sheegato dhul daaqsimeedka, waxa ciidanka iyo hayadaha amnigu u xilsaaran yihiin inay talaabo sharci oo ku haboon ka qaadaan.

1.3 DEEGAANKA IYO DEEGAAMAYNTA
B- Gebi ahaanba waxa la joojiyo deegaamaynta dhul daaqsimeedka dadka ka dhexeeya oo had iyo jeer sabab u noqda khilaafka bulshada deegaanka iyo colaadaha sokeeyo.
T- Lama deegaamayn karo guud ahaan dhulka xooluhu daaqaan ee aan loo haysan ogolaansho dawladeed oo sharci ah.
J- Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 21/09/16 waxa reeban in deegaamada dhul daaqsimeedka laga yagleelo magaalooyin, xidhmooyin, tuulooyin, ceshiimooyin, Baraago, IWM.
X- Maamulada gobolka Sanaag,Sool iyo maamulada degmooyinka Ceel-Afwayn, Garadag, Dararwayne, Awr Boogays iyo Xudun awood sharci uma laha ogalaashaha iyo bixinta degsiimooyin cusub oo laga yagleelayo dhul daaqsimeedka ilaa iyo inta sharci qeexayaa ka soo baxayo.

1.3.1 Deegaamaynta Bacaha:
Dawladu iyadoo ka duulaysa:
Soo afjarista shaqaaqooyinka soo noqnoqday ee ku salaysan deegaamaynta goobtaas
Ilaalilnta iyo daryeelka dhuldaaqsimeedka dadka ka dhaxeeya
Go,aamadii maamulka Gobolka Sanaag iyo Ceel- Afwayn ka soo saareen goobtaas

Dawlada JSL waxay go,aamisay ;
B- In deegaanka Bacahu uu yahay dhul daaqsimeed dadka ka dhaxeeya oo aan la kala sheegan Karin.
T- In ugu danbayn 10 bisha Tobnaad (10/10/2016) gebi ahaanba la baabiyo, lana aaso dhamaan waxii dhisme ka jira deegaanka bacaha sida; godadka bacaha la geliyo ee biyaha, waabab,Buulal, xidhmooyin, IWM
J- Waxa reeban in goobtaas laga sameeyo wax berkado ah.

1.3.2 Deegaamaynta Isku-Kufka:
Dawladu iyadoo ka duulaysa:
Iyadoo laga hortagayo in aan deegaamada dhul daaqsimeedka laga samayn yagleel cusub.
Ilaalilnta iyo daryeelka dhuldaaqsimeedka dadka ka dhaxeeya
Go,aamadii maamulka Gobolka Sanaag iyo Ceel- Afwayn ka soo saareen

Dawlada JSL waxay go,aamisay;
B- In deegaanka isku-Kufka yahay dhul daaqsimeed dadka ka dhaxeeya oo aan la kala sheegan Karin.
T- In ugu danbayn 10 bisha Tobnaad (10/10/2016) gebi ahaanba la baabiyo dhismayaasha ka jira deegaanka Isku-Kufka
J- In aan laga samayn Karin berked biyood nooc kasta oo ay tahay marka laga reebo berkada kaliya ee imika ka jirta Isku-Kufka, taas oo hore loo ogolaaday.

1.3.3 Dhismayaasha Ceelka Dogoble:
Nabadu waa aasaaska wada noolaanshaha bulsho kasta . Dawlada JSL iyadoo;
Ka duulaysa Soo afjarista shaqaaqooyinka soo noqnoqday ee ku salaysan deegaamaynta ceelka Dogoble
Ka duulaysa nabadaynta iyo wada noolaanshaha beelaha walaalaha ah ee wadaaga baadka iyo biyaha deegaanka ceelka dogoble.
Ka duulaysa texgelinta iyo dhaqangelinta heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Dararwayne 1993kii oo qeexayay in aan la deegaamayn Karin ceelasha Duud-caraale

Dawlada JSL waxay go,aamisay ;
B- In ugu danbayn 10 bisha tobnaad (10/10/2016) lagu baabiiyo dhamaan dhismayaasha ceelka Dogoble.
T- Waxa Reeban in dhismayaal iyo degsiimo laga sameeyo Ceelasha Duud Caraale go,aankan ka dib.
J- In dawladu bixiso magdhowga dhismayaasha rasmiga ah ee ka kooban daaraha, sandaqadaha iyo kuwa dhagaxa ah .
X- Qiimaynta hantidaas waxa Dawladu u saaraysaa Guddi farsamo oo madax banan oo aqoon u leh qiimaynta hantidaas.
KH- Marka ay soo baxdo qiimaynta hantidaasi, waxay Xukuumadu ku bixinaysaa magdhowga lacagta ah ee dhismayaashaas 30 cisho gudahood.

2. BIYAHA
B- Biyaha dabiiciga ah ee ceelasha iyo dooxooyinka lama kala laha, gaarna looma kala sheegan karo, si siman ayaana loo wada cabayaa dad iyo duunyo.
T- Ceelka Dogoble waxa masuul ka ah wasaarada biyaha oo keenaysa mishiino iyo shaqaale dhex u ah bulshada deegaankaas. Inta la keenayo mishiinka wasaarada waxa lagu cabayaa habka wadaanta ama mishiin ay ciidanka qaranku maamulaan. Waxaana ka reeban in lagu isticmaalo mishiin gaar loo leeyahay.
J- Wasaarada biyihu wxay ka dhisaysaa ceelasha dushooda taangi biyood sida ugu dhakhso badan.
X- Maadaama Ceelka Dogoble iyo ceelasha kale ee Duud Caraalle ku filan yihiin waraabka xoolaha, waxa la mamnuucay dib u qodista ceelka Dhuxulaalay gebi ahaantiis.
Kh- Hadiiba ay timaado baahi loo qabo qodista ceelka Dhuxulaalay oo ay bulshada deegaanku isku raacsan tahay waxa awooda bixinta iska leh dawlada dhexe ee JSL oo kaliya.
C- Waxa gebi ahaanba mamnuuc ah in degsiimooyin laga yagleelo ceelasha Duud caraale ee xoolaha laga waraabiyo dushooda.

3. DHIMASHO IYO DHAAWAC
B- Dhamaan dadkii ku geeriyooday 2dii dhacdo ee kala dambeeyay oo ah 13 qof ( Saddex iyo Toban) waxa ka waajibtay mag.
T- Qadarka iyo qiimaha magta dadka dhintay waxa lagu kala qaadanayaa qofki 130 Halaad( Boqol iyo sodon Halaad)
J- Jifada magahaas waxa lagu kala qaadanayaa 40 Halaad oodhogor ah waxaana lagu bixinayaa muddo dhan 30 cisho oo ka bilaabanta berri oo taariikhdu tahay 22/09/2016.
X- Magwaynta kale waxa lagu kala qaadanayaa qiime dhan $400 ( Afar boqol oo dollar Hashii), waxaana lagu bixinayaa muddo dhan 90 cisho kalliya oo ka bilaabanta berri oo taariikhdu tahay 22/09/2016
KH- Waxii dhaawac dhexyaala beelaha walaalaha ah waxa lagu xalinayaa oo loo marayaa habka shareecada Islaamka, waxaana loo saarayaa Guddi culimo ah oo khibrad u leh muddo 90 Cishogudahood ah.
Kh- Magahaas hadii mudadaas kor ku sheegan lagu bixin waayo, Xukuumada awood u isticmaalaysa si ay ugu bargoyso.

4 FULINTA GO,AAMADA IYO DHAQANGALKOODA
B- Hadii la jebiyo dhaarta labada Beelood iyo qodob kamid ah qodobada go,aankan waxa reerka ay ku cadaataa mutaysanayaa xadhig loo maray sifaha sharciga iyo bixinta ganaax lacageed oo ah $20,000 oo lagu qiimaynayo hadba dhumucda dhacdadu inta ay leegtahay.
T- Dhamaan qodobada heshiiskan waxa fulintooda ka masuul ah dawlada JSL oo ay wakiil uga yihiin Ciidanka Nabadgelyada iyo wakiilada heer gobol iyo degmo oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ee deegaanka( cuqaal iyo Salaadiin).

5 WAQTIGA DHAQANGALKA GO,AANKAN
B- Go,aankani waxuu si rasmiya dhaqan gal u yahay marka la soo saaro nuqul ay ku saxeexan yihiin wasiirada xukuumada ee uu Madaxwaynaha JSL u soo igmaday arinta khilaafka Duud Caraale iyo deegaanka Ceel-Afwayn.
T- Laga bilaabo taariikhda go,aankani soo baxo waa dhaqan gal qodobadiisu, xogta nuxur ee u xambaarsan yahay iyo guud ahaan fulinta awaamiirta uu tilmaamayo.

6 SAXEEXA GO,AANKAN
Go,aamada waxa soo saaray oo saxeexay xubnaha wasiirada hoos ku qoran oo madaxwaynaha JSL u igmaday xalinta arinta;

1. Yaasiin Maxamuud xiir (Faratoon) Wasiirka Arrimaha gudaha ——————————

2. Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Madaxtooyada ——————————-

3. Cusmaan Cabdullahi Saxardiid ( Cadaani) Wasiirka Warfaafinta —————————–

4. Cali Saciid Raygal Wasiirka Dibu-dejinta iyo Dibu dhiska ——————————

5. Farxaan Aadan Haybe Wasiirka Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka —————————

6. Cabdirashiid Maxamuud Cali W. Dawlaha Xanaanada xoolaha —————————

7. Maxamuud Warsame Jaamac Wasiir Xigeenka Gaashaandhiga —————————-

Daawo Xisbiga Waddani oo daboolka ka qaaday in aan sharciyan madaxweyne Siilaanyo aanu sharci u lahayn in uu kala qaado labada doorasho

President and the Leaders of the Whole Nation Support Unconstitutional idea: They are not even deserving of a one-day extension

$
0
0

Somaliland Parliament has been illegitimate, undemocratic and ineffective. Therefore, they are not even deserving of a one-day extension. Sitting in the parliament office for 12 years, paying $2000 American dollar for taxpayer money, and collecting tens thousands of dollars for motions that brought by governments is not acceptable. More than four times extensions, it is ridiculous.
The president is reckless and irresponsible because he is not able to fulfil his responsibilities. He has been sitting in office for almost seven years, and he has been making senseless excuses when it comes to parliament issue. What they have done while in parliament? As the advocate of the people of Somaliland, we are not ready to allow a one-day extension in the office. Get out of here and get a life.
The constitutions clearly state how long a party can be in parliament: Article 42: Period of Office and Election Term
The period of office of the House of Representatives is 5 (five) years beginning from the date when the Supreme Court declares the electoral results.
3. If the election of the House of Representatives cannot be conducted because of dire circumstances, the outgoing House shall continue in office until the end of these circumstances and a new House is elected. Dire circumstances are: a wide war, internal instability, serious natural disasters, such as earthquakes, epidemic diseases, (and) serious famines; and shall be determined and resolved by the House of Elders on the proposal of the Council of Government.
The public has serious discussions about the parliament and the role of the institution and its place within a broader system of democratic government. It is clear, there are not any circumstances that allow for them to remain in office. There is not a: wider war, internal instability, serious natural disaster, such epidemic diseases and serious famines.
Building up the institutions are the pillars of the democratic society that include multi party, judiciary branch, minority groups, social media, auditing general, central bank, house of elders and house of common. Today in Somaliland, no one can imagine what the current regime has done. He has destroyed the opposition parties; the house of elder became the puppet and parliament received its rewards after melting up the current regime. Over 70% of the parliament became a member of the government party (Kulmiye).
In other words, the Somaliland parliament and the current government have become one, nobody can differentiate them. Somaliland people are registered to vote. All six regions were conduct and every citizen is a registered voter. The number of the parliament is 82. Why has each region taken its own portion of that number? That is the a legitimate, democratic and fair. I don’t get why the current regime is hiding it.
The president as well as the parliament has not achieved any major accommodation. The current regime has had a rhetorical propaganda (Dalkeena Nimca fadhida) (the country is full of wealth.). They have claimed to achieve prosperity and development. This is propaganda. They do not even know the definition of the country’s development. Do they really know, the economic development as well as the human development? Did they even measure the GDP, the unemployment rate, the rate of child mortality, the country’s life expectancy and so on so forth.
Least but not last, stop blaming the donors. They have the right to intervene you, because they have been paying your bills, donating to your elections and watching you because of due process. Somaliland people are eager to have acknowledgement from the world community because of the peace, self-reliance and prosperity they have achieved for last 25 years without effective and efficient government.

Osman Awad

Madaxweyne Siilaanyo ma aragteen, Saleebaan meeyey, wadankii wuxuu gacanta u galay ….

$
0
0

Shacabka Somaliland waxay is weydiinayaan madaxweynihii ay codka ugu badan ku doorteen ee Somaliland soo mara. Wadanka waxaa ka dhacay kacaan, shacabku aad iyo aad ayay u xamaasadaysnayeen iyaga oo ku naaloonayey in mar uun siilaanyo dalka madaxweyne ka noqdo, riyadaasu way rumawdey dadkuna aad bay ugu riyaaqeen , raynrayn iyo damaashaad farxad iyo rajo wacan ayay ahayd. Muddo ka dib waxaa yimid waaqicii waxaana la waajahay xaqiiqdii dhabta ahayd.

Inkastoo xukuumadanu qabatay wax badan oo aan la dafiri Karin sida, mushahaarooyinkii oo la kordhiyey, iskuuladii hoose dhexe oo bilaash laga dhigay dib udhis dhinaca wadooyinka, dhismayaasha dawlada,dayactirka garoomada diyaaradaha,bixinta derajadii ciidamada, taas waxaa barbar socotey saluug dhinacyo badan leh sida:hogaanka qaranka oo taladiisii fara badatay, u sinaan la’aanta xaqii iyo xuquuuqdii bulshawaynta Somaliland nidaamkii ama hankie shaqaalaysiinta oo qoys qudha noqday iyo qandaraas bixintii oo noqotay mid lamida ta hore , waxaa kaloo jirey isbarbar yaac dhinaca hanaanka maamulka dawladnimo,iyadoo siyaasiin badani ku salugeen xisbiga kulmiye iyo xukumadisa in taladii qaranka hagayaashiisii bateen, tusaale ahaan wasiir iyo agaasime awooda isku qabsada, wasiir wasiir ka amar qaata tani waa ta ugu wayn oo in badan oo siyaasiyinta Somaliland ahi ay ku dhaleceyaan wasiirada madaxooyada Somaliland inay yihiin kuwo amra wasiirada ay isku degreetada yihiin,islamarkaana ay u taliyaan,wasiir wafti ama shir hogaaminaya iyada oo wasiirkii shaqadaa lahaa xaadir yahay.`

Markay intaasu dhacday waxay shacabka Somaliland is weydiiyeen siilaanyo mee?
Kulmiyese ma caynkan buu ahaa?
Waa maxay is barbar yaacani? Saleebaan meeyay?

Waxaa marar badan dhacday dadkuna ka dheregsanyihin in saleebaan maxamuud aadan uu dhex dhexaadiyey xisbiga kulmiye balse arimo kale oo fara badan oo dalka ka dhacaya aanu wax shaqo ah ku darsan arimahaas oo saamayanayey nabad gelyada iyo jiritaanka dalka, waxaa fagaaraha lagu arki jirey caadana u ahayd in marka arin kulmiye ahi taagan yahay,se maanta waxay shacabku is weydiinayaan tii kulmiye ee uu ku dedaalijireyna ma ka gaabiyey, shacabku waxay leeyihiin Saleebaan ma aragteen?,

wadanka ma waxaa gacanta loo geliyey, muuse ducadiid iyo Maxamud Benaale, waa laba mujaahid dalkana xaqweyn bay ku leeyihiin balse isweydiintu waxay tahay iyagoo xilal soo qabtay oo ayan inagu cusbayn su,aashu waxay tahay,ma hogaaminkaraan dalkan iyo dadkan?
ma derejada mujaahidiin baynu uga indha qarsanaa waxay galaan iyo waxay gudaan,ta kale in ay dalkan u soo dagaalaman waxay ahayd waajib saaran qof walba oo kamid ahaa dadkii waqtigaa dulmiga ka tirsanayay Nidaamnkii Siyaad Barre, ee ma waxay u soo dagaalameen, inay shacabka ugu mano sheegtaan mustaqbalkoodana ku afduubaan,danahoodana ku fushadan haday saa ahayd, anigu iima muuqato wax xal ah.

Taariikhdu iyadaa wax hagta, Muuse biiixi markii dalka la soo galay Mujaahidku, wuxuu ahaa kana mid ahaa kuwii duway qorshihihii dhiiga badan u qubtay,ee dalka u horseeday dagaalka sokeeye, maalintaasna sida maanta looga aamusan yahay ayaa looga aamusay waxana ka dhashay,in badaha lagu dhamaado, lagu caydhoobo,dadkii shalay midka ahaa ay is qabsadaan oo iska horyimaadan, waxase qurux badan in lays waydiiyo dawlad baad dumisays sidaad isku tihiin dawlad dhiska iyo maamulka suuban?.

Haweenkan saarka lihi horaa loo yidhi qaran ay taladiisa haween hayaan ma tisqaado,hadaad aragto qaran is haysta,horumarkii damay,hankie umadu bahdilmay waa qaran cadaaladii mesha ka baxday taladiina hawen saar leh iyo dad aan dhaamin soo galeen.

Maxamuud xaashi isaga hore ayaa loo yidhi tuug waad la dhaqmi kartaa,lana noolan kartaa oo waad iska ilaalin se beenaale lalama dhaqmi karo,maxamuud xaashi isagu waa kala qaybiyaha iyo kala qobqobka reerihii,midnimadu dhextaalay waana qabyaali cunsuri ah,waana raga manta aan hore u talin jirin ee manta taladu ku cusubtay,ee maxamud xaashow qarankan aad dantada uun ka dhex aragtay ka joogso.

Guntii iyo gebagebadii, madaxweynuhu shacabkiisa wuu u kala eexday,taladii qranku way farabadatay sidana kugumaanaana dooran waxaan leeyahay madaxweyne dalku maanta wuxuu kaaga baahan yahay badbaado qaran iyo inaad u tudho oo aad isweydiiso yaa dalkan iyo dadkan isku wadi kara, waxaan leeyahay madaxweyne illahay talada teeda san haku waafajiyo.

Shakir Kaaariye
cabdikaariye@hotmail.com
hargeisa somaliland

Maayarka Burco oo daboolka ka qaaday hadii Muuse Biixi dalka madaxweyne ka noqdo in la qaxi doono oo buuraha la gali doono ilahay waxba nooguma dhiibo Muuse Daawo

Air Travel: East Africa Rising

$
0
0
PRESS RELEASE
Analysis of International air travel to East Africa this year reveals strong growth of 11.2% compared with the same period last year
LONDON, United Kingdom, September 21, 2016/ — Analysis of International air travel to East Africa this year (January to August) by ForwardKeys, a company that predicts future travel patterns by crunching and analysing 14m booking transactions a day, reveals strong growth of 11.2% compared with the same period last year.

This is an exceptional performance as growth for Africa as whole has been 5.6%, with countries like Algeria, Egypt, Morocco and Tunisia seeing little growth or even a decline.

Olivier Jager, CEO, ForwardKeys, said: “We are seeing a tale of two Africas, with North African countries suffering from political instability and terror activities and Sub Saharan African countries powering ahead, with Ethiopia up 9.6%, Tanzania up 10.6%, Mauritius up 11.6% and Kenya up 14.9%. South Africa is up 11.4%”

Looking ahead to the remainder of the year, the picture is highly encouraging for East Africa.  International bookings for travel to East African countries, up to the end of December are 17.3% ahead of where they were at this time last year.  Looking at the main origin markets, the UK is 13.2% ahead, Germany is 21% ahead, The USA is 21% ahead, France is 16.1% ahead, the Netherlands is 16.6% ahead, South Africa is 9.4% ahead and India is 34% ahead.

An analysis of airport capacity, defined by the total number of seats, reveals that the stars in terms of growth are Nairobi, Kigali and Kilimanjaro.  Looking at international capacity in the periods Q3 2015 – Q2 2016 and Q3 2016 – Q2 2017, Nairobi grew 0% and 2% respectively, Kigali 5% and 4% respectively and Kilimanjaro 11% and 20% respectively.  Whilst a 2% growth for Nairobi may not sound so impressive, its capacity is around four times that of Kigali.

Looking at capacity for flights within East Africa in the periods Q3 2015 – Q2 2016 and Q3 2016 – Q2 2017, Nairobi grew 0% and 2% respectively, Kigali 13% and 5% respectively and Kilimanjaro 6% and 14% respectively.

The data has been released ahead of AviaDev, a new airline route development conference and AHIF, Africa’s highest profile hotel investment conference, which run concurrently at the Radisson Blu Hotel & Convention Centre in Kigali from 4-6 October 2016.

Jonathan Worsley, Chairman of Bench Events, which is organising AHIF and AviaDev, said: “We are seeing unprecedented interest in the AHIF AviaDev combination, with over twenty airlines signing up to talk about new air routes, with global CEOs of the world’s biggest hotel companies present to discuss their plans for Africa and with government ministers keen to attract inward investment; one has to ask: “Why is there such serious interest?” These highly encouraging booking figures explain it.”

Jonathan concluded: “If what is happening in Rwanda becomes a yardstick against which other East African countries measure themselves, I would expect this strong growth to continue.  There, a new airport is under construction 25km outside Kigali, with the ability to cater for 4.5 million passengers/ year, seven times today’s traffic.  The national airline has invested in new aircraft and set itself ambitious growth plans and the government is actively promoting Rwanda as a destination for conferences and exhibitions.”

Full details on AHIF and AviaDev, including the programme and speaker line-up can be found at www.Africa-Conference.com

Distributed by APO on behalf of Bench Events.


Kenya: Remembering Westgate

$
0
0

v

United Kingdom Foreign and Commonwealth Office
PRESS RELEASE
Kenya: Remembering Westgate
Op-ed by High Commissioner to Kenya Nic Hailey on Third Anniversary of Westgate

Three years after Westgate, I remain horrified by the cowardice and inhumanity of this attack on innocent people enjoying a day out. My heart goes out again to all those who lost loved ones, and to those still living with the injuries they suffered that day. The scars for many will take a long time to heal. Westgate was an attack on all of us. We lost six British nationals there, and we mourn them again on this anniversary. That September I was based in London, as the person responsible for African affairs in our foreign ministry. Like many others… Read more

SOURCE
United Kingdom Foreign and Commonwealth Office

United Kingdom Foreign and Commonwealth Office

Maxkmadda sare oo ay ka hor Cadaatay in Shirkii golaha dhexe ee Lagu doortay Musharrax Jamaal, labada garab wada-qaybsadeen iyo dhaqaalihii ku baxay shirka oo Garabkii New Ucid ku Keliyeysteen+ Markhaatigii Sabce iyo faysal oo qirtay…

$
0
0

Dhegeysigii Maalintii Axaddii Maxkamadda sare ku dhegeysatay qareenadii labada garab ee Xisbiga Ucid u dhexeysa, isla markaana ay kala hoggaaminaayeen Faysal iyo Jamaal, waxa ay Maxkamaddu ku weydiisay Faysal iyo jamaal Su’aalo la xidhiidha heshiiskii labada garab ku mudoobeen iyo sidoo kale, Cida qabatay shirkii golaha dhexe ee lagu doortay Musharrax jamaal Cali xuseen, isla markaana lagu ansixiyey heshiiskii labada garab wada galeen 2012-kii.
Garsoorayaasha ayaa su”aal weydiiyey labada dhinac ee ay u garqaadayeen, Su”aalahaas oo nuxurkoodu ahaa sidan,

Yaa qabta Shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Ucid?. Suaashaas oo jawaabteeda ay ku horreeyeen garabka Jamaal Cali Xuseen oo isaggu ka jawaabay waxa uu yidhi, “shirkaa waxa wada qabtay Labada garab, iyadoo weliba shirka kharashkii ku baxay aan keligay bixiyey, waxana iga markhaati ah, xoghayaha golaha dhexe ee Xisbiga Ucid oo ahaa shir gudoomiyihii golaha dhexe, kaasoo weliba garabka faysal ah”.

Markii intaa uu musharrax Jamaal cali Xuseen yidhi, waxa Maxkamaddu markhaatigii weydiisay Xoghaye Sabce, waxanu yidhi, aniga ayaa xoghayihii golaha dhexe ah ilaa xilligaas, kharashkii shirkii xilligaas ku baxay dhamaantii waxa bixiyey Jamaal iyo garabkii Udub, waxanay kamid ahaayeen dadkii shirka ka qaybgalay”. Ayuu yidhi Mr. Xasan Cismaan Sabce .

Sidoo Kale Maxkamaddu waxay su”aashaas mar kale weydiisay Faysal Cali waraabe, oo isna yidhi, “way jirtaa inuu kharasha bixiyey, garabka jamaal aniguna shirkaan qabtay, sidaasana lagu doortay horta musharrax Jamaal, dee laakin imika taasi ma taagna”.

Waxa mar kalr Maxkamaddu Faysal Cali waraabe in markii ay heshiiska wada galeen labada garab uu jirau Xeerka Ucid, waxanu yidhi “wuu jiray Xeerki oo heshiiska wuu ka horrey”. Waxa kaloo maxkamaddu mar kale Faysal weydiisay miyaad u badheedheen inay iska hor yimaadan heshiiskaa iyo Xeerku, waxanu yidhi “dee waxay ahayd in shirweynaha la isku waafajiyo”.

Si kastaba ha ahaatee, waxa Halkaa maxkamadda uga cadaaday in la qaybsaday shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Ucid ku doorteen Musharrax jamaal cali xuseen iyo weliba uu kharashkii ku baxay oo dhanna uu bixiyey garabkii Jamaal cali xuseen.
W/Q
Hodan Maxamed Cali

Siilaanyo socdaalkii uu ka tagi lahaa Ingriiska oo la joojiyay

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-news)- Waxa gabi ahaanba la hakiyay waftigii uu madaxweyne Siilaanyo uu ugu kicitimi lahaa dalka Ingriiska sababo la xidhiidha arimaha dib u dhigista doorashooyinka gaar ahaan dib u dhigista doorashada golaha wakiilada waxna ay warar kalai gadisan oo aanu helaynaa sheegayaan in dawlada Ingriiska oo Somaliland ka caawin jirtay arimaha doorashooyinku ayna raali ka ahayn socdaalka madaxweynaha ee xiligani.

Warar ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegaaya in madaxweynaha ay joog iyo jiifba u diiday doorashooyinka uu kala qaaday isla markaasina ay Somaliland ku weyday saaxiibo qaali ah taasi oo uu madaxweyne Siilaanyo ka aqnaayo hadii uu tago dalka Ingriiska in uu kala kulmi doono waji gabax, lamana garnaayo in uu gabi ahaanba baaqan doono oo uu dal kale caafimaad ahaan u tagi doono iyo in kale

Warar kale oo aanu helayno ayaa sheegaaya in dal ku galista dalka Ingriiska loo diiday xubno dhowr ah oo doonaayay in ay raacaan waftiga madaxweynaha gaar ahaan kuwa aan hasysan basaaboorada reer galbeedka oo ay badia haystaan xubnaha ka hawl gala xukumadda Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dalka saaray dhabo qaldan isga oo doorashooyinkii la filaayay in ay si habsami ah u dhacaan gabi ahaanba saaray wado mad madow badan isla markaasina shaki weyn ku abuuray bulshada caalamka ee taageeri jirtay Somaliland, dawladaha reer Galbeedka ayaa Somaliland u sameeyay saynduuq horu marineed kuwaasi oo dalka ka qabtay mashaariic badan oo wax ku ool ah gaar ahaana arimaha waxbarashada,caafimaadka dib u dhiska iyo biyo balaadhinta dhamaanba gobolada dalka, waxna hubaal ah in arimhaasi oo dhami istaagi doonaan madaama oo wasiirka maaliyada ee Somaliland todobaadkani ku dhawaaqay in ayna Somaliland waxaasi oo dhan u baahnyn oo ay iska dabari karto oo ay haystaan lacag ku filan, arintaasi oo ah been cad oo lagu xalaalsnaayo in la boobo doorshada madaxweynaha ee soo socota oo ayna ka tagin xisbiga talada hayaa maamulida dalka

Halkani ka daawo heshiiskii xisbiga UCID- Ee Dhex Maray Faysal Iyo Jamaal: Daawo Laba Hadal oo is khilaafsan oo cajiib ah

Haddii Muuse La Doorto Mar Labaad Buuraha Subxaan

$
0
0

Wuxuu Abwaan Cali Dhuux Adan yidhi :
Hadalka layskama dhaho iyo wayga soo dhacaye,
Asagoo dhagaxyo waa-wayn ka culus waan dhugsiin jiriye.
Alaylahi Duqa Magaalada Burco, Mayor Muraad, hadal dhagaxyo waa-wayn ka culus ayuu dhawaan dhugsiiyay, markii uu ku tiraabay in haddii Col Muuse Biixi la doorto Somaliland ku danbayn doonto ‘MAR LABAAD IYO BUURAHA “. Mayor Muraad soomo araaran , manu afeef-dhigan , hadalkuna kamo soo dhicin ,balse wuxuu yidhi asagoo xiskiisa iyo maankiisaba qaba oo dhamaystiran . Mayor Muraad, wuxuu ka mid ahaa rukumada waawayn ee Kulmiye ku tirsanyahay , siiba Gobolka Togdheer. Hadalkaa kasoo yeedhay Mayor Muraad, wuxuu tilmaamayaa garaadka siyaasadeed ee bulshada Somaliland oo soo kobcaaya oo kala saaraaya runta iyo huhaada , qabiilka iyo qaranka. Waxay garteen halka ay danto ku jirto. Waxay arkaan Somaliland oo gashay gudoon siyaasadeed “political isolation” haddii Col. Muuse qabtana uu ku ridi doono god madow “ Black hole “. Shacabka Somaliland , oo Mayor Muraad ugu horeeyo, waxay kala dooran doonaan Nabad & colaad; Qalin & Qori ; Diktoor & Dable ; Diploomasi & Dagaal Ooge. Mayor Muraad, hadalkiisa si degan ayuu uga fiirsaday, si cadna wuu u yidhi. Laakinse, waxa dhici doonta inuu sidii Wasiir Cukuuse ka noqdo hadalkiisa oo yidhaahdo sidaas umaan jeedin ee waa la majar-habaabiyay . Bal aan eegno Mayor Muraad iyo berito.
Qalinka : Drs Hoodo Yusuf , Uk, London.
yhoodo@yahoo.com

GE reinforces Commitment to Africa at 2016 U.S.-Africa Business Forum

$
0
0

v

GE
PRESS RELEASE
GE reinforces Commitment to Africa at 2016 U.S.-Africa Business Forum
GE, which has operated in Africa for over 100 years, committed at the 2014 event to invest $2 billion in facility development, skills training, and sustainability initiatives across Africa by 2018
The African growth story is still real (http:// APO.af/XuTtrc). Two years ago, the first U.S.-Africa Business Forum drew the attention of the world to the promise of Africa. Governments and organizations discussed and debated opportunities in infrastructure, innovation, and workforce development, and together committed more than $33 billion (http://APO.af/6JXb6F) in deals, investments, and financing to accelerate African growth.  GE, which has operated in Africa for over 100 years, committed at the 2014 event to invest $2 billion (http:// APO.af/WW0XKR) in facility development, skills training, and sustainability initiatives across Africa by 2018. Today, ahead of the second U.S.-Africa Business Forum, GE… Read more

SOURCE
GE

Bulsho reer Somaliland oo ku dhaqan dalka Kiiniya dhibka haysta iyo mooganaanta xukumadda Somaliland iyo Shicibkeeda Daawada warbixintani


Daawo barnaamij gaar ah oo laga diyaariyay guulwadayaasha ama guul wadaynta

The illegal arrest for an innocent police man being boiled the moral of every true citizen

$
0
0

The reason obliged me for this article is shameful incident which Muse Bihi arrested an innocent police who compiled the rules and the regulations of his own country. the illegal arrest for an innocent police man has boiled has boiled the moral of true citizen.
Muse Bihi believes he is above the law. He believes that is right always and anyone who oppose is wrong. He believes that he entities everything he likes right and wrong. All the time, he takes the law in his hands being believe above the law. The law, the rules and regulations of his country has no meaning to him. This innocent police, is the fourth Somaliland citizen that Muse Bihi arrested illegally simply these citizens obeyed the instructions given to them by their seniors. The question anyone of us asking himself is, how Muse Bihi will behave had become future president of Somaliland. Muse Bihi never changes his authoritarian deeds. History is a book for which the people is the author.

History is a vast early warning system. History is memories of records of our past, it is a collection of stories that occurred in the past and this who did not know their past history denies their past. None of the elements that makes good government such as transparency, responsibility, accountability, fair participation, democratization, good human rights records are not in the books and the mind of Muse Bihi. The rule of law has no meaning for him and he believe that is above the law. Muse Bihi behaves as if the whole Somaliland belong to him and anyone who objects his unlawful and dictatorship is subject to illegal arrest like in the situation for the innocent police man that he ordered to arrest simply the police man objected to enter Muse Bihi illegal order. Being against the common-sense which is shared commodity, Muse Bihi, believe that he is right at times and anyone that did not agree what he want is wrong all the time and that is pure of superiority complex. Superiority complex is the type of complex that develops when a person who suffers from inferiority complex decides to act superior in order to mask his inferiority. The person who has superiority complex usually claims that his opinion is always better than others and that he’s more important than others.

A superiority complex is a psychological disorder in which the affected individual experiences an exaggerated feeling of self-importance. Being military mentality, Muse Bihi behaves with everyone like Being military general given instructions to his juniors Muse Bihi treat his lies as truth and truth from his rivals as lies, he believes lies created by himself as a truth which is like comedian in a stage in a dram which mean he is slave for selfish wish. Not long ago, Muse Bihi refused to accept any law & regulations in Somaliland attempted to entered a restricted area in the airport, but the airport security has foiled his illegal attempt & forced him to retreat & return back. Ever since we knew Muse Bihi, starting from 1984, Muse proved to be slave to his own emotions, personal interest and dictatorship demands that most of the time against any acceptable logic and that is what made to classify him being the least liked, the least in favour, the least to trust, the least to inspire, the least to consider, the least to elect, the least to welcome, the least to lead, the least to have faith, the least to please, the least to have in mind, the least to aspire, the lese to desire, the least to joy, the least to capture in our hearts and mind, the lease to influence us and the last one to elect as Somaliland future president. our laws are the anchors of our good feelings and therefore, we should abide our rules and regulations being the best safety for our people and if we obey the rule, the rules will also obey us.

Without law and order, we cannot survive. Somaliland is not jungle whereby Muse Bihi is free to do whatever he likes right or wrong, but like the rest of the world, we have rules and regulations that anyone of us has to abide by, but regrettably Muse Bihi disbelieve the law & regulations for his own country. Muse Bihi has committed dozens of scandals and insults against Somaliland people over the last 25 years and even in the days of SNM liberating struggle in late 80ts. Throughout the world, law and order exists for the purpose of establishing justices but the words such as law, justices or common-sense are not traceable in the thoughts of Muse Bihi and that is why Muse Bihi is against the logic at all the times. The law of our country has moral basis and inner compelling forces that obliged every citizen of Somaliland the obey the rule of law for our country and when rule of law ends, autocracy begins. Muse Bihi has every sign of totalitarian dictator such as prevents free and fair elections, anti- true democracy, seeking to control everything for the government to suit his selfish demand, create class officials who only serve his selfish demand which is all the time illegitimate, use our army to serve his selfish interest, believes everything he said must be accepted right or wrong as he believes that no has right to oppose him by law, which mean whatever he said must be considered as the divine doctrine and not subject of debating.
Muse Bihi has all signs of poor leadership such as power hungry driven, lack any good vision, too bossy, poor character, abusive character, short of any acceptable logic, lack of direction, poor judgment, lack any interpersonal skills, lacks any spirit to inspire his people, lacks any spirit to unit his people, very poor charisma, unbalanced, inflexible, poor role model, do not respect his people, lacks the voice of reasoning, hot tempered, preoccupied only his selfish interest, surrounded by yes men, fear of change., lacks any integrity, feel insecure internally, resist any good ideas from others, think he knows everything but knows little, observe little moral and ethics, never thinks beyond next election, have the culture violently denouncing the leaders of other political parties, short of check and balance, creates unnecessary confrontations. Never learns from his last mistakes, lacks openness, poor sample to lead , never learn and grow, incompetent, making decisions on emotions, blaming his failure to others who have no connection, acting differently than the rest of the people, having fear and doubts regarding his political rivals, lacks any transparency and accountability, have the culture of corruption, lack any good performance, self-serving nature, lacks any honesty

Disconnected from his people being very arrogant person, never invest his people for the spirit of good aspirations, not willing to listen, intolerant, destroys other people in an effort to gain his selfish demand, too aggressive, rebellious nature, subjective and not objective, stressed all the time, reckless all the time, lacks any humility, refuse to change regardless the cost and consequences, driven by unrestrained ambition, toxic mind, selfish rule of power, use threats to his rivals, lacks team work, dismissing any good ideas, poor communications strategy, not willing to adapt, unclear objectives, tremendous talker, feel always that he right, want all the time praise and good news about him from other people, create the culture of distrust and fear, unrealistic most of the time, thinks only today but never even tomorrow, does not care about how insults to the people have impact with other people, do not respect for the law and regulations of his own country, inconsiderate, nervous, timid, vain, tense all the time, unsatisfactory nature at all times, unwise, unfriendly, weak ideas which are senseless all the time, lacks any understanding, always demanding attitude, have the culture of avoiding tough questions.

Out of balance, Lack of humility., Lack of empathy, always has bad intentions, attack mode when giving feedback, lousy performances, lack energy and enthusiasm, have the culture of bullying of others, arrogant, rigid, bias and subjective treatment, short of any creativity, not willing to collaborate, have the culture of favouritism, talk without action, hate all good people being dictator, very difficult to deal with him , failure to build good relationship, lacks good discipline and believe only himself, authoritarian, lacks common-sense, narrow minded, self-centred, feel superior than rest, feels always being right, poor judgment of character constantly breaks the law and order for his country. The human rights, freedom of speech and press freedom are not at all in his books. Muse Bihi as he believes that he is above our constitution as well as above our law and order of Somaliland being rigid mentality. In view of above, electing Muse Bihi as future president of Somaliland involves threat, instability and the worst dictatorship.

Let us unit to save Somaliland from this wrong person. Another reality which is worth to mention is, the international community being knowing the character and the military mentality of Muse Bihi, the world family of nations will not encourage to elect a person that, they consider as persona non grata which literally mean person not appreciate, in other words entering another country is prohibited in diplomatic language. In short, Muse Bihi being believe above the law, dictator, warmonger, tribal minded mentality, narrow minded mentality, military minded mentality and illogic all the time, electing Muse Bihi as future president meant the end of Somaliland that will change the geopolitical map of Somaliland

Ismail Lugweyne.

Rabasoro55@hotmail.co.uk

Falanqaynta shirkii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, fursadaha diblomaasiyadeed ee Somaliland u furan iyo Qorshaha laga sugayo Xukuumadda Talada haysa.

$
0
0

Horudhac.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (UN General Assembly) waa Mid ka mid ah lixda Xubnood ee Qaramada Midoobay ka kooban tahay, waana Golaha kali ah ee Dhamaan Xubnaha Dalalka caalamku ay ku leeyihiin wakiilo siman (equal representation). Awoodaha ugu muhiimsan ee uu leeyahay Goluhu waxa ugu horeeya Miisaaniyadda Qaramada Midoobay, Wuxuu cod gacan taag ah ku doortaa 10ka dal ee aan Joogtada ku ahayn Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (Non-permanent members to the security council) oo labadii sanno ba hal mar la bedelo, Wuxuu si toos ah u helaa Warbixin ka timaada Dhamaan Goleyaasha kale ee Qaramada Midoobay. Sanad walba bisha September ayuu fadhiistaa iyagoo ay ka soo qayb galaan badi Hogaamiyayaasha Dalalka caalamku ama wakiilo matalaya halkaasi oo khudbado laga jeediyo isla markaana lagu falanqeeyo xaaladaha Dunidu ku sugan tahay. Shirkii ugu horeeyey ee Golaha loo dhan yahay fadhistay waxa uu ka qabsoomay 10kii January sanadkii 1946kii magaalada London ee caasimada u ah wadanka Boqortooyada Ingiriiska iyadoo ay ka soo qayb galeen 51 Dal.

Ajandaha 2016.

Sanadkan 2016 waa sanad xiiso badan ku leh Siyaasadda caalamka, gaar ahaan Bilaha soo socda oo ay dhacayaan Dooroshada Madaxweynaha Maraykanka oo ah Dalka Xaruntiisu ay tahay Qaramada Midoobay iyo weliba dalka haatan Siyaasad ahaan iyo Dhaqaale ahaanba Dunida Hogaanka u haya iyo weliba Dooroshada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo loolan adag oo diblomaasiyadeed loogu jiro. Sidoo kale sanadkan Wuxuu ahaa mid aad u xiiso badan marka Siyaasadda caalamiga ah la eegayo oo Midnimadii Dunida ugu casrisanayd ee Yurub ayaa dhaawac adag soo gaadhay markii Ingiriisku maalin cad ka baxay Midowga Yurub.

Qaxoontiga Dunida, Tahriibka badweynta caalamiga ah ee Mediterranean sea, la dagaalanka Argagixisada, Gargaarka Bani Aadanimada, Xaalada Dalka Suuriya, Amaanka Dunida iwm ayaa ahaa Qodobada ugu waaweyn ee shirka sanadkan si weyn loogu falanqaynayey.

Khudbadii Raiisal Wasaaraha Ingiriiska.

Theresa May oo ay ahayd markii ugu horaysay ee shirkan caalamiga ah ay ka qayb gasho ayaa ka jeedisay khudbad dheer oo taariikhi ah isla markaana aad u xiiso badnayd, waxay khudbadaasi taabatay dhinacyo badan oo ku Aadan Amuuraha Dunida ee Dhinacyada Amaanka, Dhaqaalaha iyo isbedelka cimilada. Qaxoontiga ayey si weyn uga hadashay iyadoo soo jeedinaysay in dedaalo hor leh la sameeyo si Gargaar weyn loogu fidiyo dadka Qaxoontiga ah iyo Dalalka Qaxoontiga Magan galyada siiya intaba.

Waxay ka hadashay Amaanka caalamiga ah iyadoo xustay in loo baahan yahay in Dalalka Soomaaliya iyo Yemen si weyn looga taageero dhanka Amaanka, waxana ay xustay in Dawladda Ingiriisku ay ku talo jirto inay Ciidamo u dirto dalalkaasi. Wakhtigan ayaa ciidamo aan badnayn ka joogaan Ingiriiska dalka Soomaaliya waxana la filayaa in kuwa dheeraadka ahi iyo kuwan hada joogaba ay tababaro siin doonaan hawl galka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM ee ku Aadan la dagaalanka Argagixisada. Mrs. May waxay sidoo kale shaacisay shirweyne caalami ah oo Amuuraha Soomaaliya looga hadlayo oo sanadka soo socda ee 2017 ay martigelin doonto isla markaana si weyn loogu nuuxnuuxsan doono xaalada Dalkaasi Soomaaliya. Mrs. May waxay shirka ka shaacisay Boqolaal Billion oo lacag ah oo lagaga hortagi doono Argagixisada iyo qaybo kale oo lagu bixin doono joojinta socdaalka sharci darada ah ee Muhaajiriin tiro badani ku imanayaan Qaarada Yurub.

20 Million oo Poundka Ingiriiska ah ayaa Ingiriisku shaaciyey inuu ku bixin doono Qaxoontiga Soomaaliya ee Kenya jooga si loogu celiyo Dalkooda, sidoo kale 80 Million oo Pound ayey shaacisay inay ku bixin doonto Abuurista Shaqooyin 30,000 kor u dhaafayaa oo dalka Itoobiya ku waajahan, iyadoo barnaamijkan shaqo Abuurista uu yahay mid ay ka qayb qaadanayaan Midowga Yurub iyo Baanka Aduunka.

Amuuraha ay khudbada ku soo hadal qaaday waxa ka mid ahayd Go’aankii reer Ingiriis ka qaateen Midowga Yurub “Shacabka Ingiriiska ahi markii ay go’aansadeen inay ka baxaan Midowga Yurub, Umay codayn inay ka baxaan caalamka kale, waxaanu si ahaan doonaa saaxiib caalami ah oo Halbawle ka ah Dedaalada caalamiga ah ee khuseeya Nabadgelyada iyo Barwaaqada dadyowga Dunida ku nool”

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo soo gabagabeeyey Muddo xileedkiisa waxa uu sanadkan khudbadiisa u adeegsaday inuu luuqado adag ku cambaareeyo Dawladda Suuriya

Kulamada goosgooska ah (sideline meetings).

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo soo gabagabaynayaa dhawaan muddo xileedkiisii 8da sanno ahayd ayaa kulan la wada sugayey la qaatay Raiisal Wasaaraha Israel Benjamin Netenyahu kaasi oo aad loogu nuuxnuuxsaday xaalada caalamka, Israel ayaa si weyn uga mahadnaqday taageerada Dhanka Milatariga ee dhawaan ay labada dawladood kala saxeexdeen oo soconaysa muddo 10 sanno ah isla markaana ku kacaysa ilaa $38 Billion oo Lacagta Maraykanka ah taas oo noqonaysaa Lacagtii ugu badnayd abid ee taageero milatari ee hal mar ay kala saxeexdaan. Labada hogaamiye waxay ku tilmaameen xidhiidhka ka dhexeeya mid aan la burburin karin oo leh dabaro aan la burburin karin (Unbreakable bonds). Amuuraha Bariga dhexe iyo Amaanka caalamiga ahi waxay ahaayeen qodobo muhiim aha oo kulankan la iskula soo hadal qaaday isla markaana la isku afgartay.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee dhex maray intii ka dambaysay xurguftii Diblomaasiyadeed ee labada dal dhex martay ee sababtay in Netenyahu uu Washington kula hadlo Mudanayaasha Aqalka Congress ka isagoo aan casuumad ka haysan Aqalka cad ee Maraykanka, balse waxa ka muuqday astaamo diblomaasiyadeed oo muujinayaa in labada dal aad isugu dhaw yihiin wakhtigan Amuuro badan oo jira awgeed.

Khudbada Madaxweyne Obama oo ahayd tii ugu dambaysay ee uu ka jeediyo Golaha waxa uu caalamka ugu yeedhay inay gurmad ka geystaan Qalalaasaha Qaxoontiga Dunida ee ugu badnaa caalamka tan iyo Dagaalkii labaad ee Dunida, waxana uu ka hadlay isbedelka cimilada iyo Dedaalada Horumarinta caalamiga ah. waxa uu ka hadlay Dagaalkii Qaboobaa ka dib iyo xaalada caalamka “Rubuc qarni ka dib Dagaalkii Qaboobaa, Aduunyadu waxay noqonaysaa mid rabshaduhu yaraanayaan isla markaana soo barwaaqoobaysa.”

Somaliland iyo Shirka Golaha loo dhan yahay?

Dhawaaqa Raiisal Wasaare Theresa May ay ku shaacisay inay Soomaaliya u qabanayso Shirweyne caalami ahi sanadka soo socda waxa uu mudan yahay ka fiirsi badan. Somaliland waxay ka qayb gashay Shirweynihii caalamiga ah ee 2012kii Ingiriisku u qabtay Soomaaliya, Guushii ay kala soo hoyatay na ugama ay faaidaysan sidii ay ahayd. Waxana ay sababtay in wada hadaladii loogu baaqay Somaliland iyo Soomaaliya hal mar ku fashilmaan Gacanta Turkiga oo aan la ogayn Goorta uu amuurahan wax ka bartay. Inkastoo Somaliland ay waajahayso Dooroshooyinka Madaxtinimada horaanta Sanadkan hadana waxa laga sugayaa Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland inay wakhtigan sii bilowdo inay amuuraha shirka ay deristo isla markaana indho waaweyn ku eegto qaabka shirkan loo soo qabanqaabinayo iyo hawlaha ku soo waajahan labadaba si ay Mawqif cad uga qaadato.

Yacqub Said Ismail.

International Political observer.

Bristol, UK.

Yacqubismial@gmail.com

Xisbiga Kulmiye oo (3) saddex kooxood u kala jabi doona

$
0
0

Waxaynu ka wada warhaynaa taariikhda foosha xun ee xisbiga talada dalka jaya ee kulmiye uu ku leeyahay bulshada somaliland dhexdeeda . waxaanaynu ka wada dheregsanahay sidii uu hore (2) laba kooxood ugu kala jabay ee uu dalka khatarta geliyey khilaafkii u dhexeeyey kooxihii is-hayay . imuinkana waxa ay sheegeyaan ila xogogaal ahi in uu xisbiga kulmiye (3) saddex kooxood isu haysto . oo ay kala fadhiyaan . waxa koox hogaaminaaya wasiirka qabyaaladda ee madaxtooyada iminka afduubka ku haysta maxamuud xaashi iyo aamina weris oo doonaaya in doorashada madaxweynaha dib loo dhigo , si uu isagu u bedelo ugana qaado murashaxa xisbiga kulmiye ee iminka u sharaxan muuse biixi , oo ay si hoos ahaaneed ugu taageersan tahay amina weris in kasta oo ay hore heshiis ula gashay muuse biixi , oo uu isaguna ku daray iyada iyo koox ay wadato golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga kulmiye , laakiin waxa ay ka warheysaa in qoyska ama reerka uu ka soo jeedo madaxweyne axmed siilaanyo ay doonayaan in ay iyagu xaq u leeyihiin dhaxalka gudoomiyaha iyo murashaxa xisbiga kulmiye , kol haddii aanu madaxweyne axmed siilaanyo ku jirin awood uu mar danbe isa soo sharaxo .
Dhinaca kale waxa uu doonayaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo ah murashaxa xisbigaas in ay doorashadu xiligeedii qabsoonto , oo haddii dib u dhac ku yimaaddo doorashada madaxweyne , waxa uu hubaa in laga qaadi doono , oo lagala wareegi doono jagada uu iminka u sharaxan yahay . laakiin waxa la yaab leh , muuse biixi ma haysto cid taageersan oo u codeyn doonta , ee hadaba maxuu iska lu goynayaa ee isu xiijinayaa , kol haddii aanu si xaq ah oo xalaal ah u heli doonin , oo aanu noqon karayn nin u qalma ama qaban kara jagada madaxweyne nimo ee dalka , . Muuse biixi oo aan xaafad Hargeysa ka mid ah aan ka haysan kalsooni iyo codtoona iyo weliba kama haysto kamana helaayo beesha uu ka soo jeedo , maxaad cid kalena ka filaysaa . waana ninka kala qeybiyey beeshii uu ka soo jeeday oo bur buriyey saldanaddii soo jireen ahayd ee beeshiisa .
Waxa ka le oo jirta koox (3) saddexaad oo aan doonayn in muddo kordhin loo sameeyo madaxweyne axmed siilaanyo oo ka soo jeedda qoyskiisa , sababo badan awgeed , kuwaas oo leh odaygu aad iyo aad buu u tamar iyo awood daran yahay . hadaba haddii muddo kordhin la sameeyo , waxa la wada ogaanayaa in aanu axmed siilaanyo dalka ka talin . waxaana magac xumo iyo taariikh fool xun uu ku khatiman doonaa halgankiisii siyaasadeed ceeb iyo fadeexad iyo qiimo darro , sidii madaxweynihii Tunis xabiib boorqeeba ee khal kahal ee kala garanayn meel uu joogo iyo qofka uu yahay iyo isaga oo ay xasuustii ka tagatay . markaa waxyaabaha ilaa iminka la qarinaayo ee la danbabasaayo oo dhan ayaa si cad loo wada ogaanayaa iyo in aanu axmed siilaanyo dalka ka talin oo aanu shaqayn karay oo uu hawl gab yahay , sababo caafimaad iyo qaar da ahba .
Hadaba waxa aynu ku baranay xisbiga kulmiye khilaaf iyo kala qayb sanaan iyo sharci jebin iyo sawaxan siyaasadeed aan raad iyo
asaltoona lahayn .waxa aynu dhawr naaba waa goorma ayuu xisbiga kulmiye qarxi doonaa , sidii uu horeba u qarxay ee uu dalka ka dhaliyey dhibaatooyin aan ilaa iminka taagan .
Dalka somaliland iyo shicibka somaliland ba , waxay u baahan yihiin in laga badbaadiyo kooxahan qawlaysatada ah ee madaxtooyada isku haysta . hadddii kale dalka iyo dadkuba khatar ayey ku sugan yihiin . wax laga adkeysan karona maaha , wax la eegan karona maaha .l

cali maxamed biixi
caliwwelli@hotmail.co.uk

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo si qarsoodi ah ula soo xidhiidhay Jamaal Cali Xuseen kana dalbaday ………

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-news)-Gudoomiyaha xisbiga UCID- Faysal Cali Waraabe ayaa shalay ergo culus u soo dirsaday garabka ay iska soo hor jeedaan ee xisbiga UCID- ee uu hogaamiye musharaxa xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen, Faysal Cali Waraabe ayaa ka codsaday Jamaal Cali Xuseen in ay kulan khaasa ay wada yeeshaan oo ay ka wada hadlaan arimaha ay isku hayaan arimaha xisbiga iyo sidii dibada loogu soo saari lahaa dacwada xisbiga ee gashay maxkmada.

Faysal Cali Waraabe oo kulamada noocani ah diidanaa markii hore ayaa hada si deg deg ah isu soo rogay kadib markii ay arintoodu gashay maxkmada oo uu dareemay in uu sharciyan khalad weyn galay lagana yaabo in maxkmadu ay xukun aan ka farxin ku rido dacwada hor taala maxkmada ee ay iskula jiraan Faysal iyo Jamaal.

Garabka Jamaal Cali Xuseen oo kulan deg deg ah ka yeeshay fariinta uga timi gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ku gacan saydhay kana diiday in ay haba yaraatee wax kulan ah la yeeshaan kuna booriyay in uu u hogaansanaado shuruucda dalka oo uu iska daayo mad madowga iyo khiyaamada uu mar walba ku kacaayo, waxna uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe arinataasi kala kulmay waji gabax iyo ceeb.

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>