Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Sua’al ku socota wasiirkii hore ee maaliyada maxamed Xaashi

$
0
0

Waraysi uu bixiyey Maxamed Xaashi wuxuu ku sheegay in Wasiirkii ka horeeyey ee maliyada Cawil Cali Ducaale ay ahayd in la xidho isaga oo ku saba-beeyey in lacagi ku maqantay. Sua’al: Maxamed Xaashi muxuu uuga hadli waayay wasiirada maaliyada Zamzam Aden ee beeraha iyo qasriga Millionka dollar ku bexeen samaystay ee bishiina labaatnka kun ee dollar ku baxaan ee tooska looga saaro qasnada dowlada??? Jawaabta cid waliba way garanaysaa oo qabyaalad darteed buu Zamzam uuga indho qarsaday. Weliba intaa waxa u dheer iyada oo guno joogta ah siisa. Taana cadayn teedu waxa weeye isla wareysigaa ayuu ku sheegay in Silaanyo lacag siiyey dhawaan uu caafimaad kiisa dibada ku soo baadhi doono. Hadana isla markiiba wuxuu raaciyey Mohamed H.Ibrahim Egall baa dhintay anagoon isa saamixin ee waxaan jeclay in aannu Silaanyo isa saamaxno. Taas macnaheedu waxa weeyey Silaanyo ismay arag lacagna muu siin ee waxa uuga soo qaaday wasiirka maaliyada Zamzam oo uu adeer u yahay. Si aad u rumaysato qoraal kan daawo wareysigii u danbeeyey. Maxamed Xaashi markuu lacagtii isku hubsaday ayuu isaga oo dowlada xil kaga doonaya isku waabay gudoomiyaha baar-lamaanka oo uu ku eedaynayo in aannu diyaarin xeerkii doorashada golaha wakiilada. Subxaan!!! Miyaan maxkamdi odhan 2005 xukuumadu ha samayso tiro koob dalkoo dhan dabeedna saami qeybsiga ha lagu saleeyo sidaa.
Af-wax cunay xishoo oo Maxamed Xaashi denbigii madaxtooyadu lahayd buu dusha ka saaray golaha wakiilada iyo shir gudoon kooda. Maxamed Xaashi wuxuu dadka isu tusaa nin daacada hase yeeshee wuxuu la bukaa waa qabyaalad iyo xasad iyo xumaan. Sow lama oga wasaarada maaliyada inta inan beeshiisa ah uu qoray iyo beelaha uu ka caydhiyey. Nin gabadhiisa qandaraas siiya Maxamed Xaashi baa jira oo waakii yidhi ha keento sariiraha cusbitaalka Hargiesa.
Maxamed Xaashi xanuun aan qabyaalad ahayni ma hayo weligiina caafimaadi maayo. Sadex madaxweyne ayaa xilka xayuubin ku sameeyey oo uu la shaqayn kari waayay ee ma kaasaa miyir qaba. Egal, Riyaal iyo Silaanyo sadex duba intay wasiir ka dhigeen bay hadana eryeen. Weligii xil iskama casilin ee wuxuu sugaa inta la eryayo. Maxamed Xaashi khuraafaad buu sheegaa aan cidna macno u samayn marka isaga la yaqaan.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com


AU calls for greater investment in Science, Technology, Engineering and Mathematics training

$
0
0

v

African Union Commission (AUC)
PRESS RELEASE
AU calls for greater investment in Science, Technology, Engineering and Mathematics training
Dr. Zuma made this call while delivering her keynote address at the 4th Annual Global First Ladies and Business Summit, on Monday 19 September, 2016

The Chairperson of the African Union Commission (AUC), Dr Nkosazana Dlamini Zuma, has called for greater investment in the training and mentorship of young men and women in the areas of Science, Technology, Engineering and Mathematics (STEM). Dr. Zuma made this call while delivering her keynote address at the 4th Annual Global First Ladies and Business Summit, on Monday 19 September, 2016, organised on the margins of the 71th United Nations General Assembly (UNGA) meeting in New York. Dr. Zuma noted that Africa is urbanising rapidly, with increasing demand for infrastructure (transport, energy, water, and sanitation) as well, health, education,…Read more

SOURCE
African Union Commission (AUC)v

Miyir Qabaw 1995, Qarqarsi 1983, Sooyaal 1983 – Tixdii Bashiir Sh. Cumar Good

Somaliland: The Argument for and against Independence: Egal rejects Woodward’s analysis.

Xisbiga Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonaa…… Qaybtii Labaad

$
0
0
naasirabdi

“Aniga oo aan xisbi siyaasadeed ku jirin, isla markaa, aan kala jeclayn, saddexda xisbi Qaran.Waxa aan ka badheedhayaa in aan dhacdooyinkii xusuus reebyada ahaa ee xisbiga hoggaanka haya ee Kulmi barbarka bidix iska-taago.Waxa aanan is-tusay in aan xaq u leeyahay barta aan iska taagayo, sidoo kale ciddii midigta fog iska- taagaysanaa xaq bay u lahayn.Cabdinaasir Axmed Abraham.
Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa:
1.Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa. Qarannimo Sumal-xadday!
2.Tallaalka, kobcinta, beeridda,tarminta iyo baahinta qabyaaladda.
3.Muddo kordhin iyo doorashooyin shin-dhaafay ama uur-ku-raag ah.
4.Madax baabuurta rasaastu aanay karin ku xarragoota, shacabkooduna qiimo-barar,harraad iyo macaluul miyi iyo magaala ba ugu dhammaadaan!
5.Lumintii kala dambayntii iyo maamuuskii sharafka dawladnimo ee indho la saaro tan iyo aas aaskii Jamhuuriyadda Somaliland.
6.Dumar ceelalyo iyo mus-dambeed qaranka u ah oo taladu iyaga ka soo go’do!
7.Mashaariic la-tahriibiyo oo aan goleyaasha qaran la hor keenin”Haamaha-shidaalka”
8.Dan qoys oo dan qaran loo ekeysiiyo”DP world-Berbera”
9.Baarlamaan caloosha laga gumaysto.
10.Kharashkii ugu badnaa ee qaranka hudheello iyo xaflado lagu jaaso kaga baxa.
11.Wasiirro iyagoo caydh ah xilka qabtay, haatanna ka hodmay xatooyada xoolaha ummadda.
12.Xaraashkii hantidii qaran ee ugu laxaadka weynayd muddo ku siman 25 Sanno.
13.Xisbi Xaakim wakhtigiisa, hantidiisa iyo maskaxdiisa ugu badan galiya burburinta iyo khilaaf ka dhex aloosidda xisbiyada kale ee Qaranka.
14.Wasiirro Tuug ah haddana salaadda safafka hore gala!
15.Afartan jirro 40-Malyuun oo lacagta Maraykan ah dhacay!
16.Korodh miisaaniyadeed oo aan barako lahayn, cidna wax ba ka dheefin.
17.Wasiirro sheegta aqoon-yahanno oo aan warqad Af -Soomaali ah qori karin!
18.Siddeetan konteenar oo macdan ah oo muunad ahaan debedda luugu diro’Wasaaradda Macdanta!’
19. Burburka aqoonta dugsiyada dawladda.
20. Casuumadihii ciidda ka badnaa ee dhiiri-gelinta tahriibta iyo qalbi-jebinta“Qolqol-joogta”
21.Xadhiggii ugu badnaa ee suxufiyiinta iyo warbaahinta.
22.Shirarkii beelaha ee ugu tirada badnaa intii Somaliland jirtay.
23.Shaanni la qarxiyo iyo shacab la argagixiyo.
24.Guryaha oo saqda-dhexe habeenkii ciidan ugu daataan shacab hurda.
25.Dhaxal-wareejintii ugu ba’nayd ee hantidii ma-guurtada ahayd ee qarankani lahaa.
26.Wadaaddo siyaasiyiin ah oo xaaraanta aan shan kabo la’ ka soo gaadhin.
27.Khilaafkii ugu adkaa ee soo dhex mara xisbi hoggaanka dalka haya.
28.In xisbiyada dhexdooda laaluush iyo reernimo lagu kala adkaado, halkii cod iyo doorasho lagu kala adkaan lahaa, marka ay joogto tartanka.
29.Hadallo macmacaan oo gole-kaga kac ah!
30.Kalgacal Xisbi oo lagu hungoobay.
31.Ay calan loo xidho.
32. Wasiir suxufi af-duubtay oo gurigiisa geystay, illaaladiisuna jidh-dishay, ‘Waran-cadde’
33. Wareegto-xilka-qaadis oo gaadhi caanoo le ah xukuumaddu u ugu dhiibtay.
34. Cashuur kordhin aan maan-gal ahayn.
35. Dalkii ugu badnaa ee ciidanka dhexdiisa gaar ahaanna Saraakiisha.
36.Wasiirro oo biri-ma-geydo ah oo isku hayb ah oo xilkoodu lama-taabtaan yahay.
37.Khilaafkii ugu weynaa ee taariikhda Jaamacadda Hargeysa Soo maray oo isla xukuumaddu ku lug lahayd.
38. Imaatinkii Juudi-keeli iyo Andarson-kuubar , oo u ololeynayay ‘dadka isku-jinsiga ah ee wax-iska-daya.’
39. Shaani-qarxin!
40. Ballamo beenoobay

Magaceeda Iyo Muuqeedu Ismaleh

$
0
0

dhicir
Bismilaahi Raxmaani Raxiim Alle Hayna Barwaaqeeyo Khaatumadana Khayr Haynoogu Khatimo Aamiin.
Dux raadinta raa-raca odhaaheeed ee ciwaankeenu wuxuu u dhigmi doonaa sidatan:
Waa Barxad Aag Fagaare Berri Ahaan Waa Meel Qiimo Badan Ogow Oo Dhulkana Allihii Lahaa Wada Qiimo Ayuu Ka Dhigay.

Dadku way ku soo hirtaan oo usoo hiloobaan sidookale wayku balamaaan iskugu faanaan loona fiirsadaa Ka utunta kuleh amaba tafiir u ah ee kasoo jeeda goobtaasi .

Nolosha xayndaabka ku meersan ee ka jirtaa waa mid aad aan waaqic u ahayn badideedna waa bilaaa sal gunta iyo bilow geeda waxa lagaadhaa markaad gondo gasho , tagto , ku qaadato wakhti, seexato , ku kalahdo subaxyo adoo dharaaro badan kulaabanaya adoo usocda barashada nololeed ee meesha taal iyo tagaarka u ah ee ay kaga duwantahay geyigaga kale ee aduun weynaha.

Xog lagagama helo ka maqnaansho ama sheeko macne maleh hadii dad kaaga waramaan waayo waxbaba ka faaidi maysid runtuna waa inaanay waxba kugu biirin karin.

Haddaba barashada, ka midho dhalinta, fahanka iyo run ogaanshuu wuxuu ku xidhanyahay u kuur gelid oo ay ugu horayo booqosho goobta laga hadlaayo sideedaba sawir barasheedka muuqal lagugu tuso ama qofkaaga waramo sheeko dhiganeed waxaad imanaysaa oo samaynaysaa inaad sawir maskaxdaada gashato oo aad sawirkaas ku qaadato maanka adiga oo aan ogayn runta oo sitoos ah aan baaraan degeeda usamayn faaqidona arin aaan kii dhabta ahaaa ahayn.

Meel kasta oo kugu cusub kuma koobi kartid muddo waxbarashada haykal keedana weeye inaad wakhtisiiso siaad wax u barato. Hadba dunida meelkasta oo aanad arag ama tegin sidookale aanad ku dhaqmin sawir run ah bay leedahay iyo mid aad adigu ka aaminsantahay.

Ugu danbayn barxad kasta iyo maqaamkasta oo cusub barashadiisa sii wakhtigiisa geli tamar iyo turuq aad ku ogaato kuna fasax si xor ah inad u barato halkaaa adoon dhinac ka istaagynin ka istag jihooyin kala duwan hana ka waraysan hal qof ee ka warayso oo xogta ka raadi kana baadi goob dadkala duwan oo haya shqaooyin iyo mansabyo kala duwan sidoo kale dad leh xirfado iyo aqoon kala duwan hadii ay goobta deganyihiin qowmiyaddo kala duwan oo kala luuqad ah oo kala midab ah oo kala diin ah midkasta gaarkiisa u tix geli midkastana gaarkiisa u warayso lagayaabaa mid baa kugu odhankara anaga qabiilkayaga ayaaleh meel hebla waana midda ay soomalideenu u badanatahay waana ta khaldan ee aynu qaadano dhinaca qudhi.

Midbaana lagama maar maan ah inaad duqayda ama waayo araga dhaxal ogaha ah ee muddo jireedka dersaha ah aad waraysato dhegtana u dhiibto muddona aad dhegaysato maankana u raarido wixii wanaagsan ee uu tiraabo ama wixii taariikh ahba.

Hadii aad ku laabato buugaagtii horre ee la qoray wakhtigii gumaysiga ee ay qoreen dad yawga shisheeye waxaad ku arkaysaa kun hal oo is dhaafsan oo wada khalad ah taasina waa dhacdo ku dhacday in hal dhinac oo qudha la waraysatay markii buugtaa badidooda la qoraayay taasina waa fashil dheer oo hoos umuddan kuguna dhici karra.

Waxaa jirra qisooyin aad la kulmayso marka qof kuu sheekeeyo meel aanu horre u arag ama keliya uu maqli jiray uu yimaado ee arko muuqaaalkeeda qaab dhismeedkeeda iyo dadkadegenba wuxuu u odhanaya waar niyow meesha magaceeda iyo muuqeedu ismaleh.

Hadii aad waysii suaal ah oo maxaad ka aamin sanayd ee aad u ahaysaty markii horre?
Wuxuu kuugu jawaabayaa oo kusoo hordhigayaa muuqaalkiisii sawir ahaaneed ee uu horre u haysatay iyo kan dambe ee ay kunoqotay waxaana sababaya layaabka iyo kala duwanaanshaha filitaanka uu kaydsaday sawir khaldan maskaxdana ku shubtay kaas oo aanu iska sixin markii horre.

Dardaaran waxaa inoo noqon doona meelna yaan la xukmin ilaa iyo aqoon laga helo labarto baadhid iyo faaqidid lagu sameeyo.

Wabilaahi tawfiiq.

W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir
Email: Ismail134921@gmail.com

Election process for the new WHO Director-General

$
0
0
World Health Organization (WHO)
PRESS RELEASE
Election process for the new WHO Director-General
The Government of Ethiopia has submitted the nomination of Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus

Six candidates have been proposed by Member States of the World Health Organization (WHO) for the position of WHO Director-General.  Member States proposed the following candidates: ·         The Government of Ethiopia has submitted the nomination of Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus; ·         The Government of Italy has submitted the nomination of Dr Flavia Bustreo; ·         The Government of France has submitted the nomination of Professor Philippe Douste-Blazy; ·         The Government of the United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland has submitted the nomination of Dr David Nabarro; ·         The Government of Pakistan has submitted the nomination of Dr Sania Nishtar;… Read more

SOURCE
World Health Organization (WHO)

 

Daawo Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Burco oo ka mid ah tageerayaasha Muuse Biixi oo u jawaabay Maayarka Burco


Kharashka iyo tamarta aad galinysaa colaada iyo dagaalka fadlan galiya wadada Ceerigaabo taas ayaa dani idiinku jirtaa

$
0
0

Waxaan baaq culus u dirayaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaalmaya agagaarka degmada Ceel fwayn waxaan leeyahay hadii aad tihiin dad islaam ah oo umada nabiga ku abtirsada joojiya dagaalka aakhiradii iyo ifka midna idiinma fiicna waa dagaal ehli ah ka ku dhinta ka talo ka gaysta iyo ka dhaqaale ku bixiya intuba waa ehlu naar sida culimadu cadaysay waxaan leeyahay WALAAHI IYO BILAAHI DEDAALKA IYO KARTIDA AAD DAGAALKA GELINAYSAAN ee dhiigiina ku daadinaysaan waxaa idiin dhaanta IDINKOOWADADA CEERI GAABO GALIYA waayo ifka manaafacaad ayay idiin leedahay aakhirona ninka wax ku darsadaa sadaqo jaariya ayaa u soconaysa dagaalku labadaa midna malaha waxaan guul daro ahayn idiinma laha guri walba waa laga barooranayaa waxaana run ah inaydaan kala adkaanayn labadiina dhinacba waa ku dhamaanaysaan baaqigiina soo hadha ayaa garanaya faaidada dagaalka waxaan leeyahay joojiya JOOJIYA JOOJIYA JOOJIYA dagaalka

WABILAAHI TAWFIIQ
CILMI JAAMAC CAWED
cilmijaamac@hotmail.com

Remarks by President Obama at the U.S.-Africa Business Forum

$
0
0

v

U.S. Department of State
PRESS RELEASE
Remarks by President Obama at the U.S.-Africa Business Forum
As President, I’ve worked to transform our relationship with Africa so that we’re working together, as equal partners
PRESIDENT OBAMA:  Well, good morning, everybody!  Let me begin by thanking Mayor Bloomberg — not just for the introduction but for the incredible work that Bloomberg Philanthropies is doing, not just in helping this event but for all the work that you’re doing in promoting entrepreneurship and development throughout Africa.  And I’d also like to thank our co-host, and a tremendous champion of investment and engagement in Africa — my great friend, Commerce Secretary Penny Pritzker. I also want to welcome our partners from across Africa, including the many heads of state and government leaders who are with us.  And… Read more

SOURCE
U.S. Department of State

 

Daawo Shirkadda Telesom oo Maanta Carwo Casri ah Ku Soo Bandhigtay Adeegga Casriga ee 4G++

$
0
0

telesom9

telesom8

telesom7

telesom6

telesom5

telesom4

telesom3

Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom Oo Daah-furtay Adeeggii ugu Dambeeyey Internet ee 4G++

Shirkadda Telesom oo daahfurtay Cawro Saddex Maalmood Socon Doonta Ku Soo Bandhigtay Adeegga 4G++ iyo Adeegyo Kale oo Casri ah

Hargeysa – (TELESOM) – Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa maanta cawro socon doonto muddo saddex maalmood ku daah-furtay adeegga 4G++ iyo adeegyo kale oo casri ah. Carwadda oo uu xadhiga ka jaray madaxweynaha Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Carwadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiiinta Md Maxamuud ShAbdillahi , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosta iyo Isgaadhsiint, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Dr. Adna Aadan,Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Somaliland, masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, madax-dhaqameedyo, bulshadda qaybahadeeda kala duwan oo iskugu jiray rag iyo dumar, maamulka iyo hawlwadeenadda shirkaddaha Telesom Group ee Telesom, Daarasalaam Bank iyo SOMGAS kuwaasi oo ku soo bandhigay adeegyaddii ugu dambeeyey ee shirkaddahni bulshadda u soo kordhiyeen muddooyinkii u dambeeyey.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka daahfurka carwadda adeegyadda Casriga ee shirkadda TELESOM:

WAR-SAXAAFADEED

Shirkadda Telesom waxay ku caanbaxday “hal-abuurnimo Tiknoolajiyadeed” iyo in ay ku horrayso wakhti kastaba sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyo casri ah oo la jaanqaadaya isbedelka degdega ah ee Tiknoolajiyadda dunida sidoo kalena kaabaya horumarka noloshooda. Telesom waa shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga Mobile-ka ee loo yaqaan GSM, INTERNER-ka Iyo adeega caanka ah ee ZAAD, oo macaamiisha iyo guud ahaan bulshada u suurtogeliyay in ay mucaamalaadka lacageed ku isticmaalaan moobilkooda. Waxa kale oo ay shirkadda Telesom ku suntan tahay in ay tahay shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga Mobile-ka, 3G-ga, GPRS-ka, ILA-MAQAL, DHAMBAAL iyo Adeegyada AQOONMAAL oo aad ka heshaan warar iyo macluumaad badan oo faa’iido u leh bulshadda.

Haddaba, kulankeenan maanta waxa aanu ku soo bandhigaynaa adeegyo dhawr ah oo ay ka mid yihiin:

4G++: Adeegga 4G++ waa nooca cusub ee adeegga 4G, waxanu leeyahay xawaare aad u sareeya iyo xajmi badan oo Internet ah. Adeegga 4G++ waxaa lagu isticmaali karaa mobayladda Smartphones-ka oo aad u isticmaalayso ku hadalka, Internetka iyo wifi ahaan labadaba adiga oo Kaga maarmi Kara Mifi aad is daba sido maadaama uu Mobileku kuu qabanayo dhamaan wixii aad uga baahnayn inaad qaadatayo Mifi ,” KAGA MAARAN MOBILE-KAAGA MIFI” sidoo kale waxaad ku isticmaali kartaa tablets, iyo qalabka Mifi ee xambaara Internet-ka gacanta lagu qaato. Waxyaabaha u gaarka ah 4G++-ka Telesom waxa ka mid ah in macmiilku lacagta uu ku isticmaalayo kaga shuban karo ZAAD-kiisa. Adeeggan halku-dhegga shirkaddu qaadatay waa “Sirtu waa Tiknoolajiyadda”.

Adeeggan 4G++ waxaad kaga maarmi kartaa inaad isdaba waddo Mifi-ga xambaara internet, waxaanad heli doontaa internet jaban oo xawaarihiisu sareeyo. Shirkaddu waxay kuu diyaarisay qiime aad u jaban oo aad kuheli doonto adeega Internet-ka Mobile-ka

Anti-Mobile theft System: Shirkaddi markii ay aragtay in ay badatay Tuugadda mobayladda smarptphone-ka, haddaba si ay shirkaddu uga caawiso bulshadeeda mobayladda qaaliga ah ee ka kulamaya waxay soo saartay barnaamij cusub oo ka hortaga xadida mobayladda. Adeegani wuxuu macmiilka uu ka lumo u sahlayaa in si fudud loogu soo heli doono mobaylkiisa. Si haddaba aad adeegan u isticmaasho waxaad garaacdaa *400# ka dibna ka dooro Antitheft service, ka dibna raac talaabooyinka kuu soo bixi doono.

Ila-Soco: Waa adeeg casri ah oo macaamiisha, sida hay’addaha, ganacsatada, shirkadaha iyo guud ahaan gaadiidleyda ka caawinaya in ay la socdaan hadba xaaladda iyo goobta uu ku sugan yahay gaadiidkoogu, iyaga oo xafiisyadood iyo goobahooda shaqo fadhiya.

Cloud Services: Waa adeeg adduunka ku cusub, kaas oo loogu talo-galay in macaamiishu ku kaydsadaan xogtooda, iyaga oo ka maarmaya qalab, koronto ay hanti iyo aduun badan kaga bixi lahaa. Telesom waxa ay diyaar kula tahay in ay xogtaada kuu kaydiso, sida ay hantida ZAAD-ka ku jirta kuugu kaydisay oo aad goor walba iyo goob walba ka heli karto. Shaqooyinka cloud services-ka ee hadda diyaarka ah waxa ka mid ah: Storage, web-hosting, server hosting, Buck-up iyo application development. Adeegyada cloud services waxa ay si gaar ah u caawinayaan hay’addaha warbaahinta, jaamacadaha, ganacsatada iyo hay’adaha kale ee dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba.

Darasalam Bank: Waxaa uu soo bandhigaysay adeegyo casriya oo uu ugu horeeyo koombuyuutar loogu talo galay Ardayda Jaamacadaha iyo dhalinyaradda jecel Waxbarashada iyada oo la raacin doono Mifi bilaash ah oo u fududaynaya in ay helaan Internet xawaale sare leh.

Somgas: Shirkadda Somgas ayaa iyaguna ku soo bandhigtay carwaddan Adeegyaddii ay bixin jirtay oo ay qiime dhimis balaadhan ku sameeysay.

Horumarka Tiknoolajiyadeed ee Telesom

Shirkadda Telesom waxay maalinwalba samaynaysaa horumar la taaban karo, oo saamayn togan ku leh bulshada Somaliland dhexdeeda. Waxay keentay adeeggii ugu horreeyay ee moobilka gacanta lagu qaato, ee loo yaqaan GSM (2G) dhowr sannadood kadib, sannadkii 2006 shirkaddu adeeggaasi waxay ku ladhay adeegga GPRS-ka’ ama (2.5G) oo macaamiisha u suurtogeliyay in ay internetka ku isticmaalaan moobiladooda. Sanadkii 2009 waxay soo kirdhisay adeega loo yaqaan 2.75 G ama EDGE sidoo kale, sannadkii 2011 waxa ay Telesom ku guuleysatay in ay noqoto shirkaddii ugu horreysay ee teknoolajiyadda 3G u keenta Macaamiisheeda, sannadkan 2016 shirkadda Telesom waxa ay macaamiisheeda u suurtogelisay adeegga 4G++ oo ah nooca aynu maanta martida u nahay. Macmiilka Telesom wuxu 3G Simcard ku isticmaali karaa moobilkiisa (haddii uu yahay nooca 4G), laptopkiisa iyo qalabka gacanta ee Mifi-ga.

Haddaba, maxaa keenay in Telesom ay hirgeliso Adeegga 4G++? Koboca tiknoolajiyadda ee maalinba maalinta ka dambeysa dunida ka socda, wuxu keenayaa in lala jaanqaado si ay u dhabowdo ballan-qaadyadii Macaamiisha aanu u sameynay in aanu keeno teknoolajiyadda ugu dambeysa, bulshadana wax badan ka beddeli kara noloshooda iyo horumarkooda.

Sidaas darteed, shirkadda Telesom waxay noqonaysaa shirkadihii ugu horeeyay ee si dhab ah Adeegga 4G++ uga hirgelisa mandaqada aynu ku noolnahay.

Faa’iidooyinka ay guud ahaan adeegyadani mujtamaca u keenayaan iyo isbeddelka ay ku sameynayaan lama soo koobi karo, waxa ka faa’iidaysan kara qofka shakhsiga ah, hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn, ganacsatada iyo guud ahaan mujtamaca – rag iyo haweenba.

Ugu dambeyn, waxaan macaamiisha iyo bulshadaba leenahay idinka ayaan idiin dhaafaynaa in aad si xoog leh uga faa’iidaysataan adeegyada 4G++, Ila-soco iyo Cloud Services, Telesom ku halleeya in ay idiin keento kolba teknoolajiyadda ugu dambeysa; annaga oo hadda qalabkayaga u diyaarinay in si fudud loogu guuri karo teknoolajiyadda 5G mustaqbalka dhow.”

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiwahaab Maax

Public Engagement and CSR Director

Maxkamadda gobolka maroodi-jeex oo La Horkeenay Suxufi Siciid Maxamuud Gahayr iyo Xeer Ilaalinta oo Dalbatay in Lasoo Xidho Maamulaha Madaarka oo…………

$
0
0

Maxkamadda gobolka maroodi-jeex oo La Horkeenay Suxufi Siciid Maxamuud Gahayr iyo Xeer Ilaalinta oo Dalbatay in Lasoo Xidho Maamulaha Madaarka oo Diiday Markhaatigii uu is qoray+ maxkamadda oo fadhi kale muddaysay Iyo Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo ka qaybgalay

Hargeysa,(Qaran-news)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka la horkeenay Qoraa/ Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo ah Macalin wax ka dhiga dugsiyada Sare oo 36-maalmood xabsiga ugu jiray Maqaal uu qoray oo ay dhibsadeen agaasimaha iyo Maamulaha Madaarka Hargeysa. Maxkamadd ayaa ahayd mid furan oo dhegeysigeeda uu ka qaybgalay Musharraxa madaxweynaha xisbiga Ucid jamaal Cali Xuseen, ehelladda Abwaan Siciid iyo sidoo kale Saxafiyiin iyo weliba Saaxiibo badan oo uu leeyahay Qoraa sare Siciid Maxamuud Gahayr.

Xeer ilaaliye Farxaan oo akhriyey eedda loo haysto Macalin Siciid Maxamuud Gahayr, oo uu ku sheegay kicin dadweyn iyo inuu digniin amni u diray, diyaaraha Itoobiya iyo fly Dubai, kuwasoo maxbuusku iska difaacay eddaha sheegayna inaanu qabin gabi ahaantoodbaa. Sidoo kale maxbuuska ayaa qirtay inuu maqaalka uu qoray kaga faallooday arrimaha kala ah, shaqaalaha madaarka, goob dakhliyeed ku taala madaarka iyo sidoo kale arrimaha ku taxaluqa shaqaaleynta madaarka, isla mar ahaantaana inuu fikirkiisa cabiro dastuurka dalku u damaand qaaday.

Dhinaca kale Maxkamadda ayaa dhegeysatay eedda Xeer ilaalinta, halkaana ka caddaysay in Maamulaha Madaarka Hargeysa uu markhaati ka yahay. Balse uu si cad uu diiday inuu hor yimaado Maxkamadda, isla markaana isaggu hore booliska ugasoo dalbaday in la xidho abwaan Siciid Maxamuud Gahayr. Waxanay Xeer ilaalintu dalbatay in xabsiga loo soo taxaabo Maxamed Yuusuf maamulaha madaarka Hargeysa, hadii uu fadhiga 2aad diido inuu yimaado Maxkamadda horteeda, maadaama uu isaga u xidhanyahay maxbuuskani. Si kastaba ha ahaatee Maxkamadda ayaa muddaysay kiiskan in dib loo qaado 28-ka bishan.

Hoodo Abdi Maxamed

Mujaahid Madaxdiin 1949-1988

$
0
0

madaxdiin
Mujaahid madaxdiin 1949-1988

– Nin naftiisa biime u geshiyo bohol xun mooyaane.

– Bawdada nimay kaga dhacdiyo boqonta mooyaane.

– Gobannimo bilaash looma helo bananka taaltaale!

Mujaahid Yuusuf Jaamac Bullaale oo ku magac dheeraa Mujaahid Madaxdiin, waxa uu ku dhashay magaalada Oodweyne ee Gobolka Daadmadheedh xilli ku began gugii 1949kii. Yaraantiisii waxa uu ku soo barbaaray magaalada Oodweyne, halkaas oo uu ka galay malcaamad quraan. Ka dib markii uu dhammeyay xifdigii quraanka, waxa uu isla markiiba halkaas ka bilaabay aqoontiisii kale ee maaddiga ahayd. Mujaahidku sida la ii sheegay waxa uu naaneystan Madaxdiin kula baxay kartida maskax badnida awgeed, taas oo uu ku caano maalay idamka Alle. “waxa aan sitay buraashad caag ahayd, waxaana lagu sameeyay dalkii la odhan jiray Jarmalka Bari. Waxa ay ka koobnayd buraashad, gaaweyto weyn iyo dhowr weel oo yar yar oo isku guda jira. Intaas oo dhan ayaa isku dhex jiray oo la gelin jiray hal shiraaq ka dibna dhexda ayaa lagu xidhan jiray. Wadarta weelkaa waxtarka lahaa waxa la odhan jiray “Madax-diin”, oo waxa loogu magic daray Yuusuf Jaamac Bullaale oo ku shiihaday Burco 1988kii”. Sidaa waxa yidhi Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale mar uu ka waramay sooyaalkii uu soo maray. Haddaba sida weelkaasii uu ugu manfac badnaa weelalka kale ayuu mujaahid Madax-diinna (AHN) uu uga manfac badnaa asaagii, ama sida ay dheemantu uga qiimo badan tahay maarta ayuu isna uga qiimo badnaa aynigii!

Mujaahid Yuusuf Jaamac Bullaale (Madaxdiin) maadama uu lahaa karti iyo hal-abuurnimo dheeraada waxa uu isla sannadkii 1969kii ku guuleystay in uu ka mid noqdo lana sheeqeeyo haayad la odhan jiray Mercy-Corps oo laga lahaa dalka Mareynkanka. Haayadani waxa ay ka hawl gali jirtay gudaha wixii la isku odhan jiray Soomaali-weyn, taas oo bulshada ka kaabi jirtay xagga waxbarashada. Haddaba markii Siyaad Barre uu xukunka gacanta ku dhigay waxa uu haayaddii Mercy-Crops ka saaray dalka isaga oo arrimo siyaasadeed awgeed u qorshahaas u fuliyay. Mujaahid Madaxdiin waxa uu isla ammintaasba uu u socdaalay magaalo madaxda waddanka Kenya ee Nairobi, halkaas oo uu hawlo ganacsi ka bilaabay. Markii uu saddex sanno halkaas joogay waxa uu dib ugu soo noqday magaaladii uu ku dhashay ee Oodweyne. Isaga oo ka mid noqday shaqaalihii dawladda hoose ee degmada Oodweyne. Mujaahid Madaxdiin (AHN) waxa uu ahaa ruux aad uu firfircoon waxa isla muddo yar ka dib uu u wareegay xaggaas iyo magaalada Burco, iyada oo loo magacaabay xisaabiyaha dawladda hoose ee degmadda burco. Sida oo kale waxa uu mujaahidku ka soo shaqeeyay magaalada Gabiley, Sheekh ugu danbeynna waxa loo beddalay xarunta dawladda hoose ee degmada Berbera.

Waxa ay sidaa ahaataba waxa uu Madaxdiin ka mid ahaa intii lagu tuhunsanaa dhaqdhaqii wakhtigaa hoosta ka socday ee Gobollada Waqooyi. Muddo dhawr jeer ah ba waxa daba-ruuc leynaayay kooxii nabad-sugidda ahaa ee u adeegi jiray Daaquud Siyaad Barre, balse nasiib wanaag wax ba kuma ay helin ee waa ay ku habsaameen. 1982kii waxa uu Mujaahid Madaxdiin ka mid ahaa raggii ugu horreeyay ee ka tallaaba xadka itoobiya, waxa uu ka mid ahaa intii ka gubatay kana gadoodday tacaddiga lagu hayo dadkooda iyo dalkooda. Waxa maalin wada gudbay Mujaahid Madaxdiin, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed iyo Mujaahid Mijir Qaadi Maxamuud oo ahaa Agaasimaha Radio Hargeysa, iyaga oo raacay gaadhi yar oo uu lahaa Muj Madaxdiin. Waxa ay ka tallaabeen magaalada Xarshin. Ka dib markii ay 5km ay dhaafeen xadkii ayay gaadhigii halkaas kaga degeen oo ay iskaga tageen. Muddo saddex cisho ah ka dib waxa gaadhigii jiidatay dalwaddii Siyaad Barre. Saddex bilood markii mujaahidantaas la la’aa ayaa markii danbe la ogaaday in ay magaalada Addis ababa ay joogaan ka dib markii ay radio Addis ay sheegtay soo galiddooda. Isla saddex bilood ka dibna waxa ay soo degeen magaalada Gaashamo halkaas oo ay ku aasaasantay cududdii Mujaahidiinta SNM. Waxa xusid mudan in isla goobtaas ay iyana yimaadeen mujaahidiin fara badan oo aad u culus oo ay ka mid ahaayeen Mujaahid Sumuni, Duuliye Saleebaan Diiriye Iyo Mujaahid Maxamed Cali iyo qaar kale oo badan.

1983kii ayaa uu Mujaahid Madaxdiin uu fuliyay hawl-galkiisii ugu horeeyay, isaga iyo ciidan uu hoggaaminayo ayaa waxa ay qafaasheen gaadhi Landcruiser ah oo siday lacag saad ah oo ay leedahay dawladda Siyaad Barre. Waxa ayna mujaahidiintu ay maalintaas wateen gaadhi iska rogo ah oo ay lahayd dawladda hoose ee magaalada Burco taas uu darawalkii waday uu kala soo goostay dawladdii dulmiga badnayd. Goobtan ay baabuurka ka qafaasheen ayaa ahayd waddo ku taal galbeedka Dacar-Budhuq oo la yidhaahdo Koda-yare. Ka dib iyaga oo si badheedh ah ula soo dhex maray gudaha waddanka ka dibna ula tallaabay dhanka xadka Itoobiya. Weerrarada kale ee uu mujaahid Madaxdiin ka qayb qaatay waxa ka mid ah: jabinta jeelka Mandheera 1984kii, dagaalkii buuraha 1986 iyo weerraradii Oodweyne oo uu ku weheliyay Muj Maxamed Cali AHN. Waxa isna sannadkaas jiray hawl-gal fashilmay oo la doonayay in lala beegsado saraakiisha ka soo qayb-gali doonta xuska 21 Oktoobar.

Ha fashilma’e Mujaahid Madaxdiin waxa uu ahaa raggii loo qoondeeyay in ay hawl-galkaas fuliyaan, waxa aanu isagu uu ku qornaa jiidda Oodweyne waxaana ku wehelinaayay hawl-galkaas mujaahid kale oo la odhan jiray Maxamed Cilmi Riyoole. Markii ay dawladda faqashtu hawl-galkaas ay ogaatay, waxa ay labadaas mujaahid ay ku sugnaayeen beer magaalada Oodweyne u jirta illaa 3km. Xildhibaan Muxumed Jaamac Bullaale oo ay mujaahid Madaxdiin walaalo yihiin ayaa arinkaas u kuurgalay. Waxa aanu tagay magaalada Burco si uu u soo ogaado sida ay wax u jiraan. Ka dib markii uu ogaaday in lagu soo baxay goobta ay mujaahidiintu joogaan oo duub-cas loo diray, waxa uu isla markiiba u diray gaadhi kale oo uu saaray nin Cali Bullaale la yidhaahdo oo labadooba adeer u ah. Cali Bullaale nasiib wanaag waa uu ka soo dheereeyay ciidamadii la soo diray. Waxa uuna ku war galiyay in ciidan fara badani ay ku soo maqan yahay, goobtiina waa ay ka baxeen.

Xildhibaan Muxumed Jaamac Bullaale oo iiga warramay sidii ay maalintaas wax u dhaceen ayaa waxa uu yidhi “markii ay labadii mujaahid goobtii ay ka baxeen ee uu midiba meel ku dhuuntay anigu waxa aan toos u tagay Xarunta Badhisaabka Gobolka Togdheer. Guddoomiyaha Gobolka waanu is naqaanay oo waxa la odhan jiray Cismaan Suldaan Cali, waxa aanu ii sheegay in la la’yahay Mujaahid Madaxdiin, Waxaanu iga codsaday in aan anigu damiin ka noqdo ka dibna la cafiyi doono anna waan ka aqbalay dammiinkiina waan isku qoray isaga iyo ninkii kaleba waa aan damiintay, ka dibna waxa la i siiyay waraaqdii caddeynta u ahayd cafiskooda oo uu madaxweynuhu ku saxeexan yahay. Sidii ayaan ku imid Oodweyne, Madaxdiinna waa u waramay waxa aanan u sheegay in la cafiyay. Muj Madaxdiin isaga oo ka xun arrintaa haddana waa yahay ayuu afka ka yidhi, mujaahidkii kalena waan u sheegay isna. Haddii Saddex cishaba la joogay, Gaani ayaa amar ku soo bixiyay in Madaxdiin la soo qabto, waana la qabtay oo xabsi Hargeysa ku yaal ayaa lagu xidhay. Gaani waxa uu ku andacooday in aan Madaxdiin lagu kalsoonaan karin sidaa daraadeed na ay muhiim tahay in la xidho.

Maalmo dabadood waxa Hargeysa yimid wafti ay ka mid yihiin Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Xasan Cabdillaahi, Wasiirka Kalluumaysiga Cismaan Jaamac, Jananka Ciidamada Asluubta Ismaaciil Axmed Ismaaciil. Wasiirka Arrimaha Gudaha Jaamac Gaas Mucaawiye, Wasiirka Dakadaha Cabdillaahi Maxamuud Hirad iyo Wasiir Axmed jaamac Jaangali. Waftigaas oo loo soo diray si ay xaaladda Somaliland u dajiyaan, waxa ayna soo daayeen Muj Madaxdiin (AHN). Waxa aan wali xasuustaa maalintaas la soo daynayay mujaahidka waxa ii maahmaahay Wasiir Axmed Jaamac Jaangali oo Waxa uu ydhi , “nin haddii uu kaa dayn waayo neef adhi ah i sii isagana ka xayntiisaa lagu dhibaa, ee ka xeyso waa kaas madaxdiine” Markan danbe se waxa nalaga qoray damiin aad u culus waxaana saxeexay anigoo ah Xildhibaan Muxumed Jaamac Bullaale , Cali Bullaale, Xaaji Cabdillaahi Diiriye (X. Dahraan) iyo Caaqil Caydiid Hugur Alle ha u naxariisro dhammaantoode. Horta tii aan ka baqayay way dhacday, oo waan ogaa in aanu Madaxdiin sahal ku joogayn, anaga oo Burco ka tagnay oo dano noo gaar ah Hargeysa u joogna ayuu naga soo baxsaday Madaxdiin, ka dib Magaalada Burco ayuu ku soo noqday. Isaga iyo nin kale oo la yidhaahdo Muj Jaamac Calool ayaa hab kartaysan u la soo fakaday gaadhii Badhisaabka Burco sidii ayayna ku tallaabeen mar labaad” sidaa waxa yidhi Xildhibaan Muxumed Jaamac Bullaale oo ka mid ah Golaha Deegaanka Degmada Oodweyne.

Mujaahid Madaxdiin (AHN) halkii ayuu halgankii ka sii waday illaa ay tii Alle u timid. Waxa uu shahiiday sannadkii 1988kii waxa aanu geeriyooday jimcihii Burco la soo galay jimcihii ku saddexda ahaa, waxa uuna ku galbaday Cisbitaalka Burco dhiniciisa galbeed halkaas oo ay caddowgu ku weerareen.Taariikhda Mujaahidku ma aha mid qormo yar lagu soo koobi karo, balse waan soo kor-ka-xaadiyay un. Dhammaan dadka ay is yaqaaneen Madaxdiin waxa ay ugu warramaan sida waddankiisa iyo dadkiisa u jeclaa. Waxa lagu tilmaamaa in uu ahaa nin dhaqan wanaagsan oo dabeecad togan oo aanay cidna is diidin. Sida oo kale waxa uu caan ku ahaa geesinimo aan gabbasho lahayn, waxa uu ahaa nin aan ka waaban dulmiga oo xaqqa u gargaara, in kasta oo ay SNM wada Madaxdiin ahayd, haddana mujaahidku waxa uu ahaa tiir ka mid ah tiirarka ay ku taagnayd SMN.
Mujaahid Madaxdiin waxa uu guursaday saddex jeer waxa uu ifka kaga tagay labo xaas, 5 Wiil iyo 3 Gabdhood. Alle ha u naxariisto isaga iyo dhammaan mujaahidiintii waddanka u soo halgamay. Aaamiin Aaaamiin Aaaaamiin.

W/Q: Sayid Maxamed Cumar (Darwiishka)
Oodweyne, Somaliland

Video Released Shows Fatal Shooting of Keith Lamont Scott

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Collaada Ka Taagan Degaanka Celefweyn Iyo Wasiiradii Xukuumada ee Halkaas Joogay Oo ………

$
0
0

Celefweyn,(Qaran-news)-Degaamadii celefweyn ee colladu ka taagnayd ,ayaa maanta degan ,waxaana ku sii qulqulaya cidamo ka tirsan Ciidanka qaranka si ay u adkeeyaan amaanka degaamadaas.
maalintii Jimcihii oo qaar ka mid degaamadaas ay ka dhaceen ishorimaadyo kooban oo dhaliyay dhaawac ayaa waxa gaadhay goobtaasi cutubyo ciidanka qaranka kuwaasi oo kala dhexgalay beelihii dagaalamayay balse waxa ciidanku dilay laba qof oo ka mida labadii dhinac ee dagaalamayay midkood.
Sidoo kale waxa maalintii Jimcihii la gubay guryo ku yaalay tuulada loo yaqaan godwaraabaha,ka dib markii koox hubaysan oo wadata gaadhi landcuriser ahi ay dab qabad siiyeen dhismayaal sarab iyo carshaana oo ka dhisnaa halkaas, islamarkaan dhaawacay qof dumara balse waxa wararku sheegayaan in ciidamada qaranku gacanta ku hayaan kooxdii falka gaystay lana geeyay magaalada Celefweyn.
maalintii jimcihii ayay ahayd markii la jebiyay dhaartii iyo nabadeyntii lakala dhexdhigay beelihii halkaasi ku diraray.
ilaa hada lama oga wax talaabo ah oo xukuumadu ka qaaday dhinicii jebiyay boonkii loo dhigay nabadayntaas ,waxayna noqonaysaa markii labaad ee la jebiyo boonka iyo dhaartii lagu xidhay nabadeynta.

Xubnihii wasiirada ee halkaasi u joogay nabadeynta ,ayaa la sheegay inay si habqanka ugu soo dhaqaaqeen degaanka Celefweyn ee colladu ka taagnayd kuwaasoo midba mar uga soo kicitimay dhinaca Hargaysa wakhti colladii halkaasi ka jirtay ay dib u hurtay.
Lama garanayo sababta Wasiiradu xukuumada oo markii hore wada jir ku tagay uu marba mid ka yimaado.
Wasiiraka Madaxtooyada oo la filayay inuu xal nabadeed uu dhaba ka gaadhi doono collada dhextaal labada beelood ayaa hada u muuqda inuu ku fashilmay, inkastoo wararku sheegayaan in xubno isugu jira madaxdhaqameed dibada ku maqan iyo siyaasiyiin kale oo wasiirka isku beel yihiin ay jalaafooyin u dhigayaan wasiirka Madaxtooyada kuwaasoo la sheegay inaanay raali ka hayn nabad ka dhalata degaankaas.
ilaa hada waxa ku sugan goobahaasi dirirtu ka dhacday Ciidamo ka tirsan kuwa qaranka , kuwasaoo dadaal xoogan ugu jira inay xakameeyaan collada degaankaas.

Collaada labadan beelood oo hada maraysa bil iyo dheeraad sababtayna khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac,ayaa waxay xukuumada ku tahay ceeb iyo waji gabax inay ilaa hada xalin kari waydo dhibaatada Colladeed ee ka taagan degaankaas.


Maxakamada Sare Oo Maanta La Filayo Inay Ku Dhawaaqdo Go,aankii Dacwada Garbyada UCID Iyo Bulshada oo Si Weyn Indhaha Ugu Haysa.

$
0
0

Hargaysa(Qaran-news)- Maxkamada Sare ee Somaliland ,ayaa maanta laga sugayaa inay ku dhawaaqdo go,aankii dacwada u dhaxaysay garabyada xisbiga Ucid,oo maalmihii u dambeeyay ay garnaqa dacwadaasi ay gacanta ku haysay.

Barqada ,ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo go,aankan,kaasoo ah mid indhaha bulshada reer Somaliland ay si weyn u dhowrayaan go,aanka ka soo bixi doona maxkamadaas.

Guddiga Diwaangalinta Ururada Siyaasada ayaa hore uga garnaqay dacwadan u haxaysa garabada Xisbiga Ucid ,kana soo saaray Go,aan balse garabka uu hogaaminayo Gud.Faysal Cali Waraabe ayaa rafcaan ka qaatay go,aankan ka dibna u gudbiyay maxkamada Sare ee Somaliland.

Maxkamada Sare Somalilnad oo hada gacanta ku haysa Dacwada culus oo siyaasadeed ,ayaa la eegayaa bal inay dacwadahaasi noqdaan kuwo u dhaca si cadaalada ah oo lagu kalsoonaan karo iyo kuwao laga biyo diido.
Maxkamada sare ayaa mudooyinkii u dambeeyay u muuqatay mid helaysa kalsoonida bulsho badan hasyeeshee hadii go,aamada dacwadahan siyaasadeed u muuqdaan kuwo cadaalad daro u dhacay waxay saamayn ku yeelan doontaa kalsoonidii bulshadu haysay Maxkamada Sare.

ilma Faarax Xarbi iyagaa maktabadii Gaandi u soo raray dugsiga Sheekh Bashiir Ee….

$
0
0

ILMA FAARAX XARBI IYAGAA MAKTABADII GAANDI USOO RARAY DUGSIGA SHEIKH BASHIIR, EE BAKHAARKA BUSKUDKA LAGU GADO ADAA KA DOORTAY CILMIGII, EE SHEEKH BASHIIR HAW CALAACALIN.

Waxaa wax lala yaabo ah, in ruux uquudhi waayo gaandi inuu ummadda dhiigiisii iyo hantidiisii, iyo naftiisiiba u huray, in carruurta dalku hesho meel ay wax ka akhristaan.

Waynu ogayn oo laba jeer oo dadweynaha reer hargaysa ka biyo diideen waxa ka socda madaxtooyada, ee nin bakhaar buskudka lagu qaybiyo raba inuu faras madaalaha ka dhisto, loogu qorsheeyay in makatabadda gaandi loo sadqeeyo.

Haddaanad ogayn iyo hadduu war kugu seegan yahay, iyo haddaad ka warhaysoba, gaandi waa muwaadin, isagoo aan kala jeclayn ummadda reer Somaliland u qormeeyay inuu ubadka iyo barbaarta u sameeyo meel uun ay waxbarashada kala socdaan. Waxuu qalqaaliyay inuu ummadda u horseecdo tallaabo aad u qiime leh, waxuu xooggiisii galiyay isagoon cidna waxba kaga doonaynin sidii dhallinta dugsiyada dhigataa u heli lahaayeen buugaag ay waxbarashada kaga korodhsandaan.

Waxuu isku dayay inuu inta awooddiisa ah ku dadaalo inuu soo ururiyo buugaag anfac u noqota dhallinta reer somailand, isagoon u kal eegin mid ehela iyo mid kale. Waxuu weliba ku tabarucay inuu maktabadda shaqaale ka noqdo, isagoon gunno ku qaadan, waxuu kaloo ku dardaarmay in ubadkiisu ay daryeelka maktabadda ka shaqeeyaan.

Waxaa maktabadda la furi jiray siddeedda subaxnimo, ilaa shanta galabtii ama ka dib. Maalin qudha may qaadan mushahar dadkii maktabadda ka shaqaynayay, weliba taas ayay ku niyad samaayeen.
Aroor maalin xagga Rabbii qiime ku leh, waxaa soo weeraray ilma faarax xarbi, oo u adeegsaday awood beeleed, oo madaxtooyada laga soo abaabulay.

Waxay carruurta iyo dhallinta aan haysan meel kale oo ay cilmi baadhis u raadsad ka door bideen, inay boob ku qaataan maktabddii gaandi, oo ka dhistaan bakhaar ay buskudka ku gadaan.
Siiraanyo, iyo inta aan danta ubadka dan ka lahayni, waxay si buuxda ugu meel mariyeen inay qaataan dhulkaa, maktabaddii gaandina la burburiyo.

May mahadin, oo reer hargaysa, iyo dhamman dadka ay ubadka waxbarashadoodu qiime u samaynaysaa, waxay si cad ugu sheegeen siiraanyo, inaanay ilma xarbi u cuntamaynin hindisaha bakhaar lagu beddelo maktabaddii gaandi sameeyay, ee dhaxalka ubadka ahayd.
Siiraanyo casar ayuu ka noqday dikreetadii uu ku siiyay ilma xarbi jagadii uu ka dhisnaa maktabadii gaandi.

Doqoni ma garato runta, e waxay ku soo rogaal celiyeen inaanay sidaa kaga hadhin. Way dhacday oo waa la dumiyay maktabaddii gaandi iyadoo raadkii iyo taariikhdii wacnayd ee uu ubadka uga tagay la baabi’iyay.
Waxaa food saaro looga dhigay, in la yidhaa waxa loo raray barxaddii dugsiga sheikh bashiir… oo loo qoondeeyay in laga dhigo maktabaddii gaandi.

Haddaba haddii ay dadka qaar la fool xumaato, in taariikh baaba’daa fool xuntay, maxay ku dedaafaynayaan in halyay qaran oo noloshiisii u hibeeyay inuu qaranka si shakhsi ah wax ugu taro, oo ubadka dhawr kun oo buug tabaruc ugu soo ururiyay, iyadoo dalku xaaladda ugu xun ku jiray, oo somaliland ay yabyab ahayd, oo weliba daryeelkooda, iyo ilaalinta maktabadda uu xil gaara iska saaray, oo aanay wax kazoo qaad yeelan.

Ilma faarax xarbi waa shakhsiyaad aynu qiimahooda garan karno, waxaase la yaab ah, qolada sheikh bashiir u doodaysaa, inay gaandi ku tilmaamaan nin aan u qalmin in la qiimeeyo.
Waxaan odhan lahaa, iyagoo ixtiraam mudan, halkaad qof ka qaadanayso, waxaa habboon inaad xasuusnaato inaad qof kaga tagayso.

Haddii waalidkiin qiime badan idinla leeyahay, ilma faarax xarbi usheega in dadka dalka iyo ummaddaba wax tara aan taariikhdooda la tirsiri Karin, dadka nolosha uu shilinku kala qiime badan yahayna gaadhsiiya inaan xaaraan ilmaaha aad siisaa nolol qurux badan u horseedaynin, ee if iyo aakhiroba dulli ku saaran yahay..

Hubsiimo halbaa la siistaa…

Eng. Yousuf Ahmed
jicsin@hotmail.com
London U. K.

Jidka Toosan ee Dhalinyaronimada Q.3aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta

$
0
0

Marka aan ka hadlaayo jidka-toosan ee dhalinyaronimadda, Maaha mid aan si malo-awaal ah maskaxdayda aan uga abuurayo, mana aha mid aan qoraalo iyo meelo kale kasoo maan-guurinaayo, ogow akhriste jidka toosan ee aan tilmaamayaa maaha wax cusub oo aan kugu soo kordhinaayo, laakiin waa mid maskaxda caafimaadka qabta ee ku jirta jidhka bani-aadam caafimaad qabaa uu mar kasta ku fikiri karro.

Xulida lamaane diin iyo akhlaaq lihi waa dariiqa jidka toosan asaaska u ah, Xulidda hooyadda wanaagsan ee diinta lehi, iyo aabaha akhlaaqda lihi waxay asaas u yihiin sii jiritaanka mustaqbalka wanaagsan ee ubad iyo dhalinyaro ka badbaadda wax kasta oo xumaan ah, Sharciga islaamkuna waxa uu ina farayaa doorashadda iyo isku xulashadda diinta macaan ee islaamnimadda.
Jidka toosani waxa uu sidoo kale ka bilaabmaa habeenka ugu horeeya ee lamaanaha isguursaday ku kulmayaan galmadda(sariirta) taas oo macalinkeenii, suubanihii Nabi Maxamed Csw uu inoo sheegay in ilmaha yar lab iyo dhadig midkuu doonaba ha ahaadee in loo xirsi xidho habeenka kowaad ee caloolsha uu gelayo. Halka marka hore khayr la weydiisanaayo misna shaydaanka laga fogeynaayo, Rabina laga magan gelaayo shaydaanka Ooridda ama gabadha cusub ee Ninku guursaddo Isaga oo odhanaaya “Illahayow waxaan ku waydiisanayaa khayrkeeda, iyo wixii lugu abuuray ee khayr ah, iyo wanaag ah Rabbiyow waxaan kaa magan gelayaa sharkeeda iyo wixii lugu abuuray ee shar ha”.
Nabigu wuxuu ina faray in la odhanaayo “Bisinka allaah u qabtay galmaddan, illahayow shaydaan naga fogee, oo waxaad nugu arsaaqdo oo ubad ah shaydaan ka fogee”
“……………….. Suuratul Maryam”
Nabigu wuxuu yidhi “Haddii habeenka aad Xirsi xidhatay ubad lagaa beero, waxaa dhab ah in aan shaydaan kaa duufsan” Ilmaha yar kadib dhalashadiisa waxaa waajib ku ah waalidka in diintiisa iyo akhalaaqdiisa laga fikiro, oo sida caanaha , cuntadda iyo waxbarashadiisa looga fikirayo in akhlaaqdiisa iyo diintiisa looga fikiro.
Nabigu Csw sidoo kale wuxuu inoo sheegay “In ilmaha aad dhashay Xaq kugu leeyahay” ……. Dadkeenu waxay u yaqaan xaqan uu nabigu inoo sheegay in ay tahay dhergin cuntadda ah iyo waxbarasho; sidoo kale uu yahay ciyaarta iyo ilmaha oo u madax-banaanadda waxa uu isagu jecelyahay.
“Todoba jir marka ay gaadhaan in salaadda la baro, 10 jirna lugu qaraaco, gogoshana lugu kala kaxeeyo” Waa toobabar lagaga hortagaayo in marka ay caruurtu hana qaaddo ka leexdaan Khaladka isdhex boodka, haddii aan tan la samayn ubad aan xishood lahayn ayaa kasoo dhex baxaaya bulshadda muslimka ah, marka dambena ku dambayn doona dhalinyar ka leexatay wadadii saxdda ahayd.
“Waxaa la weydiin waalidka, Ilamaha ma tarbiyeysay?, Ma ku xidhay illahay? Meel wanaagsan makagasoo tagtay?.” Halka la weydiin doono ubadka“Wax ma ku baray? Akhlaaq wanaagsan ma kugu tarbiyeey?”.
_____ Qodobaddan Sare Waxaan kaga Hadli doonaa Cutubka 4aad ee Buuga__________
Xaga dhaqanka Somalinimadda iyo nolosha reer guuraaga oo ah nolol waxbadan ka duwan nolosha reer magaalka iyo dadka magaalada ku barbaara, ayaa inta baddan lugu kalsoonyahay in wiilka ama gabadha ku dhashay, kuna barbaaray deegaanadda miyagu ay caqli iyo maskax wanaag dheeryihiin dhalinta kale ee magaaladda, sidoo kale la qabsiga jidka toosan ……………………..
Tix-raac:
1. Sheekh Abu-salmaan – Muxadaradii Dhalinyarada

La soco Q4aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer

Habka ugu fudud ee aad sanbabka uga nadiifin karto qiiqa sigaarka

Halkani ka daawo cuqaashii iyo salaadiintii ka qayb galay nabadayntii Ceelafweyn oo hadlay

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>