Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Wasiir iska casilay xukumadda Farmaajo iyo sababta daawo


Hooyooyin maanta mudaharaad isugu soo baxay magaalada Hargeisa maxay ka cabanayaan?

Daawo oo Akhri:Ergo Siyaasiyiina  Oo Qasriga Madaxtooyada isku soo horfadhiisiyey Xisbiyada Ucid,Waddani & M/weyne Muuse Biixi+War-murtiyeed ay soo saareen & Qodobo ay ku heshiiyeen+Sawirro

$
0
0

Ergo Siyaasiyiina  Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Wada Hadalsiiyay Xisbiyada Ucid,Waddani & M/weyne Muuse Biixi+war-murtiyeed ay soo saareen

 Ergo waan waan ka dhex waday maalmihii u danbeeyay Mucaaridka Somaliland iyo Xukuumadda ayaa caawa Madaxtooyada isugu keenay labada dhinac. Kulan kaas kadib ayaa war-saxafadeed nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakadda wararka Somalilandtoday madaxtooyadu ka soo saartay kaas oo u dhignaa sidan.

 

Halkan ka daawo Muqaalka:-

 

WAR-MURTIYEED: 16/12/2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caawa kulan muhiima la qaatay hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah.

kulankan uu madaxweynuhu madaxweynuhu isugu yeedhay axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore iyo ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wada-jir iyo isku duubni loogu wajahi lahaa arrimaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana ay hoggaanka axsaabta qaranku muujiyeen muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorashooyinku si loo xaqiijiyo geeddi-socodka Dimuqaariyadda Somaliland iyo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinkaas, isla markaana lagu diyaarin lahaa jawi ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan.

Ugu dambayntii waxa ay hoggaanka saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI wada jir u go’aamiyeen qodobbadan hoos ku qoran:

  1. In doorashada goleyaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoonto dhammaadka sannadka 2019-ka.
  2. In si wada-jir ah ay uga wada-hawl galaan xallinta iyo dhammaystirka wax kasta oo ku xidhan qabsoomidda doorashada.
  3. In si niyadsami ah loo sii wado wada-tashiga iyo wada-hadallada saddexda guddi ee xisbiyada qaranka.
  4. In wixii caqabad ah ee soo kordha laga wada-tashado.

ALLAA MAHAD LEH

Daawo:Garnaqsi & Dood kulul oo ay isku haleeleen aqoonyahano Somaliland & Somaliya ka soo jeeda

Daawo:Hogaanka Xisbiga Waddani oo Tafaasiilo & Faahfaahin Xasaasiya ka bixiyey Kulankii Xalay ee Qasriga Madaxtooyada+Su’aalo Xasaasiya oo Weriyayaashu ku boobeen

Muj: Saleebaan Ibraahim Oo Mid Mid Isku Dul-taagay Guuldarooyinka Tirada Badan Ee Muuse Biixi Sanadku Ugu Dhamaaday

Daawo Madaxweynaha Eritrea oo leh Somaliya wax Jira ma aha iyo….

Qormo Xiiso leh+Xaalka Murashaxiinta Madaxweyne ee Puntland: Xeradu waa wada ulo oo Ula qaato ma leh!

$
0
0

Qormo Xiiso leh+Xaalka Murashaxiinta Madaxweyne ee Puntland: Xeradu waa wada ulo oo Ula qaato ma leh!

 
Sacadda iyo Waqtiga dib ugu celi SHAN SANO kahor! Puntland waxaa meel walba ka daarneyd ama laga dhageysan jiray heestii ahayd “Xildhibaanow tusmeeyo, taabba gali is bedelkoo, uturoo dadkaagoo, Talo Yey ku seegine, soo tuur codkaagoo Cabdiweli ku taageer!”

Puntland doorashadii tan ka horreeysay bulshadeedu waxa ay lahaayeen DOOKH, qaar ayaa doonayey in Cabdiraxmaan Faroole oo xilligaas ahaa Madaxweyne in dib loo doorto, halka inta badan ay rabeen, u heeseen, u ilmeeyeen, u damaashadayeen Cabdiweli Cali Gaas (Madaxeynaha hadda), oo markaas ka soo laabtay Muqdisho oo looga soo adkaaday doorashadii Madaxtinimo ee 2012. 

Hase ahaatee, shan sano kaddib, Puntland yey u heeseysaa, yaa ugu cad cad, yaa mudan? Dhammaan su’aalahaas haddii aad weysiiso qof reer Puntland ah kama heleysid jawaab, kaliya inta uu madaxa ruxo ayuu kuugu jawaabayaa ‘La isma dhaamo!”

Puntland sanadkan waxaa iska soo sharraxay siyaasiyiin kor u dhaafaya 30 oo inta badan ay mushtamaca ku cusub yihiin. Laakiin, kuwa la yaqaan ee aan tirada badaneyd kuma jiro mid bulshadu xiiso u qabto ama ku tuhmayaan hoggaamin siyaasadeed iyo hiigsi sare.

KUWA CAANKA AH

1-Cabdiweli Cali Gaas

2-Siciid Deni

3-Cabdi Siciid Juxa

4-Faarax Cali Shire

5-Maxamed Siciid Xirsi (Morgan)

6-Daahir Mire Jibriil

7-Awaare

8-Saadaq Enow

9-Asad Diyaano

10-Cali Xaaji Warsame

Tiradaas kore waa kuwa ay bulshada si weyn u taqaan, hayeshee, ma jiro mid mid dhaama walow labada siyaasi ee Daahir Mire Jibriil oo ka mid ahaa aas aaseyaashii jabhaddii SSDF iyo Saadaq Enow (Aqoonhan) la oran karo xogaa waxa ay heli karaan rayyi caam wanaagsan.

Kuwa aan la aqoon iyagu xisaab ma leh oo waxaa ka mid ah Jabiye (Maalqabeen), Jibriil iyo kuwo kale.

Iyaga kama odorosi karo siyaasadooda maadama aan hore loo soo tijaabin, waana sababta keentay in aysan ilaa iyo hadda saameyn muuqata ugu lahayn ol’olaha socda.

JUXA, Cali Xaaji iyo Deni maxaa ka qaldan?

JUXA – Waa siyaasi xilal kala duwan heer Federal iyo mid maamul gobolleed soo qabtay, hase ahaatee, waxa uu ku ceeboobay Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowladda Federal-ka ah marka laga yimaado in uu hawleheeda ku fashilmay hadana waxa uu dhex bartanka ka galay dagaal QABIIL kaddib markii ay is qabteen Professer Yaxye oo xog-haye joogta ah u ahaa.

Reer Puntland wax ay halkaas ku barteen dabeecaddiisa iyo sida uu u maareyn karo haddii khilaaf siyaasadeed haddii uu yimaaddo.

CALI XAAJI – Siyaasigan inta badan  wey adag tahay in la fahmo siyaasaddiisa balse waxaan shaki ku jirrin in uu ka mid yahay urur diimeedyada (Ictisaam).

Shacabka Puntland in aysan diyaar u ahayn in uu hoggaamiyo shaqsi ku lug leh urur diimeedyada dalka ka jira ee ragaadiyey siyaasadda dalka.

SICIID DENI – Waa siyaasiga loogu neceb yahay Puntland laba sababood awgeed; Ka mid ahaanshaha koox ganacsato ah oo dhiigmiirato looga yaqaan Puntland, 2, in uu yahay musharaxa ugu weyn ee ay Daam-jadiid taageerayaan.

Deni ma aha siyaasi Puntland saameyn ku leh,hase ahaatee, waxa uu wasiir ka soo noqday xukumaddii Cabdiweli Shiekh Axmed ee dowladdii Xassan Shikeh. Deni waxa uu can ku yahay in uu qeyb ka ahaa Wasiiraddii dhaawacay gadaalna ka tooktay Rai’sul Wasarihii dalka iyada oo loo ballan qaaday in isaga lagu bedeli doono.

Sidoo kale waxa uu ka mid yahay urur diimeedyada daka ka jira ee aysan shacabka Puntland dooneyn in uu hoggaamiyo.

Marka aad isku soo wada duubtay dhammaan qodobadaas, waxaa kuu soo baxaysa in xaaladda doorasho iyo ol’ole ee Puntland shacabka quus ka joogaan, badankoodna musharixiinta u arkaan “Xerada waa wada ul oo mid la qaato ma leh!”.

W/Q: Mahad Xuseen Guuleed

 

 


Somalia oo shirkad uu leeyahay Matt Bryden (Aasaasihii Akademiyada Somaliland) mamnuucday Somalia

$
0
0

Somalia oo shirkad uu leeyahay Matt Bryden (Aasaasihii Akademiyada Somaliland) mamnuucday Somalia

 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba dalka ka mamnuucday Shirkadda Cilmi Baadhista ee Sahan kaddib markii sida laga sheegay lagu helay falal lid ku ah amniga Somalia.

Shirkaddan waxaa aasaase iyo masuul ka ah Matt Bryden oo hore uga tirsanaa kooxda Kormeerayaasha QM ee Soomaaliya,Kana mid ahaa Aasaasayashii Akademiyada Nabada & Horumarinta Somaliland (APD),Madaxna ka noqday,Mudo dheerna deganaa Somaliland,Xididna la ah. 

 

Hoos ka aKhriso Qoraalka oo faahfaahsan:-

Ra’isal-wasaare Xigeenka Somalia oo Soo bandhigay arimo Xasaasiya oo Qudhgooyo ku ah M/weyne Muuse Biixi & Farmaajo

Qormo Xiiso leh: “Laacibka Berbera Sagaalka uga ciyaara oo reer Hargeisa soo dalbadeen si uu Maayar ugu noqdo”. kkkk…(Berbera ma hiil bay u baahan mise Hambalyo Qormadii 3aad)

$
0
0
BERBERI MA HIIL BAY U BAAHANTAHAY MISE HAMBALYO.?
(Qaybtii 3aad
‘……………….
 Waxaynu qormooyinkeeni hore kusoo xusnay waxyaalaha iyo Sababaha Berberi maanta Haadaanta ugu dhacday, Haddaba waxaa ay iswaydiintu tahay, Maxaa keenay waxyaabahaas aan soo sheegnay?
Ma si Lama filaana ayay u dhaceen mise ku talo gal?
Berberi miyaanay lahayn oo aanay joogin dad waxan dhacaya ee Foolxumida badan arkayaa?  Maxayse ka eeganayaan arintan waji gabaxa iyo Yakhyakhsiga xambaarsan?
Meeye Golahii deegaanka ee loo soo doortay inay dadka Degmada Berbera metelaan? Iyo Su’aalo kale oo badan.
Maya dadka reer berbera maaha dad aan arkayn waxaas oo gef iyo gabbood fal ah. Xildhibaanadii, aqoonyahankii, Ahlu sharafkii, indheer garadkii iyo Da’yartiiba way joogaan oo kamay idlaan ee waxaa xaqiiq ah Markasta oo uu Maamul xumi meel qabsado waxaa uu xooga saaraa oo uu ku dedaalaa sidii uu u hirgalin lahaa Macangagnimadiisa iyo xukun qarqooshnimadiisa, Oo waxaa uu Bulshada u qaybiyaa, Qaybo iska soo horjeeda oo midna aanu kan kale arki karin ama maqli karin, Oo waxaa uu abuuraa Nacayb iyo kala irdhayn uu Bulshada walaalaha ah, uu  kala dhex dhigo. IWM.
Haddaba Maalintii Maayar Cidin Berbera qabsaday kumuu iman jaceyl la jecelyahay, Aqoon uu qayrkii kaga hormaray iyo Fariidnimo uu ku kasbaday Maayarnimada ee, wuxuu Jaranjarada kusoo fuulay, Cunfi iyo nidaam qabyaaladeed, Oo uu markiisa horeba caan ku ahaa Mr Cidin. Wuxuu Duubka Derejada ku helay Tolaay yaa reer hebelaay, Reer Hebel baa inagu soo duulay, Xaalad abuur iyo qaylo dhaan dhiiladeeda wadatay oo aad u xun, walina Tiibuu wadaa oo wuuba sii kala tifay, Oo waxaad arkaysaa magaaladii Berbera ee laga xishoon jiray Qabyaaladda oo hada lagu xaragoodo.
Golahii deeganka ee ay ahayd inay xilka ku ilaaliyaan, lana xisaabtamaan oo shaqada ku daba galaan, mid walba meelbuu iskaga tiiriyey, waxaa uu ka dhigay qaar uu awood dheeraada siiyey Oo gacanta usii daayey si ay tooda ugu mashquulaan, qaar uu Saaxiibo dhaw ka dhigtay oo isaga u adeega. Iyo intii hoggaan sami wayday oo uu Faquuqay, iskastoo ay markay mudo Takoornaayeen ay intoodii badnayd u hoggaansameen si aanay Dhanwalba u seegin oo ay taas dambe isku qanciyeen.
Maayar Cidin, Reer berbera wuxuu u qaybiyey.
1- inuu reernimo iyo qabyaalad ku haysto.
2- inuu Laaluush iyo dhaqaale kula saaxiibo oo uu boobka u ogolaaday inay xeedhada gacanta la galiyaan, “Sida Ganacsatadii intii Wax haysatay oo kale”.
3- in iska danyar ahayd oo uu Shaqooyin yaryar siiyey oo bariiskooda ilaashada.
4- iyo in uu Cagta hoosteeda galiyey uuna ku amar kutaagleeyo oo ka cabsanaysa inay isagga iyo Maafiyada uu ku adeegtaaba ay dhibaato u gaystaan, Oo sugaaya uun inta uu meesha dhaafayo, ama iyaguba helayaan meel kale oo ay uga guuraan berbera.
Maayar Cidin, wuxuu samaystay dhalinyaro ay intooda badan hayb wadaagaan, Oo uu Mushahar ku siiyo sidii ay u buunbuunin lahaayeen, Oo ay Baraha bulshada uga faanin lahayeen, Wuxuu sameystay adeegayaal aan hawl kale ku mushahar qaadan oo u kala joogaa, Hargeisa, Burco, Berbera, gobolada kale ee Somaliland iyo dalka debadiisaba.
Wuxuu leeyahay darbaneyaal Sawira oo markiiba sawiradiisa u kala dira Daafaha dunida, iyagoo dadka ka iibinaaya IIDHEHYO raqiisa oo ah “Cidinbaa Geed laan ka jaray, Maayarkiiba, Cashuur dhaaf sameeyey, Maantana laamiguu istaagay, Caawana wuu khudbadeeyey, Maayarka Maayaradda, Ma cidbaa gaadhi karta, oo gaadhaysa. Bala bala bala” Iyo waxaan dhaamin.
Waxaaba uu Hadda marayaa Mashruuci ahaa “Anna I muuji oo Miidhayaha iga amaan adna Maal iyo Mushahar qaado”. In uu yidhaahdo anniga iyo Maayar Soltelco-da Hargeisa iskaaya garab dhiga oo waxaad tidhaahdaan          “Laacibka Berbera Sagaalka uga ciyaara Mr Cidin oo reer Hargeisa soo dalbadeen si uu Maayar ugu noqdo”. Kkkkkkkkkkkkk.
Waxaa uu ku bixiyaa dhaqaalihii ummada, ee ay ahayd inuu danyarta ugu adeego.
QORMOOYINKEENA DAMBE WAXAYNU KUSOO QAADANAYNAA,
1- Dhaqaalaha ay Berberi hesho sanadkii cadadkiisa, iyo halkuu maro.
2- Berbera iyo Hargeisi ma yahiin laba magaalo oo lays garab dhigi karo waayo?
3- Hadii berbera dhaqaalaheeda 50% ka mida loogu shaqayn lahaa siday noqon lahayd intuu Cidin Haystay oo kaliya?
W/Q, EngAhmed Muse Mohamed
Lasoco qaybaha dambe

Shirkada Kenya Airways oo maanta go’aan cusub kasoo saartay duulimaadyadii Muqdisho & Nairobi+Tartan adag oo ay geli la doonto….

$
0
0

Shirkada Kenya Airways oo maanta go’aan cusub kasoo saartay duulimaadyadii Muqdisho & Nairobi+Tartan adag oo ay geli la doonto….

Masuuliyiinta Shirkadda Duulimaadka ee Kenya Airways ayaa soo saaray go’aan cusub oo ay sheegeen inay ugu dambeyn go’aansadeen inay bilaabaan duulimaadyo toos ah oo Muqdisho iyo Nairobi ah.

Shirkadda ayaa labo jeer waxay hakad gelisay duulimaadyo ay toos kaga bilaabi lahaayeen magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, waxaana la filayay inay bilaabaan duulimaadyadaasi bishii November iyo badhtamihii bishan.

Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz ayaa sheegay inay heshiis la galeen shirkadda ALS oo ah shirkad bixisa caymiska iyo laysamadda duulimaadyada si loo bilaabo duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

Shirkadda Kenya Airways waxay sheegtay inay maalin kasta Duullimaad Toos ah Nairobi ka soo duulli doonto 1:00 Duhurnimo, waxayna Garoonka Aadan Cadde ku soo degi doontaa maalin kasta  saacaddu markay tahay 1:45 daqiiqo ee Duhurnimo, taasi oo lamid ah 45 daqiiqo kaliya inay u socon doonaan Muqdisho iyo Nairobi.

Sidoo kale Shirkadda ayaa sheegtay in duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi “Go and Back” ticket ahaan ku bixin doonaan 403 Dolar halka Bixid “Go” kaliya uu noqon doono 218 Doolar oo ah lacag ka badan diyaaradaha caadiga ah.

Shirkadda Kenya Airways ayaa Suuqa duulimaadyada taratan adag kula geli doonta Shirkadaha Ethiopian, Jabuuti iyo Turkish Airline oo hadda ka shaqeeya duulimaadyada Caalamiga ah ee Soomaaliya.

 

Tababare Jose Mourinho oo laga eryay shaqadii Manchester United

$
0
0

Wararka laga helayo Kooxda Manchester United waxa ay sheegayaan in shaqada laga eryay tababarihii kooxdaasi, Jose Mourinho, kadib labo sano iyo bar oo uu tababare u ahaa kooxdaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay kooxda ayaa lagu sheegay ”Kooxdu waxaa ay u mahadcelineysaa tababare Jose Mourinho, waxayn u rajeneysaa mustaqbal wanaagsan”.

United ayaa sidoo kale sheegtay in tababare kale oo kusime ah, leyliya na kooxda inta ka dhiman ixili ciyaareedkanla la magacaabi doono , inta kooxdu ay ka shaqaaleysiin doonto tababare kale. Manchester United ayaa kaalinta lixaad kaga jirta liiska kala horeynta kooxaha ee horyaalka Ingiriiska, waxaana 19 dhibcood ay ka hooseysaa kooxda Liverpool oo 3-1 uga adkaatay maalintii axadda.

Kooxda Manchester United oo xili ciyaareedkan dheeshay 17 ciyaarood ayaa waxaa ay heshay 26 dhibcood oo keliya, waxaana mudooyinkii dambe ay la kulmeesay guuldarooyin.

Tallaabadan shaqada lagaga eryay Mourinho ayaa timid kadib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay isaga iyo Paul Pogba oo sababtay in Pogba aanan la soo safin ciyaartii Anfield.

Kornayl Caarre oo Shaaciyey Inuu Jabhadiisa Mushaharkii u bilaabay+Hawlgalo uu sheegay inay fuliyeen & salaadiin uu u hanjabay

Xog-culcus+Khabiir Afsomaliga ku hadlaa oo ka shaqeysta Somalia/Somaliland Muddo 4o-sano ku dhawaada,Maxaa u fudueeyay+Maxay ku sanifay Faroole & Sh.Shariif+Maxay Xukumada Farmaajo ugu diiday inuu Muqdisho+arimo kale oo xasaasiya?

$
0
0

Xog-culcus+Khabiir Afsomaliga ku hadlaa oo ka shaqeysta Somalia/Somaliland Muddo 4o-sano ku dhawaada,Maxaa u fudueeyay+Maxay ku sanifay Faroole & Sh.Shariif+Maxay Xukumada Farmaajo ugu diiday inuu Muqdisho+arimo kale oo xasaasiya?

 

Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa shalay qoraal ay soo saartay shaqada kaga joojisay hay’adda cilmi-baadhista Sahan Research oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi, xafiis-yana ku leh Muqdisho, Hargeysa iyo UK.

Qoraalkan kuma saabsana eedeymaha loo jeediyey  run iyo been waxay tahay midna,Balse kaliya waxaan uga hadli doonaa cidda iska leh Sahan Research iyo waxyaabihii uu horey uga shaqeyn jiray. 

HAY’ADDA SAHAN RESEARCH

Sahan Research waxaa la aas aasay 2013. Waxay ahayd qiyaastii sannad uun kaddib markii Matthew Bryden oo ah aas aasaha Sahan Research uu ka fadhiistay shaqadiisii Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea (UN Somalia and Eritrea Monitoring Group).

Sida ku qoran mareegta internetka ee hay’adda Sahan, waxay shaqadeeda xoogga ku saartaa waddamada Bariga Afrika, Geeska iyo Bariga Dhexe halkaasoo kooxoo khibrad-layaal ah ay uga hawlgalaan. Waxay hay’adda cilmi-baadhis ku sameysaa kana faallo-bixisaa arrimaha siyaasadda, amniga, nabad-dhisidda iyo habka maamulka dowladda.

Waxay kaloo wax ka qortaa arrimaha bani’aadanimmada iyo barakaca oo ay hay’ado caalami ah mashaariic kaga qaadato.

YAA ISKA LEH SAHAN RESEARCH?

Matthew Bryden ama Matt Bryden waa agaasimaha fulinta Sahan Research. Waa 51 jir u dhashay Canada. Waxaa la sheegaa in markii uu ka tirsanaa Ciidamada Keydka Canada uu fasax ku yimid Afrika 1987, markaasna uu jeeclaaday inuu ka shaqeeyo mashaariicda Afrika. Sannadkii ku xigay ayuuna ka shaqo billaabay hay’adda CARE oo uu uga shaqeeyay magaalada Berbera. Wuxuu kaloo dhowr sannadood la taliye gaar u ahaa Danjirihii Canada u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya.

Qeybta ugu xiisaha badan ee Bryden ayaa ah muddadii uu madaxda ka ahaa kooxda UN Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Eritrea. Dad badan uma baahna in loo sheego shaqada UN Monitoring Group.

Sannadkii 2008 ayaa Matthew Bryden loo magacaabay Xiriiriyaha Kooxda Monitoring Group. Isla sannadkaasi waxay ahayd xilligii kooxaha burcad badeedka ay ka keceen xeebaha Soomaaliya, waxayna Kooxda Monitoring Group wax ka qoreysay macaashka siyaasiyiinta Soomaalida ka heli jireen dhaqaalaha ka soo baxa afduubka maraakiibta iyo shaqaalaha ajnabiga.

2010- 2012

Warbixintii kooxda UN Monitoring Group ee uu hoggaaminayey Bryden ee soo baxday 2010 waxay kooxdu ku sheegtay in Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole (hadda senator ka tirsan Aqalka Sare) uu lacag mushahar ah ka qaadan jiray budhcad badeeddii degganeyd Eyl. Badhtamihii sannadkaasi Madaxweyne Faroole si adag ayuu u beeniyay eedeynta budhcad badeeda ee loo soo jeediyay.

Sannadkii 2012 warbixin kale oo kooxdu soo saartay ayaa ku eedeysay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed musuqmaasuq xad dhaafay. Taasi waxay keentay in Dowladdii Ku-meel gaarka ee Shariif Sheekh Axmed ka soo saarto qoraal jawaab u ahaa eedeynta kooxda kuna tilmaantay Bryden “shakhsi kasoo horjeeda nabadda Soomaaliya”.

Dowladdii Sheekh Shariif waxay kaloo dalka ka mamnuucday Bryden iyadoo u jartay warqadda “persona non grata” oo ka mamnuucaysay in Bryden, oo ku iman jiray dalka magaca diblomaasiyiinta Qaramada Midoobay, inuu dalka soo galo. Isla sannadkaasi ayuuna Bryden ka tagay shaqadii kooxda UN Monitoring Group.

BRYDEN XAASKIISA

Bryden waxaa u dhaxda gabar reer Somaliland ah. Wuxuu si fiican ugu hadlaa Af Soomaaliga. Wuxuu mar sheegay inuu heysto baasaboorka Somaliland maadaama uu guursaday gabar reer Somaliland ah.

ERITREA

Waxaa xusid mudan in warbixinnada Kooxda Monitoring Group ee Bryden iyo saaxiibadiis ay qori jireen ay daboolka ka qaaday xidhiidhka Eritrea iyo al-Shabaab iyo sida Eritrea hubka ku soo gelin jirtay gudaha Soomaaliya.

RABSHADIHII BAYDHABO

Jimcihii dhowaa (14kii Disembar 2018) ayaa Wargeyska Washington Post qormo uu daabacay waxay ka faalootay xaaladda cakiran ee magaalada Baydhabo iyo doorashada Koonfur Galbeed. Qoraaga qormada Max Bearak ayaa wareystay Matt Bryden. Wuxuu Bryden dhaliilay siyaasadda qasab ku maquuniska ah ee Dowladda Federaalka kula kacayso Dowlad Goboleedyada. “Ma arko hab laga wada hadlay oo looga bixi karo xaaladdan” ayuu yidhi Bryden.


Hooyooyin Ku Ganacsada Agagaarka Madaxtooyada Somaliland oo Cabasho Ka Muujiyay Dawlada Hoose

Taariikhda magaalada Berbera Yuhuudii iyo Hindidii deganaan jirtay magaalada

Maxaad kala socotaa ujeedada  weftigii  Madax dhaqameedka Oromada ee Somaliland yimi?

$
0
0

Maxaad kala socotaa ujeedada weftigii Madax dhaqameedka Oromada ee Somaliland yimi.

Waxaa 15-kii bishan aynu ku jirno ee
December ee sanadka 2018 yimi Magaalada Hargeisa ee Caasimada JSL wefti madax dhaqameed ah oo uu hogaaminaayo Suldaan Gumiin Abboota Gadaa oo ka soo jeeda Qoomiyada Oromada ee Wadanka Ethiopia.
Weftigan oo ka koobnaa xubno madax dhaqameed ah oo ka soo jeeda Qoomoyada Oromada ee wadanka Ethiopia degan uguna balaadhan qoomiyadaha degan wadanka Ethiopia ayaa ujeeda ay wadanka u yimaadeen waxay ahayd in Xukuumada uu hogaaminaayo Muuse Biixi u dirtay Safiirka Somaliland u jooga wadanka Ethiopia Mudane Axmed Xassan Cigaal Suldaanka Guud ee Qoomiyadaaha Oromada oo la yidhaahdo

Abbaan Gadaa Booranaa si Suldaankaasi balan kulan ah uga soo sameeyo Muuse Biixi iyo Raysal wasaare Abbey Ahmed kadib markii Raysal wasaaraha cusub ee Ethiopia diiday inuu la kulmo madaxweyne Biixi. Kulankaas Suldaanka iyo Safiirka Somaliland u fadhiya wadanka Ethiopia ayay ka dhalatay in weftigan oromada ah ee dhawaan wadanka Somaliland yimi yimadaan, taas oo iftiiminaysa in meeqaamkii diblamaasiyadeed ee Somaliland hoos u dhigaysa isla markaasna cadaynaysa in Xukuumada Somaliland ay faro madhan ka taagan tahay arimihii geedi socodka ictiraaf raadinta iyo kasbashada wadama jarka la ah madama oo arinteedii ku soo ururtay inay miciin bido madax dhaqameedka ay hayb ahaan wadaagaan Raysal wasaaraha Ethiopia oo gebi ahaanba diiday inuu wax kulan ah ama qaabilaad siiyo madaxda Somaliland ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Biixi.
Waa markii ugu horaysay tan iyo intii la aas-aasay Somaliland uu xidhiidhka Ethiopia iyo Somaliland halkaas gaadho, waana mid ay horseed u tahay hogaaminta Muuse Biixi oo Haatan u muuqata mid laga soo laab-laabay saxiibadii Somaliland lahayd, taas oo imika horaanteedii la arko in arimihii Somaliland ku soo ururtay madax dhaqameed hayb wadaag la ah cidaas xukunka haysa.

Halkani ka daawo doodii dhexmartay aqoonyahamiinta Somaliland iyo Somaliya oo dhamaystiran

Wax ka Baro Doorashooyinkii JSL ka qabsoomay 25-kii sano ee la soo dhaafay iyo Dimuqraadiyada curdinka ah ee JSL.

$
0
0

Asaaskii  Jamhuuriyada Somalilaan :

Somalilaan waxaa lagu aas aasay Magaalada Burco Taariikhdii 18 May 1991
Qaabka Dawladnimo ee Somalilaan: Waa Dimuqraadi curdin ah oo leh Laamihii fulinta, Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen la doortay 5 tii sanadoodba mar.
Waaxda Xeer Dejininta : Waxay ka kooban tahay Golaha Guurtida oo 82 xubnood ah iyo Golaha Baarlamaanka oo 82 xubnood ah kuwaas oo la soo doorto labada goleba. Labada Gole ee xeer dejintu waa xubno ka wakiila shacabkii soo doortay.Golaha Barlamaanka waxaa la doortaa 5-tii sanadoodba mar, halka Golaha Guurtida la soo doorto 6-dii sanadoodba mar. Waaxda Garsoorka : Waaxda garsoorka ayaa ka kooban Maxkamadaha iyo xeer ilaalinta , Maxkamada Dastuuriga ah ama maxkamada sare ayaa ah Hayada ugu sareysa Garsoorka Somalilaan.

Doorashooyinkii Somalilaan u qabsoomay 25 -kii Sanadood ee la soo dhaafay:

1- Doorashadii shirbeeleedka ee Boorama ka dhacday sanadkii 1993 waxaa is soo sharaxay Mahamed haji ibrahim Cigaal, Abdirahman Aw Ali tuur ( AHN), Omar Carte Qaalib iyo Ahmed Mohamed Halac. Waxaana madaxweyne loo doortay oo ku guuleystay marxuun Mohamed haji Ibrahim Cigaal ” AHN”. Madaxweyne Cigaal wuxuu Somalilaan kala dabaashay waqti aad u adag oo ahaa waqtigii ugu adkaa ee abid Somalilaan soo mara xag colaadeed iyo xag dhaqaale xumo labadaba.

2- Doorashadii shirbeeleedka ee Hargeisa ka dhacday 1997 Waxaa is soo sharaxay; Mohamed Haji Ibrahim cigaal, Mohamed hashi cilmi iyo Saleebaan Mohamoud Adan (salebaan gaal) Waxaana goobtaa madaxweyne loogu doortay Mohamed Haji Ibrahim Cigaal.(AHN) halkaas oo Madaxweyne Cigaal uu tiirarka dawladnimo u taagay dawladnimada Somalilaan oo uu waqtigaa u sameeyey Dastuur, Xeerar iyo xeegaano ku saleysan habka xisbiyada badan ee maanta dalka ka jira.

-Taariikhdu markau aheyd 31 May 2001 ayaa aftidii Dastuurka ee gooni isu taaga Somalilaan la qaaday, shacabka reer Somalilaan ayaa 97.1% waxay u codeeyeen in Somalilaan gooni isu taagto oo xornimadeedii kala soo noqoto dawladii Somaliya si ay Somalilaan u noqoto dal ka go’ay Somaliya oo aan ka tirsaneyn Dawlada Federaalka noqotay ee Somaaliya.

3- 15 December 2002 – Waxaa dhacday doorashadii ugu horeysay ee golayaasha degaanka oo ka tartamay 6 urur siyaasadeed, waxaana doorashadaa ku soo baxay sadex Xisbi qaran oo kala ahaa : Udub, Ucid iyo Kulmiye.

4- Doorashadii madaxtooyada ee dhacday sanadkii 2003 taas oo aheyd doorashadii JSL ugu horeysa ee ku dhacda hal qof iyo hal cod. Waxaana isa soo sharaxay Dahir Riyale Kaahin, Faysal Ali Waraabe iyo Ahmed Mohamoud Siilaanyo, Waxaana 80 cod ku helay Daahir Riyale Kaahin. kadib markii ay kala heleen 42.90% Dahir Riyaale , 42 .10 % Ahmed Mohamoud Siilaanyo iyo 15 % Faysal Ali Waraabe helay. Doorashadan waxaa taariikhda loogu duugay in Ahmed Siilaanyo oo ay dabada ka wadaan mucaaridkii abid ugu adkaa Somalilaan in uu Daahir Riyaale u tanaasulo oo yidhaahdo kelmeda dhaxalka u gashay ee uu yidhi ” Kursi Dhiig ku daatay ku fadhiisan maayo ”

5- 29/9/ 20005 : Waxaa dhacday doorashadii Baarlamaanka waxaana u tartamay 246 musharax oo u tartamayey 82 kursi ku waas oo ka kala sharaxnaa 6-da Gobol ee Darajada A ah. Musharaxiintaasi waxay ka kala socdeen 3-da Xisbi qaran waxaana ay kuraasta u kala heleen sidan: Udub = 33 Xildhibaan. Ucid = 21 xildhibaan. Kulmiye = 28 xildhibaan.

6- Doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2010 oo aheyd doorasho hal cod iyo hal qof ah, Waxaa tartamay Daahir Riyale Kahin, Ahmed Siilaanyo iyo Faysal ali Waraabe; Waxaana boqolkiiba 49.50 % ku guuleystay Ahmed mohamoud Siilaanyo. Dahir Riyaale wuxuu helay 33.23 %. Faysal Ali Waraabe wuxuu helay 17.18 % .

7- 15/11/2012 – Waxaa dhacday Doorashadii 2-aad ee Goleyaasha degaanka ee Somalilaan: Waxaa tartamay 7 urur Siyaasadeed oo kala ahaa Rays, Ummada, Xaqsoor, Dalsan, Wadani, Ucid iyo Kulmiye.Waxaa ka qayb galay 2368 musharax oo u tartamay 379 kursi. waxaana ku soo baxay sadexda xisbi qaran ee Wadani, Ucid iyo Kulmiye.

8- Doorashada madaxtooyada ee dhacaday 13/11/17 waxaa tartamay Faysal Ali Waraabe, Abdirahman Mohamed Ciro iyo Muse Biixi Abdi waxaana ay guushu raacday Muse biixi Abdi oo ku helay cod aqbaliyad ah oo 55.1% ah, Abdirahman Ciro wuxuu helay 40.73%, Faysal Ali Waraabe wuxuu helay sidii caadada u aheyd tirada ugu yar codadka oo ah 4.17% , ka dib markii laga dhawaajiyey in doorashadas ay ku gedaamnaayeen mugdi iyo mad-madow fara badani, ayaa Abdirahman Ciro laga guntay odhaahda ah ” umaan tanaasulin Muse biixi Abdi ee dalkeygu damacayga ku burburimaayo dhiigna ugu daadan maayo”

Juquraafi ahaan JSL waxay dhacdaa : Geeska Afrika waxaana ay xuduudo la leedahay sadex wadan oo kala ah Itoobiya, Jabuuti, Somaliya iyo Gacanka Cadmeed.
Qaab dhismeedka JSL wuxuu ka kooban yahay Gobolo iyo Degmooyin : JSL waxay ka kooban tahay 6 Gobol oo Darjada A ah iyo 8 Gobol oo Darajada B ah oo isku darkoodu noqonayo 14 Gobol. Degmooyinka ay ka kooban yihiin Gobolada Somalilaan waa 100 Degmo oo isgu jira 55 Degmo oo Darajooyinka A ilaa D ah iyo 45 Degmo oo ah Degmooyin ku meel gaadh ah maadaama aanay weli buuxin shuruudihii isku filnaashaha degmanimo ku waas oo Darajadoodu ay weli ka hooseyso Darajada D. Caasimada Somalilaan: Waa Hargeisa waxaana ku nool shacab gaadhaaya ilaa 1.3 Million qof oo dhalinyaro u badan.Shacabka JSL waxaa lagu qiyaasaa 4 Million .

Baaxada Dhulka ama bogcada barakeysan ee ay Jamhuuriyadda Somalilaan ku fadhido ayaa cabirkeedu yahay ilaa iyo 167,120 km2.
Xeebaha Jamhuuriyada Somalilaan ayaa cabirkoodu gaadhaa 870 Km. Lacagta Somalilaan waa Somalilaan shilling.JSL waxay leedahay Calan iyo astaan u gaar ah.
Luqadaha shacabka reer Somalilaan ku hadlaan ayaa kala ah : luqda koowaad Somaali, luqada labaad waa Carabiga iyo luqada sadexaad oo ingiriisi ah .
JSL waxay leedahay Dekedo iyo Xarumo Ganacsi : Dekeda ugu weyni Somalilaan waa Dekeda Berbera oo dhacda Gacanka cadmeed , xarunta ganacsiga ugu weyni waa Suuqa Wajaale oo dhaca xadka itoobiya, Badeecadaha dhoofinta ugu badani waa : Xoolaha nool oo isugu jira Adhi, Geel iyo Lo’, macdano kala duwan iyo xabagta oo fooxu ugu badan yahay.

Somalilaan waa dawlad isku tashatay oo leh dal, dad iyo dan qudha. Geedi socodka Doorashooyinka Somalilaan ee 25-kii sanadood ee la soo dhaafay soo socday waxaa laysku raacay in 18 – kii biloodba ay Doorasho ama Diiwaan gelini dhacdo. Hadaba sanadka soo cocdana ee 2019 ka ayaa la filyaa in ay dhacaan Doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Baarlamaanka iyo Goleyaasha Degaanka oo mudadoodii dhaafay.

Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
.

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>